Iyada oo ay tahay markii ugu horreeysay ee uu Ra’isulwasaare Kheyre booqdo Puntland hadana waxaa loo soo dhaweyey si diiran oo ka duwan qaababki hore ee loo qaabili jiray Raisul Wasaareyaashii hore.
Waxaa jidadka si weyn ugu soo baxay shacab wata labada calan ee Soomaliya iyo Maamul Gobolleedka Puntlad.
Hase ahaatee, arintan oo aan ahayn mid ku cusub maamulka Puntland marka uu soo booqdo mas’uul ka tirsan dowladda dhexe hadana waxaa is qabaneyn muxubada ay muujiyeen iyo sida ay ficil ahaan ula falgalaan Muqdisho.
Waxaa caadi noqotay in Maamuka Puntland ay wax walba ku khilaafaan dowladda dhexe iyaga oo su’aal ka keenaa amarada iyo shaciyadda ka soo baxa goleyaasha dowladda dhexe.
Waxaa ugu daran marka ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe sida in ay yihiin nidaam ka madax banaan!
maamulka hadda talada Garowe haya ee uu xilkaasa dhamaanayo waxa ay hormuud ka noqdaan iska horkeenidda dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Federal-ka ilaa uu hoggaamiye ka noqday urur iskaashi ay sameysteen maamul gobolleedyada Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ah madaxweynaha Puntland.
Hadaba, soo dhaweyntii la yaabka lahayd ee Maamulka Land loogu sameeyey madaxweyne Farmaajo iyo midda maanta Kheyre soo lama oran karo waa laba wajiileyn dhaqan u noqotay Maamulka Puntland.
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xilligii Berri-samaadka ee ay Dowladihii Rayidka iyo tii Kacaanka majaraha u hayeen Talada dalkeenna, waxay Hay’addaha Ammaanka ahaayeen kuwo Nidaamsan oo lagu jiheeyey Shaqaooyin Cayiman oo lagu xoojinayo Ammaanka iyo Nabad-sugida dalka.
Ciiddanka Nabad-sugidda oo xilligaasi la oran NNS-ta waxay ahaayeen kuwo leh Hay’ad Guud, Maamul Nidaamsan iyo Ciiddamo dhar-cad ah, kuwaasi oo si qarsoodi u gudan jirey Waajibaadkooda.
Waxaana ugu hawl adkaa Ciiddanka NSS-ta ee Dabagalka Ajaaniibta iyo Dembiyadda Qorsheysan iyo kuwa hawlahooda Xooraansiga ku koobnaa goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan, sida Suuqyadda, Baararka, Hoteelladda iyo Goobaha kale ww Adeegyadda Ganacsiga.
Hawl-gudashadooda ayaana ahayd mid miro-dhal ah, oo aysan cid kale la wadaagi jirin, ma ahayn NSS-ta ciiddan argagax geliya Bulshadda ama geysta xad-gudubyoi kale, marka laga reebo Dembiilayaasha ay baacsiga ku hayaan iyo kuwa uu raadku soo galo.
Xilligaasi, Ciiddanka NSS-ta ma ahayn kuwo xulashadooda kooban tahay, balse waxa xubahooda laga kala keeni jirey qeybaha kala duwan Bulshadda, looma eegi jirey qaababka waayadan dambe lagu shaqaaleysiiyo.
NSS-ta ma aysan ahayd Ciiddan ku hubeysan Hubka muuqda iyo Gaadiidka Teknikadda ee lagu rakibo Qoryaha Culus, waxaana Ogaalkayga ahaayeen kuwo ku hubeysan Bistoolado, iyado oAskari kasta lagula xisaabtami jirey hubka uu ku hawl-geli jirey.
Sugidda Ammaanka oo ah Muraayadda Qaranka ayaa waxay Somalia ku kasbatay inay ka mid noqoto dalalka ugu Sirdoonka fiican, balse, tan iyo burburkii Dowladnimo waxa uu Ciiddankii NSS-ta noqday mid ku dhex milmay Xaalladihii taagnaa.
Dowladihii KMG ilaa Dowladda Federalka waxay bilaabeen Dib-u-dhiska iyo Dib-u-habaynta Ciiddankaasi oo magacii NSS-ta ee lagu yaqiinay lagu beddelay Ciiddanka Sirdoonka iyo Amniga Qaranka ee NISA,
DFS waxay xalay shaacisay in Ciiddankii NISA ee Gobalka Banaadir la kala diray, laguna wareejiyey Ciiddanka Boliska ee Gobalka Banaadir.
Qaar ka mid ah Ciiddankaasi ayaa la sheegay inay noqon doonaan kuwo dhar cad ahaan ku shaqeyn doona.
Xeeldheerayaasha Ammaanka ayaa sheegay in Nidaamkaasi yahay mid Heer Caalami ah oo la jaanqaadi kara Istaraatijiyadda rasmiga ee Ciiddankaasi loo yegleelay inay ku gutaan Hawlaha loo xil-saraay ee Ammaanka iyo Sirdoonka.
Waa hubaal in culaysyo laga dareemi karo sida ay Ciiddanka horey uga tirsanaa Taliska NISA ee Gobalka Banaadir, waxaana la filan kara qaladaad farsamo iyo caqabado kale, haddii aysan Saraakiisha Hay’addaha Ammaanka ee Khibradda leh u furin Ciiddankaasi Tababaro sare loogu qaadayo Aqoontooda iyo Hawl-fulinta cusub ee ay ugu adeegayaan Bulshadda Soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Isbedelkaasi ma waxa uu noqon doonaa Tijaabo KMG ah, mise Qorshaha Ciiddankii Nabadsugidda Gobalka Banaadir si rasmi ahaan ayaa loogu biiriyey Ciiddanka Boliska ee Gobalka ?
Isha: Dalsan Radio
Kamaal ayaa kulnkaas ka sheegay inay u baahan yihiin inay dowladda Soomaaliya dhaqso ku dhawaaqdo xisbiga doorashada u matali doono iyo musharaxooda isago sheegay inay tartan adag la geli doonaan.
Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi oo khudbadda qaatay Kamaal kadib ayaa isna halkaas ka jeediyey jawaab culus isagoo sheegay inay dowladda Soomaaliya soo wado xisbi tayo leh oo noqon doono midka ugu sareeyo dalka sida uu hadalka u dhigay.
Mahadi ayaa sheegay inay wadaan howsha diyaarinta xisbiga isla markasna ay dhawaan ku dhawaaqi doonaan.
Sidoo kale Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaliya ayaa kulanka ka sheegay in musharaxa xisbiga dowladda uu noqon doono Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waa markii ugu horeysay oo uu Mas’uul dowladda ka tirsan ka hadlo xisbiga ay dowladda hadda talada heyso sameysan doonto iyo hadda hoggaanka u noqon doonto inkastoo la saadaalinayo inuu xisbigaas noqon doono mid ay ku tartamaan madaxda ugu sareyso dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.
Waxaa macquul ah in madaxda ugu sareyso dalka ay sameystaan xisbiyo kala duwan maadaama Soomaaliya looga bartay in aad loogu loolamo kursiga madaxweynimo.
Waxaa laga war sugayaa xisbiga ay dowladda ku dhawaaqi doonto iyo qaabka uu noqon doono iyadoo la ogyahay inuu aad usoo dhow yahay waqtiga la sheegay inay ku eg tahay diiwaan gelinta xibsiyada .
Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa marba mid kula kulmayo xubnihii kula tartamayey Musharnimada kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwii sida weyn usoo can bixiyey ololihii loogu magac daray “No More Abgaal”.
Xasan Shiikh ayaa kulamo is cafin ah wuxuu la kala qaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyadoo uu kasii horeeyey midkii uu la yeeshay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.
Kulanka Xasan iyo Cabdiraxmaan
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha sida aadka ah u mucaaradsan dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo ay gaareen heshiis iskaashi..
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Xasan Sheekh ku xaqiijiyey kulankan, oo ka dhacay dalka Turkiga, waxaana qoraalkiisa ka muuqday digniin ay madaxda dowladda ugu dirayaan inaysan isku koobin talada dalka.
“ Waxaan kulannay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo igu soo booqday magaalada Ankara ee Turkey. Md Cabdiraxmaan waxaan ka wada hadalnay caqabadaha maanta haysta dalkeenna iyo Fursadaha jira ee looga gudbi karo. Waxaan isla garannay in Soomaaliyada maanta ay u baahan tahay in la ballaariyo saaxadda siyaasadeed ee lagu qaabeynayo dowlad dhisidda iyadoo si qoto dheer looga fakarayo xaaladda siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika ee aan ka tirsannahay”
Kulankii Fiqi iyo Xasan Shiikh
Axmed Macalin Fiqi oo kamid ahaa siyaasiyiinti sida weyn uga soo horjeeday Xasan Shiikh Maxamuud isla markaasna qeyb ka ahaa qorshihii uu Farmaajo ugu guuleystay Doorashada Soomaaliya ayaa booqday gurisga uu Xasan Shiikh Maxamuud ka dagan yahay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Hon Ahmed Fiqi ayaa booqashadaas kadib boggiisa rasmiga ah ee Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo booqashadii uu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ugu tagay gurigiisa iyo haddii ay labada siyaasi heshiiyeen.
“ Kala maqnaansho dheer, kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo rag & xaalkii ah ka dib, waxaan xalay guriga uu deggan yahay Ankara ku booqday H.E. Xasan Sh. Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo soo dhowayn iyo marxabayn badanna aan kala kulmay”
Soomaalida ayaa ku maahmaahda “doqoni waxey ogayd meeshii lagu diriray ee ma ogayn halka lagu heshiiyey “, waxaan madaxweynaha isla Xirnay xisaabta cutubkii hore, annagoo si qoto-dheer uga sheekaysannay siyaasadda dalka waqtigii la soo dhaafay iyo mustaqbalka, xog-ogaalnimo badan & waaya-aragnimo dheer ayaan ka kororsaday mudadii aan wada qaadannay madaxweynaha.
“No More Abgaal” iyo Shakhsiyaadkii waday:
Waxaa jirtay in dad badan oo Soomaaliyeed ay ku baaqayeen is beddel intii muddo ah, is beddelkaas oo la doonayey in lagu beddelo hoggaankii jiray waqtigaas ee Xasan Shiikh Maxamuud , balse intii ololaha lagu jiray ayaa waxaa soo baxay koox ku shiraakowday inay qabiileeyaan is beddelka oo billaabay inay faafiyaan hal ku dhig qabiil naceyb ah oo oranaya “no more Abgaal” ama “Abgaal dambe maya”.
waxaa loo xilsaaray inay suuqa geliyaan “no more Abgaal”
Xasan malaga raali geliyey “No more Abgaal”?
Siyaasadda malahan saaxiib joogta ah balse waxay leedahay dan joogto ah, waa oraahda siyaasadda iyo siyaasiyiinta lagu qeexo.
Sidaa darteed “No more Abgaal”? waxay u muuqataa in laga soo gudbay isla markaasna hadda ay isku soo dhawaanayaan siyaasiyiintii ku loolami jiray maadaama Maanta la isku dan yahay.
Waxaa muuqato in Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Fiqi ay markaan Xasan Shiikh kasoo gashay dantooda maadaama ay dowladaan ka waayeen xilalkii ay filayeen.
Labadaan siyaasi ayaa Shalay Xasan Shiikh uga hiiliyeen No More Abgal, maantana isaga ayaa lala heshiiyey taasna waa qeyb kamid ah siyaasadda oo danley iska ah.
Asmara (Caasimadda Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa mar kale dib usoo nooleeysay ka hadlidda lacagtii ay dowladda Soomaaliya kala wareegtay markii lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho xilli ay taagan xiisad siyaasadeed oo u dhaxeyso Madaxweyne Farmaajo, Khere iyo Jawaari.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaan lacagtaas lasoo marsiin wadadii sharciga aheyd waxayna ku dooday inay aheyd wax aan lagu wargelin in lacag intaas la eg diyaarad lasoo saaro waqti xasaasi ah.
Dr. Anwar Gargash oo ah Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay laba arrin oo xasaasi ah oo ku saabsan khilaafka kala dhaxdeyo Soomaaliya xilli uu Farmaajo joogo Asmara.
Midda koowaad ayuu Dr. Anwar Gargash ku sheegay inay dowladda Soomaaliya uga fadhiyaan raagelin.
Wuxuu sheegay in lacagta 9-ka Malyan ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde ay aheyd mid loo waday Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwii ay iyaga tababari jirtay oo hadda la kala diray.
Isagoo Khudbad ka jeedinayey Xarunta Cilmi-Baarista ee Policy Exchange ee magaalada London ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay haatan qiratay khaladka ay ka gashay Imaaraadka isla markaasna ay hadda ka sugayaan raali gelin buuxda.
“Waxaan ka sugeynaa dowladda Soomaaliya inay raalli galin ka bixiso khaladkii ay naga gashay” ayuu yiri wasiirka
Midda labaad Wuxuu ku sheegay inay jiraan dadaalo lagu doonayo in lagu soo dhameeyo khilaafka labada dowladood oo soo jiitamayey muddo badan.
Ma uusan sheegin cidda ama Dowladda dhex dhexaadintaas ka dhex sameeneyso Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya balse waxaa loo badinayaa inay tahay dalka Eratariya oo uu Safar ku joogo Madaxweyne Farmaajo.
Dowladda Imaraadka Carabta ayaa cadaadis weyn saartay midda Soomaaliya tan iyo markii dowladda ay diiday inay xiriirka u jarto dalka Qatar.
Khilaafka ayaa cirka sii galay markii dowladda Imaaraadka Carabta ay garab ka heshay Madaxda Maamul Goboleedyada taaso keentay inay dowladda Soomaaliya gasho jahwareer siyaasadeed oo miisaankeeda ka badan.
Garoonka Garoowe waxaa kusoo dhoweeyey mas’uuliyiintan madaxda sare ee maamulka Puntland iyo sidoo kale dadweyne badan.
Boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay barxadda weyn ee magaalada Garoowe, halkaas oo ay doonayaan iney kaga qeybqaataan soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha.
Magaalada Garoowe oo dhan waxaa lagu xardhay boorar uu ku dheggan yahay sawirka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Waxaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaare Kheyre uu booqdo magaalooyin kale oo Puntland ah, dhanka kalena wuxuu ka qeybgali doonaa sanad-guuradii 20-aad ee aas-aaska maamulka Puntland oo dhici doonta 1-da bisha August.
Wafdiga Ra’iisul wasaaaraha ayaa waxa kamid ah qaar ka tirsan golihiisa Wasiirada, xildhibaano iyo tageerayaal kale oo la sheegey in qaarkood muddo asbuuc ah kaga soo horeeyeen magaalada Garoowe kuwasoo la filayo iney ka qayb qaataan soo dhaweynta loo sameynayo wasiirka Kowaad ee xukuumadda FS.
Xasan Cali khayre oo safarkaan u ah midkiisii ugu horeyeey oo uu ku yimaado Puntland tan iyo intii xilka loo magacaabey Febuary 2017, ayaa waxaa uu ku soo beegmaya xilli Puntland ay ku jirto xaalado coladeed iyo kuwo siyaasadeed, sida doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan maamulkaan sanadka 2019.
“Madaxweyne Gaas waxuu isaga sii jeedinayaa booqashada Khayre cadaadiska ka haysta furumaha Tukaraq iyo doorashooyinka taasoo uu rabo inuu maalmo shacabka reer Puntland isaga mashquuliyo,” sidaas waxaa yiri siyaasi ku sugan magaalada Garoowe oo diidey in aan magaciisa xusno.
Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale booqashadiisa Garoowe waxaa lagu tiilmaamey mid ku soo beegmeysa xilli magaalada Muqdisho ay ka haystaan culeyso siyaasdeed iyo kuwo amni.
Waxaa tusaale u ah fashilka ku yimid qorshihiisii xasilinta magaalada Muqdisho kaasoo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya dabada ka riixayey, iyadoo amniga xarunta dowlada Soomaaliya lagu wareejiyey ciidamada booliska kulankii maalintii khamiista golaha wasiirada yeesheen..
Dadka la socda siyaasada Villa Soomaaliya ayaa aaminsan in marka laga soo tago codsiyada horey ugaga yimid xubnaha golayaasha kaga jira dowlada Federaalka Puntland in Khayre booqasho ku tago maamulkaan ayaa haddana waqtiga ay dhaceyso waxaa loo dhihi karaa iney tahay fursad shacabka indhahiisa uu kaga weecinayo culeysyada ka jira Muqdisho.
Madaxweyne Gaas ayaa dhinaca kale dalab hordhigey imaanshaha R/W Khayre ee magaalada Garoowe isagoo horey ugu sheegey inuu geynayo Garacad halkaasoo uu rabo in loo soo dhagax dhigo dakad la sheegey in laga dhisayo tuuladaas.
Xasan Cali Khayre ayaa waxaa kala hadlay dalabka kaga yimid Gaas ee ku aadan dhagax dhiga Dakadda Garacad xildhibaano kasoo jeeda Galmudug iyo kuwo kasoo jeeda gobolka Barri “Puntland” kuwasoo welwel ka muujiyey booqashada RW Xasan Cali Khayre ku tagayo tuuladaas.
Xildhibaanada kasoo jeeda maamulka Galmudug ayaa sida aan wararka ku heleyno waxay u sheegeen Khayre in dhagax dhig kale oo dowlada Feederaalka ku sameyso dekad kale ay caqabad ku tahay qorshaha la damacsan yahay in dekad lagaga dhiso degmada Hobyo taasoo Madaxweyne Famaajo uu dhagax dhigey January 2018, halka mudaniyaasha kasoo jeeda gobolka Barri ee Puntland Ra’isal wasaare Khayre dhinacooda u sheegeen in Madaxweyne Gaas dakado kale dhisayo halka uu ku guuldareystey in dakada Boosaso qorshihii lagu balaarin lahaa ama weli la bilaabin iyadoo dib u dhac weyn ka jiro uu sabab u yahay.
Ugu dambeyn, booqashadaan ayaa ah midii labaad ee mas’uul sare oo ka tirsan DF Soomaliya ku yimaado Puntland tan iyo intii ciidamada Somaliland January 8, 2018 qabsadeen tuulada Tukaraq ee gobolka Sool.
Asmara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho ku joogo Magaalada Asmara ee dalka Elatariya, waxaana durba bilaabatay saameyn xoog leh oo uu safarkaan ku yeelan doono xiriirka u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.
Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay dhigiisa Afwerki, waxayna Casuumaadaan kusoo aaday xilli ay taagan tahay hadal heyn ku aadan inay Imaaraadka heshiiska Soomaaliya usoo mari doonto dowladaha Itoobiya iyo Eretariya oo ay sanado badan kadib heshiisiisay.
Sababta ay dowladda Imaaraadka u heshiisiineyso dowladaha Itoobiya iyo Eretariya ayaa loo fahansan yahay inay tahay sidii cadaadis loogu saari lahaa dowladda Jabuuti oo dhawaan dalkeeda ka ceyrisay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayey dadka ku xeel dheer siyaadda ku tilmaameyn inuu carqaladeyn doono ama xumeyn doono xiriirka ka dhaxeeyo dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya.
Madaxweeynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaan ku farxin socdaalka Asmara maadaama xurguf dhuleed uu ka dhaxeeya waxaana reer Jabuuti ay hadda hadal hayaan in Safarka Farmaajo uu dhabarjab ku noqon karo.
Dr. Maxamed Xasan oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo siyaasadda ku takhasusay ayaa tilmaamay inay qalad aheyd inuu Farmaajo waqtigaan Asmaro tago maadaama ay taagan tahay xiisadda ka dhaxeyso Imaaraadka iyo Jabuuti.
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle weli ma uusan ka hadlin arrintaan balse sida xogta lagu helayo waxay arrintaas ku noqotay lama filaan .
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dardargelin ku wado loolanka ay ku dooneyso inay kula wareegto Xeebaha Geeska Africa waxayna hadda arrintaas isku khilaafsan yihiin dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa iska hor keentay dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada kadib markii laga diiday dalabkeedii ahaa in xiriirka loo jaro dalka Qatar.
Sidoo kale waxay hadda diyaarinteeda wadaa sidii buuq iyo qalalaaso siyaasadeed loogu furi lahaa dalka Jabuuti iyadoo la isku dirayo iyada iyo Eretariya oo uu muddo badan ka dhaxeeyey muran dhanka dhulka ah.
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu soo baxay amar lagu mideynaayo Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska Somalia ee gobolka Banaadir ayaa waxaa arrintaasi dhaliilo kala duwan ka muujiyay Siyaasiyiin iyo dad shacab ah.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah shaqsiyaadka sida weyn u dhaliilsan dowlada ayaa sheegay in tilaabadaan mideynta ah ay dhabar jab iyo Sharaf dhac ku tahay taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa uu tilmaamay in tilabadaan ay ka hor imaanayso dhismihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uuna carab dhabay in labada ciidan aysan iskumid ka aheyn dhanka tababarka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa uu sheegay in ciidamada Nabadsugida Somalia ay ku fashilmeen howlaha amni ee Gobolka Banaadir, waxa uuna cadeeyay in indha adeegooda ay ku bahdili karaan Booliska.
Sidoo kale, waxa uu ka digay in Saraakiisha taliska Booliska ay aqbalaan qorshaha loogu daray ciidamada Nabadsugida oo uu sheegay inay keeni karto dhibaatooyin aan iminka muuqan.
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ganacsato kasoo jeeda Gobolka Banaadir ay Dacwad ka dhan ah Wasiirka Ganacsiga u gudbiyeen Xafiiska Ra’isul wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Kheyre.
Wararku waxa ay sheegayaan in dacawada Ganacsatada ay tahay mid salka ku heysa in Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu caqabad ku yahay ganacsigooda. Dacwada Wasiir oo gaartay Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lasoo sheegayaa in lagu hayo baaritaan lagu xaqiijinaayo xaqiiqda dacwada.
Waxa ay Ganacsatadu ku eedeysay Wasiir Maxamed Cabdi Xayir maareeye inuu ka hor istaagay howlo Ganacsi oo dhowr ah, taasina ay ugu wacan tahay inay gudbiyaan dacwada.
Mid kamid ah Ganacsatada oo dacwadaasi nooga xog waramay ayaa sheegay in Wasiir Maxamed Cabdi Xayir maareeye uu ku kordhiyay lacagaha sharci darada ah ee ku dhacda Xafiiskiisa, xili ay dowlada Somalia ka qaado lacago canshuur ah.
“Ma suuragaleyso inaan bixino canshuur hadana nalaga qaado lacago sharci daro ah uma dulqaadan doono baacsiga uu nagu hayo Wasiir Maareeye”
Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayay ka dalbadeen inuu baaritaan ku sameeyo Wasiirka iiyo Wasaaradiisa oo ay sheegen inay rug u noqotay sharci darro.
Sidoo kale, Dacwadan ayaa daba socta mid hore oo Ganacsatadu ay uga cabaneysay Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir maareeye oo faragalin ku haya Ganacsatada.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa horay u sheegay inuusan ka raali noqon doonin musuq-maasuq, waxaana xusid mudan in Wasiiro dhowr ah ay xilkooda ku waayen musuqa.
Dubai (Caasimada Online) – Isku soo dhowaanshaha Ethiopia, Eritrea iyo Imaaraadka Carabta ayaan ahayd wax si caadi ah ku yimid, balse waa siyaasad lasoo dhisay oo la doonayo in lagu dhaawaco Jabuuti iyo Soomaaliya, oo Abu Dhabi ay u aragto cadow halis ku ah.
Ayada oo ay jirto in Imaaraadka uu muran dekadeed kala dhaxeeyo Soomaaliya iyo Jabuuti, saaxiibtinimada Abiy Ahmed iyo Imaaraadka ayaa dhaawici karta xiriirka Ethiopia la leedahay Soomaaliya iyo Jabuuti, oo sida ay hadda wax u socdaan aan ku faraxsnaeyn.
Caasimada Online ayaa ka warhaysa in Soomaaliya, Jabuuti iyo Sudan aysan ku faraxsaneyn go’aanka deg degta ah ee Abiy ku ogolaaday in xayiraadda dhaqaale looga qaado Eritrea, taasi oo ay kasoo shaqeysay Imaaraadka Carabta.
Haddii Imaaraadka Carabta uu gacanta ku dhigo Eritrea oo dekado leh, iyo Ethiopia oo ah dalka uga ballaaran uguna awoodda badan Geeska Afrika, wuxuu si darran oo siyaasadeed iyo dhaqaaleba u ciqaabi karaa Jabuuti, oo ka baxday heshiiska ay la gashay shirkadda DP World iyo Soomaaliya oo diidan heshiisyada dekadaha Berbera iyo Boosaaso.
Dekadda Doraleh ee Jabuuti ayaa waxa ay si aad ah ugu tiirsan tahay dalka Ethiopia, oo 95% badeecadaha gala halkaas looga soo dejiyo. Sidaa darteed, Imaaraakda ayaa doonaya in badeecadahaas loo kala weeciyo dekadaha Berbera iyo Asssab, Eritrea, si dhaqaalaha Jabuuti dhulka loogu dhufto.
Marka ay noqoto Soomaaliya, Imaaraadka ayaa Ethiopia iyo mamaul goboleedyada dalka Soomaaliya u adeegsanaya inaysan xasilooni siyaasadeed ka dhicin dalka, si aysan Soomaaliya halis dhaqaale u noqon, maadaama ay aad uga weyn tahay Eritrea, ugana dekado badan tahay.
Ujeedka ugu dambeeyey ee Imaaraadka Carabta ayaa ah inay maamulaan dhammaan dekadaha iyo dhaqdhaqaaqyada dhaqaale ee gobolka, si dekadda Jabal Cali ee Dubai oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn Imaaraadka aysan halis u gelin.
Wasiirka warfaafimnta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa yiri “Waxaad waqti aan dheereyn arki doontaan safiirada Soomaaliya iyo Eritrea oo ku kala sugan magaalooyinka Asmara iyo Muqdisho”
Geelle ayaa sidoo kale sheegay in labada hoggaamiye ay sidoo kale ka wada hadleen ammaanka gobolka, iyo xiriirada is-bedbedelaya ee dalalka Geeska Afrika, oo sandihii dhowaa ay aad u saameysay siyaasadda dalalka khaliijka oo ku loolamaya.
Wada-hadallada Farmaajo iyo Afwerki ayaa sii socon doona maanta, waxaana dhammaadka booqashada Farmaajo ee Asmara laga soo saari doonaa war-murtiyeed faahfaahsan oo ay ku qeexan yihiin dhammaan wixii ay ku heshiyeen labada dal.
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu booqasho seddex cisho ku joogo magaalada Asmara ee dalka Eriteria ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaaday xubno ka tirsan Kooxda Damul-Jadiid ee horay usoo maamulay dalka.
Xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo mar soo noqday Agaasimaha Madaxtooyada Somalia kana tirsan garabka Damul-Jadiid ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay socdaalka iyo xiriirka uu Farmaajo la sameynayo Eriteria.
Cali Balcad, waxa uu sheegay inaanu jirin sabab xiligaan ay dowlada Somalia xiriir ula sameyso dalka Eriteria, waxa uuna tilmaamay in Eriteria ay dhibaato ku heyso dalka Jabouti.
Cali Balcad, waxa uu sheegay in xiligaan loo baahan yahay in laga fiirsado cida ay dowlada Somalia la sameyneyso xiriirka, waxa uuna cadeeyay in isbedelada ka jira Gobolka uusan faa’iido ugu jirin Somalia.
Cali Balcad waxa uu sheegay in sababta uu uga hor imaanayo xiriirka cusub ee labada dal ay tahay mid ku saleysan laba arrin oo kala ah in Eriteria ay dhul balaarsi ku heyso dalka Jabouti oo uu tilmaamay inay walaalo dhow la yihiin Somalia iyo in Eriteria ay wado dabino ka dhan ah Somalia, sida uu hadalka u dhigay.
Cali Balcad, waxa uu sheegay in dowladii hore ay iska fogeyn jirtay arrimaha ceynkaani ah, sidaa aawgeed ay dowlada hadda jirta ku degdegtay xiriirka Eriteria.
Sidoo kale, Cali Balcad ayaa Madaxweyne Farmaajo kula taliyay in latashiyo uu la sameeyo Madaxweynaha dalka Jabouti Ismaaciil Cumar Geele, si aanu u xumaan calaaqada Somalia iyo Jabouti.
Haddalka Cali Balcad, ayaa imaanaya xili dowladii hore ee Damul-Jadiid ay aad uga soo horjeeday la dhaqanka dowlada Eriteria, iyadoo sababta lagu sheegay in maamulkii hore ee Damul-Jadiid ay ka shidaal qaadan jirtay Ethiopia oo aan xiligaa xiriir kala dhexeen Eriteria.
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre uu amar ku bixiyay in Garoonka cayaaraha Muqdisho laga saaro ciidamada AMISOM ayaa waxaa hadalkaasi jawaab ka bixiyay Taliska ciidamada AMISOM ee Muqdisho.
Taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ka bixitaanka Garoonka cayaaraha Muqdisho uu yahay mid khuseysa Taliska isla markaana ay ciidamada ka saari doonaan xiliga qorshahaasi la dajiyay.
Taliyaha howlgelinta Ciidamada AMISOM Korneyl fabian oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in kabixitaanka Ciidamada AMISOM Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho uu yahay qorsho hor yaala Taliska Ciidamada AMISOM islamarkaana ay horay u dajiyeen.
Korneyl fabian waxa uu sheegay inay muhiim tahay in laga shaqeeyo amniga caasimada maadaama ay wakhti qaadan doonta inay faarujiyaan Garoonka Cayaaraha Muqdisho.
Sidoo kale, Korneyl fabian ayaa tilmaamay in ciidamada AMISOM ay ka bixi doonaan garoonka hase yeeshee ay qaadan doonto muddo.
Hadalka korneyl fabian oo ah Taliyaha howlgalinta Ciidamada AMISOM ayaa imaanaya kadib markii Ra`isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku amray in si dhaqsi ah ay uga baxaan Ciidamada AMISOM Garoonka Muqdisho.
Muqdisho (Caasimada Online) – Is-beddelo amni oo waa weyn ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo maalmihii dhowaa dowladda ay ka wadday qorshooyin amni oo cusub, kadib fashilkii ku yimid qorsheyaashii hore.
Xog goordhow ay heshauy Caasimada Online ayaa sheegeysa in is-beddelada dhacay ay ka mid yihiin in gebi ahaanba la baabi’iyay taliskii ciidanka Nabad-sugida gobolka Banaadir oo ahaa ciidan muuqday.
Nabad-sugidda gobolka Banaadir ayaa hadda kadib noqon doonta kaliya kuwa dharcad ah, oo aan muuqan, kana shaqeeya arrimaha sirdoonka, halka markii hore ay ka ahaayeen ciidamo hubeysan oo wata baabuurta dagaalka iyo qoryo.
Ciidamada nabad-sugidda gobolka Banaadir ayaa si aad ah ugu xirnaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo ay saaxiibo dhow ahaayeen ninkii madaxda ka ahaa ciidankaasi ee Saadaq John.
Saadaq John, ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, isagoo laga soo wareejiyay Taliskii uu madaxda u ahaa ee Nabad-sugida Gobolka Banaadir, maadaama la baabi’iyay.
Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Jen. Maalin ayaa loo magacaabay iosna inuu noqdo Taliyaha Taraafikada Gobolka Banaadir.
Dhowaan ayaa sidoo kale ciidamadii xaslinta ee uu sameeyey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre laga wareejiyey maamulka amniga Muqdisho ayada oo lagu beddelay ciidamo boolis ah, gaar ahaan qeybta 14-ka October. Tallaabadaas ayaa waxaa amray madaxweyne Farmaajo.
Xog dheeri ah oo arrintan ku saabsan naga filo dhowaan, insha Allah.
Asmara (Caasimada Online) – Iyadoo uu Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqasho Seddex cisho ah ku joogo magaalada Asmara ee dalka Eriteria ayaa waxaa booqashadaasi ka hadlay jabhada ONLF.
Afhayeenka jabhadda ONLF Caddaani Hirmooge, ayaa sheegay in safarka Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Asmara uu yahay mid muhiim u ah labada Shacab Eriteria iyo Somalia.
Caddaani Hirmooge, waxa uu sheegay in dowlaha Somalia iyo Eritrea uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireyn ah balse hadda la doonaayo in mar kale la cusbooneysiiyo xiriirka.
Caddaani Hirmooge, waxa uu tilmaamay in Somalia ay ku noolyihiin shucuub badan oo kasoo jeeda dalka Eriteria, halka Eriteria-na ay ku noolyihiin shacab Soomaaliyeed oo la doonaayo inay kawarqabto dowladooda.
“Waa arrin fiican in labada dal ay ka shaqeeyan sida lagu hagaajin lahaa xiriirkii soo jireenka ahaa waanu taageersanahay isbedelka ka jira Gobolka”
Sidoo kale, Caddaani Hirmooge ayaa sheegay inay rajeynayaan inay la kulmaan Madaxweyne Farmaajo maadaama ay ku wada sugan yihiin Asmara.
Haddalka Afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan dowlada Somalia ay shaacisay in Jabhada ONLF ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Danjire Micheal Keating ayaa sheegay inay ku guuleysteen xalinta Colaada ka taagan deegaanka Tukaraq ee u dhexeysa Somaliland iyo Puntland.
Danjire Micheal Keating, waxa uu sheegay in Colaada labada dhinac ay ku dhamaaden dad shacab ah, sidaa aawgeed QM ay xooga saartay sida lagu hakin lahaa dhiiga daadanaaya.
Waxa uu Danjire Micheal Keating cadeeyay in QM ay wakhti badan ku bixisay xalinta colaada, waxa uuna sidoo kale sheegay inay harsan tahay waxyar oo aan sidaa usii buurneyn.
“Inta badan xal ayaan u helnay colaada labada dhinac waanu kala hadalnay waxbadan ayaana isla qaadanay waxaanu rajeyneynaa in waxayar ee harsan aanu xal u helno”
Sidoo kale, Danjire Micheal Keating ayaa Puntland ugu baaqay inay hakiso siqida ay ciidamadeeda kawadan jiida dagaalka waxa uuna carab dhabay in ciidamada Puntland ay ku haminayaan dhul balaarsi hase yeeshee aanu la aqbali doonin.
Geesta kale, waxa uu ballanqaaday in xalinta harsan ay kusoo dhameyn doonaan muddo kooban, balse ay u harsan yihiin kulamo kooban oo labada dhan ah.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Galmudug ee Degmda Hodan ayaa sheegaya in halkaa uu kadhacay Qarax lagu soo xiray gaari raaxo.
Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada xoogga ayaa midna ku dhintay midna ku dhaawacmay ka dib Markii gaari ay wateen oo Noociso yahay Gaarib uu qarxay.
Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo gaaray halka qaraxan uu ka dhacay ayaa wada baaritaanno, mana jirto faah faahin intaan ka badan oo qaraxan laga helay.
Magaalada Muqdisho waxaa kusii kordhaaya Gaadiidka raaxada ee lagu xiro Qaraxyada waxana asbuucii tagay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoonee degmada Boondheere ka dhacay qarax gaari lagu xirey,taas oo sababtay dhimashada Darawalkii Gaariga iyo dhaawac Saddex ruux.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweyne Isaias Afwerki, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalka Ereteriya, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale, shacabka dalka Ereteriya ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda si ay u soo dhaweeyaan Madaxweynaha iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka ka dhaxeeya labada shacab.
Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aqbaaladda casuumaadda uu u fidiyey iyo booqashadan taariikhiga ah, isagoona tilmaamay in ay bilow wanaagsan u tahay waji cusub oo uu yeelan doono xiriirka labada dal.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.
Labada Madaxweyne iyo diblumaasiyiinta labada dal oo kulan is-xogwareysi ah ku qaatay Madaxtooyada dalkaas ayaa si qotadheer uga wadahadlay xaaladda gobolka, mustaqbalka xiriirka Soomaaliya iyo Ereteriya iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku saleysan danaha wadajirka ah ee labada dal iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa isku afgartay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya, iyadoo lagu heshiiyay in la isweydaarsado danjirayaasha, lagana furo Muqdisho iyo Asmara labo safaaradood.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku suganyihiin dalka Ereteriya waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas, waxaana qorshuhu yahay in ay booqasho iyo kormeer ku maraan goobo iyo xarumo ku yaalla caasimadda dalkaas.
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Siyaasiga Mucaaradka ah ee C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa magaalada Ankara ee Dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Booqashada oo aheyd mid labada mas’uul ay ku balansanaayen ayaa waxa C/raxmaan C/Shakuur Warsame ku doonaayay inuu ku xoojiyo garabkiisa mucaarad, isagoo magaca uga faa’iideysanaayay Madaxweynihii hore.
C/raxmaan C/Shakuur Warsame, ayaa booqasho ugu tagay Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku wada tartameen doorashadii Muqdisho ka dhacday 8dii february taasoo uu ku guuleystay Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).
C/raxmaan C/Shakuur Warsame, oo bartiisa Facebook kusoo qoray qormo kooban ayaa waxa uu ku sheegay in isaga iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wada ahdleen Xaalada Dalku marayo iyo sida ugu Haboon ee mustaqbalka lagu wajihi karo.
Nuqul kamid ah haddalka C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa ahaa “Waxaan booqasho ugu tegey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. Waxaan ka wada hadalnay xaalada dalku marayo iyo sida ugu haboon ee mustaqbalka lagu wajihi karo. Kulankeena wuxuu ku soo idlaaday isfaham iyo iskaashi.”
C/raxmaan C/Shakuur Warsame, waxyaabaha sida gaarka ah uu kala hadlay Xasan Sheekh waxaa kamid ahaa in badbaado degdeg ah loo sameeyo dalka iyo in laga hortago wixii dhibaato ah ee kadhacaya dowlada hadda jirta, waxaana la garaneynin biyo dhaca labadaani qodob oo muujinaaya wajiyo qarsoon oo labada mas’uul mideynaaya.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo Siyaasad ahaan aan la dhacsaneyn dowlada hadda jirta ayaa waxaa aad looga cabsi qabaa inay ka shaqeynayaan qorshooyin lagu caburinaayo dowlada.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/raxmaan C/Shakuur Warsame, waxaa la hadal hayaa in is aragooda uu caqabad hor leh u yahay dowlada Somalia oo cayaareysa Siyaasad ka duwan dowladihii hore.
Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka wareejiyay deegaan ka dhigtay magaalada Ankara oo ay qoyskiisa ku noolyihiin, isaga oo halkaa kulamo gaar gaar ah kula qaadanaayay dhinacyada mucaaradka.
Dhinaca kale, kulankan labada Mas’uul ayaa ku soo aaday, xilli mowjado siyaasadeed uu dalka ka jiro, iyo olole ay wadaan isbaheysiyo mucaarad ah oo maalmihii la soo dhaafay shirar ku lahaa magaalada Nairobi.