29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Ku dhawaad 100 qof oo Somali ah ayaa ku go’doonsan xero K/Sudan ku taalla

0

Juba (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaas ay ku go’doonsan yihiin 90-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ku jira xero ay lee dahay QM, kaddib markii la dhacay wixii hanti ah oo ay lahaayeen.

Dadkan Soomaalida ayaa ka mid ah kumannaan qof oo u ciirsi raadsaday goobaha ay ciidanka Qaramada Midoobay ku sugan yihiin, kaddib markii dagaallo ay ka dhaceen xarunta gobalka Jogalii ee Bor.

Ganacsade Saleemaan Xaaji Cabdulaahi, ayaa BBC-da u sheegay in ay ku xareesan yihiin xero qoxooti kaddib markii la dhacay wiixii hanti ah oo ay lahaayeen, wuxuu kaloo sheegay in gaajo ay ku heyso goobta ay ku sugan yihiin oo ay ka cabsi qabaan nafsadooda.

“Cunto iyo biyo ma heesano,cid wax nasiineysa ma jirto, saakay labo diyaarad ayaa halkan timid iyagana waa la weeraray, annaga wixii hanti ah oo aan lahayn waa la dhacay” ayuu yiri Saleemaan.

Waxa la weydiiyay in ay xiriir la sameeyeen safaarada Soomaalida ee Juba, wuxuu sheegay in safiirka loo sheegay in uusan joogin cid ka warqabta aysan jirin, isagoona ku cataabay diyaarad in loo soo kireeyo si ay meesha uga soo badbaadaan.

“Diyaarad xittaa hanaloo soo kireeyo annaga ayaa la baxeena lacagta, meeshan waxaan ku dhibaateesanahay, cuduro ayaa ka dilaacay” ayuu yiri markale ganacsadaha Soomaalida.

Wuxuu sheegay oo kale, in maalin dhexdaas meydka Soomaali la dilay loogu keenay malaayin dollar,
Magaalada Jubba waxaa hadda ku sugan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah wasiiradda arrimaha dibedda IGAD, waxaana ay ku howlan yihiin daminta xiisada ka taagan dalka ugu dambeya ugu yar qaarada Afrika.

Ugu yaraan 500 oo qof ayaa ku dhimmatay dagaalada ka socda South Sudan waxaa ku jirra shan qof oo Soomaali ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Naiorbi

[email protected]

Video: Maxaa ka cusub MUQDISHO?

0

Caasimada Online:  Magaalada Muqdisho oo maalmahaan dambe arimo badan oo aan horay looga baran lagu arkayay waxaana ka mid ah in Shacabka Muqdisho ay ka tashadaan aayahooda iyo ayagoo la kulmaya Madaxda Dalka iyo Hey’adaha amaanka.

Muqdisho haatan waxeey cagta saartay wadaadii Nabadda & dib u dhiska waxaana ka arki doonta amuuqaalkani in maanta wadanka uu cagta saaray wadadii nabadda ee nala daawo Video-gaan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Baarlamanka Somalia oo maanta cod aqalabiyad leh ku ansixiyay RW CUSUB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah fadhi uu ku yeeshay magaalada Muqdisho, wuxuu codka kalsoonida siiyay raysal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed.

Fadhigga maanta oo ay ka soo qaybgaleen 243-mudane, waxaa raysal wasaaraha codka siiyay 238-mudane, labo ayaa diidday labo kalena waa ay ka aamuseen sidaas waxaa noo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Kulanka ayaa u muuqday mid lagu taageersana qorshaha uu soo bandhigay raysal wasaaraha cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saraakil ka socday Villa Somalia ayaa goobjoog u ahaa qaabka ay u dhacday codbixinta.

Fadhigga maanta waxaa shir-guddoominayay afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Raysal wasaaraha ayaa goobta lagu dhaariyay, waxaana uu sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad ka ballaaran xukuumadii Saacid,isagoona intaas kudaray inuu xoogga saari doono arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, cadaaladda iyo dib u dhiska dalka.

Madaxweynaha oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in uu u mahadcelinaayo 70 qof oo isku soo taagay xilka raysal wasaaraha, wuxuna sheegay in ka soo dhex xushay ra’iisal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed.

Madaxweynaha ayaa baarlamaanka u sheegay in uu ku kalsoon yahay raysal wasaaraha uu soo magacabay, wuxuuna sheegay in qaban karo wax yaabaha dowladda u dhimman inta aan la gaarin sannadka 2016-ka ayna ka mid tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada, wuxuuna sheegay in la ansixiyay raysal wasaaraha cusub.

Waxaana hadda la sugayaa khudbad uu jeedinaayo madaxweyne Xasan Sheekh taasoo lagu soo xiraayo kulanka maanta ee baarlamaanka sidaas waxaa soo sheegay wariyaheena.

RW horre ee Somalia SAACID oo xaflad sagootin ah loo sameeyay maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo xog ogaal ah oo ku sugan xafiiska raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya,ayaa noo xaqiijiyay in maanta oo Sabti ah lagu qabtay Muqdisho xaflad lagu sagootinaayo Cabdi Faarax Saacid Shirdoon oo dhawaan isaga iyo xukuumadiisa waayay codka kalsoonida baarlamaanka.

Xafladda ayaa waxaa ka qaybgalay dhammaan shaqaalihii joogay xafiiska raysal wasaaraha, wuxuuna u rajeeyay horrumar iyo mustaqbal fiican.

1476351_668976309820902_81584809_n

Raysal wasaaraha ayaa la galay shaqaalaha xafiiskiisa joogay sawir xasuus, wuxuuna mid mid u gacan qaaday shaqaalaha, sidaas waxaa noo sheegay mid ka mid shaqaalaha oo diidday in magaciisa aan xigano.

Raysal wasaaraha ayaa shaqaalaha u sheegay in uu maanta ama barri dib ugu laaban doono magaalada Nairobi oo uu markii horre ka yimid.

Wuxuu kaloo raysal wasaaraha sii baxaya uu ballan qaaday in uu la shaqayn doono raysal wasaaraha cusub iyo xukuumadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxweynaha iyo R/W Cusub oo la hadlay BFS & Wararkii ugu dambeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ka furmay shir ay lee yihiin xildhibaannada baarlamaanka, waxaa hadda xarunta ku sugan madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha cusub, sidaas waxaa noo sheegay wariyaha Caasimada Online ee ku sugan goobta

Kulanka waxaa shir guddoominaya afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana fadhigga baarlamaanka ku sugan 240-xildhibaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa furay fadhigga, wuxuna sheegay in marka horre khudbad laga dhageesan doono madaxweynaha, markaas kaddibna hadal la siin doono raysal wasaaraha cusub soo bandhiggo qorshaha uu lee yahay, waxaana intaas kaddib billaaban doonta cod u qaadista raysal wasaaraha cusub.

Madaxweynaha ayaa hadda khudbad u jeediyay baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay raysal wasaaraha cusub in uu ka soo dhex xushay in ka badan 70 ruux oo soo codsaday in ay qabtaan xilka.

Waxaa intaas kaddib kulanka hadlay raysal wasaaraha cusub, Cabdiweli Sheekh Maxamed wuxuuna sheegay in qorshihiisa koobaad,labad iyo seddaxaad uu ka dhiggi doono ammaanka.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale ballan qaaday in uu xoogga saari doono arrimaha dhaqaalaha, la dagaalanka argagixisada iyo burcad-badeeda, wuxuu kaloo sheegay in uusan oggolaan doonin hub sharci daro oo la isaga dhex wato goobaha ay maamusho dowladda.

Dhammaan qoddobada uu goobta ku soo bandhigay waa ku ay horrey u sheegi jireen raysal wasaarayaashii isaga ka horreeyay, waxaana loo fadhiyaa qoddobadaas quruxbadan sida uu dhaqan galin doono.

Fadhigga maanta ayaa u muuqday xildhibaannada ku taageersan raysal wasaarha, mana jirin wax muran ah oo goobta ka jiray, sidaas waxaa noo soo sheegay wariyaha Shabakadda Caasimada Online.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xasan Sheikh oo ku dhawaaqay go’aan culus oo dad badan ka farxin doona

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay go’aan dad badan ka farxin doona kuwaasoo ku nool dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dowladiisa dagaal toos ah in ay lagali gali doonto kooxaha isbaarooyinka dhigta goobaha ay maamusho dowladda.

Wuxuu sheegay in askarigii lagu arko isagoo isbaaro dhiganaya goobta in lagu toogan doono, wuxuuna intaas ku daray in hooyinka iyo gabdhaha la dhashay ragga isbaarooyinka dhigta in ay ceshtaan.

Madaxweynaah ayaa hadalkan ka sheegay xaflad ka dhacay dugsiga tababbarka booliska oo lagu xusaayay sanad-guurada toddobaatanaad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay ciidanka booliska.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan dalka ay ka aamin baxeen ciidamada waayo iyaga ayaaa dhaca ayuu yiri, waxaana loo baahan in dhaqankaas meesha la saaro ayuu ku celcelikyay.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in ciidanka booliska ay ku shaqeen doonaan qalab cusub oo Tikonolajiyada si ay ula socdaan bulshadda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo dagaal beedleedyada ka soo cusboonaaday gobala qaar ee dalka, wuxuuna sheegay in dagaal uusan faa’ido lahayn.

Madaxweynaha ayaa ciidanka booliska ugu hambalyeeyay sanad-guurada toddobaatanaad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay oo maanta ku beegan.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa shacabka ku guubaabiyay inay la shaqeeyaan booliska iyo ciidamada kale ee amniga qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Maxaa la filan karaa marka R/W cusub uu maanta hortago BF Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha cusub ee la magacaabay, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta oo Sabti ah la filayaa in uu hortago baarlamaanka Soomaaliya si ay codka kalsoonida u siiyaan.

Wariyaha Shabakadda Caasimada Online, ayaa soo sheegaya in magaalada saakay laga dareemayo qabqaabo xooggan oo loogu jirro arrintaas waxaana wada xildhibaannada baarlamaanka.

Ammaanka magaalada ayaa la adkeeyay, waxaana la xiray wadadda ag marta xarunta golaha shacabka.
Raysal wasaare Cabdiweli ayaa lagu waday Arbacadii la soo dhaafay in uu baarlamaanka hortago balse arrintaas dib ayaa loo dhigay.

Ma cadda sida ay wax noqon doonaan, balse dad badan oo wax saadaliya waxa ay lee yihiin raysal wasaaraha cusub waxaa uu heli doonaa kalsoonida baarlamaanka.

Haddii uu ra’iisal wasaaraha cusub helo codka kalsoonida, waxaa laga sugayaa in uu soo magacaabo golaha wasiiradiisa, waxaana la is weydiinayaa tirada wasiirada iyo haddii ay ku jiraan wasiiradii horre.

Ra’iisal wasaaraha cusub, ayaa maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka waday kulamo xod xodasho ah oo uu la lahaa, qaar kamid ah xilibaannada si ay usiiyaan codka kalsoonida

Faah-Faahin kala soco Shabakadda Caasimada Online oo wariyaal ay u joogaan xarunta baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Hooyo Somaliyeed oo fal argagax leh kula kacday 2 caruur oo ay dhashay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la baxay Somaliland ayaa waxay sheegayaan in mid ka mid ah Hooyo Soomaaliyeed oo halkaasi degan ay nolosha ku gubtay labo gabdhood oo ay dhashay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Somaliland.

Sida warku sheegayo hooyo ka mid ah qoysaska degan magaalada Hargeysa ayaa guriga ay degantahay ku dhexgubtay laba gabdhood oo yaryar ah kuwaas oo ay iyadu dhashay, gabdhahaas waxaa lagu kala sheegay afar sano jir iyo laba sano jir, waxaana haweenayda gacanta ku dhigay markii dambe ciidamada booliska oo ku xiray saldhigga magaalada Hargeysa oo ay hadda ku wareysanayaan sababta ku kaliftay.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in haweenaydaasi caruurta gubtay ayaa waxa lagu magacaabaa Nuurto, waxayna ficilkaasi ku dhaqaaqday saqbarkii habeen hore oo Jimco aheyd, markaas oo ay dabqabadsiisay labadaasi caruurta ah ee ay iyadu dhashay.

Dhacdadan foosha xun oo ka dhacday xaafada jigjiga yar ee magaalada hargaysa ayaa waxaa ay noqotay dhacdo lala yaabo oo aan hore uga dhicin deegaanada maamulka somaliland,waxaana lasheegay in labadaasi caruurta ahi ay dabkaasi ku basbeeleen oo ay isla goobtii ku qurbaxeen.

Si rasmi ah looma oga sababta ku kaliftay hooyadan inay gubto caruurteeda, hase yeeshee sida la sheegayo waxa ay labadaba ku rushaysay Batrool kadibna waxay qabad-siisay dab, halkaas oo ay ku shuf beeleen, waxayna warar aan la xaqiijini ay sheegayaan inay maseyrtay,halka warar kale ay sheegayaan in ay maskaxda wax ka noqotay, waxaase la sheegay in hadda ay booliska magaalada hargeysa ay su,aalo weydiinayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Dhageyso: Maryan Mursal: Waxaan ka tuugsan doonnaa TV-yada Soomaalida

0

London (Caasimada Online) – Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame, ayaa dhowaanahay xanuunsanayey, waxaana jira dadaallo ay wadaaan fanaaniin Soomaali ah, oo la doonayo in lagu geeyo dalka Germany, si halkaasi loogu daweeyo.

Fanaanada hobollada Waaberi katirsan Maryan Mursal Ciise oo warbaahinta  la hadashay iyadoo kusugan magaalada London ee dalka Ingriiska ayaa waxey sheegtay inay dhexda uxiranayaan sidii loo qaadi lahaa fanaanka Cabdi Tahliil oo gar gaar caafimaad uheli lahaa.

Maryan Mursal waxay sheegtay inay fureen sanaadiiq lacago loogu yaboohayo islamarkaana ka codsanayaan dawlada Somaliya inay fiisaha ay ka bixiso dalka jarmalkana ay ukeenaan fanaanka iyadoona sheegtay in dhaqaalaha dawadiisana iyagoo fanaaniin ah isku xil saareen.

“Waxaan fariisaneynaa tv-yada Soomaalida, waxaana u tuugsan doonnaa sida loogu tuugsado masaajidada, si aan lacag ugu helno Cabdi Tahliil” ayey tiri.

Halkan hoose ka dhageyso codka Maryal Mursal

maryan-mursal

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Dadka reer MUQDISHO oo helay hab fudud oo ay ugu xirnaadaan dunida

Jirtooyo taleefannada casriga ah marka hore lagu soo iibiyo qiime sare, haddana Soomaalidu waxay si isa soo tareeysa lacagtaas u hurayaan faa’iidada la socota ee internetka sida fudud loo heli karo, taasoo u sahlaysa in ay la xiriiraan xubnaha qoyskooda ee ku maqan dibadda iyo in ay si sahlan ula socdaan wararka iyo xogta iyada oo uu dhinaca kalena ka raqiisan yahay qaababkii hore ee Internetka loo heli jiray.

“IPhone-ka ugu qaalisan waxa uu joogaa $800, halka taleefanka Samsung-kana uu ka joogo $500, inkasta oo ay jiraan kuwo intaa ka qaalisan,” ayuu yiri Faysal Cabdullaahi oo ah 34-jir dukaan taleefannada lagu iibiyo ku leh Suuqa Xamar Weyne ee Muqdisho. Taleefannada casriga ah kuwooda ugu raqiisan waxa la iibiyaa qiyaastii $250, ayuu yiri.

Iibka taleefannada casriga ah ayaa si joogto ah kor ugu socda, ayuu sheegay Cabdullaahi, isaga oo xusay in dukaankiisu uu sannadkii 2012-kii iibiyay 15 taleefannada casriga ah, halka uu sannadkan ka iibiyay ku dhawaad 100 xabbo.

Cabdullaahi waxa uu sheegay in inta badan macaamiishiisu ay waydiiyaan taleefannada casriga ah, gaar ahaan moobiillada Samsunga-ka, kuwaas oo aad loo jecelyahay sababtoo ah waa ay ka raqiisan yihin iPhone-ka, waxana la socdo barnaamijyo ka badan kuwa iPhone-ka oo lacag la’aan ah.

“Qaar ka mida taleefannadaas aad ayay qaali u yihiin inkasta oo qiimihii ay awal ahaayeen uu hadda ka yaryahay,” ayuu yiri. “Waad u arki kartaa in ay aad qaali u yihiin, haddana si joogto ah ayaan u iibinnaa.”

Internet ka jaban kii hore

Cabdisalaam Warsame oo ah 20-jir fasalka koowaad ee dugsiga sare ka dhigta Iskoolka Jabuuti ee degmada Wadajir, ayaa sheegay in uu aad ugu mahdinayo walaashiis ku sugan Sacuudi Carabiya oo u soo dirtay lacag uu ku gato taleefan casri ah afar bilood ka hor.

“Waxan aadi jiray xarun aan ka isticmaalo internetka oo aan saacaddii ku bixiyo 18,000 oo shilin marka aan rabo in aan isticmaalo internetka, waxana suuragal ahayd in aan maalinkii dhowr jeer isticmaalo,” ayuu sheegay. “Hadda waxan bixiyaa $1 (20,000 oo shilin) oo taleefankeeyga casriga ah igu haysa 24 saac.”

Warsame waxa uu sheegay in taleefinkiisa moobilka ah ee uu ka galo internetka uu hadda u suuragaliyay in uu xilli walba ku xirnaado caalamka intiisa kale.

Sidoo kale, Yuusuf Ibraahim oo ah 32-jir reer Muqdisho ah ayaa sheegay in shantii bilood ee ugu dambeeysay uu internetka si xiriir ah u isticmaalayay.

Waxa uu sheegay in adeeggan uu u sahlay in uu kula xiriiro xubnaha qoyskiisa oo ku nool Finland.

“Xaaskeeyga iyo carruurtayda waxan maalin walba kula xiriiraa WhatsApp,” ayuu yiri Ibraahim. “Waxan dareemaa sidii in aan la joogo, wayna ka raqiisan tahay marka aad si toos ah ula hadashid. Markii hore waxan bixin jiray $50 ka badan si aan kaliya ula hadlo, laakiin hadda waxan isticmaalaa wax ka yar $10 bishii, saas oo ay tahayna aanoo la xiriiraya saacad walba.”

Cabdirashiid Xuseen oo ah 35-jir ka shaqeeya shirkadda internetka iyo mobiilalda ee Hormuud Telecom, ayaa sheegay in 1-ki gigabyte (GB) oo ah data-da internetka ay joogto $25, muddada aad isticmaali kartidna ay ku xiran tahay hadba sida aad u isticmaasho.

Ka sokoow Horumuud, ayaa shirkadda Somtel ee fadhigeedu yahay Hargaysa waxa ay tahay shirkadda kale ee kaliya ee adeegga internetka ku bixisa taleefannada koonfurta Soomaaliya.

Aweys Cabdiraxmaan oo ah 23-jir arday ka ah Dugsiga al-Cimra ee degmada Hodan ee Muqdisho, waxa uu sheegay in taleefannada casriga ah ay Soomaalida u sahashay isticmaalka in ay wada xiriiraan, inkasta oo ay jirto in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu canaantay in ay si ba’an ugu mashquuleen taleefannadooda casriga ah.

Somaalidu waa ay ku dambeeyaan helitaanka internetka, si kastaba ha ahaatee isticmaalka isa soo taraya ee internetka jaban ee laga isticmaalo moobiillada ayaa gacan ka geeysanaya in la daboolo farqigaas sannadba kan ka dambeeya, ayuu sheegay.

“Marka dhinac laga eego maaha qaali sababtoo ah lacagta aan ku bixinayo in aan ku galo internet hadda waa ay ka yartahay waxa aan ku bixin jiray taleefannada kaliya,” ayuu yiri Cabdiraxmaan, isaga oo intaa ku daray in ay lacag ugu dhaqaaloowday diritaanka farriimaha qoraalka ah ee uu u diro saaxiibadii iyo qoyskiisa halkii uu ka wici lahaa.

Faysal Muuse Maxamed oo ah 24-jir saxafi ah oo u shaqeeya Radio Muqdisho, ayaa muddo qiyaastii sannad ah waxa uu internetka ka galayay taleefankiisa casriga ah.

Waxa uu si khaas ah u sheegay in uu Samsung Galaxy-giisa u isticmaalo in uu ku galo baraha warbaahinta bulshada sida Facebook, halkaas oo uu bulshada kula sheekaysto warkana ka helo.

“Inta badan waxan Facebook u isicmaalaa sababtoo ah waxaad kula xiriiri kartaa saaxiibadaa waxanad kula socon kartaa wararka iyo sawirrada lasoo galiyo,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in uu sidoo kale isicmaalo WhatsApp si uu ula xiiriiro saaxiibadii sababtoo ah waa raqiis internet data badanna kaa cuni maayo.

Baddalidda xarumihii internetka laga gali jiray

Xasan Maxamed oo ah 30-jir ku nool Muqdisho oo cilmiga bulshada ka bartay Jaamacadda Soomaaliya, ayaa sheegay in taleefannadu gacantu yihiin qaab asturan oo lagu gali karo internetka, dadka lagula xiriiri karo isla markaana wararka lagula socon karo.

“Hadda waxan dareemayaa in aan awood u leeyahay in aan internetka galo xilli walba oo aan u baahanahay halkii aan ku tiirsanaan lahaa in aan aado meel kale oo internet aan ka isticmaalo sidii waayadii hore,” ayuu yiri Maxamed, oo illaa iyo toddoba bilood isticmaalayay taleefankiisa Samsung Galaxy.

“Waxan u isticmaalaa in aan ku dirsado emaillo, wararka kula socdo, waxan sidoo kale u isticmaalaa in aan Google uga soo rogto daruusta iyo xogta isla markaana ku galo baraha bulshada,” ayuu yiri.

“Hadda waxan sidoo kale awoodaa in aan anoo kaligay ah wax akhristo ama daawado. Maaddaama xarumaha laga galo internetka ay yihin goobo caam ah, kuuma suuragalayso in aad gasho ama daawato wax walba oo aad jeceshahay,” ayuu yiri.

Isha: Sabahi Online

Shirka dhismaha Koonfur Galbeed ee Baydhaba oo khilaaf uu hareeyay

0

Baydhabo (Caasimada Online) Waxaa soo baxay warar sheegaya in khulilaaf uu hareeyay shirka maamul u sameenta gobalada Koonfur Galbeed ee ka socda magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii shaley shir jaraa’id ku qabtay xildhibaanno taageersan maamulka lixda gobal, waxaana ka mid ah Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade, wuxuu sheegay in magaalada Baydhabo uu ka furmay wajiga labaad ee maamul u sameenta gobalada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay oo kale in maamulkan ay taageersan yihiin dowladda Soomaaliya, wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay in ay taageeraan shirkaas.

Xildhibaanka ayaa ku celceliyay gogasha shirkain ay ku biireen ergooyin ka socda gobalka Gedo, isla markaana cid kasta uu u furan yahay shirkaas sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, waxaa hadalkaas ka soo horjeestay xildhibaaan Yacquub CalI Maxamed, ayaa sheegay in wax shir ah uusan ka socon magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay in dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan dowlad gobaleed ay ku mideesan yihiin gobalada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Wuxuu sheegay in xildhibaano gaar ah ay u ololeenayaan in ay dagaal u horseedaan gobalada nabdoon, wax maamul lix gobal la dhahana ma jirto ayuu yiri.

Si kastaba, shirka ka socda magaalada Baydhabo ayaa labo dhinac u kala jabay, waxaana labadaas dhinac hor boodanaya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Sheekh Aadan Madoobe oo horrey u soo qabtay xilka afhayeenka baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DF SOMALIA oo ciidamo u diri doonta goballada dagaalada ay ka socdaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Jimco ah sheegtay ciidamo xooggan in loo diraayo gobalada dagaalada ay ka socda ee dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, Cabdikariin Xuusen Guuleed ayaa warbaahinta u sheegay in la diyaariyay ciidamo kala dhexgala dagaal beeleedyada ka socda gobalada dalka sida Shabeellaha Hoose, Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wasiir Cabdikariin ayaa tilmaamay in ciidamadan ay ku wehlin doonaan goobaha ay tagayaan wax garad iyo odayaa kasoo kala jeeda beelaha dagaalamaya.

“Dowladda waxay wadaa qoshe ku saabsan siddii ciidamo loogu diri lahaa gobalada dagaallada ay ka socdaan dalka waxaana ku wehlin doonaa odayaal dhaqameed, si colaadaha mardambe u soo laaban” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale kale baaq u diray beelaha ku dagaalamaya gobalada seddaxda ah, wuxuuna sheegay nasiib daro in ay tahay dagaal 22-sanno lagu soo jiray in dib loogu laabto.

Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool goobaha lagu dagaalamayo in ay ka fogaadaan wax kasta oo hurin kara colaada.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aaday ayadoo dowladda lagu eedeeyay in aysan waxbo ka qaban dagaal beedleed ka socda gobalada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DAAWO VIDEO: Awooddii ciidamada ee dalka Soomaaliya oo dib u soo noqotay

0

Caasimada Online: Horumarka xoogan iyo dadaalada Nabadeed ee ka socda Dalkeena waxa amarag madoonta ka ah in maanta ana dib u helnay awoowdii ciidan ee dalkeena anigoo hubo in aad la ilmeyn doonto qiiro darteed.

Aqristoow qiimaha dowladnimo iyo astaan calan wadan uu lee yahay waxaa ka dareemi kartaa awooda ciidan ee sidaan oo kale ah Iyo sida ay tahay xaalada dalkeena ee maanta waxaana wax lagu farxo ah in aan dib u helnay awoodii ciidan ee dalkeena nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Guddoomiyaha NO.50 oo afka furtay, sheegeyna in uusan ka tirsaneen dowladda oo uu difaacayo qabiilkiisa

0

Afgooye (Caasimada Online) Guddoomiyaha deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabellaha Hoose, ayaa caawa sheegay in uu ka baxay dowladda, isagoona eed u soo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wuxuu ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin dagaalada ka socda deeganka uu maamulka ka ahaa oo hadda laga saaray isaga iyo maamulkiisa.

“Waxaan caawa idiin sheegayaa in wax dowlad la dhaho aysan ka jirin Soomaaliya, meesha qabiil ayaa socda, qof kasta qabiilkiisa ayuu hoosta kaga jiraa annigana qabiilkeyga ayaan difaacayaa, caalamku waxaan u sheegayaa in dowladda Xasan Sheekh ay fashilntay” ayuu yiri Cabdulaahi Cali Axmed Waafow oo ah guddoomiyaha deeganka Lambar 50.

Wuxuu sheegay dowladda in ay hubeysay beesha Habar-gidir si loo xasuuqo beesha uu ka soo jeeda ee Biiyomaal mana dhaceysa ayuu yiri.

“Annaga beesha Habar-gidir waan iska celineynaa, waa ognahay in qaab ciidan nalgu leynayo laakin ma dhici doonto haddii Maraykan naloo soo adeegsado waan iska celineynaa” ayuu markale yiri guddoomiyaha Lambar 50.
Ugu dambeyn guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in guryo badan oo deeganka ku yaalay la gubay markii la bililiqaystay kaddib sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, deeganka ilaa caawa waxaa ka socday dagaallo goos goos ah, waxaana la arkayay guryo lagubanayay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Rasaas caawa ka socota MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) Sida uu goordhow noo soo sheegay wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho,waxaa magaalada caawa laga maqlay rasaas xooggan, taasoo aan la ogeyn waxa dambeeya.

Xaafadda Dabakaayo Madow ee degmada Dharkeenley ayaa laga maqlay rasaas xooggan oo uu ku jirro qoriga buusukaha, sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Ilaa muddo 30-daqiiqo ayaa la sheegay xabadda in ay ka socotay xaafadaas, mana cadda khasaaro ka dhashay.
Rasaasta ayaa u muuqatay in ay u dhexeyso labo ciidan sidaas waxaa noo sheegay goojoogaha noo warramay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo rasaas laga maqlo magaalada Muqdisho, saakay ayey ahayd markii magaalada laga maqlay labo qarax oo mid ka mid ah uu ku dhaawacmay askari ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dagaalkii Habar-Gidir iyo Biyo-Maal oo dib uga qarxay gobolka S/Hoose

0

Afgooye (Caasimada Online) Wararka ka imaanaya gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaas maanta uu markale ka dhacay dagaal u dhexeeya maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda Biyamaal iyo Habar-gidir.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay deeganka Lambar 50 oo maalmahan ay isku hor fadhiyeen labadaas dhinac.

Goobjooge ku sugan N50 ayaa warbaahinta u sheegay in uu arkay ciidamo wata gaadidka dagaalka oo gudaha u soo galaya magaalada dabadeedna billaabay in ay gubaan guriyihii ku yiilay deegankaas.

Xaaladda magaalada ayaa ah weli mid kacsan iyadoo ciidankii horrey u joogay lambar 50 laga saaray halkaas.

Waxaa deeganka ka socda qax, dadka ayaa la baxsanaya naftooda iyo wixii hanti ah oo ay qaadan karaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

QARAXYO LAGA MAQLAY MUQDISHO!

0

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Jimco ah ka dhacay labo qarax oo mid ka mid uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada dowladda sida uu soo sheegay wariyaha Shabakadda Caasimada Online.

Qaraxa mid ka mid ah wuxuu ka dhacay degmada Xamar-Weyne ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhawacmay hal askari.

Dhinaca kale, magaalada waxaa maanta laga xusay sannad guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka booliska oo ay ka soo wareegtay 70-sanno.

Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigay 150,000 oo balays ayaa lagu qabtay xarunta dusiga tababarka ciidanka booliska Gen Kaahiye, waxaana halkaas kala qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirada Gaashandhigga iyo Arrimaha Gudaha xukuumadii kalosnida lagala laabtay iyo talyaha ciidanka booliska.

Madaxweynaha ayaa salaan sharraf ka qaatay ciidanka joogay goobta, waxaana la sheegay in madaxweynaha uusan ka hadlin goobta.

Xafladda ayaa lagu soo bandhigay gaada-ka ciyaarsiin iyo ruwayad loo bixiyay “Toddobaatan jir tallo ma seegto, waxaa joogay fannaaniinta kooxda heegan ee ciidanka booliska.

Xafladaha lagu weyneenaayo munaasabadan ayaa la filayaa in ay sii socoto ilaa caawa, waxaana Villa Soomaaliya ka dhici doonta xaflad lagu xusaayo sannad guuradii 70-aad ee aas-aaska booliska.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa loo adkeeyay, waxaana dadweynaha magaalada ay saakay ku soo tooseen wadooyinka qaar oo xiran gaar ahaan goobta ay xafladda ka dhaceysay iyo goobo kale oo muhiim, waxaana halkaas joogay ciidamo fara badan oo ammmaanka sugaya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DAAWO VIDEO: Arrin laga naxo oo ka jirta magaalada Muqdisho

0

Caasimada Online: Mid ka mid ah Goobaha Muhiimka u ah Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka reer Muqdisho, ayaa laga soo sheegayaa arrin laga naxo qofkii maqlanaya uu la ilmeeynayo.

Aqrostoow ha daawan hadii aadan laheyd damqasho Soomaalinimo & Wadaninimo taa oo ah in qofka daawada Video-gaan uu ilmeyn doono kana dhiidhin doono si uu wax uga qabto arintani muhiimka u ah Shacabka Soomaaliyeed ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO: