29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

DAAWO VIDEO: Arrin laga naxo oo ka jirta magaalada Muqdisho

0

Caasimada Online: Mid ka mid ah Goobaha Muhiimka u ah Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka reer Muqdisho, ayaa laga soo sheegayaa arrin laga naxo qofkii maqlanaya uu la ilmeeynayo.

Aqrostoow ha daawan hadii aadan laheyd damqasho Soomaalinimo & Wadaninimo taa oo ah in qofka daawada Video-gaan uu ilmeyn doono kana dhiidhin doono si uu wax uga qabto arintani muhiimka u ah Shacabka Soomaaliyeed ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Maxaa ka cusub dagaalkii ka dhacay Hiiraan oo dad badan ay ku dhinteen

0

Beledweyne (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lagu guuleestay joojinta dagaal beeleed ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiraan.

Muddo shan cisho oo wafdi isugu jirra, wasiiro, wasiir ku xigeeno, xildhibaanno iyo siyaasiyiin ayaa ku suganaa deeganka Kabxalney oo ka tirsan gobalka Hiiraan.

Sii hayaha xilka wasiirka kheyraadka xukuumada Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hoggaaminayay wafdiga gaaray deeganka lagu dagaalamay ayaa sheegay in dowladda ay ku guuleesatay joojinta dagaalada isla markaana la kala qaaday labada maleeshiyo ee dagaalamay.

Wasiirka waxaa kaloo uu sheegay in dowladda si KMG ah loogu wareejiyay dhul beereed lagu muran san yahay ilaa inta khuburo yaqaana beeraha iyo dowladda ay ka baarayaan cidda iska leh dhulka la isku heesto.

Wasiirka waxaa uu tilmaamay in cid kasta oo jabisa xabad joojinta loo arki doono kuwa ka soo horjeeda nabadda isla markaana sharciga lala tiiksan doono.

Ugu dambeyn wasiirku wuxuu ku sheegay in ciidanka AMISOM looga baahan yahay in ay la socdaan xabadjoojinta la dhex dhigay labada dhinac.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee Jabuuti, Korneel Cusmaan Dubad oo joogay munaasabada laga soo saaray go’aankan dowladda ka soo baxay ayaa sheegay in ay soo dhaweeynayaan haddii ay yihiin ciidanka AMISOM ee jooga Gobalka Hiiraan, wuxuuna ballan qaaday in ay ilaalin doonaan xabad joojinta la dhex dhigay beelaha ku dagaalamay deeganka Kabaxnleey.

Qaar ka mid ah xildhibannada iyo waxgaradka joogay kulanka ayaa iyagana soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aadan dagaalada ka socday deeganka Kabxanleey.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Winter sports-Somali bandy team get their skates on

0

BORLAENGE, Sweden,  (Reuters) – Somalis on ice skates seems as implausible as Jamaicans in a bobsled but a Swedish-based team are preparing to represent the troubled African nation at next month’s world championships – in the sport of bandy.

Formed just months ago and made up of immigrants who have settled in Borlaenge, a town some 200km north of Stockholm, the Somalia bandy team is an unlikely tale that has echoes of the 1988 Jamaican winter Olympians immortalised in the film “Cool Runnings”.

Recruited from a local soccer club, the team have been taught in a short time to skate and play a game similar to ice hockey but with differences.

Bandy is played on a soccer-sized field, there are 11 players on each team, a ball is used instead of a puck, the goals are larger and the sticks shaped differently.

The learning curve has been steep and long.

iceBut despite being thrashed by a local side in their first competitive game earlier this month, the Somalis have cheekily declared themselves African champions for 2013 – based primarily on the fact that no other country on the continent has a team.

“They want to inspire their brothers and sisters that live here in Borlaenge, and all other Somalis and immigrants who live elsewhere in Sweden,” team coach Pelle Fosshaug, who won six Swedish bandy titles and was crowned world champion five times with Sweden during his playing career, told Reuters.

“That is what we want to do, and I believe we’ve already started to do it.”

Scandinavia, Finland, the former Soviet republics and north America are considered the game’s strongest footholds, with Somalia, improbably, set to join Japan, Ukraine and Germany in the B group at the world championships in Irkutsk, one step below the elite nations.

The idea of a Somalian team came from Patrik Andersson, a local entrepreneur, who saw it as a way to help integrate some 3000 Somalis resident in the town.

He contacted the Somali government and Olympic committee as he sought a way for sport to help the new arrivals settle in the Swedish town – and to help the Swedes learn more about Somalia.

“I registered the team with the Federation of International Bandy and got in touch with the government and the Olympic committee in Somalia to get their permission to do this. Somalia has never had a team in a world championships, not in any team sport,” he told Reuters.

“Many have come in a short time and it’s not easy for them to get jobs. There is a lot of segregation. They live in two areas in particular and have a hard time getting into the labour market.”

To help bring the Swedes and Somalis together, Andersson approached a local soccer club with a lot of Somali players and asked them if they would like to play bandy, and the idea of a Somali national team was born.

The team is already a source of great pride to many in the local Somali community, who packed the rickety wooden stands on a freezing night to wave their flags and see their team play its first game against a local side.

Though they were on the wrong end of a 15-0 drubbing, there is a widespread belief that the team can improve.

“These players only started playing five months ago, and some of these guys have been in Sweden for less than a year,” said Said Ali, who travelled to Borlaenge from Stockholm to film and photograph the historic game.

Somali goalkeeper Ahmed, voted man of the match, said he was disappointed with the result but that his team had played “okay” for their first outing.

“We want to win at all costs, but we’re looking forward to the world championships,” he said, before revealing that he first put on a pair of ice skates only three months ago.

Andersson is well aware of the strong feelings of patriotism among the Somalis, and says that not everyone in the town is behind the initiative.

“There’s a lot of their countrymen who say ‘What are you up to? You’re making a show of yourselves!’ It’s not easy for them.”

Borlaenge is something of a bandy stronghold and local fans are warming to the team.

“It’s getting better and better,” says Andersson. “There are those who are against it, I’ll be honest about that, but I feel we have great support.”

 

XOG: Maxaadan ogeyn oo R/W CABDI Weli Sheekh uu ka wadaa Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayadoo Sabtida fooda nagu soo hayso ee berri lagu wado, in Baarlamaanka Soomaaliya ay Codka Kalsoonida siiyaan, ayaa R/wasaaraha Cusub, C/wali Sheekh Axmed Maxamed, waxa uu bilaabay Kulamo gooni gooni ah oo uu la qaadanayo qaar kamid ah Xilibaanada.

Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si beel beel ula kulmayay Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo qado sharaf ugu sameynayay Gurigii Habar Khadiija oo ah xarunta Nabadsugida Qaranka.

R/wasaaraha, ayaa la sheegay inuu Kulamadaan uga gol leeyahay, sidii uu sii kasban lahaa taageerada Xilibaanada, kahor intuusan hortagin Baarlamaanka.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha inuu si deg deg ah ku soo magacaabo Golaha Wasiirada, si Xukuumadii hore ay howsha ugala wareegto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay ka dalbadeen Ra’iisul wasaaraha in aanu Liiska Golihiisa Wasiirada ku soo darin Wasiiradii hore ee Xukuumadii Saacid.

Ilo wareedyo ku dhow dhow, kulanka uu Ra’iisul Wasaaraha la qaatay Xilibaanada, ayaa sheegaya in uu balan qaaday hadii uu helo codka kalsoonida Baarlamaanka uu soo dhisi doono Xukuumad ballaaran oo wax ka qabata arrimaha ammaanka, siyaasada, dhaqaalaha iyo adeega bulshada.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa dib u dhigay Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha oo lagu waday in shalay oo Arbaco aheyd uu hor-tago Baarlamaanka, iyadoo dib u dhaca kulankii shalay lagu sababeeyay arrimo farsamo.

R/W Saacid oo shir u qabtay RW cusub Cabdi Weli iyo Beesha Sade, Sabab?

0

Ra’iisul wasaaraha xilka kasii dega Abdi Farax Shirdoon “Saacid ” ayaa waxaa uu casho u sameeyey Ra’iisul wasaaraha cusub Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed,xildhibaano kasoo jeeda beesha Sade  iyo xubno uu ku jiro Ugaas Taakooy kuwaasi oo uu uga xogwaramayey xaalka siyaasada Dalka.

Cashada oo ka dhacday hoyga uu Saacid Farax ka degan yahay Muqdisho ayaa waxaa ugu horeyn kulanka ka hadlay Saacid Farax oo sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay Dr, Abdiweli Shiikh kadib markii isaga uu waayey kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

” Waxaan ku faraxsanahay in Dr, Abdiweli Shiikh uu noqday ninka iga badela booska aan hadda kasii degayo ee ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Waxaana dhihi karaa waa shaqsi aqoon u leh inuu xilkan kasoo baxo” ayuu yiri Saacid Faarax oo la hadlayey Ra’iisul wasaaraha cusub iyo xubnaha Beesha Sade ee uu caawa kulanka la qaatay.

Saacid iyo Abdiweli Shiikh

Dhinaca kale waxaa uu sheegay Saacid Farax inuu dalkan hogaamintiisa u baahan tahay dhabar-adeeg  badan oo  loo baahan yahay inuu muujiyo Dr, Abdiweli Shiikh, isagoona sheegay inuu shaqsi ahaan la shaqeyn doono wixii uu uga baahdo inuu ka caawiyo Ra’iisul wasaaraha cusub.

” Waxaan hortiina ka cadeynayaa in aan diyaar u ahay in aan la shaqeeyo saaxiibkeey, marna walaalkeey Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed in aan la shaqeyn doono oo aan ku biirin doono wixii aan khibrad ka helay inta aan xilkan hayey” ayuu yiri Saacid Farax Garaad.

Waxaase uu Ra’iisul wasaaraha cusub uga digay siyaasiyiin uu sheegay inay dalka masiirkiisa ka dhigteen ganacsi,kuwaasi oo uu sheegay haddii uusan gacan bir ah isaga qaban inay marka danbe isaga dagaal adeg ay la geli doonaan. Isagoona si gaar ah usheegay inay ragaasi ku jireen xukuumadiisa kuwa wax ka burburiyey.

Xildhibaan Nuur Farax Jamac oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay inay muhiim tahay wada shaqeyn laga dhex helo Saacid Farax iyo Dr, Abdiweli Shiikh taasi oo u horseedi karto buu yiri in isbadel muuqda laga dareemo xukuumada cusub ee uu soo dhisi doono R/W cusub.

Wakiilka Ugaaska ee gobollada dhexe Taakooy oo dhankiisa ku hadlayey afka odayaasha dhaqanka beesha Sade oo ay labadan mas’uul ee xilka ku kala wareegeysa ay kasoo jeedaan ayaa sheegay in loo baahan yahay abuurista siyaasiyiin iyo bulsho iska warqabta oo sameeyaan labadan mas’uul. Taasi oo uu ula jeeday inaysan gobollada Jubooyinka, Gedo iyo Galgaduud oo ay labadan Ra’iisul wasaare kasoo jeedaan laheyn siyaasiyiin miisaan culus ku dhex leh dalka. Waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu daneyntii waxaa halkaasi ka hadlay Ra’iisul wasaaraha cusub Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed Maxamed “Baardheere” kaasi oo sheegay inuu ku ammaanayo Saacid Farax howshii uu qabtay muddadii sanadka aheyd. Waxaana uu sheegay inuu isaga shaqsiyan ballanqaadayo inuusan Saacid taladiisa ka maarmi doonin oo ay fikrado badan  kala qaadan doonan.

” Saacid Farax xilkii waad ka tagtay uguma hari doono ee waxaan ballanqaadayaa inuu talooyin badan oo dalka muhiim u ah aan la wadaago si waxa uu inagu biirinayo aan uga helno.” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha cusub ee aan wali ansixinta helin Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed.

Dhinaca kalana waxaa uu mahadcelin u jeediyey xildhibaanada madasha fadhiyey kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin dadka looga baahan yahay inay xukuumadiisa meelmariyaan si ay dalka wax ugu qabato.

Kulanka caawa oo ahaa mid laba waji leh, kuwaasi oo kala ah qaabilaada labada nin ee xilka ku kala wareegeysa iyo beesha Sade oo ay kasoo jeedaan oo talooyin siineysa ayaa waxaa uu kusoo dhamaaday si afgarad.

Waxaase warbaahinta loo diiday inay kulankaasi  wax sawir ah xitaa ay  ka qaataan.

Xigasho: kismaayo24.net

Video: Jawaari oo sameeyay arrin aan lagu aqoon siyaasiyiinta Soomaalida

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ku dhaqaaqay tallaabo aan horay looga baran siyaasiyiinta Soomaalida.

Jawaari, ayaa shalay magaalada Muqdisho waxa uu xarunta golaha shacabka ku qaabilay shacabka 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, si uu dhageysto fikradahooda ku aadan xaaladda dalka.

Dad badan ayaa soo dhoweeyey tallaabada Jawaari, ayaga oo ku tilmaamay mid isku xiri karta shacabka iyo siyaasiyiinta.

Halkan hoose ka daawo warbixin ku saabsan kullanka

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Puntland oo lagu wareejiyay $200,000 oo ka timid dadka reer MUQDISHO

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa 200 oo kun oo doolar ku wareejiyay guddiga gurmadka dadkii ku waxyeelloobay duufaantii ku dhufatay Puntland bishii horre.

Xaflad ka dhacday magaalada Garoowe ayaa lagu soo bandhigay lacagtan, waxaana goobta laga sheegay in lacagta ay soo uruuriyeen dadka ku nool magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa lacaga ku wareejiyay guddiga loo xilsaaray gurmadka la gaarsiinaayo dadkii ku wax yeeloobay duufannadii ku dhuftay gobalada Bari iyo Nugaal.

Waxa uu ku celceliyay Soomaalida in ay iyada is gar-gaari karto isuna soo dhawaan karto intii ay sugi lahayd gacmo shisheeye iyo hay’addo dibedda ah.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah guddoomiyaha guddiga samatabixinta dadkii ku waxyeelloobay duufaanta ayaa sheegay inay lacagtan tahay tii ugu badneyd ee guddiga soo gaarta, tan iyo markii ay billaabeen qabashada gurmadka loo soo diraayo dadka reer Puntland ee ku wax yeeloobay duufaanta roobka wadatay.

Wuxuu u mahadceliyay dadkii iska soo ururiyay, isagoo dadka ku nool Muqdisho Alle uga baryay inuu siiyo nabadgelyo taam ah oo ay ku noolaadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Warbixin: Tiyaatar ku dumay London oo dad ay ku dhaawacmeen

0

London (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in halkaas uu ku dumay dhismo Tiyaatar caan ah.

66-qof ayaa ku dhaawacmay oo toddobo ka mid ah ay xaaladooda halis tahay, kaddib markii qayb ka mid ah saqafka kore uu soo dumay Tiyaatarka lagu magacaabo Apollo oo London ku yaalla.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhismaha soo dumay la ogaaday dhowr daqiiqo kaddib, waxaana markii horre loo maleenaayay wax yaabaha socda bandhigga tiyaatarka.

Mulkiilaha Tiyaatarka Apollo ayaa sheegay in ay ka naxeen sidda ay wax u dhaceen waxaana ay sheegeen in ay baari doonaan.

Raysal wasaaraha Britain David Camiron ayaa war uu soo dhigay bogga Tweeter-ka wuxuu ku sheegay in uu aad uga naxay waxa ka dhacay Tiyaatarka Apollo.

Sida uu soo sheegay wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Qaarada Yurub, ma jirto qof Soomaali ah oo la soo wariyay in wax ku noqday ama goobjoog ahaa tiyaatarka dumay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

[email protected]

ICG oo ka digtay doorashada P/land

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartey Hay’adda La Socodka Xasaradaha Caalamka ee International Crisis Group (ICG) ayaa lagu xusey in doorashooyinka madaxtinimada maamul goboleedka Puntland ee dhici doona bisha January ay sababi karaan xiisado dhanka beelaha ku saleysan iyo in shacabku kala qeybsamaan.

Warbixinta waxay sheegtey in hay’daha siyaasadda iyo garsoorka ee gobolka ay yihiin kuwo waxqabadkooda aan dhameystirneyn, beesha caalamkana laga doonayo inay wax ka qabtaan.

Warbixinta ICG ayaa ku soo aadeysa ayadoo dhawaan magaalada Garoowe ay ku kulmeen musharixiinta doorashda Puntland oo ka mid yahay madaxweyne Faroole balse kulankoodii wuxuu ku dhammaday guul daro.

Ma cadda sida ay ku dhici doonto doorashada Puntland oo u tartamayaan mushariixiintii ugu badneed.

Warbixinta oo faahfahsan ka dhegayso qaybta hoose boggan

Caasimada Online

Xafiiska WararkaNairobi

[email protected]

FANAANKA AAR MAANTA oo ka hadlay Dhakhaatiirta lagu laayay Soomaaliya

0

London (Caasimada Online) Fannaanka caanka ah ee Aar Maanta ayaa ka hadlay dilka lix qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen dhakhaatiir kuwaasoo shaley lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.

Fannaanka oo ka mid ah fannaaniinta sida weyn loo jecelyahay, waxaa uu dareen naxdin leh ka muujiyay dilkaas, wuxuuna soo diray fariin uu la qaybsanaayo bulshadda dareenkiisa.

Wuxuu yiri “Maantana waxaa la ugaarsanayaa dhakhaatiirtii umadda badbaadinaysay, Illahay waxaa ka baryayaa inuu masiibadan dadkeena ka qabto!”

Si kastaba, qaybaha kala duwan ee bulshadda ayaa si xun uga naxay dilka dhakhaatiirta u dhashay dalka Syria iyo midka Soomaliga ah.

Ilaa hadda ma cadda sababta loo dilay dhakhaatiirtan oo badbaadinayay nafaf badan.

Soomaaliya waxaa ka howgalla maleeshiyaad iyo kooxo dambiilayaal ah, kuwaasoo dila howlwadeena caalamiga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

[email protected]

Qofkii seddaxaad oo Soomaali ah ayaa lagu dilay Koonfurta Sudan (Warbixin)

0

Juba (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya Koonfurta Suudaan ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu dilay nin Soomaali ah.

Goobjooge deggan Juba ayaa Caasimada Online u sheegay ninkan la dilay in uu la socday baabuur booyad ah oo shidaal waday, waxaana lagu dilay magaalada Bor ee caasimadda gobolka Jonglei oo ah meelaha ugu badan oo ay ks socdaan dagaakada Koonufurta Suudaan.

Wuxuu tilmaamay in ninkan Soomaaliga iyo kuwa kale Afrikan la dilay markii la dhacay baabuurkii ay la socdeen.

Goobjoogaha noo warrmay ayaa xusay in laga yabaabo in tirada dhimashada Soomaalida ay intaas ka badnaan karto.

Labo qof oo kale oo Soomaali ah ayuu sheegay inay ku dhinteen labo maalin deegan u dhow caasimada Juba,halkaasoo oo maalintii Axaddii uu ka billowday dagaalka.

Dalka Koonfur Sudan waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasoo ku heesta ganacsiyo kala duwan, waxaana ay bartilmaameed u noqdeen colaada dagaalkaas ka aloosan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

XOG : Ethiopia oo wada qorshe lagu duminaayo maamulka Axmed Madoobe

0

Addis Ababa (Caasimada Online) Dowladds Ethiopia ayaa la sheegay in wado qorshe ay ku dumineyso maamulka KMG ah ee Jubba oo uu hoggaamiyo ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Maxaa warkan ka cusub?

Warkan ayaa soo baxay markii la ogaaday in ay kulmeen Maxamed Cabdi Kaliil oo sheegta in uu yahay guddoomiyaha maamulka Gobalka Gedo, Gen: Gabra iyo diplomaasiyiin ka socda safaarada Ethiopia ee Mudisho.

Maxaa looga hadlay kulanka?

Sida uu saxaafadda u sheegay Maxamed Cabdikaliil ayaa kulan la yeeshay Gen Gabra oo madax u ah ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya ku sugan iyo xubno ka socda safaarada Ethiopia ee Muqdisho.

Waxa ay ka hadleen in Kaliil uu hoggaamiye u noqdo maamulka Gobalka muddo labo sanno ah, isla markaana uu ka go’ maamulka Axmed Madoobe oo ka kooban seddax gobal oo kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Dhinacyadan kulmay ayaa sidoo kale ku heshiiyeeyay Axmed Madoobe in uusan soo faragelin karin maamulka gobolka Gedo muddada labada sanno ah.

Ma cadda warkan oo uu sheegay guddoomiyaha gobalka Gedo sida uu xaqiiqo u yahay, iyadoo maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe uu ka kooban goballo seddax ah.

Dhawaan magaalada Baydhabo waxaa tagay Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan iyo ergo ka socota gobalka Gedo kuwaasoo ku biiray shirka maamulka cusub loogu sameenaayo gobalada Koonfur Galbeed.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa bishii September waxa ay magaalada Addis Ababa kula heshiiyeen dowladda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana heshiiskaas garwadeen ka ahaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Tedros Adhanom.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

MUQDISHO oo maanta dib looga furay xarun muhiim u ah bulshadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah looga dhawaaqay qorshe dib loogu furaayo maktabadii qaranka Soomaaliya, taasoo ku burburtay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Xaflad ka dhacday Hotelka Jazeera oo u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa looga dhawaaqay arrintaas, waxaana shaaciyay machadka daraasaadka iyo siyaadda ee Heritage oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Waxaa goobta laga sheegay Maktabada in ay hadda diyaar u yihiin 22-kun oo buugaa ah, kuwaasoo uu ku deeqay mudane ka tirsan Kongreska Maraykanka laguna magacaabo Keith Ellison.

Waxaa kaloo la sheegay in 60kun oo buugaag ah dhawaan ay ka imaan doonaan waddamada sida ay sheegeen mas’uuliyiinta machadka Heritage.

Ugu dambeyn waxaa goobta la sheegay in muddo lix bil ay qaadan doonto dhismaha maxktabada qaranka oo ka kooban seddax dabaq taasoona ku taalla agagaarka gurigga hooyinka.

Waxaa kaloo la shegeay in kharashka dhismaha ku bixi doono u gaarayo labo milyan oo dollar, waxaana laga rabaa ayaa la dhahay ganacsatada Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horreysay oo si rasmi ah loo sheego in la dhisaayo xaruntii maktabada qaranka oo marka la dhiso laga dhigi doono qaab Mobail ah ama maktabad guur-guurta.

Maktabadan ayaa noqon doonta maktabadii ugu weyneed ee laga furo dalka,marka laga reebo maktabooyin kale oo ku yaalla caasimada balse ay lee yihiin shaqsiyaad ama Jaamcado.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Horumarka ka socda Muqdisho xaguu marayaa (Muuqaal lagu farxo)

0

Caasimada Online: Magaalo Madaxda dalkeena ee Muqdisho  Hadaad mudo badan qurbaha ku maqneyd oo aa dib ugu soo noqotay Dalka gaar ahaan  Muqdisho, Waxaa kuu muuqanaayo horumar dhinac kasta marka laga fiiriyo amaan iyo horumar deg deg ah oo Muqdisho ay ku tallaabsatay.

Muuqaalkii ugu danbeeyay ee laga soo duubay Muqdisho ayaa muujinayaa horumarka ka socda iyo dib u dhiska dhinac walbo, gaar ahaan wadooyinka oo Dowladda Turkiga xil weyn iska saartay sidii Muqdisho ula jaan qaadi laheyd dunida maanta.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Sawirkan waa gabar yar oo MUQDISHO joogta oo qaadatay go’aan cajiib ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqan ahaan dumarka in ay shaqeeyaan oo ay raadiyaan biilka ama nolasha qoyska ma ahan mid nagu cusub, oo waxa uu u soo jiray tan iyo burburkii dowladii dhexe sannadkii 1991-dii, haddaba akhristow bal malee gabar yer oo malaha 13-jir ah oo u bareertay in ay qabto xirfad ay adag tahay inay qabtaan dumar badan.

Ayaan Maxamed Muuse, waxa ay la nooshay hooyadeed oo heesata carruur kale oo ay walaalo yihiin, aabahood ma noola sida ay sheegtay, waxaana ay go’aansatay in ay kaalin muuqata ka qaadato kabida iyo koritaanka qoyskeeda.

1517461_1405243763052019_1495760659_nWaxaa lagu arkay gabadhan yer mid ka mid ah wadooyinka Muqdisho, waxa ay hadda ku shaqeysaa xirfada kabo caseeyanimada oo ay ku xamaashaan carruur u badan agoon oo ku nool dalka.

Ayaan waxa ay sheegtay in go’aansatay intii ay tuugsan lahayd in ay shaqeesato, waxaana go’ankeeda soo dhaweeyay dad badan oo ku nool Muqdisho.

Dumarka Soomaalida ayaa kaalin weyn kaga jirra dhismaha iyo koritaanka qooysas badan oo ku nool Soomaaliya wixii ka dambeeyay burburkii dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Somalia oo wafdi u dirtay colaadda ka taagan Koonfurta Sudan (Warbixin)

0

Jubba (Caasimada Online) Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa ku biiray xubno ka socda waddamada IGAD kuwaasoo maanta u ambabaxay magaalada Jubba ee caasimada Koonfurta Sudan, si ay qaboojiyaan colaada ka taagan dalkaas.

Wafdiga dowladda Soomaaliya waxaa hoggaamineysa si hayaha xilka wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Marwo Fowsiyo iyo wafdigeeda ayaa ku biiray wasiirada arrimaha dibedda IGAD oo hadda ka duulay garoonka diyaaradaha Addis Ababa halkaas oo ay ku ballansanaayeen wasiiradda, sidaas waxaa VOA u sheegay lataliyaha safaarada Soomaalida ee Addis Ababa, Cabdirashiid Sheekh Saciid.

Wafdiga u amababaxay caasimada Juba waxaa kaloo jirra wasiiradda arrimaha dibedda Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay ciidamada Koonfurta Sudan Philip Agueran ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in gacantooda ay ka baxday caasimada gobalka Jongaley ee Bor.

Dagaalka ka qarxay Koonfurta Sudan Axadii ayaa waxaa ku dhintay 500 oo qof in ka badan 700 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay sheegtay hey’adda laanqeyrta case e ICRC.

War ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Koonfurta Sudan ayaa lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku hayaan magaalada Jubba, kaddib afgembi lagua doonayay in lagu qaado dowladda madaxweyne

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

[email protected]

Soomaaliya oo hal lug ku taagan (Bal u fiirso macnaha uu bixinayo sawirkan)

0

Sawirkani waxa uu maanta ka mid ahaa sawir-gacmeedyo lagu soo bandhigey magaalada Nairobi kuwaasi oo ka hadlayay colaadihii uu dalka soo maray, waxaana u daawasho tagay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaaliya Prof. Jawaari.

Hal lug ku taagan

Sawirkani aan sida gaarka ah usoo qaadanay waxa ka muuqda nin geelisa la jooga, misne taleefoon ku hadlaya, oo hal lug ku taagan, waxaa gadaashiisa ka muuqda geel.

taaganSawirka waxa uu koobayaa marxalado baddan, kadib dagaalo badan oo lasoo maray, wali ma jirto nabad lagu naaloon karo, sidaasi darteedna dalka waa mid lug ku taagan.

Heegan

Sawirka waxa kale oo uu ka turjumayaa dhaqanka qofka Soomaaliga ah ee ragga ah, kaasi oo isku heli kara in uu taagnaado, misane nasto sidii isagoo fadhiya, hubeysan oo heegan ah markasta, bal eeg usha uu wato, dantiisa raacanaya oo waakaas xoolaha ilaashanaya, dhegta u taagantahay oo wardoon ah, waakaas taleefoonka ku hadlaya ee maxaa la sheegeyda leh, malaha col ayuu u toog hayaa.

Miyi-Magaaloobey

Marka dhan kale laga eego, waxa sawirka ka muuqda sida miyigii usii magaaloobayo, waa isagaas isgaarsiintii casriga isticmaaalaya ee taleefoonka ku hadlaya, layaabna kugu noqon meyso in ninkani haddii aad la kulantid uu barfuum kaaga soo carfo, xiligii hore marka geela la shubayo waxa ay ragga ku heesi jireen “umul wiil leh iyo, aroos ma tihide, maxaa uunsigu kaaga soo urey”, iyaga oo ola jeeda habeedda geela, balse maanta catar ayaa kasoo udgaya reer miyiga.

Labo-Qeyd

Sawirka waxaa kale oo ka muuqda dharxirashada Soomaalida, waa nin labo-qeyd xiran, waa nin kor maryaha ugu xeydanyihiin, waa diyaar oo haddii lama filaan dhoco ma ahan nin kala daadsan.

Isha: Xog-Maal

Mas’uul ka tirsan mamulka Somaliland oo lagu maxkamadeynayo Mareykanka

0

Washington DC (Caasimada Online) – Agaasimihii guud ee wasaaradda waxbarashada maamulka Somaliland Cali Maxamed Cali oo dhawaan ay guddi xeerbeegti ah oo ka tirsan maxkamadaha dalka mareykanka ay ku weysey dambi la xiriira inuu gacan ka geystay falal burcad badeednimo iyo afduubashomarkab Denmark laga leeyahay, ayaa hadda mar kale dowladda Maraykanku waxa ay sheegeysaa in dacwadaasi ay dib u fureyso oo ninkaasi maxkamad la horkeenidoono.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan waaxda dambi barista dalka mareykanka Cali Maxamed Cali ayay tahay in uu markale hortago maxkamad si uu uga jawaabo eedeymo ay dowladda Maraykanka u heysato in uu ahaa ninkii u dhaxeeyey afduubayaasha iyo ehelka dadka la afduubtey iyo mulkiilayaasha markabka, waxayna ku doodeen dacwad oogayaashu inuu qeyb ka helay lacagtii madax furashada, sida lagu eedeeyey,ilaa iyo haddana lama sheegin waqtiga ay bilaabaneyso dacwadda kale ee loo heysto mas’uulkaasi.

Ma aha markii ugu horeysay oo dacwad lagu soo oogo agaasimihii guud ee wasaaradda waxbarashada maamulka Somaliland Cali Maxamed Cali, waxaana jiray warar sheegayey in ninkan sidan oo kale hadda ka hor dacwad loogu soo oogay, inkastoo uu racfaan ka qaa tay dawacaddii lagu soo oogay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]