Soomaaliya oo hal lug ku taagan (Bal u fiirso macnaha uu bixinayo sawirkan)

Sawirkani waxa uu maanta ka mid ahaa sawir-gacmeedyo lagu soo bandhigey magaalada Nairobi kuwaasi oo ka hadlayay colaadihii uu dalka soo maray, waxaana u daawasho tagay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaaliya Prof. Jawaari.

Hal lug ku taagan

Sawirkani aan sida gaarka ah usoo qaadanay waxa ka muuqda nin geelisa la jooga, misne taleefoon ku hadlaya, oo hal lug ku taagan, waxaa gadaashiisa ka muuqda geel.

taaganSawirka waxa uu koobayaa marxalado baddan, kadib dagaalo badan oo lasoo maray, wali ma jirto nabad lagu naaloon karo, sidaasi darteedna dalka waa mid lug ku taagan.

Heegan

Sawirka waxa kale oo uu ka turjumayaa dhaqanka qofka Soomaaliga ah ee ragga ah, kaasi oo isku heli kara in uu taagnaado, misane nasto sidii isagoo fadhiya, hubeysan oo heegan ah markasta, bal eeg usha uu wato, dantiisa raacanaya oo waakaas xoolaha ilaashanaya, dhegta u taagantahay oo wardoon ah, waakaas taleefoonka ku hadlaya ee maxaa la sheegeyda leh, malaha col ayuu u toog hayaa.

Miyi-Magaaloobey

Marka dhan kale laga eego, waxa sawirka ka muuqda sida miyigii usii magaaloobayo, waa isagaas isgaarsiintii casriga isticmaaalaya ee taleefoonka ku hadlaya, layaabna kugu noqon meyso in ninkani haddii aad la kulantid uu barfuum kaaga soo carfo, xiligii hore marka geela la shubayo waxa ay ragga ku heesi jireen “umul wiil leh iyo, aroos ma tihide, maxaa uunsigu kaaga soo urey”, iyaga oo ola jeeda habeedda geela, balse maanta catar ayaa kasoo udgaya reer miyiga.

Labo-Qeyd

Sawirka waxaa kale oo ka muuqda dharxirashada Soomaalida, waa nin labo-qeyd xiran, waa nin kor maryaha ugu xeydanyihiin, waa diyaar oo haddii lama filaan dhoco ma ahan nin kala daadsan.

Isha: Xog-Maal