28.4 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Warbixin: Maxaa xigay dilkii shalay ee dhaqaatiirtii ajnabiga ahayd?

0

Muqdisho (Caasimada Online) Urur ay ku mideesan yihiin dhakhaatiirta Soomaalida ayaa ku baaqay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dilka lix qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen dhakhaatiir Soomaali iyo Siiriyaan oo shaley lagu laayay duleedka magaalada Muqdisho.

Dr. Xuseen Muumin oo ah xoghayaha ururka dhakhaatiirta Soomaalida ayaa sheegay in codsanayaan in la baaro dilka dhakhaatiirtaas, haddii kale waxaa ka dhallan doonta ayuu yiri cawaaqib xun.

Wuxuu sheegay in dhakhaatiirta ku nool dalka ay qabteen badbaadinta naf badan oo la’aantood la weyn lahaa illaah ka sakow.

Wuxuu kaloo sheegay Dr.Muumin in haddii aan degdeg sharciga loo keenin kuwii ka dambeeyay dilkaas foosha xun in ay sababi karto dhakhaatiirta fara kutiriska ee ku nool dalka in ay ka cararaan.

Isku soo duub dilka shaley ka dhacay duleedka Muqdisho waxaa aad uga naxay shacabka ku nool magaalada Muqdisho, waxaana ay noqotay warka ugu weyn ee iminka la hadalhayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Muuqaal laga naxo oo laga soo duubay magalada Jowhar ee Sh/dhexe

0

Muuqaal laga naxo oo laga soo duubay Deegaanada ku teetsan Magaalo Madaxda Xarunta Shabelada Dhexe ee Jowhar & Dhibaatada xoogan ee uu geestay fatahaada Wabiga Shabelada Dhexe.

Aqristoow daawo muuqaal cusub oo laga soo duubay Dhibaatada Fatahaada Wabiga Shabellada dhexe uu geestay & sida ay yihiin Shacabkii dhibaatada gaartay ee indhaada ku arag walaalaha dhibaateeysa.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dhagayso: Aw-libaax “Axmed Madoobe wuxuu jabiyey heshiiskii lagu doortay”

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xiriirka ka dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Aw-LIbaax, oo markii horeba ku bahoobay maamulka Jubbaland, ayaa sii xumaanaya, ayada oo labada dhinac is-aamin la’aan ay soo kala dhex gashay.

Sheekh Maxamed Yuusuf Awlibax oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa eedayn kulul dusha uga tuuray Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe.

Libaax ayaa ku eedeeyay Hogaamiye Madoobe inuu jabiyay heshiisyadii la wada gaaray isla markaana uu soo dhisay maamul aysan dadka deegaanku raali ka ahayn.

Hoos ka dhagayso Waraysi Xiiso badan oo uga hadlayo arrimahaasi.

libaax

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Somalia: UN Envoy condemns the brutal killing of doctors

0

The Special Representative for the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia, Nicholas Kay, has strongly condemned the killing of six people outside Mogadishu earlier today.

Reports indicate that a convoy carrying medical personnel to a health facility west of the capital came under attack by unknown gunmen who killed four doctors – one Somali and three Syrians – and a Somali driver and guard. At least two other passengers were seriously wounded.

“Somalia, still struggling to build up its health services, relies on the goodwill of NGOs and medical personnel who work in incredibly difficult conditions to save Somali lives,” SRSG Kay said. “I condemn this attack and those who continue to seek to halt the country’s progress; I urge the Federal Government of Somalia to thoroughly investigate this heinous crime and bring those responsible to justice.”

SRSG Kay sends his sincere condolences to the families and friends of those who lost their lives, and wishes those injured a speedy recovery.

Gunmen in Somalia kill three Syrian doctors, three Somalis

0

Fighters in Somalia shot dead three Syrian doctors and their three Somali colleagues Wednesday as they travelled to a hospital outside the capital Mogadishu, an AFP reporter said.

Their bullet-riddled bodies were carried into Mogadishu’s Medina hospital after the attack on road leading from the capital to Afgoye, a town some 30 kilometres (20 miles) northwest of the capital.

Doctors at the hospital said the foreigners killed were Syrians.

One Syrian doctor was also wounded in the attack, which took place as the group travelled down the road towards Afgoye, a former stronghold of the Al-Qaeda-linked Shebab insurgents, before they were driven from the town in May 2012.

However, a senior Shebab official said they did not carry out the attack, although their fighters have often carried out shootings, bombings and suicide commando raids against government and international targets, including aid workers.

The region is awash with guns and multiple armed men and militia forces operate in the area, one of the most dangerous places in the world for aid workers.

Somalia has been riven by civil war since the collapse of the central government in 1991.

The Shebab have been driven out of Somalia’s major towns by a UN-mandated African Union force (AMISOM).

However the Shebab still controls large swathes of southern Somalia as well as pockets of Puntland.

On Monday, a new chief of the AU force took over command, vowing he would lead the 17,700-strong force in a fresh offensive against the Shebab, with over 4,000 reinforcements expected.

With extra troops, “AMISOM will be able to expand its area of responsibilities to liberate other locations which are currently in the hands of Al-Shebab,” said new commander Silas Ntigurirwa, a Burundian general.

The Shebab claimed responsiblity for an bloody attack in September on a shopping mall in Nairobi in retaliation for Kenya’s military intervention in Somalia.

Last week, 13 people were killed in four attacks in Kenya during week-long celebrations to mark the country’s 50th anniversary of independence.

Source: AFP

DEG DEG AH: Xildhibaan goordhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda ku soo dhacay xafiiska Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho ayaa sheegaya goordhow in uu magaalada ku geeriyooday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa lagu magaaabi jiray Xasan Muxumad Cali (Sokorliin)

Xildhibaanka ayaa naloo sheegay in uu ku geeriyooday Hotel Muna oo ku yaala Degmada Xamar Weyne, iyadoo uu u geeriyooday xanuuno haayay maalmihii la soo dhaafay.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari oo la hadlay saxaafadda ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaanka, wuxuuna tacsi u diray xildhibaannada uu ka baxay, qoyskiisa iyo dhammaan ehelkiisa.

Sidoo kale geerida xildhibaalka waxaa ka tacsiyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya oo tacsi u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeenadiisa, xildhibaanada sharafta leh iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxuuna EEBBE uga baryey inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo shacabka soomaaliyeed uu ka geeriyoodayna uu SAMIR iyo IIMAAN EEBBE ka siiyo.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa xildhibaannada cusub baarlamaanka, waxaana lagu wadaa in maalinta berri ah lagu aaso magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live,com

ISBITAALKA ay dhakhaatirtii la laayey u shqeynayeen oo bixiyey xog cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Isbitaalka ay u shaqeenaayeen dhakhaatiir lagu dilay maanta duleedka magaalada Muqdisho ayaa ka warbiyay sida dareenkooda uu yahay.

Agaasimaha Isbitaalka Fiqi, Dr Cabdiraxmaan Sheekh Fiqi, oo ah ay ka shaqeynayeen takhaatiirta la dilay, ayaa BBC-da in wixii dhacay ay aad uga xun yihiin balse wuxuu sheegay in wax cabsi aysan ku keeni doonin shaqadii ay u hayeen bulshadda.

Mar la weydiiyay sida ay dhakhaatiir ajaaniib ah dalka u keeneen isla markaana ka shaqeeya meel 15km u jirta caasimada Muqdisho, wuxuu sheegay in dalka ay ka shaqeeyaan ajaaniib fara badan kuwaasoo la shaqeeya hey’addo iyo Isbitaalo kuwaas ayaan ka mid ahayn ayuu yiri Dr Fiqi.

Ugu dambeyn waxaa la weydiiyay in ay jirtay wax hanjabaad ah oo horrey isbitaalka ama dhakhaatiirta loo jeediyay.

Wuxuu sheegay inaan loo soo jeedin wax hanjabaad ah ka hor dilka maanta.

Dhinaca kale, Maamulka Isbitaalka Madiina oo la geeyay meydka dhakhaatiirta la dilay ayaa sheegay in lix qof oo meyd ah loo keenay maanta oo ay ku jiraan seddax qof oo dhakhaatiir Syrian ah.

Madaxa caafimaadka Isbitaal Madiina, Duniyo Cali Maxamed oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay aragtay meydka lix qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen dhakhaatiir sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay sheegtay oo kale in dhakhaatiirta uu ku jiray dhakhtar Soomaali ah oo lagu magcaabo Cabdikariin.

Waxa ay sheegtay Duniyo Cali Maxamed in meydka dhakhaatiirta Syrian-ka ah loo qaaday Isbitaal ay lee yihiin Turkiga si loogu qaado waddankooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DAB XOOGGAN OO KA SOCDA NO.50

0

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dab xooggan uu ka socdo deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Goobjooge ayaa u sheegay warbaahinta dab xooggan in uu iminka ka socdo deeganka Lambar 50 oo maalmahan dagaallo ay ka socdeen.

Wuxuu sheegay in guryo badan lagubay sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale in guryaha ay ku bayaan kooxo maleeshiyo ah oo deeganka ku ku soo duulay.

Waxaa deeganka ka billowday barakac xooggan sida ay lee yihiin dad goobjoogayaasha.

Dhinaca kale, waxaa dagaal goos-goos ah uu ka socdaa deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay isku heestaan maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Biiyamaal iyo Habar-gidir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

KASHIFAAD: Musuqmaasuq qabiil iyo deegaan ku saleysan oo ka socda mid kamid ah wasaaradaha DF + Sababta

Maxaad kala socotaa musuq maasuq iyo qabyaalad baahsan ee ka dhex jirto Agaasinka Caafimaadka ee Dawladda Federaalka? Yaase ka masuul ah musuq masuqa iyo qabyaaladaas? Maamulada Somaliland iyo Puntland ilaa xadkee ka qeyb qaateen Musuqmaasuqaas? Hay’adaha UN-ka xadkee ku lug leeyihiin musuq maasuqa baahay? Deeq bixiyayaasha barnaamijka JHNP/EPHS ee Australian Aid (AusAID), EU, Government of Sweden (through Sida) Government of the United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland (through DFID) iyo US Agency for International Development (USAID) ilaa xadkee ayay ka warqabaan sida loo maamulo deeqaha ay usoo dhiibaan umada Soomaaliyeed? Yaase iska leh masuuliyadda sixitaanka markii qabyaalad iyo musuq maasuq soo dhex galaan hay’adaha dawladda?

Hadaba si aan ugu iftiimino aqristayaasha su’aalaha kor ku qoran oo dhan waxaan halkaan ugu soo bandhigi doonaa dhacdooyin iyo cadeymo xaqiiqo ah oo ku saabsan musuqmaasuqa iyo qabyaalada baahay ee ka dhex jirta agaasinka Caafimaadka ee wasaarada adeega Bulshada ee Dawladda Federaalka Somaliya.

Agaasimaha guud ee waaxda Caafimaadka ee wasaaradda adeega Bulshada ee dawladda Federaalka Soomaaliya Mr Ducaale Mohamed Aden iyo agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaarada Caafimaadka Somaliland Mr Khadar ayaa ku shirkoobay NGO lagu magacaabo ANPPCAN oo wadamo badan oo Africa ah ka hawl gala, balse Soomaaliya xaruntiisu tahay magaalada Hargaysa. Labadaan agaasime ayaa ku heshiiyey in ANPPCAN laga hawl geliyo koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyada oo Madaxa ANPPCAN ee koofurta laga dhigey gabar lagu magacaabo Rahmo oo la walaal ah Xaaska Mr Ducaale.

Mashaariicda ANPPCAN NGO sida musuq maasuqa ah looga dhiibay waxaa kamid ah:-

  1.  Wacyi grlinta cudurka Polio ee Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya. 
  1. EPHS Health, Nutrition and WASH assessment in Gedo, Galgaduud and Banaadir Region (Baaritaan Xogta Caafimaadka, heerka nafaqada, Biyaha, Nadaafada ee Gobolada Gedo, Galgaduud iyo Banaadir).
  1. UNICEF Breast Feeding Practices program in Banaadir region.

Sida la og yahay waxaa bisha May 2013 dib loogu arkay cudurka Polio-da qeyb kamid ah dalka Soomaaliya. si wax looga qabto soo noqoshada cudurka Polio-da waxaa la dardar geliyey ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha iyo wacyi gelinta cudurka Polio-da iyo dhibaatooyinkiisa. Si haddaba u suurtagasho dardar gelinta hawlaha Talaalka iyo wacyigelintiisaba hay’adaha UNICEF iyo WHO waxay iskaashi la sameeyeen Dawlada Soomaaliya gaar ahaan agaasinka Caafimaadka iyadoo la rajeynayay in si daacadnimo ku dheehan tahay  oo wadaniyad  iyo karti xirfad yaqaanimo wehliso uu agaasinka caafimaadka iskugu dabarido hawlaha ololaha talaalka cudurka Dabaysha lana yimaado talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan cirib tirka cudurka dabaysha Soomaaliya. waxaase nasiib daro noqotay in rajadaasi ay isla markiiba rumoobi weysay sababaha soo socda awgeed.

Waxyaabihii ugu horeeyay ee agaasime Ducaale soo bandhigay waxaa kamid ahaa isaga oo qasab kaga dhigay hay’adaha UNICEF iyo WHO inay la shaqeeyaan Hay’adda ANPPCAN oo ay shirkada ku yihiin gudaha Soomaaliya Mr Ducaale iyo Mr Khadar inay Maamusho oo lasoo mariyo lacagaha loogu talo galay wacyi gelinta Cudurka Dabaysha ee koofurta iyo Bartamaha, iyadoo lagu lamaaniyey Hay’adaha WARDI iyo MUSLIM AID. Waxaa in la xuso mudan in ANPPCAN ay xaq u leedahay inay ka shaqeyso hawl gal kasta oo ku saabsan wacyi gelinta ayna ka shaqeyn karto meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah sida Hay’adaha kale, waxaase mudan in la is weydiiyo maxay tahay sababta keeni karta in Hay’adihii ka shaqeyn jiray hawlaha cudurka dabaysha ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, lahaana khibrad iyo karti wax qabad oo la og yahay in la hoos geeyo ANPPCAN oo la wada og yahay in Bisha October 2012-ka ay kamid noqotay NGO-yada ka shaqeeya Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya! Maxayse tahay Dareenka ay bixineyso in ANPPCAN ay la wareegto degaano ka tirsan koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya gaar ahaan degmooyinka Afgoye iyo Awdhegle oo la og yahay inay ka shaqeeyaan hay’addo Maxali ah iyo kuwa caalami ah, iyaga oo garabka ka helaya Milkiilaha ANPPCAN keensaday koofurta iyo Bartamaha Somalia  Mr Ducaale Mohamed Aden oo ah Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Wasaaradda Adeega bulshada.

Mr Ducaale ayaa musuqmaasuqiisa uu haatan marayaa heerkii ugu sareeyey kadib markii uu Hay’adaha UNICEF iyo WHO ku qasbay NGO lagu magacaabo ANPPCAN oo ay wada leeyihiin Mr Khadar oo isagu ah agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Somaliland in loo dhiibo barnaamij qiimeeyn ah oo qeybka ka ah EPHS (Essential Package for Health services)  (Xaalada caafimaadka, Nafaqadarada iyo Nadaafada ee gobolada Banaadir, Gedo iyo Galgaduud).

Mr Ducaale, ayaa wasaaradda keensaday rag isaga qaraabo la ah oo uu ku qasbay in Hayadaha UNICEF iyo WHO ay mushaharka siiyaan qaab la taliyanimo, dadkaa sida musuqmaasuqa ah uu Ducaale ugu qasbay hay’adda  UNICEF iyo WHO waxaa Kamid Ahmed Discipline iyo Wiil Ahmed Discipline uu adeer u yahay laguna magacaabo Mahamed Sh Hassan Jiis, Mohamed Sheik Hassan Jiis oo Ducaale iyo Ahmed Discipline inta uusan hawlgabka ka gelin UNICEF ka shaqaaleysiiyeen UNICEF qeybta Polio-yada ayaa hay’adda UNICEF shaqada ka joojisey maadaama WHO Somalia horey ugu ruqseysay Mohamed Sheikh Hassan Jiis musuq maasuq badan oo uu ku sameeyay Mashruucii Polio-yada ee Gobolka Sh/hoose.

Kadib Markii Mohamed Sheikh Hassan Jiis UNICEF ka joojisay shaqada, ayaa  Mr Ducaale u dhiibtay xiriiriyaha Poilo-yada ee koofurta Soomaaliya iyadoo hay’adda UNICEF-na la amray inay bixiso mushaharka shaqsigaan loo keensaday in lagu lunsado lacagaha loogu talo galay Polio Somalia, gaar ahaan koofurta iyo bartamaha Somaliya.

Madaxda wasaarada Caafimaadka ayaa uun noqday kuwo ku mashquulsan inay ku qasbaan Hay’adaha UNICEF, WHO iyo UNFPA hay’ado ay iyagu wataan iyo kuwo ay lacago badan ka qaateen. Xulitaanka hay’adaha ka shaqeynaya mashruuca EPHS-ka ee gobolada Banaadir, Galgaduud iyo Gedo ayaa noqday mid musuqmaasuq hareeyay iyadoo Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee uu ugu horeeyaan Mr Ducaale, Dr Mohamed Farah, Mr Abdihamid ay noqdeen kuwo marin habaabiya mashruuca EPHS-ka iyaga oo u bedelay wasaaradii meel uun lacag laga sameeyo.

Musuqmaasuqa Ducaale iyo Koxdiisa oo xargaha goostay ayaa keenay inuu xumaado xiriirka Wasaaradda Caafimaadka iyo saraakiisha Hay’adda UNICEF, WHO iyo UNFPA.

Madaxda Hay’adaha UNICEF, WHO iyo UNFPA ayaa masuuliyiinta wasaaradda Caafimaadka Somalia ugu hanjabaan markasta hadii aan taladooda la qaadan inay dacwo ka gudbinayaan qofkii kasoo horjeesta qorshahooda ku salaysan lacag ka samaysashada Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirada Wasaaradda adeega Bulshada Drs Maryan Qaasin oo aheyd inay musuqmaasuqaan iyo qabyaaladan xadka ka baxday wax ka qabato ayaa gabadheeda Mushaar la taliyanimo uga qortay hay’adda UNICEF, mushaarkaas oo la sheegay inuu gaarayo 5000$ (Shan kun Doolar)
Waxaan maalmaha soo socda idiin soo bandhigi doonaa Hay’addaha loo xulay mashruuca EPHS-ka inay ka fuliyaan gobolada Gedo, Galgaduud iyo Banadir iyo xiriirka kala dhaxeeya Agaasimayaasha Musuqmaasuq ee wasaarada Caafimaadka eek ala ah Mr Ducaale, Mr Abdihamid, Mr Abdigani iyo Dr Mohamed Farah.

W/D: Qeybta daba-galka ee Caasimada Online

VIDEO: Muqdisho sidaan maku ogeyd?

0

Caasimada Online:  Magaalo Madaxda Wadankeena ee Muqdisho Muuqaal ahaan iyo Muqdishadii 23-kii sano ee burburka waa is badashay waxeey isku badashay Muqdisho Cusub Iyo Bilic Cusub.

Aqristoow nala arag Muuqaalkii u dambeeyay & Bilicda Magaalada sida ay tahay haatan iyo sida ay aheyd Bilo ka hor adaa la qiiroon doono sida ay noqotay Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Xasan Sh oo si kulul u cambaareeyay dilka dhakhaatiirta reer Syria

0

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u cambaareyay weerarkii maanta barqadii lagu laayay dhakhaatiir u dhashay dalka Syria.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ku tilmaamay falkii lagu dilay takhaatiir Siiriyaan iyo Soomaali isagu jirta mid ay ka danbeeyaan dad diidan dowladnimo, nidaam iyo sharci. Hase yeeshee dowladdu wey ka go’antahay in dowladnimada la hirgeliyo oo nabadeynta la sii wado. Kuwii ka danbeeyey falkan waa in sharciga la horkeenaa oo ciqaabta tan ugu adag la marsiiyaa, bacdamaa ay sharafkii, karaamadii iyo sumcadii ummadda iyo dalka wax u dhimeen. Wallaalaha Siiriyaanka waxey u yimaadeen inay saacidaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, waxaa goordhow lagu aasay Muqdisho seddaxdii Soomaalida ahayd ee lala dilay dhakhaatiirta Siiriyaanka.

Dadka ku dhaqan Muqdisho ayaa si weyn uga xumaaday dilka dhakhaatiirta ka soo jeeda dalka Syria ee lagu dilay Muqdisho.

Meydadka dhakhaatiirta reer Syria ee la dilay ayaa hadda ku jirra qaboojiyaal yaalla isbtaalka Shifo ee magaalada Muqdisho, waxaana socda xiriir ku saabsan siddii waddankooda loogu qaadi lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Nabaddoon caan ahaa oo lagu dilay..!!

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug lagu dilay nabadoon caan ahaa.

Wariyaha Caasimada Online ee Puntland, ayaa soo sheegay in nabadoonka ay dileen kooxo ku hubeysan bastoolado, waxaana ay ku dileen xaafadda Garsoor ee waqooyiga Gaalkacyo.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Faarax Axmed Digile, sidoo kale waxaa dhacdadaas ku dhaawacantay haweeney agjoogtay nabadoonka la dilay.

Kooxda dilka geesatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana soo gaaray dilka kaddib goobta ciidamo ka tirsan kuwa Puntladn kuwaasoo baaritaano sameeyay.

Ma cadda sababta loo dilay nabadoonkan oo caan ka ahaa deegannada Puntland.

Puntland ayaa hadda isku diyaarineysa doorashada madaxweynaha taasoo lagu wado in ay dhacdo horaanta bisha January.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Shirka Baydhabo ee Koonfur Galbeed oo mucaarad hor leh la kulmay

0

Baydhabo (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Baay ayaa ku tilmaamay shir maalintii shaley ka furmay magaaladaas mid sharci daro ah isla markaana ay wataan shakhsiyaad gaar ah sida ay lee yihiin.

Guddoomiye ku-xigeenka gobalka Baay, Shiino Macalin Nuurow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay shegay in shirkaas uu wato Aadan Madoobe iyo koox kale kuwaasoo ka leh buu yiri dano gaar ah.

Wuxuu sheegay oo kale guddoomiye ku xigeenka shirka in 25-ka bishan uu so rasmi ah uu u furmi doono isla markaana ay ka soo qaybgali doonaan mas’uuliyiin ka socota dowladda oo uu ku jirro Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Baydhabo waxaa ka furmay labo shir oo iska soo horjeedo kaasoo looga hadlaayo maamul cusub oo loo sameenaayo gobalada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa muuqata in uu jirro khilaaf ka taagan maamul la doonayo in loo sameeyo gobalada Koonfur Galbeed, kaasoo dadka u ololeenaya ay lee yihiin waa in lagu soo koobaa seddax gobal kuwa kale ayaa qaba waa in laga dhigaa lix gobal oo kala ah Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

SAWIRRO: Caasha Xaaji Cilmi oo abaal marin caalami ah la guddoonsiiyey

0

Xildhibaanad Caashi Xaaji Elmi oo ah Marwo Si weyn looga qadariyo Caalamka iyo Soomaaliya ayaa shalay ku guulaysatay Bilada xaqiijinta xaqqa ka qeyb galinta geedi socodka nabada ee haweenka Soomaaliya.

Biladahan oo laga Soo xulay Dadka la siinayo Dhamaan wadamada Africa ayaa waxaa isugu soo haray afar Haween oo ay ka mid tahay Caasho Xaaji Elmi,waxaan afartan Haween loo aqoonsaday Haweenka isbedlka ku sameeyay Africa gaar ahaan xaqa Haweenka Afrika.

Abaal marinta waxaa bixisay Madaxweynaha Wadanka Malawi Dr.Joyce Band Isla markaana ah gudoomiyaha urur goboleedka SADC. Waxaa lagu xusay sanadguuradii 10aad oo ka soo wareegtay Protocolka Midowga Afrika (AU) oo ahaa dhowrista xaquuqda.

Sedexda Haween ee kale oo helay abaalmarintaan ayaa waxay kala yihiin Ms. Forlorunso Alakija (Nigeria) oo ah naagta uugu dhaqaalaha badan naagaha Aduunka oo la siiyay billada Economic empowermentka Africa.

Ms. Litha Musyimi Ogana (Kenya) oo ah gudoomiyaha gender and advocacy in the AU oo iyadana la siiyay Abaalmarintan.

Ms. Anastasia Msosa (Malawi) oo ah haweeneyda uugu horeeysay oo ka noqotay Chief Justice wadankeeda oo malawi.

Abaalmarintaan ayaa ah abaalmarinada ugu qaalisan Qaarada Africa waana Abaalmarin laga soo shaqeeyo ka hor inta aan la dhiibin.

Dhinaca kale Caasho Xaaji ayaa la kulantahay Haweynayda Madaxweynaha Ka ah wadanka Malwai Dr.Joyce Band iyadoo ku amaantay Doorka Caash Xaaji ay ka qadatay in Haweenka Soomaaliyeed ah helaan Xaquudooda.

Madaxweynaha Dalka Malawi Dr.Joyce Banda aa u hambalyeysay Caasho Xaaji Cilmi oo ku tilmaamtey hogaamiye isbadal muuqda ku sameeyay xaquuqda Haweenka Soomaaliya iyo kuwa Africa. waxay tirii “waxaan uuga dhex jeeda Caasho.

Hadaba Caasho Xaaji Elmi oo ah Hada Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ahna Haweynayda kaliya ee Miisaan xoog leh ku leh Siyaasada Dalka Soomaaliya iyo waliba Beesha Caalamka ayaan waxaan idin soo Bandhiganaa Biladihii ay qadatay Halkan ka aqri.

Caasho waxay ku guulaysatay Sanadakan 2013 Bilada african achievers awards

Caasho Xaji ayaa sidoo kale ka mid noqotay (500) shanta boqol oo qofood ee wadamada islaamka ee loo aqoonsaday inay saameyn leeyihiin islamarkaana howl wax ku ool ah ka qabtay wadamadooda.

Sidoo kale Casho Xaaji waxay Qaadatay 2010 Lifetime achievement for african peace oo ah bilad shantii sano hal mar la bixiyo waxaana 2005 la siiyay bildan Xoghayihii Hore ee Qaramadamidoobay Koofi Anan,waxaana abaalmarintaan la siiyaa qof muhiima oo waxa uu qabtay ay muuqdaan.

Sanadii 2009 Caasho Waxay Qaadatay Clinton Global Citizen Award oo ah bilad qeymo badan waxaana bixsa Hayda uu madaxda ka yahay madaxweynihii hore Maraykanka Bil Clinton.

Sanadii 2008 ayay sidoo kale qaadatay Caasho Haaji Abaalmarinta lagu magacaabo Right livehood Award oo ah Abaalmarin Caalami ah waxaana lagu gudoonsiiyay Wadanka Sweden,iyadoo abaalmarintaas ay aduunka oo dhan loo gartay shan qofood in la siiyo Caashana Shantaas ayay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto.

Sanadii 2006 Caasho Waxay ku guulaysatay Abaamarin weyn oo uu bixiyay Duqa Magaalada Philadelphia ee Gobolka Pennsylvania,iyadoo abaalmarintaan lagu magacaabo model of Liberty Bell as the City’s token of “brotherly love” by Mayor John F. Street of City of Philadelphia (October 11, 2006) honoring (Mrs. Elmi) dedication and commitment to women’s rights and equality for more than a decade.

Sidoo kale 2006 waxay Caasho Heshay Bilada (Women Peace Making Award)

2005 Caasho Waxay ka mid noqotay Haweenka loo xulay in la siiyo Bilada aduunka ugu qaalisan ee la dhaho Nobel Peace Prize.

Sidoo kale 2005 waxay ku guulaystay Caasho Xaaji abaal marin Caalami ah oo lagu magacaabo Blue Ribbon Peace Awar, by the Women Leadership Board of the John F. Kennedy School of Government, Harvard University.

Caasho Xaaji Cilmi intaas laguma soo koobi karo waxaa kalo jira abaal marino Badan oo lagu gudoonsiiyay wadanka Gudihiisa,sidoo kale waxaa jira warbixino iyo muuqaalo badan oo laga diyaariyay howl karnimadeeda iyo sida ay u tahay qof is badel dhab ah sameyn karta.

Ms Caasha Xaaji ayaa ah haweynada kaliya ee soomaali oo heshay biladahan waxayna sidoo kale ka mid tahay haweenka ugu caasan Afrika iyo Caalamka.

asha (1)asha (2)asha (3)asha (4)

W/D: Bile Gurxan Axmed

[email protected]

Daawo Video: Maxaa dib loo helay oo ka cusub magaalada Muqdisho?

0

Caasimada Online: Guud ahaan Wadanka Somalia ayaa tan iyo burburkii dowladii melateriga aheyd ee uu hogaaminayay alaha u naxariistee Mahamed Siyaad Barre kadib laga waayay nidaam dowladeed iyo Astaamihii Wadankeena uu caan ku ahaan jiray.

Magaalada Muqdisho waxaa haatan lagu arkayaa ama laga maqlayaa waxyaabo badan oo dib u soo noqonaya iyo arimo waa hore u dambeeyay oo dib loo arkaya ee nala daawo arintani waa hore u dambeeysay oo haatan dib loo helay.

HALKAAN KA DAAWO:

 

R/W SAACID oo war cusub laga helay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo horrey isku soo taagay xilka madaxweynaha kana soo shaqeeyay Idaacadda BBC-da iyo Radio Muqdisho oo hadda ku sugan Muqdisho, ayaa maanta booqasho gaaban ugu tagay raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdifaarax Saacid Shirdoon oo hadda xafiiska baneenaya.

Yuusuf Garaad ayaa ka hadlay wax yaabaha uu kala soo kulmay Saacid iyo sida uu ugu qanacsan yahay howsha uu soo qabtay iyo in uu diyaar la yahay la shaqeynta madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha cusub.

Yuusuf Garaad ayaa yiri “Salaan sagootis ah ayaan maanta ugu tegey, Ra’iisal Wasaare Saacid Shirdoon. Waxaa uu iigu muuqday hoggaamiye ku qanacsan wax qabadkiisa. Wuxuu ii sheegay inuu faraxsan yahay in uu qabtay wixii uu karay. Waxaan aad u jecleystay qorshihiisa dhow. In uu Nadaxweynaha oo ay isla soo shaqeeyeen, saaxiibna ahaayeen tobaneeyo sano iyo Ra’iisal Wasaaraha cusub oo ay soddameeyo sano saaxiib ahaayeen uu ku gacan siiyo howshooda si ay Soomaaliya hore ugu tallaabsato. Waxaa ii soo baxay wax aan filayay: in Saacid ilbaxnimo iyo xushmo badan yahay, iyo in aanay u billowneyn tabaha ay siyaasiyiinta qaar ku dhaqmaan ee ku salaysan xasadka, isku dirka, khiyaamada, xuma sheegga iyo quursiga inta kale. Allaha xafido Ra’iisal Wasaare Saacid.”

Si kastaba, raysal wasaaraha cusub Cabdiweli Axmed Sheekh ayaa la filayaa in maalinta sabtida ah uu hortago baarlamaanka si loo siiyo codka kalsoonida, wixii markaas ka dambeeyana wuxuu u wareegi doonaa xafiiska uu hadda ka tagayo Saacid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Ahlu Sunna: BF waa kuwa taabacsan Dam-jadiid & Fadlan lacag ku shubo ah

0

Dhuusamarreeb (Caasimada Online) Maamulka Ahlu Sunna ee gobalada dhexe ayaa caawa weerar afka ah ku qaaday baarlamaanka Soomaaliya iyagoona ku eedeeyay in aysan waxbo dhaamin kuwiii ka horeeryay.

Gudoomiyaha dhanka talada maamulka Ahlu Sunna ee gobalada dhexe ee  Sheekh Cumar Shiikh Cabdiqaadir oo la hadlay mid ka mid Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda saluugsan yahay hannaanka uu ku shaqeeyo baarlamaanka iyo hey’addah dowladda.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda hadda jirta in ay uga baxday heshiisyo badan oo ay horrey ula gashay Ahlu Sunna.

Guddoomiyaha talada Ahlu Sunna ayaa tilmaamay in raysal wasaarihii horre Saacid uu tagay Dhuusamareeb ballan qaad uu sameeyay dhowr bil ka hor wax ka hirgalay ma jirto ayuu yiri.

Mar la weydiiyay sida ay u arkaan raysal wasaaraha cusub wuxuu sheegay in raysal wasaaraha aaney waxbo ka sheegeynin maadaha aysan arkin wax qabadkiisa.

Ugu dambeyn wuxuu Sheekha weeraray baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu sheegay in labo ay u kala baxeen qolo uu ku sheegay in ay ka tirsan urur diimeedka Dam-Jadiid ee uu madaxweynaha ka tirsan yahay iyo ku shaqeeya lacag uun ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdish

[email protected]

FW hospital transforms Somali refugee disfigured by anaconda

0

KHOU

Tuesday, December 17, 2013

Not long ago, a walk in public would have made 30-year-old Mohamed Abdulle self-conscious. When Abdulle fled civil war torn Somalia with his brothers at 10-years-old, he woke up in the middle of one night to something he couldn’t imagine.

“The way he described it,” said interpreter Asli Parker, “is an anaconda came to him, grabbed hismouth and then he started screaming. He was fighting with the snake. And the people woke up and he was trying to swallow him.”

Abdulle says the anaconda was a foot thick, long enough to eat animals and people whole.  Villagers wrestled the boy from the snake. Infection from the bite left him blind for two years and took his upper lip.

Three years ago, Abdulle was selected for refugee resettlement and found himself in Fort Worth.

Doctors at John Peter Smith Hospital performed a surgery common for lip cancer patients, called a vermilion switch. This was the first time the physicians performed it for a snakebite.

“We take a piece from the bottom out and we flip it up to replace the missing part of the top lip,” said oral and maxillofacial surgeon Dr. Fayette Williams “The bottom part is still attached to the bottom so the lips are tethered together for about three weeks while a new blood supply grows.”

The procedure was a success, then came years of orthodontic work to straighten teeth and gums that were damaged during years of exposure.

“The position of your teeth in your mouth is a balance between lip pressure and tongue pressure,” said orthodontist Dr. John Kelley. “So if you remove one of the entities, you’ve got teeth going in the wrong direction.”

Years of orthodontics have made eating, drinking and speaking easier.

Abdulle wanted to thank his doctors now that the work is complete. Through an interpreter, he called it a dream come true.

Two of his brothers live in Fort Worth, though he does not know what happened to his sister and father. And while Abdulle still has fang marks on his face, he said he can smile for the first time in two decades.

Email [email protected]

Somali refugees fear forcible return from Kenya camps

0

Many believe they will be forced to return home, with more than 300 out of almost half a million asking for help with repatriation, the United Nations refugee agency (UNHCR) said amid warnings of worsening hunger due to poor rains.

The UNHCR signed an agreement with the governments of both countries on Nov. 10, and half a million Somali refugees living in Kenya are expected to return to Somalia voluntarily over the next three years.

The number of refugees from Somalia – 1.1 million – is the third highest in the world after Afghanistan and Syria. Kenya hosts more of them than any other country with the biggest group living in the world’s largest , Dadaab, a complex series of tented settlements near the arid Kenya-Somalia border.

UNHCR said 319 refugees living in Ifo 2, which is part of Dadaab, approached the agency saying they intended to .

“There was however a widespread misconception that refugees would be forced to return, especially after the statements by government officials,” the UN said in its latest Dadaab Update newsletter. “Many refugees approached UNHCR requesting to be allowed to stay in Kenya.”

WORRIED ABOUT INSECURITY

Two government delegations visited Dadaab in late November. On Nov. 22, Somali government representatives met with refugees and told them to start thinking about returning as conditions in Somalia were improving.

“The refugee leaders expressed skepticism about the situation in Somalia, saying that in principle they wanted to go home, but they still did not believe that favourable conditions for return in safety were in place,” UNHCR said.

On Nov. 22, Kenya’s Cabinet Secretary for the Interior Joseph Ole Lenku also visited the camp and encouraged the refugees to return to rebuild their country.

“The refugee leaders gave the same answer as the day before, saying they were hesitant about the possibility of immediate return, since they were well aware of the situation in Somalia and were worried about insecurity and lack of infrastructure such as schools and ,” UNHCR said.

The U.N. has set up return to give accurate information and “counter misleading rumours circulating in the camps”, the newsletter said.

Last week, Nicholas Kay, the secretary-general’s special representative for Somalia, told the U.N. Security Council that UNHCR will offer assistance initially to an estimated 10,000 Somali refugees opting to repatriate during a six-month pilot phase.

Lower Juba and Gedo regions, which border Kenya, are among the priority areas identified for return.

There are 389,026 Somali refugees registered in Dadaab and neighbouring Alinjugur camps, according to UNHCR. Of these, 161,348 are from Lower Juba, on the Kenyan border; 69,566 are from Middle Juba, slightly further up the coast; 55,683 are from Banadir, the region around the capital Mogadishu; and 29,377 come from Gedo region, also bordering Kenya.

GREATER NEEDS

Meanwhile, aid agencies are preparing for increased hunger in Somalia due to drought, flooding and a cyclone.

“Food security is likely to deteriorate in some areas of Somalia due to recent, climactic shocks including river flooding and flash floods induced by a tropical cyclone,” the Famine Early Warning Systems Network (FEWSNET) said in late November.

Lower Juba, Middle Juba and Gedo regions are affected by drought as well as floods in areas bordering the Juba River.

The Deyr rainy season, which is supposed to last from October to December, started late and rains were low. Crops were planted late and the area planted is between 10 to 30 percent below normal in some regions, FEWSNET said.

“The significant reduction in Deyr crops could reduce national cereal supply, triggering wider food insecurity. With many households facing unexpected shocks, a scaling up of humanitarian assistance and activation of contingency planning are necessary to address likely greater needs,” it said.

Most of Somalia is considered ‘stressed’, which is phase two out of five on the hunger scale, with phase five being ‘famine’. Some 260,000 people died in the 2011 famine in south-central Somalia.

Source: Reuters