28.4 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

FW hospital transforms Somali refugee disfigured by anaconda

0

KHOU

Tuesday, December 17, 2013

Not long ago, a walk in public would have made 30-year-old Mohamed Abdulle self-conscious. When Abdulle fled civil war torn Somalia with his brothers at 10-years-old, he woke up in the middle of one night to something he couldn’t imagine.

“The way he described it,” said interpreter Asli Parker, “is an anaconda came to him, grabbed hismouth and then he started screaming. He was fighting with the snake. And the people woke up and he was trying to swallow him.”

Abdulle says the anaconda was a foot thick, long enough to eat animals and people whole.  Villagers wrestled the boy from the snake. Infection from the bite left him blind for two years and took his upper lip.

Three years ago, Abdulle was selected for refugee resettlement and found himself in Fort Worth.

Doctors at John Peter Smith Hospital performed a surgery common for lip cancer patients, called a vermilion switch. This was the first time the physicians performed it for a snakebite.

“We take a piece from the bottom out and we flip it up to replace the missing part of the top lip,” said oral and maxillofacial surgeon Dr. Fayette Williams “The bottom part is still attached to the bottom so the lips are tethered together for about three weeks while a new blood supply grows.”

The procedure was a success, then came years of orthodontic work to straighten teeth and gums that were damaged during years of exposure.

“The position of your teeth in your mouth is a balance between lip pressure and tongue pressure,” said orthodontist Dr. John Kelley. “So if you remove one of the entities, you’ve got teeth going in the wrong direction.”

Years of orthodontics have made eating, drinking and speaking easier.

Abdulle wanted to thank his doctors now that the work is complete. Through an interpreter, he called it a dream come true.

Two of his brothers live in Fort Worth, though he does not know what happened to his sister and father. And while Abdulle still has fang marks on his face, he said he can smile for the first time in two decades.

Email [email protected]

Somali refugees fear forcible return from Kenya camps

0

Many believe they will be forced to return home, with more than 300 out of almost half a million asking for help with repatriation, the United Nations refugee agency (UNHCR) said amid warnings of worsening hunger due to poor rains.

The UNHCR signed an agreement with the governments of both countries on Nov. 10, and half a million Somali refugees living in Kenya are expected to return to Somalia voluntarily over the next three years.

The number of refugees from Somalia – 1.1 million – is the third highest in the world after Afghanistan and Syria. Kenya hosts more of them than any other country with the biggest group living in the world’s largest , Dadaab, a complex series of tented settlements near the arid Kenya-Somalia border.

UNHCR said 319 refugees living in Ifo 2, which is part of Dadaab, approached the agency saying they intended to .

“There was however a widespread misconception that refugees would be forced to return, especially after the statements by government officials,” the UN said in its latest Dadaab Update newsletter. “Many refugees approached UNHCR requesting to be allowed to stay in Kenya.”

WORRIED ABOUT INSECURITY

Two government delegations visited Dadaab in late November. On Nov. 22, Somali government representatives met with refugees and told them to start thinking about returning as conditions in Somalia were improving.

“The refugee leaders expressed skepticism about the situation in Somalia, saying that in principle they wanted to go home, but they still did not believe that favourable conditions for return in safety were in place,” UNHCR said.

On Nov. 22, Kenya’s Cabinet Secretary for the Interior Joseph Ole Lenku also visited the camp and encouraged the refugees to return to rebuild their country.

“The refugee leaders gave the same answer as the day before, saying they were hesitant about the possibility of immediate return, since they were well aware of the situation in Somalia and were worried about insecurity and lack of infrastructure such as schools and ,” UNHCR said.

The U.N. has set up return to give accurate information and “counter misleading rumours circulating in the camps”, the newsletter said.

Last week, Nicholas Kay, the secretary-general’s special representative for Somalia, told the U.N. Security Council that UNHCR will offer assistance initially to an estimated 10,000 Somali refugees opting to repatriate during a six-month pilot phase.

Lower Juba and Gedo regions, which border Kenya, are among the priority areas identified for return.

There are 389,026 Somali refugees registered in Dadaab and neighbouring Alinjugur camps, according to UNHCR. Of these, 161,348 are from Lower Juba, on the Kenyan border; 69,566 are from Middle Juba, slightly further up the coast; 55,683 are from Banadir, the region around the capital Mogadishu; and 29,377 come from Gedo region, also bordering Kenya.

GREATER NEEDS

Meanwhile, aid agencies are preparing for increased hunger in Somalia due to drought, flooding and a cyclone.

“Food security is likely to deteriorate in some areas of Somalia due to recent, climactic shocks including river flooding and flash floods induced by a tropical cyclone,” the Famine Early Warning Systems Network (FEWSNET) said in late November.

Lower Juba, Middle Juba and Gedo regions are affected by drought as well as floods in areas bordering the Juba River.

The Deyr rainy season, which is supposed to last from October to December, started late and rains were low. Crops were planted late and the area planted is between 10 to 30 percent below normal in some regions, FEWSNET said.

“The significant reduction in Deyr crops could reduce national cereal supply, triggering wider food insecurity. With many households facing unexpected shocks, a scaling up of humanitarian assistance and activation of contingency planning are necessary to address likely greater needs,” it said.

Most of Somalia is considered ‘stressed’, which is phase two out of five on the hunger scale, with phase five being ‘famine’. Some 260,000 people died in the 2011 famine in south-central Somalia.

Source: Reuters

Baarlamanka oo soo saaray go’aan dib usii dhigay R/W noqoshada Cabdi Weli

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka Somalia, ayaa soo saaray go’aan dib u dhigaya ra’iisul wasaare noqoshada Cabdi Weli Sheekh Axmed, oo iminka xilkaasi loo magacaabay, balse aan weli si rasmi ah u noqon.

Si uu u noqdo ra’iisul wasaaraha rasmiga ah ee Somalia, Cabdi Weli waxa uu u baahan yahay in baarlamanka Somalia uu ka helo ansixin, hase yeeshee taasi iminka waa inuu sugaa waqti kale.

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawa sheegay inuu dib u dhigay cod qaadista Cabdi Weli oo lagu waday inay dhacdo berri, wuxuuna sheegay in Sabtida soo socda uu codka kalsoonida u qaadi doono raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xoghayaha guud ee baarlamanka Soomaaliya, Cabdikariim Xaaji Cabdi (Buux) ayaa warbaahinta u sheegay in arrimo farsamo dartood dib loogu dhigay cod u qaadista raysul wasaaraha.

Waxaa lagu waday inuu raysul wasaaraha hor tago baarlamaanka berri oo Arbaco ah.

Sabtida soo socota waxay bisha December ku beegan tahay 21.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 12-kii December, 2013, xilka raysul wasaaraha u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuuna beddelay raysul wasaarihii ka horreeyay Cabduqaadir Faarax Shirdoon oo waayay codka kalsoonida ee baarlamaanka muddo sanad ah oo uu xilka hayay kaddib.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muwaadin SOOMAALI ah oo lagu dilay K/Sudan (Maxaa ka socda halkaas?)

0

Jubba (Caaimada Online) Magaalada Juba ee caasimada Koonfurta Suudaan waxaa lagu dilay muwaadin Soomaali ah.

Sida uu u sheegaay Caasimada Online wariye degan magaalada Jubba, ninkan Soomaaliga ayaa ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan magaalada, waxaana dilay kooxo burcad ah, kuwaasoo dhacay wixiii hanti ahaa ee uu lahaa markii ay dileen.

“Xalay waxaa lagu dilay caasimada Juba ee Koonfurta Suudaan muwaadin Soomaaliyeed. waxaa lagu jabiyay dukaankiisa kadibna xabado lala dhacay, hantidii taalayna waa la boobay. Salaada duhur kadib ayaa marxuumka la aasay.” sidaas waxaa yiri wariye Cabdnuur Maxamed Axmed.

Si kastaba, waxaa maalintii labaad laga maqlayay israsaasayn caasimada Jubba maalin uun kaddib markii madaxweynaha dalkaas uu sheegay inay fashiliyeen afgembi.

Waxaa jiro warar sheegaya in hub culus lais weydaarsaday Talaadada maanta ah, ku dhawaad 26-qof ayaa ku dhimmatay xiisada ka taagan Juba.

Isgaarsiinta magaalada ayaa aad xun, waxaa shaqeeneynin taleefonka gacanta ee Mobale-ka waxaa xiran goobaha ganacisga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Siidii oo shaaciyey qorshe cusub oo ay DFS ka damacan tahay Sh/Hoose

0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Nuur ‘Siidii’ ayaa ka hadlay dagaalo ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Isagoo la hadlaayay wariyaasha maanta kaddib markii uu soo gaaray Muqdisho ayuu sheegay in dowladda ay u ballan qaaday in ciidamo AMISOM ay dhexdhigto maleeshiyo beeleedka ku dagaalamaya deeganno hoos-taga gobalka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye Siidii ayaa soo dhaweeyay hadalka madaxweynaha uu saakay jeediyay ee in dagaalada si degdeg ah loo joojiyo balse wuxuu yiri waxaa loo baahan in af lee lagu ekaan oo ficil uu sameeyo madaxweynaha.

Ugu dambeyn guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee xaley iyo saakay ka dhacay deeganka lambar 50 ay ku dhinteen ilaa 10-ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay lahaayeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda labada dhinac ee ku dagaalamaya Shabeellaha Hoose, waxaana kulankooda ay ka soo saareen in dagaalada si degdeg ah loo joojiyo wax yaabaha la isku heestana la dhammeeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Faroole oo oggolaaday qodobo kamid ah kuwii ay isku qabteen musharixiinta

0

Garoowe (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe uu sheegay in uu aqbalay qaar ka mid ah qoddobada ay u soo jeediyeen mushariinta doorashada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu oggolaaday qoddobka ah in doorashada Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha January ay ka soo qaybgalaan goobjoogayaal caalami ah oo ka socda gudaha iyo dibedda, Balse madaxweynuhu wuxuu ku celcilyay in uu isaga kaliya xaq u lee yahay soo magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka doorashadda.

Faroole ayaa tilmaamay in aaney ahayn wax uu isaga hadda billaabayo ee horrey ay u jirtay arrintan oo isaga markii uu u tartamaayay xilka madaxweynaha lagu sameeyay.

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay markii kulankii ugu horreeyay oo uu la qaatay musharixiinta uu ku dhammaaday fashil iyo natiijo la’aan.

Si kastaba, dad badan oo odorosa arrimaha Puntland waxa ay lee yihiin madaxweynaha waxaa ku kalifaya arrintan isagoo ka cabsi qaba qaar ka mid ah musharixiinta in ay uga guleestaan doorashada soo socota.

La arki doonee halka ay saldhigato dabeesha siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Dhageyso: Madaxweynaha oo si carro leh uga hadlay dagaallada Sh/Hoose

0

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia ayaa si kulul uga hadlay dagaalada ka socda deeganno hoos-taga gobalka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa marka hotte ka tacsiyeeyay dagaalada ka dhacay gobalka, wuxuu shegeay in ay nasiib daro ay tahay dagaalada ka soo cusboonaaday Shabeellaha Hoose.

“Waxaan marka hore tacsi u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalada. Waxaa nasiib daro ah in deegaanada qaarkood ay dagaalo sokeeyo ka dhacaan, gaar ahaan deegaanada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaalada iyo collaaadaha, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuudka ka tahay.

Xasan Sheekh oo u hanjabay kooxoaha uu ugu yeeray qaswadayaasha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan kooxo ka faa’iideysanaya collaadaha oo sii horinayo, ujeedadooduna ay tahay in la wiiqo horumarka nabadeynta ee dowlad dhisidda, laakin wuxuu yiri kooxahaas bir adag ayaan kula dhaqmi doonaan

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladdu uga xuntahay dagaallo soo noq-noqda oo dhiig ku daata, waxuuna yiri “Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Qaswadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin.”

“Dowladda waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaalada iyo collaadaha, isla markaana cid allaale iyo cidii is hortaagta nabadeyntana laga qaadi doono tallaabo cad cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in khilaaf kasta oo jira lagu xaliyo si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii u diray baaq Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha oo ay dowladda kala shaqeeyaan nabadeynta, fududeynta wadahadalka iyo dib-u-heshiisinta ka socota deegaanada dagaaladu ka dhaceen. Sidoo kale shacabka waxaan ka codsaneynaa inay dowladda la shaqeeyaan oo qaswadyaasha aan meel uga soo wadajeesano, bacdamaa ay diidan yihiin in dalka uu ka hirgalo dowladnimo, kala danbeyn iyo sharci.

Halkan ka dhageyso hadalka Madaxweynaha

17486

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo sida Turkey u dhisay Muqdisho

0

Caasimada Online: Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka socda howlo balaaran oo ay ka fulinayaan Dowlada Walaalaha ah ee Turkiga balse arinka muhiimka ah ee la doonaya in ay indhaha ka buuxsadaan Shacabka Soomaaliyeed ayaa ah in sidaan loo dhisay Muqdisho.

Walaalaha Turkiga sidana ayuu u soo celiyay Bilcdii Muqdisho tan iyo markii uu dalka u yimid in uu ka qeyb qaato horumarkiisa ee nala daawo Muuqaal Bilic Qurxoon oo laga soo duubay Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Wajiga labaad ee shirka Baydhabo oo maanta furmay & wararkii u dambeeyey

0

Baydhabo  (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa maanta oo Talaado ah ka furmay wajiga labaad ee shirka maamul u sameenta obalada Koonfur Galbeed Somalia.

Wajigii koobaad ee shirka ayaa wuxuu socday muddo lix bilood ah, waxaana looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay qaabka uu noqon doono maamulka cusub.

Shirka oo ka furmay xarunta ADC-da ayaa waxaa ka qaybgalaya ergooyin ka kala socda gobalada maamulka loo sameenaayo kuwaa kala ah, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose, Jubadda Dhexe iyo Gedo.

Waxaa kaloo shirka ka qaybagalay siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobaladan, kuwaasoo u ololeenaya in ay la sameeyo maamulka cusub.

Shirka waxaa Axadii ergo 40 xubnood gaareysa oo ka socota gobolka Gedo, waxaana hoggaaminaya Siyaasiga Maxamud Sayid Aaden oo horrey xildhibaan baarlamaan u soo noqday.

Ammaanka goobta shirka ayaa aad loo adkeeyay waxaana sugaya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa ka socda deegaanda ay Habar-Gidir iyo Biy-Maal ku dagaalamayaan?

0

Afgooye (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya deeganno badan oo hoos-taga Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo barakicii ugu xooganaa oo ay sameenayaan dadka rayidka ah ee ku nool halkaas.

Goobjooge ku sugan deegabka Lambar 50 ayaa Caasimada Online u sheegay dad u badan carruur iyo haween in ay ka qaxeen deeganka tan iyo shaley isagoona intaas ku daray in dadkaas ay soo aadeen magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa goobaha lagu dagaalamayo ka billaabtay dhac iyo guryaha oo la gubayo, waxaana sidaas yeelaya dhinacyada ku dagaalamaya gobalka Shabeellaha Hoose.

Guryo badan ayaa lagu gubay intii dagaalada ay socdeen sidaas waxaa sheegay wariye Shabeellaha Hoose ku sugan.

Dhinacyada dagaalamay ayaa saaka mar kale dib u billaabay dagaalka, oo iminka si xoog leh u socda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

FARMAAJO oo ka hadlay dagaalka ka socda Gobalka Shabeellaha Hoose

0

Buffalo (Caasimada Online) Raysal Wasaarihii horre ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dagaalada ka socda gobalka Shabeellaaha Hoose, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo.

Farmaajo ayaa sheegay dagaal in aan faa’ido lahayn waxaana uu ugu baaqay labada dhinac ee ku dagaalamaya Shabeellaha Hoose in ay nabadda qaataan.

“Deegaannada qaar ee Wadanka waxa ka socda colaado aan hada haboonayn illaaahay ha qaboojiyo haa waafajiyo xaqa dagaal waxba laga dheefimaayo ” ayuu yiri Farmaajo oo warkan ku soo qoray bartiisa Facebook.

Hadalka Farmaajo ayaa ka mid ah baaqyo loo dirayo kooxaha ku dagaalamaya gobalka Shabeellaha Hoose halkaasoo ay isku heestaan maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda Biiyamaal iyo Habar-gidir.

Dagaalka ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ee u dhaxeeya beelaha Biyo-Maal iyo Habar-Gidir, ayaa la sheegay in uu geestay khasaaro xooggan waxaana ku barakacay dadkii ku noolaa goobaha lagu dagaalamay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minnesota

[email protected]

Heshiis dhexmaray Turkiga & Midowga Yurub oo saamayn doona Soomaalida

0

Dowlada Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday heshiis dhigaayo in Turkiga dadkiisa ay fiiso la’aan kusoo booqan karaan 28 -ka wadan  ee uu ka koobanyahay Midowga Yurub. Heshiiskan ayaa maanta oo isniin ah lagu kala saxiixday magaalo madaxda Turkiga ee Ankara.

Xafladii lagu kala saxiixanayey heshiiskan ayaa waxaa dhinaca Turkiga u saxiixay wasiirka arrimaha dibada Turkiga Mudane: Axmet Davutoglu  waxaa dhinaca kale u saxiixay Midowga Yurub haweeneyda la yiraa Cecilia Malmstrom

Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa ku tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid taariikhi ah oo wax ka qaban doono is fahamka iyo wax wada qabsiga Turkiga iyo Midowga Yurub.

Turkiga iyo wadamada iskula jira Midowga Yurub oo ay hormuud u yihiin Jarmalka iyo Faransiiska ayaa xanibay in Turkiga ka mid noqdo wadamda Midowga Yurub madaama Turkiga uu bilaabay sannadkii  2005 wadahadalo uu Turkiga ku rabay in kaga mid noqdo Midowga Yurub.

Turkiga waa wadanka kaliya ee ka tirsan gaashaanbuurto Naato ee Muslim ah laakiin aan ka tirsanayn suuqa dhaqaalaha Yurub. Waxaa jira kala shakis labada dhinac ah oo dabada ku haya cadaawe soo jireen ah oo ka dhaxeeyo wadamada Midowga Yurub iyo wadanka Turkiga oo mar ciidamadiisa ay yimaadeen lagana celiyey ka dib markii la jabiyey magaalada Fiyeena[Vienna] ee wadanka Austria.

Heshiiskaan wuxuu dhigayaa in xanibaada fiisaha ee saaran muwaadhiniinta Turkiga laga qaado halka Turkiga uu oggolaaday in uu dib u celiyey dhamaan soo galootiga sharci darada uga soo gala wadanka Turkiga dhinaca wadamada Midowga Yurub oo dhan.

Oggolaanshahaan ayaa wuxuu u  gogol xaarayaa in dad badan oo tahriibayaal ah oo ku sugan Turkiga iyo wadamada ku xeeran haddii ay soo maraan wadanka Turkiga oo ay soo galaan wadamada Midowga Yurub in dib loogu celin karo wadanka Turkiga.

Tanni, waxa ay saameyn weyn ku yeelan doontaa Soomali badan oo sii mara Turkiga kadibna Greece, ka hor inta aanay iska dhiibin dalal badan oo ka mid ah Yurub-ta galbeed.

Turkiga ayaa rajo ka qabo in maalin uu loo oggolaado in ka mid noqdo wadamada Midowga Yurub, laakiin aan ku taagnayn wadadii loomari lahaa Yurubna ay cabsi ka qabto Turkiga oo wadan Muslin ah.

Joornaalka Soomaalida ee Nederland

www.somculned.com

Prof. Ibbi oo ka hadlay dagaalka dhex maray beeshiisa iyo Habar-Gidir

0

London (Caasimada Online) Siyaasiga Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo xilal ka soo qabtay dowladihii KMG ah ee dalka soo maray, ayaa caawa ka hadlay dagaalada maalintii afaraad ka socda deeganno hoos-taga gobalka Shabeellaha Hoose.

Isagoo la hadlaayay Idaacad ku taalla Muqdisho ayuu sheegay in dagaaladaas uu ka xun yahay balse wuxuu tilmaamay in dowladda looga baahan yahay in si degedeg ah u dhex gasho maleeshiyo beeleedka ku dagaalamaya gobalka Shabeellaaha Hoose.

Prof Ibbi ayaa ku celceliyay dagaaladan in aysan ahayn kuwa hadda uun billowday waa kusoo jiray ayuu yiri tan 1990-kii waxaana uu u dhexeeyaa buu yiri beelo isku heesta dhul beereedyo ku yaalla gobalka.

Ugu dambeyn Prof Ibbi oo ka soo jeeda garab ka mid maleeshiyaadka ku dagaalamaya gobalka Shabeellaha Hoose oo ah beesha Direed, ayaa ku celceliyay haddii aan lo helin xal degdeg ah dagaaladan in ay ka sii dari doonaan khasaaro naf iyo maal ay geesan doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdishi

[email protected]

University of Minn. report finds autism hits Somali kids harder

0

Jeremy Olson 

Minneapolis Star Tribune

Autism might not be any more prevalent among Somali children in Minneapolis than it is among white children in the city, but the severity of the developmental disorder appears harsher in this minority group.

In a much-anticipated report released Monday, University of Minnesota researchers found statistically similar rates of autism symptoms among 7 to 9-year-olds in Minneapolis, regardless of whether they were Somali or white. But all of the Somali children with autism also had related intellectual disorders, compared to only a third of autistic children in the study overall.

“Somali children are much more likely to also have an intellectual disability, which means their symptoms, their characteristics, the ways in which autism presents itself in these children are very different,” said Amy Hewitt, the lead author of the study and a senior research associate in the U’s Institute on Community Integration.

Concerns about the prevalence of autism among Somali children surfaced among parents in 2008, and were validated in 2009 when a report from the Minnesota Department of Health found that Somali preschoolers were two to seven times more likely to receive autism services from the Minneapolis public school system.

The U study, released Monday, was an outgrowth of that health department report, and is the largest examination ever in the U.S. of autism prevalence among Somali immigrants. Rather than counting the number of children signed up for autism services, or even diagnosed with the developmental disorder, the researchers examined medical records from thousands of participating families and evaluated whether children met the medical criteria for autism — whether they had been diagnosed yet or not.

The net result was that one in 32 Somali children in the study met the diagnostic criteria for autism, compared to one in 36 white children. The rates were notably lower at one in 62 for non-Somali black children in Minneapolis, and one in 80 for Hispanic children.

Doesn’t address ‘why’

While the study established a high rate of autism in Somali children, Hewitt said it was not designed to address some of the pressing “why” questions — such as why autism rates vary so sharply among racial and ethnic groups. Nor did it address some of the persistent fears in Minneapolis’ growing Somali immigrant community about the origins of autism in their children.

The Somali language doesn’t even have a word for autism, a disorder marked by difficulties in communicating and forming relationships, as well as struggles with language and abstract concepts.

Some in the community believed that autism was only a problem among children born in the U.S., and not among Somali children who moved with their parents. Hewitt said that wasn’t addressed by this study, but they have birth record data to address that question next. The current report also didn’t address fears that pediatric vaccines were somehow to blame.

Hewitt said it will be important for future studies to analyze why autism is not only more prevalent in Somali children than other minority groups but also manifests itself differently. Among all children in the study diagnosed with autism, the average age at which they were diagnosed was 5. That is late considering that the disorder can reliably be detected by age 2.

“We’ve got to do a better job of getting kids and families identified,” she said, “and getting them the support that they need.”

DHAGEYSO: Abwaan Mustafa Sh Cilmi oo uga tacsiyeeyay R/W cusub xilkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed ayaa isagoo ku sugan dalka Sweden waxa uu la hadlay tacsina u diray ra’iisal wasaaraha cusub ee Somalia loo magacaabay C/weli Sheekh Axmed.

Abwaan Mustafa, ayaa shaaca ka qaaday in xilka loo magacaabayo Cabdi Weli uu yahay mid la isaga tacsiyeeyo, ee aanu ahayn mid mudan hambalyo.

Mustafa ayaa sheegay in xilka Cabdi Weli loo magacaabay uu yahay xil culus oo ah wax u qabashada dad dhibaateysan iyo hogaaminta umad bur burtay.

Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi ayaa waxa uu sheegay inuu umahad celinayo ra’iisal wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) isagoo midka cusubna urajeeyey inuu howshiisa guto hadii kalsoonida baarlamaanka uu helo.

Warbixinta Abwaan Mustafa halkan hoose ka dhageyso

abwaan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kulankii Faroole iyo musharixiinta oo guuldaro ku dhammaday

0

Garoowe (Caasimada Online) Sida uu soo sheegay wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Garoowe, waxaa guul daro ku dhammaaday kulan maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada Garoowe kaasoo ay yeesheen musharixiinta Puntland iyo ku xigeenka madaxweynaha iminka, waxaana ku jiray Madaxweyne Faroole.

Kulanka oo ay saxaafadda banaanka ka joogtay ayaa qaatay dhowr saacadood waxaana looga hadlay qoddobo xasaasi ah.

Waxaa aad looga doodday in la soo dhiso guddi wadajir ah oo qaabilsan doorashadda iyo in la isla meel dhigo soo xulista baarlamaanka.

Madaxweyne Faroole ayaa ku adkeestay in uu isaga kaliye uu soo magacaabi karo guddiga khilaafaadka doorashooyinka Puntland iyo soo xulista baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa looga hadlay kulanka in doorashada oo dhaceysa 8-da bisha Janaayo loo oggolaado goobjoogayaal ka socda gudaha iyo dibedda.

Sidoo kale waxaa labada dhinac ay ka hadleen in la helo guddiga isimada oo ahaa mid marjic ah marka uu yimaado khilaaf.

Nasiib xumo kulanka oo qaatay muddo dheer ayaa guul daro ku soo dhammaaday, waxaana iyadoo loo fadhiyo qado uu ku sharfay madaxweyne Faroole musharixiinta la sheegay in qaar kamid ah ay ka soo baxeen goobta.

Qaar ka mid ah musharixiinta oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kulanka uu ku soo dhammaaday guuldaro, waxaana ay sheegeen in talada ay u taallo isimada Puntland, sidoo kale waxa ay beesha caalamka ugu baaqeen in ay soo kala dhex gasho arrintan.

Kulankan waa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo dhexmaray madaxweyne Faroole iyo musharixiinta iyadoo labada dhinac ay iskood u magacaabeen guddi siddeed xubnood ah kuwasoo ah guddiga xallinga khilaafaadka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected] 

Faroole oo la kulmaya musharixiinta doorashada PUNTLAND maanta

0

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa lagu wadaa maanta oo Talaado ah in uu Garoowe kula kulmay qaar ka mid ah musharrixiinta u taagan doorashada Puntland oo dhaceysa billowga sannadka na soo aadan 2014-ka.

Faroole ayaa dhawaan oggolaaday in uu la kulmo musharixiinta Puntland kaddib markii ay iyaga ka codsadeen si uu ugala hadlo ismaandhaaf labada dhinac ka dhex jirra.

Labada dhinac ayaa ku dhawaaqay guddiga xallinta khilaafaadka doorashada kuwaasoo kala fadhiya Garoowe iyo Boosaaso.

Arrintaas waxa ay keentay in uu khilaas soo kala dhex galo labada dhinac, waxaa jirta cabsi la xiriirta in doorashada Puntland ay hareyso khalalaaso marka loo eego olalaha ay wadaan musharixiinta.

Musharixiinta ka soo horjeeda madaxweyne Faroole ayaa olole ballaaran ka wada magaaooyinka waaweyn ee Puntland iyagoona la kulmaya shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected] 

Video: Wariye Somali oo indhoole ah balse wax kasta sameyn kara

0

Caasimada Online: Mowliid Mahamed Odawaa waa Saxafi indho la’aan ah waxuu ka shaqeeyaa Idaacad weliba waa soo saare barnaamij ka baxa Idaacada waxuuna sameeynayaa arin kaa ilmeysiin doonto wax kasta uu u baahdo wuu qabsan karaa sida isticmaalka Kumbiyuutarka.

Wariye Mowdliid waxuu qabsan karaa wax kasta uu uga baahdo in uu ku sameesto Kumbiyutarka iyo dhanka qorista wararka ama jarjarida Cododka Barnaamijyada Idaacada.

Aqristoow daawo adigaa arki doonee Wariye Mowliid oo sameynaya arimo badan oo kaa yaabin doono oo aadan ka fileyn in uu sameyn karo.

HALKAAN KA DAAWO

 

Maxaa caawa ka dhacay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho caawa waxaa ka dhacay howgal ay sameeyeen ciidamada wadooyinka kuwaasoo ay ku qabqabteen mootooyin fara badan oo ah kuwa dadka qaada.

Cali Gaab oo ah taliyaha ciidamada wadooyinka oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in magaalada ay ku soo bateen mootooyin dadka ay raacaan kuwaasoo xaafadaha magaalada ka shaqeeya.

Cali Gaab ayaa sheegay in lakala garan waayay mootooyinkan magaalada laga soo buuxiyay cidda is kale iyo dadka ay wadaan.

Wuxuu sheegay in la joojiyay dhammaan mootooyinka magaalada ka shaqeeya ilaa iyo amar dame.

Si kastaba, dad badan oo ku nool magaalada Muqdisho ayey arrintan saameen ku yeelatay markii caawa la aruuriyay wixii mootooyin ahaa ee ka shaqeenaayay magaalada Muqdisho

Mootooyinkaan 3-da lug leh inta badan habeenkii dadka magaalada Muqdisho ayaa u raaca guryahood maadama ay ka lacag yartahay baabuurta kale ee rakaabka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]