28.1 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

DEG DEG AH: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay magaalada…

0

Boosaaso (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya qarax xooggan in uu caawa ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Qaraxa oo ka dhacay xarunta maxkamadda gobalka Bari, inta la ogyahay labo qof oo ay ku jirto haweeney ayaa ku dhimmatay in kabadan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen sida uu noo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Boosaaso.

Waxaa jirra warar sheegaya qaraxa in uu ku dhaawacmay xeer ilaaliyaha maxkamadda Bari Bashiir Hoobaley iyo xubno kale.

Qaraxa kaddib waxaa magaalada laga maqlay rasaas xooggan waxaana goobta qaraxa soo gaaray ciidamada ammaanka kuwaasoo baaritaan wada

Ma jirto cid sheegatay qaraxa caawa ka dhacay bartamaha Boosaaso iyo cid toona ka hadashay, waxaase uu ku soo beegmayaa iyadoo uu dhawaan qof watay baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qaraxa uu isku qarxiyay maalin cad bartamaha Boosaaso.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa laga deyrinayaa iyadoo Puntland ay isku diyaarineyso doorashada madaxweynaha oo dhaceysa 8-da bisha January 2014-ka.

Faah-faahin kala soco wararkeena dambe in shaa allah.

Dhageyso: Maxamuud Sayid Aadan iyo ergo oo ku biiray shirka Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo waxaa gaaray 40 xubnood oo uu hoggaaminaayo Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo horrey u ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda gobalka Gedo.

Isagoo la hadlaayay VOA-da ayuu sheegay magaalada in uu u yimid siddii uu uga qaybgali lahaa shirka maamul u sameenta gobalada lixda ah ee ku yaalla Koonfur Galbeed ee dalka.

Wuxuu kaloo sheegay in ay taageesan yihiin in Gobalka Gedo uu diyaar u yahay siddii uu uga qaybgali lahaa maamulka cusub ee lagu dhisaayo magaalada Baydhabo.

Waxaa la weydiiyay gobalka Gedo in uu hadda maamul u sameen yahay kaasoo ah Jubba, wuxuu sheegay maamulkaas in aan lagu mideesneen isla markaana uu wato dhinac gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay in dowladda fedaraalka laga doonayo in ay aqoonsato maamulka cusub ee loo sameenaayo gobalada Baay, Bakool, Gedo, Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Dhinaca kale, Shir dhawaanahanba ay qabanqaabadiisa ka socotay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, oo la doonayo in looga arintsado sidii loo dhisi lahaa dowlad goboleed ay ku mideysanyihiin gobolada koonfur Galbeed Somalia, ayaa la sheegay in uu dib u dhacay.

Shirka ka socda magaalada Baydhabo waxaa la sheegayaa in lagu kala aragti duwan yahay waxaana isku qilaafsan xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobaladaas.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga Maxamuud Sayid Aadan.


Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]  

Hay’ado ku dhowaaqay qorshe 22 sano ay sugayeen Somalida oo farxad leh

0

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP iyo hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Food and Agriculture Organization (FAO) ayaa maanta ku bahoobay qorshe dib loogu howlgelinayo nidaamkii suuq-geynta wax- soo-saarka beeraha Soomaaliya oo meesha ka maqnaa 22-kii sano ee la soo dhaafay.

Qorshaha waxaa maalgelinaya Midowga Yurub.

Madaxa beeraha ee FAO, Jose Lopez ayaa sheegay in ay hay’addoodu dhowrkii sano ee la soo dhaafay qeyb weyn ka qaadatay caawinta beeraleyda ee dhinacyada biyaha, dalagga iyo qalabka, isagoo xusay in ay hadda diyaarinayaan qorshe sare loogu qaadayo wax-soo-saarka beeraha iyo suuq-geyntooda.

Xoghayaha guud ee Iskaashatada Qaran ee Beeraleyda Soomaaliya Maxamed Axmed Nuur ayaa arrin wanaagsan ku tilmaamay in beeraleyda la fahamsiiyo  muhiimadda ay leedahay tayaynta iyo tijaabinta wax-soo-saarka ka hor inta aan la suuq-geyn.

Beeraleyda koonfurta iyo bartahama Soomaaliya waxaa sanadihii la soo dhaafay saameyn ku yeelatay abaartii ku dhuftay Geeska Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Maamulki laga saaray N50 oo hanjabay

0

Afgooye (Caasimada Online) Guddoomiyaha maamulka deegaanka Lambar 50 ee gobalka Shabeelha Hoose ayaa ka hadlay dagaal maanta ka dhacay deegankaas isla markaana isaga iyo maamulkiisa laga saaray magaalada.

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho Cabdulaahi Waafoow ayuu sheegay in saakay aroortii ay magaalada soo weerareen maleeshiyaad watay gaadidka dagaalka kuwaasooi qabsaday deeganka.

Waafoow ayaa sidoo kale sheegay in si nabadgalyo leh ay uga baxeen magaalada maadama adeeganka ay ku nool yihiin dad rayid ah.

Wuxuu sheegay oo kale in wadaan qorshayaan ay ku doonayaan dib in ay ugu soo laabtaan deeganka lagana saaro kooxda soo weerartay.

Deeganka lambar 50 ayaa hadda degan waxaana wali ku sugan ciidamadii saakay qabsaday,waxaa kaloo deeganka ka billowday qax ballaaran.

Dhinaca kale, hotelada ku yaalla Muqdisho waxaa ka socda kulamo ay lee yihiin mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta ay kasoo kala jeedan beelaha Habar-gidir iyo Biyamaal oo ku dagaalamaya gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Qoxootiga Soomaalida ee Kenya oo la sheegay in loo rari doono magaalada..

0

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminaayo isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay Philippe Lazzarini.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen magaalada waxa ay kulamo la qaateen madaxda maamulka KMG ah ee Jubba iyagoona kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay siddii dib qoxootiga ku nool Kenya dib loogu soo celin lahaa magaalada Kismaayo.

Philippe Lazzarini oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay booqashadiisa in ay la xiriirto siddii uu u arki lahaa meelaha ay dagi lahaayeen qoxootiga Soomaalida ee dib uga soo laabanaya xeryaha qoxootiga Kenya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaannada Jubbooyinka.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyiinta maamulka Jubba ay isku afgarteen dhammaan qoddobadii ay ka wada hadleen isagoo tilmaanay in howsha dib usoo celinta qaxootiga ay bilaaban doonto billowga sannadka 2014.

Bishii la soo dhaafay ayaa dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay heshiis ay ku gaareen magaalada Nairobi waxa ay isku raaceen qoxootiga Nus Malyuunka gaaraya ee ku nool Kenya in dib loogu celiyo dalkooda seddaxda sanno ee soo socota.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in qoxootigaas la dajin doono magaalooyinka, Kismaayo, Luuq iyo Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Gacan ku heynta No.50 oo isbadashay iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

Afgooye (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaas maalmulkii ku sugnaa laga saaray isla markaana ay la wareegeen garab ka mid ah maleeshiyo beeleed ku dagaalamaya gobalka.

Goobjoogayaal ku sugan Lambar 50 ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in maamulka uu hoggaaminaayay Cabdulaahi Waafow oo ah guddoomiyaha degmada in laga saaray magaalada isla markaana ay banaanka ka joogaan.

“Magaalada waxaa gacanta ku haya garab ka mid ah kooxaha ku dagaalamaya gobalka, ciidankii maamulka waa laga saaray maanta markii dagaal xooggan uu dhacay” sidaas waxaa sheegay qof deeganka ah oo la hadlay Caasimada Online.

Dagaalka ka dhacay Lambar 50 ayaa iskiis u istaagay maanta duhurkii, waxaana labada dhinac la sheegayaa in ay is hor fadhiyaan deegaanadii ay ku dagaalameen, waxaana la sheegi karin waxa dhici kara.

Dhinaca kale,waxaa xiisad dagaal laga dareemayaa deeganno badan oo ku yaalla gobalka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku dagaalamayaan maleeshiyo kala taageersan beelaha Biiyamaal iyo Habar-gidir.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dashay dagaalka maalintii afarraad ka socda gobalka Shabellaha Hoose, waxaana dhaawacyada labada dhinac loo qaaday magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sheekh SHIBLI oo qoray qormo cajiib ah: Xog baan hayaa ee xabsiga I dhiga iyo shaki ayaa jiree shaatiga ii cadeeya

0

Waayaha aduunku maalinba waxbaa laga bartaa, mar walibana wax aadan filayn ayaa kaa soo mara, qofka dhugta leh wuxuu ka dhaxlaa dhaayo anfaca, dhagar banadanna wuu kaga badbaadaa.Waxaan maanta halkan kuugu soo gudbinayaa qiso dhacday oo dhakafaar badan, waxaana ku soo gunaanadi doonaa – in sha Allaah – casharro faa’iido badan.

Qoraalkan oo ay xigi doonaan qoraallo kale, waxaan uga dan leeyahay in aan damanaan lagugu dagin, in dunida dhacdooyin bandan oo dhalanteed ahna aan laguugu dhuuman.Qissada Qoraalkan: Xarakada Xamaas iyo Xuuraanka gudaheeda.

Xamaas waa urur Islaami ah oo ka jira dalka Falastiin, wuxuu la dagaalama Yuhuudda, wuxuuna hadda maamulaa marinka Qazza. Waxaa aasaasay rag intii badnayd dhinteen ama la dilay, waxaana oday u ahaa Sh. Axmed Yaasiin raximahulaah oo ay ciidamada Yuhuudu dileen.

Waxaa jiray dad kamid ahaa reer Falastiin, ama ururka Xamaas oo hadana dhinaca kale la shaqaynayey sirdoonka Yuhuudda.Waxaan mar waliba xasuusan jiray halqabsi la yidhaahdo ” Maxaa tuug shaafii qaadi ” oo ah in waxa qofku muujinayo iyo dhabtiisu kala duwanyihiin.

Waxaa ” shaafii ” la yidhaahdaa ducada ay ardayda quraanku qaadi jireen Maqribkii xilliga dabka dugsiga la shido, kana dhignaa duco iyo wargalin in dugsigii billowday.

Waxaa la sheegaa in ardaydii qaar kamid ah beer gallay ah ka soo xadeen sabuullo, waxaa soo raad qaaday ninkii lahaa beerta, wuxuuna la soo kulmay ayagoo qaadaya “shaafii” maqribkii, inta ay isu qaban wayday sida ay u dhaqmayaan ayuu yidhi ” Maxaa tuug shaafii qaadi “, waxayna noqotay halqabsi looga maahmaaho deegaanadii uu hadalkani gaadhay.

Waxaa maalin maalmaha kamid ah gacantayda soo galay kitaab uu qoray nin saxafi ah oo reer Falastiin, ninkaas oo magaciisa la yidhaahdo Zaki Shihaab, kitaabkiisana lagu magacaabo ” Xamaas Gudaheeda = (حماس من الداخل ), wuxuuna ka kooban yahay ( 287 bog ).

Haddaan akhriyay kitaabkii waxaan la yaabay inta tuug Shaafii qaadaysa ee uu ka sheekeeyay, waxaana kaga soo qaadanayaa qoraalkan hal tusaale kaliya, waxaase ii muuqday in ay fiican tahay in aad aqridaan,:

Haddaad aqrido qissada Waliid Raadi Xamdiyah ( boga 104-109 )  waxaad arkaysaa wax aad layaab u leh, hase ahaate dhaca in badan, haddiise aan aad kuugu soo kobo qisadaas waa sidan:

·Waliid Raadi Xamdiyah wuxuu ka soo baxay daraasaad Islaami ah waqti ku beegan 1980-kii.

·Waxuu Waliid kamid noqday koox uu hogaaminayay Sh. Axmed Yaasiin oo ku ballamay daacadnimo intii aan la samayn Xamaas, gun dhigna u ahayd xarakada Xamaas ee dib laga sameeyay Dec 1987-kii, waxay lahaayeen afgarad u gaar ah oo ay isku aqoonsadaan.

·Waxay isku dhaceen 1986-kii nin ka tirsanaa xarakada Fatxi oo la dhihi jiray Ascad AL-Safdaawi, waqti uu jray khilaaf adag oo ka dhaxeeyay.

Waxaa la qabtay Waliid 06/10/1987-kii oo uu gacanta u galay Yuhuudda, waxaa la kala dooransiiyay 2 midkood: In la ciqaabo iyo in uu la shaqeeyo, wuxuuna doortay in uu la shaqeeyo.

·Waliid Xamdiyah waa la siidaayay, waxaana la siiyay telefoon uu kala soo xidhiidho, waxaa kadib dhex maray asaga iyo sirdoonka Yuhuudda kulamo ka dhacay meela kala duwan oo qarsoon.

·Wuxuu si aad ah uga qeyb qaatay kacdoonkii ay samaysay Xamaas 1988-dii, waxaana qabtay sirdoonkii Yuhuudda 08/1988-kii si looga fogeeyo tuhun, loona beero firkad ah in uu kamid yahay dadka lagu raad joogo ee Xarakada Xamaas, wuxuu xidhnaa 7 bilood.

·Waa la soo daayay, waxaana la siiyay lacag u dhiganta $30,000/=, waxaa loo bixiyay Abuu Jacfar marka telefoon lagu xidhiidhayo.

·Billoowgii Bisha May 1989-kii ayaa mar kale la qabqabtay asaga iyo rag muhiim ah oo reer Xamaas si looga waraysto raggan la soo qabqabtay, loogana fogeeyo tuhun ah in uu ku lug lahaa qabashadooda, wuxuu xabsiga ku jiray 4 bilood oo uu bixinayey wararkii uu uruuriyay.

·Waliid waxaa lagula ballamay meel kale markii la sii daayey kadib, waxaa la soo qaatay gaadhi ku sharxan aayado quraan ah, iyo dhar culimo, waxaa la waraystay sababta uu meel sare oo hoggaan uga qaban la’yahay Xamaas? waxaa loo sheegay in la qabtay Masuulkii Dacwada ee Xamaas booskiisiina bannaayahay oo ay tahay in uu qabto, dadaal kadib wuxau ku guulaystay qabashada xilkaas.

·Waxaa xilkaas ku lamaanaa dumitaanka iyo soo diiwaan galinta dadka cusub ee Xamaas, shaqadaas oo ah mid muhiim u ah Yuhuuda, lagana garan karo sababta ay ugu soo jeediyeen in uu dalbado qabashada xilkaas.

·Sanadkii 1991-kii wuxuu dalbaday in mar kale la xidho si loo qariyo xidhiidhka joogtada ah ee uu la leeyahay sirdoonka Yuhuudda, waxuuna xidhnaa 5 bilood oo uu bixinayey warar badan oo ku saabsan raga muhiimka ah iyo meelaha ay ku dhuuntaan.

·Waa la soo daayay Waliid, waxaana loo diray in uu daba galo rag reer Xamaas ah sida ( Muxamed Qandiil, Yaasir Al-Namdruudi, Yaasir Al-Xasanaat, Maxamed Qindiil iyo Mawraan AL-Zaa’iq ) oo dhamaantood uu sababay in la dilo waqtiyo kala duwan, taas oo xoola badan lagu siiyay.

1)Yaasir Al-Namruudi wuxuu ahaa madaxa ciidanka Xamaas, waxaana la dilay 17/07/ 1992-kii, waxaana laga soo raacay guriga Waliid markii uu ka fogaadayna waa la dilay.

2)Yaasir Al-Xasanaat, Maxamed Qindiil iyo Marwaan Al-Zaa’iq waxaa la dilay 24-05-1992-kii.

·Waliid Xamdiyah waxaa la xidhay mar kale 21/07/1992-kii si loo daboolo xidhiidhka iyo xog kala qaadashada, intii uu ku jiray xabsiga waxaa xilkiisii dacwada la wareegay Sh. Cizzuddiin Khaliil oo ay sirdoonka Yuhuddu ku dileen Dimishiq- Suuriya, waxayna soo daayeen Waliid oo ay u sheegen in uu xilkiisii dacwada dib u dalbado.

·Waxaa Waliid loo masaafuriyay wadanka Lubnaan asaga iyo ilaa 400 oo reer Xamaas ah, si looga fogeeyo tuhmada, dibna ugu soo ceshado xilkii dacwada ee uu Xamaas u hayay.

·Markii uu Waliid soo laabtay waxaa laga dalbaday in uu daba galo Cimaad Caqli oo ahaa nin muhiim u ah Xamaas, waxaana loo ballan qaaday abaal marin gaadhaysa $500,000/=, waxaa Waliid u suuragashay in uu shirqoolo oo la dilo 1993/4-kii, , hase ahaatee waxaa la siiyay $5,000/= kaliya.

·Waliid wuxuu sheegay in ay askarta Yuhuudu asaga ku qamaami jireen ama u gacan qaadi jireen marka lala qabanayo rag ka tirsan ururka Xamaas oo uu shirqoolay, halka raga kale si tartiib ah loo kaxaynayo, taas oo looga jeedo in dadka goobta jooga loo tusiyo in uu yahay nin ay Yuhuuddu aad u necebtahay.

·Waliid waa laga shakiyay oo markii danbe waxaa qabtay ururadii reer Falastiin, haddii la waraystay Waliid wuu qirtay waxii jiray, kadibna waxaa lagu xukumay in la dilo.

·Walid waxaa la dhigay xabsi asagoo dil suge ah, waxaana waqtigaas la kulmay qoraaga reer Xamaas Zaki Shihaab oo uu siiyay xogtan aan soo sheegnay, waa sida uu sheegay qoraagu, waqti kadibna waa la daldalay Waliid, oo halkaas ayuu ku danbeeyay.

·Waliid wuxuu ahaa dhagar qabe dadka ugu dhuuntay magac diineed iyo la dagaalanka cadow Muslimku wada necebyahay. Intaasi waa qisadii oo kooban, walina waxaad u baahantahay in aad kasii ogaato wax ka badan inta aan kaaga sheegay, ee hadaad hesho kitaabkaas ka aqri qisadan iyo kuwo kale oo badan.

Maxaan ka faa’iidaynaa qisadan:

Waxaan ka faa’iidaynaa qisadan waxyaabo badan oo ay kamid tahay:

1.Xabsiyada waxaa loo galaa ujeedooyin fara badan, mana ahan sida dadku moodayaan in la xidho qofka la neceb yahay oo kaliya ee saaxiibka laftiisa waa la xidhaa.

2.Shaqaalaha qarsoon ee sida dadban u shaqeeya waxaa loo xidhaa in xog muhiim ah la is dhaafsanayo, ama barnaamij shaqo la dajinayo.

3.Sidoo kale shaqaalaha qarsoon waxaa xabsiga loo dhigaa in dadka la marin habaabiyo, oo loo tuso in uu yahay qof la neceb yahay, asaga iyo maamulka ama daladda uu la shaqeeyana colaadi dhextaalo, si shuushta looga fogeeyo.

4.Dadka shaqada iyo jagooyinka ka dhex raadiya danaha guud waxaa kamid ah kuwo dabada laga riixayo si ay u qabtaan xilal ay ku heli karaan xogta looga baahanyahay.

5.Shaqaalaha qarsoon waxaa la siiyaa dhaqaale ay wax ku fududeystaan, ayaga oo aan shaqo ama ilo dhaqaale oo la yaqaano lahayn ayay ka taajiraan qandaraaska hoose ee ay ku jiraan.

6.Shaqaalaha qarsoon ee qaba shaatiga kale waxaa loo masaafurin karaa meel dheer si loogu diyaariyo shaqo muhiim ah, loogana fogeeyo shuushta soo bixi karta.

7.Dad badan oo muhiim ah waxaa shirqoola shaqaalaha qarsoon ee sida dadban u shaqeeya, waxaana lagu wareeraa halka ay sartu ka qudhuntay oo waxaa la is dhahaa ” hashu maankayga gadaye ma masaar ayay liqday “.

8.Dhagartu haba dheeraatee mar ayay soo baxdaa, xaqii la duudsiyana marbuu feedhaha ka dillaacaa, Waliid godkii uu u qoday dad bana ayuu ku dhacay, siduu dadka u daba gali jiray ayaa loo daba galay, dabinkiina wuu ku dhacay.

Intaas iyo in kale oo aad ka dheehan kartaan qisadani waa casharo aan u baahanay in aan weelayno.Inta aan qormada kale ku kulmi doono waxaan idiin rajaynayaa liibaan labada daarood.

W/Q: Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli

SOOMAALIDA ku dhaqan South Sudan oo ay cabsi cusub la soo daristay

0

Juba (Caasimada Online) Wararka naga so gaaraya Koonfurta Sudan ayaa sheegaya in xaalad jahwareer ah ay kaa taagan tahay caasimada Juba, kaddib markii ciidamo gadoodsan ay isku dayeen in ay afgambi kula wareegaan xarunta madaxtooyada.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa magaalada tan iyo xaley, iyadoo ay xiran yihiin goobaha ganacsiga, magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamo hubeysan sida waxaa noo sheegay ganacsade Soomaali ah oo ku nool Juba.

Madaxweyne Koonfur Sudan Salva Kiir oo saxaafadda kula hadlay qasriga madaxtooyada Juba ayuu sheegay inuu dhicisoobay afgambi milateri oo lala damacsanaa dowladdiisa, wuxuuna ku eedeeyay kooxo ka dhisan.

Madaxweyne Kiir ayaa ku dhawaaqay bandow billaabanaya 6-da maqribnimo ilaa 6-da aroornimo maanta oo Isniin ah.

Kooxda isku dayday in ay dalka la wareegaan ayaa la shegeay in ay taageersan yihiin madaxweyne ku xigeenkii horre ee dalkaas Riek Machar oo shaqada laga ceyriyay bishii July.

Si kastaba, wax dhib oo soo gaaray Soomaalida ma jirto ilaa hadda, marka laga reebo goobo ganacsi oo ay ku lee yihiin Jubba oo maanta xiran.

Soomaalida badan ayaa ganacsiyo kala duwan ku leh magaalooyinka dalka Koonfur Sudan gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Juba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: Arirn mucjiso ah oo caalamul islaam ka yaabisay (Daawo)

0

Caasimada Online:  Nin hadli waayay oo Qur’aanka kariimka lagu aqrinayo kadibna hadlaya iyo goobta uu ku sugnaa ninkani oo mar qura Ashahaadka iyo yakbiirta ay isku dhacday Allaahu akbar Allaahu akbar Allaahu akbar.

Awooda allaah iyo Dawada Qur’aanka Kariimka ma ahan wax fudud waxana la yiri qof aan isku daweyn Qur’aanka Kariimka Dawo uma sugnaan ee nala daawo Muuqaalkani wax badan aad ka arki doonto iyo sida ay ku dhacday arinkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Arag Sawirka Somali loo heesto qarixii Nairobi oo ay Kenya soo bandhigtay

0

Nairobi (Caasimada Online) Booliska Kenya ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay sawirka wiil Soomaali ah oo la sheegay in uu xiriir la lahaa weerarkii lagu qaaday Bas nooca dadweynaha oo Khamiistii lagu qarixiyay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Taliyaha ciidamada booliska Kenya David Kimaiyo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay  Xusseen Nuur Maxamed oo 21-jir ah in uu ka dambeeyay weerarka lagu qaaday basaska nooca Matatu oo lagu qarxiyay Pangani.

Ugu yaraan lix qof ayaa la sheegay in ay ku dhimmatay in ka badan 3o kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Pic151213Mr. Kimaiyo ayaa ku celceliyay Tuhunsane Xuseen Nuur in looga baahan yahay in uu hor yimaado sharciga si su’aalo loo waydiiyo.

Waxaa uu sheegay in wiilkan eedaysanaha ah horray loogu eedeeyay falal argagixiso oo Kenya ka dhacay balse markii dambe damaanad lagu sii daayay.

Ugu dambeyn taliyaha ciidamada booliska Kenya ayaa bulshada Soomaalida iyo kuwa Kenya uu ka codaday in ay gacan ku siiyaan soo qabashada wiilkan Soomaaliga ah.

Wixiii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Nairobi, booliska waxa ay howgallo ka sameeyeen xaafadda Soomaalida ay ku badan tahay ee Islii waxaana ay qabqateen Soomaali badan.

Waxaa kaloo jira wara sheegaya in dad careesan ay gaaraaceen gabar Sooomaali markii uu qaraxa dhacay kaddib, waxaana gabadhan hadda lagu daweynayaa isbitaalka ku yaalla Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Ammaanka KISMAAYO oo la adkeeyay iyo dilal ka dhacay magaalada

0

Kismaayo (Caasimada Online) Ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa maanta aad la adkeeyay, kaddib markii iska hor imaad uu ka dhacay magaalada.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa u sheegay Caasimada Online, in magaalada lagu arkayo ciidamo ka tirsan maamulka Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, habeenkii xaley waxaa magaalada lagu toogtay labo qof oo rayid ah, waxaana dilay dhallinyaro ku hubeysan bastoolado.

Ammaanka magaalada Kismaayo ay u muuqda mid faraha ka baxay waxaana magaalada ka dhacay dilal dhowr oo ah loo geestay dad rayid ah iyo xubno xiriir la leh maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]   

 

DEG DEG : Habar-gidir iyo Biiyamaal oo ku dagaalamaya Lambar 50 (Warbixin)

0

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal culus uu iminka ka socdo deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaallo maalmahan ka socday deeganno badan oo hoosta gobalka Shabeelaha Hoose, kuwaasoo ay u dhexeyaan maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Habar-gidir iyo Biiyamaal.

Dadka deeganka aya sheegaya in la maqlayo daryanka rasaas xooggan oo ay isweedaarsanayaan labada dhinac, waxaana adag in la helo xog badan maadama xilliga ay tahay aroor horre.

Dhinaca kale, dagaallo goos-goos ah ayaa xaley waxa ay ka dhaceen deegannadii labadii maalmooda ay ka socdeen  sida tuulada Busley oo ka tirsan Jannaale.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay dagaaladan maalintii afarraad ka socda gobalka Shabeellaha Hoose oo salka ku haya dhul beereed la isku hayo.

Faah-Faahin goordhow kala soco Shabakadda Caasimada Online

Ciidamada Amisom oo maanta isbadal uu ku dhacayo (Maxaa soo kordhay?)

0

Muqdisho (Caasimada Online) Taliye y dhashay dalka Burundi ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah u la wareegaya howgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Taliyahan cusub oo lagu magacaabo gaashanle sare Silas Ntigurirwa, wuxuu xilka kala wareegayaa Gen. Andrew Gutti oo u dashay dalka Uganda kaasoo xilkaas hayay tan iyo bishii May sanadkii 2012.

Waa markii ugu horreysay oo Burundi ay la wareegto howgalka AMISOM tan iyo sannadkii 2007-da xilligaas oo ciidamada AMISOM ay yimaadeen Soomaaliya.

Xaflad ka dhici doontaa magaalada Muqdisho ayaa maanta ay xilalka ku kala wareegi doonaan labada taliye, waxaana lagu wadaa in ay ka qaybgalaan madax ka tirsan Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya.

Howgalka AMISOM ayaa ciidamada ugu badan waxaa ku deeqay dowladda Uganda, waxaana ciidamada ku jira ay ka kala socdaan dalalka Uganda, Burund,Jabuuti, Sierra Leone, iyo Kenya, sidoo kale Itoobiya oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa ku biiri doonta howlgalka AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

[email protected]

Dhageyso: Habar-Gidir oo ku eedeysay Talyaaniga dagaalka Sh/Hoose, Sabab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaaladii u dhaxeeyey beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal ee gobolka Shabeelada Hoose, ayaa sheeko kale oo yaab leh ay kusoo korartay kadib markii ay beesha Habar-Gidir ay sameysay eedeyn yaab leh.

Mas’uul ka tirsan beeshaas, oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Talyaaniga ay ka dambeyso dagaalka, islamarkaana ay maalgelineyo beesha Biyo-Maal, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay inay xog ku heleen in siyaasiyiin Direed ay dowladda Talyaaniga kula shireen Nairobi, ayna ka dhaadhiciyeen qorshe cajiib ah, oo dowladda Talyaaniga ogoleysiiyey inay maalgeliso dagaalka.

Halkan hoose ka dhageyso mas’uulka Habar-Gidir, oo faahfaahinaya eedeynta cusub ee la xiriirta dagaalka Shabeelaha Hoose.

gabar-

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa keena hammi yarida kacsiga ee dumarka, sideese loo daweeyaa?

0

Waa maxay hami yarida haweenka?

Dareenka kacsiga ee haweenka waa mid is bad-badalo, inuu kaco ama yaraado waxay badanaa la xiriirtaa xiriirka ka dhaxeeyo iyada iyo lamaanaheeda ama isbadallada waaweyn ee ku dhaca nolosheeda sida: uurka, dhalmo-deyska iyo xanuunnada.

Haddii hami yari ay dhib kugu heyso waxaa ku saacidi karo in aad badasho nolol maalmeedkaaga iyo qaabka aad adiga iyo lamaanahaaga aad u raaxaysataan. daawooyinka qaar waa laga yaabaa in ay wax kaa taraan.

Calaamado:

calaamadaha ugu muhiimsan eel agu garto dhibaatadaan ayaa ah in haweentu aysan wax rabitaan ah aysan muujin, diraasad la sameeyay waxay sheegtay boqolkii haweenba 40 ka mid ah ayaa dareemo xaaladaan waqti ka mid ah nolosheeda. kuwa dhibaatadaan ay ku raagto waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxeyso 5 illaa 15%.

Inkastoo markii arrimahaan laga hadlayo aaanan la isku waafiqi karin wixii dabiici ah iyo waxaan dabiici ahayn, qofba si ayuu u arkaa hami yarida, waxaa laga yaabaa haddii haweentaada aad ka sheeganaysid hami yari in iyadane ay kaa sheeganayo kacsi badan.

kala fikir duwanaashahaas ayaa keeni karo niyadjab iyo welwel laakiin waxay khubarada sheegaan haddii hamigiinna uu ka yaraado sidii hore waxay calaamad u tahay in xiriirkiinna uu xoogeystay.

Midda kale haweenka isku mid maahan sida uu eebbe uu abuuray oo way ku kala duwanyihiin arrintaan.
Waxay haweentu u baahantahay takhtar in ay aragto haddii iyadu ay dareento in hammigeeda uu yaraadaya ama sidii ay ahaan jirtay ay wax iska badaleen.

Maxaa keeno?

Rabitaanka haweentu wuxuu ku dhisanyahay arrimo dhowr ah oo aan kala dhex bixi karin sida caafimaad jir ahaan, caafimaad nafsaani ah, khibradeeda, waxyaabaha ay rumaysantahay, qaab nolol maalmeedkeeda iyo heerka hadda uu marayo xiriirka ka dhaxeeyo iyada seygeeda.

Haddii aan kala qaado arrimahaas:

A- Xanuun jir ahaan:

• Dhibaato xagga galmada ah: tusaale ahaan haddii haweentu ay dareemeyso xanuun xilliga galmada “Dyspareunia” am ama aysan awood u laheyn in ay biyo-baxdo “Anorgasmia” taasi waxay caqabad wayn ku noqon kartaa dareenkeeda iyo rabitaankeeda labadaba.

• Cudurro: xanuunno badan ayaa keeno in ay yareeyaan dareenka haweenka sida dhiig-yarida, nafaqo-darrida, lafo-xanuunka, kansarka, sonkorowga, dhiig-karka, cudurrada wadnaha iyo cudurrada neerfaha ku dhaco intaba.

Dhalmola’aanta iyadane waxay keentaa in ay yareyso rabitaanka iyo dareenka kacsiga.

• Daawooyin: daawooyin badan ayaa keeno hami yarida sida daawooyinka niyad-jabka, daawooinka dhiig-karka, daawooyinka kansarka oo iyagane caan ku ah in ay keenaan dhibaatadaan iyo daawooyinka allerjiga loo isticmaalo sida sanboorka, neefta iyo xajiinta ee “Antihistamines”.

• Daroogada iyo Khamarada: iyagane waxay leeyihiin dhibaato hawlagab kacsi
• Qalliin: qalliimada lagu sameeyo naasaha ama xubnaha taranka sida haweenkeenna oo badanaaba oo iska guba hoosta taaso oo ah mid qaldan iyadane waxay yareysaa himada

• Daalka: Haweenta oo ku daasho xanaaneynta qof da’ah ama caruur badan ama shaqaale ah waxay ka qeyb qaadataa in ay yareyso rabitaanka iyo himada.

B: Isbedel hormoonnada ah:

Isbedel ku yimaado heerarka hormoonnada haweentu waxay saameysaa rabitaankeeda.

• Xilliga dhalmodeyska: hormoonka Istorojiinka hadduu yaraado wuxuu keenaa in dareenka iyo rabitaanka kacsiga uu yaraado. hormoonka kale ee testosterone isagane hadduu yaraado wuu keenaa dhibaatadaan.

• Nuujinta iyo Uurka: hormoonnada way is badalaan xiliga nuujinta iyo uurka taasne waxay keentaa in rabitaanka iyo dareenka uu yaraado

C: Xanuun nafsi ah:

waxaa jiro cudurro badan oo nafsaani ah oo saameeyo caadifadda haweenka taasoo saameyn wayn ku leh rabitaanka iyo dareenka kacsiga waxaa ka mid ah xanuunnadaas: welwelka, diiqada, niyad jabka, fikir la xiriiro shaqada ama xag dhaqaale, muuqaalka jirkeeda oo aysan ku faraxsanayn, taariikh hore oo dhibaato jir loo geystay, fara-xumeyn ama kufsi.

D: Arrimo la xiriiro wada noolaanshaha:

Haddii xiriir xumo uu jiro iyada iyo lamaanaheeda, haddii mushkilad ama dagaal uu ka jiro guriga, haddii wada-xiriirka ku saabsan baahida galmada ananan laga wda hadlin ama aanan la isla fahansaneyn, haddii shaki iyo masayr meesha yallo intaas waxay saameeyaan wada noolaanshaha, taasne waxay keentaa in rabitaan uu imaan waayo meeshaas.

Sidee loo daaweeyaa?

• Badal nolol-maalmeedkaaga: samey jimicsi, iska yarey welwelka, noqo qof faraxsan, adkey murqahaaga miskaha adigoo sameeya jimicsiga “Kegel”.

• Badal xiriirka iyo wada noolaansha idinka dhaxeeyo adigoo xalliyo khilaafaadka ka jira dhexdiinna, isku noqdo kuwo daacad isku ah oo ka wada hadlo arrimo kasta oo dhex-yaalla, midkiinna kan kale ha uga sheekeyo waxay uu jecelyahay iyo waxa uusan jecleyn.

Raadi la talin ku aadan arrimahiinna haddii ay jiraan qof aad labadiinnaba ku kalsoon tihiin oo khibrad u leh arrimahaan.
Waqti yaanan loo yeeli xilliga aad is damceysaan maxaa yeelay tan waxay nolosha ka dhigeysaa mid caajis badan.

Aqoon dheeraad ah u yeelo noloshiinna galmood iyo sida aad uga faaieysan kartaan fursadaha jira, tusaale ahaan akhrista buugaagta ka hadasha arrimahaan la xiriira guurka iyo wada-noolaanshaha.

• Daawooyin ayaa jira kaa caawin kara arintaan taasoo marka ugu horeyso qasab ay tahay in meesha laga saaro haddii uu jirod cudur kaa hortaagan rabitaankaaga iyo himadaada sida aan kor ku soo xusnayba.

Haddi aadan qabin cudur jir ahaaneed ama nafsaani ah labadaba oo kuu keenay dhibaatadaan wuxuu dhakhtarkaaga kuu qori doonaa daawooyin sare u qaada hormoonnadaada khaas ahaan kuwa aan soo sheegnay ee Estrogen iyo Testosterone.

Is caawin iyo Is gacan-qabasho:

Haddii kacsiga uu yaraado qof ka mid ah labadiinna waa wax la fahmi karo in dhigga kale uu dareemo murugo ama uu dhibsado nolosha, sidaa awgeed waxaa talo ahaan idin siinayaa in aad xoogga saartaan sidii aad sare ugu qaadi laheedeen kalgacalkiinna iyo xiriirkiinna taasoo ugu dambeyntii saameyn weyn ku yeelan karto rabitaankiinna galmood, isku day in aadan fikirkaaga badankiisa aadan saarin galmo iyo wax la xiriira toona, ku dadaal in aad nafaqyso oo koolkooliso xiriirkiinna idinkoo qaab noloshiinna wax yar ka badala oo ka baxa rootiinka.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah musharaxiinta P/land oo arrin ka yaabisay kala kulmay Faroole

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka aynu ka helayno magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in maamulka Puntland uu u diiday inuu gudaha magaalada Garoowe galo Shire Xaaji Faarax oo ka mid ah musharaxa tartanka ugu jira kursiga Madaxweynaha Puntland, kaas oo isaga iyo wafdi la socday lagu amray inay ka laabtaan Garoowe, isla markaasna maamulka Puntland uusan ogoleyn inay gudaha u galaan.

Sida warku sheegayo ciidamada maamulka Puntland ayaa diidan inay gudaha u galaan magaalada Garoowe wafdi uu hogaaminayey musharax Shire Xaaji Faarax, waxaana la sheegay in ciidamada Puntland ay musharaxa ku amreen inuusan gelikarin magaalada Garoowe uuna dib ugu laabto halkii uu ka yimid, inkastoo markii dambe loo ogolaaday inuu gudaha u galo magaalada, inkastoo laga reebay gaadiid dagaal oo la socday.

Musharax Shire Xaaji Faarax oo arrinka ka hadlay ayaa sheegay in loo diiday inuu gudaha u galo magaalada waanwaan ka dibna la ogolaaday inuu keligiis galo inkastoo uu taasi diiday uuna dib isaga laabtay, isagoo xusay in labo gaari oo tikniko ah oo isaga la socotay aysan waxba u dhimi-karin amaanka Garoowe balse maamulka Puntland uu arrinkaasi ka lahaa ujeedo u gaar ah isaga oo uusan garankarin sida uu yiri.

Taliyaha amniga doorashada Puntland Gen. Siciid Dheere ayaa horey u sheegay in meelaha aan amniga aheyn ee Puntland ka mid ah ama amnigoodu aanu isku duba ridneyn ay musharixiintu ka xaysan karaan gawaari qoryo saaran yihiin laakiin markii ay yimaadaan Garowe loo oggol yahay ilaalo kooban oo aan wada gawaarida qoryuhu ku rakiban yihiin, sidoo kale Gen. Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay inay muhimad siinayaan musharixiinta horey u soo shaqeeyay ee ay dhici karto in shaqadii ay ku jireen kuwo cadow ah ku kasbadeen, taasna ma ahan inaan caddaalad darro sameyneyno ayuu yiri mar uu ka hadley arrinta doorashooyinka, maadaama ay jiraan qaar musharixiinta ka mid ah oo Garowe gawaari ilaalineysa ay la tageen.

Si kasta oo ay ahaataba arrinkan ayaa ku soo aadeysa iyadoo labo todobaad ka hor sidan oo kale wafdi uu galbinayey C/weli Maxamed Cali Gaas loo diiday inay gudaha u galaan magaalada Garoowe, inkastoo markii dambe wadahal iyo waanwaan-dheer ka dib ay ogolaadeen maamulka Puntland inuu gudaha u soo galo magaalada, inkastoo ciidamadii isaga galbinayey lagu sameeyay hub ka dhigis intii uu joogay magaalada Garoowe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

VIDEO: LABADA MASHRIQ IYO MAQRIB iyo Mucjisada Qur’aanka Kariimka ah

0

Markay soo degtay aayaddan qiimaha badan ee qowlka Alle Sarreeye ee oranaysa

(رَبُّ الْمَشْرِقَيْنِ وَرَبُّ الْمَغْرِبَيْنِ)

 [الرحمن: 17]

”Rabbiga labada qorrax ka soo bax iyo labada qorrax udhac’‘. Ar- Raxmaan: 17d

Aad baa loola yaabay, Yahuuddii iyo Munaafiqiintii Madiinah iyo Kufaartii Qureesheedba aad bay ula yaabi jireen aayaddaas, waxayna oran jireen sidee bay u jiraan labo qorrax kasoo bax iyo labo qorrax u dhac ah?

Si kastoo ay uga shakiyeen cilmiga iyo kitaabka uu la yimid nebi Muxammad (NNKH) haddana Ilaahay waa diiday wax kale inuu diintiisa dahiriya mooyaane, oo ay iyadu noqota midda wax waliba ka sarreeysa. Wuxuuna Ilaaha isagoo tilmaamaya cilmiga weyniga badan ee ku hoos duugan aayad weliba ama xarafkastoo oo ay ka shakiyaan mushakikiintaasi amaba kamid ah Quraankiisa uu Quraankiisa kariimka ahi ku yiri

 ((ولتعلمن نباه بعد حين))(ص.88)

”Hubaashii waad ogaan doontaan xaqiiqdiisa muddo kadib”. Saad: 88d
Cilmiga wuu ka caajisay inuu helo xaqiiqada ay aayadda sare ka warramaysa in muddo 1400 sano ka badan ah,  jeer maanta la soo gaaray aqoontan casriga ah iyo tiknoloojiyada, markaasoo ay waxyaaba badan oo Quraanka kariimka uu ka warramay 14 qarni ka hor ay immika rumoobayaan, ayna dhacaysa in aqoonyahannada reer galbeedka ay u khushuucaan diintan Islaamka ah ee samawiga ah, dabeetana ay maalin waliba sidaas ku islaamaan kuwa ku talaxtegey cilmiga xadaska.

Culimadeenna Islaamka, ama aan dhahee Soomaalida ayaa waxay Quraanka inoogu macneyn jireen tafsiiru ra’yiga, oo ay aayaddaasi ku macneyn jireen badanaa in loola jeedo cadceedda oo qorrax kasoo bax xilliyada xagaayga ama jiilaalka dhinac uyara durugta halkii lagu yaqaannay, laakiin isla jihadii uun kasoo baxdo. Xilliga ay dhacaysana ay sidaas oo kale tahay. Laakiin xaqiiqada ayaanan sidaasi ahayn, macnuhuna wuxuu noqonayaa siduu Alle horey usheegey oo uu yiri ”Goor dambaad ogaan doontaan warkiisa Quraanka”.

Sidaynu ogsoonnahay cadceedda ayaa waxaan u naqaannaa meeraha weyn ee loo yaqaan Shams/Sun, ee xajmiga weyn leh. Xaqiiqooyin hore ayay culimada wakaaladda NASA ee Maraykanka ku iktishaafeen in meerayaasha meera kastaahiba uu leeyahay dayaxyo u gaar ah, qaarkoodna ay leeyahiin wax kabadan 60 dayax,  qaarna hal sida kan dhulka oo kale, qaarna aanay lahayn wax meera ah.

Dhanka kale NASA ayaa sheegtay in meeraha dhulka (Earth) aanu ahayn meeraha keliya ee ay cadceeddu ifiso, waxaana jira inay ifiso meerayaal badan oo kala duwan, waxayna yiraahdeen sidaas daraaddeed waxaa jira qorrax kasoo baxyo tira badan iyo qorrax u dhacyo tira badan, taasuna waa halka uu Ilaahay Sarreeye ka oranaya markuu inooga warramayay arrinkaasi isagoo weliba ku dhaaranaya

(يقول تعالى: (فَلَا أُقْسِمُ بِرَبِّ الْمَشَارِقِ وَالْمَغَارِبِ إِنَّا لَقَادِرُونَ

 [المعارج: 40] 
”Ee waxaan ku dhaaran Rabbiga dhammaan qorrax kasoo baxyada iyo qorrax u dhacyada inaan awoodno”. Al Mucaarej: 40

Subxanallaah!!.. Subxanallaah!!… Subxanallaah!!.. Qur’aanka ayaa inoo sheegaya 1400 sano ka hor xaqiiqada ah in ay jiraan qorrax kasoo baxya badan iyo qorrax udhacyo badan, taasoo ay immika uun ogaanayaan reer galbeedka. Layaab badanaa qoom ka tagaya kitaabkii uu Ilaahay ku sharfay, oo meel aanan isaga ahayn ka raadinaya cilmi?
Dhanka kale xaqiiqada labada qorrax kasoo bax iyo qorrax udhac, wakaaladda NASA, ayaa dhawaan (goor ku siman sanad ama labo sano kahor/2010-2011) iktishaaftay xaqiiqada meera cusub oo dhawaan la heley, kaasoo la yiraahda Kepler 16B. Meerahani Kepler 16B wuxuu xajmigiisu la eg yahay meeraha loo yaqaan Suturn/Zuxal. Wuxuu ku wareegtaa meerahan Kepler 16B labo cadceed oo midi ay midda kale ka weyntahay. Sidaa darteed wuxuu leeyahay labo qorrax kasoo bax iyo labo qorrax u dhac.  Labada adceed ayaa mar waxaa soo hor baxda midda yar, marna midda weyn, marna way isla soo baxaan. Meerahan dhawaan la heley ayaa lagu sheegey in aanay dushiisu ka jirin wax nolal ah, waxaana lagu sheegey inuu yahay meere aad u qabow badan.

Xaqiiqadani ay dhawaan iktishaafeen culimada wakaaladda NASA ee Mareykanka, ayaa noqoneysa cilmi weyn oo dhawaan la gaaray iyo macluumaad kowni ah oo la heley, halka Ilaahay kor ahaaye uu Quraankiisa arrinkaasi inoogu warramay xilli kusiman muddo 14 qarni kahor, taasoo caddeyneysa xaqnimada diinta Islaamka iyo kitaabka Quraanka kariimka ah.

Run buuna sheegey Alle markuu yiri

(رَبُّ الْمَشْرِقَيْنِ وَرَبُّ الْمَغْرِبَيْنِ)

 [الرحمن: 17]

Sidoo kale run buu sheegey markuu yiri

((ولتعلمن نباه بعد حين))(ص.88)

”Hubaashii waad ogaandoontaan xaqiiqdiisa muddo kadib”. Saad: 88d

Halkan ka daawo macluumaadka meerahan oo ay ka hadlayaan culimada NASA:

Subxanallaah!!.

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
_______________________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay ugaar tahay qoraha iyo webka, lama daabacan karo idan la’aan.

Video: Laba Soomaali ah oo arrin lala yaabay ka sameeyey South Africa

0

Laba nin oo Soomaali ah oo ku nool Wadanka Koofur Afrika ayaa sameeyay arin ka yaabisay Caalamka ayadoo arinkani si aad ah looga baahinayo Tv-yada Caalamka.

Arinka Cajiibka ah ee ay sameeyay labadani Nin ee Soomaalida ah ayaa quseeysa Madaxweynihii Geeriyooday ee Wadanka Koofur Afrika Nelson Mandela Ma sameyn laheyd sida ay sameeyaan labadaan ragg ee nala daawoa adaa yaabi doonee…

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

 

US Official Urges Somalia to Protect Human Rights

0

The top United States State Department official for Africa is urging Somalia’s government to do more to protect its most vulnerable people, especially women, and to respect the rule of law.

Assistant Secretary of State Linda Thomas-Greenfield, who is visiting Somalia, said in a statement Saturday that Somalia’s long-term stability “requires more than just a security response to the threats posed by terrorists.”

The statement said the U.S. wants to see a Somali government that can protect its people.

Somalia’s government controls only small parts of the country and struggles to provide security and battle corruption, although there are signs of political progress following years of turmoil.

Somali lawmakers recently voted to oust the prime minister and his Cabinet, action seen by some as signaling the growth of Somalia’s institutions.

10 killed in clan clashes in Lower Shabelle region

0

Ten people were killed and dozens were injured after clan clashes erupted in areas between Janale and Awdegle of Somalia’s Lower Shabelle region, reports said on Sunday.

The clashes, which begun on Saturday, were prompted by a conflict over grazing and agricultural lands, according to the local residents.

Civilians are among the casualties, several injured people are receiving treatment at Marca General Hospital.

Hundreds of residents fled from their homes, to survive from the crossfire.

Lower Shabelle Governor, Abdulkadir Mohamed Nor (Sidi) requested from the government of Somalia and African Union Peacekeeping Troops to interfere and mediate the battling clans.

Dozens of people were killed clashes in the region between those two clans.