28.1 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

IGAD Appointed Ambassador Affey as its Special Envoy to Somalia

0

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) today announced that Ambassador Mohamed Abdi Affey as its Special Envoy to Somalia.

H.E. Ambassador Affey is a veteran parliamentarian and politician who was Kenya’s ambassador to Somalia in 2003, facilitated the Mbagathi Somalia peace process and led the Kenyan delegation that participated the inauguration of the Somali Government of president Abdulkassim Salat Hassan.

Welcoming the newly appointed envoy, The Executive Secretary of IGAD, Ambassador Mahboub Maalim, emphasized the critical significance of Ambassador Affey’s role in consolidating the peace in Somalia and wished him well in this important assignment.

Source: IGAD

DHAGEYSO: Caqabadaha iyo howsha hortaalla R/W cusub ee Somalia

0

Wanshinto DC (Caasimada Online) Idaacadda VOA ayaa barnaamij ka sameesay caqabada horyaala ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, oo toddobaadkii horre uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh, iyo howsha hortaala.

Barnaamijka wicitaanka dhageystaha waxaa tododbaadkan looga hadlay arrimahaas waxaana marti ku ah Cabdulqaadir Aaden Jangali, oo ah aqoonyahan u dhuun daloola arrimaha Soomaaliya isla markaana wax ka qora.

Cabduqaadir wuxuu horrey u soo noqday Madaxii Bangigii horumarinta ee Soomaaliya ee dowladdii dhexe ee burburtay.

Barnaamijka oo dhameystiran halka hoose ka dhageyso, waxaana idinla socodsiinaya Maxamed Colaad Xasan oo VOA ka tirsan.     

Xafiiska Wararka Wanshinton DC

[email protected]

Jawaari oo shaaciyay xilliga RW cusub la horkeenayo BF iyo go’aanno kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah kulan ku yeeshay guddiyada baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay xilliga baarlamaanka la horkeenaayo raysal wasaaraha cusub.

Shirka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha baarlamaanka,Prof Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu qaatay lix saac.

Markiii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in shirka maanta isaga iyo gudiyadda baarlamaanka ay yeesheen looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Wuxuu sheegay in la isla meel dhigay sannadka 2014-ka in uu noqon doono sannadkii ugu shaqada badnaa baarlamaanka waayo inta aan la gaarin sannadka 2016-ka waxaa la doonayaa ayuu yiri in la qabto shaqooyin muhiim ah sida in la dhammeestiro dastiirka iyo dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Ma sheegay guddoomiyaha xilliga uu baarlamanka hor imaanayo raysal wasaaraha cusub?

Guddoomiyihu wuxuu sheegay in ay isla garteen isaga iyo guddiyada madaxweynaha in uu hor keeno raysal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed maalinta Arbacada ee toddobaadkan, marka cod loo qaadana uu raysal wasaaraha soo dhiso xukuumad taasoo cod loo qaadi doono dabadeedna miisaniyada xukuumada cusub ay ku shaqeeneyso sannadka 2014-ka baarlamaanka loo soo bandhiggo ayuu yiri.

Ugu dambeyn guddoomiyaha baarlamaanka ayaa fariin u diray xildhibaannada baarlamaanka ee dalka iyo dibadiisa ku sugan isaga oo ka dalbaday iney wada yimaadaan magaalada Muqdisho ugu dambeyn maalinta Salaasada ee so socota maadaama laga doonayo iney gutaan waajibaad dastuuri ah oo ay ugu horeyso ansixinta ra’isul wasaaraha waxaana uu guddoomiyaha Baarlamaanku tilmaamay ka maqnaanshaha fadhiyada noocaan ah ee Baarlamaanka ay tahay xilkasnimo darro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Imaam Masaajid oo caawa lagu dhex toogtay masjid ku yaalla Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa caawa salaadii maqrib kaddib waxa ay ku toogteen gudaha masjid ku yaalla degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho imaamkii Masjidka.

Goobjooge ku sugnaa masjidka ayaa u sheegay Caasimada Online, in labo nin oo ku hubeysan bastoolado ay gudaha masaajidka ku toogteen imaamkii masjidka isla markaana ay goobta ka baxsadeen.

“Caasimada Online haddii aan idiin sheego sida ay wax u dhaceen, mid ka mid ah imaamyada masjid ku yaalla degmada Warta Nabadda “Ex Wardhiigleey oo lagu magacaabo Sheekh Bashiir Bile ayaa waxaa lagu dhex toogtay gudaha masjidka isagoo wax yer ka hor salaadii maqriba natujiyay, waxaa toogtay labo wiil oo dhallinyaro ahaa kuwaasoo ku hubeysan bastoolado mid ayaa gudaha u soo galay masjidka” ayuu yiri goobjoogaha noo warramay oo diiday in magaciisa aan xigano sababo la xiriira dhinaca ammaanka.

Si kastaba, wuxuu sheegay oo kale goobjoogaha markii la dilay imaamka in dadkii masaajidka joogay ay kala carareen iyagoo naxsan, waxaana xilligaas gudaha masaajidka socday ayuu yiri kutaab la akhrinyay.

Ilaa hadda ma cadda sababta loo dilay imaamkan oo caan ka ah degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Dhacdooyinka noocan ma ahan kuwa ku cusub dalka Soomaaliya dhowr jeer oo horre ayaa loo diday culimo iyo aqoonyahano ku jiray Masaajid ama ka soo baxay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa ka soo kordhay dagaalladii ka dhex qarxay Habar-Gidir & Biyo-Maal?

0

Afgooye (Caasimada Online) Waxaa caawa daggan goobihii lagu dagaalamay seddaxdii maalmood ee la soo dhaafay ee ku yaalla Shabeellaha Hoose kuwaasoo halkaasoo ay isku heestaan labo beel oo kala ah Habar-Gidir iyo Biyo-Maal.

Inta la ogyahay 20 qof ayaa ku dhimmatay dagaalka maanta iyo shaley ka socday deeganno hoos-taga degmooyinka , Janaale, Marka iyo Aw-dheegle oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalada maanta, ayaa waxay xoogoodu ka dhaceen deegaanka Busleey oo ka tirsan degmada Janaale, waxaana labada dhinac ay  isku adeegsadeen hub culus sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Wararka, ayaa waxay sheegayaan in dagaaladu ay si iskoodu ah u istaageen duhurnimadii maanta, oo markaasi ay suurta gashay in labada garab ay kala qaataan dhaawacyada.

Dhaawacyada labada dhinac ee dagaalamaya ayaa la sheegay in loo kala qaaday magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.

Dadka rayidka ee ku nool goobaha lagu dagaalamayo ayaa la sheegay in ka barakaceen guryahooda iyagoona aaday deeganno ka fog goobaha lagu dagaalamayo

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka guddiga xuquuqul insaanka baarlamaanka Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa hey’addaha dowladda ka codsaday in ay halkaas u diraan ciidamo kala dhex gala maleeshiyaadka isku heesta gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda in aysan dhab ka ahayn Siddii loo joojin lahaa dagaalada ka socda gobalada qaar sida Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Soomaalida NAIROBI oo lagu kacay !!!

0

Nairobi (Caasimada Online) Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii waxaa maanta ka dhacay howgallo lagu qabqatay Soomaali badan kaddib markii xaley qarax lagu weeraray baabuur nooca dadweynaha.

Wariyaha Caasimada Online ee Nairobi, ayaa soo sheegay howgalkii maanta in lagu qabtay in ka badan 100 qof oo Soomaali u badan kuwaasoo laga soo qabqabtay guryaha ku yaalla xaafadda Islii.

Wariyaha waxaa kaloo uu soo sheegay in qaar ka mid ah dadka lagu qabqabtay howgalka in loo geestay tacadiyo ballaaran oo ay ku jirto garaac.

Dhinaca kale, waxaa xiran dhammaan goobaha ganacsiga ee ku yaalla xaafadda Islii oo uu xaley ka dhacay qaraxa lagu weeraray baska dadweynaha.

Inta la ogyhay toddobol qof ayaa ku dhimmatay in ka badan 25-kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa sida ay lee yihiin hey’addaha amaanka iyo kuwa caafimaadka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

IGAD oo u magacawday Max’ed Cabdi Afeey ergaygka cusub ee Somalia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) Urur Gobaleedka IGAD ayaa maanta oo Axad ah danjire Maxamed Cabdi Afeey u magacaabay ergayga gaarka ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu ku saxiixan yahay xoghayaha IGAD Maxbuub Macalim ayaa lagu sheegay in Afeey loo magacaabay danjiraha gaarka ah ee ururka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa sannadkii 2003-dii Maxamed Cabdi Afeey u magacowday safiirka u qaabilsan Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ahaa qabqan qaabiyihii shirkii Imbagaasi lagu qabtay sannadkii 2004 ee lagu soo unkay dowladii KMG ah ee AUN Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Danjire Afeey ayaa tan iyo bishii March ee sannadkan wuxuu ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya.

Warka ka soo baxay xoghayaha ururka IGAD ayaa lagu sheegay in ay taageersan yihiin magacaabiista Afeey maadama uu yahay nin ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

 

Daawo Video: Nolosha Xabsiga Xamar

0

Caasimada Online: Xabsiga dhexe ee xamar ayaa waxaa laga soo duubay Barnaamij xiiso badan oo qof walba oo daawaday marna ka qosliyay marna ka yaabiyay sida uu yahay xabsiga xili lagu qabanayay munaasabad.

Hadaba aqristoow daawo Muuqaalkani waxaad arkeysaa Maxaabiista oo ciyaaraya iyo madax gacan qaadeysa Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

R/wasaaraha cusub ee Somalia oo laga teegaray Kismaayo iyo Baydhaba

0

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ee gobalada Jubbada Hoose iyo Baay waxaa maanta oo Axad ah ka kala dhacay dibadbaxyo lagu taageerayo raysal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed.

Boqolaal qof oo u badan dumar iyo carruur oo sitay boorar ay ku qornaayeen erayo lagu taageerayo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo, waxaana ay sheegeen in ay soo dhaweenayaan raysal wasaaraha cusub ee dhawaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhammaan dadkii ka qaybgalay dibadbaxa ayaa ugu baaqay raysal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed inuu la yimaado waxqabad, uuna dhiso gole wasiirro oo tayo leh.

Dibadbaxa maanta waxaa kaloo ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socday maamulada ka dhisan Kismaayo iyo Baydhabo, waxaana ay sheegeen inay taageersan yihiin raysul wasaaraha cusub.

Haweenka iyo dhallinyarada ka qeyb-galay kulanka ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen erayo lagu taageerayo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dibadbaxyo noocan oo kale oo lagu taageerayo raysal wasaaraha cusub ayaa horrey uga dhacay magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Caabudwaaq iyo Luuq.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Qaybdiid oo faah-faahiyay waxyaabaha hor taagan horumarka GALMUDUG

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa ka hadlay wax yaabaha ku hor gudban horrumar ay gaarto Galmudug.

Isagoo la hadlaayay dad badan oo ku sugan Gaalkacyo ayuu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee ku hor gudban horrumar ay gaarto reer Galmudug ay tahay kooxaha burcad badeeda ee heesta ajaaniibta faraha badan.

Wuxuu sheegay inta burcad badeeda Soomaalida ay heestaan ajaaniibta la socda maraakiibta ay afduubteen kooxaha burcad beeda in horrumar ay gaarto Galmudug aan la arki doonin.

Wuxuu kaloo sheegay wax yaabaha sababta u ah in aysan imaan hey’adaha gargaarka iyo madaxda dowladda Soomaaliya ay sababu tahay ammaanka xumida ka jirta magaalada Gaalkacyo oo dadka lagu afduubto.

Ugu dambeyn hoggaamiyaha Galmudug ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal ay ku damacsan yihiin siddii ay maleeshiyaadka heesta dadka ajaaniibta looga siideen lahaa iyagana loogu sameen lahaa howllo shaqo loogu abuurayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

 

DHAGEYSO: R/W C/Weli oo ammaanay Puntland iyo arrin uu u ballan qaaday

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee loo magacaabay Somalia Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa ammaanay maamul goboleedka Puntland, islamarkaana sameeyey ballanqaadyo ku wajahan weji cusub oo uu la sameysan doono maamulkaas.

Ra’iisul wasaaraha oo teleefonka kula hadlayey munaasabad taageero ah, oo loogu sameeyey Gaalkacyo, ayaa waxa uu sheegay in Puntland uu siin doono ahmiyad, islamarkaana ay ka mid ah meelaha uu taageeradooda ku xisaabtami doono, lana shaqeyn doono..

Cabdi Weli, ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu booqan doono deegaanada Puntland, inkasta oo uusan waqti rasmi ah cayimin.

“Waxaad ka mid tihiin muhiimadeeda, waan idin iman doonaa, waana wada shaqeyn doonaa, waana wada hadli doonaa” ayuu yiri Cadbi Weli Sheekh Axmed, oo weli sugaya ansixinta baarlamanka, si uu u noqdo ra’iisul wasaaraha rasmiga ah ee dalka.

Halkan hoose ka dhageyso codka Cabdi Weli

codka cabdiweli

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

Dhageyso: Imaamka Habargidir “Haddii 1 aseendo oo Biyo-Maal lee yahay laga soo helo Sh/Hoose, anagaa gardarran”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Iimaamka beelaha Habar-Gidir, Imaam Cabdullahi Khaliif Rooble, ayaa beesha Biyo-Maal ku eedeeyey dagaalada soo noq noqda ee ka taagan gobolka Shabeelaha Hoose, oo mar kale lagu dagaalamay maalmihii dhowaa.

Cabdullahi Khaliif Rooble, ayaa shaaca ka qaaday in melaashiyo beesha Biyo-Maal kasoo jeeda ay weeraro gaadmo ah dhowr goor ku dileen beeraley u dhashay Habar-Gidir, oo ayaga oo dhexjooga beerahooda ay gaadeen.

Waxa uu sheegay in beesha Biyo-Maal ay ku doodeyso in Habar-Gidir aanay deegaan u lahayn gobolka Shabeelada Hoose, ayna isku dayayaan inay beesha Habar-Gidir ka tir tiraan gobolkooda.

“Waxa ay ku jiraan riyo aan laa yaabay oo ah in beel ayaga uga badan deegaanka ay tir tiraan, taasna ma shaqeeneyso” ayuu yiri.

Waxa uu ku dooday in xilligii dowladdii dhexe gobolka Shabeelaha Hoose, ay kasoo gali jireen xildhibaano u dhashay Digil iyo Daamo, ayada oo gaar ahaanna xildhibaano Habar-Gidir ay kasoo galeen magaalada Marka, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka ayaa 740 sano ka hor ahaan jirtay caasimada Hawiye, nimanka Biyo-maalna waxay ka yimaadeen Jig-Jiga, oo Sheeqaal ayaa soo dejiyey halkan” ayuu yiri.

“80% hantida gobolka waxaa leh Hawiye, haddii lasoo helo hal aseendo oo beer ah oo ay lee yihiin Biyo-Maal, anaga ayaa gar-darran” ayuu yiri Imaam Cabdullahi Khaliif Rooble.

Halkan hoose ka dhageyso codkiisa.

cabdullahi khaliif

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xaalka KISMAAYO oo allow sahal ah !!!

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dilal qorsheysan ayaa xalay waxa ay ka dhaceen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose, kuwaasi oo loo geystay dad shacab ah iyo xubno ku jira Maamulka Jubba.

Xalay waxaa Magaalada Kismaayo xeebteeda laga helay meydka ruux shacab ah, kaasi oo sida dadka deegaanka ay sheegeen ahaa ruux ka shaqeysta sameynta gaadiidka, waxaana lasoo wariyay in goobtiisa shaqada laga soo ka xeystay, kadibna meydkiisa halkaasi lagu arkay.

Sidoo kale qof kale oo shacab ah ayaa xalay waxaa lagu dilay Magaalada gudaheeda, waxaana dilay rag ku hubaysan biskoolado, kuwaasi oo ka baxsan goobta dilka ay ka geysteen.Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa qal-qal galay maalmahan dambe kadib markii ay soo bateen dilalka loo geysanayo dadka shacabka ah iyo xubnaha ka tirsan maamulka Jubba.

Ciidamadii dhawaan laga saaray magaalada ayaa dib loogu soo celiyay si ay usugaan ammaanka Magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Daawo Video: Sida madaxda caalamka loogu ilaaliyo magaalada Muqdisho

0

Caasimada Online: Magaalada Muqdisho ee Caasimada Wadankeena Somalia ayaa waxaa yimaado Wafudu heer caalami ah waxeeyna booqdaan goobtii ay markaasi rabaan in ay booqdaan ayagoo wata ilaalo u gaar ah oo ah Ciidamo cadaan ah oo aan Soomaali aheyn.

Hadaba daawo muuqaal ku saabsan mid ka mid ah Wafuud soo gaartay Muqdisho oo ilaalo xoogan wadata oo booqaneysa goobo ku yaalo Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Cali Geedi oo talooyin iyo dardaaran muhiim ah u diray RW Cusub

0

Nairobi (Caasmada Online) Raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa caawa ka hadlay arrimo badan oo ay ku jirto aragtidiisa ku saabsan raysal wasaaraha cusub.

Isagoo la hadlaayay Idaacad ku taalla Muqdisho, ayuu sheegay Cali Geedi in uu soo dhawenaayo raysal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed, wuxuuna ku sifeeyay qofkii ku haboonaa ee maanta xilkaas qaban lahaa.

Wuxuu sheegay oo kale in uu la soo shaqeeyay raysal wasaaraha cusub isla markaana aqoon buuxda uu u lee yahay.

“Raysal Wasaaraha cusub Cabdiweli Axmed Sheekh muddo igu filan ayaan aqaanay, waan isla la soo shaqeenay, waa nin ka soo jeeda dad laga yaqaano dalka iyo dibedda, waxa ay ila tahay waa qofkii ugu haboonaa ee xilligan hoggaamin lahaa Soomaaliya” ayuu yiri Cali Geedi.

Cali Geedi ayaa talooyin muhiim ah siiyay RW Cusub

Wuxuu marka horre kula dardaarmay in uu raysal wasaaraha cusub ka fiirsado xukuumada cusub ee uu soo dhisaayo isla markaana uu wadatashiyo kala yeesho bulshada qaybaheeda kala duwan iyo maamulada dalka ka jira, Puntland, Galmudug, Ximin iyo Xeeb, Jubba.

Wuxuu kaloo uu yiri Cali Geedo waa in raysal wasaaraha cusub uu tagaa magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Garoowe, Beledweyne iyo dhammaan magaalooyinka xorta si uu ugala soo tashto dadka ku dhaqan xukuumada uu soo dhisaayo.

Cali Geedi ayaa kula taliyay raysal wasaaraha cusub in uusan ku shaqeen fikir koox ama shaksi uu lee yahay balse ku shaqeeya dastuurka dalka isla markaana uu fuliysida qoddobada ku qoran.

Cali Geedi waxaa kaloo uu ka codsadya ra’iisal wasaaraha cusub in uusan xukuumada cuusb ku soo darin golihii wasiiradii horre.

Wuxuu sheegay in ay ayaan daro tahay wasiir maalintii kalsoonida lagala laabanayay raysal wasaare Saacid iyo xukuumadiisa fadhiyay kulankii baarlamaanka oo haddana lahaa xukuumada waa ay fashilantay.

“Wasiirada u maleeya in uu raysal wasaare Saacid kaligiis fashilmay ma ahan raysal wasaare kaliye ayaa fashilmay ee macnaheedu waxa weeyeaye xukuumadiisa ayaa fashilatay waana ay ku jiraan kuwaas sheegay fashilka” ayuu yiri Cali Geeedi.

Ugu dambeyn ra’iisal wasaarihii horre, ayaa madaxweynaha ka cosaday in uu u madax baneeyo shaqadiisa raysal wasaaraha cusub maadama horrey loogu eedeeyay in uu qabtay shaqadii raysal wasaarihii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxkaa ka soo kordhay weerarkii ka dhacay Nairobi? “War Cusub”

0

Nairobi (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa weerar kooxo hubeysan ay caawa fiidkii ay ku qaadeen baabuur nooca Mini Bas-ka oo ay la socdeen Kenyan iyo Somalia.

Inta la ogyahay shan qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimmatay weerarka in ka badan 25-kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay goordhow sheegen saraakiisha caafimaadka isbitaalku dhow xaafadda Pangani oo ah goobta uu qaraxa ka dhacay.

Weerarka oo ka dhacay meel 100km u jirta saldhig boolis oo ku yaalla xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay Islii ee Nairobi.,waxaana lagu weeraray baabuur nooca matatu.

Waxaa laga deyrinayaa qaar ka mid ah dadka dhaawaca sida ay lee yihiin saraakiisha caafimaadka iyo booliska.

Qaraxa kaddib ayaa la sheegay in ay goobta soo gaareen ciidamo boolis ah kuwaasoo baartitaano wada.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya iyadoo xaley kooxo hubeysan ay weerar ka geesteen magaalada Wajeer  oo ka tirsan gobalka Waqooyi Bari Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Wariyaasha Muqdisho oo shaqadooda u joojiyay maanta in ay baaraan Eeyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah wariyaasha ka shaqeeya Idaacadaha gudaha iyo kuwa caalamka ee ka howgalla Muqdisho ayaa maanta howshoodii u joojiyay in ay baaraan eeyo, kaddib markii saraakiil ka socday hey’addaha sirdoonka Maraykanka ay ka shakiyeen qalabka ay wateen wariyaasha.

Arrintan ayaa dhacday markii maanta wariyaal doonayay in ay ka qaybgalaan shirka jaraa’id ee xoghayaha guud ee arrimaha dibedda Maraykanka u qaabilsan Maraykanka Linda Thomas-Greenfield oo maanta booqasho gaaban ku timid Muqdisho.

Wariyaasha oo dhowr saacadood baaritaan Scan ah la marsiiyay ayaa markii dambe loo sheegay in qalabkooda laga shakiyay sidaas darteedna Eeyo jooga garoonka diyaaradaha Muqdisho ay baaraan qalabkooda.

Arrintaas waxaa ka goos adeegay suxufiyiintii joogay goobta shirka jaraa’id, waxaana ay sheegeen haddiiba ay sidaas tahay in aysan ka qaybgaleynin shirka jaraa’id oo ay ka tagayaan.

Wariyaasha maanta shaqadooda laga carqaladeeyay ayaa madaxda dowladda gaar ahaan baarlamaanka ugu baaqay in ay arrintan ka dooddaan isla markaana wax la qabto maadama ay yihiin muslimiin.

Ma ahan markii ugu horreysay  oo suxufiyiinta Soomaalida howshoodo caqabad looga dhigo in uu baaro eey marka ay soo dagaan wafuuda caalamiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Musharixiintii ugu badnaa oo Garoowe ku kulmay baaqna u diray Faroole

0

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Sabtid ah kulan ku yeeshay 10 ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha dambe ee January 2014-ka.

Xubnaha musharixiinta ee kulmay ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay go’aankii Faroole uu ku oggolaaday in uu la kulmo musharixiinta ay isku hayaan doorashada soo socota.

Waxaa kaloo xubnaha ay ku baaqeen in la joojiyo shaqada ay hayaan guddiga xallinta khilaafaadka oo dhawaan uu ku dhawaaqay madaxweyne Faroole, waxaana ay ku taliyeen in la sameeyo salaadiin ama cuqaal loo noqdo marka arrin la isku qabsado oo iyaga laga dhigto meesha marjica.

Haddaba nuqun ka mid ah war-saxaafadeed ay soo saareen shirkooda kaddib xubnahan oo la soo gaarsiiyay Xafiiska Caasimada Online ee Garoowe ayaa sidan u qornaa:

warqadda_musha

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Guddoomiye Siidii oo ka hadlay dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose

0

Afgooye (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ka hadlay dagaallo maalintii labaad ka socda deeganno hoos taga gobalkaas, kuwaasoo u dhexeeya maleeshiyo beeleed.

Guddoomiye Siidii oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dagaalka maanta ka dhacay deegannada Awdheegle, Janaale iyo tuulooyin kale ay ku dhinteen ugu yaraan toddobo qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayuu sheegay in uu dhexeeyo beelo horrey ugu dagaalamay gobalka, wuxuuna sheegay in dagaalka ay ka qayb qaateen ciidamada dowladda oo la kala saftay labada dhinac.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in goobaha lagu dagaalamayo ay yihiin dhul beereed la isku heesto sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in uu madaxda ku wargaliyay dagaalka maalintii labaad ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa wuxuu u dhexeeyaa beelaha Habar-gidir iyo Biimaal dhowr jeer ayeena ku dagaalameen halkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]