28.1 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Mareykanka oon la dhacsaneen habkii xilka looga qaaday R/Wasaare Saacid

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta yimid wafdi ka socda dowladda Maraykanka, waxaana hoggaaminayay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee dhinaca Afrika haweeneyda lagu magacaabo Linda Thomas-Greefield.

Wafdiga ayaa ayaa labo kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Linda Thomas-Greefield ayaa ugu horreyn kulanka ay la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka waxa ay kala hadashay doorka baarlamaanka uu ka qaatay go’aankii xilka loo qaaday raysal wasaarihii horre Cabdi Faarax Saacid.

Kulanka labada mas’uul albaabka ayuu u xirnaa waxaana markii uu soo dhammaaday shir jaraa’id qabtay Linda Thomas-Greefield iyo Jawaari, waxaana ay sheegeen in dhammaan qoddobada ay ka hadleen la isla afgartay.

Intaas kaddib, Linda Thomas-Greefield kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka ee u qaabilsan Afrika waxa ay kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga Maraykanka ayaa madaxweynaha weydiiyay bal in uu uga warbixiyo siddii ay u dhacday go’aankii baarlamaanka uu gaaray, madaxweyna wuxuu sheegay in seddaxdii bilood ee la soo dhaafay ay socdeen howllo la doonayay in lagu horrumarin dowladda sidaas darteedna loo gartay in wax laga badalo hey’adda fullinta sidaas waxaa sheegay afhayeenka madaxweynaha Eng Cabdiraxmaan Yariisow oo la hadlay VOA.

Si kastaba, wafdiga waxa ay Maraykanka kala hadleen raysal wasaaraha cusub iyo sida lagu soo xulay iyo qaabka ay noqon doonto xukuumadda cusub.

Madaxweynaha waxaa la weydiiyay xukunkii dhawaan ku dhacay gabar wariye ahayd oo sheegtay in la kufsaday iyo wariyihii wareystay .

Si kastaba, waxaa muuqata in dowladda Maraykanka ay saluugsan tahay sida loola dhaqmay raysal wasaarihii horre iyo go’aanka ay gaareen baarlamaanka, kuwaasoo didday in uu raysal wasaaraha horyimaado maalintii ay codka kalsoonida kala noqonayeen si uu isku difaaco.

Maraykanka waa dowladii ugu horreysay oo aqoonsata dowladda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana madaxweyne Obama uu Aqalka cad kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan golihii wasiiradii horre.

Wafdiga kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka ee u qaabilsan Afrika, Linda Thomas-Greefield, waxaa la socday danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Ma aamineysaa in ay sidaan tahay Maanta Magaalada MUQDISHO

0

Hadaad mudo badan qurbaha ku maqneyd oo aa dib ugu soo noqotay Dalka gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, Waxaa kuu muuqanaayo horumar dhinac kasta marka laga fiiriyo amaan iyo horumar deg deg ah oo Muqdisho ay ku tallaabsatay.

Muuqaalkii ugu danbeeyay ee laga soo duubay Muqdisho ayaa muujinayaa horumarka ka socda iyo dib u dhiska dhinac walbo, gaar ahaan wadooyinka oo Dowladda Turkiga xil weyn iska saartay sidii Muqdisho ula jaan qaadi laheyd dunida maanta.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Maamulka A/Madoobe: Ciddii aan na taageersaneen ha ka baxdo Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku amaray in dadka aan taageersaneen maamulkooda ee Kismaayo ku sugan ka baxaan magaalada, haddii kale ay la kulmi doonaan cawaaqib adag sida hadalka loo dhigay.

Taliye ku-xigeenka ciidanka nabadsugida maamulka Jubba  Mursal Maxamed oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ciddii aan taageersaneen maamulka Axmed Madoobe in aysan ku sugnaan karin magaalada Kismaayo.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ammaan darida ka jirta Kismaayo ay mas’uul ka yihiin wax uu ugu yeeray qaswadayaal ka soo horjeeda maamulka KMG ah, isagoona intaas ku daray meesha qaraxa uu ka dhaco haddii ay ku taallo goob ganacsi lala wareegi doono lana xiri doono qofka iska leh.

Waa amarkii ugu cuslaa ee loo jeediyo dadka aan taageersaneen ee Kismaayo ku sugan, walow aan la ogeyn sida loo ayidi doono ama loo aqbali doono.

Amarkan ayaa ku soo aaday iyadoo maalmahan magaalada ay ka dhaceen dilal abaabulan oo loo geestay saraakiil xiriir la leh Maamulka Axmed Madoobe.

Dhawaan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay shir ay qabteen qaar ka mid ah raggii sheegtay madaxweynayaasha Jubbaland kuwaasoo sheegay in ay diiddan yihiin xubno wasiiro ah oo loo magacaabay maamulka KMG ah ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

United States thanks Malaysia for saving their soldiers in Somalia

0

PORT DICKSON: The United States has finally expressed appreciation for the sacrifices and contributions of Malaysian peacekeepers for saving their soldiers in Mogadishu, Somalia on Oct 3, 1993.

The gratitude was expressed by Tom Kelly, the Acting Assistant Secretary, Bureau Of Political-Military Affairs today, 20 years after the famous incident which formed the basis for the movie ‘Black Hawk Down.’
Kelly said Malaysian peacekeepers had  proven their mettle and prowess in performing their duties under the United Nations (UN) banner.
“In global peace operations, we always admire the great capacity of Malaysian peacekeepers and benefited from their heroism and bravery.
“A Malaysian peacekeeper lost his life when recueing American soldiers in Mogadishu 20 years ago,” he told reporters after handing over Full Training Capability and launch of the Malaysia Peacekeeping Centre Blueprint, here today.
Malaysian Armed Forces (ATM) Chief, Gen Datuk Seri Zulkifeli Mohd Zin was also present.
In the incident 20 years ago, a group of American soldiers were caught behind enemy lines after Somali militias shot down two Black Hawk helicopters over Mogadishu.
Malaysian peacekeepers and Pakistani peacekeepers under UNOSOM II (United Nations Operation In Somalia) then assisted Amercian soldiers to rescue the trapped group.
The rescue operation was successful but a Malaysian soldier was killed while eight others were injured.
Washington had never officially recognised the role of Malaysian peacekeepers in the rescue mission in Mogadishu, Somalia.
The movie ‘Black Hawk Down’ directed by Ridley Scott in 2001 also blanked the part played by Malaysian peacekeepers in rescuing the American soldiers.
Kelly said the Malaysian Peacekeeping Centre proves that Malaysia has the best peacekeepers.
“All Malaysians should be proud of what the Malaysian defense force has achieved here,” he added. –BERNAMA

Siyaasiga Aadan Cirro oo BBC-da xog hoose ka siiyey shaqsiyada RW cusub

0

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed Maxamed “Baardheere” ayaa  shalay markii uu xilkaasi ku guuleystay in loo magacaabo waxaa soo baxayey isweydiimo badan oo ku aadan qofka uu yahay.

Waxaana durba bilowday in la raadiyo dadka ugu dhaw ee taariikhdiisa laga soo heli karo. Warbaahinkasta si u gaar ah ayey u raadisay arrintaasi inay soo bandhigo.

Haddaba idaacada BBCSOMALI ayaa barnaamijkeedii saaka  waxay kusoo qaadatay xub ay u ga hadleyso taariikhda iyo qofka uu yahay Ra’iisul wasaare Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed. Waxaana wariye Abdirisaq Catoosh  uu arrintaasi wax ka weydiiyey siyaasiga caanka ah ee Aadan Ibrahim Aw-Xirsi “Cirro” oo mar soo noqday guddoomiyaha gobolka Gedo.

cabdiweli

Siyaasiga Cirro ayaa waxaa uu sheegay inuu Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed uusan lasoo kulmin xilligiisii waxbarashada degmada Baardheere balse uu la soo kulmay iskuulkii uu ka baxay Dr, Abdiweli Shiikh iyo waliba xilli la isku tilmaami jiray inuu qofkasta la mid noqdo Abdiweli Shiikh haddii uu waxbarasho rabo.

” Dr, Abdiweli Shiikh  ma aqoon carurnimadiisa oo waa jiilkii iga horeeyey. Waxaana ninkaasi uu kasoo jeedaa qoys caan ku ah diinta iyo xitaa Ugaasnimada. Waxaana soo gaaray iskuulkii uu dhigan jiray, iyaddoo waalidka ay inagu oran jireen haddii iinan noqon  karin sida Abdiweli Shiikh maxaad wax ka baraneysaan, taasi oo u ah tusaale aqoontiisa sida ay u wanaagsaneyn” ayuu yiri Cirro oo intaasi ku daray.

” Xilliga aan aniga iskuulka dhiganayey iyo kuwa ila midka ah markii ay xisaabaadka la yiraahdo masuurtowdo ama adeg in laga shaqeeyo la isku oran jiray : Xisaabtan haddii xitaa Abdiweli Shiikh loo geeyo waa ku adgaaneysaa: Taasi oo muujineysa inuu tusaale inoo  ahaa”ayuu yiri siyaasiga Aadan Ibrahim Aw-Xirsi “Cirro”.

Bidix: Siyaasi Aden Cirro: Midig : Wariye Abdirisaq Catoosh BBCSOMALI
Bidix: Siyaasi Aden Cirro: Midig : Wariye Abdirisaq Catoosh BBCSOMALI

Dabeecada Ra’iisul wasaare Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed waa ceynkee??

Dhinaca kale mar uu ka hadlayey Cirro dabeecada iyo tarbiyada uu leeyahay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayuu sheegay inay tahay mid aad u wanaagsan oo uu ka dhaxlay aabihiis oo ahaa Shiikh caan ka ahaa degmada Baardheere kasoo ummadkiisa iska dhaafe carurta kale tarbiyo wanaagsan ku waday.

” Abdiweli waxaa dhalay Shiikh Ahmed Maxamed oo qaadi ka ahaa Baardheere waxaana lagu xasuustaa aabihiis inuu tarbiyada ubadkiisa ka sokow kuwa reeraha kale xitaa tarbiyo bari jiray. Isaga shaqsiyan haddii aan usoo noqdo waxaan dhihi karaa Abdiweli waa nin degan, furfuran, dabeecad bisil leh islamarkaana neceb dhibka iyo xasaradaha. Waxaana uu jecel yahay inuu ummada dhageysto oo xitaa haddii aad kala fikir duwan tihiin jecel inuu aqoon iyo wadahadal wax kugu fahamsiiyo.Waana la yaqaa wax badan oo uu sidaasi uga miro keenay” ayuu yiri Cirro oo BBCSOMALI uga waramayey  qofka uu yahay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr,Abdiweli Shiikh Ahmed.

Muuqaalka Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed waa ceynkee ??

Cirro oo mar kale Wariye Catoosh uga jawaabaya arrintaasi si dadka aan TV ka arag u gartaan muuqaal ahaan ayaa  yiri sidan:

” Abdiweli waa nin gola-joog leh oo waliba cas ama cad oo dheer islamarkaana aan haantan laheyn timo badan oo la tilmaamo. Waa nin aad u furfuran oo farxaad ah marka aad aragtana kusoo jiidanaya.Waxaana uu ummada kusoo jiitaa cilmi uu ku dabaqayo qosol.” ayuu yiri Cirro.

Diinta sidee ku yahay Dr, Abdiweli Shiikh haddiiba aabihiis Shiikh weyn ahaa?

Siyaasiga Cirro oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxaa uu sheegay in Dr, Abdiweli Shiikh  oo uu dhalay Shiikh Ahmed Maxamed Baardheere la oran karo xitaa isagaa culumo ah oo diinta ku xeeldheer.

” Aniga waxaan ku kulanay ramadaantii dhaweys xajka. Waxaana uu degan yahay Jidda. Waa nin laftisa la dhihi karo waa culumo oo cibaadada ku fiican, qeybse kama aheyn ururada diimaha ee dalka ka hanaqaaday balse waa nin reero cibaado ah” ayuu yiri Cirro.

Muxuu dadka kale uga duwan yahay Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed??

Waxaa uu sheegay siyaasiga Cirro oo aqoon durugsan u  leh Dr, Abdiweli Shiikh islamarkaana hal magaalo ay ka wada yimaadeen ayaa sheegay inuu ummada kale uga duwan yahay maskax badni iyo inuu ka fakaro wax badan oo aan dadka kale umuuqan.

” Waxaan ku xaman jirnay inuu Abdiweli Shiikh yahay nin maskax badan oo runtii wax badan oo aan anaga inoo muuqan ayuu ka damqan jiray oo uu isku howli jiray inuu wax ka qabto, taasina waxaa keeneysa maskax badnida uu lahaa” ayuu yiri Aadan Ibrahim Aw-Xirsi “Cirro” .

Xaas iyo carur ma leeyahay Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed?

Wariye Abdirisaq Catoosh  ayaa ugu danbeyntii weydiiyey Cirro inuu bal sharaxo carurta Dr, Abdiweli iyo inta xaas ee uu leeyahay, hal ama labo? Waxaase uu ka jawaabay Cirro in carur badan uu leeyahay Ra’iisul wasaaraha balse ma cadeyn tirada carurtaasi yihiin iyo waliba inuu hal xaas leeyahay iyo inuu laba xaas leeyahay toona.

” Dr, Abdiweli Shiikh waxaan ogahay inuu leeyahay carur badan oo uu waliba si fiican u koriyey. Waxaan sidoo kale aqaan qoyska intiisa kale ee reer Shiikh Ahmed oo ah kuwa badan” ayuu yiri siyaasiga Cirro oo aan ka jawaabin inta xaas ee uu leeyahay Ra’iisul wasaaraha cusub Dr, Abdiweli Shiikh oo taariikhdiisa laga wareysanayey.

Halkan hooe ka dhageyso wareysiga siyaasiga weyn Aadan Ibrahim Aw-Xirsi “Cirro”

taariikh abdi weli

Wareysigan waxa uu ka baxay BBCSOMALI. Waxaana qaaday Wariye Abdirisaq Catoosh.Halka warbaahinta Kismaayo24.net qoraal ahaan u rogtay, taasi oo wadashaqeyn la leh caasimada.net.

Dhageyso: Prof Gaas oo ka hadlay R/W cusub: Magac C/weli laguma khasaaro

0

Garowe (Caasimda Online) – Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland 2014 ahaana raysalwasaarihii hore ee Soomaalida Prof. Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtey caasimadda Puntland ee Garowe, kadib markii uu booqasho ku tegey magaalooyin badan oo ku yaala Gobolada Bari, Sanaag iyo Nugaal.

Prof.Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegey in booqashada uu ku tegey gobolada Puntland ay la xiriirto in uu soo arko soona darso xaaladooda dhabta ah haddii uu ku guukleysto tartanka Madaxweynaha uu wax ka qaban doono xaaladdii uu soo arkey.

Ama Musharax ahow ama Madaxweyne ahoow waa muhim in gobolada oo dhan la tago dadka la soo waraysto isla markaana wax laga qabto waxa ay u baahan yihiin ayuu yiri Prof.Cadbiweli Cali Gaas, waxaan soo ogaaney baahida dhabta ah ee ka jirta deegaanadii aan booqaney.

Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland Prof.Cabdiweli Cali Gaas ayaa hanbalyo u direyraysalwasaaraha cusub ee maalintii shalay lagu dhawaaqey, Waxa uu sheegey in uu yahay nin ay si weyn isu yaqaanaan macrifana yihiin, waa nin aqoonyahan ah oo karti leh ayuu yiri, waxaana uu ilaah uga baryey in masuuliyadda ilaah u fududeeyo.

“Magaca raysalwasaaraha cusub waa Cabdiweli, waxaan u malaynayaa in aan magacaas lagu khasaari jirin” ayuu si kaftan ah u yiri isaga oo u jeeda in Cabdiweli Shiikh Axmed yahay raysalwasaarihii labaad ee wata magaca Cabdiweli.

Halkan Hoose ka dhageyso Cabdi Weli Gaas

gaas

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

EU oo lacago badan siinaysa Somalia

0

Brussels (Caasimada Online) Midowga Yurub ayaa maanta oo Sabti ah soo saaray warbixin uu uga hadlaayo dhaqaale kale oo uu siinaayo waddamo badan oo ku yaalla Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya.

War-qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha guddiga horrumarinta Midwoga Yurub, Andris Piebalgs ayaa lagu sheegay in Afrika siinaayaan lacag gaareysa 17.2 milyan oo dollarka Maraykanka ah ,taasoo wax loo qabanaayo arrimo ay ka mid yihiin ammaanka gobalka iyo tayeenta ciidamada Afrika ee howlaha nabad ilaalinta u jooga dalal ay ku jiraan Soomaaliya.

Mr. Andris Piebalgs ayaa sheegay in lacagtan si toos loogu wareejiyay howgalka Midowga Afrika si toos ah loogu shaqeeyo.

Sidoo kale, warka qoraalka ayaa lagu xusay in lacagta ay ku jirto mid loogu tala galay horumarinta isgaarsiinta Afrika si loo abuuro xiriir joogta ah oo dhexmara deeq bixiyaasha beesha caalamka iyo wadamada Afrika.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in lacagtan qaybta Soomaaliya ay ku lee dahay iyo howgalka AMISOM si toos loo marsiin doono xafiiska QM ee UNSOM.

Si kastaba, Midowga Yurub ayaa dhawaan sheegay in howlihii tababarka ee la siinayay ciidamda Soomaaliya ee ka socda Uganda loo wareejin doono gudaha dalka Soomaaliya billowga sannadka soo socda 2014-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

QM oo xafiis laga maamulo GOBOLADA dhexe ka furaneysa Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa sheegtay maanta oo Sabti ah in xafiis gaar u ah UNSOM ay ka furaneyso dhawaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo maanta tagay magaalada Beledweyne.

Danjire Kay ayaa gobalka Hiiraan in uu yahay gobal muhiim ah marka loo eego gobalada dhexe sidaas darteedna UNSOM ay ka furaneyso xafiis gaar ah.

Danjiraha markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif wuxuu durba kulamo la qaatay maamulka gobalka iyo saraakiisha ciidamada AMISOM, dabadeed wuxuu la kulmay ururka dhallinyarada iyo wax garadka, wuxuuna sheegay reer Hiiraan in looga baahan yahay in ay ka tashadaan masiirkooda oo aysan ku tashan AMISOM, QM iyo dowladda fedaraalka

Waa markii ugu horreysay oo danjire Kay u tago magaalada Beledweyne Xarunta gobalka Hiiraan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shir muhiim u ah Soomaalida Koonfur Afrika oo ka dhacay Pretoria

0

Pretoria (Caasimada Online) Magaalada Pretoria ee wadanka Koonfur Afrika, waxaa lagu qabtay shir hal maalin socday, kaasoo looga hadlayay dhibaatada dadka Soomaalida ah ku haysata dalkaasi.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen xubno sar sare oo isugu jira diblomaasiyiin, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Koonfur Afrika iyo hoggaamiyayaasha jaaliyada Soomaalida, ayaa waxaa laga soo saaray qoddobo dhowr ah oo ku aadan sidii Soomaalidu ay uga bad baadi lahayd dhibaatooyinka dalkaasi ku haysta.

Hey’adda Helpsom oo shirkan soo qaban qaabisay ayaa goobta ku soo bandhigtay bal in wax laga ogaado dhibaatada Soomaalida lagu hayo wax yaabaha sababta u ah iyo sida loo badbaadin karo.

Dhammaan dadka ka qaybgalay shirka ayaa isku raacay in loo baahan yahay siddii loo badbaadin lahaa Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika, iyagoona dowladda ka codsaday in la badbaadiyo Soomaalida ganacsatada u badan ee ku nool dalkan.

Soomaali badan oo ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa ka walwalsan nolashooda kaddib markii dhawaan uu geeriyooday hoggaamiyihii dalkan Nelson Madela oo maalinta berri lagu aasi doono xaafadda uu ku dhashay ee Quuno oo Pretoria ku taalla.

Soomaalida waxa ay lee yihiin dadka Koonfur Afrika ayaa nagu cabsiinaya mar haddii uu u dhintay Mandela in dalka laga saari doono isla markaana la boobi doono dhaqaalahooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Pretoria

[email protected]

Video: Ehellada Wariye caan ah oo ku xiran Addis-Ababa oo codsi jeediyey

0

Wariye Caan ka ah Dalka Soomaaliya oo Xabsi ku yaalo Magaalada Adis Ababa ku jiro asagoo aan wax galabsan waxaana loo xiray Qarax ka dhacay Magaaladaasi.

Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa wax dhaqdhaqaaq ah oo ku aadan dadka Soomaaliyeed ee xabsiyada ku jira iyo Wariyahanba aysan xil iska saarin iney daba gasho ama ay kala hadasho Dowladda Itoobiya, taasoo nasiib daro ay ku tilmaameen Soomaalida degan Addis Ababa.

Ehelada Wariyaha ayaa ka codsanaya Dowlada Somalia in ay ka qeyb qaadato sii deynta Wariyaha Rugcadaayga ah ee dadka Soomaaliyeed si weyn u garanayaa.

Aqristoow Wariyaha waa mid qof walba oo Soomaali ah yaqaano ee nala daawo Video-gaan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Faah-faahin:Dagaal ka socda Shabeellaha Hoose iyo wax yaabaha uu salka ku hayo

0

Afgooye (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa dagaallo maalintii labaad ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

In ka badan 20 qof oo u badan u dhinacyada dagaalamaya ayaa la sheegay in dagaalka ay ku dhinteen, waxaa kaloo wararka ay sheegayan in dagaalka uu ku baahanay deeganno kale.

Deegannada lagu dagaalamayo ayaa hoos-taga degmooyinka Marka iyo Aw-dheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka muxuu salka ku hayaa?

Sida ay lee yihiin dadka aan la hadalnay dagaalka ayaa ka billowday tuulo lagu magacaabo Aybuutey kaddibna uu ku fiday tuulooyinka Gumeysi-diid, Jannaale iyo kuwo kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa daba socda dagaallo horrey u dhexmaray labadan maleeshiyaad oo isku heesta dhul.

Dagaalka waxaa kaloo la sheegayaa in ay qayb yihiin ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa millitariga.

Dagaalka ayaa sababay dad badan in ay ka barakacaan guryahooda si ay u baadiyaan nafsadoooda.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ku howlan joojinta dagaalka geystay khasaaraha ee maalintii labaad ka soconaya gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa ku soo beegmay iyadoo shaley deeganka Awdheegle lagu dilay nabadoon caan ahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Qaar ka mid wasiiradii RW Saacid oo soo laabanaya (Yaa ka mid ah?)

0

Muqdisho (Caasimada Online) Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa muujinaya in golaha wasiiradda cusub ee xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed ay ka mid ahaan doonaan wasiiradii Cabdifaarax Saacid Shirdoon oo dhawaan waayay kalsoonida baarlamaanka.

Xafladii shaley lagu magacaabayay raysal wasaaraha cusub waxaa lagu arkay wasiirro horrey uga tirsanaa xukuumadii Saacid, mana cadda sababta keentay.

Wasiirada lagu arkay xafadda caleema saarka Raysal Wasaaraha cusub waxaa ka mid ahaa arrimaha dibedda, arrimaha gudaha iyo wasiirkii horre wasaaradda Horumirinta Adeega Bulshada.

Si kastaba, waxaa jirra warar sheegaya in raysal wasaaraha cusub xukuumadiisa cusub ku soo diri doono qaar ka mid ah golihii wasiiradda horre.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo xuluashada golaha wasiiradda, waxaana magaalada ku soo qulqulaya siyaasiyiin isku garbinaya golaha wasiiradda cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shariif Xasan Sheekh oo waji gabax kala soo laabtay Baydhabo (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online)  Waxaaa galabta dib Muqdisho ugu soo laabtay wafdi xildhibaanno ah oo uu hoggaaminaayo guddooyihii horre ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmahan Baydhabo ku sugnaa.

Wafdiga Shariif Xasan ayaa la sheegay in magaalada kala kulmeen muucarad xooggan oo ku saabsan qorshaha ay wadeen ah oo in maamulka cusub ee laga dhisaayo halkaas lagu koobo uun seddax gobal oo kala ah Bay, Baydhabo iyo Shabeellaha Hoose.

Shariif Xasan inta uusan ka soo ambabixin Baydhabo wuxuu shir jaraa’id ku qabtay Hotel Bakiin oo uu daganaa wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in maamul gaar ah loo sameeyo dadka deggan seddax gobal ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay in uusan isaga ka soo horjeedin in la mideeeyo lixda gobal balse waa in lagu shaqeeyaa danaha dowladda fedaraalka oo rabta buu yiri marka horre in la dhiso seddaxda gobal haddii la midoobay hadhow hala qaato taladaas.

Shariif Xasan ayaa tilmaamay in dowladda federaalku aysan aqoonsan doonin maamul goboleed ka kooban lix gobol maadaama saddex gobol ee Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo ay u aqoonsantahay maamulka ku meel
gaarka ee Jubba.

Si kastaba, Shariif Xasan oo markii horre laga diray Muqdisho ayaa ku soo guul dareestay qorshaha uu baxay, waxaana jirra warar sheegaya in maalmaha soo socoda uu magaaladaas gaari doono wafdi kale oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa galabta ka dhacay Hargeysa?

0

Hargeysa (Caasimada Online) Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa galabta weerar ku qaaday xafiiska Wargeyska Hubaal ee magaalada Hargeysa.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay irdaha isugu laabeen xarunta xafiiska dabadeedna ay soo xireen labo wariye oo ka tirsan wargeyska sida ay noo sheegeen wariyaal Hargeysa ku sugan.

Ciidamada weeraray xarunta Wargeyska Hubaal ayaa fasax ka heestay maxkamadda, waxaana ay sheegeen in wargeysku uu been ka sheegay shaqada iyo wax qabadka ciidamada sidaas waxaa sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Somaliland Cabdulaahi Fadal Iimaan.

Bishii April ayaa xarunta Wargeyska weerar lagu qaaday waxaana la sheegayaa in khasaaro xooggan la gaarsiiyay arrintaas oo ururada xuquuqda aadanaha ay cambaareeyeen.

Si kastaba, Somalialand ayaa ku biirtay maamulada dhibaateeya saxaafadda madaxa banaan. waxaana dhawaan xabsiga ay dhigeen afar suxufiyiin oo u shaqeeya warbaahinta gudaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

XOG: Jawaari oo kumanaan dollar ugu deeqay shirka Baydhabo ka socda

0

Baydhabo (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari uu ku bixiyay shirka maamul usameenta gobalada Koonfur Galbeed ee Bayadhabo ka socda lacag gaaraysa 20 kun oo doollar.

Lacagtan ayaa qayb ka ahayd 50,000 oo dollar oo loogu deeqay shirka ka socda Baydhabo sida ay noo sheegeen ilo xog-gaal ah oo diidday magacooda in ay baahino.

Prof Jawaari muxuu lacagtan u bixiyay?

Sida ay lee yihiin ilaha warkan aan ka soo xignay, waxaa sabab u ah in lacagtan uu bixiyo guddoomiyaha golaha baarlamaanka markii uu khilaaf soo kala dhex galay xildhibaannada ku sugan Baydhabo kuwaasoo u kala jabay kuwa taageersan Shariif Xasan iyo kuwa kale oo taageersan Aadan Madoobe.

Prof Jawaari wuxuu ka soo horjeeda qorshe uu wado Shariif Xasan ee ah in maamulka gobollada Koonfur-galbeed lagu koobo uun seddax gobal oo kala Baay, Bakool iyo Shabeellaah Hoose.

Lacagtan qayb kama bixin Shariif Xasan oo isna ku sugan magaalada Baydhabo halkaasoo ay ku shiran yihiin odayaal iyo siyaasiyiin ka qaybgalaya shirka Baydhabo ka socda.

Shariif Xasan muxuu wataa?

Shariif Xasan oo ah nin wajiyo badan horreyna gudddoomiyaha baarlamaanka uga soo noqday dowladihii KMG ah ee Soomaaliya, waxaa uu doonayaa in la badbaadiyo maamulka Axmed Madoobe oo ka kooban seddax gobal oo kala ah Gedo Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Shariif Xasan inta uusan imaan Baydhabo wuxuu kulamo kula qaatay Villa Somalia madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa madaxweynaha uu ka cosaday Shariif Xasan in uu maamulka laga dhisayao Baydhabo lagu koobo seddex gobal maadama maamulka Axmed ay kal horre dowladda heshiis kula gashay Addis Ababa.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in uu furmo wajiga labaad ee shirka maamul u samaynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wariye ka tirsan VOA oo ku tilmaamay magacabista RW cusub maalin madow

0

Wariye caana oo ka tirsan Idaacadda VOA Somali oo Somalida ugu baaqay kacdoon ka dhana Damu Jadiid iyo Ra’isulwasaraha cusub.

Wariye Abdullahi Nur Kolombo ayaa khamiistii shalay ku tilmaamay maalin madoow oo halis wajahday jiritaanka iyo magaca umadda Soomaaliyeed.

Abdullahi Kolombo wuxuu sheegay in Ra’isulwasaaraha cusub ee Somalia yahay nin qayaalad iyo hanti boob ku caanbaxay sidaas darteedna wuxuu shacabka ugu baaqay inay hurdada ka kacaan oo kacdoon ka dhana Damu Jadiid iyo Ra’isulwasaraha cusub la bilaabo. Abdullahi Kolombo wuxuu warbixintiisa u qoray sidaan:-

Wariye Abdilaahi Nuur Maxamed Colombo oo ka tirsan VOASOMALI
Wariye Abdilaahi Nuur Maxamed Colombo oo ka tirsan VOASOMALI

Madaxweyne Garguurte oo si uu dhibaatada Somalia u sii fogeeyo u habar wacdey Ra,iisalwasaare Dam jadiid ah ,oo qabyaaladna ay biyo dhigatay Inta Xasan Garguurte iyo Dam Jadiid ay Somalia hogaamiyeyaal u yahiin Somalia cadaabteedii aduunka ayey ku qaadaneysaa inaan maanta ka hadlo xaalka siyaasadeed ee Somalia ka taagan waxaa igu qasbey inaan umadeyda abaalka igu leh uga digo hagar daamada ay falkinayaan kooxda masiirka shacbiga Soomaaliyeed af duubtey ee Dam jadiid waxaanan horseed ka noqon doonaa oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayaa sidii cadowgaas aadka u xun ee Dam jadiid dhibkooda looga suulin lahaa wadankeyga aan jeclahay ee Somalia.

Shacbiga Somaliyeedow mudo dheer baad hurdo ku jirteen waxaa la joogaa xiligii aad gacmaha is qabsan laheydeen masiirkiinana aad ka tashan laheydeen kooxda yar ee dam jadiid intey qol isku soo xiraan ayey shacbigeena sharafta leh ka iibinayaan inay isku qaateen Madaxweyne iyo Ra,iisal wasare ,tani maaha mid damiirka suuban ee Somaliga uu liqi karo.

Somaliyeey sanad ayaad ku aragtaan dam jadiid sidey ugu tunteen masiirkeenii ma waxaad sugeysaan in 3 sano oo kale ay dhiigeena jaqaan oo mustaqbalka shacbiga sharafta badan ee somaliyeed ay god dheer ku ridaan Baarlamaanka sharafta leh ee Soomaliyeed waxaan weeydiisanayaa ineysan codka siinin Ra’iisal wasaaraha cusub si Somalia ay uga badbaado halis ku soo fool leh.

Ra’isulwasaaraha cusub ninka uu Garguurte u magacaawday ee Abdiwali Ahmed Mohamud wuxuu ahaa ninkii 1984 qoray liis ay ku jiraan arday baran jirtay Jaamacadii Gaheyr qeybta dhaqaalaha,kuna amray maamulkii xilligaas ee jaamacada in ardaydaas isku qabiilka ah dhamaantood jaamacada laga eryo.

Ninka nuucaasa miyaa maanta Somali hogaamin kara? Jawaabta waa maya .

By Abdullahi Nur Maxamed Kolombo [email protected]

ku soo hagaaji waxii aragti ah walaal

https://www.facebook.com/abdulahinurcolombo?fref=ts

Email: [email protected]

NB: Qoraalkan waxaa uu u gaar yahay wariyaha ku saxiixan Abdilaahi Nuur Maxamed Kolombo oo isaga u shaqeeya idaacada VOA oo inaga soo gaarsiiyey qoraalkan. Warbaahinta caasimada  waa idin soo gudbisay oo kaliya. Mahadsanidiin.

Nabadoon caan ah oo lagu dilay….!

0

Afgooye (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in deeganka Awdheegle ee gobalka Shabeellaha Hoose lagu dilay nabadoon caan ahaa.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Daahir Xuseyn “Qoordheeere” ayaa waxaa toogtay kooxo hubeysan kuwaasoo rasaas ku furay gaari uu la socday caawa maqribkii sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Sidoo kale waxaa rasaasta ku dhaawacmay dad kale oo la socday nabadoonka kuwaasoo dhaawacooda loo soo qaaday Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda macadda sababta ka dambeesay in kooxdan hubeysan ee jidgooyada u tiilay deeganka Awdheegle ay dilaan nabadoonkan oo caan ka ah Shabeellaha Hoose.

Waxaa goobta dilka gaaray ciidamo ka tirsan dowladda balse wax ay qabteen ayaa yer.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Maxaa ka socda MUQDISHO?

0

Caasimada Online:  Magaalo Madaxda Dalkeena ee Muqdisho waxaa ka soconaya howlo uu ku farxay qof walbo oo muwaadin Soomaaliyeed ah meel kasta uu ka joogo caalamka.

Bilic ahaan & Muuqaal ahaan Muqdisho maanta ma’ahan sida ay aheyd Shalay waxaa is badalay wax yaabo badan ee ma ogeyd in ay sidaan tahay Muqdisho Iyo howlaha ka socda ee nala daawo adaa ku farxi doonee.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Dadka reer GEDO oo aan u kala harin taageerada Ra’iisul Wasaaraha Cusub

0

Baladxaawo (Caasimada Online) Maanta oo Jimco waxaa qaybo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee gobalka Gedo ka dhacay dibad bax kii ugu ballaarnaa oo waayahan halkaas ka dhaca.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalooyin ay ka mid yihiin Buulo Xaawo, Luuq iyo kuwa kale kuwaasoo watay sawirka raysal wasaaraha cusub Cabdiwel Sheekh Axmed ee shaley uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wariyaal ku kala sugan goobaha dibad baxyada ay ka dhaceen ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online  in aysan jirin dad soo abaabulay dibad baxyada ka dhacay maanta Gedo, balse waxa ay tilmaameen in ay iskood isku soo abaabuleen waxaana ay soo dhaweenayaan in xilka wasiirka koowaad loo magacaabo shakhsi ka soo jeeda gobalka Gedo.

Sidoo kale, dibad baxyo lagu soo dhaweynaayo raysal wasaaraha cusub waxa ay kaloo dhaceen magaalooyinka Muqdisho Caabudwaaq.

Waa dibadbaxyadii ugu horreyay ee lagu taageerayo raysal wasaaraha cusub ee shaley uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhaca dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, dadka magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay raysal wasaaraha cusub, iyagoona ka codsaday in uu soo dhiso xukuumad wax tar leh.

Waa raysal wasaarihii labaad oo muddo 14-bil ay yeelato Soomaaliya, waxaana laga warsugayaa bal in ay codka kalsoonida siiyaan xildhibaannada baarlamaanka iyo in kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]