Baydhabo (Caasimada Online) Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ka hadlay hadal dhawaan ay shaaciyeen warbaahinta gudaha, kaasoo ah in saraakiisha ciidanka AMISOM ee Baydhabo ku sugan ay ku amreen xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaanno kale oo ku sugan halkaas ay ka baxaan magaalada haddii aysan joojin kulamada iska soo horjeedo oo ay magaalada ka wadaan.
Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo ah taliyaha saldhigga booliska Baydhabo, ayaa wuxuu sheegay inaanay AMISOM awood u lahayn Shariif Xasan in ay magaalada ka saaraan.
“AMISOM awood uma laha Shariif Xasan inay ka saarto Baydhabo. waa xildhibaanadii deegaanka waxayna u yimaadeen siddii loo soo dhishi lahaa maamulka gobolada koonfureed. xaq ayuu u lee yahay in uu yimaado” ayuu yiri Korneyl Mahad Cabdiraxmaan.
“Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta deegaanka waxay Xaq u lee yihiin, in goorta ay doonaan ay Magaalada soo gaaraan,marka ay rabaana ay si khiyaari ah kaga taggaan. laakiin in la dhaho ka baxa dhulkiinii, anni ma qabo in AMISOM ay sidaasi dhihi karto.” ayuu sii raaciyay sarkaalkaan.
Isku soo duub waxaa jirra khilaaf weyn oo ka jirra maamul u sameenta gobalada koonfur galbeed, oo la doonayo in u loo dhiso lix gobal balse Shariif Xasan Sheekh wuxuu doonaya maamulkan cusub in uu lagu koobo uun seddax gobal oo kala ah, Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan ma aysan fileyn in Cabdi Weli Sheekh Axmed loo magacaabi doono ra’iisul wasaaraha Somalia, balse siyaasadda ayaa mar waliba waxaa ugu nasiibka badan kuwa aan xisaabta ku jirin.
Caasimada Online, ayaa heshay xog ku saabsan sidii uu ku yimid go’aanka Cabdi Weli Sheekh Axmed lagu doortay ee uu qaatay madaxweyne Xasan Sheekh.
Ugu horeyn, marka la eego taariikhdiisa, aqoontiisa iyo waxqabadkiisii hore, marnaba shaki kuma jiro inay yar yihiin dadka Mr. Cabdi Weli ka mudnaan lahaa xilkaasi in loo magacaabo, balse aan is weydiino sida wax u dhaceen?
Sida inta badan warbaahinta aad kala socoteen maalmihii dhowaa, saadaasha ayaa u badneyd in la magacaabi lahaa Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex, oo xitaa madaxweynaha uu ku wargeliyey beeshiia inuu go’aankiisa sidaas yahay, ayna ku taageeraan.
Go’aankii madaxweynaha uu ku magacaabay Cabdi Weli iyo waqtiga uu dhacayba waxaa uu ahaa kaliya mid ku dhacay laba maalin gudahood.
Sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, madaxweynaha ayaa talaadadii ku war-geliyey saaxiibkiis iyo hogaamiyaha kooxda Damul Jadiid Faarax Cabdul Qaadir inuu doonayo inuu magacaabo Goonjeex.
Markaa kadib, ayaa sida xogtu leedahay Faarax Cabdul Qaadir uu taas ku gacan seeray, isaga oo madaxweynaha u sheegay in haddiiba go’aankiisa uu yahay inuu jagadaas siisyo beesha Mareexaan inuu hayo qof aan looga mudneyn.
Ka hor go’aanka madaxweynaha, ayaa labada nin waxay ay isku maandhaafsanayaan Goonjeex oo madaxweynaha uu jeclaa iyo Xuseen Cabdi Xalane oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen oo Faarax uu doonayey, balse markii madaxweynaha uu ku adkeystay Goonjeex, ayuu Faarax la yimid qorshe cusub.
Waxa uu madaxweynaha ka dhaadhciyey inay badan yihiin fursadaha ay isaga hor imaan karaan isaga iyo Goonjeex iyo kooxda Dam Jadiid, sidaa darteedna uu xilka siiyo Cabdi Weli Sheekh Axmed, oo ka mid ah aas aasayaashii hore ee kooxda Damul Jadiid, si xaandeebkooda aanay cid kale usoo dhex galin.
Rumeyso ama ha rumeysan ,xittaa ma dhicin wax wareysi ah oo madaxweynaha uu la yeeshay Cabdi Weli, marka laga reebo is arag iyo is-barasho guud oo saacado ka hor ku dhex martay Villa Somalia, inta aan la magacaabin.
Cabdi Weli ayaa si aad ah ay isku yaqaanaan, islamarkaana ay dhowr hay’adood ka wada shaqeeyeen Faarax Cabdul Qaadir, sidaas ayaana looga dhigay ra’iisul wasaaraha Somalia.
1. Wuxuu isaga iyo aabihii(Sheikh Axmed Baardheere) ku dhasheen lana soo dhaqmeen beesha Digil iy Mirifle
4. Maadaama uu Dhulka Digil iyo Mirifle ka yimid, waxa uu sidoo kale haystaa taageerada beelaha Digil iyo Mirifle.
5. Dr. Cabdiwelli Sheikh Axmed baardheere waa nin ka soo jeeda dhal culumo , subaca quraanka afka maay maay-gana aad u yaqaana.
6. Dr. Cabdiwelli wuxuu saaxiib dhow weligii la ahaa dad ay ka mid yihiin Shariif Xasan, Faarax Cabdulqaadir, Prof Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil iyo rag kale.
7. Dr. Cabdiwelli waa nin ka soo jeeda Mareexaan iyo Digil iyo Mirifle, maadaama hooyadiis ay tahay Digil iyo Mirifle.
Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaannada baarlamaanka ugu baaqay in ay si fudud codka kalsoonida u siiyaan ra’iisal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed oo shaley uu ku dhawaaqay.
“Iyadoo ay jiraan caqabdo fara badan haddana waxaan aad ugu kalsoonahay inuu Cabdiweli muddo gaaban ku sameyn doono isbedel dhanka dowlad wanaaga ah. Waxaana ka codsanayaa Baarlamaanka inay kalsooni siiyaan iyadoo loo eegayo danaha shacabka iyo dalka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh
Si kastaba, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in raysal wasaaraha cusub uu hortago mudanayaasha baarlamaanka si ay u siiyaan codka kalsoonida.
Dhinaca kale, xildhibanno badan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ratsal wasaaraha cusub uu heli doono codka kalsoonida maadama uu yahay qofka kaliye ee hadda ku haboon xilkaas.
Raysal wasaaraha cusub ayaa haddii uu helo codka kalsoonida waxaa laga doonayaa in uu soo dhiso xukuumad cusub taasoo aan la ogeyn tiradooda iyo tayadooda.
Musharax Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa abaara 3:00 Galabnimo xiliga Geska Afrika ee shalay gaaray Degmada Ufayn ee Gobalka Bari.
Boqolal Dadweyne ayaa ku soo dhoweeyey Ufayn iyo Deeganada ku dhodhow Halkaaso uu ku hakanayay si uu Farxadda ula qaybsado Tageerayaashiisa.
Dadweynaha ayaa Musharaxa uga hortagay ilaa 60 KM halkaaso ay ka soo gelbiyeen waxana Dhamaan dadweynaha reer Ufayn oo ay wehliyaan Waxgarad iyo Isimo ay Musharaxa iyo Wafdigiisa ku soo dhoweyeen Duleedka ilaa Gudaha Magaalada iyagoo ku dhawaqayay Erayo ay ku muujinayan sida ay ugu Faraxsanyihiin in Dr Gaas uu isu soo taago qabashada Madaxtinimada Puntland.
Beeldaaje Cali Farax Maxamuud oo kamid ah Isimada Puntland si diirana u soo dhoweyey Dr.Cabdiweli ayaa Sheegay in Musharaxa uu noqday Musharixii ugu horeeyey ee soo Gaara Deeganadan taasina ay qadarin weyn ugu hayaan ayna ku Faraxsanyihiin in Musharaxa uu yimado Deeganka dadkana uu la hadlo.
Qaar Kamid ah Waxgaradkii Deeganka oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Musharaxa socdaalkiisa ay gelisay Kalsooni weyn haddi uu ku gulaysto Doorashada ka warqabkiisa Deeganada laamiga ka baxsan ee la ilaaway, waxayna waxgaradkii hadlay ay ka dalbadeen Musharaxa in uu joogteyo Boqashadiisa Deeganada fog fog ee aan la tegin Ufayna ay kamid tahay si xaladooda looga warqabo.
Musharax dr Cabdi weli Cali gaas oo la hadlay Dhamaan Dadweynihii reer Ufayn ee soo dhoweeyey ayaa Mahadcelin kaddib wuxuu balanqaaday in uu samaynayo Cadaalad iyo Horumar ay ka wada simanyihiin dhamaan Deeganada Puntland.
Xukumadiisa Cusub ayuu sheegay in ay ka shaqayn doonto 5-ta sanno ee soo socota Dhamaan gobalada si ay u daboolan dhamaan Xaladaha gudaha iyo dhibatooyinka Bulshada haysata waxana uu sheegay in aysan iska Fariisan doonin Magaalada Garoowe sidii looga bartay Xukumadihii hore.
Isagoo tixracaya Hadalkii Dadka reer Ufayn ee ahaa in Deegankan ay Kheyraad uu Shidaalka kamid yahay Ceegagto ayuu sheegay in Kheyraadka Dalka ay Bulshada ka Faidaysan doonto Isla markana guud ahaan Kheyraadka Dalka uu yahay Mid dadka reer Puntland ka Badan.
Xagga Adeegyada bulshada oo ay kamid yihiin Waxbarashada iyo Cafimadka ayuu sheegay in uu wax ka qaban doono isagoo sidoo kalana si gaar ah reer Ufayn uga Mahadceliyay horumarka ay ka sameynayaan dhanka Tacliinta kaddib Markuu arkay Musharaxa Boqolaal Arday oo ka qaybqatay soo dhoweyntiisa kuwaaso iskood isu xilqaamay markii ay ka warheleen in Musharaxa uu ku soo aadanyahay .
Dadka deeganka ayaa soo bandhigay wax soo saarka deeganka iyagoo soo bandhigay Qudaar kala duwaan oo Deeganka uu Can ku yahay Markastana ay Beeraleyda Deeganka soo saaran sidoo kale waxay ku soo bandhigeen Soo dhoweynta Wafdiga Dr Gaas agabka Hidaha iyo dhaqanka oo dhamantood ay reer Ufayn gacantooda ku sameyeen taaso Musharaxa farxad gelisay.
Musharaxa iyo Wafdigiisa ayaa Caawa ku hoyday Ufayn halkaaso Kulamo ay kula leeyihiin Waxgaradka iyo qaybaha Bulshada reer Ufayn taaso ku aadan Isbedel Doonka iyo kala warqadasho Xaladaha guud ahaan Puntland iyo Siyaasadda halka ay marayso.
Xafiiska Warfaafinta Musharax Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Kismaayo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose lagu toogtay Korneel. Cabdi Madoobe oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee maamulka KMG ah ee Jubba.
Dad goobjoog ah ayaa noo sheegay in sarkaalka ay dileen kooxo ku hubeysan bastoolado kuwaasoo ku khaarajiyay marxuumka meel ku dhow gurigiisa.
Dilka kaddib waxaa magaalada ka dhacay howgallo, iyadoo caawa magaalada lagu soo rogay bandow sida ay lee yihiin dad noo warramaay oo didday in magacooda aan soo xigano.
Ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay dilka loo geestay Korneel Cabdi Madoobe oo horre u ahaa taliyihii ciidamada xoogga gobalka Jubbada Hoose.
Waa dilkii labaad oo muddo toddobaada ah ka dhaca magaalada Kismaayo kaasoo lagu beegsaday saraakiil muhiim ah oo ka tirsan maamulka Axmed Madoobe, waxaa seddax cisho ka hor magaalada lagu khaarijiyay madixii canshuuraha dekeddda Kismaayo.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ra’iisul wasaaraha u magacaabay Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Qaali oo ah nin ka soo jeeda gobalada koofur galbeed ee dalka gaar ahaan degmada Baardheere ee gobalka Gedo, wuxuuna reer ahaan u dhashay beesha Mareexaan.
Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa sawirrada munaasabadda magacaabista
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ra’iisul wasaaraha u magacaabay Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Qaali oo ah nin ka soo jeeda gobalada koofur galbeed ee dalka gaar ahaan degmada Baardheere ee gobalka Gedo, wuxuuna reer ahaan u dhashay beesha Mareexaan.
Ra’iisul wasaaraha la magacaabay Somalia, Cabdi Weli Sheekh Axmed
Cabdiwali ayaa badalaya Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dhowaan ay kalsoonida kala laabteen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa laga sugayaa Raysal wasaaraha cusub ee wadanka inuu soo dhiso xukuumad ka balaaran midii ka horaysay, maadaama ay jiraan dhaliilo badan oo dowlada loogu jeediyay inaysan ku guuleesan mudadii ay jirtay wixii ay horay u balan qaaday.
Cabdiweli ayaa ka soo shaqeeyay Baanka Horrumarinta Islaamka, waa aqoon yahan ka la soo shaqeyay hey’addo badan oo caalami ah, sida ay noo sheegeen ilaha aan warkan ka soo xiganay.
Cabdiweli ayaa sidoo kale la soo shaqeeyay IGAD, wuxuu ku noolaa dalka Canada, ma ahan shakhsi dhinaca siyaasadda ka muuqday.
Si kastaba Cabdi Weli ayaa ah oo kaliya ra’iisul wasaaraha la magacaabay, wuxuuna si rasmi ah u noqon doonaa ra’iisul wasaare marka uu ansixiyo baarlamanka Somalia.
A 31-year-old Minneapolis businessman was shot in south Minneapolis early Wednesday and died about 12 hours later at Hennepin County Medical Center, police and a relative said.
Police responded at 12:50 a.m. to a “shots fired” call in the 2600 block of Pleasant Avenue S. where officers found a man lying in the street with a gunshot wound.
Authorities were not releasing the man’s name, but relatives identified him as Fuad Ali, a married Somali father of two boys younger than 4, with another child expected soon.
A relative said that he owned two halls along Lake Street that he rented out for weddings and community events. The newest acquisition, in the area of the Karmel Mall, was not far from the shooting scene, said a cousin, Hinda Ali of Minneapolis.
No arrests had been made as of Wednesday evening.
The Minneapolis Police Homicide Unit is investigating, and police said they don’t yet have any information on a suspect.
Cyndi Barrington, a police spokeswoman, said it is too early yet for investigators to have determined a motive.
“We have no idea what happened,” Hinda Ali said from Hennepin County Medical Center, where she was Wednesday evening with family members, including Fuad Ali’s father.
She said Fuad Ali had immigrated about a decade ago from Somali and loved being in America. He went to the University of Minnesota and was well known in the community for hosting events and helping charities, Hinda Ali said.
“He was a businessman and created jobs in this city. He was living the American dream. He was a college graduate from the University of Minnesota. He opened his own businesses and was making a great living,” she said.
“For somebody who leaves their own country and is starting up somewhere new, that is an immigrant’s dream. He did all of that, and his life got taken away from him, just like that. He’s stripped away from his little boys and all that.”
Fuad Ali and his wife were excited about their third child, as well as the opening of their second rental hall a couple of months ago, Hinda Ali said. He had licensed his first restaurant and rental hall, Lakeview Hall at 417 Lake St., in April, city records show.
Ali had agreed at that time to provide security when more than 50 guests were at the hall.
Police ask that anyone with information about the slaying call 911 or text tips to 847 411, enter MPD and any information. Tipsters can remain anonymous.
New York (Caasimada Online) Ergayga gaar ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay in beesha caalamka ay aad uga naxeen shaqada ay iska casishay guddoomiyihii Bangiga dhexe Yusra Abraar oo muddo toddobaad wax kadan xilkaas loo dhiibay iyo xafiiska uu baneenayo raysal wasaaraha kalsoonida ka waayay baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Danjire Kay oo ka hadlaayay shir uu lahaa Golaha loo dhan yahay ayaa sheegay in is-casilaaddii Yusur Abraar ay dhaawacday kalsoonidii ay deeq-bixiyeesha caalamka ay ku qabeen dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Wuxuu kaloo sheegay in go’aankii ay baarlamaanka kalsoonida kala labteen xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid iyo shaqo ka tagistii madixii hay’ada xagga lacagta ugu sarreysa Soomaaliya ay caqabad ku kala noqdeen hawlihii dowladda iyo deeq bixiyayaasha kuwaa oo lacago fara badan ku shubi jiray khasnadda dowladda Soomaaliya.
Danjiraha ayaa ku celceliyay in labadaas xaaladood ay keeneen su’aallo waaweyn oo beesha caalamka ilaa hadda ay u la’dahay jawaabo waafi sida uu yiri.
Dajiraha ayaa tallaabo geesinimo ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya uu durba u magacaabo xilka guddoomiyaha baanka dhexe si KMG ah nin arrimahaas ku xeel dheer oo ah Bashiir Ciise Cali.
Hadalka danjire Key ayaa muujinaya in weli beesha caalamka ay ka naxsadan tahay labada arrin ee isku dhawaa ee ka dhacay Muqdisho.
1- Waa ta horre waxaa ilaa hadda jawaab aan lagu qancin laga bixin sababta keentay in ay is casisho haweeneydii ugu horreysay ee loo dhiibo xilka guddoomiyaha baanka dhexe ee Soomaaliya.
2- Arrinta labaad ee ilaa hadda laga yaaban yahay ayaa Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ay is qabteen madaxweynaha in baarlamaanka ay ka diddaan in uu ka jawaabo eedeedoo loo soo jeediyay xukuumadiisa deetana isagii xilka laga qaaday.
Si kastaba, waxaa hubaal ah in arrintan ay dowladda Soomaaliya oo hadda uun wax yer ku darsatay muddadii sannadka ku noqon doonto dharbaaxo culus, waxaa kaloo soo baxaya in beesha caalamku ay weli cabsi ka qabaan arrimaha Soomaaliya.
Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in uu oggolaaday ka qaybgalka shirka ka dhacaya Garoowe oo ay ku baaqeen qaar ka mid ah musharixiinta Puntland.
Madaxweynaya ayaa shegay in uu diyaar u yahay in uu la kumo musharixiinta ay isku hayaan doorashadda Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha Janaayo ee sannadka dambe, wuxuuna sheegay in uu oggolaan doono haddii looga guuleesto doorashadaas.
‘’Waxaan diyaar u ahay marka ay soo dhameestaan booqashadooda Garoowe, in aan halkan Madaxtoyada aan kula kulmo si ay u arkaan dhismahan oo ay u sii dhiirigeliso inay u tartamaan xafiiskan” Ayuu yiri Faroole.
Faroole ayaa sidoo kale ammaanay ciidank ammaanka Puntland oo uu sheegay in ay wax badan qabteen intii uu xilka hayay, wuxuu ka codsaday in ay ammaanka sii adkeeyaan maalamaha doorashadda ay socoto.
Madaxweye Faroole, ayaa ku celcliyay inaanu wax dhibaato ah u horseedi doonin dadka reer Puntland, haddii la xaqiijiyo in looga guuleystay tartanka Doorashada, sida uu yiri.
Sidoo kale wuxuu sheegay inaanu noqon doonin nin maleeshiyo beeleedyo uruursada, oo dagaal sokeeyana ka dhex abuura deegaannada uu ka arrimiyo Maamulka Puntland.
Hadalka Faroole ayaa jawaab u ah shir jaraa’id oo shaley Garoowe ku qabteen seddax ka mid ah musharixiinta Puntland kuwaasoo ku baaqay in madaxweyne Faroole iyo musharixiinta kale ay ka soo qabgalaan shirka dhacay Sabtida soo socota magaalada Garoowe.
New York (Caasimada Online) – Xog ay heshay warbaahinta ayaa muujineysa warqad ay Dawlada Federaalka Soomaaliya kaga dalbatay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in shaqada laga joojiyo madaxa ugu sarreeya kooxda la socodka Cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee loo yaqaano “UN Monitoring Group”.
Kooxdan ayaa warbixinadeeda ay soo saarto sanad kasta waxay kaga hadashaa musuqmaasuqa iyo xadgudubyada dhanka maamulka ee sy galaan madaxda dawlada Soomaaliya, iyadoo warbixintii ugu dambeysay ee sanadan 2013 ay kooxdu soo saartay ku muujisay lacago si sharci darro ah looga qaatay Bangiga Dhexe ee dalka, taasoo Dawlada Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay si weyn uga caroota ayna beenisay.
Haddaba warbaahinta Innercity Press oo ka hawlgasha gudaha xarunta Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay codsi ka yimid Dawlada Federaalka Soomaaliya kaasoo Golaha Amaanka ay dawladu ku weydiisaneyso inay shaqada ka joojiso ninka ugu sarreeya kooxda “Monitoring Group” ninkaasi oo lagu magacaabo Jarat Chopra.
YAA DIRAY WARQADDA?
Warqad ka kooban labo bog oo ay ku saxiixan tahay wasiirka arrimaha dibadda ahna raysal wasaare ku xigeenka Dawlada Soomaaliya Fawsiya Yuusuf X. Aadam ayaa looga codsaday Golaha Amaanka in heshiiska shaqada (contract) ee Golaha Amaanka ku wakiishay ninka ugu sarreeya Monitoring Group ee la yiraahdo Jarat Chopra laga joojiyo, iyadoo Dawlada Soomaaliya ninkaasi ku eedeeysay inuu masuul ka ahaa warbixintii u dambeysay ee kooxdu soo bandhigtay ee lagu ceebeeyay Bangiga Dhexe iyo saraakiil sare oo ka tirsan Dawlada Federaalka.
Warqaddan oo ku taariikheysan 24, Oktoobar 2013, ayaa waxay wasiir Fawsiya ku dalbatay in Golaha Amaanku ay din u eegaan warbixintii u dambeysay ee Kooxda La Socodka Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya iyo Eritrea ay soo saareen, gaar ahaan qeybta ay kaga hadleen “si xun u adeegsiga hantida dawlada” ee lagu shaaciyey warbixintaasi.
“Waxaan ka codsaneynaa xubnaha Golaha Amaanka inay dib u eegaan kana jawaabceliyaan waxyaabaha ay Soomaaliya ka cabatay iyo in goluhu jawaabcelintiisa u diro dhinacyadii ay kooxdu horey ugu dirtay warbixinteeda.”. ayaa lagu yiri warqaddan.
Wasiir Fawsiya ayaa dukumintigan waxay kaloo ku caddeysay warbixin jawaab u ahayd eedeynta Kooxda Monitoring Group soo jeediyeen taasoo ay diyaarisay shirkad Mareykan ah oo ay Dawlada Federaalka kireysatay si ay isaga difaacdo eedeymaha Kooxda Monitoring Group.
Waxay wasiirada warqaddan ugu sheegtay Golaha Amaanka inay wixii tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan warbixinta isdifaaca ah kala xiriiraan labo nin oo lagu kala magacaabo Jeremy Schulman iyo Jacob Frankel oo labaduba ka mid ah shirkadda Shulman Rogers.
Laakiin dhinaca kale waxay su’aal ka dhalatay waqtiga la shaaciey warqaddan oo ahayd usbuuc ka dib markii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ay rideen xukuumadda raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon taasoo wasiir Fawsiyana ay ka tirsan tahay.
Caasimada Online: Xeebta Quruxda Badan ee Jazeera oo ku taalo Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa aka biloowday arin ku cusub Shacabka Muqdisho taa oo dad badani ay ka heleyn qaarna ay la yaabeyn.
Hadaba arinkani ayaa ah mid xiiso badan u leh shacab fara badan oo aadayo Xeebta jazeero si ay u soo arkaan arinkani ay tabinayaa Tv-yada & IDaacadaha Muqdisho ee nala arag misa aamineysaa waa mid hadaad aragto aad ka heli doonto aqristoow.
Kismaayo (Caasimada Online) – Golihii wasiirada maamulka Jubba ee uu dhowaan ku dhowaaqay Axmed Madoobe, ayaa ka careysiiyey madaxweynayaal hore u sheegtay maamulka Jubbaland, oo kal hore heshiis aqbalay.
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday afhayeenka Col. Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale Xasan Qaasim Warsame, oo sidoo kale shaaca ka qaaday waqtiga ay ku dhowaaqayaan golahooda wasiirada.
Xasan Qaasim, ayaa shaaca ka qaaday in Magacaabista golohooda aysan lid ku aheyn Magacaabistii Axmed Madoobe ee golaha wasiirada Maamulka Jubba hayeeshee qorshahan uu ahaa mid ka horeeyay oo mudo soo socday.
Waxaa maalinimadii shalay (Arbaca) shir jaraa’iid markii ugu horeysay ku qabtay magaalada Garowe guddiga uu dhawaan magacaabay Madaxwyenaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ee Xalinta Khilaafaadka iyo Diiwaangelinta Golaha Wakiilada ee Puntland.
Guddigan oo ay gebi ahaan diideen Murashaxiinta xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka u taagan, ayaa ah mid u badan xubno ku dhaw dhaw Madaxweynaha kana mid ahaa Xisbigii uu aasaasay ee Horsed, waxayna hadda heleen xafiis dowlada uga furtay magaalada Garowe.
Guddigan ayaa sheegaya in maanta oo ah Khamiis 12ka December inay bilaabi doonaan qabashada Xildhibaanada ay sheegeen inay soo xuleen Beelaha deegaanada Puntland.
Afhayeenka gudigaasi Eng.Maxamud Axmed Xasan ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano lasoo magacaabay oo hadda Garowe ku sugan, wallow xildhibaanadan horey loo sheegay inay in badan kamid yihiin kuwii hore ee kamid ahaa isla xisbigii Horsed, isla markaana saxiixyada ay wataan la isku heysto.
Arrintan ayaa keentay in qaar badan oo kamid ah beelaha gobalada Puntland ku kala dhaqan ay ka gaabsadaan inay shaaciyaan xildhibaanada ay soo magacaabeen, isla markaana diidaan gebi ahaan inay xildhibaanadooda usoo diraan magaalada Garowe.
Isimada Gobalka Mudug, Bari, Sanaag iyo Sool ayaa iyagu weli diidan inay soo gudbiyaan Xildhibaanadooda maadaama la isku heysto Guddiga Xalinta khilaafaadka oo ay hadad jiraan labo guddi oo ay kala magacaabeen Madaxweynaha iyo Murashaxiinta, taas oo ay dheertahay in si weyn loo saluugey Guddiga Madaxweynaha oo aan u muuqan kuwo dhex-dhexaad ah marka la eego ka tirsanaantoodi Ururkii Madaxweynaha ee Horsed.
Afhayeenka gudigaasi Madaxweyne Faroole magacaabay oo wax laga weydiiyey sida ay u abaari doonaan kuraasta xildhibaanada ee gobalka Sool oo ay Isimada inta badan ayba sheegeen inaysan sanadakan cidna usoo dirsan doonin Baarlamaanka Puntland, ayuu wuxuu yiri Eng Max’ud Axmed Xasan “….inta badan xildhibaanadii Gobalka Sool waa lasoo magacaabay, inta hartayna dedaal baan ugu jirnaa…”
Arrintan ayaa markale xaqiijineysa ololaha ay ku jiraan xubnaha xiriirka laleh Madaxweyne Faroole oo qaarkood kamid ahaa Baarlamaankii hore inay doonayaan inay markale ku fariistaan kuraasta beelaha maqan sida gobalka Sool oo ay Isimadiisa diideen inay soo saxiixaan Xildhibaanada, marka laga reebo Garaad Saleebaan.
Dhinaca kale waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo baxay xubno iyagu sheeganaya Isimo balse aan ahayn kuwii soo jireenka ahaa oo sheegaya inay saxiixyo siin doonaan xubnaha Xildhibaanada u doodaya, iyadoo guddigii arrimahan kala saari lahaa la isku heysto oo ay labo guddi hada jiraan.
Dhinaca kale Guddiga ay dhawaan ku dhawaaqeen Murashaxiinta ayaa sheegay inay bilaabayaan isla todobaadkan qabashada qoraalada Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay beelaha soo magacaabeen.
Sida xaalada hada ku socoto ayaa ah labo guddi, Labo Baarlamaan iyo labo doorasho oo kala socota. Arrintan ayaa ah mid walaac weyn laga muujinayo.
8da Janaayo 2014 kadib
Waxaa durbaba soo baxaya wadatashiyo ay wadaan murashaxiinta xilka Madaxweynaha u taagan iyadoo ay qaarkood ka dhawaajiyeen wixii ka danbeeya 8da Janaayo ay gebi ahaan wakhtigeedii dhamaanayo Xukuumada hada jirta, isla markaana Madaxweyne Faroole uu dhuminayo awooda Madaxweyne sidoo kale golaha Wasiiraduna ay awood beelayaan, haddaan la helin nidaam cad oo doorasho lagu galo.
Waxaan la aqoon wax beddali doona maadaama uusan jirin weli Baarlamaan, hadii ayse yimaadaan labo Baarlamaan oo is feersocda waxaa macquul ah inay dhashaan labo xukuumadooda oo is feersocda taasi oo burbur ku keeni karta midnimadii Puntland, isla markaana ka dhigeysa Puntland markii u horeysey oo la isku qabsado doorasho tan iyo sanadkii 2004.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta reer Puntland ayaa ku dhaliilaya Xukuumadda Faroole inay iridda u furtay loolan siyaasadeed oo burbur dalka ku keeni kara, iyadoo ay hadda socdaan wadahadalo hoose oo la sheegayo inay yeelanyaan qaar kamid ah beelaha Puntland ee dega Gobolada ku bahoobey maamulka, taas oo keeni karta in maamulku kala furmo haddii aan la helin waddo cad oo loo maro doorasho xalaal ah.
Arrimhan ayaa habka kaliya ee lagu xakameyn karo ay tahay iyadoo Xukuumada iyo Madaxweyne Faroole ay ka shaqeeyaan midnimada oo xiligan lagu badbaadin karo oo kaliya doorasho xalaal ah oo dhacda iyadoo loo marayo guddi lagu wada qanacsan yahay iyo Baarlamaan si xalaal ah ku yimid isla amrkaana Ururka Horsed ee madaxweynuhu ka daayo farogelinta uu ku hayo qaar kamid ah beelaha.
W/Q: Cabdirisaaq Maxamed
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online
Scott Morrison told to reconsider visa refusal for Ayaan Mohamed, 25, who was injured as a child in Somalia’s civil war
Federal Labor has called on the minister for immigration, Scott Morrison, to reconsider a decision to deny a Somali woman a short-term visa that would allow her to undergo surgery for gunshot wounds.
Ayaan Mohamed, 25, had her face shattered by a bullet as her family tried to flee violence in Somalia’s brutal civil war. She was two years old at the time.
Ayaan Mohamed, 25, had her face shattered by a bullet as her family tried to flee violence in Somalia’s brutal civil war.
Because the complicated facial reconstruction surgery she requires is not available in her homeland, Brisbane’s Wesley Hospital and Rotary had offered to bring her to Australia.
But the government has refused to grant Ayaan a short-term medical visa.
Opposition immigration spokesman, Richard Marles, said the Australian identity was one characterised by compassion.
“Mr Morrison, this decision makes no sense,” he said.
“It appears profoundly unfair and needs to be reconsidered.”