27.4 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

France to lead operation against piracy off coast of Somalia

0

France has assumed the leadership of the European Union operation against piracy off the coast of Somalia, EU NAVFOR-ATLANTA, succeeding the Netherlands.

Herve Blejean from the French Navy will now be the commander of the European Union navy, which is involved in efforts to fight against maritime piracy.

On the occasion to take over the leadership of the EU navy, Blejean affirmed he will keep the pressure against pirate activities.

“Pirate attacks have significantly reduced in the last four months. We shall closely work with other forces involved in the war against piracy to ensure there is no safe haven for pirates operating in the sea,” he said.

However, Blejean noted that the piracy threat will not be completely eliminated until the situation in Somalia is sufficiently addressed.

EU warships are currently providing protection to ships of the World Food Program (WFP), providing logistical support for AMISOM forces and reinforcing surveillance of fishing activities on the regional maritime waters.

 

Dagaallo khasaaro geestay oo weli ka socda duleedka Baledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya beelo ku dhaqan deeganka Kabxanley oo duleedka ka ah Beledweyne.

Dagaalka oo ka dhashay dhul daaqsiin la isku heesto ayaa la sheegayaa in ay soo kala dhexgaleen ciidamada New Police ee dowlad deeganka Itoobiya iyo kuwa maamulka Gobalka Hiiraan.

Dagaalka oo saakay markale ka qarxay deegankan waxaa lagu soo warramayaa in ay ku geeriyoodeen toddobo qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay sidoo kale dhaawac ayaa jirra.

Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan in lagu gubay guryo badan oo ku yaalay deeganka sida ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Waxaa kaloo dagaalka uu sababay barakac xooggan waxaana dadka dhaawaca la sheegay in loo soo qaaday magaalada Beledweyne.

Ma jirto cid ilaa hadda kala dhex gashay maleeshiyo beeleedka ku dagaalamay deeganka Kabxanley, waxaana xilli kasta la fillan karaa dagaalka in uu qarxo.

Faah-faahin kala soco Shabakadda Caasimada Online.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Beledweyne

[email protected]

Muxuu PROF. CABDI WELI GAAS ka yiri weerarkii kaga yimid FAROOLE?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Somaliya haatanna ah musharax u taagan xilka Madaxweynenimada maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa jawaab ka bixiyey hadal doraad ka soo yeeray Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo weerar ku qaaday Gaas,.

Cabdi Weli Gaas in adeerkiis Faroole uusan mudneyn sida uu yiri in loo jawaabo, wuxuuna dhinaca kale sheegay in Puntland ay u baahantaahy samata bixin.

“Adeerkey Cabdiraxman doraad waa uu khudbeeyey hadalkii u yiri aniga ka Jawaabi maayo laakin Baran iyo Puntland ayaa ka jawaabi doonto 8 Janaayo 2014” ayuu yiri C/weli Gaas.

“Puntland waxay u baahantahay isbedel, isbedel nabad ah isbedel wax ka bedela nolasha dadka Puntland, waxay u bahantahay isbedel amni, waxay u baahantahay isbedel siyasadeed, waxay u baahantahay isbedel dhaqaale, baran uma bahna buur in la fuulo baran waxay u baahantahay in la soo booqdo, baran waxay u bahantahay in loo yimadoo baahideeda la ogaado” ayuu yiri Gaas.

Musharax Gaas ayaa sidoo kale ka hadlay xaladda Puntland isagoo sheegay in ay jirto kala furfurasho dadkii ehelka ahaa ee Puntland wada dhistay, dhulkii Puntland oo kala maqan iyo dadkii is jeclaa oo maanta aan qulubtooda isu fiyoobeen.

Musharax gaas ayaa sidoo kale ka hadlay xaladda Puntland isagoo sheegay in ay jirto kala furfurasho dadkii ehelka ahaa ee Puntland wada dhistay, dhulkii Puntland oo kala maqan iyo dadkii is jecla oo Maanta aan qulubtooda isu fiyoobeen.
Musharaxa ayaa shegay in Puntland ay u bahantahay Cadaalad Shaqsi kasta oo Puntland ah Ama ha noqoto Wiil Madaxweyne ama ha noqoto Qof Caadi ah in loo sinnaado dhanka Cadaladda, dhanka Dhaqaalaha iyo adeegyada Bulshada, isagoo cadaladda ka sii hadlaayo ayuu shegay in loo baahanyahay Puntland aan ku ekaan dhanka Laamiga ee ka degta laamiga gaartana Deeganada kale ee ka baxsan.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

Maraykanka oo ka xumaaday go’aankii ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Wanshinton DC (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ku xuntahay xukunkii ku dhacay gabar wariya ah oo sheegtay in ay kufsadeen shaqaale ka tirsan Radiyaha dowladda iyo Maxamed Bashiir Xaasho oo ah wariyihii wareyestay iyo mulkiilaha Idaacadda Shabeelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, gaar ahaan laanta Afrika, ayaa lagu sheegay in xukunada noocan ah ay dhalinayaan su’aalo la xiriira difaaca dadka ka badbaada gacan ka hadalka jinsiga ku saleysan, iyo sidoo kale xuriyadda saxaafadda ee Somalia.

Will Stefan oo ah afhayeenka u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay dhowrto dastuurka ay sameesatay isla markaana aysan u hiilin koox geestay tacadiyo ka dhan ah jinsiga isla markaana aan la xirin wariyaasha ku dhiirada in ay soo tebiyaan wararka la xiriirka kufsiga.

War ka soo baxay wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka, gaar ahaan laanta arimaha Africa, ayaa lagu sheegay in xukunada noocan ah ay dhalinayaan su’aalo la xiriira difaaca dadka ka badbaada gacan ka hadalka jinsiga ku saleysan, iyo sidoo kale xuriyadda saxaafadda ee Somalia.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arimaha Dibadda Mareykanka oo la yirahdo Will Stevens ayaa sheegay in xukunkan uu saameyn ku yeelanayo rabitaanka dadka ee ku aadan inay soo tabiyaan ama soo sheegaan falalka kufsiga ah ee lagu kaco.

Warkan kooban ee ka soo baxay wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Somalia inay difaacaan difaacaan dumarka la sheego in kufsi loo geysto ayna cadaaladda la tiigasadaan kuwa kufsiga geysta, lana marsiiyo sida sharcigu qabo.

Waxaa sidoo kale dowladda Somaliya ku boorineynaa ayaa warbixinta lagu yiri inay dhowrto dastuurkeeda oo ay xushmeyso xaqqa dadka uu u siinayo inay helaan dacwad qaadis cadaalad ah iyo saxaafad xur ah.

Warbixinta ayaa lagu yiri xarig lagula dhaqaaqo shaqsiyaad ka hadla kufsi ama soo tabiya tacadiyada kale ee ku saleysan jinsiga, waa mid ka hor imaaneysa qodobada wax difaacaya ee ku jira dastuurka Somalia, waxey fariin qaldan u direysaa labadaba kuwa kufsiga geysta iyo kuwa loo geysto, waxeyna niyad jebineysaa, in lagu dhiirado oo la soo sheego dadka geysta falal dambiyeedyada waaweyn ah.

Sagaalkii bishan December ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay xukunno kala gedisan ku riday gabadha sheegtay in la kufsaday, oo lagu xukumay lix bilood oo xabsi guri ah, wariyihii wareystay ayaa lagu xukumay lix bilood oo xariga ah oo uu gadan karo, halka milkilaha idacadda shabeele ay ku xukuntay hal sano oo xarig ah.

Caasimada Online
Xafiiska Wanshinton DC
[email protected]

Ganacsade Soomaali ah oo caan ahaa oo Maraykanka lagu dilay (Warbixin)

0

Minneapolis (Caasimada Online) –  Wararka naga soo gaaraya magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo caan ah.

Ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray Fu’aad Axmed Cali Mirre, wuxuu ku dhintay rasaas ay ku fureen kooxo dabley ah.

Dilka marxuumkan oo ka dhacay xaafad ku taalla magaalada Minneapolis waxaana ka naxay dadka Soomaalida ee ku nool magaalada.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu udhintay dhaawacii soo gaaray. Waxaana da’diisa lagu sheegay 35 jir waa aqoon yahan ah ka baxay Jaamacada University of Minnesota. Wuxuu magaalada Minneapolis ku lahaa dhowr ganacsi oo kala duwan.

Allaah ha u naxariisto marxuum Fu’ad wuxuu ifka uga tagay sadex carruur ah iyo xaaskiisa oo uur leh.

Marxuumka waxaa la aasayaa maalinta Jimcaha. Waxaa lagu aasayaa qabuuraha Burnsville oo ay ku aasanyihiin Soomaali badan.

Ma ahan dilkii ugu horreeyay ugu horreeyay ee ka dhacay Minneapolis, waxaana la sheegayaa in falalka noocan oo kale ay ku soo bateen magaalada.

Minnapulis waa magaalada ay ku badan tahay Soomaalida ku nool dalka Maraykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

[email protected]

Video: Fanaanad sheegtay inay rafaad u martay aragtida Sheekh Shariif

0

Mid ka mid ah Fanaaniinta da’da yar ee Muqdisho laguna magacaabo Ummi shariif ayaa ka sheekeysay sheeko cajiib ah oo nolosheeda soo martay, xili ay uur laheyd oo ay jamatay ama ku walacday iney aragto Madaxweynihii hore Sheekh Shariif xiligii uu xilka haayay.

Umi Shariif ayaa sheegtay in ay rafaad badan u martay aragtida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed, iyadoo u ooysay sidii ay u arki laheyd SHeekh Shariif, nasiib wanaag ay ku guuleuysatay maalin maalmaha ka mid ah in ay aragto, hadaba iyadoo ka sheekeyneysa dhacdadaasi halkan ka daawo arintani cajiibka ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

XOG iyo GORFEYN: 3 nin midkee baa noqon doona ra’iisul wasaraha cusub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalmahaan ku mashquulsanaa siduu u heli lahaa Raisul wasaare shaqsi uu u magacaabo, qabtayna araaji badan oo codsi ah oo ka yimid siyaasiyiin doonaya in loo magacaabo Raisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu ilaa haatan go,aan qaadan la’yahay  sababaha madaxweynuhu go’aanka u qaadan la’ yahay ayaa lagu sheegay inay yihiin:-

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo hogaamiyaha Damujadiid Faarax Cabdulqaadir ayaa kulamo la qaatay musharixiintii ay labada hogaamiye isla arkeen inay mudan tahay inay la kulmaan su’aalana ka weydiiyaan qorshahooda haddiiba ay dhacdo in loo magacaabo RW Soomaaliya.

Musharixiinta ilaa haatan isugu soo haray in midkood lagu dhawaaaqo ayaa la sheegayaa inay kala yihiin Xuseen Cabdi Xalane ama Cabdi Waaxid CCilmi Goonjeex, musharixiintaan yaa kala wato, maxaase laga filan karaa. 

Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex waxaa la sheegayaa in madaxweynuhu uu aad ula dhacsan yahay, Goonjeex ayaa mudo gaaban noqday kusimaha Raisul wasaare xiligii RW Cumar Abdirashid uu is casilay kadib markii ay is qilaafeen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, Omar Abdirashid ayaa is casilay kadib markii la siiyey lacag Malaayiin Doolar ah, Goonjeex ayaa muujiyey hawl karnimo xiligii yaraa ee uu ahaa ku simaha Raisul wasaaraha Soomaaliya inta aan la magacaabin Raisul Wasaare Farmaajo.

Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex waxaa la shaagayaa inuu taageero badan ku leeyahay Baarlamaanka, sidoo kalana uu yahay nin xaalada soomaaliya fahansan, lagana filan karo in Madaxweynaha wada shaqeyn karaan, Goonjeex ma ahan nin ku xiran dalal shisheeye ama go’aanadiisa laga hagayo dibada.

Waxaa lagu sheegaa inuu yahay nin wadani ah, jecelna in dalka Soomaaliya ka hirgasho dawlad shaqeynaysa oo cagaheeda ku taagan, Balse waxaa aad u diidan Hogaamiyaha Damu jadiid iyo Dawladaha deriska. Mr Goonjeex ayaa siyaasada Soomaaliya ku jiray ilaa xiligii dawladii Carta, xiligaas oo uu noqday Wasiirkii Beeraha, Xukuumadii Dawladii Cumar Cabdirashiid ayuu ka noqday Raisul wasaare ku xigeen. Goonjeex waxaa lagu sheegaa nin aad dadka u dhagaysta, muddo badan wuxuu kamid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya, Goonjeex wuxuu kasoo jeedaa Gobolka Gedo. 

Xuseen Cabdi Xalane waxaa la sheegayaa inuu aad ula dhacsan yahay Hogaamiyaha Damujadiid Faarax Cabdulqaadir, Mr Xalane wuxuu horay u noqday wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumadii Farmaajo, waxaa lagu sheegaa inuu ahaa wasiir ku fiicnaa shaqadiisa, Mr Xalane wuxuu muddo dheer u shaqeynayey Hay’adda Save the Children Gaar ahaan xafiiska Geeska Afrika, Xalane wuxuu ka soo jeedaa Degmada Ceel Barde ee Gobolka Bakool. Xuseen Cabdi Xalane wuxuu ahaa siyaasi aad ugu ololeeyay dhisitaankii Maamulkii Jubaland ee madaxweynaha loogu doortay Ahmed Madoobe, Maamulkaa oo DF Soomaaliya diidaneyd.

Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu qeyb weyn ka ahaa heshiiskii Dawladda Federaalka iyo Maamulka KMG laga dhigay oo Jubba loo bixiyey, Xuseen Cabdi Xalane waa nin aad ugu xiran Dawladaha Deriska taageero weyna ka haysta wadamada IGAD. Faarax Cabdulqaadir ayaa aad ula dhacay xiligii shirkii Heshiisiinta Dawladda Federaalka soomaaliya iyo Maamulka KMG ee Juba, Heshiiska labada nin ayaa la sheegayaa inuu dhacay xiligaa, iyaga oo ku heshiiyey in RW Saacid xilka laga qaado, laguna bedelo Mr Xuseen Cabdi Xalane.

Maxaa laga filan karaa labadaan nin Midkii la magacaababa? 

Mr Goonjeex, waxaa laga fili karaa inay muddo washaqeeyaan Madaxweynaha, ma ahan nin siyaasadiisa laga hagayo banaanka, laakiin hadii madaxweynuhu u dhaqmo sidii uu RW Saacid xukuumadiisa u maamulanayey ayaa la filayaa waqtigeey qaadataba inay isku dhacaan Madaxweynaha, maadaama hadii fashil yimaado uu markasta madaxweynuhu ku qasban yahay qofkii loo saarin lahaa, qofkaas oo uun noqon kara Raisul wasaaraha.

Mr Xalane,  waxaa laga filan karaa in madaxweynaha muddo wada shaqeeyaan, waxaa lagu sheegaa inuu yahay aqoonyahan karti badan, wuxuu aad u cabsan yahay Maamulka KMG ah ee Juba oo dhisitaankiisii hore uu lug weyn ku lahaa, siyaasigaan wuxuu taageero weyn ka heystaa wadamada deriska ee Kenya iyo Itoobiya, waxaa la filayaa inuusan waqti gaaban ka bacdi ka aqbali doonin Madaxweynaha inuu Xukuumada uu hogaamiyo uu u maamusho sida xukuumaddii Saacid, arintaas oo la sheegayo inay keeni doonto inay is qabtaan Madaxweynaha.

Mr Xalane oo hadii ay is qabtaan Madaxweynaha gacan ka heli doona Wadamada IGAD iyo Caalamka ayaa la filayaa in madaxweynaha u suurta geli doonin inuu Xukuumad Labaad rido xili caalamku usoo jeedo Soomaaliya dib u dhiskeeda, taas oo uun ku dhamaan doonta in Madaxweynaha oo jooga Caalamka, AMISOM iyo IGAD ba la shaqeeyaan RW Xalane, arintaas oo ku dhamaan doonta qaabkii Xukuumadii Nuur Cade iyo Madaxweyne Abdullahi Yusuf isu qabteen oo caalamka iyo IGAD la shaqeeyeen RW Nuur Cade markaa kadibna Madaxweyne Col Abdullahi Yusuf lagu qasbay inuu is casilo, waxaa kale oo suuragal ah in Madaxweyne Xasan uu diido inuu is casilo balse uu iska joogo madaxtooyada iyada oo aan wax badan laga weydiineyn qorshe hawleedka dawladda Soomaaliya.

DHEERI: War goor dambe nasoo gaaray ayaa sheegaya in si lama filaan ah uu tartanka iminka u horkacayo Cadbi Weli Sheekh Maxamed nin lagu magacaabo.

FG: Waxaa macquul ah in wax is-beddelaan oo la magacaabo shaqsi aan kuwan midkoodna ahayn

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

DEG DEG AH: Villa Somalia oo la isugu tagay iyo R/W oo loo magacaabayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in goor dhow lagu wado in madaxweynaha Somalia uu ku dhowaaqo ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia.

Weriyayaal dhowr ah oo uu ku jiro weriyaha Caasimada Online ee Muqdisho, ayaa looga yeeray madaxtooyada, ayada oo loo sheegay inuu shir jaraa’id qabanayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa sidoo kale  iyana loo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay goob joog uga noqdaan magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia

Dhinaca kale Ilo wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in ilaa saddex xubnood isugu soo hareen qabashada xilkaas, kuwaasoo marba marka ka dambeysay ay soo baxayeen warar sheegayay inay u dhow yihiin xilka Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaa ay kale yihiin;-

Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex

Cabdi Weli Sheekh Axmed

Xuseen Cabdi Xalane

Si kastaba waxaa lagu warramayaa inay u badan tahay in la magacaabo Cabdi Weli Sheekh Maxamed

Wixii arrintan kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allah

Maxaa sabab u ah in Xasan Sh. uu ka baaqdo safar uu ku aadi lahaa Kenya?

0

Nairobi (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay madaxweynaha Soomaaliya,in uu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga iyo xubno uu hoggaaminaayo lagu waday in ay ka qaybgalaan xuska 50-sanno guurada ka soo wareegatay Kenya markii ay xorriyadda ka qaatay Ingiriiska.

Madaxweynaha oo lagu waday in uu galabta ka ambabaxo magaalada Muqdisho, ayaa safarkaas ka baaqday waxaana booskiisa uu u ku bedalay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo caawa gaaray Nairobi sida ay noo sheegeen ilo ku sugan garoonka Joma Kenyatta ee Nairobi.

Maxaa sabab u ah madaxweynaha in uu ka baaqdo xafladda oo lagu casuumay?

Qorshuhu wuxuu ahaa Xasan Sheekh in uu ka qaybgalo xuska sannad guuradii ka soo wareegtay markii xoriyadda ay qaadatay Kenya, balse waxaa dib u dhigay iyadoo madaxweynaha uu ku howlan yahay soo magacaabista raysal wasaaraha cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in uu la kulmay ku dhawaad 20 qof oo doonayay in ay buuxiyaan booska uu baneenayo raysal wasaare Saacid., balse waxaa hadda isugu soo haray booskaas seddax musharax oo kala ah Xuseen Cabdi Xalane iyo Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex oo horay xilal uga soo qabtay dawladihii KMG ah ee Soomaaliya iyo Maxamuud Xaaji Xassan oo kamid ah ganacsatada waawayn ee Soomaalida muddo dheerna ku noolaa dalka Maraykanka.

Si kastaba, warka weyn oo Soomaalidu sugaysaa waa in ay maqlaan magaca qofka madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiiibo xilka ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

AMISOM oo u digniin u dirtay SHARIIF Xasan Sheekh iyo siyaasiiyin kale

0

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay waxaa maanta oo Arbaca ka dhacay kulan labo geesood ah oo ay yeesheen saraakiisha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM  iyo Xildhibaanno iyo siyaasiyiin Baydhabo ku sugan.

Ilo xog ogaal oo Baydhabo ku sugan, ayaa Caasimada Online u sheegay in kulan ay ka qaybgaleen xildhibaanno ay ka mid ahaayeen Shariif Xasan Shiikh Aadan , Shiikh Aadan  Madoobe, Maxamed Ibraahim  Xaabsade iyo guddoomiyihii horre gobalka Baay Cabdi-Fataax Maxamed Ibraahim Geesay.

Waxaa lagu eedeeyay siyaasiyiintan in ay abuurayaan falal ammaanka wax u dhibaya,magaaladana ay ka abuureen jahwareer iyo kulamo gooni gooni ah.

Saraakiisha AMISOM ee Baydhabo ku sugan ayaa u sheegay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta in ay magaalada isaga baxaan haddii aysan ka qayb qaadan karin ammaanka magaalada maadama ay dhaceen dilal iyo falal ammaanka qalqal gallin kara.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay markii ay magaalada yimaadeen xildhibaanno iyo siyaasiyiin ay kala hoggaaminayaan Aadan Madoobe iyo Shariif Xasan in magaalad ay ka dhaceen dilal qorsheesan oo qaarkood la xiriir arrimo siyaasadeeed.

Waxaa kaloo loo sheegay raggan siyaasiyiinta iyo xildhibaannada isugu jirra in aan loo dul qaadan doonin falalka ammaan darida ee magaalada ku soo kordhay waxaana lagu wargaliyay in wixii ka dhacay ay mas’uul ka noqon doonaan.

Si kastaba, waa digniintii ugu cusleed ee loo jeediyo xildhibaannada ku sugan Baydhabo oo kor u dhaafaya 40 mudane, waayo magaalada waxaa la sheegay in ay ka billaabeen kulamo gaar ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Goorma ayaa la magacaabayaa, yaase loo magacaabayaa R/wasaare?

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in meel gabagabo ay soo gaartay xulashada raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmahan kulamo kula yeelanayay xafiiskiisa ragga isku garbinaya in ay qabtaan xilkaas iyo kuwa kale oo kafiil ah rag ay u doonayaan in loo dhiibo xafiiska.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan maalmo gudahood lagu dhawaaqi doono raysal wasaaraha cusub ee Somalia. Xittaa ilo-wareedyo qaar ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in maanta ama berri la shaaciyo.

Rag badan ayaa isku soo taagay xilka raysal wasaaraha, waxaana la lee yahay qaar badan madaxweynaha wuxuu u muujiyay in uusan hadda u magacaabi karin xilkaas.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulamo  la qaatay ragga isku soo taagan xilka raysal wasaaraha, wuxuuna siiyay min 30-daqiiqo mushariixiinta wuxuuna ka dhageystay qorshaha ay doonayaan haddii ay noqdaan raysal wasaaraha cusub.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka hor yimid baaqyo uga yimid dadk hor boodayay in uu xilka raysal wasaaraha u magacaabo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Raggii ugu cad-cad in xilkaas loo magacaabo ee  waxaa sidoo kale ka mid ahaa:

1- Xuseen Cabdi Xalane oo horrey u soo noqday wasiirka maaliyadda Xukuumadii Farmaajo

2-Nuurudiin Aadan Diiriye  waa siyaasi reer Puntland.

Si kastaba ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay u badan tahay in loo magacaabo Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex, oo ay isku dhow yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, kana soo jeeda beesha Sade, haddii aanay wax is-beddelin

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku diyaarinaya in uu u safro dalka Kenya halkaasoo oo uu uga qaybgalaayo maalinta xoriyda Kenya, waxaana la lee yahay maanta ama berri ayuu magacaabi doonaa raysal wasaaraha cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Xaaska Obama oo ka masayrtay ra’iisul wasaaraha Denmark arrin yaab lehna ka sameysay tacsidii Mandela

0

masayr 1Johannesburg (Caasimada Online) – Xilli hogaamiyayaasha caalamka ay isugu soo urureen ka qeyb galka baroordiiq loo sameynayay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela, ayaa warbaahinta qaar waxa ay si gaar ah diiradda u saareen dhacdo si la yaab leh uga dhacday goobta.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama, ayaa kaamirooyinka qabteen isaga oo qosol iyo waqti farxadeed la wadaagaya ra’iisul wasaaraha dalka Denmark haweeeneyda lagu magacaabo Helle Thorning-Schmidt oo dhinaciisa bidix fadhiday.

Waxaa sidoo kale la arkay xaaska Obama Michelle Obama oo iyana dhinaciisa midig fadhiday oo u muuqatay mid geeri go’an cidlo ah dhex fadhida, oo wejigeedana carro xooggan ay ka muuqatay, una ekeyd qof masayrsan.

Markii ay cabaar masayrsaneyd una adkeysan weyday baashaalka iyo waqtiga seygeeda uu la qaadanayey Helle Thorning-Schmidt ayay Mrs Obama waxay kasoo kacday kursigeeda, ayada oo soo fariisatay kii Obama, keedana u bedeshay isaga si ay u kala dhex gasho isaga iyo Helle Thorning-Schmidt.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineyna sawirro iyo video muujinaya dhacdadaas qosolka badan.

masayr 4masayr 2masayr 3

Dowladda ETHIOPIA oo xirtay weriye caan ka ah dalka Somalia, Sabab?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa uu ku xiran yahay Wariye Maxamed Aweys Muudeey oo Boqorka bartamaha loo yaqaano.

Wariyaha ayaa ka mid ahaa tiro Soomaali ah oo bishii October lagu xiray xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Boole oo Addis Ababa ku taalla halkaasoo uu ka dhacay qarax la sheegay in lagu diyaariyay.

Wariyaha ayaa tan iyo xilligaas wuxuu ku jiray xabsi Addis Ababa ku yaalla, halkasoo hadda la sheegayo in uu ku xanuunsanayo.

Boqorka Bartamaha ayaa ka mid ah wariyaashii ugu caansanaa ee magaalada Muqdisho, laakin wixii ka dambeeyay markii dilalka wariyaasha ay ku bateen Muqdisho ayuu u cararay magaalada Addis Ababa halkaas ayuu ku noolaa.

Qoyskiisa oo la soo xiriiray Shabakadda Caasimada Online, ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya gaar ahaan safiirka Soomaaliya u jooga Addis Ababa Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan in uu sii daayo wariye Boqorka barrtamaha.

Waxa ay sheegeen in uusan wax lug ah ku lahayn qaraxaas oo ay ku dhinteen labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen kuwii diyaariyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

[email protected]

Video: Tarsan oo habaaray Amiin Arts

0

Caasimada Online: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mahamud Ahmed Nuur “Tarsan” oo Muuqaal uu ugu magac daray kalmada Asbuuca ee Duqa Muqdisho waxuu kaga hadlay arimo badan oo quseeya asaga balse waxuu kaloo ka hadlar arin xiiso badan.

Mudane Tarsan ayaa si aan caadi aheyd uga hadlay Farshaxamiistaha Amiin Caamir waxuuna ku eedeyay sawir uu sheegay in uu si qaldan uga sameeyay maxuu ka yiri arinkaa daawo video qeybta dambe ayuu amiin caamir kaga hadlay Mudane Tarsan….

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

FAROOLE oo loogu baaqay ka soo qaybgalka shirka masiirka Puntland

0

Garoowe (Caasimada Onine) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta oo Arbaca ah ka dhacay shir saxaafadeed ay qabteen afar ka mid ah musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha Puntland.

Waxa ay goobta ku soo bandhigeen qoddobo muhiim ah oo ay sheegeen in loo baahan in la hirgaliyo ka hor inta aysan dhicin doorashada 8-da bisha Janaayo ee sannadkan 2-14-ka.

Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharixiinta hadlay ayaa sheegay in ay isla garteen seddax qof oo muhiim u argeen kuwaasoo kala ah:-

In la isku raaco guddiga xalinta khilaafaadka, In la qeexo doorka isimada ay ku lee yihiin doorashada iyo dhammaan musharixiinta Puntland in ay ka soo qaybgalaan shirweyne ka dhacay maalinta Sabtida ee soo socda magaalada Garoowe.

Wuxuu sheegay ii kale in ay soo dhaweenayaan guddi siddeed ah oo dhawaan musharixiinta Puntland ay ku dhawaaqeen magaalada Boosaaso.

Ugu dambeyn Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa tilmaamay madaxweyne Faroole in ay u direen casuumad ku saabsan in uu ka soo qaybgalo shirwayne ka dhacaya magaalada garooowe toddobaadka soo socda.

Wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin siddii ay ula fadhiisan lahaayeen Madaxweyne Faroole loona dhammeen lahaa khilaafka ka aloosan isaga iyo qaar ka mid ah musharrixiinta si looga shaqeeyo danaha reer Puntland.

Si kastaba, hadalka ka soo baxay musharixiintan ayaan ku soo beegmaya iyadoo shaley magaalada Garoowe uu ku soo laabtay madaxweyne Faroole kaasoo weerar afka ah ku qaaday raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Maamulka AXMED Madoobe oo xalay magaalada Kismaayo ku lumiyey…!

0

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya halkaas in lagu dilay mas’uul ka tirsan maamulka Axmed Madoobe.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay xaley in ay ku dileen xaafadda Aargada ka tirsan xaafadaha magaalada Kismaayo mas’uul ka tirsanaa maamulka dekedda Kismaayo kaasoo lagu magacaabi jiray Macallin Axmed.

Sida ay noo sheegeen goobjoogayaal ah marxuumka ayaa waxaa dilay rag ku hubeysnaa bastoolado, kuwaasoo ku sugaayay masaajid uu ku tukaday salaaddii maqrib.

Mas’uulkan ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee dekedda Kismaayo.

Ragga dilka gaystay ayaa sidoo kale dhaawacay askari ka tirsan ciidanka maamulka KMG ah ee Jubba ka hor intii aanay goobta ka baxsan, sida ay sheegayaan wariyaasha Kismaayo.

Dilka kaddib waxaa magaalada lagu soo rogay bandow gaar ahaan xaafadda Aargada,waxaana lagu arkyay ciidamo fara badan howgallo ka wada.

Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay dilka xaley loogu geestay mas’uul ka tirsanaa dekedda Kismaayo, waxaana dilkaas uu ku soo beegmayaa saacado uun laga jooogo markii magaalada lagu soo bandhigay walxo qarxa oo la sheegeen in lagu soo qabqabtay howlgal laga sameeyay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubba, Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidanka ay ku guulaysteen qabashada 200 oo walxaha qarxa, kuwaas oo ka mid yihiin miinooyinka dhulka lagu aaso, garnaylada gacanta iyo kuwa kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

DHAGEYSO: Siyaasi sheegay in Axmed Madoobe uu ku dacweeyey Ethiopia

0

Kismaayo (Caasimada Online) –Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah ragii wax ka saxiixay hishiiskii Muqdisho ee arrimaha Jubooyinka ayaa  si weyn uga horyimid wasiirada uu Ahmed Madoobe dhawaan uga dhawaaqay Kismaayo.

Hogaamiyayaashii mucaaradka ahaa ee wax ka saxiixay hishiiskii Muqdisho oo uu Iftiin Xasan ku jiro ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxaana ay sheegeen inay tahay wax aan la aqbali karin wasiirada uu ku dhawaaqay Ahmed Madoobe.

Haddaba kadib shirkaasi ayaa Iftiin Xasan Baasto waxa uu sheegay in hishiiskii Muqdisho lagu gaaray qodob ka mid ah uu dhigayey cidii ka baxday in loo aqoonsan doono danbiile QARAN. Sidaasi darteedna Ahmed Madoobe ayaa qodobkaasi ku sifoobay oo wasiiro ku dhawaaqay.

” Qodob ka mid ah hishiiskii Muqdisho waxaa uu dhigayey cidii ka hortimaada hishiiskaasi in loo aqoonsan doono danbiile QARAN sidaasi darteed waxaa muuqa Ahmed Madoobe oo wasiiro isaga dhawaaqday.” ayuu yiri Iftiin Xasan Baasto oo sheegay inay arrintaasi ku dacweeyeen una gudbiyeen dowlada Ethiopia.

” Dowlada Ethiopia waan u gudbinay in uu Ahmed Madoobe jabiyey hishiiskii aanu gaarnay. Waxaana sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan maadaama ay iyaga ballanqaadeen fullinta hishiiskaasi. Hadddii aan arrintaasi wax laga qabana waxaan cadeynayaa inuu hishiiskaasi burburay oo ay dhankooda wasiiro soo magacaabi doonaan.” ayuu yiri Ifitiin Xasan Baasto oo ka mid ahaa ragii madaxweynenimada Jubaland sheegtay.

Dhinaca kale waxaa uu ku eedeeyey Ahmed Madoobe inuu ka baxay fulinta qodobkii dhigayey in ciidanka banaanka jooga lagu soo celiyo magaalada Kismaayo, isagoona sheegay in dhankooda iyo dowlada ay diyaariyeen saraakiishii howshasi fududeyn laheyd.

” Ahmed Madoobe dhankiisa ayey  ka jiiftaa fulinta ciidankii la soo celin lahaa mana uusan soo dirin saraakiishii howshaasi nagala shaqeyn laheyd laakiin anaga iyo dowlada waa diyaarinay howshaasi’ ayuu yiri Iftiin Xasan Baasto.

Hogaamiye Abdiqadir Suldaan Lugadheere oo horey uga mid ahaa mucaaradka maamulka Jubba haddana loo magacaabay Madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubba ayuu ku sheegay inuusan awalba iyaga ka tirsaneyn ee uu ahaa nin ka socday Ahmed Madoobe.

” Hishiiska awalba laba qeybood ayuu u dhexeeyey waana qabka Ahmed Madoobe iyo dhankeena  sidaasi darteed Suldaan lugadheere waxa uu ka socday dhanka Ahmed Madoobe oo namaga tirsaneyn. Marka waxa hishiiska lala galay waa kooxdeena mana dhicin inuu Ahmed Madoobe hirgeliyo” ayuu yiri Iftiin Xasan Baasto.

Ugu danbeyntiina waxaa uu sheegay inuu xalka Jubooyinka uu ku jiro wadahadal  sidaasi darteed wixii jira ay muhiim tahay in wadahadal lagu dhameeyo. Hadalka mucaaradkan ayaana imaanaya xilli dhowr cisho ka hor uu Ahmed Madoobe ku dhawaaqay qaarka mid ah golihiisa wasiirada.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Iftiin-Xasan-Baasto-Waraysi-gaar-ah

Isha: Kismaayo24

Ciidanka DF ku dagaalamay Muqdisho

0

Muqdisho (Caaimada Online) Inta la ogyahay labo askari ayaa ku dhaawacantay iska hor imaad maanta barqadii ciidamo ka wadatirsan dowladda ku dhexmaray xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa ka dambeeyay markii ciidamo ka tirsan kuwa millitariga ay isbaaro dhigteen xaafadaas taasoo ay lacago baad uga qaataan gaadidka dad weynaha.

Ciidamo kale oo goobta joogay ayaa arrintaas ka hor yimid, waxaana ay ciidamada isbaarada dhigtay ku amreen in ay qaadaan, waxaana meesha ka billowday iska imaad dhowr saacadood socday waxaana labada dhina ka dhintay labo askari, sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Iska hor imaadka ayaa sababay in uu istaago isku socodka dadka iyo gaadidka waxaa kaloo xiran goobaha ganacsiga iyo waxbarashadda ee ku yaalla xaafadda Oodweyne.

Dhacdooyinka noocan oo kale ma ahan kuwa ku cusub magaalada Muqdisho, balse waxaa la is weydiinayaa iyadoo dalka ay ka jirto dowlad rasmi ah maxaa keenay in ciidamo ka wadatirsan dowladda ay ku dagaalamaan isbaaro sharci daro ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DAAWO VIDEO: Warbixin ku saabsan horumarka cusub ee ka jira Muqdisho

0

Caasimada Online:  Magaalo Madaxda Caasimadeena ee Muqdisho waxaa ka soconaya Horumar si xowli ah ku socda ayadoo aad ka dheehan kartid Muuqaalkani oo meelo badan oo magaalada ah aad ku arki doontid.

Dowlada Walaalaha aanu nahay ee Turkiga Xaqiiqdii waa u hagar baxeysaa walaalahooda Soomaalida ah waxaadna ka marag ah sida ay u dhiseysa Magaalada Muqdisho ee nala daawo muuqaalkani aan aaminsanhay in uu ku qiiro gelinaya.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Faroole oo bahdilay Gaas “Muxuu ka yiri qaabkii uu ku noqday R/wasaare”

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/raxmaan Faroole oo kasoo laabtay safarkii Jigjiga uu ku tagay ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Gaas oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameysa, isagoo ku tilmaamay macna laawe, lug gooynayo danaha iyo jiritaanka Puntland.

Faroole wuxuu anshax laawe uu ku tilmaamay Cabdiweli Gaas oo uu sheegay in uusan aqoon u laheyn xafiis dowladeed iyo siyaasad, balse aqoontiisa ay tahay mida dhaqaalaha ee uu bartay.

“Cabdiweli Gaas, shaqo dowladeed hal sano ayuu qabtay, xafiiska ugu sareeyo ee Soomaaliyana inuu fadhiisto aniga ayaa ugu wacnaa, intii laga filayay inuu Puntland wax u qabto wuxuu bilaabay kala qeybinta bulshada Puntland iyo inuu aflagaadeeyo dadka”ayuu yiri Faroole.

“Waan la yaabay, wuxuu leeyahay dad baa barwaaqo gaarsiinayaa, weligiisna xafiis halkaas ku yaal oo aan aniga geeyay ayuu hal sano fadhiyay, Macallin buu ahaa jeesto wax ku dhigo, intuu ka tegay macallinimadiisa ayuu galay shaqo aan howshiisa aheyn”ayuu yiri Faroole oo intaa ku daray in aysan habooneyn in la doorto Gaas.

Hadalada Faroole ayaa ahaa kuwo aan wax lala harin, wuxuuna Musharaxiinta qaar uu ku tilmaamay kuwo mushaar ka qaata magaalada Muqdisho, ujeedadooduna tahay in la burburiyo Puntland.

faroole-1faroole-2faroole-3faroole-4faroole-5faroole-6faroole-7faroole-9