27.2 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

In Somalia, WFP Enables Women To Learn New Skills

0

Any views expressed in this article are those of the author and not of Thomson Reuters Foundation.

One of the World Food Programme’s main priorities is to strengthen communities so that individuals can support themselves and their families. Through its Food-for-Training activities, WFP provides food rations to encourage community members to participate in training that teaches practical vocational skills, such as literacy or tailoring. In Bossaso, in northern Somalia, women are learning how to tie dye cloth and make woven goods – skills that will stand them in good stead as they seek to rebuild their lives after fleeing their homes elsewhere because of conflict.  

Bossaso – In a courtyard at the GDA centre in the port town of Bossaso, women ululate and sing as they pull brilliant pieces of cloth out of a boiling cauldron, then rinse them and hang them on a clothes line to dry.

Despite the gruelling afternoon heat in this corner of Puntland, there is a buzz of energy and a feeling of easy camaraderie among the women, who will make dresses and other items from the tie-dyed cloth. After the course, they hope to be able to use their new skills to start small businesses and support themselves and their families.

The GDA centre is one of many vocational training projects that are supported, in part, by the World Food Programme (WFP), under its Food-for-Training initiative in Somalia.

WFP distributes monthly food rations or food vouchers for families when an individual enrolls in literacy or vocational skills courses.

“Most of the women here are internally displaced persons (IDPs), who have fled from violence in other parts of Somalia. Many are widowed and have no means of supporting their families. They are learning a number of skills, including tailoring and making handicrafts, which will enable them to gain employment or be self-employed,” said Sadia Abdisalam, the manager of the centre.

“Everything you see on display has been made by these women,” she added, waving towards the woven baskets and other items on display throughout the busy, chatter-filled centre.

“After completing the course, some of the ladies have stayed on to become teachers while others set up their own small businesses,” she said.

Empowering the most vulnerable

The food assistance received by the women on the course acts as a temporary safety net while they learn new skills that will make them self-reliant.

“WFP is supporting 12,842 individuals in 76 centres that offer different kinds of training, including literacy and numeracy courses, in the 19 districts of Puntland,” said Rumbidzai Chitombi, WFP’s programme officer in Bossaso.

According to Chitombi, many of the students enrolled in these centres have never been to school before and never benefitted from any kind of structured learning.

“The concept behind Food for Training is to empower the most vulnerable people and give them income-generating skills. Most of the people who attend the centres that WFP supports are from poor families and would not otherwise have the opportunity to learn these skills,” she said.

Siraad Sharif lives in theAbsame B IDP camp in Bossaso. She enrolled at the GDA centre when other women from the camp told her the classes were free.

“I have nothing here [in Bossaso]. I am like a refugee and I have to start anew. I am learning how to make tie-dye dresses so that I’ll be able to start a small business and, god willing, be able to provide for my children. We are thankful for this opportunity,” she said

The GDA centre has been operational since 2011. The items produced by the women, including beakers, wall ornaments and tie-dye dresses, are very popular and receive good prices, said Abdisalam.

“After the sales, profit is shared among the students on a rotational basis: each month, one participant will get a lump sum. That way, the money received is substantial enough for families to invest in other things, or in business,” she said.

Madaxweyne Xasan Sh oo sameeyey ballan qaad ay adag tahay inuu fuliyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay xaqiijinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Shabakadda Caasimada Online, ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ah ay ka go’antahay horumarinta xaquuqda aadanaha, islamarkaana ay dowladdu ku dadaaleyso yareynta falalka ka dhanka ah xaquuqda aadanaha.

“Waxaan doonayaa inaan ku celiyo sida ay dawladda uga go’an tahay iney difaacdo xuquuqda aadaanaha. Waxan ka shaqeynaynaa sidaan u gaari lahayn in Soomaaliya ay noqoto meel aan ka dhacin xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, waxaan u taagan nahay inaan dhaqan gelino xuquqda aadanah sida uga wanaagsan, Talaabooyin ficil ah oo la xiriirta arrinta xal ka gaaristeeda ayey dawladda hore u qaaday. Sharciyo la xiriiri xuquuqda aadanaha waa la sameeyey, dawladda ajendaheeda siyaasadeed ayaa ah iney wada oo taageerto sharciyadan” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Madaxweynaha ayaa shacabka ka codsaday in ay muujiyaan doorka uga aadan horumarinta xaquuqda aadanaha, isagoona ku celceliyay in gabood falllada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha aysan Soomaaliya boos ku lahayn.

Maalinta caalamiga ah ee xuquuqda bini’aadamka ayaa maanta oo ku beegan December 10 ayaa laga xusayay sannad kasta caalamka oo idil.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Hoggaamiyaal la dagaalamay AXMED Madoobe oo arrimo xasaasi shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Talaado ah shir jaraa’id ku qabtay qaar ka mid ah madaxweynayaashii isku magacaabay magaalada Kismaayo.

Raggan oo la dagaalamay Axmed Maxamed Islaam oo hadda ah hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba, waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan wasiiro uu magacaabay Axmed Madoobe toddobaadkan.

Iftin Xasan Baasto oo u hadlay madaxweynayaasha is magacaabay ayaa sheegay Axmed Madoobe in uu jabiyay qoddob ka mid ah heshiiskii dowladda iyo Axmed Madoobe ay ku gaareen bishii August magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

“Sida ku cad heshiiskii Addis Ababa, waxaa dhawaan waxaa dhawaan la rabay in la qabto wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka balse nasiib daro shirkaas uma muuqdo in uu dhacayo sababtu waxa weeye, lixdii bishii December waxaa Axmed Maxmed Islaam uu ka tallaabsaday fal ka soo horjeeda heshiiska, wuxuu magaacay wax uu ugu yeeray golle wasiiro ah, annaga ma  aqoonsani golahaas” ayuu yiri Iftiin Baasto.

Sidoo kale, shirka jaraa’id waxaa ka hadlay Cumar Buraale Axmed oo isna ka mid ahaa madaxweynayaashii ismagacaabay, wuxuu sheegay in aysan ka soo horjeedaan wasiirada la magacaabay.

Wuxuu baaq u diray, Qaramada Midoobay, Madaxweynaha Soomaaliya, Raysal wasaaraha xafiiska baneenaya iyo beesha caalamka, wuxuuna sheegay in wixii ka dhaca Kismaayo inuu mas’uul ka noqon doonno maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba, shirka jaraa’id ee maanta ay ku qabteen Muqdisho qaar ka mid ah madaxdii isku magacaabay maamulka Jubba balse xoog looga soo saaray ayaa jawaab u ah wasiiro siddeed ah oo uu magacaabay Axmed Madoobe lixdii bishan December.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Faroole oo ku eedeeyay DF Somalia in ay taageerto musharaxiinta Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kaddib markii uu ka qaybgalay isaga iyo xubno kale oo maamulkiisa xuskii qowmiyadaha Itoobiya ee sanandkan lagu qabtay Jigjiga, ayaa ka hadlay arrimo badan isagoona dhaliil u jeediyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo dad fara badan kula hadlaayay barxad Garoowe ku taalla ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageero siiso qaar ka mid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland.

Faroole ayaa sheegay in ay ka war qabaan qaar ka mid ah musharrixiin in laga soo diray Muqdisho oo la rabo in lagu burburiyo horrumarka Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Faroole waxaa kaloo uu ka hadlay guddi ay magacaabeen musharrixiinta kuwaasoo ay sheegeen in ay yihiin guddiga xillinta khilaafaadka doorashadda, wuxuu tilmaamay in aysan xaq u lahayn in ay magacaabaan guddi, isagoona intaas ku daray in maamulkiisa uun ay magacaabi karaan guddiga khilaafaadka.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa dhinaca kale sheegay in uu ku kalsoon yahay doorashadda soo socota in la dooran doono isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdisamad Cali Shirre.

Wuxuu ku celceliyay in ay sixi doonaan dhaliilo badan oo uga timid bulshadda reer Puntland haddii ay markale dib ugu soo laabtaan xafiiska.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyn ammaanay maamulka dowlad deeganka Soomaalida ee Itoobiya, wuxuu sheegay in uu halkaas ku soo arkay wax yaabo badan oo lagu dayan karo. “dad is jecel ayaan soo arkay oo maalkooda ka dambeeya” ayuu yiri Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

Video: Farqiga Xamar shalay & maanta

0

Caasimada Online: Talaabooyinka ay qaadeyso Dowlada Somalia ayaa waxaa ka mid ah in ay dib u soo celineyso goobihii lagu yaqaanay Bilicda Magaalada Muqdisho & Shacabka reer Muqdisho oo arintaasi aad ugu faraxsan.

Muhiimada ay lee dahay Goob sidaan oo kale ah hadane Shacab ka badan Boqolaal qof ay ku ganacsanayaan Xarun Dowladeedna ah ayaa waxaa laga her galiyay Magaalada Muqdisho ee nala daawo muuqaalkani ku farxad gelin doono.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Xaaladda Beledweyne oo maalintii 2-aad kacsan “See wax u jiraan?”

0

Beledweyne (Caasimada Online) Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaa maalintii labaad ka dhacay dibadbaxo waaweyn  kaddib markii dhawaan halkaas lagu dilay sarkaal ciidan.

Wariye madax banaan oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in magaalada ay ka socdaan dibad baxyo looga soo horjeedo dil magaalada loogu gaystay sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kaas oo lagu magacaabi jiray Kornayl Xaashi Xuseen Diiriiye.

Dibadbaxayaasha ayaa ka caraysnaa dilka sarkaalka oo la sheegay inay gaysteen askar ka tirsan ciidanka milateriga ee ku sugan Beledweyne.

Wariyaha noo warramay ayaa sheegay in dibadbaxa uu sababay maalintii labaad in ay xiran yihiin goobaha ganacsiga iyadoo hakad u ku yimaaday isu socodka dadka iyo gaadiidka.

 

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadlay dadka dibadbaxaya ayaa sheegay in la xiray qaar ka tirsan askartii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen dilka sarkaalka.

Waxaa laga cabsi qabaa magaalada in uu ka dhaco dagaal, sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Muqdisho: Arday oo ku dhaawacantay..

0

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in shil baabuur uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay afar ka mid ah ardayda Jaamacadda Banaadir laanta Tree Disho ayaa ku dhaawacmay, kuwaasoo la socday baabuur nooca “Mini Bass “.

Goobjooge ku sugan deeganka Tree Disho ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in uu arkay qaar ka mid ah ardaydii la socotay baabuurka oo dhaawac ah.

“Waxaan arkay afar ka mid ah ardaydii la socday baabuurka oo dhaawac ah, waxaana ku jiray gabdho” ayuu yiri goobjoogaha noo warramay.

Dhaawaca ardayda ayaa loos oo qaaday Isbitaalka Madiina, halkaasoo hadda lagu daweynayo.

Dhacdooyinka noocan oo kale ma ahan kuwa ugub ah, oo mar kasta ayey ka dhacaan magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka.

Waxaa sabab u ah darawalada oo aan aqoon fiican u lahayn ka xeynta baabuurta iyo wadooyinka oo burbursan isla markaana xawaare dheer loo waado baarbuurta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MAXKAMAD dil toogasho ku xukuntay xildhibaaan ka tirsan golaha….!

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa waxay sheegayaan in maxkamad ay ay dil toogasho ah ku xukuntay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa.

Sida warku sheegayo Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa shalay dil toogasho ah ku xukuntay Mustafe Cismaan Daahir, kaas oo hore u dilay nin ay saaxiibo ahaayeen goor habeenimo aheyd, waxaana dooda xildhibaanka dilka geystay oo muddo dheer ka socotay magaalada Hargeysa ugu dambeyn ay Maxkamaddu go’aan kama dambeys ah ku gaartay in dil toogasho ah lagu fuliyo xidlhibaan Mustafe Cismaan Daahir sidaasina ay ku qanceen qoyskii uu ka dilay ninka ay saaxiibada ahaayeen.

Maxkamadda ayaa sheegtay in sharciga Islaamka ay u fiiriyeen dilka toogasho ee ay xildhibaanka ku xukumeen.

Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir ayaa shalay la horgeeyay Maxkamadda magaalada Hargeysa, taas oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwaddiisa oo in muddo ah socotay, waxaana ay shalay ku dhawaaqday xukun dil ah, kaas oo ay u cuskatay xeerka ciqaabta guud iyo shareecadda Islaamka.

Mustafe Cismaan Daahir oo ahaa Xildhibaan golaha deegaanka ah oo ka soo baxay urur siyaasadeedkii Ummadda in badana xukunkiisa la sugayey, waxaa lagu wadaa inuu jagadiisa buuxiyo xildhibaankii ku xigay oo ka dhursugayey xukunkan, isla markaansa dood badan oo dhinaca sharciga ahi ka hor taagnayd in uu kursigiisa buuxiyo.

Lama shaacin waqtiga la fulin doono xukunkan lagu riday xildhibaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Magacyada 4 siyaasi oo loolanka xilka ra’iisul wasaaraha isku garbinaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ku dhow dhow xafiiska madaxtooyada ee Soomaaliya oo soo baxay saacadihii ugu danbeyey ayaa xaqiijinayaa in si xoog leh looga hadal hayo halkaasi murashaxiin dhowr ah, oo la rumeysan yahay in midookd uu ka iman doono ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia.

Waxaa xubnaha illaa iyo hadda cad cad ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex, oo xilal dhowr ah kasoo qabtay dowlidihii KMG ah ee dalka Somalia.

Waxaa sidoo kale ka mid ah wasiirkii hore ee maaliyadda ee xukuumaddii Farmaajo Xuseen Cabdi Xalane, oo la sheegay inuu maalmahan aad ugu dhowaa madaxtooyada Somalia.

Goonjeex, ayaa lagu warramay inuu taageero ku helayo xubno ka mid ah kooxda Damul Jadiid ee madaxweynaha, taasi oo siineysa faa’iido gaar ah.

Tartanka, ayaa waxaa sidoo kale si lama filaan ah ugu soo biiray siyaasi lagu magacaabo Aadan Guuleed Shabeel Carab, kaasoo si deg deg ah uga hormarey murashixiintii kale oo horey warkoodu usoo baxayey, sida Xuseen Cabdi Xalane.

Murashaxan Aadan Guuleed Shabeel ayaa ah aqoonyahan bartay Culuumta Siyasadda, dhaqaalaha, maamulka iyo Istiraatiijiyadda, isagoo wax ku bartay dalalka Soomaaliya, Faransiiska, Jarmalka iyo Sudan.

Intii ay dalka ka talinaysay xukuumaddi dhexe ee bur burtay wuxuu murashaxu kasoo shaqeyey meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Wasaaradii arimaga gudaha oo uu ka ahaa sargaal sare, Xisbigii hantiwadaga, Jaamacaddii umadda iyo Akaadeemiyadii Istiraatiijiyada Qaranka oo uu labadaba ka soo noqdey macalin ka dhiga culuumta siyaasadda.

Wixii warar ah ee kusoo kordha ha ka dheeraan Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdiho
[email protected]

DHAGEYSO: Maamulkii Prof. Gaandi oo ka horyimi golaha wasiirada A/Madobe

0

Maamulka Azaaniya oo   dhowr sano ka hor lagu dhisay wadanka Kenya madaxweynaha u doortay Prof, Maxamed Abdi Gaandi oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay iminka xubno u hadlay sheegeen inay si weyn uga soo horjeedaan wasiirada maamulka Jubba loo magacaabay.

Xabiibo Xasan Warsame oo ah xildhibaanad ka tirsan maamulka Azaaniya ayaa waxay sheegtay in wasiirada iminka loo sameeyey Jubba tahay kuwa aan laga fiirsan oo si qaldan lagu soo magacaabay. Iyadoona intaasi ku dartay in aan laga talogelin.

” Dhulka Jubba anagaa u soo halganay oo laheyn qorshihii lagu qabtay. Wax talo ah oo aan ku yeelanay ma leh wasiiradaasi. Waxaana u aragnaa inay tahay magacaabis uu sameeyey nin dalka xoog ku heysta” ayey tiri Xabiibo Xasan Warsame oo kasii hadashay qorshahooda arrintaasi ku aadan.

” Anaga awalba waxaan aheyn urur nabadeed, mana nihin urur dagaal. Waxaana sugeynaa xilliga ay soo noqdaan sharcigii dalka kadib marka ay iska baxaan hogaamiyayaasha safaariga ah” ayey tiri Xabiibo Xasan Warsame.

Maamulka Azaaniya ayaa markii lagu dhawaaqay isaga oo aan tegin meeshii loo soo dhisay waxa uu markaliya noqday mid magac ahaan un ah. Waxaana muddo kadib la arkayey hogaamiyihii maamulka Azaaniya Prof, Maxamed Abdi Gaandi oo qeyb ka noqday xubnaha u olololeynayey dhismaha maamulka Jubba.

Xabiibo Xasan oo xildhibaanad maamulkaasi Azaaniya ah ayaan weydiinay halka maamulkasi ay ku hadleyso afkiisa ku danbeeyey, haddiiba Gaandi baarlamaanka Soomaaliya uga biiray. Waxaase ay sheegtay inuu maamulkooda u itaal sheegtay Ahmed Madoobe. Waa sida ay hadalka u dhigtaye.

” Azaaniga waxaa afgambiyey Ahmed Madoobe, waana afgambi aan dadka gobolka la qabno dhamaanteen. Waxaana xaqiiqo ah in anaga ujeedkeenu yahay nabad. Sideedana xisbi ma baaba’o ee mabda ayaa baaba’a, anagana (AZAANIYA) waxaan jireynaa ilaahadafkeena aan gaarno” ayey tiri Xabiibo Xasan Warsame.

Dhinaca kale waxaa ay rajo xumo ka muujiyey inuu madaxweynaha maamulkooda Azaaniya Prof, Maxamed Abdi Gaandi oo hadda ku jira oloolanka Ra’iisul wasaarenimada Soomaaliya, iyaddoona sheegtay in marka la fiiriyo nidaamka awood qeybsiga uusan dadka u wada sineyn inay xilkaasi sahal ku helaan.

Waxaase ay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ay ugu baaqday inuu Ra’iisul wasaaraha cusub kusoo xusho inuu yahay nin ka yimid koonfurta Soomaaliya islamarkaana leh awood ciidan, iyaddoona intaasi raacisay inuu qofkaasi noqdo mid qabiilkiisa raali ay ka yihiin oo aan aheyn mid cid kale wadato. Waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Prof, Maxamed Abdi Gaandi ayaan ilaa hadda ka hadal dhankiisa wasiirada cusub ee loo dhisay maamulka Jubba inkastoo haddana uu ka mid yahay raga lagu tiriyo inuu gacanta midig u yihiin hogaamiyaha maamulka Jubba Ahmed Madoobe. Waxaase la ogeyn inuu warkan kasoo yeeray xildhibaan Xabiibo Xasan uu la qabo iyo in kale.

Halkan ka dhageyso Wareysiga

Xabiibo-Xasan-Warsame-oo-ka-tirsanayd-Baarlamankii-Prof-Gaandi-ee-Azania

Isha: Kismaayo24.net

Dhageyso: Gen. Darwiish oo amray in xaafad Kismaayo ku taal la isaga baxo

0

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga maamulka Jubba Gen, Maxamed Warsame “Darwiish” ayaa lagu sheegay in maanta laga baxo guraha dowlada ee ku yaala magaalada Kismaayo iyo xaafad laga dhistay garoonka diyaaraha meel u dhaw.

Gen, Darwiish, ayaa sheegay inay ka codsanayaan shacabka degan meelaha wareegtadu tilmaameyso inay ka baxaan guryahaasi. Isagoona cadeynaya meelaha ay amrayaan in laga baxo waxa uu yiri.

” Waxaan dadweynaha reer Jubaland si loogu shaqeeyo ka codsaneynaa inay ka baxayaan guryaha dowlada ee kala ah guriga gobolka, guriga Ceymiska, guriga qunsuliyada iyo wixii la mid ah oo ay dowladu leeyahay. Waxaana cadeynayaa in wax badan hadalkaasi lagu celceliyey oo aan wali codsaneyno in laga baxo” ayuu yiri Gen, Darwiish oo intaasi ku daray inay jirto xaafad ku taala banaanka magaalada Kismaayo oo ku dhaw garoonka taasi oo ay iyadana dalbanayaan in gebi ahaanba la baneeyo.

” Xaafad garoonka ku dhaw ayaa jirta oo iyada oo dhan cooshad ah taasina waxaan amreynaa in la baneeyo gebi’ahaan. Sababtuna wax kale ma ahan waa sidii ammaanka garoonka loo ilaalin lahaa” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga maamulka Jubba.

Gen-Darwiish

Dhinaca kale waqtiga loo qabtay inay dadka guryahaasi uga baxaan ayaa ah mid aad u yar oo ku eg maanta oo kaliya, iyaddoo ay adeg tahay in qof 23 sano deganaa guri dowladeed ama guri banaanka magaalada ku yaal sida uu maalin qura uga guuri karo.

Wareysiga ayaa markale lagu weydiiyey sida ay macquul ku tahay waqtiga ay dadka u qabteen oo yar darteed in guryahaasi looga guuro iyo inay jirto meel dadkaasi ka maamul ahaan ay u diyaariyeen haddii ay ka guurayaan meesha ay hadda degan yihiin? Waxaase uu sheegay Gen, Darwiish in magaalada Kismaayo weyn tahay oo ay ka helayaan guryo aan qaali aheyn kiradooda, isagoona intaasi ku daray inay xitaa maamul ahaan caawin doonaan dadkaasi sidii ay ku guuri lahaayeen.

” Kismaayo waa magaalo ballaaran waana ay ka helayaan guryo ay degaan, waliba guryaha ma ahan qaali. Dadkaasi insha’allaahu waanu taakuleyneynaa oo waxay ku degaana waan u raadineynaa. Waxaase ka codsaneynaa inay nala shaqeeyaan si guryaha aan ugu adeegno oo aan iyaga ugu shaqeyno” ayuu yiri Gen, Maxamed Warsame Farax “Darwiish”

Waxaase uu sheegay in dadka aan u hogaansamin wareegtada uu soo saaray ay gacan ula tegi doonaan kadibna ay xoog uga saari doonaan guryaha ay ku jiraan.

” Haddii ay ka bixi waayaan guryaha ay ku jiraan ee lagu amrayo waxaan ku sheegayaa inaan gacan ula tegi doono islamarkaana aan xoog u adeegsan doono si aan meeshaasi uga saarno, sababtoo ah guri dowladeed iyo meel ammaanka qatar ku ah cidna looga leexan maayo. Mana jirto cid iyo qabiil gaar ah oo loo socdo ee waa dan guud” ayuu yiri Gen, Maxamed Darwiish.

Qaarka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa qortay in wareegtada Gen, Darwiish ay ku saabsan tahay xitaa in xaafada Guulwade oo ka mid ah kuwa ugu waa weyn Kismaayo la isaga baxo,maadaama horey halkaasi u aheyd xero ciidan. Waxaase arrintaasi beeniyey Gen, Darwiish oo sheegay inaysan wareegtadiisa hadda soo baxday maanta quseyn xaafadaasi balse wixii dhul dowladeed ah la isaga imaan doono.

” Adeer anaga website ma nihin ee waxaanu Nihau maamulka Jubaland. Waxa aanu cayinayna wax la yaqaan weeye, guryo dowladeed weeye,xaafado dad shacab ah ma ahan. Wareegtada hadda aan soo saarayna kuma jirto xaafado iyo dad la barakicinayo. Waxaasina isku dir weeye oo wax wanaagsan ma ahan.Madax afkeedna ma ahan.Maamulkana dadka inay u adeegaan oo ay u nasteexeeyaan ayaa loo dhisay ee looma dhisin inay dadka dibin-daabyeeyaan ama burburiyaan” ayuu yiri Gen, Maxamed Warsame “Darwiish” oo intaasi ku daray :

” Adeer meeshii cooshad ah ama loogu soo gamban karo ammaanka in lagu dhibaateeyo waxaan leenahay hala baneeyo laakiin xaafada guulwade hala tirtiro iyo guryo shacab leeyahay hala burburiyo adeer afkeyga ma ahan, mana ahan af mas’uul warkaasi”ayuu yiri Gen, Darwiish.

Laakiin waxaa uu sheegay markii uu maamulka Jubba taabo galo oo ay dowladnimada Soomaaliya fariisato in xaafadii ka dhisan dhul dowlad laheyn iyo qofkii dhul dowladeed ka dhigtay dabaqyo lala xisaabtami doono.

” Dadkii shacab ah ee markii uu maamulka taabaqaado, haddii ay xaafado ay jiraan, meelo dowladi laheyd guriyo laga dhistay, hadde adeerow waxa Xamar ka socda iyo waxa Kismaayo ka socda maxay uga badelan yihiin?. Ninkii meel dowladi leedahay dabaqyo ka dhistay dowlada waa la xisaabtami doontaa laakiin hadda wareegtadani ma quseyso intaasi” ayuu ku yiri Gen, Darwiish.

Ammaanka Kismaayo ayuu sheegay inay wax weyn ka badeli doonaan oo waliba cidii loo dareemo inay ammaanka qatar ku yihiin inay gacan bir ah ku qaban doonaan. Isagoona cadeeyey inay idaacadaha maanta  kala hadleyn dad weynaha una sheegeen qorshahooda ammaanka.

” Kismaayo haddaba waa nabad oo dadka laguma dilo waxaana ka shaqeeya ciidan laakiin waxaan ku sheegayaa inay howsha koowaad inoo tahay sugida ammaankeeda iyo gacan bir ku qabashada wixii loo arko inay ammaanka qatar ku yihiin” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Jubba Gen, Maxamed Warsame Darwiish.

Wareegtadan ayaa noqoneysa midii ugu horeysay oo kasoo  baxda midka mid ah wasiirada dhawaan lagu dhawaaqay ee maamulka Jubba waxaana la aqoon sida ay shacabka degan guryaha ay ku socoto u aqbali doonaan go’aankaasi cusub.

Burburkii kadib qaarka mid ah magaalooyinka waa weyn ee kala ah Kismaayo, Boosaaso, Galkacyo iyo Muqdisho ayaa waxaa ka dhismay xaafado waa weyn oo shacabka ay ka sameysteen xeryo ciidanka horey u lahaan jireen. Waxaana meelaha qaarkood shacabka dhulalkaasi ka iibsaday maamuladii kala duwanaa ee ka jiray magaalooyinkaasi.

Waxaa xafadaha ka dhismay xeryaha ciidanka waxaa ka mid ah. Xero Daraawiish Galkacyo oo maanta ka mid ah xaafadaha ugu waa weyn magaalada Galkacyo oo aan la burburin karin, Xero Dayax oo isla Gaalkacyo ah oo iyadana hadda ka mid ah xaafada dhismo ahaan ugu bilicda sareeya Galkacyo. Boosaaro sidoo kale xero daraawiish ayaa xaafad ahaan iminka loo degan yahay. Dhamaan shacabka dhulkaasi guryaha ka dhistay waxaa ka iibsaday maamulka Puntland.

Kismaayo waxaa iyadana hadda xaafadaha ugu ballaaran dhismo ahaan iyo shacbiyad ahaanba waxaa ku jirta Guulwade oo aheyd xero ciidan balse hadda ah 23 sano ee ugu danbeeyey xaafad ay shacab si weynu dhisteen,iyaddoo ka iibsaday maamuladii halkaasi isaga danbeeyey.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga Ge.. Darwiish

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA GEN, DARWIISH UGA HADLAYO WAREEGTADA KASOO BAXDAY XAFIISKIISA EE U SIIYEY K24

Xigasho: Kismaayo24.net

Arday Soomaali ah oo ku dhaawacmay rabshado ka dhacay waddanka…!

0

Cairo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa sheegaya in halkaas uu ku dhaawacmay wiil Soomaali ah, kaasoo wax ka barta Jaamacadda Al-Azhar.

Wiilka dhaawacmay oo lagu magacaabo Cilmi Xaajo Daahir, ayaa ku dhaawacmay rabshado Jaamacadda Azhar ka dhacday oo u dhexeysay ardayda iyo ciidanka booliska.

Wiilka Soomaaliga ayaa loo qaaday Isbitaal Qaahira ku yaalla halkaasoo lagu daweynayo.

Dhaawaca soo gaaray wiilka Soomaaliga, waxaa ka carooday arday badan oo Soomaali ah oo wax ka barta Jamacadda Al-Azhar, waxaana ay sheegeen in ay ka walwal san yihiin in ay dhibaato ka soo gaarto rabshadaha ka socda magaalada Qaahira

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Cairo |Egypt

[email protected]

 

Daawo Video: Degmo ku taal Banaadir oo horumar weyn ku tallaabsatay

0

Caasimada Online:  Mid ka mid ah 17 Dgemo ee uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir ayaa la soo baxday bilic ka duwan tii lagu yaqaanay kadib howlo nadaafadeed iyo horumar xoogan ay ku talaabsatay Degmadaasi awgeed ay qaali u noqotay iibka guryaheeda.

Isma dhaheeysid Degmadaan ayaa ah Degmo aa horay u taqaanay ee nala daawo muuqaalkaan howlaha ka socda iyo qaabka ay isku badashay Degmadani.

HALKAAN KA DAAWO:

Somalia: Constitution isn’t to blame for leaders falling out

0

he no confidence vote of the Federal Parliament of Somalia for incompetence in the Council of Ministers (Cabinet) of Prime Minister Abdi Farah Shirdon “Saa’id” on December 3, 2013 has ended seven-month-long leaks and speculations about imminent dismissal or reshuffle and expansion of the cluttered Cabinet of ten Ministries.

The persistent leaks of Cabinet change and the repeated allegations of corruption and sectarian politics from relentless critics have contaminated the public optimism, fuelled perception of power abuses, forced the abandoning of the six pillars policy and the national stabilization plan, and prevented the direct international engagement with the internationally recognized national government.

In consideration of the monumental tasks assigned to the national government, the walking away of the international donors from direct engagement with the national government and shifting to direct relations with local entities – Somaliland, Puntland, Jubbaland, Bayland, and Mogadishuland- is a serious setback for statebuilding, peacebuilding, national unity, economic recovery, and national election in 2016.

Without considering all accusations trustworthy, it is likely that the allegations in the UN Monitoring Group’s Report (S/2013/413) of July 24, 2013, reiterated and amplified in the report of the Center for Strategic and International Studies (CSIS) published in August 2013, then personalized in theresignation letter of the former Governor of the Central Bank of Somalia Yussur Abrar of October 30, have contributed to the decision of the European Union (EU) not to channel any money to the federal government. On November 27, 2013, in response to a statement of the Deputy Prime Minister and Minister of Foreign Affairs of the Government of Somalia, Fawzia Yusuf Aden that “Somalia had received nothing from the European Union only promises” Andris Piebalgs, the EU Commissioner for Development, said, “She is right we don’t channel any money to federal government but that’s because in order to use that you need public finance management and an accountability system and today that’s not the case.” The EU manages the 2.4 billion dollars aid pledged to the federal government of Somalia for 2014-2016.

The news of the clash between President Hassan and Prime Minister Shirdon has shocked the public because it breached the solemn commitment made jointly by the Somali top three leaders soon after taking office that the past political infightings which paralyzed former transitional governments will never happen among them. President Hassan did not talk about the rift before the parliament delivered the no confidence vote. The resolution of this political face-off which stirred friction in the parliament, regional authorities, and the public, could offer an opportunity for recovery or could just be a trap for more complications to come.

However, there is a paradox that puzzles many observers. The paradox relates to how to reconcile the repeated claims of major achievements of the federal government with the charges of corruption and incompetence against the Council of Ministers responsible for the formulation and implementation of the federal government policies and programs. In addition, the Special Representative of the UN Secretary General, Nicholas Key said in statement released after the no confidence vote of the parliament, “Somalia’s institutions are coming of age.

The UN is here to support their development, and looks forward to working constructively with the new administration. Outgoing Prime Minister Shirdon had worked hard to promote growth and progress and played an important part in creating the New Deal Compact between international partners and Somalia.” This kind of Machiavellian politics undercuts the public trust in government, politics and international efforts.

The media and the public seem confused about the scope of the no confidence vote of the Prime Minister for incompetence. Article  97 (1,2) of the Constitution stipulates that the Council of Ministers chaired by the Prime Minister collectively exercises the executive power, which means it is collectively responsible and accountable to the citizens, parliament, president,  and judiciary. That is why many ordinary citizens were surprised about ministers lobbing for no confidence vote of the cabinet they were members. Article 99 lists the nine functions of the Council of Ministers, while Article 100 specifies the Prime Minister’ powers which includes representing the council of ministers and government programs before the federal parliament. Article 102 states clearly that every minister is personally responsible for the functions of his [her] Ministry. Therefore, the no confidence vote for incompetence applies to the Council of Ministers.

During the debate of the no confidence motion in the parliament, there were instances of incomprehension. First, contrary to articles 65 (3), 66 (3), and 68 (1, 5) of the provisional constitution, it appeared that the parliament did not have established procedures for its normal workings like the neutral role of the speaker and his deputies, the duration of the sessions, the time management, the required procedures that allow each member of parliament full participation, the absolute transparency of meetings and debates. Second, the rejection of Prime Minister’s request to respond to the allegations in the no confidence motion in parliament was an astonishing decision which breached the constitution. Third, the attendance of the parliament leadership at a celebration party for ousting the council of ministers was improper. As per articles 61 (1) and 70 (5), the parliamentarians are supposed to be guided by the best interests of the nation as a whole because they are paid directly from the national treasury.

The parliament has oversight responsibility over the executive branch, a relationship that should avoid dispute between the president and the council of ministers. The parliamentary scrutiny and hearings on government’s performance for explanations, justifications and corrections would help to create public confidence in government and avert unwarranted no confidence motions.

Also, some commentators have mistakenly attributed the source of the frequent clashes between Somali leaders to the provisional constitution and to the parliamentary system of governance. But I argue here that the constitution isn’t to blame for the Somali leaders falling-out. Generally, the conflict arises from the deliberate unwillingness to adhere and respect to the letter and spirit of the constitution in the execution of the public services. The constitutional document which transforms and regulates the individual and societal behavior has effect and meaning when the stakeholders/power holders respect it faithfully. But if the power holders decide to twist the constitution to their desires and interpretations and the society fails to resist democratically and strenuously, then the constitution loses relevance and raison d’être.

Clearly, the constitution provides the necessary checks and balances needed in the political system of Somalia. The powers and responsibilities of the four equal branches of the government-Parliament, Presidency, council of Ministers and judiciary- are interlocked and interdependent. Each institution must remain within the limits of its jurisdiction.

The president is not a ceremonial leader. If the constitution guides, then the government works fine but if there is no respect for the rule of law, then chaos, corruption, abuse of power, and failures will be the norm. Articles 66 (4{a}), 64 (4), 85, 87 (1-a, b, c 2), article 90 (a-q), list the responsibilities and powers of the president who must consent all governmental activities through the application of the rule of the law. The mixed parliamentary and presidential political system is good for the Somali society on the condition that the Somali intellectuals, civil society activists, and politicians put together the best processes and practices for the implementation of the adopted system.

The defunct United Nations Political Office for Somalia (UNPOS) and former leaders of the Transitional Federal Government, particularly the minister for constitutional affairs, principal actors in the constitution making process, have let down the Somali people by not even proof reading the constitutional document. Nevertheless, with the exception of the deadlocked idea of clan based federalism entrusted to the parliament for review, study, debate and legislation, the provisional constitution provides reasonable guidelines on other important questions related to the definition of the republic of Somalia, the supremacy of the provisional constitution, the fundamental rights and duties of the citizens, representation of the people, the functioning of the federal parliament, the president, the executive branch, and the judiciary. The parliament responsible for enacting the laws necessary for the elimination of the blatant inconsistencies and contradictions in the constitution is in default and has to act quickly.

A caveat, one fundamental political flaw which contributes to the dysfunction of the parliament and the whole government is the disconnect between the composition of the federal parliament and the limited operational area, responsibility, and influence of the federal government. The people/territory under the vagaries of the federal government is shortchanged. A quick action is needed to protect the interests of these people.

Mohamud M Uluso
[email protected]

XOG: Khilaaf ayaa ka dashay maamulka cusub ee laga wado Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay inuu  jirro khilaaf ka taagan maamul cusub oo loo sameenaayo lix gobal oo ku yaalla Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan in ka badan 45-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxa ay u ololeenayaan siddii lagu dhisi lahaa maamulka cusub, balse isku fikir kama ahan.

Muxuu yahay khilaafka jirra?

Sida ay noo sheegeen dad war gal ah, wuxuu khilaafka ka taagan yahay dhismaha maamulka cusub iyo inta gobal ee uu noqonayo, waxaa jirra xildhibaanno badan oo ku dooddaya maamul cusub in lagu koobo uun seddax gobal.

Xildhibaannada dooddaas qaba waxaa  ka mid ah guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaanno kale oo ka soo jeeda Baay iyo Bakool.

Waxa ay lee yihiin maamulka cusub halagu ekeeyo uun Gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale, waxaa jirra xildhibaanno badan oo iyaguna ku dooddaya in maamulka cusub laga dhigo mid ay ku dhan yihiin lix gobal oo kala ah, Baay, Bakool, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo iyo Shabeellaha Hoose.

Xildhibaannada qorshana u ololeenaya waxaa ka mid Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Sheekh Aadan Madoobe” Maxamed Ibraahim Xaabsadeiyo Madoobe Nuunow MMaxamed oo soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa.

Dowladda maxay kala socotaa maamulkan?

Ilo xog ogaal ayaa noo sheegay in madaxweynaha iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ay dhawaan ku kuleem Villa Somalia, iyagoona ka arrinsaday sida loo kala badbaadin karo maamulka cusub iyo maamulka kumeel gaarka ee Jubba oo ay dowladda kal horre heshiis la gashay.

Xildhaab Shariif Xasan ayaa ballan qaaday in uu marka uu tago Baydhabo uu kala furfuri doono qorshaha lixda gobal ,wuxuuna tilaamay in seddax gobal uun lagu soo koobi doono.

Magaalada waxaa maanta gaaray wafdi siyaasiyiin iyo xildhibaano isugu jirra kuwaasoo ka qaybgalaya dhismaha maamulka cusub, waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade  iyo guddoomiyihii horre ee gobalka Baay Cabdifataax Geeseey.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay. waxaan la dajiyay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta Hotel Bakiin waxaana ilaalo u ah ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Maalmahan soo socda waxaa magaalada Baydhabo tegi doona guddoomiyaha golaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Jarmalka iyo Masar oo safiiro cusub u soo magaacabay Soomaaliya‏

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa manta ka aqbalay warqadaha aqoonsiga Ambassador Andreas Peschke oo noqonayo Safiirka cusub ee u qaabilsan dowladda Jarmalka dalka Soomaaliya, iyo  Ambassador Mahmoud M. Auf oo ah Safiirka u fadhin doono dowladda Masar dalka Soomaaliya.

Mar uu Madaxweynaha la hadlayay Safiirka Jarmalka ayuu u sheegay in Soomaaliya iyo Jarmalka uu ka dhexeeyay xiriir dheer oo wanaagsan. “ Soomaaliya waxey ka faa’ideysatay mashaariic ay dowladda Jarmalka ka her gelisay Soomaaliya.Jarmalka wuxuu taageraa tababarka ciidamadda  Soomaaliya ayaga oo usoo mariyo EUTM. Ciidamadda amnigana waxey helaan  tababar heer-sare ah.

“Waa la arkaa in uu amniga fiican yahay madaama uu ganacsiga kor u kacay. Mar dhaw waxaan jecel nahay in aan ku tartano suuqyadda Yurub anaga oo suuq geyn doono wax yaabo kala duwan oo ka mid yahay Muuska.”

Madaxweynaha ayaa markii u la kulmay Safiirka Masar wuxuu kala hadlay xiriirka taarikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal. “Labadeena dal waxey fursad u yeesheen in ay lahadaan xiriir dheer oo qarniyo so jiray. Dowladda Soomaaliya wey kusoo dhaweyneysaa waxaana daneynaaa in aan ka wada shaqeeyno xiriirka amniga iyo kan diblomaasiyeed.”

Ugu danbeyn, madaama aminga dalka Soomaalia u sii hagaagayo iyo Soomaaliya oo ku soo noqotay beesha caalamka,dalal badan ayaa bilaabay in ay xiriirkii ay  la lahaayeen Soomaaliya in ay  dib usoo celiyaan.

safiiro (1)safiiro (2)safiiro (3)safiiro (4)

 

Mulkiilaha Radio Shabelle “Caawa xor ayaan nahay markii aan bixinay lacag”

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa caawa xor ah oo dib u helay xoriyooda agaasimaha Idaacadda Shabeelle Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud iyo wariye Maxamed Bashiir Xaasho oo ka tirsan Shabeelle, kaddib markiiay xukuntay maxkamad.

Ilo xog ogaal ayaa u sheegay Shabakada Caasimada Online in la bixiyay lacagtii la sheegay in ay ku iibsan karaan xarigooda oo kala ahaa hal sanno iyo lix bilood.

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa maanta oo Isniin ah ku xukuntay Mulkiilaha Idaacadda Shabeelle lix bilood oo xarig, maadama Idaacadiisa ay baahisay warar lid ku ah amniga dalka.

Maxamed Bashiir ayaa lagu eedeeyay isna in uu wareystay gabar suxufiyad ah oo sheegtay in ay kufsadeen wariyaal u shaqeeya Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho.

Idaacadda Shabeelle oo dowladda ay xirtay bishii October ayaa hadda shaqeysa waxaana ay u soo guurtay dhismo kale markii ay ka soo guurtay dhismihii horre.

Idaacadda Shabeelle ka mid ah idaacadaha ugu afka dhexee Muqdisho, waxaana jirra dad badan oo jecel balse waxaa hubaal in ay baahiyaan warar khalkhal galin kara ammaanka dalka sida ay lee yihiin xeel dheerayaal saxaafad.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Milkiilaha Shabelle iyo weriyayaal lagu riday xukunno kala duwan + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow la soo gabagabeeyay dacwad maalmahan ka socotay maxkamadda gobalka Banaadir oo ku aadan gabar suxufiyad ah oo sheegtay in la kufsaday iyo wariyihii wareysta.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo maxkamadda ku sugan ayaa soo sheegay in goordhow la soo gabagabeeyay kiiskaa isla markaana uu go’aankii ugu dambeeyay ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.

Gudddoomiyaha maxkamadda ayaa sheegay ugu horreyn in agaasimaha Idaacadda Shabeelle lagu xukumay hal sanno oo xarig isla markaana uu iibsan karo.

Sidoo kale Xaashi wuxuu sheegay in gabadha suxufiyada ee sheegtay in la kufsaday lagu xukumay lix bilood oo xarig ah oo dibed joog ah.

Wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo ka soo muuqday muuqalka gabadha la warestay ayaa isna lagu xukumay lix bilood oo xarig waxaana la sheegay in uu iibsan karo.

Guddoomiyaha muusan sheegin lacagta lagu iibsan karo xarigga agaasimaha Idaacadda Shabeelle Cabdimaalin Yuusuf Maxamuud iyo Wariye Maxamed Bashiir Xaashi.

Si kastaba, waxaa maxkamada ka hadlay qareenada u doodda gabadha dhibanaha iyo wariye Maxamed Bashiir Xaashii oo wareytay gabadha suxufiyada ee lagu magacaabo Faadumo Cabduqaadir Xasan.

Qareenada ayaa sheegay in la kufsaday gabadha oo ay kufsadeen wariyaasha kala ah Cabdicasiir Maxamuud Guuleed “Afrika” iyo Jibriil Maxamed oo ah sawir qaade ka tirsan Radio Muqdisho.

Mid ka mid ah qareenada u dooddaya gabadha dhibanaha iyo wariyaha ayaa maxkamadda laga saaray.

Intaa kaddib waxaa goobta ka hadlay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Cabduqaadir Maxamed wuxuu maxkamadda ka sheegay in dhammaan kiisan uu yahay mid la soo dhoodhoobay oo lagu doonayo dane kale.

Wuxuu tilmaamay in gabadha la baaray oo lagu waayay wax kufsi sida uu goobta ka sheegay.

Intaa kaddib waxaa kaloo maxkamadda ay dhageysatay dacwad loo heesto mulkiilaha Idaacadda Shabelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, waxaana lagu soo eedeeyay in uu Idaacadda Shabeelle iyo idaacad oo lagu magacaabo SKY uu adeegsaday in lagu dumiyo qaranka iyo maslada shacabka Soomaaliya.

Cabdimaalik ayaa goobta ka sheegay in uusan waxna qorin Idaacadana uusan ka hadlin dhammaan wax yaabaha lagu soo eedeeyay ay yihiin kuwa looga gun lee yahay in lagu aamusiiyo Idaacadiisa.

Cabdicasiis Afrika oo isna lagu eedeeyay in uu kufsaday gabadha dhibanaha ayaa maxkamadda ka sheegay in kiiskaas dartiis uu ku burburay qoyskiisa sida uu hadalka u dhigay.

cabdimaalik-bashiir-cabdimaalik-bashiir-2xabsiwariyeyaalcabdimaalik-bashiir-5cabdimaalik-bashiir-7

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Gabar 19 jir ah oo arrin mucjiso ah ay heysato

Caasimada Online:  Delfina Cedenos oo ah gabar 19 jir u dhalatay Wadanka Domican Rebublic waxaa lagu arkay Arin qof walba uu ka naxay taa oo ah Mucjiso rabaani ah oo aad looga naxay.

Dhaqaatiir daweyn u raadinaya Gabadhani dhiban ee Delfina waxeey la dhibaateysan tahay 4 sano ee la soo dhaafay Calaamado Mucjiso ah oo aysan horay u qabin balse heystay 4 sano ee tagtay Aqristoow daawo kuna cibro qaado Mucjisadani Rabaaniga ah.

HALKAAN KA DAAWO: