29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Dhageyso: Cumar Faroole oo qiray in ay weerareen musharax Cabdi Daahir

0

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa caawa ka hadlay rasaas ay ilaalada madaxweyne Faroole ku fureen gaari uu la socday musharraxa Cabdidaahir Maxamed Yuusuf oo ka mid ah musharrixiinta u taagan doorashada Puntland.

Taliyaha ciidanka madaxtooyada Garoowe, Cumar Cabdilaahi Faroole, oo la hadlay BBC-da ayaa qiray in ay weerar ku qaadeen baabuur uu la socday musharraxa balse, wuxuu intaas ku daray in laga shakiyay markii si xawaara loogu ka xeeyay.

Wuxuu ku tilmaamay rasaasta lagu furay “mid saaxibtimo” sida uu hadalka u dhigay.

Taliyihii wuxuu beeniyay in wax khasaaro ah ah oo ka soo gaartay rasaastaas lagu furay musharrax in aysan jirin “Waana been buu yiri hadalka musharrax Cabdidaahir oo hal habo ayaan ku lagu furay, arrinta malaha siyaasad kale ayaa laga lee yahay”

Cabdidaahir oo isna la weydiiyay bal sida ay wax u dhaceen wuxuu sheegay in si kas ah loo weeraray baabuurka uu la socday waxaana sidaas yeelay ayuu yiri wiil uu adeer u yahay Faroole, wuxuuna tilmaamay in baabuurkiisa magaalada laga yaqaano oo madaxtooyada uu maalin dhaweyd markii ay la kulmeen Faroole uu la tagay.

Si kastaba, wuxuu sheegay in afar sarkaal oo ka tirsan Puntland in ay u yimaadeen kuwaasoo ka raali galiyay wixii dhacay, balse wuxuu ku celceliyay in la soo caddeeyo sababta gaarigiisa loo weeraray.

cumar_faroole_221213

Arrintan ayaa caawa waxaa kulan degdeg ah ka yeeshay musharrixiinta isku soo taagay xilka madaxweynaha Puntland, kuwaasoo ku shiray magaalada Garoowel.

Kulankooda waxa ay diirada ku saarayaan musharrixiinta dhacdadii maanta dhacday iyo khilaafka weli ka dhex taagan ayaga iyo madaxweyne Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

FAAH-FAAHIN:Heshiis la dhex dhigay Beelaha Habar-gidir iyo Biyamaal

0

Afgooye (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in lagu guuleestay in la kala qaado maleeshiyo beeleed dhawaan ku dagaalamay deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabellaha Hoose.

Wafdi ka socda dowladda oo isugu jira xildhibaanno, iyo odayaal ka soo kala jeeda beelaha Habar-gidir iyo Biyamaal oo uu hoggaaminaayay sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gaashandhigga, Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta gaaray deeganka lagu dagaalamay.

Waxaana goobta ay ku soo bandhigeen heshiis ka kooban shan qoddobo oo lagu soo saxiixay magaalada Muqdisho.

Maxay kala yihiin shanta qoddobo ee heshiiska ku qoran?

1-In la joojiyo colaadda

2- In la kala qaado maleeshiyaadka daagalamay, lagu badelo ciidamo millitari iyo AMISOM

3-In dib u heshiisiin loo sameeyo labada beel ee dagaalamay

4-In labada dhinac ee dagaalamay la kala geeyo deegannada Carbiska iyo Ceeljaale, lana joojiyo dhammaa isbaarooyinka yaalla gobalka gaar ahaan deegannada ay maamusho dowladda.

5- Iyo in guddigga labada dhinac ee saxiixay heshiiskan ay la socdaan dhaqan galida qoddobada shanta ah.
Haddii aan sii bayaanino, meelaha lala geenayo labada ciidan.

Ciidanka Habar-Gidir waxaa la geenayaa deeganka Carbiska oo udhow gobalka Shabeellaha Hoose, halkaasoo xero looga dhisayaa.

Ciidanka Biiyamaal waxaa geenayaa deeganka Janaale oo u dhow magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Siidii.

Maxaa kaloo cusub?

Guddoomiyaha Gobalka Shabellaha Hoose, ayaa war sir ah u sheegay VOA-da kaasoo ah in beesha Biiyamaal ay codsatay ciidamada Millitariga in lagu badalo nabad sugid iyo boolis laakin arrintaas waa laga diidday ayuu yiri.

Guddoomiyaha waxaa kaloo uu sheegay in deeganka Lambar 50 ay ka dhacday wax aad u fool xun, markii la gubay guryo badan.

“Tiro sax ma hayno laakin waxaa naloo sheegay ilaa 50 qof in ay dhinteen 70 kalena ay dhaawacmeen, waxaa kaloo jirta guryo badan oo la gubay, saakay markii aan tagnay deeganka waxaan aragnay guryo gubanaya” ayuu yiri Goddoomiye Siidii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Mid ka mid ah musharrixiinta PUNTLAD oo ka badbaad isku day dil oo uu soo abaabulay C/raxmaan Faroole

0

Garoowe (Caasimada Online) Cabdidaahir Maxamed Yuusuf,oo ka mid ah musharixiinta u taagan doorashada madaxtinimada maamulka Puntland ayaa sheegay goordhow in uu ka badbaaday isku dil oo laga soo abaabulaha xarunta madaxtooyada Garoowe sida uu yiri.

Isagoo la hadlaayay VOA-da ayuu sheegay baabuur uu la socday ay rasaaseeyeen ciidamo ka tirsan madaxtooyada Puntland “Waana naqaanaa ayuu yiri magacyadooda”

Wuxuu sheegay oo kale musharraxan in rasaas lagu furay baabuurkiisa ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah dadkii la socday.

Wuxuu sheegay oo kale baabuurkiisa in la joojiyay dabadeedna rasaas lala dhacay oo muraayadihii xittaa ay wax yeelo soo gaartay sida uu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in arrintan aysan waxbo u dhimmi doonin hankiisa ah in uu ka qaybgalo doorashada madaxtinimada maamulka Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha Janaayo sannadka dambe.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay wax yer uun markii musharrixiinta Puntland ay maanta ku kulmeen Garoowe iyagoona baaq u diray isimada si ay u soo dhex galaan khilaafka ka aloosan iyaga iyo madaxweynaha maamulka Puntland.

Dhawaan ayaa hey’adda xasaradaha adduunka ee ICG waxa ay sheegtay in doorashada Puntland haddii xal loo helin ay sababi karto in beelaha ay is hubeeyaan.

Maamulka Puntland kama hadlin hadalkan ka soo baxay musharrax Cabdi Daahir ee ku aadan weerarka lagu qaaday in laha soo abaabulaha xafiiska Faroole.

Caasimada Online

Xafiisak Wararka Garoowe

[email protected]

Maamulka G/Banaadir oo amaro culus ka soo saaray dhulalka la isku heesto

0

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah soo saaray awaamir culus oo ku aadan is qabqabsiga dhinaca dhulka oo ka taagan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir, Maxamed Yuusuf oo saxaafadda u akhriyay wareegto ka soo baxday xafiisak guddoomiyaha gobalka Banaadir, ayaa sheegay in ay soo bateen is qabqabsiga dhinaca dhulka magaalada maalmahan dambe.

Wuxuu sheegay in dadka iska leh goofaha oo ay ku caddaato in ay been sheegeen ama sharciyeesta labo jeer dhul aysan lahayn in la ganaaxi doono hal sanno oo xarig ah iyo 10,kun oo dollar.

Wuxuu kaloo sheegay afhayeenka maamulka gobalka Banaadir, in Joomitir lihii ama farsama yaqaankii dib u naqshaqeeya dhul la bixiyay 1980-kii ilaa 1990-kii in la ganaaxi doono muddo lix bilood oo xarig ah.

Afhayeenka ayaa amray waaxda dhul bixinta ee dowladda hoose in ay ku dhaqmaan awaamiirta ka baxday maanta xafiiska guddoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Axmed Nuur Tarsan.

Si kastaba, waxaa dad badan ay isweydiinayaan sharcigan waxaa lahaa maxkamadda gobalka Banaadir maxaa keenay in uu ku dhawaaqo maamulka gobalka.

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya is qabqabsiga dhinaca dhulka waana kiisaska ugu badan oo ay qabtaan maxkamaddaha dalka.

Ma cadda wax uu ka bedeli doono awaamiirtan ka soo baxday maamulka gobalka Babaanir is qabqabsiga dhinaca dhulka ee ka taagan caasimada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Degmo ku taalo Muqdisho oo sameysay arrin ku dayasho mudan

0

Caasimada Online:  Mid ka mid ah 17 Dgemo ee uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir ayaa la soo baxday bilic ka duwan tii lagu yaqaanay kadib howlo nadaafadeed iyo horumar xoogan ay ku talaabsatay Degmadaasi awgeed ay qaali u noqotay iibka guryaheeda.

Isma dhaheeysid Degmadaan ayaa ah Degmo aa horay u taqaanay ee nala daawo muuqaalkaan howlaha ka socda iyo qaabka ay isku badashay Degmadani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Weriye Kismaayo oo caawa xabsi jiifa

0

Kismaayo (Caasimada Online) Wariyaal ku sugan Kismaayo ayaa caawa Shabakadda Caasimada Online u sheegay wariye Aadan Maxemed Salaad “Aadan Kismaayo” inuu caawa ku jirro xabsi gacanta uu ku hayomaamulka Axmed Madoobe.

Wariyaha ayaa la sheegay galabta in laga soo xiray xaafad ku taalla magaalada Kismaayo, kaddib markii ciidamada maamulka KMG ah Jubba joojiyeen dabadeedna ay xasbiga u taxaabeen.

Wariye Aadan Kisamayo ayaa la shaqeeyay Taleefishanka dowladda Soomaaliya SNTV iyo Radio Kismaayo oo ay dowladda lee dahay.

Wariye Aadan Kismaayo ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo. Lama oga sababta ka dambeysa xariggiisa.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka KMG ah ee Kismaayo oo ku aadan xarigga wariyaha.

Ururka suxufiyiinta garabka Pakistan ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo wariyaha xiran.

Caasimada Oline

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daqaatiirtii ajnabiga ahaa oo maanta isaga baxay dalka Somalia + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Axad ka ambabaxay labo Takhtar oo u dhashay dalka Syria kuwaasoo la socday seddax takhtar kale oo Arbcadii horre lagu dilay deeganka KM15 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Labadan takhtar ayaa xaflad sagootin loo qabtay in aysan dalka ka dhoofin, waxaana ay sheegen in ay aad uga xun yihiin wixii qabsaday saaxibadood oo hal dad ay ka soo wada jeedaan.

Agaasimaha Isbitaalka Fiqi, Dr, Cabdiraxmaan Macalin Fiqi oo isbitaalkiisa ay ka shaqeenaayeen takhaatiirta reer Syria ee la xasuuqay ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dilka loo geestay, wuxuuna codsaday in dadkii dilay caddaalada la hor keeno.

laba

Wuxuu sheegay Soomaaliya in ay sharraf dhac ku tahay takhaatiir loo keenay in ay badbaadiyaan in ay laayaan lagana ordo.

Dr. Maahir oo ahaa takhtarkii ku dhaawmay weerarka lahgu laayay takhaatiirta arbbacaduiii horre ayaa dowladda ka codsaday in la hor keeno kuwii laayay saaxibadiis, wuxuuna sheegay in ay ka niyad jabeen Soomaaliya in ay ka howlgalaan sida uu yiri.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay arday ay wax bari jireen takhaatiirta la dilay iyo kuwa maanta daka isaga baxay, waxaana ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin dilka loo geestay seddaxda takhtar kuwaasoo ay ku tilmaameen in ay nafsadooda u hureen Soomaaliya.

Ardayda wax ka barta Jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho, oo wata Boorar ay ku sawiranyihiin takhaatiirtii la xasuuqay oo qaarkood Macalimiin ka ahaa Jaamacadaha Muqdisho, ayaa iyagana banaan bax ka dhigay garoonka diyaaradah Muqdish, waxaana in dhahooda laga arkaayay murago

Si kastaba, dhammaan tajhaatiirtii Syria ee dalka joogay ayaa isaga baxa, waxaana ay sheegeen in ay saameen ku yeelatay falkii lagu dilay seddax takhtar mid kalena lagu dhaawacay.

Meydka seddaxda takhtar ee lagu dilay Soomaaliya, ayaa maalintii Jimcaha la saaray diyaarad khaas ah oo geeneysa dalkooda hooyo.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha khatarta badan adduunka, waxaa ka howgalla maleeshiyaad cidna ka amar qaadan iyo kuwa xiriir la leh Al-Qaacida.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Maxaa maanta ka socda GAALKACYO?

0

Gaalkacyo-(Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in howgallo ballaaran oo ay sameenayaan ciidamada ammaanka ay ka socdaan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Dadka ku dhaqan Waqooyoga magaalada Gaalkacyo ayaa saakay ku waabariistay ciidamo fara badan oo magaalada lagu soo daadiyay.

Howgalka saakay ka socda magaalada Gaalkacyo ayaa ka dambeeyay weerar habeenkii xaley lagu qaaday bar control oo ay joogeen ciidamada maamulka Puntland.

Inta la ogyahay labo askari ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo loo adeegsaday bambo nooca gacanta laga tuuro.

Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha iyo maamulka waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Howgalka ayaa la sheegay in uusan wax saameen ah ku yeelan isku socodka dadka iyo gaadidka magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Sirta ansixinta R/W CABDI WELI iyo qiimahii kaga baxay Villa SOMALIA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay oo Axad ahayd fadhi uu ku yeeshay magaalada Muqdisho, wuxuu codka kalsoonida ku siiyay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Cabdiweli Sheekh Axmed.

Fadhigga oo ay ka soo qayb galeen 243-mudane, waxaa ra’iisul wasaaraha codka siiyay 238-mudane, labo ayaa diidday saddex kalena waa ay ka aamuseen.

Ansixinta Cabdi Weli, ayaa timid kadib dadaal xooggan oo isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay wadeen tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay.

Ka hor inta aan la ansixin Cabdi Weli, ayaa madaxweynaha iyo asagaba waxa ay la kulmeen dhammaan xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, oo codadkooda ay ku gateen lacag iyo balan qaadyo kale, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Qaar ka mid ah xildhibaanada, ayaa midkiiba waxaa la siiyey min 20 kun oo dollar, halka qaar kalena ay qaateen lacag intaas ka yar.

Sidoo kale, xildhibaanada qaar ayaa loo sameeyey ballanqaadyo shaqsiyeed sida in xil looga magacaabayo golaha wasiirada, halka kuwa kalena loo sheegay in beelahooda xil la siin doono.

Tani waxa ay imaneysaa ayada oo madaxweynaha Somalia uu horey 11 milyan oo dollar oo dowladda Qadar ay bixisay uu u adeegsaday xil ka qaadistii lagu sameeyey ra’iisul wasaarihii hore, Saacid.

Marka uu jiro khilaaaf madaxweyne iyo ra’iisul wasaare iyo xiliga ansixinta ra’iisul wasaare cusub, ayaa ah waqtiyada ay ugu jecel yihiin xildhibaanada, oo ay lacago badan ku dhuftaan, ayada oo waqtigaasna ay xildhibaanada ugu yeeraan “Xilliga isku-dhuuqa Baarlamanka”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Odayaasha Hawiye: Colaadda Somalia waxaa ugu wacan hal arrin oo ah…!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka Iyo Midnimada Beelaha Hawiye, ayaa ku tilmaamay nidaamka federaalka mid sii hurinaya colaadaha ka aloolsan Gobalada qaar ee dalka Soomaaliya.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo la hadlay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in nidaamka federaalka uu yahay mid sandule ah oo Soomaaliya dibada looga keenay.

Wuxuu sheegay in nidaamkaan uusan Soomaaliya xal u aheyn dana aysan ugu jirin sida uu warka udhigay siihurinta dhibaatada mooye marnaba Soomaaliya aysan ku dheefsan doonin.

Xaad ayaa ku nuux-nuuxsaday in dalalka shisheeye uu ka yimid nidaamkaan ay dhibaato badan kasoo mareen hirgelintiisa, sidaasi awgeedna Soomaaliya xilligan uusan ka dhaqangeli karin federaalka.

Talo ahaan ayuu sheegay inay wanaagsan tahay in gabi ahaanba Soomaaliya laga daayo nidaamkaan, laakiin wuxuu isweydiiyay in hadalkiisa Soomaaliya looga deyn karo nidaamkaan, maadaama Dastuurka dalka u yaalo uu ku qoran yahay nidaamka Federaalka ah.

Colaadaha ka taagan Gobalada qaar ee dalka ayuu ku qeexay salkooda hoose inay tahay nidaamka federaalka, maadaama qolo waliba ay doonayaan inay maamul federaal ah sameystaan, taasina ay keenayso si fudud in la isugu dhaco.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda waxa ay ku dadaasha dhaqangelinta nidaamka federaalka oo Dowladda Soomaaliya ay ku dhisan tahay, iyadoo Madaxda dalka xilliga ay hadlayaan ay ku cel-celiyaan in si wanaagsan loo dhaqangelinayo nidaamka federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa sababa in shahwada xawo laga waayo, sideese loo daaweeyaa?

0

“Azoospermia” waa xaaladda caafimaad ahaan loo yaqaanno markii la waayo wax unugyo xawo “Sperms” lagu arki waayo shahwada markii la tiranayo.

“Aspermia” waa xaaladda aysanba jirin wax unugyo sperm.

“Oligospermia” waa xaaladda ay yaryihiin unugyada shahwada laakiin ay jiraan.

Xaaladdaada waxaan dhihi karnaa “Azoospermia” anagoo ku dhisayna baaritaanka lagugu sameeyay, Waxayne xaaladdaan keentaa madhalaysnimo, badankeedne waa xaalad la daaweyn karo.

Xaaladdaan waxay ku dhacdaa 1% kaga dhacdaa ragga waxayna u dhigantaa 20% cudurrada keeno madhalaysnimada.

Sabab:

Xaaladda “Azoospermia” waxaa loo kala qeybiyaa 3 qeyb iyadoo loo fiirinayo waxa keeno:

1- Cillad ka horreyso xaniinyaha:

dhibaatadu waa xagga hormoonnada hawlgaliya xaniinyaha in ay soo saaraan unugyada shahwada, hormoonnadaas oo yaraan karo ama la weyn karo markaasne unugyadu ma samaysmayaan.

2- Cillada ka timaado xaniinyaha:

dhibaatadu waa xagga xaniinyaha oo jirrada oo baaba’a ama hawlgabaan, waa dhibaatada ugu badan ee keento cudurkaan.
Waxaa laga yaabaa in xaniinyaha ay maqanyihiin ama ay si aan caadi ahayn u samaysan yihiin oo qofku ku dhashay ama in cudur ku dhacay uu saan ka dhigay.

3- Cillad ka dambeyso xaniinyaha:

dhibaatadau waa meeshii ay soo mari lahaayeen unugyadii shahwada ayaa xiran laakiin waa la sameeyay oo hormoonno way jiraan, xaniinyahiina way shaqeynayaan.

Baaritaan:

Waxaa xaaladdaan la ogaadaa markii qofka la baaro isagoo ka cabanayo madhalaysnimo iyadoo shahwada la falaanqeeyo.
Laakiin tan kaliya waxba ma tarayso haddii bukaanka aan warbixin buuxdo laga qaadin lana wiisiteyn maxaa yeelay waxaa loo baahanyahay waxyaabo badan oo lagu ogaanayo waxa keenay cilladaan.

Waxyaabaha la rabo in takhtarku ogaado waxaa ka mid ah:

1- In horray qalliin u soo maray bukaanka (qalliin kaadimareenka, kaadiheysta, xaniinyaha, qnajirka borostaytka)
2- Warbixin ku saabsan xagga galmada sida kacsiga, himada, biyo baxa iyo wixii la xiriiro.
3- In horay uu u qaatay daawooyin ama wax kiimiko ah uu la kulmay maadaama ay keeni karaan dhibaatadaan.
4- Heerka hormoonnada LH, FSH, iyo TESTOSTERONE la ogaado in ay caadi yihiin.
5- In baaritaan buuxa lagu sameeyo xaniinyaha iyadoo laga fiirinayo waxyaabo badan.

Daaweyn:

Cilladu haddii ay tahay mid ka baxsan xaniinyaha oo ah midda 1-aad iyo 3-aad waa la xallin karaa badanaa laakiin midda ka dhalata xaniinyaha badanaa way raagtaa.

Daawaduna waxay ku xirantahay haddii hormoonnada ay yaryihiin ama ay maqanyihiin in badalkooda lagu siiyo haddii ay shahwadu xannibantahayne in marin loo sameeyo oo qalliin laguug sameeyo.

Talo:
La xiriir takhtar “Urologist” isagaa kaa caawin doono arrintaan baaritaannada aad u baahantahayne kuu diri doono inshallah.

 

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.

SomaliDoc.com

Loolanka awoodda dalka SOOMAALIYA

0

Midnimadu waa Xoog iyo Xornimo

Soomaaliya hoggaankeeda waxaa ku loolamaya rag leh qayb ama dhammaan sifahan hoos ku qoran:

  • Xil doon
  • Xoolo doon
  • Xil iyo Xoolo doon
  • Xil iyo Xal doon
  • Xal doon

Raggaas kor ku xusan waxay xubin ka yihiin kuwa hoos ku qoran:

  • Dagaal oogayaasha
  • Diin oogayaasha
  • Daba-dhilifyada
  • Saraakishii askartii dowladihii hore ee Soomaliya
  • Qab-qablayaasha qabaa’ilka
  • Agaasimayaasha Ururada maxalliga ama caalamiga ah
  • Hoggamiya dhaqameedyo gacan-rimis ah oo aan aheyn kuwa umadda matala
  • Culumo kala madhab duwan
  • Ganacsatada
  • Madaxweynayaasha goballada maamullada sameystey

Raggaas waxaa taageera oo ay ku tiirsan yihiin Hay’adaha ama dowladaha hoos ku xardhan:

  • Itoobiya
  • Soomaalida qarankooda jecel
  • Qabaa’ilka
  • Kenya
  • Djibuti
  • Eritirea
  • USA
  • EU
  • UN iyo hay’adaheeda kala duwan
  • Ururada Bulshada
  • Ganacsatada ku naaxdey xaaraanta
  • Soomaalida qurbaha
  • Shacabka Soomaaliyeed
  • Dowladaha Carabta qaarkood 

Caqabadaha ku hor-gudban dhismaha Qaran Soomaaliyeed:

  • Qabyaaladda iyo Qab-qablayaasha qabaa’ilka
  • Dagaal oogayaasha
  • Qaar ka mid ah Soomaalida Qurbaha
  • Itoobiya
  • USA
  • Dhaqanka Sad bursiga ee camimey carrigeenna Soomaaliya
  • Ganacsatada hubka, raashinka iyo daawooyinka dhacay, iyo Qaadka
  • Dhaqaala la’aan iyo shaqo la’aan baahsan oo haysato dhallinta iyo inta muruqmaalka ah
  • Wadaaddo seef la bood ah oo judbeysan
  • Wadaaddo kale oo ka baqaya kuwa judbeysan
  • Siyaasiyiin, saraakiil, qurba joog baagamuundo ah oo Xil iyo Xoolo doonnimo isku darsadey
  • Dhallinyaro iyo waayeel qaba cudurrada dhimirka
  • Arab League
  • EU
  • UN
  • Ururo u dhismey in ay dhuuqaan kuwa UN-ka ee gargaarka keena
  • Kenya
  • UNDP iyo dhammaan kuwa ay taageeraan
  • Musuqmaasuqa
  • Xaalufka dhirta iyo dhulka
  • IGAD
  • Habka barbaarinta ubadka
  • Habka dhaqan, bulsho iyo dhaqaale 

Dhismaha Qaran Soomaaliyeed 

Qaranka Soomaaliyeed dib-u-dhiskiisu wuxuu u baahan yahay in la helo tiirarkan hoos ku qoran: 

  • Madaxbannaani dhab ah
  • Hoggaamiyayaal iyo Kooxo xal doon ah ama ugu yaraan xil iyo xal doon ah oo ay umaddu soo dooratey.
  • Nabad
  • Caddaalad
  • Mucaarad daacad ah
  • Bulshada oo wacyigeeda kor u qaaddo
  • Sharci iyo xeer
  • Gole umaddu soo dooratey
  • Saxaafad wax-garad ah oo hufan
  • Xorriyadda hadalka
  • Akhlaaqda Islaamka
  • Jidad laami ah oo dalka isku xira
  • Boosto iyo is-gaarsiin isku xiran
  • Howl wadeenno ka madax bannaan siyaasadda
  • Axsaab siyaasadeed oo xal doon ah
  • Culumo aqoon iyo iimaan leh
  • Hoggaamiyo dhaqameedyo iimaan leh oo aqoon u leh xeerka ummadda

Si loo helo oo loo howl-galiyo tiirarkan kor ku xusan waxaa loo baahan yahay in la sameeyo dhammaan qodobadda soo socdo:

  • Waa in la joojiyo dhammaan colaadda kooxaha iyo qabaa’ilka ka dhexeysa. Waa in la joojiyo dhaqanka xun ee gacan ka hadalka. Koox iyo shaqsi walba oo daneynaya in uu talada waddanka qabto waa in uu ka soo dhalaalo/laan in uu yahay ama yihiin Xal doonayaal. 

Waxaa la is weydiin karaa, yaa billaabaya xabbad joojintaan, mar haddii aynu ku jirno xaalka aynu haatan ku jirno? Jawaabtu waxay tahay, inkastoo haatan ay aad u badan yihiin kuwa ku sifoobey Xil iyo xoolo doonnimo ayaa haddana waxaa jira in yar oo Xal doon ah. Marka intaas yaree xal doonka ah ayaa laga rabaa in ay iyagu billaabaan dhaqanka wanaagsan ee ah in la ixtiraamo ruuxa kugu diinta, dhaqanka, afka iyo waddanka ah haba kaa fikrad duwanaadee.

Waan in shaqsi kasta oo Soomaali ah uu isagu iskiis u garto in uusan u hiillin dhaqanka gacan ka hadalka ah. Waana in shaqsi walba oo Soomaali ah si ikhlaas kujiro isu weydiiyo kaalinta uu ku leeyahay in laga gudbo dhaqanka kala shakiga, kala cabsiga, isxaasidka, isquursiga, iyo sadbursidka oo dhammaan ah waxyaabo ku dhex milman Habka dhaqan, bulsho iyo dhaqaale ee Soomaaliya.

  • Hoggaanka halgamayaasha ee hadda jiraa waa in ay billaabaan in tuulo, degmo, iyo gobal kastaa billaabaan dhismaha bulsho wacyi leh. Dhismaha bulshada waa in lagu saleeyo wada hadal, isu-caqli celin, wada tashi iyo is-maqal. Dhismaha wacyiga bulshada waa in laga qayb galiyo dhammaan qaybaha bulshada sida: dhallinyarada, haweenka, carruurta dugsiyada (quraan iyo kuwa kaleba), macallimiinta quraanka iyo kuwa kaleba, odayaasha dhaqanka, ragga xil, xal, xoolo doonka ah dhammaan, culimada diin ogayaasha iyo kuwa kaleba, qaad walayaasha, ganacsatada, waran layaasha IWM. 
  • Dhismaha wacyiga bulshadu wuxuu u baahan yahay in tuulo, degmo iyo gobalba laga abaabulo Kulanno lagu lafa guro dhammaan caqabadaha hor taagan in la dhiso qaranka Soomaaliyeed. Kullannadan waa in lagu gorfeeyo sifaha Hoggaanka toosan ee xal doonka ah. Shirarkan waa in lagu falanqeeyo arrimaha la xiriiro taageerayaasha kuwa hoggaanka doonaya sida waddamada aynu kor ku soo sheegney oo waa in la isweydiiyo danaha ay waddamadaas iyo ururadaas naga leeyihiin iyo sidii loo caddeyn lahaa waxa danta ummadda soomaaliyeed ay tahay. 

Marka kullanadan la qabanayo waa in lala kaashadaa amaba ay daadihiyaan aqoon yahannada Soomaaliyeed ee xal doonka ah. Amuuraha looga hadlayo fadhiyadan waxaa ka mid noqon kara kuwan hoos ku dhigan oo ay habboon tahay sida ay u kala horreeyaan in loo kala hor mariyo:

b. Nabadda iyo  wada noolaashaha

t. Maamulka iyo caddaaladda

j. Xeerarka iyo sharciga sida nidaamka xulashada hoggaanka bulshada

x.  Xuquuqda shaqsiga iyo xorriyadda hadalka

kh. Xiriirka iyo isgaarsiinta bulshada oo ay ugu horreyso dhismaha jidad isku xira tuulooyinka, degmooyinka iyo gobballada.

d. Dhaqaalaha iyo isku tiirsanaanta

r. Waxbarashada iyo barbaarinta carruurta

s. Caafimaadka dadka iyo xoolaha

sh. Dhisida howl wadeenno siyaasadda ka madax bannaan oo aqoon, karti, hufnaan, ammaano iyo daacadnimo isku darsadey

dh. Joogteynta kulunnadaan bulsha dhiska oo yeelanayo guddiyo had iyo jeer ka baaran dego oo ka tala bixiyo dhammaan arrimaha ku xusan B. ilaa Sh.

  • In tuulo, degmo, iyo gobal kasta laga soo xulo Hoggaamiyayaal in-dheer garad ah, daacad ah, akhlaaqda islaamka leh oo Xal doon ah. Hoggaamiyayaashani waa in ay yihiin kuwa aan xil iyo xoolo toonna u bukin. 

Hoggaamiyayaashaani waa in ay yihiin diricyo aad u jecel madax bannaanida ummadda Soomaaliyeed, xirfad, karti iyo aqoonna u leh sida loola tacaalo waddamada duullaanka ku ah madaxbannaanida ummadda Soomaaliyeed.

  • Mar kasta oo hoggaan la doorto laga soo billaabo tuulada ilaa gobalka waxaa ay tahay in la garowsado in ay jirayaan dad mucaarad ku ah hoggaankaas. Kuwaas mucaaradka noqda ha ahaadeen Xil doon, Xoolo doon ama Xil iyo Xoolo doon, ha ahaadeen kuwo iibsanaya madax bannaanida ummadda Soomaaliyeede waxaa waajib ah in Booskooda la ixtiraamo oo loo furo albaab ay fikradahooda mucaaridnimo kala soo galaan. Iyaguna waa in ay ixtiraamaan oo daacad u ahaadaan hoggaanka ay bulshadu xulatey. Kaliya mucaaradkan shaqadiisu waa in ay ahaato in ay saxaan wixii hoggaanka la xushey uu xumeynayo. Marna waa in aan mucaaradka laga yeelin in ay dumiyaan dhisidda bulshada iyo tiirarkeeda aan kor ku xusney. 

Mucaaradkani wuxuu xaq u leeyahay xorriyadda hadalka waana in la dhegeysto oo wax laga qabto dhibaatooyinka ay tabanayaan haddii xil doon ay tahay ama xoolo doon amaba xal doon.

In mucaaradku daacad noqdo iyagana fursadda la siiyo waxay daawo u tahay dagaalka sokeeye ee na halakeeyey. Sida hadda dhacda waxaa weeye in mar kasta oo wax la dhisayaba laga dhigo hal koox oo isku fikir ah wixii fikirkaas ka horyimaadana la tuuro. Ha la ogaado ummadda oo dhan ilaahey ma simin isku fikirna kulligood hal mar ma noqon karaan oo ilaahay bini-aadamka wuxuu ka dhigey sida faraha oo kale.

  • Waxaa la yiri “hadal haan ma buuxsho.” Maah maah kale ayaa waxay aheyd “meel hoo u baahan hadal wax kama taro.” Dadka Soomaaliyeed maanta waxay u baahan yihiin hoggaan si dhab ah oo la taaban karo oo “practical” ah wax uga qabta in ay ummaddu is-barato, is-jeclaato, is-booqato, is-kaashato, dhaqaalaha iyo dhaqanka is-weydaarsato.

Hoggaanka halgamayaasha iyo midka ay ummaddu soo xulato ayaa laga rabaa in ay si deg deg ah u hirgaliyaan laba waxyaabood oo wax ka tari karo arrimaha aynu ku xusney qodobkan lixaad:

B. Boosto iyo is-gaarsiin isku xiran laga soo billaabo tuulo ilaa caasimadda.

T. Jidad laami ah oo isku xiro dhammaan degmooyinka iyo goballada Soomaaliya.

Waxaan anigu aaminsanahay in isgaarsiintani ay tahay saldhigga nabadda iyo wada noolaashaha Soomaaliya. Dhisidda waddooyinka, boostada iyo is-gaarsiintu waxay markiiba si waaqici ah wax uga qaban karaan kobaca dhaqaalaha, is-dhexgalka ummadda, Is-barashada dadka, is-booqashada dadka, is-kaashiga, is-taageeridda, isu-soo-dhawaanshaha iyo is-afgaradka ummadda guud ahaan. Waxaa aad u sahlaananeyso in dadku iska warhayaan oo BBC aynan warka u kala qaadin ama dagaal oogayaashu ugu kala sheekeeyn.

Dhismaha jidadku waa in ay ka billaabato degmo kasta. Degmo kasta waa in ay yeelato Guddi u raadiya dhaqaale lagu dhiso jidadka degmadaas iyo tuulooyinkeeda. Guddiyada degmooyinkana waxay ku midoobayaan hal Guddi Qaran oo isku xira howsha dhammaan guddiyada degmooyinka. Guddiyadan iyo Guddiga guudba waa in ay ka madaxbannaanaadaan siyaasadda. Siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaashuna waa in ay gacan siiyaan guddiyadan.

Qormadeyda waxaan ku soo gaba-gabeynayaa walaalayaal “Midnimadu waa Xoog iyo Xornimo.” Mahadsanidiin.

W/Q: Wali Farah

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Madaxweynaha Jabuuti & RW Spain oo ka hadlay arrimaha Somalia

0

Djabuti (Caasimada Online) Magaalada Jabtii waxaa maanta oo Axad ah gaaray ra’iisal wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy waxaana uu booqday saldhigga ciidamada badda Spain kuwaasoo qayb ah howgalka Midowga Yurub ee la dagaalamaya burcad-badeeda Soomaalida.

Ra’iisal wasaaraha Spain, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda Jabuuti oo uu hor kacayay madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle iyo raysal wasaaraha Spain ayaa kulan qaatay, waxaana ay ka hadleen arrimo badan oo ay ku jirto xaaladda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Spain ayaa madaxweynaha Jabuuti ku ammaanay doorka uu ka qaatay horrumarka iyo nabadeenta dalka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa sidoo kale ballan qaaday in Jabuuti ay ka gacan siin doonaan siddii biyaha loo sifeen lahaa iyadoo loo adeegsanaayo qaab casri ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa intaas kaddib wuxuu booqday saldhigga ay deggan yihiin ciidamada Spain ee ka tirsan howgalka Midowga Yuurub ee ka dhanka ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Spain ayaa ka mid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan dalka Jabuuti kuwaasoo ka qayb qaadanaya dagaalka lagula jirro burcad badeeda Soomaalida.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Djabuti

[email protected]

TAAS UNBAAN KAA KARI LA’AHAY‏ !!!

0

Marka hore aan u mahad celiyo Allaah SW oo adoomihiisa galad aan la soo koobi karin ku mannaystay marwalbana mudan in laga mahad sheegto laguna shukriyo, marka xiga aan nabdaadiyo ama salaamo guud ahaan umaad Soomaaliyeed gaar ahaan inta dareen wadaaga ila ah oo shacabka Ogaadeenya ee halgamaaga ah ay ugu horeeyaan.

Waxay ilatahay in uusan ruuxna garan waayaynin waxa ay qormadani ka turjumayso kolba hadaan xusay shacabka Ogaadeenya iyo halgankoodana waxaa halkaas laga garanayaa in aan ahay shaqsi ujeedo fog leh.

Aan u daadago qormada iyo nuxurka xikmada Cinwaanka oo ah eray aan soo xigtay maskaxdaydana marwalba ka shanqadha, siideedaba Soomaalidu waxay wax ku cabirtaa ama tusaale u soo qaadataa dhacdooyin, xikmado, maahmaahyo iyo qaybo badan oo suuganta ka mid ah oo dhamaantood shayga markaas laga hadlayo sees looga dhigo.

Erayga Taas unbaan kaa kari la’ahay waa eray muujinaya shay labada qof ee wada hadlayay ay isla qireen in uusan wanaagsanayn wuxuuna gunaanad u ahaa sheeko dhex martay 2 nin oo saaxiibo mudo ahaa aniga laftaydana aanu xiliyo asxaab ahayn, 2 nin oo aan nolol kaga warqabo islamarkaasna aan u badinayo in uu qoraalkani gaadhi doono ayay sheeko dhex martay waxaana sheekadaas aniga ila wadaagay 2 nin midkood.

Sida uu ninkaasu ii sheegay waxay isku qabteen arrin ay mudo isku aragti ka ahaayeen balse goor dhexe ay ku kala duwanaadeen 2 nin midkood ayaa badalay shaygaas fikirkii uu horay uga aaminsanaa balse mudo kooban kadib ayuu ogaaday in uu jid khaldan qaaday.

Mudo kadib ninkii 2aad ayaa arrintii ay saaxiibkii ku kala fikrad duwanaadeen isna badalay wuxuuna qaaday wadadii saaxiibkii ee qodxaha badnayd, ninkii markii hore wadadaas ku khasaaray ayaa damcay in uu saaxiibkii u digo una sheego meesha uu u ambabaxay in uusan mahadin doonin.

Ninkii waayo arkay wuxuu saaxiibkii waano uga dhigay war ninyoho talo iga qaado oo meeshaas ka joog ninkii la waaninayay ayaa soo booday oo yidhi waryaa ma anaad I waaninaysaa adoo waxaan ogaa sameeyay oo hawshii aynu mudada dheer soo wada tircinaynay meeshaan ogaa kaga dhaqaaqay hadaad ogatay waxa ku sugaya ma aadan i waaniiseene maxkamada adiga ku sugaysa ayaad ka walwali lahayd.

Ninkii horay u khaldamy ee saxiibkiisa ka daba khaldamay waani is yidhi waa loo goodiyay waxaana loo sheegay in uusan warba haynin, arrini kolkay halkaas maraysay ayuu ninkii la soo booday eraygan walaaloow ma wax xun ayaan sameeyay, haa ayuu kii kale ugu jawaab celiyay hadaba taas unbaan ka kari la’ahay ayuu yidhi.

Ma hubo in uu ninkii la waaninayay hadalkaas ku qancay balse waxaan ka qaadanaynaa kolka uu ruux arrin wajaho in uu waayo aragnimo ka dhaxlayo islamarkaasna uu halgan u galo in uu cidkasta uga digo kharataha uu soo jiidhay, waxaa xiiso gooni ah eraygan ii siiyay wuxuu muujinayaa 2 ruux oo ay dan adagi ka dhaxayso balse waayuhu ay marar kala kaxaynayaan si kastoo ay wax u dhacaana isku dan ah.

Gogol dhiga iyo sharaxaada Cinwaanka qormadayda hadaan halkaas ku joojino nuxurkana aan u daadagno waxaa Ogaadeenya ka socad halgan soo jireen ah oo u dhexeeya gumaysiga Itoobiya ee macangaga ah iyo shacabak Ogaadeenya ee gumaysi diidka ah gobaminadana wax walba u huraya, shacbka Ogaadeenya iyo halganka ay ku jiraan waxaa ku xeeran duruufo aad u faro badan oo saamayn balaadhan ku leh.

Waxyaabaha shaacbak Ogaadeenya ee halagmaaga ah aad u saameeyay waxaa ka mid ah burburka dawladii dhexe ee Soomaaliya ku yimid, in kasta oo ay shacabka Ogaadeenya waligood halgan adag gumaysiga Abasiiniya kula soo jireen hadana halgankaasu wuu dabo dheeraaday sidoo kale dhawrkii sanoba mar ayuu daciifi jiray.

Laga soo bilaabo dhalashadii ama aas-aaskii ONLF shacabak Ogaadeenya wuxuu wajahay halgan dhamays tiran oo taageero mooyee wax kale aan u baahnayn wuxuu kolba marxalad qalafsan soo maraba waxaa la soo gaadhay xili ay barbar dhac noqdaan ONLF oo aan cid bani aadam ahi u mano sheeganaynin iyo Itoobiya oo dalalka Geeska Afrika in ay ugu kurkur roontahay isu aragta isla markaasna caalamka taageerobadan ka hesha.

Mudo hadii uu halganka Ogaadeenya siisocady waxaa lagu sii durkay dhinaca guusha iyo xaqiiqada waxaana cadaatay waxay ay Itoobiya tahay iyo waxa lamoodayo kala duwanaanshahooda, waxaa wiiqmay qabkii beenta ahaa ee gumaysiga Itoobiya uu kolba qar iskaga tuuri jiray balse arrinta layaabka leh waxay noqotay umadii Soomaaliyeed ee xorta ahayd ayaa u baratamaysa u dhawaansahaha gumaysiga sababta ay sidaasi u dhacayso aragtidaan ka qabo qormooyin kale ayaan kaga hadli doona haduu rabbi idmo.

Akhristoow ujeedadii aan u cinwaanka sare u soo qaatay eegga ayay inala gudboontahaye Magaalada Jigjiga todoibaadkii hore lagu qabtay shir loogu yeedhayay xuska maalinta qoomiyadaha Itoobiya waxaana ka qayb galay madax iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed waxaana daafaha caalmka ka daawanayay guuda haan shacabka Soomaaliyeed oo badankood aan Itoobiya waxay tahay si dhab ah u aqoonin waxaana si aad ah loola yaabay farqiga weyn ee u dhexeeya dadyawga Itoobiyaanka lagu tilmaamay iyo shacabka Ogaadenya.

Shirka oo magaciisu ahaa xuska qoomiyadaha waxaa lagu soo bandhigay waxyaalo badan oo muujinaya dhaqamada,luuqadaha iyo wax kasta oo nolosha dadkaas laxidhiidha, dadka Itoobiyaanka la yidhaahdo waxay Jigjiga u soo safriyeen dadkooda kuwii ka dhex muuqday iyo dhaqankoodii oo ay intii haljileedka ahayd ka soo meehaaheen.

Dadka Soomaaliyeed oo saan sheegay Itoobiya askari tuute qaba uun u yaqaanay waxay layaabeen foolxumada dhaqanka, labiska iyo muuqaalka dadyawga la sheegay in ay matalayeen qoomiyadaha Itoobiya.Dad badan oo bulshadaSoomalaiyeed qaybaheeda kala duwan ah ayaa Jigjiga u tagay shirkaas daawashadiisa qaar badana waxay kala socdeen shaashadaha la iska arko waxayna aad ula yaabeeen Itoobiyadu nooca ay tahay iyo sidii ay u malayn jireen.

Haddaba Soomaaliyeey muqaalka dadka Itoobiyaanka lagu sheegayo wa kaas aynu Jigjiga ku aragnay oo waxba aysan ka damabynin cuntada ugu wanaagsan ee Itoobiya laga cuno-na waa canjeero maalinta laqaso oo aan la dubin oo aad loo qamiiriyay waxaana canjeeradaas lagu cunaa basbaas aad u kulul oo laab-jeex iyo gaastari (Gastaric) laga qaado dhaqan ahaan iyo diintana aad ayaynu ugu kala duwanahay waxaa intaas dheer wali wexeenii un bay inagula murmaysaaye wax aynu wada lahayn isku mahaysano taas unbaanan kaa kari la’ahay oo loo kaladhuumanayaa.

La socoqaybaha dambe
W/Q Roda Ibrahim (Afjano)
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online.

Ayada oo canug yar ah ayaa kabo la eg loo waayey (Sheeko cajiib badan)

0

Beijing (Caasimada Online) – Wargeys ka soo baxa dalka Shiinaha ayaa daabacay warbixin ku saabsan in gabar yar oo dalkaasi ku nool loo waayay kabo.

Waa gabar yaroo saddax jir ah, nasiib daro waxaa cagaha uga dhacay cudur dhakhaatiirtii u waayeen dawo, cagihina ka dhigay kuwo qaab daran oo aanay kabihii gali Karin, sida lagu sheegay warbixinta.

Gabadha oo lagu magaacabo YUYU waxay ku nooshahay magaalada CHIEN ee shiinaha, waalidkeed ayaa aad uga wel welsan cagacadaanteeda oo laga yaabo inay ku dhaliso cuqdad nafsi maadaama asaageed kabo ilan yihiin.

Wargeyska wuxuu sheegay in gabadhani sideeda kale ay tahay mid aad u faraxsan, isla markaasina bashaash ah.

Caasimada Online
Xafiiska Beijing
[email protected]

Ganacsade kale oo Soomaali ah oo si xun loogu dhaawacay K/Afrika

0

Johannesburg (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaas lagu dhaawacay ganacsade Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee Koofur Afrika Cabdiraxmaan Raabi ayaa u sheegay Shabakabadda Caasimada Online in magaalada Johansberg lagu dhaawacay ganacsade lagu magacaabo Cali Mirre.

Cali ayaa la sheegay in ay toogteen burcad hubeysan kuwaasoo labo xabadood kaga dhuftay madaxa xilli uu ku sugnaa dukaankiisa oo ku yaalla tuulo duleedka kaga beegan magaalada Johannesburg, sidaas waxaa noo sheegay Cabdiraxmaan Raabi.

Ganacsadahan ayaa dhaawiciisa loo qaaday Isbitaal ku yaalla magaalada, oo hadda lagu daweynaayo, mana jirto cid loo qabtay dhaawiciisa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo la soo wariyo ganacsade lagu dhaawacay dalka Koonfur Afrika, waana taxano weerar ah oo lagu hayo Soomaalida ku ganacsada dalkaas.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, waxaana ay u badan ganacsade, kuwaasoo goobo ganacsi ku leh goobo ka fog magaalooyinka, halkaas ayaana lagu ugaarsadaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Daawo Video: Maxaa MUQDISHO laga hadal hayaa oo dadka cajibiyey?

0

Gabar lagu magacaabo Ayaan Maxamed Muuse oo ah Gaba rqaadatay Go’aan geesinimo ah oo aad looga hadal hayo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Gabadhani go’aanka ay qaadatay waxuu quseeyaa Nolosheeda waxeeyna haatan tahay qofka ooga hadal hayo Magaalada Muqdisho Daawo ee gabadhani ku caawi waxii aad awoodo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Maxaa caawa ka socda xafiiska RW cusub ee Somalia? (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in raysal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed uu si rasmi ah ugu wareegay maanta xafiiska raysal wasaaraha.

Waxaana la sheegay in uu halkaa baneeyay raysal wasaarihii horre Cabdi Faarax Saacid Shirdoon.

Ra’iisal wasaarihii horre ayaa maanta inta uusan ka bixin xafiiska wuxuu qabtay xaflad sagootin ah, oo uu la qaatay shaqalihii la soo shaqeeyya mudadda sannadka ee uu joogay xafiiska.

Ra’iisal wasaaraha cusub ayaa caawa ku hoyanaya xafiiska kaddib markii maanta uu helay codka kalsoonida baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, raysal wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa haatan looga fadhiyaa inuu soo magacaabo gole cusub oo wasiirro ah, kaas oo isna la hor gayn doono baarlamaanka si loo meel-mariyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

QM oo war kasoo saartay wixii maanta ka dhacay xarunta BF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay go’aanka baarlamaanka Soomaaliya uu maanta codka kalsoonida ku siiyay ra’iisal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia, danjire Nicholas Kay, ayaa loogu hambalyeeyay ra’iisal wasaaraha cusub.

Kay ayaa yiri “Waxaan u hambalyeynayaa ra’iisal wasaaraha dalka Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed waxa uu la wareegayaa xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya oo qaadaya talaabooyin 2014ka oo ah dhanka horumarka, nabadda iyo barwaaqada, Xafiska Qaramada Midoobay ee UNSOM waxa uu wadi doonaa in uu taageero dowlada Federaalka ah, waxaana uu ka taageeri doonaa dhanka nabadda iyo dadaallada lagu dhisayo dowladda” ayuu Mr kay hadalkiisa raaciyay.

Mr. Kay ayaa ku ammaanay Raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” in uu ka dhabeeyay balanqaadyadiisa ku aadanaa dhanka dastuurka Federaalka ah iyo habdhaqanka wanaagsan ee uu Mas’uuliyadda ugu wareejinayo ninka isaga badalaya.

“Waan fdareenayaa in R/wasaare Cabdiweli uu sameyn doono latashiyo wanaagsan si uu u soo dhiso Golahiisa Wasiirada cusub, iyadoo ujeeddadu ay tahay in la dhiso dowlad balaaran oo loo dhanyahay, awoodna u leh in ay hirgeliso sharciga, dowlad wanaagga iyo adeegyada bulshada” ayuu Kay markale hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn Mr.Kay ayaa ku booriyay xildhibaannada baarlamaanka iyo madaxweynaha in ay sii wadaan ka shaqeynta wada jirka ah, iyadoo ixtiraam buuxda la siinayo dastuurka Federaalka ah, waxaana uu ammaanay dowrka mas’uuliyadeed ee ay ka cayaareen baarlamaanka Soomaaliya xiligan muhiimka u ah taariikhda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Ku dhawaad 100 qof oo Somali ah ayaa ku go’doonsan xero K/Sudan ku taalla

0

Juba (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaas ay ku go’doonsan yihiin 90-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ku jira xero ay lee dahay QM, kaddib markii la dhacay wixii hanti ah oo ay lahaayeen.

Dadkan Soomaalida ayaa ka mid ah kumannaan qof oo u ciirsi raadsaday goobaha ay ciidanka Qaramada Midoobay ku sugan yihiin, kaddib markii dagaallo ay ka dhaceen xarunta gobalka Jogalii ee Bor.

Ganacsade Saleemaan Xaaji Cabdulaahi, ayaa BBC-da u sheegay in ay ku xareesan yihiin xero qoxooti kaddib markii la dhacay wiixii hanti ah oo ay lahaayeen, wuxuu kaloo sheegay in gaajo ay ku heyso goobta ay ku sugan yihiin oo ay ka cabsi qabaan nafsadooda.

“Cunto iyo biyo ma heesano,cid wax nasiineysa ma jirto, saakay labo diyaarad ayaa halkan timid iyagana waa la weeraray, annaga wixii hanti ah oo aan lahayn waa la dhacay” ayuu yiri Saleemaan.

Waxa la weydiiyay in ay xiriir la sameeyeen safaarada Soomaalida ee Juba, wuxuu sheegay in safiirka loo sheegay in uusan joogin cid ka warqabta aysan jirin, isagoona ku cataabay diyaarad in loo soo kireeyo si ay meesha uga soo badbaadaan.

“Diyaarad xittaa hanaloo soo kireeyo annaga ayaa la baxeena lacagta, meeshan waxaan ku dhibaateesanahay, cuduro ayaa ka dilaacay” ayuu yiri markale ganacsadaha Soomaalida.

Wuxuu sheegay oo kale, in maalin dhexdaas meydka Soomaali la dilay loogu keenay malaayin dollar,
Magaalada Jubba waxaa hadda ku sugan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah wasiiradda arrimaha dibedda IGAD, waxaana ay ku howlan yihiin daminta xiisada ka taagan dalka ugu dambeya ugu yar qaarada Afrika.

Ugu yaraan 500 oo qof ayaa ku dhimmatay dagaalada ka socda South Sudan waxaa ku jirra shan qof oo Soomaali ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Naiorbi

[email protected]