BFS oo la hor geeyey mooshin cusub
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka Mudanyaasha baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka aya waxay kaga hadleyn arrimo badan o ay ka mid ahaayeen Akhrintii 2-aad ee hindise sharciyeedka daraasaasdka badaha soomaaliya iyo Mooshin laga kenay Gudoomiyaasha Gudiyada Joogtada ah e Baarlamaanka.
Ugu horeyn waxa madasha kulanka ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaano Mooshin ka Soo gudbiyay Gudoomiyaasha Gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka oo gaaraayay ilaa 15 Xildhibaan waxayna sheegeen in Gudoomiyaasha Gudiyadaasi aysan ka so bixin waajibaadkooda.
sidoo kale waxa madasha kulanka ka hadashay xildhibaan Zeynab Caamir iyadoona sheegtay in mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiyaasha Gudiyada Baarlamaanka uu yahay mid sax ah iyadoona sheegtay in ay ka mid tahay Gudiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanaka ay horyaalaan arrimo badan sidaasi darteedna aysan jirin shaqo u qabsoon tahay ilaa hada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ahaana Shir Gudoomiyaha Kulankii Maanta aya waxa uu soo jeediyay in maalinta berito ah loo codka kalsoonida loo qaado Gudoomiyaasha Gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka, isagoona sabab ugu dhigay Kooramka shirka oo aan buuxin, isagoona ku wargeliyay Xildhibaanada ka maqan kulanka maanta iney soo xaadiraan maalinta berito ah.
Sidoo kale kulanka mudanayaasha Baarlamaanaka ee maanta aya waxa su’aalo lagu weydiiyay Guddoomiyaha hay’ada daraasaadka Soomaaliyeed oo ah Taliyihii hore ee Ciidamada Badda Admiraal faarax Axmed Cumar faarax Qare.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
Cabdi Weli Gaas oo ballan qaad culus oo ku aadan DF Somalia ku dhawaaqay
Garoowe (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay haddii uu ku guuleesto xilka madaxweynaha maamulka Puntland, in uu soo celin doono xiriirka ka dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.
Isagoo la hadlaayay arday wax ka barta mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla magaalada Garoowe ayuu sheegay xilligii raysal wasaaraha in uu ahaa qofka kaliye ee ku guuleestay in soo celiyo xiriirka Puntland iyo dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay markii uu meesha ka baxay in uu xiriirta labada dhinac uu burburay sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay haddii uu ku guuleesto in uu horrumarin doono arrimaha waxbarashada iyo xiriirka Puntland ay la lee dahay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.
Wuxuu ku celceliyay in maamulka Puntland ee hadda jirra uu ku guuleestay in uu xiriir fiican la yeesho dowladda dhexe “Waana muhiim buu yiri”
Si kastaba, hadalka ka soo baxay ra’iisal wasaarihii horre Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe uu go’ay kaddib markii maamulka Puntland uu sheegay in dowladda ay wax badan ka badashay dastuurka qabyada oo ay wax ka saxiixday Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Garoowe
VIDEO: Maxaa ka cusub oo laga hadal hayaa Magalada Muqdisho. (Daawo)
Caasimada Online: Barnaamijkeena cusub ee aan ugu magac darnay Maxaa cusub oo aan idiin kugu soo gudbineeyno wax yaabaha ugu xiisaha badan ee laga hadal hayo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Hadaba Shacabka Muqdisho ayaa ku farxay arin qof walba oo maqla ama dhageesta in uu dareemayo in dib loo helay aqoonsigii Somalinimada oo in muddo ah 22 sano ka badan dib loo la’aa ee nala arag oo nala dareen arin kani farxada ah
HALKAAN KA DAAWO:
Maxaadan ogeyn oo ka dhacay Burco?
Burco (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Burco ee gobalka Togdheer ayaa sheegaya in halkaas ay maanta ka dhaceen bannaanbaxyo looga soo horjeedo isbadalka lagu sameeyo taliyihii ciidanka booliska.
Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen oo ah dadka bannaanbaxa ka qaybgalayay kaddib markii ay isku dhaceen ciidanka ammaanka magaalada.
Dadka bannaanbaxayay ayaa sheegay in ay diiddan yihiin isbal lagu sameeyo taliyiha booliska ee magaalada oo shaley la badalay waxa ay sheegeen in uu ahaa nin wax badan ka badalay ammaanka magalada.
Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, in kastoo hadda uu qaboobay dibadbaxa oo waxaa soo dhex galay wasiiro ka socda maamulka Somaliland.
Gobalka Togdheer waxaa socdaal shaqo ku jooga afar wasiir oo ka tirsam maamulka Somaliland kuwaasoo mashaariic ka wada deegannada gobalka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Hargeysa
XASAN SH oo ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah arrin muddo ka jirtay dalka
Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay go’aan cusub oo looga soo horjeedo dhaqan ka soo jiray magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.
Dhaqankaas ayaa wuxu ahaa in wixii ka dambeeyay burburkii dalka, warqadaha dhalashada ama sugnaanta laga soo sameesan jiray suuqa cabdalla shidaayaha ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya la oggolaan doonin arday wata warqad laga soo sameeyay suuqaas, wuxuuna ugu baaqay waalidiinta in looga baahan yahay in ka soo qaataan warqadaha dowladda hoose.
Wuxuu sheegay in aan la oggolaan doonin hadda kaddib warqad laga soo sameestay Cabdalle Shidaaye, waayo ayuu yiri waxa ay yareeneysaa falalka ammaandarida ee dalka ka dhaca.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ciddii lagu arko lala xisaabtami doono.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay xarunta Villa Somalia oo shaley lagu soo bandhigay qaab cusub oo ah baassaboorka E-Passport.
Burburkii dalka, waxaa wax kasta ay noqdeen in lagu sameeyo gooba gaar, waxaana taasi ay keentay in falalka amamanka ay wax u dhinto.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
SHARIIF Xasan Sheekh oo go’aan lama filaan ah uu kasoo baxay (Warbixin)
Baydhabo (Caasimada Online) Guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka soo horjeestay shirka dhawaan ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, kaasoo looga arrinsanaayo maamul cusub oo loo sameeyo gobalada Koonfur Galbeed ee dalka.
Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, ayuu sheegay in shirka wajiga labaad ka furmay Baydhabo uu yahay shir ay wataan xildhibaanno iyo shakhsiyaad gooni ah oo aan loo dhammeen.
Wuxuu sheegay xilligan in uusan jirin shir ka furmay Baydhabo waayo ayuu yiri waxaa socda wadatashiyo marka dad badan ayaa ka maqan ayuu yiri.
“Waxaan anniga qabaa beelaha dhammaan ma joogaan shirka, teeda kale shir aan dowladda ogeyn cid qaban karto ma jirto,ciladahaas ayuu qabaa teeda kale xildhibaannada shaqo u taallo ma ahan shirkaas” ayuu yiri xildhibaan Shariif Xasan.
Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in shirka lagu koobo uun seddax gobal,waayo ayuu yiri gobalada Jubbooyinka iyo Gedo hadda maamul caalamka iyo dowladda ay aqoonsan tahay ayaa ka jirra ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in hadda loo bahan yahay uun siddii maamul cusub loogu sameen lahaa dadka degga gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Shariif Xasan ayaa ka soo horjeedo qorshe uu wado Xildhibaan Aadan Madoobe oo horrey isna u soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka, kaasoo u ololeenaya in maamulka cusub uu noqdo lix gobal oo ay ku jiraan Jubbooyinka iy Gedo.
Go’aanka lama filaanka ah ee uu qaatay Shariif Xasan ayaa imanaya xilli horey looga soo ceyriyey magaalada Baydhaba, ayada oo lagu tuhmay inuu waday shirqool ka dhan ah shirka, oo ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
DFS oo diiday wada-hadalladii S/land, kuna xirtay hal shardi oo aad u adag
London (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa u bandhigtay daneeyayaasha dhex dhexaadinaayey wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya in aanay soo fadhiisan doonin miiska wada hadalo danbe oo ay Somaliland la gallaan, ilaa ay Somaliland ka tanaasulayso qodobka qaddiyadda madax banaanida Somaliland.
Waraaq uu wasiiru dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal uu u kala diray dawladaha Turkiga, Ingiriiska, Norway iyo Midawga Yurub ayaa wuxuu ku sheegay inaanay dawladiisu diyaar u ahayn inay miis la soo fadhiisato Somaliland ilaa inta Somaliland ka laabanayso ama ka noqonayso qodobka madax banaanida Somaliland, isagoo qoraalka warqadaasina ku sababeeyey in dastuurka u yaalla Soomaaliya ee dawladda uu ka tirsanyahay ku shaqayso aanu u fasaxayn inay arrinta kala hadasho Somaliland
“Qodobka 1-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu si cad u dhigaya inaan laga doodi karin, laga hadli karin, gorgortana la gelin karin madax banaanida, xuduuudaha iyo qaranimada Soomaaliya, marka dastuur ahaan dawladdayadu awood uma laha aanu arrimaha kala hadalo Somaliland, iyadoo dastuurkayagu aanu noo fasaxayn ama noo jidaynaynin” ayuu Mr. Gacal ku yidhi qoraalkaasi oo nuqul ka mid ah nala tusay.
Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya oo laftigiisu usbuucii hore ku sugna magaalada London ayaa wuxuu kulano la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Britain u qaabilsan arrimaha Afrika Mark Simmond oo uu u sheegay inaanay wada hadaladaasi sii wadi karin, ilaa ayuu ku yidhi wada hadalka ay Somaliland siyaasiyiintoodu ajandaha doonayaan inay ku soo daraan arrinta madax banaanida.
Waxaa usbuucii labaad magaalada London ku sugan laba wasiir oo ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilaanyo oo kala ah wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, kuwaasi oo wada hadalo baaxadleh kula yeeshay magaalada London masuuliyiin ay ka mid yahiin wasiiradda arrimaha dibada ee dalka Ingiriiska, safiiradda dalalka Norway, Denmark, Maraykanka iyo Sweden ee dalkani
Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixiyey waraaqda dawladda Soomaaliya ku diiday inay wada hadalka bisha January loo ballansana ka soo qayb gashay, isagoo Mr. Biixi waraaqda uu dalalka daneeya dhex dhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya u diray ku sheegay in dawladda Somalia ay tahay qayral masuul aanay ku qabin kalsooni danbe, isagoo ka codsaday inay dalalkaasi soo fara geliyaan arrinta sida heshiisyadii lagu gaadhay London, Dubai iyo Istanbul ay dhigayeen
Mr. Biixi wuxuu sheegay in aanay dawladiisu dul qaad danbe u yeelan doonin mar marsiiyaha ka imanaya Muqdisho, wuxuuna sheegay inay ka si rasmi ah uga bixi doonaan wada hadalka, taasina ay dhaawici doonto horumarkii hore looga sameeyey wada hadaladii labada dhinac hore u gaadheen, oo qodobada ay labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen imikana laga wada shaqeeyo ay ka mid tahay la dagaalanka budhcad badeeda iyo argagixisada.
Mr. Biixi wasiirka arrimaha dibada Somaliland wuxuu sidoo kale ka codsaday dawladda ingiriisku inay si dhab ah usoo dhex gasho arrinta dhex dhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay u fidiso khubaro dhinaca sharciga qaabilsan si loo furdaamiyo arrintani khilaafka keenay, isagoo sidoo kalana ka codsaday dawladda ingiriisku inay London usoo wareejiso wada hadalada, Mr. Biixi ayaa qoraalkiisa kaga cawday dawladda Turkiga oo uu sheegay inay ka caga jiidaysay inay si dhab ah u dhex dhexaadiso Somaliland iyo Soomaaliya
Wada hadalada labada dhinac ayaa loo balansana bishii September ee sannadkani, waxaana sida xukuumadda Siilaanyo laga soo xigtay ay wada hadaladaasi dib ugu dhaceen bishii October, haddana Bishii November, haddana Bishani December, iyadoo ugu danbayntiina wasiirka arrimaha dibaddu warbaahinta u sheegay in wada hadalka dib loogu dhigay bisha January, ma cadda in wada hadaladaasi ay dhici doonaan iyadoo murankani taaganyahay.
Caasimada Online
Xafiiska London
HOWLGABKA KACSIGA (IMPOTENCE)
Dhibaatada kacsiga, oo iyaduna loo yaqaan howlgabka kacsiga wuxuu ku yimaadaa 5 – 10% nimanka da’ 40 naadka ah.
Da’duna si kala duwan ayay ugu korortaa, sidaasi ayaa 5 ka mid ah 10kii nin ee 70 jir ahba ay la kulmaan heerar kala duwan ee cudurkan.
Dhibaatada howlgabka kacsigu inta badan waa dhibaato siyaabo kala duwan ku timaadaa.
Cudurkan waxaa ka mid ah oo kale nimanka kacsadaa bilowga hordhaca galmada, hase yeeshee aan sii wadi karin kacsigii muddo ay ku galmoodaan.
Kacsigu wxuu ku bilowdaa isaga oo ku xiran dareen kacsi, markii ay xididada yar yarka ah ee xubinta galmada ninka ay fiddo soona galaan qulqul dhiig ah xubintaasi.
Xubinta galmada ninka waa ay weynaataa, laakiin haddii ay xididada dhiiggu ay dhiigga ka saaraan xubintaasi, wayna soo ururtaa, markii ay xubintaasi kacdona waa ay weynaataa waana dheeraataa.
Cudurkan howlgabka kacsi wuxuu ku yimaadaa iyada oo ay qulqulka dhiiggu soo gaarin ama uusan joogtoobin, ka dibna aad is aragto inaadan kacsan karin ama muddo yar kaliya kacsato.
Inta badan xaaladaha cudurkan waxaa sabab u ah cudurro jireedka.
Da’du shardi uma aha iney keento cudurkan howlgabka kacsi.
Xernaanta xididada dhiiggu waxay hoos u dhigtaa inuu dhiiggu aado xubinta galmada ragga.
Cudurkan howlgabka kacsiga wuxuu caadi ahaan ku yimaadaa cuduradan dadka qaba kaadi macaanka, wadna xanuunka, dhiig karka cudurada neerfaha iyo nimanka qalliinka lagaga sameeyay dhibaato kaga timid qanjirka borostaytka.
Kiniiniga jirka biyaha ka saaraa (diuretics) iyo daawada loo qaataa dhiig karka, suuxdinta, buufiska ama buuqa (anxiolytics) waxay keeni karaan cudurka howlgabka kacsiga.
Daaweynta cudurka howlgabka kacsiga waxay keensaneysaa ugu horeyntii, in adiga iyo dhakhtarkuba isla baartaan islana cadeysaan, in adiga iyo qofka aad la nooshahay ay wax dhibaato ah ka jiraan noloshiinna, taasoo sabab u noqon kartaa awooddan kaa maqan ama dhibaatadan aad ka sheeganeyso.
Waxaa suura gal ah inaad joojiso isticmaalka khamriga iyo inaad joojiso sigaarka oo keena hawlgab kacsi.
Wada hadalkaasi ka dib waa in dhakhtarku baaraa inaad ka sheeganeyso cudur aan lagaa daaweyn.
Daawada ugu wanaagsan ee lagu daweeyo cudurkaan baa ah maadada kooxda PDE 5-joojisa, daawooyinkaasi, ku haynaya qulqulka dhiiga xubinta galmada ragga, iyadoo la helayo kacsi ama uu joogto noqonayo.
Daawooyinkaasi wax badan kuma kala duwana dhinaca waxtarkooda, waxay shaqeynayaan muddo 4-5 saacadood ama 24 saacadood halkii diyaarin.
Aad bay muhiim u tahay in hoos laga xariiqo, in daawadu ay waxtar leedahay oo kaliya kacsiga galmada , kiniiniyayaashu ma keenaan mar walbaa kacsi.
Waa inaad daawada qaadataa ? ilaa 1 saac inta aadan u tegin xaaskaaga.
Ma qaadan kartid kiniiniyaasha, haddii aad qaadato daawooyinka ah nitroglycerine, kaasoo loo qaato wadna xanuunka.
Waa caadi ineysan daawadu si xoog ah wax u qaban 6da ilaa 8da mar ee ugu horeysa, waxaa laga yaabaa iney sabab u noqoto in doosaha (Dose) aad u baahan tahay in la kordhiyo, ma isticmaali kartid daawada ugu badnaan hal mar maalintii.
Dhibaatada ay daawadu keeni kartaa waa mid iska fudud ama iska gudbeyso, waxaana ka mid ah madax xanuun , waji casaad iyo caloosha oo ku xanuunta.
Waxaa aad u wanaagsan inaad sameysato buug maalmeed aad ku qoreyso waaya aragnimadaada kuugu horeysa isticmaalka daawadan.
Dhakhtarku wuxuu kugu caawini karaa inuu ku siiyo talooyin wanaagsan, marka aad la kulmeyso, waxaana waajib ah inaad mar walbaa raacdo nidaamka daawada lagu siiyo.
Dhakhtarkaaga wuxuu kuu raadin karaa caawinaad daawadaada ah, haddii aad tijaabisay in kiniiniyadan ay kuu fiican yihiin, isla markaana aad qabto cudur kale aan kan ahayn tusaale kaadi macaan.
Waxaa la helay daawo kale oo lagu daaweeyo cudurka howlgabka kacsiga, laakin waa ay ka waxtar yar tahay ama ay ka wanaag yar tahay isticmaalkeeda.
Waxaa diyaariyay xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed
Somalia new passport will help secure borders, says president
His Excellency President Hassan Sheikh Mohamud today launched Somalia’s new e-passport, hailing it as an important step for national and international security.
The President said: “Now that we are well on the road to recovery after two decades of war, it is right that Somalia should take
advantage of the latest technological advances available to protect our borders. This new e-passport will provide a significant boost to the security of Somalia, as well as that of the international community.”
“While we know that earlier passports were forged and in some cases wrongly issued when there were inadequate systems in place, the new passports are much more secure and will provide an additional defence against terrorists and other criminals. It is essential we know at all times exactly who is coming into Somalia and who is exiting. Terrorism and many other illegal activities are transnational nowadays and we must ensure the integrity of our border for our security and that of our international partners.”
The new e-passport will be issued by the Department of Immigration in the Ministry of Interior. It will be made available to Somalis on production of birth certificates and national identity documents, which will be issued by local authorities.
Video: Maxuu yiri Prof. Cali Maxamed Geedi oo cusub (Wareysi xasaasi ah)
Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Proff Ali Mohamed Geedi oo Wareeysi kulul siiyay Tv-ga SoomaaliChannel xaruntiisa Magaalada Nairobo ee Wadanka Kenya.
Proff Ali Geedi wax yaabo badan oo cusub ayuu mar kale ka hadlay waxuuna dhaliilay howla Dowlada Cusub ee haatan sanadka iyo barka ku dhow ee jirta iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka waxuuna ka hadlay qabsoomida doorashooyinka 2016 iyo arimo badan ee daawo.
HALKAAN KA DAAWO:
RW Soomaaliya oo dhambaal hambalyo ah ka helay dhiggiisa Turkiga
Muqdisho (Caasimada Online) Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaa uu dhambaal uu ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Ardugaan .
Ra’iisal Wasaaraha Turkiga ayaa soo dhaweeyay magacaabista ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya wuxuuna sheegay in uu sii xoojin doono xiriirka soo jireenka ee ka dhexeeya iyo saaxiibnimada ku dhexeeya labada ummadood.
Mudane Ardugaan ayaa sidoo kale dhanbaalkiisa hanblayada ah ku sheegay in uu filayo in xukuumadda uu hoggaamin doono mudane Cabdiweli Shiikh Axmed ay noqon doonto mid ku guuleysata hawlaha qaran ee loo igmaday iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, iyo weliba in ay noqoto mid beesha caalamka kala shaqaysa sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabbaali lahaa dalka Soomalaiya
Ugu damayntii waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Turkiga mudane Rajab Dayib Ardugaan xaqiijiyey in dowladdiisu ay sii wadayso dadaalada dib loogu dhisayo Soomaaliya, isagoo caddeeyey in ay ka go’an tahay in xilliyada soo socda ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.
Waa dhambaalkii labaad oo muddo 24-saac uu ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed uu ka helo madaxda caalamka, waxaa ka horreeyay ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo isna farriin hambalyo u soo diray dhiggiisa Soomaaliya.
Turkiga iyo Ethiopia waxa ay ka mid yihiin waddamada xiriirka fiican la leh dowladda hadda jirta oo ah mid rasmi ah.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
RW Somalia oo farriin hambalyo ah ka helay dhiggiisa Ethiopia
Addis Abaab (Caasimada Online)-Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Ethiopia,Hailemariam Desalegn waxa uu ra’iisal uu warqad habmyo u soo diray ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.
Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa ugu hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed xilka loo magacaabay iyo ansixinta baarlamaanku maalintii Sabtida ee toddobadkan.
Mr. Hailemariam ayaa u rajeeyay ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya in uu ku guulaysan doono howlaha ballaaran ee hor yaalla xukuumaddiisa.
Wuxuu sheegay oo kale ra’iisal wasaarah Ethiopia in uu filayo in Cabdiweli Sheekh Axmed uu sii xoojin doono xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal.
Ugu dambeyn wuxuu rajeeyay ra’iisal wasaarah cusub iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed kuwa hela nabad iyo horrumar.
Halkan hoose ka akhriso warqada uu soo diray ra’iisal wasaaraha Ethiopoia iyadoo ku qoran Af Ingiriis
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi
Waa siddee xaaladda Soomaalida ku nool K/Suudaan iyo war cusub?
Juba (Caasimada Online) Xaaladda Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfurta Sudan ayaa laga deyrinayaa,kaddib markii dagaalka ka socda dalkaas uu sii baahay.
Goobo ganacsi oo ay lee yihiin Soomaalida ayaa la boobay, waxaana sidaas sameeyay dad ku nool dalka Koonfur Afrika.
Xasan Dhaqane Cumar oo ah guddoomiye ku xigeenka ganacstada Soomaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa BBC-da u sheegay in Soomaalida ku dhaqan magaalada Bore e gobalka Jongalii ay hadda ku xayiran yihiin xarun QM ay lee dahay, halkaasna dhibaatooyin ay ku heestaan.
Wuxuu shegeay 80% ganacsigii Soomaalida ay ku lahaayeen magaalada Bor in la dhacay oo wax ka badbaaday aysan jirin.
Wuxuu sheegay oo kale ganacsadahan in Soomaaliga ganacsigooda uu u badan yahay, Shidaal, Bagaash iyo goobo xawaalado oo ay lee yihiin.
Ganacsadahan ayaa la weydiiyay mar haddii xaaladda Koonfurta Sudan ay sii xumaaneyso wax yaabaha u qorsheesan?
Wuxuu sheegay in aysan ogeyn meel ay aadaan, cid ka war qabtana aysan jirin, wuxuu sheegay oo kale waddamada caalamka in muwaadiniintooda ay kala baxayaan Koonfurta Sudan, balse iyaga cid u imaaneysa oo ka daadgureenaya dalkan aysan jirin.
Waxaa la sheegaa Soomaalida ku nool Koonfurta Sudan in tiradooda ay u dhexeyso 8 ilaa 10kun oo qof, waxaana ay u badan yihiin ganacsato qaar kood ka yimid waddamada Yurub iyo Maraykanka.
Dowladda Soomaaliya ilaa hadda ma jirto wax ay u qabatay Soomaalida ku go’doonsan dagaalada ka socda dalka Koonfurta Sudan.
Kumanaan ajaanib iyo dad u dhashay dalkaasi ayaa weli waxa ay baaqi ku yihiin saldhiga Qaramada Midoobay, iyagoo uu cabsi qaba noloshooda.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Kampala
Somalia: UN envoy welcomes appointment of new PM
The top United Nations official in Somalia congratulated Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed, who was appointed today following a vote in the Federal Parliament, calling the process a key step heading into 2014, which will be “pivotal year” for the country.
“I congratulate the new Prime Minister,” Nicholas Kay, Special Representative of the Secretary-General, said in a statement, adding that Abdiweli Sheikh Ahmed takes office as Somalia approaches 2014, which will be a pivotal year in Somalia’s progress towards peace and prosperity.
Mr. Kay said that the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), which he heads, will continue to support the Federal Government in its peace- and State-building efforts.
He also noted outgoing Prime Minister Abdi Farah Shirdon Saaid’s commitment to the Provisional Federal Constitution and the constructive manner in which he has handed over his responsibilities to his successor.
In a statement earlier this month, Mr. Kay paid tribute today to Mr. Shirdon Saaid, and noted the responsible role played by the Federal Parliament and the Speaker Mohamed Osman Jawari in handling the “no confidence” motion, which paved the way for the appointment of the new Prime Minister.
“It was important this unprecedented piece of parliamentary business was managed in accordance with the provisional constitution and the rules of procedure of the Parliament,” he said at the time and emphasized: “Somalia’s institutions are coming of age. The UN is here to support their development, and looks forward to working constructively with the new administration.”
In today’s statement, Mr. Kay said that he understand that the incoming Prime Minister will consult widely in forming his new cabinet, “and aim to establish a broadly inclusive Government capable of delivering rule of law, good governance and public services.”
Mr. Kay urged Parliament, the Government and the Presidency to continue working together constructively in full respect of the Provisional Federal Constitution. Finally, he reiterated his praise for the responsible role being played by the Federal Parliament in this important phase of Somalia’s history.
Somalia native right at home with U.S. Trust
LA Sentinel
Sunday, December 22, 2013
Nothing ever came easy for financial expert, Dega Nalayeh, but the Somalia native, who grew up in a family of 12 children, has made her transition into the billion dollar financial industry look as smooth as her beautiful skin coat.
Nalayeh migrated to Canada before arriving in the United States and her ability to learn quickly and move rapidly has been key in her escalation into the hierarchy of U.S. Trust where she continued to grow professionally in a male dominated industry.
“Dega is a motivating person,” said Miesha Carter, client sales and service officer, of her boss Nalayeh, who is a senior vice president private client advisor with U.S. Trust, a division of Bank of America.
“She stays on top of everything . She knows what she’s talking about. And, just to be able to get in front of clients and know what you’re talking about and when you’re able to come back and convey that to your employees and encourage them to do more and better, I think that’s her greatest attribute. “
Dega Nalayeh, Senior Vice President, Private Client Advisor for U.S Trust, Bank of America Private Wealth Management – See more at: http://lasentinel.net/index.php?option=com_content&view=article&id=12351%3Asomalia-native-right-at-home-with-u-s-trust&catid=80%3Alocal&Itemid=170#sthash.xMBEPlCE.dpuf
Dega Nalayeh, Senior Vice President, Private Client Advisor for U.S Trust, Bank of America Private Wealth Management |
Nalayeh began her career with Bank of America over 15 years ago, where she started in the Consumer Bank and quickly assumed higher responsibility. She joined Bank of America’s Private Bank in 2006. Currently, she oversees more than $2.5 billion of client assets.
“I deal primarily with individuals and wealthy families (minimum $3 million in liquid assets),” explained Nalayeh during a recent interview with the Sentinel.
“My job is to help them preserve their wealth. I also manage their risk while helping them accomplish their goals. My goal is to get to know that individual, get to know their family dynamics. [I get to know] their feelings about money. What is it that they want to accomplish? What legacy do they want to leave behind?”
Nalayeh was born the fifth of twelve children in Somalia, where her father had been a politician. He defected in the early 80s, she said, and sought political asylum in Canada.
“It was my father defecting from Somalia, which was home and finding out on the news, just like everyone else,” she recalled.
“Pretty much, the government came to our home and took everything away. It took about two years to get all of us out of the country one by one.”
She credits her success with clientele to being part of a large family.
“My 7 sisters and four brothers and I all grew up in the same household. I think that really makes me good at what I do,” Nalayeh said.
“It’s not just knowing the product, knowing the numbers… it’s about knowing human beings. A lot of what I do is like being a therapist, especially when you’re dealing with multi-generations of family and advising them on how to pass down wealth. There’s a lot of complexity when it comes to family.
“What gives me, I think [an edge] is I can walk into any meeting and I can read everyone. What are they thinking? What are their hot buttons?”
Nalayeh and one of her sisters left Canada for Atlanta where she began her career. They left Atlanta after two years for California. She’s been in her current position for a little over seven years now and it’s been hard work, she said.
“I started with no clients,” she explained.
“Luckily, I can say seven and a half years later, I manage over 2 billion dollars in assets. And, that’s really just going out there, going out in the community and just asking for business.
“It’s not easy. No one is just going to give you 3 million dollars and say, ‘hey, Dega, I see your title, here’s 3 million dollars for you to manage.’ I think it’s credibility and having your existing clients. The majority of my business comes from referrals from my existing clients… one thing that makes me unique is the passion that I have.
“[For example] I deal with a lot of international clients, not just local clients. A lot of them are very secretive when it comes to wealth. The matriarch of the family will have all of the wealth and the family doesn’t know it. I’m about educating that person and making them see the importance of setting their family to succeed instead of fail.”
That’s why she sets up customized classes for her client’s kids.
“They could be a teenager, they could be 40,” she said.
She begins with a test to see where they are financially. From there, she teaches them everything from the basics of banking to lending and investing.
As busy as her work schedule is, Nalayeh, a single mom, must also find time for her six-year old son and a variety of volunteer efforts, one of which is speaking to women about financial literacy.
“One thing I advise is that women need to take control of their finances,” she said.
“Throughout the years I’ve seen a lot of women hand over their finances to the significant other in their lives. What I do is more educational… how do we understand our own finances.
She also volunteers at schools, teaching kids financial basics.
“I think that children are so impressionable,” she said.
“I teach them the basic concepts of money and at the end of the year, I see what they’ve learned. Whether it’s an inner city school, a public school or a private school, I love educating kids. If we start [teaching] them young as mothers and fathers about money… education is great but as equally important as teaching them how to be successful and financially independent, is teaching them about money. They need to know how to save, how to spend and how to give.”
Being healthy and finding balance is how she keeps it all together, she said.
“I think health and wealth go hand-in-hand. Health should be your number one priority. If you don’t have health, you don’t have anything. ”
Eating well and staying active just makes for a better life.
“You manage better,” she said.
“You have more energy… and I don’t have energy to waste. I have a six-year old, so when I come home, I [still] have to be full of energy.”
Part of her health routine is doing marathon runs for different charities.
“Running for me, is peaceful and I have a passion for charity, so why not combine the two,” she said.
“She’s a go-getter and she doesn’t back down,” said Taire Hanson, a client services manager who has worked directly with Nalayeh for the past six years.
“She’s a great motivator and I actually look up to and admire her.”
Nalayeh works with high end clients but says anyone can apply her financial advice to their lives.
“I think it’s really important to understand the big picture. I don’t care if you’re making ten dollars or sixty dollars. Start saving. Be on a budget,” she said.
“The sooner you start saving the better. When you get your paycheck, don’t pay your bills first, pay yourself first. It could be $100, it could be $50… also, start investing. The earlier you invest the better. If you don’t know, seek the information. There are so many resources these days, especially on line.”
Nalayeh received her Bachelor’s Degree with Honors from York University in Toronto, Canada, where she majored in Applied Mathematics and Physics.
Dhageyso: Cumar Faroole oo qiray in ay weerareen musharax Cabdi Daahir
Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa caawa ka hadlay rasaas ay ilaalada madaxweyne Faroole ku fureen gaari uu la socday musharraxa Cabdidaahir Maxamed Yuusuf oo ka mid ah musharrixiinta u taagan doorashada Puntland.
Taliyaha ciidanka madaxtooyada Garoowe, Cumar Cabdilaahi Faroole, oo la hadlay BBC-da ayaa qiray in ay weerar ku qaadeen baabuur uu la socday musharraxa balse, wuxuu intaas ku daray in laga shakiyay markii si xawaara loogu ka xeeyay.
Wuxuu ku tilmaamay rasaasta lagu furay “mid saaxibtimo” sida uu hadalka u dhigay.
Taliyihii wuxuu beeniyay in wax khasaaro ah ah oo ka soo gaartay rasaastaas lagu furay musharrax in aysan jirin “Waana been buu yiri hadalka musharrax Cabdidaahir oo hal habo ayaan ku lagu furay, arrinta malaha siyaasad kale ayaa laga lee yahay”
Cabdidaahir oo isna la weydiiyay bal sida ay wax u dhaceen wuxuu sheegay in si kas ah loo weeraray baabuurka uu la socday waxaana sidaas yeelay ayuu yiri wiil uu adeer u yahay Faroole, wuxuuna tilmaamay in baabuurkiisa magaalada laga yaqaano oo madaxtooyada uu maalin dhaweyd markii ay la kulmeen Faroole uu la tagay.
Si kastaba, wuxuu sheegay in afar sarkaal oo ka tirsan Puntland in ay u yimaadeen kuwaasoo ka raali galiyay wixii dhacay, balse wuxuu ku celceliyay in la soo caddeeyo sababta gaarigiisa loo weeraray.
Arrintan ayaa caawa waxaa kulan degdeg ah ka yeeshay musharrixiinta isku soo taagay xilka madaxweynaha Puntland, kuwaasoo ku shiray magaalada Garoowel.
Kulankooda waxa ay diirada ku saarayaan musharrixiinta dhacdadii maanta dhacday iyo khilaafka weli ka dhex taagan ayaga iyo madaxweyne Faroole.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Garoowe


