25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Daawo: Maxaa kala qabsaday Kheyre iyo madaxda IGAD? “R/Wasaarihi Farmaajo sow ma tihid? maya, “Naarta Af-Soomaali maxaa lagu yiraahdaa?”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay gelinkii dambe ku soo laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu ka soo qeyb galay Shir Madaxeedka IGAD ayaa ka warbixiyay Dhacdooyin cajiib iyo run sheegid badan uu kala soo kulmay Madaxweynayaasha Uganda iyo Suudaan.

Xasan Cali Khayre ayaa markii uu ku soo laabtay Magaalada Muqdisho wuxuu durba kulan la qaatay Haweenka iyo Dhalinyarada ku nool magaalada, waxa uu uga sheekeeyay xaalada dalka uu ku sugan yahay iyo sida caalamka ula yaaban yahay umadaan walaalaha hadana is dileysa.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka sheekeeyay waxa dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni.

“waxaa inoo soo galay Madaxweynaha Ugandha Yoweri Museveni, wuxuU igu yiri sow ma tihid Ra’iisul wasaarihii Farmaajo? Waxaan ku iri maya ee waxaan ahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, markaas ayuu i yiri sow Farmaajo kuma magacaabin haa ayaan ku iri”

Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha Uganda uu weydiiyay suaalo aad u adag oo ku saabsan sababta Soomaalida wali isku dileyso wuxuuna yiri

“Hadii aad Soomaali tihiin oo aad isku af tihiin oo aad isku dhaqan tihiin oo aad isku diin tihiin ma garanaayo si aan kula hadlee Naarta afsoomaali maxaa lagu yiraahdaa, qaar ka mid ah wasiiradii ila socday ayaa yiri Naar qaarkoodna waxay dhaheen Jahanamo, markaas ayuu yiri 30-sano waxaad dileyseen umadiina miyaadan ka baqeyn inuu ilaah idin ciqaabo maadaama caruurtiisa aad dileysaan”

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka sheekeeyay dhacdo kale oo saameyn leh uu kala soo kulmay Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir wuxuuna yiri

“Maalintii ku xigtay waxaan la kulanay madaxweynaha Suudaan, markuu na salaamay uu na soo dhaweeyay ayuu na yiri, Soomaaliyeey waxaa tihiin isku diin isku dhaqan iyo isku af maxaa idin heysta? Wax aan ku jawaabno ayaan garan waynay isaga ayaa yiri aniga ayaa idin kaga jawaabaya, qabiil baa madaxa idinka galay”

Mareykanka oo qatar ka iibiyey 72 diyaarado dagaalka ah iyo carabta oo hub la isugu dhiibay

Washington (Caasimada Online) – Washington iyo  Doha ayaa gaaray heshiis sheegayo in Qatar laga iibiyo diyaarado dagaal oo noocoodu yahay F-15 iyadoo ay Qatar bixineyso lacag gaareyso ilaa 12 Billion oo Dollar Mareykanka, waxaana hadda la sheegayaa inuu madaxwyenaha Mareykanka Donald Trump wado dadaalo uu ku dhex dhexaadinayo dowladaha Khaliijka.

Heshiiska diyaaradahaan lagu iibinayo ayaa waxaa saxiixay wasiirka Difaaca Qatar Khalid Al Attiyah iyo  dhigiisa Mareykanka Jim Mattis wuxuuna heshiiskaas Arbacadii ka dhacay Magaalada Washington DC sida ay xaqiijisay Wakaaladda wararka Qatar ee loo yaqaan  Qatar News Agency (QNA).

Heshiiskaan ayaa tilmaamayo in dowladd Qatar laga iibiyo ilaa 72 diyaaradood oo nooca F-15 loo yaqaan, wuxuuna qorshaha heshiiskaan soo bilowday February 2016, waxayna Qatar xoogga saareysaa inay adkeyso xiriirkeeda amni iyo midka shaqo ee ka dhaxeeyo Washington iyo Doha.

Labada wasiir ayaa isla meel dhigay inay labada dowladood si wadajir ah ula dagaalamaan Ururka ISIS, sidoo kalana si deg deg ah loo xaliyo Khilaafka dowladaha Khaliijka si dagaalka lagula jiro waxa ay ugu yeereen Argagixisada la  isaga kaashado.

“ Heshiiskaan wuxuu bilow u yahay horumar istaraatiiji ah oo laga sameenayo xiriirka difaaca ee u dhaxeeyo Mareykanka iyo Qatar, waxaana diyaar u nahay inaan iskaashi Militari la sameysano Mareykanka” ayaa yiri Attiyah

“ Waxaan dowladda Qatar siineynaa diyaarado dagaal si kor loogu qaado iskaashiga Militari ee ka dhaxeeyo Mareykanka iyo Qatar” ayaa lagu yiri war murtiyeed kasoo baxay wasaaradda Gaashandhigga Mareykanka.

Heshiiska diyaaradaha looga iibinayo Qatar ayaa imaanayo asbucu kadib markii uu Madaxweynaha Mareykanka Trump uu heshiis hub iibin ah la galay dowladda Sacuudiga kaasoo kacayo 110 Bilyan oo Dollar.

Dowladda Mareykanka ayaa u muuqato inay hub isugu dhiibeyso Carabta si ay meesha uga baxdo awooda dowladaha Islaamiga ah, wuxuuna Madaxweynaha Mareykanka dhawaan sheegay inuu isaga ka dambeeyo Khilaafka dowladaha Khaliijka.

 

Muuqaal: Qatar oo sameysay dhuula tus militari oo ka naxeyn xulufada Sacuudiga

Dooxa (Caasimada Online) –  Dowladda Qatar oo ay go’doomin iyo cuna qabateyn saareyn dowlado ay hormuud u tahay Sacuudiga ayaa soo bandhigtay dhoola tus militari oo dhibaato ku ah dowladahaas.

Dowladda Qatar ayaa soo bandhigtay awoodda Militari oo ay leedahay isla markaasna aysan aheyn dowlad lagu soo deg degi karo, taasoo farriin cad u aheyd dowladaha Khaliijka ayaa doonayo inay tirtiraan dowladda Qatar oo ah dowlad islaamka laf dhabar muhiim ah u ah.

Qatar ayaa soo bandhigtay dabaabaad casiri, Ciidamo badan iyo sidoo kala qoryaha meelaha fog lagu duqeyn karo.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka:

Ciidamada gaashaan oo gudaha u galay qeybo ka mid ah dhsiamha Pizza House

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleeyno dhismaha maqaayadda Pizza House ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ay gudaha u galeen qeeybo kamid ah dhismaha maqaayadda isla markaana ay gudaha kula dagaalamayaan malleeshiyaadka.

Gudaha dhismaha maqaayadda ayaa waxaa mararka qaar laga maqalayaa rasaas isbada joog ah inkastoo ay sidii hore kasoo yaraatay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Sayid Axmed Carab ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah ee Gaashaan ay gudaha ku jiraan isla markaana howlgalku uu socdo.

Waxa uu intaa ku daray in qeeybo kamid ah dhismaha maqaayadda ay ka nadiifiyeen malleeshiyaadka, ciidamadana ay soo bad baadiyeen dad farabadan oo ku go’doonsanaa dhismaha waxaana dadkaas lasoo bad baadiyay kamid ah laba ruux oo ajnabi ah.

Ciidamada la dagaalamaya malleeshiyaadka ayaa afarta dhinac rasaas uga garaacaya dhismaha iyagoo doonaya inay malleeshiyaadka ka saaraan qeeybaha sare waxaana la maqlayaa qoryaha darandooriga u dhaca oo ay isticmaalayaan ciidamada Gaashaan.

Weerarkii xalay lagu qaaday maqaayadda Pizza House ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 15 ruux oo ay ku jiraan dad ajaaniib ah waxaana kamid ahaa mawaadin u dhashay dalka Syria oo shaqaale ka ahaa maqaayadda Pizza House.

Inkastoo afhayeenka laamaha amniga uu sheegay in ciidamada ay soo bad baadiyeen dad ku jiray dhismaha maqaayadda Pizza House hadana waxaa jira dad ay malleeshiyaadka ku heeystaan gudaha dhismaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shaqsiyaadka hagar daaminaya dhex dhexaadnimada Somalia ee xiisadda carabta

Sida lawada ogyahay, waxaa cirka isku sii shareeraya oo meel xasaasi ah maraysa xidhiidh ka ay lahaayeen wadama khaliijka ee walaala ah. Tan iyo markii isbahaysiga Sucuudigu hogaamiyo xidhiidhka u jareen wadanka Qatar, waxaa isa soo taraysa saamaynta ay ku leelatay dunida inteeda kale oo ay Somalia ka mid tahay.

Khilaaf ka wadamada Khaliijka

Wadamada khaliijka carabta khilaaf koogu kuma dhisna xikmad iyo aragti fog, waana mid u muuqda inay tahay laab lakac iyo waan kaa awood badanahay oo sucuudigu ku kacay, kusii darsoo oohintu orgiga ka wayne waxaa dabada ka riixaya wadama kale oo waawayn oo doonaya inay bur bur ka khaliijka marka hore lagu bilaabo Qatar, hadana wadan kale lagu xigsiiyo  hadii paln A uu u suuroobo. Qormadan mid aan iska aliftay maahan ee waxaan ku sababaynnayaa bur bur kii lagu sameeye wadama badan oo hore oo ku yaala bariga dhaxe una badan carab iyo kacdoon kii carabta, markaa, waxaa la odhan karayaa in Sucuudigu aanu bad baadi doonin hadii maanta Qatar ay bur buriso.

Somalia halkee bay kaga jirtaa khilaaf ka?

Waddan keena waxay madaxda dalka ugu sareeya qaadatay mowqif dhex dhexaada, inkastoo caqabado badni ka jiraan iyo weliba haliso badan oo laga yaabo inay saamaynteeda yeelato. Waxa bar bar socda mowqifka dowlada dhaxe, maamulada ka jira dalka inay shir kula jiraaan xulafada iyo weliba xildhibaano ka tirsan golaha shacab ka aan jeclaysan hab dhaqan ka nidaamka cusub ee dalka ka jira.

Shaqsiyaadka hagar daaminaya dhex dhexaadnimada ay qaadatay Somalia.

Waxaa jira shaqsiyaad soo maray siyaasada dalka oo weliba meeleaha ugu sarreye ka qabtay xilka iyo siyaasada Somalia, waa ayo?

Cumar C/rashiid

Ninkani waxaa uu noqday Safiir ka Somalia u fadhiya Ameerika iyo sidoo kale waxaa uu soo noqday Ra’isal wasaare, waxaa hada  ka hor lagu eedeenaye inuu iibsaday badda Somalia ee xuduuda la leh Kenya oo weli muran keegu taagan yahay, waxa kaloo uu iibsaday dekado badan oo dalka ku yaala oo uu ka iibiye DP World.

C/Weli Mohamed Ali Gaas,

Madaxwaynehay Maamul goboleedka Somaaliyeed ee Puntland, waxaa uu soo noqday Ra’iisal wasaaraha Somalia, waxaana lagu tiriyaa aqoonyahanada Somalia ee weliba ku takhasusay dhaqaalaha, waxaa laga filaye markii uu Puntland madaxwayne ka noqday inuu wadanka sii hormariyo oo uu midnimada Somalia ka shaqeeyo, maadaama uu yahay aqonyahan iyo siyaasi wayn, waxaa uu bilaabay inuu heshiis caalami ah lagalo cidda uu doono, waxaana ka mid ahaa dekada Boosaaso, Garoon ka Gaalkacyo iyo qaar kale, hadana waxaa uu heshiis iyo shirar kula jiraa CCC iyo Imaaraat ka si loo hagar daamiyo mowqifka dowlada dhaxe.

Shariif Xasan sheikh Aadan 

Shariif waxaa uu ahaa nin ganacsade ah oo ku fir fircoon dhanka ganacsiga, waana nin lagu tirin jiray inuu kasoo jeedo qoys la ixtiraamo, waxaa uu soo noqday Gudoomiye Parlement ee dowladihii KG ahaa,

waxaa lagu eedeyaa inuu sabab u ahaa bur bur kii dowladii C/llahi Yusuf, waxa uu imika yahay madaxwaynaha Mamul goboleedka koonfur galbeed Somalia, waxaana dhowaan hesiis hor dhaca la galay Imaraat ka carabata oo uu ku wareejiyo dekada Baraawe ee uu ka arimiyo , waxaa uu imika shirar kula jiraa CCC inuu hagar daamiyo mowqifka dowlada dhaxe.

Maxaa Somalia la gudboon?

Madaxda Somalia waxaa la gudboon inay iskugu yeedho kulan deg deg ah (xasaasi ah) ee looga arrinsanayo sidii mowqif midaysan looga qaato qadiyada khaliijka ee aanay ku fikirin inay wax walba ay iyagu awood u leeyihiin, sharciyadana u haystaan, xaqiiqada jirtana hoos u eegaan, weliba ay xidhiidh la samayso CCC, una sheegto inuu faraha kala baxo arrimaha Somalia wakhti xaadir kaan (inkastoo aan la filayn) maadama uu soo maray wakhti uu talin jiray hadana aanu faraha la galin siyaasada gudaha ixtiraamana madax banaanida Somalia oo weliba dalkiisa ah.

Maxaa la gudboon madaxda aan kasoo qaadanay qaar ka mid ah?

Waxaa ceeba nin xil sare ka qabtay dalka oo u dhaartay inuu daacad u yahay inuu hadana harag daamiyo dalkiisa kuna bedesho xoolo iwm, waxaan ka codsanayaa maxadadeena maamul goboleed yada inay ka fikiraan mustaqbal keena (dhallin yarada) iyo jiilka soo socda ee aany ina iibsanin, waxaa kaloon ka codsanayaa inay dowlada kala tashtaan arrinkan oo ay qaataan mowqif midaynsan.

Xildhibaanada la tuhunsan yahay?

Horta aanu is waydiine XILDHIBAANOW yaad meteshaa, shaqadaaduse maxay tahay? Waxaa wax laga xumaado ah in xildhibaan qaran oo soo doortay madaxwayne qaran oo ansixiyay Ra’iisal waraasre iyo wasiiradiisa ay hadana ku fikiraan inay bur buriyaan, maanay ceeb kugu ehayn waxaad dhistay inaad bur buriso? Hadii aanad jeclaysan sida wax u socdaan maad la timaadid fikrad wax dhisaysa ee lagu toosinayo madaxda dalka, halka aad dalal shisheeye u doonaysid garab iyo qaran dumis, takale ma ogtahay in aan la aaminin oo aan qaymo loo yeelin qof dalkiisa khiyaamo? Waxaa idin la gudboon inaad sharic dejintiina ku ekaataan oo shaqadiina garataan, ee aanay ehayn inaad madaxwayne ama Ra’isal wasaare shaqadiisa qabsanaya aanad caqabad ku noqon.

Shacbaka maxaa la gudboon?

Hadaanu laba u kala qaadno shacabka waxaa la gudboon:

  1. waa inay taageeraan jid kastoo lagu bad baadin karo dalkeena oo weliba aynaan ka aamusin dhibaatada ay inagu hayaan siyaasiyiin calooshood u shaqaystayaala
  2. waa in odeyaashii keenay Xildhibaanada ay la hadlaan inaanay bur burinin waxa kan curdin ka ee hada la yagleelay, xildhibaan kii la hayn waayana lagu bedelo ina adeer kii maadaada wuxu ahaayeen 4.5 waayo wadanka ayaa ka wayn xildhibaan qaran dumisa.

FG:  Akhriste; qormadaan cidna kuma mucaaradayo cidna kuma taageerayo waa fikir kayga ayaan cabiraye wixii khalada oo aad aragtid inaa saxdo waan soo dhoweenayaa. 

W/Q: Ali M. Hussein
Senior Researcher & Trainer 
[email protected]

Xog: Sababta rasmiga ah ee Ismaaciil Cumar looga saaray tartanka qur’aanka Dubai

Dubai (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa u kuurgashay sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya in Ismaaciil Cumar Madaar laga soo saaro Tartankii Qur’aanka ee magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Ismaaciil Madaar, oo Somalia u Matalay Tartanka laga soo saarey Imaaraadka, kadib markii uu Baraha Bulshada “Social Media”, la wadaagay asxaabtiisa Qoraallo ay ku taageerayeen Qadar.

UAE ayaa soo saartey dhawaan ammaro cusub, oo kamid ah in cid kasta oo taageero iyo midnimo ugu muujisa Baraha Bulshada dalka Qadar ku mutaysan doono 15 sano oo xabi ah, iyo ganaax lacageed.

Arinta Ismaaciil ayaa noqotay mid hadal-heyn badan, oo qabsatay Canaawiinta Warbaahinta qaar, oo u micneeyay Kiiskiisa mid la xiriira go’aankii dowladda Somalia ka qaadatey Khilaafka Khaliijka ka taagan.

Isagoo kula hadlayay Wariyaasha magaalada Hargeysa, ayuu sheegay Ismaaciil Madaar in amarka looga soo saarey Imaaraadka uu ka dambeeyay Wafdigii ka socday Qadar ee tagey Muqdishu todbaadkan.

Dhanka kale, Hay’adda agaasintay Tartanka Qur’aan Akhriska ee Imaaraadka, ayaa cadaysay in sabab diblomaasiyadeed aan Ismaaciil looga soo saarin dalkaasi, balse ay tahay mid shaqsiyadeed.

Haddii kiiska uu yahay mid Imaaraadka xiriir ugu jarayso Somalia ay jiraan siyaabo kale oo ay ku muujin karaan arintaasi, sida in dhamaan Soomaalida ku nool inay ku amarto in dalkeeda isaga baxaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XIISADDA KHALIIJKA: Madaxweyne Farmaajow dadka iyo dalka bad-baadi

Sida aad ka warqabto waxaa Somnaliya ku soo fool leh dhibaato aad u baaxad weyn oo ay soo wadaan Sacuudiga & Imaaraatka taasoo saldhigeedu yahay inaan la collowno dowladda Qadar oon waxba naga halleyn,  wax dhibaato ahna aysan naga soo gaarin xageda marna. Waxaa la ogaaday in Somalida ay yihiin dad wax kasta ay u beec yihiin xataa dhulkooda in lacag looga beddesho waa oggol yihiin, sida maanta muuqata.  Waxaana hadalkaan markhaati ka ah habdhaqanka ay ku socdaan Somaliland iyo Puntland markii la siiyay xoogaa lacag ah inay dalki iyo dadki wareejiyeen una fasaxeen Imaaraatka inay waxay doonto ka sameyso mar haddii madaxdi meesha ugu sareysay xoogaa doolara la siiyay.

Haddaba, si aan uga badbaadno dibindaabyada naloo maleegaayo waa inaan isku tashanaa oon tallaabo ka-hortag ah sameyno, waayoo waxaa jira xikmad carabi ah oo dheheysa CADAWGAAGA CAAQILKA AH WUXUU DHAAMAA SAXXIBKAAGA DOQONKA AH.  Maanta waxaan khatar ugu jirrnaa inay Somaliya ay burburiyaan Sacuudiga ioy Imaaraatka oo cadaawo aad u qoto dheer u qaba walaalahood Qatariyiinti oon wax dhibaato ah aysan u geysan, balse laga yaabo inay taageerto mucaaradka ka soo horjeeda dowladahaas oo ay ka taliyaan dad xakunka xoog ku heysta qofki ka soo horjeedana ay ka takhalusaan.

Waxaan joognaa maanta xiligi ay Somalida dhihi jirtay QAYLO DHAAN WARMO KAMA TUNMAAN cadawgi iridka ow joogaa awood aan isaga caabinno ma lihin…marka maxaa nala gudboon? Mudane M/weyne  waxaan qabaa inay noo furan tahay hal tallaabo oo u baahan in deg-deg loo qaado taasoo ah in heshiis laga galo dowladda Turkiga, laguna wareejiyo ilaalinta xeebeheena si ay uga horjoogsadaan ugana saaraan ciidamada Imaraatka ee raba inay qabsadaan xeebaha Saomaliya oo dhan.  Dalkaan adigaa Madaxweyne ka ah mana jirto cid kale oo ka gaari karta go’aan iyadoon dowladda dhexe oggolaan.

Waxaan kugu adkeynayaa inaadan marna ka shakinin adeegsida awooda dustuuriga uu dalkaanu ku siiyay, waxaana diyaar ah dad aqoon gaar ah u leh sharciyada adduunka, heegan ugu jira inay kaa saacidaan dhinac walba marka aad qaadato go’aankan geesinnimo ee dalka lgu badbaadinaayo intey goori goor tahay.

Somaliland ma jiri karto, dowladna ma naqan karto, taako ka mida dhuka Somaliya ma kireyn karaan mana wareejin karaan waxaana u diidaya sharciyada caalamiga ah ee adduunka lagu dhaqo…waryaa u sheega inaysan weligood noqoneyn dowlad madaxbanaan..kuwa hogaanka u haya waa ogyihiin arrintaan, laakin waa ku qaraabanayaan oo wixi ay gurubsan karaan ay qaadanayaan kaddibna waa iska baxaayaan markuu xalku xumaado.

T A L O O Y I N

  1. Waxaa loo baahan yahay inaad warqad dacwo ah u qorto Golaha Amniga Qaramada Midoobay adigoo ku doodaya inay dowladda Imaaraatka u soo xad-gudubtay xuduuda Somaliya ( violation of territorial integerity) kaddib markey heshiisyo baadil ah oon sharci ku fadhin la galeen Maamul Goboleedyo ka mid ah Somaliya oon wax awood ah u lahayn inay bixiyaan dhulkeena iyo xeebeheyna.
  2. Waxaan ku tali lahaa in dowladda TURKIGA la weydiisto inay noo tababarto CIIDAMADA BADDA oo tiro ahaan gaaraya ilaa 10,000 askari si ay magaalo xeebeed kasta saldhig ugu yeeshaan, una daafici karaan kheyraadki badeena oo la xaalufinaayo..waxaan leenahay xeebta ugu dheer Afrika oon ciidamo mariina lahayn…waa yaab!!!

3. Mudane M/weyne hadii loo baahdo waxan diyarinay Heshiiska lala geli karo Turkiga (draft agreement)  oo aad u cilmiyeysan haddii loo baahdo. Waana ognahay inaad awood u leedihiin diyaarinta heshiis noocaas ah laakin tani waa talo aan xumaan loola jeedin.

MADAXWEYNE FARMAAJO WAXAAN KAA SUGEYNAA TALLAABO DEG-DEG AH OO DADKA & DALKA LAGU BADBAADIYO.

W/Q: Cali Mubaarak

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

QM oo digniin culus ka soo saartay go’aanka Sacuudiga ee ka dhanka ah Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda QM ayaa ka hadashay go’aanka ay dowlada Sacuudiga xiriirka ugu jartay dowlada Qadar, kadib markii uu soo ifbaxay khilaaf ku saleysan taakuleynta Kooxaha Argagixisada.

Zeid Ra’ad Al Hussein oo ah Madaxa xuquuqda aadanaha ee QM ayaa sheegay inay muhiim tahay in la kala qaado xiisada Sacuudiga kala dhexeysa Qadar iyo howlaha ku aadan waajibaadka Xajka.

Zeid Ra’ad Al Hussein, waxa uu sheegay in dowlada Sacuudiga laga doonaayo inay qafiifiso go’aanka ay muwaadiniinta Qadar ku cadaadineyso, isla markaana dib u fasaxdo muwaadiniinta laga mamnuucay waajibaadkooda cibaado.

”Suuragal maaha in xiisada Sacuudiga kala dhexeysa Qadar loo cuna qabateeyo muwaadiniinta Qadar, waxaan ka digeynaa in Sacuudiga uu kala sooci waayo xiisada iyo xuquuqda muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Qadar oo xiisad kala dhexeysa”

Waxa uu tilmaamay inuu ka walwalsanyahay saameynta xun ee suuragalka ah ee ku aadan go’doominta diblomaasiyadeed ee Qatar, isagoo ka digay inuu u horseedi karaa dhibaato baahsan dadka caadiga ah.

Sidoo kale, Mr Zeid Ra’ad Al Hussein waxa uu soo jeediyay in dalalka khaliijka ay u istaagan sida lagu xalin lahaa xiisada taagan ee saameynta xoogan ku yeelatay dhowr dal oo muslim ah.

Docda kale, Zeid Ra’ad Al Hussein ayaa dadka muwaadiniinta ah uga digay inay qeyb ka noqdaan xiisada diblumaasiyadeen ee ka dhextaagan madaxda labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada iyo wasiirada DF Somalia oo hal arrin looga digay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ayaa Wasiirada Xukuumada iyo Xildhibaanada ku amray inay diiwaan galiyaan Hubka iyo ilaalada ay wataan.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka amniga gudaha islamarkaana la ogeysiiyay Madaxweynaha, Ra’isalwasaaraha, Guddoonnada labada Gole iyo Taliyaha Nabad Sugidda ayaa Wasiirka amniga waxaa uu madaxda dowlada ku amray in ay diiwaan geliyaan hubka iyo ilaalada ay heystaan.

Mas’uuliyiinta ayaa la faray in ay hubka iyo ilaada gaarka ah ee ay leeyihiin ka diiwaan geliyaan laanta Dambi baarista ee C.I.D-da ee Muqdisho.

Wasiirka oo go’aankaasi kadib faahfaahin ka bixiyay amarka ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in Wasiirada iyo Xildhibaanada ay ka dib dhacaan mudada loo qabtay oo aheyd 14 maalmood oo ay ku diiwaan gelin karaan ilaalada iyo Hubka ay heystaan.

Wasiirka waxa uu sheegay inay jiraan cawaaqib sharci ah oo la marin doono mas’uuliyiinta aan ka faa’iideysan mudada diiwaan galinta Hubka iyo Ilaalada waxa uuna ka digay in laga dhago adeego amarka.

Wasiir Ducaale waxa uu sheegay inaanu aqbali doonin marmarsiyo kaga imaada madaxda ay ku socto fariinta, waxa uuna cadeeyay in la marin doono waxa uu qabo sharciga.

”Cidii aan u hogaansamin amarka soo baxay iyada ayaa dusha saaran doonta wixii cawaaqib ah, ma jiri doonta cid ka sareyn doonta wixii sharci ah”

Sidoo kale, Wasiirka ayaa cadeeyay inay jiraan amaro loo siiyay hirgalinta amarka kasoo baxay Wasaarada Amniga, waxa uuna farta ku goday inaanu aqbali doonin marmarsiyo.

Docda kale, waxaan la ogeyn talaabada ay qaadi doonaan mas’uuliyiinta lagu amray inay diiwaan galiyaan Hubk iyo Ilaaladooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Farmaajo oo aqbalay dalab uga yimid dhigiisa Sudan Al-Bashiir

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu aqbalay dalab casuumaad ah oo kaga imaaday dhigiisa Sudan Cumar Al-bashiir.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay casuumad uu u fidiyay dhigiisa Sudan, kdib markii uu casuumada ka Iclaamiyay magaalada Addis Ababa oo ay kuwada kulmeen Ra’isul wsaaraha dalka.

Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir ayaa casuumaada u faraya Ra’isul wasaare Kheyre, waxaana intaa xigay in khadka Telefoonka uu ku wargaliyay dhigiisa si uu u ajiibo casuumaada.

Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir ayaa aad u daneynaaya xiriir dhow uu xiligaani la sameeyo dhigiisa Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo kursiga kala wareegay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Dowlada Sudan ayaa xiriir wanaagsan la laheyd dowladii hore ee Somalia, waxa ayna iminka dooneysaa Sudan inay dib u hantiso xiriirka Somalia, maadaama ay meesha ka baxday dowladii hore.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wadahadli doona xiisada Sacuudiga iyo Qadar, maadaama ay labada dal mowqif isku mida ka qaaten xiisada labada dal.

Dhinaca kale, Dalka Sudan ayaa waxaa waxbarasho u jooga in kabadan 13 kun oo arday kuwaa oo wax kabarta magaalada Khartoum iyo Gobolada dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muuqaal: Maxaa ka taqaanaa Hotelka Caawa la weeraray ee Posh Treats iyo shaqada uu qabto?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Caawa Baabuur qarax laga soo buuxiyey lagu weeraray Posh Treats oo ah meel lagu caaweeyo oo ku taal Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow isgoyska Banaadir.

Posh Treats wuxuu ku yaalaa  meel ku dhow Isgoyska Banaadir, kana soo horjeeda maqaayad kale oo lagu magacaabo Pizza House, labada maqaayad ayaa ah kuwo caan ah.

Posh Hotel waa hotel la seexdo, lagana cunteeyo, waxaana aad ugu badan dhalinta reer Muqdisho, gaar ahaan kuwa dalalka dibadaha ka soo laabtay. Hotelku wuxuu leeyahay goob la isugu masaajeeyo/duug duugo.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaal ku saabsan waxa uu qabto Posh Treat:

Khasaaro xoogan oo ka dhashay weerar Ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar ismiidaamin ah ayaa Caawa ka dhacay Hotel Posh oo ku yaalla meel u dhow Isgosyka Banaadir ee Degmada Hodan.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah, waxaana la xaqiijiyay in lagu dhuftay iridka hore ee Hoteelka oo xiligaa aheyd mid mashquul badan.

Weerarka ayaa dhacay xili Hoteelka ay ku afurayeen dad farabadan oo halkaa isku diyaariyay xiliga afurka, waxaana la soo sheegayaa in Qaraxa uu galaaftay dhowr qof, halka kuwo kalane uu kasoo gaaray dhaawac culus.

Hoteelka ayaa waxaa ka shaqeeya Rag iyo dumar oo kasoo jeeda dalka Ethiopia, kuwaa oo qaarkood la sheegay in la badbaadiyay, halka qaarna uu soo gaaray dhaawac culus.

Inta la xaqiijiyay weerarka ayaa waxaa ku dhintay ilaa Lix ruux oo u badnaa kuwo ku sugnaa iridka hore ee Hoteelka, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo Sideed ruux oo shacab u badan.

Rasaas xoogan ayaa waxaa weli laga dhex maqlayaa gudaha Hoteelka waxaana eeryada Hoteelka ku sugan ciidamo farabadan kuwaa oo gurmad u ah ilaalada Hoteelka iyo dadka shacabka ah ee ku jira gudaha Hoteelka.

Geesta kale, waxaa la maqlayaa dhawaqa gaadiidka gurmadka oo dhaawacyada kasoo daad gureynaaya Hoteelka oo weli laga dhex maqlaayo rasaas kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DEG DEG: Weerar ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay Hoteel Posh oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Weerarkaani oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah, waxaana xiligaa ku dhex caweynaayay rag iyo dumar.

Gaariga ayaa waxaa lagu dhuftay iridka hore ee Hoteel Posh, waxaana xiligaa banaanka sare ee Hoteelka dhoobnaa ciidamo aad u farabadan oo ilaalo u ahaa mas’uuliyiin gudaha ugu jiray Hoteelka.

Rasaas xoogan ayaa waxaa laga maqlayaa gudaha iyo banaanka sare ee Hoteelka, waxaana xiran dhamaan waddooyinka gala Hoteelka iyo kuwa ka baxa.

Sidoo kale Hoteelka Caawa la weeraray ayaa waxaa ka shaqeeya Shaqaale kasoo jeeda dalka Ethiopia.

Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxa waxaana la ogeyn heerka uu khasaaraha gaarsiisan yahay.

Dhinaca kale, waxaa socda dadaalo lagu badbaadinaayo dadka ku jira gudaha Hoteelka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ma laga yaabaa in la weeraro Qatar? – Imaaraadka oo war cusub soo saaray

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka jawaabtay warar soo baxay oo sheegayey in laga yaabo in xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ay tallaabo milatari ka qaadaan dalka Qatar oo xasarad ay kala dhaxeyso.

Safiirka Imaaraadka u fadhiya dalka Mareykanka Yousef al-Otaiba ayaa sheegay in hadda aysan jirin wax tallaabo milatari ah ama dagaal ay qorsheynayaan xulafadooda inay ka qaadana dalka Qatar.

Waxa uu sheegay in taa beddelkeeda ay kordhin doonaan cadaadiska dhaqaale ee la saarayo Qatar, si loogu qasbo inay u hoggaansato dalabyada isbaheysiga Sacuudiga uu horboodayo.

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Mareykanka Yousef al-Otaiba ayaa sheegay in dalalka khaliijka ay dalabyada ay ka doonayaan dowladda Qatar u gudbin doonaan dowladda Mareykanka, si ay Qatar ugala hadasho.

Dhowr dal oo Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar ay ugu horreeyaan ayaa xiriirka u jaray Qatar toddobaad ka hor, ayaga oo ku eedeeyey inay taageero siiso kooxo argagixiso ah. Qatar waa ay beenisay eedeymahaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qatar oo qaadatay go’aan ay uga aargudaneyso Jabuuti iyo Eritrea oo la saftay Sacuudiga

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday inay ciidamadeeda nabad ilaalinta kala soo bixi doonto xuduuda muranka dhalisay ee u dhaxeyso dowladaha Djibouti iyo  Eritrea kadib markii ay labadaan dowladood la safteen go’doominta Sacuudiga iyo xulafadeeda ay saareen dalka Qatar.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar wax sabab ah uma yeelin go’aankaan oo imaanayo xilli ay cadaadis Diblomaasiyadeed kala kulmeyso qaar ka tirsan dowladaha dariska ee Carbeed kadib markii ay ku eedeeyen inay taageerto islaamiyiinta iyo dalka Iiraan, inkastoo ay Doha arrintaas gaashaanka ku dhufatay.

“ Qatar waxay dhex dhexaadiye diplomaasiyadeed oo dhex dhexaad ah ka aheyd xallinta dhibaatooyinka u dhaxeeyo dowladaha walaalaha ah iyo kuwa saaxiibada ah, welina waxay diyaar u tahay inay kaalin libaax leh ka qaadato” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Qatar.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay si deg deg ah ciidamadeeda ugala soo bixi doonto halkaas inkastoo aysan sheegin tirada ciidamada halkaas ka joogo, waxayna sheegtay inay go’aankaas ku wargelisay dowladda Jabuuti.

Sida lagu sheegay warbixinta ay soo saareen guddiga dabagalka iyo Qiimeynta Qaramada Midoobay, dowladda Qatar waxaa xuduudda Djibouti iyo  Eritrea ka joogo Ciidamo gaarayo ilaa 200 oo Askari

Qatar ayaa xiriir dhow la laheyd dalka Eritrea waxayna ciidamo aan sidaas u badneyd oo nabad ilaalin ah geysay xuduudaha ay la leedahay dowladaha Geeska Africa sanadkii 2010 markii ay halkaas ka dhaceyn dagaalo ku saabsan muran xagga dhulka ah sanadkii 2008, sidoo kalana waxay ka caawisay heshiisyo dhex dhexaadin nabadeed ah.

Dowladda Jabuuti ayaa asbuucii hore ku dhawaaqday inay hoos u dhigtay xiriirka ay Qatar la laheyd iyadoo ilaalineyso midowga la dagaalanka argagixisada iyo midnimada dowladaha Carabta iyo Khaliijka.

Toogasho dhiig ku daatay oo ka dhacday Mareykanka iyo siyaasi caan ah oo la dhaawacay

Washington (Caasimadda Online) – Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga intii ay socotay cayaar dhaqameed Baseball ah meel u dhow Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Ninkaan hubeysan ayaa dhaawacay  7 qof oo uu kamid ahaa siyaasiga sedexaad ee ugu sareeyo congress-ka mareykanka kaasoo lagu magacaabo Steve Scalise sida ay caddeeyeen goob joogayaal.

Dad goobjoogayaal ah ayaa CNN u sheegay in ninka weerarka soo qaaday uu ku hubeysnaa qori isla markaasna uu u muuqday nin cad oo da’diisa ay meel dhexaad tahay sidoo kalana xigay xagga cayilka marka laga hadlayo tilmaamtiisa.

Wakiil kasoo jeedo Alabama ayaa CNN u shegay inuu kaliya arkay laba il biriqsi ninka  hubeysan wuxuuna xaqiijiyey inuu rasaasta u ridayey dhanka xubnaha Jamhuuriga ay ku sugnaayeen

Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah

Qatar oo wax lagu qoslo ku tilmaamatay hadal ay Sacuudiga ku qancineysay Mareykanka!

Dooxa (Caasimadda Online) – Xafiiska Warbaahinta wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar ayaa wax lagu qoslo oo lala yaabo ku tilmaamay hadalkii dhawaan kasoo yeeray dowladda Sacuudiga markii wasiirkooda Arrimaha Dibadda uu kulan Washington kula qaatay xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Dowladda Sacuudiga ayaa tilmaamtay inaan Qatar la gelin go’doomin iyo cuna qabateyn isla markaasna kaliya ay Sacuudiga iyo xulafadeeda xiriirka u jareyn isla markaasna ay hawadooda iyo badooda u diideen.

Dowladda Qatar ayaa hahalkaas ku tilmaamtay wax lala yaabo, waxayna ku dhawaaqday in Dowladaha Sacuudiga iyo xulafadeeda ay xayiraad dhinac kasta ah saareen Qatar taasoo ay ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Qatar u dhashay iyo kuwa dhulkedaa ku nool, balse ay arrintaas dadaal dheer ku wajaheyn.

Waxay go’doominta la saaray ku tilmaamtay inay tahay mid laga leeyahay ujeedooyin siyasaadeed, iyagoo sheegay inay khilaafsan tahay xiriirka walaaltinimo. Qiyamka Islaamiga, midka bini’aadanimada, dhammaan Diimaha Samaawiga ah  iyo qanuunka dowliga ah.

Waxay dowladda Qatar sheegtay inaysan ku dayan dowladaha cadowtinimada u muujiyey iyadoo fiirineyso xiriirka walaaltinimo iyo midka islaamino ee ka dhaxeeyo dowladaha Khaliijka ee walaalaha ah, waxay wax jiro ku tilmaamtay inay jiraan shaqsiyaad Qatar u dhashay oo kamid ah ururada Argagixisada sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Mareykanka.

Go’doominta ay ku sameeyeen Qatar qaar ka tirsan Dowladaha Khaliijka ayaa saameyn ku yeelatay dowlado badan, waxaana jiro baaqyo Caalami ah oo lagu dalbanayo in go’doominta laga qaado Qatar.

Sawirro: Kiiska dilka Wasiir Siraaji oo maanta lasoo Gabagabeeyay (Maxaa la sugayaa)

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee DFS ayaa maanta oo Arbaco ah soo gabagabeysay dhageysiga dacwadii la xariirtay Dilkii Marxuum Wasiir Cabaas Cabdullaahi Siraaji.

Dilka Wasiirka ayaa waxaa loo heystaa Axmed C/llaahi Cabdi Ceydiid oo ah dable ka tirsan CX iyo Cusmaan Salaad Barre oo isna ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ilaalo u ahaa Hanta dhowrihii Guud ee Qaranka.

Dilka Wasiirka ayaa waxaa si gaara loogu heystaa inuu ka danbeeyay Axmed Cabdullaahi Cabdi Ceydiid, halka Cusmaan Salaad Barre lagu eedeeyay waajib gudasho la’aan oo ah arinta maxakamada dooda badan ka dhex dhalisay.

Maxkamadda oo socotay muddo ka badan seddex saacadood ayaa waxaa ku sugnaa Garsoorayaasha Maxkamadda, Xafiiska xeer ilaalinta ee Maxkamada ciidamada qalabka sida abuukaatayaal ilaa sideed gaarayay oo u doodayay eedeysanayaasha iyo sidoo kale eheleda labada dhinac iyo dad weyne kale oo daawanayay, maadaamaa maxkamaddu aheyd mid furan oo dadweynuhu ay ka qeyb geli karaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalbaka sida ayaa horey u dalbaday in xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ay keenaan cadeymo dheeraad ah oo la xiriira kiiska, waxa ayna Maxkamadda horkeeneen Muuqaalo lagu duubay ” CCTV”, Sawirro , qiraalo , qoraal cadaynaya inta uu soo maray kiiskan baaristiisa iyo heerarkii 1-aad iyo 2-aad ee dhageysiga dacwadda maanta la soo gaba-gabeeyay qeybteedii 3-aad.

Waxaa Maxkamada Cadeymo la xiriira kiiska horkeenay Saraakiil ka socoday hey’adaha baariska booliiska oo ka hor aqriyay garsoorka cadeymo ay la socdeen muuqaal iyo sawirro kuwaasi oo muujinayay kiiska dambiga ah sida uu u dhacay.

Sidoo kale, Kabtan Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka xafiiska xeer ilaalinta guud ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in dacwadda loo heysto eedeysanaha koowaad ay tahay mid cad isla markaana ay ka xafiis ahaan u cadahay in xabadda ku dhacday isla markaana uu u geeriyooday Wasiirkii howlaha guud ay ka dhacday qoriga uu watay Dable Xoogga Axmed Cabdullaahi Cabdi Ceydiid oo uu dilka Wasiirka isaga ka dambeeyay, wuxuuna maxkamadda ka codsaday in laga laabto dacwada loo heysto eedeysanaha labaad.

Gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute ayaa ku dhawaaqay ugu dambeyn la soo gaba-gabeeyay kiiskan, garsoorkana aya ka soo saari doonaan xukunka kama dambeysta ah sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dacwadda loo heysto labadan eedeysane oo heerar kala duwaan soo martay ayaa maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay, iyadoo go’aanka ugu dambeyana maxkamadda laga sugi doono.

Dowladda Sacuudiga oo hanjabaadii ugu cusleyd u dirtay dowladda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa weli ku adkeysaneysa in Somalia ay ka dooneyso inay ku biirto xulafadeeda, isla markaana xiriirka u jarto dowlada Qadar oo lala xiriirinaayo kiisas Argagixisanimo.

Dowlada Sacuudiga ayaa xiriir joogta ah la sameysa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo lagu cadaadinaayo inuu dib uga laabto mowqifkii uu ka qaatay xiisada kala dhexeysa Qadar.

Qoraal lagu daabacay Jaraa’idka afka dheer Lemond ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Sacuudiga ay ku hanjabtay inay mamnuuci doonto muwaadiniinta Soomaalida ee doonaya gudashada waajibaadka Xajka.

Jaraa’idka waxa uu qoray in dowlada Sacuudiga ay mamnuuci doonto in Fiiso dal ku gal ah lasiiyo dhammaan shucuubta heysata dhalashada Somalia, haddii aysan DFS ku dhawaaqin inay xiriirka u jartay Qadar.

Dowlada Sacuudiga ayaa sidoo kale ku Hanjabtay in Somalia ay xiriirka u jari doonto, haddii aysan ku dhaqaaqin isbedel dhanka mowqifkii hore, isla markaana xiriirka u jarin Qadar.

Wadamada badan ayaa u hogaansamay Cadaadiska dowladda Sacuudiga balse waxaa jira wadamo Afrikaan ah oo ku adkeystay inay dhex dhexaadinayaan Sacuudiga iyo Qatar.

Dowlada Sacuudiga ayaa ku Hanjabtay in go’aan cad ay ka qaadan doonaan dowladaha kale ee aan weli xiriirka u jarin Qadar, iyadoo lagu adkeyn doono sharciyada dal ku galka ah ee Sacuudiga.

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili dhawaan DFS ay Wasiiro u dirtay Sacudiga kuwaa oo aan la kulmin soo dhaweyntii loo baahna iyadoo lala kulansiiyay xubno agaasimayaal ah, kadib markii DF ay ku dhawaaqday go’aankeeda dhex dhexaadnimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasaarada amniga DF oo amar adag ku soo rogtay wasiirada iyo xildhibaanada labada aqal

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Xukuumada Somalia Ducaale ayaa amar kusoo rogay dhammaan Wasiirada iyo Xildhibaanada labada Aqal ee DF inay diiwaan galshaan Hubka ay ku dhex wataan gudaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa Mas’uuliyiinta ku amray in Hubka ay wataan muddo dhan 14 cisho ay kaga soo diiwaan geliyaan Xarunta CID-da.

Wasiirka waxa uu sidoo kale Mas’uuliyiinta DF ku amray in CID-da ay kasoo diiwaan galiyaan xitaa ilaalada ay wataan iyadoo loo sameyn doono sharciyo lagula xisaabtami doono Askarigii fal u geystaa shacabka.