25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Sawirro: Booliska Britain oo soo bandhigay Agabkii ay isticmaalayen Kooxihii weeraray buundada London

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen warbaahinta Britain Booliska ayaa soo bandhigay agabkii ay isticmaalayeen Kooxihii dhawaan weerarka ku qaaday buundada London.

Seddexda ruux ee weerarka ku qaaday buundada London ayaa kala ahaa Khuram Butt, 27-jir, Rachid Redouane, 30-jir, iyo Youssef Zaghba, 22-jir.

Agabka uu soo bandhigay Booliska ayaa isugu jira Mindiyo, Gawaari, Qaraxyo, Suuman iyo agab kale oo ay isticmaalayeen Kooxda.

Booliska ayaa sheegay in ilaa iyo xad ay fashiliyeen weerarka waxa ayna cudur daar ka dhigeen in Kooxdaasi ay u diideen inay isku Qarxiyaan Qaraxyadii ku xirnaa.

Booliska waxa uu sidoo kale bar aqoonsaday maleeshiyaadka weerarka fuliyay kuwaa oo horay u galay danbiyo Qaran.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA

Xog cusub: Shariif Xasan oo dekadda Baraawe ku wareejinaya Imaaraadka + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa weli ku sugan magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta.

Hogaamiyaha ayaa halkaa kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda DP World oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah.

Hogaamiyaha ayaa madaxda shirkada ka dalbaday inay qeyb ka noqdaan maalgashiga ku socda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna usoo jeediyay inay qiimeyn ku sameeyan Dekadda Baraawe oo aan iminka shaqeyn.

Shariif Xasan ayaa Madaxda usoo bandhigay inay dhismo ku sameysan karaan Dekadda Baraawe oo la rumeysan yahay inay kasoo xaroon karto dhaqaale xoogan.

Shariif Xasan iyo Madaxda Shirkada ayaa ugu danbeyntii isku afgartay in la qiimeeyo Dekadda Baraawe, si loo soo arko meelaha maalgashiga u baahan.

Shirkadaani ayaa la filayaa in wafdi ay u dirto magaalada Baydhabo kuwaa oo qiimeyn doona qaab dhismeedka Dekadda Baraawe iyo dhaqaalaha ku bixi kara haddii ay dhacdo in lagu heshiiyo qorshaha ay Imaaraadka kula wareegeyso Dekadda.

Shirkaddan laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa qorsheyneysa inay la wareegto dhamaan Dekedaha ku yaala Soomaaliya.

Shirkadda DP World ayaa qorsheyneysa inay la wareegto dhamaan Dekedaha ku yaala dalka, waxa ayna horay ula soo wareegtay dhowr Dekadda.

Dekadaha ay horay ula wareegtay shirkadaani ayaa waxaa kamid ah Dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo ay heshiisyo kala gaar gaar ah la gashay Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Dowlada Imaaraadka ayaa ku taameysa inay xajisato dhammaan Dekadaha ku yaalla dalka, gaar ahaan kuwa ay maamulaan maamul Goboleedyada.

Dhinaca kale, waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Madaxda Shirkadda DP World ay isla gaaren heshiis ku aadan inay la wareegayaan Dekadda Baraawe.

Xog: Wafti ka socda Qatar oo Muqdisho ku sugan (Hal qorshe oo muhiim ah oo ay u joogaan)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi iyo wafti la socda, ayaa socdaal deg deg ah kusoo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo uu iminka kulan kula leeyahay madaxda dowladda Soomaaliya.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Sultan bin Saad Al-Muraikhi uu iminka kulan la leeyahay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, uuna kala hadlayo xiisadda ka dhex ooggan dalalka Carabta ee Soomaaliya ay dhexdhexaadka ka noqotay.

Waxaa la sheegay inuu uga mahad-celin doono Soomaaliya, sida aysan ugu biirin dalalka Islaamiga ah ee colaadiyey dalka QATAR.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Qatar, Sultan bin Saad Al-Muraikhi

Sultan bin Saad Al-Muraikhi ayaa sidoo kale la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kalana hadlo arrintan.

Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in dowaldda Qatar ee dhaqaalle xooggan siin doonto dowladda Soomaaliya, go’aanka ay qaadatay darteed, ayada oo rumeysan in go’aankan dowladda Soomaaliya uu colaad uga abuuray dalalka kale ee Carbeed.

Go’aanka Soomaaliya ayaa keenay in Sacuudiga ay dib u dhigaan dhaqaale ay horey ugu ballan qaadeen Soomaaliya, kuna cadaadinayaan in xiriirka loo jaro dalka Qatar.

Diyaaradaha shirkadda Qatar Airways ayaa hadda adeegsaday hawada Soomaaliya kadib markii laga mamnuucay hawada dalalka ku yaalla gacanka carbeed.

Soomaaliya ayaa ku sugan xaalad laba darro mid dooro ah, waxaana go’aan kasta oo ay qaadatay uu yahay mid dhinac uga abuurayo saaxiibo dhinaca kalena cadaawad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Degmada Kaaraan oo uu ka socdo abaabul ka dhan ciidamada xasilinta (Xog)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan milateriga dowladda federaalka Somalia ayaa la sheegay inay abaabul ka dhan ah qorshaha howlgalka xasilinta amniga Muqdisho ka wada degmada Kaaraan, kuwaasi oo beel ahaan kasoo jeeda Waqooyiga magaalada Muqdisho.

Arrintaan ayaa ka danbeysay labo maalin kadib markii Guddoomiyaha degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali “Yaanyo” u yeeray ciidamada xasilinta, halkaasina oo ay markii ay yimaadeen isku dhac ku dhex maray ciidamo milateriga ka tirsan oo deegaanka ah iyo ciidamadii loo yeeray ee ka socday kuwa xasilinta caasimada, waxaana halkaasi ku dhintay Guddoomiye waaxeed iyo dad kale oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamadaan oo qaab beeleed isu abaabulaayo ayaa waxay kasoo horjeedaan falkii maalintii Jimcaha ciidamada xasilinta amniga Muqdisho hub ka dhigis ugu sameeyeen ciidamo ku sugnaa degmada Kaaraan, kuwaasi qaarkood hubkoodii lala wareegay xabsigana la dhigay.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ay ku lug leeyihiin abaabulkaan looga soo horjeedo in mar kale ay ciidamada xasilinta amniga Muqdisho howlgal ka fulin degmada Kaaraan.

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Senatorada aqalka sare oo deegaan ku leh dhismihii taliskii ciidamada badda ayaa la sheegay inuu taageerayo qorshahaan ay wadaan ciidamada milateriga ee qaabka beeleed isu abaabulaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qarax aad u culus oo caawa laga maqlay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax culus ayaa waxa uu Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana Qaraxa xigay rasaas xoogan.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Isbitaal Digfeer iyo Isgooyska Banaadir, waxaana Qaraxa xoogiisa laga wada maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob aad u mashquul badan xili dadka eeryadaasi ku sugnaa ay ahaayen kuwo ka baxay afurka.

Goobta Qaraxa ayaa waxaa hadda ku sugan ciidamo ka tirsan dowlada kuwaa oo xiray dhammaan waddooyinka iyo isu socodka gaadiidka.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay Qaraxa iyo waxa uu ahaa bartilmaameedka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Yaab: Diyaarad ku sii jeeday UK oo lagu qal-qal galiyay sheekada rakaabkii la socday

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah duuliyayaasha shirkada Easyjet ayaa si argagax leh u dajiyay diyaarad uu kasoo duuliyay dalka Slovenia kuna socotay UK.

Diyaaradaani ayaa waxaa saarnaa rakaab tirro ahaan lagu sheegay 151 rakaab kuwaa oo galay jawi kaduwan kii hore kadib markii gudaha diyaarada lagu arkay dhalinyaro ku sheekeysanaayay Daacish iyo Al-qacida.

Rakaabka diyaarada ayaa durba wargaliyay howlwadeenada diyaarada, iyagoo u sheegay in diyaarada ay la socdaan 3 Ruux oo si aad ah uga sheekeysanaaya Kooxaha argagixisada.

Diyaarada oo kusii jeeday UK ayaa laga dajiyay garoonka Cologne-Bonn ee dalka Jarmalka, waxaana xabsi la dhigay 3dii dhalinyaro ee laga shakisnaa.

Booliska ayaa burburiyay Boorso weyn oo ay wateen dhalinyaradaasi kadib markii laga shakiyay isku xirnaanshahooda iyo sheekooyinkooda ku aadanaa howlaha argagixisada.

Booliska Cologne ayaa sheegay in qaar ka mid ah rakaabka ay shaqaalaha diyaarada ku wargeliyaan in saddexda nin ay ka sheekaysanayeen argagixisanimo, balse faahfaahin dheeraad ah laguma sheegin qoraalka.

Dhinaca kale, Maamulka Shirkadda Easyjet ayaa sheegay in duuliyaha uu gaaray go’aanka dejinta diyaaradda, si uu u hubiyo ammaanka rakaabka diyaaradda saaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hanti dhowrihii xilka laga qaaday oo dambi qaran loo soo taagayo maxkamadda sare

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hanti dhowrihii Qaranka ee dhawaan dowladda Soomaaliya xilka ka qaatay Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku kacay fal dambiyeed qaran kadib markii uu dowladda Soomaaliya ka gudbiyey waraaqo.

Hanti dhowrihii hore ayaa hey’adda IOM iyo hey’adaha deeqaha siiyo dowladda Soomaaliya u gudbiyey waraaq ku saabsan inay dowladda Soomaaliya ku dhaqanto musuq maasuq isla markaasna ay xafiisyada kala duwan ka jirto isdaba marsiin.

Hey’adaha loo gudbiyey waraaqaha ayaa usoo gudbiyey waraaqihii Dr. Nuur dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si deg deg ah madxtooyada uga yeeray Nuur Faarax, wuxuuna waydiiyey sababta uu ku keenay inuu dowladda ka qoro waraaqo been abuur ah isagoo weliba xilka mar hore laga qaaday.

Labada Mas’uul ayaa kulan dheer qaatay, wuxuuna ugu dambeyn Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre soo jeediyey in waraaqdaas loo gudbiyo xeer ilaaliyaha qaranka isla markaasna ninkaan lasoo taago maxkamadda sare maadaama uu sheegay inuu ku dhaqaaqay qiyaano iyo dambi qaran.

Dhawaan ayaa la filayaa in dacwadaan loo gudbiyo xeeri ilaaliyaha qaranka, waxaana macquul ah in Hanti dhowrihii hore ee qaranka lasoo taago maxkamad.

Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa xilkiisa waayey kadib markii ay ilaaladiisa dileen wasiirkii hore ee howlaha Guud Cabaas Cabdullaahi Siraaji, waxaana xil ka qaadistiisa ka dhalatay muran badan oo markii dambe keenay inuu Madaxweynaha soo saaro waraaq uu xilka uga qaaday.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Goorta la dooranayo madaxweynaha S/L iyo ku xigeenkiisa oo la shaaciyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4866/062017 ku Cayimay Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland la qaban doono

Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 9aad ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanada ee Xeer Lr. 20/ 2001;

Markuu Helay: Qoraalka Guddida Doorashooyinka Qaranka ee Summaddiisu tahay KDQ/XK/060/2017 ee ku taariikhaysan 08/06/2017, Ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Qodobka 9aad (2) ee Xeerka Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaannada ee Xeer Lr. 20/ 2001;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay GG/JSL/Go’aan-02/03/2017, kuna taariikhaysan 06/03/2017, kaas oo lagu sameeyey muddo korodhsiimo ku eeg 13/12/2017;

Markuu Arkay: Qoraalka Maxkamadda Dastuuriga ah, ee summaddiisu tahay MD/DD/01/2017, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Qaraarka Dib-u-eegista Qaraar Fasiraad lam.MS/DD/02/2015 ee 18/08/2015;

Markuu Ku Qancay: In ay lagama-maarmaan u tahay Hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland;

Wuxuu Soo saaray Xeerkan oo lagu go’aamiyey in taariikhdu marka ay tahay 13/11/2017, ay noqoto maalinta ay qabsoomayso Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sacuudiga oo ceebtii ugu weyned dhexda ka gashay markii ay dadka Qatar ka mamnuucday beydka Alle

Makka (Caasimadda Online) – Madaxda dowladda Sadcuudiga ayaa dadka kasoo jeedo dalka Qatar ka mamnuucay inay galaan beydka Alle ee Xaramka taasoo qeyb ka ah dagaalka ay kula jiraan dowladaha Khaliijka wadanka Qatar sida uu qoray wargeyska kasoo baxo Magaalada Doha ee lagu magacaabo Al Sharq newspaper.

Ururka Xuquuqul Insaanka dalka Qatar ee loo yaqaan Qatar’s National Human Rights Commission (NHRC) ayaa ka dhawaajiyey inay soo gaartay cabashooyin ka imaanayo dadka kasoo jeedo Qatar kuwaas oo sheegay inay dowladda Sacuudiga u diiday inay galaan Masjidka Haramka ee ku yaal Makka iyo Beydka Alle.

Ali bin Smaikh al-Marri oo ah madaxda ugu sareeyo hey’adda NHRC ayaa tilmaamay inay arrintaan ka hor imaaneyso Xuquuqul Insaanka, sidoo kalana ay xad gudub weyn ku tahay diinta Islaamka in dad Muslimiin ah loo diido inay booqdaan beydka Alle.

Wuxuu cambaareeyey falkaan uu ku tilmaamay inuu yahay mid ka dhan ah diinta islaamka iyo xuquuqul insaanka, wuxuuna ka codsaday hey’adaha Islaamiga ah inay arrintaan soo farageliyaan.

Dadka falanqeeyo siyaasadda Bariga dhexe ayaa muujinayo in tallaabada ay Sacuudiga dadka Qatar ugu diiday beydka Alle ay tahay mid nacasnimo ah isla markaasna aan wax raad ah ku laheyn diinta Islaamka.

Dowladda Sacuudiga ayaa waji kale oo foosl xumo ah u rogtay dagaalkii ay dowladaha Khaliijka kula jireen Dalka Qatar oo ay ku tilmaameen inay garab siiso kooxaha argagixisada.

Dowladda Sacuudiga weli si rasmi ah uguma hadlin go’aankaan cusub oo ay qaadatay, waxaana la sugayaa sida uu arrintaan uga hadlo u adeegaha Beydka Alle ee dalka Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
[email protected]

Ciidamada Ethiopia oo xabsi dhigay sarkaalkii ka danbeeyay xasuuqii Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Baydhabo lagu xiray Sargaal ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, kaa oo lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay toogashadii Jimcihii ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Sargaalkani oo lagu magacaabo Cabdulle Isaaq ayaa dadka la toogtay u adeegsaday ciidamo isaga ka amarqaata kuwaa oo toogasho ku dilay 17 ruux oo rayid u badan iyo dhaawaca tiro ka badan 10 kale.

Cabdulle Isaaq oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta ee Koonfur Galbeed, ayaa ciidan uu horkacayay waxaa uu ku amray in ay xoog ku galaan xero ku taala bariga Baydhabo oo raashiin loogu qaybinayay qoysas barakacayaal ah.

Xariga Sargaalkani ayaa waxaa qeyb weyn ka qaatay ciidamada Ethiopia ee ka howlgala magaalada Baydhabo oo iyagu weerar ku qaaday Hooyga Sargaalka gacan ku dhiiglaha ah.

Ehelada Sarkaalka ayaa la sheegay n ay iyaga ogolaadeen in Sarkaalkaas la xiro si xal looga gaaro xiisadii gacan ka hadalka dhlisay ee ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dhinaca kale, amarka lagu xiray Sargaalkani ayaa waxaa lahaa Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Khilaafkii Khaliijka oo ka sii daray iyo maaliyada Barcelona oo laga mamnuucay Sacuudiga

Jeddah (Caasimadda Online) – Xurguta siyaasadeed ee wadamada khaliijka ee  Saudi Arabia iyo Qatar ayaa sabab u noqotay in ay saamayn ku yeelato kooxda Barcelona.Boqortooyada Saudi Arabia ayaa xidhiidhkii siyaasadeed iyo midkiiba dhaqaalaba u goysay dalka Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay soo taageerayaan ururka barriga dhexe ka dagaalama ee ISIS.

Sidaa daraadeed, maadaama oo ay maaliyada Barcelona maalgaliso Qatar Airways waxaa laga mamnuucay dalka Saudi Arabia iyada oo waliba taageerayaasha Barcelona ee ku nool dalka Saudi Arabia la duldhigay ciqaab aad u adag haddii lagu arko iyaga oo sita maaliyada Barcelona ee ay Qatar maalgaliso.

Shirkada Qatar Airways ayaa heshiis wada shaqayneed kula jirta Barcelona waxayna sabab u noqotay in garmaanta kooxda ree Spain laga xaaraantinimeeyo ciida dalka boqortooyada Saudi Arabia waxaana la sheegay in qofka lagu arko maaliyada Barcelona lagu xukumi doono ciqaab adag.

 Boqortooyada Sacuudiga, ayaa soo saartay awaamiir shacabka dalkaasi lagu wargelinayo inaanay gudaha dalkaasi ku xiran karin Maaliyadda Barcelona, inta lagu xayeeysiinayo Qatar Airways.

Xiisada ka jirta Khaliijka ayaa ee u dhexeysa dalka Qatar iyo wadamada ka soo horjeeda ayaa saameyn ku yeelatay haatan meel walba iyadoo hore dowlada Sacudi Carabiya ay ku dhowaaqday in ganaax iyo xarig uu mutaysanayo qofkii lagu arko isagoo daawanaya taleefishinka Aljazeera.

Barcelona ayaa afartii sano ee la soo dhaafay waxaa maalgelin ay ka helaysay shirkada Qatar Airways balse waxaa la filayaa in dhamaadka sanadkan uu ku soo gabagaboobo heshiiskooda.

Awaamiirtan, ayaa waxaa ku xusan cidii u hogaansami weydaa in ay muteysan doonto shan iyo toban sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan boqol iyo labaatan kun oo lacagta Ingiriiska (£120,000), sida uu daabacay Wargeyska Dailymail.

Amarka ay soo saartay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa saamayn ku yeelanaya bulshada ku dhaqan dalkaasi, gaar ahaan kuwooda taageera kooxda Barcelona iyo xidigaheeda caanka ah. Amarkan waxaa uu ku soo beegmaya, xilli Sacuudigu uu horey uga digay inaanan la fiirsan karin Telefishinka Aljazeera, haddii kalana ay dadku la kulmi doonaan ganaax iyo xarigba.

 

Qalalaasaha Khaliijka: Dowladda Somalia oo labo daran mid dooro ay haysat

0

Dowladda federaalka Somalia oo go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay muranka iyo khilaafka dalalka Khaliijka ayaa waxaa ay taasi keentay in dowladda Sacuudiga uu mugdi geliyo taageeradii Somalia u ballan qaatay isla markaana uu ku cadaadiyo dowladda madaxweyne Farmaajo in xiriirka u jarto dalka Qatar.

Tallaabada ay dowladda Somalia ku muujisay mowqifkeeda wuxuu sababay in wafdi wasiiro ah oo booqasho ku tegay Riyadh ay natiijo la’aan dalkii dib ugu soo laabtaan, heerkii qaabileed ee la filayayna aysan la kulmin.

Sacuudiga ayaa doonaya in dowladda curdanka ee Somalia ku fikrad noqoto dalalka xiriirka u jaray wadanka Qatar, Sacuudigana uu sii xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda cusub.

Arrintaan ayaa waxay noqotay labo daran mid dooro, waxaana laga yaabaa in go’aanka dowladda qaadatay haddii ay ku sii dheganaado in dowladda Sacuudiga iyo Imaaraatka ay gaabin doonaan xiriirka Somalia la leeyihiin, taasoo seameyn doonto ganacsiga baaxada leh ee ganacsatada Soomaaliyeed.

Sacuudiga ayaa la filayay in ay dib u fasaxaan oo ay bilaabaan dhoofinta xoolaha oo dhaqaale xoogan uu kasoo galo Somalia, halka dalka Imaaraatka Carabta uu yahay dalka kaliya ee ganacsiga ugu xoogan ka hesho Somalia.

Ganacsiga ugu badan ee raashinka sida, burka, bariiska, sonkorta, bagaashka, dharka iyo maciishadaha kala duwan ayaa waxaa laga keenaa dalka Imaaraadka Carabta oo ganacsatada Soomaaliyeed ay ku tiirsan yihiin.

Haddii dowladda federaalka ay caddeyn weydo mowqifkeeda ku aadan cidda ay taageerto ama ay codkeeda ku biirin weydo dalalka xiriirka u jaray Qatar, waxaa uu saameyn doonaa nolosha malaayiin Soomaaliyeed oo ku tiirsan dekaddaha Imaaraatka ee soo mara ganacsiga kala duwan iyo Suuqa xoolaha ee Sacuudiga oo la filayay in dhawaan dib u bilaabaan dhoofinta xoolaha.Dowladda Somalia ayaa xiriir dhow la leh dalka Qatar oo madaxweynaha Somalia ka taageertay inuu ku guuleysto kursiga madaxweynenimada.

Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo saaxib la ah Madaxweyne Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuu yahay nin xiriir dhow la leh dowladda Qatar, wuxuuna qabaa inaan xiriirka loo jarin dowladda Qatar.

Dowladda Somalia ee curdanka ah ayaa dhex taagan xaalad siyaasadeed oo u baahan in si degan looga baaraan dego, iyadoo awalba ay xaalad noocaan ah ka haysatay dalalka deriska oo aysan isku fiicneyn, haddii tani ay kusii darsantana waxay u muuqataa dowlad ku dhex dhimata dalal is-diidan iyo dib u dhac 26 sano laga soo kabsaday in dib loogu noqdo.

Waxaa la gudgeon dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre in ay ka daaraan degaan siyaasadaha is-diidan iyo khilaafka dalalka Khaliijka iyagoo u daneynaaya 10-milyan ee ay madalaan, iyadoo aan la fiirin dano shaqsi, koox ama dal, kana shaqeeyaan danaha malaayiinta qof ee ay ku dhaarteen.

Waxaa boggaadin mudan go’aanka dowladda Jabuuti ka qaadatay qalalaasaha Carbeed ee Khaliijka ka taagan, iyadoo eegtay danaha shacabkeeda, cidnana ku xadgudbin.

W/Qoray: Ali Muhiyaddiin.
Facebook.com/sheekha2

Madaxweyne Farmaajo ma u hoggaansami doonaa cadaadiska Sucuudiga?

Waxaa banaanka u soo baxaya warar sheegaya in Boqortooyada Sucuudi Caraabiya ay cadaadis ku hayso Dowladda Soomaaliya sidii ay qayb uga noqon lahayd xasaradda ka dhex taagan dalalka Khaliijka Carabta ee xiriirka u jarey dalka Qatar isla markaana cunno-qabateyn ku soo rogey.

Sucuudiga ayaa war saxaafadeedkii u horeeyey ee arrintan ku shaciyey ka dalbadey dalalka walaalaha la ah sida ay hadalka u dhigeen in ay qaadaan talaabada ay qaadeen oo kale, waxaana arrintaas fuliyey dalal dhawr ah oo ku yaala qaaradda Afrika, sida Senegal, Maroco iyo Jabuuti.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan dhex-dhexaad ah ka qaadatey khilaafka waxaana ay ku baaqdey in wada hadal lagu xaliyo loona maro ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka dalalka Islaamka.

Wefdiga Soomaaliya ee Sucuudiga

Sucuudiga waxaa booqasho ku joogay wefdi aad u culus oo u badan Wasiiro Dowladda Federaalka, booqashada ayaa ahayd mid sii qorsheysneyd kana dhalatey booqashadii Madaxweyne Farmaajo ku tegey Sucuudiga.

Golaha Wasiirada ee tirada badan ee ku sugan Sucuudiga ayaa qorshuhu ahaa in ay la kulmaan dhigooda dalka Boqortooyada Sucuudiga oo kala saxiixdaan heshiisyo iskaashi ah oo lagu hormarinaayo Soomaaliya.

Arrintaas ayaan dhicin waxaana Wasiirada Boqortooyada Sucuudigu ka baaqsadeen in ay qaabilaan kuwa Soomaaliya, waxaana beddelkoodi loo soo direy Agaasimayaal ka socdey Wasaaradaha qaarkood in ay la kulmaan.

Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa VOA u xaqiijiyey in wasiirada Soomaaliya aysan la kulmin Wasiiro ka tirsan Boqortooyada.

Haddaba warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sucuudigu Soomaaliya laba lagu kala dooransiinayo in ay xulafada Sucuudiga ee go’doominta Qatar ay soo raacdo ama ay hoos u dhigto xiriirka ay Qatar la leedahay iyada oo caadifad u muujineysa xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka. Warar hoose ayaa sheegaya in Soomaaliya labadaba diidey ayna sheegtey in khilaafka aan loo baahneyn dhex-dhexaadna ay ka ahaanayaan.

Dowalddii hore ee Soomaaliya ayaa saddex khilaaf oo sucuudigu ku luglahaa midkasta la safatey Sucuudiga waxaana ugu danbeeyey kii dalka Iran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Maxaa ka jira in Imaaraadka Carabta u yeereen safiirkooda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Safaarada Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dowlada Imaaraadka ay u yeertay Danjiraheeda Somalia Maxamed Al-Cuthmaan.

Danjiraha ayaa waxaa u yeeray Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka kadib markii ay sii xoogeysatay xiisada Sacuudiga iyo Imaaraadka kala dhexeysa dowlada Qadar.

Danjiraha ayaa la sheegay in loo yeeray wixii ka danbeeyay go’aanka ay dowlada Somalia ka qaadatay xiisada ka dhex aloosan dowladaha Sacuudiga iyo Qadar.

Danjiraha ayaa la sheegay inuu kamid noqon doono Guddi ay dowlada Imaaraadka u direyso dalalka carabta ee aan weli go’aan ka qaadan xiisada ka dhex aloosan dowladaha Khaliijka.

Dowlada Imaaraadka ayaa sii ololineysa xiisada ka dhex taagan dowladaha Sacuudiga iyo Qadar, waxa ayna Imaaraadka dhowr sano ku taameysay in adduunka laga horgeeyo Qadar.

Si kastaba ha ahee, Dowlada Imaaraadka ayaa dhanka kale culeys ka saareysa dowlada Somalia si ay qeyb uga noqoto xiisaada ka dhex aloosan dowladaha Khaliijka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hormuud Foundation oo deeq lacageed gaarsiisay Isbitaallada Danta Guud ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa maanta deeq isugu jirta Lacago Dollar ah, Raashin & Shidaal gaarsiisay Isbitaallada Danta Guud ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo ah mid ay Hay’addu bixiso Sannad kasta Bishan Ramadaan ayaa waxa ay ugu talo gashay in Bukaannada ku jira Isbitaallada Danta Guud ay afur ka dhigtan muddada lagu jiro Basha Barakeysan ee Ramadaan.

Isbitaallada Deeqdan lagaar siiyey ayaa waxa ay kala yihiin Isbitaalka Banaadir, Madiina, Daayniile, Keysaney & Lansareeti oo dhammaantood ah kuwo si bilaash ah loogu daweeyo bukaannada qaba xanuunnada kala duwan.

Guddoomiyaha Hey’adda Hormuud foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka war bixiyey deeqdan iyo inta ay ka koobantahay ayaa sheegay in bukaan kasta oo ku jira Isbitaalladan la siin doono $100 (Boqol) Dollar, halka isbitaalka Banaadir si gaar ah loogu wareejiyey Raashin, Timir & Shidaal. si ay ugu kaashadaan duruufohooda gaarka ah.

Agaasimayaasha Isbitaallada & Bukaannada Deeqda lagaarsiiyey ayaa si weyn usoo dhoweeyey kaalmada ay hey’addu usameysay, iyagoo uga mahad celiyey Hay’adda si ay had iyo jeer u garab istaagto Dadka Danta yarta ah ee ku nool Somalia.

Hay’adda Hormuud Foundation ayaa si joogto ah u caawisa Isbitaalladan danta Guud, waxayna ka saaciddaa dhinacyada Shidaalka & Matoorrada.

Xog: Amiirka Qadar oo qadka teleefanka kula hadlay madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa qadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Qadar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Sida ilo-wareedyadu sheegeen, Labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wadahadlay xiisada Qadar kala dhexeysa dowlada Sacuudiga, kadib markii ay soo ifbaxeen eedeymo la xiriira in Qadar ay dhaqaale ku bixiso Kooxaha Nabadiidka ee Argagixisada.

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa Madaxweynaha Somalia ka dalbaday inuu qeyb ka noqdo dowladaha garabka u ah, bacdamaa xulafada Sacuudiga ay dhambaalo gaarsiinayaan dowladaha carabta ee aan qeybta ka aheyn xiisada.

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, waxa uu Madaxweynaha Somalia si diiran uga codsaday inay ku biiran garabkooda kasoo horjeeda Sacuudiga iyadoo la eegaayo xiriirka Somalia kala dhexeeya Qadar.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in Madaxweyhuhu uu ka cudur daartay in dowladiisa ay ku biirto xiisada ka dhexeeysa labada dal.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani u ballanqaaday inay ka qeybqaadan doonaan dadaalada lagu heshiisiinaayo Sacuudiga iyo Qadar, iyadoo wixii intaa ka badan aysan awoodi karin Somalia.

Sidoo kale, Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa dhigiisa Somalia u ballanqaaday inaanu waxba iska bedeli doonin garab istaaga Somalia, waxa uuna u cadeeyay in Qadar aysan saameyn ku yeelan doonin go’aanka Sacuudiga.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Qadar ayaa awooda ugu badan isugu geyneysa kasbashada Somalia, waxa ayna Qadar cabsi ba’an ka qabtaa in Somalia ay ku biirto taageerada Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hardanka gacanka Carbeed, 3-da quwad ee ku loolamaya iyo saameynta Somalia

Xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan Gacanka Carbeed iyo xidhiidh u jaridda Qatar waxay muujinaysa hardanka siyaasadeed ee quwaddaha saddexda ah ee ku loolamaya Gobolka, kuwaas oo kala ah:

1 – Waa Iiraan oo saameyn kuleh Suuriya iyo Ciraaq, sidoo kalana garabsanaysa kooxaha Xisbullaah iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

2 – Waa nidaamka duqoobey ee boqortooyooyinka sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn, oo lagu biiriyey Urdun iyo Masar. Kooxdan Sucuudigu hor boodayo boqortooyooyinkoodo waxay ka cabsi qabaan kacdoono shacab oo ku kaca waxaana maangal ah in arrintu qaraxdo.

3 – Waa Turkiga iyo Qadar oo la ay jiraan Ikhwaanul Musliim, iyo ciidamada firfircoon ee kacdoonnada.

Xulufaysi Horleh oo la filan karo

Baarlamaanka Turkigu waxay shalay ansixiyeen qorshe ciidamo loogu dirayo Qatar, Si lamid ah Iiraan waxay oogu deeqday Dekaddo ay isticmaalaan iyo waliba cuntooyinka, oo halkaas waxaa ku tirantay baahidii aheyd in Qatar ay raashin ka keensato dalalkan hadda xiriirka u jaray. Dowladda Baakistaan ayaa iyaduna sheegtay in 20,000 oo askari ay u dirayso Qatar. Isu soo dhawaanshaha iyo garab istaagga ay sameeyeen Turkiga, Iiraan, Qatar iyo Baakistaan. Waxay dhallin kartaa Is xulufaysi cusub oo dunida Islaamka kusoo siyaadda, waxaana markaas meesha ka baxaysa Sarraynta Sucuudiga oo aan laheyn awood ciidan oo uu dalkiisa ku difaacan karo, isuna arkey baarqabka Dunida Islaamka ugu taag roon.

Haddii aynu eegno saameynta kale ee reer galbeedka iyo Maraykanku ku yeelan karaan arrintan. Labada waddan ee Qaaraddan Yurub (Europe) ugu tunka weyn waa Ingiriiska (England) iyo Jarmaniye (Germany). labaduba waxay muujiyeen arrin dhexdhexaadnimo siiba Jarmani iyadu way adagtahey in ay ka hor imaato Qatar, Waayo Qatar maalgelin badan oo dhaqaale ayey ku leedahey Jarmalka. Xagga Maraykanka qudhiisu ma muujin karo taageero cad, waayo saldhigga ugu weyn ee uu gacanka ku leeyahey ayaaba ah waddanka yar Qatar. Haddii uu taageero u muujiyo kolayba si dadban ayuu u taageerayaaye, Ruushku waxuu noqonayaa mid garab taagan Qatar, Halkaas waxaa ka muuqanaya heshiis cusub oo ay wada gali karaan, Turkiga Ruushka iyo waliba Iiraan. oo horray heshiisyo kale oo barriga dhexe la xidhiidha u kala saxiixdey. Maalinnimadda berri ahna waxaa la filayaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar uu u safro Ruushka. Halkaas waxaa ku hadhay boola-xooftaynta Sucuudiga, Baxrayn, Imaaraadka, Masar iyo Urdun.

Sidee arrintani Soomaaliya u saameyn kartaa.?

Xagga go’aankii ay Dowladda Soomaaliya qaadatey markaan isu weecinno, arrinkani saameeyn balaadhan ayuu dalka ku yeelan karaa, waa haddii Imaaraadku cadaadis saaro. Saameyntaasoo ah dhanka ammaanka iyo ganacsiga. Dowladda imaaraadku waxay bixisaa mushaaraadka qaar kamid ah ciidamada maamul goboleedyada, haddii mushaarkaas iyo dhaqaalahaas maamul goboleedyada ay siiso ay jartana dhibkeedda ayey leedahey, oo khalkhal xagga ammaanka ah ayaa dhici kara. dhanka ganacsiga Badeecadda ugu badan ee ay ganacsatada soomaalida ahi kasoo iibsadaan dunida waxuu oogasoo degaa Dubai. haddii arrinkaasi dhaco, waxuu suuq u furmi Doonaa Jabuuti iyo Kenya, oo noqon doona Dookh lamahuraan ah. Dhanka mashaariicda iyo ballanqaadyadii Sacuudigu u Sameeyay dowladda Soomaaliya, Haddii la waayo, beddelkoodi waxaa Maangal ah in laga helo Turkiga iyo Qatar, oo si masayr iyo kabad badis ah Soomaaliya taageera u siiya.

Gunnaanad:

Inkastoo arrinkani ayla irkaggeen Waddamada badan oo dunida kamid ah, haddana waxuu ahaa mid la filaayey, gacanka carbeed oo uu tashuush siyaasadeed ka taagnaa aawadii. Sidoo kale dhacdadani waxay saameeyn ku yeelan kartaa, dunida oo dhan, Wadamadanina waa kuwa maanta laf dhabarka u ah Shidaalka dunida.

W.Q: Cabdishukri Haybe Kilaas [Abdi Haybe]
E-mail: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DF oo go’aan adag ka soo saartay dadka degan guryaha aysan lahayn ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in dadka shacabka ah ee deggan guryaha xoogga dalka ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan.

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada iyo sidoo kale Taliyeyaasha ciidamada oo looga hadlayey arrimo ku aadan xasilinta Muqdisho ayaa waxaa qodobadii kasoo baxay kamid ahaa in shacabka si kama dambeys ah uga guuraan 1-da July guryaha ay leeyihiin ciidank xoogga dalka.

“In la baneeyo lagana baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 Julaayo ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Shacab Soomaaliyeed ayaa muddo badan ku nool xarumo muhiim ah oo ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Kheyre oo la afuray Madaxda Hay’adaha amaanka DFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre ayaa afur u sameeyay Madaxda Hay’adaha amaanka DF.

Ra’isul wasaaraha ayaa afurka kadib Madaxda ugu baaqay inay u adeegan bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay wax muuqda ka qabtaan amni darida weli ka jirta dalka.

Kheyre ayaa madaxda Ciidamada Xasilinta Caasimadda u sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda Soomaliya ay la qeybsanayaan Marxalad kaste oo ay ku sugan yihiin.

Kheyre waxa uu sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto shaqsiyaadka hubeysan ee doonaaya inay carqaladeeyan amniga Muqdisho.

Daawo: Haweenka boliiska Soomaaliyeed oo qaadanaya tababarka ugu adag dunia

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Haweenka Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii u danbeeyay kusoo badanayay qeybaha kala duwan ee ciidamada, gaar ahaan taliska booliska Soomaaliyeed oo ay ka dhex muuqdeen, waxayna qeyb ka noqdeen lafdhabarka booliska Soomaaliyeed, iyadoo muuqaaladaan ay muujinayaan kartida iyo ad-adeega haweenka Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALADA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]