Sacuudiga oo ceebtii ugu weyned dhexda ka gashay markii ay dadka Qatar ka mamnuucday beydka Alle

Makka (Caasimadda Online) – Madaxda dowladda Sadcuudiga ayaa dadka kasoo jeedo dalka Qatar ka mamnuucay inay galaan beydka Alle ee Xaramka taasoo qeyb ka ah dagaalka ay kula jiraan dowladaha Khaliijka wadanka Qatar sida uu qoray wargeyska kasoo baxo Magaalada Doha ee lagu magacaabo Al Sharq newspaper.

Ururka Xuquuqul Insaanka dalka Qatar ee loo yaqaan Qatar’s National Human Rights Commission (NHRC) ayaa ka dhawaajiyey inay soo gaartay cabashooyin ka imaanayo dadka kasoo jeedo Qatar kuwaas oo sheegay inay dowladda Sacuudiga u diiday inay galaan Masjidka Haramka ee ku yaal Makka iyo Beydka Alle.

Ali bin Smaikh al-Marri oo ah madaxda ugu sareeyo hey’adda NHRC ayaa tilmaamay inay arrintaan ka hor imaaneyso Xuquuqul Insaanka, sidoo kalana ay xad gudub weyn ku tahay diinta Islaamka in dad Muslimiin ah loo diido inay booqdaan beydka Alle.

Wuxuu cambaareeyey falkaan uu ku tilmaamay inuu yahay mid ka dhan ah diinta islaamka iyo xuquuqul insaanka, wuxuuna ka codsaday hey’adaha Islaamiga ah inay arrintaan soo farageliyaan.

Dadka falanqeeyo siyaasadda Bariga dhexe ayaa muujinayo in tallaabada ay Sacuudiga dadka Qatar ugu diiday beydka Alle ay tahay mid nacasnimo ah isla markaasna aan wax raad ah ku laheyn diinta Islaamka.

Dowladda Sacuudiga ayaa waji kale oo foosl xumo ah u rogtay dagaalkii ay dowladaha Khaliijka kula jireen Dalka Qatar oo ay ku tilmaameen inay garab siiso kooxaha argagixisada.

Dowladda Sacuudiga weli si rasmi ah uguma hadlin go’aankaan cusub oo ay qaadatay, waxaana la sugayaa sida uu arrintaan uga hadlo u adeegaha Beydka Alle ee dalka Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com