25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Maxaa kusoo kordhay dagaalka Muqdisho ku dhexmaray ciidamada xasilinta iyo militeriga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal dhexmaray ciidamo kawada tirsan dowlada, gaar ahaan kuwa xasilinta magaalada Muqdisho iyo Militeriga.

Dagaalka oo muddo socday ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xarunta degmada Kaaraan oo gargaar qeybin ka socotay ay weerareen Ciidamo doonayay iney qeyb ka helaan raashinka oo loo qeybinayay dadka danta yar ee ku nool degmadaasi.

Ciidamada baada waday ayaa waxaa kusoo baxay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa xasilinta magaalada oo dagaal la galay ciidamada baada ka doonaayay deeq bixinta ka soctay xarunta Degmada.

Dagaalka socday ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jirto dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka dhintay ku jiray Guddoomiyihii Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan Cabdi Maxamed Dhageey (Cabdi Jiis) iyo Seddex kale oo u dhintay dhaawac soo gaaray.

Sidoo kale, dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay labo qof oo kale oo mid haweeney aheyd ay ku dhaawacmeen.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa iminka degan xaalada Degmada, iyadoo dhammaan ciidamada Militeriga laga saaray goobta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sacuudiga oo soo saaray liiska shaqsiyaad iyo ururo argagixiso ah oo ay Qatar taageerto

Jeddah (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga, Bahreyn, Imaaraadka iyo Masar ayaa soo saaray liiska shaqsiyaad iyo ururo ay ku sheegeen  argagixiso isla markaasna ay taageerto dowladda Qatar.

Liiskaan oo ka kooban 59 qof iyo12 urur ayaan waxaan kasoo xiganay Al-Jazeera, waxaana liiskaan ugu magac weyn Sheekha weyn ee Sheekh Yuusuf Al-qardaawi.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso liiska oo dhameystiran

Shaqsiyaadka

  1. Khalifa Mohammed Turki Al-Subaie – Qatari
  2. Abdelmalek Mohammed Yousef Abdel Salam – Jordanian
  3. Ashraf Mohammed Yusuf Othman Abdel Salam – Jordanian
  4. Ibrahim Eissa Al-Hajji Mohammed Al-Baker – Qatari
  5. Abdulaziz bin Khalifa Al-Attiyah – Qatari
  6. Salem Hassan Khalifa Rashid Al-Kuwari – Qatari
  7. Abdullah Ghanem Muslim Al-Khawar – Qatari
  8. Saad bin Saad Mohammed Al-Kaabi – Qatari
  9. Abdullatif bin Abdullah Al-Kuwari – Qatari
  10. Mohammed Saeed Bin Helwan Al-Sakhtari – Qatari
  11. Abdul Rahman bin Omair Al-Nuaimi – Qatari
  12. Abdul Wahab Mohammed Abdul Rahman Al-Hmeikani – Yemeni
  13. Khalifa bin Mohammed Al-Rabban – Qatari
  14. Abdullah Bin Khalid Al Thani – Qatari
  15. Abdul Rahim Ahmad Al-Haram – Qatari
  16. Hajjaj bin Fahad Hajjaj Mohammed Al-Ajmi – Kuwaiti
  17. Mubarak Mohammed Al-Ajji – Qatari
  18. Jaber bin Nasser Al-Marri – Qatari
  19. Yousef Abdullah Al-Qaradawi – Egyptian
  20. Mohammed Jassim Al-Sulaiti – Qatari
  21. Ali bin Abdullah Al Suwaidi – Qatari
  22. Hashem Saleh Abdullah Al-Awadhi – Qatari
  23. Ali Mohammed Mohammed Al-Salabi – Libyan
  24. Abdelhakim Belhadj – Libyan
  25. Mahdi Harati – Libyan
  26. Ismail Muhammad Mohammed Al-Salabi – Libyan
  27. Al-Sadiq Abdulrahman Ali Al-Ghuraini – Libyan
  28. Hamad Abdullah Al-Futtais Al-Marri – Qatar
  29. Mohamed Ahmed Shawky Islambouli – Egyptian
  30. Tariq Abdelmagoud Ibrahim Al-Zomor – Egyptian
  31. Mohamed Abdelmaksoud Mohamed Afifi – Egyptian
  32. Mohamed El-Saghir Abdel Rahim Mohamed – Egyptian
  33. Wajdi Abdelhamid Mohamed Ghoneim – Egyptian
  34. Hassan Ahmed Hassan Mohammed Al Dokki Al Houti – UAE
  35. Governor of Abysan Al-Humaidi Al-Mutairi – Saudi/Kuwaiti
  36. Abdullah Mohammed Sulaiman Al-Moheiseni – Saudi
  37. Hamid Abdullah Ahmed Al-Ali – Kuwaiti
  38. Ayman Ahmed Abdel Ghani Hassanein – Egyptian
  39. Assem Abdel-Maged Mohamed Madi – Egyptian
  40. Yahya Aqil Salman Aqeel – Egyptian
  41. Mohamed Hamada El Sayed Ibrahim – Egyptian
  42. Abdel Rahman Mohamed Shokry Abdel Rahman – Egyptian
  43. Hussein Mohamed Reza Ibrahim Youssef – Egyptian
  44. Ahmed Abdelhafif Mahmoud Abdelhady – Egyptian
  45. Muslim Fouad Tafran – Egyptian
  46. Ayman Mahmoud Sadeq Rifat – Egyptian
  47. Mohamed Saad Abdel-Naim Ahmed – Egyptian
  48. Mohamed Saad Abdel Muttalib Abdo Al-Razaki – Egyptian
  49. Ahmed Fouad Ahmed Gad Beltagy – Egyptian
  50. Ahmed Ragab Ragab Soliman – Egyptian
  51. Karim Mohamed Mohamed Abdel Aziz – Egyptian
  52. Ali Zaki Mohammed Ali – Egyptian
  53. Naji Ibrahim Ezzouli – Egyptian
  54. Shehata Fathi Hafez Mohammed Suleiman – Egyptian
  55. Muhammad Muharram Fahmi Abu Zeid – Egyptian
  56. Amr Abdel Nasser Abdelhak Abdel-Barry – Egyptian
  57. Ali Hassan Ibrahim Abdel-Zaher – Egyptian
  58. Murtada Majeed Al-Sindi – Bahraini
  59. Ahmed Al-Hassan Al-Daski – Bahraini

Ururada

  1. Qatar Center for Voluntary Work – Qatar
  2. Doha Apple – Qatar
  3. Qatar Charity – Qatar
  4. Eid Charity – Qatar
  5. Sheikh Thani Bin Abdullah Foundation for Humanitarian Services – Qatar
  6. Benghazi Defense Brigades – Libya
  7. Ashtar Brigades – Bahrain
  8. Coalition 14 February – Bahrain
  9. Resistance Brigades – Bahrain
  10. Hezbollah Bahrain – Bahrain
  11. Saraya Al Mukhtar – Bahrain
  12. Movement of the Free in Bahrain – Bahrain

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ciidamada xasilinta Muqdisho oo dagaal ku qabsaday degmada Kaaraan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhow ka dhacay degmada Kaaraan, kaddib markii ciidamada Xasilinta ay howl gal hub ka dhigis ka bilaabeen degmadaas, iyadoo iska caabin ay kala kulmeen Ciidamo ka tirsan Milateriga iyo ciidamo deegaanka ah.

Dagaalka ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxaana arrintan ka dambeysay kadib markii Ciidamada Xasilinta Amaanka Magaalada Muqdisho ay saaka baaritaano xoog leh ka bilaabeen xaafado katirsan degmada Kaaraan.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la maqlayay rasaas ka dhaceysay qoriga dhashiikaha ee saaran baabuurta loo yaqaano cabdi bilaha.

Goob joogayaal ku sugan degmada Kaaraan ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu ka dhacay agagaarka xarunta degmada, halkaasoo ay ka socotay raashin qeybin.

Guddoomiyaha Waaxda Kamhuuriya ka tirsan degmada Kaaraan ayaa la sheegay inuu ku dhintay iska hor imaadka labada ciidan, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdi Jiis.

Xaalada ayaa iminka degan, waxaana ciidamadii xasilinta ee howl galka ku qaaday degmada Kaaraan u yimid ciidamo kale oo gurmad ah.

Inkastoo aanay ku guuleysan inay wax hub ah gacanta ku dhigana, hadana ciidankii Milateriga iyo kuwa deegaanka ayaa goobt isaga cararay.

Waa howl galkii u horeeyay ee ka dhaca degmada Kaaraan ee waqooyiga Muqdisho, tan iyo markii ciidamada Xasilinta ay bilaabeen howl galada sugida amniga iyo hub ka dhigista.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Sidee ayay muslimiinta ciidamada AMISOM u gutaan waajibaadka soonka iyo Salaada

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ayaa soo bandhigay sawirro ka turjumaaya cibaadada ay ku howlan yihiin qaar kamid ah ciidamada heysta diinta Islaamka.

Ciidamada lasoo bandhigay ayaa ku guda jira Afur iyo dukashada salaada Maqrib, maadaama ay yihiin kuwa heysta diinta suuban.

Ciidamadani ayaa ku dhex jira masjid ku yaala Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, iyadoo guud ahaan ciidamada Muslimka ah lagu sheegay inay gaarayaan inkabadan 600 oo u badan Jabuutiyan iyo Ugandhees.

Ciidamada AMISOM, garabka heysta diinta Islaamka ayaa leh guddiyo u qaabilsan dhanka soonka kuwaa oo xili waliba isku hoola hagaajinta goobaha cibaadada.

Yaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka NISA qeybta gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee Gobolka Banaadir.

Xilka Taliye ku-xigeenka ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Maxamuud C/qaadir Xaaji oo loo yaqaan ”Jeego”, kaa oo muddo dhowr ah ka mid ahaa ciidamada NISA.

Taliyeku-xigeenka ayaa waxaa la faray in si wanaagsan uu u guto howlihiisa amni Qaran, waxaana sidoo kale looga digay inuu dayaco howsha laga doonayo.

Magacaabida xilka Taliye ku-xigeen ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaanahani isbedel lagu hayay Hay’adaha amaanka.

Tani waxa ay qeyb ka tahay magacaabista iyo xilka qaadista xukuumada Madaxweyne Maxamed Cbdullaahi ”Faramajo”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Khilaaf ku saabsan xiisadda dalalka Carabta oo ka dhex oogan Farmaajo iyo Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf la xiriira mowqifka dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay xiisadda ka dhex oogan dalalka Carabta, ayaa ka dhex ooggan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa doonayey in dowladda ay xiriirka u jarto dalka Qatar oo ay taageerto dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiga, halka madaxweynaha uu ku adkeystay in arrinta dhex dhexaad laga noqdo.

Dhex-dhexaadnimada madaxweynaha qaatay ayaa dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka u arkaan inay la macno tahay in dowladduu raacday dhinaca Qatar, sida ay sheegeen dad arrintan xog-ogaal u ah.

Waxaa hadda muuqata in mowqifkii madaxweynaha uu guuleystay maadaama dowladda ay soo saartay bayaan ay arrinta dhex dhexaad uga noqotay.

Arrintan ayaa la sheegay in dowladda Sacuudiga ay aad uga xumaatay, waxaana hadda suurta-gal ah in wafti ka socda dowladda Soomaaliya oo jooga dalka Sacuudiga aysan ku guuleysan qorshihii ay marka hore u baxeen.

Waxaa weli socda dadaal la doonayo in dowladda Soomaaliya looga dhaadhiciyo inay mowqifkeeda beddesho, xiriirkana u jarto Qatar, kaasi oo ay gadaal ka riixayaan Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka baaqday shir uu uga qeyb gali lahaa dalka Norway, si arrintan gadaal looga riixo, waxaana badalkiisa aadaya wasiirka arrimaha dibedda Yuusuf Garaad Cumar.

Ma cadda, halka ay arrintan ku dambeyn doonto, waxaase muuqata in xiisaddii dalalka Carabta ay saameyn ku yeelatay Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog-warran: Qatar uma dhutineyso go’doominta dalalka khaliijka…ogow sababta

Dalka Qatar waxaa xiriirkii diblomaasiyadeed  u jaray illaa 9 dal, waa dal yar oo dadkiisa lagu qiyaaso 2.7 Milyan, waxaa madax ka ah Amiir Tamiim Bin Xamad oo talada qabtay 2013-kii.

Laga soo bilaabo subaxdii Isniinta markii ay dalalka Imaaraadka, Sacuudiga, Bahrain, Masar iyo Yemen  xiriirka u jareen dalkaasi, waxaa ku soo biiray dalal kale sida  Libya, Mauritania, the Maldives iyo Comoros kuwaas oo iyaguna si toos ah dalka Qatar ugu jaray xiriirkii diblomaasiyadeed halka Djibouti iyo Jordan ay hoos u dhigeen mataallada xagga diblomaasiyadda, waxaa sidoo kale safiirkeeda u yeertay dalka Senegal.

Dalka Qatar waxaa hadda saxiib ugu dhaw dalalka Kuwait, Iran iyo Turkiga, inta kale dalalka dariska la ah waa ay jareen, walaaca ugu badan waa sidee ku badbaadi karaan dal iyo dad ahaan? Ma heystaan keyd ku filan?

Hadaba, dhaqaalaha dalka Qatar ayaa la sheegayaa in aanu u dhuti doonin go’doominta Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn  oo dalalkaasi 3da ah marka la isku daro ay dhigan tahay 10% ganacsiga ay Qatar la wadaagto caalamka intiisa kale.

Marka aad fiiriso dhinaca Tamarta, Qatar waxaa ay ku jirtaa kaalinta 12 keydka gaaska caalamka, waxaa ay kaalinta 1aad caalamka ka tahay wax soo saarka gaaska dareeraha ah.

Dhinaca kale, xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya Khaliijka iyo Qatar waxaa ka badan midka ay Doxa la wagaato caalamka intiisa kale, waxaa ayna carabta oo dhan uga horeysaa suuqa tartanka, horumarka bulsho.

Ganacsiga Doxa iyo Khaliijka dhexmara waxaa uu gaarayaa 10 Bilyan oo u dhiganta 11% halka  iskaashiga dhaqaale ee  Qatar iyo dunida  dhex mara uu gaarayo 89%.

Hadaba Halkan Ka Akhriso, Shaxda Dhaqaalaha Xooggan Ee Qatar:

Sida ay sheegay IMF-ta, wax-soo-saarka dalka Qatar ee sanadkii waa 170 Bilyan oo Dollar, halka dakhliga qof ahaan uu gaarayo 129 kun oo Dollar.

Gaaska:

Dalka Qatar keydka xagga Gaaska ah waxaa uu gaarayaa 2.4 trillion cubic feet , dalkan Qatar waxaa heystaa 12% keydka Gaaska caalamka, waxaa ka horreeya dalalka Ruushka iyo Iran.

Gaaska noociisa dareeraha ah ee liquefied natural gas (LNG) Qatar waxaa ay ku jirtaa kaalinta 1aad caalamka iyada oo soo saarta sanadkii 77 million tones.


Dhaqaalaha Qatar kuma tiirsana oo keliya Tamarta ee waxaa ka badan wax soo saarka aan tamarta aheyn, tusaale ahaa dhaqaalaha uu tamarka ka helo dalkaasi waa 39% , waxyaabaha aan tamarta aheynna waa  61%.

Dhaqaalaha Aan Tamarta Aheyn:

Sanduuqa ama hantida ma guurtada ah ee Qatar waxaa lagu qiyaasaa illaa 335 Bilyan oo Dollar.

Mashaariic la xiriirta koobka adduunka waxaa ay ku bixiyeen 98 Bilyan oo Dollar, waxaana la filayaa in sanadkan ay bixiyaan 13 Bilyan oo Dollar.

Dalka Qatar marka la fiiriyo suuqa tartanka, waxaa ay kaalinta 1aad uga jiraan carabta, dunidana kaalinta 13aad.

Horumarka banii’aadamka waxaa ay Qatar ku jirtaa kaalinta 1aad dhanka Carabta halka caalamka ay uga jirto kaalinta 33aad.

Firficoonaanta dhaqaalaha waxaa ay ku jirtaa kaalinta 2aad Carabta halkan dunida ugu jirto kaalinta 12aad.

Xiriirka Ganacsi ee Dunida:

Qatar waxaa ay xiriir ganacsi la leedahay wadamo badan oo caalamka ah sida: Jaban, Hindiya, Shiinaha iyo dalal kale, waxaase dalalka ugu badan ka mid ah:

Jaban: $17.7 Bilyan , Koonfurta Kuuriya: 16.2 Bilyan, Hindiya: 11.2 Bilyan  iyo Shiinaha: 8.2 Bilyan oo Dollar

Ganacsiga Doxa iyo Khaliijka dhexmara waxaa uu gaarayaa 10 Bilyan oo Dollar u dhiganta 11% halka dunida iyo Qatar iskaashiga dhaqaale ee dhex mara uu gaarayo 89%.

Dalalka Khaliijka tusaale ahaan haddii aan soo qaadano, Sacuudiga iyo Qatar waxaa dhex mara 1.9 Bilyan oo Dollar, Imaaraadka: 7.1 Bilyan oo Dollar iyo Baxreyn: 0.7 Bilyan oo Dollar.

Qatar iyo Imaaraadka:

Dhankeeda dalka Qatar  xiriirka uma jarin Imaaraadka, waxaa jira in Qatar ay Imaaraadka siiso 30% tamarta dalkaasi laga isticmaalo , iyada oo isticmaaleysa subsea pipeline, oo gaaraya 364 kilometers (226 miles) kana soo baxa Ras Laffan oo qatar ah illaa Abu Dhabi ee Imaaraadka, waxaa uu xambaarsan yahay 2 Bilyan  cubic feet of gas ah .

Siyaasad ahaan, Sacuudiga waxaa uu wataa shuruudo aad u adag si uu ula heshiiyo dalka Qatar, in kasta oo aan la hubin shuruuradaha saxda ah, laakin dadka wax falanqeeya waxaa ay ku soo koobeen 9 qodob:

  1. Xiritaanka Telefishinka Al-jazeera ama badalidda siyaasadda tifaftirka.
  2. In xiriirka u jaraan Ikhwaanka Musliinta, Xamaas iyo kooxaha kale.
  3. In Xiriirka u jarto dalka Iran
  4. In aaney faragelin siyaasadaha dalalka Khaliijka
  5. In Siyaasadaheeda la Jaan-qaadaan Khaliijka
  6. In ay joojiso Maalgelinta argigixisada
  7. In ay fuliso heshiiska 2014-kii
  8. In Masar faragelinta ka deyso
  9. In la xiraan xisaabaadka Bangiyada ee Xamaas

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wafdigii Sacuudiga aaday oo su’aal yaab leh abuuray: Maxaa loogu diiday hal qof oo Hawiye ah?

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiiradii ugu badnaa ee ka socda dowladda federaalka ayaa arbacadii u ambabaxay boqotooyada Sacuudi Carabiya si ay dowladda Sacuudiga ula saxiixdeen heshiisyo mashaariic kala duwan oo ku baxaaya afar milyan dollar.

Wasiiradaan ayaa waxaa safarkooda ku wehliyay la-taliyeyaal wasiiro laga reebay safarka, la-taliyaha maxweynaha iyo Taliye ku xigeenka hay’adda NISA, waxaana safarkaan laga reebay dhammaan wasiirada ku abtirsada beelaha Hawiye, waxaana wasiirada safarkaan u ambabaxay ay kasoo jeedaan beelaha Daarood iyo Dir.

Wasiiradan ayaa Sacuudiga u aaday mashruucyo waa weyn oo Soomaaliya laga fulinayo, kuwaasi oo ay lasoo saxiixan doonaan Sacuudiga.

Liiska Wafdiga u xilsaaran Mashaariicda Saudi Arabia ka fulineyso Soomaaliya:

  1. Wasiirka Iskaashiga Caalamiga: Jamaal Mohamed Hassan (Daarood)
  2. Wasiirka Maaliyada: Abdirahman Ducaale Beyle Bayle (Dir)
  3. Wasiirka Gaashaandhiga: Abdirashiid Mohamed Abdalluhi (Raxweyn)
  4. Wasiirka Duulista Hawada: Abdullahi Mohamed Salad (Daarood)
  5. Wasiirka Beeraha: Saciid Hussein Ciid (Beesha Shanaad)
  6. Wasiirka Gaadiidka iyo Dekadaha: Maryan Aweys Jamac (Jareer Weyne)
  7. Taliye Xigeenka NISA: Abdallah Abdallah Mohamed (Dir)
  8. Agaasime ku Xigeenka Xaafiiska Madaxweynaha: Abdirisaaq Ahmed Shiikh Mohamud (Shoole).
  9. Madaxa Xaafiiska Jaamacada Carabta ee Wasaarada Arimaha Dibada: Musdhafe Adan Dagaal (Dir)

Waxaan la yaabnay ma Golaha Wasiirada ayaa laga saaray Xubnihii Hawiye mise mashaariicda Dalka laga fulinayo ayaan deegaanadooda looga baahneyn!

Qaban qaabada shirka iyo isku dubaridka wasiirada ka ambabaxay shirka ayaa waxaa soo agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasin, waxaana la yaab ku noqotay shacabka Soomaaliyeed in wasiirka arrimaha dibada Yuusuf Garaad uusan qeyb ka aheyn wafdigaan, halkii la rabay inuu hoggaamiyo wafdiga, laakiin howshiisa noqotay isku xirka safarka iyo dowladda sacuudiga.

Sidoo kale, kale waxaa arinta farta ku godan ay tahay in wasiiro laga reebay safarka booskooda lagu badalay La taliyeyaal wasaaradood sida wasiirka xanaanada xoolaha Sheekh Nuur oo booskiisa la geliyay la-taliyaha wasaaradda C/raxmaan C/qaadir Sheekh Maxamed oo ay ilmo adeer dhow yihiin Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada C/risaaq Shoole, oo beesha Leelkase u dhashay.

Safarkaan ayaa laga yaabaa inuu xaalad kale abuuri doono, inkastoo aysan jirin weli heshiis rasmi ah oo dowladda Sacuudiga la saxiidaan, maadaama dhexda ugu soo dhaceen xaalada cakiran ee khilaafka dowladdaha Khaliijka oo Sacuudiga hoggaaminaayo.

Arrintaan ayaa la hadal hayaa inuu si ku talo-gal ah ugu lug lahaa Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin, oo aan la ogeyn sababta ku kaliftay inuu ku dhaqaaqo. Waxaase la-yaab leh in ra’iisul wasaarihii dalka uu arrintaan waxba kasoo qaadin iyo dhibaatada ka dhalan karto iyo weliba wasiirka arrimaha dibadda oo howshiisa gabay, noqdayna mid shaqadiisa wasaarado kale maamulaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cod sir ah oo la helay: Amiirkii hore ee Qatar oo shirqoolo ka dhan ah Sacuudiga la wadaagay Qaddafi

Jeddah (Caasimada Online) – Shirqoolada dowladda Qatar ee ka dhanka ah Sacuudiga iyo dowladaha dariska la ah waxay soo bilaabatay dhawr sano ka hor, waxaana dhawr jeer la helay caddeymo ku aadan arrintaas iyo codad la duubay oo si hoose loo helay.

Laba u dhaq dhaqaaqdo Sacuudiga ayaa labadii maalin ee u dambeysay soo celiyey laba cod oo laga duubay amiirkii hore ee Qatar Hamad bin Khalifa iyo Ra’iulwasaarihii hore ahaana wasiirkii Arrimaha dibadda Hamad bin Jassim kaasoo ay la wadaageen madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Muammar Qaddafi waxayna codadkaas ahaayeen kuwa weerar ku ah Sacuudiga iyo qoyska talada hayo.

Labadaan cod oo si qarsoodi ah loo helay sanadkii 2014 ayaa la duubay sanadkii 2003, waxayna caddeenayaan in labadaan Masu’uul ee Qatar ka tirsan ay ka shaqeenayeen sidii Sacuudiga xasilooni darro looga abuuri lahaa isla markaasna loo kala qeybin lahaa.

Mid kamid ah labada Cod ayuu Jassim ku sheegayaa in Sacuudiga uusan sii jirin doonin 12 sano hadda kadib ah, isla markaasna loo qeybin doono dowlado yar yar oo iska soo horjeedo.

Amiirkii hore ee Qatar ayaa qiray in wadankiisa uu sabab u yahay culeyska saaran dalka Sacuudiga isla markaasna aysan sacuudiga sidaan sii ahaan doonin oo la burburin doono, wuxuuna xusay in haddii Mareykanka uu ku guuleysto dagaalka Ciraaq midka xigo uu noqon doono Sacuudiga.

Khalifa ayaa qeexay in Masar iyo Urdon aysan wax karaamo ah laheyn maadaama ay dabadhilif u yihiin Sacuudiga, sidoo kalana wuxuu sheegay inuu caawiyey kooxo badan oo weeraro ka geystay Sacuudiga, isagoo xusay inuu garab siiyey Saad al-Faqih oo u doodo ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar.

Wuxuu intaas kusii daray inuu bogaadinayo qorshaha gudaha ah ee lagu qalqalinayo Boqortooyada Sacuudiga.

Halkaan hoose ka dhageyso codka sida sirta ah loo helay: 

Maxa kala haysta wasiir Bayle iyo casnshuurta gobolka Baanadir

Somalidu waxy marwaliba xil u magacabaan Rag howlgab ah oo laga soo racdeeyey ururadii ay u shaqayn jireen sida Wasiirka Maliyada ( Wasiir Bayle) oo ah Wsiirka Maliyada Banadir State Sabtoo ah Canshuur kama soo Qaadiko Lowyacade oo ah halka Reerkiisu dago mida kale waxaa u sii dheer hadda wuxu ushaqeeyaa sida in uu yahay Hogaanka waaxaha Canshuuraha ee dakadda Xamar oo wuxuu faraha kula  jiraa shaqo rag kale loo xilsaaray hadaba raga noocaas ah inta ay horboodayaan Siyaasada Somalia wadankeena Fashil kama Baxaayo.

Waxa xisid mudan in bayle markuu ahaa wasiirka arima Dibada xiray Safarado Somaliya Muhiim u ahaa isla markaana uu weli sii watay shaqadii Bangiga Africka ayadoo lawada ogyahay in dhamaan Golaha wasiiradu ay ka howl galaan Gobalka Banadir kaliya oo iska daaye cashuur ay ka soo ururiyane xitaa  aana tagikarin Gobalada ay ka soo jeedaan

Waxaa iswaydiin mudan wasiir Bayle ma Somaliland buu u shaqeeya mise Banadir State buu u shaqeeyan mise waa wasiir Federal ah hadaba hadii uu yahay wasiir faederal ah muxuu Dakhli uga keeni la’yahay Gobalkii uu kayimid ileen Somalidu way lsgaranaysaaye.

Wasiir Bayle Wuxuu marwalba idaacada la soo fadhiistaa howl aanan asaga khusaynin oo aney ahayn     in uu asaga ka hadlo, sida lawada ogyahay wasiir bayle wuxuu ka mid yahay wasiirada inkirsan   xuquuqda  Muwadiniinta ku nool Gobalka Banadir, wuxuu ka midyahay wasiirada aaminsan kayga   lihi kaagana kula lihi wayoo welii ka aanuu hadlin xuquuqda Muwadininta uu ku faanayo in ka soo xareeyay malyiin dollar malin walba,

Waxa in layswaydiiyo mudan Gobalka Banadir ma Mustacmirad baa Mise waxaa ku nool Muwadiniin Somaliyeed ee shraf leh bixiyan Canshurta Qanaka doonayana xuquuqda ay xaqa u leyihiin oo ah in ay helaan Matalaada 2da Aqal taaso any surtagal ahayn ilaa ay Samaystaan Maamul u gaar ah oo ay kula shaqeeyaan Dowlada Federalka Somaliya hadaba Maxa loo hortaganyahay? Aqristow su’shashan jawabteeda adaan kuu daynayaa.

W/Q: Dr. Hussein Ali Nuur
E-mail [email protected]

Maxay odaayaasha iyo culimada u daawanayaan heyb-sooca iyo dulmiga lagu hayo beelaha qaar?

Soonqaad wanaagsan mise Ramadaan Mubaarak?!

Soonqaad suubban

Habeenkii soonqaadku soo galay, ayaa waxaan soo qoray, in adeegsiga afka ay ka mid tahay, in la dhaho “Soonqaad wanaagsan” ee aan la dhihin “Ramadaan Mubaarak”.

Weydiin mug leh ayaa soo laalaabatay, oo eheed “Soonqaad” labo eray ayuu is ka saaran yahay, kan hore “SOON” waa carabi, halka kan dambe yahay “QAAD” Soomaali, marka sidee loo qabadsiinaa “Adeegso afkaaga”? ka sokow, horta, “QAAD” maxaa laga wadaa? Marka qormadan, waxaan is ku dayayaa, in aan kaga warceliyo weydiintaa iyo kuwo kale oo ku lammaanan, ee marka hore afhaysi suubban iyo afur wanaagsaan oo ajar badan.

Waa run, oo erayga “Soonqaad” wuxu is ka saaran yahay labo eray, oo midna dhalad afkeenna ah yahay, midna soo gale yahay, oo ka yimid afqalaad, marka SOON macnayn u ma baahna, oo la wada og, lana wada yaqaan, ee “QAAD” maxaa laga wadaa?.

Is la weydiintan waxaa mid kale ku lifaaqay abwaan Maxamad Xuseen Faarax, oo na weydiiyey; horta ma SOONQAADbaa mise SOONQAD?.

Abwaanku wuxuu ku doodayaa, in af ahaan ay la qumman tahay, in yiraa (Soonqad) maxaa yeelay, ”soon iyo qad” waa labo eray oo ujeeddadooda la garan karo, balse, Soon la garaye, qaad muxuu uu u taagan yahay, oo haddii la dhihi lahaa ”Soonqaado” farid ayaa la cuskin lahaaye?.

Inta aanan labada weydiin iyo isa saarka aanan ka warcelin, waxaa i la habboon, in aan waxyar ka ogaanno xeerarka ka la amaahsiga afafka iyo sida ay u ka la qaataan erayada iyo saamaynta ka/u dhalata erayga ama weerta uu af ka amaahdo af kale.

Afafku waxay isu saameeyaan isuna dhexgalaan, sida waxlaha kale ee nolosha ku xeeraan. Ka la ma maarmaan, in ay erayo ama weero ka la qaataan. Mararka qaar, waaba is qasbadaan, oo is qabsadaan, hadba, heerka iyo itaalka isu dhigmaadka labada af, ee ku aaddan dhaqan, ilbaxnimo, dawlad iwm. Ujeedku, waa mar walba, oo uu afku ka dhisan yahay intan dambe, waa mar walba oo uu awood u yeesho, in uu saameeyo afafka kale, si gaar ah kuwa dariska la ah.

Mararka qaar, afku wuxuu erayada ama weeruhu ku soo galaan ka helid iyo ashqaraar ay ku indha biraanbiraan ama maqalka dhaguhu u bogeen, hab dhaca, dhawaqa iyo dananka la socda erayga.

Afafka saamaynta badan is ku reeba, waxaa ugu badan, afafka is ku abka ah, ee marka ablabalaynta afafka la qeexayo ku wada abtirsida hal koox, sidoo kale kuwa dariska oodwadaageed ah, kuwa diinta iyo cibaadadu ay is ku xirto, kuwa qabsashada iyo maamulka ku xiran IQK.

Saamaynta abtirsi waxaa laga yaabaa, in ay ka xoog badato, dhalashada iyo ekaanshaha erayada ama weeruhu ay ka la qaadan karaan, oo ay adag tahay, in la ka la saaro midka dhalashada ku yimid iyo kan la amaahday. Tusaale (JIRRO) afkeenna iyo kan Oromada waa is ku mid, marka la ma ka la caddayn karo kan uu amaahda ku yahay, maadaama labada af ay is ku abyihiin, kana wada tirsan yihiin bah afeedka Kuushiitig.

Qaybaha kale, ee aan abtirsi ku imaan, aqoonyahannada afafka iyo dhaqammada way u fududdahay, in ay ka gartaan erayada ama weeraha dhaladkaa kuwa soo galaha ah.

Annaga afkeenna waxaa saamayn xooggan iyo raad muuqda ku reebay saddaxda af ee ka la ah: Carabiga, oo diinta dhankeeda naga soo galay, malahana ah afka ugu saamaynta badan marka loo fiirsho afafka kale, ee ingiriiska iyo talyaaniga oo labaduba ku yimid GUMAYSI!

Saddaxda af, ee afkeenna saameeyey waxay ku ka la badan yihiin gobollada qaar, oo carabiga, marka laga reebo erayada diimeed iyo igriisku waxay saameeyn badan ku leeyihiin gobollada waqooyi, halka talyaaniga saamayntiisu ay ku ektahay koofur, iyadoo laga heli karo saamaynta labada kale is la koofurta, balse, ku yar.

Tusaalayaasha saamayn waa badan yihiin, ee anoo dibdhiganaya saamaynta erayo diimeedka aan hormasho kuwa kale ee nololeed iyo maarayn, maxaa yeelay, afafkaa cusub, markii ay na soo galayeen, waxay naga soo galeen, meelo aanan erayo buuxinteed u hayan, sida maamulka, qaybo ka mid ah farsamda iyo adeegyada nolosha (cuntada iyo maqaayadaha).

INGIRIISKA;

Tuwaal (Towel)

Bileydh (Plate)

Hudheel (Hotel)

Arbeca (Arbeeko)

Raashin(Ration)

Waqooyi Ingiriisku wuxuu badi saameeyey qalabka farsamo, dhimse iyo agabka gawaarida.
TALYAANI:

Shukumaan (asciugamano)

Marsha biyeedi (marciapiedi)

Baalle (palo)

Governatore

Talyaanigu wuxuu badi saameeyey qalabka farsamo, dhimse iyo agabka gawaarida.
CARABI:

Gidaar

Dariiq

Daqiiq

Milcaqa waqooyi

Bayd. Ukun. Naalo.

Afka Hindigu waa afraad, oo isna erayo afeed badan aan ka simannahay, walow aan la garanayn hab saamaynta iyo raadkeeda toona, waayo, erayadan ma ahan kuwo la dhihi karo weynu amaahannay, oo suugaan hore iyada oo lagu adeegsaday ayey afkeenna ku jirtaa iyo hadalka dadkii hore.

 

Tusaale:

 

Baraf

Baaldi

Aamus

Roodhi

Gaadhi

Laangadhe

Baabuur

Intaa ka dib, aan abbaaro qaybta ugu muhimsan iyo ujeedka qormada, ee ah saamyanta erayo diimeedka iyo sida SOONQAAD ku yahay adeegsi af. Marka hore aan afeef dhigo ama aqoonwadaagba aan dhaho. Badi erayo diimeedka afku ka amaahda af kale, waa erayo aan baddalmin, isbaddalin amaba aan hoosgelin xeerarka afkaas, ee jejebinta iyo jujuubka erayada soo galootiga ah, heer ay u ekaadaan ama la mid noqdaan erayada kalee afka amaba aan laga aqoonsan karin.

Marka uu af eray ama weer ka soo amaahanayo ama ka qaadanayo af kale wuxuu hoosgeeyaa xeerarka naxawe, isgedgeddiga eray, dhawaq iyo dhadhan ee afkaa leeyahay, oo mar eray ayuu ku kabaa, mar eray ayuu ka reebaa, mar shibbane ayuu ka jaraa, mar shibbane ayuu ku kordhiyaa, mar waa ka la hormarshaa, mar kale waa ka la dabamarshaa, mar kale ujeedka uu afka laga soo amaahday ugu jiro mid ka duwan ama ka soo horjeeda ayaa loo adeegsadaa.

Marka erayada diimeed iyo weerahooduba sidooda ayey afka ku galaan, oo loo qaataa, looga adeegsadaa, marka laga reebo kuwo fara ku tiris sida SOONQAAD oo kale iwm. U fiirso eraydan diimeed, ee aan sidooda u adeegsanno rogid la’aan; ILAAH, SALAAD, RUKUUC, SUJUUD, DUCO, DIIN, MASJID, RASUUL, NABI, MEHER iwm

Waxaa jira kuwo kale, oo aan ku fariisinnay xeer afeedkeenna, sida AQIN. Tusaale, salaaddda noo AQIN. Carabi waa IQAAMAH. Mar kale, sida ADDIN. Tusaale, salaaddda noo ADDIN. Carabi waa AADAAN.

Sidoo kale, waxaa jira kuwo kale, oo aan adeegsanno, balse, afka ku leh eray dhab ah, sida;

DIYO; mag

CUDDO, bilotirsi

Markan u kaalay, SOONQAAD sida uu ku noqonayo adeegsi af. Sida aan kor ku xusay, erayada af amaahdo wuxuu ku sameeyaa dhalanrog, oo wuu dooriyaa, marka SOONQAAD waxay u gaartay afkeenna oo kali ah, mana jiro af kale oo lagu yiraa SOONQAAD sidan.

SOONQAAD waxaa isugu darsan saddax hab oo afafku ku rogaan erayda ay amaahdaan, oo ka la ah; dhawaq, shibbane tirid iyo iyo eray ku kordhin, oo carabiga waa SAWM, anaguna waxaan ugu dhawaaqnaa SOON, oo waxaa la tuuray shibbanihii (W) sida shibbanihii (M) loogu rogay (N) oo u gaar ah afkeenna.

Dhanka kale, dhawaq iyo shibbane ka la wareejin kaliya loogu ma simine, waxaa dibka looga kabay eray kale, oo ujeedkiisa adeegsi fadhiisinaya, si uuba uga tiro midabkii uu afkii hore ku lahaa ama malaha uusan soo gale ugu ekaan.

Intaa ka dib, u imow warcelinta weydiintii abwaan Maxamad Xuseen Faarax, ee eheed,SOONQAAD mise SOONQAD?

Erayga (QAAD) marka qaadista wax laga soo tago, sida waysoqaad, weel/ubbo biyaha waysada lagu shubto, waxaa ujeedkiisa af adeegsi ka mid ah, oo uu muujinayaa xil iyo waajib ku dhidban masuuliyad gaar ah.

Erayada uu dibgale u yahay oo dhanna qaabkaas ayuu u janjeershaa. Tusaale; Soonqaad, Xilqaad, Darabqaad Kafaaloqaad, Dammaanadqaad iwm.

Marka qaadistaa, waxay u taagan tahay waa gudasho xil ku saaran iyo ka soo dhalaalid arrin ku mudneed, oo aadan meermeerin karin. Haddii lagu yiraa waysoqaado, waysisiga ka sokow, waxaa ku jira waajibka wayso gudo.

Waxaa harsan weydiinta abwaan Maxamad, in laga hadlo qodobka ah “SOONQAD” oo ujeedka afeedkiisu cad yahay, maxaa yeelay, erayga (QAD) wuxuu yimid (QATOOYO) cunto cunid la’aan haysasho cunno ama la’aanba.

Marka in kasta oo labada ujeed ee Soonqaad ama Soonqad ay isbuuxinayaan isna kaabayaan, oo kan hore wuxuu ku tusinayaa xilqaadis ah, in qofku dusha u ritay soomidda bishan barakaysan ee Soon, halka kan dambe, ku tusinayo, in qofku ka qatan yahay, wax walba oo ka reebban bishan, oo ay ugu horreeyaan cuntada iyo dambiyada. Haahoo, ka la saar labada eray yeysan is ka kaa dhexgelin, maxaa yeelay, qaad ma ahan qad, midi waa gudasho, kan kalana waa qadid. Afhaysi.

Soonqad, waxaa raaci kara, bilqad ama maalinqad, middan ayaa si cad qatooyo baahiyeed u muujineysa. Marka weydiinta abwaan Maxamad waxay marag ma doonto u tahay, sida uu afyaqaan u yahay iyo erayruug, oo bal dhugo, oo dheeho meesha uu erayga ka soo dhalaalsiyey iyo siduu isu saaray. Dhiraandhiriyey.

Afkaaga u hiilli

U hiilli ifkaaga

Erayga ugu hiilli

Addinka ugu hiilli

Indhaha ugu hiilli

Arradka ka ilaali

Ku aqri arartiisa

Adeegso tixdiisa

Ku dhigo alifkiisa

Astaan qaran waaye

Ku asal niyaddaada.”

Heestii: Afka HOOYO

Bashiir M. Xersi

[email protected]

https://bilediraac.wordpress.com/

Magafe oo farsamo aad looga argagaxo dadka lacagta uga qaata: Video naxdin badan

Muqdisho (Caasimada Online)– Muuqaallo aad looga argagaxo oo qofka damiirka leh uu ka xanuunsanayo ayaa baraha bulshada ku baahay, kuwaasi oo muujinaayo hablo iyo wiilal dhalinyar oo Magafe kagu doonayo in laga bixiyo lacagta uu ka rabo, waxayna tani tahay qorshe cusub oo Magafe uu lasoo baxay oo qoysaska dadka uu haysto kaga rabo lacagta.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Imaaraadka Carabta oo ku dhawaaqay arrin xasaasi ah oo ka sii dartay xiisaddii dalalka Carabta

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa ku hanjabay inay cunaqabateyn dhaqaale saari doonaan Qatar, halka dowladda Bahrain ay sheegtay in wax walba oo lagu ciqaabi karo Qatar ay miiska saaran yihiin.

Wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka Anwar Gargash ayaa sheegay in dhibaato dhaqaale oo la gaarsiiyo Qatar ay lagama maarmaan noqon doonto hadii dalkaasi aanu ballan qaadin inuu beddelayo siyaasaddiisa hubeynta kooxaha argagixisada.

Qatar waa ay beenisay inay taageero siiso wax kooxo argagixiso ah.

“Anagu ma dooneyno inaan beddelo maamulka dalka Qatar, hase yeeshee waxaan dooneynaa in la beddelo siyaasadda dalkaas” ayuu yiri Gargash.

Hanjabaadda cusub ee Imaaraadka ayaa imaneysa ayada oo dowladda Kuwait iyo sidoo kale Mareykanka ay isku dayayaan inay xal u helaan xiisadda ka dhex aloolsan dalalka Carbeed.

Dhowr dal oo Carab ah, sida Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo kuwa kale ayaa horey xiriirka ugu jaray dalak Qatar oo lagu eedeeyey taageerada kooxaha argagixisada, iyo xiriir dhow oo kala dhaxeeya dalka Iran.

Cunaqabateyn dhaqaale ayaa dhaawac xoogan gaarsiin karta dalka Qatar oo si aad ah ugu xiran dalalka kale ee Carbeed ee deriska la eh.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
[email protected]

Maxaa kamid ahaa qodobadii looga hadlay kulanka golaha wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre, waxana looga hadlay arrimo kala duwan oo kamd yihiin, ansixinta Miisaaniyadda sanadkan 2017, mowqifka Soomaaliya ee xiisadda diblamaasiyadeed ee gacanka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalal dhowr ah.

Ugu horeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka dooday xisaab xirka miinasaaniyaddii hore iyo meel marinta miisaaniyadda 2017, waxana goluhu isku raacay ansixinta miisaaniyadda cusub oo ka kooban $246 Malyuun oo dollar, taasi oo dawladdu ku shaqeyn doonto inta ka dhiman sanadkan.

Golaha Wasiirada Xukuumadda ayaa sidoo kale ka dooday mowqifkii dawladdu ay ka qaadatay khilaafka diblamaasiyadeed ee u dhexeeya Qatar, Sucuudiga iyo dalalka Carbeed ee isbahaysiga la ah, waxana goluhu taageeray goaanka dhex dhexaadnimada ah ee dawladda Soomaaliya ka qaadatay arrinkaas, iyagoo bogaadiyey dadaalada socda ee xalka loogu raadinayo khilaafka labada dhinac.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa walaac ka muujiyey xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee Yaman iyo dhalinyarada ku xirran Liibiya, waxana goluhu sheegay in uu ku dadaali donaan sidii wax loogu qaban lahaaa samatabixinta dadkaas oo dhibaatooyin kala duwan haystaan. Sidoo kale waxaa Golaha Wasiiradu soo dhaweeyeen dhaqan gelinta heshiiskii dawladda Soomaaliya iyo Hindiya ku gaareen in dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaas ku xiran dib loogu soo celiyo dalkoodii hooyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda Sacuudiga oo dib u dhigtay wafdi ay usoo diri laheyd Somalia + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa dib u dhigtay wafdi ay usoo diri laheyd Somalia, kuwaa oo la qorsheeyay in DF ay ku cadaadiyaan ku biirista go’aanka looga soo horjeedo Siyaasada Qadar.

Wafdiga ayaa la sheegay inay badan yihiin isla markaana loo kala diri doono dhamaan dalalka Carabta, si ay u taageeran mowqifka naceybka loogu muujinaayo dowlada Qadar.

Wafdiga Sacuudiga oo imaanshihiisa lagu soo wargaliyay DFS, ayaa waxaa hadana dib u dhac ku imaaday booqashadooda Somalia, waxaana loo maleynayaa inay sabab u tahay go’aanka lama filaanka ah oo DF ay dhex dhexaad uga noqotay xiisada.

Waxaa suuragal ah in wafdiga Sacuudiga uu dib uga laabtay go’aanka booqasho, kadib markii ay dowladu qaadatay qaraar adag, oo ay uga gaashamaneyso la safashada dowlad gaara.

DFS ayaa maalin un ka hor cadeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka wadamada Khaliijka, iyadoo ku baaqday in wada hadal iyo is faham lagu xaliyo, sidoo kalena ay gacan ka geysaneyso xalinta khilaafka u dhaxeeya walaalaha carbeed.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga ayaa balan qaaday in Soomaaliya ay ugu deeqeyso dhaqaale xoogan, oo lagu fulinayo mashaariic horumarineed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dagaal u culus oo u dhaxeeya ciidamo militari ah iyo ciidamada hub ka dhigista oo ka socdo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka fudud ayaa hadda ka socdo Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo marayey agagaarka Xaafada Seybiyaano iyo ciidamo ka tirsan kuwa hub ka dhigista Muqdisho.

Dagaalka ayaa bilowday markii Ciidamada hub ka dhigista Muqdisho ay weerar kusoo qaadeen ciidamaan oo marayey meel aan sidaas uga fogeyn Sarta Seybiyaano ee Degmada Hodan, waxaana halkaas ka dhacay dagaal socdo daqiiqado badan.

Dagaalka oo hadda u muuqdo inuu qaboobay ayaa lasoo sheegayaa in Ciidamadii hub ka dhigista dib loo celiyey isla markaasna ay awoodi waayeen inay hubka ka dhigaan ciidamadaan Militariga ee aadka u hubeysnaa.

Dagaalka ayaa ka dhacay meel aad loo buuxo isla markaasna ah meel suuq ganacsi ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogaan tirada inta dhimatay iyo inta dhaawacan tahay.

Sidoo kale waxaa jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray ciidamadii dagaalmay.

Wixii warar ah ee kasoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog-Warran: Wasiiradii Sacuudiga tagay oo xaalad adag dhexda ka galay

Jeddah (Caasimada Online) –  Ilaa shan wasiir oo ka socday xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay gaaray dalka Sacuudiga oo ay kusoo saxiix rabeen mashaariic ay maalgelineyso dowladda Sacuudiga.

Haddaba wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo wasiiradii gaaray Sacuudiga ayaa tilmaamayo in wasiiradaas ay xaalad adag dhexda ka galeen kadib markii dowladda Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday inay khilaafka Carabta ka dhex bilowday ay dhex dhexaad ka tahay.

Ujeedka Wasiiradaan ayaa ahaa inay soo qaataan mashaariic ay dowladda Sacuudiga bixineysay, balse waxaa hadda muuqato in arrintaas ay hakad gashay isla markaasna dowladda Soomaaliya lagu xujeeyey inay xiriirka u jarto dalka Qatar ama xataa ugu yaraan ay xiriirka hoos u dhigto.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqaday inay dagaalka siyaasadeed ee lagula jiro dalka Qatar ay dhex dhaxaad ka tahay isla markaasna ay ku dadaaleyso sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay midaasna waxayn keentay in dowladda Sacuudiga ay gadaal geyso mashaariicdii ay siin rabtay wasiirada halkaas gaaray.

Wasiirada jooga Sacuudiga waxaa ka mida: Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka  Beeraha, Wasiirka  Gaadiidka Badda iyo Dekadaha, Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Mashaariicda ayaa hadda u muuqdo in hakad la geliyey, waxayna qeyb ka ahaayeen balanqaad maaliyadeed oo Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdicasiis siiyay dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Qadar oo ugu danbeyntii shaacisay cida ka danbeysay xiisada kala dhexeysa Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa shaaca ka qaaday in xiisada kala dhexeysa dowlada Sacuudiga ay abuureen dowlada reer galbeed ah oo kasoo horjeeda xiriirka ka dhexeeya dowladaha Khaliijka.

Wasaarada arrimaha dibadda Qadar ayaa sheegtay in xiisada kala dhexeysa sacuudiga ay tahay mid ay maleegeen dowlada loo gaabiyay xiriirkii kala dhexeeyay.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar oo saxaafada kula hadlay magaalada Doaxa, ayaa sheegay in xiisada ay abuuren dowladaha Mareykanka, Ruushka iyo dowlada Israel oo iska kaashanaaya sida lagu burburin lahaa midnimada dowladaha carbeed.

Waxa uu sheegay Wasiirka in dowladiisa aysan saameyn ku yeelan doonin qorshaha loo maleegayo dalkiisa, waxa uuna intaa raaciyay inay diyaar u yihiin wixii xal ah.

Wasiirka waxa uu xiisada taagan ku tilmaamay mid ay horey usii qorsheeyeen Sacuudiga iyo Imaaraatiga, isla markaana ay doonayaan inay uga aargutaan dalka Qatar oo ay dhanka siyaasada isku khilaafsan yihiin.

Waxa uu intaa raaciyay in dowladiisa aysan diidin wadahadal lala furo Sacuudiga, waxa uuna cadeeyay in Amiirka Qadar uu si KMG ah u hakiyay Khudbad uu uga hadli lahaa xiisada taagan, isagoo taa ku micneeyay mid fursad lagu siinaayo codsiga uga yimid dalalka ku guda jira xalinta Khilaafka.

Docda kale, dalka Imaaraadka ayaa horey olole ugu jiray inuu iska horkeeno Qatar iyo Maraykanka, si saldhiga Maraykanka Qatar ku leeyahay loogu soo raro dalka Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso: Imisa dal ayaa u istaagay xalinta khilaafka dalalka Sacuudiga iyo Qadar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha carabta ayaa isku biirsanaaya xalinta Khilaafadka ka dhex oogan wadamada Sacuudiga iyo Qadar oo muddooyinkaani ku kala fogaa Siyaasada.

Dowladaha Carabka ee ku baxay xalinta Khilaafadka labadaasi wadan ayaa waxaa qeyb ka ah dowlado African ah balse ku manasa sheegtay Carabta, halka dowladahaasi ay kaabayan dowlado kale oo ka duulaya khilaafka

Inta la xaqiijiyay waxaa xalinta Khilaafadkasi ku baxay ilaa dhowr dal oo ay kamid yihiin Sudan, Kuwait, Muritania, Turkiga, Somalia, Syria, Cuman, Urdun, Lubnaan, Tunis, Aljeria, Jabouti, Moroco iyo dalal kale oo aad uga careysan khilaafka taagan.

Dowladaha aan kor kusoo xusnay qaarkood ayaa durba wufuud u kala diray Sacuudiga iyo Qadar, kuwaa oo kulamo kala duwan la qaadanaya Amniirka Qadar iyo Boqorka Sacuudiga oo ay dhextaalo xiisada ugu badan.

Wadamada reer Galbeedka ee sheegay inay doonayaan inay dhex dhexaadiyaan xiisadan u dhaxeysa Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar, ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Farance, Swedan, Britain iyo Talyaniga.

Xalinta Khilaafka ayaa soo degdegtay kadib markii ay soo shaac baxday xiisada ka dhexeysa labada dal oo ay qeyb ka noqdeen Dalalka Imaaraatiga, Baxreyn, Liibiya iyo Yemen oo sheegay inay xiriirkii u jareen Qatar.

Geesta kale, Dalalka ururka Khaliijka kamid ahaa ee Kuwait iyo Cumaan ayaa iyagu diiday inay Sacuudiga iyo Imaaraadka ku taageeraan in go’adoon la geliyo dalka Qatar.

CaasimadaOnline

Xafiiska Muqdisho

[email protected]