26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Shirkada Qatar Airways oo tiro ka badan intii hore isticmaashay Hawada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Saraakiil ka tirsan Hawada Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ku dhawaad 15 diyaaradood oo Qadar Airways ay isticmaaleen Hawada Soomaaliya tan iyo markii Sacuudiga iyo dowlado kale oo Carbeed ay ka dhawaajiyeen inay xiriirka u jareen dowladda Qadar isla markaasna ay dideen inay Qadar Airways isticmaasho Hawadooda.

Wakaalada wararka ee AP ayaa kasoo xigatay sarkaal soomaaliyed oo ka tirsan Hay’adda duulista hawada, in tan iyo markii xiriirka loo jaray Qadar, ay hawada Soomaaliya isticmaaleen 15diyaaradood oo Qatar Airways ah.

Sarkaalkan oo magaciisa qariyey madaama uusan ogolaansho u heysan xogta uu bixinayo, waxaa uu sheegay intaan xayiraada la saarin Qadar in ay hawada Soomaaliya maalintii ay isticmaali jireen mid ama labo diyaaradood oo Qatar airways ah.

Isniintii lasoo dhaafay, dowladdaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carrabta ayaa xiriirkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka isla markaasna ay garab siiso argagixisada inkastoo ay Qadar beenisay arrintaas.

Dowladda Masar, ayaa Qadar ku eedeysay in ay taageerto kooxda Muslim Brotherhood ee dalka Masar ku sugan, sida wakaalladda Wararka ee dalka Masar ay sheegtay.

Dhinaca kale Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba, sida wakaalladda wararka ee dalkasi ay sheegtay.

Maxay xagjiriinta u kordhiyaan weerarada bisha Ramadan, maxayse diinta ka qabtaa?

Farmaajo oo dekadda iyo garoonka Kismaayo ku soo celinaya gacanta DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha dalka, ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu maanta ku wajahan yahay magaalada Kismaayo.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweynaha uu yahay mid lagu hirgalinaayo qorshooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin arrimaha ku aadan Dekadda iyo Garoonka Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland uu ku qancin doono in DFS lagu soo wareejiyo maamulka Dekadda iyo Garoonka Kismaayo, iyadoo laga sii ambaqaadayo heshiiskii 2013 ka dhacay magaalada Addis Ababa ee u dhexeeyay DF iyo Jubbaland.

Heshiiskii Addis Ababa ayaa dhigayay in Maamulka Jubbaland uu DFS ku wareejiyo 6 bil kaddib maamulka Dekeda iyo Garoonka, oo ay dowladdu u soo magacaabeyso maamul cusub, inkastoo aanu hirgalin Heshiiskaasi.

Madaxweynaha iyo Hogaamiyaha maamulka Jubbaland ayaa goor sii horeysay kawada hadlay arrimaha Dekada iyo Garoonka Kismaayo, inkastoo ay isku fahmi waayen, hadana waxaa jira macluumaad sheegaya inuu jiro qodobo leysku fahmay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inuu wanaajiyo la dhaqanka maamul Goboleedyada, iyadoo la sheegay in markii u horeysay Madaxda maamul goboleedyada ay dowladda Federaalka u qortay bil walba gunno lacageed oo aan la cayimin.

Dhinaca kale, Qorshaha lagu soo celinaayo Dekadaha iyo Garoomada dalka ayaa waxaa horboodeysa QM oo DF ka caawineysa fududeynta howlaha horyaal dowlada.

Maxay xagjiriinta u kordhiyaan weerarada bisha Ramadan, maxayse diinta ka qabtaa?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Erdogan oo shaaciyay mowqifkiisa ku aadan xiisada ka dhexeysa dalalka Carabta iyo cida uu la safan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay la safan tahay dowlada Qadar oo cadaadis lixaad leh kala kulmeysa afarta dowladood ee isbaheystay.

Madaxweynaha Turkiga Erdoğan oo khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Qadar Sheikh Tamiim Binu Xamda Aala Thaani ayaa sheegay in Turkiga uu garab taaganyahay Qatar.

Erdoğan, waxa uu dhigiisa u sheegay inaan loo dulqaadan doonin in dano gaara looga soo horjeesto dowlada Qadar.

Erdoğan, waxa uu sidoo kale dhigiisa Qadar ku wargaliyay inuu ku mowqif yahay Qadar, isla markaana ay diyaar u yihiin inay qaadan talaabo waliba oo looga soo horjeedo dowladaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Erdogan, waxa uu sidoo kale hogaamiyaasha dowladaha Khaliijka u soo bandhigay inuu diyaar u yahay ka qeyb qaadashada xal nabadeed oo lagu dhex dhexaadinayo xiisadda ka taagan qaar ka mida dowladaha Khaliijka.

Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisadda ka dhextaagan dowladda Qatar iyo qaar ka mida dowladaha carabta oo iyagu eedeymo usoo jeediyay Qadar.

Geesta kale, Dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa dublamaasiyiinta Qadar u qabtay in ay dalkooda kaga baxaan 48 saac gudahood, halka dalalka Sacuudiga iyo Masar ay hawadooda ka mamnuuceen diyaaradaha duulimaadyada Qadar Airweys.

Maxay xagjiriinta u kordhiyaan weerarada bisha Ramadan, maxayse diinta ka qabtaa?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sidee ayey u dhacday toogashada Soomaaligii ka tirsanaa Daacish ee qafaalka ka geystay Australia

Nairobi (Caasimada Online) – Booliska dalka Australia ayaa sheegay inay toogasho ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo hubeysnaa kaa oo afduub iyo dil ka geystay gudaha magaalada Melbrourne.

Saraakiisha Booliska dalka Australia ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ahaa mid argagixiso, waxa ayna sheegeen Yacquub Kheyre uu dhismo ku yaala magaaladaasi ku qafaashay qof dumar ah ka hor inta ay boolisku toogasho ku dilin.

Booliska ayaa sheegay in mudadii ay ku guda jireen badbaadinta haweeneyda ay weerar kala kulmeen Yacquub Kheyre, waxaana ku dhaawacmay askari halka laga diley Yacquub Kheyre.

Weerarkaasi waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari oo booliska ka tirsan.

Yacquub Kheyre ayaa la sheegay in sanadkii 2009 loo xiray eedeymo ah in uu qorsheynayay weerar ka dhan ah xero milatari oo ku taala magaalada Sydney balse markii dambe dambi lagu waayay.

Taliyaha booliska gobolka Victoria, Graham Ashton, ayaa sheegay in Kheyre uu telefishin magaaladaasi ku yaala uu taleefoon kula hadlay, isaga oo u sheegay in weerarkaasi uu ku matalayo kooxda Dowladda Islaamka.

Kooxda IS ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen afduubka waxana garabka warbaahinta u qaabilsan IS uu sheegay in weerarka afduubka uu ahaa mid loogaga soo horjeedo ka mid ahaanshaha dowlada Australia ee isbahaysiga la dagaalama ururka IS.

Docda kale, Booliska dalka Australia ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan falkan ayna u soo bandhigi doonaan warbaahinta.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Qiso cajiiba: Haweeneydii cunsuriyadda aheyd ee jeclaatay wiilkii qaxootiga (Dhageyso)

Béatrice Huret Waxaa ay aheyd haweeney degan Waqooyiga dalka France, laakiin waxaa ay jaceyl uqaaday nin qaxooti ah oo asal ahaan kasoo jeeda Iiraan.

Gabadhan oo aheyd 45-jir ayaa sanado badan ka tirsaneyd xisbiga soo galootiga iyo muslimka neceb ee dalka France waxaana horey uqabatay nin Cunsuri ah oo katirsan booliska dalkaas.

Laakiin haatan waxaa ay nolosheeda uhibeysay Mokhtar oo ah qaxooti macalin ka ahaa dalka Iiraan kaas oo nafsadiisa lasoo baxsaday.

Waxaa ay si dheer uga sheekeysay qaabkii uu isku badalay fikirkii cunsuriyadnimada ahaa ee ay qabtay iyo sidii ay aragtidiisii koobaadba ugu jeclaatay Ninkan Iiraan kasoo jeeda.

Waxaa ay sheegtay In Nolosheeda aysan hilmaami doonin jaceylka ay uhayso Mukhtaar kaas oo safarkii uu ku doonayay inuu Ingiriiska ku aado ku guuleystay, inkastoo haatan uu wali sharci suge yahay.

Hadana, waxaa Gabadhan oo ku sugan xaafadii ay isku barteen Mukhtaar ay sheegtay inuu xariirkooda jaceyl meel wanaagsan marayo inkastoo aysan weli wax go’aan ah ka gaarin mustaqbalkooda.

Laakiin maxkamad ku taal dalka France ayaa gabadhan ku haysata iney Mukhtaar iyo qaar saaxiibadiis ah ufududeysay iney tahriib ku galaan dalka Ingiriiska waxaana hadii maxkamada ay kiiskan ku cadeyso muteysan doontaa 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 750 kun oo dollar.

Qisada Jaceyl ee gabadhan badashay fikirkeedii hore haatana ay ugu dhow dahay iney xabsi dheer ugasho ayaa lagu dabaacay buuga cusub ee LAGA QORAY Kaas oo lagu magacaabo Béatrice Huret Calais Mon Amour, is ghost-oo uu qoray Catherine Siguret.

HOOS KA DAAWO QISADA JACEYL

W/D: Abdullahi Ahmed Nur
Email: [email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo digniin culus u diray wasiirada xukuumada Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa digniin culus u kala diray Wasiirada Xukuumada Somalia ee gacanta ku haya howlaha ugu badan ee dalka.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada uga digay inay baalmaran shuruudaha lagu soo xulay waxa uuna carab dhabay inay jiraan tuhuno laga muujinaayo howlaha Wasiirada qaar.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in sharciga la horgeyn doono Wasiirkii lagu helaa tuhunada soo ifbaxaaya waxa uuna tilmaamay inay socdaan baaritaano lagu wado tirro Wasiiro ah.

Wasiirada la tuhunsan yahay ayaa waxaa eedeymo kusoo oogay sida la sheegay Xubno lagu magacaabo Guddiga gaarka ah ee la socodka howlaha Wasiirada kuwaa oo si gaara ula shaqeeya Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu ku nuux-nuuxsaday inaanu awoodi doonin wax aan aheyn in sharciga la horeeyo Wasiirada lagu eedeeyay xadgudubka, waa haddii ay ku cadaato tuhunka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa ka digay in si dhuumaaleysi ah leysugu dayo in la musuqo Hantida Qaranka, iyadoo loo maraayo qaabab sharci ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasaarada amniga DF oo digniin culus kasoo saartay arrin kusii kordheysa dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumaada Federaalka ah ee Somalia ayaa digniin culus kasoo saartay isticmaalka ducomentiyada been abuurka ah ee lagu baadi-goobo shaqooyinka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Amniga ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/naasir Saciid Muuse ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in ay sii jiraan dadka isticmaala iyo kuwa ka ganacsada ducomentyada been abuurka ah.

Wasiirka ayaa sheegay inay sii kordhayaan shaqsiyaadka sida ba’an u isticmaala ducomentiyada been abuurka ah iyo kuwa ka Ganacsada.

Waxa uu sheegay in gacan bira lagu qaban doono cidii lagu qabto ducomentiyada been abuurka ah sida Shahaadooyinka, Warqadaha shaqada, Warqadaha Ganacsiga ee laga sameeya dowlada iyo wixii ducomenti ah ee la halmaala.

Wasaaradu waxa ay sheegtay inay gacanta ku dhigtay Kooxo badan oo shaqo ku raadineysa Shahaadooyin been abuur ah iyo ducomentiyo feega oo looga been abuuranaya dowlada.

Sidoo kale, Wasaarada amniga ayaa sheegtay in qof walbo oo ka ganacsanayo ducomentiyada been abuurka ah talaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadayo isla markaana Maxkamad la soo taagayo.

Talaabadani ayaa kusoo beegmeysa xili ay sii kordhayaan dadka shaqa doonka ah ee isticmaala ducomentiyada been abuurka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Axmed Siilaanyo oo ku dhaqaaqay isku shaandheyn, magacaabis iyo eryid

Hargeysa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada.

Isku dhaandheynta ayaa saameysay Hay’adaha maamulka, waxaana isku shaandheynta barbar socday shaqo ka eryin lagu sameeyay mas’uuliyiinta qaar.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hogaamiyaha ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta qaar ay wajaheen isku bedel, magacaabis iyo eryid lagu sameeyey qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladdda.

”Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4828/062017 uu xilka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ku sameeyey caawa oo ay taariikhdu tahay 06/05/2017, xubno ka mida xukuumaddiisa”.

Masuuliyiinta la magacaabay,kuwo isku bedelka lagu sameeyey iyo kuwo shaqaddii laga joojiyey waxay kala yihiin:

Magacaabida iyo Isku bedelka Wasiiradda, Wasiir Ku xigeenada iyo Wasiiru-dawlayaasha
1-In Mudane, Mustafe Faarax Abraar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2-In Mudane, Xasan Xuseen Nuur Geelle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3-In Mudane, Cabdillaahi Aw Aadan Raabi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4-In Mudane, Axmed Cali Baynax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5-In Mudane, Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda)

6-In Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed, uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta)

7-In Mudane, Axmed Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Madaxtooyada JSL)

8-In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Maaliyada)

9-In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiiru-dawlihii Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta)

10-In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel hore Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Wershadaha)

11-In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore wasiir ku xigeenkii wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga).

Magacaabida Agaasimeyaasha Guud

1-In Mudane, Jamaal Cabdillaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2-In Mudane, Cabdikariim Xuseen Siciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabida Hay’addaha Dawladda

1-In Mudane, Xuseen Maxamed Jaamac (Balal), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2-In Mudane, Dayib Aadan Xaaji Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa ee JSL.

Magacaabida La-taliye Madaxweyne

1-In Mudane, Maxamed Ismaaciil Cabdi (Xato), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciyaaraha.

Magacaabida Wakiilka Somaliland ee Cuman iyo Kuwait

1-In Mudane, Salaan Xasan Cabdulle Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalalka Cumaan iyo Kuwait.

Magacaabida Gudoomiyeyaasha Iyo Kuxigeenadda Gobolada

1-In Mudane, Axmed Diiriye Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2-In Mudane, Cabdi Nuur Sugaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3-In Mudane, Nuur Qaasim Qodax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xilka Qaadis

1-Mudane, Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

2-Mudane, Axmed Nuur Faahiye, Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Duulista Hawada

3-Mudane, Xasan Daahir Dhimbiil, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka

4-Mudane, Farxaan Xasan Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Daad-madheedh

5-Mudane, Ibraahim Jaamac Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Saraar

6-Mudane, Maxamed Cali Aadan, Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Loolanka Sacuudiga iyo Qatar: Saameynta Somalia iyo go’aanka ay tahay in DF qaadato

Maanta waxaa ay carabta ku soo toostay dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo xiriirkii diblomaasiyadeed u jaray dalka Qatar, waxaa dib ugu soo biiray Yemen, hadda waxaa socdo xulufeysi oo dalal ayaa ku kala biiri kara labada dhinac, arrinta mar haddii ay sidaasi tahay, waxaa haboon in aan ka hadalno sida ay tahay in Soomaalida yeesho iyo halka ay maslaxadda qaranka ku jirto.

Sacuudiga waa dalkii ugu horeeyay ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu booqdo  doorashada kadib  halka Qatarna ay tahay dalkii ugu dambeeyay ee uu booqasho ku tago, labadaba waxaa ay Soomaaliya la wadaagnaa xiriir soke, labadaba waxaa ku nool jaaliyad badan, labaduba waxaa ay ballan-qaad u sameeyeen dowladda cusub, Hadaba dalkee ayey tahay in Soomaaliya sal dhigato? Halkee maslaxadeeda ku jirtaa? inta aan su’aalahani ka jawaabin akhriso waxa la isku heysto!!

Billowga Khilaafka:

Maalmo kadib, shirkii Riyaadh gaar ahaan May 24-keedii waxaa wakaaladda Qatar lagu baahiyay hadalo uu sheegay Amiir Tamiim-ka Qatar oo ka careysiiyay Sacuudiga iyo Imaaraadka, arrintaas oo Doxa markii dambe beenisay, sheegtana in bogga wakaaladda wararka ee qaranka  la jabsaday.

Dagaal Afka Ah:

Qoraalka ay Doxa beenisay kadib, warbaahinta Imaaraadka, Sacuudiya iyo Masar waxaa ay dagaal afka ah ku qaadeen Qatar, iyaga oo falanqeyn joogta ah ka sameynayey hadalkii Amiirka ee ay Doxa beenisay iyaguna ay rumeysteen.

Warbaahinta Sacuudiga waxyaabaha ay qoreen waxaa ka mid ahaa, qoraal ay soo saareen qoyska Aala-Sheekh ee ku abtirsada Sheekh Maxamed Bin Cabdiwahaab kuwaas oo iska fogeeyay in Amiirka Qatar uu ka tirsan yahay Aala Sheekh, iskuna farac yihiin, sida uu Amiirka horay u sheegay.

SKY News qeybta Imaaraadka waxaa uu ka mid ahaa warbaahinta sida weyn uga hadashay, lana safatay Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxaa intaa dheeraa in dalalka hadda xiriirka u jaray Qatar ay hawada ka saareen Telefishinka Al-jazeera iyo bogag badan oo kale.

Al-Jazeera Oo Afka Furatay:

May 28, 2017: Al-Jazeera waxaa ay daabacday Farshaxan muujinaya Boqorka Sacuudiga, Madaxweynaha Masar iyo Madaxweynaha Mareykanka…in kasta oo Al-Jazeera markii dambe ay tirtay, sheegtana in si qaldan loo fasirtay, cudur daarna ka bixisay.

Maalin ka hor, Shabakadda Al-Jazeera waxaa ay soo bandhigtay  sir laga helay Emailka la jabsaday ee Safiirka Imaaraadka ee Washington oo sheegeysa in Imaaraadka ay olog kula noqdeen Isra’il in Qatar  la sumcad dilo oo lagu eedeeyo taageerista argigixisada.

Qoraalka  Emailka Al-jazeera  ay baahisay, waxaa la sheegay  in Imaaradka uu diidanaa Shirka Xamaas ee ka dhacay Qatar isla markaana ay dadaal ugu jirto sidii saldhigga military ee Mareykanka looga rari lahaa Qatar.

Warbixinta lagu daabacay Al-jazeera waxaa ku jirtay in Imaaraadka uu lug lahaa inqilaabka ka dhacay Turkiga ee la doonayey in lagu diro Erdogan.

Asalka Loolanka Sacuudiga iyo Qatar:

Sacuudiga iyo dalalka kale ee xiriirka u jaray dalka Qatar waxaa ay Doxa ku eedeeyaan xiriirka ay la leeyihiin xarakada Ikhwaanka, guud ahaan Islaamiyiinta  iyo dalka Iran…..kaalinta Qatar ee Libyan, Suuriya iyo Yemen meesha kama marna…xiriirka Qatar iyo Turkiga waa arrin kale.

Xiriirka Ikhwaanka iyo Islaamiyiinta:

Qatar waxaa lagu heystaa xiriirka ay la leedahay Xarakada  Ikhwaanka Muslimiinta, Xarakada Dhaalibaan iyo kooxo kale oo reer galbeedka iyo dalal Carab ay ku dareen liiska kooxaha argigixisada, halka Doxa ay mar walbo sheegto in aaney macquul aheyn in koox kasta oo mucaarad ah lagu daro liiska argigixisada iyada oo isku fogeysa in ay xiriir la leedahay kooxo argigixiso ah.

Qatar waxaa kale oo ay xiriir la leedahay kooxo badan oo Islaamiyiin ah oo ka dagaalamaya bariga dhexe iyo Afrika, sidaasi waxaa ku eedeynaya Sacuudiga, Masar iyo dalal kale, tiiyoo keentay xitaa in gudaha Mareykanka gaar ahaan Cogress-ka ka hadlo xiriirka Doxa iyo waxa loogu yeero argigixisada.

Xiriirka Iran:

Dalka Qatar waxaa uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyaa  Iran, mana qarsadaan arrinkaas, todobaadkii tagay warbaahinta Iran waxaa ay baahisay xiriir dhanka Telefanka ah oo dhex maray Amiirka Qatar iyo Madaxweynaha Iran, ninka hore waxaa uu sheegay in dalkiisa ka go’antahay wanaajinta xiriirka labada dhinac.

Saameynta Loolanka Cusub:

Dhibaatadan cusub malaha oo keliya saameyn siyaasadeed ee waxaa kale oo ay yeelan doontaa saameyn dhaqaale, mid ganacsi iyo mid bulsho, tusaale ahaan Jaaliyadda Masar ee Qatar waxaa ay ka badan yihiin rubuc Milyan qof, waxaa su’aal ka taagan tagay aayahooda, Khaliijka waa dalal isku xiran, waana adagtay in sidaasi ay wax ku sii socdaan.

Maxay Tahay Kaalinta Jaamacadda?

Jaamacadda Carabta waa urur aanan awood laheyn, marka ay sidan dhacdo waa isku dhex yaacdaa waayo xaruntooda waa Qaahira, dalalkii ugu weynaa carabta sida Masar iyo Sacuudiga ayaa isku dhinac maray, laakin xeerka Jaamacadda waxaa ku qoran sidan:

Iyada oo la adkeynayo xiriirka dalalka Carabta iyo adkeynta isku xirkooda, waa in dal walbo uu ixtiraamo qaranimada iyo madaxbannaanida dalalka kale iyo in dadaalka la isugu geeyo waxa uu kheyr ugu jiro Carabta oo dhan.

Dhanka dagaallada: Qodobka 5aad waxaa uu ka reebayaa dowladaha in loolankooda dagaal uu lugta la galao, Haddii uu jiro duulaan ama mid laga cabsi qabo, dowladda lagu soo duulay waa in ay codsato kulan degdeg ah, qodobka 8aad waxaa uu ka hadlayaa in dowlad kasta oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta ay ixtiraamto madaxbanaanida iyo qaranimada dowladaha kale.

Kaalinta Soomaaliya:

Soomaaliya waa dal xiriir soke la leh labada dhinac, maanta waxaa ay aheyd in ay Muqdisho gogol dhigto sida ay Kuwait sameysay 2014kii markii Sacuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka ay safiirradaooda kala baxeen Doxa, waxaa ay aheyd in Soomaaliya  qabato dalkii gar-daran, laakin hadda ma dhici karto oo awoodeeda ma lihin, sidaa darteed waxaa haboon in masaafo isku mid ah aan ka istaagno loolanka Khaliijka, in Soomaaliya ay ka madaxbannaanaato loolan u dhaxeeyay dalal walaalo ah iyo in aan loo fududaadin sida horay u dhacday oo dalal aan la kala safanay.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

Dhageyso: Farmaajo oo kulan uu la yeeshay beesha Mudulood ku aqbalay arrin muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Muxudiin Xasan Afrax, ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo dhoweeyay dhismaha maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir kadib kulan ay la yeesheen isaga, siyaasiyiin kale iyo waxgarad kasoo jeeda beesha Mudulood.

Afrax ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu lamid noqon doono maamullada kale ee federaalka ee dalka ka dhisan si loo helo sinnaan.

Arrintani maqaamka magaalada Muqdisho ayuu sheegay in maalmahani ay ka wadeen gobolka Banaadir islamarkaana ay la kulmeen qaar kamid ah bulshada magaalada.

“Waxaan rabnaa in Muqdisho ay xuquuq yeelato, dowladdana ay joogto, sida loo kala leexinayo waa farsamo, waxaan kala hadleynaa cid walbo oo ay quseyso arrintani. Madaxweynaha aad iyo aad ayuu usoo dhoweeyay oo maqaamkeeda ay yeelato laakiin wax walbo bilow iyo dhammaad ayeey leeyihiin, laakiinse aragti ahaan wuxuu qabaa waxaan annaga qabno, wuxuu qabaa in Muqdisho ay xuquuqda ay leeyihiin gobollada kale ay leedahay, wuxuuna ballanqaaday in laga wada qeybqaadanayo lana hirgelinayo” ayuu yiri Muxudiin.

Xildhibaan Hore Muxudiin Afrax ayaa sheegay in maamulka ay rebaan tahay sida maamul goboleedyada, Muqdishana ay tahay meel Soomaali oo dhan wax laga siin doono balse la kala badsanayo.

Siyaasiyiin kasoo jeeda Muqdisho iyo waxgarad ayaa maalmahan dambe u ololeynayey in Muqdisho ay hesho maqaam u gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Awr qooqanaa oo nin ku cunay deegaan ka tirsan Somaliland

Bali-dhiig (Caasimada Online)- Waxaa shalay deegaanka Bali-dhiig ee Gobalka Togdheer ka dhacday dhacdo xanuun badan kadib markii uu mid kamid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee deeganka uu cunay Neef Awr ah oo qooqanaa isla markaasna uu geeriyooday habeenkii xalayna lagu aasay isla deegaankaas.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

Caasimada Online
Xafiiska Bali-dhiig
[email protected]

Sacuudiga iyo Masar oo hawadooda ka mamnuucay diyaaradaha Qatar Airways iyo TV-ga Al-Jazeera oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah xiriirkii dublamaasi ugu jaray dawladda Qadar.

Dowladahani ayaa Qadar ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka, iyadoo dhaqaale iyo maskaxba ku bixineysa Kooxaha Argagixisada.

Dowlada Sacuudiga ayaa Qadar ku eedeysay weerar ismiidaamin ah Jun 2, 2017 ka dhacay magaalada Qatif ee ku tala bariga dalka Sacuudi Carabiya.

Dawladda Sacuudigu ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar waxa ayna arrintaasi saameyneysaa dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba.

Shirkadaha diyaaradaha ee dalka Qadar ayaa laga mamnuucay wadamada Sacudi Carabiya iyo Masar inay duulimaadyo ku tagaan ama dul haadaan hawada wadamadaas.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in dalalka Masar iyo Sacuudiga ay maamuuceen Telefashinka Al-Jazeera oo laga leeyahay dalka Qadar, kaa oo inta badan buun-buuniya Qarxyada ka dhacay Sacuudiga iyo Masar.

Xiisada ka dhex aloosan dowladahaani ayaa saameyn ba’an ku yeelan karta dhamman isu socodka shacabka, Ganacsiga iyo wixii la halmaala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Wasiiro ka tirsan DF Somalia oo ku wajahan magaalada Riyadh + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda magaalada Riyadha ee dalka Sacuudiga ay gaaran Wasiiradii ugu badnaa oo ka tirsan Xukuumada Ra’isul wasaare Kheyre.

Wasiiradani ayaa Heshiisyo lasoo gali doona Wasiirada dhigooda ah ee dalka Sacuudiga kaa oo salka ku haya mashaariic Sacuudiga uu ka fulin doono Soomaaliya.

Wasiirada ku wajahan magaalada Riyadh ayaa tirro ahaan la sheegay inay gaarayan ilaa Todobo Wasiir oo kamid ah Wasiirada ugu muhiimsan Xukuumada Ra’isul wasaare Kheyre.

Safarka Wasiirada Xukuumada ayaa loo badinayaa inuu kusoo beegmi doono maalinta Arbacada ee fooda nagu soo heysa.

Heshiisyada ay wada gali doonaan labada dal ayaa waxaa fududeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo muddo laba jeer safaro shaqo ku tagay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Si kastaba ha ahaatee, Safarka Wasiirada ayaa kusoo beegmaaya xili uu soo hagaagayo xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya dalalka Somalia iyo Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qarax iyo dagaal isbarbar socda oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Qarax ayaa ka dhacay Degaanka Kili-maseerow oo ku yaala Duleedka magaalada Jowhar, kaa oo lala eegtay kolonyo gaadiid oo ay la socdeen ciidamada dowlada.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa saameyn ku yeeshay ilaa laba gaari oo kamid ahaa gaadiidka ay la socdeen ciidamada.

Ciidamada lala eegtay Qaraxa ayaa waxaa soo gaaray khasaaro kala duwan oo u badnaa dhaawacyo, iyadoo ciidamada dhaawacmay la dhigay Ibitaalka weyn ee magaalada Jowhar.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal fool-ka-fool ah oo dhexmaray ciidamada la Qarxiyay iyo maleeshiyaadka.

Ciidamada ayaa iska difaacay maleeshiyaad dhexda u galay, waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalkaasi mudada kooban socday.

Maamulka HirShabelle ayaan ka hadal Qaraxa iyo dagaalka khasaaraha kala duwan uu ka dhashay, waxa ayna tani imaaneysaa xili ciidamada maamulka ay ku guda jireen howlgal.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

Sawirro: Muxuu R/W Kheyre kala soo kulmay wasaaradda arrimaha dibadda (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagey Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xariirka Caalamiga waxuuna kulan layeeshey shaqaalaha iyo madaxda Wasaarada, isagoo kala hadley arimaha shaqada iyo sida ay honshu u soctoo. Sidoo kalena waxuuu warbxino ka dhageystey qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaarada oo uga warbixiyey isbedelka shaqada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kormeerey xafiisyada ay ku howlgalaan shaqaalaha waxuuna aad u bogaadiyey sida qurxda badan ee xafiisyada Wasaarada loo nidaamiyey,waxuuna ku amaaney arintaas shaqaalaha iyo maamulka Wasaarada Arrimaha Debidda ee Soomaaliya.“Waxaan aad ugu farxsanahey sida quruxda badan ee shaqada u socoto iyo isbedelka ka muuqda Wasaarada, waxaana aad ugu bogaadinayaa madaxda wasaarada in loo baahan yahey iney si balaariyaan shaqada ay u hayaan qaranka”ayuu yiri R/W Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatey Agaasimayaasha shaqada iyo Wasiirka Arrimaha Debida Yuusuf Garaad Cumer waxuuna weydiiyey arimaha loo bahanyahey in wax laga badelo iyo qorshaha waxqabed ee u degsan Wasaarada inta ka dhiman Sanadka.

axey booqashadan qeyb ka tahey koormeerka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku booqdo xafiisyada Hay’addaha dolwada Soomaaliya.    Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hailemariam Desalegn iyo Netanyahu oo ka hadlay arrin ku saabsan Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Tel Aviv ee dalka Israel booqasho afar cisho ah ku jooga Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Hailemariam, ayaa halka kulan hordhac ah kula qaatay Ra’isul wasaaraha dalka Israel, oo ay kawada hadleen xiriirka labada dal, arrimaha Somalia iyo Ganacsiga Africa.

Hailemariam, oo ku hormaray xiriirka kala dhexeeya Israel ayaa sheegay in dowladiisa ay ku taameyso inay laba jibaarto xiriirka diblumaasiyadeed iyo kan Ganacsi ee kala dhexeeya Israel.

Hailemariam, waxa uu dhigiisa Israel, Benjamin Netanyahu ka dalbaday in dhankooda ay ka xoojiyaan xiriirka waxa uuna ku faanay in Ethiopia ay xiligaani tahay ilbaabka laga galayo xiriirka Afrika-Israel.

Waxa ay isla soo hadalqadeen xaaladaha ka jira Somalia, waxa uuna Ra’isul wasaaraha Ethiopia ugu baaqay dhigiisa inay dib u furaan albaabka xiriirka Israel iyo Somalia.

Waxa uu Hailemariam sheegay inay muhiim tahay in Israel ay xiriir la sameyso Somalia, si ay uga caawiso dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka.

Ra’isul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta dhigiisa waxa uuna ballanqaaday inay isku dayayaan inay la xiriiran Somalia, waxa uuna aad uga mahadceliyay talaabooyinka dhanka horumarka ah oo ay qaadeyso Ethiopia.

Hailemariam ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Israa’iil, Reuven Rivin oo uu kala hadli doono xiriirka Ethiopia iyo Somalia.

Dhinaca kale, Hailemariam ayaa dadaal dheer ugu jira sida dowlada Ethiopi ay uga dhex muuqan laheyd dowladaha kale ee Africa dhinacyada Ganacsiga, Siyaasada iyo Dhaqaalaha.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Sawirro: Askartii ka danbeysay dilka wasiir Siraaji oo maxkamadda ciidamada la horkeenay

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida u la horkeenay labo askari oo ka danbeeyay dilkii wasiirkii howlaha guud, Cabaas C/laahi Sh. Siraaji, kuwaasi oo ilaali u ahaa hanti dhowrihii qaranka ee xilka laga qaaday.

Maxkamadda ayaa waxaa sidoo kale, ay u yeertay saraakiil ka tirsan madaxtooyada si su’aallo looga weydiiyo qaabka shilkaan u dhacay, maadaama wasiir Cabaas lagu hor dilay madaxtooyada xili uu halkaasi marayay, waxaana goobta lagu dhaariyay askar ka tirsan madaxtooyada oo habeenkaasi shaqada ku cornea.

Dood dheer iyo su’aala weydiin kadib ayaa garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida waxa ay xeer ilaalinta ciidamada ka dalbadeen inay keenaan cadeymo dheeri ah, sidoo kale qaraanada difaacayay eedeysanyaasha loo heysto kiiska dilka ah ayaa iyagane codsaday in maxkamadda dib loogu dhigo.

Ugu dambeyn gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in maxkamadda xirantahay, isla markaana dib la isugu soo laaban doono marka ay keenaan xeer ilaalitana cadeymo ku filan kiiska loo heysto eedeysanayaasha maantay ka soo hor muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida.           

Caasimada Online
Xafiiska Kismayo
[email protected]

Akhriso Liiska: C/wali Gaas oo magacaabay Wasiiro, Ku-xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal

Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa si rasmi ah u magacabay Wasiiro, Wasiiro xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal.

Hogaamiyaha ayaa Wasiirada cusub ku magacaabay Wareegto kasoo baxday Xafiiska, waxa uuna isku shaandheyn ku sameeyay Wasiirada ugu muhiimsan.

Hogaamiyaha ayaa sheegay in isbedelka iyo isku shaandheynta uu sameeyay ay hordhac u noqon doonto isbedelo kale oo soo sacda.

WASIIRADA

1-Cabdiraxmaan Barkhad Warsame, waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta, Hiddaha, Dhaqanka & Isgaarsiinta.

2-Cabdikhadar Faarax Shaaciye, waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dibu dhiska & Horumarinta.

WASIIR KU-XIGEENADA

1-Aamina Maxamed Cabdullaahi, waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada.

2-Cabdifitaax Xasan Xuseen ”Waloore”, waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.

3-Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda.

4-Cabdiweli Maxamed Yuusuf, waxaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud, Guryeynta & Gaadiidka.

WASIIRU DOWLAYAASHA

1-Maxamuud Faarax Beeldaaje, waxaa loo maacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda

2-Yaasiin Cabdi Seed, waxaa loo magacabay Wasiiru dowlaha Waxbarashada & Tacliinta Sare

3-Cabdirashiid Cali Geelle, waxaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Amniga.

Wareegtadani ayaa dhaqan gali doonta markii la faafiyo magacaabida Wasiirada, Ku-xigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha, oo weli taal Xafiiska Hogaamiyaha.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Sawiro: Xaaladda Abaarta ee deeganadda Jubbaland oo meel xun gaartay

Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya magaaladda Kismaayo ee xarunta gobalka Jubblada hppse ayaa muujinaya in wali aan lagu guuleysan in laga adkaado abaarta ku dhufatay deeganaddaas.

190 kaam oo ay dad soo barakacay dagan yihiin ayaa ku yaala magaaladda Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaana la aaminsan yahay in dad labo boqol iyo sodon kun ka badan ay dagan yiiin xerooyinkaas.

Guddoomiyaha guddiga abaaraha ee Jubblanad Darwish ayaa sheegay in aan wali lagu guuleysan in dhamaan dadka soo barakacay loo gurmado.

Isagoo ka hadlayay bartamaha xero ay dagan yihiin dad soo barakacay oo ku taalla Kismaayo waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in gar gaarka la kordhiyo si dadka loo bad baadiyo.

“Xiligii ugu adkaa ayey joogaan barakacayaasha Jubblanad ilaa hada 160 xero ayaan furnay  mana heyno wax ku filan oo raashin ah,  waxaan ku guuleysanay inaan dajino, biyo siino amnigoodana aan sugno.

“Waxaa jira dad aan wali wax gar gaar ah helin, gobaladda waxaa ka jirta dhibaato daran, dadkii cuduro ayaa laayay, waan la hadlay hay’addaha deeqaha bixiya qaar waa ka jawaabeen qeyladeenii qaarna waxba kama soo qaadin, waxaan markale codsaneyna in dadkaan gurmad lala soo gaaro ayuu yiri Darwish.

Dadkan oo xoolaleey iyo beerley ahaan jiray ayaa baahida waxaa ugu darsoomay cudduro uu ugu horeeyo Shubn biyood.

Xog: Farmaajo oo hakiyay casuumaad uga timid dalka Talyaaniga, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ku heleyno wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa baajiyay casuumaad uga timid dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in casuumadaasi ay u timid asbuuc ka hor, xili uu isku diyaarinaayay ka jawaabida casuumado kaga imaaday dalalka Sacuudiga, Jabouti iyo Qadar.

Madaxweynaha ayaa waxaa casuumadaasi soo gaarsiiyay Danjiraha dalka Talyaaniga ugu magacaaban Somalia.

Waxaan la ogeyn sababta ka danbeysay in Madaxweynaha uu uga gaabsaday casuumaada uga timid dhigiisa dalka Talyaaniga.

Dowlada Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha garabtaagan Somalia, waxaana xusid mudan in isgarabtaageda uu ku kooban yahay tayeynta ciidamada iyo bixinta gaadiidka loogu tallo galay ciidamada.

Waxaa suuragal ah in Madaxweynaha uu is raaciyo casuumadaha kaga imaaday dalalka Masar iyo Talyaaniga, maadaama safaradii hore ay qaaten inta badan wakhtigiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa horay u galay 10 Safar oo uu ku kala baxshay dalalka

Sacuudiga, Kenya, Urdon, Imaaraadka, Turkiga, Ethiopia, London, Sacuudiga, Jabouti iyo Qadar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]