27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Sawirro: Sidee loo qaban qaabiyay goobta uu ka socdo banaanbaxa lagu taageerayo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo Boqolka maalmood ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goordhow ka bilowday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia.

Dibadbaxan ayaa waxaa soo abaabulay Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeybqaadanaaya inkabadan 1,800 oo shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.

Afafka hore Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium ee Degmada C/casiis iyo Waddooyinka magaalada ayaa waxaa ku sugan Basas waaweyn oo sida dadweyne fara badan oo laga kala keenay 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

Waddooyinka gala Garoonka iyo kuwa ka baxa ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowlada waxaana laga mamnuucayaa dhammaan dadka iyo gaadiidka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu Bannaabaxa lagu taageerayo ka jeediyey Khudbad uu ku faah faahinayo waxyaabaha u qabsoomay Boqolka Maalmood ee ay dowladiisu jirtay.

Dowladda Cusub ee Soomaaliya ayaa mudada kooban ay jirtay ku guuleysatay arrimo la sheego in ay ka mid yihiin La dagaalanka Musuqmaasuqa iyo yareynta dhibaatooyinkii Amni ee ka jiray Caasimadda.

Nin sigtay ma noola: Xaalka dacwada badda Soomaaliya (Xaqiiq qarsooneyd oo banaanka loo soo saaray)

Akhristow cinwaanka qoraalkeygu ”Nin sigtay ma noola” nuxurkiisu wuxuu xambaarsan yahay sida ay dawladda Kenya qarka ugu saarneyd iney ku guuleysato diidmadeeda ah in maxakamaddu aysan xaq u lahayn qaadidda dacwadaan maadaama heshiiska is-af-garadka ah (MoU) ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya uu yahay hab ka mid ah hababka lagu xalliyo murnaka dhex mara labadii dawladood ee xad-badeedka isku qabsada.

Waxaan qoraallo hore ku iftiimiyey baahida keentay is-afgaradka (MoU) oo saldhig u ahaa sidii loo dhammaystiri lahaa xadaynta qalfoofka badda oo waqtigeedu ku ekaa May 13, 2009. Waxaan qoraal kale kaga hadlay ujeeddada khaldan ee Kenya ay ka lahayd is-af-garadkaas iyo sidii ay ugu diyaargarowdey wixii ay ku qori lahayd iyo wixii ay ku hoos qarin lahaydba iyadoo hawshaas ay u sahashay dayac iyo diyaargarow la’aan dhanka masuuliyiinta dawladda Soomaaliya ah. Heshiiskii is-af-garadka waxaa diyaariyey dawladda Norway waxayna dawladda Soomaaliya wax ka beddeshay oo keliya cinwaanka oo ay ku dartay ereyga ah “to each other”. Dawladda Kenya wax bay ka beddeshay qoraalka ay diyaarisey dawladda Norway balse qoraalka maxkamadda la soo dhigay laguma caddayn waxyaabihii ay beddeshay.

Waxaa xusid mudan in aan la wadaagay garyaqaannadii na mataleyey farriin uu ila wadaagay aqoonyahan u dhashay waddanka Norway kuna lug lahaa xaaladda badda Soomaaliya taasoo uu ku caddeynayey in heshiiskaas uusan ahayn sida khaldan ee dawladda Kenya ku doodeyso.

Diidmada dawladda Kenya ee in maxkamaddu qaaddo dacwadan waxaa aasaas u ahaa in markii ay Kenya saxiixeysey 1965 heshiiskii ka mid noqoshada maxkamaddan caalaamiga ah ay raacisay shuruud ah in haddii la helo hab ama waddo kale oo lagu xallin karo muranka dhex-mara Kenya iyo dawlad kale aysan maxkamaddani soo geli karin murankaas ama dacwadaas. Dawladdii Soomaaliya waxay saxiixday 1963 isla heshiiskaas ka mid noqoshada iyada oo aan wax shuruud ah ku xirin. Waxaa intaas dheer in dastuurka ku-meel-gaarka ah ee hadda aan ku dhaqanno oo lagu soo diyaariyey waddanka Kenya lagu soo daray qodob aan ku jirin dastuurradii ka horreeyey ee waddanka oo aad mooddo inuu hordhac u ahaa in muranka badda aan dacwad lagu xallin ee heshiiska is-af-garadka ah laga dhigo hab kale oo wax lagu xallin karo.

Waxaa kaloo dawladda Kenya ay saldhig uga dhigtay dacwadeeda in heshiiskii is-af-garadku uusan u baahnayn ansixinta golaha baarlamaanka oo uu dhaqan gal yahay markii saxiixa ay ku duugeen labadii wasiir ee kala matalayey Soomaaliya iyo Kenya. Nasiib xumo sidoo kale dastuurkeena ku meel-gaarka ah waxaa ka maqan in baarlamaanku si aqlabiyad-buuxda ah ku ansixiyo wixii sharci ah oo khuseeya xuduudaha waddankeenna sida dastuurkii 1960 kii ku qornayd.

Dayaca iyo diyaargrow la’aanta  xaggeenna ah waxaa caddayn kuugu fulin jawaabta qoraalka ah ee uu bixiyey  garyaqaan Abdulqawi Yusuf oo ah ku xigeenka maxkamadda oo dhaliil culus uu u soo soo jeediyey labada dal. Waxaa hadalkiisa laga dheehan karaa inaan si indho la’aan ah u saxiixnay heshiis is-afgarad oo aynaan wax badan fikirkiisa iyo diyaarintiisa kala socon ama iskaba fiirin. Garyaqaan Abdulqawi wuxuu qoray ”No Government can afford today to put its signature to a bilateral legal instrument which it has neither carefully negotiated nor to which it has hardly contributed.” Ma jirto dawlad kasoo kabsan karta iney saxiixdo heshiis laba-dhinac ah oo aysan si taxadar leh uga xaajoon ama aysan diyaarintiisa qayb ka ahaynba

Ilaahey mahaddiis waxaa maxkamaddu xukuntay in ay dacwadaas geli karto. Dacwada qaybtii hore waxaa qaadayey ilaa14 garsoore oo u kala dhashay waddamo kala duwan uuna ku jiray ku xigeenka maxakammadda oo u dhashay Soomaaliya. Garsoorayaashii maxkamaddu iskuma wada raacin in dacwadaan la galo oo saddex ka mid ah (waa inta aan ogahay) waxay taageereen mowqifka dawladda Kenya oo ah in heshiiskii is-af-garadku (MoU) uu yahay hab wax lagu xalli karo oo maxkamaddu aysan sharci u lahayn inay gasho dacwaddan.

Waxaa kale oo mahad leh dadkii ka hawlgalagay dacwadaas oo ay ugu horreeyaan garyaqaannaddii na matalayey iyo masuuliyiintii kale ee dawladda balse waxaa mudan in la is xasuusiyo in aan u diyaargarownno in sidii shalay naloo gaaday aan naloo gaadin oo weli xaalkeennu taagan yahay ….”Nin sigtay ma noola”.

Waxaan isku dayayaa in aan iftiimiyo hawsha hadda na hor taal iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa dacawada qaybteeda muhiimka ah oo ah xadeynta xuduudda badda aan la wadaagnno waddanka Kenya. Waxaa dacwada qaybteeda labaad loo ballansan yahay in la gudo galo 18ka bisha December ee sannadkan 2017.

Akhristow diyaargarowga waxaa loo qaybshaa dhowr nooc oo marka aad fiiriso xaaladaha muranka badda ee aan kor kaga soo sheekeeyey aad mooddo in aan mar walba ku sugan nahay diyaargarowga nooca  ugu natiijo xun balse loo baahan yahay in aan ku dhaqaaqno sidaan ku gaari lahayn kan ugu natiijo fiican. Waa kuwan qaar ka mid ah noocyada diyaargarowga:

  1. Diyaargarow ku salaysan ka fal-celin wixii hadba kugu dhaca  – Reactive
  2. Diyaargarow (la’aan) aan dhaafsiisnayn waxa maanta taagan  – Inactive
  3. Diyaargarow ku salaysan waxa mustaqbalka laga filan karo ama dhici kara iyadoo laga duulayo wixii la soo maray iyo waxa maanta taagan – Proactive

Diyaargarowgu si uu miro dhal u noqdo wuxuu u baahan yahay waqti, dhaqaale, aqoon iyo talo saarasho ilaahey oo ah tiirka ugu muhiimsan balse u baahan in lagu kaabo dadaal iyo feejignaan dheeri ah. Waxaan shaki ku jirin in dawladdii middaan ka horreysey ay muujisey sida aysan uga tanaasulayn in xaduudaheeda badda xaal- mastuur iyo wada-hadallo hagardaamo xambaarsan lagu xalaaleysto. Waxaa hawshaas garab weyn ka geystay dadweynaha Soomaaliyeed oo taagero aan la koobi karin ka geystay iyo garyaqaanno leh xirfad ay ku soo bandhigeen xaqa aan u leennahay in xuduudda baddeenna lagu difaaco xeerarka adduunka u degsan.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “fuley xantiis ma mooga” oo waxaa muuqata dhaqaale yari xoog leh oo haysata dawladda hadda jirta taasoo sababi karta ama sababtay in garyaqaannaddii dacwadaan horey u galay ama kuwa aan hadda looga maarminba loo heli karin dhaqaalihii laga ballan qaaday ama ay u baahnaayeen. Waxaa kaloo dhici karta in aqoonyahannadii iyo farsamo yaqaannadii ka hawl galay dacwadddan uu saameeyey is-beddelka siyaasadeed iyo kan dhaqaalaba kaasoo keeni kara dib-u-dhac iyo xog badan oo dhunta.

Waxaan aad ugu kalsoon ahay in madaxda maanta hoggaamineysa dawladda oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Maxamed A. Farmaajo iyo wasiirka kowaad, mudane Xasan A. Khayre ay yihiin masuuliyiin ay ka go’an tahay difaacidda xuduudaha baddeenna. Waxaan rajaynayaa in ay si hagar la’aan ah ugu diyaargaroobi doonaan dacwadaas oo u baahan  diyaargrowga nooca saddexaad (Proactive) maadaama guusha dacwadaas iyo guul-darradeedaba (ilaahey naguma keenee)  ay noqon doonto mid taariikhda u gasha oo jiilalka soo soocda ay ku xasuustaan.

Dr. Abukar Y. Warsame
[email protected]
Picture: Cliffhanger from Amnesia International

Dhageyso: Dad reer Galmudug ah oo maanta lagu laayey Mudug (Yaa ka dambeeyey?)

Galinsoor (Caasimada Online) – Gudoomiyaha degaanka Galinsoor Cali Saciid Axmed Cabdulle ayaa Faahfaahin ka bixiyay Saddex nin oo  xoolo dhaqato  ah oo Maanta lagu dilay duleedka degaankaasi.

Dilkaan ayaa waxaa loo geystay dadka reer guuraa ah oo kasoo jeeda maamulka Galmudug sida uu sheegay gudoomiye Cali Saciid.

Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa waxa ay ka yimaadeen degaanka Saaxo Qurun, waxaana la sheegay in ay halkaasi dib ugu laabteen Markii ay dilka geysteen.

Maamulka degaanka Galinsoor ayaa sheegay in sidoo kale kooxaha hubeysan ay jirdil u geysteen haween ku sugnaa goobta ay ku dileen Saddexda Nin.

Odayaasha dhaqanka degaanka ayaa waxa ay waddaan dadaallo kala duwan oo ay ku doonayaan in ay wax kaga qabtaan falalkaan kusoo laablaabtay degaanka Galinsoor.

Maalmo ka hor ayaa degaanka Saaxo qurun lagu dilay Labo ruux , waxaana Wararku ay sheegayaan in dilka Saddex nin uu arintaasi la xariiro.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

Muqdisho: Degmooyin is-beddel laga dareemay iyo degmooyin aysan ciidamadu geli karin

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinayo in qaar ka mid ah degmooyinka magaalada laga dareemayo isbadal weyn oo ay soo kordhiyeen Ciidamada hub ka dhigista Muqdisho.

Dadka ku sugan qeybo ka mid ah degmooyinka Waaberi, Hodan, iyo Wadajir iyo Xamar Jajab, ayaa ka dhawaajiyey in Baabuurtii ciidanka badan lala saarnaa iyo qoryihii cuslaa ee indhaha la iska gelin jiray maalmahan laga nastay, oo waddooyinku nadiif yihiin.

Wadooyinka degmooyinkaas ayaa lagu marayaa si istariix ah, adigoo ka cabsaneyn baabuur ciidan inta gadaal kaaga timaada oo marka ay ku horgoyneysana qoryo kugu taagaya.

Arrintaan ayaa waxa sabab u ah dowladda Soomaaliya oo bilowday howlgal ay ugu magac dartay (Xasilinta Caasimadda Muqdisho) oo ay usoo tababartay ciidamo gaar ah oo weliba isku dhaf ah, oo hub ka dhigis ka wada degmooyinkaas.

Ciidamadaan ayaa waxaa lagu arkayaa dhammaan jidadka afarta degmo ee aan soo xusnay, waxayna la wareegeen koontarooladii ay fadhin jireen Ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana Magaalada Muqdisho laga dareemayaa isbadal weyn oo lagu faani karo.

Si kastaba, ciidamadan ayaan geli karin qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, gaar ahaan kuwa Waqooyiga sida Kaaraan, Shangaani, Shibis, Cabdi Casiis, Boondheere iyo Yaaqshiid, iyo qeyb kale oo ka mid ah Koonfurta sida Wardhiigley iyo Howlwadaag.

Deegaanada ay howl-gallada ka socdaan ayaa inta badan ah kuwii ay dowladda markii horeba ku xooganeyd ee ka ag dhow madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qarax ka dhacay mid ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada Abba Gedo.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay Gaari uu la socday Sargaal ka tirsan ciidamada dowlada, waxaana uu dhaawac kasoo gaaray Askar la soctay.

Qaraxa ayaa ahaa miino lagu weeraray Gaariga, waxaana ka badbaaday Sargaalkii watay gaariga, halka laba Askari oo la soctay uu soo gaaray dhaawac.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlgallo kala duwan oo Amniga lagu xaqiijinaayo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaaya Qaraxyada loo adeegsado miinooyinka, oo inta badan lagu weeraro dadka ka tirsan dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Dhaawacyada saraakiil iyo ciidamo ka tirsan milateriga oo loo qaaday Riyadh

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad laga leeyahay dalka Sacuudiga ayaa magaalada Muqdisho ka qaaday Toboneeyo Saraakiil iyo ciidamo ku dhaawacmay Qaraxii dhawaan ka dhacay Warshadii hore Nac-naca ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha iyo ciidamada ayaa laga qaaday Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana loo duuliyay magaalada Riyadh.

Dhaawacyad ayaa waxaa Garoonka kusii sagootiyay Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi ”Cirfiid” iyo Saraakiil kale.

Taliyaha ciidanka Xoogga, ayaa sheegay in dhaawacyada Saraakiisha iyo ciidamada wax looga qaban waayay Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay inay rajeenayaan in Sacuudiga uu ka saacido dhinacyada dhaawaca iyo Amniga.

Wasiirka ugu mashquulka badan DF oo noqday kan ugu safarada badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya Safarada badan ee dalka uu uga maqan yahay Wasiir Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”.

Wasiir Ducaale oo kaalinta koowad kaga jira Wasiirada ugu mashquulka badan ayaa tan iyo markii loo magacaabay xilkaasi ka dhamaan la Safaro dalka dibadiisa.

Ducaale, ayaa noqonaaya Wasiirka ugu safarka badan marka la’eego wasiirada kale ee ka tirsan Xukuumada, waxaana xusid mudan in Mr Ducaale uu safar waliba la baxo Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo.

Ducaale, waxa uu Madaxweynaha la baxay ilaa Toban Safar, halka Ra’isul wasaarahana uu horay usii raacay safarkii uu ku gaaray dalka Qadar taariikhdu marka ay ku beegneyd 13 May 2017.

Safarada Wasiir Ducaale, ayaa soo dadajiyay habacsanaan dhanka amniga ah, waxaana xusid mudan in adduunka oo dhan ay ka siman yihiin Wasiiradooda amniga Safar la’aan, halka Wasiirada amniga ee soo mara Somalia ay yihiin kuwo aan dalka ku nasan.

Wasiir Ducaale, ayaan kawarqabin sida ay u socdaan howlaha amniga, waxaana shaqadiisa kusii shaqeeya Agaasimayaasha Hay’adaha amniga.

Sidoo kale, Wasiir Ducaale ayaa socdaaladiisa badan ee dibadda lagu micneeyay in loogu baahday wehlinta Madaxweynaha, waxaase u wehliyaa dano Ganacsi oo uu ku leeyahay Imaaraadka Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka ayaan ku baraarugsaneyn howlaha looga baahan yahay Wasiirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog laga helay sababta ka danbeysay diyaarada kusoo dhacday Gedo + Khasaaraha

Garbahaarey (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku heleyno waxaa goordhow Diyaarad ay ku burburtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Diyaaradan ku burburtay Garoonka ayaa waxaa la sheegay in ay aheyd Diyaarad yar oo ah nuuca ay isticmaalaan QM.

Diyaarada dhacday ayaa sababsatay Cilad farsamo oo ku timid sida uu xaqiijiyay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji, ayaa xaqiijiyay in diyaaraddu ay bur burisay guryo dhowr ah oo ku dhawaa Garoonka Magaalada Garbahaareey.

Diyaarada ayaa waxaa ka kacay dab xoogan oo saameeyay dhammaan diyaarada , waxaana suuragashay in la badbaadiyo howlwadeenadii la socday diyaarada.

Sidoo kale, maamulka ayaa sheegay in diyaarada ay u rarneed Hay’adda WFP isla markaana ay siday Gargaar loogu tala galay Shacabka Gobolka Gedo.

Dhicitaanka diyaaradani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan Garoonka Xamar ay kusoo dhacday diyaarad ay laheyd shirkad ka dhex shaqeysa Garoonka.

Caasimada Online
Xafiiska Garbahaarey
[email protected]

Farmaajo oo ka hadlay halka ay isku barteen xaaskiisa iyo sababta ay ugu baxday naaneysta “Farmaajo”

Muqdiso (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyey Sharqil Awsat ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan waxqabadkiisa boqolkii maalin ee ugu horeysay iyo waxyaabo badan.

Farmaajo Marka laga soo tago arrimahaas madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan shaqsiyadiisa sida taariikhiisa nololeed, halka ay isku barteen xaaska uu hadda qabo iyo sababta loogu bixiyey naaneysta uu caanka ku yahay ee Farmaajo.

Waxaan wax ku bartay Soomaaliya iyo Mareykanka, waxaana ku takhasusay daraasaadka Mareykanka, waxaan ka qalinjebiyay Jaamacadda Buffalo ee gobolka Newyork. Waxaan ahaa Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya intii u dhaxeeysay November 2010- June 2011. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la ii doortay 8dii February ee sanadkan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa la weydiiyey halka ay isku barteen xaaskiisa iyo sida ay isku guursadeen.

“Xaaskeyga Seynab Macallin waxan isku barannay Muqdisho, isku xaafad ayaan ahayn oo gurigooda iyo gurigeena ayaa isku dhowaa. Mar kale ayaan Mareykanka ku kulannay aniga oo ka shaqeeya safaaradda Soomaaliya ee Washinton iyaduna ay xagga u soo qaxday. 1992 ayaan is guursannay, waxaa inoo jooga 4 carruur ah laba wiil iyo laba gabar.

Sababta loogu bixiyey naaneysta uu ku caaan baxay ee Farmaajo ayaa la weydiiyey madaxweynaha Somalia wuxuuna ku jawaabay:

“Marka hore aabahay ayaa la oran jiray Farmaajo, waa eray Talyaani ah oo waxaa laga wadaa “Bur-cad”. Naaneystaan waxay ka timid sheeko qosol leh; oo ahayd ciidankii talyaaniga ee kontomeeyadii ka talinayay waddanka ayaa soo xiray koox dhallinyara gumeysi-diid ah oo aabahey uu ku jiray, cuntada maxaabiista la siinayay ayaa waxaa kamid ahaa Farmaajada oo Soomaalida intooda badan ku cusbeyd xilligaas, Aabaheey saaxiibadiis waa diideen in ay cunaan, balse isagu horay ayuu u yaqaannay oo wuu cuni jiray wuuna jeclaa waliba, dhallinyarada la xirnaa oo 11 ahaa ayaa isugu soo dari jiray maalin walba qoondadooda, markaas ayuu kaligii cuni jiray, kadib ayey u bixiyeen Farmaajo, maalintaas laga soo billaabo qoyska waxa uu watay naaneystaas anigana sidaas ayey iigu baxday” ayuu yiri Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: DF oo qaadatay go’aan laga yaabo inay ka hor imaadaan madaxda maamulada

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Dowladda Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay arrin ku adkaan doonto inay qaataan madaxda Maamul Goboleedyada dalka: Puntland, Jubbland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle.

Wasiirka Maaliyadda Cabdi raxmaan Ducaale Beyle   ayaa ku dhawaaqay Go’aan aysan soo dhaweyn doonin Maamul goboleedyada dalka, Maadaama uu sheegay in Canshuuraha si wadajir loo qaadi doono Dowlada Soomaaliyana ay maamuli doonto, maadaama markii hore uu maamul kasta si gaar ah u aruursan jirin canshuurta uu ka qaado dhulka uu ka arrimiyo.

Wasiirka  ayaa sheegay in 10-Bishaan shir uu ka dhici doono Magaalada Muqdisho kaasoo ay ka qeyn gali doonaan dhamaan Wasiirada Maamul Goboleedyada dalka si loo mideeyo canshuuraha laga qaado Muqdisho, Boosaaso, Kismaayo iyo Magaalooyinka kale.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa arintaan ku sheegay inay sabab u noqon karto in Soomaaliya ka maaranto beesha caalamka oo ay weydiisato deeq taas oo aan inta badan la helin balse la sameeyo Balanqaadyo been abuur.

Arrintaan ayaa saameyn weyn ku yeelan doonto Madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana macquul ah in qaarkood ay ka hor imaadaan sida Puntland iyo Jubbaland oo loo bartay inay mar kasta mucaaradan go’aamada kasoo baxo Dowladda dhexe.

Dowladda Puntland ayaa isku dayeyso inay hesho awood la mid ah midda dowladda dhexe, wuxuuna maamulkaas dhawaan sabab u noqday inuu baaqdo kulan looga hadli lahaa shatiga Kulluumeysiga Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka wasiirka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Korneyl caan ka ah Somalia: “Maxaa Muqdisho kaliya hubka looga dhigayaa?”

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneyl Axmed Warsame Xaashi oo ka mid ahaa saraakiisha hore ee milatariga Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in dadka Muqdisho degan ay xaq u leeyihiin inay shaki ka qaadaan qorshaha hubka looga dhigayo ee uu wado ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Axmed Warsame Xaashi, oo ka hadlay barnaamijka doodda ee BBC ayaa sheegay in hub ka dhigista ay tahay arrin wanaagsan, laakiin waxa qaldan ay tahay qaabka ay dowladda Soomaaliya u mareyso arrintan.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya iminka aysan ahayn sidii hore, islamarkaana ay dhaceen dagaallo iyo colaad umadda kala geliyey shaki weyn.

“Mar walba oo dowladda ay soo hadal qaado hub ka dhigis waxaa la yiraahdaa, waxaa laga billaabaya Muqdisho ayada oo aan la aadin meel kale oo dalka Soomaaliya ka mid ah, taasi waxa ay ka dhigeysaa in dadku tuhun qaadaan” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray “Hadii dadka Muqdisho ayaga kaliya hubka laga qaado, ayada oo aan la taaban dadka kale ee Soomaaliya, waxay u qaadanayaan in qabiilo kale loo gacan qabanayo” ayuu yiri.

Qorshaha hub ka dhigista ayaa waxaa wada ra’iisul wasaare Xasan Kheyre iyo taliyaha sirdoonka Cabdullaahi Sanbaloolshe oo sheegay in Muqdisho aysan xasili doonin illaa hubka laga dhigo beelaha Abgaal iyo Habar-gidir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Ciidamo Soomaali ah oo loo dirayo Yeman, maxaase kala socotaa heshiiskii Sacuudiga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa socda qorsho dowladda federaalka Somalia, ciidamo ugu direyso dalka Yeman, qorshahaasi oo qeyb ka ahaa heshiis ay horey u wada-galeen dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Inta ay socoto diyaarinta ciidamada loo dirayo ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda magaalada Riyaad ay booqdaan tiradii ugu badneyd ee Wasiiro ka socda xukuumadda Somalia, safarkaasi oo qeyb ka ah qorshaha ciidamada loogu diraayo Yeman.

Ciidamadaan ka socda dowladda Somalia ee loo dirayo dalka Yeman ayaa waxay qeyb ka noqon doonaan isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiye ee dagaalka kula jira kooxaha Xuutiyiinta Yeman.

Booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee Riyaad ayaa heshiisyadii uu lasoo galay Sacuudiga waxaa ugu horeeyay in Sacuudiga Somalia ugu deeqo Afar Bilyan oo dollar, taasoo qeyb ka mid ah lagu kabi doono miisaaniyada dowladda, fulinta mashaariic kala duwan, dhismaha garoomo diyaaradeed iyo arrimo kale, taas badalkeedka Dowladda Somalia waxay Yeman u direysaa ciidamo xooggan oo qeyb ka noqda isbaheysiga Sacuudiga Hoggaamiyo.

Dowladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa Sacuudiga iyo Imaaraadka ka dalbadeen in ciidamo ku taageeraan howlgalka Sacuudiga Hoggaamiye ee xuutiyaanka ka dhanka ah, hase ahaatee dowladdii Xasan Sheekh arrintaasi wey ka gaabisay, iyadoo ka meermeertay ciidamo ay u dirty Yeman, kadibna waqtiga uu ka dhammaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Axmed Madoobe oo diiday amar kasoo baxay madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu ka biya diiday amar uu dhawaan siiyay Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo.

Wararka aan heleyno ayaa tibaaxaya in Hogaamiyaha maamulka lagu amray in maamulka Dekadda iyo Garoonka Kismaayo uu hoosgeeyo wasaradaha dowladda oo ay khuseeyan.

Madaxweynaha ayaa Hogaamiyaha faray in iyadoo la ilaalinaayo nidaamka dowladnimo maamulada Dekadda iyo Garoonka si toosa loo hoosgeeyo dowlada Federaalka, gaar ahaan Wasaaradaha ay khuseeyan maamulida Garoomada iyo Dekadaha dalka.

Xogaha aan heleyno ayaa intaa kusii daraaya in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu qaadacay amarkaasi, waxa uuna dhanka kale ku andacooday in wareejinta maamulada Dekadda iyo Garoonka Kismaayo ay imaaneyso goortii dalka ay ka curato dowlad fadhisa oo hanakarta maamulka.

Madoobe waxa uu sheegay in maamulkiisa uu juhdi badan ku bixiyay hagaajinta Dekadda iyo Garoonka Kismaayo, waxa uuna sidoo kale xujo ka dhigay in wareejinta ay ugu dhow dahay inay imaado goortii maamulada kale laga soo wareejiyo Dekadaha iyo Garoomada ku jira gacantooda.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in dowladiisa ay qorsheyneyso inay soo celiso dhammaan Dekadaha, Garoomada, Warshadaha iyo Kaabayaasha dhaqaale ee uu leeyahay dalka.

Talaaadaani ayaa imaaneysa xili Dekadda iyo Garoonka magaalada Kismaayo ay maamulaan Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya iyo Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Maxaa kala socotaa sababta ka danbeysay khilaafka Farmaajo iyo Jawaari?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in khilaaf hoosaad uu mar kale ka dhex curtay Madaxweynaha dowlada federaalka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Khilaafka labada mas’uul ayaa yimid kadib markii Guddoomiyaha baarlamaanka uu ka biya diiday tallo uu usoo jeediyay Madaxweynaha dalka.

Khilaafka oo aan sidaa usii baahin ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay arrimaha Xildhibaanada gadoodsan ee ku sugan magaalada Nairobi kadib markii Jawaari uu Farmaajo ku cadaadiyay inuu kala maareeyo Xildhibaanada.

Farmaajo ayaa diiday in Xildhibaanada lagu qanciyo kuraas, dhaqaale iyo ballamo, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inay muhiim tahay in cid waliba ay u hogaansanaato ka qeybqaadashada dhismaha dalka iyo sharciyadiisa.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa si dadban u taageersan Xildhibaanada baarlamaanka waxaana xusid mudan in socdaalkiisa magaalada Nairobi uusan natiijo kala soo laaban Xildhibaanada loo diray.

Xildhibaanada ugu badan ayaa ka tirsan garabka Guddoomiyaha baarlamaanka, gaar ahaan garabkii kasoo horjeeday meelmarinta Ra’isul wasaaraha magacaabidiisa kadib.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan muuqan isku soo dhawaansho ka dhexeysa labada mas’uul markii laga soo tago shaqooyinka Qaranka ee ka dhexeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu yahay ujeedka kulanka deg deg ah oo ay yeelanayaan madaxda IGAD?

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ku baaqay kulan degdeg ah oo Madaxda IGAD ka yeelanaya xaalada cakiran ee ka jirta Koofurta Sudan, kaasoo todobaadka soo socda ka dhacaya Addis Ababa

Warqad uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya u qoray Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayuu ku sheegay in wali uu sii socdo dagaalada iyo rabashadaha ka jira dalkaas, iyadoo ay jireen xabad joojin horay loo gaaray.

Hailemariam Desalegn oo ah Madaxa Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro xaalada ka jirta Koofurta Sudan, isla markaana Madaxda Gobolka ay ku hadlaan cod mideysan.

Hailemariam Desalegn ayaa walaac ka muujiyay xaalada bani’aadanimo ee xilligan ka jira Suudaanta Koofureed, iyadoo ay sii socdaan rabshadaha iyo dagaalada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka.

12-ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ee todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa inuu shirka ka furmo magaalada Addis Ababa, kaasoo ay ka qeyb galayaan Madaxda 7 dal ee ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Urur Goboleedka IGAD oo ay xubin ka tahay Soomaaliya, kana mid aheyd dalalkii aas aasay ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb galo shirkaas, oo noqon doona kii u horeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Xog cusub: Halkee ayay ka imaanayaan Protocol-ka cusub ee madaxweyne Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay soo gaaran Xubno cusub oo la wareegi doona Protocol-ka Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xubnahaani ayaa waxaa lagu bedeli doonaa 11 Xubnood oo kamid ah Kooxda Protocol-ka Madaxweynaha kuwaa oo iminka uu kala diray Agaasimaha cusub ee Villa Somalia Fahad Yaasiin.

Xubnahaani ayaa waxaa Tababaro iyo Siminaaro dhanka Protocol-ka ah loogu qaaday magaalada Qahira ee dalka Masar, kuwaasi oo loo mudeeyay dhowr asbuuc.

Protocol-ka cusub ayaa waxaa dhamaantooda laga soo dhex xulay garabka Madaxweynaha ugu jiray ololaha doorashada kuwaasi oo gaaraya ilaa 15 Xubnood oo u badan dhalinyaro u dhexeysa 25 ilaa 35.

Protocol-ka Madaxweynaha ee la kala diray ayaa waxaa lala sugaayay kuwa cusub ee loo diyaariyay Madaxweynaha, waxaana suuragal ah inay kasii bataan tirada loogu tallo galay.

Geesta kale, waxaa arrin layaab leh loo arkaa in 11 xubnood hal mar laga eryo Madaxtooyada, taasoo ah dhaqan keli talisnimo oo uu la soo baxay Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dad, dugaag iyo xayawaanka waraabaha oo meel ka wada qaraabanaayo magaalada Hargeysa: Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa goob qashin weyne ah oo ku taal duleedka magaalada Hargeysa, waxaa ku arkeysaa in si wada jir ah ay ugu qaraabanayaan dad, dugaag noon walba leh sida Waraabaha, Eeyaha, Daanyeerada iyo bini’aadam ka wada qaraabanaaya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warqad dad badan qiiro gelisay oo loo diray madaxweyne Xasan Sheekh (Aqri)

Ku: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,

Mudane Madaxweyne,

Waxaan kugu salaamayaa salaanta Islaamka Assalamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu.

Maalamaahan oo kale dadku waxay farriimo u qoraan madaxweynaha cusub iyagoo siinayo talooyin aan xog ogaalnimo ku dhisnayn, laakiin ay ka muuqato rabitaankooda ama aragtidooda shakhsiyeed, mid qabiil, mid gobol iyo mid qaran iyo mararka qaar talooyin guud oo ay ku jiraan kuwo diini ah. Si ka duwan dadka kale aniga waxaan go’aansaday inaan warqaddan furan kuu soo qoro, anoo adiga kugu socodsiinayo, waxaanse filayaa inay ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka wada faa’iidaystaan.

Waa dareenkayga shakhsiyeed, haddii aad ka dareento wax aadan filayn amaba doonayn ku darso dulqaadkii aad lahayd afartii sano ee la soo dhaafay.

1- Waxaad u timid dalka oo burburay, dadka oo burburay iyo qarankeenna oo aan badankiis meel isku sheegi karin. Madaxweynahii kaa horreeyay wuxuu u soo saxiixay IGAD bishii Jannaayo 2012, ” IGAD grand stabilasation Plan of south and centeral Somalia” oo nuxurkiisu ahaa in IGAD (Kenya iyo Itoobiya) ay maamul goboleedyo u sameeyaan Soomaaliya. Waxaad ka hortagtay mashruucaas, waxaana tusaale u ahaa arrinta Jubbooyinka, oo markii dambe aad ku xallisay in Soomaalidu wada hadlaan, IGAD na ku ekaato taageero farsamo. Markii aad imanaysay halka maamul goboleed ee jiray madaxdiisu waxay ka biyo diidsanaayeen Dowladda Federaalka ah, madaxweynahii xilligaa ee Puntland waxuu diiday inuu ka soo qaybgalo xafladdii caleemo saarkaaga, madaxweynihii aad xilka kala wareegtayna wuuba kaa safray. Maanta dalkeennu waxuu leeyahay maamullo ay dadka intooda badan ku raalli yihiin, loona baahan yahay in loo dhammaystiro sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen nabadgelyada iyo dhismaha dalka. Waxaad xukunka ka tagtay iyadoo madaxdii maamul goboleedyada oo dhan ay joogaan hal hall, oo aysan jirin cid dudsan, waxaan garan karaa dhibka aad ka martay afartii sano in himiladan la xaqiijiyo.

2- Markii lagu dooraty doodda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay tallay waxay ahayd in la soo kordhiyo ciidamada AMISOM, loona sameeyo ciidamo badda ah iyo kuwa cirka ah. Waxaad ku guulaysatay in doodda u rogonto dhismaha ciidanka xoogga dalka, qaadista cunaqabataynta hubka iyo in la joojiyo mashaariicda AMISOM loogu samayn rabay ciidan badeed iyo mid cirka ah. waxaa qayb ahaan dalka laga qaaday cunaqabatayntii hubka. waxaad hor istaagtay in ciidanka xoogga dalka lagu saleeyo qaybaha maamul goboleed si uu u ahaado ciidan qaran oo midaysan, waxaa taas kugu dhibsaday xoogag badan oo ajnabi ah iyo wax magarad Soomaaliyeed oo ku eegaya ciidanka hadda jira inuu yahay mid beeleed oo in la kala diro uu xalka yahay. Markii aad diidday qorshaha lagu kala dirayo ciidanka XDS oo loogu qaybinayo maamulgoboleedyo, Waxay ka goosteen ciidankeenna gunnadii dawladaha US, UK iyo EU ay siin jireen ciidanka maadaama aad taladaa diidday, waxaana dusha lagaa saaray eedda ah inaad bixin waysay mushaaraadka ciidanka. Waxay billaabeen markaad xilka ka tagtay kadib bixinta mushaaraadkaas iyadoo si xoog leh u soo if baxday inay rabaan in XDS loo qaybiyo maamul goboleedyada ( talooyinka shirka Nayroobi iyo go’aannad Shirkii London ee arrimaha ciidanka Soomaaliya). Waxaan la illoobi doonin inaad ka tagtay ciidanka XDS oo aan hoos tagin maamul goboleedyada, adigoo soo celiyay nidaamkii hore ee uu u dhisnaa qeeybaha ciidanka xooga dalka soomaaliyeed. Waxaad naga tagtay iyadoo doodad Golaha Ammaanka ay tahay sidii looga maarmi lahaa AMISOM, markaad ka xoraysay dalka intiisa badan.

3- Waxaad inoo timid iyadoo dakhliga dowladda uu u dhaxeeyo (800,000- 1,200,000 oo Dollar bishii). Adiga oo aan beddelin madaxdii maamulka dakhliga waxuu celcelis gaaray bishii 8,000,000 Dollar. Waxaad si aan hagar lahayn u hirgelisay Nidaamka Maamulka Hantida Guud (PFM), taas oo ay caddaatay in dakhliga dawladda soo gala aan loogu takrifalin si nidaamka ka baxsan. Haddii khaladaad dhacaanna aan marna adiga farta laguugu soo fiiqin. Ma aadan soo daabacanin lacag been abuur ah intaad joogtay. Waxaad Soomaaliya ku celisay xubinamadeedii Bankiga Adduunka, Bankiga Horumarinta Afrika, Hay’adda Lacagta Adduunka iyo goloyaashii ay ka maqnaan jirtay. waxaad naga tagtay iyadoo dawladda Soomaaliya ay buuxisay lix kamid ah shuruudahii toddobada ahaa ee u suurtogalin lahayd in dib loogu dhigo ama laga cafiyo daymaha lagu leeyahay, si maalgelin loogu helo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale. Waxaad ku dhiiratay inaad dunida u muujiso in Soomaaliya ay tahay dal khayraad leh, sahanka la sameeyay ee shidaalka, waxuu qayb ka ahaa colaaddii ay kuu qaadeen quwado shisheeye oo arkayay in tallaabooyinkaaga qunyar socodnimada ay keeni karto in Soomaaliya gasho heshiisyo shidaal iyadoo aan u daba fadhiisan dawladaha qaar.

4- Waxaad fahamsanayd nugaylka dowlada Soomaaliyeed, khaladaadkii diblomaasiyeed ee aan soo galnay laga billaabo markaan xorriyadda qaadannay, dagaalladii aan galnay iyo colaadahii aan kasbannay. Waxaad xakamaysay dibloomaasiyada caadifadda ku dhisan ee muujisa carada iyadoo aan taag lahaynin. waxaad miisaantay loollanka culus ee gobolka iyo dunida ka jira, waxaad ka gabatay duufaanno qaaday dawlado badan oo aan inaga fogayn. waxaad isku waday Maraykanka iyo Ingiriiska, Turkiga iyo Imaaraadka, Masar iyo Itoobiya. Waxaad isticmaashay dabacsanaan aan soomalida caadi u ahayn markaad Keenya la dhaqmaysay, waxaadse meel adag soo saartay in Baddeenna aan lagu gorgortamin. Waxaad diidday heshiiska Berbera oo aan dhihi karo waxuu sabab u ahaa colaadda kaaga timid Imaaraadka oo hanti badan ku bixisay in lagu rido. Waxaad muujusay in Soomaalida aysan colaad shisheeye xamili karin, waxaad ku dhiiratay inaad Itoobiya ku qanciso inay taagerrto dawladda Federaalka ah halkii ay ka taageeri jirtay qabaa’ilka, kooxaha siyaasadeed iyo gobollada. Doorashadii waxaa loo fasiray inay adiga itoobiya kaa jeceshahay madaxda kale, waxaa taas ka xumaan lahayd in itoobiya ay qabaa’ilka iyo gobolllada kugu dirto waana waxii cimri gaabiyay dawladaheennii kaa horreeyay. Waxaad naga tagtay iyadoo aan lagugu tuhunsanayn in heshiis qaranimadeenna wax u dhimaya aad la gashay shisheeye nooca uu doono ha ahaado.

5- Waxaad maaraysay damaca qaabaa’ilka Soomaaliyeed oo iska soo horjeeda, waxaad ku khasabtay beesha aad ka dhalatay ee Hawiye iney aqbalaan Federaalka si loo soo celiyo midnimada iyo wada jirka dalka. Waxaad kula gashay dagaal adag in la dhiso maamulada Jubba iyo Koofur Galbeed iyadoo aanay beeshaadu awood xoog leh ku yeelan. Waxaa is casilaad kaa dalbaday May 2014 tiro xildhibaanno ay hormuud u yihiin beeshaada iyagoo isku qarinaya inay musuqmaasuq iyo maamul xumo kuugula dagaalamayaan, laakiinse ay ahayd gadood ku saabsan go,aankaaga in Shabeelllada Hoose la raaciyo Koofur Galbeed. Waxaad sasabyo , baryo iyo laaluush xal ah ku dhistay Galmudug,, waxaa xusid mudan in tolweynaha deegaankaas kugu khasbay in Dhuusamareeb caasimad looga dhigo, misana ay suurtogalin waayeen inay maamulkii dejiyaan caasimaddiisii. Waxaad u dhabar adaygtay dhismaha Hirshabeelle oo aad ku kasbatay colaad badan. Dadka xilka kaala wareegay ayeey u taallaa inay hirgeliyaan nidaam ay qabaa’ilka kuwada lahaadaan maamullada aad u dhistay.

6- Sannadkii 2013, waxaad ku ballanqaaday Aragtida 2016, in Soomaaliya aanay ka dhici doonin marka uu xilligaaga dhammaanayo muddo kororsi iyo xulid tii 2012 oo kale ah. Waxaad ku guulaysatay doorashooyin dadban in dalka laga qabto, cid kasta ayaa kaa soo horjeesatay, dadkeenna iyo ajnabiga na taageera oo dhan diyaar bay u ahaayeen muddo kororsi kooban, inta la hubo adiga oo qudha ayaa ku adkaystay in doorasho la qabto. waxaa laguu dhigay caqabado badan iyo eedo sheegayo in doorashaduba tahay shaadh aad tolanayso. Waxaad ku guulaysatay in doorasho ka dhacdo gobollada dalka, in la soo doorto xildhibaanno laba gole, oo badankood aan adiga kuu codaynin. Waxaa ummada soomaaliyeed xusuus ugu filan in gabadha ugu da, yar aqalka sare ay isku xuquuq siyaasadeed yihiin iyada iyo Madaxwene Faroole, Senator Cumar cabdirashiid, Xaaji Muuse Suudi iyo Gen.Cabdi Qaybdiid. Dad badan oo Soomaaliyeed waxay farxaan markay daawadaan muuqaalkaas. Waxaad aqbashay doorashada lagaaga guulaystay, xataa adoo laguu arko qof laga adkaaday, oo la dareemayo inay ku khayaaneen kuwa aad aamintay waxaad go,aansatay inaad cashar cusub na barto oo ah sidaad xilka u wareejisay iyo inaad wali dawlanimada garab taagan tahay, qosolkaaga dhoolla caddaynta lahaana isma baddalin.

7- Waxaa lagugu eedeeyay inaad tahay qabiiliiste u janjeera qoyska uu ka dhashay, uguna sad buriyay dawladnimada, waxaa laguu abuuray nacayb badan oo qaarkeed si xoog leh warbaahinta iyo mukhaabaraadka shisheeye loogu adeegdsaday. Waxaa la beegsaday meelaha ay dadka ka jilicsan yihiin oo dareenka qabiil, wadaniyadda afka baarkiisa ah, eedeynta shisheeyaha iwm. Haddad taqaan sida qabiilka loo adeegsago waxaad qancin lahayd 9ka murashax ee muddulood amaba 4ta wacaysle, laakiin waxay dhammaantood ogaayeen in aadan qabiilka wax wayn u arkaynin. Waxaa lagugu eedeeyay inaad hanti badan lunsatay, waxaase aan ogaaday inaad maanta ijaar ku deggan tahay guri ay leedahay gabadh uu dhalay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, oo ahayd gabadh da, yar markii aabbaheed xukunka laga tuuray. Waxaan xaqiiqsaday in haddii adiga ama ehelkaaga uu lahaan lahaa guryo waaweyn aadan u baahateen inaad gurigaas ijaar ku degto.

8- Waxaa lagugu eedeeyay inaad xilka u dhiibto dad aan munaasib ahayn, waxaa ii caddaatay in dadkii kula tartamay nuskood ay ahaayeen dad aad fursado siisay intaad xilka haysay, kaaga darane dadka Madaxweyne Farmaajo xilalka u magacaabay u badan yihiin dadkii aad adiga fursadaha siyaasadeed siisay ha ugu horreeyaan Raiisalwasaaraha, wasiirka Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Qorshaynta, taliyayaasha ciidamada iwm. Taas waxay mujinaysaa in saamaynta aad siyaasadda iyo siyaasiyiinta ku leedahay ay leedahay raad qodan oo aan la tiri karin.

9- Waxaad leedahay saaxiibbo aan kaa harin amaba aadan ka harin, waxaa la is weydiiyaa dhaqanka Soomaalida ma aha in la wada socdo, ama la isudulqaato. Waxay saaxiibadaa badankood go’aansadeen inay ku taageeraan iyagoo og inay adag tahay in dib loo soo doorto madaxweyne xilka haya. Waxay go’aansadeen inaysan muujin mucaaradnimo. Haddii aadan adigu saaxiibada jeclayn ma aydaan wada socoteen muddadaas iyo duruufahaas adag. Taariikhda dhaw inama soo marin madaxweyne leh saaxibbo ay isku mintidaan oo aan qabiil iyo dano hoose ka dhaxaynin.

10- Waxaa inagu cusub in madaxweyne hore dalka joogo oo siyaasadda iyo dibudhiska ka qayb qaato. Waxaanan la illoobi karin aqbalidaadii go’aanka doorashada, habmaamuuska xil wareejinta aad samaysay, taageeridda ansaxinta xukuumadda cusub. Mudane Madaxweyne, ugu dambayntii waxaan rajaynayaa inaad sii adkayeo dulqaadkaaga, Soomaaliyana ay kaala weynaato wax kasto, dadka ku dhibay afartii sano inaad u aragto carruurtaada oo aragti gaabni badan haysato. Way fahmi doonaan wixii aad qabatay, sidaad u fikiraysay iyo waxyaabaha aad kala badbaadinaysay, laakiin waqti bay u baahan yihiin.

W/Q: Cali Cabdi
Wadani Soomaaliyeed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Dhaawacyada saraakiil iyo ciidamo ka tirsan DF oo loo daad-gureynayo Riyadh

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday inay qaadeyso qaar kamid ah Saraakiisha iyo ciidamada dhawaan ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Xerada Nac-Naca ee Magaalada Muqdisho.

Sargaal ka tirsan dowlada Sacuudiga ayaa sheegay in ciidamadaasi caafimaad loogu qaadi doono magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Waxa uu Sargaalkaasi sheegay inay diyaar u yihiin in dowlada Somalia ay ka caawiyaan dhinac waliba, waxa uuna daboolka ka qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay magaalada Muqdisho uga qaadi doonaan ciidamada ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Xerada Nac-Naca ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha iyo ciidamada loo qaadayo dalka Sacuudiga ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, waxaana xusid mudan in caafimaadkooda wax looga qaban waayay gudaha dalka.

Dowlada Somalia ayaa ka mahadcelisay gargaarka ay dowlada Sacuudiga u fidisay dhaawacyada, waxa ayna rajo ka muujisay in is garabtaaga Sacuudiga uu intaa kasii badan doono.

Talaabadani ayaa kusoo beegmeysa xili Xarumaha caafimaadka magaalada Muqdisho ay buux dhaafiyeen dhaawacyo farabadan oo isugu jira Saraakiil iyo ciidamo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Soomaalidii la socotay dooni ku degtay xeebaha Talyaaniga oo u dhexeeya nolol iyo geeri

Libya (Caasimada Online) – Ciidammada ilaalada xeebaha Talyaaniga, ayaa gurmad u fidiyay boqolaal Muhaajiriin la socday Dooni weyn oo kusii jeeday dalka Talyaaniga.

Ciidamada ayaa baadi-goob uu jira muhaajiriin kale oo lagu la’ yahay Badda kuwaa oo ay la qar-qantay Doonida xili ay marayeen xeebaha jasiiradda Lampedusa ee dalkaasi Talyaaniga.

Muhaajiriinta ayaa isugu jiray Soomaali iyo African kale waxaana gurmadka u fidiyay Maraakiibta Talyaaniga ee ku sugan Xeebaha dalkaasi.

Tahriibayaal farabadan oo isugu jira Soomaali iyo Africaan kale ayaa hore ugu geeriyooday badda Mediterenimka ee u dhaxeysa Liibayo iyo Italy.

Tirada muhaajiriinta u safarta Yurub ayaa hoos u dhacday tan iyo markii ay bilaabatay dhibaatada muhaajiriinta dabayaaqadii 2015, hasayeeshee in dadku ay ka soo tallaabaan badda ayaa weli ah mid dad badan ay adeegsadaan misana khatar ah.

Ma ay cadda dalalka ay u kala dhasheen muhaajiriintaasi ay la degtay doonidii ay saarnaayeen.