25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Agaasimaha cusub ee Villa Somalia oo durba galay safarkii ugu horeeyay (Xogta Safarka)

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Somalia Fahad Yaasiin, ayaa u dhoofay dalka Qadar kadib markii loo magacaabay xilka Agaasimenimo.

Agaasimaha ayaa ka dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxa uuna kasii aaday dalka Qadar, kadib markii lagu amray inuu iska casilo xubinimadiisa Tv-ga Al-Jazeera.

Safarka Fahad Yaasiin ee dalka Qadar ayaa la sheegay inuu la xiriiro iska casilida xubinimadiisa Xarunta Dhexe ee Tv-ga Al-Jazeera ee dalka Qadar.

Dalabka is casilaada xubinimada Fahad Yaasin ayaa ka imaaday Madaxweynaha Somalia, kadib markii uu soo hordhigay inuu kala doorto labada shaqo.

Fahad Yaasin waxa uu 4 sano ee lasoo dhaafay saameyn ku dhex lahaa Siyaasada Somalia, waxa uuna sabab u ahaa xiriir dhexmara Madaxweynihii hore ee Somalia iyo Amiirka dalka Qadar.

Dowlada Qadar ayaa sidoo kale, la sheegay inay ka danbeysay magacaabida Agaasimaha Villa Somalia Fahad Yaasin oo Siyaasad ahaan ku xiran dowladaasi.

Ma cadda baahiyaha keentay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu xiligaani xilka noocaasi ah u magacaabo Fahad Yaasiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Faallo: Yaa soo doortay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho?

Godomiyaha Gobalka Banadir ahna duqa Magalada Muqdisho Mr. Taabit waxa  isbedelkii u ku sameeyey mamulka Gobalkan  ku qaybiyay habkii hore ee laga tagay 4.5 ma weli waxanu garan in habkaas laga  gudbay ? waxaa loo gudbay federal lakin  Mr. Tabit  iyo wixii la mid ah waxay weli  joogaa 4.5 ee xiligeedu dhamaaday “ war hee dheh wadanku waa federal ” federal iyo 4.5 waa la waxyaabood oo aad iyo aad u kalagedisan.

Haatana  sida khudbadihiisa ku cad wuxu  doonayaa in uu  faraha la galo dhismaha mamul Gobaleedka Banadir State ee hadda dhismihiisa  socdo, wuxuu doonayaa in uu tubta fedelaka ka leexiyo, wuxuuna  sheegay in uu doonayo in lagu qaybiyo habkii laga tegay ee ahaa 4.5 “  war hee dheh wadaku waa federal”. Banadir State 4.5 ayaa lagu qaybinayaa cidna kama yeelimayso oo  wadanka  waa federal.

Godomiyaha Gobalka Banadir wuxu faragelin qaawan ku haya dhismaha Mamul Gobaledka Banadir State asago Huwan awooda Abtigiis.

Mr. Taabit, waxa  ku  wanaagasan in aad  faraha  kala baxdid dhimaha mamul gobaledka Banadir State wayo  waxa  tahay godomiye Gobal shaqana kuma lihid mana khusayso degaan ahaan,  oo waxad  qirtay in aad ka soo jeedo Gobalada dhexe khudbadii aad  ka jeediyay caleemasarkii Madaxwaynaha Galmudug Mudane  Xaaf (dadka gobalada dhexe wa dad sharaf leh ee ixtiram naga dhexeyo hadii aad ka soo jeedi lahayd Gobalada dhexe waxaad la iman lahayd hadal misaman ee micno leh). Sida  la  wada ogyahay  Mr. Taabit  Godoomiyaha Gobalka Banadir Hooyadiis waa “Murusade, Folculus, Habar Cenato” oo ra’isuwasaraha khayre ayaa abtigiis ah oo keensaday Gobalka, hadaba asago huwan  awooda  Ra’iisulwasaraha ayaa wuxuu yiri  Banadir State Waxa lagu qaybinaya habka 4.5 ee xiligedu dhamaaday asago iska indha tirayo federalka wadankena ka hanaqaaday.

Hadii  aad ku qancinaayo  abtiga  iyo hadii ay tabar ka tahayba taasi ma soconayso waxay dib noogu celiyasaa 1991kii, Taabit waa in aad ogaadaa in aad tahay Godoomiye Gobal ee aan ahyn Ra’iisulwasare ama  madaxwayha federalka, go’aanka lagu dhisayo Banadir State wuxuu gaar u yahay dadka deegaanka xaqbayna u leeyihiin  in ay dhistaan  mamulkoda sida Gobalada kale, ha isku dayin in aad Carqaladayso ama ka careyso.

Mr. Tabit waxay  Reer Banadir State  ku leeyihiin war ka jog oo Quransho haisku kaagicin, dowladana qaska kadaa, waa laga soo gudbay xiligii amar ku taagleeynta  iyo awood shegashada, Awoodna uma lihid in aad  dikteed gareeysid dhismaha Banadir State Ogow waxa tahay Godomiye Gobal ee ma tihid  Madaxwayne qaran, in kasto qof waliba ka dhergsanyahay in aad huwantahay awooda Abtiga.

Banadir State  dhismaheedu  wuu  socdaa  waxana  lagu dhisayaa qaab deegaan sida mamulada kale ee dhismay, waxana la galayaa doorasho dhawaan insha’alaah , hadii ay jirto  mamul kale ee hore loogu qaybiyey 4.5 asagana waa lagu qaybinayaa, hadii kale Reer Banadir State waxay leeyihiin  4.5 maya ee ha ku hungoobin, hana noqon far soo dheeratay ee  tageer  dhismaha mamulkan cusub ee Banadir  State si umadda  Somaliyeed u gaarto Cadaalad,  sinnan  iyo  midnimo,  waa talo kaga timid Reer Banadir State.

W/Q. Dr. Hussein Ali Nuur
E-mail [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xog: Shariif Xasan oo musuqay deeq loogu tallo galay dadka ku nool gobolka Bakool

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu eedeeyay inuu musuqa deeq loogu tallo galay kumanaan dad oo la tabaaleysan gaajo iyo haraad.

Xildhibaan Aadan Xabiib Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed, ayaa sheegay inay jiraan cadeymo muujinaaya in Hogaamiyaha uu musuqay dhaqaale iyo deeq kale oo loogu tallo galay dadka la liita nolol xumida ka jirta deegaanada Koonfur Galbeed.

Xildhibaanka waxa uu sheegay inay jiraan boqolaal qoys oo aan weli la gaarsiin deeqihii loogu tallo galay, waxa uuna carab dhabay in Hogaamiyaha maamulka uu gacan bidixeeyay deeqaha loogu tallo galay dadka liita.

Waxa uu intaa ku daray in deeqaha uu gacan bidixeeyay Shariif Xasan loogu tallo galay dadka ku nool deegaanada hoostaga Gobolka Bakool.

Sidoo kale Xildhibaankaan ayaa ku eedeeyay shaqsiyaad ka ag dhow Madaxweynaha Koofur Galbeed in ay lunsadeen Gargaarkii loogu tala galay Shacabka ku nool Gobolka Bakool.

Hogaamiyaha maamulka ayuu ugu baaqay inuu ka fiirsado waxyaabaha hoos u dhigi kara sumcadiisa, maadaama xiliga lagu jiro uu yahay mid aan mudneyn in leysdaba mariyo gargaarka.

Si kastaba Gobolka Bakool ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee si weyn ay u saameeyeen Abaaraha ku dhuftay Gobollada Dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Donald Trump oo ka baxay ballantii uu ka qaaday Yahuuda iyo Falastiiniyiinta oo soo dhoweeyey

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa go’aan ka gaaray inuu dib u dhigo inuu safaaradda Mareykanka ka raro magaalada Tel Aviv una wareejiyo magaalada Jerusalem, inkasta oo sidaas uu ballan qaaday intii uu ku guda jiray ololaha doorashada.

Trump ayaa dib u cusbooneysiiyey xeer u saamaxaya inuu isku diido sharci Mareykanka ah oo dhigaya in safaaradda Mareykanka loo raro Jerusalem, taasi oo lix bil oo kasta ay sameynayeen madaxweynayaashii ka horreeyey ee Mareykanka tan iyo sanaddii 1995-kii.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu fulin doono ballan-qaadkii uu sameeyey, hase yeeshee inuu doonayo inuu si buuxda fursad u siiyo heshiis dhex mara Falastiiniyiinta iyo Israa’iilliyiinta.

Hoggaamiyayaasha Falastiiniyiinta ayaa horey uga digay in tallaabo noocaas ah ay halis gelin doonto xalka laba dal.

Safiirka Falastiin u fadhiya Mareykanka ayaa soo dhoweeyey go’aanka.

“Tani waxa ay waafaqsan tahay siyaasadda muddada dheer Mareykanka uu aaminsan yahay, waxayna fursad siineysaa nabadda” ayuu yiri Hussam Zomlot.

Hase yeeshee, ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu aad uga niyad jabay go’aanka Trump, balse uu la dhacsan yahay qorshaha ah in sidaas uu sameynayo mustaqbalka.

Falastiiniyiinta ayaa Bariga Jerusalem ee Israel ay xoogga ku haysato u arka caasimadooda mustaqbalka, halka Israel ay magaalada Jerusalem oo idil ay ka dhigatay caasimadeeda.

Mareykanka iyo inta badan dalalka xubnaha ka ah QM uma aqoonsana Jerusalem caasimadda Israel, islamarkaana maamulka magaalada ayaa qeyb ka ah dagaalka daba dheeraaday ee Yahuudda iyo Falastiiniyiinta.

Israel ayaa Bariga Jerusalem ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood ee sanaddii 1967-kii, kadibna sheegatay, tallaabadaas oo beesha caalamka aysan marnaba aqoonsan.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]

Dadkii ugu badnaa oo ku dhintay daadad dhooba wata oo ku seeray dhowr magaalo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalka Sri Lanka, ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ku dhinteen 202 qof, isla markaana ay ku barakaceen in ka badan nus milyan.

Dadka dhintay ayaa sababsaday daadad baahsan iyo dhoobo ku seeray dalka, waxaana dadkaasi usoo gurmaday dalal dhowr ah oo lawadaaga darisnimo.

Lanka Ravi Karunanayake oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sri Lanka ayaa sheegay inay gurmad degdeg ah ka heleen ilaa 16 dal.

16 dal ayuu sheegay inay lasoo gaaren daawooyin iyo sahayda gargaarka si ay u caawiyaan kuwa guryahoodii ka qaxay.

Sidoo kale, Sargaal u hadlay Xarunta dawladdu maamusho ee Maareenta Musiibada ayaa sheegay in ku dhawaad ​​600,000 oo qof ay hoy la’aan soo wajahday.

Hay’adaha gargaarka ayaa la dhibtoonaya inay gaarsiiyaan cuntada dadka ku go’doomay meelaha miyiga ah.

Daadka dhoobada wata ee ku seeray dalkaasi ayaa noqonaaya kii ugu baahsanaa oo dhabar jabiyay dowlada Sri Lanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Villa Somalia oo qaab cusub ula macaamili doonta saxaafadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Is badalo badan oo ay ka muuqato aqoon iyo xirfad ayaa ka dhaqan galay Villa Somalia tan iyo markii uu is badalka cusubi ka curtay guud ahaan Somalia.

Waxaadda warfaafinta ee madaxtooyada Somalia ayaa bilaawday hab cusub oo ay ulla macaamili doonto saxaafadda xorta ah waxaana uu niddaamkani u muuqdaa mid dhiiri galin doona saxaafadda madaxabanaan ee Somalia.

Warbaahinta ayaa fursad loo siiyay iney shaqsiyaad gaar ah u xil saartaan wararka madaxtooyada Somalia, wariyaha iyo sawir qaadisihiisa ayaa laga diiwaan galin doonaa Villa Somalia waxaana la siin doonaa aqoonsi uu ku imaan karo mar walba oo ay aqbaar jirto.

Tani waxaa ay  yareyn doontaa rafaadkii iyo dhibaatadii ay wariyaashu u mari jireen xogta madaxtooyada.

Sida ay Caasimada Online kasoo xigatay waaxdda warfaafinta madaxtooyada, wajiga hore ee qorshahaan waxaa lagu bilaabay 14-ka Tv ee Soomaalida kuwaas oo mid walba la siiyay wariye iyo filim qaade.

Shaqsiyaadkan ayaa magacyadooda loo gudbiyay hay’adda dambi baarista ee CID si ay usoo xaqiijiso hadii ay jiraan kiisas dambi ah oo ay dalka horey uga galeen ka hor inta la siinin kaarar cadeynaya iney Villa Somalia imaan karaan xili walba oo ay u baahdaan si ay xog uga helaan madaxda Dowladda.

Qeybta labaad ee nidaamkan cusub ayaa la wajaafin doonaa idaacaddaha maxaliga ah ee ka howl gala Somalia iyo sidoo kale warbaahinta online-ka sida website-yada.

Waa markii ugu horeysay oo ay Villa Somalia la timaado nidaam gaar ah oo ay kula fal galeyso saxaafadda madaxabanaan.

Khilaaf u dhaxeeya Ahlu-Sunna oo gaaray meeshii ugu sareysay iyo dagaal laga cabsi qabo

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Xubno ka tirsan Maamulka Ahlusunna ayaa sheegaya in uu ka dhex-taagan yahay Madaxda Ahlusunna Khilaaf aan la mahdin kaas oo laga cabsi qabo in uu sababo Dagaal dhax-mara Maamulka Dhaxdiisa.

Dadka aan la hadalnay ee ka tirsan Ahlusunna ayaa sheegay in uu cirka isku shareeray Maanta Khilaaf ka dhaxeeyay Madaxda Maamulkaasi kadib markii Xabsi la geeyay Xildhibaan Cibaado Yuusuf Maxamed oo aheyd Haweeneydii uu ka dhintay Shiikh Yuusuf Xeefow Aas Aasihii Ahlusunna.

Khilaaf iyo Xeragga Xildhibaanada ayaa ka dhashay Muran mudooyinkaan ka aloosnaa Maamulkaasi oo Salka ku haaya in lala heshiiyo Galmduug iyo Kuwa kale oo diidan in lagu biiro Maamulkaasi.

Magaalooyinka Qaar ee Ahlusunna ayaa waxaa laga dareemayaa Jawi Colaadeed gaar ahaan dhuusa-mareeb, Guriceyl, iyo Degmooyin kale.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Ahlu-Suna oo xabsi dhigtay xildhibaan ka tirsan baarlamanka oo lagu eedeeyey…

Cadaado (Caasimada Online) – Sida aan xogta ku heleyno waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, lagu xiray Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka la magacbaxay Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca.

Xildhibaanada ayaa waxaa xiray ciidamada amaanka ahlusun kadib markii uu xarigeeda amray Hogaamiyaha maamulka Sheekh Maxamed Shaakir Cali.

Xildhibaanada la xiray ayaa magaceeda lagu sheegay Cibaado Yuusuf Maxamed oo ka mida Golaha Wakiilada Maamulka Isku Magacaabay Gobolada Dhexe.

Xariga Xildhibaanada ayaa la sheegay inuu la xiriiro Khilaaf soo kala dhexgalay iyada iyo Saraakiisha Ciidamada Ahlusunna, sida laga soo xigtay mas’uul ka tirsan maamulka.

Xildhibaanada ayaa kasoo horjeesatay amar kasoo baxay Saraakiisha amaanka, waxaana Khilaaf dheer kadib xarigeeda amray Hogaamiyaha maamulka oo baalmaray xasaanada ay leedahay Xildhibaanada.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa u dhixi jirtay allaha u naxariistee Guddoomiyihii Guud ee Ahlusunna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeyfoow.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan jirin war kasoo baxay maamulka oo ku aadan xariga Xildhibaanada, waxaana suuragal ah inay dib u hesho xoriyadeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

Sarkaal ka tirsan maamulka Puntland oo lagu khaarijiyay magaalada Gaalkacyo

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa goordhow Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland lagu dilay Sargaal ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Maamul Goboleedka Puntland.

Dilka Sargaalka ayaa ka dhacay Xaafadda Faluuja ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana fuliyay maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado.

Sargaalka la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Xaaji Cariish, waxaana uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland sida ay Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland.

Dilka kadib waxaa goobta ka baxsaday Kooxdii dilka geystay, waxaana ku raad jooga ciidamada maamulka.

Deegaanada maamulka Puntland ayaa bilihii danbe marti galineysa dilal iyo Qaraxyo lala eeganaayo ciidamada iyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Magacyada Gudoomiyaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka Mahaday iyo Cadale

Jowhar (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha maamul Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, ayaa waxaa xilka looga qaaday Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Mahadaay iyo Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka ayaa xil ka qaadista labada Guddoomiye u cuskaday qodobo, waxa uuna ku bedelay Guddoomiyayaal cusub.

1-Guddoomiyihii hore ee degmada Cadale Muxudiin Suudi Macalin ayaa waxaa lagu bedelay Muuse Maxamed Axmed oo ku magac dheer ”Kali”.

2-Guddoomiyihii hore ee degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax ayaa waxaa lagu bedelay Guddoomiye C/laahi Maxamed Xuseen oo loo yaqaan ”Geeldoox”.

Isla wareegtada ayaa waxaa xilalka looga xayuubiyay dhamaam maamulkii degmada Cadale waxaana loo magacaabay xubno cusub:-

1-Xuseen Muxidiin Cabdulle Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Amniga iyo Siyaasada.

2-Cali Cabdulle Caddow Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyada.

3-Muqtaar Maxamuud Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada.

4-Xoghayaha Dowladda Hoose waxaa loo magacaabay Cabdi Xasan Maxamuud.

Maamulkii hore ayaa waxaa looga fadhiyaa in maamulka cusub uu ku wareejiyo xafiisyada.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

Madaxweyne Farmaajow Muqdisho muran uma roona..!!

Qormadaydan kooban ayaan ugu tala galay tala wadaag furan Madaxweyne Farmaajo taasoo kusaabsan xog’ogaal nimadayda Xaalka Muqdisho in ay madaxdu ila wadaagto.

Doorashadii madaxweyne Farmaajo ee 8 Febraayo Caasimadda Muqdisho waxay marti unoqotay Xilkaqaadis fara badan oo hal mar, qaraxyo, dilal joogta ah iyo ugaarsi Ciidamada qaranka oo loogu magac-daray hubka dhigis oo anigu u qaadtay in ay Muqdisho ugaar tahay.

Madaxweyne Muqdisho waa Caasimad adigana si farxadeed ayaa laguugu doortay oo aan xittaa aysan nasiib uhelin Madaxdii kahorreysay, banaanbaxyo farxadeed oo dadi kudhinteen kuna dhaawacmeen ayaa habeenkii arbacaad kadhacay Muqdisho iyadoo hal heesyo badani ay habeenkaa kuu baxeen oo ay kamid ahayd (Ar Farmaajo ii geeya) oo wiil reer Jowhara ku caanbaxay, waxayna ahayd mid cadaynaysa Farxaddda doorashadaada habeenkaa laga wada dareemay gobollada dalka.

Aniga si gaara ayaan Maqaallo saamayn wayn yeeshay sameeyay oo aan Xildhibannada ugu gacan haatinayay Maqaalladii aan aawgaa usameeyay ayaa kamid ahaa (Talo arbaco kudhaaftay khamiis kama gaari doontaan), taasoo guusheeda lahelay.

Nasiib darro Farxaddaa Madaxweyne Reer Muqdisho madareemin waxqabkeeda maqaalkii aan maalimtaa qorayna maanta aragti ahaan waxaan ku badalay (Taladii Arabacdii aad haleesheen Khamiis looma aayin) taasoo sabab ay utahay in ficillada dowladda iyo aragtida maanta aan kaqabo.

Madaxweyne dalku waa Federaal waana dal 27sano ay colaadi dhax taallay dadka Soomaaliyeed Dastuurkiisuna waa qabyo oo lama dhamaystirin,waxaan ahay muwaadin kasoo jeeda Banaadir Federaal ahaana xaq ayaan leeyahay in aan helo matalaad siyaasadeed.

Dowladda aad madaxda utahay Muqdisho waxay ka aaminsantahay in dad doowlad diidya ah in ay kunool yihiin oo Xukuumaddaada ayaaba ajanadaha ugu horreeysa kabilowday hubka xamar halaga dhigo iyadoo loo mari karay siffooyin sharci ah qaanuunka dalkana waafaqsan.

Madaxweyne Muqdisho waa Caasimad waana arin aanan muran kujirin laakin Banaadir 3.5 malyan waxay xaq uleeyihiin in ay helaaan matalaad siyaasadeed waana arin ubaahan in aad u ogaalaato xuquuqdooda matalaaad iyo in aan lagu deg degin loona aqoonsan danbiila yaal mas’uuliyiinta xilalka soo qabtay ee kasoo jeeda Xamar iyo saraakiisha darajooyinka leh iyadoo loogu ganbanaayo shaarka doowladeed.

Gunaanaad:

Qormadaydan waa qormo aragti furan kuna wajahan talabixin iyo in aan ilaashano haykalka Dowladnimo.

Mahadsanidiin
W/Q: Hassan Abdikadir Mudey

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sawirro: Sanbaloolshe oo golaha wasiirada uga warramay qorshaha amniga Muqdisho

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay qaar kamid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha ammaanka.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane C/laahi Sanbaloolshe oo ka hadlay howlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen Caasimadda inta lagu guda jirey bishan Ramadan, wuxuna tilmaamay in la fashiliyey lana fuliyey qorshe-yaal badan oo cadowgu doonayeen in ay ku qal-qalgeliyaan amniga Muqdisho.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka, Marwo Maryam Qaasim ayaa ka warbixisay safaro ay ku tagtay gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, waxaana ay sheegtay in dadka gobolladaasi dagan ay ku sugan yihiin xaalad adag, gaar ahaan degmada Waajid oo go’doon ay galiyeen kooxaha Argagixisada una baahan gurmad in loo fidiyo shacabka halkaasi dagan.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan Qorshaha iyo qaabka wax ka badelka wasaaradda iyo safiirada dibedda u jooga Soomaaliya, wuxuna tilmaamay Wasiirku in loo baahan yahay dib-u habayn in lagu sameeyo qaabka ay u shaqeeyaan safaaradaha dibedda ugu yaalla Soomaaliya, isla markaana la dhaqan geliyo sharcigii arrimiha dibedda ee horey loo ansixiyey.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha Wasiirada kula dar-daarmay in howlaha muhiimka ah ee horyaala dhaqso loo fuliyo si shacabka Soomaaliyeed ay u gaaraan adeegyada ay u baahan yihiin.

Sawirro: Gaari ay la socdeen saraakiiliyo ciidamo AMISOM ah oo ku basbeelay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari ay leeyihiin Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa goordhow waxa uu dab ku qabsaday Isgoyska Km4 ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigani oo ahaa nooca qafilan ayaa waxaa la socday Saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa AMISOM, kuwaa oo dabka ka hor ka degay gaariga, kadib markii ay dareemen cilad.

Gaariga gubtay ayaa la socday kolonyo gaadiid oo xiligaa maraayay wadada, waxaana halkaa kasii dhaqaajiyay kolanyada kale si ay ula imaadan gurmad.

Gaariga gubtay iyo Gaadiidka kale ee la socday ayaa ka imaaday dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Warar ayaa sheegaya in Gaariga Maaso ay ka kacday Gudihiisa taasina ay ugu wacneed dabka ka kacay.

Sidoo kale, Gawaarida dab damiska ayaa xilligan ka qeyb qaadanaya daminta dabka ka kacay gaariga ay leeyihiin Ciidamada AMISOM.

Xaaf oo ka hadlay wada-hadalka Ahlu-Suna iyo dagaal beeleedyada (Doodda Ahlu Sunna waa mid siyaasadeed)

Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa faah faahin ka bixiyay wada hadallada maamulkiisu la yeellanayo Puntland iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa uu kaga hadlay qorshaha uga dagsan wadahadalada uu la qaadanayo Maamulka Ahlu-Suna oo gacanta ku heysa degmooyinka ugu badan ee Gobolka Galgaduud.

Xaaf ayaa sheegay ayaa sheegay  dib u heshiisiinta iyo nabadgelyada in ay hadda ugu culus tahay howlaha hor yaalla maamulkiisa, balse wuxuu tilmaamay in ay ka shaqeynayaan arrimahaasi.

Madaxweyne Xaaf wuxuu kaloo sheegay in ay wada hadal ka bilaabayaan Gaalkacyo, Caabud-waaq iyo Dhuusa-mareeb, halkaasi oo ay wada hadal kula yeelanayaan masuuliyiinta Puntland iyo Ahlu Sunna

Madaxweynaha Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka Muujiyay in uu ku guuleystay xalinta Xiisadaha qabiilka salka ku haya ee gacan ka hadalka isu badala ee ka dhaca Cabidwaaq, Gaalkacyo iyo inta udhexeysa Cadaado iyo dhuusa-mareeb.

Mar uu soo hadal qaaday khilaafka Ahlu Sunna Waljameeca kala dhaxeeya ayuu sheegay in dooda Ahlu Sunna tahay mid siyaasadeed oo ka duwan tan Puntland, islamarkaana ka maamul ahaa diyaar u yihiin sidii xal loogu heli lahaa.

Dhawaan markii la caleemo saaray madaxweynaha Galmudug ayuu sheegay in maamulkiisa xoogga saari doono wada hadal lala furo maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee fadhigiisu yahay Dhuusa-mareeb.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo la doortay Saddexdii Bishan May ayaa loo caleema saaray xilkaas 26 beri kadib doorashadiisa, waxaana caleema saarkiisa ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Beesha caalamka oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan heshiiska Galmudug iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating ayaa soo dhaweeyay Heshiiskii Magaalada Cadaado ay dhawaan ku kula saxiixdeen Hogaamiyayaasha Puntland iyo Galmudug.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa lagu amaanay heshiiska ay kala sexiixdeen labada Hogaamiye, waxaana looga codsaday labada dhinac in ay ka shaqeeyan ka mira dhaliyaan hishiiskaas.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa ahaa ”Beesha caalamka waxay soo dhaweyneysaa heshiiska nabadeed ay gaareen labada Madaxweyne waxaana loo baahanyahay labada dhinac in ay meel mariyaan heshiiskaas, anagana waxaan ka shaqeyneynaa in aan qeybteena ka qaadano heshiiskaas islamarkaan dhiira galino”

Michael Keating, waxa uu tilmaamay in mowqifka Beesha Caalamka uu yahay in la garab istaago labada maamul, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan dadaal waliba oo lagu sii xoojinaayo xiriirka.

Dhinaca kale, Hogaamiyaha Puntland, C/wali Gaas iyo Hogaamiyaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku heshiiyay in xal kama dambeys ah laga gaaro dhibaatada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoomiyayaashii gobolka Banaadir ee Xilka laga qaaday oo ku qulqulayo Cadaado + Sababta

Cadaado (Caasimadda Online) – Qaar kamid ah  ka mid ah guddoomiyayaashi Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday ayaa ku gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Guddoomiyayaasha oo ka tirsan kuwii uu xilka ka qaaday Thaabit Cabdi Maxamed ayaa iska xaadiriyey Magaalada Cadaado oo ay ka socoto ololo lagu soo magacaabayo Wasiirada cusub oo uu yeelan doono Maamulkaas.

Mas’uuliyiintaan ayaa kasoo kala jeedo deeganada uu ka arrimiyo Maamulka Galmudug waxayna dadaalkooda ugu dambeeyey ku bixinyaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen wasiirada uu dhawaan soo magacaabi doono Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalmo ka hor la caleema saaray ayaa bilaabay wada tashiyo ku aadan magacaabida Golihiisa Wasiirada, waxaana la filayaa in golaha wasiirada ay kasoo muuqan doonaan shaqsiyaad cusub isla markaasma laga weyn doono kuwii horey uga tirsanaa wasiirada uu magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Illaa lix ka mid ah Guddoomiyeyaashi degmooyinka G/Banaadir ee xilka laga qaaday ayaa ku sugan Cadaado, waxaana ay u badan tahay inay helaan xilal wasiiro iyo wax u dhigma.

Magaalada Cadaado ayaa ka ciir ciireyso shaqsiyaad badan oo halkaas gaaray maalmihii ugu dambeeyey, waxaana jiro loolan adag oo ku aadan kasoo muuqashada wasiirada lagu dhawaan doono asbuucyada soo socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso: Tirada Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho bisha MAY ee dhamaatay

Muqdisho (Caasimda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca Qaraxyo noocyo kala duwan leh oo lala eegto Ciidamada, Goobaha Ganacsiga iyo Shaqaalaha dowlada.

Qaraxyada ugu badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa ah nooca lagu xiro Gaadiidka ay wataan Shaqaalaha dowlada ee looga faa’iideysto dayacnaanta.

Bishii April ee aan soo dhaafnay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Qarxyo kala duwan oo ay ugu badan yihiin kuwa lagu xiro gaadiidka.

Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho Bisha April ee aan diiwaan galinay ayaa ah 19 Qarax oo lagu dilay laguna dhaawacay Saraakiil iyo Shaqaale dowladeed.

Bisha May ee aan kasoo gudubnay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay 9 Qarax, waxaana la oran karaa in Qaraxyada dhacay Bisha May ay aad u yaryihiin marka la’eego Bisha April.

HOOS KA AKHRISO QARAXYADA MUQDISHO KA DHACAY BISHA MAY EE 2017

1-May 5, 2017, Guddoomiyaha Jaamacadda Horseed ayaa qarax loogu xiray gaarigiisa waxaana soo gaaray dhaawac.

2-May 7, 2017, Sargaal ka tirsan Hay’adda NISA oo lagu magacaabo C/qaadir Dinix ayaa Qarax loogu xiray Gaari uu watay waxaana soo gaaray dhaawac.

3-May 8, 2017, Qarax loo adeegsaday Gaari ayaa waxa uu ka dhacay Baar Italian Coffee oo ku yaal kasoo horjeedka Shaneemo Soomaali ee magaalada Muqdisho.

4-May 15, 2017, Qarax gaari ayaa waxa uu ka dhacay dhabarka danbe ee guriga Hooyooyinka, kaa oo la dhigay goobta xili uu Madaxweynaha Ubax dhigaayay Taalada S.Y.L.

5-17 May 2017, Qarax gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay Degmada Wadajir gaar ahaan Banaanka hore ee Saldhiga Degmada Wadajir.

6-May 21, 2017, Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qarax lagula eegtay Degaanka Xaawo-cabdi oo ku yaalla Duleedka Muqdisho.

7-May 24, 2017, Qarax ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Dekadda weyn ee Muqdisho gaar ahaan ka soo Shirkadda SomaliFruit oo ku dhegan dekeda Muqdisho.

8-May 24, 2017, Qarax ayaa ka dhacay Xaafada Taleex kaa oo gaariga loogu xiray Sargaal ka tirsan Hay’adaha u dhaqdhaqaaqa Caafimaadka, waxa uuna Qaraxa dhacay xili laga furaayay gaari uu watay oo lagu xiray.

9-May 31, 2017, Qarax ayaa Gaariga loogu xiray Sargaal ka tirsan ciidamada Asluubta DFS, kaa oo ka dhacay Isgooyska Banaadir Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxyada Bisha May ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa aad u yar marka la’eego Qaraxyadii dhacay bilihii lasoo dhaafay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muqdisho oo la ciir-ciireysa lacago dollar been abuur ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kusii xoogeysanaaya lacagaha dollarka been abuurka ah, taa oo saameysay goobaha Ganacsi.

Lacagahaani dollarka been abuurka ah ayaa waxaa ka cabanaaya Shirkadaha Xawilaada iyo dhammaan goobaha Sarifka ee magaalada Muqdisho.

Lacagahaani feega ah ayaa saameyn ku yeeshay ganacsiga dalka, waxaana adkaaneysa in Shirkadaha sarifa lacagaha ay qaatan dollarka, kadib markii ay shaki galiyeen caafimaad qabka lacagahaasi.

Maxamed Xaaji Nuur oo kamid ah dadka sarifa lacagaha ayaa sheegay in gudaha asbuucani uu qabtay lacag dhan ilaa 600$ oo dollar, taa oo uu sheegay inay tahay mid been abuur ah oo loo muuqaal ekeysiiyay dollarka saxda ah.

Waxa uu ganacsadahaani sheegay inay sii kordhayaan lacagaha been abuurka ah, isla markaana ay ku jahwareersan yihiin lacagta feega ah iyo tan caafimaad qabta.

”Waxaan oran karaa dowlada ayaa ka gaabisay la socodka lacagaha dollarka, suuragal maaha in si joogta ah loogu qaldamo lacagaha been abuurka ah waxaan dalbaneynaa in wax laga qabto lacagaha been abuurka ah”

Maxamed Xaaji Nuur, waxa uu shaki galiyay in lacagahaasi ay si adag kusoo galeen dalka, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay in si fudud lagu soo galiyay iyadoo la kaashanaayo shaqsiyaad ka tirsan dowlada.

Docda kale, waxa uu ku baaqay in lala socdo lacagaha ay wataan dadka shacabka iyo kuwa aan shacabka aheyn, waxa uuna taa ku micneeyay inay sii kordhin karto faafida lacagaha beenta ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso: Imisa dil ayaa bisha MAY ka dhacay magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca dilal loo geysto mas’uuliyiinta, Saraakiisha, Ciidamada, Nabadoonada iyo Shaqaalaha dowlada.
Dilalka ugu badan ayaa waxaa loo geystaa Ciidamada, Nabadoonada iyo Shaqaalaha dowlada ee laf dhabarka u ah shacabka.

Bisha April, ee laga soo gudbay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay 32 dil oo inta badan loo geystay Nabadoono iyo Shaqaale dowladeed.

Bisha May, ee aan kasoo gudubnay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dilalka 13 ruux, waxaana xusid in Bisha May ay dhaceen dilalka ugu yar marka la’eeg dilalkii dhaca Bisha April.

DILALKA KA DHACAY MUQDISHO BISHA MAY, 2017

1-May 2, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa Xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir ku dilay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda.

2-May 3, 2017, Waxaa iridka hore ee Villa Somalia lagu dilay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib udhiska Cabaas C/laahi Shiikh Siraaji oo ay dileen ciidamo ka tirsan DFS.

3-May 10, 2017, Waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Nabadoon Cabdiqaadir Fareey oo ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed, waxa uuna dilka ka dhacay Buundada Labaad ee qeybta degmada Waabari.

4-May 11, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xaafadda Albaraka ee Degmada Hodan ku dilay Nabadoon Sayid Cali Cismaan Abtidoon oo kamid ahaa Ergada Cadaado kusoo doortay Xildhibaanada BFS.

5-May 17, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir ku dilay ruux shacab ah.

6-May 20, 2017, Askari ka tirsan Ciidamada Minashiibiyada ayaa Askari kale ku dilay degmada dharkeenleey ee Gobolakan Banaadir.

7-May 25, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Demada Hodan ku dilay Haweeney magaceeda lagu sheegay Xaliimo Cilmi Yuusuf oo kamid aheyd ergooyinkii Xildhibaanada ku doortay degmada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug.

8-May 25, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa degmada H/wadaag ku dilay nin lagu magacaabo Suleymaan Cusmaan Yuusuf.

9-May 28, 2017, Askari ku labisnaa tuutaha milatariga DFS ayaa Isgoyska Bakaaraha ku dilay Wiil Mooto Bajaaj ka ahaa Darawal kaas oo la sheegay in ay is maandhaafeyn.

10-May 30, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada dowladda xili uu ku sugnaa Isgoyska Ceelsha Biyaha.

11-May 30, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa Beerta Qaadka ee dhinaca degmada Wadajir ku dilay mid kamid ah Ergadii soo xushay Xildhibaanada oo lagu magacaabo Madaxeey.

12-May 31, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay laba Xidigle ka tirsanaa qeybta Caafimaadka ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/laahi Cilmi Nuur.

13-May 31, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dileen Nabadoon Maxamed Sheekh Abuukar.

Dilalka ugu badan ee Bisha May ayaa ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
[email protected]

Caasha Xaaji Cilmi oo xog ka bixisay dhibta loo maray laalida 8-da kursi ee BF

Muqdsho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Caasha Xaaji Cilmi ayaa ka hadashay qorshaha ay Maxkamada Sare ee dalka dib ugu celineyso doorashada Kuraasta la musuqay ee uu muranka ka taagan yahay.

Caasha Xaaji Cilmi, ayaa sheegtay inay adkaan doonto in Xildhibaanada kusoo baxay Musuqa ay kusii fadhiyaan kuraasta, waxa ayna tilmaantay in dalka ay ka curtay dowlad caadil ah.

Casha ayaa sheegtay in Go’aankii ay soo saartay Maxkamada Sare uu daba joogo Go’aankii ay horay u soo saaren Guddiga xalinta khilaafadka kaas oo ay ku laaleen doorashada 11 Xildhibaan kuwaas oo si xaqdaro ah loo siyaasadeeyay kuraastooda.

Caasha Xaaji Cilmi, waxa ay sheegtay in dacwadaha ay u gudbiyeen Maxkamada aysan aheyn mid ku eg keliya Maxkamada balse ay gaarsiiyen ilaa Beesha Caalamka, iyagoo ka didsan Cadaalad daridii ay sameysay dowladii hore.

Maxkamada Sare ee dalka ayay sheegtay inay ku taagersan yihiin go’aanka maadaama la helay cadaalad muuqata oo loogu kala garqaadi karo dhinacyada uu khilaafka ka dhexeeyo.

Waxa ay tilmaantay in Dacwadooda ay gaartay xitaa Madaxweynaha dalka, isla markaana uu amar ku bixiyay in si ay ku jirto Cadaalad loogu garqaado Xildhibaanada tabashada wada iyo kuwa laga tabanaayo.

”Madaxweynaha iyo dhammaan Madaxda dalka waxa ay horay ula socdeen sida loo musuqay Kuraasta uu muranka ka taagan yahay, amarka Maxkamada xitaa waxaa la qaba Madaxweynaha dalka oo horay u sheegay inaan laga raali noqon doonin musuqa ka jira dalka, talaabada lagu laalay 8 Kursi waxa ay muujineysaa kalsooni”

”Haddii aynu nahay Xildhibaanadii laga boobay Kuraasta waxaan diyaar u nahay inaan guuleysano ama nalaga guuleysto, balse waxaan mar waliba kasoo horjeednaa in nalagu xukmiyo doorasho ay ku dheehan tahay musuq-maasuq”

Si kastaba ha ahaatee, Caasha Xaaji Cilmi, ayaa sheegtay in taariikhda ay xusi doonto Cadaalada ka curatay dalka,waxa ayna ku baaqday in mar waliba la garab istaago dadka ka tabanaaya Cadaalad darida ka jirta dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]