25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Somalia oo la shaaciyay kaalinta ay kaga jirto ciidamada ugu tayada badan Africa

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahisay Hay’adda dunida u qaabilsan la socodka awooda Ciidanka Millitariga ee ”GFP”, ayaa waxaa lagu soo bandhigay sida ay u kala awood badan yihiin ciidamada dowladaha Africa.

Ciidamada ayaa waxaa lagu qiimeeyay arrimo farabadan oo ay kamid yihiin firfircooni, Tababar, Xuquuq, Isticmaalka agabka ciidan noocyadiisa kala duwan iyo dhanka iska warqabkooda.

Qiimeynta ugu badan ee lagu kala soocay ciidamada dalalka Africa ayaa ah Tababarka, Dhameystirka agabka Militery iyo Dagaalka.

Dowlada 1aad ee Africa ugu ciidamada wanaagsan ayaa waxaa lagu sheegay Dowlada Masar oo dhan waliba ay ka dhameystiran yihiin ciidamadooda.

HOOS KA AKHRISO SIDA AY KAALMAHA UGU KALA JIRAAN WADAMADA AFRICA EE KU HORMARSAN CIIDAMADA MILITERYGA
1-Masar

2-Algeria

3-Ethiopia

4-Nigeria

5-Koonfur Afrika

6-Angola

7-Marocco

8-Suudaan

9-Libya

10-Democratic Republic of Congo

11-Kenya

12-Tonisia

13-Zembabwe

14-Zambia

15-Chad

16-Tanzania

17. Uganda

18-South Sudan

19-Ghana

20-Cameroon

21-Mozembique

22-Niger

23-Ivory Cost

24-Mali

25-Madagascar

26-Gabon

27-Republic of Congo

28-Namimbia

29-Somalia

30-Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo ka dhawaajiyey kooxda uu ka taageero (Real Madrid mise Barca)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kooxda kubadda Cagta ee uu taageero isla markaasna uu jecel yahay inuu daawado cayaarteeda.

Madaxweynaha oo Wareysi dheer siiyey wargeyska Sharqil Awsat ayaa ka dhawaajiyey inuu aad u xiiseeyo Kooxda Real Madrid ee dalka Spain isla markaasna uu ciyaaraheeda daawan jiray ka hor inta uusan Madaxweyne noqon, isagoo ka dhawaajiyey inuusan hadda jaanis u heyn inuu fiirsado.

Madaxweynaha ayaa la waydiiyey su’aal sidaan u dhaceysay:

SU’AAL: Waqtigaaga sideed ugu qeybisaa qoyskaaga iyo shaqadaada madaxweynenimo? Mise leedahay waxyaabo aad ka hesho oo aad sameyso?

JAWAAB: Waqtiga ugu badan shaqada xafiiska ayaa iga qaadata xilligaan, carruurteydana wali Mareykanka ayey joogaan. Gabdhaheyga mid kamid ah ayaa booqasho nagula joogta maalmahaan oo si kumeel gaar ah noola joogi doonta. Markaan runta kuu sheego shaqada madaxtinimo ee Soomaaliya kuuma ogolaaneyso wax kale inaad sameyso, haddey noqon lahayd nolosha qoyska ama mid kalaba

” Waa laga yaabaa inaan waqti helo marka ay arrimuhu kala degaan laakiin hadda ciyaar ciyaartaas waqti uma haayo. Wax aqriska waa jeclaa, ciyaarahana inta aanan madaxweyne noqon Real madrid ayaan taageeri jiray oo aan ciyaarahooda daawan jiray laakiin hadda waxaas waa dhamaadeen”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Duleedka Muqdisho oo gaajo loogu dhimanayo iyo maamulka gobolka oo aan ka war-hayn

Garasbaaley (Caasimada Online) – Maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ka gaabiyey caawinta qoysaskii kasoo barakacay abaarta dalka ka jirta ee ku sugan deegaankaasi.

Guddoomiyaha deegaankaasi Cismaan Axmed Cali, ayaa sheegay in barakacayaasha ku sugan Garasbaaley ay halis ugu jiraan iney gaajo u dhintaan.

Gobolka Banaadir ayuu sheegay iney bixiyaan oo kaliya raashiinka 10 maalin iyo lacag yar oo aan waxbo u qaban dadka kusoo barakacay Garasbaaley.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Halkii Kaam ay ku nool yihiin dad ka badan 400, kuwaasi oo aan haysan wax ay cunaan isaga oo tilmaamay in maamulkooda dhexda u xirtay oo jaabkooda ay ka bixiyaan dadkaasi masaakiinta ah wixii lagu quudin lahaa.

“Annaga ayaa jeebkeenna ka bixinna raashiinka qoysaskaasi la siiyo, gobolka Banaadir wuxuu noo keenaa kaliya 110 loor oo 10 maalin ah, iidaanna 800 doolar, kuma filna, dad masaakiin ah ayaa shaqeynaya cid waxbo ma siiso, marka in lagu faanno oo la yiraahdo dadkaasi maalin walbo ayaan wax siinnaa waxaan leennahay waa been waxbo kama jiraan, guddoomiye Taabit waxaan leeyahay munaasabad ayaa ku dhigatay lacag inta ay la egtahay caqligeeda diidaya, dadkiina meeshan ayeey ku baaba’ayaan aakhirana waa lagu weyiin doonaa” ayuu yiri guddoomiyaha Garasbaaley.

Ugu dambeyn guddoomiye Cismaan ayaa ugu baaqay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya iney iyaduna kaalinteeda kasoo baxdo oo dadka ku xanuunsanaya deegaankaasi ay daweyn rasmi ah u sameeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shaqsiyaad ka shaqeeya wasaarada maaliyada oo lagu helay boob hanti qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in musuq-maasuq lagu helay Xubno ka tirsan Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia.

Xubnahaani ayaa la sheegay inay ka kala shaqeeyan Xarunta weyn ee Wasarada, Dekadda iyo Garoonka Aadan Cadde, kadib markii lagu sameeyay baaritaan wakhti qaatay.

Xubnahaani ka tirsan Wasaarada ee xadgudubka ku sameeyay Qantida Qaranka ayaa waxaa kiiskaasi kusoo oogay Guddi uu dhawaan Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle u magacaabay baaritaanka.

Xubnahaani ayaa la sheegay inay wehliyaan xubno kale oo aan weli lagu helin kiiska balse looga shakisan yahay inay qeyb ka yihiin Musuqa lagu sameeyay Hantida Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Guud ahaan musuqa ayaa waxaa loo hayaa ku dhawaad afar ruux oo ka kala shaqeeya Xarumaha Wasaarada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qaadashada madaxda ee koofi baraawaha iyo fursadda ku jirta

Waxaan jeclaaday inaan talo ka dhiibto qaadashada madaxda dowladda ee koofida magalada Barawe lagu sameeyo, oo ann arko Madaxweynaha JFS mudane Maxamad Cabdullaahi “Farmaajo” uu qaba maalmahan dambe.

Koofidan 1954, ayay billaabatay in madaxda dowladdu qaadato, kadibna 1960, markii Jamhuuriyaddu dhalatay ayaa xeer laga dhigay in Madaxda Dowladdu qaadato markay shaqada ku jiraan, dalka gudihiisa iyo dibadba.

Haddii dib loo baaro taariikhdii dalka, waxaad arki in: Madaxweynihii ugu horeeyay Mudane Aadan Cadde, Gudoomiyihii golaha shacabka Mudane Jaamac Cabdullaahi Qaalib, Ku xigeenadiisi Xaaji Bashiir Ismaaciil iyo Axmad Qumane Rooble, Wasiirkii Koowaad Cabdirashiid Cali Sharmaárke, Wasiiradii, Xildhibaanadii, Gudoomiyeyaashii gobollada sida: Xassan Nuur Cilmi iyo Walaalkiis Xussen, Axmad Raage, Cali Cumar Sheegow, Jaamac Dhoof iyo kuwa kaleba, Safiiradii, dhammaan waxaa khasab ahaa inay qabaan koofidaas markay shaqada ku jiraan.

Waxaad arki kartaa Cabdirashiid Cali Sharma´arhe oo madaxweynihii Maraykanka ee 1962 John F Kennedy oo New York ku soo dhoweynaya asagoo koofidan qaba.

Waxaa aad muhiim u ah in qaadashada koofidan ay tahay shaqo abuur oo dadkii samayn jiray ay howl galayaan haddii madaxdoo dhan qaadato, intaan kor ku sheegay iyo kuwa kaleba sidaa agaasimayaasha iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka.

Qaadasha koofidan waxay madaxdu daysay markii dalka taladiisa ay la wareegeen ciidamadii qalabka siday 1969, oo iyagu leh dhar gaar ah oo loo yaqaan. koofida Madaxweynuhu hadda qaato waa u egtahay ee ma aha midii rasmiga ahayd marka waa in la helaa middii asalka ahayd, suuqa waa taal oo dad badan ayaa qaba.

W/Q: Garyaqaan Maxamad Xaaji  

Muxuu maamulka Xamar uga meer meerayaa rabitaanka canshuur bixiyayaasha?

Federalka  dalka  Somaliya  ka  hanaqaday  waxa ka fa’iidestay gobalada qarkood  qarna ilaa iyo hadda waa ku dulmanyihiin, Gobalka Banadir ayaa ka mid ah, waxana ku nool  dad ka badan 35% shacabka Somaliyed  wayana  ku dulmanyihiin Federalka.

Dowladihii dalka soo maray iyo tan hadda shaqeysa amarada  ka soo baxo ma gaaraan  degmada afgooye iyo dagmada  Balcad toona,  waayo  dagmooyinkaas waxay  leeyihiin madaxwaynayaal, Gole wasiiro iyo gole barlamaan oo ka madax banana kan Muqdisha ka taliyo,  Sidaas darted uma baahno in ay ka amar ka qaataan Madaxdaan  faraha badan  eek u uruursan  Magalada  Muqdisho  kaliya  iyado  oo  aneyn jirin meelkale oo amarka ay soo saaraan ka hirgalo, Miyeyna  ahayn  mamul gobaled?

Madaxwayneha  Federalkaka  marka uu booqanaayo dalka Kenya ama  ithopia  waa in uu ogeeysiyaa Madaxwaynayasha  dalalkaas  sidoo kale hadii uu booqanaayo dekada kismaayo ama dekadda Boosaaso waa in uu ogeysiiyaa  Madaxwanayasha  Dekasahas  ka taliyan,  hadaba Dowlada uu hogaamiyo Mdaxwayne Farmajo miyeeysan ahayn Mamul-gabaleed ka taliyo Gobalka Banaarir kaliya? .

Ilaa  iyo hadda ma jiro wax sharci  ah  oo  sidaas u sii buuran oo kala xakamenayo awoodaha is dhextaala ee  madaxwaynayashan,  wasiiradan  iyo  xildhibaanadaan  faraha badan ee gaarayo kumananka ee kala qaybsaday dalkii Somaliya ee kooxwalba meel ka soo jeesatay.

Sida muuqata  wasiirka    Dastuuka  iyo  Gudiga  dib-u-eegista  Dastuuka waxay ku mashquulsanyihiin oo kaliya sidii  Gobalka Banadir  looga  dhignaa  meel  Somali wada leedahay  ayadoo  shaki  la gelinaayo jiritaanka  Shacabka  Somaliyeed ee meesha loogu yimid oo lawada garanayo

Runtii burburkii dheera ee ragadiyey  dalkena Somaliyed wuxuu ka bilowday Cadalad Xumo ka jirtay wadanka Somaliya  guud  ahaan wayo cadalada layskuma laayo ee waxaa laysku dilaa cadaalaxumidda  ilaa iyo hadana ma muuqato  Cadaalad  lagu  gaari karo   sinaan umada  somaliyeed  oo  dalkii  waaba la sii kala qaybiyey waxana tani ka fa’iideysan  gumeystaha  mudada dheer  doonayey  in  Somaliya  laga   tirtiro khariirada  aduunka taasi oo ku iman karto  nidamka qayby oo xukun.

Runta  waxay    tahay  hadii madaxda  Somaliyeed  ee  ku uruursan  Magalada  Muqdisho ee  Gobalka  Banadir ay Xuquuqdooda  Matalaada  Canshuur bixiyash  Gobalkasi meermeeriyaan   Gobalada kalena u shuqfal dalooliyaan waxay  inoo  horseedi kartaa in  dib logu noqdo marxadii  1991kii.

Wayo, maxay tahay sababta keentay in lagu xaqiro  canshuur  bixiyasha  Gobalka  Banadir  awood-qaysiga  (powershering) federalismka?.

Fikrad shaqsiyeedka  ku  qoran  qabya qoralka  oo lagu hor istaagayo xuquuqda matalada shcabka bixiya mushaarkooda  ma  ahan  wax  laysla  ogolaaday ilaa iyo hada waxay u khaas tahay shaqsigii qoray laguma  dhaqi  karo canshur  bixiyaasha  Gobalka Banadir wax aney waxaba ka ogayn una  codaynin.

Si  looga  badbaado  arinka  kor  ku  xusan  waa  in  laysqiimeeyaa  deegan walibana deeganka kale ixtiraamaa Gobal waliba  Xaqiisa  la  helaa, “Canshuur  bixiyaasha  Gobalka  Banadir  waxy doonayaan mamul u gaar ah oo ay kula shaqeeyaan  dowlada  federalka   ah  ee  Somaliyaa si  ay federalka uga qaybgalaan, una helaan matalaada ay xaqa u leeyihiin,  hadaba  wa in aan la hor istaagin rabitaanka canshur Bixiyaash  Gobalka  Banadir,  dowladana  ay  noqotaa  mid  matisha  wadanka oo dhan si cagta loo saaro wadadii lagu gaari lahaa Midnima Somaliyeed.

Wa nasiib  daro  wayn   hadii  madaxwayne  kasta  ee ladoorto  aragtidiisa (vision)  noqoto mid ku salaysan waqti xadidan (short term period) tas oo ay  macquul  tahay  in ay dhaliso dalka somaliya oo ku dhamado  gacmaha  Gumaysiga cusub  e caddaan iyo madow leh, deris iyo fogaan bal eh.

W/Q: Dr. Hussein Ali Nuur
[email protected]

Xog: Go’aan laga qaadan doono maxaabiis badan oo ku jirta xabsiyada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu Cafis u fidiyo Maxaabiis ku jirta Xabsiyada dalka.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha JFS ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu dalbaday liiska Maxaabiista danbiyada fudud ee ku jira ilaa Seddex Xabsi oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Cafiskaasi ula gol leh fadliga Bisha Ramadaan ee aan ku jirno waxaana iminka la sugayaa liiska Maxaabiis wajihi doona Cafiska heer Madaxweyne.

Sidoo kale, Xogta waxa ay intaa kusii dareysaa in Madaxweynaha dalka uu kulan la qaatay Taliyayaasha Xabsiyada dalka oo uu ugu horeeyo Taliyaha Xabsiga Dhexe, waxa uuna kala hadlaayay arrinta Maxaabiista xiran iyo kuwa mudan in lagu daro Cafiska.

Madaxweynaha ayaa horay u sheegay inuusan raali ka noqon doonin in Xabsiyada dalka ay ku jiraan Maxaabiis u xiran sabab la’aan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn xiliga rasmiga ah ee uu Madaxweynaha ku dhaqaaqi doono Cafiska Maxaabiista danbiyada yar ee ku jira Xabsiyada magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Magaca iyo beesha sarkaalkii xabsiga la dhigay ee ilaaladiisa rasaasta ku fureen ciidamada amniga Muqdisho

Muqdisho (caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabtay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda kaasoo ilaaladiisa ay rasaas ku fureyn ciidamada Amniga Muqdisho ee maalmahaan howlgalka wado.

Sarkaalkaan oo maamulo qeyb ka mid ah xaafadda Seybiyaano Ee Magaalada Muqdisho ayaa xabsiga Jilicow loo taxaabay kadib markii ay ilaaladiisa isku dayeen inay hor istaagaan ciidamada isku dhafka ah ee loogu talagalay inay sugaan amniga Muqdisho isla markaasna ay hub ka dhigis sameeyaan.

Ciidamada Amniga Muqdisho ayaa Xalay howgal hub ka dhigis ah ka sameeyey Xaafadda Seybiyaano gaar ahaan suuqa Caanaha waxaana rasaas kusoo furay Ciidamada Sarkaalka Mahad Dollar ee aagaas heysto tan iyo dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Mahad Dollar ayaa kasoo jeedo Beesha Habargidir, gaar ahaan Beesha Sacad, wuxuuna xoogaa ciidamo ah ku leeyahay Xaafadda Seybiyaano ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna inta badan dhibaato u geystaa shacabka Masaakiinta ah ee dagan Xaafadaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday howgal ay ugu magac dartay amniga Muqdisho kaasoo loo sameeyey ciidamo gaar ah oo isku dhaf ah, waxayna sameeyeen howgalo kala duwan tan iyo markii uu bilowday howlgalkaan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintan sarkaalkaan la xiray waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Qarax culus oo caawa mar kale ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax gaari ayaa waxa uu Caawa ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Isgooyska Banaadir kaa oo lagu xiray gaari uu lahaa Sargaal ka tirsan ciidamada Asluubta.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu xiray gaari uu lahaa Sargaalkaasi xili ay la socdeen Gabar u dhaxda iyo Cunug yar uu dhalay.

Sargaalka Qaraxa loogu xiray gaariga ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Xogeynta Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Bashiir Jaamac ”Bashiir Goobe”,sida laga soo xigtay Sargaal kale oo ka tirsan ciidamada.

Sargaalka watay gaariga ayaa ka badbaaday Qaraxa waxaana ku dhaawacmay Haweeney la soctay oo la sheegay inay aheyd Xaaskiisa, halka canug yar oo dhabta ay ku heysay uu isna ka badbaaday Qaraxa.

Haweeneyda ku dhaawacantay Qaraxa ayaa la xaqiijiyay inay ka go’day lugta, waxaana la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaaya Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ay wataan shaqaalaha dowlada iyo Saraakiisha ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

CADDEYN: Wasiir Xoosh oo laalay amar ka soo baxay xeer Ilaalinta qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil uu ka biya diiday amar ka soo baxay Xeer Ilaalinta Qaranka.

Wasiirka ayaa amarkaasi ku sheegay mid aan xaqiiq loo marin isla markaana lagu doonaayo in lagu duudsado nidaamka sharciga.

Amarka Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa ahaa dacwad loo heysto Cumar Faaruuq oo sheegta inuu madax u yahay Ururka NUSOJ.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, ayaa waxaa Cumar Faaruuq lagu amray in saacado kooban gudahooda uu ku hor imaado Xeer ilaalinta si wax looga weydiiyo dacwadaha lagu soo oogay.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Jawaab ka bixinaaya u yeerida Cumar Faaruuq ayaa sheegay in Xeer ilaalinta Qaranka ay baalmareyso sharciga, waxa uuna tilmaamay in qodobo ka mid ah qoraalka uu ka hor imaanayo Dastuurka, sida uu ku qeexay qoraal uu kusoo daabacay Facebuugiisa.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxa uu sheegay in sharciyada dalka loo adeegsanaayo qaabab ka duwan sida loogu tallo galay in loo adeegsado, waxa uuna tilmaamay in qofna loo diidi karin shir ay qabsato, isla markaana qodobo ka mid ah eedeynta xeer ilaalnta soo jeedisay ay ka hor imaaneyso Dastuurka.

Wasiirka waxa uu Xeer ilaaliyaha ka dalbaday inuu dib ugu laabto qodobada uu daliilsanaayo iyo waxa ay salka ku heyso eedeymaha loo jeedinaayo Cumar Faaruuq.

Dacwada ayaa la sheegay inay gudbisay Wasaarada warfaafinta Xukuumada Somalia, waxa ayna Dacwada Cumar Faaruuq u muuqaneysaa mid xasarad ka dhex abuureysa Wasaaradaha dalka, gaar ahaan Wasaarada warfaafinta iyo Wasaaradda Dastuurka oo isku haya Dacwada la horgeeyay Xeer ilaalinta.

RASMI: Madaxweyne Farmaaho oo agaasime cusub u magacaabay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo.”

Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadcelinayaa Agaasimhii hore Madaxtooyada Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo ahaa shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Magacyada guddiga qiimeynta xaalada maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maalinimadii shalay guddi qiimeeya u saaray maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee dalka.

Madaxweynaha ayaa guddiga kasoo dhex xushay Khubaro dhowr ah oo ku xeel-dheer dhanka Xuquuqul insaanka, waxa uuna faray inay kasoo talo bixiyaan xaalada ka jirta Xabsiga Dhexe.

Guddigan oo Khubaro ah ayaa madaxweynaha waxay warbixin kasoo siin doonaan maxaabiista ku jirta Xabsiga oo isugu jira kuwo dilal u xiran iyo kuwo aan waxba galabsan oo u xiran shaqsiyaad ka tirsan dowlada.

Waxyaabaha guddigan qabanayo waxaa kamid ah ka war keenista maxaabiista xabsiga ku jirto tiradooda, kuwa ku jira hay’adaha dambi baarista, kuwa la xukumay iyo maxkamadaha xukumay, maxaabiista dumarka iyo kuwa carruurta ah ee xukuman ama xukun sugayaasha ah.

AKHRISO LIISKA GUDDIGA QIIMEYNTA XABSIGA

1- Dr C/qaadir Maxamed Muuse (Xeer Ilaaliyahii hore ee Qaranka

2- Mukhtaar Nuur (Garsoore ka tirsan maxkamadda racfaanka

3- Dr Tahliil Xaaji Axmed (Qareen)

4- Maryan Nuur Maxamed (Kaaliyaha xafiiska La taliyaha sharciga ee madaxweynaha)

Dhinaca kale, Guddigan ayaa dhamaantood ah sharci yaqaano iyo qubaro ayaa waxay marka ay qiimeyn ku sameeyaan xabsiga waxay warbixin ku celin doonaan Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda Masar oo ka digtay saldhigga Turkiga ka dhisanayo Soomaaliya

Qahira (Caasimadda Online) – Safiiro iyo Diplomaasiyiin ayaa ka digay qatarta kasoo socota qorshaha Trukiga ee saldhig Militry uga dhisanayo Soomaaliya waxana ay shaaca ka qaadeen in qorshahaas uu handadayo amniga qaranka dalka Masar iyo kuwa Carabta.

Safiir hore oo Masar ugu qaabilsanaa arimaha Afrika ayaa sheegtay in joogitaanka Turkiga Soomaaliya ay tahay qatar ka dhan ah dowladda Masar waxana ay ku eedeysay inay maalgaliso kooxaha argagexisada.

Masar ayaa ku hanjabtay inay jiraan ciidamo dhulka ah oo soodimaha ilaaliya,waxana Masar oo ka baqdin qabta Turkiga  ay sheegtay in indhaha lagu hayn doono qorshaha saldhiga Militery ee Trukiga.

Axmede Xujaaj oo ahaa kaliyihii hore ee wasiirka arimaha dibada Masar ayaa sheegay in goor dhow sbadal lagu smaeyn doono hogaanka Ciidamada Turkiga waxa uu sidoo kale ifiyay in Trukiga saldhigaasi inuu ka hirgaliyo Soomaaliya uu ogolashiyo uga haysto dowladda Somaaliya.

Turkiga ayaa dhawaan shaaciyay n madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordugan uu furi doono saldhigaasi oo laga hirgalinayo meel u dhow garoonka Muqdisho waxaana la dhagax dhigay 2015-kii waxana dhimmaha saldhigaasi ku baxaya lacag dhan 50milion oo doolarka Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa xaqiijiyay in saldhigaasi dhawaan la furi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Kheyre oo ku faanay in xili hore uu ka mid ahaa Booliska (Halkuu ka soo shaqeeyay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Khayre, ayaa maanta booqday xarunta Taliska ciidanka Booliska Somaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaaraha ayaa halkaa kulan kula qaatay qaar kamid ah Saraakiisha ciidamada Booliska, waxaana wehlinaayay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaano Baarlamaanka ka mid ah.

Ra’isul wasaaraha ayaa Saraakiisha kala hadlay xaaladaha amni ee maagalada Muqdisho iyo Habsami u socodka shaqooyinkooda.

Intaa kadib Ra’isul wasaaraha ayaa warbixin kooban ka dhageystay Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyeed General C/xakiin Daahir Saciid ”Saacid”.

Taliye Saacid ayaa sheegay inay wadaan diyaarinta qorshooyin fog oo looga hortagaayo amni darida iyo habacsanaanta dhanka amniga ee ka jirta xarumaha Booliska.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Khayre ayaa Saraakiisha u sheegay inuu ka tirsanaan jiray ciidamada Booliska Somaliyed.

Kheyre waxa uu tilmaamay inuu ka hawlgali jiray Saldhiga Degmada Hodan, isaga oo sheegay Booliska inuu yahay ilaaliyaha sharciga iyo dadka.

Kheyre waxa uu sheegay in xilalka dalka ay muhiim tahay in qofka loo dhiibaayo uu wax un ka yaqaan ciidanimada, waxa uuna ballanqaaday inuu waxbadan ka bedeli doono xaalada ay ku shaqeynayaan Booliska.

60 maalmood kadib oo la soo afjaray musuq maasuqii dekedda Muqdisho (Lacag badan oo la helay)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waaxda Maaliyadda ee Xukumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaacisay in 60 Maalmood kadib la soo afjaray Dhamaan Musuq Maasuqii ka taagnaa Dekedda Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/raxmaan Ducaalle Baylle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ku guuleestay in uu soo afjaro Musuq Maasuqii ka jiray Dekedda Magaalada Muqdisho islamarkaana uu kordhay Dhaqaalaha Dowladda Ka soo gala Dekedda.

Wasiir Baylle ayaa sheegay in markii hore Dekedda Maalinta laga heli jiray lacag dhan $150,000 hadana ay ka soo xarooto lacag dhan $300,000 Isagoo u mahad celiyay Shaqaalaha Wasaaradda ee la dagaalama Musuq Maasuqa.

Waxaa uu sheegay waxyaabaha lagu guuleystay ay ka mid aheyd kulamo badan iyo kormeero lala yeeshay waaxyaha canshuuraha iyo shirkadda gacanta ku heysa Dekeda.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay yareeyeen lacagihii kiishka lagu wadan jiray ee canshuruaha lagu bixinayay, isagoo xusay in canshuurta ay bilaabatay inay ku dhacdo Akoon, taasna ay sabab u tahay waxyaabaha yareeyay musuq maasuqa.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa Balan qaaday in ay Dowladda bixin doonto Mushaaradka Shaqaalaha Dowladad Sida ugu dhaqasiyaha badan bil walbana ay heli doonaan Xuquudooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog cusub: Maxaadan ogeyn oo ka socda dekadda magaalada Kismaayo?

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Dekadda Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maamulka Jubbaland uu dib u bilabay dhoofinta Dhuxusha.

Wararku waxa ay sheegayaan in labadii asbuuc ee ugu danbeysay Dekadda laga dhoofinaayay dhuxul aad u farabadan oo kusii jeeda dalka Kenya.

Dhuxusha ayaa la sheegay inay dhoofinayaan Ganacsato si dhow ugu xiran maamulka, waxaana dhoofinta barbar socda lacago la sheegay inay qaatan maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Kenya ka jooga Dekadda.

Dhuxusha ayaa waxaa rarata sida la sheegay Ganacsato kasoo jeeda magaalada Mambasa iyo dhulka ay degaan Soomaalida.

Inta la xaqiijiyay ilaa laba Markab ayaa dhuxusha lagu daabulay, kuwaa oo u jiheystay dhanka Kenya, sida laga soo xigtay Sargaal ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.

Dowlada Kenya iyo maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale dhawaan kala saxiixday Heshiis hoosaad dhigaaya dhoofinta Dhuxusha.

QM ayaa horay u mamnuucday dhoofinta Dhuxusha sharci darada ah, iyadoo maamulka Jubbaland iyo Kenya ku eedeysay inay ciribtireen dhirta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Boosaaso oo lagu qabtay gaari siday qaraxyo iyo agab milateri

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari ay saarnaayen Qaraxyo iyo agab Militery.

Gaariga ay gacanta ku dhigeen ciidamada ayaa noociisa la sheegay inuu yahay nooca ay Soomaalidu u taqaan Candho-maydle.

Gaarigaani ayaa waxaa la socday laba ruux oo dhalinyaro ah kuwaa oo dusha sare ka ilaalinaayay Qarxyada saarnaa Gaariga, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada amaanka.

Qaraxyada lagu qabtay Gaariga ayaa waxaa la socday Fooneeyayaasha ciidamada, Dharka ciidanka iyo agab kale oo loo adeegsado Qarxyada.

Yuusuf Garaad oo warbixin xasaasi ah ka qoray qorshaha DF Somalia ee maxaabiista dibadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmahaan socda olole lagu dalbayo in ay Dowladdu u istaagto dhallinyaro Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalal shisheeye,  taas oo loo arko, ahna waajib Dowladda saaran.

Maaddaama uu ololuhu sii xoogeysanayo, mararka qaarkoodna ay ka hadlayaan

dhinacyo aan ahayn xog ogaal buuxa, ayaan goostay in aan soo bandhigo xogta hadda suurta-galka ah in aan la wadaago dadweynaha.  Waa dadaal ay waddo Dowladda Soomaaliya laakiin aan weli la soo geba gebeyn.

Waxaan shacabka ku wargelinayaa in aan billownay xiriirro dhowr ah oo ku saabsan dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalalka Ethiopia, Seychelles iyo India.

Ethiopia madaxdeeda ayaan la soo qaadnay mowduucan dhowaan markii aan booqannay Addis Ababa.

Seychelles Wasiiru Dowlaheeda Arrimaha Dibadda ayaan wada qaadannay mid ka mid ah shan shir doceed oo aan gooni gooni ula yeeshay Wasiirro Arrimo Dibadeed isla halkii maalin ee shirka London uu socday.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles arrinta ugu weyn ee uu ila soo qaaday waxay ahayd nabadgelyada badda noo dhexeysa iyo wadashaqeynteenna mustaqbalka.  Ka dib markii aan uga warramay isbeddelka dalka ka dhacay, Aniguna arrinta ugu weyn ee aan ku soo qaaday waxay ahayd Maxaabbiis Soomaali ah oo ku xiran Seychelles.

India, Safaaradda Soomaaliyeed ee New Delhi iyo Xeer Ilaalinta Qaranku waxay qabteen Qareen u dooda mid kasta oo ka mid ah Maxaabbiista Soomaaliyeed ee ku jira xabsi ku yaalla Mumbai. Safaaradda Soomaaliya waxaa kale oo ay u asteysay mid ka mid ah Diblomaasiyiinteedu in uu tago Mumbai oo 1400 km u jirta New Delhi mar kasta oo Maxkamad la soo taagayo mid ka mid ah boqol iyo dheeraadka Maxaabbiista Soomaaliyeed ah.

Waxay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu si joogta ah u heshaa Warbixinno kala gooni ah oo Qareenka Hindiga ah iyo Diblomaasiga Soomaaliga ahi ay u soo diraan hadba dacwaddu meesha ay mareyso ayaga oo isla markaana talo bixinaya tallaabada nala gudboon.

Maanta (Talaada) oo u dambeysay waxaan mowduucan fadhi ka yeelannay Wasiirka Garsoorka iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda taasoo ahayd markii labaad isla toddobaadkan, ka horna waxaan wadajir ula kulmay Agaasimaha Aasiya iyo Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.  Waxaa arrinta Maxaabbiista ku xiran India isla maanta ka wadahadlay Agaasimaha Aasiya iyo Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi.

Berrina waxaa jira dhowr kulan oo Muqdisho iyo New Delhi loo ballansan yahay mowduucan.

Waxaa diyaar ah oo labada dal ee Soomaaliya iyo India ay isku af garteen inkasta oo aan weli la saxiixan heshiis mabda’ ahaan Maxaabbiista la isu celinayo.

Laba ka mid ah Dowladaha Saddexda ah ee aan xusay Ethiopia, Seychelles iyo India waxaan isla meel dhignay in maxaabbiista Soomaaliyeed ee dalalkooda ku xiran lagu soo wareejiyo gacanta Dowladda Soomaaliya.  Dalka kale waxaa noo billowday xiriir aan ku rajo weyn nahay in aan ka miro dhalin doonno mar dhow.

Runtii dadaalka socda ee ku wajahan in Maxaabbiista dibadda ku xiran oo dhami ay gacanteenna soo galaan, ma ahan howlo saxaafadda lagu soo wada bandhigi karo maaddaama aanay soo geba-geboobin.

Hore waxaan ula kulmay wakiil ka socda Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas oo aan weydiistay in ay nala wadaagaan Maxbuus kasta oo Soomaaliyeed ee ay ka warhayaan in uu ku jiro xabsi shisheeye.

Shalay oo u dambeysay waxaan farriin ka helay saddexda Dowladood middood, farriintaas oo ah mid yididdiilo hor leh I gelisay.  Howshani hadba heerka ay mareyso ee in la sheego aanay wax u dhimi karin furdaaminta iyo marka ay geba-gebo tahay waan la wadaagi doonnaa dadweynaha Soomaaliyeed.

Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf uga mahadcelinayaa in uu fagaaraha caleema-saarka ee Cadaado uu ku ballanqaaday in uu bixin doono kharashka dayaaradda haddii dhallinyarada Soomaaliyeed ee India ku xiran loo soo celinayo Soomaaliya.

Waa go’aanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda kale ee dalku ay isla qaateen in ay muhiimad weyn ahaato sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee xabsiyada dalka dibaddiisa ku jira dib loogu soo celin lahaa gacanta Dowladdooda.

Waxaan hadda ku dabajirnaa Soomaali ku xiran Uganda, Sudan, Libya iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin dalal ku yaalla Afrikada Koofureed.

Waxaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hammin kara ugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan ka qeybqaadashada burcad badeed ama fal dambiyeed kale oo ay xabsi ku mudan karaan nooc kasta oo uu yahay.  Taas macnaheedu ma ahan in aan ku tilmaamayo in dhallinyarada ku xiran Ethiopia, Seychelles iyo India ay yihiin dembiilayaal maaddaama arrintaasi ay u taallo Maxkamadaha.

W.Q. Yuusuf Garaad

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Iridka hore ee madaxtooyada…

Nairobi (Caasimada Online) – Qarax laga soo buuxiyay Gaari ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo gaadiid oo mareysay Iridka hore ee Madaxtooyada Afghanistaan.

Qaraxaani ayaa waxaa ku dhaawacmay inkabadan 52 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin, Saraakiil iyo Shacab kuwaa oo xiliga Qaraxa ku jiray safaf dhaadheer oo lagu baarayay gaadiid isticmaalaya wadada hormarta Madaxtooyada.

Saraakiisha Caafimaadka dalkaasi ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Qaraxaasi ay ku dhinteen 12 qof.

Qaraxa ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili Shaqaalaha iyo dadka shacabka ah ay u kala hayaamayeen Shaqooyinkooda caadiga ah.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla Safaarado badan oo ay leeyihiin dalalka Caalamka.

Qaraxa ayaa noqonaaya midkii 6 oo ka hordhaca Iridka hore ee Madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Sheeko yaab leh: Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho oo lacag ka dhacday ganacsato iyo shaqaale Soomaaliyeed

Dadweyne Soomaaliyeed oo ku dibad baxay safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya in mas’uuliyiinta safaaradda aaney bixin xaqii shirkadaha qalabka laga soo qaaday iyo xitaa muruq-maalkii goobta dhisay, arrintaas oo qareenno Soomaaliyeed ku tilmaameen mid xad gudub ah oo ay tahay in lala xisaabtamo.

Maxaa Laga Cabanayaa?

Saddex xarumood oo  Imaaraadka uu maamulo ayaa laga hir-galiyay magaalada Mugdisho ee caasimadda Soomaaliya, saddexdan xarumood dadkii muruq-maalka ahaa oo dhisay ayaa waxay ka cabanayaan in illaa iyo hadda aysan helin lacagtii ay Imaaraadka ugu dhiseen xarumahaan.

Dadka ay safaaradda kala maqan tahay xoolahooda waxa ay iskugu jiraan ganacsato iibisa qalabka dhismaha  iyo muruq-maalkii dhisay dhismaha ay safaaradda ku jirto.

Maxamed  waxa uu ka mid yahay dadkii muruq-maalka ahaa ee wax ka  dhisay dhismaha hadda ay ku jirto safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in lacagtii uu xooggiisa uu ku shaqeystay loo diiday albaabadana ay ka xirteen madaxdii Imaaraadka oo uu u shaqeynayay.

Shaqaalo Cabanaya:

“Aniga Maxamed ayaa la yiraahdaa,  Imaaraadka ayaan u shaqeeyaa  lacag ayaa iga maqan oo shan iyo toban maalmood ah, waxaan u soo noq-noqonayay, lacagtan shan iyo toban maalmood wax i siiyana ma helin intaas ayaan meesha u taaganahay, anigu waxaan ahay nin farayaamo ah  oo farsama-yaqaana waxaan ka shaqeynayay dhismaha Isbitaalka,  maalinta aan shaqeynayay ilaa iyo hadda waxaan cunayay deyn ayaan soo qaadanayay hadana waxaa la igu haystaa deyntii meel aan u raacdo la cagteydii malahan”.

Muuse Maxamed waxa uu ka mid yahay shaqaalihii faryaamada ahaa oo ka wax dhisay Isbitaalka Imaaraadka Carabta waxa uu ka cabanayaa in ilaa iyo hadda aan la siinin lacagtii lagula heshiiyay waxa uu codsanayaa in lacgtiisii la siiyo.

“ Anigoo ah Muuse Maxamed waxaan ahay farayaamo Imaaraadka uga shaqeynayay  qeybta Isbitaalka shan iyo toban maalmood lacagtooda ayaa iga maqan ilaa iyo haddana meel aan u raacdo ma aqaan”.

Axmed Cabdi Kariim waxa uu ka mid ahaa shaqaalihii ka wax dhisay safaaradda Imaaraadka uu ku leeyahay magaalada Mugdisho waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda uu san helin xaqiisa oo maalin walba lagu celiyo iridda hore ee safaaradda.

“Axmed Cabdikariim ayaa la i dhahaa waxaan u shaqeynayay Imaaraadka Carabta  waxaan ka shaqeynayay safaaradda  lix iyo toban maalmood ayaan u shaqeynayay waxaana u soo noqonayay sideed maalmood hadana waxba kuma hayo”.

Dhinaca kale, dadka ka cabanaya Safaaradda Imaaraadka Carabta ma ahan muruq-maal kaliya ee waxaa jira ganacsto ka cabanaysa safaaradda ku waas oo sheegay inay ka soo qaadatay qalabka dhismaha isla markaana aysan ka heynin wax lacag ah.

Ganacsato Cabaneysa:

Cabdiraxmaan  Yaxye Sheikh Ciribay waxa uu ka mid yahay ganacsato uu Imaaraadka ka qaatay qalabka dhismaha waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda uusan helin lacagtiisii.

“Waxaan ka cabanaynaa maanta oo meeshaan na keenay dhibaato aad iyo aad u baaxad weyn xoolaheenii oo naga maqan waxaan nahnay shaqaale, waxaa naga maqan xoolo, xoolahaas oo ka kooban bir, alwaax, shamiito  iyo bulokeeti”.

Abuukaate Axmed Ibraahim oo cabashada muruq-maalka iyo ganacsatada ka taageeraya dhanka sharciga  ayaa sheegay in dadkaan mushaar la’aanta ka cabanaya in loo diiday xubnaha safaaradda Imaaraadka Carabta inay la kulmaan.

“Dada badan oo lacag milaayiin  gaareysa oo ganacsto ah ayaa alaabtooda meesha ku maqan, dhibaatada meesha ka jirta waxay tahay dadka markii alaabta laga rabo soo gala ayaa laleeyahay waa la fariisinayaa waxoodiibaa laga qaadanayaa, maalintii lacagtooda lagaaro waxaa lagu bilaabayaa ballan “.

Safaaradda Imaaraadka ilaa iyo  hadda kama aysan jawaabin cabashada shaqaalahaan oo gaaraya ku dhawaad sagaashan qof mas’uuliyiinta qaar ayaa waxay sheegayaan in lacagaha dadkaan qofkii laga rabo uusan joogin dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]