25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Sheeko yaab leh: Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho oo lacag ka dhacday ganacsato iyo shaqaale Soomaaliyeed

Dadweyne Soomaaliyeed oo ku dibad baxay safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya in mas’uuliyiinta safaaradda aaney bixin xaqii shirkadaha qalabka laga soo qaaday iyo xitaa muruq-maalkii goobta dhisay, arrintaas oo qareenno Soomaaliyeed ku tilmaameen mid xad gudub ah oo ay tahay in lala xisaabtamo.

Maxaa Laga Cabanayaa?

Saddex xarumood oo  Imaaraadka uu maamulo ayaa laga hir-galiyay magaalada Mugdisho ee caasimadda Soomaaliya, saddexdan xarumood dadkii muruq-maalka ahaa oo dhisay ayaa waxay ka cabanayaan in illaa iyo hadda aysan helin lacagtii ay Imaaraadka ugu dhiseen xarumahaan.

Dadka ay safaaradda kala maqan tahay xoolahooda waxa ay iskugu jiraan ganacsato iibisa qalabka dhismaha  iyo muruq-maalkii dhisay dhismaha ay safaaradda ku jirto.

Maxamed  waxa uu ka mid yahay dadkii muruq-maalka ahaa ee wax ka  dhisay dhismaha hadda ay ku jirto safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in lacagtii uu xooggiisa uu ku shaqeystay loo diiday albaabadana ay ka xirteen madaxdii Imaaraadka oo uu u shaqeynayay.

Shaqaalo Cabanaya:

“Aniga Maxamed ayaa la yiraahdaa,  Imaaraadka ayaan u shaqeeyaa  lacag ayaa iga maqan oo shan iyo toban maalmood ah, waxaan u soo noq-noqonayay, lacagtan shan iyo toban maalmood wax i siiyana ma helin intaas ayaan meesha u taaganahay, anigu waxaan ahay nin farayaamo ah  oo farsama-yaqaana waxaan ka shaqeynayay dhismaha Isbitaalka,  maalinta aan shaqeynayay ilaa iyo hadda waxaan cunayay deyn ayaan soo qaadanayay hadana waxaa la igu haystaa deyntii meel aan u raacdo la cagteydii malahan”.

Muuse Maxamed waxa uu ka mid yahay shaqaalihii faryaamada ahaa oo ka wax dhisay Isbitaalka Imaaraadka Carabta waxa uu ka cabanayaa in ilaa iyo hadda aan la siinin lacagtii lagula heshiiyay waxa uu codsanayaa in lacgtiisii la siiyo.

“ Anigoo ah Muuse Maxamed waxaan ahay farayaamo Imaaraadka uga shaqeynayay  qeybta Isbitaalka shan iyo toban maalmood lacagtooda ayaa iga maqan ilaa iyo haddana meel aan u raacdo ma aqaan”.

Axmed Cabdi Kariim waxa uu ka mid ahaa shaqaalihii ka wax dhisay safaaradda Imaaraadka uu ku leeyahay magaalada Mugdisho waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda uu san helin xaqiisa oo maalin walba lagu celiyo iridda hore ee safaaradda.

“Axmed Cabdikariim ayaa la i dhahaa waxaan u shaqeynayay Imaaraadka Carabta  waxaan ka shaqeynayay safaaradda  lix iyo toban maalmood ayaan u shaqeynayay waxaana u soo noqonayay sideed maalmood hadana waxba kuma hayo”.

Dhinaca kale, dadka ka cabanaya Safaaradda Imaaraadka Carabta ma ahan muruq-maal kaliya ee waxaa jira ganacsto ka cabanaysa safaaradda ku waas oo sheegay inay ka soo qaadatay qalabka dhismaha isla markaana aysan ka heynin wax lacag ah.

Ganacsato Cabaneysa:

Cabdiraxmaan  Yaxye Sheikh Ciribay waxa uu ka mid yahay ganacsato uu Imaaraadka ka qaatay qalabka dhismaha waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda uusan helin lacagtiisii.

“Waxaan ka cabanaynaa maanta oo meeshaan na keenay dhibaato aad iyo aad u baaxad weyn xoolaheenii oo naga maqan waxaan nahnay shaqaale, waxaa naga maqan xoolo, xoolahaas oo ka kooban bir, alwaax, shamiito  iyo bulokeeti”.

Abuukaate Axmed Ibraahim oo cabashada muruq-maalka iyo ganacsatada ka taageeraya dhanka sharciga  ayaa sheegay in dadkaan mushaar la’aanta ka cabanaya in loo diiday xubnaha safaaradda Imaaraadka Carabta inay la kulmaan.

“Dada badan oo lacag milaayiin  gaareysa oo ganacsto ah ayaa alaabtooda meesha ku maqan, dhibaatada meesha ka jirta waxay tahay dadka markii alaabta laga rabo soo gala ayaa laleeyahay waa la fariisinayaa waxoodiibaa laga qaadanayaa, maalintii lacagtooda lagaaro waxaa lagu bilaabayaa ballan “.

Safaaradda Imaaraadka ilaa iyo  hadda kama aysan jawaabin cabashada shaqaalahaan oo gaaraya ku dhawaad sagaashan qof mas’uuliyiinta qaar ayaa waxay sheegayaan in lacagaha dadkaan qofkii laga rabo uusan joogin dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo shaaca ka qaaday lacagta Sacuudiga uu ugu deeqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dawladda Sucuudiga ay lacag badan ugu yaboohday Soomaaliya.

Madaxweeynaha oo shalay ka hadlayey magaalada Cadaado ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay weydiisatay Sucuudiga lacag badan oo dhan $4 bilyan oo doollar, waxaana uu intaasi ku daray in Sacuudigu aysan ka diidin codsiga ay soo jeediyeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudnaanta ugu horraysa ee lacagtaasi ay tahay dhismaha garoon diyaaradeed iyo dib u dhiska xarrumaha dawladda.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Muqdishu ayaa sheegay in garoonka haatan uu leeyahay nalalka waddada garoonka kuwaasi oo diyaaradaha u saamaxaya inay habeenkii soo degi karaan. Hawshan ayaa la hirgeliyey toddobaadkan.

Garoonka diyaaradaha ayaa la sheegay in maalintiiba ay soo degaan ilaa 30 diyaaradood oo ka yimaada dibedda iyo gudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog-warran: Sidee ayey ka timid magacaabista Fahad Yaasin, waase nin ceynkee ah?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu agaasimaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya u magacaano Fahad Yaasiin, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Haddaba Caasimada Online ayaa soo ogaatay sida ay ku timid magacaabista Fahad, shaqsiyaddiisa qof ahaaneed iyo xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidee ayay ku timid magacaabista?

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ee hadda Abuukar Baale ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu doonayo inuu xilka ka tago, islamarkaana ku laabto dalka Mareykanka, oo uu ka yimid markii hore, sababo caafimaad dartood.

Madaxweynaha ayaa markaas ka codsaday Abuukar Baale, inuu noqdo safiirka Soomaaliya ee xarunta QM, maadaama xarunta QM ay ku taallo magaalada New York ee dalka Mareykanka, arrimihiisa kalena ku gudan karo.

Abuukar ayaa aqbalay codsiga madaxweynaha, wuxuuna noqon doonaa safiirka Mareykanka ee QM, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa markaas kadib magaalada Nairobi ka wacay Fahad Yaasiin, inuu qabto xilka uu baneynayo Abuukar, maadaama uu yahay qof howlkar ah, aamin ah, madaxweynahana uu ku kalsoonaan karo.

Xiriirka madaxweynaha iyo Fahad

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Fahad Yaasin, oo ahaan jiriy weriyihii Aljazeera ee Soomaaliya, waxaa ka dhaxeeya xiriir wada-shaqeyn iyo saaxiibnimo ku dhisan oo muddo soo jiray.

Fahad Yaasin oo gacan xooggan ku lahaa guushii doorasho ee Xasan Sheekh, waxa uu dadaal xooggan u galay sidii madaxweyne Farmaajo looga dhigi lahaa ra’’iisul wasaaraha Soomaaliya, markii uu Xasan qabtay talada dalka, inkasta oo dadaalladaas aysan miro dhalin.

Muddo kadib ayaa waxa uu Fahad mar kale dadaal xooggan iyo olole ballaaran u galay sidii madaxweyne Farmaajo ugu guuleysan lahaa doorashada madaxweynaha ee 2016, taasi oo guul ku dhammaatay. Waxa uu Fahad arrintaas ku bixiyey maskax iyo waqti badan, nasiibkana waa saaciday.

Shaqsiyadda Fahad Yaasin

Dadka ku dhow Fahad Yaasiin waxay sheegaan inuu yahay nin aad u afgaaban oo edeb iyo iimaan leh, islamarkaana aan jecleyn xilka iyo mas’uuliyadda.

Markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ka saaciday inuu guuleysto, waxa uu Fahad ka codsaday inuu noqdo wasiirka dekedaha Soomaaliya, taasi oo Fahad uu iska diiday, kadibna dib ugu laabtay magaalada Nairobi, oo saldhig u ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii dowladda ra’iisul wasaare Kheyre lasoo dhisayey Fahad Yaasiin ka codsaday inuu noqdo wasiiru dowle, taasi oo mar kale Fahad uu ku gacan seeray, kuna laabtay magaalada Nairobi, waxaana uu Farmaajo u sheegay in isaga oo wasiir ka diiday Xasan Sheekh uusan wasiiru dowle qaadaneyn, taasi oo Farmaajo uu aqbalay.

Markii ay soo baxday xil ka tagista agaasimaha madaxtooyada ee iminka, ayaa madaxweynaha waxa uu Fahad ka codsaday inuu markan ka aqbalo inuu noqdo agaasimaha madaxtooyada, wuuna ka ogolaaday.

Ilo ku dhow madaxweynaha ayaa sheegay in Fahad Yaasin yahay, qof aad howlkar u ah, edeb iyo iimaan leh, oo xiriiro siyaasadeed badan leh, islamarkaana wax badan ka caawin kara dowladda.

“Magacaabistan waa tan ugu muhiimsan ee madaxweynaha uu sameynayo, waa yar yahay qof Fahad oo kale ah oo sidiisa u howlkarsan, haddana daacad u ah” waxaa sidaas yiri qof ka tirsan xafiiska madaxweynaha.

Ayada oo dhammaan xilalkii uu horey u magacaabay madaxweynaha ay illaa iyo hadda u muuqdaan kuwa aad looga fiirsaday oo loo dhiibay dad karti leh, ayaa dad badan waxay filayaan in magacaabista Fahad ay sidoo kale noqoto mid guul u horseeda shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog cusub: Beesha Sacad Habar-gidir oo loolan adag ugu jirta laba xil midkood

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho weli ka socda ololo ay wadaan beelaha Soomaaliyeed ee xil doonka ah kuwaa oo kala xulanaaya Kuraasta muhiimka ah.

Loolanka ugu badan ayaa waxa uu ka dhex socdaa xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, halkaa oo ay ku qulqulayaan mas’uuliyiin iyo odayaal dhaqmeed baadi-goob ugu jira xilalka aan weli la magacaabin ee ugu muhiimsan.

Beelaha baadi-goobka ugu badan wada ayaa waxaa kamid ah Beesha Sacad oo ka tirsan beel weynta Habar-Gidir oo kamid ah beelaha aan kuraas aan ku filneyn ka helin dowladda.

Beeshani ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii loogu magacaabi lahaa Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Qalabka Sida ama Hanti dhowraha Guud ee Qaranka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Beesha Sacad oo ka gadoodsan xil la’aanta ayaa dhawaan kulan la qaatay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha oo ay kala hadleen helida xilal hor leh oo ay ka helaan DFS.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa Beesha u balanqaaday inay heli doonaan wixii ay xuquuq u leeyihiin oo dhanka Siyaasada ah.

Labada mas’uul iyo mas’uuliyiinta Beesha ayaa ku balamay in laga jawaabayo dalabka, isla markaana lasiin doono labada xil midkood.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa ku guda jira maalmaha xil magacaabida, waxaana la saadaalinayaa in beeshaani ay kamid noqon doonto beelaha kale ee xilalka heli doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Farmaajo iyo odayaasha Hawiye oo ka dooday xiisad ka taagan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in kulan khaas ah uu dhexmaray Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Odayaal ka kala tirsan beelaha Hawiye.

Madaxweynaha iyo Odayaasha ayaa kawada hadlay xalada uu ku jiro dalka iyo Ololaha Hub ka dhigista ee galaaftay nolosha dhowr Askari oo ka tirsan ciidamada dowlada oo la doonayay in Hubka laga dhigo.

Madaxweynaha ayaa Odayaasha sharaxaad kasiiyay Barnaamijka Hub ka dhigista iyo sida uu ku bilowday, waxa uuna tilmaamay in Barnaamijkasi uu yahay mid ay si wada jira u fulinayaan ciidamo isku dhaf ah.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in Barnaamijkasi uu yahay mid loola gol leeyahay xasilinta magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in amarka howlgalkaasi uu yahay mid kasoo baxay Xafiiskiisa, sidaana ay ku dhaqan galiyeen Hay’adaha amaanka.

Waxa uu Odayaasha ka dalbaday inay ka shaqeeyan amniga, isla markaana taageeran Barnaamijka Hub ka dhigista.

Sidoo kale, Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa Madaxweynaha ka dalbaday in wax laga bedelo qaabka uu ku socdo Barnaamijka Hub ka dhigista waxa ayna cadeeyen inuu ka dhalankaro amni darro ka duwan tan hadda ka jirta dalka.

Waxa ay tilmaameen inay muhiim tahay in la dib dhigto howlgalka Hub ka dhigista isla markaana lagu hormaro wacyi galin si aanu u dhicin dhibaato.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa Odayaasha ku adkeeyay in dhankooda ay ka raacan howlaha socda, ama ay Hubka ka dhigaan Carruurtooda si uu dalka u xasilo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa kusoo kordhay Khilaafka hawada ee u dhexeeya DF iyo Somaliland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu sii kordhaayo khilaafka ka taagan Hawada Somalia iyo maamulka Somaliland.

Maamulka ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay ka shaqeyneyso in Hawada Somaliland laga maamulo gudaha Somalia.

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Maamulka Soomaaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in DFS ay dhinacyo badan u martay sida Hawada Somaliland looga maamuli lahaa magaalada Muqdisho.

Wasiirka waxa uu sheegay inay adkaan doonto in Hawada Somaliland lagu wareejiyo dowladda Somaaliya, waxa uuna cadeeyay in si hordhac ah ay DFS ka shaqeysay in lagu wareejinayo Hawada.

Waxa uu tilmaamay in Somalia loo go’aamiyay in maamulka Hawada lagu wareejiyo kadib shirar badan oo lagu qabtay qaar kamid ah Wadamada Caalamka, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Maamulka Soomaaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in marnaba Maamulka Somaaliland uu aqbali doonin in Hawada Soomaaliya lagu wareejiyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray Wasiirka in Somaliland ay tahay mid kol hore Go’aan ka qaadatay arimaha Somalia isla markaan ay tahay dowladd Gooni ah wax kastana u madaxbanaan awoodna u leh in ay Hawadeeda Maamulato.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa cod dheer ku sheegay inaanu waxba ka khuseyn go’aanada ay dajineyso DFS, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somaliland ay sii wadi doonto talaabada ay ku maamulaneyso Hawadeeda.

Dhinaca kale, DFS ayaa qaadatay go’aan ay dib kula soo laabaneyso Hawada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa ka hirgalay go’aankii Kheyre ee ciidamada milateriga looga saarayay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa bilaabay in magaalada Muqdisho laga daadgureeyo ciidamada Militeriga ee ku dhex sugan magaalada.

Taliska ayaa ciidamada dib ugu celinaaya furumaha dagaalka ay ku qoran yihiin, halka qaarna la geeyay deegano hoostaga Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada laga daad gureynaayo magaalada ayaa waxaa ka madaxbanaan kuwa aan diiwaan gishneyn ee ku labisan dareeska ciidamada.

Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada ayaa sheegay inay bilaaben dhaqdhaqaaq ay ciidamada uga sarayaan magaalada si loo kala saaro kuwa ku labisan dareeska ee u diiwan gishan Wasaarada iyo kuwa aan u diiwaan gishneynee Hubka wata.

Wasiirka waxa uu ciidamada ugu baaqay inay u hogaansamaan amarka Taliska, waxa uuna ku taliyay in ciidamada Hubeysan kana tirsan Taliska aysan Hubka ku dhexqaadan magaalada.

Waddooyinka magaalada ayaa waxaa iminka kasii yaraanaya ciidamada ku labisan dareeska ee Hubka wata.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan Ra’isul wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ay soo saaren qodobo dhowr ah oo lagu xasilinaayo magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray Mahdi iyo guddiga arrimaha badaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guleed ayaa maanta kullan khaasa la qaatay Guddiga Arrimaha Badaha Somalia.

Ra’isul wasaaraha ayaa warbixino ka dhageystay Guddiga waxa ayna si qoto dheer uga warbixiyeen xaaladda aminiga, kheyraadka iyo maamulka Badda.

Wasaaradaha Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, ayaa ugu badnaa mas’uuliyiinta ka xog waramay howlaha ay wadaan.

Wasiirada ayaa ka hadlay fulinta go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee la xiriiray arrimaha badaha, gaar ahaan kuwa mudnaanta u leh dawladda Soomaaaliya.

Wasiirka Kalluumeysiga Mudane C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa ka hadlay arrimaha kaluumeysiga sharci darrada ah, waxana uu soo hadal qaaday shir looga hadlayay arrimahaas oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles oo baaqday, isagoo tilmaamay in arrimihii uu shirkaas u baaqday ay kala xaajoonayaan cida ay quseyso isla markaana uu dhawaan qabsoomi doono shirku.

Marwo Maryan Aweys oo ah Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, ayaa Madasha kusoo bandhigtay sidii loo dhameystiri lahaa turjumidda iyo meel marinta sharciga Badda oo muhiimad weyn u leh dhaqan galkiisa dalkeena.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, waxa ay Wasiirku ka codsatay in la dadajiyo loona fududeeyo Wasaaradda wax walba oo gacan ku siin kara sidii uu sharcigani u noqon lahaa mid dhameystiran.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guleed, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto Kheyraadka ku jira, sidoo kalena loo dadajin lahaa dhismaha ciidanka Ilaalinta Xeebaha ”Coast Guard”.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxa uu intaa raaciyay in Wasiirada laga doonaayo warbixino kaafinkara dowlada, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah lagu soo gudbiyo qeybaha dhiman ee warbixinada.

Sawirro: Muxuu ku saabsanaa kulanka Muqdisho ku dhexmaray Kheyre iyo haweenka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la qaatey qaar kamid ah Haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna kala hadley qaabkii la iskaga kaashan lahaa shaqada dalka ka socto haweenkuna ay qayb tooda uga qaadan lahaayeen howsha Qaran.waxaana kulankan soo qaban qabiyey Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah Haweenkii ka soo qayb galey kulanka ayaa cadeeyey inay garab taagan yihiin dowlada isla markaan ay ka qayb qaadanayaan dib u dhiska dalka iyo xasilinta amniga,waxeyna ku dhiiri galiyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumadiiisa sida dardarka leh ee ay shaqada u wadaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaaa sheegey in Haweenku ay yihiin laf dhabarka bulshada sidoo kalena ay u nugulaayeen dhibaatooyinkii ka dhici jirey dalka kuwaasoo ay goob joog u ahaayeeen ,sidaas dardeedna loo baahan yahey inay hurmuud u noqdaa sidii loo wacyi galin lahaa dadka taasin ay fududayneyso in bulshada la fahansiiyo muhiiimada dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamey in Haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin a dib u dhiska dalka iyo soo celinta sharftii ay la haayeen dadka Soomaliyeed,waxuuna uga mahed celiyey xiligii uu dalku ku jirey burburka sidii ay Hawenku iski xilqaameen una bad baadiyeen qaybaha kala duwan ee shacabka.

“Waan la soconaa dhibaatooyinka ay la kulmaan haweeenka Soomaaliyee oo ay ugu horeyso Kufsiga iyo in mararka qaar la dulmiyo wixii ay xaq u lahaayeenn, balse waxaaa looga baahanyahey Haweenkeenu iney is abaabulaan una diyaar garoobnaan dib u dhiska dalka bulshadana ay ku dhiri galiyaan iney aamniaan dolwadooda si loo gaaro horumar iyo nabad”ayuu yir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Kulankan waxuu qeyb ka noqonayaa shirar gooni gooniya oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu la yeelanayey qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si uu ula wadaago talooyinka dalka.

DHAMAAD

Ciidamada hub ka dhigista iyo ciidamo kale oo caawa ku dagaalamay Muqdisho + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo kawada tirsan dowlada Federaalka ayaa Caawa ku dagaalamay agagaarka beerta Jaadka ee Degmada Hodan.

Israsaaseynta ayaa u dhexeysay ciidamada Hub ka dhigista iyo ciidamo kale oo ka tirsan Militeriga.

Israsaaseynta ayaa timid kadib markii ciidamada Hub ka dhigista ay weerar ku qaaden bar ay ku sugnaayen ciidamada Militeriga oo la qorsheynaayay in Hubka laga dhigo.

Israsaaseynta ayaa waxaa ciidamada Hub ka dhigista looga dilay ilaa laba Askari halka Seddex kalane laga dhaawacay.

Labada Askari ayaa waxaa dilay ciidamada Militeriga oo markii hore ka feejignaa weerar Hub ka dhigis ah oo kaga imaada ciidamada xasilinta magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, weerarkaani ayaa kusoo beegmaaya xili maanta ay ciidamada Xasilinta magaalada Muqdisho weerar ku qaaden ciidamo kale oo ku sugnaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Fahad Yaasiin oo berri loo magacaabayo agaasimaha madaxtooyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia dib ugu soo noqday Weriyaha Siyaasiga isku bedelay Fahad Yaasiin oo saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Fahad Yaasiin oo waayadani ku maqnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la sheegay in imaanshihiisa ay timid kadib markii uu u yeeray Madaxweynaha Somalia.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in ujeedka soo laabashada Fahad Yaasin ay la xiriirto magacaabida xil cusub, oo beri loo magacaabi doono.

Fahad Yaasiin ayaa lagu wadaa in loo magacaabi doono xilka Agaasimaha Madaxtooyada, waxaana la sheegay in magacaabida xilkaani ay ka danbeysay kadib markii uu sheegay inuu shaqada ka tagayo agaasimaha hadda jira ee Abuukar Baale.

Abuukar Baale ayaa isla berri loo magacaabi doonaa safiirka Soomaaliya ee xarunta QM ee magaalada New York.

Fahad Yaasiin ayaa kamid ahaa shaqsiyaadka Madaxweynaha ku garab istaagay doorashada, waxa ayna hadal heynta ugu badan ay tahay in xiligii doorashada uu ahaa mas’uulkii Farmaajo u qaabilsanaa dhaqaalaha ololihiisa oo markii danbe guusha isku bedelay.

Magacaabista ayaa lagu dhawaaqi doonaa beri, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Akhriso: Farmaajo oo Guddi Khubaro ah u xil saaray xaalada dhabta ah ee Maxaabiista

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Guddi u xil saaray la socodka xaaladaha ka jira Xabsiyada dalka.

Madaxweynaha ayaa Gudigaasi ku amray inay kasoo tallo bixiyaan Xaaladaha ka taagan Xabsiyada dalka uu ugu horeeyo Xabsiga Dhexe magaalada Muqdisho.

Guddigaani oo u badan Khubaro ayaa qiimeeyn iyo tiro koobka ku sameyn doona Maxaabiista ku xiran Xabsiyada,waxa ayna dib u baarayaan kiisaska ay u xiran yihiin Maxaabiista.

Muxuu heshiiska Gaas iyo Xaaf ka badali karaa colaada waqtiga dheer ka jirtay Gaalkacyo?

Cadaado (Caasimadda Onlin) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmududg Cabdiweli Gaas iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday Magaalada Cadaado ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Galmudug.

Cabdiweli Gaas oo u tagay Cadaado inuu ka qeyb galo xafladda caleema saarka Madaxwene Xaaf ayaa kulan khaas ah la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxayna ka wada hadleyn qaabka ugu fudud ee xal loogu heli karo colaada waqtiga dheer ka taagan Magaalada Gaalkacyo oo ay kawada arrimiyaan labada Maamul.

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay inay si wada jir ah uga qeyb qaataan xal u helida colaada Gaalkacyo ee dhowr mar soo noq noqotay.

Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Xaaf ayaa si wada jir ah u sheegay inay sameynayaan ciidan isku dhaf ah oo ka shaqeynaya nabadgalyada magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxay isla garteen inay labadooda maamul ay ka shaqeynayaan deris wanaaga iyo sidii reer Gaalkacyo ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.

Haddaba dadka aadka ugu dhuun u duleelo colaada Magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay waxa heshiiska labada Mas’uul ka badali karto.

Waxay saadaaliyeen in Labada Mas’uul ay horumar iyo heshiis taariikhi ah ka gaari karaa Magaalada Gaakacyo iyadoo loo sababeeyey arrimaha soo socdo:

1)  Xaaf oo ah Mas’uul da’ ah isla markaasna soo joogay waqtiyadii dhibaatada Soomaaliya, haddana diyaar u ah inuu sumcad ka dhex abuurta dadka Reer Galmudug iyo Puntland.

2) Colaada Gaalkacyo oo waqti dheer qaadatay iyo labada shacab oo u bislaaday Nabadda.

3) Go’aanka Madaxweyne Farmaajo iyo ballan qaadkiisa oo ahaa inuu xal waara ka keeni doono Gaalkacyo.

Waxaana la filayaa in dhawaan labada Mas’uul ay isugu imaadaan Magaalada Gaalkacyo oo ah meesha ay ka taagan tahay colaada si loo baabi’iyo xeen daabka Magaalada Saaran.

 

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

Sawiro: Gaas iyo Xaaf oo ka hadlay heshiiska ay gaareen iyo qorshahooda cusub

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegeen  in la gaaray xilligii la soo afjari lahaa colaadaha ka jira deegaanno ka tirsan gobolka Mudug kuwaas oo mararka qaar dhex mara ciidamo kala taabacsan labada maamul.

Axmed Ducaale Xaaf iyo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa socdaal ay ugu magac dareen socdaalka adkeynta nabadda waxay ku dhex mareen magaalada Cadaado ee caasimadda Galmudug.

Cabdiwali Gaas oo ugu horreyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ay kawada hadleen nabad ku soo dabaalidda gobolka Mudug si bulshada ay kalsooni ugu wada noolaadaan.

“Waxaan rabaa inaan halkani ka caddeeyo, waxaan rabnaa inuu dhulkani uu nabad ahaado Soomaaliya nabad bay u baahantahay, madaxweyne Xaaf waxaan ka wadahadalnay inaan kawada shaqeyno nabadda”.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf waxa uu dhankiisa sheegay inay la xisaabtami doonaan cid kasta oo ka shaqeysa hurinta colaad ku soo laabata magaalada Galkacyo iyo deegaannada kale ee gobolka Mudug.

“Waxaa rabaa inaan aad uga hadlo hadda waxaan dhex taagannay bartamaha magaalada Cadaado waana nabad, umadda reer Galmudug iyo reer Puntland waxaan idiin sheegeynaa aniga iyo Cabdiwali shacabkeenow israaca isku calool furnaada wixii dhiba way joogsan doonaan”.

Hadalkaan ka soo baxay hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland  waxa uu rajo galinayaa shacabka ku nool deegaannda gobolka Mudug oo xilliyada qaar marti galiya isku dhacyo dhex mara ciidamo kawada tirsan labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

Xogo dheerad ah oo laga helaayo Dagaal ka dhashay Hub ka dhigis oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal qaraaran oo u dhexeeyay ciidamada xasilinta Caasimada iyo maleeshiyaad Hubeysan.

Dagaalka oo qaatay muddo ku dhow saacad ayaa waxa uu ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ciidamada Xasilinta Caasimada ay isku dayeen in ay hub ka dhigis ku sameeyaan ciidamo ku sugnaa degmadaasi.

Ciidamada xasilinta Caasimada ayaa rasaas ooda uga qaaday labo askari oo diiday inay hubka dhigaan.

Rasaastii hore oo ay is weydaarsadeen labada dhinac ayaa waxaa kusoo baxay ciidamo gurmad ah waxaana sidaa kusii xoogeystay dagaalka.

Ciidamada ayaa waxa ay la sheegay in ay diideen in hubka laga qaado.

Rasaasta labada ciidan is weydaarsadeen, ayaa hakad galisay ganacsigii iyo isu socodkii Gaadiidka Suuqa weyn ee degmada Wadajir, waxayna xaaladu markii danbe ku soo noqotay caadi.

Rasaasta ayaa waxaa ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada ammaanka ee xasilinta Muqdisho, halka dadka shacabka ee uu dhaawaca soo gaaray tirro ahaan lagu sheegay laba ruux oo ku sugnaa goob ganacsi.

Dhinaca kale, dadka ku nool Suuq weyn ee degmada Wadajir ayaa waxaa soo wajahday Cabsi weyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiirka haweenka DF oo afganbi ku heysa awoodda R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xil ka qaadis lagu sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka C/qani Sheekh Cumar.

Xil ka qaadista Agaasimaha ayaa waxaa ka taagan dood badan, kadib markii ay xil ka qaadistaasi ku dhaqaaqday Wasiirada Wasaarada Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf oo aan khuseyn awooda xil ka qaadista.

Wasiirada ayaa xilkaasi u magacawday agaasime cusub xili wasiirada kale ay awoodi waayeen inay tallaabadan oo kale qaadaan.

Wasiirada oo adeegsaneysa awoodii loogu tallo galay Ra’isul wasaaraha ayaa waxa ay xilka agaasimaha guud ee Wasaaradeeda u magacawday Deeq Suleymaan Yuusuf oo hore u ahaa agaasimihii madaxtooyada Puntland.

Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa waxaa horay loogu magacaabay Wareegto Ra’isul wasaare, waxa ayna boogtu tahay mid danqaneysa maadaama aan loo marin sharcigii loogu tallo galay xil ka qaadista Agaasimaha.

Awooda Wasiirada ayaa ku eg in Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre ay la wadaagto talo soo jeedin xil ka qaadis agaasime, kadibna Ra’isal wasaaraha ayaa xil ka qaadis iyo magacaabidba ku dhaqaaqi kara, isagoo qadarinaaya soo jeedinta Wasiirka.

Wasiir Deeqa ayaa ka hordhacday Wareegtada ay xilka uga qaaday Agaasimaha waxa ay dhammaan howlwadeenada ku wargalisay inaysan la shaqeyn agaasimihii xilka laga qaaday.

Waxaa arrintaani sharciga u baahan iska indha tiraaya Ra’isul wasaaraha Xukuumada oo ay khuseyso, waxa ayna qeyb ka noqoneysaa sharciga dalka oo noqonaaya la jiifshaa banaan la joojiyaa banaan.

Dhinaca kale, waxa ay talaabada Wasiir Deeqa muujineysaa inay jiraan awoodo dheeri ah oo Xukuumadu siisay Haweenka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro iyo xog cusub: Diyaaradii shirkadda Bancroft ee ku dhacday garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarad maanta ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taasi oo ahayd kuwa yar yar ee loo yaqaan Jet.

Diyaaraddan ayaa la sheegay iney saarnaayeen saraakiil ajaaniib ah, waxaana ay kasoo kacday Ballidoogle, sida ay inoo sheegeen dad ku sugan garoonka Aadan Cadde.

Diyaaradaan ayaa waxaa iska leh shirkadda Bancroft ee qaabilsan la talinta howlaha amniga iyo tababarka ciidamada AMISOM, waxaana shirkaddan leh shaqsiyaad Mareykan ah.

Diyaaraddan waxaa u bixi waayey lugaha, daqiiqado badan ayeeyna dul wareegeysa garoonka, laakiin ugu dambeyn waa ay dhacday, waxaana ka kacay dab, wallow ay si degdeg ah ku gaareen kooxaha damdamiska oo durba damiyey diyaaradda.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in diyaaraddan ay la socdeen Shan ruux oo ajaaniib ah, mana jito wax khasaare ah oo soo gaaray, marka laga reebo waxyeeladda diyaaradda soo gaartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Jawaari oo carro kala dul dhacay Xildhibaanada dhaliila dowlada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka ee sida ba’an uga soo horjeeda dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Jawaari waxa uu sheegay in xiligaani ay u muuqan sabab looga soo horjeesto dowlada, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inaysan aqbali doonin in si maalaayacni ah looga soo horjeesto dowlada.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay ku guda jirto bilihii ugu horeeyay sidaa darteedna uusan garan karin sababta ka danbeysa in laga soo horjeesto dowlada.

Waxa uu sheegay inay dhici karto in la mucaarado dowlada, balse loo baahan yahay in sababta lagu mucaaradaayo ay tahay mid cad oo lagu wada qancikaro.

”Maka soo horjeedno in la mucaarado dowlada, balse waxaan diidanahay in laga hor imaado dowlad ku guda jirta xasilinta dalka oo aan weli dhameysan 6da bil ee ugu horeysa”

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari , ayaa sheegay inay mudan tahay in lagu kalsoonaado dowlada Somalia, waxa uuna shaki galiyay in Somalia ay xiligaani u baahan tahay in dib loogu celsho xiligii ay kasoo gudubtay.

Sidoo kale, Jawaari waxa uu ku baaqay in tabashooyinka Xildhibaanada ay noqdaan kuwo u dhexeeya Madaxda Qaranka iyo Xildhibaanada baarlamaanka, waxa uuna ka digay in waxa ka dhexeeya labada dhinac ay gaaran shacabka.

Haddalka Jawaari ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Federaalka ay wajaheyso mowjado Siyaasadeed oo aysan xamili karin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xaaf: Farmaajo ha soo daayo maxaabiista anigana waxaan bixinayaa diyaarada

Cadaado (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ka dalbaday inuu ka shaqeeyo badbaadinta boqolaalka Burcad-badeed ee ku jira gacanta dowlada India.

Xaaf waxa uu sheegay in isha lagu hayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee Burcad-badeednimada ugu xiran India, waxa uuna ku baaqay in DFS ay arrintaasi kala hadasho dowlada India.

Xaaf waxa uu Madaxweynaha hortiisa ka ballanqaaday inuu bixinaayo diyaarada lagu soo daad gureyn lahaa dhalinyaradaasi ku jira Xabsiyada India.

”Waxaan bixinayaa dhaqaalaha lagu kireynaayo diyaarada lagu soo qaadi lahaa dhalinyaradaasi, waxaan ka danqanayaa cadaabta iyo arxan darada heysata dhalinyaradaasi waan la socnaa in qaarkood ay ku dhinteen Xabsiyada qaarna ay ku naafoowen”

”DFS ayaa ka mas’uul ah badbaadinta dhalinyaradasi waxaan uga fadhinaa inay aqbasho soo furashada dhalinyaradas”

Xaaf ayaa sheegay in la helaayo Xabsiyo ay dhalinyaradasi uga badbaadi karaan dhibta hada ku heysata Xabsiyada India.

Xaaf waxa uu cadeeyay in si ula kac ah loo dilo maxaabiista burcadnimada loogu heysto dalka India.

Si kastaba ha ahaatee, Xaaf ayaa Madaxweynaha ku wargaliyay in wixii wadahadal ah uu isaga khuseeyo, halka diyarada lagu soo qaadi lahaa uu isaga bixinaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

Dagaal ka socdo Muqdisho iyo qorshihii hub ka dhigista oo laga hor-yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda naga soo gaaraya degmada Wadajir ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka socdo degmadaasi Wadajir.

Ciidamo hubeysan iyo ciidamada loogu talo galay xasilinta amaanka caasimada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagaalamayaan degmada Wadajir, waxaana ciidamada hubeysan ay kasoo horjeedaan hub ka dhigista dowladda sameyneyso.

Ciidamada ayaa inta badan waxay maalmahaan hubka ka dhigayeen ciidamada aan dowladda u diiwaan gashaneyn ee hubka ku dhex wata magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka bilowday Suuqa weyn ee degmada Wadajir, waxaana ciidamo halkaasi ku sugnaa ay ka biyo diideen inay hubka dhigaan oo dowladda ay ku wareejiyaan.

Shalay ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan dowladda ay Warbaahinta la hadleen, iyaga oo cabasho ka muujiyay qorshaha hub ka dhigista ee lagu sameynaayo askarta dowladda.

La soco waxii kusoo kordhaa insha allah