27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Farmaajo oo dekedda cusub ee Jabuuti usoo qaatay hal tusaale oo mhiim ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlayey xafladda caleemo saarka madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf ayaa u mahadceliyay baarlamaanka Galmudug sida saxda ah ee ay u doorteen Xaaf, waxaa kale uu u mahadceliyay dadkii uu ka guuleystay madaxweynaha la doortay oo natiijada aqbalay.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug waxaa uu ku sheegay nin magac ku leh ganacsiga oo hadda ku soo biiray siyaasadda, waxaa uu ku dhiirigeliyay in uu u adeego shacabka, xusuusiyana in mas’uuliyadda aaney wax sahlan aheyn.

Mudane Farmaajo waxaa uu Xaaf  kula taliyay in uu wax ka qabto ballan-qaadyadii uu umadda u sameeyay sida Waxbrashada, caafimaad-ka,  amniga, cadaaladda, horumarinta, dhaqaalaga iyo wixii la mid ah.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu xusuusiyay in loo baahan yahay in uu wax ka qabto cadaaladda, dhismaha  xabsiyada si umadda u kala badbaado, waxaa uu jeediyay in laga fogaado khilaafka iyo nin jecleysiga.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ka hadlay khilaafaad ka jira dowladda federaalka ah dhexdeeda, waxaa uu sheegay in khilaaf la’aanta iyo xasiloonida Djibouti ay keentay in uu furo dekad ku baxday 400 Milyan oo ah dekadda 4 jeer ka weyn dekadda Muqdisho.

Waxaa Farmaajo ka hadlay in uu khilaafka dartiis uu u xallin waayey Galmudug iyo Ahlu sunna, oo marka hore uu ka bilaabay heshiisiinta heerka 1aad iyaga oo heerka 2aad marayana ay doorashada dhacday o oo ka gaari waayeey.

Mudane Farmaajo waxaa uu madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug kula taliyay in ay ka shaqeeyaan nabadda, dib u heshiisiinta iyo khilaaf la’aan dowladda dhexdheeda ah, Waxaa uu si gaar ah Xaaf iyo Gaas kula dar-daarmay in ay ka shaqeeyaan isu socodka gobolladaasi.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ka hadlay in dalka Sacuudiga uu ballan-qaaday in Soomaaliya ka hirgelin doono Airport, dhismaha guryaha dowladda, jidad, goobo waxbarasho, caafimaad, amni iyo dhammaan baahiyada jira oo aan xad laheyn

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in 27 sano oo dhibaato ah kadib laga gudbay in xoog kursi lagu yimaado, waxaa uu intaa raaciyay in dalalka Carabta ay hadda Soomaaliya ugu daydaan dimoqoraadiyadda

“2 sano waa yar tahay, 4 sano waa yar tahay” ayaa hadaladiisa ka mid ahaa isaga oo sheegay in loo baahan yahay in dowladda loo adkeysto oo aan wax dumin iyo mooshin lagu boodin, waxaa  Farmaajo ku dooday in Umadda mooshin uma shaqeyno, gaajo iyo cudur uma shaqynaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan dowladda iyo in ay wada shaqeeyaan dowladda federaalka ah iyo dowlad gobleedyada oo taasi ay caalamka arkaan.

Farmaajo oo Xildhibaanada Galmudug uga digay inay arrintaan ku sameeyaan Madaxweyne Xaaf

Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qeyb galay xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa baaq u diray Xildhibaanada Galmudug ee Xaaf u doortay inuu noqdo Madaxweyne.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhawaajiyey in Xaaf si cadaalad ah loo doortay isla markaasna aysan jirin cid qasabtay Xildhibaanada Galmudug sidaas darteedna loo baahan yahay in la iska ilaaliyo dadka ka shaqeenayo mooshinka iyo danaha qabiilka.

“Ummada Soomaaliyeed, maanta qof xoog ku yimid ma jiro, waxaa ugu danbeeyay walaalkay Xaaf, adduunku wuxuu hadda marayaa Soomaaliya in dimoqraadiyadda looga daydo, taasina waxay ku timid waa biseylka shacabka oo diiday inay raacaan ninka qaloocan ee doonaya in qabiil lagu raaco, waxayna doorteen ninka u fiican iyagoo qabiil eegin” ayuu yiri Farmaajo.

Mooshinka ha la joojiyo, waa inaad taageertaan dowladda aad halkan ku doorateen.., waa dowlad shacab, anigana waxaa isoo doortay xildhibaano, xildhibaanaddana rabitaan shacab ayeey ku yimaadeen” ayuu hadalka kusoo gabagabeeyey.

Akhriso: Nuxurka khudbadaha Hogaamiyayaasha M. Goboleedyada ee Caleemasaarka Xaaf

Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa maanta Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Glamudug lagu qabtay xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Xafladan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo), Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, iyo masuuliyiin kale.

Hadaba Halkan waxaan adinkugu soo gudbineynaa Nuxurka Khudbadihii ay jeediyeen Madaxdii ka qeyb gashay xafaladda Caleemo saarka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay marna reer Galmudug in uu yahay marna uu metelayo Caasimada Soomaaliya, oo ku metelayo dhammaan Soomaalida oo dhan.

“Galmudug iyo Banaadir bad iyo beri waa ay isku furan yihiinn, laakiin hada hawada ayaan soo marnay sababo amni ee jira , waana rajeynaya inaan isu gudubno mustaqbalka, dhisida Banaadir oo maqaam buuxa leh, waa shaqo u taal qofkasta oo Soomaali ah” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Guudlawe) “Waxaan Madaxweyne Hambalyo Kaaga sidnaa Hirshabeelle iyo dhammaan shacabkii, aniga iyo wafdiga aan hogaaminayno”

“Xaqiiqdii sidaan wada ogsoonahay dalka Federaalka meel fiican ayuu marayaa, walow aan tebayno in Gobolka Banaadir uu dhiman yahay maqaamkiisii” Ayuu sidoo kale yiri Guudlaawe.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan “Soomaaliya dhibaato badan ayaa ka jirta, dadkoo dhan siday u badan yihiin ma ogi inay Puntland iyo Galmudug ka fakadeene, waxay dadku ku jiraan xabsi kor ka furan”

“kuwa Nabad diidka ah anaga runtii dhibaato ayey noo geysteen, Abaar way dhici jirtay, laakiin dhibaatada ugu weyn waa mida ay iyaga noo geysteen” Ayuu sidoo kale yiri Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan Cadaado joogo oo maanta caleemo saar loogu qabtay Madaxweynihii aan u maleynayo inuu Madaxweynayaasha ugu da’weynaa.

“Waxaa guulweyn ah in la wada joogo oo saaka aan lalaheyn Puntland iyo Galmudug ayaa kala jooga, oo maanta halkan hoolka ah lagu wada jiro, Reer Mudug waxay dhahaan 20-jir Mudug jooga ilaahay ceebtiisa ma asturo”

“Xafladda Caleema saarka waxaa ka muuqda tusaale fiican oo nabadeed, Xaaf waxaan kula dar daarmaya maanta masuuliyada adigay ku saaran tahay, walaalaha Dhuusa-mareeb qofka la rabo inuu u tago gogosha dhigo waa adiga” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) “Sharaf ayey nootahay aniga iyo wafdigayga inaan soo ajiibno casuumaadii aad noo fidiseen, ee ah inaan ka soo qayb galno xafladdan, mudanayaal iyo marwooyin anagu hadaanu nahay Puntland waxaan maanta dalbeynaa, Galmudug oo gudaheeda iyo dibaddeeda nabad lagu wada noolaado.

“Xaaf maalintii la doortay ayuu sheegay, nabada iyo dib u heshiisinta anaguna gacan ayaan ka siinaynaa, Puntland iyo Galmudug wax badan ayey wadaagaan Ganacsi iyo sokeeye iyo isu socod, si taasi u hirgasho waa in colaada la joojiyo, xuduudaha sharciga ahna la ixtiraamo, siyaasiyintana ay ilaaliyaan nabada Gobolka”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) “Anigu halkan waxaan u imid inaan dib u heshiisiin sameeyo, waxaan u imid dhibaatada ka jirta gudaha Galmudug iyo dibadaba inaan xal u helo.

“Waxaa jira dad Abaaruhu saameeyeen Galmudug, Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka iyagana waxaan ugu baaqayaa in ay gacantooda ka geystaan dadka Abaaruhu saameeyeen, sidoo kale xalay waxaa isoo wacay dhallinyaro Soomaaliyeed oo 118 ah oo Hindiya ku xiran, 8-sano ayey xiran yihin, fariintaasi waa idin sheegay wax ha laga qabto, aniguna diyaarada lagu soo qaadayo ayaan bixinaya”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) “Markii aan rabnay inaan heshisiino Galmudug iyo Ahlusuna, intii aanan bilaabin labada dhinac inaan heshiisiino ayaa Guddoomiyihii iyo Gudoomiye ku xigeenkii Baarlamanka Galmudug dhaheen intaan labada dhinac la heshisiin marka hore anaga na heshiiisiiya, markaan heshisiiinay ayaa wakhtiga nagu yaraaday, in aan u gudubno hadana dib u heshiisiinta Ahlu suna iyo Galmudug

Marka Madaxda halkan fadhida ha iska ilaaliyaan khilaafka dhexdooda ah, khilaafka waxaa keena waa dan shakhsiyadeed, waxaan rajeynaya inaan khilaaf ka dhicin Xaaf iyo Baarlamankiisa ka dibna aanu keeno Ahlusunna”

 WQ. Abdirashiid Ali Dubbad
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado

Siilaanyo oo ka dhawaajiyey hal arrin oo ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya

Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka dhawaajiyey hal arrin oo ay wadaagaan Itoobiya iyo Somailand xilli uu ka qeyb qaadanayey hambalyada loo dirayo dowladda Itoobiya iyo shacabkeeda.

Siilaanyo ayaa sheegay in ay taariikh dheer wadagaan Somaliland iyo Itoobiya,isla markaana wakhti isku mid ah iska rideen laba kalitalinimo oo wadankoodda haystay sida uu hadalkiisa u dhigay xilli uu   hambalyo u dirayey dowladda iyo shacabka Itoobiya oo u dabaal degaya sanad guuraddii 26aad ee ka soo wareegtay markii Itoobiya iska xoraysay rajiimkiii dhergiga ahaa ee wakhtigaasi xukumi jiray.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaya afka shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dalka aynu walaalaha iyo jaarkaba nahay ee Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaas, isaga oo madaxweynuhu ku hambalyeynaya sannad guurada 26-aad ee ka soo wareegtay markii ay shacbiga dalka Itoobiya ka guulaysteen rajiimkii dhergiga ahaa ee xiligaasi xukumaayey dalka Itoobiya, marka taariikhda Itoobiya loo noqdana ku beegan xuska 20 guurada loo yaqaan ginbot 2009.”ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay agaasimaha saxaafadda Madaxtooyadda Naasir Yuusuf Daahir.

“Xuska ginbot oo ah maalin taariikhda Itoobiya qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajaynayaa shacbiga iyo dawladda Itoobiya inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul, barwaaqo, iyo Itoobiya oo ka sii horumarta halka ay maanta marayso.”ayuu madaxweynuhu raaciyey.

Madaxweynaha oo ka hadlaya xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya waxa uu yiri “Marka laga yimaado xiriirka saaxiibtinimo, iskaashiga nabadgelyada, ganacsiga, iyo deris wanaaga ee Itoobiya inaga dhexeeya waxa hubaal ah oo aynu wadaagnaa taariikh ma guurto ah oo ah in aynu isku wakhti ama rubuc qarniba aynu wada xusaynay taariikh mataano ah oo shacbiga labada dal ay kaga hoos baxeen gacantii keli talisnimada ee militeriga ahayd ee Mingiste Hailemariam iyo Maxamed Siyaad Barre oo ay hadda ka soo wareegtay 26 sanno markii xukunka laga tuuray.”

Hadalka Siilaanyo ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay Somaliland share ka siisay lacagta kasoo xarooto Dakadda  Berbera taasoo noqotay mid aad loola yaabay inkastoo ay Somaliland marmarsiiyo ka dhigatay in shirkadda lagu wareejiyey qandaraaska Dakadda Berbera ay iyada Share-ka siisay Itoobiya.

Sawirro: Maxaa ka mid ahaa qodobadii xasaasiga ee golaha wasiirada ka doodeen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan khaas ah oo ay uga wada hadlayeen arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’isal wasaare ku-xigeenka Xukuumada Mahdi Maxamed Guuleed ”Khadar”, waxaana ka mid ahaa qodobada looga hadlay kulanka dardargelinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dardar galiyo dhammaan sharciyada dalka, waxa uuna sheegay in fulinta iyo dardar galinta ugu badan ay tahay mid dusha ka saaran Wasiirada.

Khadar, ayaa sheegay in hirgalinta sharciyada dalka ay yihiin kuwo hirgalinteeda looga fadhiyo Golaha Wasiirada waxa uuna ku baaqay in wax waliba sidii loogu talo galay loo sameeyo.

Golaha ayaa dhageystay warbixino ku aadan shuruucda ay gacanta ku hayaan Wasaaradaha qaar si loogu sii diyaar garoobo oo Golaha Wasiirada ay u ansixiyaan ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka.

Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin.

HOOS KA AKHRISO HINDISE SHARCIYEEDYADA

1- Isgaarsiinta

2- La-dagaalanka Musuq-maasuqa

3- La-dagaalanka Argagaxisada

4- Runta & Dib u Heshiisiinta

5- Dowladaha Hoose

6- Dambiyada Kufsiga

7- Muwaadinimada

8- Dadka Baahiyaha Gaarka qaba

9- Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada

10- Badda

11- Kheyraadka Biyaha

12- Tamarta

13- Maareynta Maaliyada

14- Istaatiistikada

15- Xeerka Saxaafada

16- Waxbarashada

17- Nidaamka Hay’adaha Samafalka

18- Sharciga Beeraha

19- Gudiga Muftida Culumada

Shuruucda ay iminka gacanta ku hayaan Wasaaradaha qaar, ayaa si wada jira ay u meel marin doonaan Wasiirada, waxaana intaa kadib la marin doonaa Golaha Shacabka BFS.

Farmaajo oo markii ugu horeysay ka degay Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin oo ka qeybgali doona munaasabada Caleemasaarka Hogaamiyaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa kamid ahaa Wafdiga Madaxweynaha, waxa uuna ka qeybgali doonaa Caleemasaarka.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Cadaado ugu sii diyaarsanaa Hogaamiyaha maamulka Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo Xubno ka tirsan wakiilada Beesha Caalamka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeedin doono Caleemasaarka, waxa uuna sifeyn doonaa sida ay u garab taagan yihiin maamulka Galmudug.

Dhinaca kale, waxaa caleemasaarka khudbad ka jeedin doona Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ee xaadirka ku ah magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

Sawirro: Axmed Madoobe, Gaas iyo Keating oo hal mar ka dagay Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Cadaado gaaray Hogaamiyayaasha Puntland iyo Jubbaland, waxaana lagu wadaa inay ka qeybgali doonaan munaasabada Caleemasaarka Hogaamiyaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Labada Hogaamiye ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Wafdiga ka qeybgalaaya caleemasaarka ayaa waxaa Garoonka ugu diyaarsan Hogaamiyaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kuxigeenkiisa iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku soo dhoweeyay wafuuda.

Sidoo kale, waxaa goor dhow gaaray Cadaado Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Waxaa la filayaa in goordhow ay gaari doonaan Safiiro kale oo iyagu qeyb ka noqon doona caleemasaarka.

Xildhibaano is baheystay oo carqalad ku haya guddoomiye Taabit

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Tabit Cabdi uu qaati ka taagan yahay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanadani oo Seddexdii maalin ee ugu danbeysay ku sugnaa Xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa cabasho ka muujinaaya hanaanka maamulka uu u qeybiyay Degmooyinka.

Xildhibaanada qaar ayaa dadaal ku bixinaaya in wax laga bedelo degmooyinka qaar, halka qaarna ay soo jeedinayaan in Degmadooda loo magacaabo shaqsiga ay iyaga wataan.

Xildhibaanada qaar ayaa aad u dhaliilsan Guddoomiyayaasha uu magacaabay Tabit Cabdi kuwaa oo lagu eedeeyay inaysan aqoon u laheyn howsha ay hayaan.

Xildhibaanada ayaa dalbanaaya in Guddoomiyaha Gobolka Tabit uu la imaado dib u daraaseyn waxa ayna ka biya diidan yihiin ilaa afar Guddoomiye Degmo oo aan magacaabidooda munaasib aheyn xiligaani, sida ay qabaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Tabit Cabdi, ayaa ka biya diidan inuu wax ka bedelo go’aanka magacaabida, waxa uuna tilmaamay in Wasaarada arrimaha Guddaha ay la qabto go’aanka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda labada Gole ee DFS ayaa ku caanbaxay faragalin iyo carqaladeyn ay ku sameeyan maamul waliba oo goortaa dhisan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo: Maxaad kala socotaa sababta uu xildhibaan C/qaadir Ibraahim ku waayay xilkiisa?

Kismaayo (Caasimada Online) – Kulan ay shalay magaalada Kismaayo ku yeesheen Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa xilka Xildhibaanimo looga qaaday laba Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka.

Labada Xildhibaan ee xilka laga qaaday ayaa waxa ay xilkooda ku waayen dhaliilo dhanka shaqada ah oo ay u jeediyeen Hogaamiyaha maamulka Axmed Madoobe.

Xildhibaan C/qaadir Ibraahim Cali iyo Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa si rasmi ah loo go’aamiyay inay waayen xilalkooda kadib dhaliisha ay u jeediyeen Hogaamiyaha maamulka.

Xildhibaanada xilalka waayay ayaa Hogaamiyaha ku eedeeyay inaanu daacad ka aheyn howlaha uu u hayo maamulka, isla markaana uu ka macaashayo kheyradka deegaanka ee uu la wadaago dowladaha deriska la ah maamulka.

Dhaliilaha Xildhibaan C/qaadir Ibraahim Cali ayaa waxaa kamid ahaa in Maamulka Jubbaland uu noqday mid aan baahin oo ku soo koobnay xuduudaha Kismaayo.

Dhaliisha uu xilka ku waayay ayaa waxaa kamid ahaa in Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu dadka u adeegsado ciidamo ku heeb ah.

Waxa uu sheegay inaanu jirin qalbi jileec haba yaraatee ku jira Hogaamiyaha maamulka, waxaana dhaliishaasi xigay xil ka qaadis.

HOOS KA DAAWO Xil. CABDULQADIR OO KA XOG WARAMAAYA XAALADA JUBBALAND

Xabsiga magaalada Burco oo laga daad gureynayo meydad iyo bukaano

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen ilaa laba ruux.

Labadani ruux ayaa ku dhintay Xabsiga weyn ee Magaalada Burco, waxaana la tilmaamay inay sababsadeen xanuunka Shuban Biyoodka.

Goobaha caafimaadka ayaa waxaa sidoo kale saaka la dhigay inkabadan 52 Ruux oo kamid ahaa maxaabiista kuwaa oo uu ku dhacay xanuunka shuban biyoodka.

Saraakiisha Xabsiga Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa saxaafada u xaqiijiyay in labo ruux ay Xabsiga ugu dhinteen Xanuunka Shubanka.

Waxa ay sheegen inay suuragal tahay in maxaabiis kale ay maraan wadadaasi, haddii aan xal loo helin.

Si kastaba. Saraakiisha Xabsiga ayaa iminka ku howlan daad gureynta meydadka iyo bukaanada kale ee ku dhex xanuunsaday Xabsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo ka hadashay sababihii Turkish Airline ugu soo dagi weysay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay sababa keenay in diyaaradda Turkish Airline ay uga soo dagi weysay seddexdii maalin ee lasoo dhaafay.

Wasiirka duulista Hawada Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha isaga oo agtaagan duuliyihii diyaaradda iyo agaasimaha hay’adda saadaasha hawada ayuu ka hadlay waxyaabaha keenay in diyaarada ay soo cago dhigan weydo Muqdisho seddexdii maalin ee lasoo dhaafay.

Wasiirka ayaa sheegay in cilad aysan jirin balse ay jireen dabeylo badan oo sababay in diyaarada ay soo dagi weyso maadaama siyaasada u degsan diyaarada ay tahay inaysan ka dagin garoon dabeylo badan ay ka jiraan.

“Diyaarada Turkish Airlines waxay u sii degi weyday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxay aheyd kaliya dabeysha oo xadkii loo ogolaa inay diyaarada ku soo degto ka badneyd, marka diyaarada dageysa dabeyl ayaa gadaal kaga soo dhacda, hadii ay dhaafto xawaaraha ama xadkii loogu tala gala, looma ogola inay degto”ayuu yiri Wasiirka.

“Waa sharci u yaala shirkadda Diyaarada, mana ahan mid quseysa Garoonka Muqdisho, waxay quseysaa meel kasta oo ay tagto Turkish Airlines, waa wax maalmihii la soo dhaafay dhacayay, waa wax mar kasta dhici kara, garoomada Caalamka ee ay ka degto Turkish Airlines ayay ka dhacdaa”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad.

Diyaaradda Turkish Airline ayaa maalintii afaraad ee shalay aheyd kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wax badan ka ogow isbadalada dhaqaale oo ay soo kordhisay dowladda Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dardargelinta kordhinta dakhliga dalka iyo la dagaalanka musuqa ayaa dowladan u ah hal u dheg, si taas oo looga dhabeeyo ayaa Wasiirka Maaliyadda waxa uu maalmahan kormeero is daba joog ah ku sameeyay ilaha dhaqaalaha Dalka gaar haan Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo qaar kamid ah howlwadeenada ayaa kormeer ku tagay Dekadda Magaalada Muqdisho, iyagoona u kuurgalayay sida ay uga socoto howsha ku aadan Dajinta Badeecadaha iyo ururinta Canshuuraadka.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in kormeekoodu uu ku qotomo dhiirigelinta shaqaalaha iyo ilaalinta Amaanada dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, waxayna intaasi raaciyeen inay si qoto dheer ugu kuur-galeen qaabka shaqaalaha u shaqeynayaan iyo sida ay canshuuraha u qaadaan.

Wasiirka ayaa intii uu joogay halkaasi la kulmay Shaqaalaha Dekadda wuxuuna kala hadlay arrimo muhiim ah oo u badan in la tayeeyo howsha ka socota Dekadda Magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in dowladda xuquuqda Shaqaalaha ay joogteyn doonto, si gaarana loo qiimeyn doono dadka waqtiga dheeriga shaqeeya, wuxuuna ugu dambeyn ku dhiirigaliyay shaqaalaha in ay ku dulqaataan duruufaha dalka ka jira iyo Dakhliga dowlada oo yar.

Madaxda sare ee ka socoto Wasaaradda Maaliyadda oo uu horkacayo Wasiir Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaa kaloo ay kormeer howleed ku sameeyay qeybta canshuuraha ee Garoonka Aadan Cadde, isagoo kulan la yeeshay Madaxda iyo shaqaalaha waaxdaasi, wuxuuna u sheegay in shaqaalaha looga baahan yahay in ay ka soo dhalaalaan waajibkooda Qaran, isla markaana xuquuqdooda loo dhameystiri doono.

Waaxda furdada ee garoonka Aadan Cadde ayaa dhowaan Maamul cusub loo sameeyay, iyadoo Madaxda cusub ay sheegeen in ay maalintii ka soo xareeyaan qeybtaas 70,000 $ (todobaatan kun oo doolar) halka maamulkii ka horeeyay ay keeni jireen lacag u dhaxeysa 30-40 kun oo doollar, Wasiir Beyle ayaa sheegay in Dakhliga ka soo xarooday Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha ay uu dhan yahay 90%, halka markii hore ay ka soo xaroon jirtay 10%, taasi oo ku timid dadaalka, daba-galka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa ay ku guda jirto Xukuumadda.

Wasiirku goobaha uu kormeeray waxaa kaloo ka mid ah Xaruunta Hogaanka ilaalinta Canshuuradka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taasoo loogu talagalay inay ilaaliso Canshuuraha Dalka meelaha laga soo aruuriyo, waxayna ujeedku nahaa ayaa sidii loo dar dargalin lahaa aruurinta Canshuraha.

Masuulayiinta ayaa waxaa ku soo dhaweyay Xaruurntaasi Taliyaha Hogaaanka Canshuruaha iyo Sarakiil ka tirsan Ciidanka iyagoo ugu warbaxiyay howlaha ay hayaan iyo halka ay mareeyso, iyadoo Wasiirku Ku-xigeenka Wasaarada Maaliyada Mudane Cabdulaahi Sheikh Cali uu sheegay in loo baahanahay in la xooojiyo qaabka loo aruuniyo Cansruuaha, wuxuuna yiri:“Dowlada waxaa ka go’an sidii wadanka loo gaarsiin lahaa horumar wanaagsan taasina waxaa lagu gaari karaa in aan xil iska sarno canshuurahana si wnaagsan loo qaado waa mida kaliya ee dalka lagu horumarin karo”Ayuu yari Wasiirka Qaloocow .

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomalaiya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xil layska saaro aruurinta canshuuraha, wuxuuna taa ka taa ka yiri: “Waa in la xoojiyo shaqada canshuur ururinta, taasi oo ah mid muhiim ah waana in ay ka dhaxeyso wada shaqeyn adiginka iyo shaqaalaha Wasaarada Maaliyada u xilsaaran canshuur arriinta guda jiro. Shacabka canshuru baxiyaasha ah in si wanaagsan loola dhaqmo loona isticmaalo lacagaha sida loogu talagalay”ayuu yari.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyada ayaa hooska ka xaqiiray in hoggaanka ilaalinta canshuuradadka ciidanka booliska shaqadooda loo madax banaaneeyo, wuxuuna arrintasi mka yiri: “Waa in loo dhaafo shaqadooda ciidnaka ilaalinta canshuraha Booliska shaqadoooda waxyaabo kale oo ka baxsan shaqadooda inaa loo dirsan, loogaga baahan yahay in ay shaqadooda xoojinayaan”.

Dhinaca kale Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay mushaaradka bil wlabo joogta u baxiso,sidoo kale muhiimad gaar ah la siiyo sugida amniga oo muhiim u ah dalka iyo korarka dakhliga wadanka, wuxuuna yiri: “xukuumada way ka go’an tahay in ay ay idin siiso mushaaraadkiina waana joogto amniga qeyb muhiim ah ka yahay xasilada dalka isla amrkaana qarshaaad loo helo. Si wadankeena xasilooni amni u helo sida aan ogtahiin dalkeena waa hodan waxaa ku jira kheyraad fara badan waxaana muhiiim ah inaa ka faa’iidesano”.

Shalay ayay aheyd markii uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda sheegay in dowladda Soomaaliya ay sameynayso qorshaha Canshuuraha looga soo aruurinaayo Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Shacabka Soomaaliyeed iyagoo qanacsan laga soo qaadaayo Canshuuraha ,islamarkaana dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in caddeyso lacagtaasi Dadweynaha laga soo aruuriyay halka ay ku baxday.

Mudane Beyle ayaa sidoo kale waxaa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Canshuuraha bixiyaan ,si dalka horumar looga gaarsiiyo, wuxuuna u iftiimiyay Bulshada Soomaaliyeed kheyraadka ku jira Soomaaliya, isagoona xusay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Adduunka ugu kheyraadka badan.

Masuulayiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa maalmahaan dadaalo xooggan ugu jira sidiii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Wadanka iyo sidii dadka Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa in ay bixiyaan Canshuruaadka, waayo Canshuurta oo si wanaagsan loo bixiyaa, waxay dabooli kartaa baahida Xukuumadda.

Qallinka: C/llaahi Ruush

Doorkii xalka ee urur diimeedka Al-Saadicuun-Bilxaq waa la gees maray

Nabdaadsho iyo nabad idilkeenba, Alla-weyne naxariistiisa guud iyo raxmaadkiisa gaarka ahba ha inugu manaysto dhamaanteen, Soonka bishan ramadaana dembi dhaaf iyo janno ha inoogu bedelo, intaas kadib, maahmaah Somaali ah ayaa ah “Aqalkaaga hortiisana ood baa la dhigtaa,  Hadalkaaga hortiina afeefbaa la dhigtaa”, shaqsi  ahaan aqoon durugsan uma  lehi diinteena Islaamka, inkasta oo ay dhamaanteen waajib la inooga baahanyahay tahaya barashada iyo kudhaqanka diintu, sidaas oo ay tahay, waxaan qodobo aan badnayn kaga hadli doonaa, Xadhiga xubno kamid ah urur diimeed wakhti aan fogeyn lagaga dhawaaqay Magaalooyin Hargeysi kamid tahay, inkastoo aanan  wakhtigii loo baahnaa kusoo beegin, isla markaana ay dameen ama dadka intooda badani iskaba ilaaween duufaanadii xambaarsanaa  arimo diinta u gaar ah ee ku dhuftay qaar kamid ah magaalooyin waaweyn oo Somaalidu degto, haddan weli waxaa jira qodobo aan lugu ilaawi Karin oo dhawr ah, sida xubnihii Hargeysa ee ururdiimeedka Al-saadicuun bilxaq oo weli ku jira xabsiga iyo culimadda waaweyn ee dalka intooda badan oo aan dadka ka shaafin ama kala hadlin arimo khuseeya ururkan iyo fikraddaha uu xambaarsanyahay, taasina waa mida igu dhalisay in aan qoraalkan kooban fikir ahaan ka qoro xubnahaas iyo xadhigooda.

Hordhac iyo afeef kadib, waxay taariikh ahaan ku beegnayd 04-04-2017-ka markii ugu horeysay ee urur diimeed cusub lagaga dhawaaqay magaalooyin ka kala tirsan dalalka Masar, Liibiya, Soomaaliya, Somaliland iyo meelo kale, isla wakhtigaas lugu dhawaaqayna waxaa lugu sheegay in magaca urur diimeedkani yahay “Al-saadicuun Bil-xaqi” ama “Kuwii xaqa u istaagay”, hal mar waxaa isla kacay shacbiga dalalkaas lagaga dhawaaqay, laakiin arinta layaabka noqotay ayaa ah in xubnaha guud ahaan ku dhawaaqay ururkan Al-saadicuun bil-xaq ay yihiin kuwo si fiican looga yaqaano waddamada iyo deegaanadda ay kasoo jeedaan,  tusaale ahaan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa xubnaha ururkan ku dhawaaqay waxay ahaayeen niman magac iyo aqoon leh oo inta badan bulshadu taqaano, kuwo ku takhasusay cilmiga Caafimaadka, cilmiga Injineernimadda, Macalimiin iyo aqoonyahano jaamacaddaha wax kadhiga. Iyadda oo taasi jiro, aan usoo daadego xubnaha sida gaarka ah qoraalkan aan kaga hadlaayo oo ah xubnihii Hargeysa kaga dhawaaqay ururka. Waxay taariikh ahaan ku beegnayad 08-04-17kii,  markii xukumadda Somaliland shaacisay in xubnihii Hargeysa ee Al-saadicuun Bilxaq, dhamaantood ay qaqabatay oo ay xabsiga dhigtay ilaa maanta oo taariikhhdu tahay 28-May-2017, aan wax war ah oo dambe shacbigu ka helin, in ay sidii u xidhanyihiin, in la xukumay, in ay xukun sugayaal yihiin, si kastooy ahaataba, talaabaddan ayaa aniga iyo inbadan oo ila mid ah noogu muuqata mid deg-degeeda lahayd, oo xadhiga iyo xukunka nimankaasi ay yihiin cabudhin iyo aamusiin, taas oo aan xal iyo waan-waan u noqonayn waxa ay ku dhawaaqeen ee ay wadaan nimankani, sidoo kale waxay wakhti iyo fursad u tahay xubnaha yar yar ee ku hoos noolaa, xubnaha waaweyn ee u madaxda ah, kuwaas oo la xidh-xidhay, waxaana u fududaanaysa in ay si dhib yar u gudbiyaan fikradaha iyga iyo xubnahooda jeellka ku jiraa, xitaa madaxdooda Masar fadhidaa ay aaminsan yihiin, iyaga oo daliil kadhiganaaya “ In diinta iyo dacwadu leedahay cadowyo badan oo u baahan in loo samro oo loo dul-qaato”, taasina waa mida markasta aad ka dareemayso cid kasta oo xidhiidh hoose ama taageero muuqata u haya xubnahan la xidh-xidhay iyo fikradaha ay aaminsanyihiin.

Waxaa jira culimo dhawr ah oo si guud uga hadlay fikrado laxidhiidha gaalaysiinta “Takfiirka”, culimadaas oo aan si gaar ah uga hadlin Ururkan Al-saadicuun bilxaq, isla markaana aan meel muuqata saarin fikirkooda iyo qodobadda ay cuskanayaan, taasina ma noqon karto daliil lugu cabudhiyo ama lagu hor istaago fikirka ay aaminsanyihiin.  Intiina maqashay ama daawatay bayaankii ugu horeeyey ee sida isku midka ah ay iskugu shaacinayeen urur diimeedkani kuma jiro ama lagasoo heli maayo hal fikir oo ka hor imanaaya diinta islaamka, isla markaana qodob kasta oo aysoo bandhigaan wax ay dusha ka saarayeen daliil qur’aan ah oo ay ku faahfaahinayaan, waana mida layaabka kunoqotay bulshadda in qof  Muslim ah oo hore aynu ugu naqaanay islaamnimo, isla markaana isaga oo ku hortaagan illahay qiraaya “Ashahaadanaaya”, in aynu ku nidhaahno waxaad wadaa gaalaysiin iyo fikirado takfiiri ah, hadii aysidaasi dhacdana waxay bulshada kadhex abuuraysaa khalkhal iyo diintii oo noqota in qofkastaa sida uu rabo u daliishado.

Xalinta Arinta Noocan Oo Kale Ah:- Xalinta iyo waan-waanta xalka arinta noocan oo kale ahi maaha mid qofkastaa ka hadli karo, fikir iyo waxay ila tahay midna uma noqonayaan xal muuqda oo lagaadhi karo, waayo waa arimo diinta la xidhiidha oo waxa jira culimo iyo wadaaddo aqoon iyo cilmi u leh ka hadalkeeda.

Dood iyo is hor fadhiisi culimada oo dhami, waa xalka iyo turxaan bixinta arintan diinta ku saabsan, su’aalo dhawr ah oo la iska weydiiyo arinttan oo kale waa mida u noqonaysa xali muuqda. Intaas kadib, habka ugu fudud ee xal lugu gaadhi karaa waa in la is hor fadhiisiyo culimadda diinta ee dalka iyo xubnahan isla markaana culimadu weydiisaa xubnahan la yimi ururdiimeedka cusub su’aalo door ah oo ka dhex guuxaya Maskada bulshadda kuwaas oo ay kamid yihiin

  1. Ugu horeyn maxaad ka aaminsantihiin diinta islaamka hadii aad tihiin Al-saadicuun-bilxaq?
  2. Maxaad ka Aaminsantihiin Nabi Maxamed Csw?
  3. Maxaad ka Aaminsantihiin Axaadiista Rasuulka?
  4. Maxaad ka Aaminsantihiin dadka Islaamka ah?
  5. Maxaad ka Aaminsantihiin Xukumaddaha ka taliya dalalka Islaamka?

Su’aalo ay kamid yihiin kuwan aan kor kusoo xusay waa habka ugu fudud ee lugu gaadhi karo xal muuqda, dood iyo munaaqisho ay wada galaan culimadda diinta iyo xubnahan urur diimeedka ku dhawaaqayna waa hab lagaga maarmi karo xadhig iyo cabudhin.

Wabilaahi tawfiiq
Suxufi, Qoraa madax banaan
Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
E-mail: [email protected]
Hargeysa-Somaliland

Xog: Xildhibaanada mucaaradka oo laba u kala jabay iyo fashil ku yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Somalia, waxaa dib u gurasho sameeyay Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan Madasha mucaaradka Horusocod ee magaalada Nairobi.

Xildhibaanada dib u gurashada sameeyay ayaa la sheegay inay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Xildhiban Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa sheegay inay jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo dib uga soo baxay Madasha Horusocod.

Waxa uu Xildhibaan Idiris qiray in Xildhibaanadasi ay ka laabteen go’aankii ay kaga soo horjeeden Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, waxa uuna cadeeyay in ka bixitaanka Madasha lagu bixiyay Juhdi farabadan.

”Waxa ay u kala jabeen laba dhinac dhinaca koowaad waxa ay ku adkeysanayaan mowqifkooda, halka garabka labaad ay ka laabteen mowqifkii ay aaminsanaayen”

Idiris waxa uu sheegay in xilligan aan loo baahneyn in mowjado siyaasadeed lagu furo DFS oo uu ku sifeeyay mid aan wali caga dhigan.

Waxa uu tilmaamay in dalka uu ku jiro xaalado adag oo aan laga sheekeyn karin sida Abaaro iyo Colaad, sidaa darteed aanu munaasib u arag in la mucaarado DFS ee ku guda jirta xalinta dhibaatooyinkasi taagan.

Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in talaabada ay qaaden Xildhibaanada mucaaradka ay shaki badan galisay Shacabka Soomaaliyeed oo iyagu yaqiin-sanaa in dalka ay ka dhalatay dowlad ka duwan kuwii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gaas oo sheegay in Puntland duulaan lagu yahay (Yaa soo weeraray?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Welli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Mudug iyo weerarkii Daacish ay sheegteen ee ka dhacay magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in xiisadaha colaadeed ee ka taagan gobolka Mudug iyo weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ay yihiin fariin muujineysa duulaan lagu soo qaaday deegaanada Puntland.

Shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland ayuu ugu baaqay inay isku duubni muujiyaan ayna ka fakaraan xaalada amaan ee Puntland iyo mustaqbalka deegaanadaasi.

“Waxaa muuqata sida hadda wax u dhac dhacayaan, waxaa muuqata in duulaan lagu soo yahay Puntland meelo badan marka in aanu taxadar badan sameyno, la iskana kaashano nabadgalyadeena”

“Puntland meel ay joogtaba waxaan kula dar daraamayaa in nabadgalyadeeda la adkeeyo, shaqaaqooyinka Mudug ka soo cusoobaanaday, waxaan ku baaqayaa Bulshada meeshaas ku nool labada dhinacba in darisnimada laga shaqeeyo Ramadan ayaa lagu jiraa”

“Shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso intii dhimatay Allaha u naxariisto, gacan ka xaqdaran ayaa dishay, waxayna taasi nagu sii boorinaysaa cadow raba inuu ku dilo, in la iska celiyo mooye waana ka guuleysanaynaa sidii aan horay uga guulaysan jirnay.” Ayuu yiri Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Farmaajo iyo Kheyre oo ku guda jira xil ka qaadista mas’uuliyiin hor leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre ayaa ku guda jira xil ka qaadista iyo magacaabida xubnihii hore ee la soo shaqeeyay dowladii Xasan Sheekh Maxamuud.

Xilalka ugu badan ayaa waxaa laga qaaday mas’uuliyiin dhowr ah oo ku dhow dhowaa Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh.

Madaxweynaha dalka iyo Ra’isul wasaaraha ayaa ilaa iyo hadda waxa ay xilka ka qaaden inkabadan 32 mas’uul oo u badan Agaasimayaal, Qunsuliyado iyo Taliyayaal ciidan.

Labada mas’uul ee ugu sareysa dalka ayaa waxa ay sidoo kale ku guda jiraan xil ka qaadista iyo magacaabida waxana lagu wadaa inay saameyso Safiiro dhowr ah, kuwaa oo lagu bedeli doono mas’uuliyiin kale.

Shaqsiyaadka la magacaabay ayaa u badan xulafada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxaana xusid mudan in kuwa iminka miiska saaran ay yihiin kuwo ku dhow dhow Madaxweynaha oo u badan qurba joog.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa sheegay inuu socdo qorsho xilalka looga qaadayo inkabadan 11 mas’uul oo liiskooda ku diyaarsan Xafiiska Madxaweynaha.

Mas’uuliyiinta xil ka qaadista lala damacsan yahay ayaa waxaa ku jira Xeer ilaaliyaha Qaran, ku-xigeenadiisa iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hay’adaha Garsoorka Qaranka oo horay looga gudbiyay cabashooyin badan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa ku guda jira xil ka qaadista iyo magacaabida, waxa uuna qorshuhu yahay in dowlada ay noqoto mid xubnaheeda ay cusub yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kheyre oo 6 arrin uga digay wakiilada beesha caalamka ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa kulan khaasa la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga magaalada Muqdisho.

Kheyre waxa uu sheegay in wakiilada laga doonayo inay yareeyan dhammaan shirarka ay ku qabtaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo xarumaha kale.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in DFS ay ka dhabeyso mas’uuliyada ka saaran la socodkooda, waxa uuna cadeeyay inaan lala socon karin haddii la wayo isla xisaabtan.

”Waxaan go’aansanay inaan yareyno dhaqdhaqaaqyada wakiilada Beesha Caalamka ee Muqdisho, waxaan ka dhabeyneynaa mas’uuliyada naga saaran ilaalinta iyo la socodka shisheeyaha martida noo ah”

”Waxaa jira waxyaabo dhowr ah oo aan ka mamnuucnay, waxaan rajeynaynaa inay aqbali doonaan waxyaabaha aan ka reebnay”

Waxa uu Kheyre sheegay in DFS aysan raali ka noqon doonin in wakiilada Beesha Caalamka ay dalka ka sameystaan sida ay doonaan.

Waxyaabaha laga mamnuucay ayaa waxaa kamid ah:

1-Yareynta xiriirada tooska ah ee u dhexeeya wakiilada Beesha Caalamka iyo Hogaamiyayaasha maamulada dalka.

2-Yareynta kulamada wakiilada iyo Siyaasiyiinta aan xilalka ka heyn DFS.

3-In waxyaabaha khuseeya caalamka iyo DFS aan lagala hadli karin cid aan aheyn Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo cida ay wakiishan.

4-Wax ka bedelka xiliyada ay isticmaalan waddooyinka mashquulka badan.

5-In Hay’adaha amaanka DFS laga diiwaan galiyo ilaalada Soomaalida ah iyo Hubka ay isticmaalan.

6-Inaan maamul Goboleedyada lasiin karin deeq aysan la socon DFS.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in sababta ugu weyn ay tahay inaanu jirin nidaam kala xadeynaaya cida ay khuseyso wadahadalka arrimaha Somalia iyo Beesha Caalamka.

Kheyre waxa uu rajo ka muujiyay in wakiilada ay aqbali doonaan isla xisaabtanka waxa uuna arrin muqadas ah ku sheegay isla xisaabtanka bilowday.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dowladihii hore ay dayaceen nidaamyada lagu xakameeyo shisheeyaha ku sugan dlka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo tagaya Cadaado iyo ammaanka oo la adkeeyay

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Cadaado ka dhacaya xaflada caleemo saarka madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo dhawaan lagu doortay magaaladaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu tago magaalada Cadaado isaga oo ka qeyb galaya xaflada caleemo saarka ah ee ka dhaceyso maanta magaalada Cadaado.

Amaanka magaalada Cadaado ayaa  maanta aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada la geeyay ciidamo badan oo loo qorsheeyay inay amaanka xaqiijiyaan.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa ku sugan magaalada Cadaado wuxuuna maanta ka qeyb galayaa munaasabada ka dhaceyso magaalada Cadaado ee Xaaf lagu caleemo saarayo.

Madaxda maamul goboleedyada oo ay ka mid yihiin Axmed Madoobe iyo C/Welli Gaas ayaa la filayaa inay ka qeyb galayaan xaflada Caleemo saarka madaxweynaha Galmudug, Mr Xaaf.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishaan , waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada Shacabka degan gobolada Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

7 waxyaabood oo ay tahay inaad ku dhaqanto inta lagu guda jiro bisha ramadaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waqtiga la gudanayo waajibaadka Eebbe ee ah Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa dhibaato ama ka eed sheegasho Dadka qaarkiis, iyagoo sheega inay caafimaad xumo u keenaan cuntooyinka qaar, haddaba waxaa jira 7 arrimood oo caafimaadkaaga kor u qaadi kara inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, waxayna kala yihiin:-

1. ku dadaal cunidda Saxuurta; Saxuurta waa fiican tahay in la cuno xilli dambe, waana wada ogsoon nahay waxtarka ay leedahay, iyo waliba inay Sunno tahay cuniddeeda, Caafimaadkaana muhiim ayay u tahay, waxaase muhiim ah inaad xilligaasi cuntid cunno fudud.

2. Iska yaree dufanka – Cuntada dufanka leh ayaa waxay qeyb weyn ka tahay cuntada ay Soomaalida isticmaalaan xilliga Afurka iyo cashada, balse waxaa muhiim ah caafimaad ahaan in aadan badsan raashinka ama cuntada dufanku ku badan yahay.

3. Raac talada Nabiga (NNKH) –ee ahayd in aad Calooshaada u qeybiso 3 qeybood oo kala noqonaya qeyb cunto ah, qeybna biyo iyo qeybta ugu dambeysa oo ahqeyb hawo ah, waxaana loola jeedaa in aadan iska buuxin Raashin badan oo aadan noqon dibbira weyne.

4. Ha hilmaamin khudaarta – Dad badan ayaa iska hilmaama muhiimada ay leedahay Khudaarta, waa in aad badsataa Khudaarta sida karootada, Caafimaadkaaga qeyb weyn ayay ka tahay.

5. Soco Afurka ka dib – Si aad hawo caafimaad leh u qaadato, kuna soo wareeg Xaafadda ama u lugee Masaajidka, si uu raashinkii aad cuntay u shiidmo.

6. Tuko Salaadda Taraawiixda – Taraawiixdu cibaado keliya ma ahan ee caafimaadka ayay qeyb ka tahay oo waxay kor u qaadaa Caafimaadkaaga, waa jimicsi aad ajar ka heleyso.

7. Wax yar seexo galabtii – Quburadu waxay sheegaan in 15 daqiiqo keliya oo hurdo ah ay qofka ka dhigi karto mid fereesh ah, iyadoo Hurdada galabtii ah ay faa’iido u tahay in aad habeenkii soo jeeddo oo aad cibaadada badsato.

Todobadaasi waxyaabood haddaad ku dhaqaaqdo oo aad sameyso waxaa la hubaa inuu caafimaadkaagu aad u fiicnaan doono, balse haddii aad 7-daasi wax ka soo horjeeda sameysid waxaad khatar u tahay caafimaad darro aad adigu is galisay, waayo Soomaalidu waxay tiraahdaa shantaada waxay ku galisay Shan Shiikhna kaama saarto.

Qallinka: C/llaahi Ruush

Sawirro: Waa sidee diyaar garowga ka socda Hoolka Caleemasaarka Hogaamiyaha Galmudug

Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ay ka dhacdo xafladda Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku qulqulaaya mas’uuliyiin ka kala tirsan DFS, Maamul Goboleedka iyo Xubno ka tirsan wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Waxaa wafdiga kamid noqon doona Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo isaga ka qeybqaadan doona munaasabada caleemasaarka Hogaamiyaha cusub ee Galmudug.

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Cadaado waxaana waddooyinka magaaladaasi lagu arkayaa ciidamo kala duwan oo xaqiijinaya ammaanka.

Ciidamo kala duwan oo Galmudug ka tirsan ayaa gaaf wareegaya gudaha iyo hareeraha magaalada Cadaado kuwaasoo xaqiijinaya amniga magaalada.