25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

DF oo wadda qorshe lagu mideynayo mushaarka ciidamada (Sidee?)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Dawladdu ay ka shaqeynayso sidii loo mideyn lahaa mushaaraadka Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo hadda qeybo kamid ah ay bixintooda iska kaashadaan Dawladda iyo qaar kamid ah wadamada taageera Soomaaliya, kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu dhageystay cabashada Ciidanka iyo sida ay ugu qanacsan yihiin in dawladdoodu ay siiso mushaaraadka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusay in bixinta mushaarka Ciidanka iyo shaqaalaha dawladdu ay tahay mid kamid ah mudnaanta koowaad ee Dawladda, si hadafkaas looga dhabeeyana ay Xukuumaddu sameyn doonto in hal mar ay wada gaaraan ciidanka mushaarkiisu.

“Ma ahan oo keliya in afka laga yiraahdo waxaan bixinaa mushaar ciidan ee waa in ficil dhameytiran loo badalaa oo isla xisaabtan la socdo“.

“Markaan dhageysanay cabashada ciidanka waxaa noo soo baxday kuwa qaata mushaarka dawladda in waqtigii la rabay uu gaaro mushaarku, laakiinse kuwa meelaha kale laga siiyo aysan mushaar helin xili fog, si aan taas uga gudubno waxaan ka shaqeynaynaa mushaar mideysan oo gacanta dawladda ka yimaada. Inaad xukuntu ciidamo aan mushaar la siin waa dhibaato, waayo amaradaadu waxa ay ku dhacayaan dhago owdan, uma wadi kartid furumaha dagaalka oo waxa ay ku weydiinayaan maxaan u dhimaneynaa,” ayuu yiri R.W Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dawladdu ay furi doonto sanduuq dhaqaale loogu aruurin doono Ciidanka, isagoona ka dal baday Shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan dhaqaalaha ku baxaya ciidanka, taas oo uu sheegay inay wax badan ka tareyso xagga bixinta mushaarka Ciidamadeena.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa ku guuleysatay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay bixinta mushaarka Ciidanka iyo Shaqaalaha, iyadoo dhinaca kale ay dawladdu wado qorshe sal ballaaran oo looga gudbayo nidaamkii hore ee kala qeyb sanaanta mushaaraadka.

Maxay AMISOM u xireen guddoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi

Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyey xarigga ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti u geysteen guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee degmadaasi.

Guddoomiyaha Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow, ayaa sheegay in hadda dib loo siiyey xorriyada guddoomiyaha, balse xarriggiisa uu yimid kadib is faham waa isaga iyo saraakiisha ciidanka Jabuuti.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in taliyaha ciidanka Jabuuti ee Jalalaqsi iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ay isugu dhaceen arrimo dhanka ammaanka ku saabsan, sidaasi darteed loo xiray mas’uulkaasi.

“Is faham waa ayaa jirey oo guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo taliyaha AMISOM ee Jalalaqsi ah, balse markii dambe waa la xalliyey, oo waa lasoo daayey guddoomiyaha, kaliya xerada AMISOM ayaa xabsi ahaan looga dhigay” ayuu yiri guddoomiye Fiidow.

Taliska AMISOM ee Hiiran, gaar ahaan Jalalaqsi weli kama aanu hadal falkaan ay sameeyeen.

Sawirro: Soomaalidii lagu dilay Yemen oo 70 maalmood kadib lagu aasay xaalad adag

Muqdisho (Caasimada Online) –  Qunsuliyadda Soomaaliya magaalada Cadan ee dalka Yaman ayaa shalay xaqiijisay ay ku Guuleystay in la aaso Meydadka 31 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo 17 Marso 2017 lagu Duqeeyay Doon ay la socdeen.

Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Cadan Mudane Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani Oo isagoo ku sugan magaalada Cadan la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa sheegay dadaal dheer ah kadib ay ugu dambeyn maanta dowladda Soomaaliya u suurta gashay in la Aaso Meeydadka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu Laayay Dalka Yaman, iyadoo Sidoo kalana Xabsiyada ay ka sii daayeen 115 qof oo isugu jira caruur, haween iyo rag oo ka badbaaday duqeyntaasi, kuwaa oo qaarkood qaba dhaawacyo kasoo gaaray weerarkaasi.

“Waxaan kula socodsiinayaa in ilaahay mahadii aanu ku guulaysanay aaska qaxootigii Soomaaliyeed ee lagu laayey doonta 17 Marso 2017, dadaalo aan kala go` lahayn iyo xiriiro joogta ah kadib waxaan noo suurto gashay aaskooda, oo runtii wel wel iyo welbahaan iyo xanuunba ku hayey madaxda qaranka, ehellada iyo qaraabda ay dadkaas ka dhinteen oo tiro ahaan gaaraysa 31 ruux oo isugu jira rag iyo dumar” ayuu yiri Mudane Axmed Suudaani.

Qunsulika Guud Ee Dowladda Soomaaliya u fadhigay Magaalada Cadan Oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxay ahayn arin aad u adag  waayo halka dhib ku ka dhacay waa deegaan ay ka taliyaan Xuutiyiinta iyo Maleeshiyaadka daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax, mana jirin cid xaga dhaqaalaha naga kaalmaysay waxaan wax ku wadnay waxay ahayd  xiriir aan u lahayn madaxda deegamadaas, hay`adaha dowlig ah ee wali ka howlgala dalka Yemen iyo naf la dirir iyo deymo. waxaana mahad mudan dhamaan intii nagala shaqaysay arinkaas xanuunka badn  oo ay ugu horreeyaan madaxda qaranka, hay`adda ICRC iyo madaxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Sanca, gudiga qaxootiga iyo warbaahinta”

Ugu dambeyntii Qunsulka Soomaaliya ee Magaalada Cadan Mudane Axmed Cabdi Xasan ayaa sheegay in magaalada Sanca la geeyey 115-ta Qof ee laga soo daayay xabsiyada si loogu sameeyo baaritaan caafimaad iyo inay ka soo kabtaan dhibaatadii xabsiga mudada dheer ee ay ku jireen,

Wuxuuna xusan in madaxda hay’adda IOM ee Caden iyo dowladda Soomaaliya ay ka wada shaqayaan sidii todobaadka nasoo aadan loogu soo celin lahaa dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somaliland (SNM) ood moodo in ay hayso wadadii ONLF martay

1980 meeyadii waxaa adduunka ku badnaa aas-aasida, jabhado ay kale taageerijireen xukuumadihii ku jiray dagaalkii qaboobaa.

Quwadihii hanti wadaaga (the communismists) oo uu horkacayay midowgii soofiyeeti (the Soviet Union) iyo quwaadihii hantigoosadka (the capitalist) ee uu korkacayay maraykanku (The United States of Amerca). Koox kastana waxay rabtay in mida kale iyo xulufadeedaba ay jaro ka tuurto. Haddaba geeska Afrika oo markaas ahaa meel u nugul colaadaha ayaa waxaa ka talin jirey xukuuumado militari oo hogaamiyeyaashaadu ku xidhnaayeen ku wadamadaas is eryanahay.

Taas oo keentay in jabhado ay isku hubeeyaan qolaba kuwa kale. Gaar ahaan Soomaaliya  oo uu hogaaminayay Muxammed Siyaad Barre iyo Itoobiya  oo uu horkacayay Mingistu Xayle Maryam, oo ay ka dhaxaysay cadaawad soo jirin ah oo dhul iyo dad ah oo ilaa maantana aan lahayn xuduud ay isla aqoonsanyihiin marka laga soo tago meelaha ay ciidamadoodu kale fadhin jireen. Mr Barre wuxuu ku xidhnaan jirey USSR (midowgii soofiyeeti) ilaa iyo dagaalkii kululaa ee 1977kii ee wadankiisu uu la galay Itoobiya uu xiriirka u jaray dowladihii ay isla ahaayeen hanti wadaaga isaga uu u yar leexday dhankaas iyo reer galbeedka halka Mingiste uu sii xoojiyay xiriirkiisi midowga soofiyeet oo ay marii danbe uga hiilyeen soomaaliya iyaga oo gacan ku siiyay in ay soomaaliya jabiyeen 1977 kii.

Waxba yaanan hordhac iyo taariikh lawado yaqaano kugu daalinine 1981 ayaa jabhada SNM ( somali national movement) looga dhawaaqay London iyaga oo dadka u sheegay in ay ka soo horjeedaan shuuciyadii katalinaysay Soomaaliya. Waxay qorteen Dastuur (Charter)  waxay ku asteeyeen halgankooda iyaga oo mowqif adag ka istaagay kooxdii haysatay xukunkii soomaaliya. SNM marnaba maysan sheegin in ay u dagaalamayaan go’itaan. Isla sadex sano uu kadib aas-aaskii SNM waxaa magaalada Kuweyd looga dhawaaqay ururka ONLF oo sida magaciisa ka muuqata ahaa urur ama jabhad ku howgalay qabiilka ogaadeen. Ururkani wuxuu dastuurkiisa ku kortay in dhulka Soomaali Galbeed, ingiriiskuna u yaqaanay Ogaden ay u dagaalamayaan gobonimadiisa.

Haddaba waxaa jira xaqiiqooyin ay taariikhdu diwaan galisay oo ay labada jabhadood  waa ONLF iyo SNM iska ekaadeen isku sina u waajaheen.

Sidaas daraadeed ayaa waxaa ii muuqatay in maantana ay isu dhammaad egyihiin.

Bal aan xaqiiqooyinkaas dib milicsano.

1 – Magacyadooda oo uu bixiyay gumeystihii ingiriisku. Jabhadahani waxay magacyada wadamadooda ka dhigeen kuwii gumeytaha ingiriisku ugu yeedhi inkasta oo aysan ONLF wadankeeda qabsanin sidii SNM 1991 u qabsatay ugu bixisay Somaliland.

2 – Dhulalkooda oo si fudud ugu biiray wadamada ay hadda ka tirsanyihiin.

Ogaadeen waxaa Itoobiya si rasmi ah loogu darey 1954 halka Reserve Area ama dhulka howdna la sii raaciyay Itoobiya 1958.

Somaliland waxay soomaaliya si nabad ah iyo heshiish ugu biirta koonfurta soomaaliya 1960.

3 – Halgankooda oo u abaabulaa qaab beeleed.

ONLf ama jabhada wadaniga ah ee xoraynta Ogaadeeniya waxaa ciidan u ah ilaa iyo maanta qabiilka Ogaadeenka kaliya mana jiro qabiil kale oo dagaalka kula jira ama ka caawiyay inkasta oo qabiilo faro badan oo soomaaliyeed ay dhulka degan yihiin iyana maysan codsan dadkana maysan u abaabulin si guud ee magac qabiil ayay qaateen. badelkeed waxay wajaheen caqabado badan oo ay kale kulmeen soomaalida kale sida in la jaajuuso iyo in loo gacan galiyo Itoobiya iyaga oo looga badalan jirey hub iyo dhaqaale.

SNM inkasta oo markii hore ay u galeen halganka si guud haddana ma jirin qabiilo kale oo qabiilka isaaqa ku weheliyay dagaalka waxaa la sheegaa in hal nin oo reer Awdal ahaa la socday. Waxaa intaas dheer 1991 markii ay qabsadeen dhulka waqooyi waxay ku dhawaaqeen gooni u goosad kadib markii ay ka warheleen in Cali Mahdi Maxammed Muqdisho uga dhawaaqay madaxwayne nimo. Tani waxay sababtay in SNM qaar kamid ahi ay ku dhawaaqaan gooni ugoosadka. Halka kuwo kale diideen sida Cismaan Kalluun.

  1. Fikradahooda oon taageero ka helin qabiilada kale ee dhulka ladagen iyo soomaalida kale.

Labada jabhadoodba waxay u muuqdeen kuwo qabiilo ama meleeshiyo kooxoodya SNM waxay qabsatay waqooyi halka ONLF ay duurks gashay lkn waxay ku ekadeen dhulka qabiiladooda inta inkasta oo SNM maamul dhistay dadkii kalena ay kuraas iyo jagooyin kale siisay qabsatayna dhulalbadan oo ay qabiilada kale deganaayeen haddana ma dhicin in si dowladnimo loo arko oo waxay soomaalida kale ula muuqdaan maleeshiyo qabiil. Majirin habcad oo ay u soo bandhigeen qabiilada kale si ay taageero uga heleen.

Tusaale SNM taageero kama haysato soomaali galbeed iyo Koonfur toona. ONLF taageero kama haysato Waqooyi iyo Koonfurtoona iyo macal Bari.

SNM madaamoo ay dhulka haysato waxay heshay fursado badan oo ay ku sii cimdheeraato waxayna adduun kale la yeelatay xidhiidh wanaagsan maadaamoo ay dhulkii ka hirgaliyeen maamul sameeyeene doorooshooyin. Halka ONLF aysan waligeed degmo qabsanin saacado inkasta oo ay dagaalo kulul la gashay Itoobiya  haddana uma muuqanin waligeed in ay xoreyneyso dhulka ay sheegato.

Haddaba laga soo bilaabi 2007 waxay wajaeen mowjado siyaasadeed iyo militari oo soo wajahay labadoodaba.

Ismaamulka soomaalida itoobiya waxaa ka dhismay maamul ka xoogbadan kuwii hore wuxuu aas-aastay ciidamo (Liyu Police) kuwaas oo ONLF la galay dagaalo badan kuna qasbay in qaar heshiis qaato qaarna ciidamadaas kubiiro qaarna wadanka isaga cararo iyada oo aad loo wiiqay awoodoodii ciidan.

Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) oo madaxwaynaha kililka 5aad wuxuu wadanka maamulayay ilaa 2007 oo uu marna ahaa hogaanka Dowlad deegaanka intii danbana madaxwayne wuxuu ONLF ku furey borobagaandho iyo dagaal joogta ah isaga oo sidaa si lamid ah maamulada soomaalida ku noqday caqabad siyaasadeed isaga oo Males ka codsaday in ay maamulada soomaaligu soo maraan isaga tani waxay wiiqday awoodii SNM.

ONLF waxay ku qasbanaatay in ay dibad joog noqoto inkasta oo ay fursado badan haysatay oo ay kula wareegto maamulka kililka 5aad laakiin maanta wax loo ogalyahay ma jiro waxay la safteen kuwo kale oo Itoobiyaan ah oon xataa Fededelka ogalayn.

SNM ama Somaliland waxay 2010 wadahadalo la furtay xukuumadii soomaaliya. Waxay haysteen fursado badan oo ay kula gor-gortamaan  soomaaliya laakiin si dhab ah maysan u galin wada hadalkaas. Waxaa maanta soomaaliya ka arimiya maamul cusub ood moodo in uu kii hore ka xoog badan yahay.Maamulkani wuxuu u muuqdaa in ay hogaaminayaan dhalinyaro wadaniin ah. Wxay sheegeen in ay TVyada u adeegsandoonaan borobagaandhadooda tanina waa habkii lagu wiiqay ONLF markii uu Cabdi Iley samaysatay ESTV oo uu dhaanto iyo riwaayado maamulkiisa ku buunbuuniyo ka siidaayay.

Haddii Farmaajo iyo kooxdiisu ka dhabeeyaan in cuna qabataynta wadanka ka qaadaan dhisaane awood ciidan waxaa xaqiiqo ah in SNM uu waagu ku baryidoono kuwa hargeysa joogana ay meel cidla ah ku soo dhici doonaan uwooduna u soo jandheedhsandoobto dhanka Raysal Wasaare ku xigeenka iyo kooxda ay u yaqaanaan shaqo tageyaasha.

Waxaa qorey Wiil-Ciideed
Email: [email protected]

Xog: Khilaaf culus oo ka dhex oogan DF iyo Jubaland hal arrin darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay aad u dhaliilsan yihiin dowlada Federaalka ah ee Somalia, kadib markii ay is hortaagtay in heshiis laga gaaro muranka qeybsiga Khayraadka dalka.

Maamulka ayaa sheegay in eeda ugu badan ay usoo jeedinayaan wasaaradda beeraha dowladda Soomaaliya oo iyadu si cad ugu xadgudubtay heshiis wadajir ah oo ay wada sixiixeen wasaaradda beeraha DFS iyo Maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.

Wasiirka Maaliyadda Jubaland C/rashiid Jire Qalinle, ayaa sheegay in DFS ay ka talaabeyso Heshiiskii ay wada galeen, waxa uuna arrin layaab leh ku sheegay inay diiday qeybsiga Khayraadka dalka.

Wasiir Qalinle, ayaa sheegay in talaabada DFS ay meel uga dhaceyso Heshiiskii lagu kala saxiixday shirkii ka dhacay Sycheles oo ku saabsanaa ogolaanshaha soo saaridda shatiga kalluumeysiga.

Qalinle, waxa uu intaa raaciyay in Heshiiskaasi uu ahaa mid ay si wada jira u saxiixeen dhammaan Maamul goboleedyada.

Waxa uu intaa sii raaciyay in DFS ay markii hore lahayd hindisaha heshiiska ay ka laabatay dhammaan qodobadii la sixiixay.

Wasiir Qalinle waxa uu cadeeyay in wasaaradda beeraha DFS uu beeniyay Heshiiska markii laga soo laabtay Sycheles, iyadoo cadeyn loo hayo in Heshiiskaasi uu ku qanacsanaa Wasiirka beeraha.

Sidoo kale, Wasiir Qalinle ayaa si cad u sheegay in Jubbaland ay weli ku taagan tahay mowqifkeeda, balse DFS aysan xasuusan saxiixyadii ay ku sameysay Heshiiskii ka dhacay Sycheles.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Jubbaland ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan Wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda DFS C/raxmaan Max’ed Cabdi Xaashi shaaciyay in uu burburay heshiis ku saabsanaa qeybsiga dakhliga kalluumeysiga Tunna ee u dhexeeyay dowlada iyo maamul Goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaan aad uga soo horjeeday Farmaajo oo mowqifkiisa ku bedelay kooxda Horusocod

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah Mudanayaasha BFS ayaa aad u dhaliilay Xildhibaanada Mucaaradka ee dhawaan ku dhawaaqay Madasha Horusocod.

Xildhibaan Idiris oo kamid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyay ee kasoo horjeestay Madaxweynaha Somalia isla markaana ka biya diidanaa Ansixinta Ra’isul wasaare Kheyre ayaa iminka sheegay inay nasiib darro tahay in la mucaarado Xukuumada cusub ee aan weli qaban howlihii loogu tallo galay.

Xildhibaan Idiris, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Xildhibaano ka tirsan BFS ay xiligaani is hortaagan dowlada boqol Jirsatay.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada Mucaaradka ah aysan garaneynin sababta ay ilaa hadda ku mucaaradayaan dowlada, waxa uuna cadeeyay in Madasha ay tahay mid lagu burburinaayo dowladnimada.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Xildhibaanadaas Boqolka gaaraya ay yihiin kuwii ansixiyay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre,waxna ka soo dhisay dowladda Cusub ee Federaalka Somaaliya.

Waxa uu cod dheer ku sheegay inuu aad ula yaaban yahay in Xildhibaanadaasi ay isku garbinayaan inay ridaan dowlada cusub ee aan wali loo diiwaan galin khaladaadka.

”Xildhibaanada doonaya in ay dowladda ridaan waxaan leeyahay haku fududaanina arintaan ee dowladda waqti siiya si ay u saxdo hadii ay wax qaldamaan”.

Sidoo kale, Xildhibaanka waxa uu cadeeyay inuu kasoo horjeedo Xildhibaanada doonaya inay ridaan dowaldda isla markaana uusan taageersaneyn.

Waxa uu ku baaqay in garab lasiiyo dowlada ka hor inta aan la shaacin inay jiraan xumaan, si buu yiri Shacabka iyo Adduunkaba loo tuso haddii ay jiraan khaladaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Yaa diidan nidaamka?, Siyaasiyiinta mise shacabka?

Tan  iyo burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaliyeed amaba kudhawaad 27 sano  dadka Soomaaliyeed waxay noqdeen kuwo hoy  unoqday dhibaatooyin badan oo ay sababeen dagaalladii sookeeye , inkastoo ay ahaayeen dagaalo kusaleysan aragti gaabni  aan meel dheer waxba laga eegin , haddana  cawaaqib xumadii iyo dulmigii kadhashay wali way muuqdaan raadadkoodii, bulshaduna waxay noqotay kuwa uqeybsan  qabaa`ilo, Ururo diimeedyo iyo kooxo kale oo badan , waxaase layaab noqotay bulsho ayada oo dhan aad moodo iney isku aragti yihiin oo hadba calankii la rabo  looqaadan karo una  afduuban  koox ayadu wadata danaheeda gaarkaa ,laakiin aan la iswaydiin karin maxaa dan  guud ah oo  noogu jirta taasna ay  sabab u noqotay in danihii guud oo dhan meesha ka baxaan.

Wallow ay jireen rajooyin badan oo dadka Soomaaliyeed soomaray intii bururka lagujiray   , rajooyinkas oo ahaa 5 dowladood ee dhexe ee  dalku soomaray ,inkastoo ay kala jaanis badnaayeen marka loo fiirsho marxaladihii ay soo  mareen hadana manoqon kuwa kuguuleysta inay soo celiyaan sharaftii iyo karamadii ummadda soomaaliyeed markastana waxaa la eedeynayey oo dhibkastoo yimaada dusha  loosaarinayey madaxdii markaas xukunka iyo xilalka haysay.

Wax badan waxaa dusha eedda lagasaaray madaxdii , wax badan waxaa lagu fadhi kudiriray ayaga eedaymahooda sidda xilkaan uma qalmin , waa tuug , reer habel ayuu u eexday , xilka waa lagula dulkufay  iyo I.W.M. oo soo adigii shalay doortay ilowsha dhawidaa la isma waydiin, haddna waxay ahaayeen eedaymo loo garaabi karo marka dib loo fiirisho siday wax umaamulayeen oo aad uga fogeyd dowlad wanaagga ,  inkastoo ay jireen daruufo badan oo kuxeernaa  oo aysan go`aamada qaar ayagu qaadan karin qabiil iyo faro galin shisheeye haba ugu weynaatee taas oo sababtay inay meesha kabaxdo wax badan oo ay sixi lahaayeen

Haddaba hadaan usoo gudubno xaaladda maanta  iyo wakhtigaan  lajoogo oo dalka isbadal siyaasadeed kadhacay kaas oo lagu macneeyey inuu ahaa  kii lawada sugayey wakhtiga dheer, laguna sheegay inay dhalatay dowladii shacabka maalintii ladoortay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed ( Farmaajo ) maadaama  shacabka soomaaliyeed ay muujiyeen shacuurtooda iyo rabitaankooda ku aadanaa tageerada ay u hayeen dowladii markaas dhalatay , inkastoo shacabka Soomaaliyeed ku caan yihiin shacuur aan raagin iyo xamaasad haddana waxaa  lawada ogaa inay jiraan caqabado badan  oo kahor imaanaya nidaamka dowladnimo madaama uu wadanku inbadan burbur kujiray taas oo macnaheedu yahay inuu kaburburay dhinacyo badan bulshadu haba uguhoraysee   oo aan lagu dhisi karin maalmo, bilooyin iyo sanado yarba  laakiin ubaahan wakhti , aragti dheer iyo siyaasad degan, haddana ayadoo xogtaas oo dhan laga dharagsanyahay baad waxaad moodaa in dowladii hada dhalatay mucaarad lagu bilaabay iyadoon waqtiba la siin , sidii caadada aheyba laga duulayo qabiilo iyo shakhsiyaad xilal waayey  dibna aan u qaadnay wadiiqihii bulaacadda ahaa oo aan 27 sano kusoo jirnay.

Inkastoo ay dowladaan wakhti gaaban jirto oo aysan gaarin xili lamucaarado iyo xili la`amaanaba haddana wax indhaha laga qarsan karo ma ahan intii yareyd oo ay jirtay dadaalka ay muujiyeen iyo garab istaagga shacabkooda dhibaateysan .

Haddaba su`aasha ugu weyn ee u baahan in la iswaydiiyo waxay tahay maadaama dowladaan dowlad shacab tahay oo umuuqata in ay ummadda Soomaaliyeed  heleen madax u heelan   diyaarna u ah in ay karaamadii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyed soo ceshaan har iyo habeenna utaagan qancinta shacabkooda , shacabka Soomaaliyeed  ma buuxin doonaan kaalintii looga baahnaa iyo hiilka ay dowladaani kasugaysay , mise waxay noqon doonaan kuwa wadadii hore qaada oo eedaymahaa uun iska socon doona ?,Shacabku mala shaqayn doonaa dawladda, mise dawlad waa dawlad oo sidii xiliyadii hore ayaa la iska fogayn doonaa dawladnimada,Shacabku qabiilka maka doorbidi doonaan dawladnimada,? afartaan sano manaqon doontaa mid ay kala cadaan dooonto halka sartu  kaquran santahay “ma shacabka  mise siyaasiyiinta soomaaliyeed ?,” mise waxay noqondontaa afar sano oo kaduwan kuwii hore hadii shacabka iyo dowladuba iskaashadaan ?.Ogow shacab xuni waxa uu dhalaa siyaasi xun,shacab wanaagsanina Siyaasi iyo dawlad wanaagsan , hadaba shacabku maadaama markan badi ay sheegeen in dawladani dawladoodii tahay ma noqon doonaan shacab wanaagsan oo dawladnimadooda ilaashada mise gacmaha ayuun baan laaban doonaa??

Gabogabo iyo gunaanad ,inkastoo aan qoraalkaan yar lagu soo koobi Karin xaalada qalafsan  ee hada wadanka kajirta oo ay ubaahantahay in dhinacyo badan laga fiirsho  haddaba akhriste Mudane ama Marwo adigu  iswaydii maxaa kula gudboon.?, muxuuse yahay doorka aad kuleedahay arimaha qoraalka kore ku xusan ?, matahay mid kaalintii dalkiisu iyo dadkiisu kulahaa kasoo baxay mise waxa tahay mid maalinba calanka loo qaado usacaba tumo..?

Ma tahay ruux diyaar u ah garab siinta dawladda Soomaaliyeed ee curdanka ah ,adiga oo gudanaya waajibka muwaadinimo iyo shacab ahaan? Dawlad wanaagsan waad heshay, WAASE MARKAAGII.!!!!!

W/Q: Mahad Bashiir Samatar
msamatar17@gmail.com

Sawirro: Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya oo 24 saac gudahooda lagula eegtay Seddex Qarax

Nairobi (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari, ayaa sheegaya in Qarax xoogan lala eegtay ciidamo ka tirsan Booliska dalka Keny.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan Booliska oo xiliga Qaraxa ku guda jiray howlgal lagu furaayay waddooyin xirnaa.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen laba Askari oo ka tirsanaa Booliska, halka laba kalana uu soo gaaray dhaawac culus.

Gaariga Qaraxa lala eegtay ayaa gabi ahaan burburay, waxaana ka badbaaday ilaa Seddex askari oo aan ku waxyeeloobin Qaraxa.

Qaraxaani ayaa noqonaaya kii 3aad oo muddo 24 saac gudaheed lala eegto ciidamo Kenyan ah.

Somaliland oo hadal la yaab leh kasoo saartay lacagihii ay dowladda Soomaaliya ugu deeqday

Hargeysa (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ka dhawaajisay inay $200,000 ugu deeqday dhammaan maamul Goboleedyada dalka ka jiro oo ay kamid tahay Maamulka Somaliland.

Haddaba waxaa arrintaas si aan laga fileyn uga hadlay Maamulka Somaliland oo ku gacan seyray inay aqbalaan lacagta ay dowladda Soomaaliya ugu deeqday.

Cusmaan Cabdullahi Saxardiid oo ah  Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa ka dhawaajiyey inay Somaliland go’aan ku gaartay inaysan aqbalin lacagtaas.

Wuxuu tilmaamay in habka loo maray deeqda lacagtaan ay tahay mid qaldan maadaama dowladda ay ka dhawaajisay inay lacagtaan ugu deeqday Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyagana aysan kamid aheyn Maamuladaas sida uu isaga sheegay.

Wuxuu tilmaamay in golaha wasiirada ay arrintaan ka shireen isla markaasna ay isku raaceen inuusan maamulka Somaliland qaadan lacagtaas ay dowladda Soomaaliya ugu deeqday.

Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday inay Somaliland tahay dal ka gooni ah Soomaaliya isla markaasna haddii dowladda Soomaaliya ay wax ugu deeqeyso ay ku sheegto inay ugu deeqday dalka Somaliland.

Wuxuu tilmaamay inay wadaan qorshe  ku saabsan kasoo kabashada Abaaraha oo uruurinayo 10 Milyan Dollar oo 4 milyan ka mida uu ku deeqday Imaaraadka Carabta.

AKHRISO: Awood qeybsiga & shaxda Muuqaalka Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guud ahaan Muuqaalka awood qeybsiga ee Gobolka Banaadir ayaa isbadal weyn ku yimid kadib markii uu Madaxweyne Farmaajo guddoomiye Gobolka u magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed.

Magacaabistii Thaabit Kadib waxaa ku xigay isbedel lagu sameeyay guddoomiye ku xigeenadii iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka.

Isbedelka ayaa dad badan soo dhoweeyeen, halka dadka qaarkood ay sheegayaan inaysan fari ka qodneyn oo si Muqdisho u noqoto caasimad Soomaaliyeed u baahan tahay in maamulkeeda ay ka dhex muuqdaan dhammaan beelaha Soomaalida.

Caasimadda Online ayaa waxay halkan idinku soo gudbineynsaa muuqaalka cusub ee maamulka Gobolka Banaadir kadib isbedelkii lagu sameeyay.

 

Video: Booliska oo soo bandhigay Muuqaalka Gaarigii isku qarxiyay agagaarka Dekeda Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay gaarigii shalay is qarxiyay, xilli uu marayay wadada hor marta Dekeda Muqdisho

Shir Jaraa’id uu qabtay Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Dahir Saacid ayuu ku sheegay in gaariga qarxay ay warbixintiisa hayeen, isla markaana la doonayay in lagu weeraro mid ka mid ah Iskuulada ay ka socotay Imtixaanka.

Jen. Saacid ayaa sheegay in gaariga qarxay uu ahaa gaari kuwa raaxada ah, isla markaana ay qabatay Camerada Booliska, wuxuuna sheegay inuu qarxay, inta aanu bartilmaameedkiisa gaarin.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka qaabka uu qaraxaas u dhacay:

Axmed Siilaanyo oo go’aan cusub ka gaaray xariga Weriye Cabdimaali Coldoon (Akhriso)

Hargeysa (Caasimada Online)-War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xabsiga laga sii daayay Weriye C/maalik Muuse Coldoon oo Mudooyinkaan ku xirnaa Xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Wararku waxa ay sheegayaan in Hogaamiyaha maamulka Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu Cafis u fidiyay Wariye Samafale C/maalik Muuse Coldoon oo dhowr jeer la dalbaday sii deyntiisa.

Weriye C/maalik ayaa waxaa lagu sii daayay qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Hogaamiyaha maamulka Axmed Siilaanyo.

Hogaamiyaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Cafiska uu yahay mid ku imaaday dalab dhanka qoyska C/maalik.

Wariye C/Maalik Muuse Coldoon oo Magaalada Hargeysa lagu Xiray 15-kii Bishii Febarayo ee sanadkaan ayaa labo sano oo Xarig ah lagu Xukumay 8-dii Bishii April ee aan soo dhaafnay.

Sidoo kale, deysmada Weriyaha ayaa waxaa kaalin ka qaatay Odayaasha dhaqanka Magaalada Hargeysa.

Sawirro: Muqdisho oo ay kusii kordheyso dhaqanka ”Adeer hal mar igu sawir Iskoobaha” (Ujeedka)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kusii kordhaaya madaxda ka qeybqaadaneysa howlaha lagu nadiifinaayo wasaqda taala gudaha xarumaha dowlada.

Madaxda qaar oo u muuqda kuwo ku laafyoonaya Iskoobaha Nadaafada ayaa waxaa durba loogu magacdaray ”adeer hal mar igu sawir iskoobaha nadaafada”

Qaarkood ayaa lagu tilmaamaa inay riwaayado u jilayaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha oo iyagu hal ku dhig ka dhigtay ”danaha dalka iyo dadka”

Mas’uuliyiin ku dhow 5 ilaa 7 ayaa iskoobaha Nadaafada la dul-taagan dhul aan hal talaabo dhameyn, waxa ayna su’aashu tahay ma wax ka yar hal talaabo ayaa lagu nadiifinayaa ugu yaraan 7 qof.

Mas’uul waliba waxa uu iskoobaha gacanta ku hayay keliya inta ay soctay Kaamirada, iyadoo goortii leysku sawiray iskoobaha iyo qashinka leyska wareejiyay howsha.

Su’aasha ugu weyn ayaa ah madaxdu Qaranka maxaa ku khasbaaya in howlaha nadaafada ay magac iyo maamuus uga raadiyan shacabka.

Xukuumada Kheyre oo marmarsiyo cajiiba u sameysay Qaraxyada iyo dilalka kusii kordhaaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Somali ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Qaraxyada iyo dilalka kusii kordhaaya magaalada Muqdisho.

Xukuumada ayaa sheegtay inay ka warqabto kororka Qaraxyada iyo dilalka, waxa ayna sabab uga dhigtay qorshooyinka looga hortagi lahaa oo aan wali dhamaan.

Xukuumadda ayaa sheegtay in ay dowladda ku howlan tahay qorshayaal lagu xoojinayo amniga Muqdisho islamarkaana la doonayo in looga hortago weerarada ay ku bartilmaameesadaan dadka shacabka.

Waxa ay sheegtay inay ka go’an tahay ka dhabeynta nabadeynta magaalada Muqdisho, si fursad ay u helaan shacabka Muqdisho ee saaxiibka u noqday falalka amni darro.

C/raxmaan Cumar Cusmaan Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay adkeynta Amniga, taasina aysan waxba u dhimeyn.

Wasiirka waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee Qaraxyada iyo dilalka ay tahay xiriirka Hay’adaha amaanka iyo Shacabka oo heer bilow ah, isla markaana ay shacabka ka doonayaan inay ka qeybqaatan amniga.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusii kordhaaya Qaraxyada iyo dilalka waxaana inta badan sabab looga dhigaa DFS oo aan xuquuq siin ciidamada amaanka.

Tani ayaa kusoo beegmeysa xili Qarax gaari oo shalay gelinkii dambe ka dhacay darbiga dekadda magaalada Muqdisho ay ku dhinteen 6 qof f halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen in ka badan10 Qof .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Madaxda Hay’adaha amaanka DFS oo wakhtiga ku luminaaya Safaro aan dhamaan

Doha (Caasimada Online)-Waxaa Safaro aan dhamaan dalka dibadiisa ugu maqan Madaxda Hay’adaha amaanka DFS xili magaalada Muqdisho ay ka dhacayaan Qaraxyo iyo dilal.

Wasiirka Amniga, Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliyaha Hay’adda NISA ayaa muddo kooban gudaheeda ku galay dhowr Safar oo dalka dibadiisa.

Madaxdaani ayaa wakhtigooda ku dhameeyay Safaro xili ay la socdaalan Madaxweynaha Qaranka, waxa ayna tani shaki galineysaa ciidamada iyo shacabka.

Madaxweynaha dalka oo qudhiisa dayacaaya dadaalkii lagula socon lahaa shaqooyinka Qaranka ayaa u muuqda mid sii habaabinaaya Madaxda Hay’adaha.

Dalalka hormarsan ayaa waxaa ka mamnuuc ah in Madaxda Hay’adaha amaanka dalka uga baxaan Safaro aan kala fogeyn, waxa aysa arrintaani muujineysaa in Somalia ay caado ka tahay.

Madaxda Hay’adaha amaanka ayaa waxa uu Safarka u bilowdaa goortii loo magacaabo xilalka ilaa iyo inta xilka laga qaadayo waxa ay ku guda jirayaan Safaro aan dhamaad laheyn.

Madaxdaani Safarada ku mashquushay ayaa sidoo kale Mushaar la’aan dhigay ciidamada iyo howlwadeenada xarumaha amni oo ay ku magacaawan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay talaabadaani muujineysaa mas’uuliyad darro heysata DFS, maadaama aysan daraaseyn ahmiyada ay leedahay in Madaxda Hay’adaha amniga ka bixin dalka.

Dagaal lagu hoobtay oo weli ka socda Gobolka Mudug (Tirada khasaaraha)

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Dagaal xoogan ayaa waxa uu hadda ka socdaa Degaanka Bali-busle ee Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhexeeyo maleeshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyo ayaa isku adeegsanaaya Hubka nuucyadisa kala duwan, waxaana uu socdaa mudo saacad ka badan.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa Lix ruux, halka sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray dad ku dhow Sagaal.

Odayaasha Degaanka ayaa wada dadaalo lagu joojinayo Dagaalkan, waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in labada dhinac ay isku Hub uruursanayaan.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaan weli ka hadal dagaalka socda.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

Document: Puntland oo jawaab kulul ka bixisay eedeyntii wasiirka kalluumeysiga DF

Garoowe (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasiirka Kaluumeysiga Xukuumadda ayaa Puntland ku eedeyey inay sabab u aheyd hakadkii ku yimid shirkii la doonayey in lagu bixiyo shatiga Kallumeysiga Soomaaliya oo la doonayey in lagu wareejiyo Shirkad.

Haddaba Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ayaa jawaab kulul ka bixisay eedeyn uu dhowaan u jeediyay Wasiirka Kalluumeysiga Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cabdi, kaasoo Puntland ku tilmaamay inay raadineyso awood lamid ah midda dowladda dhexe/

Puntland ayaa soo saartay qoraal ay uga jawaabeyso eedeyn ku saabsan inay dalbatay saami la mida kan dowladda Federaalka in laga siiyo shatiyada kalluumeysiga, iyadoo uu fashilmay shir ka dhici lahaa jasiirada Sycheles.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso hadlaka kasoo yeeray Puntland

 

Kheyre oo sheegay in garoonka Adan Cadde uu shaqeyn doono habeen iyo maalin

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa dhagax dhigay leerarka iftiimiya wadada ay ku ordaan Diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cade Airport ee magaalada Muqdisho,waxuuna daaray laanbadii ugu horeysay ee laga mudo Garoonka Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka Duulista iyo Hawada ee xukuumada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegey in qalabkan dowlada Soomaaliya ay soo gadatey ugana tala gashey in goroonka Aadan Cade Airport lagu xiro si ay diyaaradahu habeen iyo maalinba usoo dagaan una duulaan sidoo kalena ay qayb ka noqoto soo celinta bilicda garoonka iyo caasumadda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo kooxdii kala shaqaysey howsahan ay qabteen wuxuuna cadeeyey inaysan cidna taageero ka helin taasina ay tahey guul ay gaartay dowlada Soomaaliya.

“Waxaa loo qabay baahi wayn in la helo leerarka ifttimaya wadada ay diyaaraduhu ku dhaqaaqaan, aad baan ugu faraxsanahey inaan dhagax dhigo. Tanina waxey bilow u tahey horumarinta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kuwa gobolada dalka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay shaqaalaha garoonka ka shaqeeya inay ilaaliyaan qalabkan maadaam uu yahey hanti Qaran, sidoo kalena waxuu usoo jeediyay madaxda garoonka inay dowlada usoo sheegaan waxyaabah ka dhiman garoonka.

Akhriso: Imisa dal ayuu booqday Farmaajo tan iyo markii la doortay?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la doortay 08 February 2017 markaas oo uu guul taariikhi ah ka gaaray doorashadii ka dhacay Soomaaliya oo ay u tartamayeen musharixiin badan.

Farmaajo ayaa tan iyo markaas wuxuu booqday wadamo badan oo kala kala tirsan qaaradaha kala duwan ee adduunyada, isaga oo ka shaqeynaya danta dalka Soomaaliyeed iyo horumarinta xiriirka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa galay ilaa sagaal safar oo wadamo kala duwan ah marka laga reebo Sacuudiga oo uu laba jeer booqday, wuxuuna dhammaan kasoo hooyey guulo iyo taageero muhiim u ah umadda Soomaaliyeed.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso wadamada uu Madaxweyne Farmaajo booqday tan iyo markii la doortay:

  • Saudi Arabia
  • Kenya
  • UAE
  • Jordan
  • Turkey
  • Ethiopia
  • UK
  • Saudi Arabia (mar kale)
  • Djibouti
  • Qatar

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu booqasho ku tagay dalka Masar oo uu casuumaad rasmi ah ka helay.

Xamar: Ciyaarta xiyaalka xaafadda iyo ciyaalka qurbaha (Yaa ku guuleystay wareegga kowoaad?)

Waxaa magaalada Muqdisho ka scoda ciyaar siyaasadeed oo u dhaxeeysa ciyaalka xaaafadaha Xamar ee waxbartay laakin aan dhoofin iyo ciyaalka ka yimid qurbaha ee wax soo bartay. Waxaa habeen hore soo dhamaaday wareegi kowaad. Natiijada waxaa ku dhawaaqay Mudane Taabit, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Waxaa wareegi kowaad ee ciyaarta ku guuleystay ciyaalka qurbaha.

Mr. Mahdi, oo ka mid ah ciyaalka xaafadda, ayaa ii sheegay in ay ku jiraan diyaargarow weyn isaga oo dhiiragalin ka dhiganaa xikmadaha kala ah “Ciyaaru waa gelin dambe” iyo “Geel caruuri qaaday ma dheera”. Mr. Mahdi wuxuu ii sheegay in ay ciyaalka xaafadda ay sameysteen urur la yiraahdo “Blue Shirts” ama ururka “Shaati Buluug”.

Kooxda Shaati Buluug waxay damacsan yihiin in ay maamulka Gobolka Banaadir ka soo dhigaan DFS. Magaalada Muqdisho iyo maamulkeeda waxaa gacanta u galiyay DFS lix nin oo Ambassador Mahiga maskax u ahaa. Waa howl adag in maamulka Xamar laga bixiyo gacanta DFS. Dhaqaale fiican ayaa DFS ka soo gala Xamar. Xukunka iyo xaragada DFS waxay ka socdaan Xamar. Durbaanka iyo banaanbaxyada DFS waxaa lagu tumaa oo lagu qabtaa Xamar. Muqdisho waa goobta ay ku ciyaarto DFS. Sidaas awgeed, lagama fili karo madaxda DFS in ay ogolaato in ay faraha kala baxdo maamulka gobolka Banaadir.

Guusha wareega kowaad ee ciyaalka Qurbaha waxay keeni kartaa:

  1. In Xamar magaca laga badelo oo loo bixiyo: Magaalada Federaalka Ee Soomaaliya. Magaca “Goblka Banaadir” iyo darajada “Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho” waa marin habaabin. Goboladii kale (17) waa ka faa’ideen dib u habeynti siyaasadeed ee ka dhacday Soomaaliya oo waa ka baxeen gacanti ama xukunki dowladda dhexe. Maamul goboleed kamajiro Muqdisho oo waxaa gacanta ku haya DFS; Gobolada kale waxay doortaan madaxdooda.
  2. In ay Xamar ka dhalato dowlad xoog badan oo xaasid ah. Fikradda ah in madaxdu soo dhaweysato saaxiibadood (sida Damujadiid), qabiilkooda, ama kooxaysi (sida reer Suudaan, reer UK, ama reer USA) waxay keeni kartaa in dadka kale iyo ciyaalka xaafaddu colaad u qaadaan, war xun ka fidiyaan ama ishortaagaan amarka dowladda. Taasna waxay keeni kartaa in dowladdu xoog iyo xeel la timaado.
  3. In howsha kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Gobolka Banaadir (sida in dadka ku nool Muqdisho ay wakiilo ku yeeshaan BFS iyo in ay doortaan madaxda maamulka magaalada) ay isu badesho mid lid ku ah federaalka iyo jabhadeyn sal ka dhigta maamul goboleedyada ku dhow Xamar.

Waxaan sugaynaa bilowga wareega labaad ee ciyaarta ciyaalka xaafadda (Shaati Buluug) iyo ciyaalka qurbaha.

Qore: Dr. Nuune Cali Yare