26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Mas’uul ka qeyliyay heerka uu gaarsiisan yahay musuqa ka jira Galmudug

Cadaado (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in la gacan bidixeeyay lacagihii loogu tallo galay abaaraha ka jira deegaanada Galmudug.

Xildhibaan Caseer Axmed Yuusuf oo kamid ah mudanayaasha maamulka Galmudug, ayaa sheegay inaanu jirin lacago sax ah oo gaaray dadka ay saameeyen abaaraha ee ku sugan deegaanada Galmudug.

Caseer ayaa sheegay in Guddiga gurmadka abaaraha Galmudug ay ku kaceen musuq-maasuq kii ugu cuslaa waxa uuna cadeeyay in dhammaan lacagihii loogu tallo galay abaaraha ay ku dhaceen jeebka shaqsiyaad gaara.

Xildhibaan Caseer ayaa sheegay in xiligaani dadka ku nool 16 tuulo oo hoostaga deegaanka ay ku noolyihiin dhibaato weyn, waxa uuna sheegay in lacagihii loogu tallo galay ay gashay jeebka shaqsiyaad gaara.

Dowlada federaalka iyo maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay inay xabsi dhigaan shaqsiyaadka uu ku fooraaro Musuqa, waxa uuna ku taliyay inaan laga aamusin ficilada gurcan oo ay ku kacayaan Guddiyada Abaaraha.

Talaabadaani ayaa imaaneysa xili deegaanada ay ka jiraan abaaraha ay weli yihiin kuwo aan la gaarsiin raashiin iyo lacagba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Qarax lagu la’day oo ruxay magaalada Manchester ee UK

Manchester (Caasimada Online) – 19 qof ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyey in lagu dilay, islamarkaana 50 kale lagu dhaawacay qarax ka dhacay xarunta Manchester Arena ee magaalada Manchester ee dalka UK, sida ay sheegeen booliska.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay maqleen laba qarax oo waa weyn, xilli xarunta ay ka heeseysay gabadha Mareykanka ah ee Ariana Grande oo bandhig halkaas ku qabatay.

Booliiska Greater Manchester ayaa xaqiijiyey in dhimasho badan ay jirto, dhaawucuna badan yahay.

Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa sababay qaraxyada, hase yeeshee cutubka ka hortagga argagixisada ee North West Counter Terrorism ayaa sheegay inay u badinayaan in weerarkan uu yahay fal argagixiso.

Waxa ay sidoo kale sheegeen inay baarayaan suurta-galnimada ah in weerarka uu fuliyey qof is-miidaamiyey.

Xarunta Manchester Arena waa xarunta ugu weyn ee xafladaha lagu qabsado ee magaalada Manchester, waxayna qaadaa 18,000 o qof.

Ariana Grande waa gabar 23 jir Mareykan ah oo heesta, waxaana aad u jecel dhallinyarada.

 

Weerar lagu dilay macallin iyo laba cayaaryahan oo ka tirsanaa kooxda Elman

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in la weeraray gaari nooca raaxada ah oo uu watay Macalin ku-xigeenka Kooxda Bariga Dhexe iyo Laba Cayaartoy oo ka tirsan Kooxda Elman.

Gaariga uu watay macalinka iyo labada Cayaartooy ayaa lagu weeraray xili ay marayeen wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye.

Weerarka ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay macalin ku-xigeenka Kooxda Bariga Dhexe oo ka dhisan Degmada Afgooye.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Ciyaaryahanka Kooxda Elman u wata Lambarka 24aad oo lagu magacaabo C/laahi Mayow iyo Cumar Muumin Cumar oo kooxda Elman u wata Lambarka 7-aad.

Macalin ku xigeenka Kooxda ayay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, halka labada ciyaartoow uu soo gaaray dhaawac fudud.

Maxamed Cumar Moha oo ah Xoghayaha kooxda Elman ayaa xaqiijiyay geerida Macalin ku-xigeenka Kooxda iyo dhaawaca laba ciyaartooy ee la soctay.

Waxa uu sheegay in dhaawaca labada ciyaartooy la dhigay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Waxa uu intaa raaciyay in maalinta beri ah la aasi doono Meydka macalin ku-xigeenka Kooxda, waxa uuna ballanqaaday inaysan ka jiifan doonin daweynta labada ciyaartooy ee dhaawaca ah.

Hay’adaha amaanka ayaan ka hadal weerarka lagu qaaday Kooxdaani, waxaana jira warar sheegaya inuu socdo baaritaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Gabar kasoo jeedo Somaliland kana tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad oo ehbisay Yuusuf Garaad

Maanta waxaan booqday Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad, dalka Sucuudiga.  Booqashada waxaa igu wehliyay Wasiirka Amniga, Maxamed Abuukar Islow, waxaana na soo dhoweeyay Danjiraha Daahir Maxamuud Geelle.

Fadhi aan la qaadannay Diblomaasiyiint, howlwadeennada iyo shaqaalaha Safaaradda waxaan uga warrannay isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay ee uu horseedka ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo barnaamijka Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa kale oo aan ka wadahadalnay wadashaqeynta ay Safaaraddu la leedahay caasimadda iyo adeegyada ay Safaaraddu u fuliso Soomaalida Sucuudiga iyo sidii labadaba sare loogu qaadi lahaa.

Intaa ka dib waxaan mid mid u qaabbilay oo is xogwareysannay qaar badan oo ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda.

Waxaa kale oo aan la kulmay Soomaali ay safaaraddu u fulineysay adeegyo kala duwan.  Gabar ka mid ah Soomaalida ay safaaraddu u adeegeysay oo ka soo jeedda Somaliland way ila dardaarantay wayna i ehbisay.  Waxay i xusuusisay in Ilaaheey hortiisa la isku xisaabin doono ayna waajib nagu tahay in aan umadda u adeegno, wax u qabanno, colaaddana ka saarno.  Waxaan u ballanqaaday in aan taas ku shaqeyn doono.

Safaaradda waxaaan kala soo noqday guud ahaan cabbir wanaagsan iyo Soomaali waddaniyiin ah oo shaqo wanaagsan dalkooda u haya.

Hore waxaan u booqday Safaaradaha Soomaaliya ee Abu Dhabi iyo Nairobi.

Xog: Booskii wasiir Cabaas oo la isku heysto iyo sheeko yaab leh oo taagan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida laga war qabo waxaa weli banaan booskii uu baneeyey wasiirkii howlaha guud ee dowladda Soomaaliya Cabaas Cabdullaahi Siraaji, kaasoo ay toogteen ciidamo ilaalo u ahaa hanta dhowrihii qaranka ee xilkiisa looga qaaday sababtaas.

Cabaas Siraaji ayaa ahaa shaqsi aqoon fiican leh, wuxuuna nasiib u yeeshay inuu noqdo wasiirkii ugu yaraa xukuumadda Xasan Cali Kheyre, balse waqtigiisa ayaa soo dhamaaday.

Haddaba waxaa jiro loolan aad u weyn oo ka taagan xilkii uu ka geeriyooday, waxaana jiro shaqsiyaad badan oo kasoo jeedo beeshiisa kuwaas oo doonayo inay helaan booskaas.

Shaqsiga aadka ugu dhow ilaa hadda waa wiil la dhashay Cabaas oo lagu magacaabo Cabdicasiis Cabdullaahi Sheekh Siraaje kaasoo ka shaqeeyo xawaaladda Kaah qeybteeda Nairobi.

Qoyska Wasiir Cabaas iyo eheladiisa ayaa wado ololo ay booskaas ugu raadinayaan wiilka la dhashay ee lagu magacaabo Cabdicasiis cabdukahi sheekh siraaje, sidoo kalana waxay arrintaas garab uga helayaan dowladda Soomaliya, gaar ahaan Ra’isulwasaare Kheyre oo ay Cabaas aad isugu fiicnaayeen.

Xogta hoose oo ay heleyso Caasimadda Online ayaa xaqiijineyso inuu Cabdicasiis Siraaji aad ugu dhow yahay xilkaas, waxaana la filayaa in dhawaan la magacaabo shaqsiga sida rasmiga ah xilkaas u qaban doono.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doona

Sawiro: Ciidamadii loo sameeyey Muqdisho oo arrin yaab leh sameeyey iyo Kheyre oo dhiirageliyey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho ka dib howlgal ay saakay sameeyeen oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale. Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha ayaa shacab iyo arday la fariistay goobaha shaaha lagu cabo ee Wardhiigley isagoo la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadal dhiirigelin ah u jeediyey ciidamada howlgalka Muqdisho ayaa ku ammaanay doorkooda geesinimada leh oo ay u istaageen inay shacabka Soomaaliyeed amnigooda iyo xasilloonidooda sugaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta la joogo waqtigii xoojinta midnimada ummadda iyo u istaagista difaaca shacabka.

Ciidanka wadajirka ah oo saakay aroortii 6da subaxnimo ka bilaabay howlgalkooda degmada Wadajir, xaafada Xaawo Taako ee Siliga Ameerikaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 17 Qori iyo 3 bistooladood, tuutaha militariga, kan booliiska, calaqa iyo xashiish.

Ciidanka ayaa sidoo kale isla maanta howlgal kaa la mid ah ka sameeyey degmada Shingaani oo ay baaris ku sameeyeen goob Hubka lagu sameeyo, laguna gado. Ciidanka ayaa la soo wareegay qalabkii sameynta hubka iyo kuwii hubka looga baabi’inayey numberkooda. Waxaan goobtaas laga soo helay 2 Qori iyo 3 Bistooladood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maqaayad ku taala Wardhiigley la fariistay dhalinyaro halkaas joogtay oo uu ka wareystay xaaladooda. Waxaana halkaas ku soo maray ardey iskuul ka soo baxday oo uu Ra’iisul Wasaarahu wareystay xaalada waxbarashadooda. Waxaana gabdhihii ardeyda ee uu la kulmay ka mid ahaa gabdho ka yimid London UK oo Wardhiigley iskuul ka dhigta, iyagoo sheegay sida ay ugu faraxsanyihiin inay madaxdooda la sheekeystaan iyo inay Soomaaliya wax ku bartaan.

Ethiopia oo ka hadashay saamiga ay ku yeelaneyso dekadda Berbera

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa ka hadlay saamiga ay dowladiisa ku yeelaneyso Dekadda Berbera ee maamulka Somaliland.

Hailemariam Desalegn, waxa uu sheegay inuu aad u bogaadinaayo talaabada ay Somaliland ku aqbashay in dowladiisa ay saami ku yeelato Dekadda Berbera.

Hailemariam Desalegn, waxa uu tilmaamay in talaabada ay qaaday Somaliland ay horseedeyso xiriir dhanka Ganacsiga iyo mid Diplumaasi.

”Waan soo dhaweyneynaa talaabada ay Somaliland ku aqbashay saamiga, waxa ay talaabadaani kordhineysaa xiriir wanaag dhexmara labada dhinac”

”Waan ku qanacsanahay saamiga ay Somaliland inoo ogolaatay waxaa nagu waajib ah inaan laba jibaarno xiriirka Diplumaasi ee nagala dhexeeya Somaliland”

Hailemariam Desalegn, waxa uu maamulka Somaliland ku amaanay sida ay u garab taagan tahay Ethiopia, waxa uuna cadeeyay in Somaliland ay ka filankarto mid lamid ah talaabada dhaqan gashay ee saamiga.

Si kastaba ha ahaatee, Desalegn ayaa sheegay in Somaliland ay ka filan doonaan inay qaado talaabooyin lamid ah mid ganacsi ee Ethiopia u saamaxaaya inay saami ku yeelato Dekadda Berbera si uu usii kordho xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya labada dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]

Xukuumada Kheyre oo faragalin ku heysa Magacaabida G/Degmooyinka G/Banaadir (Yaa kamid ah)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa ku guda jira isku shaandheyn uu ku sameynaayo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in muddo laba jeer uu diyaariyay habka uu u maraayo isku shaandheynta, balse waxaa faragalin qaawan ku sameeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa waxaa safaf dhaadheer ugu jira Wasiiro doonaaya in Guddoomiyayaasha cusub ay ku yeeshan dhowr qof, waxa ayna taa dib u dhac ku keenay go’aanka uu Taabit ku magacaabi lahaa Guddoomiyayaasha cusub.

Wasiirada qaar ayaa Guddoomiyaha usoo bandhigay inaan xilalka laga qaadin dhowr Guddoomiye degmo oo ay wataan, halka qaarna ay hoosta uga dhiibeen warqado ay ku qoran yihiin shaqsiyaad lala doonaayo inay kamid noqdaan Guddoomiyayaasha cusub.

Ilaa lix Wasiir ayaa la sheegay inay caqabad ku yihiin isku shaandheynta iyo magacaabida Guddoomiyayaasha cusub kuwaa oo xili waliba hor tuban Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka.

Wasiirada qaska ku haya qorshaha Guddoomiyaha Gobolka ayaa waxaa kamid ah Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin Xaaji oo iyadu dooneysa in laba haween ah loogu soo daro Guddoomiyayaasha cusub ee uu magacaabi doono Guddoomiyaha Gobolka.

Wasiiradaani ayaa kamid ah kuwa nasiinka u diiday Guddoomiyaha Gobolka waxa ayna culeys ku saareysaa in Guddoomiyayaasha cusub loogu daro laba Haween ah oo ay saaxiib dhow la tahay, kana mid ah Ururka Haweenka Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Gobolka ayaa si KMG ah u hakiyay Isku shaandheynta iyo magacaabida Guddoomiyayaasha Degmooyinka maadaama ay jiraan faragalin uu kala kulmaayo Wasiiro ka tirsan Xukuumada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Donald Trump iyo Xaaskiisa oo si cajiib ah loogu soo dhaweeyay Tel Aviv

Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho ku tegay magaalada Tel Aviv ee dalka Israel kaddib booqasho labo maalmood ah oo uu ku tegay dalka Sacuudiga oo ay xulafo dhaw yihiin Mareykanka.

Donald Trump, ayaa waxaa magaalada Tel Aviv kusoo dhaweeyay madax farabadan oo xilal kala duwan ka haya maamulka Israel.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo madaxweyne Reuven Rivlin ayaa ka mid ah kuwa kasoo qeyb galay xafladdii soo dhoweynta ee Trump loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Ben-Gurion Airport.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahisay in Donald Trump, uu doonaayo inuu dib usoo nooleeyo dadaallada heshiiska nabadeed ee muddo loo raadinayo Israel iyo Falastiin.

Waxa ay baahisay in Donald Trump uu magaalada Tel Aviv kula kulmi doono xubno ka tirsan maamulka Falastiin kuwaa oo u janjeera dhanka Israel.

Xubnaha Falastiiniinta ee uu kula kulmi doono magaalada Tel Aviv ee dalka Israel, ayuu kala hadli doonaa sida ay u xasilin lahaayen xiisada Siyaasadeed, waxaana suuragal ah inuu kala hadlo inay la shaqeeyan Israel si loo qaboojiyo xiisada jirta.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaan uu booqan doonaa Darbiga Galbeed, oo ah halka ugu barakeysan diinta Yahuuda.

Xog-waran: Maxay Somalia uga dhigan tahay Shirka wadamada Islaamka iyo Maraykanka?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi “Farmaajo” oo ku sugan dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha Ciidamada Cirka ee Boqor Salmaan, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid ahaa ku xigeenka Amiirka Gobolka Riyaad Amiir Maxamed Ibnu C/raxmaan Bin C/casiis, kadibna waxa uu Qasriga Boqortooyada ku qaabilay Boqorka Dalkaasi Boqor Salmaan, waxayna si weyn iskula soo qaadeen Xiriirka fog ee ka dhaxeeya labada Dal ee Walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi u tegay si uu uga qeybgalo shirka Madaxda dalalka Islaamka iyo Mareykanka, kaasoo inta badan diradda lagu saaray la dagaalanka Kooxaha argagaxisada ah ee ku faaftay dhammaan daafaha Dunida, waxaana Shirkaasi furay Boqorka Wadanka Sacuudiga Boqor Salmaan, waxa uuna soo dhaweeyay in Dalkiisa uu hormuud u noqdo, islamarkaasna laga dhiso xaruun lagala dagaalamo Argagixisada, wuxuuna ku baaqay in si wadajir ah caalamku u wajaho, ayna horboodaan Wadamada Islaamka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo isna madashaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay dalalka Muslimka ah inay u midoobaan dagaalka laga soo horjeedo kooxda Daacish iyo kuwa la halmaala, isagoo hogaamiyayaasha dalalka Carabta iyo Muslimta ee ka qeybgalaya kulanka ka dhacaya Magaalada Riyad u sheegay in ay ahayd “dagaal u dhexeeya wanaagga iyo xumaha.”, waa sida uu hadalka u dhigay.

Trump, ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo Waddamo isbahaysi ah, kuwaa soo wadaaga hadafka ah cirib tirka xagjirnimada, wuxuuna taa ka yiri:-“Tani ma aheyn dagaal u dhexeeya diimo kala duwan, kooxo kala duwan, ama ilbaxnimooyin kala duwan, ee tani waa dagaal u dhexeeya dambiilayaasha Axmaqiinta ah ee raadinaya inay tirtiraan nolosha aadanaha, iyo dadka wanaagsan ee ka soo kala jeeda diimaha kala duwan ee u baahan in la ilaaliyo”.

Waxaase xusid mudan in Madaxweyne Donald Trump oo lix wadan oo Muslim ah oo ay ka dhaceen weerarro argagixiso ka mamnuucay inay soo galaan Mareykanka, ayaan adeegsan halku dhagiisii ahaa “Argagixisada Asal-Raaca Islaamka ah”, kaasoo ah mid si joogto ah ugu jira khudbadihiisa dalkan Maraykanka, taa beddelkeeda ayuu hoggaamiyaasha Muslimka ugu baaqay inay si hagar la’aan ah uga hortagaan argagaxisada, wuxuuna yiri “dhibaatooyinka xag-jiriinta Muslimka ah iyo kooxaha Islaamistayaasha ah ee ay dhiirragaliyaan”.

Shirkaasi ayay Wadamada Islaamku aad ugu dhegataagayeen waxa uu ka dhihi doono Madaxweynaha Wadanka Maraykanaka oo lagu yiqiin hadallo meel ka dhac ku ah Dadyoowga Islkaamka, balse waxa uu la yimid arrimo taasi ka duwan waloow lagu yaqaan Nin isbed-bedel badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shirkaasi ka qeybgalay ayaa si gaar ah ula kulmo qaar ka mid ah Madaxda shirkaasi ka qeybgaleysa oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Donald Trump, waxayna isla soo qaadeen arrimo khuseeya labada wadan iyo labada shacab, iyadoo Trump uu ku casuumay Mudane Farmaajo inuu socdaal ku tago Aqlka cad ee Magaalada Washinton, iyadoo casuumadaasi ay si rasmi ah u soo bixim doonto marka uu Trump ku laabto Dalkiisa.

Shirkaasi ay wada yeesheen Madaxda Wadamada Islaamka iyo Marakanka ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid aad u xasaasi ahaa, waxaana aad looga dhawaajiyay Argagaxisada iyo sida loola dagaalami karo, iyadoo Dalka Sacuudiga laga sameeyay xaruurta isku xirka la dagaalanka Kooxahaasi.

W/Q. Cabdullahi Ruush

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa kala soctaa Hanjabaadihii loo geystay Haweeneydii Ganacsatada aheyd ee lagu dilay Gaalkacyo

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in nin hubeysan uu dilay Haweeney ganacsato ahayd, taa oo lagu magacaabayey Warsan Faarax.

Marxuumada waxa ay kamid aheyd Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo gaar ahan waxa ay kamid aheyd kuwa Maqaaxiyaha Cuntada lagu iibiyo ku dhex leh Gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Ninkii dilka ka dambeeyey ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta keentay inuu u dilo Haweeneydaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumada ay ku xirnaan jirtay Masuuliyiin, Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan maamulka Gaalkacyo kuwaa oo rukun u ahaa inta ay ku guda jirtay Ganacsiga.

Xogaha aan heleyno ayaa intaa kusii dareysa in Marxuumada muddo laba jeer ah loo hanjabay gudaha bishaani May, waxaana lagu canaanan jiray inay faraha kala baxdo howlaha ay gacanta kula jirto, sida laga soo xigtay mid kamid ah qoyska marxuumada.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa hadda ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo wada baaritaano dheeraad ah.

Dhinaca kale, waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaa ku badan maalmahan dambe dilalka qorsheysan ee sidan oo kale ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Falanqeyn: Maxaa laga bartay Shirkii Wadamada Islaamka iyo Maraykanka

Riyad (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi “Farmaajo” oo booqanaya dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha Ciidamada Cirka ee Boqor Salmaan, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid ahaa ku xigeenka Amiirka Gobolka Riyaad Amiir Maxamed Ibnu C/raxmaan Bin C/casiis, kadibna waxa uu Qasriga Boqortooyada ku qaabilay Boqorka Dalkaasi Boqor Salmaan, waxayna si weyn iskula soo qaadeen Xiriirka fog ee ka dhaxeeya labada Dal ee Walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi u tegay si uu uga qeybgalo shirka Madaxda dalalka Islaamka iyo Mareykanka, kaasoo inta badan diradda lagu saaray la dagaalanka Kooxaha argagaxisada ah ee ku faaftay dhammaan daafaha Dunida, waxaana Shirkaasi furay Boqorka Wadanka Sacuudiga Boqor Salmaan, waxa uuna soo dhaweeyay in Dalkiisa uu hormuud u noqdo, islamarkaasna laga dhiso xaruun lagala dagaalamo Argagixisada, wuxuuna ku baaqay in si wadajir ah caalamku u wajaho, ayna horboodaan Wadamada Islaamka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo isna madashaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay dalalka Muslimka ah inay u midoobaan dagaalka laga soo horjeedo kooxda Daacish iyo kuwa la halmaala, isagoo hogaamiyayaasha dalalka Carabta iyo Muslimta ee ka qeybgalaya kulanka ka dhacaya Magaalada Riyad u sheegay in ay ahayd “dagaal u dhexeeya wanaagga iyo xumaha.”, waa sida uu hadalka u dhigay.

Trump, ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo Waddamo isbahaysi ah, kuwaa soo wadaaga hadafka ah cirib tirka xagjirnimada, wuxuuna taa ka yiri:-“Tani ma aheyn dagaal u dhexeeya diimo kala duwan, kooxo kala duwan, ama ilbaxnimooyin kala duwan, ee tani waa dagaal u dhexeeya dambiilayaasha Axmaqiinta ah ee raadinaya inay tirtiraan nolosha aadanaha, iyo dadka wanaagsan ee ka soo kala jeeda diimaha kala duwan ee u baahan in la ilaaliyo”.

Waxaase xusid mudan in Madaxweyne Donald Trump oo lix wadan oo Muslim ah oo ay ka dhaceen weerarro argagixiso ka mamnuucay inay soo galaan Mareykanka, ayaan adeegsan halku dhagiisii ahaa “Argagixisada Asal-Raaca Islaamka ah”, kaasoo ah mid si joogto ah ugu jira khudbadihiisa dalkan Maraykanka, taa beddelkeeda ayuu hoggaamiyaasha Muslimka ugu baaqay inay si hagar la’aan ah uga hortagaan argagaxisada, wuxuuna yiri “dhibaatooyinka xag-jiriinta Muslimka ah iyo kooxaha Islaamistayaasha ah ee ay dhiirragaliyaan”.

Shirkaasi ayay Wadamada Islaamku aad ugu dhegataagayeen waxa uu ka dhihi doono Madaxweynaha Wadanka Maraykanaka oo lagu yiqiin hadallo meel ka dhac ku ah Dadyoowga Islkaamka, balse waxa uu la yimid arrimo taasi ka duwan waloow lagu yaqaan Nin isbed-bedel badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shirkaasi ka qeybgalay ayaa si gaar ah ula kulmo qaar ka mid ah Madaxda shirkaasi ka qeybgaleysa oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Donald Trump, waxayna isla soo qaadeen arrimo khuseeya labada wadan iyo labada shacab, iyadoo Trump uu ku casuumay Mudane Farmaajo inuu socdaal ku tago Aqlka cad ee Magaalada Washinton, iyadoo casuumadaasi ay si rasmi ah u soo bixim doonto marka uu Trump ku laabto Dalkiisa.

Maxaa u sababa in si lama filaan ah loo shaaciyo hakinta caleemo saarka Xaaf

Cadaado (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku imaaday Xaflada Caleemasaaarka Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ”Xaaf”.

Qorshaha ayaa ahaa in Xaflada ay dhacdo 24 Bishaan oo ku beegan Maalinta Arbacada ah ee soo socota,waxaana lagu sheegay sababta ay dib ugu dhacday Xafladda in la filayay in uu ka qeybgalo Madaxweynaha dalka Farmaajo oo safar dibada ah ku maqan.

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in Xafladda lagu Caleemasaarayo Hogaamiyaha Galmudug Xaaf laga dhigay illaa 27-ka Bishaan May.

Xaflada Caleemasaarka Hogaamiyaha Cusub ee Galmudug ayaa la sheegay inuu ka qeyb gali doono Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Diyaar garowgii ugu danbeeyay ee ku aadan Caleemasaarka Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka socda Magaalada Cadaado waxaana ka qeybgeli doona Madaxda ugu sareeysa DFS Somalia iyo Madax ka socota Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishaan , waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada Shacabka degan gobolada Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

DF oo ka hadashay ugaarsiga cusub ee ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa ka hadashay dilalka is xigxiga ee magaalada Muqdisho loogu geysto Nabadoonada iyo Ergooyinka soo xushay Xildhibaanada BFS.

Xukuumadu waxa ay sheegtay inay la socto in magaalada Muqdisho dilalka ugu badan loogu geysto Nabadoonada iyo Ergooyinka kaalinta ka qaatay soo xulida Xildhibaanada.

Xukuumadu waxa ay tilmaantay inay muhiim tahay in la sameeyo talaabooyin lagu xaqiijinaayo amniga shaqsiyaadka kaalinta ka qaatay xulista Xildhibaanada.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay dilalka lagu haayo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay keeni doonto qorshayaal cusub oo looga hortagaayo dilalka lagu haayo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu qiray in dilalka ugu badan loo geysto qeybaha ka shaqeeyay in dalka uu yeesho Xildhibaano ka duwan kuwii hore, waxa uuna ballanqaaday in Xukuumadu ay ka fiirsan doonto ugaarsiga lagu hayo Nabadoonada iyo Ergooyinka.

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Seddexdii bil ee ugu danbeysay magaalada Muqdisho lagu dilaayay Nabadoonada iyo Ergooyinka soo xulay Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Milkiilaha maqaayada The Village oo shaaciyey sababta ka dambeyso in QM ay xayiraad saarto maqaayadiisa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Milkiilaha maqaayadda The Village oo dhawaan hey’adaha qaramada midoobay laga joojiyey inay shaqalahooda ka cunteeyaan ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta keentay in go’aankaan laga qaato maqaayadiisa.

Axmed Jaamac oo ah Milkiilaha Maqaayadda The Village taasoo qeyb badan ku leh Magaalada Muqdisho, ayaa ka sheekeeyey sababta keentay in maqaayadiisa qeybteeda Garoonka Aadan Cadde loo diiday inay shaqaalaha Qaramada Midoobay ka cunteeyaan.

Wuxuu tilmaamay inuu yahay go’aan looga soo horjeedo inay Maqaayadiisa tartan la gasho maqaayadaha shisheeye ee ku yeel gudaha garoonka Aadan Cadde International.

Wuxuu sidoo kala ka dhawaajiyey in muddo badan ay soo gaareysay digniino ku aadan in shaqaalaha Qaramada Midoobay ee xirada Xalane aysan ka cunteyn karin Maqaayadiisa, isagoo ku tilmaamay inay tahay dhibaato lagu hayo horumarka ganacsiga ee xilligaan ka socdo Soomaaliya

“Muddo badan ayaa digniino la iisoo direy oo ku aadan in shaqaalaha Qaramada midoobay ee ka howlgala Xarunta Xalane iyo kuwa ka dhoofa ama kasoo dega Garoonka in aysan ka canteyn karin Maqaayadeyda, runtii tani waa mid dhibaato ku ah horumarka Ganacsi ee xilligaan dalka ka socda…” ayuu yiri  Axmed Jaamac.

Hadalka Milkiilaha ayaa imaanayo kadib markii ay qaramada Midoobay u diiday shaqaalaheeda inay ka cunteeyaan maqaayadda The Villa oo ku taal garoonka Diyaaradaha Muqdisho isla markaasna ah maqaayad uu leeyahay ganacsade Soomaaliyeed.

“Aniga xukuumaddii Kheyre ayaan mooshin ka keenay, balse ma ahan xiligan in la deg dego”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Taktar oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xildhibaanada mucaarad ah ee ku dhawaaqay xisbiga Horusocod.

Xildhibaanka ayaa sheegay in isaga ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanka ee markii ugu horeysay mooshinka ka keenay magacaabidii ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre, balse qof kastaa aragtidiisa ay isbadli karto.

Xildhibaanada Mucaaradka ah ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaa danta ummada Soomaaliyeed oo xiligan aan la joogin waqtigii la mucaaradi lahaa dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xiligan xildhibaanada ku deg degayaan mucaaradnimada ay keeneen, sida uu sheegay.

“Aniga waxaan kamid ahaa dadkii mooshinka ka keenay xukuumadii ra’iisul wasaaraha, laakiin xiligan ma qabo in la deg dego oo dadka la walaaciyo, waxaa wanaagsan in laga fiirsado wax walbaa”

“Waxaan dhihi lahaa inta aan la deg degin dib haloo eego marxalada haatan lagu jiro”ayuu yiri xildhibaan Idiris Cabdi Taktar.

Hadalkaan wuxuu sheegay kadib wareysi uu siiyay idaacadda VOA.

Muxuu Axmed Madoobe ka yiri xildhibaanada mucaaradka ah ee BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, ayaa ka hadlay shirka dhawaan kusoo xirmay magaalada London.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid dano weyn ugu jira DFS, waxa uuna carab dhabay in laga gaaray ahmiyadii laga lahaa.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in shirka London uu ahaa mid mideeyay Madaxda Qaranka iyo kuwo maamul goboleedyada waxa uuna meesha ka saaray inay jiraan kala aragti duwanaan ka dhex curatay labada dhan.

Madoobe waxa uu tilmaamay in shirka kusoo dhamaaday magaalada London uu waxbadan ka duwanaa kuwii hore, waxa uuna carab dhabay in faa’iidooyinka ugu badan lagu gaaray shirkii ugu danbeeyay.

Axmed Madoobe waxa uu soo hadal qaaday Xildhibaanada mucaaradka ah ee isku uruursanaaya magaalada Nairobi kuwaa oo dhawaan la magac baxay Horusocod.

Waxa uu sheegay in dalka uu ku jiro xaalad alow sahal ah loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo midnimada madaxda dalka oo aan lagu kala tagin Siyaasada taagan.

”Aniga ma qabo in xiligaani la mucaarado dowlada waxaan ka dalbanayaa Xildhibaanada inay garwaaqsadan dhibaatada ka taagan dalka oo ay ka shaqeeyan xalka dalka iyo dadka”

Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay dib ugu laabtan go’aanada ay uga hor imaanayaan dowlada saanqaadka ah.

Haddalkaani ayaa kusoo beegmaaya xili ay sii kordhayaan Xildhibaanada Mucaaradka, inkastoo ay jiraan dadaalo socda oo lagu doonaayo in lagu xaliyo tabashada Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

R/W Kheyre oo la-yaab ku tilmaamay in hal arrin lagu dhaliilo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadiisu ay diyaar u tahay in tallo ay la wadaagto shacabka iyo dhinacyada kasoo horjeeda DFS.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay inaanu jirin cilad ay u arkaan in wax laga weydiiyo tabashooyinka laga qabo howlaha ay u hayaan Qaranka.

”Waxaan diyaar u nahay inaan ka jawaabno waxyaabaha tashwiishka dhalinkara, shacab iyo dhinacyada kasoo horjeeda DFS waxaa u furan inay na weydiiyan wixii jira”

Kheyre waxa uu sheegay inuu la socdo inay jiraan dhaliilo farabadan, waxa uuna tusaale usoo qaatay shaqaalaha dhowrka ah ee uu ka eryay shaqooyinka xarumaha DFS sababo la xiriira shaqo gudasho la’aan.

Waxa uu difaacay sababaha uu shaqada uga eryay, waxa uuna ballanqaaday inuu sii wadan doono wax waliba oo niyad furni u muujinkara dalka iyo dadka.

Kheyre waxa uu sheegay inuu aqbali doono wixii dhaliil ah ee loogu soo gudbiyo beejajka khaaska u ah, balse uusan aqbali doonin in dhinacyada mucaaradka ay ku dhaliilan howlaha uu u hayo Qaranka.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili boqolaal shacab iyo Siyaasiyiin ay aad u dhaliilsan yihiin howlaha uu kusoo biiriyay DFS, sida shaqo ka fadhiisin lagu sameeyo kuwa aan shaqooyinkooda gudan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Farmaajo oo maalmaha soo socda gali doona safarkiisa 9-aad

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu galo Safarkii 9-aad, kaa oo qaadan doona muddo Seddex cisho ah.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha dalka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu safar ku gaari doono Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa casuumaad ka helay Amiirka dowladda Qatar, waxa ayna kawada hadli doonaan danaha labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kabixi doona magaalada Muqdisho, markii uu dib uga soo laabto Safarka Sacuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay safaro ugu tagay dalalka Urdun, Imaaraadka Carabta, Kenya, Sucuudiga , Turkiga , Itoobiya iyo UK.

Si kastaba ha ahaatee, Farmaajo ayaa sheegay in Safaradiisa batay ay ku jiraan dano Siyaasadeed oo lagu kobcinaayo Siyaasada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Yaa ka danbeeya dagaalada soo laalaabtay ee gobolka Hiiraan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa deegaano hoostaga Gobolka Hiiraan ka socda dagaalo u dhexeeya laba beel oo wada dega Gobolka Hiiraan kaa oo salka ku haya aanooyin khabiil.

Dagaalada ugu badan ayaa ka dhaca deegaan lagu magacaabo Baar oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Beledweyn.

Nabadoon Maxamed Cali oo kamid ah Nabadoonada ku dhaqan Gobolka ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid uu waxbadan ka ogyahay maamulka.

Nabadoonka waxa uu tilmaamay inay jiraan ciidamo ka tirsan maamulka oo ka garab dagaalama mid kamid ah beelaha ay dirirtu u dhexeyso, waxa uuna cadeeyay in maamulka uu si cad uga gaabiyay hakinta dagaalada socda.

”Dagaalku maaha wax qarsoon waxaa kaalin weyn ka qaadanaaya Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan oo la kala safta labada beel ee dirirtu u dhexeyso”

”Waxaan xaqiijinayaa in dagaalka ay ku jiraan ciidamo ka tirsan maamulka oo dhar bedesha, waxaan dowlada ugu baaqayaa in xalinta dagaalka aysan ku haleyn maamulka Hiiraan”

Waxa uu intaa raaciyay in dhowr jeer ay maamulka kala hadleen dagaalka xalka loo waayay ee ka socda deegaanka lagu magacaabo Baar oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Beledweyn, balse ay ku gacanseeren.

DFS ayuu Nabadoonka ugu baaqay in xalinta dagaalka ay usoo xil saarto xubno ka madaxbanaan maamulka Hiiraan waxa uuna cadeeyay inay jiraan halisyo badan oo u baahan in laga hortago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]