25 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Malaayiin dollar oo lagu bad baadiyo howlgalka Soomaaliya oo lagu dhowaaqay

0

Malabo (Caasimada Online) – Kulankii caadiga ahaa ee 47-aad ee Guddiga Maamulka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea, ayaa lagu ansixiyey in hawlgalka Midowga Afrika ee xasillinta Soomaaliya ee AUSSOM lagu taageero $10 milyan oo doollar oo dheeraad ah, si loo buuxiyo firaaqa dhaqaale ee soo wajahay ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Guddiga Maamulka ee AU ayaa go’aamiyey in $10 milyan oo dheeraad ah lagu daro dhaqaalihii hore, taasoo wadarta guud ee uu Midowga Afrika u qoondeeyey howlgalka AUSSOM ka dhigaysa $20 milyan.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Qaramada Midoobay iyo deeq-bixiyeyaasha kale ay yareeyeen ama dib u dhigeen taageeradooda.

Waa maxay AUSSOM?

AUSSOM waa African Union Stabilization Support Operation in Somalia, hawlgal cusub oo lagu beddelayo kii hore ee ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia), kaasoo isna beddelay AMISOM.

Hawlgalka AUSSOM ayaa wajahaya dhaqaale yari baahsan, kaddib markii Mareykanku hoos u dhigay taageeradii maaliyadeed ee uu siin jiray.

Maxaa keenay dhaqaalaha la’aanta?

Mareykanka iyo dalal kale oo reer Galbeed ah ayaa hoos u dhigay miisaaniyadda ay ku taageeraan hawlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa sababtay in AUSSOM uu wajahayo dhibaatooyin dhaqaale, taasoo halis gelin karta hawlgalka, gaar ahaan kala guurka ka imanaya dhamaadka howlgalka ATMIS iyo bilowga AUSSOM.

Maxaa muhiim ah in laga ogaado howlgalkaan?

AUSSOM wuxuu muhiim u yahay nabadgelyada Soomaaliya, gaar ahaan xilligan kala guurka ah ee laga gudbayo ATMIS.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in haddii dhaqaalaha la waayo, ay hoos u dhacdo awoodda la dagaallanka Al-Shabaab, taasoo keeni karta hubanti la’aan xagga amniga guud ee dalka.

Go’aanka AU ee lagu kordhiyey taageerada dhaqaale ee AUSSOM wuxuu muujinayaa sida loo danaynayo in aan hawlgalka la joojin sababo la xiriira dhaqaale la’aan, iyadoo weli loo baahan yahay taageero caalami ah si hawlgalka u noqdo mid miro-dhal ah.

Xog: DF oo maanta ciidamo geyneyso gobolka GEDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ciidamo dheeraad ah ay gayso qaybo kamid ah gobolka Gedo, kuwaas oo diyaarado looga qaadayo magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamada ayaa si gaar ah looga dajin doonaa degmada Beledxaawo oo ay haatan ka taagan tahay xiisad u dhexeyso dowladda dhexe iyo Jubaland.

Ujeedka ciidamada laga qaadayo Muqdisho ayaa ah lagu xoojiyo kuwa Xoogga dalka ee horay u joogay degmadaasi, si looga hortago dhaq-dhaqaaq ay halkaas ka bilaabeen ciidamada Jubaland.

Wararka ayaa sheegaya in daraawiishta Jubaland ay saldhigyo cusub ka sameysteen qaybo kamid ah Beledxaawo, sidoo kalena ay kusoo dhawaadeen garoonka diyaaradaha degmadaas oo ay inta badan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale cabsi ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama labada dhinac ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Xaaladda ayaa ah mid aad kacsan, waxaana sidoo kale magaalada Beledxaawo ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo shalay gaaray halkaasi, kadibna bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culsu iyo kulamo xasaasi ah.

Arrinta soo celisay xiisadda Gedo ayaa la xiriirta damaca Villa Soomaaliya ee ku aadan sidii ay ku heli lahayd kuraasta xildhibaannada ee taalla gobokaasi, maadaama la aadi doono doorashooyin toos ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshahan ay wax ka fuli doonaan xubno horey uga tirsanaa Jubaland oo lagu biiriyey saraakiil cusub, kuwaas oo lagu wareejin doono gaadiid dagaal iyo ciidamo qorshuhua yahay in diyaarado looga qaado magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas oo lagu kalsoonaan karo.

Si kastaba, arrinta gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq noqotay, waxaana si aad ah xiisadda loo dareemaa marka gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.

Puntland iyo Imaaraadka oo ku dhowaaqay mashruuc lagu baarayo dahabka iyo naxaasta

Garowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland iyo shirkadda Imaaraadka ee Dubai Port Authority amd DP World ayaa ugu yeeray shirkadaha caalamiga ah inay u tartamaan qandaraasyo lagu baariyo dahabka iyo naxaasta, tallaabadan oo ballanqaadaysa kobac dhaqaale balse halis ugu jirta inay huriso muranno dhuleed oo qotodheer.

Codsigan oo ku taariikhaysan Luulyo 11, 2025, ayaa lagu dalbanayaa in la soo gudbiyo codsiyada sahaminta iyo horumarinta silsiladda buuraha Calmadow, gaar ahaan deegaanka Dhootine ee gobolka Sanaag. Hindisahan, oo ay hormuud ka yihiin Wasaaradda Kheyraadka iyo Tamarta ee Puntland iyo Qeybta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Hay’adda Dekedaha Dubai, ayaa ujeeddadiisu tahay “in lagu dhiirrigeliyo kobac dhaqaale oo waara iyadoo la marayo iskaashi macdan-qodis oo mas’uuliyad ku dheehan tahay.”

Si kastaba ha ahaatee, gobolka Sanaag waa dhul deggenaansho la’aan iyo muran muddo dheer soo jiitamayay ku hoos jira, waxaana sheegta Puntland, deriskeeda galbeed ee Somaliland, iyo maamulka cusub ee SSC-Khaatumo. Khilaafkan oo tobannaan sano jirsaday, salkana ku haya xuduudo laga dhaxlay gumeystihii iyo is-bahaysi qabiil, ayaa mugdi weyn ku sii fidinaya mashruucan himilada weyn leh, isagoo abuuraya khataro siyaasadeed iyo amni oo laxaad leh oo soo wajahi kara maalgashadayaasha iman kara.

Yabooh qiime leh oo ka jira dhul lagu muransan yahay

Dokumeentiga “Codsiga Qandaraasyada” ayaa qeexaya faa’iidooyin dhowr ah oo ay heli doonaan tartamayaasha guuleysta, oo ay ku jiraan “cayn-dhaaf cashuureed oo mudnaan leh” oo la marinayo siyaasadaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Dubai iyo “habab dhoofin oo la fududeeyay” oo ay maamuli doonto DP World. Heshiiskan ayaa loo qaabeeyey si waafaqsan Sharciga Kheyraadka Macdanta ee Puntland, wuxuuna ballanqaadayaa “qaab-dhismeed dhammaystiran oo lagu ilaalinayo maalgashadaha.”

Iskaashigan wuxuu ka faa’iideysanayaa awoodda saadka ee shirkadda weyn ee Isutagga Imaaraatka Carabta ee DP World, taasoo horeyba u maamusha Dekedda Boosaaso ee Puntland heshiis 30 sano ah oo la saxiixay 2017. Mashruucan wuxuu muujinayaa kormeer wadajir ah oo ay sameynayaan dowladda Puntland iyo Hay’adda Dekedaha Dubai, taasoo tilmaamaysa isku-xirnaan ganacsi iyo siyaasadeed oo aad u adag.

Waxaa kale oo muhiim ah, codsigan qandaraaska wuxuu sheeganayaa inuu haysto “taageerada hoggaanka deegaanka, oo uu ku jiro Suldaan Sald.” Tani waxay u badan tahay tixraac ku aaddan Suldaan Siciid oo ka tirsan beesha Warsangeli, mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee ugu saameynta badan gobolka Sanaag. Taageerada beesha deegaanka ayaa loo arkaa mid lama huraan u ah suurtagalnimada iyo amniga mashruuc kasta oo weyn oo laga fuliyo deegaankaas.

Ogeysiiskan ayaa ku soo beegmay xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo sare u kacday gudaha Soomaaliya. Bishii Abriil 2024, dowladda Puntland, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqday inay u dhaqmi doonto sidii dowlad madaxbannaan, iyadoo sabab uga dhigtay khilaafyo dastuuri ah oo kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Xaaladda gobolka Sanaag ayaa ah qodobka ugu weyn ee is-maandhaafka salka ku haya. Somaliland waxay sheegataa dhulkaas iyadoo cuskanaysa xuduudihii maxmiyaddii hore ee British Somaliland. Puntland, dhanka kale, waxay sheegashadeeda ku salaysaa xiriirka qabiil ee beesha Harti ee deegaanka, oo ay ku jirto beesha Warsangeli, iyo beesha ugu weyn ee Puntland.

Xaalad siyaasadeed oo kacsan

Xaaladda waxaa sii cakiray soo bixitaanka maamulka SSC-Khaatumo, kaasoo ku dhawaaqay inuu ka madaxbannaan yahay Somaliland sanadkii 2023 ka dib dagaal muddo dheer socday, isla markaana leh dano gobolka ku aaddan. Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, ayaa dhowaan soo saaray digniino adag oo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray “fara-gelin siyaasadeed” oo ay wadaan dowladda federaalka iyo SSC-Khaatumo oo ku aaddan gobolka Sanaag.

Silsiladda buuraha Calmadow waa deegaan qurux badan oo kala duwanaansho bayoolaji ah leh, waxaana lagu yaqaanaa dhir iyo duurjoog u gaar ah. Tobannaan sano, waxaa jiray warbixino sheegaya kayd macdan oo aad u weyn oo aan weli laga faa’iideysan. Bartilmaameedsiga cad ee dahabka iyo naxaasta ayaa xaqiijinaya mala-awaalkii muddada dheer jiray ee ku saabsanaa kheyraadka gobolka.

In kasta oo soo jiidashada dhaqaale ay xooggan tahay, hawlgal kasta oo macdan-qodis ah wuxuu wajahayaa caqabado laxaad leh. Marka laga yimaado khilaafyada siyaasadeed, amnigu wuxuu ahaanayaa welwelka ugu weyn. Kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab, inkastoo la wiiqay, waxay weli ku leedahay joogitaan qaybo ka mid ah Puntland, waxayna horey u beegsatay danaha shisheeye, oo ay ku jirto weerar sanadkii 2019 lagu dilay maareeyihii dekadda Boosaaso ee ay maamusho DP World.

Maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya ayaa weli ah mid khatartiisu sarreyso balse faa’iidadiisuna weyn tahay. In kasta oo dalku uu horumar ka sameeyay dhinaca xasilloonida dhaqaale, haddana caqabadaha ay ka mid yihiin maamul-xumo, khataro amni, iyo is-qabqabsi siyaasadeed ayaa weli niyad-jebinaya shirkado badan oo caalami ah. Mashruucan cusub ee macdan-qodista ee ka socda dhul lagu muransan yahay wuxuu noqon doonaa tijaabo muhiim ah oo lagu qiyaaso hamiga maalgashadayaasha iyo awoodda Puntland ay ku dammaanad qaadi karto xasilloonida iyadoo ku raad joogta horumar dhaqaale.

DF oo wada qorshe loogu soo dhiibayo dambiilayaasha ku sugan dibadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kor u qaadeysa iskaashiga caalamiga ah ee dambiyada isaga gudba xuduudaha dalalka caalamka, iyadoo sanadihii dambe si dhow u wada shaqeynayeen booliska caalamiga ah ee Interpol.

Masuuliyiin ka socday booliska caalamiga ah ee Interpol, oo uu hoggaaminayey iskuduwaha barnaamijka hubka ee INTERPOL, Joaquim Rodrigues ayaa maanta dalka soo gaaray, waxaana xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Amniga Gudaha XFS, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda iskaashiga caalamiga ee la-dagaalanka dembiyada isaga gudba xudduudaha dalalka caalamka, xog-isweydaarsiga, tababarrada iyo baaritaanka dembiyada abaabulan.

Iskaashigan caalamiga ayaa sidoo kale waxaa qeyb weyn ka ah la-dagaalanka argagixisada, dembiyada internet-ka ee (Cyber security), iyo sidii loo kordhin lahaa istcmaalka iARMS- keyboard raadraaca hub sharci-darrada ah, ballistic information Network- Xogta raadraaca Rasaasta iyo Firearm Reference Table- xog ururin lagu aqoonsado hubka.

Wasiirka ayaa uga mahad-celiyay wafdiga dadaalka booliska caalamiga ah iyo wadashaqeynta dhaw ee dowladda Soomaaliya la leedahay Interpolka, taas oo kaalin weyn ka qaadatay yareynta danbiyada caalamiga ah, isla markaana kordhisa aqoon-kororsiga iyo xog-isdhaafiga ku saabsan dembiilayaasha caalamiga.

Mudane Fartaag ayaa u ballan-qaaday xubnaha wafdiga in ay sii dardar-gelin doonaan wadashaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin Interpol, maadaama Soomaaliya ay qeyb ka tahay dalalka xubnaha ka ah booliska caalamiga ah.

Xarunta booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa waxaa haatan si toos ah ula shaqeeya hoggaanka xiriirka dibadda ee booliska Soomaaliyeed, iyadoo labada dhinac ay iska kaashanayaan sidii dambiilayaal baxsad ah loogu soo gacan gelin lahaa dowladda federaalka Soomaaliya.

Mareykanka oo arrin yaab leh ku cadaadinaya dalalka Afrika

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Nigeria ayaa sheegay in Mareykanka uu cadaadis ku saarayo wadamada Afrika inay aqbalaan dad Venezuela u dhashay oo laga soo tarxiilayo dalkaas, kuwaasoo qaarkood si toos ah xabsiyada looga soo daayay, balse waddanka ugu dadka badan Afrika uusan qaabili karin dhibaatooyin u gaar ah oo haysta awgood.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa todobaadkan ka codsaday shan madaxweyne oo Afrikaan ah oo booqasho ku joogay Aqalka Cad inay qaabilaan muhaajiriin dalal kale ka socda marka uu Mareykanku soo tarxiilo, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba sarkaal oo ka warqabay wadahadalladaas.

Yusuf Tuggar, wasiirka arrimaha dibadda ee Nigeria, ayaa telefishinka gudaha ee Channels TV u sheegay fiidnimadii Khamiista in Nigeria aysan aqbali karin arrintaas.

“Waa inaad sidoo kale maskaxda ku heysaan in Mareykanku uu cadaadis xooggan ku saarayo wadamada Afrika inay aqbalaan dad reer Venezuela ah oo Mareykanka laga soo musaafurinayo, kuwaasoo qaarkood si toos ah xabsiyada looga soo daayay,” ayuu yiri isagoo ku sugan dalka Brazil halkaas oo uu uga qeybgalayay shir madaxeedka BRICS.

“Way ku adkaan doontaa waddan sida Nigeria oo kale ah inuu aqbalo maxaabiis reer Venezuela ah. Waxaan leenahay dhibaatooyin noo gaar ah oo nagu filan,” ayuu yiri, isagoo xusay in dalkiisu uu tirada dadkiisu ay gaareyso 230 milyan oo qof.

Aqalka Cad ayaan ka jawaabin codsiyo loo diray oo ku aaddanaa inay arrintan uga hadlaan.

Tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay bishii Janaayo, Trump waxa uu cadaadinayay in la dardargeliyo tarxiilka, oo ay ku jirto in muhaajiriinta loo diro waddamo saddexaad marka ay jiraan dhibaatooyin ama dib u dhac ku yimaada in loo diro wadamadooda.

Todobaadkan, waxa uu Aqalka Cad ku martiqaaday madaxweynayaasha Liberia, Senegal, Guinea-Bissau, Mauritania iyo Gabon. Sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah iyo mid kale oo reer Liberia ah, waxa uu soo bandhigay qorshe ah in wadamada Afrika ay qaabilaan muhaajiriinta ka imaanaya dalal kale marka uu Mareykanku soo tarxiilo.

Madaxweynaha Liberia, Joseph Boakai, ayaa Jimcihii warbaahinta dalkiisa u sheegay in laga wada hadlay arrimaha muwaadiniinta dalalka saddexaad, balse uusan Trump si toos ah uga codsan Liberia inay aqbasho dadka noocaas ah ee la soo tarxiilayo.

“Qofna ma qasbayaan, laakiin waxay doonayaan inaan ogaanno in tani ay tahay welwelka ay qabaan, waxayna na weydiinayaan sidee baan gacan uga geysan karnaa, sidee baan u caawin karnaa?” ayuu yiri.

Madaxweynaha Guinea Bissau, Umaro Sissoco Embaló, ayaa sheegay in Trump uu mowduucaas kaga hadlay shir-madaxeedka, balse uusan si gaar ah uga dalban wadamada Afrika inay oggolaadaan qaabilaadda dadka la soo tarxiilayo.

Wargeyska The Wall Street Journal ayaa Arbacadii warbixin ku sheegay in dokumenti gudaha ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo loo diray dowladaha Afrika ka hor kulanka, loogu baaqay inay oggolaadaan “si sharaf leh, ammaan ah, oo waqtigeeda ku habboon looga soo wareejiyo Mareykanka” muwaadiniinta dalalka saddexaad. 

DENI oo war culus kasoo saaray khilaafka DF Somalia

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo khudbad ka jeediyay kulan ka dhacay Garoowe ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan khilaafka kala dhexeeyo Dawladda Federaalka iyo dagaalka Daacish.

Deni ayaa marka hore shaaca ka qaaday in Puntland aysan wadin mashruuc kasoo horjeedo dawladnimada iyo Soomaalinimda, isaga oo qiray inay qayb weyn ka yihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in doorka ay Puntland ku leedahay hannaanka dowladeed ee Soomaaliya aan marnaba la iska indho tiri karin, ayna tahay hooyada federaalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Puntland ma ahan mashruuc kasoo horjeeda dowladnimada Soomaaliya” ayuu Khudbadiisa yiri Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Puntland ay difaaceyso dowladnimadeeda iyo dhulkeeda, si ay uga hortagto cadow uu ku sheegay in duulaan ku yahay  jiritaanka Puntland.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, isaga oo ballan qaaday inuu tagi doono furimaha hore, si uu u dhiirogeliyo ciidamada difaaca Puntland ee haatan howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Saciid Deni ayaa sidoo kale shaaciyay in howlgallada ay sii socon doonaan, illaa inta laga ciribtirayo argagaxisada ku dhuumaaleysaneyso dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

“Waxaan tegi doonaa furimaha dagaalka hawlgalkuna waa soconayaa ilaa la waayo cadaw saldhig ciidan ku leh Puntland.” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli halkiisii yahay khilaafka Muqdisho iyo Garoowe, waxaana uga sii daray dhameystirka SSC-Khaatumo, kadib markii lasoo jeediyay in gobolka Sanaag lagu biiriyo, taas oo ay si weyn uga carootay Dawlad-goboleedka Puntland.

Heshiiskii TPLF iyo Abiy oo qarka u saaran burbur kadib war ka soo baxay jabhadda

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay dowladda federaalka inay si firfircoon u wiiqeyso Heshiiskii Pretoria, waxayna arrintan ku sheegtay qoraal xog-warran ah (aide-mémoire) oo ay soo saartay labo bilood kaddib markii ay mas’uuliyiinta doorashooyinku ka laabteen aqoonsigii xisbiga ee heer federaal.

Qoraalkan oo ku taariikhaysan Luulyo 9, ayay TPLF-tu walaac qoto dheer kaga muujisay wax ay ku tilmaantay “isbeddel khatar ah” oo ay waddo dowladda federaalku, iyadoo soo xiganaysa hab-dhaqan salka ku haya “sheekooyin la been abuuray iyo hanjabaado” kuwaasoo mas’uuliyiinteedu ay sheegeen inay halis gelinayaan nabadda jilicsan ee dalka.

“Heshiiska Joojinta Colaadda (CoHA) wuxuu farayaa in la bilaabo wadahadal siyaasadeed si loo xalliyo khilaafaadka salka ku haya,” ayaa lagu yiri dokumentiga, oo dowladda ku eedeynaya gardarro iyo colaad hurin.

TPLF waxay sidoo kale ka hadashay eedeymaha ku saabsan iskaashi dhex maray TPLF iyo Eritrea, iyadoo sheegtay inay si joogto ah u ilaalisay xiriir nabadeed oo ay la yeelato gobollada deriska ah, waxayna soo xigatay horumarradii ugu dambeeyay ee xuduudda.

“Mas’uuliyiinta Federaalku waxay dadaalladaas ay bulshadu hoggaaminaysay kaga jawaabeen warar marin-habaabin ah iyo sheekooyin siyaasadaysan. Tani waxay horseeday eedeymo sheegaya kulamo sir ah, isku-dubbarid milatari, iyo iskaashi dhex maray TPLF iyo Eritrea, kuwaasoo ah kuwo aan sal iyo raad lahayn,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xisbigu wuxuu sidoo kale soo jeediyay baaq ku aaddan dib u celinta nabdoon ee Dadka Gudaha ku Barakacay (IDPs).

“Go’aankii Guddiga Sare ee Midowga Afrika—kaasoo ugu baaqay Dowladda Federaalka inay burburiso Maamulka Aaga Amxaarada ee sharci-darrada ah, hubka ka dhigto maleeshiyaadka Amxaarada, fududeyso bixitaanka degeyaasha cusub, ayna bixiso taageero saadka ah si loo sugo dib u noqoshada nabdoon ee barakacayaasha—gebi ahaanba waa la iska indhatiray,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xiriirka xisbiga iyo dowladda federaalka ayaa si weyn u xumaaday sanadkii la soo dhaafay, iyadoo ismaandhaafku uu gaaray heerkii ugu sarreeyay markii Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Itoobiya (NEBE) uu go’aan ku gaaray in TPLF laga xayuubiyo maqaamkeedii xisbi siyaasadeed, taasoo si wax ku ool ah looga reebay ka-qaybgalka siyaasadeed ee rasmiga ah bishii Maajo.

TPLF ayaa horay dowladda federaalku u mamnuucday, baarlamaankuna wuxuu u aqoonsaday urur argagixiso kaddib markii uu dagaalku qarxay sanadkii 2020.

Xiisadaha jira iyo sheegashooyinka ku saabsan xiriirka sii xoogeysanaya ee lala leeyahay Eritrea ayaa horseeday cabsi laga qabo suurtagalnimada in dagaal uu dib uga soo laabto Tigray.

Intii lagu guda jiray khudbad uu ka hor jeediyay baarlamaanka toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (PhD) wuxuu ku eedeeyay xoogagga Tigray inay isu diyaarinayaan “colaad cusub”. Wuxuu xildhibaannada u sheegay in hagardaamooyinka la sheegay ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed iyo kuwa milatari ee gobolka ay ku saleysan yihiin isku-haleyn qaldan oo ku aaddan taageero dibadeed—hadalkaas oo falanqeeyayaasha qaar ay u fasirteen inuu ula jeedo Eritrea.

“Dunidu idin ma dhageysan doonto, maadaama ay ku mashquulsan yihiin dagaallo ka socda meelo kale oo dunida ah. Hal waddan oo idin garab istaagi doonaa ma jiro,” ayuu yiri. “Wadamada aad u maleyneysaan inay taageero idin siin lahaayeen xitaa iyagu isma taagi karaan.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha diinta, odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada, maalgashadayaasha, iyo diblomaasiyiinta inay si degdeg ah u dhaqaaqaan si looga hortago suurtagalnimada in dagaal lagu hoobto.

Iyadoo ay xiisaduhu taagan yihiin, Salsay Weyane Tigray (SaWET), oo ah xisbi mucaarad ah oo ka dhisan Tigray, ayaa walaac ka muujiyay in shacabka Tigray ay mar kale halis ugu jiraan inay ku dhex dhacaan israsaasaynta.

Bayaan ay soo saareen toddobaadkan, ayuu xisbigu eedda si toos ah dusha uga saaray fulin la’aanta Heshiiskii Nabadeed ee Pretoria.

“Colaad ka cusboonaata gobolka waxay khatar weyn ku tahay dad horeyba ula daalaa dhacayay caqabado amni iyo dhaqaale oo ka dhashay Dagaalkii Xasuuqa ahaa ee hore. Halkii uu ka jawaabi lahaa baryootanka shacabka, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu ku goodiyay dagaal ‘kasii masiibo badan’, oo ay wehliyaan hadallo dagaal huwan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

NISA oo burburisay hub iyo gaadiid ay la socdeen Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Muqisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa waxaa looga hadlay howlgal culus oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lala beegsaday kolonyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu si gaar ah uga dhacay tuulada Buulo-xoog oo u dhow deegaanka Buq-Aqable, isla markaana uu weerarka u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ay heleen xogta labada gaari oo ahaa nooca xamuulka qaad, isla markaana siday hub iyo maleeshiyaad, kuwaas oo ka yimid dhinaca deegaanka Shaw, iyaga oo kusii jeeday Buq-Aqable oo ay gacanta ku hayso kooxda.

Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan lagu khaarijiyay illaa todobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo la burburiyay gaadiidka iyo hubkii saarnaa, sida lagu sheegay qoraalka.

“Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqay gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday ayaa howlgalka fuliyay, kadib markii la hubiyay xogta xoga Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay Hawlgalka ayaa si guul ah kusoo dhammaaday, waxaa la xaqiijiyay in goobta lagu soo afjaray gaadiid, hub iyo maleeshiyaad”.

Howlgakan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan guluf culus oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka socda gobolka Hiiraan, kaas oo ujeedka uu yahay in dib loogu xoreeyay degmada Moqokori ee gobolkaasi oo todobaadkii hore ay la wareegeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Ciidamadii ugu badnaa oo gurmad ah, kana yimid magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan ayaa shalay gaaray degmada Maxaas, halkaas oo uu hadda ka socdo abaabulkii ugu dambeeyay, waxaana hoggaaminaya ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Macawiisleyda Mudane Cali Jayte Cismaan.

Ujeedka ciidamada gurmadka ah ee tegay furimaha dagaalka ayaa ah inay xoojiyaan ciidamadii horay u joogay halkaasi, waxayna qayb ka noqon doonaan howlgalka la qorsheynayo in dib loogu qabto Moqokori oo muddo todobaad ah ay haystaan Shabaab.

Degmada Maxaas oo ku taalla bartamaha gobolka Hiiraan ayaa noqotay meel istiraatiiji ah oo laga dardar galiyo dadagaalka Khawaarijta, waxaana haatan ku sugan madax heer gobol iyo federaal oo kulamo la yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidanka.

Puntland and DP World offer gold and copper bids in Sanaag

GAROWE, Puntland – The government of Puntland, a semi-autonomous state in Somalia, in partnership with the Dubai Port Authority (DP World), has invited international companies to bid for gold and copper exploration rights in a move that promises economic growth but risks inflaming deep-seated territorial disputes.

The invitation, dated July 11, 2025, seeks bids for exploration and development in the Calmadow mountain range, specifically the Dhootine area of the Sanaag region. The initiative, spearheaded by Puntland’s Ministry of Natural Resources & Energy and the Free Zone Division of the Dubai Port Authority, aims to “foster sustainable economic growth through responsible mining partnerships.”

However, the Sanaag region is a volatile and long-disputed territory, claimed by both Puntland, its western neighbor, Somaliland and newly established administration of SSC-Khaatumo. This decades-old dispute, rooted in colonial-era boundaries versus clan-based allegiances, casts a significant shadow over the ambitious project, posing considerable political and security risks for potential investors.

A lucrative offer in disputed land

The “Invitation for Bids” document outlines a series of advantages for successful bidders, including “preferential tax incentives” through Dubai’s Free Zone policies and “streamlined export logistics” managed by the Dubai Port Authority. The deal is framed under Puntland’s Mineral Resources Act and promises a “comprehensive investor protection framework.”

The partnership leverages the logistical might of state-owned UAE giant DP World, which already operates the Port of Bosaso in Puntland under a 30-year concession signed in 2017. The project highlights joint oversight by the Puntland government and the Dubai Port Authority, suggesting a tightly integrated commercial and political arrangement.

Crucially, the invitation claims to have “strong local leadership endorsement, including Sultan Sald.” This is likely a reference to Sultan Said of the Warsangeli, one of the most influential traditional leaders in the Sanaag region. The endorsement of the local clan is considered essential for the viability and security of any major project in the area.

The announcement comes at a time of heightened political tension in Somalia. In April 2024, Puntland’s government, led by President Said Abdullahi Deni, announced it would operate as an independent state, citing constitutional disputes with the Federal Government of Somalia in Mogadishu.

The status of Sanaag is a core point of contention. Somaliland claims the territory based on the borders of the former British Somaliland protectorate. Puntland, however, bases its claim on the kinship ties of the local Harti clan, which includes the Warsangeli, to the dominant clan family in Puntland.

A volatile political backdrop

The situation is further complicated by the emergence of the SSC-Khatumo administration, which declared its autonomy from Somaliland in 2023 after a prolonged conflict and also has interests in the region. Puntland’s President Deni has recently issued sharp warnings against what he terms “political meddling” by both the federal government and SSC-Khatumo in the Sanaag region.

The Calmadow mountain range is a rugged and biodiverse area known for its unique flora and fauna. For decades, there have been reports of significant, unexploited mineral deposits. The explicit targeting of gold and copper confirms long-standing speculation about the region’s potential wealth.

While the economic allure is strong, any mining operation faces substantial hurdles. Beyond the political disputes, security remains a paramount concern. The al-Shabaab extremist group, though weakened, maintains a presence in parts of Puntland and has previously targeted foreign interests, including a 2019 attack that killed the manager of the DP World-run port in Bosaso.

Foreign investment in Somalia remains a high-risk, high-reward venture. While the nation has made strides toward economic stability, challenges including weak governance, security threats, and political infighting continue to deter many international firms. This new mining venture in a contested territory will serve as a critical test of investor appetite and Puntland’s ability to guarantee stability in its pursuit of economic development.

 

Waare oo kashifay xeelad ay Villa Somalia ka damacsan tahay SSC-Khaatumo

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowlad-goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, sidoo kalena haatan ah ku xigeenka xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa markii u horreysay ka hadlay dhameystirka SSC-Khaatumo.

Waare ayaa shaaciyay qorshe uu tilmaamay in Villa Soomaaliya ay ka damacsan tahay arrinta SSC, kaas oo sidoo kale saameynaya maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa tilmaamay in kooxda Villa Somalia ay rabto in ay daris la noqoto Puntland, isla markaana ay isku boor qarineyso dhismaha SSC-Khaatumo.

Maxamed Cabdi Waare ayaa intaasi ku daray in Dawladda Federaalka aysan Laascaanood geynin hannaankii lagu dhameystiri lahaa SSC, balse ay dadaal ugu jirto inay daris la noqoto Puntland oo haatan uu kala dhexeeyo khilaaf culus oo sameeyay labada dhinac.

“Sidii Xasan Sheekh Deris ula noqon lahaa PUNTLAND ayaa dedaal loogu jiraa, Qolada Muqdisho ma aysan geyn Laascaanood hanaankii maamul loogu dhisi lahaa reer SSC-Khaatumo”, ayuu yiri Madaxweyne hore Maxamed Cabdi Waare.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan ay sii xoogeysatay xiisada Garoowe iyo Muqdisho oo mar kale isku qabtay dhismaha SSC, gaar ahaan sidii maamulkan loogu biirin lahaa gobolka Sanaag oo haatan hoostaga Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Arrintan ayaa dhalisay xasaasiyad wayn iyo khilaaf culus oo ka dhashay dhismaha Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo, waxaana weli hakad ku jira shirweynihii loo ballansanaa oo markii labaad maanta baaqday, sababo la xiriira khilaafka ka taagan arrinta Sanaag.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto doodda ay keeneen siyaasiyiinta mucaaradka oo ay horkacayaan musharrixiinta, kuwaas oo kasoo horjeestay hannaanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wajaheyo arrimaha SSC-Khaatumo

Si kastaba, SSC-Khaatumo oo hadda u furmay dhabo cusub ayaa isku diyaarineyso maamul dhameystiran iyada oo Dalwadda Federaalka u magacowday guddi farsamo oo howshaas guda-gala kaas oo gaaray Laascaanood oo lagu wado inuu ka furmo shirka aayo ka tashiga.

Egypt wavers on troop pledge for AU’s Somalia mission

CAIRO, Egypt – Growing signs that Egypt is refusing to deploy a promised battalion to a new African Union mission in Somalia are threatening to derail the entire operation, forcing emergency measures to prevent a security collapse in the war against al-Shabaab.

What AU officials are publicly calling a “delay,” sources on the ground and diplomats describe as an “increasing unwillingness” from Cairo to participate. The stance has forced the AU to extend the mandate of a Burundian contingent to plug the gap and has exposed deep frustrations over the structure and funding of the new stabilization force.

The 1,091 Egyptian soldiers were a pledged component of the African Union Stabilization Support Mission in Somalia (AUSSOM) and were already designated for deployment in the strategically vital Middle Shabelle region. Their absence has now left a critical area exposed as the previous AU mission, ATMIS, continues its drawdown.

Egyptian authorities, according to sources familiar with Cairo’s position, have made no secret of their frustration with the AUSSOM framework. They believe the mission is critically under-resourced and are wary of committing troops to an operation they fear is being set up to fail.

Frustrations with the mission’s framework

While Cairo has not issued a formal refusal, its inaction and the concerns it has raised privately point to two major objections.

Firstly, Egyptian officials are reportedly deeply dissatisfied with the small number of soldiers allocated to AUSSOM to secure vast and volatile territories. They believe the force size is inadequate for the complex task of protecting civilians and supporting the Somali National Army against a resilient al-Shabaab insurgency.

Secondly, and more critically, Cairo has voiced alarm over the lack of a sustainable funding mechanism for the mission. AUSSOM is facing an estimated annual shortfall of over $160 million.

Unlike its predecessor, ATMIS, it does not have a clear financial pipeline from the United Nations or other international partners. This has led to Egyptian fears of being embroiled in a poorly funded and logistically unsupported mission.

“The unwillingness to deploy is rooted in a genuine concern that the mission, as currently structured, is not viable,” said a security analyst familiar with the negotiations. “Cairo does not want its soldiers left in a vulnerable position by a mission that lacks the funds and the numbers to be effective.”

Diplomacy fails to break impasse

The standoff persisted even after a high-level visit to Egypt by Somali President Hassan Sheikh Mohamud, who concluded talks with President Abdel Fattah el-Sisi on July 8. While joint statements reaffirmed security cooperation based on an August 2023 protocol, they offered no resolution or new timeline for the deployment, a silence that has only amplified concerns.

In response to the crisis, the AU Peace and Security Council has been forced to extend the mandate of Burundi’s 1,900-strong contingent for six months, preventing an immediate security vacuum as the ATMIS drawdown proceeds on schedule.

The situation places the AU in a challenging position, highlighting the difficulty of securing firm commitments from member states for high-risk and costly peace operations.

It also complicates Egypt’s regional strategy, where it has sought to position itself as a key security guarantor for Somalia amid a fierce rivalry with Ethiopia over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) and Ethiopia’s controversial port deal with Somaliland.

Guddomiye Muungaab oo sameeyay magacaabis si weyn looga fal-celiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta wareegto soo saaray ayaa saameyn magacaabis si weyn looga fal-ceiyay, isla markaana dhalisay hadal-heyn xoogan.

Muungaab ayaa Mustaf Zakariye Bashiir Muude ayaa u magacaabay Agaasimaha Waaxda Bulaacadaha iyo Biyo Mareenada D/Hoose ee Xamar. Waxaana xilkii laga qaaday Maxamed Xasan Casir.

Basiima Ilyaas Muuse, ayaa iyadana loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumeeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Gobolka Banaadir. Waxaana xilalkii laga qaaday Md. Mustaf Maxamed Macallin iyo Md. Cabdiqani Axmed Xasan.

Sidoo kale Maxamed Macallin ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Xog’haynta Guud ee Gobolka Banaadir. Waxaana xilkii laga qaaday Maxamed Afrax Xusuleey.

Sidoo kale Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u rajeeyay mas’uuliyiintaan in ay dardargeliyaan howlaha shaqo ee loo idmaday.

Haddaba sidee looga fal-celiyay magacaabista uu maanta sameeyay guddoomiye Muungaab?

Ismaaciil Maare: “Ninka agaasimaha bulaacadaha loo magacaaby waxaan leeyahay meelahaan biyuhu fariistaan fikrad looga gudbin karo keen”.

Xamda Hilowle ayaa iyaduna tiri: “Agaasimaha waaxda iyo bulaacadaha anaa diiday i aamina”

Xasan Xareed Diini: “Midka loo magacaabay bulaacadaha islaan dariskeenna ah maaalin kasta biyo ur badan igu soo furtee kaalay wax ka qabo”.

Maxamed Warsame: “Dowladnimadii Somalia waxay noqotay mushaar lee la kala farsameysanayo”.

Cabdixamiin Caraale: “Agaasimaha waaxda bulaacadaha iyo biyo mareenada waa xilka ugu muhiimsan inta la magacaabay maanta waxa ay aheyd in asaga lasoo hormariyo”.

Cumar Faaruuq Axmed: “Wah! Waxaan ka dareey waayay. Muungabow dhiiqaa lugaha lagu galinooyaa ka joog”.

Cabdalle Cabdi Huriye: “Waa wareey buulcdaha xuquuq ay leeyihiin haddayba agaasime leeyihiin”.

SSC-Khaatumo oo war culus kasoo saartay baaqashada shirkii maanta qorsheysnaa

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid shirweynihii la filayay inuu maanta ka furmo magaalada Laascaanood, kaas oo markii labaad baaqday, sababo la xiriira khilaafka gudaha ee SSC.

Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle Warsame oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in arrimo farsamo iyo wadatashiyo socda uu u baaqday shirka, isla markaasna si rasmi ah loo qaban doono berri oo Axad ah.

Najiib Barkhadle ayaa sidoo kale xusay in haatan ay soo dhammaadeen kulamadii socday, isa markaana toos loo guda galayo ajendaha shirka ee dhameystirka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray bulshada deegaanka oo uu ka dalbaday inay kaalintooda qaataan, ayna taageeraan geeddiga socda ee dhameystirka Dawlad-goboleedka SSC.

Shirka oo ah mid xasaas ah ayaa waxaa weli socoto qaban-qaabadiisa, waxaana sidoo kale taagan dood ku aadan sidii Sanaag loogu soo biirin lahaa maamulka SSC-Khaatumo.

Guddiga farsamada iyo hoggaanka sare ee SSC-Khaatumo ayaa dhankooda ku howlan sidii loo xalin lahaa tabashooyinka qaar ee laga muujinayo hannaanka loo wajahayo dhameystirka maamulka, si xal waara looga gaaro dhismaha Dowlad-goboleedka rasmiga ah ee SSC-Khaatumo.

Dhankooda xildhibaannada Baarlamaanka Khaatumo oo kulan deg-deg ah yeeshay ayaa go’aamiyay in la qabto shirka, lana dhameystirka maamulka, kadibna la aado doorashada.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto doodda ay keeneen siyaasiyiinta mucaaradka oo ay horkacayaan musharrixiinta, kuwaas oo kasoo horjeestay hannaanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wajaheyo arrimaha SSC-Khaatumo

Si kastaba, SSC-Khaatumo oo hadda u furmay dhabo cusub ayaa isku diyaarineyso maamul dhameystiran iyada oo Dalwadda Federaalka u magacowday guddi farsamo oo howshaas guda-gala kaas oo gaaray Laascaanood oo lagu wado inuu ka furmo shirka aayo ka tashiga

Xog: DF oo ‘hub iyo ciidamo badan u daabuleysa’ Gedo iyo Jubaland oo tallaabo qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in mar kale ay hub iyo ciidamo gayso gobolka Gedo, maadaama la qorsheynayo in gobolkaasi uu qayb ka noqdo doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay haatan waddo kooxda Villa Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan la qorsheeyey in hub cusub loo daabulo gobolka, ciidamadana la geeyo, si ay qeyb uga noqdaan qorshaha lagu qaban rabo doorashada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka ugu wayn ayaa ah sidii ay Villa Soomaaliya ku heli lahayd kuraasta xildhibaannada ee Gedo, una soo xulan lahayd xildhibaannada cusub.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshahan ay wax ka fuli doonaan xubno horey uga tirsanaa Jubaland oo lagu biiriyey saraakiil cusub, kuwaas oo lagu wareejin doono gaadiid dagaal iyo ciidamo qorshuhua yahay in diyaarado looga qaado magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas oo lagu kalsoonaan karo.

Dhinaca kale, Jubaland oo u muuqata inay fahamsan tahay qorshaha iyo abaabulka socda ayaa isla maanta wafdi culus u dirtay gobolka Gedo, kuwaas oo gaaay degmada Beledxaawo, waxaana hoggaamiyay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan.

Maxamuud  iyo Masuuliyiin kale oo la socda ayaa maanta lagu soo dhaweeyay egmada Baladxaawo, waxaana soo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirrada Jubaland ee horay u joogay degmada, xildhibaanno, maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Baladxaawo.

Mas’uuliyiinta Jubaland ayaa sidoo kale la filayaa in dhaq-dhaqaaqyo iyo kulamo ay ka bilaabaan, halkaas, kuwaas oo looga hadlayo xaaladaha ka jira gobolka Gedo.

Qeylo dhaan ka soo yeertay Hiiraan iyo Dabageed oo DF ka codsaday in 60 kun qoys…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa galabta ku kulmay xarunta SoDMA, halkaas oo Yuusuf Dabageed uu ku soo bandhigay qeylo dhaan ka timid Hiiraan.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle wuxuu sheegay in xalaad bini’aadannimo ay cagaha la gashay Hiiraan, tan iyo markii ay soo bilowdeen weerarrada rogaal celiska ah ee Al-Shabaab ay ka wadaan dhulka HirShabeelle.

Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Hiiraan ayuu sheegay Madaxweyne ku xigeenku inay ku barakaceen in ka badan 60,000 oo qoys, kuwaas oo isaga cararay deegaanadii gacanta u galay Khawaarijta oo Moqokori ay ugu dambeysay.

Sidoo kale, Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in ay xirmeen in ka badan 10 MCH oo daryeel Caafimaad u fidin jiray bukaano u badan hooyada iyo dhallaanka.

Ku dhawaad 10 deegaan oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo degmada Moqokori ayey dib u qabsatay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Gumare, Ceelqooxle, Aboorey, Yasooman, Beerayabaal, Buqaqable iyo Ceelhareeri.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa codsaday in si dhaqsi leh loo gaarsiiyo taageero bini’aadaninimo oo degdeg ah dadka reer Hiiraan, dad badan ayuu sheegay inay wajahayaan dhibaatooyin ka dhashay weerarrada Al-Shabaab.

Dhankiisa, Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa walaac ka muujiyay xaaladahaas bani’aadannimo ee ka taagan gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay ka socdaan weerarrada Khawaarijta iyo howlgallada looga hortegayo.

Maxamuud Macalin ayaa Madaxweyne ku xigeenka ka ballan qaaday in hay’adda SoDMA ay si degdeg ah u gaarsiin doonto gargaar dadka ku barakacay Hiiraan oo 60 kun oo qoys kor u dhaafay.

Macawiisleyda oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab – Maxaa dhacay?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Macawiisleyda ka fuliyeen aagga deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo aad loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Dhurwaale, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda.

Saraakiisha howlgalka sameeyay ayaa sheegay inay dileen lix kamid ahaa Al-Shabaabkii ku sugnaa deegaanka la weeraray, sidoo kalena ay ka furteen hub iyo saanad ciidan.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in howlgalkan guuleystay ay qorsheynayeen in muddo ah, isla markaana uu noqday mid u dhacay sidii ay ugu talo galeen.

Hiiraan ayaa waxaa ka socda guluf culus oo ka dhan ah argagixisada, waxaana lasoo wariyay in ciidamo badan oo gurmad ah ay haatan gaareen degmada Maxaas ee gobolkaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ka yimid magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan, waxayna ku biireen abaabulka ka socda Maxaas ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya kolonyo gaadiid dagaal ah oo gudaha u galaya magaalada, iyadoo dadweynuhu ay daawanayaan, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda Xawaadle.

Ujeedka ciidamadan gurmadka ah ee tegay furimaha dagaalka ayaa ah inay xoojiyaan ciidamadii horay u joogay halkaasi, waxayna qayb ka noqon doonaan howlgalka la qorsheynayo in dib loogu degmada Moqokori oo muddo todobaad ah ay haystaan Shabaab.

Degmada Maxaas oo ku taalla bartamaha gobolka Hiiraan ayaa noqotay meel istiraatiiji ah oo laga dardar galiyo dadagaalka Khawaarijta, waxaana haatan ku sugan madax heer gobol iyo federaal oo kulamo la yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidanka.

Si kastaba, abaabulka hadda socda ayaa kusoo aadayo, iyada oo hadal-hayn xoogan iyo falcelin aan caadi ahayn ay ka dhalatalay qabsashada degmada Moqokori oo muddo dheer ay difaacayeen Macawiisleyda Xawaadle, taas oo ugu dambeyn u gacan gashay cadowga.

DF oo ka laabatay shuruud saameyn xooggan ku yeelan lahayd helidda baasaboorka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka aan weli laga bilaabin isticmaalka kaarka aqoonsiga cusub ee dalka si loogu qaato baasaboorka, taasoo ay sabab u tahay caqabado farsamo iyo isku-dubbarid la’aanta hay’adaha oo aan weli la xallin.

In kasta oo ay dowladdu daah-furtay nidaamkeeda aqoonsiga dhijitaalka ah sannadkii 2022, kaasoo loo marayo Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), haddana muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa weli laga rabaa inay soo gudbiyaan dokumeentiyo hore, sida shahaadada dhalashada, diiwaanka jinsiyadda, iyo warqadda dembi la’aanta ee ka soo baxda Hay’adda Dambi Baarista (CID), si ay u helaan baasaboor.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mustafe Dhuxulow, ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee dib-u-dhaca keentay ay tahay iyadoo aan jirin hannaan mideysan oo is-dhaafsiga xogta ah oo u dhexeeya hay’adaha bixiya aqoonsiyada.

“Waqtigan xaadirka ah ma jiro isku-xir rasmi ah oo ka dhexeeya nidaamyadeena iyo kan NIRA,” ayuu yiri Dhuxulow. “Inta aanan ku tiirsanaanin oo kaliya aqoonsiga qaranka, waa inaan is-waafajinno xogtii hore iyo diiwaannada cusub, aanna dhisnaa nidaam sugan oo wada-shaqeyn kara si looga hortago in macluumaadka la laba-laabo loona xaqiijiyo sax ahaanshahooda.”

Dhuxulow wuxuu intaa ku daray in ay socdaan dadaallo la isugu xirayo keydka xogta ee NIRA iyo kan Hay’adda Socdaalka si loo suurtageliyo in baasaboorrada si toos ah loogu bixiyo iyadoo la isticmaalayo aqoonsiga qaranka. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro jadwal rasmi ah oo la shaaciyay oo ku aaddan xilliga la soo gabagabeynayo isku-xirkan.

Hay’adda NIRA, oo lagu aasaasay sharci federaali ah sannadkii 2023, ayaa loo xilsaaray inay kormeerto nidaamyada diiwaangelinta madaniga ah iyo aqoonsiga qaranka ee Soomaaliya. In kasta oo la daah-furay baraha diiwaangelinta casriga ah sida e-Aqoonsi iyo Hubiye, mas’uuliyiintu waxay qireen in horumarka ay carqaladeeyeen kaabayaasha oo liita, gaar ahaan gobollada ay ku yar tahay helitaanka adeegyada dhijitaalka ah. Laga soo bilaabo Juun 2025, kaliya qeyb yar oo ka mid ah dadweynaha Soomaaliya ayaa iska diiwaangelisay nidaamka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan NIRA oo uu soo xigtay wargeyska Biometric Update.

Dhanka kale, dowladda federaalka ah ayaa bilowday inay shardi uga dhigto helitaanka adeegyada muhiimka ah ee dowladda in la qaato kaarka aqoonsiga qaranka. Bishii Juun 2025, Wasaaradda Gaadiidka ayaa ku dhawaaqday in aqoonsiga laga rabo qofkii doonaya shatiga darawalnimada iyo diiwaangelinta gaadiidka. Waxaa la filayaa in adeegyo kale — oo ay ku jiraan waxbarashada, caafimaadka, dokumeentiyada sharciga ah, iyo safarrada gudaha ama dibadda — ay ku xigi doonaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa sheegtay in go’aankani uu qayb ka yahay dadaal qaran oo lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, lagu tayeyo adeegyada bulshada, laguna xoojiyo amniga iyadoo la xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaangeliyo.

Puntland iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada kale ayaa ka horyimid barnaamijkan ay waddo dowladda dhexe, iyagoo ku eedeeyay Muqdisho inay awoodda isku koobayso iyadoo adeegsanaysa kaabayaasha aqoonsiga. War-saxaafadeedyo ay soo saareen, mas’uuliyiinta Puntland waxay ku doodeen in NIRA ay ka tallaabsanayso hay’adaha heer gobol ayna wiiqayso nidaamka federaalka.

Loollankan siyaasadeed ee jira, dowladda federaalku waxay ku adkaysanaysaa in barnaamijka aqoonsigu yahay mid aan siyaasad ku dhisnayn oo looga gol leeyahay in lagu casriyeeyo hab-maamulka dalka.

Bishii Janaayo 2025, Agaasimaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cabdulle, ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in nidaamka aqoonsigu uu xiriir la leeyahay doorashooyinka soo socda, isagoo sheegay in ujeeddadiisu tahay in la xaqiijiyo in si siman loo helo adeegyada dowladda.

Sida Soomaaliya ay isugu diyaarinayso doorashooyinka 2026, waxaa la filayaa in nidaamka aqoonsiga qaranku uu door weyn ka ciyaaro diiwaangelinta cod-bixiyayaasha iyo daah-furnaanta doorashada.

Maxaa xiga dhabar-jebinta Imaaraadku ku sameeyey Soomaaliya iyo Turkey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Geeska Afrika oo xaaladdiisu kacsan tahay ayaa hadda noqday masraxa loolan siyaasadeed oo aad u adag, iyadoo warbixin cusub ay sheegayso in Imaaraadka Carabta uu si ulakac ah u maleegayo heshiis ay Itoobiya saldhig milateri kaga kiraysato Somaliland.

Arrintani ma aha oo kaliya muran goboleed ku saabsan deked, balse waa u adeegsiga dhul qaran oo madaxbannaan hub ahaan, taasoo qayb ka ah dagaal hoose oo ku salaysan awood-sheegasho oo u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Turkey. Tallaabadan ayaa halis ugu jirta inay burburiso nabad jilicsan oo ka jirtay gobolka, carqaladayso dublamaasiyadda, ayna ku riixdo guud ahaan gobolka iska hor-imaad dhinacyo badan leh.

Macnaha guud: Colaad la dhoofiyay

Asal ahaan, xiisaddani waxay ka tarjumaysaa in loolanka ba’an ee u dhexeeya Imaaraadka iyo Turkey oo loo raray mid ka mid ah gobollada adduunka ugu nugul. Soomaaliya ayaa noqotay goobta lagu hardamayo, halka arrimaha asaasiga ah ee ah in Itoobiya ay hesho marin-badeed iyo dadaalka Somaliland ee aqoonsi-raadinta ay noqdeen kuwa loo adeegsado dano ka ballaaran oo qayb ka ah loolan aad uga weyn.

Iskaashi ilaa dagaal wakaaladeed: Sannado badan, dawladaha Khaliijka iyo Turkey waxay ku tartamayeen saamaynta ay ku yeelanayaan Soomaaliya iyagoo adeegsanaya maalgashi, gargaar, iyo taageero dhinaca amniga ah. Tallaabadan la sheegay inuu Imaaraadku qaaday ayaa astaan u ah isbeddel weyn oo loolankii u rogay iska hor-imaad toos ah, iyadoo Itoobiya loo adeegsanayo wakiil lagu wiiqayo guulaha istiraatiijiyadeed ee Turkey.

Hubaynta madaxbannaanida: Istiraatiijiyadda Imaaraadka ayaa ah mid si gaar ah u dhib badan, sababtoo ah waxay ka faa’iidaysanaysaa hanti hore u jirtay—saldhig milateri oo ay ka dhistay Berbera—waxayna ka faa’iidaysanaysaa baahida istiraatiijiyadeed ee Itoobiya iyo himilooyinka siyaasadeed ee Somaliland. Markuu heshiiska u dhigay mid laba geesood ah oo dhex mara Itoobiya iyo Somaliland, Imaaraadku wuxuu u muuqan karaa inuu yahay hindisaha xiisadda, isagoo isla markaasna awood u leh inuu si macquul ah isaga fogeeyo eedda.

Dhammaadka dhex-dhexaadnimada: Tallaabadani waxay ku qasbaysaa awoodaha gobolka inay kala saftaan, taasoo meesha ka saaraysa rajo kasta oo dhex-dhexaadnimo ah. Waxay muran taariikhi ahaan u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya u beddeshay isbahaysiyo isku murugsan, taasoo ka dhigaysa in xal dublamaasiyadeed la helo mid aad u sii adkaada.

Dhinacyada ku lugta leh iyo danahooda

Fahamka xiisaddan waxay u baahan tahay in la lafo-guro ujeeddooyinka jilaa kasta oo muhiim ah, kuwaasoo mid walba uu raadinayo yool halistiisu sarreyso.

Imaaraadka Carabta (Hindisaha): Isagoo ka welwelsan heshiiskii difaaca ee Turkey iyo Soomaaliya ee 2024-kii, kaasoo siiyey Turkey oo ay xafiiltamaan gacan ku haynta xeebaha Soomaaliya, ayuu Imaaraadku qaaday tallaabo liddi ku ah. Markuu Itoobiya siiyey saldhig badeed, wuxuu isku mar xakameeyey awoodda Turkey, dib u soo celiyey saamayntiisa marinka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, wuxuuna ciqaabay Soomaaliya oo la safatay Ankara.

Itoobiya (Ka-faa’iidaha): Tan iyo markii ay Eritrea ka go’day, Itoobiya oo aan bad lahayn, helitaanka marin-badeed waa arrin nolol iyo geeri u ah Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Dalabka Imaaraadka ayaa siinaya fursad qaali ah oo uu ku xaqiijin karo riyadan soo jireenka ah, iyadoo ay la socoto xarun milateri oo diyaar ah, taasoo ah abaal-marin ay Itoobiya u muuqato inay diyaar u tahay inay khatar ugu gasho cambaarayn iyo colaad goboleed.

Somaliland (Suurta-geliyaha): Jamhuuriyaddan iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday, tani waa heshiiska ugu muhiimsan. Kiraynta dekedda, Somaliland waxay ku beddelanaysaa hantideeda ugu qaalisan—goobta istiraatiijiga ah—si ay u hesho taageero dadban iyo aqoonsi mustaqbalka uga yimaada quwad goboleed sida Itoobiya. Waa khamaar ay ku doonayso inay kaga baxdo go’doonka siyaasadeed ee soo haystay tobannaan sano.

Turkey (Bartilmaameedka): Heshiiska difaaca ee 10-ka sano ah wuxuu ahaa guul istiraatiiji ah oo weyn oo usoo hoyatay Ankara, isagoo ka dhigay dammaanad-qaadaha amniga ee aasaasiga ah ee gobolka. Tallaabada Imaaraadka ayaa ah caqabad toos ah oo ka dhan ah maqaamkan cusub, taasoo looga gol leeyahay in ballan-qaadka badda ee Turkey laga dhigo mid aad u adag oo khatar badan.

Soomaaliya (Dhibbanaha): Muqdisho waxay dagaal kaga jirtaa laba jiho: difaacidda midnimadeeda dhuleed ee ay kala horjeeddo damaca Itoobiya, iyo sidoo kale la tacaalidda falalka la sheegay inay yihiin kharribaad uga imanaysa Imaaraadka, oo ah waddan ay mar u arki jirtay saaxiib muhiim ah. Heshiiskan waa halis jiritaan oo ku wajahan dawladda Soomaaliya.

Sida ay diblamaasiyaddu u fashilantay

Xiisaddani waxay daaha ka rogaysaa sida dhaqsaha leh ee ay dublamaasiyaddu u burburi karto marka quwad weyn ay u dhaqanto sidii fashiliye. Iskudaygii hore ee Turkey ee ahaa inuu dhex-dhexaadiyo xal nabadeed—mid siin lahaa Itoobiya marin ganacsi ee aan milateri ahayn—wuxuu ahaa xal macquul ah oo xiisadda looga bixi karay. Ankara waxay xitaa kaashatay Qatar si ay cadaadis u saarto Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, geeddi-socodkan jilicsan waxaa burburiyey tallaabooyin is-daba-joog ah oo dhinacyadu ay isaga difaacayeen. Isagoo u arkayay qorshaha Berbera mid halis degdeg ah, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu si degdeg ah ugu safray Qaahira, isagoo heshiis difaac la galay Masar—oo ah waddanka ugu weyn ee ay xafiiltamaan Itoobiya.

In kasta oo looga dan lahaa cabsi-gelin, tallaabadani waxay ahayd middii soo afjartay wada-hadalladii. Addis Ababa waxay u fasiratay in Soomaaliya oo la safatay cadowgeeda ay tahay fal colaadeed, taasoo qiil uga dhigtay inay ka baxdo wada-hadalladii ayna u jiheysato in ay dhammaystirto heshiiska ay la gashay Somaliland.

Natiijadu waa isbahaysi siyaasadeed oo cusub oo khatar ah: Itoobiya, Somaliland, iyo Imaaraadka oo dhinac ah, oo ay ka soo horjeedaan isbahaysi ka kooban Soomaaliya, Turkey, iyo Masar oo dhinaca kale ah.

Tallaabooyinka lagu eedeeyay Imaaraadka Carabta waxay Geeska Afrika gaarsiiyeen meel qarka u saaran khatar weyn. Kani ma aha muran xakamaysan. Waa iska horimaad isku-dhafan oo cabashooyinka maxalliga ah loo adeegsanayo shidaal dagaal wakaaladeed oo ka weyn. Xasilloonida guud ahaan gobolka ayaa hadda halis ku jirta, iyadoo ay afduubteen himilooyinka istiraatiijiyadeed ee quwadaha is-haya.

Xisaabtan-darro ka timaada dhinac kasta waxay si fudud u hurin kartaa colaad ballaaran, taasoo cawaaqib xun ku yeelan karta gobol horeyba ugu dhibaataysnaa degenaansho la’aan, abaar, iyo rabshado. Kala qaybsanaanta cusub ee la abuurayo kuma xardhana khariidad, balse waxay u dhaxaysaa caasimadaha, waxayna Geeska Afrika si halis ah ugu riixayaan meel u dhow heerka burburka.

Maxkamad go’aamisay kiiska Khaalid Sheikh Mohamed – Maskaxda weeraradii 9/11

Washington (Caasimada Online) – Maxkamad racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa Jimcihii diiday in ay aqbasho heshiisyo dacwadeed oo u saamaxayay Khaalid Sheikh Mohammed, oo loo haysto inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay weeraradii September 11, 2001, iyo laba kale oo la eedaysan, in ay dembigooda qirtaan, taasoo beddelkeeda looga badbaadin lahaa ciqaabta dilka ah.

Go’aankan oo ay gaareen labo ka mid ah saddexdii garsoore ee fadhiday maxkamadda Racfaanka Maraykanka ee Washingtn (U.S. Court of Appeals for the District of Columbia Circuit), ayaa meesha ka saaray isku dayo lagu doonayay in lagu soo gabagabeeyo maxkamadayn militari oo muddo labaatan sano ah ku jirtay ismari-waa sharciyeed, taasoo loo haystay saddexda maxbuus ee ku xiran xabsiga Guantanamo Bay ee dalka Cuba.

Heshiisyadan qirashada dembiga ah ayaa la soo bandhigay sannadkii hore, waxaana aqbalay sarkaalkii mas’uulka ka ahaa maxkamadda dembiyada dagaalka ee Wasaaradda Difaaca (Pentagon) ee Guantanamo. Hase yeeshee, waxaa bishii Agoosto ee isla sannadkaas buriyay Wasiirkii Difaaca ee xilligaas, Lloyd Austin, ka dib markii qaar ka mid ah xildhibaannada xisbiga Jamhuuriga ay si weyn u dhaliileen heshiisyadaas.

Si kastaba ha ahaatee, garsoore militari ayaa go’aamiyay in Austin uusan lahayn awood uu ku buriyo heshiisyadaas, go’aankaas oo bishii December ay taageertay Maxkamadda Dib-u-eegista Guddiyada Militariga ee Maraykanka. Kadibna, garsoorihii wuxuu si degdeg ah u qorsheeyay dhagaysiyo loo qaadi lahaa qirashada dembiga.

Maxkamadda Racfaanka ee D.C iyadoo ka jawaabaysa codsi ka yimid maamulkii Madaxweynihii hore ee Dimoqraadiga, Joe Biden, ayaa ogolaatay in la hakiyo dhagaysiyadaas inta ay ka dhagaysanayso dacwadda sharciga ah ee ay dowladdu ka gudbisay, taasoo uu sidoo kale sii waday maamulka madaxweynaha Jamhuuriga ee Donald Trump.

Garsoorayaasha maxkamadda Racfaanka, Patricia Millett iyo Neomi Rao, oo qorayay aragtida aqlabiyadda, ayaa go’aankoodii Jimcaha ku sheegay in Austin “uu si shaki la’aan ah u lahaa awood sharciyeed oo uu kaga baxo heshiisyadaas.”

“Markii uu si sax ah ula wareegay awooddii isku dubaridka, Xoghayuhu wuxuu go’aamiyay in ‘qoysaska [dhibbanayaasha] iyo shacabka Maraykanku ay mudan yihiin fursad ay ku arkaan maxkamadaha guddiyada militariga oo shaqadooda qabsanaya,'” ayay garsoorayaashu qoreen. “Xoghayuhu wuxuu ku dhaqmay awoodiisa sharciga ah, annaguna waxaan diidaynaa inaan su’aal gelino go’aankiisa.”

Millett waxaa magacawday Madaxweynihii hore ee Dimoqraadiga, Barack Obama, halka Rao ay uu magacaabay madaxweyne Trump. Garsooraha kale ee Maxkamadda Racfaanka, Robert Wilkins, oo isna uu magacaabay Obama, ayaa ka soo horjeestay go’aankan oo uu ku tilmaamay “mid lala yaabo,” isagoo sheegay in garsoorayaasha kale ay ahayd inay ixtiraamaan go’aannada maxkamadaha militariga ee fasiraya sharciyada militariga.

Qareen u doodaya Khaalid iyo mid ka mid ah eedaysanayaasha kale, Mustafa Ahmed Adam al Hawsawi, ayaan ka jawaabin codsiyo loo diray oo lagu weydiinayay inay ka hadlaan arrintan, sidoo kalena Wasaaradda Difaaca kama aysan jawaabin.

Matthew Engle, oo ah qareenka eedaysanaha saddexaad, Walid Muhammad Salih Mubarak bin ‘Atash, ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo inuu racfaan kale ka qaato go’aankan, oo ay ku jirto inuu u gudbiyo Maxkamadda Sare ee Maraykanka.

Khaalid Sheikh Mohammed waa maxbuuska ugu caansan ee ku xiran xabsiga Guantanamo Bay, kaasoo uu sannadkii 2002 aasaasay Madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka, George W. Bush, si loogu hayo dadka looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyooyinka ajnabiga ah ka dib weeraradii September 11, 2001.

Khaalid waxaa lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay qorshihii lagu afduubtay diyaaradaha rakaabka ee ganacsiga, laguna dhuftay daarihii Xarunta Ganacsiga Adduunka (World Trade Center) ee magaalada New York iyo xarunta Wasaaradda Difaaca (Pentagon). Weeraradaas 9/11 waxaa ku dhintay ku dhawaad 3,000 oo qof.

 

Xogta ciidankii ugu badnaa oo gaaray Maxaas + Ujeedka

Maxaas (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan abaabul culus uu ka socda gobolkaasi, waxaana lasoo wariyay in ciidamo gurmad ah ay gaareen degmada Maxaas oo uu ka socdo guluf ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ka yimid magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan, waxayna ku biireen abaabulka ka socda Maxaas ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya kolonyo gaadiid dagaal ah oo gudaha u galaya magaalada, iyadoo dadweynuhu ay daawanayaan, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda Xawaadle.

Ujeedka ciidamadan gurmadka ah ee tegay furimaha dagaalka ayaa ah inay xoojiyaan ciidamadii horay u joogay halkaasi, waxayna qayb ka noqon doonaan howlgalka la qorsheynayo in dib loogu qabto Moqokori oo muddo todobaad ah ay haystaan Shabaab.

Degmada Maxaas oo ku taalla bartamaha gobolka Hiiraan ayaa noqotay meel istiraatiiji ah oo laga dardar galiyo dadagaalka Khawaarijta, waxaana haatan ku sugan madax heer gobol iyo federaal oo kulamo la yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidanka.

Qorshaha ugu wayn ayaa ah in laga hortago in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku fidiyaan gobolka Hiiraan oo inta badan horay looga xoreeyay, waxaana abaabulka horkacaya ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Macawiisleyda Mudane Cali Jayte Cismaan.

“Waxaa socda dadaallo dib loogu habeynayo ciidamada deegaanka, si loo xoojiyo dagaalka, una qabsadaan deegaano hor leh oo ku sugan yahay cadowga,” ayuu yiri Cali Jayte.

Si kastaba, abaabulka hadda socda ayaa kusoo aadayo, iyada oo hadal-hayn xoogan iyo falcelin aan caadi ahayn ay ka dhalatalay qabsashada degmada Moqokori oo muddo dheer ay difaacayeen Macawiisleyda Xawaadle, taas oo ugu dambeyn u gacan gashay cadowga.