26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

IRAN oo la shaaciyey in ay leedahay xarun Nukliyeer qarsoodi ah oo aan la ogeyn

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa ku andacooday in weerarro ay fuliyeen ciidamada Maraykanku ay “si buuxda oo dhammaystiran u burburiyeen” xarumaha ugu muhiimsan ee lagu hormariyo nukliyeerka Iran. Balse bishan, Iran ayaa ku dhawaaqday inay leedahay xarun kale oo lagu bacrimiyo uraniyum, taasoo ay ku sheegtay “meel ammaan ah oo aan la gaari karin,” isla markaana lagu bilaabi doono rakibidda centrifuge-yada si degdeg ah.

Ku dhawaaqistaas waxaa sameeyay madaxa Hay’adda Tamarta Atomiga ee Iran Mohammad Eslami, 12-kii Juun – wax yar kaddib markii Guddiga Sare ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (International Atomic Energy Agency, IAEA) ay cambaareeyeen Iran, sababo la xiriira ku-tumasho heshiiskii hufnaanta ee Xeerka Ka-hortagga Faafinta Hubka Nukliyeerka (Nuclear Nonproliferation Treaty).

“Xarunta cusub waa la dhammaystiray waxayna ku taallaa meel ammaan ah oo aan si sahlan loo beegsan karin,” ayuu yiri Eslami. “Marka la dhammaystiro rakibidda iyo dejinta centrifuge-yada, howlgalka bacriminta ayaa si rasmi ah u bilaaban doona.”

Hadalkan lama filaanka ahaa weli lama helin caddayn rasmi ah oo taageeraysa sheegashadaas, sidoo kalena ma jirto meel si rasmi ah loogu magacaabay inay tahay goobta cusub. Sirdoonka reer Galbeedka ma aysan xaqiijin run ahaanshaha warkan, waxaana sidoo kale muuqan wax jawaab ah oo muuqda hay’adaha caalamiga ah ama dowladaha shisheeye.

Goobtan cusub ayaa la rumeysan yahay in muddo sanado ah la dhisayey, iyadoo Iran aysan weli u oggolaan Hay’adda Tamarta Atomiga inay booqato. Madaxa hay’addaas, Rafael M. Grossi, ayaa bishii Abriil saxaafadda u sheegay in “Iran ay nagu tiri: ‘Arrintaasi adinka idinma khusayso.’”

Xaruntan cusub, oo haddii la xaqiijiyo noqon doonta tii saddexaad ee Iran leedahay, ayaa la rumeysan yahay inay ku taallo dhul hoostiisa sida Fordo iyo Natanz – kuwaasoo xalay la weeraray. Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga in centrifuge-yo lagu rakibay iyo inkale, ama inay diyaar tahay, sida uu sheegay Eslami.

David Albright, oo ka tirsan Machadka Sayniska iyo Ammaanka Caalamiga ah (Institute for Science and International Security), ayaa qoray in xarunta cusub ay u badan tahay inay ku taallo koonfurta magaalada Natanz, hoosta buurta Kuh-e Kolang Gaz La – taasoo dhererkeedu gaarayo hal mayl oo ka sarreeya heerka badda, kana dheer buurta Fordo ku dhowaad nus mayl.

“Goobtan waxaa ujeedkeedu u muuqdaa inay noqoto xarun weyn oo lagu rakibo centrifuge-yo,” ayuu yiri Albright. Haddii xaruntaasi ay si buuxda u hawlgasho iyadoo la adeegsanayo centrifuge-yada casriga ah, ayuu ku qiyaasay in Iran ay awoodi karto inay saddex bil gudahood ku soo saarto uraniyum si sare loo bacrimiyey oo ku filan samaynta 19 bam nukliyeer ah.

Dowladda Iran waxay sidoo kale ku dhawaaqday inay ka jawaabayso cadaadiskaas, iyadoo beddelaysa centrifuge-yadii duqoobay ee Fordo, lana isticmaalayo kuwa ugu casrisan. Si kastaba, lama caddaynin in isbeddelkaasi la hirgeliyey ka hor weerarkii dhacay.

Sawirro: Xasan oo maanta Muqdisho ka daah-furay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay Qorshaha Hiigsiga qarni-jirka 2060-ka.

Hiigsigan oo ka kooban 7 qorshe qaran oo 5-sanadle ah, ayaa waxa uu diiradda saaraya sidii ay Soomaaliya ku noqon lahayd dal mideysan, xooggan, nabdoon, kana mid ah waddamada dakhliga dhexe meelaha sare kaga jira, marka la gaaro sanadka 2060.

Shirkaan oo socon doona muddo saddex cisho ah waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo marti-sharaf kale.

La-taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha JFS, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Xasan Aadan Hoosow, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haddii qorshahaan la hirgeliyo Soomaaliya ay noqon doonto dal barwaaqo ah.

“Haddii Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka la hirgeliyo, Soomaaliya waxay noqon doontaa dal barwaaqo ah,” ayuu yiri La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in qorshahan uu isbeddel weyn u horaeedi doono Soomaaliya.

“Qorshaha Qarni-jirka 2060-ka waxaa uu isbeddel weyn ku sameyn doonaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Toddoba askari oo Ugandan ah oo lagu dilay Soomaaliya

Kampala (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda ayaa xaqiijisay in ugu yaraan toddobo askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ay ku dhinteen hawlgal wadajir ah oo qaraar oo socday muddo saddex maalmood ah, kaasoo lagu doonayay in magaalada Sabiid-Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose lagala wareego maleeshiyada Al-Shabaab.

Askartan waxay qayb ka ahaayeen Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo loo xil saaray la-dagaallanka Al-Shabaab.

Weerarradii ugu dambeeyay ayaa kiciyay cabsi laga qabo soo rogaal-celinta kooxaha jihaad doonka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan xilli hawlgalka AUSSOM uu la daalaa-dhacayo ciidamo aan ku filnayn iyo dhaqaale yari.

Khasaarahan ayaa yimid intii uu socday go’doon saddex maalmood qaatay oo lagu hayay magaalo Sabiid-Caanoole, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Uganda, iyadoo intaas ku dartay in magaalada dib loogala wareegay Al-Shabaab.

“Nasiib darro, waxaan ku weynay toddobo askari intii uu dagaalku socday,” ayuu Afhayeenka Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda, Felix Kulayigye, u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

“Waxaan ku ammaanayaa geesinimada ciidamadeenna halyeeyada ah ee AUSSOM-UPDF iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Hawlgalkani waa qayb ka mid ah dadaalkeenna joogtada ah ee aan ku doonayno inaan ku wiiqno awoodda Al-Shabaab iyo inaan si buuxda u hirgelinno Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, kaasoo aakhirka horseedi doona in mas’uuliyadaha amniga lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.”

Taliyaha Qaybta Koowaad (Sector One), Gaashaanle Sare Joseph Musoke Ssemwanga, ayaa ku tilmaamay Sabiid-Caanoole inay ahayd xarun weyn oo muhiim u ah saadka iyo qorsheynta Al-Shabaab.

Ilo-wareedyo militari ayaa xaqiijiyay in ka dib markii amniga magaalada la sugay, ay cutubyada AUSSOM iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka ay billaabeen inay xoojiyaan gacan ku haynta, ayna hadda ku hawlan yihiin hawlgallo daba-gal ah oo lagu ciribtirayo haraadiga dagaalyahannada Al-Shabaab ee ku sugan guud ahaan Shabeellooyinka

Meydadka toddobada askari ee geeriyooday ayaa la filayaa in dalkooda Uganda dib loogu celiyo si loogu aaso iyadoo la raacayo maamuus qaran oo militari.

Uganda waxay door safka hore ah ka qaadanaysay xasillinta Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007, iyadoo ka hoos shaqaynaysa dallada Midowga Afrika.

Hawlgalka AUSSOM, oo beddelay ciidamadii hore ee ATMIS, ayaa hadda ka kooban 11,146 askari — inkastoo bishii Abriil uu sheegay inuu u baahan yahay 8,000 oo askari oo dheeraad ah.

Soomaaliya waxay muddo dheer la daalaa-dhacaysay kacdoonka Islaamiga ah ee rabshadaha wata, inkastoo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida lagu qasbay inay difaac galaan sannadihii 2022 iyo 2023, kaddib hawlgallo ay wadeen ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayaan nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika.

Weerarro dhowaan ka dhacay magaalooyin muhiim ah ayaa kiciyay walaac laga qabo soo noolaanshaha kooxda, iyadoo maleeshiyadu ay bishii Maarso beegsadeen kolonyo uu la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xogta dagaal jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo maanta ka dhacay aagga…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay saaka weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Xoogga dalka ku leeyihiin deegaanka Burjeed oo u dhexeeyo magaalada Baydhaba iyo deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal toos ah.

Ciidamada oo hayay xogta weerarka Al-Shabaab ayaa ka hortegay xubnaha Al-Shabaab, iyagoo jab culus ugu gaystay halkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

“Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii hore ee saakay jab xooggan ugu geystay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka Burjeed oo dhowr iyo toban KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ka ee maamulka Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda dhexe.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan aagga magaalada Baydhaba ayaa sheegay in weli maydadka Al-Shabaab ay daadsan yihiin gudaha  Burjeed, isla markaana ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyada weerarka ku qaaday deegaankaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Baay oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Waa markii labaad oo cashir lama ilawaan ah kooxda Khawaarijta loogu dhigayo deegaanka Burjeed, waxaana ahayd dhowaan markii lagu laayay deegaankaasi, kadib markii looga dilay ugu yaraan 20 Shabaab ah oo xilligaas sidaan weerar ugu soo qaaday ciidamada.

Maydadka xubnaha Al-Shabaab ee xilligaas la laayay ayaa la geeyay magaalada Baydhaba, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka socda guluf ka dhan ah argagixisada, si looga saaro deegaannadaasi oo ay muddo dheer ku hayaan cunaqabateyn xoogleh.

Ciidamada Puntland oo nolosha ku qabtay ajnabi ka tirsan kooxda Daacish

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta ciidamada difaaca maamulka Puntland ay howlgallo culus ka sameeyeen aagga buuraha Calmiskaad, kuwaas oo lagu beegsaday firxadka maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Ciidamada ayaa saaka isku fidiyay togga Baalade, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan kooxda Daacish, waxaana lasoo wariyay in la’isku fara saaray halkaasi.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu qabtay nin ajnabi ah oo ka tirsan Daacish, isla-markaana ciidamadu ay nolosha ku qabteen, isaga oo kasoo firxaday kooxda.

Puntland ma shaacin dalka uu kasoo jeedo ninka la qabtay, waxaase haatan baaritaanno ku hayo ciidamada ammaanka ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

“Ciidanku waxay Togga Baallade ka qabteen Nin Ajanebi ah oo ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish ee la jebiyey. Tan iyo markii laga sifeeyay inta badan Calmiskad firxadka Argagixisada aya mid mid looga qabanaya Toggaga Calmiskaad”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska howlgalka Hillaac ee Puntland.

Sidoo kale waxa lasoo wariyay inuu jiro khasaare kale oo ciidamada howlgaka sameeyay soo gaaray, waxaana jiro dhimasho iyo dhaawac, iyada oo dadka dhintayuu ku jiro Abwaan Cabdulkadir oo goor sii horeysay oo maanta ah tiriyay maanso uu ku cabiray dareenkiisa.

Dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale ay ciidamada Puntland gacanta ugu dhigeen nin u dhashay waddanka Turkiga oo ka barbar dagaalamayey kooxda Daacish, waxaana la qabtay isaga oo watay qori AK-47 ah, isla markaana kaligiis biyo ka dhaansanayay ceel.

Ciidanka Guutada 3-aad ee Puntland, oo qabtay ninkaas, ayaa ku sifeeyay inuu yahay dagaalyahan hore uga fakaday howlgallo lagu burburiyay xarumo ay Daacish ku lahayd buuraleyda Cal Miskaad. Inkastoo aan la shaacin magaciisa, haddana mas’uuliyiinta Puntland waxay sheegeen in uu haysto jinsiyadda Turkiga isla markaana uu bixiyay xog muhiim ah intii lagu guda jiray wareysiyo hordhac ah.

Eedeysanuhu ma uusan la socon wax koox ah xilligii la qabtay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Wuxuu ka fakaday intii lagu guda jiray howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu wiiqay awoodda Daacish ee gobolka.”

Puntland ayaa dagaal adag kula jirta argagixisada ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, iyada oo dhowaan lasoo gabagaabeeyay wajiga saddexaad ee howlgalka loogu magac daray Hilaac oo lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ku yaalla aagga Calmiskaad.

Maxaa laga filaan karaa Axmed Madoobe iyo Deni oo lagu lamaanay Mucaaradka?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sii laba kacleyneysa, waxaan kasii daraya khilaafka u dhexeeya Villa Soomaaliya, mucaaradka iyo qaar kamid ah maamullada dalka, gaar ahaan dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland.

Dhinacyadan ayaa si weyn isugu haya hannaanka doorashooyinka ee 2026 iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG, taas oo dhalisay xiisadda haatan ka taagan dalka.

Hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ayaa haatan wada dhaq-dhaqaaqyo culus, iyaga oo toos ula saftay siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii taageero buuxda ay u muujiyeen Madasha Samatabixinta Mucaaradka.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa haatan kulamo ka wada magaalada Garoowe, kuwaas oo ay uga hadlayaan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo hanaanka doorashada.

Qorshaha ugu wayn ee labada hoggaamiye ayaa ah in lasoo celiyo xiriirka labada dowlad-goboleed iyo in la iska kaashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka doorashooyinka ee soo jiitamaya iyo xaaladda guud ee amniga dalka.

Wadahadallada socda ayaa sidoo kale la rajeynayaa inay sare u qaadaan iskaashiga labada dhinac, dibna ay u dhisaan kalsoonida siyaasadeed iyo in wax looga qabto caqabadaha baaxadda leh ee horyaalla nidaamka federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Xildhibaan Sadiiq Cabdullaahi Cabdi oo ka tirsan Golaha Shacabka, isla markaana qayb ka ah dhaq-dhaqaaqa mucaaradka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kulamada ka socda Garoowe iyo midowga mucaaradka ku sugan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in arrimahan ay wax badan ka beddeli doonaan xaalka siyaasadeed ee dalka, ayna filayaan in dhowaan ay keenaan isbeddello waawayn.

“Kulanka Garowe ee JL & PL oo lagu lamaaniyey iskaashiga Madasha & xildh mucaaradka ee Xamar wax badan ayey maareyn doonaan dhowaan” ayuu yiiri Xildhibaan Sadiiq.

Villa Somalia ayaa dhankeeda sii wadda ololaha ay ku dooneyso qabashada doorasho qof iyo cod ah, si u hirgeliso waxaana xalay arrintan sii xoojiyay Ra’iisul wasaare Xamza.

“Waxa aynu u baahannahay in aynu u gudubno hannaan lagu mideysan yahay oo dadka Soomaaliyeed oo dhan isu keenaya, haddii aynu ka baxno nolosha dadban waxa aynu ka gudbayna midnimo la’aanta colaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira dalkeenna” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaase isha lagu wada hayaa natiijada shirka ay ku ballansan yihiin Madaxweyne Xasan iyo xubnaha mucaaradka.

Afar tallaabo oo kala duwan oo IRAN ay uga jawaabi karto weerarkii Mareykanka

Tehran (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa Sabtidii weerar lama filaan ah oo cirka ah ku qaaday saddex xarunood oo nukliyeer oo Iiraan leedahay, tallaabadaas oo si toos ah Washington uga dhigtay dhinac ka mid ah dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Donald Trump ayaa sheegay in duqeymaha cirka lagu “baabi’iyay gebi ahaanba” xarumaha Fordow, Natanz iyo Isfahan, weerarradaas oo looga gol lahaa in lagu curyaamiyo awoodda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee bacariminta yuraaniyamka.

Illaa hadda ma cadda in xarunta Fordow, oo ku aasan meel gun ah oo buur hoosteeda ah ayna ilaaliyaan nidaamyada difaaca cirka, la burburiyay qayb ahaan ama gebi ahaanba.

Telefishinka Al Jazeera qaybtiisa Carabiga ayaa ku warramay in Washington ay Tehran horay uga sii wargelisay weerarrada, iyo in goobihii la beegsaday la baneeyay.

Dhanka kale, warbaahinta Amwaj Media, oo soo xiganaysa ilo-wareed siyaasadeed oo Iiraani ah, ayaa ku warrantay in “inta badan” keydka yuraaniyamka la bacrimiyey ee Iiraan lagu hayay goobo aamin ah oo ka baxsan saddexda goobood ee la beegsaday.

Iiraan ayaa ku hanjabtay inay ka aargoosan doonto weerarrada Mareykanka, waxayna maalintii Axadda soo saartay digniin ah in “askari iyo muwaadin kasta oo Mareykan ah oo gobolka jooga uu yahay bartilmaameed xalaal ah”.

Xilli xaaladdu ay weli cakiran tahay, warbaahinta Middle East Eye waxay faaqiday tallaabooyinka Iiraan u furan ee ay kaga jawaabi karto weerarkan.

Weeraro lagu beegsado hantida Mareykanka

Mareykanku wuxuu saldhigyo militari oo kala duwan ku leeyahay guud ahaan Bariga Dhexe.

Saldhigyada ugu muhiimsan waxay ku yaallaan dalalka Kuweyt, Imaaraadka Carabta, Qadar, Suuriya, Baxreyn iyo Ciraaq.

Weerarrada Iiraan lagu qaaday kaddib, falanqeeye ka tirsan telefishinka dowladiga ah ee Iiraan ee IRIB ayaa sheegay in muwaadin iyo askari kasta oo Mareykan ah oo gobolka jooga uu yahay “bartilmaameed xalaal ah”, wuxuuna shaashadda ka baahiyay khariirad muujinaysa saldhigyada Mareykanka ee gobolka.

“Idinkaa billaabay, annagana waan soo afjari doonnaa,” ayuu yiri.

Wasaaradda Maaliyadda ee Kuweyt ayaa maalintii Axadda sheegtay inay diyaarisay goobo lagu gabbaadsado oo ku yaalla dhismaha wasaaradaha ee dalkaas.

Wasaaraddu waxay war ay soo dhigtay barteeda X ku sheegtay in goobahani ay qaadi karaan dad gaaraya 900 oo qof.

Ka bixitaanka heshiiska NPT

Weerarka Mareykanka ee Iiraan ayaa ku dhaliyay qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Iiraan inay ku baaqaan in laga baxo Heshiiska Xakamaynta Faafidda Hubka Nukliyeerka (Non-Proliferation Treaty), kaasoo dhiirrigeliya hub-ka-dhigista iyo adeegsiga tamarta nukliyeerka ee ujeeddooyin nabadeed.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka, Abbas Golroo, ayaa bayaan uu Axaddii soo dhigay bartiisa X ku sheegay in duqeymaha Mareykanku ay Iiraan siinayaan xaqa sharci ee ay heshiiskan uga bixi karto, isagoo cuskanaya Qodobka 10-aad.

Qodobka 10-aad wuxuu dhigayaa in xubin kasta oo ka tirsan heshiiska NPT ay leedahay “xaqa ay uga bixi karto heshiiska haddii ay go’aansato in dhacdooyin aan caadi ahayn ay halis geliyeen danaha ugu sarreeya ee dalkeeda”.

Hal waddan oo keliya ayaa horay uga baxay heshiiska NPT, waana Kuuriyada Waqooyi oo ka ruqseysatay sanadkii 2003-dii.

Waddamada dariska la ah Iiraan ee kala ah Pakistan iyo Hindiya, iyo sidoo kale Israa’iil, ayaan qayb ka ahayn heshiiska NPT, waxayna leeyihiin hub nukliyeer ah, inkastoo Israa’iil ay diiday inay si fagaare ah u qirato.

Xiritaanka Marinka Hormuz

Marinka Hormuz waa marin badeed istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, waana “meel cariiri ah” oo ay maraan ku dhowaad shan-meelood-meel saliidda maalinlaha ah ee adduunka.

Iiraan ayaa horay ugu hanjabtay inay xiri karto marinkaas si ay uga jawaabto weerar uga yimaada Mareykanka, waxaana maalintii Axadda wakiil u hadlay Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, uu sheegay in tallaabadaas si degdeg ah loo qaado.

“Hadda waa markeenna, waa inaan si degdeg ah u dhaqaaqnaa,” ayuu yiri Hossein Shariatmadari, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

“Tallaabada ugu horreysa, waa inaan weerar gantaal ah ku qaadnaa maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ee ku sugan Baxreyn, isla mar ahaantaana aan Marinka Hormuz ka xirnaa maraakiibta Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska.”

Tallaabo lagu xirayo marinkan ayaa saameyn ba’an ku yeelan karta dhaqaalaha adduunka, oo markii horeba la daalaa-dhacayay cawaaqibka siyaasadaha canshuuraha ee Trump iyo weerarrada Israa’iil ee Bariga Dhexe.

“Ma u diyaar garowdeen sicir-barar aad u sarreeya si uu Mareykanku isaga dhigo inuu wiiqi karo barnaamijka nukliyeerka Iiraan?” ayuu yiri dhaqaale-yahanka sare Philip Pilkington oo qoraal soo dhigay bartiisa X.

Abaabulka kooxaha wakiillada ah

Kooxo hubeysan oo kala duwan oo Iiraan ay taageerto kuna sugan dalal ay ka mid yihiin Yemen, Ciraaq iyo Lubnaan ayaa sidoo kale la filayaa inay qaadaan weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah danaha Mareykanka ee gobolka.

Sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta Yemen ayaa Axaddii sheegay in jawaabta kooxdooda ee ku aaddan weerarrada Mareykanka ee Iiraan ay tahay “arrin waqti uun sugeysa”.

Qaar badan oo ka mid ah kooxahan ayaa horayba ugu lug lahaa weerarro baaxad-yar oo lagu beegsanayay bartilmaameedyo Israa’iil iyo Mareykan leeyihiin tan iyo bilowgii dagaalka Gaza bishii Oktoobar 2023.

Guutada Zainabiyoun, oo ah koox hubeysan oo Pakistaniyiin ah oo Iiraan u aasaastay inay ka dagaallanto colaadda Suuriya, ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegayso inay diyaar u tahay inay ka qaybqaadato dagaalka ka dhanka ah bartilmaameedyada Israa’iil iyo Mareykanka.

“Dhiiggiinnu waa dhiiggeenna. Qalbiyadeenna, nafteenna iyo maskaxdeennuba idinkay idinla jiraan. Ogaada in shacabka Pakistan ay garab idin taagan yihiin,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo intaas ku daray in kooxdu ay diyaar u tahay inay beegsato hantida Mareykanka ee ku yaalla Pakistan.

Xamza oo tallaabo kale u qaaday doorashada qof iyo cod – Maxaa dhacay shalay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee isdiiwaan-galiyey, kuwaas oo door muuqda ku leh hannaanka dimoqraadiyadda iyo dib-u-dhiska nidaamka xisbiyada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay xukuumadda Dan-Qaran xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo ururrada siyaasadeed, dar-dargelinta hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ah, iyo in la hirgeliyo nidaam siyaasadeed oo ku dhisan hufnaan, daahfurnaan iyo kalsooni shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siineyso hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, iyadoo la dardar-gelinayo qorshaha qaran ee doorashooyinka, si muwaadiniintu ay u helaan fursad ay si siman ugu go’aan gaari karaan mustaqbalka dalka.

Mudane Xamza ayaa bogaadiyay doorka ay ururrada siyaasadeed ay ku leeyihiin kobcinta dimoqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka, xilli ay xukuumaddu wado qorshaha lagu hirgelinayo hanaanka doorasho lagu muransan yahay.

Sidoo kale waxa uu xusay in xukuumadda uu hoggaamiyo ee Dan-Qaran ay si buuxda uga go’an tahay in ay la shaqeyso dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in xukuumadda ay ka uga go’an tahay sii amba-qaadidda la-tashiyada qaran oo saldhig u ah dhismaha hannaanka siyaasadeed, iyadoo la dhageysanayo aragtiyahooda ku aaddan mustaqbalka siyaasadda dalka.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal badan ku bixineysa qabashada hirgelinta doorasho qof iyo cod, iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho ku qabatay gogol wadatashi oo aysan qeyb ka aheyn siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo lagu xoojiyay in deg-deg loo qabto doorashooyinka heer deegaan ah si la isku soo gaarsiiyo doorashooyinka dalka.

Seven Ugandan soldiers killed in clashes with Al-Shabaab

MOGADISHU, Somalia  — At least seven Ugandan soldiers were killed in a fierce three-day battle to recapture the key town of Sabiid-Anole from Al-Shabaab militants in southern Somalia, Uganda’s Ministry of Defence confirmed on Sunday.

The troops, part of the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM), were conducting a joint operation with the Somali National Army (SNA) in Lower Shabelle, a region long plagued by insurgent activity.

“Unfortunately, we lost seven soldiers during the battle,” said Brigadier General Felix Kulayigye, spokesperson for the Uganda People’s Defence Forces (UPDF). “I commend the bravery of our gallant AUSSOM-UPDF troops and the Somali National Army. This operation is part of our ongoing effort to degrade Al-Shabaab and implement the Somali Transition Plan.”

According to AUSSOM officials, the town of Sabiid-Anole served as a critical logistical and operational base for Al-Shabaab, which is linked to Al-Qaeda. Brigadier General Joseph Musoke Ssemwanga, AUSSOM Sector One Commander, described the area as a major hub for planning and executing attacks across southern Somalia.

Following the recapture, AU and Somali forces began clearing surrounding areas and are now conducting follow-up operations to eliminate remaining Al-Shabaab fighters in the wider Afgooye district, military sources said.

The remains of the fallen soldiers will be repatriated to Uganda and laid to rest with full military honors, the defense ministry stated.

The operation comes at a time of heightened concern over a possible resurgence by Al-Shabaab. Although the group was pushed onto the defensive in 2022 and 2023 through joint offensives led by Somali forces and African Union troops, it has continued to carry out deadly attacks.

In March, Al-Shabaab reportedly attempted to target President Hassan Sheikh Mohamud’s convoy in Mogadishu, underscoring the persistent threat posed by the group.

Security analysts warn that the militant group is adapting its strategy and exploiting the withdrawal of international forces. AUSSOM, which officially replaced the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) earlier this year, currently fields around 11,146 troops. However, AU officials said an additional 8,000 personnel were urgently needed to meet operational demands in April.

Uganda had been a frontline in Somalia’s stabilization efforts since 2007 when it became the first African country to contribute troops under the AU peacekeeping umbrella.

Over the years, Ugandan forces have been instrumental in driving Al-Shabaab out of major urban centers. However, the group maintains control over vast rural areas and frequently stages attacks on military and civilian targets.

The Somali Transition Plan — endorsed by both the AU and Somali government — aims to gradually hand over security responsibilities to Somali forces by the end of 2024. However, with ongoing funding shortfalls, overstretched troops, and a determined insurgency, achieving that goal remains an uphill battle.

While the recapture of Sabiid-Anole was a tactical victory, it highlights the urgent need for sustained international support to prevent a reversal of gains made against Al-Shabaab over the past decade.

TURKIGA oo jawaab lama filaan ah ka bixiyey weerarkii Mareykanka ku qaaday Iran

Ankara (Caasimada Online) – Inkasta oo dalal badan oo xulafo la ah Iran iyo kuwo gobolka ka tirsan ay si adag u cambaareeyeen weerarada Mareykanka ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran, hadana Turkigu wuu ka gaabsaday inuu si toos ah u dhaleeceeyo tallaabadaas, taasoo ay u arkaan khatar cusub oo keeni karta isku dhacyo hor leh.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii fiidkii khudbad telefishanka laga sii daayey ku sheegay in Washington ay beegsatay saddex xarumood oo muhiim ah oo nukliyeerka Iran ah, si loo curyaamiyo awoodda dalkaasi ee lagu hodminayo uranium-ka.

“Waxaan u xaqiijin karaa dunida in weeraradaasi ay guul weyn u ahayd millatariga Mareykanka. Xarumo muhiim ah oo lagu kobcin jiray uranium-ka Iran si buuxda ayaa loo burburiyay,” ayuu Trump ku yiri khudbadiisa, isagoo intaas ku daray in Tehran ay tahay inay “nabadda doorato,” haddii kale ay wajihi doonto weerarro kale oo ka xoog badan kuwii hore.

“Waxa jiri doona nabad, ama musiibo ka ba’an middii aynu aragnay siddeedii maalmood ee la soo dhaafay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Saacado uun ka dib markii weeraradaas dhaceen, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa ka digtay in tallaabooyinkaas ay khalkhal gelin karaan xasilloonida guud ee gobolka.

“Turkiga wuxuu si weyn uga walaacsan yahay saameynta laga yaabo inay ka dhalato weerarka Mareykanka ku qaaday xarumaha nukliyeerka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda.

“Horumarka hadda socda wuxuu gobolka ka dhigi karaa meel uu dagaal ballaaran ka qarxo, xitaa heer caalami ah. Ma rabno in khariidadaas musiibada ah ay rumowdo,” ayay wasaaraddu ku dartay.

Dib u dhigashada hadalka adag ee Erdogan

Hadalkan xakameysan wuxuu si weyn uga duwanaa hadalkii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu jeediyay maalintii ka horreysay, markaas oo uu weerarada Israa’iil ku qaadday Iran toddobaadyadii la soo dhaafay ku tilmaamay “burcadnimo”.

In kasta oo Ankara ay muddo dheer kasoo horjeedday in Iran ay hesho hubka nukliyeerka, hadana waxay si joogto ah u taageertay xalka diblomaasiyadeed. Waxaa xusid mudan in 2010-kii, Turkiga iyo Brazil ay wada-hadallo fududeeyeen oo la xiriiray isdhaafsiga shidaalka nukliyeerka si loo dejiyo xiisadaha.

“Iran waxay ku andacootaa in barnaamijkeeda nukliyeerku uu yahay tallaabo difaac ah, balse Turkigu wuxuu u arkaa arrin halis ah oo dhalin karta tartan hub oo gobolka ka qarxa,” ayuu qoray Murat Yesiltas, khabiir amni oo ka tirsan xarunta cilmi-baarista SETA iyo Golaha Diblomaasiyadda Madaxweynaha Turkiga.

“Sikastaba ha ahaatee, diidmada Turkiga ee gardarrada Israa’iil micnaheedu maaha inuu taageersan yahay hamiga nukliyeer ee Iran.”

Xisaab siyaasadeed oo fog

Dowladda Turkiga ayaa weerarada Israel ku qaadday xarumaha Iran ku tilmaantay kuwo aan sabab lahayn, iyada oo tixraacaysa warbixino ay hayaan hay’adaha sirdoonka Mareykanka iyo IAEA oo sheegaya inaysan jirin caddeyn muujinaysa in Tehran si firfircoon uga shaqaynayso horumarinta hub nukliyeer ah.

Arrintan ayaa sharaxaysa sababta ay saraakiisha Turkigu si degdeg ah u cambaareeyeen weerarada Israa’iil, iyagoo u arka kuwo sii hurinaya xiisadaha gobolka, xilli ay horey Israa’iil uga geysatay weerarro kale Gaza, Lubnaan iyo Suuriya.

Warbaahinta dowladda Iran ee Nour News, oo soo xigatay Wasaaradda Caafimaadka Iran, ayaa sheegtay in weerarada Israa’iil tan iyo 13-kii Juun ay dileen 430 qof, halka ay ku dhaawaceen qiyaastii 3,500.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa dhankooda sheegay in ugu yaraan 25 qof oo Israa’iiliyiin ah ay ku dhinteen weerarada Iran, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Erdogan oo isu muujinaya dhexdhexaadiye

Madaxweyne Erdogan ayaa halkii uu cambaareyn lahaa Mareykanka, wuxuu doortay inuu xaaladda dejiyo, isagoo taleefanno kula hadlay madaxda muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Masoud Pezeshkian ee Iran iyo Trump.

Wuxuu sidoo kale usoo bandhigay Istanbul inay noqon karto goob loogu talagalay wada-hadallo nukliyeer ah oo dhex mara Mareykanka iyo Iran.

Erdogan wuxuu u muuqdaa inuu sii ilaalinayo xiriirka dhow ee uu la leeyahay Trump, xiriir hore uga caawiyay inuu Mareykanku ka laabto cunaqabatayntii saarneyd maamulka Madaxweyne Axmed Al Sharaa ee Suuriya.

Sida ay u xaqiijiyeen saraakiil Turkiga ah, kana jawaabayay warbixin uu Axaddii daabacay wargeyska Axios, Erdogan ayaa ikhtiyaar u helay inuu Trump ku qanciyo dirista Madaxweyne ku xigeenka JD Vance iyo Wakiilka Gaarka ah Steve Witkoff, si ay ula kulmaan wafdi Iran ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi. Trump laftiisu wuxuu sheegay inuu qorsheynayo inuu kulankaas ka qeyb galo.

Hase yeeshee, kulankii la qorsheeyay wuu baaqday, kadib markii aan la helin go’aan kama dambeys ah oo kasoo baxa Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, sida ay sheegeen saraakiisha Turkigu.

Doorka Turkiga ee xalka siyaasadeed

Bayaan cusub oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa muujinaya rabitaanka Erdogan ee ah in dalkiisu martigeliyo wada-hadallo Mareykanka iyo Iran dhex mara.

“Xalka kaliya ee lagu gaaro heshiis ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran waa wada-hadal,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Turkiga wuxuu diyaar u yahay inuu guto mas’uuliyadiisa, kuna bixiyo dadaallo wax ku ool ah.”

Inkasta oo Erdogan uu mararka qaar hadallo kulul jeediyo, hadana siyaasaddiisa ku aaddan khilaafaadka gobolka waxay ku saleysan tahay in aanu si cad dhinac ula safan, taasoo Turkiga u ogolaaneysa inuu helo meel dhexe oo istaraatijiyadeed.

Xubinnimada Turkiga ee NATO iyo xiriirka dhow ee uu la leeyahay Mareykanka ayaa siinaya fursad uu kula falgalo labada dhinac – kuwa xulafo ah iyo kuwa cadawga u ah – si uu u gaadho yoolkiisa istaraatijiyadeed.

“Sikastaba, aragtida Turkiga ee ku aaddan khilaafka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil kama imanayso dan siyaasadeed oo gaaban,” ayuu yiri Yesiltas.

“Khataraha taagan ma aha kuwo maldahan. Waxay si toos ah u saameyn karaan amniga dhuleed ee Turkiga, xasilloonida tamarta, yoolalka dhaqaale iyo isu dheellitirka tirada dadka.”

DF oo shaacisay in liis halis ah oo caalami ah laga saaray, kadib imtixaan adag

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Soomaaliya laga saaray liiska Qaramada Midoobey ee askareynta carruurta, kadib go’aan rasmi ah oo ka soo baxay QM, kaas oo lagu cadeeyey in Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed aysan ku lug laheyn kiisaska askareynta carruurta.

Dowladda Sooomaaliya ayaa sheegtay inay masuuliyad iska saartay dhowrista badqabka shacabka, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ka hortagga askareynta carruurta xilliyada colaadaha hubaysan, si waafaqsan Dasturka dalka, heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah ee Soomaaliya ay saxiiday.

“Wasaaradda Gaashaandhigga, oo ku hadlaysa magaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay hambalyo u diraysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalaba Sida, guusha go’aankii ay Qaramada Midoobay ku shaacisay 17-kii Juun 2025, oo Ciidamada Qalaba Sida si rasmi ah looga saaray Liiska kuwa ku lugta leh askaraynta carruurta,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankaan uu caddeyn u yahay isbeddelka hufan ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay.

“Guushan taarikhiga ah waxay ka dhalatay wadashaqayn dhow oo u dhaxaysay Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay’adaha UNICE iyo UNTMIS, iyadoo la fuliyay qorshaha qaran ee badqabka carruurta, si waafaqsan dastuurka dalka iyo shuruucdan caalamiga ah ee la xiriira carruurta xiliyada colaadaha hubaysan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo ah guddoonka Guddiga Badqabka Carruurta ayaa si gaar ah u bogaadineysa go’aanka Qaramada Midoobey “Wada-shaqeyntaas mugga leh waxay xoojisay hannaanka ilaalinta carruurta, waxayna horseeday in Soomaaliya ka gudubto heerar adag oo horay loo soo maray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii, dowladda Soomaaliya ayaa bayaankaan ku balan qaaday inay ka go’an tahay fulinta ballan-qaadyada iyo heshiisyada kala dhexeeya Qaramada Midoobay ee la xiriira ilaalinta carruurta xilliyada colaadaha hubaysan.

Ruushka oo xog culus bixiyey – Weerarki Mareykanka waxba ma gaarsiin Nukliyeerka Iran

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitriy Medvedev ayaa sheegay in “dalal badan” ay diyaar u yihiin inay siiyaan Iran madaxyo hub nukliyeer ah, kaddib weerarro Maraykanku ku qaaday xarumo nukliyeer oo Iran ku yaalla goor hore oo Axaddii ah.

Qoraal uu ku daabacay barta X (Twitter), Medvedev wuxuu ku tilmaamay weerarradii Mareykanka ee lagu bartilmaameedsaday saddex goobood oo kala ah Isfahan, Natanz, iyo Fordow inay noqdeen kuwo keena natiijo ka duwan tii uu doonayay madaxweyne Donald Trump.

“Habka bacriminta maadada nukliyeerka — waxaan hadda si toos ah u oran karnaa: soo saarista hubka nukliyeerka mustaqbalka — way sii socon doontaa,” ayuu yiri Medvedev.

Medvedev wuxuu intaas ku daray in “dalal badan ay si toos ah ugu diyaar garoobeen inay Iran siiyaan madaxyo hub nukliyeer ah oo ay iyagu leeyihiin.”

Medvedev oo tan iyo 2020 ah ku-xigeenka Guddoomiyaha Golaha Ammaanka Qaranka ee Ruushka, wuxuu sidoo kale sheegay in “nidaamka siyaasadeed ee Iran uu ka badbaaday weerarradaas — xitaa suuragalnimadu ay tahay inuu sii xoogaystay.” ]

Wuxuu intaa ku daray in shacabka Iran ay hadda “ku mideysan yihiin hoggaanka ruuxiga ah ee dalka, xitaa kuwa horey uga aamusnaa ama kasoo horjeeday.”

Medvedev ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu bilowday dagaal cusub markii uu weeraray Iiraan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sidoo kale Axaddii si adag u cambaareysay weerarrada Mareykanka uu ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran.

“Go’aanka masuuliyadda ka fog ee lagu beegsanayo dhul ay leedahay dawlad madax bannaan iyadoo la adeegsanayo gantaallo iyo duqeymo cirka ah — xitaa haddii ay jiraan dood uu Mareykanku u soo bandhigo — wuxuu si cad uga hor imaanayaa sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada Golaha Ammaanka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay joojiyaan gardarrada oo ay kordhiyaan dadaallada dib loogu soo celinayo xaaladda xalka siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed,” ayaa lagu daray.

Kremlin-ka, oo iskaashi istiraatiiji ah la leh Iiraan isla markaana xiriir dhow la leh Israa’iil, ayaa si isdaba-joog ah ugu digay Washington in weerarrada Mareykanka ee Iiraan ay gobolka oo dhan u ridi doonaan “god mugdi ah.”

“Trump, oo ku yimid madaxweyne nabad-doon ah, ayaa dagaal cusub u bilaabay Mareykanka,” ayuu yiri Dmitry Medvedev, oo hadda ah ku xigeenka guddoomiyaha Golaha Amniga ee Ruushka, isagoo intaas ku daray in “guul noocan oo kale, Trump uusan ku guuleysan doonin Abaalmarinta Nabadda ee Nobel (Nobel Peace Prize).”

“Nidaamka siyaasadeed ee Iiraan waa bad-baaday, waxaana aad u badan tahay inuu xoogeystay,” ayuu yiri Medvedev. “Dadku waxay ku midoobayaan hoggaanka ruuxiga ah, xitaa kuwa aan markii hore la dhicin.”

Medvedev wuxuu kaloo sheegay in kaabayaasha nukliyeerka ee Iiraan aysan u muuqan inay saameeyeen weerarradii Mareykanka, iyo in Mareykanku uu halis ugu jiray in lagu jiido hawlgal dhulka ah.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa si isdaba-joog ah u soo jeediyay inuu dhexdhexaadiyo Mareykanka iyo Iiraan, inkastoo madaxa Kremlin-ku uu toddobaadkii hore diiday inuu ka hadlo suurtagalnimada in Israa’iil iyo Mareykanka ay dilaan Khamenei.

Putin wuxuu sheegay in Israa’iil ay Moscow siisay dammaanad qaadyo ah in khubarada Ruushka ah ee gacan ka geysanaya dhismaha laba reactor oo kale oo ku yaalla warshadda korontada nukliyeerka ee Bushehr ee Iiraan aan waxyeello ka soo gaarin weerarrada cirka.

Inkasta oo Moscow ay hub ka iibsatay Iran si loogu adeegsado dagaalka Ukraine, isla markaana ay sannadkan horraantiisii kala saxiixdeen heshiis istiraatiiji ah oo soconaya 20 sano, xiriirka labada dhinac ayaa taariikh ahaan ahaa mid marar badan mugdi galay tan iyo qarnigii 16-aad markii boqortooyadii Muscovy ay si rasmi ah xiriir ula samaysay Boqortooyadii Faaris.

Gudaha Ruushka, waxaa kordhay baaqyada loo jeedinayo Kremlin-ka si uu u garab istaago xulafadiisa, una siiyo Iran taageerada uu Mareykanka siiyo Ukraine – taasoo ay ka mid yihiin nidaamyada difaaca cirka, gantaallada iyo xogaha dayax-gacmeedka.

“Waa waqtigii aan Tehran caawin lahayn,” ayuu yiri ganacsade Ruush ah oo lagu magacaabo Konstantin Malofeyev. “Isla markaasna, waxaan u bandhigi karnaa Mareykanka iyo Iran dhexdhexaadin diblomaasiyadeed iyadoo loo magacaabayo ergay gaar ah oo arrintan u xilsaaran. Labada dhinacba way ciyaari karaan ciyaartan.”

Halgamaa Ruush ah oo xiran oo lagu magacaabo Igor Girkin ayaa isna sheegay in haddii aan la garab istaagin Iran, Mareykanka iyo Israa’iil ay duqeyn doonaan ilaa ay ku celiyaan “xilligii jaahiliyada”, taasoo keeni doonta fowdo baahsan.

“Haddii Iran aysan helin taageero dhab ah oo ka timaadda xulafadeeda, sida Ruushka iyo Shiinaha – oo noqon karta mid weyn oo xooggan – markaa, dhanka kale, waxaa suuragal ah in muddo bil gudaheed ah, cadowgeedu uu gaari doono yoolkiisa,” ayuu ku qoray Girkin bartiisa Telegram. 

Sawirro: Safiirka Norway oo ka dagay Laascaanood kadibna xariga ka jaray…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Danjiraha Norway ee Soomaaliya, Carsten Carlsen iyo madax sare oo ka socota hay’adda The Nordic International Support Foundation (NIS) oo booqasho rasmiya ku soo gaaray magaalada Laascaanood ayaa waxaa si heer sare ah usoo dhaweeyay Hoggaamiye SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo xafiiskiisa ku qaabilay.

Hoggaamiyaha iyo danjiraha ayaa kulankooda kaga wada-hadlay arrimaha horumarka, mashaariicda gargaarka, nabadda iyo geeddisocodka dawlad-dhiska SSC-Khaatumo. Hoggaamiyuhu ayaa ugu horeyn xusay saaxibtinimada taariikhiga ee Dawladda Norway iyo shacabka SSC. Isagoo sidoo kalana Danjiraha uga mahadceliyey mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen SSC-Khaatumo.

Dhanka kale, Hoggaamiyaha ayaa xusay in SSC-Khaatumo tahay astaan nabadeed oo u taagan ilaalinta nabadda iyo xasiloonida geeska, markastana ay diyaar u tahay nabad kula noolaanshaha derisyadeeda.

Danjiraha ayaa dhankiisa si weyn uga mahadceliyey soo dhawaynta qiimaha badan ee uu kala kulmay shacabka iyo masuuliyiinta Caasimadda, isagoona ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada horumarineed ee deegannadda Ssc-Khaatumo.

Danjire Carlsen ayaa maanta si rasmi ah u furay dib-u-dhiska Isbitaalka Guud ee Laascaanood, kaasoo lagu sameeyay dayactir, qalabeyn, iyo dib u dhis buuxda.

Dib-u-dhiska cisbitaalka waxaa suurtagal ka dhigay iskaashi ka dhexeeya Dowladaha Norwey iyo Switzerland, iyo sidoo kale taageero ka socotay Hay’adda The Nordic International Support Foundation (NIS), oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo xarunteedu tahay Oslo, Norwey.

Isbitaalka ayaa si weyn u burburay intii uu socday dagaalka gobolka ee 2023, waxaana mashruuca loo sameeyay in cisbitaalkaas dib loogu soo celiyo si buuxda oo u adeegi karo bulshada deegaanka.

IRAN oo weerar ‘si weyn u guuleystay ku qaaday’ Israel, beegsatay 14 xarun milatari

Tehran (Caasimada Online) – Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga (IRGC) ayaa shaaca ka qaaday in wejigii 18-aad ee Hawlgalka Wacadka Dhabta ah ee Sabtidii uu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu guulaha badan toddobaadkii la soo dhaafay ee lagu qaado Israa’iil.

Bayaan uu soo saaray aroornimadii hore ee Axadda maanta ah, wax yar ka hor inta aan la bilaabin wejiga 19-aad, afhayeenka IRGC Brig. Gen. Ali Mohammed Naeini ayaa sheegay in wejigii hore uu ka mid ahaa howlgaladii ugu guulaha badnaa ee gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ciidamada Cirka ee IRGC.

Wuxuu xusay in hawlgalkani uu ku jiray waxyaabo cusub oo ku saabsan xulashada gantaalaha, doorashada bartilmaameedyada, iyo waddooyinka jihaynta ee labada gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taas oo keentay in la bartilmaameedsado 14 goobood oo milateri oo istiraatiiji ah oo ku yaalla magaalooyinka Haifa iyo Tel Aviv.

“Sail Tower” oo ku yaal bartamaha Haifa, kaas oo hoy u ah xafiiska shirkadda sirdoonka macmalka ah ee AI12 Labs iyo shirkado kale oo software ah oo ku xiran warshadaha milateriga ee Wasaaradda Dagaalka ee maamulka Sahyuuniadda, ayaa lagu bartilmaameedsaday hawlgalkan gantaal noociisu yahay Qadr-F oo ah mid meel dheer wax ka weerara.

Goobaha kale ee la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah warshadda korontada ee Hadera, warshadda sifeynta saliidda ee Haida, saldhigga cirka ee Ovda (taliska cyber-ka), aagga warshadaha semiconductor ee Kiryat Gat, iyo xarunta Rafael ee Haifa, sida uu sheegay Brig. Gen. Naeini.

Wuxuu intaa ku daray inuu uga digay maamulka Sahyuuniadda in wejiga 19-aad ee hawlgalku uu noqon doono “mid joogto ah, waara, oo carqaladaynaya isu-dheelitirkooda.”

Ciidamada hubaysan ee Iiraan, oo ay hoggaaminayaan Qaybta Cirka ee IRGC, ayaa ilaa hadda fuliyay 19 weji oo Hawlgalka Wacadka Dhabta ah tan iyo 13-kii Juun, markii maamulka Israa’iil uu billaabay gardarro aan sabab lahayn oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Gardarradaas ayaa sababtay dhimashada saraakiil badan oo sare oo milateri, saynisyahanno, macallimiin jaamacadeed, ciyaartoy iyo arday, oo ay ku jiraan carruur.

Kadib gardarradaas, Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga Ayatollah Seyyed Ali Khamenei wuxuu sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan ay si xooggan u dhaqmi doonaan isla markaana ay ka dhigi doonaan maamulka Israa’iil mid aan waxba ka qaban karin.

Ayatollah Khamenei wuxuu intaa ku daray in maamulka Israa’iil uusan ka badbaadi doonin dambigan isagoo u xaqiijiyay shacabka Iiraan inaan arrintan laga tagi doonin.

“Shacabka weyn ee Iiraan waxa loo xaqiijin karaa in Ciidamada Qalabka Sida ay si awood leh ugu istaagi doonaan garabkooda ayna gaarsiin doonaan dharbaaxooyin culus maamulkan,” ayuu carabka ku adkeeyay. 

Sawirro: Shirweyne qaran oo maanta ka furmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay kulanka qaran ee isu-duwidda dowladaha hoose.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay shirweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda dhismaha dowladaha hoose, xilli ay dowladda federaalka qorsheynayso inay doorasho qof iyo cod ah lagu soo doorto xubnaha goleyaasha deegaanka.

“Dhismaha dowladaha hoose ee dalka waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska iyo kor u qaadidda adeeg bixinta shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Waxa uu intaas kusii daray “Kulankan waxa uu ka turjumayaa sida ay nooga go’antahay in aan dhisno nidaam dowladeed oo hoos-u-daadegsan, si loo helo dowlado hoose oo la tayeeyay kana jawaabi kara baahiyaha dhabta ah ee shacabku qabaan, Dowladaha Hoose waa wajiga ugu horreeya ee dowladda, waana hay’adda dowladeed ee ugu dhow shacabka.”

Shirweynaha oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa goobjoog ka ah masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha dowladaha hoose.

Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay daadejinta awoodda iyo baahinta nidaamka matalaadda, iyadoo hortabin siineysa in si toos ah loo doorto matalayaasha dowladaha hoose.

TRUMP oo war cusub soo saaray kadib weerarkii IRAN – Maxaa kale oo dhici doona?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay weerarradii Maraykanku ku qaaday Iiraan “guul milateri oo cajiib ah,” khudbad uu jeediyay habeenimadii Sabtida, isagoo sidoo kale ka digay in weerarro kale ay imaan karaan haddii “nabadi degdeg u imaan weyso.”

Maraykanku waxa uu bartilmaameedsaday saddex ka mid ah goobaha Nukliyeerka Iiraan: Fordow, Natanz iyo Isfahan, kuwaas oo ah udub-dhexaadka kaabayaasha nukliyeerka Iiraan. Khudbaddiisa, Trump waxa uu sheegay in goobahaas “si buuxda oo dhammaystiran loo burburiyay.”

“Iiraan, oo ah gardarrada Bariga Dhexe, waa in ay hadda nabad samayso,” ayuu yiri isagoo ka hadlaya Aqalka Cad. “Haddii ay taasi dhici weydo, weerarrada mustaqbalka waxay noqon doonaan kuwo aad uga waaweyn oo aadna uga sahlan.”

Go’aanka Trump ee lagu duqaynayo goobaha nukliyeerka Iiraan ayaa ahaa isbeddel lama filaan ah oo ku yimid diidmadii muddada dheer ee madaxweynaha ee ku aaddanayd inuu ku lug yeesho colaadaha shisheeye—iyo hadalkii Aqalka Cad ee laba maalmood ka hor.

Aqalka Cad ayaa Khamiistii sheegay in madaxweynuhu uu go’aan ka gaari doono weerarrada “labo toddobaad gudahood,” taas oo u muuqatay inuu dib u dhigayo tallaabada milateri. Jimcihii, Trump waxa uu sharraxay sababta uu u qaatay muddada labada toddobaad ah, isagoo sheegay inuu sugayay “in dadku ay caqli yeeshaan iyo in kale.”

Isagoo Jimcihii u safrayay halka lagu cayaaro golf-ka ee New Jersey, Trump waxa uu kala saaray mucaaradadiisa ku wajahan dagaalkii Maraykanka ee Ciraaq iyo tallaabada suurtagalka ah ee Iiraan. “Waxaan u malaynayaa dhowr toddobaad gudahood, ama hubaal dhowr bilood gudahood, inay awood u yeelan doonaan inay helaan hub nukliyeer ah,” ayuu u sheegay suxufiyiinta. “Taas ma ogolaan karno inay dhacdo.”

La-taliyayaasha Trump ayaa ku adkaystay in inkasta oo madaxweynuhu aanu doonayn in Maraykanku uu ku lug yeesho colaad kale, haddana uu ku adkaysanayay in Iiraan aanay yeelan karin awood nukliyeer ah.

Farriintooda waxaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyay shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Trump ee “Make America Great Again,” kaas oo ku kala qaybsanaa arrinta madaxweynaha ee tallaabada milateri. Aqalka Cad ayaa la xiriiray dhaqdhaqaaqayaal saameyn leh sida Charlie Kirk si ay ugu qanciyaan weerarrada suurtagalka ah, sida uu horay u soo tebiyay wargeyska The Wall Street Journal.

Kahor khudbaddii Trump ee Sabtida, Kirk waxa uu bartiisa X soo dhigay, “Marka Trump hadlo, waa inaad dhageysataa,” isagoo ku daray qoraal Trump uu soo dhigay 2011 kaas oo ku tilmaamaya raadinta Iiraan ee hubka nukliyeerka “khatar weyn oo ku ah danaha amniga qaranka ee dalkeenna.”

Trump waxa kale oo uu qado la qaatay Khamiistii Steve Bannon, oo ah la-taliye hore oo ka soo horjeeda faragelinta milateri, waxaana uu sheegay inuu la hadlay Tucker Carlson, oo ah shakhsi caan ah oo hore uga tirsanaa Fox News, ka dib markii Israa’iil bilowday weerarradeeda, ku eedeeyay Trump inuu “ku lug lahaa ficilka dagaalka.”

“Taageerayaashaydu maanta aad ayay ii jecel yihiin sidii ay doorashadii horeba ii jeclaayeen,” ayuu yiri Trump horraantii toddobaadkan.

Ka dib markii uu muddo sanadka intiisa badan ku dadaalayay xal diblomaasiyadeed oo lagu dhameeyo barnaamijka nukliyeerka Iiraan, Trump ayaa dhawaan sare u qaaday hadalkiisa ka dhanka ah Iiraan, isagoo ku baaqay is-dhiibitaan shuruud la’aan ah isla markaana soo jeediyay in Maraykanku uu ogyahay goobta uu ku sugan yahay Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei laakiin aanu dilayn, “ugu yaraan hadda.”

La-taliyeyaasha ayaa sheegay in Trump uu ku soo gebagebeeyay in heshiis diblomaasiyadeed oo lala galo Iiraan ay u muuqato mid sii adkaanaysa. Markii ay Israa’iil weerarro ku qaadday Iiraan, wuxuu si dhow ula safnaa baaqa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku aaddan burburinta goobaha nukliyeerka Iiraan.

Ka dib weerarradii Sabtida, Trump waxa uu sii watay hadalkiisii dagaal-doonka ahaa. “Waxaa jiri doona nabad ama waxaa Iiraan ka dhici doona masiibo, taas oo aad uga weyn intii aan ku aragnay siddeedii maalmood ee la soo dhaafay,” ayuu yiri.

Sacuudiga oo ka fal-celiyay weerarka Mareykanka ee lagu beegsaday Nukliyeerka Iran

Riydha (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta si kulul uga hadashay weerararka Mareykanka uu ku qaaday Iran, kaas oo sii kordhiyay xiisadda ka aloolsan bariga dhexe, kadib markii uu si toos ah ugu biiray dagaalka, isaga oo la saftay Srael.

Bayaan culus oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa waaxaa marka hore walaac xooggan looga muujiyay weerarrada Mareykanka uu ku qaaday xarumo xarumaha nukliyeerka ee dalka Iran, kadib markii ciidamada Maraykanka ay duqeeyeen saddex goobood oo ku yaalla dakaasi.

Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa ku baaqday xasillooni deg-deg ah iyo in laga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta inuu sii xoogeysto dagaalka bariga dhexe.

Sacuudiga ayaa sidoo kale xusay baahida loo qabo in la qaboojiyo xiisada xoogeysaneysa ee u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, si looga hortago in xaaladdu ay faraha kasii baxdo.

Tallaabada uu qaaday Trump oo isagu amray weerarka lagu qaaday dalka Iran ayaa durbo dhalisay saameyn xoogan, waxaana dhalatay cambaareyn gudaha iyo dibadda ah.

“Weerarkii Iran ee uu amray Trump isagoo aan fasax ka haysan Congress-ka wuxuu calaamad u yahay khatar weyn oo ka jirta gobolka Bariga Dhexe. Waxa uu sii kordhinayaa colaadda; weerarada ciidamada nabad ma keenayaan, kaliya waxay sii hurinayaan rabshadaha socda, waxayna qalqal gelinayaan gobolka oo dhan,” ayay tiri Ilhaan Cumar oo kamid ah siyaasiyiinta sida wayn u naqdiya Madaxweyne Donald Trump.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay  “Weeraradan waxay halis gelinayaan ciidamada Mareykanka iyo dadka rayidka ah. Shacabka Mareykanka waxay ka daaleen dagaal aan dhammaad lahayn. Waxaan u baahanahay inaan joojino waalidan, ka hor inta aanan lumin dad badan,” 

Ujeedada ugu weyn ee Mareykanku uga qeyb-galayo dagaalkan ayaa ah inuu xoojiyo dadaalka Israel ee lagu doonayo in lagu curyaamiyo barnaamijka nukliyeerka ee dalka Iran.

Trump oo ka hadlayay weerarkan ayaa sheegay in la adeegsaday diyaaradaha qarsoon ee B-2 (B-2 Stealth Bombers), balse ma uusan caddayn noocyada bambooyinka la isticmaalay. Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaan isla markiiba faahfaahin ka bixin hawlgalka.

Duqeymahan waa go’aan halis ku ah Mareykanka, maadaama Iran ay ballanqaadday inay aargudan doonto haddii uu Mareykanku si buuxda ugu biiro weerarka Israel. Sidoo kale, shakhsiyan wuxuu khatar ugu jiraa Trump, maadaama uu horey ugu guuleystay Aqalka Cad isagoo ballanqaaday in uu Mareykanka ka ilaaliyo khilaafaadka dibadda ee kharashka badan, isla markaana uu quursaday qiimaha faragelinta Mareykanka.

Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta ka dagay Garoowe + Xogta qorshaha socda

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goordhow ka degay garoonka diyaaradaha Garoowe, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Puntland, Saciid Cabdullahi Deni.

Labada madaxweyne oo haatan wajahaya duruuf isku mid ah oo ka dhalatay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka ayaa lagu wadaa inay kulamo xasaasi ah ku yeeshaan magaalada Garoowe, iyaga oo dib usoo celinaya isbahaysigoodii siyaasadeed ee hore.

Qorshaha ugu wayn ee Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ah in la sii adkeeyo xiriirka labada dowlad-goboleed iyo in la iska kaashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka doorashooyinka ee soo jiitamaya iyo xaaladda guud ee amniga dalka.

Wadahadallada la qorsheeyay ayaa la rajeynayaa inay sare u qaadaan iskaashiga labada dhinac, dibna ay u dhisaan kalsoonida siyaasadeed iyo in wax looga qabto caqabadaha baaxadda leh ee horyaalla nidaamka federaalka Soomaaliya.

“Kulanka Madaxweyne Madoobe iyo Madaxweyne Deni waa mid muhiimad gaar ah u leh is-waafajinta istaraatiijiyadaha gobollada iyo in laga yeesho aragti mideysan arrimaha waaweyn ee qaranka,” waxaa sidaa u sheegay Caasimada Online sarkaal ka tirsan Puntland oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Labada hoggaamiye waa xulafo soo jireen ah oo u ololeeya nidaam federaali ah oo awoodda la baahiyo, waxaana iskaashigooda loo arkaa mid culeys siyaasadeed ku keeni kara dadaallada awood-urursiga ah ee ay dowladda dhexe ka waddo Muqdisho.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, labaduba, waxay si isdaba-joog ah u dhaliileen maamulka Madaxweyne Xasan, iyagoo ku tilmaamay mid wada go’aanno aan lagala tashan oo kor laga keenay, kuwaasoo meesha ka saaraya codka iyo aragtiyaha maamul-goboleedyada.

Falanqeeyayaasha siyaasadda waxay tilmaamayaan in kulankani uu gacan ka geysan karo abuurista aragti mideysan oo ku aaddan habraacyada doorashooyinka, isla markaana uu xoojinayo baaqa loo jeedinayo hannaan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay, kuna dhisan is-afgarad.

Sidoo kale, labada maamul-goboleed waxaa ka dhaxeeya walaac amni oo qoto dheer. Puntland iyo Jubaland waxay labaduba xuduud la wadaagaan goobo ay colaado ka oogan yihiin, waxayna safka hore kaga jireen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo kooxda Daacish.

Si kastaba, Xilliga ay booqashadani ku soo aadday ayaa hoosta ka xarriiqaysa sida ay muhiim ugu tahay xaaladda taagan. Soomaaliya waxay wajahaysaa isku-dhaf caqabado ah oo isugu jira fadhiidnimo siyaasadeed, amni-darro, iyo dhibaatooyin bani’aadannimo.

Maxay Ilhaan Cumar ka tiri weerarka Mareykanka uu xalay ku qaaday IRAN?

0

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay weerarka culus ee Mareykanku ku qaaday Iran, kadib markii ciidamada Mareykanka ay duqeeyeen saddex goobood oo Nukliyeer oo ku yaalla dalkaasi.

Ilhaan Cumar ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamtay in Mareykanku si toos ah ugu biiro dagaalka Bariga Dhexe, waxayna tilmaantay in tallaabadaasi halis weyn ku tahay gobolka oo dhan.

Sidoo kale, waxay intaasi ku dartay in tallaabadan aan fasax looga qaadan Congress-ka, isla markaana cawaaqib xumada ka dhalata uu qaadi doono Madaxweyne Trump.

“Weerarkii Iran ee uu amray Trump isagoo aan fasax ka haysan Congress-ka wuxuu calaamad u yahay khatar weyn oo ka jirta gobolka Bariga Dhexe. Waxa uu sii kordhinayaa colaadda; weerarada ciidamada nabad ma keenayaan, kaliya waxay sii hurinayaan rabshadaha socda, waxayna qalqal gelinayaan gobolka oo dhan,” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Ilhaan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weerarradan tooska ah ay halis gelinayaan ciidamada Mareykanka iyo dadka rayidka ah, loona baahan yahay in si degdeg ah looga hortago.

“Weeraradan waxay halis gelinayaan ciidamada Mareykanka iyo dadka rayidka ah. Shacabka Mareykanka waxay ka daaleen dagaal aan dhammaad lahayn. Waxaan u baahanahay inaan joojino waalidan, ka hor inta aanan lumin dad badan,” ayay raacisay.

Waxay ugu baaqday Golaha Congress-ka in la yeesho fadhi degdeg ah oo lagaga doodo xaaladda Bariga Dhexe, si si degdeg ah loo joojiyo colaadda kasii dareysa.

Ujeedada ugu weyn ee Mareykanku uga qeybgalayo dagaalkan ayaa ah inuu xoojiyo dadaalka Israel ee lagu doonayo in lagu curyaamiyo barnaamijka nukliyeerka ee dalka Iran.

Trump oo ka hadlayay weerarkan ayaa sheegay in la adeegsaday diyaaradaha qarsoon ee B-2 (B-2 Stealth Bombers), balse ma uusan caddayn noocyada bambooyinka la isticmaalay. Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaan isla markiiba faahfaahin ka bixin hawlgalka.

“Tani waa waqti taariikhi ah oo u ah Mareykanka, Israa’iil, iyo guud ahaan dunida. Iiraan waa inay hadda oggolaataa inay dagaalkan dhammayso. Mahadsanid!” ayuu ku qoray barta Truth Social.

Duqeymahan waa go’aan halis ku ah Mareykanka, maadaama Iran ay ballanqaadday inay aargudan doonto haddii uu Mareykanku si buuxda ugu biiro weerarka Israel. Sidoo kale, shakhsiyan wuxuu khatar ugu jiraa Trump, maadaama uu horey ugu guuleystay Aqalka Cad isagoo ballanqaaday in uu Mareykanka ka ilaaliyo khilaafaadka dibadda ee kharashka badan, isla markaana uu quursaday qiimaha faragelinta Mareykanka.

DF Soomaaliya oo war culus kasoo saartay weerar maanta lagu laayey Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga warbixisay dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab.

Deegaannada Mabaax iyo Gayacad ee gobolka Hiiraan, ayuu Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya geesiyaasha deegaanka ee Macawisleyda jab xooggan ku gaarsiiyey maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib dagaal culus oo maanta ka dhacay.

“In ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa lagu dilay dagaalka, halka tiro intaasi ka badan la dhaawacay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.

Dowladda ayaa sheegtay in Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha degaanka ay wali wadaan hawlgallo lagu raadraacayo firxadkii ka haray kooxda, si loo baabi’iyo haraadiga Khawaarijta ee isku dayaya in ay baxsadaan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeynaysaa go’aankeeda ku aaddan difaaca shacabka Soomaaliyeed, ilaalinta midnimada qaranka, iyo ciribtirka guud ee Khawaarijta caadeystay daadinta dhiigga shacabka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan kordhisay weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo kooxda laga saaray deegaano muhiim ah, laguna duqeeyey magaalooyim ay kamid yihiin Sabiib, Caanoole iyo Aadan Yabaal.