26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Rabshado Xaley Iyo Saaka Ka Dhacay magaalada Hargeysa.

Hargeysa (Caasimada Online) Waxa tan iyo xaley magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ka dhacay rabshado xooggan, oo daba socday markii xaley lagu dhawaaqay doorashadii golayaasha deeganka ee magaalada Hargeysa.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay lix qof-kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshadii xaley ka dhacay xaafadda Axmed Dhegax ee magaalada Hargeysa.

Wariye ku sugan magaalada Hargeysa ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in xaallada magaalada ay deggan tahay, walow mar kasta la filan karo rabshado.

Xaley ayaa golaha doorashada golayaasha deeganka magaalada Hageysa ay ku dhaawaqeen sida ay ukala heleen natiijada doorashadii dhacday bishii hore labada xisbi iyo shanta urur siyaasi ee ka dhisan maamulka Somaliland.

Dad careesan ayaa xaley dhagxaan ku tuuray bilayska magaalada Hargeysa, waxana dadka mudaaharaadka dhigayay ay ka tirsan ururka Xaqsoor oo ka mid ah ururada siyaasadda ee ka dhisan Somaliland.

Ammaanka magaalada Hargeysa ayaa aad loo adkeeyay maanta oo Jimco ah, waxana meelaha muhiimka ah la dhigay ciidamo bilays ah oo aad u hubeysan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay ra’iisal wasaare Ordagaan

Ankara (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay ku sugan magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, ayaa kulan la qaatay ra’iisal wasaare Recep Dayib Erdogan.

Labada masuul ayaa la sheegay inay ka wadahadleen xaallada ammaan ee dalka Soomaaliya iyo siddii loo xoojin lahaa xiriirka labada waddan.

Turkiga ayaa u ballan qaaday Soomaaliya inay gacan weyn ka siin doonnaan siddii ay dib uga soo kaban lahayd dhibkii la haray 21-kii sano ee la soo dhaafay.

Sidoo kale Turkiga wuxuu ballan qaaday in dib u dhis xooggan ku sameen doono xarumaha ciidamada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horrey waxa uu kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga ee Cabdalla Guul.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ankara

Mursi oo ku baaqay Wada hadal.

Cairo (Caasimada Online) Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi ayaa ku baaqay kulan uu la qaato kooxaha mucaaradka si loo soo afjaro xiisada siyaasadeed ee ka taagan waddanka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay dhowr saacadood kaddib, markii shan qof ay dhinteen 644 –kalena uu dhaawac soo gaaray, taasoo daba socotay markii ay isku dhaceen taageerayaashiisa iyo kuwa ka soo horjeeda.

Wuxuu sheegay taageerayaashiisa inay xaq u lee yihiin bannaan bax sameeyaan, laakin qaska ay wadaan qolyo doonaya in dalka uu ku jiro qalalaaso.

Qaar ka mid ah Ikhwaanul-Muslimiinka oo taageersan madaxweynaha ayaa sheegay in xarutooda ugu weyn ee Qaahira dab la qabadsiiyay.

Madaxweynaha ayaa xaley dadka kala hadlay Talafishanka wuxuuna ku baaqay wadahadal dhex mara dowladiisa iyo mucaaradka oo dhaca Sabtida berri ah.

Taankiyo iyo gaadid dagaalka ayaa la soo buuxiyay xarunta madaxtooyada Qaahira, halkaasoo ay ku sugan ciidamo illaalo ah.

                   Maraykanka walaac ayuu ka qaba xiisadda ka taagan Masar

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa soo dhaweeyay hadalka uu sheegay Mr Morsi ee ah in la wadahadalo iyadoo aan wax shuruud ah la isku xiri” sidaas waxa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad.

“Madaxweyne Obama wuxuu wacay madaxweyne  Morsi isagoo si weyn walaac uga muujiyay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dibad-baxyaasha ku sugan Masar,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay aqalka cad.

Dhaqdhaqaaqa lixda April, oo door weyn ka qaatay kacdoonkii ka dhacay Masar 2011-kii ee looga tuuray xilka Madaxweyne Mubaarak, ayaa ku gacan seearay baaqa Mursi ee ah in la wadahadlo, sidaas waxa warisay wakaaladda wararaka Reuters.

Kooxaha dhaqdhaaqa waxaba ay ku baaqeen dibad-bax cusub oo dhaca maanta oo Jimco ah salaada duhurka kaddib.

Madaxweyne Mursi ayaa ku guuleestay doorashadii ugu horreysay ee xor ah bishii June’, laakin wuxuu la kulmayaa caddaadis ballaaran.

Qalalaasaha dib uga soo cusboonaday Masar ayaa waxay daba socdaan, markii madaxweyne  Morsi uu ku dhawaaqay is siiyay awoodo badan isla markaana lagu dhawaaqay dastuurka qabyo qoraalka ah ee la rabo in loo sameeyo Masar afti loo qaado 15-ka bishan December.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Cairo

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Suuqa kala iibsigu haatan waa xiran yahay, laakiin ma dhamaadaan wararka xanta ahi, halkaan ka aqriso wararkii ugu dambeeyey ee xanta ahaa ee maanta la isla dhex maraayey.

Xanta tooska ah ee maanta la isla dhex maraayo.

Arsenal ayaa dooneysa inay dalab toos ah u dirto ciyaarayahanka garabka uga ciyaara Crystal Palace Wilfried Zaha, 20-jirkaan ayuu Wegner doonayaa inuu ku daro qorshihiisa weerarka inta lagu jiro Janaayo (Daily Telegraph)

Manchester United ayaa qarka u saaran inay 5 milyan oo ginni looga duufsado 31-jirka garabka bidix ee daafaca ka ciyaara Patrice Evra oo ay dooneyso Paris Saint-Germain, daafacaan ayaa sheegay inuu xiiseynayo inuu ka ciyaaro PSG, hadii ay xidigaan soo dhaqaajin weyso kooxda Faransiiska waxay u jeesan doontaa 27-jirka daafaca bidix uga ciyaara Manchester City Gael Clichy (Independent)

Daniele De Rossi, oo 29 jir ah, ayaa la kulmay saraakiil ka socota Manchester City si ay uga wada hadlaan macquul ahaanshiyaha uu kaga soo dhaqaaqi karo Rome (Talksport)

Laakiin Manchester City ayaa ka haritaankoodii Koobka Kooxaha Yurub ku weyn kara fursad ay kula soo saxiixdaan 29-jirka qadka dhexe ee Rome Daniele De Rossi ama 28-jirka qadka dhexe ee Inter Milan Wesley Sneijder, kaasoo diiday inuu aqbalo in la dhimo mushaarkiisa kooxda (Daily Star)

Tababaraha kooxda Swansea Michael Laudrup ayaa ka digay inay gool dhaliyadooda Michu madaxiisa dul dhigi doonaan 30 milyan oo ginni si ay u heystaan xidiga reer Spian, waa 15 jibaar qiimihii ay xagaaga 26-jirkaan kaga soo qaateen Rayo Vallecano (Daily Telegraph)

Manchester United iyo Arsenal ayaa isku heysta 22-jirka qadka dhexe ee kooxda Montpellier Remy Cabella (The Sun)

Weeraryahanka kooxda Shakhtar Donetsk Fernandinho, oo 27 jir ah, ayaa sheegay inuu Janaayo ka ciyaari doono magaalada Manchester, laakiin xidiga heerka caalami ee dalka Brazil ma uusan sheegin kooxda uu ku biiri doono United ama City (Talksport)

Tababaraha kooxda Stoke  Tony Pulis  ayaa u sheegay kooxaha Barclays Premier League inaysan ciyaartoydiisu iib aheyn. Manchester United iyo Liverpool ayaa xiiseynayeyn 26-jirka daafaca ka ciyaara Ryan Shawcross iyo sidoo kale 25-jirka goolka qabta Asmir Begovic (Daily Star)

Kooxda ka dhisan Ruushka Zenit St Petersburg ayaa diyaar u ah inay Janaayo dagaal madax-ka-madax ah Chelsea kula gasho saxiixa 25-jirka qadka dhexe Everton Marouane Fellaini (Metro)

Tababaraha kooxda Manchester United Alex Ferguson ayaa doonaya inuu dhigiisa Manchester City Roberto Mancini uga adkaado saxiixa laba ciyaaryahan oo diirada u saaran. Agaasimaha United David Gill ayaa u duulay isbuucaan gudihiisa Croatia si uu macluumaad kaga soo helo saxiixa ciyaaryahanka lagu qiimeeyo 15 milyan oo ginni Alen Halilovic, oo 16 jir ah iyo sidoo kale 20-jirka daafaca ka ciyaara Sime Vrsaljko (Daily Mail)

Xanta aan tooska aheyn ee maanta la isla dhex maraayo.

Guul darradii Chelsea ee koobka kooxaha Yurub ayaa kasbi karta inay waayaan 20 milyan oo soo gashay sanadii hore, iyadoo ay horaanba ku dhibaatoonayeen sharciga dhaqaale anaagsan Uefa (Daily Telegraph)

Robbie Savage ayaa sheegay inuu yimid waqtigii ku haboobaa ee uu tababare Arsene Wenger ka tegi lahaa kooxda Arsenal (Daily Mirror)

30-jirka qadka dhexe ee kooxda Arsenal Mikel Arteta, ayaa cadeeyey in ciyaartoyda Gunners uu dhaawac soo gaaray lagana codsaday tababar dheeraad ah waqtiga kalena ay daawadaan kulamadoodii uu ku celis ah (Daily Mirror)

Ma jeceshahay inaad maalin walba la socoto wararka xanta ah ee suuqa la isla dhex maraayo? Naga soo booqo www.caasimada.net, Isha wararka sugan.

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Arsenal, Chelsea iyo Juventus oo isku heysta Pirla-ha labaad.

Kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa u weecan kara xiisaha ciyaaryahanka qadka dhexe Paris St. Germain Marco Verratti ka dib markii ay Juventus sheegay inaysan saxiixiisan dooneyn, sida uu qoray wargeyska Talk Sport.

Verratti ayaa waayo fiican ka muujinaya PSG bandhigiisa ayaana soo jiitay kooxaha Barclays Premier League.

Labada kooxda ayaa doonaya inay si deg deg ah ula soo wareegaan, maadaama, ay doonayaan inaysan xidigaan ku qabsan kooxda Juventus.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa cadaadis ku saaran yahay PSG waxaana laga yaabaa in la ceyriyo, kooxda Paris ayaana lumin karta mid ka mid ah ciyaartoydeeda ugu sareysa kaasoo la sheegayo inay si dhow ula socoto Juventus.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Mata: La’aanta Drogba waxay nala noqotay Koronto la’aan.

Juan Mata ayaa daaha ka qaaday inuu u hiloobay halyeeygii Chelsea Didier Drogba wuxuuna waayitaankiisa ku micneeyey sida ‘Koronto la’aan oo kale’.

Kubad sameeyaha xulka Spain ayaa ka mid ah ciyaartoy Blues ah oo ciyaaray xilli ciyaareedkoodii abid ugu fiicnaa balse wuxuu sheegay in ka tegitaankii Drogba ee kooxda uu ay ku notay mid adag.

Drogba ayaa dhaliyey goolkii barbaraha ay kooxdiisa ku keensatay Allianz Arena markaasoo ay Chelsea garaacday Bayern Munich ayna ku guuleysatay Champions League, wuxuuna kubadiisii ugu dambeysay ee Chelsea shabaqa ku hubsaday goolku laadkii guusha.

Wuxuu si xor ah ugu biiray kooxda Shiinaha Shanghai Shenhua ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedkaani.

“Ka tegitaankii Drogba wuxuu inala ahaa sida Korontadu inay naga tagday. Wuxuu ahaa dagaal yahan,” ayuu Mata u sheegay The Sun.

“Waan la qabsanay inaan la’aantiis sababtoo ah wuxuu sanado badan ayuu ahaa mid usoo halgama Chelsea.

“Hadii aan Drogba tababarka la qaadaneyno oo aan la ciyaareyno waa wax fiican.

“Hadii aan kubada siiso waad hubtaa inuu ugu yaraan Laad xor ah ka keeni karo kooxda kaa soo horjeeda.

“Hadii ay dhamaan ciyaartoyda waa weyn kubada helaan, Didier xitta wax badan ayuu ka dhiifoon yahay.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Labada Manchester isha ku haaya saxiixa Halilovic iyo Vrsaljko.

Sir Alex Ferguson ayaa shirqoolanaya bisha Janaayo ugu yaraan laba ciyaaryahan oo diirada u saaran kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City, sida uu qoray wargeyska Sportsmail.

Sportsmail ayaa ogaatay inuu gudoomiyaha Manchester United David Gill Talaadadii u duulay dalka Croatia si uu kooxda Dinamo Zagreb ugala soo hadlo saxiixa da’yarka lagu qiimeeyo 15 milyan oo ginni Alen Halilovic.

Xilli ay kooxda Ferguson dhib ku qabto daafaca, Gill ayaa sidoo kale ka hadlay wax ku saabsan 20-jirka daafaca midig Sime Vrsaljko waxaana laga yaabaa inuu qudhiisu yahay 20 milyan oo ginni waana laba heshiis oo ah ciyaartoyda waqtigaan ugu shidan Croatia.

Gill ayaa Arbacadii kusoo laabtay Manchester, wuxuuna la shiray agaasimeyaasha kooxda ka dib kulankii ay guul darradu kasoo gaartay Cluj, kalsooni ayeyna ku qabaan inay booska kala baxaan lacagaha xoogan ee City.

Ciyaaryahanka sedaxaad ee City diirada u saaran, waa qadka dhexe ee Dinamo Dinamo Mateo Kovacic, sidoo kale Gill ayaa kooxda kala hadlay. United ayaana weydiisay qiimaha xagaaga lagu heli karo laakiin waxaa la dul dhigay 10 milyan oo ginni.

Halilovic, oo 16 jir ah, ayaa horumar ka sameeyey qadka dhexe sida Luka Modric wuxuuna sidoo kale diirada u saaran yahay Real Madrid marka laga tago labada Manchester.

United ayaa xidigaan u jeesatay iyadoo deriskeeda loo sheegay hadal aysan jecleysan kaasoo ahaa inuu Agaasimaha Ispoortiga ee Dinamo Zdravko Mamic, ku yiri: “Waan arkay wararka ay saxaafadu qoreyso ee ah inay City 7 milyan ku dalbatay Alen, laakiin xittaa ma iibiso lacagtaasi lugtiisa bidix.”

Fifa oo cusbooneysiisay ganaaxii Bin Hammam ka dib baaritaan.

Bin Hammam oo horay Kubada cagta looga ganaaxnaa inta ka dhiman Nolashiisa markii ay Maxkamad ku heshay dambi ah inuu Laaluushay oo uu codad gatay bishii July, laakiin Fifa ayaa mar kale ganaax garka u gelisay.

Michael Garcia, oo ah gudiga baaritaankiisa loo xil saaray, ayaa talaadadii sii dhameystiray baaritaanada waxayna Dukumentiyadii u direen Hans-Joachim Eckert, oo ah maxada baaritaanada, Fifa ayaa tiri: “Madaxweynihii hore ee xiriirka kubada cagta Asia Bin Hammam waxaa la siiyey ilaa Janaayo dhexdeeda inuu uga soo jawaab bixiyo warbixinta Ganaaxa. Wuxuu qabay 45 cisho oo ganaax ah, oo ku eg Jimcada, waxaana loo kordhiyey ka dib markii lagu helay eedeymihii loo heystay.

Ka dib markii uu isku deyey inuu tartan la galo madaxweynaha Fifa Sepp Blatter sanadii hore, waxaa lagu eedeeyey inuu isticmaalay Laaluush iyo codad gadasho.

Bin Hammam ayaa laga ganaaxay inta ka dhiman noloashiisa ka dib markii lagu helay dambigaas.

Manchester United iyo Arsenal oo isku heysta Remy Cabella.

Kooxaha ciyaara Horyaalka Barclays Premier League, Manchester United iyo Arsenal ayaa ku dagaalamaya xidiga qadka dhexe ee kooxda Montpellier Remy Cabella, sida uu qoray wargeyska The Sun.

22-jirkaan, kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore ku hugaamiyey Horyaalkoodii ugu horeeyey dalka Faransiiska, ayaa lagu qiimeeyaa 5 milyan oo ginni.

Madaxweynaha kooxda Faransiiska ka dhisan Louis Nicollin ayaa sheegay inuu xidigaani ku socdo wadadii uu kooxda kaga tegi lahaa, wuxuu yiri: “Waxa ay noqon doontaa inaan ka fikirno inaan lacag badan ku iibsano hadii uu naga tegaayo.”

Arsenal ayaa dooneysa inay xidigaan ku xaliso qadkeeda dhexe ee aan fadhin halka Manchester United ay dooneyso inay bedel uga dhigto waayeeladeeda kasii gaboobaya kubada cagta sida Paul Schools.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Drogba oo casho sharaf u sameeyey asxaabtiisii Chelsea.

Halyeeyga kooxda Chelsea Didier Drogba ayaa casho sharaf u sameeyey ciyaartoydii Chelsea ee ku guuleysatay Uefa Champions League bishii May, inkastoo uu weerarayahanka reer Spain Fernando Torres xaflada ka maqnaa.

Drogba ayaa soo agaasimay xafladaan ka dhacday Wyndham Hotel oo ku yaala Chelsea Harbour ka dib markii ay kooxdu bishii May si la yaab leh ku hanatay Koobka Kooxaha Yurub, markaasoo ay Bayern Munich garoonkeeda uga soo qaadeen.

Waxaa soo xaadiray ciyaartoydii ay isku kooxda ahaan jireen iyo shaqaalaha kooxda iyadoo lagu bixinaayey xaflada Faraantiyaal si gaar ah loo sameeyey, waxaana lasoo werinayaa inay qiima ahaan ku keceen 800 kun oo ginni.

Weeraryahanka Qaranka Ivory Cost ayaa xafladaan ula dan lahaa inuu ku dhiso niyada ciyaartoyda, ka dib markii ay Blues noqotay kooxdii ugu horeysay ee iyadoo koobka difaacaneysa ku harta wareega Group-yada.

Torres oo ahaa ninkii kooxda u bedelay booskii Drogba ayaa xaflada ka maqnaa, si kastaba wiilkiisa Leo ayaa shalay laba jirsaday waxaana macquul ah inuu arinkaasi sabab u ahaa. Juan Mata iyo Petr Cech ayaa iyana xaflada ka maqnaa.

Drogba ayaa Chelsea ka hayaamay sanadii hore wuxuuna ku biiray kooxda Shanghai Shenhua laakiin kooxda London ayuu kusoo laabtay si uu tababar ula qaato inta ka dhiman African Cup of Nations oo bilaabanaya sanadka cusub.

Halyeeyga Blues ayaa ahaa ninkii dhaliyey Rigooradii guusha ay Munich kaga gaareen Allianz Arena bishii May, wuxuuna kulankaasi ahaa kulankiisii ugu dambeeyey ee uu xirto Funaanada Chelsea.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Horumarka ka socda Muqdisho oo noqday caqabad nololeed. (Warbixin)

Kadib sanad deganaasho iyo bidhaan nabadeed ah, Muqdisho waxa ay iminka arkeysaa dib u dhis baaxad weyn iyo “Ninkii guri lahow taajir”.

Hase yeeshee, wax kasta oo dhaca waxa ay lee yihiin cirib dambeed, sammaan iyo xummaan midey doontaba ha ahaatee.

Horumarka iyo dib u dhiska Muqdisho ka socdana, waxa uu caqabad nololeed ku noqday dad badan oo magaalada degan, balse dan yar ah.

Ayaga oo u ciil qaba inay hantidooda dhuleed ka taajiraan, ayaa dadka leh guryaha ku yaalla caasimada, waxa ay kumanaan qof oo aan iska bixin karin qiimaha sare ee guryaha ay ku qasbayaan inay ka baxaan guryahooda.

Taa beddelkeeda, waxaa guryaha laga saaro kuwa aan lacagta badan heysan ee qiimaha yar ku deganaa laga iibinayaa kuwa jeebku u weyn yahay ama laga kireynayaa. Taasi kumanaan qof ayay guryo la’aan dhigtay oo xeryaha qaxootiga isku shubay.

Gudaha Muqdisho, qiimihii iyo kirada ayaa laba jibaarmay, sanaddi u dmabeysay.

Gurigii lagu iibin jiray 50 kun oo dollar inti u dhaxeysay 2006 illaa 2011, waxa uu gaaray 100 kun sanadkan 2012 ee dhammaadka ah. Qiimahaasi waxaa la filayaa inuu sii kordho 2013.

“Sanad iyo bar ka hor waxaa macquul ahayd inaan bishii iibiyo wax aan ka badneyn 3 guri, laakin iminka maalin kasta ayaan guri iibiyaa” waxaa sidaas Caasimada Online ku yiri Cabdi Xasan Axmed oo ah dalaal guryaha iibiya.

Waxaa sidoo kale laba laabmay kirada guryaha. Villadii (Dhisme 5 ama 4 qol ah), nooca dhowaanahan la dhisay, oo lagu kireyn jiray ugu badnaan 200 oo dollar, iminka waa 500 oo dollar bishii.

Dhismooyinka ku dhow Garoonka Diyaradaha Aden Caddey, qiimaha intaasi aad ayuu uga sii badan yahay.
Goobaha sidoo kale qaaliga ah, waxaa ka mid ah guryaga ku dhow waddada Makka Almukaramah, oo ay ku yaalaan hoteelo iyo meelo laga dakuumeysto oo qurux badan.

“Tani waxa ay caqabad ku tahay Dowladda, xitaa qaxootiga jooga magaalada waa halis xagga amniga ah” ayuu yiri Cabdixakiim Guuleed oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maareynta Musiibooyinka Somalia.

Sheekooyinka muragada leh waxaa ka mid ah “Ku dul beeca”. Dadka lacagta heysta ayaa sameynaya ficillo aan la mahdin. Waxa ay u tagayaan milkiilayaasha guryaha ayaga oo u sheegaya inay siin doonaan lacag laba jibaar ama saddex jibaar ah, haddii qofka guriga degan ay uga saaraan.

Kumanaan qof ayaa sidaasi looga saaray guriyihii ay deganaayeen oo iminka ku nool xero qaxooti, waayo guri kuma kireysan karaan boqolaal dollar, xilli noloshiiba aysan meel saarneyn.

Lama filayo in xaalkan uu soo wanaagsanaado. Sida xaalka iminka uu ku socdo, Muqdisho waxaa nolosheeda ku hari doona kaliya qofkii guri leh, ama mid taajir ah oo lacag badan heysta.

Wareysiyada iyo xogta warbixintan waxaa soo ururiyay Weriyaha Caasimada Online ee Muqdisho, waxaana qoray Tifaftiraha Caasimada Online Axmed Cali Sheikh.

Aqalka Kongareeska Maraykanka oo la horgeeyay sharci dib loogu eegayo Xawaaladaha Soomaalida.

Minneapolis (Caasimada Online) Waxa shaley la hor geeyay aqalka congresska Mareykanka barnaamik ku saabsan siddii loo khafiifin lahaa sharciyo la saaray xawaaladaha waddankaas ku yaalla.

Sharcigan ayaa waxa gudbiyay labo mudane oo ka tirsan Congress-ka kuwaasoo kala ah Keith Ellison oo laga soo doorto gobalka Soomaalida Maraykanka ku badan yihiin ee Minnesota iyo Erik Paulsen oo isna gobalkaas laga soo doorto.

Labadan mudane waxa ay ka kala tirsan yihiin labada xisbi ee dimuquraadiga iyo Jamhuuriga, waxay hadda u olaleenayaan siddii loo dabcin lahaa sharciyada la saaray xawaaladaha Soomaalida iyo kuwa kale ee lacagaha laga xawilo.

Arrintan ayaa daba socota markii la sheegay in xawaaladaha waddanka Maraykanka lacago looga soo diro kooxaha ka dagaalama Soomaaliya.

Waxay saameen ku yeelatay Soomaali badan oo ku nool waddanka Maraykanka kuwaasoo lacago u soo diri jiray eheladooda oo ku nool geeska Africa.

Labadan mudane ayaa u olaleenaya siddii Soomaalida si caadi ah ugu diri lahaayeen lacagaha kuwajahan eheladooda.

Haddii sharcigan uu meel mariyo aqalka Congress –ka  Maraykanka, waxa Soomaalida ku nool gobalka Minnesota uu suuragalin doonnaa in si dhib la’aan ah lacagahooda ugu soo diraan Soomaaliya.

Wixii ka dambeeyay weerraradii 11-kii September 2001-da waddanka Maraykanka waxa sharciyo adag lagu soo rogay lacagaha xawaaladaha ee loo soo diro waddamo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Pakistan iyo Afghanistan.

Madaxa hay’adda Somali Action Alliance Xaashi Shafi  oo in mudda ah dedaal ugu jiray siddii Xawaaladaha Soomaalida Mareykanka ay u heli lahaayeen  macaamil Bangi oo rasmi ah, ayaa sheegay in arrinta haddii ay meel mariyaan labadane in Soomaali badan ka bixi doonto dhibaatada ay ku qabeen lacaga ay u diraan eheladooda.

Isagoo la hadlaayay VOA-da  ayuu sheegay in labada mudane ay yihiin kuwa laga soo doorto gobalka Minnesota oo ah gobalka ay ku nool yihiin Soomaalida Maraykanka

Maraykanka waxa uu ka mid yahay waddamada ay dadka Soomaalida ka soo diraan lacago, qiyaastii sannad kasta Soomaalida Maraykanka ku nool waxay dalka u soo diraan ku dhawaad 100-milyan oo dollar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Somaliland: Natiijada doorashada golayaasha deegaanka magaalada Hargeysa oo lagu dhawaaqay

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijooyinka doorashada golayaasha deeganka oo bishii la soo dhaafay ka dhacday halkaas.

Guddoomiyaha golaha doorashada magaalada Hargeysa mudane Saciid Jaamac Guutaale oo xaley shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay natiijada doorashada golayaasha deeganka ee magaalada Hargeysa.

Haddaba sidan ayey uala heleen natiijada Labada Xisbi iyo shanta urur siyaasi ee ka dhisan maamulka Somaliland.

1- Xisbiga Kulmiye oo helay 7-kursi.

2- Xisbiga UCID oo hekay 4- kursi

3- Ururu Xaqsoor wuxuu helay 4- kursi

4- Ururka Waddani wuxuu helay 4-kursi

5-Ururka Dalsan wuxuu helay 2- kursi

6-Ururka Ummadda wuxuu helay 1- kursi

7- Ururka Rays wuxuu helay 1-kursi.

Magacyada Xildhibaanada Cusub Ee Degmada Hargeysa.

Xisbiga Kulmiye

1. Hanad Xaashi Axmed Caydiid 5474 Cod

2. C/raxmaan Maxamuud Caydiid Cabdi (SOLTELCO) 4455 Cod

3. Cismaan Xasan Faarax Shiil (Waxar) 4151 Cod

4. Eng. Yuusuf Warsame Siciid 3793 Cod

5. Cabdi Siyaad Muxumed Giirre 3625 Cod

6. Axmed Daahir Axmed Magan 3484 Cod

7. Cabdi Cali Yuusuf Liibaan 3265 Cod

Xisbiga Ucid

1. Maxamed Aw Aadan Wayrax Geelle 4477 Cod

2. Khadar Ibraahim Axmed 3544 Cod

3. Cabdicasiis Maxamed Xaashi 3003 Cod

4. Maxamed Cabdi Aadan Yuusuf 2266 Cod

Ururka Waddani

1. Maxamed Warsame Caallin Timacadde 5315 Cod

2. C/qani Yuusuf Cabdillaahi Ina Macallin 2969 Cod

3. C/llaahi Cali Aadan Yuusuf (Cabbaas) 2902 Cod

4. C/risaaq Faarax Xasan (Qawdhan) 2621 Cod

Ururka Xaqsoor

1. Saleebaan Daahir Cabdillaahi Raagsane 4558 Cod

2. C/laahi Aw Adan Maxamed Cawil 2899 Cod

3. C/laahi Siciid Faarax Diiriye 2719 Cod

4. Deeq Ducaale Cismaan Guuleed 2364 Cod

Ururka Rays

1. Khadar Xuseen Cali Ismaaciil 1877 Cod

Ururka Dalsan

1. C/casiis Adan Habane 3589 Cod

2. Fu’aad Saxardiid Caabi 2499 Cod

Ururka Umadda

1. Cali Axmed Haybe Nuur 3786 Cod

2. Khaalid Cabdi Cawad Abyan 2949 Cod

3. Mustafe Cismaan Daahir 2861 Cod

Dhinaca kale, markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada golaha deeganka Somaliland ayaa waxa ka bilowday magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafadda Axmed Dhagax, ciidamada bilayska ayaa rasaas kor u ridayay, waxana magaalada la soo sheegayaa in xiisad ay ka dhacday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

 

Ghana oo laga hirgalinaayo mashruuc solar ah oo koronto siin kara in ka badan 100,000 guri.

Accra (Caasimada Online) Shirkad laga lee yahay waddanka Ingiriiska ayaa qorsheeneysa siddii ay u sameen lahayd wax ay ku sheegtay mashruucii ugu ballaarnaa oo laga sameeyo Africa oo ah solar.

Shirkadan oo lagu magacaabo The Nzema, waxa uu saldhigeeda ku yaall Ghana, waxay wadaa siddii ay u sameen lahayd Solar awood u leh in uu koronto siiyo in ka badan 100,000 guri.

Mashruucan ayaa la sheegay in uu ku bixi doono adduun lacageed $400m oo u dhigan (£248m) waxana la bilaabi doonaa 12-ka bilood ee soo socda.

Mashruucan ayaa la sheegay in uu wax badan ka tari doono dadka rere Ghana, kuwaasoo  kala bar aan heesan koronto.

Agaasimaha mashuuracan Douglas Coleman, wuxuu BBC News u sheegay in Solarkan uu noqon doono kii ugu ballaarnaa ee abid laga horgaliyo qaarada Africa.

Wuxuu kaloo sheegay in dadka reer Ghana uu ka gacan siino lacagaha badan oo ay ku bixiyaan korantada taasoo aad u badan.

Waddamo badan oo ku yaalla Africa ayaa laga hirgaliyay soolarka korantada lagu dhaliyo, laakin ma ahan mid dabooli kara baahiyaha weli ka jira qaarada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Galmudug oo mamnuucday lacagaha been abuurka ah.

Gaalkacyo (Caasimada Online) Maamulka Galmudug ayaa ka digay lacagaha been abuurka ah ee la soo galiyo deegannada uu ka arimiyo.

Agaasimaha wasaaradda maaliyadda maamulka Galmudug Bile Diini Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii lagu arko iyadoo soo galineysa suuqyada lacago been abuur ah.

Agaasimaha ayaa sidoo kale u digay ganacsatada gobolka Mudug gaar ahaan kuwa nool Galmuudg in ay is-ticmaalaan lacagtaas oo hadda qeybo badan soo gashay suuqyada.

Wuxuu kaloo tilmaamay in lacagtaas ay keenayso uun sicir-barar iyo dhaqaalo xumo soo wajada bulshada reer Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Agaasime Bile ayaa shaaciyay in la sameeyay lacago loo ekeesiiyay kuwa saxda, si loogu jahwareeriyo suuqada iyo bulshada, taasoo haddii ay suuqa soo gashay ku keeni karta ayuu yiri sicir barar iyo dhaqaale dari baahsan.

Waxay ku soo aadaysaa digniintan iyadoo maamulka Puntland uu isna ka dilay in suuqyada ay soo galeen lacago been abuur ah, kuwaasoo la damacsan in dadka lagu jahwareeriyo.

Si kastaba,magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug oo ay ka arrimiyaan maamulada Puntland iyo Galmudug, waxa ay xudun u tahay ganaciga lookala waarido koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya  iyo dhulka is-maamulka Soomaalida ee Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Jaceylkii Baadiyo Beled miyuu I biday.? (Sheeko xiiso badan Q.2aad)

Jaamac waatii la yiri Gabadha meel kusoo ogoow, wuxuuna ku fakaray inuu habeen u tago maadaama fursadu u diiday maalintii.

Habeen mugdi ah ayuu tegay gurigii reerka Safiya, laakiin marmarsiyo ayaa loo helay maadaama uu daadshay Labeentii ay Gabadhu dooneysay inay berri [Subixii] ku subkato.

Safiya ayaana inta ku kacday shanqartiisa tiri: “Jaamac ma labeenta ayaad caano mooday oo aad cabi rabtay?”

Waala kululeystay Jaamac, wuxuuna kala garan waayey halka uu joogo maxaa kugu saladay Labeentaan ayey ka taagan tahay, ciil dartiis yaamar kusoo celiya wuu is leeyahay laakiin ma noqoneyso waxayna u ekaatay: “Ciyaar maxaa loo tumaa habeenkii hadii aan qiso laga laheyn”

Micnaha, maxaa labeentaan banaanka dhigay oo loo gelin waayey Bowdka xerada ariga ama Edega waxaraha hadii aan wax laga damacsaneyn, waxaa niyada uga jirta in falkaan loogu talo galay, laakiin ma ahan ee waa wax isku soo aaday.

Wuxuu sameeyey la tashiyo kale wuxuuna u tegay odayaal kale isagoo leh: “War sidaan kusoo xero geliyaa gabadhaan?”

Waxaa talo lagu soo siiyey inuu maalin uun ugaarsi aado uuna gabadha u keeno hilib Cowl ama wax u dhigma una sheego inay maqaarka Cowlka ka sameyso Ceyn Owrta lagu dhaansho, si ay ugu aragto inuu yahay nin ku fiican Ugaarsiga maadaama dadku reer guuraagu ku kala fiican yihiin Ugaarsiga, tan kalena Ceynku uu yahay wax aysan gabar walba sameyn Karin uuna xujo uga dhigo.

Laakiin waa kasoo baxday Safiya xujadaas Ceynkiina sameysay waa gabadhii la oran jiray: “Shan ka roon”

Galab goor ay cadceedu sii gaabaneyso ayuu Jaamac jid uga soo dhacay Safiya oo ari ka goosmay wuxuuna  ku yiri: “Ariga ma kula goobaa?”

Waxay ku tiri: “Haa, ila goob waayo meeshaani waa meel hili-qaaq ah [Laga kala guuray]”

Waa uu la raadshay wuxuuna habeenkaas ku helay fursad fiican oo uu wax uga dhaadhiciyo laakiin iyada ahaan, warkaasi kuma socone Ariga ayaa u darnaa, isna mood inuu dari helay.

Cidii ayaa guurtay maalinkii dambe wuxuuna maagay inuu cidda wax ka raro maadaama uu yahay nin dan leh.

Wuu ka raray laakiin wuxuu arkayey inaysan gabadhaani dhinciisa usoo jeedin.

Cidii markii la furay ayuu galab ugu yimid iyadoo Subkaneysa wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu guursado, wax walbana uu diyaar ula yahay, laakiin gabadhaan waxay dooneysaa inay aduun kale soo aragto Jaamac uguma baxdo.

Naq degii dambe ayaa gabadhii nin kale haasaawe la sameysay waana nin qanciyey iyada ahaan, Jamaal iyo Joog leh laakiin aan u xoolo badneyn sida Jaamac.

Ahkristeyaal halkaas ha inoo joogto qeybtii Labaad ee sheekadii la magac baxday Jaceylkii baadiyo beled miyuu I biday?

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

 

Xukuumada Somalia oo mamnuucday ka Ganacsiga Qalabka Ciidamadda.

Muqdisho (Caasimada Online) Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo adkaynta Amniga.

Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyey booqashadii uu shalay ku tagay cirifyada magaalada Muqdisho isagoona u kuur galayey xaalada Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa dadaalkii looga sifeeyey Isbaarooyinka goobo badan oo ku yaala Caasimadda.

Sidoo kale golaha ayaa ka dooday sidii loo howl galin lahaa Maxjarka Xoolaha ee ku yaala degaanka Al-jaziiro halkaas oo ganacsato Soomaaliyeed ugu diyaarsheen Xoolaha Dalka laga dhoofinayo dhamaan agabyadii ay u baahnaayeen sida Naaxinta, Baarista Caafimaadkooda, iyo Cawskii lagu calfin lahaa mudadda ay safarka sii yihiin. Maxjarkan ayaa ah kan kaliya ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaana ay bilaamaysaa xoolo dhoofintu 31 bishaan.

·   Goluhu waxay isku raaceen in la sameeyo gudi ka kooban shan Wasiir oo kala shaqeeya gacanstada dhoofinaysa Xoolaaha sidii ay ugu fududaan lahayd howlahooda shaqo. Waxaana gudigaas ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Khayraadka Dalka Mudane Cabdirisaq Cumar Maxamed oo ah Gudoomiyaha Gudiga.

·   Sidoo kale Golaha ayaa isku raacay in laga bilaabo maanta aan laga ganacsan karin qalabka ciidamadda sida, Hubka noocyadiisa kala duwan, Rasaasta, Tuutaha, Booshashka iyo dhamaan qalabka ay isticmaalaan Ciidamadu.

Ugu danbayntii Golaha ayaa Amaan u soo jeediyey shacabka sida ay ugu heelan yihiin is bar-bar taaga dowladooda iyagoona ku tilmaamay in wada shaqayn dhex marta shacabka iyo dowlada ay tahay tan kaliya oo lagu sugi karo amniga.

Turkiga oo ballaarinaya taageerada uu ku bixinaayo dib u dhiska Somalia.

Akara (Caasimada Online)  Madaxweynaha Waddanka Turkiga Cabdalla Guul ayaa Arbacadii sheegay in dalkiisa uu ballaarin doono taageerada lagu bixinaayo dib-u-dhiska Sooomaaliya.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda booqasho rasmi ah ku jooga waddanka Turkiga.

Madaxweyne Guul ayaa yiri Waxa la dhisi doonnaa kaabayaasha muhiimka ah, si calaamad wanaagsan ugu noqoto beesha caalamka.

Wuxuu kaloo caddeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga in si weyn loo xoojin doono.

“Soomaaliya waa cusub ayaa u bilowday” ayuu yiri Guul

Turkiga door weyn ayuu ka qaatay markii abaaraha ka dilaaceen koonfurta Soomaaliya sannadkii hore, waxa soo booqday Muqdisho ra’iisal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan , xiriirka labada dalna halkaas ayuu si fiican uga xoogeestay.

“Turkiga Soomaaliya waxay ku lee yihiin Safaarad, sidoo kale diyaaradda Turkish Airlines  waa diyaaradda kaliye ee caalami ah oo duulimaad Muqdisho sameesa” sidaas waxa yiri madaxweynah.

Madaxweyne Guul ayaa intaas ku daray in 1,600 oo arday Soomaali ah a iyo kuwa Jaamacadaha ka soo baxay ay hadda wax ku bartaan waddanka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa daaha ka qaaday in Turkiga uu gacan weyn ka geesan doono siddii dib loogu soo dhisi lahaa waaxyaha Bilayska iyo Millatariga Soomaaliya.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan dhinaca ciidamada oo ka dhexeya labada waddan.

Caasimada Online 

Xafiiska Wararka Ankara

Marka Guurka Laguu Diido!

Waad salaamantihiin walaalaha qeymaha badan ee kuxiran websitekan qaaliga ah. Maanta iyo maqaalkeena wuxuu kusaabsanyahay caado aad ufool xun Quursi oo ubaahan in la’iska kaashado cirib-tirkeeda.

Quursi? Waa qofka oo isku qanciyo inuu qofka kale kaga fiicanyahay isir,midib,diin, qaabka Allah usameeyey,lab iyo dhadig kuu yahay!

Quursiga waa cudur da’ weyn oo lakowsaday Aadamaha maalintii uu ifka yimid, wuxuuna kamidyahay cudurada faafa ee lakala dhaxlo!

Quursigu waa amardiidadii uhoraysay ee uu Ibliis ku kacay markii la’amray isaga malaa’ikta inay usajuudaan Nabi Aadam isagoo sabab kadhigtay inuu kaga fiicanyahay asalka iyo meesha uu kasoo jeedo, taas oo keentey inuu sidaas janada kuwaayo.

Qofkii cudurkan laga helo, wuxuu halis uyahay inuu mustaqbalkii aakhiro kuwaayo aduunkana dhib kunoolaado!

“Quursigu qiil maleeyahay”

Sagaashamaadkii ayaan kaqeybgaley aaska hooyo Soomaaliyeed oo kugeeriyooday magaalada Nairobiee wadanaka Kenya! Waxaa qabriga isku tuuray nin dheer oo sitay funaanad ay kuqorantahay “Quursigu qiil maleeyahay” si’uu iilka udhigo meydka! Waxaa la’igu sheegey inuu ahaa wiilkeeda oo ushaqeeya BBCda,laanta afka Soomaaliga. Inkasta oo aan hortaagneyn meyd iyo mowqif kuxasuusinaya Aakhiro, hadana hadalka funaanada kuqornaa wuxuu igu reebey xasuus!

Quursigu kala xanuun badan

Inta aad dad lanooshahay waayi maysid wax geeska kugaliya oo kudareensiyo inaadan lasineyn.

Waxaa laga yaaba inaad iska cafiso qof kugu faquuqay qaabka Allah kuu sameeyey, sida isagoo kugu ceebiyo inaad jiistahay,ra’yigaadu qaldanyahay ama isu arko inuu kaafanyahay maadama uu lacag leeyahay laakinse aadan waxweyn kasoo qaadin oo aad halgan noolasha sii wado.

Isma guursano? Isma gayno? Kuf umatihid gabadhanada! Dhanka Diinta? Midibka? Dhalashada? Malaha waxaa la’igu haystaa asalka ilaahay iga abuuray? Mmmm..Waa gaf diinta laga galay haddii taas la’igu haysto!! Mise talow aniga gacmahayga kugaystay waxaa aan fadarada kunoqotay?”

Waa su’aalo aan tafsiir laheyn! Waxaase hubaal ah qofka sidaas lagu sameeyey inuu ciil qabo, kana fikirayo sidii uu ku aar-goosanlahaa!Su’aasha waxay tahay ‘tolow muxuu samaynkaraa?’

Cashiro aan kuqaatay wadamada Carabta

Anigoo horay u ogaa dhibaatada haysata dadkn Soomaaliyeed ayaan hadana waxan cashiro kusoo qaatay wadamada Carabta oo aan mudo daganaa.

Wadamada Carabta waxaa lagu qancinaya oo aad si sahlan u ogalaanaysaa inaysan ummadda Alle sineyn ee lagakala sareeya. Haddii uu midabkaada madowyahay amaba aad kasoo jeedidi Qaarada Africa,waxaa shaki lagaa galinayaa inaad xurtahay iyo inkale!

In badan ayaan isweydiyey ‘dul-qaadka’ walaalaha Soomaaliyeed ee mudada dheer latakoori jirey!

Xusuusin: cunsiriyada carabta ama soomaalida dhexdeeda iyo Diinta Islaamka yaan la’isku qaldin!

Sheekada maqaalka

Sheekada ugu weyn ee maqaalkaan keentey waxay  aheyd markii aan lakulmay oday Soomaaliyeed oo kacabana wiilkiisa oo guur loo diidey!

Sheekadan oo dhowr waji leh, waxaa xusid mudan in odaygan kasoo jeedin dadka xooga lagu heeb-soocay, wuxuuna yiri isagoo kasheekeynaya wixii kudhacay:

“Wiil aan dhalay oo dagan wadankaNorwayiyo gobar Soomaaliyeed ayaa go’aan ku gaaray inay isguursadaan; waxayna kuheshiiyeen inuu nikaaxu kadhaco magaaladaDohamaadama aniga iyo gabadha adeerkeed soo korsadey wada daganahay halkaan. Nasiib wanaag, gabadha adeerkeed waa raggii aan mudadada dheer wada joogney wadankaQatar. Kulan iyo iswaraysi kadib waxaan kuheshiiney inuu nikaaxu dhaco isbuuc kadib.Waxaan farta kasaaray lacagtii howsha lagu qabanlahaa!

Sida dhaqanka Soomaalidu yahayba, waxaan gaarsiiyey odayaasha beesha aan kasoo jeeda ee ila tagilahaa gogasha aan gabadha kuweydiisanayno iyo anigoo sii diyaariyey sooryadii.

Maalin kahor taariikhdii aan kuheshiiney, ayaa telephone la’ii soo direy ayadoo la’igu wargaliyey in gabadhii lagu mehriyey ina adeerkeed! Dabagal kadib, gabadha waxaa lagu yiri ‘anaga iyo reerkaas’ isma guursano ee ina adeerka ayaa kumudan!”

Sheekada odayga kudhacday waxaa lagayaaba inaysan kugu cusbayn oo aad maalinkasta maqashid qof sidaas loo galay haseyeeshe, qof ahaan waa inaad kaxumaato oo aad muujiso inaad kaxuntahay.

 

“Anigaba uma guuriyeeyn”

Odayga maadama uu nala wadaagay dareenkiisa iyo sida looga gardaranyahay,waxaan isku daynay inaan samirsiino anagoo xasuusinay in dad badan oo Soomaaliyeed sidaas lagu sameeyo hortiis ayadoo wax ay galabsadeen aysan jirin. “Maxkamad la’aan ayaa laxukumay inaan loo guurin, lagana guursan maadama ay yihiin gabooyo, midgaamo iyo magacyo fara badan oo aan lagaraneyn meesha laga soo guuriyey!”

Subxaanallaah, waa kanaa odaygkii oo isbadal! Walaahi magaranayo waxaa ku keeney isbadalkaas.Inta aamusay oo neefsada ayuu kujawaabay “Ilaahbaa nalahe, anigaba kuwaas uma guuriyeen gabar aan dhalay”

Yaab iyo amakaak iyo cadaalad xumo intaas la’eg! qof diidan in isaga latakoorin laakinse dulminaya umadda kale! “Hadaa maxaad ugu xuntahay waxa wiilkaada kudhacay? Waxaad aaminsantahay ayaa lagugu ciqaabay!

Waa tanaa Fikradaha dadweynaha mar aan weydiyey sida ay u arkaan takoorida iyo inay ayaga laftooda kudhaqmaan caadadaas aadka ufool xun:

Faysal abusalman,Copenhagen, Denmark

Walaal Aadam khayr Allaha kusiiyo aad baan ugu farxay markaan arkay mawduucan qaaliga ah runtii waa arin ubaahan inaan sihufan uga qayb qaato haduu eebuhu yiraahdo waayo anigay iqabsatay xanuunkeedana soo arkay.

Waxaa la,igu takooray 14 kii sano een kunoolaa wadamada Carabta, inaan Soomaali ahay oon waliba madoobahay, waxaan kuwaayay waxyaabo badan oon aaminsanaa inaan xaq uleeyahay sida Shaqada, Tacliinta iyo waliba Caafimaadka, waxay igu qasabtay inaan lasafto nin madoow oo waliba gaal ah. Waxaana naloogu hanjabay in shaqada nalaga caydhin doono, sharciga joogitaanka wadanka nalaga xayuubin doono.Waa nasiib darro in qof Soomaaliyeed latakooro ama layaso, runtii waa arin naxdin leh oo aad uxanuun badan.

Dahir Cumar Abtidoon, Qatar

Inkastoon qurbaha noloshayda ku qaatay somali kalama kulmin wax takoora lakiin dalkan aan deganahay waan kala kulamay oo waxaan la saftay nin madaw oon filayo inusan muslim ahayn; wuxuu ahaa ciyaartoy ;waxaana lagu colaadiyey midabka oo waxaa lagu yiri adoon(عبد)

Aad baan ugu xumahay takoorka ku dhaca walalaha Soomaliyeed ee aan isku diinta iyo qabiilka nahay!

Waxaan kutalin lahaa salaadiint soomaliyee dhamaantood intay isu yimaadan goor ay cedeedu kulushahay oo duhur ah, inta kabaha bixiyeaan ay raaligelen ka bixiyaan dulmigaas sitoos(live) looga daawanaayo televisionada.

Saacid C/laahi Aaden,Copenhegan, Denmark

Waxaan ku talin lahaa in walaalaha laquursaday ee la qabatimay quursiga – lagu qanciyo inkanquursanayaa uusan waxba dheerayn ee uu la siman yahay.

Ubax, Saudi Arabia

Intaan garaadsaday cid matakoorin muslimkuna wuu ii sinnaa  laakiin aniga waa la i takooray markii aan imid waddanka aan ku noolahay. Waxaan arkaa in midabka la igu riixayo amase magaca runtii waa arrin aad u xanuun badan ciddii soomaali ah ee soomali tagoorta kooleey  waa u diin xumo waxaan leeyahay diinka allaha nagaran siiyo.

Intaan markale kulmidoona waa walaalkiin Aadam Abdi Abuzuhri oo idinleh Assalaamu Alaykum. Wixii talo iyo tusaale [email protected]

MAXAA KA MAQAN MUQDISHO?

Bismilaah wasalaatu wasalaamu calaa Rasuulilaah.

Mudo badan ayay somalia ahayd wadan galgalanaya sidii mas madaxa laga dilay siyaasad ahaan, amaan ahaan iyo dhaqaala ahaanba.

Madaxa somalia waa muqdishu, waa calaamada wadanka, waa meesha ay ku noolyihiin dadka ugu badan ee somalia, waa meesha hadii ay hagaagto wadanka oo dhan uu hagaagi karo.

Markii ay burburaysay waa meeshii burburkeedu,lamid noqday wadankii oo u dumay, hadana hadii larabo in dib loosoo celiyo qaranimadii suurtoobi mayso ilaa muqdisho boorka laga jafo, taasoo aan dhacaynini ilaa amaankeeda la’isku halayn karo.

Maalin walba waxaad maqlaysaa, ciidamaa is rasaaseeyey, kuwii dawladaa is diriray, shacabaa wiifto ku dhintay, madfacbaa ku habsatay, miinaa la booday, wariyaa la dilay iyo wax yeelooyin aan dhamaad lahayn. Ma istiraahdeen meeshuba waa sanduuq rasaata lagu kaydiyo? Maxay yihiin waxan isku wada qarxaya ee qoryaha wada sita?
Magaaladii ma waxay noqotay meel hubka lagu tijaabiyo?

Ula jeedadayda, nidaam xumo baahsan ayaa ka muuqata amaanka magaalada, waxaan arkaa in dadaal badan lasamaynayo, isbaarooyinka la qaadayo, oo mar walba ciidamada lasii kordhinayo, waxaa jooga Amisom, boolis, sirdoon, xooga dalka, madaniyiin, ilaalada madaxda, ganacsato, oo dhamaantood hubaysan.

Intaas oo wada hubaysan sidee ayay isku dhexmarayaan jidadka yar yare e muqdishu? Sidee ayay ku kala badbaadayaan, sidee ayay ku wada shaqayn karaan?

Amaanka laguma xaqiijin karo ciidamada oo lasoo badiyo oo kaliya waxaa loo baahanyahay in loo fakaro oo loo dajiyo qaab cilmiyaysan oo ay ku shaqeeyaan.

Amaanku ma ahan askarta, iyo hubka, amaanku waa siyaasad, waa mabda loo baahanyahay in bulshada laga dhaadhiciyo, oo ay qayb ka noqdaan, in dadku ay fahmaan in ay dantoodu ku kirto, in ay soo sheegaan cidii dhibaata wada, in lasameeyo kalsoonidii, hay’adihii, iyo xeerarkii loo mari lahaa wadashwayntaas iyo isku duubnidaas ka dhaxaysa dawlada iyo dadka.

Bini aadamaka sadex si ayaa lagu maamuli karaa, waana barnaamij ay ku heshiiyeen, awood barnaamikaas ku ilaalisa, iyo ciqaab cidii ku xad gudubta nidaamka. Sedexdaas hadi midkood lawaayo biniaadamka lama hogaamin karo. Sedexduba way ka khadan yihiin gobolka banaadir.

Waa in loo sameeey xeer hoosaad ugaara amaanka gobolka oo ay ku wada shaqeeyaan ciidamada amaamka ee gobolka.

Waxa lagama maarmaan ah:

• Inuu jiro xafiis dhexe(central command) oo dhamaan qaybaha amaanka ee magaalada ka hawl gala ay ka amarqaataan.

Xafiiskana wuxuu is waafajinayaa dhamaan dhadhaqaaqyada amaan ee magaalada ka jira, sida booliska, askarta, sirdoonka iyo ilaalada madaxda, si ay marwalba uga warqabaan meesha uu midwalba joogo, ku socdo ama hawlgal ka wado. Waxa keenaya in ciidamadu ay isku dhacaan waan in aysan hay’adaha amaanku iskaba warqabin, qola walba ay magaalada hub la dhexwareegayso iyadoon cidna u sheegin, markii ay iskasoo horbaxaana intay kala shakiyaan uu dagaal dhex maro oo dad shacaba ay ku dhintaan. Arintaas waa wax yaab leh waa wax loo baahnaa in waa hore wax laga qabto laakiin ilaa haatan taagan. Sarkaalkii ciidamo hubaysan magaalada la dhex mara isaga oo aan xafiiska dhexe soo wargalin waa in laxiraa, sababtoo ah wuxuu qatar galinyaa, naftiisa, tan askarta, iyo tan shacabkaba.

• In cid hubaysan aysan magaalada mari karin iyadoon kusoo wargalin xafiiskaas

Waxaa kaloo iyaguna jira dad kale oo siyaabo kala duwan magaalada hub iyo ilaalo ugu haysta, waa in ay marka hore isdiiwaan galiyaan, dhamaan dadka wata ilaalada hubaysan, sida madaxdii hore, waa in aysan safri karin iyagoo wata ilaalo hubaysan ilaal ay xafiiska dhexe kusoo wargalinyaan, meesha ay aadayaan iyo meesha ay u marayaan, xafiiska dhexana waxaa laga rabaa in uu dhamaan qaybaha kala duwan mid mid ugu warkaliyo in dad hubaysan oo laga warqabo ay meel hebla joogaan.

• In qofkii lagu arko hub sharci daro ah, hubka laga qaado, laganaaxo ama laxiro

• In cidkasta oo xildawladeed haysa ay amaankeeda dawladu masuul ka noqoto

Dadka dawlada u shaqeeya, amaankooda waxaa masuul ka ah dawlada, hadii ay ilaalo u baahdaan waa in ay waydiistaan xafiiska dhexe, nin hubkiisa, iyo ciidankiisa wata xil dadweynana haya wax lala xisaabtami karo ma’ahan amaaanka magaaladana khatarbuu ku noqonayaa.

• In askari ama hawlwadaan u shaqeeya dawlada uusan cidkale mushaar ama laaluush ka qaadan karin
Arintani waxay wax ka qabanaysaa musuqmaasuqa, laaluushka iyo laba wajiilaynta, waxaad maqlaysaa gudoomiye dagmo oo wata ciidamo beeleed, uu isagu lacag siiyo, kuwaas oo markuu rabana si kale u adeegsan karo.

udoomiyayaaashu wax shaqa ah oo ay ku leeyihiin arimaha ciidamada ma jirto, waa in ay qabsadaan hawlaha dagmada ee horumarinta ku saabsan, dawladu waa in ay u qortaa ciidamo iyada ka amarqaata, iyadu ay mushaar siiso oo ilaaliya amaakooda. Wixii khalada oo ay sameeyaana iyadu ay kala xisaabtanto.

• ciidamada waa in ay ku dhex jiraan qaar sirdoon ah

Waxaad ogtihiin ciidamada waxaa ku jira qaar badan oo laba wajiilayaal ah, kuwo waxaa jira habaynkii la shaqeeya kooxaha dawlada ku kacsan maalintiina askar dawladeed ah, qaar waxaa jira labada dhinacba mushaar ka qaata, qaaar ayaa agabka iyo rasaasta ka ganacsada. Markaas waa in lakeenaa sidii arintaas wax looga qaban lahaa. Waa in unug walba lagu dhexdaraa sirdoon soo gudbiya wax walba oo ay ciidamadu sameeyaan si loo ogaado, kooda tuuga ah, kan shacabka dhaca, kan, laba wajiilaha ah, iyo kan calooshiisa u shaqaystaha ah. Sidan hadii layeelo wax badan ayaa isbadali doona, askartu way ka baqi lahaayeen in ay ku dhiiradaan waxyaabaha qaarkood, kii xamili waayana wuu isaga bixi lahaa ciidamada.

• cidii kasoo goosata jabhadaha waa in aan lagu dhexdarin ciidamada amaanka waana in aan latusin wax sir ah.
Waxaad maqlaysaa, hebelbaa soo goostay hadana waxaad arkasaa isagii oo ciidamdii dhexfadhiya, xurumohoodii dhexwareegaya, oo sirtoodii o dhan ay hortaalo. Maxaad ka ogtihiin in loosoo diray in uu madaafiicda hago?, maxaad ka ogtihiin in uu sirdoon yahay, maxaad ka ogtihiin in uu runba sheegayo?

Malihi halafogeeyo dhalinyarada soo baxsatay laakiin waxaan leeyahay ha ladhaqan celiyo, hana loo maareeyo qaab hubinaya in waxa ay arkaan, maqlaan, ama fahmaan uusan anfacaynin hadiiba ay wali hoosta kala socdaan kooxdii ay kasoo bexeen.

Degma kasta waa in ay leedahay gudi hawlwadeeno amaan ah oo ka kooban dadka degaanka, booliska, sirdoonka iyo ciidamada kuwaas oo si joogta ah u wada baarintaano, dabagal iyo xog uruurin ku saabsan dhacadoonyinka amaanka iyo dadka lagu tuhamayo in ay faraha kula jiraan.

Sikastaba u qaadee waxaa xiqiiqo ah in amaanka mudisho uu u baahanyahay, isbadal nidaami ah, kaasoo la’aantiis xataa million akari aysan waba ka qaban karin.

Mida kale ee meesha ka maqan waa kalsoonidii lagu qabay ha’adaha amaanka, taasoo ay sabab u tahay dilalka tirade badan ee maalin walba dhaca oo wax dabagal ah oo lagu semeeyayna aysan jirn.

Hadii ay aqoon daro arintaas ugu wacantahay waa in booliska loo furaa tababar kusaabsan sida loo sameeyo dambi baarista, lana siiyaa qalabkii ufududayn lahaa.

Sidoo kale dawlada somalia waa in ay isu diyaarisaa sidii u dhisi lahyd boolis casri ah, oo leh shaybaaro, lagu fuliyo, dna’da, faraha, chemikooyinka, iyo dhamaanba qaababka casriga ah ee dabiilayaasha lagu fashiliyo. Arintani sanooyin ayay qaadan kartaa laakiin waxaa laga rabaa dawladu in ay hada ku fakarto in dadkii waxan samayn lahaa ay tababar u dirto, waxaa jira dawlado badan oo diyaar u ah in ay inaga caawiyaan arimahaas, laakiin dawlada ayaa lagarabaa in ay qorsheeda ula tagto, ayna sii diyaarsatao system yadii , xarumihii iyo shaybaaradii ay ku hawgali lahaayeen dadkaasi.

Wax walba cilmo iyo in loo fakaro ayay ubaahan yihiin, laakiin qub, qac iyo qoryaha dhuunta dheedheer waxay qasaan mooyee qaynuun lagu waa.

Waxaa kuusoo haray askari raba habnayn iyo maalinba in uu marqaansanaado, mushaarkasta hadii lasiiyo kuma fila, hadii amaan loo dirsadana isagiibaaba waalan.

Dawlada Somalia waa in ay qorataa akar dhaqan bini aadam leh, oo wax lagu aamini karo, jaadka iyo maandooriyaha hadii xoog lagu xarimo loo waayay ugu yaraan waa in askarta laga mumnuucaa marka ay shaqada ku jiraan. Maalinta uu fasaxa yahay askariga waa in hubka iyo darayska saldhiga looga reebaa. Hadii uu qaad cunayo ama naftiisa ku khamaaraya isagay utaalaa laakiin ma’ahan in loo yeelo in dad kale naftooda uu ku khamaaro.

Ugu dambaynti, ciidamada kala duwan, saraakiisha, gudoomiyayaasha, ganacsatada iyo danahooda is diidan hadii aan loo kala hagin sida diyaaradaha iyo tareemada loo kala hago, lagama badbaadin karo inay sku dhacaan.

W/Q: Cabdi Cabdullahi
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.