25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Barcelona oo ka baxday xiisaha loo qabo saxiixa Bale.

Barcelona ayaa isku diyaarineysa inay ka baxdo dalbashada xidiga kooxda Tottenham Gareth Bale, taas micnaheeda ayaana ah inay guul darro kala kulanto Real Madrid oo aad u dooneysa iyana ninka reer Wales.

Labada koox ee xafiiltama ayuu Bale diirada u saarnaa ilaa muddo sanad ah waxayna labadoodu qorsheynayeen inay dalab u diraan dhamaadka xilli ciyaareedkaan xidiga Tottenham.

Laakiin Barca wey ka weecatay iyadoo uga tanaasuleysa dhinaca mushaarka, taas ayaana faa’iido u ah kooxda dhaqaalaha badan ee Real, kuwaas oo doonaya inay 40 milyan oo ginni ku dalbadaan Bale looguna daro mushaar 150 kun oo ginni ah isbuucii, Bale ayaana waqti uu kula midoobo u heysta xidigii ay isku kooxda ahaan jireen Luka Modric kaasoo haatan u ciyaara Los Blancos.

Wargeyska Sunday Mirror, ayaa bishii September daaha ka qaaday in Real Madrid ay kalsooni ku qabto inay hantiso Bale ka dib markii ay xiriir Sport oo qeyb ka ahaa heshiiskii Modric la galeen Tottenham.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Juve oo dooneysa inay Drogba dib ugu soo celiso Yurub.

Juventus ayaa dalban doonta halyeeygii Chelsea Didier Drogba si ay dib ugu soo celiyaan Champions League hadii ay usoo baxaan wareega 16ka. Sida uu qoray wwageyska Daily Mirror.

Xidiga Ivory Coast, waa 34 jir, wuxuuna dhaliyey gool ku laadkii guusha ay Chelsea xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay  ku hanatay Uefa Champions League.

Wararka xanta ah ayaa soo jeedinaayey inuu Didier Drogba  kusoo laaban karo Yurub, Juventus ayaana ah kooxdii ugu dambeysay ee lasoo sheego inay xiiseyneyo weeraryahanka reer Ivorian.

Ma aysan sireysan Old Lady inay suuqa u geli doonto weeraryahanka ka ciyaara booska weerarka dhexe: waxaana kooxda Talyaaniga lala xiriirinayaa xagaaga weeraryahano magac leh, oo ay ku jiraan Robin van Persie, Luis Suarez, Fernando Llorente iyo Dimitar Berbatov iyadoo aysan ka muuqan inay ku qanac san tahay weeraryahaka ay Arsenal amaahda uga heysato ee Nicklas Bendtner.

Waxaa la ogaaday inay kooxda Serie A rumeysan tahay inuu Drogba kusoo celin karo Yurub hadii ay gaaraan wareega 16ka Champions League.

34 jirkaan ayaa loogu codeeyey weeraryahankii ugu fiicnaa ee abid soo mara Chelsea, wuxuuna dhaliyey 11 gook 16 kulan oo uu u ciyaaray kooxda ka dhisan Shiinaha ee  Shanghai Shenhua, waxaana lasoo werinaayey inuusan farxad ku qabin halkaas, iyadoo xittaa wararka xanta ahi ay bishii hore sheegayeen in kooxdu aysan bixin Karin mushaarka uu isbuucii Drogba qaato oo ah 250 kun oo ginni.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Tito Vilanova: Messi kaligiis guul uma keeno Barcelona.

Tababaraha kooxda Barcelona Tito Vilanova ayaa amaanay ciyaartoyda kooxdiisa ka dib guushii 3-1 aheyd ay ka gaareen Zaragoza sabtidii kulan ka tirsan La Liga, wuxuuna sheegay inaysan kooxdu ku tiirsaneyn keliya Lionel Messi, inkastoo uu weeraryahanku laba gool dhaliyey.

Kooxda ka dhisan gobolka Catalan ayaa weeraryahanka xulka Argentina laba gool uga mahad celineysa kulankii ka dhacay Camp Nou, halka goolka kale uu magaciisa ku qoray Alex Song.

“Si adag ayey maanta [Sabtidii] u shaqeeyeen, waan ugu mahad celinayaa maadaama isbuucaan dhediisa la jiray qaramada,” ayuu Vilanova ku yiri Shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta ka  dib.

“Leo wuxuu inoo ahaa muhim wuxuuna kooxda ku heystaa ciyaarahano sare, laakiin ma ahan inuu keligiis kooxda kulankaan guusha u keenay.”

Natiijadaan ayaa ka dhigeysa inay Barcelona weli sideed dhibcood oo nadiif ah ku hugaamineyso Primera Division.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

 

Chelsea oo kali ku noqotay xiisaha loo qabo saxiixa Falcao.

Chelsea ayaa hugaanka u qabatay hardanka loogu jiro saxiixa weeraryahan Rademel ­Falcao ka dib markii ay Manchester City hoos u dhigtay fursad ay dalab ugu dirto weeraryahanka reer Colombia. Sida uu qoray wargeyska Sunday Mirror.

Maareeyaha guud ee Atletico Madrid Migel Angel Gil Marin iyo wakiilka Falcao Jorge Mendes ayaa la kulmay agaasimaha cusub ee kooxda City Txiki Begiristan ka dib markii ay kooxda heysata Horyaalka Ingiriiska 2-1 kaga talaabsatay Tottenham isbuucii lasoo dhaafay.

Labada nin ayaa u duulay Etihad Stadium iyadoo aan wax casuumad ah ka helin City waxaana loosoo sheegay in xiisaha uu Roberto Mancini u qabo Falcao in dalab loogu diro ay noqon karto mid adag.

Labada koox ee ka dhisan Ingiriiska City iyo Chelsea ayaa ku dagaalamaayey saxiixa xidigaan kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 28 milyan oo ginni. City ayaase usoo jeesan karta xidigaan hadii ay Janaayo iska iibiyaan Mario Balotelli.

Kooxaha ka dhisan magaalada Milano, Inter and AC – ayaa soo bandhigay xiisaha ay u qabaan weeraryahankaan taasi micnaheeda ayaa ah in Chelsea aysan loolan kula kulmi doonin saxiixa weeraryahankii sedaxleyda ka dhaliyey kulankii finalka European Super Cup ee bishii August.

Falcao,oo 26 jir ah, ayaa 36 gool dhaliyey xilli ciyaareedkii hore markii uu kooxda Spain ka dhisan u bedelay Sergio Aguero ayna kula soo saxiixdeen 35 milyan oo ginni.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Theo Walcott: Waxaan doonayaa inaan ka ciyaaro weerarka.

Weeraryahanka kooxda Arsenal Theo Walcott ayaa ka dhawaajiyey inuu rajeynaayo in laga ciyaarsiiyo booska gool dhaliyaha ka dib markii uu si aan caadi aheyn u ciyaaray kulankii ay kooxdiisu 5-2 ku dubatay Spurs.

Walcott oo 90 daqiiqo ciyaaray ayaa kooxdiisa u dhaliyey hal gool wuxuuna ahaa goolkiisii sagaalaad ee xilli ciyaareedkaan tartamada oo dhan, wuxuuna sheegay inuu jeclaan lahaa in laga ciyaarsiiyo booska weerarka sida Olivier Giroud iyo Lukas Podolski, laakiin taasi ayaa u baahan inuu waqtigeeda sugo maadaama kooxdu ay ciyaaryahano kale booskaas u heysato.

“Mar walba waxaan u heystay inaan ahay weeraryahan,” ayuu Theo u sheegay Stan on Call Collymore.

“Tababaruhu wuxuu I siiyey shan daqiiqo oo dhamaadii ciyaarta ah waxaana dhaliyey gool taasoo aheyd wax fiican, laakiin markii aad tahay sida Olivier [Giroud] kaasoo u ciyaara si fiican ma jirto wax kaa hor istaagi kara guusha.

“Waqtigeygu wuu imaan doonaa, hada dul qaad ayaan sameeyey, laakiin waan sheegayaa sida aan jeclahay, waxaan doonayaa inaan ka ciyaaro goolka hortiisa, kaas ayaa ah booskeyga ugu haboon.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Paris Saint-Germain oo Janaayo dalbaneysa Mario Balotelli.

Paris Saint-Germain ayaa isku diyaarineysa inay Janaayo dalab u dirto weeraryahanka kooxda Manchester City  Mario Balotelli.

22 jirkaan ayaa noqday mid aan waaydaan dambe loo dooran booska weerarka ee kooxda Etihad Stadium waxaana ugu dambeysay kulankii ay barbaraha goolal la’aanta ah la dhaafi waayeen West Ham, bilowgii November.
Weeraryahanka ayaa sidoo kale qeyb ka aheyn kulankii sabtida Sky Blue 5-0 kaga talaabsatay Aston Villa, wuxuuna ku seegay dhaawac, isagoo sidoo kale tarabuunka ka daawanaayey kulankii isbuucii lasoo dhaafay ee Tottenham.

“Waxaan u sheegay inuu sababta isagu lahaa, maxaa yeelay si fiican uma uusan shaqeyn sedax maalin,” ayuu Mancini yiri Jimcadii.

“Waxaan u maleynayaa inuu Mario u baahan yahay inuu si adag u shaqeeyo. Hadii uusan ciyaarayahan walba si adag u shaqeyn wey adag tahay inuu u ciyaaro heerkaan. Wixii aad tababarka ku sameysay umbaad u sameyneysaa garoonka, wuxuuna ciyaarayahan walba u baahan yahay inuu isku soo bandhigo xerada tababarka. Markaas ka dib ayuu si wanaagsan u ciyaari karaa inta lagu jiro ciyaarta.”
Shabakada Goal.com ayaa ogaatay in tababare Roberto Mancini uu door bidayo inuu ceshto weeraryahankaan uu 2010kii 29.5 milyan uga soo qaatay Inter Milan.

Si, kastaba, kooxda ay iska leeyihiin maalqabeenada carabta ah, ee ka dhisan Faransiiska ayaa diyaar u ah inay xaliso dhibaatada ay City ku qabto xidigaan ayna dalab u dirto sanada cusub.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

 

Beel iska diiday inay wax xil ah ka qabato xukuumadda R/W Saacid.

Beesha Karanle ayaa weli saluugsan habkii lagu qeybiyay wasiirada cusub ee Dowladda Somalia, oo aan waxba laga siin, waxaana ay qaaday tallaabo kale oo ay isaga sii fogeeneyso ku lug lahaanshaha xukuumadda cusub.

Beesha ayaa diidan sida aan xog ku helnay inay qaadato wasiir ku xigeen ama wasiiru dowle, ayada oo taa ka door bideysa inaysan wax xil ah ka qaban xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid.

Si kastaba go’aankaas ayaa ah mid weli aysan si rasmi ah isugu raacsaneyn xubanaha beesha, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan in laga yaabo in xubno ka tirsan ay aqbalaan wasiir ku xigeen muhim ah haddii la siiyo.

Isaga oo arrintaas ka jaan qaadaya ayaa madaxweynaha maamul goboleedka Ceelbuur State Cabdullahi Xuseen Macalin Aasbaro, waxa uu ku baaqay isku duubni beesha dhexdeeda ah.

Aasbaro ayaa sheegay inaysan jirin cid magaca beesha xil ku qaadan karta, ayad aoo xubnaha beesha oo idil aysan isku raacsaneyn.

“Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru dowle, nooma qalmo mana dooneyno” ayuu yiri Aasbaro.

Waxa uu ka digay in xubno beesha ah ay ka tallaabsadaan mowqifka beesha oo ay magac beesha wax ku qataaan, maadaama uu yiri “beesha horey ayaa loo duudsiiyay xaqeedii”, sida uu hadalka u dhigay.

Ambassador Nuur Cadde oo wax laga naxo ku sameeyay safaaradda dalka Somalia ee ROMA + Arag Caddeyn.

Warbixin naga soo gaartay Room ayaa lagu sheegay in Ambashatoorka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu kireeyay dhismihii Safaarada Soomaaliya ee ku tiilay Magaalada Roma.

Dad jooga Roma ayaa noo xaqiijiyay in Nuur Cadde uu Dhismaha Safaarada ka kireeyay Shirkad lagu magacaabo Italian Tourist Service.

Wargeyska La republica oo ka soo baxa Talyaaniga ayaa Qoray in Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga iyo Midowga Yurub uu Dhismaha Safaarada kireeyeen.

Shukri Said oo baaritaankaas sameesay ayaa tiri “Waa run arintaasi waxbaa ka jira waana arin xaqiiqo ah, aniga waxaa ila soo xariiray Daraad khamiistii qaar ka tirsan Shaqaalaha Safaarada oo ii sheegay in Safiirka uu isagu yeeray dhamaan Shaqaalaha kadibna uu ku wargeliyay in dhismaha Safaarada Taliyaaniga Safaarada Somalia oo ka kooban 4 dabaq oo ku taala meel qurux badan oo qiimo leh laga kireeyay Shirkada Italian Tourist service laga bilaabo Bishan November  aynu ku jirno, Shaqaalahana waxa ay ii sheegen inay markii wax ka weydiiyeen Nuur Cade sababta uu u kireeyay waxa uu nagu yiri adinkama jawaabayo Su’aalihiina”

“Aniga Shalay waxaan tagay Dhismaha Safaarada , waana soo xaqiiqsaday arintaasi waxaa qadka Telphone-ka kula xariiray Nuur Cadde waxaana dhahay arintaasi maxaa ka jira, ma waxaad Amar ka haysataa madaxweynaha iyo R/wasaaraha in aad  iibiso ama kireyso dhismaha  Safaarada, iigama uusan Jwaabin, wuxuuna igu yiri shan cisho kadib ayaan soo laabanayaa markaasi ayaan kaaga Jawabaayaa.“

Shukri Said waxa kaloo ay intaasi ku dartay hadalkeeda inay Shaqaalaha qaar ay u sheegeen in Nuur Cadde uu aaday magaalada Brussels ee Belgium, qaarna waxa ay ii sheegeen inuu aaday dalka Switzerland kadib markii uu heshiiska lagu kireeyay Safaarada Soomaaliya ee dalka Taliyaaniga uu kireeyay.

Abukaate Avv. Xasan Ducaale oo ah Abukaate ku nool dalka Taliyaaniga ayaa sheegay in Safaarada lagu kireeyay 9 Sano ee hore Lacag gaaraysa Tobada kun Euro ( 10,000 ) halka 9 Sano ee dambe lagu kireeyay 15,000 Euro.

Abuukaate Ducaale waxa kale oo uu sheegey in Shirkadaasi ay tahay shirkad caan ah oo aan la isku aamini karin dhinaca kalena waxa uu madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbadey in wax laga qabto arintaasi .

Soomaali badan ayaa Arintaas ka xumaatay waxeyna ka codsadeen in Dowlada Soomaaliya ey wax ka qabato Bililiqada ka socota Safaarada Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga.

Hada kahor ayaa la gatay Guri Qaali ah oo laheyd Safaarada Soomaaliya kuna yaalay Magaalada Rome xaafada “OLGATA” oo ah Xaafadaha ugu qaalisan Caasimada Talyaaniga.

 Halkan click sii si aad u aragto warqadii Nuur Cadde ku kireeyay Safaaradda.

Isha: KON

Daawo Sawirradan: Waxani ma wax loo dulqaadan karaa? + Warbixin.

Ciidamada Yuhuuda ayaa weli sii wada xasuuqa ay ka wadaan marinka Gaza ee dalweynaha Falastiiniyiinta oo ay xooga ku heystaan, maalmo kadib markii ay dileen hogaamiye caan ahaa oo ka tirsan Xamas.

Israel ayaa xalay ilaa shalay garaacay in ka badan 250 goob oo ka tirsan Gaza, oo uu ku jiro xafiiska ra’iisul wasaare Ismaacil Haniya.

Dhinaca kale naftood daafacayaasha Xamas ayaa iyaguna ku jawaabay gantaalo gaaraya labaatameeyo oo ay ku garaaceen dhulalka xooga ay ku heystaan Yahuuda oo ay ku jirto Tel Aviv.

Dhinaca kale hogaamiyaha Xamsa Khaled Meshaal, ayaa maanta oo sabti ah wada hadallo la yeelan doona hogaamiyayaasha dalalka Masar, Qatar iyo Turkey.

Wada hadallada ayaa waxa ay ka dhici doonaan magaalada Qahira, oo sidoo kale marti gelineysa kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen madaxda Jaamacada Carabta, kuwaasi oo sida caadada ahba laga filayo inay soo saaraan go’anao hadal un ku kooban.

In ka badan 50 Falastiiniyiin ah iyo ku dhowaad 10 Yahuud ah, ayaa la dilay tan iyo markii dagaalka uu ka bilowday dilkii Yuhuuda u geysteen hogaamiyahii milatari ee Xamas Axmed Jabari, Arbacadii.

Daawo Sawirrada Xasuuqa Yuhuudu ka wado Gaza.

Maaxi “Waxaan Muqdisho ku soo arkay Isbadal u baahan in…” + Video.

0

Wafdi Balaaran oo ay Hogaaminayaan Xildhibaanad u dhalatay Wadanka Sweden iyo Siyaasiga Yaasiin Maaxi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Wadanka Sweden ayaa waxeey Socdaal Shaqo oo 3 Maalmood ku tageeyn Asbuucii hore Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Booqashada Wafdigaan ayaa waxeey aheyd Casuumaad ay ka heleeyn Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaabka looga wada qeyb qaadan karo Dib u dhisada iyo kawada shaqeynta Amaanka Magaalada Muqdisho iyo Wadanka Somalia.

Socdaalkani Wafdigaan ayaa waxa si kooban Sharxay Siyaasiga Yaasiin Maaxi waxuuna sheegay in uu soo arkay wax aan la qarin karin waxuuna yiri..

“Marka hore waxaad mahad balaaran u soo jeedinayaan Godoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Tarsan iyo Team-kiisa sida wanagsan ay inoo soo dhaweeyeen iyo howsha adag ay dalka ka hayaan sidoo kale waxaan u mahad celinayaan Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee aan la kulanay iyo sida ay inoo soo dhaweeyeen”…

“Magaalada Muqdisho Shalay iyo Maanta wax weyn ayaa u dhaxeeya waxaan soo arkay Muqdisho oo dib u soo hagaageeyso Amaanka ay tahay iyo Dib u dhiska ka socda walaahi caqligaada ayaa diidaya waxan soo arkay wax lagu farxo Wadankii wuu hagaagayayee Qurba joogta waxaan lee yahay Wadankaa idiin baahan ee ka qeyb qaatay dib u dhiskiisa iyo dib u soo celinta Nabadii naga luntay”….

Dhanka kale Siyaasiga Yaasiin Maaxi ayaa waxuu sheegay in ay kulan la soo qaateyn Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidmada Xooga Dalka.

“Kulamada aan la soo qaadanay Madaxda Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxan kala hadleyn sida aan ugala wada shaqeyn laheynay dib u dhiska Dalka iyo sida loo taageeri la haa Dowlada Cusub iyo Isbadalka Dalka ka dhacay”

“Xildhinaanada ila socotay iyo aniga waxaan soo aragnay ma ahan wax laga sheekeyn karo balse waxan u sheegaa Jaaliyada Soomaliyeed ee Dibada jooga in Maanta Dalka uu u baahan yahay si ay uag qeyb qaataan dhismaha iyo ka shaqeynta Amaanka Dalka” Ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Mudane Yaasiin Maaxi.

Si kastab ha ahaatee Waftidaan ayaa waxeey mudo 3 maalmood howlo shaqo ku joogeeyn Magaalada Muqdisho waxeeyna kulamo la soo qaateeyn Madaxda Dalka & Maamulka Gobolka Banaadir oo ay Casuumaad ka heyleeyn.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SIDA LOOGU SOO DHAWEEYAY GAROONKA AADAN ADDE:

Arag Sawirrada: Xilal kala wareegii maanta ee wasiirada.

Xaflad ay maanta xilalka kukala wareegayeen Wasiirkii hore ee Maaliyada dowlada kMG iyo kan Cusub ayaa waxaa ay ka dhacday Muqdisho.

Aadan Sheekh Maxamad oo Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah waxaa uu u fariistay halka uu xaqa u leeyahay waxaana uu ku soo dhex wareegay Madaxtooyada.

Waxaa jiri doonta maalmaha soo aadan  Xaflad Wasiiradii hore iyo kuwaa haatan ay isku dhaafsanayaan xilalka.

Shirkii Islaamka oo lagu xiray Jabuuti.

Shirkii ay isugu yimaadeen wasiirada arimaha dibada ee dalalka Islaamka ee ku bahoobay Ururka iskaashiga islaamka ayaa si rasmi ah waxaa loogu soo gabagabeeyay Magaalada Jabuuti ee dalkaasi Jabuut,iyadoona laga soo saaray qodobo badan oo inta badan wax loogu qabanayo arimaha wadamo badan ay Soomaaliya ay ka mid tahay sidii loo taageeri lahaa.

gabagabada Shirka oo ay ka hadleen Mas’uuliyiinta shirka ka soo qeyb gashay ee ka socday wadamada Islaamka ayaa waxa ay dhamaantood cod iskuwada mid ah ay ku taageereen dowlada Soomaaliya islamarkaana ay balan qaadeen in Soomaaliya dhan walba laga taageerayo oo ay tusaale u soo qaateen dhaqaalaha Soomaaliya oo meel hoose maraya iyo in la caawiyo dowlada cusub ee iminka la dhameystiray sidii ay ugudan lahayd waajibadka horyaala.

Kulankaan oo mudo saddex cisho ah socday islmarkaana looga hadlayay amuuraha wadamo badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay ayaa waxa la isla afgartay in Ururka iskaashiga islaamka uu taageero aan loo kala harin bixiyaan si ay u fududaato in Soomaaliya markale cagaheeda ay ku istaagto.

shirka inta uu socday waxaa hadalo ka jeediyay Mas’uuliyintii kala duwaneyd ee madasha kulanka ka soo qeyb gashay,waxa ayna dhamaantood ka sinnaayeen inay caawinayaan Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa kaga qeyb galay shirkaasi wasiirada arimaha dibada ahna Raysal wasaare ku xigeenka Marwo Foosiyo xaaji Yuusuf Aadan,taasi oo madasha kulanka ka sheegtay in loo baahan yahay in la caawiyo dowlada Soomaaliya ee hada hana qaaday.

Wasiirada cusub oo xilka la wareegay.

Wararka  Madaxtooyada villa Somaliya laga helayo ayaa waxa uu soo sheegayaa in xaflad xilalka ay ku kala wareegayaa wasiiradii hore iyo wasiiradii cusub ee xukuumada Somalia ay ka dhacay.

Goordhow waxaa lasoo gaba-gabeeyey xil wareejintii wasaaradii qorsheynta waxaana wasiirkii hore ee wasaarada qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ahaa waxa uu ku wareejiyey wasiirka cusub ee wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta Qaranka Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil.

Cabdulaahi goodax bare oo ah Wasiirkii hore ee wasaarada qorshaynta iyo Xirirka Caalamiga ayaa waxaa uu si rasmi u sheegay in xilkii uu ku wareejiyay Wasiirka Cusub ee wasaaradaas.

Waxaa uu sheegay inay waxbadan soo qabteen intii ay xilkaas ay hayeen.

Sidoo kale waxaa Xaflad xil kukala wareegid ay ka dhacday madaxtooyad Vila soomaaliya halkaas oo ay kukala wareegayeen wasiirkii hore ee Maaliya iyo wasiirka Cusub Maxamuud xasan Suleymaan waxaana ku warejiyay xilkaas wasiiru dowladaha wasaarada maaliyada.

Waxaa iyana ka soconeysa Dugsiga tababarka ciidamada Booliska Somaliyeed Janeral Kaahiyey (Iskool boliisiyo) munaasabad xilalka ku kala wareegi doonaan wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo wasiirka cusub.

Tix Cajiib ah oo laga tiriyay gardarada Yuhuudda ku heyso Falastiiniyiinta.

Falastiin iyo dilka ku dhacay dad aan waxba galabsan oo haddana ‘aan isdifaaci karin, muslimna ah. Ayaan ka tiriyay tixdan.

Falastiin Dhibaatiyo waxii dhaawac loo gaystay

Dhalinyariyo waayeel waxaan midna la’dhaafaynin

Dhamaantood Haweenkii ubadkii la’dhaafsiiyay

Dhalaankiyo caruurtuba waxay wada dhaqaaysay

Dhaayahooda sharafta leh waxay ilini Soo dhaaftay

Dhar la’aan waxay haysato dhaxani ay goysay

Dhiiliyo colaad loogu daray baladii loo dhaanshay

Dhalanteed wax loo laayay oo dhuuni loo diiday

Dhulka oogadiisana dhiigoodu badi qooyay

Dhurwaagii Yuhuudigu waxuu dhacayay ciidooda

Dhamaan reer galbeedkuna, dhacan garab ku siinaayay

Dharaartiyo habeenkaba waxay Qudus dhibaatootay

Dhulkan aan ku noolahay naxdini way ka dheertahaye

Dhugta oo bal daya, bariga dhexe dhool ayaa da’aye

Afartaa dhambaal aan u diray dhibir-fayow uun dheh,

Afarkalana waa mid’aan dhacdadan samir ku dhaafsiiyay

Dhafoorkaygu wuu taagmayoo waan ka dhiidhiyaye

Dhambaal baan ka qorayaa, dulmiga dhaayahay aragye

Dhanka Eebahaybaan baryada dhaaxo joogtayne

Dharaartiyo habeenkaba qalbiga waan ku dhigayaaye

Dhursugaay qiyaamaa dhawoo maalinbaa dhigane

Afartaa dhambaal aan u diray dhibir-fayow uun dheh,

Afarkalana dhaliilaha jiraan soo banana dhigiye.

Dhaayahaan idiin saarayaa dheygag loo go’aye

Dhiciskaba intii loo socdaa noloshu dhaaftaaye

Inkastoo islaamkaba dhamaan, Dhiilo wada gaadhay

Dhalashada kuwii ugu xigaa looga soo dhacaye

Dhedig kuwo la’moodaa ku sugan dhinacyadoodaase

Dhuglaawayaashaa carbeed, way dhutinayaane

Dhaqaaliyo markuu Eebahay Dheeman wada siiyay

Dhamaantood barwaaqada aduun dhuunta loo galiyay

Dhaqashiyo inay sii badshaan dheesha mooyaane

Dhuganwaaye falastiin dhibkiyo, dhiifta lagu reebay

Dhacdadii la’yaablehi Naflahay dhaxal u reebtaye

Dhoohane haduu jiray waqtiga waa dhursugaynaaye

Allahayow dhibaatada ka saar, duul kalaa dhibaye.

W/T:  Abdihakim Herer

Chelsea oo liiska Janaayo ee suuqa ku darsatay Adem Ljajic.

Chelsea ayaa diiradu u saaran tahay xidiga Fiorentina, kaasoo horaan iska diiday inuu ku biiro Manchester United. Sida uu qoray wargeyska Caught Offside.

Tababare Roberto Di Matteo ayaa isha ku haaya weeraryahanka da’yarka ah ee reer  Serbia Adem Ljajic, wuxuuna ku darsaday liiska uu Janaayo suuqa ka raadsan doono. Sida uu sheegayo wargeyska Talyaaniga kasoo baxa ee Calciomercato.com, halka ay Chelsea wakiilo daawada u dirtay weeraryahanka kale ee isna da’da yar Stevan Jovetic, kaasoo laga yaabo inay soo dhaqaajiyaan Janaayo.

Ljajic ayaa awoodiisa iyo xirfadisa kusoo bandhigaayey Serie A, wuxuuna kooxdiisa u ahaa mid ay ku tashtaan weeraryahakaan tayada leh.

Delio Rossi, oo ah tababarihii hore ee Fiorentina, ayaa da’yarkaani ka dhaawacmay intii lagu jiray kulankii ay la ciyaarayeen Novara, 21 jirkaan Ljajic ayaana maareeye ka ahaa goolal Fiorentina ah.

2010kii ayuu weeraryahanka Serbia u dhowaa inuu ku biiro Manchester United laakiin heshiiska ayaa burburay daqiiqadii ugu dambeysay. Wuxuuna u saxiixay kooxda Talyaaniga ah ee Fiorentina, oo 6.5 kaga soo iibsatay Partizan Belgrade, Manchester United ayaana wax badan taageerayaasheedu ka welwelaayeen xidigaan tayada leh ee gacmahooda ka baxsaday, wuxuuna 5 gool u dhaliyey 59 kulan oo uu u saftay La Violas.

Xiisaha Chelsea ay u heyso Ljajic ayaa wax dhib ah ku imaan doonin, hadii aysan sidii Manchester United oo kale wax iska qaldin.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Arsenal oo Walcott iyo sideed milyan ku rabta Raheem Sterling.

Arsenal ayaa diyaar u ah inay Liverpool u dirto dalab ay Theo Walcott iyo sideed milyan oo ginni kaga dooneyso xidiga da’da yar Raheem Sterling.

Gunners ayaa maaro u weysay inay qandaraas cusub ka saxiixato Walcott, oo kooxda gadood ka ah.

“Waa muhim inaad ciyaaryahankaada muhimka ah mar walba ceshto laakiin hadii ay dhacdo inaan Walcott iibino, waxaaan ku bedeli doonaa ciyaaryahan, magac weyn leh.” ayuu yiri tababare Arsene Wenger.

Wadahadlo ayaa bilihii dhowaa u socday 23 jirkaan garabka ka ciyaara ee dalka England iyo kooxdiisa Arsenal.

Waxaana la dareensan yahay inay Arsenal Walcott ka dhaadhicin weysay inuu isbuucii Emirates Stadium ka qaato 90 kun oo ginni.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xitta loo gaaray ku dhowaad 100 kun isbuucii inuu mushaar ahaan u qaato, halka uu Walcott doonayey inuu ogaado in Wenger uu ka ciyaarsiinayo booska gool dhaliyaha.

Walcott ayaa ku jiraa sideedii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa wuxuuna si xor ah wixii ka bolowda 1da Janaayo ula hadi karaa kooxo kale.

Dhanka kale, Sterling oo 17 jir ah kuna jira 18kii bilood ee u dambeysay qandaraaskiisa Anfield ayaa ah qofka wadahadaladaan lasoo dhex gelinaayo.

Tababaraha Kop Brendan Rodgers ayaa doonaya Walcott laakiin ma uu rabo inuu lumiyo Sterling.

Wuxuu noqday mid ka mid ah ciyaartoydii ugu da’da yaraa ee u safta xulka England markii uu kulankiisii ugu horeeyey u ciyaaray ciyaartii isbuucaan ee Sweden.

Tageerayaasha Arsenal ayaa hadana waxaa ka tegaaya isku xire kale.

Wnger ayaa ku daray: “Haa, Taageerayaashu qaati ayey ka taagan yihiin. Miyaad u maleysaa inaanan qaati ka taagneyn?

“Waxaan doonayaa inaan heysto ciyaartoygeena ugu fiican. Maalin walba waxaan la hadlaa Theo laakiin hal maalin maahan qandaraaskiisu.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay Hogaamiyaha China.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Prof Xasan Shiiq Maxamuud ayaa halbalyo loogu diray oo ku qotonta guusha uu gaaray Xi Jinping noqday hoggaamiyaha cusub ee Shiinaha.

Anigoo ku hadlaya Magaca shacabka soomaaliyeed iyo dowlada soomaaliya waxaan aad ugu faraxsan nahay halkana hanbalyo ugu direynaa Hogaamiyaha iminka talada qabtay ka dib ee Xi Jinping,waxaana u rajeyneynaa guul iyo hormar,waxaa sidaasi warsaxaafadeedka ku sheegay Madaxweynaha soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha soomaliya ayaa hadalkiisa waxa uu intaasi ku daray in uu ku kalsoon yahay hogaamiyaha cusub ee dalka shiinaha uu yeeshay in hormar ka dheer kuwii hore ee wadanka soo maray uu la imaannayo Xi Jinping oo hada noqday hogaamiyaha cusub ee dalka shiinaha.

Madaxweynaha soomaaliya Pro Xasan shiiq Maxamuud oo wakiil ka ah shacabka soomaaliyeed iyo xukuumada soomaaliya ayaa isagoo ka hadlaya hanbalyada uu u diray Xi Jinping ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowlada shiinaha iyo soomaaliya uu ka dhaxeeyo xariir saaxiibtinimo oo soo jiraan ah,waxa uuna dhanka kale uu shaaca ka qaaday in uu sii socon doono xariirkaasi.

Waxa uuna madaxweynha oo ku dheeraaday u hanbalyeynta hogaamiyaha cusub ee ku guuleysatay hogaanka dalka waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in la xoojiyo xariirka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya soomaaliya iyo shiinaha,

Kooxda hoose ee hoggaanka dalka Shiinaha, ayaa waxa lagu soo koobay toddobo xubnood, kuwaasi oo dhan ka mid ah yihiin kuwo cusub.

Mr ayaa haatan waxa uu la wareegay aqalka weyn ee shiinaha lagaga aramiyo eek u yaala Bijiin,ka dib markii uu la wareegay jagooyinka sarsare ee Xisbiga iyo militeriga awoodda badan ee Shiinaha.

Di Matteo oo doonaya in Chelse ay heysato Lampard iyo Cole.

Roberto Di Matteo ayaa doonaya inuu arko Frank Lampard oo xirfadiisa kusoo afjaraya Chelsea. Wuxuuna tababaraha Blues sidoo kale ku qalqaalinayaa Ashley Cole inuu joogo Stamford Bridge.

Labada ciyaaryahan ee heerka caalami ee dalka England ayuu waxaa xagaaga ka dhacaaya qandaraaskooda kooxda ka dhisan Galbeedka London.

Daafaca dambeedka bidix, waa 31 jir, wuxuuna diirada u saaran yahay tababarihiisii hore Carlo Ancelotti oo haatan leyliya Paris Saint-Germain, inkastoo ay Chelsea ka dalbatay hal sano oo qandaraaska loogu kordhinaayo.

Laakiin Lamps, waa 34 jir, welina lagama dalban wax heshiis ah, wuxuuna Super Frank sheegay inuu ka welwelaayo arinka.

Kooxda Shiinaha ka dhisan ee Guizhou Renhe ayaa wadahadal la furtay Lampard, kaasoo Chelsea kula guuleystay sedax horyaal oo Premier League ah. Afar FA Cup, afar League Cup iyo Uefa Champions League intii lagu jiray 12kii sano ee uu la joogay Blues.

“Wey ogyihiin inaan anigu jeclahay inay sii joogaan. Waa ciyaaryahano cajiib ah kuwaas oo mar walba noogu ciyaara heerka ugu sareysa,” ayuu yiri Di Matteo.

“Waan sameynayaa wax walba oo aan halkaan kula sii ilaashan karo.

“Waxaa jira had iyo jeer warar ku saabsan Frank. Wararka xanta ahi waxay sheegayeen inuu u socdo sidoo kale MLS [Horyaalka Mareykanka].

“Waxaan ku rajo weynahay inaan qandaraas cusub ka dalbano. Laakiin midaasi waxay ka dhexeyneysaa kooxda iyo ciyaaryahanka inay isku raacaan.

“Laakiin kuma qanacsani sida ay wadahadaladu u socdaan laakiin hadii ay labada dhincac is afgartaan, Frank wuu nala sii joogi doonaa.

“Wuxuu Chelsea u ahaa horjooge mudo 10 sano ah, marka waxaan jeclaan lahaa inuu halkaan kusoo afjaro xirfadiisa ciyaareed.

“Sidoo kale Ashley, kuma qanacsani inuu la hadlo kooxda Faransiis ah, sidaas darteed ma hubo inuu u dhaqaaqo Paris!”
W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Cristiano Ronaldo: Waan u xiisay Tababare Sir Alex Ferguson.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa qirtay inuu u xiisay tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson, 70 jirkaan ayuuna ku sheegay aabihiisa kubada cagta.

27 jirkaan ayaa hada ka hoos ciyaara tababare Jose Mourinho oo maamula Santiago Bernabeu ka dib markii uu lacag rikoor ah Old Trafford uga dhaqaaqay 2009kii oo gaareysa 100 milyan oo euro.

Inkastoo uu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay La Liga ku hugaamiyey los Blancos uuna 46 gool u dhaliyey 38 kulan oo horyaalka ah, kabtanka xulka Portugal ayaa sheegay inuu aad ugu xiisay Alex, ka dib markii uu sedax sano ka hor isaga tegay Manchester.

“Ferguson wuxuu ii yahay qof Fantastic ah. Waana qof bini’adam ahaan fiican. Wuxuu I baray wax badan,” ayuu Ronaldo u sheegay The Sun.

“Sidii aan hada ka hor iri, wuxuu iila mid yahay aabaheyga kubada cagta. Run ahaantii waan u xiisay xiriir fiican ayaana igala dhexeeya.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Falcao oo amaanay kooxda aadka u dooneysa ee Chelsea.

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Radamel Falcao ayaa ka hadlay dareenkiisa ku wajahan Chelsea, isagoo sheegay in kooxda heysata Champions League ay awoodo wax waliba.

Goal.com ayaa isbuucaan ogaatay in Chelsea ay wadahadalo heshiis ay kula saxiixaneyso oo 60 milyan ah Janaayo kusoo qaadaneyso weeraryahanka reer Colombia, wuxuuna amaan kala dul dhacay kooxda ka dhisan Stamford Bridge, isagoo sheegay in halyeeygii Blues Gianfranco Zola uu yahay ninka uu ku daydo.

“Kama walwalayo ciyaarta xooga ku dhisan ee horyaalka Premier League” ayuu Falcao u sheegay Daily Mail.

“Waxaan goolal kasoo dhaliyay Argentina, Portugal iyo haatan Spain. Kalsooni ayaan ku qabaa inaan la qabsan karo horyaal kasta. Waan soo dhaweyn lahaa inaan ku tartamo Premier League.

“Waxaan daawanayay Premier League waqti dheer. Waxaa yaal tayo badan, waana horyaal xiiso leh. Dabcan waa iska fiican tahay inaan ku fekero inaan ka ciyaari karo.

“Chelsea waa horyaalka yurub, wax ka badan oo la dhihi karo ma jirto. Xitaa ka dib markii ay ku guuleysteen Champions League waxa ay la soo wareegeen ciyaartoyda ugu tayada fiican. Hamigooda waa cad yahay.

“Sidoo kale waxaan taageero weyn u ahaa weeraryahankii hore ee Chelsea Gianfranco Zola markii aan soo korayey.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.