26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Chelsea oo Bank-geeda Janaayo u jebin doonta Marouane Fellaini.

Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa diyaar u ah inuu Bank-ga u jebiyo ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Everton Marouane Fellaini, isagoo Janaayo ku dalban doona 30 milyan oo ginni. Sida uu qoray wargeyska Sunday People.

Xidiga dalka Belgium ayaa si aad ah uga dhex muuqday kooxda David Moyes wuxuuna dhaliyey lix gool xilli ciyaareedkaan isagoo goolkiisii ugu dambeeyey shabaqa kasoo taabsiiyey sabtidii kooxda Sunderland oo marti ugu aheyd Goodison Park Stadium.

Hadaba maalqabeenka u dhashay dalka Ruushka ee iska leh Chelsea ayaa isha ku haya inuu Fellaini keeno gegeda Stamford Bridge si uu ugu kabo qadka dhexe ee Blues.

Tababaraha Chelsea Roberto Di Matteo ayaa doonaya in kooxdiisa dhiig cusub lagu soo daro marka Janaayo uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, wuxuuna 24 jirkaan u arkaa mid dabooli kara baahida qadka dhexe ka heysata Chelsea.

Saxiixiisu midda kale ee uu faa’iidada ku leeyahay waa dhirikiirka waana ciyaaryahan dhirirkiisu yahay 6ft iyo 4inches kaasoo sidoo kale ku fiican kubada dhaadheer iyo koontaroolka. Wuxuuna leeyahay awood uu kubada ku xajisto.

Chelsea ayaa horay ula soo saxiixatay Eden Hazard, Oscar, Victor Moses, Marko Marin iyo  César Azpilicueta waxaana ku baxay aduun dhan 79.5 milyan oo ginni, tiiyoo ay hada wadada ugu jirto Fellaini.

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Lionel Messi oo jebiyey Rikoorkii gool dhalinta hal sano ee Pele.

Xidiga kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa jebiyey rikoorkii goolasha ee ciyaaryahankii hore ee xulka Brazil Pele, xilli uu boqorka kubada cagta dhaliyey 75 gool keliya hal sano.

Ninka reer Brazil ayaa ka dambeeyey Gerd Muller, oo 85 gool hal sano u dhaliyey Bayern Munich iyo West Germany keliya 60 kulan oo uu saftay 1972dii.

Si kastaba, 25 jirkaan reer Argentina ayaa lala jeer shabaqa soo taabtay kulankii ay guul darrada bideen Mallorca axadii.

Messi ayaa 76 gool ku dhaliyey 59 kulan. Ninka sedaxda mar ku guuleystay Ballon d’Or ayaana markiisii afaraad ee isku xigta doonaya inuu jeebka ku rito.

W/Q: Ahmed jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Dhismaha Highway isku xiri doona dalalka Somalia iyo Kenya.

Bankiga horumarinta Africa The African Development Bank (AfDB)¸ayaa eegaya suurta galnimada ah inuu maal geliyo dhismaha Highway isku xiri doona dalalka Kenya iyo Somalia.

Bayaan lasoo saaray kadib kullan dhex maray madaxweynaha Kenya Muwai Kibaki iyo wafti ka socday AfDB oo uu hogaaminayay Dr. Donald Kaberuka, oo ka dhacay Nairobi ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka xaajoodeen sidii Bankiga uu ku maal gelin lahaa waddadaas, oo qeyb ka ah dib u dhiska Somalia.

“Madaxweyne Kibaki ayaa uga mahadnaqay AfDB kaalinta ay ku leedahay gobolka iyo maal gelinta horurmarka ka socda” ayuu lagu yiri bayaanka.

Kaberuka ayaa dhankiisana uga mahadnaqay Kenya wax uu ugu yeeray kaalinta ay ku leedahay dib usoo celinta nabadda Somalia.

Waxa uu sheegay in Bankigiisa uu go’aan kama dambeys ah kasoo gaari doono dhismaha Highway-gan uu uu ku tilmaamay mid muhim u ah labada dal ee Somalia iyo Kenya.

“Tan oo kale hore ayey iigu dhacday”

Shalay waxaa daabacnay dhambaal inooga yimid gabar Soomaaliyeed oo talo doon ah. Dhambaalkaas ayaa ahaa kii ugu horeeyay barnaamij cusub oo aan ugu magac darnay ILA TALI AQRISTE, kaasi oo aqrsitayaasha ay tallooyin kusoo weydiisan karaa aqristayaasha kale, inagana aan daabaci doono, waxadana kusoo hagaajin kartaan [email protected].

Halkan ka arag dhambaalkii shalay. 

Haddaba inta badan tallooyinkii la siiyay Ayaan waxaa lagu soo qoray qeybta comments-ka, hase yeeshee gabar Soomalaiyeed ayaa taladeeda inoogu soo dirtay email ahaan, waxaase cajiib ahaa sheeko ayada ku dhacday oo ay soo raacisay, oo aan halkan idin kugu soo gudbineyno.

FG: Gabadhan, magaceeda, halka ay joogto iyo akhbaarteeda gaarka ah masoo daabaceyno, si aan u ilaalino privacy-geeda, laakin waa tan sheekadeeda cajiibka ah.

“ASC

Waxaan la talinayaa Ayaan. inta aan talada usoo jeedin waxaan rabaa in aan u sheego 2 dhacdo oo tan la mid ah inaan la kulmay.

Mid waxa aan ku sugnaa Jaceyl aan layla wadin 6 sano. waagaas aniga oo arday ah lacagta shopinka laygu tala galay taleefon lee ku dhameen jiray. ima soowaco, mar mar igama qabto mana igu soo celiyo. waxaan saas ahaadaba waligay kuma qabsan maa isoo wacdid, maa iga qabatid waxaan is lahaa mar uun ayaad kasban doontaa, wuxuuo mar marsiisyo iiga dhigay inuu lahayn mobeel, waxaan usoo gaday moobeel anigaba ma haysan moobeel, taleefanada leeleenka ayaan isticmaalaa. maalin maalmha ka mid ah waliba habeen maqrib ah ayaan ku xanaaqay waxaan si ka fiirsi leheen u iri macsalaamo. Isna wuxuu i dhahay nabadey. Alla fiicnaan leheedaa hadaan ka dhabeen lahaa. isla markii naxdin, madax xanuun iyo matag aan isku daray. Waxaa jirtay inta aan Jaceylka u qaaday ninkan subax ma quraacdo marka aan cadayga afka galiyo waan matagaa. waxaa ila saxiibay walwal, waxaan ka tiriyay gabay.  Waa qiso dheer u qalanto in buug laga diyaariyo. Isla habeenka markaan taleefanka isku la muranay oo macsalaamo iyo nabaday is dhahnay waan gagsan waayay waan ku noqday wan wacay waan raali galiyay anoo ooyayo asne wuu iga aqbalay.

Kadib 2 sano wax isbadal ama hormar ma leh hadalkeena aniga lee iska hadlo asna waa dhageesto lee, way ii cuntami waysay. waxan ahay gabadha gabdhaha xaafada ugu jirto runtii dhankasta, qurux iyo aqlaaq iyo aqoon .Wallaahi isma faaninayo. waayo aad ayaan u xishood badnaa ma jecleen haasaawaha badan, ninkan aan jeclaaday waligiis muusan iman xaafadayda, hal maalin waxan ku sheekaysanay gaari dhexdiisa anne kuma qabsan aan isku imaano waji ka waji waayo waanba ka qajilaa. maalintii danbe waxaan la yaabay ragaa sida ay ii daba cararaan oo aad iigu qalmo waliba aqqon leh dhaqaalana heesta naagana aan qabin, iyo nin aan shaqayn waxna aan baran aan ugu sabri la’ ahay hada waxaan fahmay in aan isku leebal eheen hadana uusanba irabin naftayda intaas aan ku qanciyay.

Maalin ayaan waydiiyay anigoo dhahay hebal abowe ma cabsanee? markaas ayuu iigu jawaabay haa. ayadoonan muran iyo is qabqabsi  imaan waxaa igu soo dhacday run iyo been waxeyba ahaato nin afkiisa ka qirtay inuu cabsanayo maxaa waqti ugu lumisaa. kadib waxaa iri ok. waayahee hadad cabsanaysid aan is fasaxno ok ayuu igu yiri, waxa kale oo uu iisheegay in sidii walaashiis oo kale oo ii wanaajiyo. anne waxaan u sheegay inaan si caadi u xiriirin doono. nin haduu ku dhaho sidii walaashey ayaan kuu wanaajinaa dan kaama lahan ogow.

Taas meesha ayay ku dhamaatay ilaah ayaa mahadleh Jaceylkaas waan ka BOGSOODAY ANOO 16 JIR ah ayuu i helay waayo aragnimana rag uma leheen, Dabeecadayda xaga raga aan ka aamisnaa ma wanaagsaneen waxaan moodaa ninkii shukaansi iigu yimaado cayaal suuq. laakiin midka aan si caadi isku barano igu soo dhiiran isla markaa naagana aan ku arkin kuna maqlin waxaan moodaa nin fiican asturan. walow aniga aan shukaansi badneen, ragana waxaan ka helaa midka ila midka ah. Mar labaad hadana Jaceyl ayaan u qaaday mid kale markaan waxaan ku shekaysanaa masanger laakiin ima soo waco. hadana wacitaan ka waa aniga leee, jaceekiisa iguma fogaan sidii kii kale waxaad moodaa inaan hada waaya arag ahay. mudo sanad ah markaan fahmi waayay hal mar ayaan u jaray xiriikii taleefankana waan badashay iimeelkiisana block ayaan saaray. waxaan bilaabay xiriir kale nasiib wanaag waxa uu noqday xiriirkayga sadaxaad mid miro dhalo habeen iyo maalin waan is wacnaa asxaabtayda waan ka go’ay. dhoor bil kadib waan is mehersanay. hadda waan is jecelnahay ninkayga waxaan u hayaa dhowr caruur ah. msha alaah saaaxiibaday oo dhan badanaa waxay i dhahaan nasiib badanidaa nin ku jecel ayad heshay dabcan anna waan jeclahay.

Marka waa in aad heshaa qof aad xiriir la samaysid oo aad qaab ahaan marka hore ku qanac santahay waxaa macquul ah in dabeecadiisana aad ku qanci doonto. laakiin Jaceylka dhabta ah sahal laguma iloobi, waa qaraar badanyahay hana u malaynin raga oo dhan in ay wada xun yihiin midsa ogow raga qaar ma ahan dhamaan, waliba badankood marka ay dareemaaan naagta in ay jeceshay waa laba kacleeyaan malaha wax xun ayay iska dhaadhacsiiyaan ma ogi mise qiimahaaga ayaa la yaraanaa oo dhaqamadii hore ayay heestaan. Si uusan kuu soo wicin 2 arin ku dhaqaaq iska dhaadhacsii inuu yahay nin aan kuu qalmin oo xun xiriikiisa jar iimeelkiisa block saar hadii aad ku xiriiri jirteen. taleefankaaga badalo. hadii qof aad saaxiibo tihiin ugu sheekaysay wanaagiisaa markaad jartid wuxuu ku dhihi doonaa hebel wuu fiicanyahay taas waxa ay adkeenaysaa inaad ka sabri wayso, u sheeg qof kaas inuusan fiicneen  si uusan qalbigaaga usoo laba kacleen.
waxaad ku dadaashaa qur’aanka iyo tasbiixda habeenkii salaatu laylka inuu ilaah nin wanaagsan aad ku qanacdaa calafka kuugu daro awlaad wanaagsan kaa siiyo. hadii aad heeso dhagaysato iyo buugaagta Jaceylka iska jooji iyo filimanata ama musalsalada.
nin aadan rabin haasawa been hala samayn mustaqbalkaaga iyo sumacadaada iyo aaqiradada uma wanaagsano.
si aad maskaxdaada u ilaaliso ha walwalin hana fikirin bulshada dhex gal la sheekayso qur’aanka dhagayso hadii aad awoodo wax barasho isku mashquuli.

lacala haduu kula soo xiriiro

  1. Ilaa aad ka hubiso meesha uu taaganyahay oo balan adag kuu qaado oo kugu calacalo haka yeelin hadii aad yeeshana ku xir inaad aqal gashaan waalidkaa kaa doonto haduu dhab ka tahay.
  2. waxaa macquul ah dhowr arin
  3. in uu gabar kale xiriir la leeyahay ama uu jecelyahay aysan ayada jecleen marka luda jecli lafta jecli ay ka tahay
  4. in uusan dhaqaala haysan oosan awoodin in uu ku biilo ama aroos kuu dhigto taas waad ka xaqiijin kartaa
  5. in uu adiga kaa shakisanyahay oo isleeyahay tan ma wanagsana dhaqankeeda waa in aad is giijisaa hadaladaada koontarool maala yacni hadku hadlin
  6. tus inad ka maaranto
  7. waa in goo ‘ aan iyo karti yeelataa

Ilaah niyada hakuu adkeeyo”

Waxaa qortay walaal Soomaaliyeed.

Ciidamada DF oo ku dagaalay Muqdisho iyo Sarkaal la dilay.

Dagaal qasaaro gaystay ayaa magaalada Muqdisho waxaa uu ku dhexmaray Ciidamada ka wada Tirsan Dowlada Soomaaliya.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugida ayaa waxaa uu dagaalka ku dhexmaray Saldhiga bari ee degmada Cabdi Casiis ee gobolka banaadir.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada Nabadsugida ay soo xireen rag katirsan Dowlada oo dhacayay dad shacab ah waxaana intaa ka dib ay geeyeen Askartaas Saldhiga Cabdi Casiis,balse askartii Saldhiga ayaa ku soo jeestay Nabad sugida oo hubka ka qaaday.

Intaa ka dib waxaa ay soo wateen Ciidamada hubka laga qaaday kuwa kale oo nabad sugida  waxaana dagaal  xoogan uu ka dhacay Saldhiga.

Risaastaas waxaa ku dhintay Sarkaal ka tirsan Dowlada oo lagu magacaabo Cali  Maxamad Xasan Sandheere waxaana ku dhaawacmay labo Boolis iyo hal nabad sugid.

Madaxweyne Xasan Sh. oo la kulmay xildhibaano wada shirqool + Cod.

Xukuumadda cusub ee Ra’iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa wali dadaal dheer ugu jirto sidii ay u heli lahayd in baarlamaanku ansixiyo, kaddib markii ay shalay ka baaqsatay inay baarlamaanka horkeento barnaamijkeedda siyaasadeed.

Baaqashadaasi ayaa lagu macneeyay kaddib markii ay soo baxeen inay jirto diidmo ka imanaysa xildhibaananda qaarkood oo iyagu watay mooshin ka dhan ah xukuumadda, kaasi oo ay ku dalbanayaan in golaha wasiiradda la soo dhameystiro inta aan la baarlamaanka la hor-geyn.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagu wada sidii uu xildhibaannadan uga dhaadhicin lahaa inay xukuumadda ansixiyaan isla markaana ogolaadaan tirada golaha wasiiradda, isaga oo la kulmay qaar ka mid ah xildhibaanada wada shirqoolka ka dhanka ah xukuumadda.

Madaxweynaha iyo guddiga ka socday xildhibaannadan ayaa maanta kulmay, kuwaasoo soo madaxweynaha u gudbiyay qoraal ay ku sheegeen in sida uu qabo qodob ku jira dastuurka xukuumadda la soo dhamaystiro intaan loo raadin ansixin.

Haddaba kulankasi waxaa  Idaacadda VOA uga warramay, Maxamed Nuurani Bakar oo ka mid ahaa xubnihii maanta la kulmay madaxweynaha.

Dhageyso Wareysiga

 

Jawaari oo Xildhibaanada uga digay arrin uu sheegay inuu ku arkay.

Mudanayaasha Baarlamanka ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa waxaa ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho,waxaana kulankan looga dooday nuqulo kamid ah xeer heesoodka.

Waa fadhigii 21 aad oo  Baarlamanka ,waxaaana shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamad Sheekh Cismaan jawaari

Mudanayaasha ayaa qodob qodob ugu dooday dhamaan qaybaha oo uu ka koobnaa xeer hoosaadka  iyadoo dhamaadka shirka gudoomiyaha Baarlamanka uu kaga digay xildhibaanada Baarlamanka arrin uu sheegay inuu ku arkay maalmihii u dambeeyay.

Waxaa uu gudoomiyaha uga digay Mudanayaasha Baarlamanka inay yareeyaan ka hadalka Idaacadaha maadama laga yaabo in arintaas ay kicin karto Xiisad dagaal.

Jawaari waxaa kale oo uu ugu digay inaysa ka hadlin arinta Barnaamij siyaasadeedka Xukuumada ee wali aan la horgayn Baarlamanka.

Madaxweynaha oo runta u sheegay Tarsan iyo khilaaf ka dhashay.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sh Maxamuud, ayaa runta u sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ah inaan lagu soo celin doonin jagadaas.

Sida aan xogta ku helnay madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu xilkaas u magacaabo Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Waxaa la sheegay in arrintan ay khilaaf xoogan ka dhex hurisay labada dhinaca, waxaana Tarsan uu marayaa iminka dhinacyo badan, si uu jagadaas u helo.

Tarsan ayaa lagu warramay inuu dhowr  jeer ka codsaday madaxweynaha in isaga dib loo magacaabo, hase yeeshee madaxweynaha uu ku adkeystay mowqifkiisa.

Labada nin ayaa la sheegay in lixdii bishan ay Muqdisho ku yeesheen kullan ay goob joog ka ahaayeen wax garad ka tirsan beesha Mudulood, kaasi oo  Tarsan lagu wargaliyay in xilkaasi qof kale loo magacaabi doono.

Wada hadallo xasaasi oo ka dhacay Villa Somalia iyo xubno IGAD ah oo loo diiday inay galaan madaxtooyada.

Maanta magaalada Muqdisho waxaa gaaray wafdi ka socday Uru Goboleedka IGAD oo isugu jira Soomaali iyo Shisheeye , waxaana wafdiga uu ahaa Kuwa ku mahsquulsan Maamul u sameynta Jubooyinka.

Wafdiga marki hore waxaa loo sheegay in madaxweynaha aysan la kulmi doonin , waxaana lagu wargaliyay kooxda Muqdisho gaartay inay isaga baxaan magaalada oo aan loo fasixi doonin Xafiiska madaxweynaha.

Gudiga waxaa ay ahaayeen Soomaali iyo IGAD , waxaana madaxweynaha uu qaabilay wafdigii Soomaalida ahaa , isagoo Xubnihii IGAD ka socday loo diiday inay galaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xogheyntiisa u sheegay inan loo soo fasixin madaxtooyada Xubnaha IGAD ka socda , wuxuuna dalbaday inuu la kulmayo kuwa Soomaalida ah , iyadoo loo ogolaaday Soomaalida inay galaan aqalka madaxtooyada Soomaaliya.

Hadaba wafdigii Soomaalida iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan dheer qaatay , waxaana ay ku falanqeeyeen maamul u sameynta Jubooyinka iyo Kisimaayo.

Saraakiisha gudiga farsamada ka socotay ee madaxtooyada tagtay ayaa waxaa kamid ah Muqtaar Dheer, waxaana madaxweynaha uu ka waraystay sida ay wax udoonayana.

Gudiga farsamada ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin howsha ay IGAD hormuudka ka tahay ee maamulka loogu samaynayo Jubooyinka dowlana ay kaalinteeda ka qaadato.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa u sheegay wafdiga in waxa ay wataan ay tahay mid aan suuragal ahayn , isagoo ku adkeystay in maamul u sameynta Jubooyinka iyo Kismaayo ay xaq u leedahay Dowlada Soomaaliya iyo shacabka ka soo jeeda halkaasi.

Xasan Sh Maxamuud ayaa la soo sheegayaa in uu af cad ugu sheegay Wafdiga inuusan aqbali doonin Maamul uusan isaga soo dhisin , wuxuuna warbixinadii ay wateen uu dib ugu celiyay wafdiga kulanka la qaatay.

Madaxweyna Soomaaliya ayaa waxaa arinta Kismaayo ku qabsatay Golaha Baarlamaanka , iyadoo madaxweynaha laga sugayo qodobo badan oo ay ugu horeyso Cida Kismaayo iska leh , Kenya ma amisom baa msie waa duulaan iyo dhulbaarsbi iyo sababti wafdiga Dowlada looga soo celiyay Kismaayo.

Su’aalahaas oo dhan madaxweynaha oo ak duulaya ayaa wafdiga IGAD maanta ku hilmaamay kursiga keydka , isagoo ka dalbaday inaysan imaan xafiiskiisa.

Soomaalida Muxibaa ka buuxda!

Indheer Garadkoow ha noqon oraah ku dhiigle!

Maxaa dhibaato nasoo martay, maxaa waa xun noo baryay, maxaan dhiig ku fool dhaqanay, maxaan luminay danta guud, maxaan gumeeysi u adeegnay, maxaan danteenii qilaafnay, maxaan duruuf iyo gaajo badnay dadkeenii iyo dalkeenii, maxaan dar xumo qaxooti la jaar noqonay, maxaa South afrika nalagu gowracay, maxaa gunimo u wehel noqonay, maxaa wali garaad la, aan nahay.

Baribaa waxaa jiray gabadh, gabadhaas waxaa u fiirsaday nin kamid ah dadka deegaanka ay ku nooleed. Wuxuu arkay ayadoo la qaadaayo hees inantii oo ooyeeysa oo qiireeysan, maalintii danbuu hadana kula kulmay goob wacdi diini ah hadana wuxuu arkay iyadoo naxriis darteed la, ilmeeyneeysa, goob kaluu kula kulmay saar lagu tumaayo wuxuu indhaha saaray ayadoo dareenkeedu lagday, maalintii xigtay ayuu arkay hadana ayadoo aayada quraan la aqrinaayo ilmana dhabankeedu qooysay, waqti kadib ayuu hadana kula kulmay goob wadaado ku digrinaayaan ayaduna jalbootay, inta uu yaabay hadana amakaagay ayuu yiri inantan maxaa muxibo ka buuxda!.

Hadaba hadaan u gunda dago ujeedadeeyda, soomaaliya waxaa soo maray dhibaatooyin aan la soo koobi karin, waxaan mudo badan kusoo jirnay dagaalo sokeeye oo na baday in aan gun noqono caalamkuna na yaso, dad badan ayaa ku naf waayay dagaalada, xabadi ha disho, qaar gaajo ha u dhintaan, qaar wadan shisheeye ha lagu goowraco sida South afrika, kuwo badan oo ku dhamaaday badaha, IWM.

Mar walba rajaa isoo gasha waxaan arkaa dadkeeygii oo wada burhaansan calanka buluugga ah wada wata qiiro wadaniyadeedna ka muuqato, waan farxaa waxaan is iraah waa laga baxay dhibkii caqli bay heleen dadkaagii oo waqtigaa waaniyay.

Maalinta kalaan hadana arkaa beelo si gaar gaar u shireeya oo calano kala gooni gooni wata ayadoo qolaba gooni u qiireeysantahay, waan naxaa waxaan iraah soow tan dib loo noqday waaba casri jaahilkii aduunku ka gudbee soomaalidana hada ay taagan tahay.

Uma baahnid hadaad rabto ruux soomaali ah in aad ogaato beeshiisa, hadaad xiiso u qabto, waxaad weeydiisaa xaalada soomaaliya meesha ay mareeyso, haduu kaaga jawaabo waxaad garan kartaa meesha uu ka soo jeedo, qarankii wacnaa ee aan karaamada ku lahayn waxaa nooga qiimo badan, qabiilkii sharafteena iyo karaamadeena lumiyay, na baday dhibaatooyinka aan ka kabsan la, nahay, waxaan halku dhig ka dhiganay (faqi tolkii kama jano tago), oo macnaheedu yahay dulmi iyo wanaagba tolkaaga taageer, adigoo iloobaaya, allahii ku abuurtay ee ku faray in aad xaqa taageerto, Waxaan Iloowsanahay maalinta qiyaamo, waxaan wali dabada ka afuufaynaa balaayo iyo kala taga umada soomaaliyeed ee ku walaaloobay, dhalasho dhaqan iyo diinba.

Dhibaatada ugu culus yaa wada?

Hadaan arintaas aragtidayda ka abaaro, dhibaatada waxaa gurbaanka ugu weeyn u garaacaya qurbo joogta, ayagoo beelahooda ku boorinaaya in ay iloobaan qaranka qaataana qabiilka, waxaad ka dareemaysaa markaad dareenkooda daalacato, dadnimo xumo, karaamo xumo, aragti gaabnaan, iloowshi wixii shalay dhacay, rabitaan waxaan la heli karin iyo wixii kasii xun, Shacabka ku dhaqan dalka gudihiisa ayaa in badan ka wanaagsan, qurbo jooga soomaaliyeed ee caadeeystay in ay noqdaan calooshood la ciyaar aan waligood ciil ka bixin.

Looma baahna in aan maalina u istaagno wadanka iyo wadaniyada maalina qabka iyo qabiilka, taas waxeey na dareensiinaysaa in soomaalidu muxibo ka buuxdo, oo aynaan lahayn meel naloogu soo hagaago, waxaan galnay waqti mugdi ah anagaana sahansanay, hadeeynaan wax ka badalin qaabka aan hada ku socono oo eeynaan isu tanaasulin, waxaan noqon doonaa kuwo ubadkooda bada ciil asaagoodna u gumeeya.

Maxaa ka socda kismaayo?

Waxaa ka socda muran xargaha goostay, oo aan cilmi iyo caqiido midna ku dhisneeyn isla markaana kala qaybiyay umada soomaaliyeed, Beel walbaa waa isku aragti, waa isma qabato, dadka deegaanka kaliya uma madax banaana in ay aayahooda eegaan waxeey qola walbaa casuuntay yaa reer hebel ah, waxaad arkeeysaa ruux aan waligii kismaayo ka daawan filim oo xiiqsan isna leh armaad ka heshaa sad bursiinyo, waa nasiib daro heeysata umada soomaaliyeed, wufuud ay dawlada soomaaliyeed u dirtay magaalada ayaa waxaa soo ceeyrsaday, gumeeysiga madoow kenya oo loo baahnaa in aan ka qaadano (NFD), waxaad ila miisaantaa wasiirkii dalxiiska keenya hadalkuu ku hadlay asagoo isla markaa isla meel dhigay fasaxa uu ka dalbanaayo ingariiska marka uu rabo in uu booqdo iyo dawlada soomaaliya marka ay damacdo in ay booqato kismaayo, waa hadal edeb daro ah oo mudan in aan abaarno ciidanka keenya isla markaana aan la galno dagaal aan u mideeysanahay ilaa inta aan ka xureeynayno dhulkeena, maanta hadeey ku caana maalaan arinka ay sameeyeen bari waxaad arki doontaa Axmed madoobe oo inta ay qabteen xabsina ay galiyeen, hadana qaarkeen ayaa taageersan oo is leh dantiinaa ku jirta (Eey habeen soo jeeday dantiisuu u dhafray kan lehna wuxuu moodaa in uu isaga ilaalinaayo).

Waxaan aaminsanahay in mareeykan, yurub, ugandha, itoobiya, Keenya, burundi, midoowga afrika iyo Qaramada midoobay midna aanuu wadin, danta umada soomaaliyeed. Isla markaana ay sii hurinaayaan, dagaalada sokeeye ee aafeeyay soomaaliya, hadeey wanaag doon yihiin waxaan arki lahayn ayagoo daminaaya dhib waloo soo cusboonaada, waa naloo aamusay, waxeey baadi goob ugu jiraan in xaaladu sii cuslaato, bulshada soomaaliyeedna ay sii qeeybsamaan.

Waxaan kula talinaayaa dawlada soomaaliyeed in ay aad usoo dhoweeyso dhamaan qaybaha kala duwan ee soomaaliyeed isla markaana dib u eegto waxa kalifay in qaarkeen ay la saftaan dawlada keenya oo eeynaan marna ka maleeysan karin in ay dan umad soomaaliyeed wado.

Dhamaan bulshada soomaaliyeed waxaan kula talinayaa in ay aaminaan mabda, a ah (anigaa soomaaliya xukumaaya ama soomaali baa i xukumaaya). Soomaali meel fog makala tageeyso, cadawgeena aaminsan qaybi oo xukun wuxuu na geeyn karaa meel aynaan kasoo noqon karin, dawladaha shisheeye waxaa noo dhaama dawladeena ha xumaato ama ha fiiicnaato, garab istaag dawladaada oo u hiili xaqaagana ka doono, waxaadna iloowdaa sad bursiinyo iyo kali noolaansho aan lagu xisaabtameeyn umada kalaa jira. Muxibada halagu koobo wadanka iyo wadaniyada, calanka bulluuga ah IWM.

Waxaan ka codasanaayaa dhamaan umada soomaaliyeed in ay iga cafiyaan wixii qalad ah ee iga dhacay, waxaadna ogaataan in aan ahay wanaag doon iyo soomaali oo mideeysan in aan mar uun indhaha saaro.

W/Q: Abwaan C/llaahi Bashiir Nuur [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Askari Shacab ku laayay Muqdisho.

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda,  ayaa goordhow waxa uu magaalada Muqdisho ku dilay Sadax ruux oo shacab ah.

Dilka dadkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta C.I.D ee Muqdisho,waxaana dilka fuliyay askari, sida war goor danbe na soo gaaray uu xaqiijiyay.

Warka sida uu nagu soo gaarayo Qof dumar ah ayaa ku jirtay dadka la dilay iyo labo rag ah.

Waxaa sidoo kale dhaawacmay Seddex kale oo uu ku jiro Sarkaal ka tirsan Police-ka.

Askariga falka geystay lama yaqaan illaa iyo hadda wixii laga yeelay.

Masjidyo iyo dugsi qur’aano badan oo albaabada la isugu dhuftay, Gobolada Dhexe. (Dhageyso Wareysi)

Waxaa dhawaanahaan soo baxayay warar sheegaya in Maamulka Ahlu sunada ee ka taliya gobolada dhexe gaar ahaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guri ceel ay bilaabeen inay xeraan masaajidyada ku yaalla deeganadaas.

Cali Sheekh Maxamuud waa Guddoomiyihii hore deegaanka Guri ceel waxaa uu sheegay in La xeray oo Al Baabada la isugu dhuftay Masaajido badan oo ku yiilay deegaanka Guri ceel iyo Dhuusamareeb.

Wuxuu intaas ku daray in labo masaajid oo ku yiilay Magalada Guriceel la xeray iyadoo sidoo kale la xeray dugsi quraan ku yiilay deeganadaas.

Labo masjid oo ku yiilay Guri ceel ayaa la xeray bilawgii bishan kuwaas oo haatan la sheegay in ay Al Baabada ay lahaayeen masajidyadaas laga furay oo haatan ay haawanayaan.

Sababta loo xiray masjidyada iyo dugsi qur’aanada ma cadda, hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in laga soo horjeedo caqiidooyin Ahlu-Sunna dhaliishay oo halkaas lagu baranayay.

“masaajidyo badan aya la xeray oo ku yaala dhuusamareeb iyo Guri ceel oo ay ugu dambeeyen labo masjid oo Guri ceel ku yiilay oo la xeray 5-ta bishan November ayuu yiri Cali Sheekh Maxamuud Gudoomiyihii hore Guri Ceel.

Halkaan ka dhagayso Codka Ex-Gudomiye Cali Sheekh Maxamud

Maleeshiyaad ka tirsan Maamulka ka taliya Deeganada Guri ceel ayaa la sheegay inay dusha kaga xereeen inka badan 70 qofood oo ku dukanayay masaajidkaas.

Masaajidyadii ugu dambeeyay ee la xeray ayaa lagu kala magacaabi jiray Masjidka Macalin Xuseen Qeys oo mudo ka badan 40 sanno ka dhisnaa degaankaas  iyo masjid kale oo lagu magacaabi jiray Beder ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee la xeray.

Si kastaba ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka lagu eedeyay inay masaajidyadaas xereeen.

Daawo: Habka diyaaradaha Turkish Airlines uga howl galaan Muqdisho.

Shirkadda Turkish Airlines, waa shirkad kaliya ee caalami ah ee ka howl gasha garoonka diyaaradaha Adan Adde International Airport ee magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Vidwo cusub oo dhowaan soo baxay ayaa haddaba muujinaya qaabka ay diyaardaaha shirkaddaasi uga howl galaan garoonka ee nala daawo.

Ma sameyn lahayd wixii ninkan uu sameeyay? (Afduube is kashifay)

Gabar yar oo lagu magacaabo Anna ayaa la soo wariyey in la waayey galabnimadii Khamiista aydoo dib loo helay subaxnimadii Jimcaha ka dib baadigoob xooggan oo la sameeyey.

“Nin isagu laga shakiyey ayaa qirtay in uu afduubtay Anna isagoo hayey muddadaas” ayaa lagu yiri hadal ay websitekooda  jimcihii ku qoreen booliiska magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Hadalka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in baarintaanka lagu hayo qofkan afduubka geystay uu sii socon doono ilaa toddobaad dhamaadka (Weekend), isla markaana loo qorsheeyey in lala yeesho wareysiyo dheeraad ah.

“Qareenka ayaa go’aan la xiriira damaanad gaari doona inta lagu guda jiro week endiga ama maalinta axadda”.

Anna ayaa la waayey aydoo ka baxday gurigeeda wax yarna ay u sii lugeysay dhanka Iskuulka xaafadda Örgryte ee magaala madaxda labaad ee dalka Sweden subaxdii Khamiista.

In ay maqan tahay lagama soo warin Iskuulka ilaa laga gaaro casiir liiqii, waxaana markaa la sameeyey baaritaan aad u wayn oo ay ka qeyb galeen booliiska.

Ku dhowaad 800 oo xubnood oo ka mid ah bulshada deegaanka ayaa ka qeyb galay baadi goobka oo ay soo agaasintay Hey’ad ka shaqeysa arrimahaas oo lagu magacaabo Missing People Charity.

24 jir looga shakisanaa inuu qaatay gabadha ayaa isagu ka qeyb galay baadi goobkaas, ugu danbeyntiina uu soo wareejiyey gabadha, isagoo ku doodaya inuu ka helay goob beer lagu nasto ah.

“Waxaan su’aalay meesha uu ka helay gabadha. Waxuu farta ku fiiqay xagga- isagoo tilmaamay goob beer lagu nasto- ayaan ka helay” sidaas waxaa yiri ohn Peterssonoo la hadlayey wakaaladda wararka ee TT News Agency.

“Waxey aheyd arrin murugo ah oo xadgudub ah. Waxey keentay shaki” ayuu raaciyey Petersson.

Ninkan laga shakiyey ayaa isagu loo sheegay inuu fariisto oo uu sugo inta booliiska ka imaanayaan.

Booliiska ayaa baadigoob ka bilaabay mar kale qol ku yaalla dhulka hoose oo ka dhowaa meesha kaasoo looga shaki qabay in lagu hayey gabadha yare ee Anna oo ayadu afduubka loo geystay, sida ay qortay jariidadda maalinlaha ah ee Göteborgs-Posten.

Iskuulka ay dhigati gabadhan yar ayaa lagu cambaareeyey soo warin la’aanta ah in Anna la waayey ilaa galabnimadii Khamiista, waxaana maalinta Isniinta la sameyn doonaa baaritaan arrinkaas Iskuulka lagu eedeeyey.

Wax war ah ma jirin ah in Anna ay dhibaato soo gaartay 19 saacadood oo la waysanaa. Aabaheed oo la hadlay wargeyska maalinlaha ah ee Aftonbladet ayaa yiri “Hadda waa ay fiican tahay wax dhib ahne ma qabto”.

Waalidiinta Anna ayaa wargeyska u sheegay in ay ka quusteen in ay dib u helaan gabadhooda 9 jirka ah ee Anna, ka hor inti aan telifoon loo soo dirin 3 am ee jimcihii.

“Dareen aan la aqbali Karin ayuu ahaa in gabadheeni la qaatay ee dib loo helay ay bad qabto” ayuu Anna aabaheed u sheegay wargeyska.

Xigasho: TheLocal.se

WD: Yusuf Shuqale Hassan

[email protected]

Haraggu (Maqaarka) Wuu Hadlaa: (Mucjisada Quraanka Kariimka ah)

Maalin waluba waxaa soo ifbaxa cilmi cusub oo lagu gaara ogaanshihiisa tiknooloojiyadan casriga ah, kaasoo hortiis lagu xusay Quraanka 1400 sano kahor. Markastoo xaqiiqa cusub la iktishaafaba jaa’ waxaad xaqiiqadaasi ka heleysaa ayadoo Quraanka kariimka ah dhexdiisa ku diyaarsan. Taasoo Ilaahay mar sii horreysay uu ka warramay.

(وَمَنْ أَصْدَقُ مِنَ اللَّهِ قِيلًا)
[النساء: 122]

”Oo yaa kaga run badan Ilaahay dhihid hadal”? Suuratu Al Nisaa: 122d

Quraanka kariimka ahi xarafkastoo kamid ah iyo kalmad kasta iyo aayad kastaba waxay xambaarsan tahay mucjiso cilmiyeed, mid balaaqa iyo raqameed cajiib ah. Aayadaha mudan in la dul istaaga oo lagu taddabura ayaa waxaa kamid ah qowlka Alle sarreeye markuu oranaya.

(وَيَوْمَ يُحْشَرُ أَعْدَاءُ اللَّهِ إِلَى النَّارِ فَهُمْ يُوزَعُونَ (19) حَتَّى إِذَا مَا جَاءُوهَا شَهِدَ عَلَيْهِمْ سَمْعُهُمْ وَأَبْصَارُهُمْ وَجُلُودُهُمْ بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (20) وَقَالُوا لِجُلُودِهِمْ لِمَ شَهِدْتُمْ عَلَيْنَا قَالُوا أَنْطَقَنَا اللَّهُ الَّذِي أَنْطَقَ كُلَّ شَيْءٍ وَهُوَ خَلَقَكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ)
[فصلت: 19-21].

Markaynu aqrinna oo aanu dul istaagna misna aan ku taddaburna aayadahan qiimaha badan, waxaa lama huraan ah inaan is weydiinna su’aalo dhowr ah oo ay kamid yahiin, sidee bay indhahahu iyo maqalka iyo haragguba ay u hadlayaan? Sidee bay wax waluba u hadlayaan? Muxuu Ilaahay xaqiiqadan ugu warramay kitaabkiisa?

Arrimahan weeye waxa aynu qeexi doonna oo aanu baxthin doonna hadduu Eebbe idmo, saa waxay u dhawdahay inaan kamid noqonna kuwii Ilaahay uu xaggooda ka yiri

(إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ اللَّهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ آَيَاتُهُ زَادَتْهُمْ إِيمَانًا وَعَلَى رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ)
[الأنفال: 2].

 ”Mu’miniinta dhabta ahi waa uun kuwa marka Ilaahay la xuso, ay gilgilato (cabsato) quluubtoodu, markii lagu dul aqriya aayadahiisana ay iimaan u kordhiso, ee Rabbigooda uun talo saarta”. Al Anfaal: 2d

Waxaynu wada ogsoonnahay in haraggu uu yahay xubinta ugu weyn ee jirka, uuna ka ilaaliya wasakhda, bahallada, kuleylka, dhaxanta iwm. Haraggu waa xubin aad muhiim ugu ah noolasheenna, wuxuuna ina siiyaa faa’iidooyin badan oo aanan lasoo koobi karin. La’aantiis haraggu noolashu ma inoo suurto geli lahayn, haddii ay suurto gashana ma raaggi lahayn, ayadoo silac iyo dhib ah. Sidaa daraaddeed baa Ilaahay Quraankiisa uu dhowr meel uga xusay xubintan qaaliga ah.

Culimada casriga ee ku talaxtegtay culuumta sayniska iyo casriga tiiknoloojiyada, ayaa waxay sanadadii dhawaa iktishaafeen xaqiiqa daahil ah oo aad u cajiib ah. Mar ay baaritaanno ku sameynayeen si ay xal ugu helaan xanuunka loo yaqaan Sarataanka (Kansarka) ee kudhaca haragga, ayaa si kedis ah waxay heleen xaqiiqa cajiib ah oo ku tacalluqda haragga.

Natiijada baaritaankaasi ayaa lagu sheegey haraggu inuu leeyahay unugyo cajiib ah, oo lamid ah kuwa maqalka iyo aragga. Waxay culimadu sheegeen unugyada haraggu inay leeyahiin daakiriyaat (xasuus qor) lamid ah sida Kumbiyuutarka oo kale, oo ay keydiyaan ficillada iyo dhammaan qusuusiyaadka qofka bini Aadamka ahi uu falaya. Culimadani oo daba gal aad u dheer ku samaysay baaritaannadoodii dhanka haragga, ayay ku ogaadeen unugyada haraggu inay sameeyaan dhawaq soo noqnoqda oo aanan la fahmi karin waxa uu sheegaya. Waxaanay ka sameeyeen cajallado iyo sawirra ay u adeegsadeen mikrooskoobka. (Sawirka aad ujeedda waa skin speaker-ka ay ka sawireen arrintaas).

Boqolkiiba 95 kamid ah unugyada haragga ayay sheegeen inay qaabilsanyahiin keydinta ficillada iyo dhawaqyada uu qofka Insaanka ahi sameeya, iyadoo shan boqolkiiba ay iyana dhiibbaan midibka, oo ay siiyaan haragga maadada Melanin, ee siisa jirka midibkeeda.

Keydka ay ficillada iyo dhawaqyada qofka ku keydiyaan unugyadaasi ayay culimadu sheegeen inuu yahay mid uu haraggu ku caawiya maskaxda inuu u gudbiya macluumaatka ay unugyadaasi keydinayaan. Marka loo eega daakiriyaadka maskaxda iyo kan haragga waa wax aad u kala fog ayay yiraahdeen culimadaasi, waayo haragga waa ka xasuus iyo keydin badan yahay maskaxda. Tanina waa xaqiiqa ay dhawaan ogaadeen culimadaasi.

Bal u rumey adiga warkooda, oo haddii haragga uu ku sarma oo nabar kaaga dhaca miyay fududdahay inaad nabarkaasi illawda weligaa? Laga yaabaa haddii uu kuu bogsada xataa inaad weligaa xasuusnaato.

Sidoo kale culimadani ayaa ogaatay in jirka qofka oo ay ku dhacda cadceedda ama dabaysha fitra dheer (muddo dhowr saacadood ah) ay sababi karta inay dhintaan qaar kamid ah unugyada haragga, taasoo keeni karta in haraggu uu kudhaca xanuunka loo yaqaan Sarataanka (Kansarka haragga). Waxay sidoo kale isla sadarkaasi ku sheegeen in xaaladdaasi ay u nugushahay qofta haweenta ah oo boqolkiiba 50 ay kaga nugushahay ninka in uu ku dhaca cudurkaasi, haddii ay jirkeeda u bandhigta cadceedda iyo hawada.

Bal ta’ammula halkaan, oo si weyn u fiiriya, kadibna is weydiiya ”Muxuu Ilaahay u amray inay haweentu jirkeeda asturta”? Ma ahan oo qura xukun iyo amar Rabbaani ah oo lagu faral yeelay qofta haweenta ahi inay jirkeeda asturta, laakiin xukun kasta iyo sharci waliba oo Alle inoo soo dejiyey waa wax caafimaadkeena iyo nolasheenna iyo aayaheenna u roon, oo wax tar inoo leh.

Waa halka uu meela badan Ilaahay ka leeyahay marka uu xukun iyo amar inooga warramaba

‘ ذَلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ ”

”Sidaas baa idiin kheyr roon haddii aad wax ogtahiin”. Al Cankabuut: 16d

Mar ay ka hadlayeen dhibaatooyinka iyo qaababkooda ay kusoo gaaraan unugyada haragga ayaa waxay yeesheen haddii ficillada xun xun ee qofku ay bataan, ama hadallada aanan faa’idada lahayn iyo beentiisa ay badata, waxaa markaasi sida meyd oo kale noqdo khilaayaad badan oo kamid ah kuwa haragga, sidoo kale waxaa kudhici kara haraggaasi xanuunnada is cun cunka iyo kansar maqaareedka iyo xanuunno kale, taasoo akhiiran ay dhici karta in qofkaasi uu xamili kari waayo hadallada qaboow iyo ereyada runta iyo xaqiiqada ah. Baddalkeedana uu ka door bida beenta iyo xumaanta, maadaama uu qabatimay.

Waxay sheegeen in lagula tacaali kara cudurrada noocaasi ahi qofka oo wanaajiya ficilladiisa iyo nadaafaddiisa, iyo hadalladiisa, taasoo runtii markaynu eegno ah arrin aad cajiib u ah cilmigan ay culimada ka ogaadeen dhanka haragga.

Bal ka warrama hadduu Quraanka inooga warramay arrinkaasi, isagoo ina baraya in khilaayaadka (unugyada) haragga lagu dabiibo hadalka wanaagsan (kitaabka Ilaahay) oo ay ku khushuucaan lana jiriracoodaan unugyada markay maqlaan.

Waa kan Ilaahay oo arrinkaasi inooga warramaya wuxuu yiri

(اللَّهُ نَزَّلَ أَحْسَنَ الْحَدِيثِ كِتَابًا مُتَشَابِهًا مَثَانِيَ تَقْشَعِرُّ مِنْهُ جُلُودُ الَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُمْ ثُمَّ تَلِينُ جُلُودُهُمْ وَقُلُوبُهُمْ إِلَى ذِكْرِ اللَّهِ ذَلِكَ هُدَى اللَّهِ يَهْدِي بِهِ مَنْ يَشَاءُ وَمَنْ يُضْلِلِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِنْ هَادٍ) [الزمر: 23]

”Alle baa soo dejiyay kan ugu fiican hadal (Quraanka), kitaabbuu soo dejiyey isu eg oo soo noqnoqda, oo ay la qamaanyoodaan haragyada kuwa Rabbigooda ka cabsada, markaasay la jilci haragyadooda iyo quluubtooduba xusuusta Alle, arrintaasina waa hanuunka uu Alle ku hanuuniya cidduu doono, cidduu Alle dhumiyana ma jirta cid hanuunin karta”. Al Zumar: 23d

Hadday xuseen in haraggu uu hadla, oo uu leeyahay unugya u qaabilsan maqalka iyo keydinta, sida kuwa aragga iyo maqalka oo kale, innagu waxaa taasi inooga warramay Quraanka kariimka ah 1400 sano kahor, markuu Ilaahay inooga warramayay xaaladda Qiyaamaha iyo sida uu u hadli doono haragga. Alle sarreeye wuxuu yiri

(وَيَوْمَ يُحْشَرُ أَعْدَاءُ اللَّهِ إِلَى النَّارِ فَهُمْ يُوزَعُونَ (19) حَتَّى إِذَا مَا جَاءُوهَا شَهِدَ عَلَيْهِمْ سَمْعُهُمْ وَأَبْصَارُهُمْ وَجُلُودُهُمْ بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (20) وَقَالُوا لِجُلُودِهِمْ لِمَ شَهِدْتُمْ عَلَيْنَا قَالُوا أَنْطَقَنَا اللَّهُ الَّذِي أَنْطَقَ كُلَّ شَيْءٍ وَهُوَ خَلَقَكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ)
[فصلت: 19-21].

”U sheeg gaalada maalinta lagu kulmin doono kuwii la colleytamay Alle xagga naarta iyagoo is cidhiidhiyaya. Markay yimaadaanna uu ku marag furayo maqalkooda (dhegaha), araggooda (indhaha) iyo haraggooda wixii ay fali jireen. Markaasay ku oranayaan haraggoodii oo maxaad inoogu marqaati fureysaan? Markaasay hargihii oranayaan waxaa inaga hadliyey Allaha ka hadliya wax waliba, waana asaga (Allaah) kii markii horeba idin abuuray, xaggiisaana la idiin celin. Fusilat: 19d- 20d.

Subxanallaah!! Quraanka wuxuu ka warramayaa wax uu bini Aadamka la yaabi doono, waayo adiga aqriste haddii aad leedahay saddex walaalo kuu ah, oo labo kamid ah aad ku tuhmeysa inay mar waliba wax kaa sheegaan ama kushirqoolaan, amaba been kuusheegaan, halka midka kalena aanad uga baranin inuu wax xun kaa sheega, haddii mar ay saddexduba wax kaa sheegaan oo ku shirqoolaan, labadii aad horey ugu tuhmeysay ma aadeysid oo toos waxaad abbaareysaa adigoo yaabban kii aanad marna horey uga fileyn waxaas, waxaadna oranaysaa war hooge, maxaa, maxaad sidan ii yeeshay? Maxaad ii dacweysay? Maxaad beenta iiga sheegtay?

Sidaas oo kale maalinta Qiyaamaha qofka bini Aadamka ahi lama yaabi doono maqalka iyo aragga oo ku marqaati furaya markuu arka, waayo wuxuu ogaa inay labaduba maqli jireen oo arki jireen, laakiin wuxuu la yaabi doonaa haragga hadlaya, oo uu markaasi oran doonaa, war maxaad inoogu marqaati kacaysaan? Haraggiina waa u jawaabi doonaa oo oran doonaa waxaa inaga hadliyey Ilaaha wax waluba ka hadliya.

Waxaa haddaba is weydiin mudan aayaddu waxay tilmaantay kalmad oranaysa ”Wixii ay fali jireen”, taasoo tilmaamaysa in haraggu uu wax waliba keydinaya oo uu ka warrami doona maalintaas, isagoo ku marqaati furi doona saaxiibkiis. Haddaba miyaanay tani ahayn mucjiso Rabbaani ah oo Ilaahay ku xusay kitaabkiisa xilli aanay munaasab ahayn in cilmigaani oo kale la hela (1400 sano kahor)?

Xaqiiqadan maanta la heley ayaa Quraanku wuxuu ka warramayaa 14 qarni ka hor, isagoo si mandaqi ah oo cilmeyeysan uga warramaya. Subxanallaah!!!.

Intan oo qura maahan xaqiiqada laga ogaaday haragga, laakiin waxaa jirta mid tan horteed la iktishaafay, taasoo ahayd in haraggu uu yahay dareenka ugu weyn ee bini Aadamku uu ka hela xanuunka. Insha-Allaah waxaanu rajayn doonnaa in taasina aan ku qaadaa dhigi doonna ciwaan iyo qorma gaar ah hadduu Eebba idmo.

Intaanoo cilmi ah markaynu ka warranno, oo haddana aynu ogaanno in Quraankeennu waxani horey ugasii warramay, xilli aanay suurto gal ahayn in la hela cid ka warrami karta macluumaadkan iyo cilmigan baahirka ahi, waxaa inoosoo baxaysa in caalamku immika uun kusoo baraarugaya xaqiiqaad badan oo malaayiin ah oo Quraanka horey uga warramay. Waa halka ay ku Islaamayaan maalin waluba culima badan oo kamid ah kuwa ku taqasusay culuumtaan iyo baaritaannadooda. Mana awooddi doonna kulaha Muslimiinta haddaynu nahay mucjisadan iyo aayad kastoo kamida Quraanka markaynu aqrinnaba inaynu niraahno Subxaanallaah!! mooyaane wax kale.

Alle baa mahad iskaleh innaga dhigay ummad Islaam ah. Cilmi oo dhami haddaad rabta u noqo Quraanka asaga ayaad ka heli doontaaye.

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]

_____________________________________________________________

Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan kara idan la’aan

Lamaane Somali ah oo geeriyooday wax yar kadib meherkooda.

Wararka aan ka helayno Deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta shil gaari oo laga naxo inuu ka dhacay deegaanadaasi.

Shilka gaari ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay inta u dhaxaysa Degmada Burtinle iyo magaalada garoowe ee Gobolka Nugaal sida ay sheegayaan wararka aan helayno.

Sida wararka ay sheegayaan Shilkaani naxdinta badan waxaa ku dhintay seddex ruux waxaana ku dhaawacmay labo kale.

Seddexda dhimatay labo ka mid ah waxay ahaayeen dadkii lamaanaha ahaa ee isa soo mehersaday waxayna noqotay naxdin hor leh.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegayaa in la gaarsiiyay isbitaalka magaalada Garoowe halkaasi oo lagu baxnaaninayo.

Gaariga ay saarnaayeen dadkaan ayaa ahaa mid si xowli ah ku socday waxaana uu ahaa nooca loo yaqaan TOYOTA,Market 11.

Aw-Libaax iyo xubno ka socda IGAD oo gaaray magaalada Kismaayo.

Waxaa  Magaalada Kismaayo ka dagay wafdi balaran oo uu hogaaminayo mid kamid ah Saxiixeyaasha qorshaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo laguna magacaabo Sh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax.

Wafdigaan oo ka kooban Xubnihi Gudiga Farsamada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo waliba  Saxiixeyaasha  Qorshaha nabada Jubboyinka iyo Gedo ayaa si heer sare ah logu soo dhaweyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigaan ayaa markiay gareen garoonka diyaaradaha  Magaalada Kismaayo waxaa halkaasi ku soo dhaweyay Saraakil ka tirsan Maamulka KMG ah ee Kismaayo oo ay horkacayaan Axmed Madoobe iyo Col Yasiin Raader.

Wafdigaan ayaa waxaa sido kale weheliyay Xubno  ka socda Urur Goboleedka Igaad oo asagu  Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka ka taagera dhanka farsamada.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa manta laga dareemaya  dagaanan  badan waxaana maalin ka hor shacabka Kismaayo lagu wargaliyay in aysan bari sameyn dhaqdhaqaaq badan  madaama magaalada ay ku soo leyhiiin wafdi culus.

Dorba waxaa bilowday kulamo ay yeelanaya Masuliyinta ugu saraysa Maamulka kmg ah iyo Wafdigi balaraana ee so garay Magaalada Kismaayo waxaayna ka arinsanayaan sidi hal bil gudaheed logu soo dhisi laha Maamulka Jubbaland State.

Wafdiga ayaa waxaa manta la soo tusay goobta logu tala galay in lagu qabto shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaana la isla meel dhigi doona sidi Ergoyinka shirka ka qaybgalaya ay ku soo gaari lahayeen Magaalada Kismaayo.

Wafdiga maanta soo garay Magaalada Kismaayo marka laga reebo xubnaha Igaad ayaa waxaay ku sii sugnan doonan Magaalada Kismaayo inta dhidibada lo tagaayo Maamulka Jubbaland State.

JACEYLKII DUGSIGA DHEXE ( 4)

Qqeybtii 4-aad  halkan ka aqriso qeybihii hore Qeybti 1-aad,  Qeybti 2-aad.  Qeybtii 3-aad

Sannadkaas 1974 waxaa loo balansanaa marka Dugsiga dhamaado oo la xiro in Ardeyda oo dhan loo diro Ololaha wax baridda Reer Miyiga oo markii danbe lagu magacaabi jiray ( Ololaha Hormarinta Reer miyiga ) loona soo gaabin jiray ( OHRM) !!! .

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Ostan macallinkiisii Xisaabta la weydiiyey ma laga yaabaa in uu Ostan ka qeyb qaato ( OHRM) Da,diisa oo yar Daraadeed, wuxuuna ku jawaabay waa laga yaabaa inkastuu gaaban yahay.

Markii Dugsigii la xiray Bishii July, 1974 ayaa Ardeydii Dugsiyadda oo dhan marka laga reebo Fasalka Sideedaad ee Dugsiga Dhexe iyo Fasalka 4aad ee dugsiga Sare ( Form four) oo ayagu lahaa Imtixaankii Dugsiga dhexe iyo kii Dugsiga sare oo ayaga loo reebay in ay Imtixaanka kama danbeysta ah galaan.

Sidii bay u dhacday Ostan iyo Dugsigiisii 21 oktaabar wiilasha waxaa lagu qoray Gobolka Bakool, Gabdhihiina waxaa lagu qoray Gobolka Shabeellada Hoose .

Maalintii Ardeydu baxayeen maalmo ka hor ayaa waxaa Dugsigii loogu qeybiyey Ardeydii Sabuurad yar oo isku laabmeysa,oo Busto ku dhex jiro iyo Buraashad yar , kadibna waxaa la balamiyey in ay Maalin Hebel Dugsiga isku soo Xaadariyaan ayagoo Nin ba Sanduuq uu Dharkiisii ugu jiro wata, sidaas bayna u Dhacday oo Maalintii la balamay ayey Dugsigii yimaadeen ayadoo Baabuur u Diyaar tahay waa Baabuurtii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa Ardeydii Dugsiyadda Xamar oo dhan la iskugu geeyey Tarbuunka si uu Khudbad Dardaaran ah ugu jeediyo Madaqxweynaha Jaalle MOHAMED SIYAAD BARRE , kadibna halkaas ayey Safarkoodii ka bilaabeen ilaa Maqribkii ay ka gaareen magaallada Baydhabo
janaay, halkaas oo Casho loogu diyaariyey se Nasiib xumo Soor iyo maraq iyo Hilib baa lagu sooryeeyey se Ciyaal Xamarku waagaas Soor cunowga wey ka faani jireen, oo waxay jeclaayeen Bariis iyo Baasto.

Markii Cashadii loo soo dhigay oo kooxba xeero loo soo dhigay sidii sabtii ayey intey Hilibkii ka Boobaan Soortii isku tuur tuureen .
Alloow Nin aan wax ogeyn ha cadaabin wallee wey ka shalaay doonaan Soortaas oo waxa gadaal ka dhici doonta ayadoo Caano iyo Hilibba laheyn in ay Mudan doonaan ileen Abaartii Daba dheer ayaa soo socotee !!!!

Habeenkii Magaalladii bay aadeen oo Shaneemadii ugu danbeysay ayey galeen ileen Toddobo Bilood ku dhan Baadiyo ayey u socdaane.
Subaxdii goor hore ayaa la Quraacday kadib Safarkii Gobolka Bakool ayey Bilaabeen Duhurkii ayey Degmada Waajid Gaareen Qeyb ka mid ah Ardeydii oo uu ku jiro Ostan Saaxiibkiis Hunboow ayaa lagu dejiyey oo Degmadaas loo qeybiyey, waa qeyb ka mid ah Dugsigii 21 Oktoobar.

Galabtii ayey haddana gaareen Magaallo Madaxda Gobolka Bakool ee Xudur halkaas ayaa casho fiican Bariis iyo Hilib laga siiyey.
Subaxdii danbe Safar kale ilaa Degmada Tayeegloow waxaan galnay Habeenimo Tayeegloow , Ostan iyo Ardeyda kaleba waa markii ugu horeysay  ay maqlaan Magaallada Tayeegloow .

Magaallada Tayeegloow waa Degmo ka tirsan Gobolka Bakool waxayna u dhaxeysaa Magaallada Xudur iyo Baladweyne oo ah magaallo Madaxda Gobolka Hiiraan.

Tayeegloow waa magaallo yar oo Dhismaheedu yahay Carshaan iyo Mudul iyo Xero weyn oo Wareegsan oo Dhagax adag ka sameysan oo ahaan jirtay Qalcad ka mid ah Qalcadahii Sayid Mohameed Cabdille Xasan !!!!

Xeradaas ayey Daawladda oo dhami degan tahay Boliiskii iyo Maamulkii Degmada iyo , wasaaradihii sida Boostada Iwm , Xaruntii Dawladaha Hoose ee Munashiibiyo , Ambulatooriyadii iyo Farmashihii oo isku yaala Iwm.

Subaxdii Danbe Ardeydii Baabuur ayaa laga buuxiyey si loogu qeybiyo Tuulooyinkii ay ka koobneyd Degmadu , waxaana ugu weyneyd Tuulooyinkaas tuulada Caanka ah ee Bilooyeey Xarunta uu ku aasnaa Shiikh Awees AL-Qaadiri ee Siyaaradiisa loo tagi jiray.

Galabtii danbe markii ardeydii la wada qeybiyey ayaa qeybtii ugu danbeysay lagu dajiyey Tuulo la yiraahdo Haraarsame, Ardeydii halkaas lagu dajiyey waxaa ka mid ahaa Ostan Saaxiibkiis Maxamuud ooy isku xaafad ahaayeen.

Qoraxdii oo sii dhaceysa ayuu Ostan Allaah ka baryey in aan meeshaan cidlada ah lagu dajin, Allaahna waa ka aqbalay waxaa la soo celiyey Ostan iyo seddex Saaxiibadiis ah sida kii ka Qishi jiray ee Dartiis Fasalkii 6aad C uga soo gudbay iyo sidoo kale saaxiibkiisii kale ee maalintii Maryan la dili rabay la socday ee Xuseen iyo kan afaraad oo ahaa Xasan oo Ostan isku fasal ahaayeen Ciyaal Hindi na ahaa ooy asaga iyo Ostan sheekadu iskugu bixi jirtay, Afartoodii waxaa la yiri tuulooyinka Degmada u dhaw ha la kala geeyo, Markaas ayaa xuseen iyo Cumar is doorteen waxaanna la geeyey Xero Ciidan oo ku taal Duleedka Degmada lana oran jiray Misir.

Waxaa Xeradaas ku jirayu Ardey Reer Xamar ah oo Fasalka Sideedaad ku soo dhacday oo Ciidan la qori jiray, waxaa ka mid ahaa wiil Kubbadda Cagta Laacib ku ahaa oon haatan magaciisii Hilmaamay.

Ostan iyo Saaxiibkiis Xasanna waxaa la geeyey Tuulo u muuqata Degmada oo la yiraahdo Shiimo, waxaa tuuladaas deganaa Dad dan yar ah oon xoolo laheyn oo Beeraleey ah oo Ugaarato ah sida Sagaaradda iyo wixii la mid ah.

Xasan wuxuu Ostan kaga fiican yahay Reer Baydhabo ayuu ahaa oo afka Mayga si fiican buu u yaqaanaa se Ostan oo Ciyaal xamar ahaa wuxuu ka kasayaa ( ARIIROOW MAY FADAASE ) oo dadka afka mayga ku hadlo lagu foorjeyn jiray ama lagu xifaaleyn jiray.

Xasan Ciyaalkii Tuulada ayuu saaxiib la noqday oo Sagaarada la soo dabtaa se Ostan Xaafadda ayuu fadhiyaa oo galabtii Kitaab Quraan ah ku Akhristaa Ardaaga Buulka ay degan yihiin, oo mar marka qaarkood gabar yar oo Reer dhalay ay Badar ku Shiideyso ayadoo Af May ku heeseysaa taas oo uu Ostan mar marka qaarkood ka biqi jiray in uu halkaas cidlada ah ku dhinto oo uusan mar danbe magaalladii xamar iyo Shaneemooyinkii ku noqon doonin.

Ostan iyo Xasan Subax kasta degmada Tayeegloow bay iska aadaan oo maqaayadaha wax ka soo cunaan ,galabtiina soo laabtaan ayagoo garbaha is haysta oo Aflaam Hindi ah iskaga sheekeynaaya Sida Faaris, Hamjooli, Anjaana,Waqti iyo Sangam IWm.

Maalintii danbe ayaa Kormeerihii Ardeyda iyo Diritoorkii Dugsiga 21 Oktoobar ee Diirshe ay ku soo baxaeen Ostan iyo Xasan oo maqaayad cusub oo la yiraahdo Caga weyne iska Fadhiya , markaas baa lagu yiri aaway tuuladiinii iyo Ardeydii aad wax u dhigi laheydeen.

Waxay ku andacoodeen Tuuladu wax aan wax u dhigno ma aanan arag oo Dadweynuhu ma diyaarsana, markaas ayaa Maalintii danbe lagu daray Askari Boolis ah iyo Guulwade si Tuulada loogu diyaariyo oo Dadka loo soo bixiyo, waxaa kaloo la go,aansaday in Tuulada Shiimo tuulo ku dhagan oo la yiraahdo Shiiloow labada macallin mid la geeyo oo uu subaxdii wax ka soo dhigo se isku meel ay Seexdaan Macallimiintu.
Dadweynihii Shiimo ayaa isku raacay in Ostan laga wado oo xasan loo reebo ileen wey is af yaqaanaane, sidaas bayna talo ku dhamaatay !!!!.

Sheekada OHRM oo toddobo bilood socotay waxaad uga bogan doontaan isla sheekada Ciyaal xamar ee ku saabsan Taariikh Nololeedkii Ostan Gacamay sida Qeybtan Jaceylkii Dugsiga Dhexe ba uga mid tahay sheekadaas Dheer ee Ciyaal xamar oon ku soo saari doono Insha Allaah Bogga Caasimada.com (1).

Ostan intii uu ku maqnaa Baadiyaha Tayeegloow wuxuu Tabay dhawr waxyaalood oo noloshiisa ka mid ahaa sida Aragtidii Jaceylkiisa Maryan, Aflaamtii Hindiga ama Cowboys ama Agent sida 007 iwm .

Wuxuu kaloo tabay Ciyaarihii Kubbadda cagta ee uu ka fiirsan jiray Istaadyo Koonis sida Horyaalkii iyo Koobkii Janaraal Daa,uud , sidoo kale ciyaarihii asagu galabtii ku ciyaari jiray caro madowda u dhaxeysay Dugsiga 21 Oktoobar iyo Afasiyooni Xeraddii Ciidamada.
Mar marka qaarkoodna wuxuu Basket Ball ku ciyaari jiray Dugsiga 21 oktoobar dhexdiisa.

Ostan wuxuu kaloo tabay Waalidkiis & wallaaladiis oo uusan muddo toddobo bilood ah uusan arkin, marka laga reebo Aabihiis oo Bil kadib ugu yimid asagoo joogga Tuulladii Shiiloow, iyo Hooyadiis oo Seddex bilood kadib uga daba timid ayagoo Baadiyo la yiraahdo Harqaanka loola guuray oo aad uga fog Tuulladii Shiiloow.

Maalintii markii Ostan Hooyadiis u timid asagoo Duurka wiilal la jira ,waxay ku tiri markay aragtay wiilkaagii baa halkaan joogga isma laheyn, Sababta Baadiyaha dartiis.

Ostan labo Bilood kadibba aad buu ugu hadlaayey Afkii May mayga oo xataa gabayaddooda iyo Maahmaahyadooda iyo Googaaleysigoodaba aad buu u bartay.

Ostan ilaa haatan wuxuu xasuustaa Googaaleysiga ooy dhihi jireen ( tiileeyaa hadale) oo la macno ah Googaa cadlle , wuxuuna ka xasuustaa mid oranaysa [ Bisiq bogshee biyo kalaq ] oo macnaheedu yahay Barida wanka ooy u yaqanaan caleen !!!!.

Akhristoow Dhallintii Iskuulka ee OHRM ( ololaha hormarinta reer miyiga) la keenay waxay barteen in ay waalidkood iyo dadkii ay jeclaayeen ay waraaqo u diraan.

Ostan Fursad ayaa hor timid ah in uu Maryan warqad u diro kuna aadiyo Gabdhaha dugsiga 21 oktoobar ee Degmada Afgooye oo ah meeshii Maryan iyo saaxiibadeed la geeyey.

Akhristoow waad ila socotaa baan filayaa in Ostan ay warqad u diyaarsaneyd Sawir Qurux badan Nin iyo Naag isku dhagan uu ku Sawiray oo uu Maryan u dir is yiri se uu Awoodi waayey.

Warqaddii ayada aheyd oo uu Muddo haystay ayuu Maalintii danbe Baqshad u soo gatay dhanka kore wuxuu kaga qoray KA : OSTAN GACAMAY OO L/H DEGMADA TAYEEGLOOW

dhanka danbana wuxuu ku qoray KU: MARYAM MOHAMED OO L/H DEGMADA AFGOOYE.

Ostan ayaa maalintaas magaallada u soo dhaadhacay Tayeegloow si uu Boostada ugu hubsado se waxaa dhacay arrin lama filaan ah, waxay Ostan isla kulmeen saaxiibkiis Mohamed waa wiilkii ay maryan isku Fasalka ahaayeen 6A, markaas ayuu yiri yaad warqadda u Direysaa ?? oo ka dafay kadib uu Akhriyey qofka loo diraayo, markaas ayuu intuu Qoslay yiri ma Maryan ayaad jeceshahay ??? Maya ayaa Ostan ka soo fakatay se waxaan leeyahay gabar Inaadeertay ah ooy taqaano ha u geyso !!! Saxiibkiis baa ku yiri Saas naga dheh Jaceyl kuguma ogeyn ??? Ostan Neef baa ka soo booday wuxuuna goostay in uusan dirin warqadaan si aan loogu shabadeynin in uu Maryan jecel yahay ??? Taas oo waagaas ceeb aheyd in lagugu foorjeeyo Heblo ayuu jecel yahay ???xataa gabdhii la dhaho hebel baa jecel Ruuxaas Fursad ma siin jirin ??? Sababtoo ah Jaceylka waagaas ceeb buu dhallinta dhexdeeda ka ahaa !!! Ostan warqaddii buu intuu Baqshaddii ka bixiyey jeex jeexay oo ku asaasay Meel beer ah oo u dhaxaysa Tayeegloow iyo Tuulladiisii Shiiloow !!!!.

Markii la garay Bishii Janaayo 1975 Ardaydii Baadiyihii waa laga soo aruuriyey waxaa la iskugu keenay Tuulooyinka kadibna waxa bilowday in Dad iyo Xoolahaba la tiro koobo !!!!

Tira koob ay Qaramada Madoow soo Diyaarisay se AF soomaali lagu tarjumay ayey Ardeydii wadeen Bishii Janaayo oo idil, markay Dhameeyeenna waxay isku diyaariyeen in loo celiyo Mgaalo Madaxdii Muqdisho oo 7 bilood soo moogaayeen.

Waxay aheyd Abaarihii Bishii Febraayo 1975 waa bil aad u farxad badan si hal haleel ah ayuu Ostan u soo macasalaameeyey Dadkii ay is barteen ee Reer Shiiloow , ha ugu horeeyaan Saaxiibadiis Mad C/raxmaan iyo Mursal oo uusan ilaa maanta Hilmaamin 35 sano kadib.
Safarkii ay uga soo baxeen Tayeegloow waxay soo mareen Xudur ooy Ostan ku wada kulmeen Saaxiibkiis Hunboow oo Ardaal u eg macnaa ragga Dhallinta ah ee reer baadiyaha kuwooda Saarka dheela ee gabdhaha shukaansada ee Geel jirta ah ayaa la yiraahdaa ( ARDAL) Waxay leeyihiin Tin weyn oo xulbo la mariyo, gacantana waxaa ugu jira Barshin oo ah Qori ay barkadaan si aysan Tintu dhulka uga taaban.

Ostan iyo Saaxiibkiis Guray aad bay u qosleen markay Hunboow arkeen oo haddana Budh weyn wata qoortana kuul ugu xiran tahay !!!!!
Ostan iyo Ardeydii Dugsiga 21 Oktoobar markii ay Xamar ku soo noqdeen waxaa lagu soo dhaweeyey Degmada Waaberi oo aheyd Xaafadooda, halkaas baa Baabuurtii ay geysay Goor Maqrib ah !!! Ostan waxaa soo doonay wallaalkiis Cabdi Allaah yarxamuh.

Dhawr Habeen kadib ayaa Ardeydii Dugsiyadda oo dhan ee ka soo noqotay OHRM Casuumaad loogu qabtay Beerta Daraawiishta ee Taallada Sayid Mohamed Cabdille Xasan Hoosteeda ,ka soo horjeedka Baar Bulsho , waxaanna Muusig ka tumaayey Hobollada Qaranka waaberi, halgan, heegan, onkod,iyo Iftin iwm.

Dhallintii Ardayda ayaa isku hanbalyeynaysay gabdho iyo wiilalba, Dugsi Dugsi, koox koox iwm.

Halkaan Habeenkaas waxaa ka dhacay Arrin la yaab leh ama Murugo leh oo ku tusineysa Ostan sidii Jaceylkii Dugsiga Dhexe ugu sii siyaaday oo meel xun uu la gaaray !!!

Akhristoow waxaa dhacay in uu Ostan mar kaliya uu ku soo baxay Gabdhihii ay isku Fasalka ahaayeen oo meel tuban ooy Maryanna ka dhex muuqato !!!!.

Allaah waa Ostan soo dhawaaw ayey yiraahdeen mid mid ayuu u salaamay oo gacanta u galiyey markuu Maryan soo gaaray oo Geeska ugu jirtay ayuu is hayn waayey oo gacantii ka laabta oo iska baxay ???? Maryan wuu Salaami kari waayey ????!!!!

Markuu Arkay ayuu aad u naxay ilaa uu garan waayey waxa uu sameynaayo wuu iska cararay !!! Maryanna wey yaabtay waxbana ma dhihin xataa lama hadlin ??? ileen Labadooda ayaa Dad iskugu Dhawaa markay isku Fasalka ahaayeen !!! Tolow maxaa dhacay ??? !!! waa Sheeko Cusub oo uu isku Badalay Jaceylkii Dugsiga Dhexe !!!!

Sida aan Gadaal ka ogaan doono Maryan Habeenkaas kadib Ostan Colaad bay u qaaday !!!
Ostanna Jaceylkiisii wuu sii faafay Heer Cabsi ayuu isku badalay ??? Tolow maxaa xiggi ???

Waa inoo Qeybta 5 aad iyo Sheekaddii Runta & Xiisaha laheyd ee ( Jaceylkii Dugsiga dhexe )!!!!!

F.G sheekadaan waa Qiso run ah magacyada uun baa la badalay ??? walow ostan uu yahay Naaneysta wiilka ,Maryan se waa magaceeda runta ah
se ayadana Naaneysteeda ayey caan ku tahay sidaas baa looga reebay magaceeda.
Qore : ostan gacamay
[email protected]

Maamulka Ceelbuur state oo eedeeyay madaxda Dowlada iyo Baarlamanka.

Madaxweynaha maamulka Ceelbuur State C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro) ayaa ku tilmaamay golaha cusub ee wasiirada mid aan cadaalad aheyn oo la doonayo in beelaha Soomaalida la isaga horkeeno, isagoo soo jeediyey in wax laga bedelo.

C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro) ayaa sheegay in dalku uu weli ku jira hanaan dib u heshiisiineed, loona baahan yahay in la ilaaliyo awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed si loo helo nabad iyo sinaan, hase ahaatee aysan waxba ku hagaagi doonin in beelaha qaarna ay ka mid noqdaan golaha wasiirada kuwo la mid ahna la qadiyo.

“Soomaalia waxaa weli ka socda dib u heshiisiin, haddii ay taas jirtana waxaa loo baahan yahay in la ilaaliyo hanaanka awood qeybsiga beelaha si dib u heshiisiinta ay u taaba gashom hase ahaatee haddii beelaha qaarkood ay isku arkaan in la liiday kuwa la mid ahna ay xilal heleen dib u heshiin ma dhici karto” ayuu intaa ku daray C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro).

Madaxweynaha maamulka Ceelbuur State C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro) ayaa ku eedeeyey xildhibaanada beesha Murusade ku metelaya Baarlamanka iney ka gaabiyeen sidii ay xuquuqda beesha uga soo dhicin lahaayeen madaxda dowlada.

“Waxaan ku baaqayaa in waxgaradka beesha Murusade iney ay iskugu yimaadaan kulan si looga tashado aayaha beesha, laguna bedelo dhamaan xildhibaanada beesha ku metelaya baarlamanka maadaama ay gudan waayeen waajibaadkii loo xilsaaray” ayuu intaa ku daray C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro).

20 dhaqdhaqaaq oo England Primier League ka dhici kara marka uu Janaayo Suuqu Furmo.

Warbixintaan waxaan ku eegeynaa ciyaartoyda ay macquulka tahay inay kooxahooda ka tagaan bisha Janaayo marka uu suuqu furmo, iyadoo koox walba ay xiligaan sii diiwaan gashaneyso xidigii ay lasoo wareegi laheyd Janaayo maadaama uu keliya suuqu furnaanayo hal bil.

Waxaan la kaashaneynaa warbixintaan oo aan kasoo turjunay wargeyska Caught Offside oo ah wargeys inta badan diirada saara dhacdooyinka suuqa kala iibsiga.

Aan ku bilowno:

1: Wilfried Zaha: Crystal Palace ayuu ka tegayaa isagoo ku biiri kara Arsenal

Tababare Arsene Wenger ayaa da’yarkaan u arka inuu ku bedelo Walcott, Zaha oo 100 kulan u saftay Crystal Palace waa 19 jir sida uu rumeysan yahay Wargeyska Daily Mail da’yarkaan ayaa doonaya inuu ku biiro kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

2: Klaas-Jan Huntelaar: Schalke ayuu ka huleelayaa isagoo ku biiraya Liverpool

Sida uu qoray wargeyska CalcioMercato Liverpool ayaa 6 milyna oo ginni ku rabta weeraryahanka Schalke  Klaas-Jan Huntelaar, waxayna Reds dooneysaa inay ku kabto weerarkeeda jilicsan.

3: James Rodriguez: FC Porto ayuu kasoo dhaqaaqayaa xilli uu u socdo Man United

21 jirkaan u dhashay Dalka Colombia James Rodriguez ayaa waayo hurumar leh dhex mushaaxayey tan iyo markii uu FC Porto kaga soo biiray kooxda reer Argentine ee Banfield. Sir Alex Ferguson ayaana u arka bedelka haboon ee Luis Nani. Ka dib markii uu xidigaani Porto ka caawiyey guulaheedii laba horyaal oo is xiga iyo Europa League 24 gool ayuuna shabaqa geliyey 72 kulan oo qura.

4: Radamel Falcao: Atletico Madrid ayuu kasoo hayaamayaa isagoo aadaya Chelsea.

TransferMarketWeb ayaa tebinaaya in Chelsea ay diyaar u tahay inay 80 milyan oo euro una dhiganta 64 milyan oo ginni oo ay xidga ku rabto Atletico Madrid kula soo wareegto Radamel Falcao xilli qiimahaas lagu burburin karo qandaraaskiisa.

5: Toby Alderweireld: Ajax ayuu kasoo hayaamayaa waxaana looga gacan haatinayaa Tottenham

Toby Alderweireld waa xidig da’yar oo tayo leh daafacaan ayaana si fiican uga dhex muuqaday kooxdiisa tan iyo  markii uu Jan Vertonghen ka dhaqaaqay kooxda, Andre Villas-Boas ayaana diyaar u ah inuu daaficiisa halbowlaha ku kabo.

6: Daniele De Rossi: Roma ayuu ka socdaa waxaan si aad ah u rabta Man City

Roberto Mancini ayaa aad ula dhacsan qaab ciyareedka burburiyahaan 29 jirka ah wuxuuna doonayaa inuu booskaas isaga dhiso maadaama ay wax ka qaban waayeen Javi Garcia iyo Jack Rodwell uuna khibrad fiican u leeyahay kabtanka labaad ee Rome.

7: Lewis Holtby: Schalke ayuu kasoo dhaqaaqaya waxaana u baahan Arsenal

CalcioMercato ayaa werinaaya in Arsenal ay si aad ah ugu baahan tahay ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Schalke Lewis Holtby. Kooxda ka dhisan waqooyinga London ayaa 22 jirkaan u aragta saxiixooda koowaad ee Janaayo. Schalke ayaana ku xajin doonta inuusan gacmahooda uga bixin beeca xorta ah.

8: Victor Wanyama: Celtic ayuu kasoo kaba qaadanayaa wuxuuna u socdaa Man United

Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu burburiyahaan Wanyama isaga dhiso booska daafac la jooga qadka dhexe maadaama uusan u heysan ciyaaryahano tayo leh, 21 jirkaan ayaan lagu amaanaa booskaas.

9: Mathieu Debuchy: Lille ayuu ka socdaa waxaana uu ku biirayaa Newcastle United

Alan Pardew ayaa 27 jirkaan daafaca dadabka midig  Mathieu Debuchy bilo daba joogay wuxuuna doonayaa inuu saxiixiisa soo afjaro bisha Janaayo.

10: Loic Remy: Marseille ayuu ka socdaa waxaana lala xiriirinayaa Chelsea

TuttoMercato ayaa werinaaya in Chelsea ay Janaayo soo qaadaneyso weeraryahanka Marseille Loic Remy waase hadii aysan helin weeraryahanka Atletico Madrid Radamel Falcao. 25 jirkaan heerka caalami ee dalka France ayaa laba sano oo uu joogay Stade Velodrome wuxuu dhaliyey 22 gool 17 kalena caawiye ayuu ka ahaa.

11: Theo Walcott: Arsenal ayuu ka dhaqaaqayaa wuxuuna u socdaa Liverpool

Theo Walcott ayaa diiday inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxda Emirates Stadium, 23 jirkaan reer England ayaana laga yaabaa inuu ka tago Gunners waxaana si aad ah u dooneysa Reds.

12: Rio Ferdinand: Man United wuxuu ku laabanayaa kooxdiisii hore ee West Ham

West Ham ayaa dooneysa inay is dhisto ayna soo qaadato ciyaaryahano magacyo waa weyn ka dib Andy Carroll iyo Alou Diarra. Waxaana la ogyahay inay si aad ah u dooneyso inay soo xareysato daafaca damve ee Man United Rio Ferdinand.

13: Andre Schurrle: Bayer Leverkusen ayuu ka tegayaa wuxuuna ku biiraa Chelsea

Inay Chelsea xiiso u qabto Andre Schurrle horaanba waa la ogaa belse waxaa laga soo diiday dalab 20 milyan oo ginni ah xagaagii Roberto Di Matteo ayaana doonaya xidiga heerka caalami ee dalka Germany inuu kusoo biirsho kooxda Stamford Bridge.

14: Mario Balotelli: Man City ayuu ka tegayaa wuxuna ku biiraa kooxda uu taageeraha u yahay AC Milan

Mario Balotelli ayaa waxaa in badan dooneysa kooxda Milan kama dambeysta waxay rabaan inay weeraryahanka kasoo dhaqaajiyaan Manchester City. Milkiilaha Milan Silvio Berlusconi ayaana doonaya inuu xidigaan mar uun keeno San Siro.

15: Andrei Arshavin: Arsenal ayuu k tegayaa wuxuuna u socdaa Reading

Hadii ay Reading dalab u dirto 31 jirkaan Arsene Wenger ayaa aqbali kara inuu Gunners ka diro weeraryahankii hore ee Zenit.

16: Brede Hangeland: Fulham ayuu ka huleelayaa wuxuuna u socdaa Man United

Man United ayaa aragta horumarka uu daafaca ka sameynayo Brede Hangeland dhowaanahaana waa lala xiriirinaayey daafaca dambe ee Fulham waxayna dooneysaa inay soo qaadato Janaayo.

17: Demba Ba: Newcastle United ayuu ka dhaqaaqayaa wuxuuna u socdaa Liverpool

Tababare Brendan Rodgers ayaa doonaya inuu Liverpool ka dhiso weerarka ka hor inta uu Fabio Borini si fiican ula qabsanaayo Premier League waxaana laga yaabaa inuu Janaayo soo dhaqaajiyo weeraryahanka  Newcastle United Demba Ba.

18: Tom Ince: Blackpool ayuu ka socdaa waxaana lala xiriirinayaa Tottenham

Wiilka ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe dalka England Paul Ince, Tom ayaa sedax sano la joogay Liverpool ka hor inta uusan u dhaqaaqin Bloomfield Road 20 jirkaan ayaana lala xiriirinayaa inuu u baqoolo White Hart Line bisha Janaayo.

19: Fernando Llorente: Athletic Bilbao ayuu ka socdaa wuxuuna ku biiraa Arsenal

Wakaalada dalka Germany 4-4-2.com ayaa rumeysan in Arsenal ay si aad ah ugu diyaar garawday inay Fernando Llorente lasoo wareegto bisha Janaayo marka uu suuqu furmo. Athletic Bilbao ayaana diyaar u ah inay aqbasho dalab ah 15 milyan oo euro una dhiganta 12 milyan oo ginni.

20: Michael Dawson: Tottenham ayuu ka dhaqaaqayaa wuxuuna u socdaa QPR

QPR ayaa lasoo werinayaa inay diyaar u tahay inay 9 milyan oo ginni kula sooo saxiixato daafaca dambe ee Tottenham Michael Dawson, heshiis shaqsi ah ayeyna la gaartay 29 jirkaan oo ay ku adkaatay inuu boos ka helo kooxda Andre Villas-Boas, tababare Mark Hughes ayaana doonaya inuu kasoo wato daafaca dalka England kooxda ku ciyaarta White Hart Line.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.