27 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Man City oo heshay albaab ah kala bixi karto xidiga Rome Daniele De Rossi.

Manchester City ayaa fursad u heshay inay iibsan karoodaan xidig ay waayo badan baadi goo ugu jireen ka dib markii mid ka mid ah Shareholders-ka Rome uu qirtay inay kooxdu iska iibineyso Daniele De Rossi ayna geleyso ganacsi is biimeyn ah. Sida uu qoray wageyska Caught Offside.

Waxaa lasoo jeedinayaa inay Giallorossi xidigaan ku iibin karto 47 milyan oo ginni. Waana fursad ay u riyaaqeyso kooxda Etihad Stadium oo in badan baacsaneysay xidigaan.

Markii wax laga weydiiyey Shareholder-ka wuxuu u sheegay Il Messaggero: “Waxaa weeye ismiidaamin ganacsi ku guul darreysiga iibinta De Rossi.”

Warsidaha talkSPORT ayaa sheegaya in macalinka Sky Blue Roberto Mancini uusan ku aamin qabin xidigaha burburiyeyaasha ah ee uu sanadii hore lasoo wareegay sida Javi Garcia iyo Jack Rodwell, uuna doonayo inuu kooxda Etihad Stadium qadkeeda dhexe ku xoojiyo xidiga Rome.

Wuxuu kooxdiisa u saftay 400 oo kulan 12 sano oo uu ku sugnaa Stadium Olimbico. De Rossi ayaana kooxdiisa ka caawiyey guulo wax ku ool ah balse waayadaan oo ay Rome weysay booskeedii Champions League uma muuqato mid ceshan karta xidigaan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Baro Toban ciyaaryahan oo Brazil ah oo ay ku dagaalamayaan kooxaha Yurub (Top Ten)

Da’yarka kasoo jeeda dalka Brazil ayaa aalaaba waxaa si aad ah u baacsada kooxaha waa weyn ee ka dhisan Qaarada Yurub waxaan qormadaan idinkugu soo gudbineynaa 10 ciyaaryahan oo ay macquul tahay in sida  ugu dhaqsaha badan ay kooxahoodu ku waayaan kuwaas oo si aad ah looga doonayo Yurub marka uu furmo suuqa kala iibsigu.

1. Neymar – Santos

Xidigaan da’yarka ah ayaa qeyb libaax ka ciyaaray wayaadii dambe guulaha ay gaareyso kooxdiisa Santos waxaana xiiseynaya kooxaha ugu tunka weyn Yurub, wuxuu kooxdiisa ku hugaamiyey guusheedii Horyaalnimada LIbertadores isagoona ku guuleystay abaal marinta FIFA goal of the year. Wuxuu kooxdiisa u dhaliyey 36 gool 57 kulan oo uu u saftay labadii sano ee lasoo dhaafay isagoona xulkiisa u dhaliyey 13 gool 23 kulan oo uu u ciyaaray.

Kooxaha ay macquulka tahay inuu u dhaqaaqo: Manchester United, Barcelona, Real Madrid ama Chelsea.

 

2. Leandro Damião – Internacional

 

Wuxuu labadii sano ee lasoo dhaafay bandhig cajiib ah ka sameynaayey weerarka oo uu xidigaani si aad ah ugu wanaagsan yahay, 23 jirkaan ayaana magaciisa ku xardhay 18 gool 36 kulan oo uu ciyaaray sanadii hore marka lagu daro goolashiisa Horyaalka iyo Libertadores. Wuxuuna kor usii qaaday sanadkaan isagoo celcelis ahaan dhaliyey kulankiiba hal gool, halka uu xulkiisa 13 gool u dhaliyey 22 kulan oo uu u saftay.

Waxaa la rumeysan yahay inaysan kooxdiisu 20 milyan oo ginni wax ka yar ku iibin doonin.

Kooxaha ay macquulka tahay inuu ku biiro: Juventus, Arsenal ama Tottenham.

 

3. Paulo Henrique Ganso – São Paulo

Ganso ayaa dhowaan Santos kaga biiray kooxda ay xafiiltamaan ee São Paulo iyadoo loo maleynaayey inuu u dhaqaaqo Yurub labadii sano ee lasoo dhaafay ma aysan noqon mid dhacda.

Si kastaba, ma u muuqdo in weli ay ka quusteen kooxaha Yurub waxaana dhowaan ay u dirayeen wakiilo soo daawada.

Kooxaha ay macquulka tahay inuu u dhaqaaqo: Tottenham Hotspur ama Barcelona.

 

 

4. Dedé – Vasco

Waa daafac dhexe oo qaab ciyaareedkiisu soo jiitay kooxo badan oo Yurub ah, Dedé oo jir ahaan xoogan ayaa booskiisa labadii sano ee u dambeysay ka muujinaayey wax yaabo mucjisa leh waxayna taageerayaasha kooxdiisu ugu yeeraan ‘O Mito’ oo loola jeedo (Halyeeyga).

Milan iyo Manchester City ayaa lasoo werinayaa inay u direen dalabyo ka bilaabanaya 12-20 milyan oo euro intii lagu jiray xagaaga laakiin Vasco ayaa ka biyo diiday waxaana loo maleynayaa inaysan Janaayo sii ceshan doonin gaar ahaan hadii ay Vasco lumiso booskeeda Libertadores.

Kooxaha ay macquulka tahay inuu u hamaayo: AC Milan ama Manchester United.

 

5. Paulinho – Corinthians

Xidigaan sida aadka ah loogu qiimeeyo burburiyaha ayaa awoodiisa banaanka soo dhigay iyadoo uu 24 jirkaani leeyahay awood uu ku ordo box-to-box waxaana looga gacan haatinayaa Yurub.

Paulinho wuxuu diirada u saarnaa kooxaha ka ciyaara Serie A  Roma iyo Inter iyagoo dalabyo u diray sanadihii tegay. Corinthians ayaana diiday inay lumiso xidigeeda iyadoo ka saxiixatay heshiis sedax sano ah, si kastaba, wuxuu bandhigiisa kor usii qaaday 12kii bilood ee lasoo dhaafay isagoo dhaliyey 8 gool 35 kulan oo uu kooxdiisa u saftay

Kooxaha ay macquulka tahay inuu u hayaamo: Inter Milan, Arsenal ama Chelsea.

 

6. Bernard – Atlético Mineiro

Wuxuu inta badan xilli ciyaareedkaan la ciyaaray waaya aragii kooxda Barcelona kuna can baxay gambisyada quruxda badan Ronaldinho. Bernard ayaana bandhigiisa la yaabka leh ee uu kusoo jiitay shacbiyada faraha badan ku guuleystay sanadkaan, wuxuuna dhaliyey 8 gool halka uu 8 kale caawiye ka ahaa.

Waxaana markiisii ugu horeysay loogu yeeray xulka Brazil kulankii ay la ciyaareen Argentina.

Halkee ayuu ku wajahan yahay: Atletico ayaaba horay u shaacisay inay heshay dalab 11 milyan oo ginni ah oo uga yimid kooxaha Yurub kuwaas oo doonaya xidiga garabka ka ciyaara.

 

7. Fernando – Gremio

Xidigaan ayaa loogu yeeray xulka Brazil ciyaartii Argentina waxaana uu dhaawac ku seegay kulankii saaxiibtinimo ee Iraq. Hada oo uu 20 jirsaday, xidigaan ayaa lagu qiimeeyaa baasaska qurxoon.

Halkee ayuu ku jaheysan yahay: kooxaha Yurub ka dhisan ayaa bilaabay inay isha la raacaan bilihii u dambeeyey, waxaana laga yaabaa inayba u diyaar garoobeen dalab ay u diraan.

 

 

8. Wellington Nem – Fluminense

Nem ayaa kubad caalami ah ciyaaray ka dib markii uu sanad amaah kula soo joogay Figueirense wuxuuna Santa Catarina ka u dhaliyey 9 gool, halka uu caawiye ka ahaa 6 gool 25 kulan oo uu saftay iyagoo ku dhameystay kaalinta todobaad. Xilli ay Fluminense sagaal dhibcood ka sareysay horyalnimdana xaqiijisay iyadoo ay sagaal ciyaar harsan tahay.

Waxaa lagu niinaasaa ‘Brazilian Messi’ oo loola jeedo [Messi-ga dalka Brazil] sedax jeer ayuuna u yeeray tababaraha xulka Brazil Mano Menezes.

Halkee ayuu ku wajahan yahay : Waxaa jira warar sheegaya inay xiiso weyn u qabto Juventus waxaana sidoo kale xidiga garabka ka ciyaara baadi goob ugu jirta CSKA Moscow oo u soo diray dalab rasmi ah laakiin kooxda iyo ciyaaryahanka ayaaba diiday dalabkaas.

 

9. Elkeson – Botafogo

Ciyaaryahanka kasoo baxay akadeemikada Vitória ayaa bedelay qaab ciyaareedkiisii 2011, isagoo Botafogo ku hugaamiyey inay ku dhameysato kala barka horyaalka xilli uu 8 gool dhaliyey 35 kulan oo uu ciyaaray xidiga lagu niinaaso ‘Superclassico’ ayaana loogu yeeray kulankii xulkiisu uu la ciyaaray Argentina.

Halkee ayuu ku wajahan yahay : Xiiso sare ayaa loo muujinaayey xilli ay sanadii lasoo dhaafay Botafogo iska diiday laba dalab oo uga yimid kooxaha ciyaara Italian Serie A Shakhtar Donetsk oo Ukraine ah iyo kooxda Kashiwa Reysol ee ka dhisan Japan.

 

10. Rafael Cabral – Santos

Rafael Cabral waxaa aalaaba lagu daraa xidigaha tayada leh ee usoo baxaya xulka Brazil, goolhayaha Santos ayaana bandhigiisa kor usii qaaday 18kii bilood ee lasoo dhaafay, bandhigaas ayaa keenay in tababaraha xulka Brazil Mano Menezes uu u doorto gool ilaaliyaha NO. koowaad ee ciyaarihii Olimbikada London laakiin dhaawac ayaa soo gaaray nasiib darro taasoo keentay in xulka laga reebo

Halkee ayuu ku wajahan yahay : 22 jirkaan ayaa dhowaanahaan lala xiriirinaayey kooxda Talyaniga ee Palermo iyo kooxda ka dhisan Spain ee Sevilla laakiin Santos ayaan dooneyn inay da’yarkaan goolka qabta si dheel ah ku dirin.

 

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Di Matteo: Waan la yaabay inaysan Chelsea hal ciyaaryahan ku laheyn liiska Fifa Bollon d’Or.

Roberto Di Matteo ayaa daaha ka qaaday inuu la anfariiray ka dib markii ay Chelsea hal ciyaaryahan ku yeelan weysay 23da ciyaaryahan ee u sharaxan abaal marinta Fifa Ballon d’Or.

Weeraryahankii hore ee kooxda Blues Didier Drogba ayaa lagu soo daray liiskaan ka dib bandhigiisii cajiibka ahaa ee uu sameeyey 12kii bilood ee lasoo dhaafay, laakiin Di Matteo ayaa qaba inay aheyd inay helaan ciyaartoy intaas ka badan marka loo fiirsho guushoodii Champions League.

“Taas in yar ayaan ka xumaaday sababtoo ah waxaan nahay kooxdii ku guuleysatay Champions League waxaad fileysaa in lagu abaal mariyo bandhiga ciyaaryahanadeena,” ayuu yiri isagoo la hadlaayey website-ka rasmiga ah ee Chelsea.

“Wey adagtahay in halmar sharaxaad laga bixiyo. Ma hubo hadiisan safan kulamo badan oo caalami ah si wanaagsan.”

Di Matteo ayaa lagu daray liiska 10-ka macalin ee u sharaxan tababaraha sanadaka ee Fifa ka dib markii uu 42 jirkaani kooxdiisa ku hugaamiyey inay markoodii ugu horeysay taariikhda qaado Uefa Champions League.

Hadii weeraryahanka Barcelona Lionel Messi uu abaal marintaan ku guuleysto wuxuu noqon doonaa xidigii ugu horeeyey ee ku guuleysta afar mar oo isku xigta.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Man United oo dooneysa da’yarka dalka Germany Lars Bender.

Manchester United ayaa diiradu u saaran tahay ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen Lars Bender, sida laga soo xigtay majalada 4-4-2.com ee kasoo baxda Jarmalka Sir Alex Ferguson ayaana markaan qaatay in lala xiriiriyo xidiga heerka caalami ee dalka Germany.

23 jirkaan qadka dhexe ayaa horumar muuqda ka sameynaayey kooxda Bundesliga ciyarta ee Bayer Leverkusen wuxuuna soo jiitay indhaha kooxo badan oo xiiseynaaya. Ka dib markii uu qaab ciyaareed wanaagsan kasoo bandhigay BayArena sedaxdii sano ee lasoo dhaafay taasoo keentay in loogu yeero xulka Tababare Joachim Low.

Lars Bender ayaa ah ciyaaryahan qad dhexe kaasoo awooda inuu ciyaaro box-to-box waxaana uu si aad ah uga soo dhex dhalaalay kooxda Sami Hyypiä xilli ay xiiseyneyso Bavarian.

Ferguson ayaa waayadaan u batay inuu soo iibsado xidigaha da’yarka ah isagoo horay Old Trafford u keenay David de Gea, Phil Jones, Chris Smalling iyo Javier Hernandez halka uu sanadaan kooxda kusoo biirshay Nick Powell iyo weeraryahanka reer Chile Angelo Henriquez.

Mataanka Lars, Sven ayaa isna u ciyaara kooxda Borussia Dortmund.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Beesha Karanle Hawiye oo u digtay Madaxda Dowladda Somalia.

Beesha Karanle Hawiye, ayaa digniin ku siisay madaxda Dowladda Somalia in golaha wasiirada xukuumadda cusub aan laga yareyn 18 wasiir.

Malamihii ugu dambeeyay ayaa warar soo baxay waxa ay sheegayeen in wasiirada cusub lagu koobi doono kaliya 9 wasiir, waxaana taas ka hor yimid dad badan, ayada oo beelo badan aysan heli doonin wasiiro.

Kullan ay maanta ku yeesheen hotelka Safari ee magaalada Muqdisho, ayaa xubnaha beesha waxa ay sheegeen in 9 wasiir ay tahay wax aan la aqbali karin, marka loo eego beelaha Soomaalida ee doonaya inay xukuumadda ka mid noqdaan.

Xubnihii ka qeyb galay kullankaasi, ayaa waxaa ka mid ahaa odayaal ay ku jiraan Suldan Xasan Madoobe, Iimaan Jimcaale iyo Sugule Axmed, oo ugu baaqay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay ka firsadaan oo aysan ku deg degin tirada golaha wasiirada.

Waxa ay sidoo kale ugu baaqeen xildhibaanada baarlamanka inaysan ansixin xukuumad ka kooban 9 wasiir.

Warar shalay soo baxay oo lasoo gaarsiiyay Caasimada Online ayaa sheegaya in beesha Karanle (Murusade), aysan wax wasiir ah ka heli doonin haddii golaha wasirada lagu koobo 9, ayada oo labada wasiir ee beelaha Hawiye ay qaadan doonaan Habargidir iyo Xawaadle.

W/Q: Cabdi Weli Maxamed Ilka Case
Muqdisho, Somalia Tell: 8885943

Messi: Kama tegi doono Barcelona anigoo ku biiraya Paris Saint-Germain.

Lionel Messi ayaa sheegay inaysan qorshaha ugu jirin inuu ku biiro Paris Saint-Germain wuxuuna daaha ka qaaday inuu ku faraxsan yahay nolosha Barcelona.

Kabtanaka xulka Argentina ayaa isniintii cadeeyey inuu ku riyooyano inuu xirfadiisa ciyaareedka ku dhameysto Barca, isagoona aan dheg jalaq u siin dalabka uga imaanaya kooxda ciyaarta Ligue 1 oo aruursaneysa ciyaartoyda caalamka ugu caansan.

“Qorshaha duufsashada Paris Saint-Germain? Maya, maya! Waxaan ciyaartoyda ugu fiican isla joognaa Barcelona. Waxaan xilli ciyaareed walba  dagaalanaa koobab,” ayuu Messi u sheegay France Football.

“Barcelona waa magaalo qurux badan Barca-na waa kooxda kor iisoo qaaday. Daacad ayaan u ahay kumana fikirin inaan ka tago Barcelona.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu , Somalia.

Arsenal oo Man Utd kula dagaalameysa Max Clayton, xilli ay dooneyso Podolski-ga cusub.

Arsenal ayaa Manchester United kula biirtay xiisaha loo qabo 18 jirka weerarka uga ciyaara Crewe Alexandra Max Clayton, sida uu qoraayo wargeyska Metro. Xigaan ayaa 50 kulan u saftay  ka dib markii uu bishii April 2010kii kasoo mid noqday kooxda koowaad.

Manchester United, Liverpool iyo Newcastle ayaa hubinaayey xaaldiisa bilihii lasoo dhaafay laakiin hada waxay u muuqataa inuu ka faa’iideysanaayo tababaraha inta badan dhalin yarta raadsada ee Arsene Wenger.

Si kastaba, Arsenal waxay diyaar u tahay inay Janaayo gacanta kusoo dhigto xidigaan tababare Arsene Wenger ayaana wakiilkiisii hore ee Pat Rice u diray si uu usoo daawado Clayton.

Dhanka kale Arsenal ayaa dooneysa inay soo xareysato xidiga reer Jarmal ee lagu sheego inuu yahay Lukas Podolski-ga cusub Serge Gnabry oo 17 jir ah.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu , Somalia.

 

Dad loo qabtay dilka Abwaan Warsame

Dad badan oo lagu eedaynayo inay dileen Abwaan Warsame Shire Cawaale oo xalay kooxo hubaysan ay ku dileen degmada Waabari ayaa maanta gacanta lagu dhigay.

Ciidamada Booliska ayaa howlgalkan oo ay ku qaadeen Waabari  waxaa ay ku soo qabatay dad dambiyo kala duwan lagu haysto.

Qaar kamid ah raga howlgalkan lagu soo xiray ayaa waxaa looga shakinayaa inay kulug lahaayeen dilka Abwaan u shaqaynayay Idaacada Kulmiye.

Saraakiisha Dowlada ayaa daboolka ka qaaday in ragan ay ku hayaan Baaritaan ayna soo saari doonaan xaqiiqda jirta.

Sidoo kale waxaa howlgalkan Ciidamada Booliska ay ku xireen dhowr qof oo lagu helay Waxyaabaha Maanka dooriya oo Mudo badan ay ka ganacsan jireen.

Meelihii Muqaadaraadkan lagu iibin jiray ayaa waxaa guud ahaan la wareegay Booliska halkaas ay ku jireen Qamri badan.

Garsoore Lee Mason oo dhex dhexaadin doona kulanka Arbacada Chelsea vs Man United.

Garsoore Lee Mason ayaa gacanta loo gelshay inuu Firimbiga u qaato kulanka Chelsea vs Manchester United ee arbacada ka dhici doona Stamford Bridge.

Tababaraha kooxda United Sir Alex Ferguson ayaa ka dib ciyaartii axada isagoo qoslaya wuxuu yiri: “Nasiib ayaan ku laheyn Garsooraha”. Xilli ay ciyaar aan jawi hagaagsan ku dhamaan dhex martay labada koox.

Waxaana Mason laga sugi doonaa inuu garsooro kulanka wareega afaraad ee Capital One Cup ay United ku qaabili doonto Chelsea.

Waxay imaneysaa ka dib sedax maalmood markii ay Chelsea cabasho rasmi ah ka gudbisay Garsoore Mark Clattenburg kasoo saameyn weyn ku yeeshay kulankii ku idlaaday 3-2, ka dib markii uu kaarka cas u taagay daafaca Chelsea Branislav Ivanovic iyo weeraryahankooda Fernando Torres.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu , Somalia.

Askari ka tirsan ciidamada Dowladda oo dhacdo xun Muqdisho ka geystay.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta dad ku laayay Magaalada Muqdisho ka dib markii uu risaas  ku furay.

Shilkaan askariga uu dadka shacabka ku waxyeelay ayaa waxaa uu yimid markii gaari uu saarnaa ay ku dhex wada  murmeen Wadihii gaariga.

Dad goobjoogayaal ah oo gaariga saarnaa ayaa waxaa ay sheegayaan in Askariga gaariga uu qabsaday kadibna dadkii shacabka ay isku dhaceen waxaana uu Wadaha uu ka dalbaday in gaariga uu uga dago  Askariga kadibna uu Risaas ku faray gaariga.

Wadada KM4 ayuu ku risaasadeeyay dadkaan waxaana ku dhintay hal ruux,sadax kalana waa ayku dhaawacmeen.

Arintaan ayaa Imaanaysa Xili Dowlada Soomaaliya ay sheegayso in gacanta ay ku dhigi doonto Askarigii wax dila.

Diego Maradona oo looga gacan haatinaayo inuu Tababare u noqdo kooxda Blackburn.

Gudoomiyaha kooxda Blackburn Shebby Singh ayaa doonaya inuu dalab u diro halyeeygii reer Argentina Diego Maradona kaasoo uu doonayo inuu ka dhigo macalinka cusub ee kooxda.

Singh ayaa ulajeedkiisu yahay inuu helo ninkaan aan nasiibka ku laheyn xilkaan ka dib markii uu ku guul darreystay inuu Tim Sherwood  kasoo dhaqaajiyo Tottenham uuna burburay heshiiskii uu caawiyaha Fulham Billy McKinlay ku keeni lahaa Ewood Park.

Hada, ayuu ninka reer Malaysia u jeestay inuu la kulmo Maradona, kaaso xor u ah inuu leyliyo kooxdii uu doorto ka dib markii uu ha huleelay kooxda Al Wasl.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu , Somalia.

Nani oo mar kale diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa Manchester United.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee u dhashay dalka Portugal Luis Nani ayaa hoos u dhigay dalab cusub oo ay Manchester United dooneysay inay qandaraaska ugu kordhiso, sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

25 jirkaan ayaa ku socda wadadii ka bixin laheyd Old Trafford ka dib markii uu shank u kulan ciyaaray 13 kulan oo ay kooxdiisu dheeshay xilli ciyaareedkan waxaana keydka la cabsiiyey kulankii ay United 3-2 ku dubtay Chelsea.

Xidiga ayaa isbuucii lasoo dhaafay shaki geliyey mustaqbalkiisa ka dib markii ay kooxdiisu gul ka gaartay Braga, wuxuuna sheegay in keliya Ilaah ogyahay inuu kooxda la sii joogayo ama in kale.

Laacibkan ayaa lala xiriirinaayey inuu Janaayo u dhaqaaqo Zenit St Petersburg laakiin waxaa lasoo sheegaya in laga diiday 25 milyan oo ginni ka dib markii uu muran galay mushaarkiisu.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu , Somalia.

Atletico Madrid oo dooneysa inay qandaraaska u kordhiso Falcao, xilli ay dooneyso Chelsea.

Atletico Madrid ayaa rajo ka qabta inay soo afjarto xiisaha Chelsea ay u heyso weeraryahan Falcao iyagoo xidiga reer Colombia ka dalbanaaya inuu la galo qandaraas cusub, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Milkiilaha kooxda Blues Roman Abramovich ayaa diyaar u ah inuu la kulmo xidigaan lagu qiimeeyo 46 da milyan ee ginni uuna Janaayo kusoo biiriyo kooxda halka 26 jirkaani uu baahi u qabo inuu u baqoolo Stamford Bridge Stadium.

Falcao ayaa keliya Atletico kusoo biiray xagaagii lasoo dhaafay wuxuuna qandaraaskiisu dhacayaa 2016ka, laakiin kooxda ayaa rajo ka qabta inay heshiiska kor ugu qaadaan iyagoo rajo ka qaba inay sii heystaan sida uu qabo warsidaha talkSPORT.

Heshiis cusub oo ay la galaan mid ka mid ah weeraryahanada caalamka ugu fiican waqtigaan ayaa sababi doonta inaan qiimo jaban farahooda looga bixin xidigaan gool ma gafaha ah.

Ciyaaryahankii hore ee kooxaha Porto iyo River Plate ayaa ku raaxeystay xilli ciyaareed taariikhi ah, wuxuuna xilli ciyaareedkaan shabaqa soo taabtay 13 jeer halka uuba gool ku lahaa kulankii axada ay kooxdiisu 3-1 kaga talaabsatay Osasuna.

Falcao ayaa loo arkaa xidig uu doonayo tababare Roberto Di Matteo inuu mar uun xirto maaliyada Chelsea halka milkiilahoodu uu arko inuusan dooqooda koowaad ee weerarka Fernando Torres uusan dhameystirin baahidooda weerarka.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu , Somalia.

23ka ciyaaryahan ee u sharaxan abaal marinta Fifa Ballon d’Or 2012 oo lagu dhawaaqay.

Xidigaha u sharaxan abaal marinta Fifa Ballon d’Or  2012 ayaa lagu dhawaaqay iyadoo 12 ka mid ah 23kooda ay ka ciyaaraan Horyaalka Spain ee La Liga.

Lionel Messi oo abaal marintaan doonaya inuu qaato markeedii afaraad oo isku xigta ayaa la filayaa inuu tartan xoogan kala kulmo Xidiga Real Madrid Cristiano Ronaldo oo kooxdiisa sanadii hore u qaaday Horyaalka Spain. Waxaa sidoo kale ku jira Mesut Ozil, Iker Casillas, Karim Benzema, Xabi Alonso iyo Sergio Ramos oo dhamaantood u ciyaara Real.

Sedaxda ciyaaryahan ee isugu soo haray abaal marinta waxaa lagu dhawaaqi doonaa 29ka November.

23ka ciyaaryaahan ee isgu soo haray tartanka Ballon d’Or Waa Sida Tan:-

1: Sergio AgueroManchester City
2: Mario BalotelliManchester City
3: Karim BenzemaReal Madrid
4: Gianluigi BuffonJuventus
5: Sergio BusquetsBarcelona
6: Iker CasillasReal Madrid
7: Didier DrogbaShanghai Shenhua
8: Radamel FalcaoAtletico Madrid
9: Zlatan IbrahimovicParis Saint-Germain
10: Andres IniestaBarcelona
11: Lionel Messi Barcelona
12: Manuel Neuer Bayern Munich
13: NeymarSantos
14: Mesut Ozil Real Madrid
15: Gerard Pique Barcelona
16: Andrea Pirlo Juventus
17: Sergio Ramos Real Madrid
18: Cristiano Ronaldo Real Madrid
19: Wayne Rooney Manchester United
20: Yaya Toure Manchester City
21:Robin van Persie Manchester United
22:Xabi Alonso Real Madrid
23:Xavi Hernandez Barcelona

Waxaana la filayaa in xaflada abaal marita lagu bixinaayo ay Janaayo Todobadeeda 2013ka ka dhacdo magaalada Zurich eee caasimada u ah Switzerland.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu , Somalia.

Madaxweynaha iyo Xildhibaanada oo ay ka dhex tafan tahay. “XOG”

Dowladda Somalia, waxa ay jirtaaa wax ka yar 2 bilood, haddana wararka naga soo gaaraya, ma ahan kuwa la mahdiyo, oo waa khilaafyo wada curdun ah.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweynaha iyo xubnaha baarlamanka ay ka dhex tafan tahay sababo la xiriira arrinta miisaaniyadda Dowladda.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Onlineu sheegay in madaxweynaha uu diiday inuu saxiixo miisaaniyaddii ay xildhibaanada ansixyeen, isaga oo qaadacsann mushaharka xildhibaanada.

Xildhiibanada ayaa gacantooda ku qortay mushahar bishii ah 2000 oo dollar xildhibankiiba.

Waa lacagtii ugu badneyn ee xildhibaan uu qaato. Xildhibaanada Baarlamankii madaxweyne Cabdullahi Yusuf AUN, waxa ay qaadan jireen 1000 dollar, waxaana laga dhigay 750, markii lagu biiriyay 250 xildhibaan oo ahayd kooxdii Shariif Axmed.

Madaxweynuhu wuxuu ku dooday in 2000 ay tahay lacag badan, dowladdana aysan awoodin, xilli ciidanka qaranka mushahar loo la’ yahay.

Guddoomiyaha baarlamanka uu arrintaas kala hadlay, ayaa isna ku adkeystay in 2000 ay tahay lacag aan badneyn, marka la eego qarashka ku baxaya xildhibaanka.

Ilaa iyo hadda madaxweynuhu wuxuu ku adkeysanayaa inuusan saxiixi doonin miisaaniyadda illaa lacagta mushaharka xildhibaanka wax laga dhimo.

Xildhibaanda ayaa iyaguna ku goodiyay in haddii aanu madaxweynaha ansixin miisaaniyadda, ay ka aar gudan doonaan xukuumadda uu soo dhisayo ra’iisul wasaare Saacid, oo ay ku ridi doonaan baarlamanka.

Illaa iyo hadda ma jirto cid soo kala dhex gashay labada dhinaca.

Wixii soo kordha kala soco Caasimada Online.

Axmed Diiriye oo hal arrin ugu baaqay ra’iisul wasaare Saacid.

Xili Isbuucan gudihiisa laga yaabo in Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu soo dhiso ayaa waxaa wali soo badanaya baaqyada loo jeedinayo Dowlada Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho ayaa u jeediyay dowlada Madaxwaynaha Xasan Sheekh Maxamuud  baaq  ku aadan xukuumada uu soo dhisaya Mr Saacid.

Axmad Diiriye Cali oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ayaa ugu gacan haatiyay Rai’iisul Wasaare Saacid in xukuumada uu soo dhisayo  in Wasiirada aan laga yarayn 18.

Nabadoonkan ayaa sheegay inay muhiimtahay in Isbadal uu yimaado kaas oo Mira dhala ,waxaana uu dhanka kale uu sheegay in lasoo dadajiyo dhismaha Xukuumada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa war sir ah oo la helayo waxaa uu sheegayaa in dhamaadka todobaadkan uu ku dhawaaqi doono xukuumadiisa.

Shalay ayay ahayd markii uu sidoo kale baaq noocan ah jeediyay Maxamed Xasan Xaad oo isna ka tirsan odayaasha beelaha Hawiye.

Wasiiradii oo la kala qaatay + Beelo waa weyn oo daaqadda ka baxay + Tirada + Goorta lagu dhowaaqayo.

Warar na soo gaaray ayaa sheegaya in golaha wasiirada cusub lagu dhowaaqi doono maalinta arbacada ah, kadib markii ugu dambeyn la isku raacay tiradooda.

Loolaankii u dhaxeeyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee ku aadanaa tirada golaha wasiirada, ayaa la sheegay in ugu dambeyn uu ku adkaaday madaxweynaha oo laga dhigay kaliya 9 wasiir.

Waxaa sidoo kale la magacaabi doonaa 9 wasiir ku xigeen iyo 4 wasiiru dowle.

Wasaarad walba waxaa hoos iman doontaa illaa afar wasaaradod, si loo dhiso dowlad aad iyo aad u kooban, balse tayo leh sida madaxweynuhu ku dooday.

Tani macanheedu waxa ay tahay in beelo badan oo waa weyn ay wasiir la’aan ku dhacday oo ay daaqadda ka baxeen.

Beelaha Hawiye, waxaa ugu weyn oo wasiir la’aan noqon doona beesha Murusade, inkasta oo Abgaal aysan heleyn wasiir, balse ayagu ay heystaan madaxweyne, oo aanay dacwad qabin.

Hawiye waxa ay heleen laba wasiir, waxaana kala qaatay Habar Gidir ( Sacad) iyo Xawaadle.

Jagada Habar Gidir waxaa loo magacaabi doonaa Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo ka tirsan kooxda Damul Jadiid ee madaxweynaha, waana wasiirka arrimaha gudaha, amniga iyo qaranka.

Beelaha Daarood waxaa heli doona Majeerteen iyo Ogaadeen, waxaana daqaada ka baxay beelo ay Dhulbahante ugu weyn yihiin, inkasta oo Mareexaan ayagu ay heystaan ra’iisul wasaare oo aysan dacwad qabin.

Beelaha dir waxaa qaatay Isaaq Habar Jeclo, oo gabar kasoo jeedo loo magacaabi doono wasiiraka Arrimaha, dibedda, xiriika caalamiga ah iyo qorsheynta qaranka.

Beesha kalena waa Dir Biyamaal, oo aan helin qofka ay soo dirsadeen.

Digil iyo Mirifle, waxa la kacay Leesaan iyo  Bagadi, sida aan xogta ku helnay.

Beesha Shanaad, waxaa soo gaaray hal wasiir, waxaana qaadan doona hogaamiyaha ruuxiga ah ee kooxda Damul Jadiid, Faarax Cabdul Qaadir, oo loo magacaabi doono Wasiirka waxbarshada hiddiha iyo tacliinta sare. Waxa uu kasoo jeedaa reer Aw-Xasan.

Xildhibaano badan ayaa ka carreysan arrintan, waxaana ay ku hanajbeen inaysan dowladda ansixin ka heli doonin baarlamanka.

Wixii kusoo kordha ee xog ah nagala soco dhowaan insha allah.

Qorshooyin culus oo laga damacsan yahay suuqyada Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir, ayaa shaaca ka qaaday inay kula tala jiraan qorshooyin culus oo laga damacsan yahay suuqayada iyo ganacsiga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dib loo soo celin doono dhismayaasha suuqyadii qaddiimiga ahaa ee magaalada.

Isaga oo la hadlayay mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho, ayaa Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxa uu ku warramay inay goor horeba dhiseen suuqayada Waaberi iyo Hodan, inkasta oo kan Hodan uusan weli shaqo billaabin, ayna dhisi doonaan kuwa kale oo badan.

Waxa kale oo sheegay in waxa laga qaban doono waxa uu ugu yeeray nidaam darrada ganacsi ee ka jirta qaar ka mid ah suuqyada magaalada.

“Ma sii arki doontid dad ku ganacsanaya waddooyinka, waxaana dhammaantood loo sameyn doonaa goobo ganacsi oo ku dhex yaala suuqyada Muqdisho” ayuu yiri Tarsan.

Abwaan Warsame Shire oo la aasay.

Allaha Unaxariistee waxaa maanta Muqdisho lagu aasay Marxuum ahaahana Abwaan soomaaliyeed oo si wayn looga yaqiinay Fanka Soomaaliya iyo Muqdisho.

Aaska Marxuum Abwaan Warsame Shire ayaa waxa ka qaybgalay Fanaanin ,Wariyaal iyo qaybaha kala duwan ee shacabka oo ka tiiraanyooday geeridiisa.

Dad aqoon u lahaa abwaanka oo goobta ka hadlay Sida Awdaanko ayaa waxaa uu sheegay in Marxuumka uu ahaa mid lagu xasuusto sheekooyin badan uu sameeyay,isagoo dhanka kale tibaaxay inuu ahaa nin gacantiisa laga nabad gali jiray.

Majaajiliistahan Caanka ah ee Aaw- Daanko ayaa ka dalbaday Dowlada Soomaaliya inay sharciga horkeento kooxihii dilay Abwaanka.

Xalay ayay ahayd markii kooxo hubaysan ku toogteen degmada Waabari Abwaan  Warsame oo u shaqaynayay Raadiyaha Kulmiye.

Haweeney ka tirsaneyd nabad sugidda DF oo Muqdisho lagu dilay.

Hawaneey sida la sheegayo ka tirsanayd Ciidamada Nabad Sugida Dowlada soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay,inkastoo warar badan ay ka soo baxayaan dilkeeda iyo waxaa ay ahayd.

Kooxo ku hubaysan Bistoolado ayaa waxaa ay gabadhan ku dileen gurigeeda hortiisa oo ku yaala xaafada Xamar Jadiid ee Degmada Warta nabada kadibna ay goobta dilka ka baxsadeen.

dilka gabadhan ayaa waxaa sida ay dad indhaha saaray dadka waxdilay waxaa ay inoo sheegeen inay tiradooda gaarayso ilaa labo ruux oo dhalinyara ahaa.

Warar kale ayaa sheegaya in gabadha la dilay ay ahayd qof shacab laakiin ku dhadhawayd ama ay isaku fiicnaayeen ciidanka dowlada maadama uu halkaas ka agdhawaa Fariisin ciidan.

Howlgalo ayaa saakay waxaa ay ka soconayaan xaafada uu dilka ka dhacay waxaana soconaya baaritaano la xiriira dilka gabadha,laakin dilkaan ayaa ka qayb ah qul qulka dhiiga Muqdisho ku daadanaya.