25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Ciyaartoyda isugu soo haray Fifa Ballon d’Or 2012 oo maanta lagu dhawaaqi doono.

Ciyaartoyda 23ka ah ee isugu soo haray abaal marinta laacibka sanadka aduunka Fifa Ballon d’Or 2012 ayaa manta (Isniin) lagu dhawaaqi doonaa, waxaana lasoo sheegayaa in qaabka ay codeyntu  u dhaceyso aan wax laga bedelin.

Waxaa soo baxaayey warar sheegaya in laga yabaa in sharciga codeynta abaal marintaan wax laga bedelo, iyadoo manta daaha laga qaadayo 23da ciyartoy ee sida rasmiga ah isgu soo haray abaal marintaan uu sedaxdii sano ee ugu dambeysay ku guuleysanaayey xidiga Barcelona Lionel Messi.

Majalada bixisa abaal marintaan France Football ayaa daaha ka qaaday in qaabka codeyta abaal marinta uu weli sidiisii yahay, waxaana mar kale codeyn doonaa weriyeyaal caalamka laga soo xulay tababarayaasha xulalka iyo Kabtanada.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Chelsea, Man United iyo Liverpool oo isku heysta daafaca kooxda Genoa Mario Sampirisi.

Chelsea, Manchester United iyo Liverpool ayaa saraakiil daawada u diray 19 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Genoa Mario Sampirisi kulankii ay sabtida wajaheen kooxda AC Milan. Sida uu qoray Wargeyska Daily Mail.

Daafacaan kasoo baxay Akadeemiga kooxda Milan ayaa horay uga ciyaari jiray daacafa garabka laakiin mar dambe ayuu u wareegsaday doorka daafaca halbowlaha.

Xidigaan daafaca ku wanaagsan ayaa kooxdiisa fure uga ahaa daafaca dhexe ee kubad celiyaha waxaana haatan looga gacan haatinayaa Horyaalka England Premier League.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Beesha Hawiye oo soo saartay digniin ku aadan golaha wasiirada.

Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa digniin u jeediyay Dowlada Soomaaliya taas oo salka ku hayso in wasiirada la soo dhisi doono aan la yarayn.

Maxamad Xasan Xaad oo kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa Tibaaxay inaysan noqon doonin wax la aqbali karo in Golaha Wasiirada Cusub tiradooda la yareeyo.

Xaad ayaa carabaabay inuu jiro tuhun wayn oo ah in Wasiirada laga dhigo 9 wasiir ,taasna masoconayso ayuu yiri suuragalna ma noqondoonto.

Qabaa’ilada Soomaalida ayuu sheegay inay aad u badan yihiin,Macquulna aysan ahayn in 9 Wasiir lagu soo koobo.

Maxamad Xasan Xaad ayaa ku nuux nuuxsaday in Xukuumada Soomaaliya ay wali fursad haysato oo ay ka fakirto Golaha Wasiirada ee lagu dhawaaqayo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Saacid ayaa looga fadhiyaa inuu soo dhiso Xukuumadiisa Waqti dhow.

Arrinta Soomaaliya iyo Somaliland oo mar kale laga shiray. (Dhageyso)

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka dhacay kulan lagaga hadlay waxyaabo ay ka mid yihiin sidii loo sii wadi lahaa wadahadalkii u furmay Somalia iyo Somaliland.

Aqoonyahano iyo siyaasiyiin iskaga kala yimi dalal kala duwan ayaa maanta shir laba maalmood soconayaa uu uga furmay magaalada Hargeysa, shirkan ayaa hab cilmiyaysan loogaga dooday xaaladda Geeska Afrika, gaar ahaan sida ay u sii socon karaan wadahadaladii u furmay Somaliland iyo Somalia.

Maxamed Cismaan Fadal oo madax u ah ururka Aqoonyahanka Madaxabanaan ee SORADI oo kulankan soo abaabulay, ayaa uga wrabixiyay idaacadda VOA-da.

Dhageyso Wareysiga kulanka Hargeysa.

Caqabado hor leh oo hor istaagay dhismaha golaha Wasiirada cusub.

Beelaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa diidmo xoogan iyo muran ka keenay xubno la sheegay inuu ra’iisul wasaare Saacid u doortay inay xilal ka qabtaan golaha wasiirada, taasi oo dib u dhac ku keentay in si rasmi ah loogu dhowaaqo golaha wasiirada.

Muranka beelaha ayaa salka ku haya xulashada ra’iisul wasaaraha ee ah in dad isaga uu doonayo uu jagooyin siiyo, halka beelaha qaarna ay ku doodayaan in ayaga loo madax baneeyo in cidda ay doonayaan ay la yimaadaan.

“Inkasta oo beelaha wax diidan la siiyay xubno wasiiro ah, haddana waxa ay ka qeyliyaan in dad ay wataan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha magacooda wax lagu siiyay, waxayna doonayaan in xubnahooda ay ayaga soo xushtaan” ayuu yiri mas’uul dowladda ka tirsan oo la halday Caasimada Online.

Xubnahaas badankood ayaa ka socda bulshada rayidka, halka qaar kalena ay ka yimaadeen kooxda Dam Jadiid, sida aan xogta ku helnay.

Warar kale ayaa sheegaya in beelaha qaarkood loo ogolaaday in ayaga ay soo xushaan xubnahood, halka qaar kalena laga diiday, waana taas sababta ku dhowaaqsita golaha wasiirada ay waqti u qaadaneyso, dib u dhacyo badanna ay ugu yimaadeen.

Waxaa sidoo kale muran keenay haweenka oo kaliya hal wasiir loo qoondeeyay.

“Waxaan dowlada ku leenahay 30%, hase yeeshee waxaa golaha wasiirada ku jirta kaliya hal haween, sida ku cad liis horu dhac ah” ayay tiri mid ka mid ah haweenka Bulshada Rayidka ah oo intaas ku dartay “Marnaba ogolaan meyno in xaqeena nala duudsiiyo”

Dhinaca kale murankii ka dhaxeeyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee ku aadanaa tirada golaha wasiirada ayaa la dhameeyay, inkasta oo aysan inoo suurta galin inaan helno tirada rasmiga ah.

Sidoo kale waxaan xog ku helnay in kasta oo kooxda madaxweynaha ee Dam Jadiid, aysan heli doonin tiradii ay golaha wasiirada ka filayeen, haddana ay qaadan doonaan xubnaha ugu muhiimsan.

Si kastaba, ra’iisul wasaaraha ayaa wada wada tashiyo xoogan, si uu u xaliyo khilaafyada uguna dhowaaqo golaha wasiirada, waxaana la sheegayaa inuu ugu dambeyn xaliyay muranada kuna dhowaaqi doono golahiisa wasiirada.

43 sano ka hor sidee ayay u ekeyd Hillary Clinton (Daawo Sawirro)

Ka hor inta aysan ka qeyb galin jaamacadda Sharciga ee Yale Law, ka hor inta aysan u guurin gobolka Arkansas, ka hor inta aysan guursan madaxweyne Bill Clinton, ka hor inta aysan noqon senator, ka hor inta aysan noqon marwada koowaad ee Mareykanka, ka hor inta aysan u ordin aqalka cad, ka hor inta aysan noqon xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka, Wax aahayd Hillary Diane Rodham, gabadha ka weyn laba wiil oo walaalaheed ah iyo gabadha waalidiin muxaafad ah oo degan Park Ridge Illinois.

Daawo Sawirro laga qaaday Hillary Clinton 1969-kii, moddo iminka laga joogo 43 sano.

Wariye Tuuryare oo la aasay + Sawiro.

Waxaa maanta Muqdisho lagu aasay Allaha unaxariistee wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo xalay ku geeriyooday Isbitaalka Madiina Magaalada Muqdisho kadib dhaawac kasoo gaaray rasaas dhawaan kooxo hubaysan ay la dhaceen ayaa maanta meydkiisa lagu aasay qabuuro ku yaalo deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Marxuumka Aaskiisa ayaa waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan bahda Saxaafada oo ay kamid ahaayeen shaqaalihii uu la shaqeynaye ee Idaacada Shabeele kuwaasi oo gabi ahaanba muujinaye dareen ku aadan sida ay kaga xun yihiin geerida ku timid Marxuum Tuuryare.

Waxaa Madasha aaska uu ka dhacay ayaa lagu arkaye qaar kamid ah ehelada marxuumka oo ilmaynaye iyo qaar kale oo kamid ah dadweynihii kasoo qeybgalay oo iyana dhankooda sixun kaga walaacsanaa geerida Wariyaha,kuwaasi oo alle uga baryay in naxariistii jano uu ka waraabiyo marxuumka.

Wariye Tuuryare oo maanta la aasayo

Allaha U naxariistee Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasi doonaa Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday Muqdisho.

21 kii bishan ayay ahayd Markii kooxo hubaysan ay wariyaha ku dhaawaceen Degmada Wadajir xiligaa oo la tilmaamay inuu ka soo baxay masaajid ku yaalay xaafada Xaawo Taako.

Qaar kamid ah Wariyaasha Shabelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maydka Marxuumka uu wali yaalo cisbitaalka Madiina ,lana aasi doona maanta sida iyagaba ay ka soo xigteen eheladooda.

Wariye Tuuryare ayaaa waxaa ay sheegeen dadka ay saaxibada ahaayeen inuu ahaa qof dabeecad wanaagsan oo afkiisa iyo gacantiisa laga magan galaya.

Geerida Marxuumkan ayaa waxaa ay ka dhigaaysaa in soomaaliya lagu dilay sanadkan 17 wariye waxaana ugu dambeeyay Wariyihii Laacaanood lagu dilay ee ka tirsan deegaanada Somaliland ay xukunto.

Weriye Tuuryare oo geeriyooday.

Alaha u Naxariiste Wariye Mohamed Mahamuud Tuur yare oo Asbuucii hore Dhaawan culus ay ugu geesteen Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir Kooxo Dableey ah.

Geerida Wariyahaan oo Maalmahaan Dhaawac ahaan u yaalay isbitaal Madiina ayaa waxaa caawa inoo xaqiijiyay Wariye ka tirsan Idaacada Shabelle laguna magacaabo Mohamed Ahmed Jimcaale.

Alaha u naxariistee Wariye Mohamed Mahamuud Tuuryare oo ka tirsanaa Idaacada Shabelle waxuuna qeyb ka yahay Wariyayaasha Sanadkaan gudihiisa dilka loogu geestay magaalada Muqdisho waxuuna ka mid ahaa Tirada Wariyayaasha laga dilay Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka & Wariyayaasha Shabakada Caasimada.com ayaa Tacsi u diraya Ehelada iyo Qoyska uu ka baxay Alaha u naxariistee Wariye Mohamed Mahamuud Tuuryare oo caawa dhaawac ka soo gaaray asbuucii hore Kooxo dableey ah ugu geeriyooday Isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho waxeeyna Marxuumka alle uga baryeyna in uu janatul Fardowsa ka waraabiyo.

Ganacsatada Kismaayo oo jeediyay codsi muhim ah (Dhageyso)

Ganacsatada dhuxusha ee Jubadda Hoose ayaa sheegay in haddii dhuxushan aan hadda la dhoofin ay baaba’ayso, sidaas darteedna shacabkii lahaa looga faa’iideeyo

Maalintii shalay ayey ahayd markii ciidanka Kenya ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM ay codsi u direen Taliska Dhexe ee ciidanka AMISOM, kaasoo ay ku weydiisanayeen in dhoofinta dhuxusha si ku-meel-gaar ah loo qaado, iyaga oo sheegay in arrintaasi ahayd codsi ka yimid dadka reer Kismaayo.

Arrintani waxay timid ka dib markii Madaxweynaha dawladda Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dhuxusha aan la dhoofin karin ilaa amar uu kasoo baxo dawladda Somalia, isaga oo sii adkeeyey go’aan uu horay Golaha Ammaanka ee QM uu arrintaas uga soo saaray.

Wareysi ku saabsan meesha ay ganacsatada dhuxushu arrrintan ka taagan yihiin, hoosta ka dhageyso.

Dhageyso Mowqifka Ganacsata Dhuxusha

Barnaamij gaar ah oo ka hadlaya taariikhda dhuxul dhoonfinta ee gobolka Jubadda Hoose, lacagta laga heli jiray, iyo dhibaatada deegaanka arrintaas ka soo gaartay hoosta ka dhageyso.

Dhageyso Warbixin ku saabsan taariikhda dhuxul dhoofinta

KASHIFAAD: Ugaarsi lagu hayo Soomaalida ku nool…..!

Dadweeynaha ku nool qaxootiga ayaa ka cabanaya amni xumo sii baaheeysa oo ka jirto xeryaha qaxootiga ee ku yaalo Dhadhaab. Isbuucan waxaa toogasha lagu dilay afar qof.

Dilkii ugu danbeeyay ayaa shalay lagu dilay xerada qaxootiga ee Xagardheere askari ka tirsanaa waaxda sirdoonka Kenya ee CID. Waxaa lagu dilay gudaha masjid ku yaallo xeryaha maalintii ciida. Waxaa la toogtay isagoo akhrisanayay Qur’aan.

Kol sii horeeysay isbuucan ayaa meeydka sedax nin oo xoogsato ah laga helay duleedka xeryaha. Goobjoogayaal ayaa sheegay in nimankaasi la dilay jirkooda ay ka muuqtay rasaas lala dhacay

Qaxootiga waxa ay sidoo kale ka cabanayaan burcad geeysato dhac oo gaar ahaan dadka dhaca xiliyada habeenkii.

Majirto wali cid loo soo qabtay dilalkani. Boolisku waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaan ku aadan cidda ka dambeeysa dilalkan.

Qaxootiga ku nool xeryaha ayaa boliiska ku eedeeynayo in ay waxba ka qabanin sugida amniga xeryaha.

Amni xummida ayaa waxa ay saamayn ku yeelatay isku socodka iyo ganacsiga xeryaha gaar ahaan xiliyada habeenkii.

Lionel Messi: Waxa ugu dambeeya ee aan ka fikiraayo waa inaan Jebiyo Rikoorka Pele.

Weeraryahanka kooxda Barcelona  Lionel Messi ayaa sheegay in jebinta rikoorka Pele ee goolasha hal sano uu dhaliyey ay tahay waxa ugu dambeeya ee uu ka welweli doono wuxuuna ku daray inuu diirada saarayo inuu kooxdiisa guulo ka ciaawiyo.

kabtanka xulka Argentina ayaa xalayto dhaliyey goolashiisii 72aad iyo 73aad ee sanadkaan kulankii ay wajaheen Rayo Vallecano, wuxuuna ku dhow yahay inuu jebiyo rikoorkii halyeeyga reer Brazil ee 75 gool ahaa iyo rikoorka taariikhiga ah ee Gerd Muller oo ah 85 gool.

“Inaan jabiyo rikoorka Pele waa waxa ugu danbeeyay ee aan ka walwali doono,” ayuu Messi u sheegay suxufiyiinta. “Waxaan guul ku gaarnay garoon ay adag tahay in lagu badiyo, taas ayaana ah muhiimada ugu weyn.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Alexandre Pato oo sheegay inuu aad ugu farax san yahay inuu kusoo laabto garoomada.

Alexandre Pato ayaa u riyaaqay kulankii xalay ay kooxdiisy guusha ka gaartay Genoa, wuxuuna ahaa kulankiisii ugu horeeyey ee uu ku bilowdo muddo sideed bilood ah.

Duck ayaa soo laabtay ka dib dhaawac uu ku dhibaatoonaayey oo muruqa ah wuxuuna ciyaaray 72 daqiiqo markii ay Milan 1-0 uga talaabsatay Genoa ciyaar ka dhacday San Siro.

“Mar kale ayaan soo noolaaday,” ayuu yiri isagoo dhoola cadeynaaya.

“Waan ciyaaray. Waan orday mana aana dareemin wax xanuun ah. Aad ayaan u farax sanahay.

“Waan jeclahay inaan ciyaaro aana  wax fiican sameeyo, sidaas darteed caawa waxay aheyd mid muhim ii ah. Waan awoodaayey inaan wax waliba sameeyo mana aanan dareemeyn xumad, sidaas oo ay tahay wax fiican ayaan dareemayaa.

“Nasiib xumo gool ma aanan dhalin, laakiin waxaan isku dayaayey inaan caawiyo asxaabta aan isku kooxda nahay. Waxaan rajeynayaa inaan dhowaan goolal dhaliyo. Waxaan ku rajo weyn nahay ciyaarta soo aadan.”

Milan ayaa goolkeeda guusha ka heshay Stephan El Shaarawy kaasoo sanad guuradiisii 20aad ee dhalashadiisa ugu dabaal degay guushii ay ka gaareen Genoa.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Alessandro Del Piero oo kulankiisii sideed boqolaad gool ugu dabaal degay.

Alessandro Del Piero ayaa gool ugu dabaal degay kulankiisii 800aad (Sideed Boqolaad) ee ciyaar caalami ah ka dib markii ay kooxdiisa Sydney FC guul ka gaartay kooxda Perth Glory.

Halyeeygii hore ee kooxda Juventus ayaa 705 kulan u saftay Juve, 91 kulan ayuuna u ciyaaray xulkiisa Italy, halka uu afar kulan xirtay maaliyada Sydney.

Pinturicchio ma uusan heleyn wax uga fiican oo taariikhi ah, ka dib markii uu kooxdiisa u hugaamiyey inay kasoo kabsadaan gool looga hormaray markaasoo ay 2-1 kaga talaabsadeen Perth Glory.

Sydney ayaa ciyaarta gool looga hugaaminaayey qeybtii hore iyagoo marti ah, laakiin Del Piero ayaa gool ku laad ugu barbareeyey.

Emerton ayaana hurdo u diray kooxda martida loo ahaa.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Liverpool oo dooneysa inay laba bil oo amaah ah kula soo wareegto Didier Drogba.

Liverpool ayey macquul tahay inay Didier Drogba usoo dhaqaahiso Anfield waxayna ku dooneysaa laba bilood oo amaah ah marka uu bisha soo aadan soo afjarmo Horyaalka Shiinuhu, Reds ayaana dooneysa inay xidigaan ku xaliso dhibaatada ka heysata dhanka weerarka, laakiin waxaa laga yabaa inay ku guul darreysato sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Drogba ayaa xilli ciyaareed la dhameysanaaya Shanghai Shenhua wuxuuna bisha soo aadan ku laaban doonaa England si uu laba bilood tabbabar ugu soo qaato ka hor inta uusan xulkiisa Ivory Coast bisha Janaayo kala qeyb gelin African Cup of Nations.

Drogba ayaa ku laaban doona koox Premier League ka ciyaarta bilaha November iyo December si uu u ilaasho qaab ciyaareedkiisa wuxuuna uga baahan yahay fasax kooxdiisa ka dhisan Shiinaha iyadoo uu markaasi ku biiri karo koox ka dhisan EPL inta uu fursan yahay suuqu bisha Janaayo.

Liverpool, oo ku guul darreysatay inay Clint Dempsey lasoo saxiixato bishii August daqiiqadihii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga ka dibna amaah isaga diray Andy Carroll oo ku biiray West Ham, ayey macquul tahay inay lasoo saxiixato Drogba kuwaas oo doonaya inay kula sii meel gaaraan inta ay Janaayo ka helayaan weeraryahan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Mucjiso islaami ah: Nebi Muxammad (NNKH) miyuu socon jiray suuqa?

Nebi Muxammad (NNKH) waa sayidka khalqiga Alle, iyo Nebigii ugu dambeeyay Nebiyada iyo Rususha. Waxaa la siiyey mucjiso aanan lasiinin cid kale (Quraanka), sidoo kale ficilladisii iyo oraahyadiisii ayaa iyana ah mucjiso oo ka marag kacay zamanka aynu joogna iyo tiknoloojiga casriga. Kuma hadli jirin wax hawadiisa ah, siduuba Alle sarreeye inoogu sheegay Quraanka markuu ka warramayay Nebigiisa (NNKH), wuxuu yiri.

قال تعالى: “وَمَا يَنطِقُ عَنِ الْهَوَى* إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْيٌ يُوحَى” النجم : 3-4

”Kuma hadla Nebigu wax hawadiisa ah, wax kale maahe (waxa uu ku hadla iyo Quraanka uu la yimid) waa uun waxyi loo waxyooda”. Suuradda An Najm: 3d- 4d.

Sidii Nebi Muxammad (NNKH) ay u weyneyn jireen asxaabtiisu ma jirin boqor xilligaas jirey oo loo weyneyn jirey. Curwa Ibnu Mascood Ath Thaqafi oo ka sheekeynayay arrinkaas wuxuu yiri ”Wallaahay waxaan u wafdiyey boqorrada reer Furus iyo kuwa Ruum, iyo kuwa Xabashida, weligey ma arag sida Muxammad (NNKH) raggiisa ay u weyneynayaan boqor loo weyneeya, candhuuf afkiisa kama soo baxda illaa mid (saxaabi) baa isu dhigaya oo dhulka ka ilaalinaya”.

Ninka sha’nigaas weyniga badan leh, waxaa caada u ahayd inuu suuqyada magaalada Madiina kudhex wareega. Waxaa kaloo Nebiga (NNKH) caada u ahayd xilligii Makka inuu ku wareegi jirey suuqyada Cukaada iyo Delmajinnah, asagoo dadka dacwada ugu yeeri jirey. Xilligaas masuuliyiinta iyo boqorrada inay tagaan suuqyada waxay u arki jireen ceeb ha noqoto kuwii Furus iyo kuwii Ruum ama kuwii Xabashida’e. Laakiin Nebi Muxammad (NNKH) ficil ka duwan kuwii ay samayn jireen boqrradaas ayuu asaga la yimid, taasoo dhalisay inayba la yaabaan kufaartii Qureesheed arrinkaas, waxayna yiraahdeen siduu Ilaahay inooga qisooday markuu arrinkooda iyo fajacooda inooga warramayay.

”يقول تعالى: (وَقَالُوا مَالِ هَذَا الرَّسُولِ يَأْكُلُ الطَّعَامَ وَيَمْشِي فِي الْأَسْوَاقِ لَوْلَا أُنْزِلَ إِلَيْهِ مَلَكٌ فَيَكُونَ مَعَهُ نَذِيرًا)

 [الفرقان: 7].

”Waxay yiraahdeen: Oo muxuu yahay Rasuulkani cunaya raashiinka, ee suuqyada wareega?, miyaa lalasoo dejiya Malak noqdo mid la diga maciisa”. Suuradda Al Furqaan: 7d

Haddii ay iyagu kudhaleeceeyeen in Nebi Muxammad (NNKH) uu suuqyada wareegi jirey, ayna la yaabeen nin masuul ah inuu suuqyada dhex wareega, maxay culimada casriga ahi arrinkaasi ka yiraahdeen.

Daraasad dhawaan galbeedka lagu sameeyay ayaa caddeysay suuqa oo la wareegaa inay tahay arrin caafimaad ah oo indhaha iyo maskaxduba u fiican, waxayna daraasaddoodu ku sheegeen in suuqa oo la booqda laguna dhex wareega ay ka hortagta cudurrada nafsaaniga ah iyo isku dhex yaaca. Sidoo kale waxay kusheegeen daraasaddaasi in arrintaasi ay qofka ku xambaarta dabeecad iyo bii’ad wanaagsan inuu lasoo baxa, nuurka indhahana ay ku saa’idaan.

Waxaa markaa isweydiinta mudan xilligii uu Muxammad (NNKH) suuqa wareegi jirey, ee boqorraduna ka xishoon jirtay arrinkaasi inay sameeyaan, madaxyaweyntii gaaladana ay ku dhaleeceeyeen arrinkaasi Nebiga, ma waxaa jirtay cilmi lamid ah kan hadda ee lagu gaaray tiknoloojiyada oo uu Muxammad (NNKH) jaamacad uga soo baxay xilligaas?

Tani waxay caddeyneysaa in qaa’idkeennii Muxammad ibn Cabdillaahi (NNKH) uu ahaa dhaqtar, iimaam, qaa’id, tusaale, bare toosan, iyo hoggaamiya  dhammaystiran. Waxay tani inoo sheegeysaa halka uu Nebi Muxammad  (NNKH) ka gaaray aqoonta caafimaadka in khalqiga oo dhan uu ka caajisay arrinkaas inuu gaaro muddo kusiman 1400 ka badan, taasoo muddadaasi kadib ay ku heleen cilmi lagu tacbay iyo tiknolooji casri ah. Laakiin Xabiibkeenna (NNKH) 1400 sano kahor ayuu xaqiiqada arrinkaasi inoo kashifay.

Subxanallaah!!

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
_____________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay ugaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan kara idan la’aan.

Sir Alex Ferguson: Chelsea ma ahan Chelsea-dii Jose Mourinho.

Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in kooxda hugaanka u heysa Barclays Premier League ee Chelsea aysan aheyn sidii waqtigii uu tababaraha u ahaa Special One.

Macalinka Blues Roberto Di Matteo ayaa si wanaagsan ku bilowday horyaalka iyadoo aan weli dhinaciisa dhulka la dhigin.

Tababaraha Manchester United Fergie  — oo ay maanta kooxdiisu u safreyso Stamford Bridge, ayaana amaanay kooxda aan weli la garaacin xilli ciyaareedkan.

Laakiin wuxuu dareensan yahay inay wado dheer u jirto sidii ay ku gaari lahaayeen waqtigii Jose Mourinho, iyagoo horyaalka ku guuleystay 2005 ilaa 2006.

“Ma dhihi doono waa kooxdii ugu adkeyd ee Chelsea. Hadii aan dib u milicsado sanadihii lasoo dhaafay, xaqiiqdii waxay ahaayeen koox aan laga reyn Karin, ayan adag tahay inaad la ciyaarto,” ayuu yiri Ferguson.

“Waqtigaas Didier Drogba, John Terry wey yaraayeen, Frank Lampard — wuxuu ahaa mid qadka dhexe ku dhaliya 30 gool taas oo kale weli kuma arkin.

“Run ahaantii waxay ahaayeen koox aad u awood badna, ayan adag tahay in la garaaco naxariisna ma laheyn.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Tababaraha Chelsea Roberto di Matteo oo kooxdiisa ku qal qaalinaya inay ceshato A.Cole.

Tababaraha kooxda Chelsea Roberto di Matteo ayaa ku booriyey  kooxdiisa inay ceshtaan daafacooda bidix Ashley Cole, kaasoo ay doonayaan Manchester United iyo Paris St Germain daafaca reer England ayaana qandaraaskiisa Stamford Bridge wuxuu dhacayaa xagaaga soo aadan.

Cole ayaa iska diiday hal sano oo qandaraas ah oo ay usoo bandhigtay Chelsea, PSG ayaana dooneysa inay kusoo jiidato qandaraas dhaqaale badan waxayna doonayaan inay Janaayo soo xareystaan, halka United ayba dooneyso inay la qaadato kulan weji ka weji a.
Tababarihii hore ee Chelsea Carlo Ancelotti ayaa fiiro gaar ah ka haaya xidigaan wuxuuna doonayaa inay mar kale ku midoobaan caasimada Faransiiska, halka Red Devils ayba kulanka maanta ee Chelsea la ciyaareyso u aragto midkii ay kusoo jiidan lahaayeen waaya aragaan.

Di Matteo ayaase arkin wado uu daafacaani kaga Tago Chelsea wuxuuna doonayaa inuu ka dhaadhiciyo inuu kooxda u saxiixo heshiis cusub.

“Dabcan waxaan jeclaan lahaa inuu sii joogo halkaan,” ayuu yiri Di Matteo.

“Waxaa jira waxyaabo yar oo ay isku afgaran la’a yihiin ciyaaryahanka iyo kooxdu. Rajadeydu waa inuu sii joogo halkaan.”

Milkiilaha Chelsea ayuu u degan yahay sharci ah in ciyaaryahankii da’diisu ka weyn tahay 30 jir keliya ay kooxdu usoo bandhigto hal sano oo qanadaraas ah.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Real Madrid oo dooneysa inay Janaayo lasoo wareegto xidiga Tottenham Gareth Bale.

Real Madrid ayaa dooneysa inay si la yaab leh usoo bandhigto kooxda ka ciyaarta Premier Laegue ee Tottenham kaasoo ah in daafacooda bidix ee reer Portugal Fabio Coentrao iyo 50 milyan oo ginni ay kaga doonayaan Gareth Bale, sida ay qortay majalada The Sun.

Tababaraha Real Jose Mourinho ayey u cadahay inuu Janaayo lasoo wareego xidiga reer Wales ee garabka ka ciyaara.

Andre Villas-Boas ayaa horay ugu daalay waqtigii uu joogay Chelsea inuu lasoo saxiixdo Coentrao oo 24 jir ah wuxuuna sidoo kale doonayey inuu qeyb kaga dhigo heshiiskii uu Luka Modric kula biiray Bernabeu.

Coentrao ayaa xilli ciyaareedkaan keliya laba kulan u saftay kooxdiisa Real Madrid.

Bale ayaa shan sano oo qandaraas ah u saxiixay kooxdiisa bishii August laakiin Real Madrid ayaa horaanba usoo bandhigtay qiimaha ugu macquulsan.

Gudoomiyaha kooxda Tottenham Daniel Levy ayaa  si adag ugu dagaalami doona inuu ceshto xidiga ugu il qabadka wanaagsan kooxdiisa.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Daawo sawirada: Degmada Wanla wayn ee huwantu qabsatay.

Daawo sawirada degmada Walanwayn oo Ciidamada dowlada ay joogaan.