26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Wariye Tuuryare oo Xaaladiisa Caafimaad ay ka soo raynayso.

Xaalada Wariye ka howlgala Mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho oo xalay kooxo hubaysan ay dili rabeen ayaa saakay taafaasiil ay ka soo baxaysaa sida xaalkiisu yahay.

Wariyahan oo lagu magacaabo Maxamad Maxamuud Tuuryare oo ka howlgala Idaacada Shabelle ayaa waxaa la dhaawacay Xili uu ka soo baxayay Masjid ku yaala Xaafada Xaawo Taako ee degmada Wadajir.

Kooxo hubaysan ayaa waxaa ay wariyaha kala dhaceen risaas qaybta sare ee jirkiiisa kadibna waxaa loola cararay Cisbitaalka Madiina.

Shaqaalaha Shabakada Caasimada oo booqday Cisbitaalka ayaa waxaa u suuragashay inay ogaadaan in Xaalka wariyaha uu wanaagsan tahay.

Dhiig badan ayaa lagu shubay Xalay maadama uu dhiig baxay balse Xaaladiiisa Caafimaad ayaa aad u fiican .

Lama Oga cida dili rabtay Wariyaha cid sheegatayna majirto weerarkaas.

Beelaha Cali Saleebaan oo bayaan adag kasoo saaray xukun kororsiga Faroole uu wado (Arag Bayaanka)

Beelaha Cali Saleebaan ee Majeerteen ayaa ka soo hor jeestay xukun kororsi ay sheegeen inuu isku dayayo madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka, Aqoonyahano,Siyaasiyiin, Nabadoon iyo ganacsato waxay  si weyn ugu dhaliileen maamulka Faroole in uu Puntlnad u horseeday fashil siyaasadeed, mid dhaqaale  iyo  adeeg bulsho intaba waxayna si weyna uga soo horjeesteen wakhti kororsiga halka sano ah oo uu quudaraynayo Faroole.

Halkan ka arag bayaankii ay Beesha soo saartay.

Nicky Butt oo doonaya inuu noqdo tababare, xilli loo maleynaayo inuu bedeli doono Ferguson.

Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda Manchester United Nicky Butt ayaa loo saadaalinayaa xilalka tababarenimo, wuxuuna ujeedkiisu yahay macquul ahaanshiyaha macalimiinta mustaqbalka.

37 jirkaan ayaa waayo caan ku ahaa maaliyada United, wuxuuna 1992 ka mid ahaa halbowlayaashii kooxda dhaqaajin jiray sida Gary Neville, Paul Scholes iyo David Beckham, 387 kulan ayuuna u saftay inta uusan 2004tii u dhaqaaqin Newcastle United.

Sir Alex Ferguson ayaa sheegay inuu Nicky helay fursadiisa tababarenimo uuna dhameystay cashiradiisii wuxuuna sheegay inuu ku socda wadada maamulka.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Luca Toni oo Pep Guardiola kula taliyey inuu tababare u noqdo Bayern Munich (Aqriso)

Luca Toni ayaa daaha ka qaaday inuu Pep Guardiola doonayo inuu mustaqbalka leyliyo Bayern Munich, wuxuuna ninka reer Talyaani ugu baaqay tababarihii hore ee Barcelona inuusan ka daahin kooxah ka dhisan Germany.

Weeraryahanka kooxda Fiorentina ayaa wax badan lasoo ciyaaray tababarihii hore ee Blaugrana waxayna labadoodu soo wada jirteen maaliyada Brescia, Guardiola oo dhamaadkii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ka tegay Barcelona ayaa ku jira wadadiisa uu ku raadsanaayo koox kale.

Weeraryahankii hore ee xulka Italy ayaa u sheegay majalada Bild: “Wuxuu wax iga weydiiyey Bayern. Waxaan u maleynayaa falsafad ahaan waaba kooxda uu jecelyahay.

“Waa tababare wanaagsan, kaasoo kooxda u noqon kara leyliye dhab ah. Wuxuu ka heytaa kubada Jarmalka xaqiiqooyin fiican.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Afar koox oo Ingiriis ah oo isku heysta Klaas-Jan Huntelaar.

Klaas-Jan Huntelaar ayaa noqon doona weeraryahan lala xiriiriyo Emirates Stadium wuxuuna holac kusii shiday xiisihiisa ku aadan inuu mar uun ka ciyaaro Barclays Premier League.

Arsenal ayaa wajihi doonta Schalke 04 kulan ka tirsan Champions League waxayna kooxda ka dhisan England qiimeyn doontaa xaalada 29 jirkaan u dhashay dalka Holland.

Wuxuu xor u noqon doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka inuu ku biiro kooxdii uu rabo, waxaana Huntelaar si aad ah u doonaya Tottenham, Chelsea, Liverpool iyo  Arsenal.

Xidigii hore ee kooxaha Ajax, Real Madrid iyo AC Milan ayaa laba sano ka hor u baqoolay dalka Germany, wuxuuna markaas Milan kaga dhaqaaqay 10 milyan oo euro.

Wuxuuna diiday wax walba oo uu qandaraaska ugu dheereyn karo Schalke, waxaana loo ogolaan doonaa Janaayo inuu ku biiro kooxdii uu rabo.

Tayadiisa kubada cagta ayaan aheyn mid muran ka taagan yahay sida uu qabo tababaraha xulka Holland Louis van Gaal: “Huntelaar waa ciyaaryahanka ugu fiican inta ku qoolaaban diilinta sideed iyo tobnaad (Aaga Rigoorada).”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Inter Milan oo Guushii 4aad oo isku xigta Catania ka gaartay

Inter Milan ayaa 3 dhicbood oo Nadiif ah waxa ay ka heshay Kooxda Rolando Maran ee  Catania oo ka mid ah Naadiyada ka ciyaaraha  Horyaalka Seria-da  dalka Talyaaniga.

Ciyaartii ka dhacday Garoonka Guzeppe Mezze ee Magaalada Milaano waxaa ku Gacan sareysay Kooxda Internazionale oo marti loo ahaa.

inkastoo Naadiga Catania ay  abuuray Fursado badan Dahabi ah balse uma suura gelin ay Gool ka dhaliyaan shabaqa kooxda Inter .

Guusha ay Maanta gaartay kooxda Inter Milan ayaa waxa uu bilow fiican u yahay Macalinka Da’da yar ee Naadigaasi, waana Guushii 4aad oo isku xigta oo ay Gaaraan.

Goolkii 1aad ee Inter waxa uu dhashy qeybtii hore ee Ciyaarta waxeyna ugu Mahad celinysaa xidigooda Antonia Cassano sidoo kale  Rodrigo Palacio oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa hurdada u diray naadiga ka dhisan Garoonka Stadio Angelo Massimino, ee Gobolka Sicilia markii uu isna dhaliyay Goolkii 2aad ee Inter ay ku Badisay .

Dhanka kale ciyaartaan ayaa waxa ay Laheed xiiso Gooniya markii loo eego kulamada kale maxaa yeelay waxaa Garoonka ku so bilowday 13 ciyaaryahan oo Argentine ah oo u ciyaara labada kooxood.

si Kastaba Inter ayaa waxa ay 18 wadagaaan haatan kooxda kaalinta seddexaad ee Lazio kuwaasoo xalay ka badiyay AC Milan.
Cabdiqani Cali Dalmar
[email protected]
Caasimada-Switzerland 


Oktoobarey Sidu, Sidii Ma aha!!

(Maqaal Xiiso Badan)

Maansayahanka iyo Hal Abuurka Soomaalida in badan ayaa Qoraaladooda iyo Suugaantoodaba ay ku cabiran xaalado Taagan, kuwa la soo dhaafay ama imaan kara Mustaqbalka taasoo sida ay u saadaaliyaan ama ay u sheegaan ay wax u dhacaan in kastoo wixii Qeybka ah ama Binu’aadmka ka Cilan uu garan karo oo keliya Allihii Subxaana wa tacaalaha ahaa ee isagu ah karaha wax walba oo qeeybka ah.

Manta waxa ay ku began tahay 21ka Oktoobar waana seddax iyo Afartan Guuradii ka soo wareegtay maalintii Kacaankii Oktoobar uu talada dalka Soomaaliya la Wareegay.

In badan ayaa Dadka wax Naqdiya Dhaliilo aad u fara badan u jeediyeen Kooxdii Ciidamada ahayd eeTalada dalkaas boobtay sanadkii 1969kii iyagoona ku sheegay inuu ahaa Kacaan Taladii Dalka ka fara Maroorsaday Xukuumaddii Rayidka ahayd ee Doorashada ku timid.

Maamul sidiisaba markii uu yimaado wuxuu la yimaadaa Saameyntiisa xumaan iyo samaanba leh Kacaankii Oktoobar marka aan taariikhdiisa dib u raacno labadaba waa lahaa Samaan iyo Xumaan, maxaa yeelay Saraakiishii ka tirsaneed Ciidamada qalabka sida ee Xiligaas talada Dalka gacanta ku dhigay ayaa durbaba soo ban dhigay illaa Seddax iyo Toban qodob oo ay ugu magic dareen Chartarkii ay Dalka ku hoggaamin lahaayeen.

Chartarkaas ay soo saareen ayaa lix ka mid ah waxa ay ahayd Siyaasadooda arrimaha gudaha halka Todobada kalena ay ku cadeed Siyaasadooda arrimaha Dibadda

Runtii Kacaankii Oktoobar Todobadii Sano ee u horeeyay wuxuu ku tallaabsaday arrimo wanaagsan haddii ay ahaan lahayd qarameyntii Kacaanku qarameeyay Shirkadihii Shisheeye, qoristoo afka Soomaaliga, ka hor taggii Abaartii Daba Dheer eek u dhufatay Gobolo ka tirsan Soomaaliya.

Kacaanku sidoo kale wuxuu ku tallabsaday Sanooyinkaas Dhismayaasha Mashaariic fara badan oo ay ku jireen Dugsiyo, Waddooyin, Isbitaalo, Warshado. Beero iyo Degmooyin Cusub oo dalka laga hir geliyay, sidoo kale kacaanku wuxuu Shaqo u abuuray Boqolaal Dhallinyara ah gaar ahaana Dhallinyaradii ku Hanti beeshay Abaarihii Dalka ku dhuftay Dhallintaas oo loo jiheeyay dhinacyada wax soo saarka Kalluunka iyo qodoshada Beeraha, Barnaamijkii Karaash Borogaraam oo Dhallinyaro fara badan oo Shaqooyin ka helay barnaamijyadaas oo dhamaantooda ahaa kuwo ay ka faa’ideysteen Dhallinyaro aad u fara badan oo Soomaaliyeed.

Waxaa wanaagga la xusi karo ee Kacaanku qabtay ka mid ah Ardeydii Kumanaanka gaarayay oo sanad walba ka soo qalin jabin jirtay Dugsiyadii sare ee dalka oo dhamaantooda la hawl gelin jiray ugu yaraan laba Sano oo Shaqada Qaranka ah, shaqadaas kaddibna Ardeydu ama waxa ay heli jireen Shaqo ama wax Barasho heer Jaamicadeed ah taasoo meesha ka saareysey in dhallinyaradu Dalka dibadda uga yaacaan marba haddii shaqo ama wax barasho ay ka helayeen dalkooda.

Kacaanku wuxuu kaloo xoogga saaray mideynta Somali weyn oo uu dhaxda u xidhay sidii Sedexda Gobo lee Soomaaliya ka maqan loo soo xero gelin lahaa, isagoona ku guulaystay Ol oleyn dheer kaddib in Jabuuti ay Xorowdo halka Dagaal gacan ahna uu ula tegay Gumaysigii haystay Dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay gumaysato iyadoona la Xasuusto wacdarihii iyo Casharkii lama ilaawaanka ahaa ee la siiyay Ciidamadii Itoobiyaanka oo xiligaa ka hor isku haystay in ay yihiin Aarkii Afrika iyo dharbaaxyadii ay ku dhufatay Soomaaliya runtiina waa meelaha Muwaadinka Soomaaliyeed marka uu soo xasuusto uu qiiro la beer Fuurayo waan qayb ka mid ah qaybaha lagu amaani karo kacaankii Oktoobar.

Dagaalkii 1977kii kaddib waa bilaabashadii bur burkii Soomaaliya, hase yeeshee qormadan ma aha mid aan ku wada amaanayo oo keliya Kacaankii Oktoobar balse waa uu jiray Dhaliilo sida aan hor dhaca maqaalka aan ku sheegayba ee uu lahaa kacaanka.

Waxyaabihii lagu dhaliili jiray Kacaankii Oktoobar waxaa ka mid ahaa Naas Nuujinta Qabiilka, Musuq maasuqa, tacaddiyo la gaystay xiligaas sed buursiinayo uu ku shaqaynayay taliska, taasoo keentay in Kooxo Ciidamada ah ay Gadoodaan Jabhado Hubaysana abaabulaan si ay ula dagaalamaan Kacaanka Oktoobar oo ay u arkayeen inuu yahay Kacaan u sii Xuub siibanayay Nidaam Boqortooyo.

Kacaanku wuu Ogooday inaan markan wax jacayl ah loo hayn isla markaana si wanaagsan looga soo hor jeedo Nidaamkooda siiba xilliyadii u danbeeyay ee uu Kacaanku sii dumayay oo Fanaaniinta Soomaaliyeed ay qaadeen Suugaanta ah “Oktoobareey Sidu Sidii Ma Aha” taasoo markii la qaadayay la joojiyay Xuskii 21ka Oktoobar oo Sanad walba loo soo ban bixi jiray Damaashaadka maalintaas isla markaana lagu bixin jiray Malaayiin Lacaga ah oo maalintaa lagu weeyneynayo.

Mudadii Labaatanka Sana ahayd ee uu Kacaanku jiray lama arkin Sanad keliya ee ay baaqatay Xuska 21ka Oktoobar hase yyeshee Oktoobareey sidu sidii ma aha waxa ay sawirtay in Kacaanku sidiisii hore ahayn bur burkiisiina uu soo dhawaaday taasoo ugu danbayntiina meesha ka saartay ka gadaal markii Jabhadihii gadoodsanaa ay Kursiga ka Tuureen kacaankii mudada labaatanka sana ah Talada dalka hayay.

Runtii in Talisku meesha ka baxo si weyn ayaa loogu diirsaday loona rajeeyay in la helayo maamul kaa ka wanaagsan oo Shacabkii Dulmiga ka cabanayay ay ku raayaan uu meesha yimaado la mood noqonse weeydey.

Kacaankii Oktoobar waxaa bedelay Labatan sano oo hor leh Dil, Kufsi, Bara kac, Baahi, Baaga Muundo, Qax jah wareer ayaa magan loo noqday, Nidaamkii dawladnimo ee jiray ayaa gebi haanba la rogay, horumar baa la gaaray, dib u dhacna waa jiray Xaalad aan la garanayn ayaa Soomaaliya ki bilaaban tay, Dagaalo aan dhamaaneyn, Koox Koox Ceeyrsanaysa, Kursi la isku haysto, is af garad la’aan Khilaafyo iyo Shirar aan dhamaansho lahayn intaas oo dhan waxa ay noqotay Natiijadii ka dhalatay af Genbigii lagu sameeyay kacaankii Oktoobar.

Horumarka la gaaray waxaa ka mid ah Ganacsi jaantaa furan ah Tacliin jaantaa furan, Shaqooyin jaantaa furan ah iyo inuu qof walba siduu doono u dhaqmo xitaa laamiga bartankiisa uu ganacsi ka furan karo ama Goobihii Dawladda lahayd uu sheegan karo inuu isagu xaq u leeyahay inuu dhisto ama Kireysto Shuruuc aan hore loo arag iyo wax kasta oo la yaab ku noqon kara qofkii soo arkay maamul wanaag iyo Nidaam Dawladnimo oo jiray uu la yaabayo.

Oktoobareey Seddax iyo Afartan Sano kaddib Sidu Sidii ma aha oo Xaalka Soomaaliya ayaa manta waxa uu marayaa “Ka Dar oo Dibi Dhal” marar badan ayaanan arkay Dad leh Kacaankii ayaaba noo wanaagsanaa.

Isku soo duuboo qormadeydan waxaa ku soo gaba gabeynayaa Soomaalidu waa in ay dib ugu noqotaa sidii ay ahayd Islaanimadii, Wanaaggii, walaalnimadii Waddaniyaddii isku duubnidii Alle ka Cabsigii markaas ayaa laga yaabaa in ay gaaraan waxa ay doonayaan oo ah Nabad, Horumar, wadajir iyo Dalkan Barwaaqadu Jiifto haddana laga wada baahan yahay dibadna looga cararayo, Ilaaheeyna waxaan ka baryayaa inuu Iimaanka noo sugo, Barwaaqada Ciideena iyo Biyaheena dhex ceegaagtana uu na Tuso… Oktobareey Sidu Sidii ma aha ayaan ku Xusayaa Maanta oo ah 21kii Oktoobar.

W/Qorey Ustaad Aadan Macalim Aadaamo
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Dhageyso: Arooska iyo Aroosaddii qarax lagu weeraraay xafladooda oo ka sheekeynaya dhacdadii qabsatay.

Bam gacmeed ayaa xalay lagu weeraray xaflad aroos oo ka socotay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, laba maalmood ka hor halkaasi oo dad badan ay wax ku noqdeen..

Arooskii iyo Aroosada oo lagu magacaabo Maxamed Maxamud Kaa dheeri iyo Farxiya Cabdi Cigaal,ayaa ka bad-baaday weerarkaasi, balse waxaa ku dhawacamay ku dhawaad 20 qof oo afar ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay.

Haddaba arooska iyo aroosadda ayaa wareysi siiyay Idaacadda VOA, ayaga oo ka sheekeynaya wixii qabsaday.

Dhageyso wareysiyada arooska iyo aroosada

DEG DEG: Wariye ka tirsan Shabelle oo lagu dhaawacay Muqdisho.

Kooxo hubaysan ayaa goor dhow Wariye ka Tirsan Idaacada Shabelle waxaa ay ku weerareen Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxay warar kala duwan.

Wararka intooda bada ayaa sheegaya in weriyaha uu weli nool yahay balse dhaawac xun uu gaaray.

Weerarka Wariyaha ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay Xaafada Xaawo Taako ee degmada Wadajir waxaana kooxo hubeysnaa ay rasaas madaxa ay kala dhaceen weriyaha

Wariyaha ayaa lagu magacaabaa  Maxamad Maxamuud Tuuryare.

Kooxahan ayaanan la qaban oo goobta ka baxsaday markii uu dilka dhacay waxaana Isagoo dhaawac ah lala cararay Cisbitaalka Madiina oo hada warar is qilaafsan ay ka soo baxayaan.

Man City oo Janaayo 46 milyan oo ginni kusoo qaadaneysa Radamel Falcao (Warbixin)

Manchester City ayaa diyaarineysa dalab 46 milyan oo ginni ah oo ay Chelsea kaga dul qaadeyso gool ma gefaha kooxda Atletico Madrid Falcao.

26 jirka weerarka ka ciyaara ee u dhashay dalka Colombia, ayaa 11 gool dhaliyey todobo kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkaan, waxaana si aad ah loola xiriirinaayey kooxaha ugu tunka weyn Yurub.

Chelsea ayaa isku diyaarineysay inay la kulanto ciyaaryahanka kasoo sedaxleey ka dhaliyey markii uu ku wajahay European Super Cup, laakiin hujuunka ay u dirtay Man City Carlo Cancellieri ayaa daaha ka qaaday inuu tababaraha Sky Blue Roberto Mancini uu sidoo kale xiiso u qabo weeraryahankii hore ee kooxda Porto.

City ayaa horay loola xiriirinaayey weeraryahanka kooxda Fiorentina Stevan Jovetic. Laakiin Cancellieri ayaa hoos u dhigay fursad uu ugu soo wareegi karo Etihad Stadium.

“Isaga [Jovetic] waa ciyaaryahan aan xiiseyneyno, wuxuu leeyahay tayo. Laakiin weerarka City inta badan waa uu wanaagsan yahay waxaan ku farax sanahay heysashadeena Tevez, Aguero iyo Balotelli.” Ayuu u sheegay tuttomercatoweb.com.

“Intaa waxaa sii dheer, waxaan rumeysanahay in ciyaartoydeenu ay ka wanaagsan yihiin Jovetic. Waa ciyaaryahan fiican, balse ma ahan mid isbebel sameyn kara sida Falcao.

“Waxaan dhowaan arinkiisa kala hadlay Mancini. Hadii aan ciyaaryahan soo qaadan karno Janaayo, waxaan soo qaadan doonaa Falcao. Waa ciyaaryahan muhim inoo ah, waana ciyaaryahanka keliya ee hugaanka noo dhiibi kara.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Chelsea oo 25 milyan ku dooneysa xidiga qadka dhexe ee Barcelona Sergio Busquets

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa diyaar u ah inuu 25 milyan oo ginni kusoo qaato xidiga qiimahaas u qalma ee Barcelona qadka dhexe uga ciyaara Sergio Busquets.

Abramovich ayaa fikir guud ka qaba 24 jirkaan qadka dhexe wuxuuna rumeysan yahay inuu kasoo kexeysan karo Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan, isagoona u hanqal taagaya inuu noqdo saxiixiisa koowaad, sida uu qoray wargeyska The People.

Busquets ayaa loo qiimeeyaa bur-buriye aad ugu fiican xalinta qadka dhexe iyadoo ay Chelsea sii weyneyso halyeeygeeda qadka dhexe ku gaamuray Frank Lammpard kaasoo da’duna ka daba timid dalabyana ka helaaya kooxda Mareykanka ka dhisan ee LA Galaxy.

Waxayna taasi wado u fureysaa inuu Segio bisha Janaayo usoo dhaqaaqo kooxda ka dhisan galbeedka London ee Blues.

Manchester City ayaa iyaduna halgan ugu jirta laakiin horaan ayey beenisay inay dalab u dirtay waana sababta loo arko inuu Busquets usoo dhaqaaqo kooxda heysata Horyaalka Yurub.

Abramovich ayaa doonaya inuu kooxda London ka hirgeliyo qorshihiisa da’yarta wuxuuna xidiga heerka caalami ee dalka Spian u arkaa mid booska kala bixi kara Jon Obi Mikel.

Barcelona oo heysata xidigo qadka dhexe ka ciyaara oo tayo leh sida Thiago Alcantara ayaa loo badinayaa inaysan halgan sidaas ah u geli doonin inay ceshto xidigaan.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Liverpool oo isha la raaceysa xidiga qadka dhexe ee Schalke 04 Lewis Holtby.

Liverpool ayaa xoogeeda oo dhan isugu geyn doonta sidii ay kula soo wareegi laheyd da’yarka kooxda Schalke 04 Lewis Holtby waxayna doonayaan inay 22 jirkaan ku helaan beeca xorta ah xagaaga soo aadan.

Shabakada Goal.com  ayaa ogaatay in Reds ay isha ku heyso inay Janaayo soo qaadato Holtby, ka dib markii ay xiiseheeda u bandhigtay xidiga qadka dhexe uga ciyaara kooxda ka dhisan Bundesliga, kaasoo aabihi uu kasoo jeedo gobolka Merseyside.

Schalke ayaa la ogyahay inuusan damac badan uga jirin sii heysashada ciyaaryahankii hore ee Alemannia Aachen waxayna u arkaan mid ku eg ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana la faham san yahay inay ku doonayaan 7 milyan oo euro una dhiganta 5.5 milyan oo ginni, hadii aysan iska iibin Janaayo wuxuu xor u noqon doonaa inuu ku biiro kooxdii uu doorto.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Salomon Kalou oo amaan kala dul dhacay milkiilaha Chelsea.

Stamford Bridge waxaa ka jira hal maamule, mana ahan Roberto Di Matteo.

Iyadoo  uusan midna ku nagaan Carlo Ancelotti, Phil Scolari, Andre Villas-Boas xittaa Special One, Jose Mourinho.

Maalqabeenka u dhashay dalka Ruusha Roman Abramovich ayaa ah ninka keliya eel eh isbedelka Chelsea, sida uu qabo xidigii hore ee kooxda Blues Salomon Kalou.

Kalou, oo wareysigiisii u horeeyey bixinaayey tan iyo markii uu Chelsea kaga biiray kooxda Faransiiska ka dhisan ee Lille, ayaa daaha ka qaaday: “Roman wuxuu leeyahay aragti dheer waana ogyahay sida ay u dhacayaan wax uu doonayo.

“Wuxuu leeyahay ujeed ‘Waxaan doonayaa inaan kooxdaan masuul ka ahaado, waxaana doonayaa inaan wax yaabo ka shaqeeyo’

“Ciyaaryahanadu wey ilaabi karaan waxayna u dhahayaan ‘OH, Chelsea sideed sano waxay aheyd kooxda ugu sareysa, ma aanan qaban shaqo adag waxaana u ciyaari doonaa wado kasta.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

GAAR: Damul Jadiid oo xaabsatay wasiiradii cusbaa + Magacyada.

Warar xog ogaal ah oo aan helnay ayaa muujinaya in golaha wasiirada cusub ee Somalia lagu dhowaaqi doono toddobaadkan gudihiisa.

Si kastaba, liiska cusub ee golaha oo sida la sheegay ka koobnaan doona kaliya 18 illaa 25, ayaa waxaa ku badan kooxda hogaanka u heysa siyaasadda Somalia ee Damul Jadiid, oo qaadatay xubnihii ugu muhiimsanaa.

Ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa inoo sheegay in Damul Jadiid ay qaadatay wasiiro ay ka mid yihiin, arrimaha dibedda iyo gudaha, warfaafinta, waxbarashada, ganacsiga, maaliyadda iyo kuwo kale.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Amniga iyo Qaranka: Waxaa sida la sheegay loo magcaabi doonaa Cabdi Kariim Xasan Guuleed, oo kasoo jeeda Beesha Habar Gidir, Sacad, ahna mid ka mid ah dadkii aas aasay Damul Jadiid.

Wasaaradda Waxbarashada: Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Damul Jadiid, Faarax Cabdulqadir, ayaa lagu magacaabi doonaa wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, in kasta oo wasaarad maaliadda uu sidoo kale doonayo, balse aan weli la go’aamin

Sida xogta aan ku helnay Mr. Faarax ayaa halgan culus u galay wasaaradda arrimaha dibedda, hase yeeshee madaxweynaha ayaa ku qanciyay in taasi aysan macquul ahayn, waayo Farax kama soo jeedo afarta beel ee weyn (Hawiye, Dir, Daarood iyo Digil iyo Mirifle, waana Beesha Reer Aw Xasan oo beelaha shanaad la xisaabiyo.

Wasaaradda Maaliyadda: Tani ilaa iyo hadda lama go’aamin, waxaana madaxweynaha uu isku dayayaa inuu keeno qof uu aad ugu kalsoon yahay, maadama ay tahay isha dhaqaale. Waxaa macquul ah in loo magacaabo Faarax Cabdul Qadir, haddii la waayyo qof la aamini karo oo kasoo jeeda beelaha waa weyn.

Wasaaradda ganacsiga: Waxaa loo dhiibi doonaa Maxamed Axmed Abtidoon oo hadda ah xogheynta madaxweynaha, kuna magac dheer Koofi Shabaq, waa Saleebaan, Habar Gidir.

Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha: Waxaa la siin doona qof ka iman doona dhowaan dibedda, oo kooxda ka tirsan, kaasi oo magaciisa aan helin, waxaa la sheegay inuu yahay Isaaq.

Wasaaradda Warfaafinta: Waxaa qaatay Dr Maxamed Nuur Gacal, oo kasoo jeeda Beesha Murusade, ee Hawiye.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda: Nooma suurta galin inaan helno magaciisa, waxaase la sheegay in la siin doono Majeerteen.

Waxaa kale oo jira rag kale oo iyana xilal wasiiro ah heli doona, inkasta oo aysan kala caddeyn, waxaana ka mid ah Jamaal Maxamed Baarow oo kasoo jeeda Beesha Jareerweyne iyo Faarax Cabdisamad, oo Ogaadeen ah, kana tirsan Damul Jadiid.

Wakiilkii hore ee Tv-ga Aljazeera Fahad Yaasin, oo ka mid ah Damul Jadiid, ayaa heli doona safiir dal carbeed, siiba dalka Qatar loo badaniyo, ama wasiir ku xigeen.

Dad kale oo aan kooxda ku jirin ayaa iyana dhowr wasiir oo isaga aamusi ah la siin doonaa.

10 Askari oo ka tirsan ciidamada DF oo Gabar 14 ku kufsaday Muqdisho.

Nolal iyo geeri ayay u dhaxaysaa Xaalada Gabar 14 jir ah oo ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ku kufsadeen Magaalada Muqdisho.

Gabadhan oo lagu magacaabo Xaliimo ayaa waxaa ay ku jirtaa Cisbitaal Banaadir xaaladeeda Caafimaadna waa ay liidataa Sida ay sheegayaan  dhaqaatiirta Cisbitaalka.

Mar gabartan ay u waramaysay Warbaahinta oo ay ka sheekeynaysay Sida ay u kufsadeen Ciidanka Dowlada waxaa ay sheegtay in iyadoo   ka soo adeegaysa Xili habeen ah dukaan u agdhawaa gurigooda uu isku duubay Askari dowlada ah kadibna ay aragtay Tobonkale oo isla Askarta oo ku soo ordaya iyada.

Waxaa ay sheegtay in waqtigaas uu Miirkeeda tagay ayna aragtay iyadoo Guri dhexjiifta,waxaana ay qirtay in Tobaneeyo ay ahaayeen Askarta kufsatay.

Hooyada gabadha dhashay oo ilmaynaysa ayaa sheegtay inaysan haysan wax dhaqaala ah oo ay ku dawaynayso gabadheeda waxaana ay sharciga ka dalbatay in xaqeeda loo soo dhiciyo.

Gabadha ayaa iyadana ku jirta Xaalada Miirbeel ah wajigeedana waa uu badalmay waxaana ka muuqday Jirdil ay ugaysteen Ciidamada Dowlada oo looga bartay in dadka Shacabka ay ku tuntaan ,mana jirto cid xaqa dadka shacabka u soo saarta.

Sir Alex Ferguson oo kalsooni ku qaba in kooxdiisa Man Utd ay qaadi karto Champions League.

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa qaba inay xilli ciyaareedkaan kooxdiisu fursad weyn u heli doonto inay ku guuleysato Champions League hadii ay daafacyadeedu caafimaad qabaan.

United ayaa guuleystay labadeedii kulan ee furitaanka Group H ay kaga horyimaadeen Galatasaray iyo Cluj, laakiin daafacyadeeda dhaawac qaba ayaa muran ka keenay awooda kooxda iyadoo Nemanja Vidic, Chris Smalling iyo Phil Jones ay inta badan xilli ciyaareedka dhaawac ku maqnaanyeen.

“Waa niyad jab inaanan inta badan ku guuleysan Champions League, gaar ahaan mararka qaar waxaan filayaa inaan iska luminay,” ayuu u sheegay Daily Mirror.

“Laakiin ma diidi kartid. Inaad had iyo jeer aad ka fiirsato sanadka xiga. Kama dambeysta waxaa lagu qabanayaa Wembley xilli ciyaareedkaan waxeyna noo tahay fursad qaali ah.

“Hadii aan daafacyadeyda dib u heli karo, waxaan u heysanaa fursad qaali ah.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

John Terry oo sii ahaan doona Kabtanka Chelsea, sida uu xaqiijiyey Bruce Buck.

Gudoomiyaha kooxda Chelsea Bruce Buck ayaa xaqiijiyey in John Terry uu sii ahaan doono kabtanka Chelsea, sida uu qoray wargeyska Talksport.

Terry ayaa afar kulan la ganaaxay xilli lagu helay dishibiil xumo inuu daafaca QPR Anton Ferdinand kula kacay wax yaabo cunsuri ah.

Isagoo gudoomiyuhu la hadlaayey barnaamijka Weekend Sports Breakfast eek a baxa Talksport, Buck iyo gudoomiyaha fulinta Chelsea Ron Gourlay ayey cadeeyeen inuu Terry sii ahaan doono hugaamiyaha Chelsea.

“John Terry wuu sii wadan doonaa sii ahaanshiyaha kabtanimada kooxda,” ayuu yiri Buck.

“Su’aasha kale ee aad jeceshahay inaad I weydiiso waa hadii aan ganaaxeyno kulamo, kuna darso inay afar Kulan FA-gu ganaaxeen inaguna aanan ganaax dul dhigeyn .

“Laakiin waxaan ka qaadeynaa talaabo dishibiliinka ah.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Fabregas: Waan la yaabay Messi miyuu caalam kale ka yimid.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Cesc Fabregas ayaa amaan kala dul dhacay xidiga ay isku kooxda yihiin ee Lionel Messi, ka dib markii ciyaaryahanka reer Argentina uu sedaxleey ka dhaliyey kulankii ay 5-4 ku dubteen kooxda Deportivo La Coruna.

Blaugrana ayaa heysatay hugaan 3-0 ah, iyadoo casaan loo taagey Javier Mascherano wiilasha Tito Vilanova ayaaba ku sigtay inay guul kasoo qaadan waayaan kooxda martidala loo ahaa.

Dhanka kale Fabregas ayaa amaan kala dul dhacay geesigii Sedaxleyda, wuxuuna ku sheegay mid usoo hooyey sedax dhibic oo qaali ah.

“Messi wuxuu safar dheer kasoo galay xulkiisa qaranka halkaan ayuuna had iyo jeer nala joogay. Wuxuu noo qabtaa wax badan. Wax walba waa uu la socdaa. Laga yaabee inuu Messi caalam kale ka yimid.” Sidaas waxaa yiri Fabrigas oo la hadlaayey saxaafada.

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Wasaarada Awqoofta oo ka digtay inaan lagu takri Falin Xoolaha Nool

 

Wasaarada Awqoofta iyo Arimaha Diinta ayaa digniin kulul ka soo saartay in lagu takri falo Ciida soo aadan Xoolaha Nool Sidaas waxaa Saxaafada u sheegay Agaasimaha Wasaarada Awqoofta Sheekh Cali Dheere ayaa.

Ciidii hore ayay dhacday dabar gooyn loogu tala galay in la dhameeyo xoolaha soomaaliya oo ah qayraadka ugu weyn oo ay haystaan dadka soomaaliyeed waxaana sanadkii hore dhacday in la gowraco xoolo riman iyo kuwo caano leh oo isku jira lo Geel iyo Ari, irintaasina uu ka digaayo in ay sanadkaan ay dhacdo tii sanadki hore dhacday oo kale.

Sheekh Cali Dheere ayaa tilmaamay inay u muuqato in ay dhici doonto dhacdadii sanadkii hore oo kale maadama uu sheegay ay meesha ka baxeyn golihii wasiirada walina aan la magacaabin wasiiro cusub taasina ay keeni karto la xisaabtan la ‘aan dadka xoolaha ka ganacsata iyo kuwoa doonaya in ay ku takri falaan qayraadka alle uu ku maneystay  soomaaliya, waxaana uu dowlada Soamaaliya ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan arintaani lagu baraarugo gudi la socdana loo sameeyo si looga hor tago xaalufinta xoolaha.

Waxaa la xusuustaa in Sanadkii hore xoolo badan oo isugu jira geel lo iyo ari oo intooda badan ay rimanaayeen qaarna ay ahayeen kuwo caano leh oo la nuugayay ay dowalada turkiga iyo dowlado kale ay u gowraceen dadkii ay abaarta sameysay sanadkii hore taasina ay saameyn ku yeelatay xoolaha soomaaliya oo ah nimcada  ugu weyn uu alle ku maneystay umadda soomaliyeed.

Magalaada Muqdisho ayaa waxaa haatan si wayn looga diyaar goorawayaa Maalinta farxada badan ee Ciida waxaana mashquul noqday goobaha lagu iibiyo Xoolaha Nool.

DEG DEG: Beledweyn oo Qarax ku waabariisatay. (Faah faahin)

War hada soo dhacay ayaa sheegaya in qarax saakay ay ku waabiriisteen Ciidamada Dowlada Itoobiya ee jooga magaalada Beledwayne.

Qaraxa ayaa waxaa Ciidamada Itoobiya lagula eegtay wadada isku xerta magaalada beledweyne iyo deegaanka Janda kundishe .

Sida dad ku sugan Beledweyne ay inoo sheegayaan  qaraxa ayaa waxaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidanka itoobiya inkastoo aan la ogayn qasaaraha dhabta ah.

Itoobiyanka ayaa Xer xeray dad ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay iyagoo ku tuhmaya inay ka dambeeyeen qaraxa.

Bandow ayaa la sheegay in Saakay ay ku soo rogeen Xaafadaha magaalada waxaana la sheegay inay baarayaan Miinooyinka kale oo lagu dabayo.