25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Maxaa keena dhuusada badan?

Dhuusada badan waxa ay sideedaba astaan u tahay oo ay timaadaa marka calooshu ama qofku uu qabo cudurka gaaska, sidaa darteedna aan ka hadalno cudurka gaaska.

Gaastiriko waa lurka dhinacyada caloosha. Tani waxay u billaaban kartaa si deg deg ah ama waxay noqon kartaa dhibaato waqti dheer.

Calaamadaha

# Calool xanuun
# Dibbiro iyo daaco
# Lalabbo ama matagid

Sababaha

# Daawooyinka qaarkood
# Aashitada caloosha oo badata
# Aalkolo cabbid
# Aad wax u cunid ama cunidda cuntooyin aad u kulul oo basbaas leh
# Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada

Daryeelkaaga

Cunto beddelid iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastirikada.
# Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.
# Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato.
# Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. Cun xaddiyo yar markiiba.
# Takhtarkaaga la soco.

Si looga hortago dhibaato mustaqbalka timaadda:

# Ka fogow cuntooyinka basbaaska leh, cunto aashito ku badan tahay sida bambeelmo, ama wixii cunto ah ee calooshaada dhibaya.
# Ka fogow cabitaannada aalkoladu ku jirto ama kafeyiinta, sida shaaha, qaxwada iyo koollooyinka.
# Cun qaybo yar oo cunto ah markiiba. Cuntada ha iska badin ama cuntada ha ka boodin.
# Jooji ama yaree sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada.

Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii aad:

# Isku aragto matag dhiig leh ama baroon mugdi ah.
# Ay saxaradaadu dhiig leedahay ama madowdahay.
# Aad noqoto mid aad u liita ama war-wareeya markaad istaagto.
# Calool xanuun xun qabto.
# Isku aragto heerkulka ka sarreeya 101 darajo oo F ah ama 38 darajo oo C ah.
# Isku aragto xanuun ama matagid soconaysa wax ka badan dhowr saacadood.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Mehrado ganacsi oo ku gubtay Xagardheer.

Faah faahino ayaa ka soo baxaya Dab qasaara uu ka dhashay oo xalay ka kacay Degmada Xagardheer ee Gobolka NFD.

Mudo dhowr Saacadood uu dabkan Socday ayaa lagu guulaystay in Xalay waqti dambe la damiyo  taas oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka.

Gurmadka Daminta dabka ayaa waxaa kale oo la sheegay inay ka qayb qaateen Booyado.

 Dad kusugan Xagardheer oo aan qadka Telefoonka Saakay aynu kula Xiriirnay ayaa inoo Sheegay inuu jiro qasaaro uu gaystay dabka.

 Mehrado Ganacsi oo tiradoodu gaarayso ilaa Sideed ayaa ku gubtay halka dabka uu ka kacay.

Mid ka mid ah shirkadaha Muqdisho oo ballan qaad fiican u sameysay haweeneydii afarta caruur dhashay.

Iyadoo dhawaan hooyo Soomaaliyeed Magaalada Muqdisho ay ku dhashay caruur mataano ah oo gaarayaa ilaa afar hal kamid ahna uu geeriyooday ayaa Hooyadaasi Soomaaliyeed waxa ay heshay gurmad kala duwan.

Masuuliyiin ka socotay Shirkada Hormuud oo maanta gaaray halka ay ku nooshahay hooyadani ayaa waxa ay sheegeen inay la socon doonaan xaalada ay ku nooshahay haweeneydaasi muddo dhan labo sano.Cali Sheekh Yaasiin Cali Fadhaa oo kamid ah xubnaha Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo saxaafada kula hadlay guriga ay dagan tahay haweeneyda ayaa wuxuu sheegay in muddo labo sano hada kadib ah ay balan qaadayaan nolosha haweeneydaasi.

Wuxuu sheegay Cali Fadhaa in Xaalada caafimaad iyo mida dhaqaale intaba ay la soconayaan hadii ay yihiin Shirkada Hormuud isaga oo baaq ujeediyay ganacsatada Soomaaliyeed kaasi oo ugu baaqay inay caawiyaan hooyadani Soomaaliyeed.

Maamo Xaliimo Maxamed Cabdi oo iyadana goobtaasi ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay inay ku faraxsan tahay sida Shirkada Hormuud ay udamaanad qaaday la socodka xaaladeeda muddo labo sano ah ee hada soo socota mahadnaqna ujeedisay.

Maalmo kahor ayeey aheyd markii deeq kala duwan la gaarsiiyay hooyadani Soomaaliyeed ee dhawaan afarta caruurta ah ku dhashay Muqdisho halka mid kamid ah caruurtana uu geeriyooday.

DEG DEG: Shaqaale Samafal ahaa oo lagu dilay………..!

Kooxo hubaysan ayaa goordhow waxaa ay Mid kamid ah Shaqaalo Samafal ay ku dileen Gobolka Waqooyi bari Ama Gobolka NFD.

Dilkan ayaa ka dhacay xerada dadka Soomaalida ay ku barakaceen ee IFO.

dhowr xabad ayaa madaxa looga dhuftay Ninkaan oo dad goobta ku sugan ay inoo sheegeen in lagu magacaabi jiray Ducaysane.

Kooxaha dilka gaystay ayaa baxsaday Isagana goobta lagu weeraray ayuu ku dhintay.
Waxaanan Sidoo kale si rasmi ah loo ogayn hay’ada uu ka tirsanaa Marxuumka ladilay iyo Cida dishay.

Frank Lampard iyo Ryan Bertrand oo laga reebay xulka Engaland ee u safraya Poland.

Xiriirka kubada cagta dalka Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in labada ciyaaryahan ee kooxda Chelsea Frank Lampard iyo Ryan Bertrand ay seegi doonaan kulanka xulka England uu isreeeb-reebka koobka aduunka ciyaar ka tirsan booqan doono dalka Poland.

Waxay seegeen kulankii Jimcada ay England guusha ka gaartay San Marino laakiin Roy Hodgson ayaa rajo ka qabay inay ciyaaraan kulanka labaad ee talaadada.

Si kastaba ha ahaatee, xulka England ee tababarka ku qaadanaya Worford ayaa soo weriyey galabnimadii axada, in go’aan lagu gaaray inuusan midkoodna ciyaarin.

Frank Lampard iyo Ryan Bertrand ma ciyaari doonaan kulanka England isreeb-reebka FIFA World Cup 2014 ay la ciyaari doonto xulka Poland,” ayaa lagu yiri warbixin lasoo dhigay website-ka FA-ga.

“Lampard (oo kubka) ka dhaawacan  iyo Bertrand (oo xumad) heyso qeyb kama aysan aheyn guushii 5-0 ta aheyd ee San Marino diyaarna uma noqon doonaan kulanka talaadada.

“Roy Hodgson iyo xulkiisa ka kooban 23ka ciyaaryahan waxay Subaxa Isniinta u safri doonaa Warsaw [caasimada Poland].”

 

Ashley Cole oo dhamaadka xilli ciyaareedkan ka tegaaya kooxda Chelsea + Sababta.

Ashley Cole ayaa diyaar u ah inuu ka tago Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii la isku afgaran waayey wadahadalo uu qandaraaska ku kordhin lahaa.

Cole ayaa diiday inuu saxiixo hal sano oo uu qandaraaska ugu kordhinaayo Blues wuxuuna isku diyaarinayaa inuu bisha Janaayo ee sanada cusub la hadlo kooxo shisheeye ah, oo ay ku jiraan Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Daafaca bidix ee u dashay dalka England ayaa ka mid ah xulka Roy Hodgson ee kulan isreeb-reebka koobka aduunka ee 2014 la ciyaaraya xulka Poland habeenka talaadada, siyaasada cusub ee Chelsea ayaana Cole u diideysa inaan la siin wax ka badan qanadaraas sanad ah maadaama uu ka weyn yahay da’da 30 jirka.

Hadii Cole oo 31 jir ah iyo Frank Lampard oo 34 jir ah kaasoo sidoo kale qandaraaskiisu dhacayo xagaaga soo aadan, ay ka tagaan Stamford Bridge, taasi waxaa loo arki doonaa muuqaal ah in Roman Abramovich uu kala jebiyey kooxdii kusoo guuleysatay Champions League. Wuxuuna ninka u dhashay dalka Ruusha u sheegay ciyaartoydiisa inay mas’uuliyad isi saaraan ka hor inta uusan bishii March ee sanadii hore shaqada ka raacdeyn Andre Villas-Boas, markaasoo ay Chelsea hanatay FA Cup iyo Uefa Champions League.

Cole, waxaa si gaar ah isha ugu haaya qabiirka hugaamiya kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson, kaasoo diyaar u ah inuu xidigaan ciyaaray 188 kulan ee Horyaalka ah uu ciyaarsiiyo wax ka badan 235 kulan oo Barclays Premier League ah hadii uu kusoo biiro Old Trafford.

Dad lagu Gowracay gobolka Hiiraan.

Dhacdo Naxdin leh ayaa lagu arkay magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka hiiraan ka dib markii qof deegaanka la gowracay.

Maydka Ninkan la gowrcay ayaa waxaa lagu arkay gudaha magaalada Beledwayne gaar ahaan dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Magaaladaas taasna waxaa ay cabsi badan gelisay shacabka.

Muuqaalka Ninka la dilay ayaa waxaa uu ahaa ruux la gowracay oo qoorta laga jaray.

Dilka Ninkan baaritaankiisa ayaa waxaa isku howlaya Saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka hiiraan balse waxaana jirin ilaa iyo hada wax cadayma ah oo ay ka heleen ruuxa la gowracay.

Sababta ka dambaysa in Ninkan la gowraco ayaanan la garanayn laakiin dhacdadan ayaa waxaa ay kamid tahay dhacdooyin gowrac oo lagu arko Gobolada dalka.

“XOG”: Sirta ka dambeysa waqtigii Baarlamanka uu u qabtay R/W Saacid iyo khilaaf lacageed oo jira.

Shalay ayaa baarlamanka Somalia, waxa ay qaadeen tallaabo codsi ah, balse u ekeyd amar ayaga oo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u mariyay warbaahinta in R/W Saacid muddo laba malamood gudahood uu ku hor yimaado baarlamanka si codka kalsoonida loogu qaado.

Haddaba qaar ka tirsan xildhibaanada oo arrintaas dhaliilsan, ayaa la hadalay Caasimada Online, waxaana ay sheegeen in tallabadaas ay tahay mid sharci darro ah, sababtuna ay tahay in ra’iisul wasaaraha uu heysto muddo bil ah, si uu codka kalsoonida loogu qaado.

Baaritaan ay sameysay Caasimada Online, ayaan ku ogaanay inay jiraan arrimo kale oo taas ka fog oo qasbay tallaabada ay qaadeen xildhibaanada.

Waxa ay tani ka dambeysay wada hadallo maalmahan socday oo xubno ma talaya ra’iisul wasaaraha ay la yeelanayaan xildhibaano kor u dhaafaya boqol iyo konton, ayaga oo kula jireen wax u eg gor gorton ah in la ansixiyo ra’iisul wasaaraha.

Xubnaha ka socday ra’iisul wasaaraha ayaa u ballan qaaday xildhibaan kasta lacag dhan laba kun oo dollar, balse taasi ay diideen inta badan xildhibaanada, marka laga reebo xubno yar oo fara ku tiris ah.

Xog aan helnay ayaa muujineysa in Xildhibaanada intooda badan ay dalbanayaan lacag u dhaxeysa 4 illaa 5 kun oo dollar, si ay codka kalsoonida u siiyaan ra’iisul wasaaraha, balse taasi uu ku gacan seeray Ra’iisul wasaare Saacid.

Sidaa darteed ayaa ayaga oo ka amba qaadaya taas, waxa ay dalbadeen in ra’iisul wasaaraha deg deg uu ku hor yimado baarlamanka, si ay halkaasi ugu ridaan.

IGAD oo ku shireysa Kismaayo iyo shirkii Nairobi oo lasoo rarayo + Doorasho ka dhaceysa. “XOG”

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in urur Goboleedka IGAD uu go’aamiyay in shirka gudiga farsamada ee ka socda Nairobi loo raro magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isbuuca soo socda.

Wararka oo aan ka helnay ilo xog ogaal ah, ayaa sheegaya in dhamaan 12-ka xubnood ee gudiga farsamada iyo madaxda saxiixayaasha ay dhowaan gaari doonaan magaaladda Kismaayo.

Ciidamada Amisom ee Kenya ka socda kuna sugan Kismaayo iyo saraakiisha kale ee Soomalida, ayaa lagu war geliyay inay u diyaar garoobaan martigelinta Shirka gudiga farsamada iyo kan ku xigi doona ee shirweynaha doorashada madaxweynaha Jubbaland oo isna ka dhici doona garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Waxaa hadda garoonka Kismaayo ka socda dayactir xoog leh oo ay wadaan ciidanka Amisom. Sidoo kale waxaa dhisme iyo dayactir lagu billaabay dugsiga sare ee Ganaane oo lagu wado in la dejiyo ergada ka iman doonta 15-ka degmo ee sadaxda gobol ee wax dooran doonta, oo kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Sidoo kale warar ku dhow dhow urur goboleedka IGAD ayaa waxay sheegayaan in la qorsheeyey dhamaystirka maamul goboleedka Jubbaland inuusan dhaafin Bisha December ee sanadkan 2012.

Waxaa jira culays beesha caalamka ka imanaya oo sheegaya in si deg deg loo soo afjaro shirka gudiga farsamada ee Nairobi ka socda, kadibna shirweynaha loo raro magaalada Kismaayo. oo hada lagu wado inuu ka qabsoomo shirweynaha iyo doorashada maamulka Jubbaland.

Waxaa sidoo kale jira shirar hoose oo ka socda gudaha Jubooyinka loogana baaraan degayo qaabka loo dhamaystiri lahaa howlaha iyo tasiilaadka shirweynaha Jubbaland oo ka dhici doona garoonka diyaaradaha ee Kismaayo sida aan ka xiganay illo wargaleen oo ku dhaw dhaw saraakiisha kooxda Raaskambooni.

Bilicda Muqdisho oo sii kordheysa: Daawo Sawirradii ugu dambeeyay!

Bilicda iyo quruxda magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, ayaa sii kordheysa maalinba maalinba ka dambeysa ayada oo aad arkeyso in magaalada ay ksuoo badanayaan dhismooyin cajiib ah iyo gawaari qurux badan.

Taasi waxa ay astaan u tahay in magaaladu ay sii kobceyso, islamarkaana ay ammaan sii noqoneyso, oo dadku ay isku haleen karaan.

Haddaba halkan ka daawo sawiro kooban oo dhowaan laga soo qaaday Muqdisho.

Federaalka xal ma u yahay Somalia?

Sidaan wada ognahay heshiiskii Embagaati ee Soomaalida logu qabtay dalka Kenya sanadii 2002-2004, waxaa gabagabadii lagu soo yagleelay dowlad ku dhisan habka federaalka, waxaana madaxweyne u ahaa alaha unaxariistee C/lahi Yusuf Axmed.

Bishii Augusto aynu soo dhaafnay ee sanadkaan waxaa magaalada Muqdisho lagu ansixiyay Dastuur Federaal ah oo KMG ah, waxaana ansixyay oday dhaqameedyo gaaraya 825 kuwaasoo laga soo kala xulay gobolada dalka uu kakoobanyahay, hadaba dastuurkan KMG ah ayaa waxaa katimid dood aad ufarabadan iyo Su’aalo iyadoo aqoonyahano farabadana ay saluugeen qodobo badanoo kujira dastuurka.

Qodobo badan oo kamid ah dastuurka ayaa muuqda kuwo ay lug kuleyihiin doowladaha dariska la ah Soomaaliya, waxaana kamid ah qodobka tilmaamaya in dhulalka Soomaliya kamqan ee ay kahaystaan Kenya iyo Itoobiya lagu raadiyo xal diblomaasiyadeed ee aan lagu raadin xoog, sidokale waxaa kamid ah qodobada keenay muranka qodob isna tilmaamaya an Gabadha ay ku qaangareeyso da’da 18-aad.

Si kastooy ahaataba dastuurkan ayaa la ansixiyay iyadoo shacabka soomaaliyeed aysan wax cod ah ama aragti kuyeelan, waxa uuna lamid yahay qaraaradii iyo shirarkii horay loogu qabtay Soomaalida oo aysan shacabka marnaba ku lahayn wax cod ah.

Doowlada cusub ee jamhuuriyada Soomaaliya madaxdana uu kayahay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hada kumashquulsan ineey sameeyso Maamul Goboleedyo, iyadoona laraacayo habka Federaalka ayaa waxaan jeclaanay inaan qoraalkan kusoo gudbino aragtiyo iyo latalin kusaabsan sameynta maamuladaas islamarkaana anfici doonta dadka leh go’aan gaarista wadankaan sharafta leh.

Waxyaabo loo baahanyahay in la ilaaliyo marka lasameeynayo maamul Goboleedyo:

1-Waxaa lagama maarmaan ah in ladajiyo qawaaniin iyo halbeegyo xadidan kahor intaan lasameen maamul Goboleedyada, qawaaniintaas iyo halbeegyadaasna waa ineey ahaadaan kuwo ku dhisan wadaniyad, sinaan, cadaalad, iyadoo dhanka xuquuqda iyo waajibaadkana ay u sinaanayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo qaas ahaan dadka dagan Gobolada lasameeynayo.

2-Doowlada midnimada qaran waa in iyada ay dajisaa qaabka loo sameeynayo Maamul Goboleedyada, iyadoo lala tashanayo dadka deegaanka, waana in laysku dhafaa dadka dagan micnaha waa in ay qayb kawada noqdaan Maamulka oo ku koobnaan hal cid.

3-Maamul usameeynta Gobolada arinta kusaabsan waa in doowlada Soomaaliya ay iyada noqotaa mida go’aamisa, islamarkaasna waa ineeysan jirin faragalin dibada ah qasatan doowladaha dariska nala ah ee wata baryahaan damacyada guracan.

4-Waxaa muhiim ah in la tixgaliyo kala duwanaashaha qabaa’ilka daga Gobolka loo sameeynayo maamulka iyadoon la eegeen qabiilka ku badan ama ku xoog badan taas waxay keeni kartaa isku dhac iyo dib udhac.

5-Maamulada lasamayn doono waa ineey ahaadaan kuwo kashaqeeya danaha iyo masaalixda guud ee Soomaaliya dhan walbo ha ahaatee, sida dhaqaalaha, amniga, siyaasada…waxaana reebtoon in maamulada lasamayn doono ay kashaqeeyaan kala goynta shacabka Soomaaliyeed iyo jiritaanka umada sidokale waa inusan u adeegin dowladaha cadaowga ku ah Soomaaliya.

Doowlad kastoo aduunyadan kajirta waxay leedahay qiyam siyaasi ama yool ay dooneeyso ineey gaarto xaqiijinteeda islamarkaasna aan lataaban karin waxaana kamid ah:

-Waa in doowlada ay awood uleedahay in dalkeeda ay kadifaacdo handadaad kastoo kaga imaata dibadda
-Waa in doowlada ay awood uleedahay kobcinta dhaqaalaha wadanka qaasatan xagga ganacsiga.
-Doowlada waa ineey awood uleedahay xaqiijinta siyaasada arimaha gudaha taasoo hadii aysan dowlada ku guuleeysan ay markaas u nuglaaneeyso handadaada cadawga dibada kadib dagaalka qaboow, waa sida hada nahaysato anaga hadaan soomaali nahay.
-Doowlada waa ineey ilaalisaa sharafka iyo karaamada ay kuleedahay Gobolka, taasoo keeni karta in ay miisaan kuyeelato Go’aan kagaarista arimaha qaar ee Gobolka.
-Doowlada waa ineey dib u dhigtaa dhaqan galinta nidaamka Federalka ilaa iyo inta ay shacabka Soomaaliyeed cod afti ah uqaadayaan dastuurka cusub kadib afar sano doowladaan hada jirta.
-Waxaa wanaagsan in dowlada ay soo magacaawdo gudi daraasad ku soo sameeya nidaamka Federaalka inuu yahay mid ku fiican Soomaaliya iyo inuusan ahayn.

Dadka qaba in hab Federaal lagu dhaqo Soomaaliya iyo waxa ay ku doodayaan:

=Dadka ku doodaya in nidaamka Federaalka uu soomaaliya xal uyahay waxay daliil kadhigteen in Soomaaliya ay soo martay dagaalo sokeeye oo qabiil sidaa darteedna ay mesha kabaxday is aaminaada taasoona dhalisay is faham waa iyo kalsoonidii oo burburta, sido kale waxay qabaan in ay jirto cabsi laga qabo in markale ay soo laabato doowlad kali talis ah sida tii Maxamed Siyaad Bare, sidaa darteed waxay qabaan in nidaamka Federaalka uu xal uyahay Soomaaliya.

=Sidokale dadka udoodaya Federaaliisimka waxay qabaan in dadka dagan Gobolka ay awood uyeelanayaan ineey iska dhex arkaan siyaasada iyo maamulka maadama dhamaan dadka deegaanka ay iska soo dhex xulanayaan dadka umatalaya maamulkaas.

Dadka Mucaaradsan Federaaliisimka iyo xujooyinkooda:

Waxaa jira dad farabadan oo mucaaradsan nidaamka Federaaliisimka waxayna sabab uga dhigeen waxyaabahan aan hoos kuxusi doono:

=Waxay leeyihiin nidaamka Federaalka waa mid dhibaato hor leh kusoo kordhin doona xaalada Soomaaliya qaasatan markeey imaato in laqabysado dhaqaalaha iyo qayraadka deegaankaas, sidokale waxaa mushkilad ka’imaan doontaa sida loo sameeynayo xuduudaha maamulada.

=Nidaamka Federaalka maahan mid lajaanqaadi kara Soomaaliya, maxaa yeelay nidaamkanw axaa loogu talagalay dad kala diin ah kala luqad ah sidaa darteed Soomaali waa isku luqad isku diin isku midab.

=Nidaamka Federaalka waa nidaam ajnabi ee maahan nidaam Soomaaliyeed ama ay qabto diinteena islaamka, in Soomaaliya lagu dabaqana waxaa kadanbeeya dano siyaasadeed qaasatan doowladaha cadawga Soomaaliya ee Dariska nala.

Gabo gabadii, nidaamka Federaalka in lagu dhaqo Soomaaliya waa in marka hore ay katimaadaa rabitaanka shacabka waana inuu ahaadaa mid isku keena Soomaalida marka laga hadlayo masaalixda guud iyo midnimadeeda ee maahan in ay dowlado ajnabi ah nagu qaasbaan kuwaasoo dano gaar ahaaneed naga leh.

W/Q: Hassan Abdi

 Nairobi, Kenya

 

Essien: Waxaan doonayaa inaan Real Madrid kula guuleysto Champions League.

Ka dib markii uu daqiiqadihii ugu dambeeyey Chelsea si amaah ah ku siisay kooxda Real Madrid, Michael Essien ayaa daaha ka qaaday inuu mar kale usoo carfaayo koobka ugu xiisaha badan Yurub ee Uefa Champions League.

Los Blancos ayaa isha ku heysa inay soo meeleysato koobkeedii Tobnaad ee Champions League.

Wuxuuna halbowlaha qadka dhexe ka qabaa rajo inuu mar kale Dhega weyne qaado isagoo ka hoos ciyaaraya Jose Mourinho, isagoona sheegay inuu la yaabay usoo dhaqaaqitaankiisii Madrid.

wuxuu u sheegay Wargeyska Marca: “Markii aan ku biiray Chelsea marnaba uma maleyn inay taasi dhici karto, laakiin waxaa ka dhaca kubada cagta wax lala yaabo.”

Essien oo dhowaan noqday xidigii ugu horeeyey ee kasoo jeeda dalka Ghana ee ciyaara kulanka El Clasico ayaa yiri: “Sir ma ahan in Jose Mourinho uu baahi u qabay xirfadeyda tan iyo markii aan imid England.

Essien oo Champions League sanadii hore kula soo guuleysatay kooxda Chelsea ayaana rajo ka qaba inuu Madrid ka caawiyo keedii 10-aad: “Waxay wax fiican oo taariikh leh u noqon laheyd kooxda iyo magaaladaba, anigana sidoo kale waxay ii noqon laheyd wax fiican gaar ahaan xirfadeyda kubada cagta hadii aan ku guuleysto laba Champions League oo isku xigta.”

 

 

 

Daafaca Real Madrid Marcelo oo sedax bilood garoomada ka maqnaan doona + Sababta.

Daafaca duula ee kooxda Real Madrid iyo xulka Brazil Marcelo ayaa garoomada sedax bilood ka maqnaan doona ka dib markii uu ku ciyaaray jab lugta hoosteeda ah, sida ay xaqiijiyeen xiriirika kubada cagta dalkiisa Brazil.

24 jirkaan ayaa dhaawac qabay intii uu tababarka qaadanaayey wuxuuna ka dhego adaygay tashiga qolyaha caafimaadka, taasoo loo sheegay inuusan ku ciyaari Karin dhaawaca.

Si kastaba, waxaa la xaqiijiyey inuu dhaawac kasoo gaaray rays ma gaartada lugtiisa midig, waxaana laga yaabaa inay u baahato qaliin.
“Waxaan soo laaban doonaa sida ugu dhaqsaha badan,” ayuu u sheegay saxaafada.

“Qorshe ahaan waa ka hor Confederations Cup 2013ka, waxaana rajo ka qabaa inaan qeyb ka ciyaaro.”
Kooxda Jose Mourinho ayey hada saameyn ku heysaa la’aanta daafac bidixeed iyadoo Fabio Coentrao laga saaray ciyaartii xulkiisa Portugal guul darradu kasoo gaartay Ruushka.

 

Inter Milan oo dooneysa inay Janaayo keensato daafaca kooxda FC Porto Rolando.

Inter Milan ayaa lasoo werinayaa inay qorsheyneyso inay dalab cusub bisha Janaayo u dirto daafaca dambe ee kooxda FC Porto Rolando.

Ciyaarayahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa lala xiriirinaayey inu xagaagii tegay u baqoolayo Serie A, markaasoo ay hardan ugu jireen Inter iyo Juventus.

Rolando Jorge Pires da Fonseca ayaa maxadiisa kooxda Porto dul dhigtay aduun lacageed gaaraya 15 milyan oo euro, kaasoo baadi goob loogu jiray bilihii tegay.

Nerazzurri ayaa rajo ka qabta inay 27 jirkaan bisha Janaayo marka uu suuqu furmo ay kusoo xero gashato 10 milyan oo euro.

Riccardo Montolivo: Shalaayto kama taagni go’aankii aan kula soo biiray Milan.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda AC Milan Riccardo Montolivo ayaa ka dhawaajiyey inuusan ka shalaaynin inuu ku biiro kooxda Milan, isagoona difaacay qaabciyaareedkiisa xulka Italy ee kulankii Almenia.

Mishiinkaan haga qadka dhexe ayaa si xor ah uga soo tegay kooxda Fiorentina wuxuuna ku biiray Rossoneri, oo hada horyaalka Italian Serie A kaga jirta booska 11-aad

“Waa sax inay Milan ku jirto waqti adag, laakiin kama aana shalaayn wax quseeya go’aankaan,” ayuu yiri Montolivo.

“Dhan ahaan tani waa marxalad gooni ah, Milan weli waa kooxda ugu koobabka badan caalamka.

“Markii aan kasoo tegay Fiorentina waxaan doonayey meel aan mustaqbalkeyga kusoo afjaro. Milan ayaana ah meesha fikrad ahaan I gelisay kalsoonida. Sida ugu dhaqsaha badan ayaana kusoo kabsan doonaa.”

Zinedine Zidane: Maalin uun tababare waan u noqon doonaa xulka France.

Halyeeyga kubada cagta Zinedine Zidane ayaa daaha ka qaaday inuu maalin uun macalin u noqon doono xulka France.

40 jirkaan ayaa xulkiisa lagu niinaaso Les Bleus ku hugaamiyey koobkii aduunka ee 1998dii iyo koobkii Qaramada Qaarada Yurub ee 2000, ka hor inta uusan Koobkii aduunka ee 2006dii kabtanku u weyn xulka Italy, wuxuuna talaabo u jiraa inuu noqdo macalin buuxa.

“Waxaan ku baasi doonaa shahaadadeyda tababare ee mahadka kubada cagta France,” ayuu Zidane u sheegay wargeyska L’Equipe.

Zizou ayaa la weydiiyey hadii uu doonayo inuu macalin u noqdo xulkiisii hore ee France wuxuuna ku jawaab celiyey:

“Maxaa ii diidaya, maalin uun xulka macalin waa u noqon doonaa.”

 

Muqdisho: Haweeney Ganacsato ahayd oo gurigeeda lagu dhex dilay.

Kooxo hubaysan ayaa  haweenay Ganacsata ah waxaa ay ku dileen gurigeeda oo ku yaala Xaafada suuqa Xoolaha ee degmada heliwaa.

Dilka Haweenaydan ayaa yimid markii Wiilal bistoolada ku hubaysan ay ugu galeen gurigeeda oo Xaafada Cali Turcaaye ku yaala.

Haweenaydan  la dilay ayaa waxaa la sheegay inay ahayd ganacsato oo waxaa ay ka ganacsan jirtay Shidaalka iyadoo fariisin jirtay Black Sea.

Sabata loo dilay haweenaydan ganacsatada ah lama oga balse dad  ay aad isugu fiicnaayeen ayaa sheegaya in loo malaynayo sababta loo dilay inay tahay Arimo la xiriira shidaalka gawaarida dowlada ay ka iibiso.

Laakiin Waxaa Ceeb iyo Waji Xumi ay ku tilmaameen shacabka Muqdisho in dadka rayidka ah guryahooda lagu dilo dowladana ay fadhiso.

Tuugo si cajiib oo dhib la’aan ah ku dhaca lacagta dadka oo ka soo shaac baxday dalka Sweden.

Beryahaan dambe waxaa kusoo batay dalka Sweden tuugo ka qaraabata sanduuqa boostada, iyagoo la baxa warqadaha biilasha ay soo diraan shirkadaha, ka dibna isbedal ku sameeya.

Qiyaanada ayaa ah in ay tuugadu la baxaan warqada biilka ay soo diraan shirdaha doonaya in uu qofku lacagta soo bixiyo. Tuugada ayaa wax ka soo badala koontada lacagta lagu shubayo iyagoo markaas warqad cusub qofka u soo tuura. Arintaas ayaa keentay in dadka qaar ay lacagta u diraan tuugada.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah tuugada ayaa waxay sameeyaan in ay iskood u soo dirsadaan warqado biil ah adiga oo aan waxba ka dalban. Tuugadaan ayaa waxay abuuraan shirkado been abuur ah iyagoo faktuurooyin badan u diray shacabta Sweden, arintaas ayaa keentay in dad badan ay lacag u soo shubaan tuukada.

Beryahaan dambe ayaa waxaa soo batay qiyaanooyinka ay sameynayaan tuugada ku qaraabada qiyaanada biilasha iyo internetka. Dad badan ayaa isbuucyadii la soo dhaafay waxaa sidoo kale lagu qiyaanay ka dib markii kombutarkooda Virus lagu shubay ka dhibna ay u soo baxday fariin u muuqada in ay ka timid Booliska oo qofka lagu leeyahay “waa lagu ganaaxay” taas ayaa sidoo kale keentay in dad badan ay lacago ganaax been ah bixiyaan. Booliska ayaa sheegay in aysan dadka qaabkaas ganaax ugu dirin.

Si aad isaga ilaaliso in lagugu qiyaano warqadaha biilasha ayaa waxaa haboon in aad lacagta kirada, korontada iwm aad ku bixiso waxa loo yaqaan “E-faktura ama Autogiro. Sidoo kale iska fiiri koontada la socota warqada iyo magaca shirkada in ay isleeyihiin.

W/Q: Jimcaale, Somaliska

Dhageyso hadalki uu Jawaari maanta ka jeediyay golaha Baarlamanka.

Baarlamanka Somalia ayaa maanta ku shiray magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana ay kullankooda kaga hadleen waxyaabo badan oo dalka quseeya.

Waxaa ugu weynaa inay ra’iisul wasaaraha ka codsadeen inuu laba maalmood gudahood ku hor yimaado baarlamanka.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa hadalkii guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari uu halkaasi ka jeediyay.

Hadalka Jawaari

 

Dhageyso hadallo qiimo badan oo ay maanta jeediyeen taliyayaasha ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Taliyayaasha Ciidamada Dalka Somalia ayaa maanta hadallo ka jeediyay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa codadka Hadallada  Abaandulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Gen. Dhago Nadan, Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Sheekhuna Maye iyo Agaasimaha hay’adda nabad sugidda qaranka Axmed Fiqi ay maanta ka jeediyeen Wanlaweyn sheegayna in ciidama ammanka sida nabad sugida iyo Booliska la geeyo Wanlaweyn iyo deganada Hoos Taga‏.

Halkaan ka dhagayso Hadallada Dhagobadan, Sheekuna Maye iyo Fiqi