29.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Somalia can learn from Nelson Mandela, Foreign Minister says

Her Excellency Fawzia Yusuf H. Adam, Deputy Prime Minister and Foreign Minister, today paid tribute to the late Nelson Mandela, hailing his example of reconciliation, national unity and peace-building as a critical lesson for Somalia.

“Today in Paris, accompanied by so many African leaders, we are all in mourning for the loss of Africa’s greatest son. We celebrate him as a freedom fighter and tireless campaigner for justice, a shining example of what the human spirit can achieve against all odds.”

“For me as a Somali he is also the greatest symbol of national unity, a lesson in what a country can achieve when it sets aside its divisions and works together for a greater good. What society in Africa was ever more divided than apartheid South Africa? And yet look at it now, the rainbow nation, a country at ease with itself and its neighbours, an economic powerhouse admired across the world. How appropriate that we are here to discuss peace and security in Africa, perhaps the greatest legacy Mandela gave to South Africa and the world.”

The Foreign Minister said Somalis needed to take a hard look at themselves and reflect on what Mandela had achieved for his country.

“Surely if we learn one thing from Mandela it is this: that conflict and political fighting lead us nowhere and national unity is the only way forward. We have put the world’s longest running civil war behind us, which is already a major achievement. We must now come together as a nation and make sure we build a Somalia that is completely free from conflict for our children and grandchildren.”

“I am confident that this summit will enhance relations between France and Africa and strengthen bilateral relations with Somalia and thereby boost security and economic prosperity in our country.”

The Foreign Minister was speaking after meeting President François Hollande, who is hosting the two-day Élysée Summit for Peace and Security in Africa. The gathering brings together heads of state and leaders of 53 countries, together with UN Secretary-General Ban Ki-moon, African Union Commission Chairperson Nkosazana Dlaimini Zuma, President of the European Commission José Manuel Barroso, President Herman van Rompuy, President of the European Council, and senior representatives from the World Bank, IMF and African Development Bank.

Video: Muqdisho & habeen xusuus leh

0

Caasimada Online:  Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo horumarkeeda ay gaartay in Xiliga Habeenkii ay Shacabka u damaashaad tagaan goobo aad kad areemi akrtid in amaanka uu yahay mid sidii xiligii bariisamaadka oo kale.

Muqdisho ayaa sidaa noqotay marnaba qalbigaada ma soo galaya ee nala daawo muuqaal Habeen Xusuus geliyay Muqdisho sida ay ahaan jirtay Xiligii Bariisamaadka,,, “ANAA HUBO WAAD QIIROON DOONAA EE DAAWO BARNAAMIJKAAN…”

HALKAAN KA DAAWO:

NELSON MANDELA oo geeriyooday

Johannesburg (Caasimada Online) – Madaxweynihii ugu horeeyey ee madow ah ee dalka Koonfur Africa Nelson Mandela, ayaa caawa geeriyooday, waxaa sidaas ku dhowaaqay madaxweynaha South Africa Jacob Zuma.

Mr. Mandela oo 95 jir ahaa, ayaa hogaamiyey xukun kala wareegii madaowga ee caddaanka laga tirada badan yahay, sanadihii sagaashamaadkii, kadib 27 sano oo uu xabsi ku jiray.

Waxa uu gar gaar caafimaad oo xoog badan uu ku helayey gurigiisa, asaga oo infection uu ka qabay sambabka, kadib saddex bilood oo uu ku jiray isbitaalka.

Hadal uu ka jeediyey TV-ga ayuu Mr. Zuma ku yiri “Mr. Mandela waa naga tagay, si nabad leh”.

“Waddankeenii waxa uu waayey wiilkoodii ugu weynaa” ayuu raaciyey.

Caasimada Online

Xafiiska Johannesburg 

[email protected]

Kolonyo uu la socday Axmed Madoobe oo Kismaayo lagu weeraray

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegay qarax miino in uu ka dhacay magaalada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay kolonyo uu la socday hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba Axmed Madoobe kuwaasoo marayay xaafadda la yiraahdo Aargada.

Afhayeenka maamulka kumeel gaarka ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax oo la hadlay VOA aayaa sheegay in qaraxaas uusan wax yeelo geesan sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeen wuxuu kaloo sheegay in qaraxaas uusan wax dhibaato ah soo gaarsiin kolanyadii watay Axmed ee la weeraray.

Dhinaca kale, afhayeenka maamulka kumeel gaarka ee Jubba ayaa ka hadlay in maalmaha soo socda la magacaabi doono 10 wasiir oo ka kooban golasha wasiiradda maamulka Axmed Madoobe.

Cabdi Naasir Seerar ayaa tilmaamay in golaha baarlamaanka ay ka imaan doonaan 15 degmo ee ay ka kooban yihiin seddax gobal ee kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada loo sameeyay ciidamo gaar ah oo gaaraya ilaa 200 oo askari.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Saacid: Anniga & golahayga wasiiradda waxaa soo dhaweynaynaa go’aankii uu Barlamanka kalsoonida nagala noqday

Muqdisho (Caasimada Online) Raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiiradda ayaa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay Muqdisho.

Kulanka markii uu soo dhamamaday waxaa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa raysal wasaaraha xilka ka degaya ee Saacid, isagoona ugu horreyn sheegay in uu soo dhaweenaayo go’aanka ay qaateen baarlamaanka kuwaasoo codka kalsoonida kala noqday.

“Maanta waxaanu yeelanay kulfadhigii golaha, tan iyo markii uu soo baxay go’aanka baarlamaanka 2-dii bishan December, waxaanu ka hadalnay sidii caadadu aheyd umuuro badan oo howlaha Qaranka quseeya, gaar ahaana go’aankii Baarlamaanka, markii aanu dhinacyo badan ka eegnay, waxaa anigoo aad uga mahadnaqaya golaha Xukuumadu ay mar labaad ila garteen liana ayideen inaanu taageerno, isla markaana aqbalno go’aanka Baarlamaanka, waana sidii aan hadda ka hor 3-dii bisha warqad aan u gudbiyay Gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynahaba u gudbiyay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay markii hore uu ku yimid isaga iyo golaha Xukuumadu si sharci ah isla markaana haatan maray wadada ugu haboon ee sharciga ah.

“Inaanu u hogaansano go’aanka Baarlamaanka sharaf iyo taariikhbey noo tahay runtii” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa u mahadnaqay Xubnaha golihiisa Wasiirada iyo dhamaamba hay’addaha dawliga ah sidii hufneyd ee ay ula soo shaqeeyeen intii uu xafiiska hayay mudada halka sano aheyd.

Saacid ayaa sidoo kale sheegay in uu soo dhaweyn doono raysal wasaaraha cusub ee uu soo magacaabi doono madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna caddeeyay in uu la shaqeen doono.

Ugu dambeyn raysal wasaarihii horre ayaa ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya in hab dhaqan fiican ku soo dhaweeyaan raysal wasaaraha cusub iyo xukuumadiisa.

Wuxuu uga digay xildhibaannada baarlamaanka in aysan ula dhaqmin sida isaga iyo xukuumadiisa ay ula dhaqmeen baarlamaanka kuwaasoo didday in uu iska difaaca eedeeaha loo soo jeediyay.

Waa hadalkii ugu horreeyay oo Saacid uu jeediyo tan iyo markii uu waayay kalsoonida baarlamaanka toddobadkii horre.

Waxaa ka muuqday raysal wasaarihii horre qof isku kalsoon oo wax wal wal ah aysan ka muuqan intii uu waday shirka jaraa’id maanta sida uu ku soo warramay wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Gabadh Fariin Cajiib ah u dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh. “Daawo”

Caasimada Online: Gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Filsan Fil fil kuna nool dalka Switzerland ayaa Fariin Cajiib Ah waxay Usoo Dirtay Madaxwaynaha Dalka Soomaliya Xasan Sheekh Mahamuud.

Sidoo kale Fariintaan oo Ah Mid Xiiso badan Ayaa waxay ku cabireysaa Gabadhani arimo badan oo xasaasi ah oo ku saabsan Madaxweynaha Dalka waxeeyna ka codsaneysaa madaxweynaha in uu mideeyo arin guul weyn u noqon karta dowladiisa waa hadii uu talada gabadhani qaato madaxweynaha.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Xog cusub: Baydhaba oo ay siyaasiyiin caan ah ku qul qulayaan (Warbixin)

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa ku qulqulaay siyaasiyiin iyo odayaal kuwaasoo u ololeenaya hirgalinta maamulka koonfur galbeed oo ay ku mideesan yihiin lix gobal.

Magaalada waxaa maanta gaaray xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkiisa ay tahay sidii uu uga qeyb gali lahaa shirka ka soconaya magaalada Baydhabo ee la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada Koonfur-Galbeed Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in ay dhowaan Baydhabo gaari doonaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaanno kale oo ka soo jeeda gobalada maamulka loo sameenaayo.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta ADC-da oo ah halka uu ka socdo shirka maamul u sameenta gobalada lixda ee kala ah, Baay, Bakool,Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Ged iyo Gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Faroole oo ka hadlay qaraxii Boosaaso

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe isagoona ka hadlay qarax ismiidaamin ah oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobalka Berri.

Faroole ayaa ugu horreyn cambaareeyay weerarka oo uu ku tilmaamay mid fulaynimo ah, wuxuu tacsi u diray dhammaaan dadkii wax ku noqday isagoona kuwa dhaawacmay u rajeeyay caafimaad taam ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qarixii maanta ay ku dhinteen toddobo qof  isla markaana 37 kale ay ku dhaawacmeen sida uu hadalka u dhigay.

‘’Waxaan ku kalsoonhaya midnimada reer Puntalnd iyo sida ay hal meel uga soo wada jeesteen cadowgooda” ayuu yiri madaxweynaha Puntladn.

Faroole ayaa sidoo kale sheegay in ammaanka Puntland la adkeen doono, wuxuuna u mahadceliyay ciidamada ammaanka oo ka hor tagay khasaaro ka dhasha weerarka sida uu hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale,madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dadkii ay waxyeellada ka soo gaartay qaraxa oo ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ay ku guul-darraysteen dagaalkii ay wadeen, ayna haatan u weeciyeen dadaalladooda sidii ay u waxyeelleyn lahaayeen shacabka Soomaalida ee aan waxba galabsan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Sawirro: Jawaari iyo Xasan Sheekh oo xalay u dabaal degay xil ka qaadistii Saacid iyo sir banaanka usoo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamanka Somalia, ayaa xalay u dabaal degay xil ka qaadistii xildhibaanada ay ku sameeyeen ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Xaflad casho sharaf oo uu soo qaban qaabiyey Jawaari, ayaa waxaa sidoo kale madaxweyne Xasan Sheeikh kala qeyb galay xildhibaanadii mooshinka ka keenay kadibna riday Saacid.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa ku celceliyay mahnaq uu u jeedinaayo baarlamaanka go’aanka ay qaateen, wuxuu caddeeyay intii ay socotay codka kalsooni kala noqoshada raysal wasaare Saacid in uu walwalsanaa sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha ayaa amaanay go’aanka uu qaatay raysal wasaarihii horre oo oggolaaday natiijada ka soo baxday codka ay u qaadeen xildhibaannada baarlamaanka.

Xildhibaannad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ahayd xidhibaannadii doonayay in la rido raysal wasaare Saacid ayaa madaxweynaha ka codsatay in uu soo dedejiyo magacaabista raysal wasaaraha cusub.

Waxa ay sheegtay in hadda talada ay u taallo madaxweynaha, waxaana ay ku tartarsiisay inta xildhibaannada aysan fasax aadin in uu magacaabo raysal wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo kulanka ka hadlay ayaa ammaanay kaalinta uu qaatay baarlamaanka ee lagu riday Saacid.

Wuxuu ku tilmaamay qaabkaas mid caddaalad ah oo ay dadka ku qanceen sida loo soo tabiyay sida uu hadalka u dhigay.

Kulanka xaley laguma casuumin raysal wasaarihii horre Saacid iyo xildhibaannadii taageersanaa.

Xafladda Jawaari uu u sameeyey xildhibaanada, ayaa sidoo kale caddeysay inuu wax ka ogaa shirqoolkii lagu ceyriyey Saacid, oo iminka ogaaday in dhinacyo badan ay u tashteen.

Sawirrada munaasabadda
casho 1casho 2casho 3casho 4casho 5casho 6casho 7casho 8casho 9casho 10
Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

R/W SAACID oo soo diray fariintii ugu horeysay tan & markii uu xilka lumiyey

Muqdisho (Caasimada Online) Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Saacid Shirdoon ayaa soo diray fariin uu uga hadlaayo xaaladda dalka Soomaaliya.

Mudane Saacid ayaa sidoo kale ka mahadceliyay fariimo badan oo ka soo gaaray shacabka tan iyo markii uu waayay kalsoonida baarlamaanka iyo sida uu u oggolaaday go’aanka baarlamaanka.

Raysal waasaraha xilka ka tagaya ayaa muujiyay fariimaha loo soo diraayo in ay muujinayaan sida ay shacabka uga walwalsan yihiin mustaqbalka iyo sida uu noqon doono.

Fariinta oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri: “Waxaan helayaa fariimo aad u tiro badan oo iiga imaanaya shacabka Soomaaliyeed. Fariimuhu waxa ay ximbaarsanyihiin niyad wanaag ay ii muujinayaan dad keeyga iyo cabsi ay ka qabaan halka uu ku dambeyn doono xaalka dalka. Anigoo ay suurogal ii aheen in aan mid mid idinkaga soo jawaabo fariimahiina oo runti aad iyo aad u farabadan, waxaan jecelahay in aan si guud idin kugu mahad celiyo marka hore. Mar labaad waxaan idiin sheegayaa in aad is dajisaan oo aydan niyad jabin. Wax walba qeer bay ku dhamaan doonaan, Somalia na dib uma laaban doonto Inshallah.” ayuu yiri raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya.

saac face

Shirdon, ayaa xafiiska joogay wax ka yer 14-bilood, waxaana magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Mohamud bishii October 2012, markii bil uun Xasan Maxamuud doorteen baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

QM oo ku dhowaaqday hadal niyad jab ku ah maamulka Somaliland (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa u qaabilsan Somalia Nicholas Kay, ayaa sheegay inay Qaramada Midoobay taageersantahay wadahadalada Somaliland iyo dowladda Soomaaliya u socda.

Nicholas Kay oo u waramay idaacadda Radio France International (RFI), ayaa wuxuu sheegay inay doonayaan inay guulaystaan wada hadalada u socda Somaliland iyo Soomaaliya, islamarkaana Somalia ay ahaato oo kaliya dal qura.

Mar la weydiiyey su’aal aheyd in arrinta Somaliland ay caqabad ku noqon karto doorashooyin uu sheegay inay Soomaaliya ka dhici doonaan sannadka 2016, ayaa waxa uu ku jawaabay oo uu yiri “Arrinta Somaliland way yara adagtahay. Waa run oo shacabka Somaliland waxa ay isu arkaan qaran madaxabanaan, laakiin ma jiro wadan keliya oo adduunka ka tirsan, xataa Afrika oo aqoonsani”.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri, “Markaas, waanu taageersanahay wada hadalka u socda Somaliland iyo Muqdisho. Waxa jira hanaan wada hadal ay maamulayso, oo ay fududaysay dawladda Turkiga, runtiina waxaanu donaynaa inuu nidaamkaasi guulaysato”.

Mar la weydiiyay ammaanka dalka Soomaaliya, wuxuu sheegay inay xaaladda amnigu adagtahay, balse haddana ay dhaanto sidii ay ahayd laba sannadood ka hor.haddana ay xaaladdu ka soo raynayso, Mar la weydiiyey Doorashooyinka lagu baaqay inay ka dhici karaan sannadka 2016, wuxuuna sheegay inay tahay istaraatajiyad la qorsheeyay oo muhiim u ah siyaasadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DHAGEYSO: Cabdi Shire Cayaar-Jecel oo doonaya xilalka ugu sareeya dalka

Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ah kabiirka kooxda qeyladhaan islamarkaana kamid ah aqoonyahanada dadaalka ugu jira inay kusoo baxan xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta ka hadlay haddii uu kusoo baxo mid ka mid ah xilalka ugu sareeya dalka waxa uu ummada u qaban lahaa, isaga oo hami siyaasadeed uu iminka ku jiro.

Wareysi lala yeeshay isaga oo jooga Muqdisho, ayuu uga horeyn waxaa uu kooxda Qeylodhaan iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanadguuradii afaraad oo kasoo wareegtay markii la aasaasay kooxdan qeylodhaan oo ka dhalatay qarixii hotel Shaamow ee Muqdisho.

“Waxaan shacabka iyo kooxda Qeylodhaanba leeyahay hambalyo maadaama ay sanadguuradii afaraad u buuxsantay. Waxaan kaloo ku faraxsanahay in aan maanta joogo Muqdisho oo ah halkii qaraxa Shaamow uu ka dhacay” ayuu yiri Cabdi Shire Ciyaar Jecel.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay inuu booqasho ugu tagay jaamacadaha ay dhiganayaan ardaydii qaraxaasi lala eegtay iyo qaarka mid ah waalidiintii xitaa carurtooda ku waayey qaraxaasi. Isagoona intaasi ku daray inuu maanta ku faraxsan yahay arday xilligaasi qallin-jabineysay oo dhaqaatiir ah oo shaqeeya.

Cabdi Shire Jaamac  (Cayaar-Jecel)
Cabdi Shire Jaamac (Cayaar-Jecel)

“Waxaan booqday Hotel Shaamow iyo jaamacadaha ay ardaydii xilligaasi qaraxa lala eegtay ay wali dhigtaan, waxaana si gaar ah ii farxadgelisay markii ay iisheegeen inay geesinimo kasii qaadeen heesta Qeyladhaan Waawareey oo kooxdanba ay ku dhisantay” ayuu yiri Cabdi Shire.

Waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo isbadelkasta oo dalka wax u tari kara, balse uusan soo dhaweyneyn isbadel dhibaato wata.

“Ummada wixii ay qabto ayaan la qabaa. Waxaana dhihi karaa isbadel khayr qaba haddii uu yahay waan soo dhaweynayaa,haddiise uu mud dhibkiisa wata yahay hadde soo dhaweyn uma hayo” ayuu yiri Abwaanka.

Mar si toos ah loo weydiiyey hankiisa siyaasada iyo inuu diyaar u yahay inuu xil sare ka qabanayo dowlada hadda jirta ayuu ka hadlay, waxaana uu sii dabadhigay haddii uu xilkaasi helo waxa uu qaban lahaa.

“Waan filayaa inay dadka qaar leeyihiin Abdi Shire waa abwaan ee maxaa ka galay siyaasada. Waxaanse u sheegayaa kuwa sidaasi leh aqoon ayeysa ii laheyn. Aniga nin aqoonyahan ah oo waxbartay ayaan ahay, mase ku faano sida dadka qaarkiis ay sameeyaan. Haddiise gabayga iyo siyaasada ay isku diidayaan, waxaan leeyahay boqorka sacuudiga laftiisa waa gabyaa wadankana waa u taliyaa la socda” ayuu yiri Cabdi Shire oo intaasi ku daray.

“Waxaan halkan u imid in aan ka qeybgalo isbadelada dhacaya taasi oo ay igu riixayaan saaxiibo badan, waxaana sheegayaa in aan diyaar u ahay in aan xilkasta ka qabto dalka Soomaaliya. Madaxweyne booskiis hadda ma banaana oo Xasan Shiikh ayaa ku fadhiya laakiin xilal kale oo aan hiigsanayo ayaa jira, marka aan qabto hala gaaro” ayuu yiri Dr, Abdi Shire oo ah kabiirka kooxda Qeylodhaan.

Ugu danbeyntii waxaa uu ugu baaqay qurba joogta inay dalka dib ugu soo noqdaan oo ay maalgashtaan, isagoona tusaale usoo qaatay hotelka uu degan yahay oo ay shaqo ka heleen 50 qof oo Muqdisho shaqo la’aan awal ku heysay.

Waxaana uu sidoo kale sheegay inuu dhawaan booqday xeebta Jazeera oo uu carur iyo dad kale kula soo kulmay waqtina kula soo qaatay.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga

Waraysi-Kabiirka-Kooxda-Qaylo-dhaan-Dr-Cabdi-Shire-Ciyaar-Jecel

Isha: Kismaayo24

Warbixin: M/Yurub oo ku dhowaaqay go’aan ah inuu magaalada Muqdisho..!

Kampala (Caasimada Online) Midawaga Yurub ayaa sheegay in saldhigga howlgalka tababarka ciidamda Soomaaliya ee Uganda loo wareejin doono guduha Soomaaliya wixii ka billawdo bisha Janaayo ee sannadka dambe.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in dhammaan howgalaha tababbarka wixii hadda ka dambeeya loo wareejin doona dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho.

Midowga Yurub ayaa sheegay in tababarkaasi uu Ugandha ka socday seddaxdii sanno ee la soo dhaafay, waxaana lagu tababbaray ciidamo fara badan..

Saraakiil ka tirsan Midawga Yurub ayaa hadalkan ka sheegay agaalda Bhinaga ee galbeedka Uganda, halkaas oo ku dhowaad 140 askar Soomaali ah loogu soo gabagbayeey tababar.

Dowladda Soomaaliya ayaa kal horre sheegtay in tababarka lagu siiyo ciidamada Soomalida waddamada gobalka loo soo wareejin doono gudaha dalka maadama xilligan ammaanka uu yahay mid la isku haleen karo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kampala

[email protected]

Kenyatta oo weli lagu dheggan yahay

Madaxa Xeer-ilaalinta ee Maxkmadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) Fatou Bensouda ayaa ku eedaysay xukuumadda Kenya in ay ku fashilantay soo wareejinta xog ay sheegtay in ay “muhiim u tahay qaddiyado xasaasi ah “oo la xiriira maxkamadda dambiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee loo haysto Madaxweyne Uhuru Kenyatta, sidaana waxa Isniintii (2-dii December) sheegay AFP.

“Xafiiska Xeer-ilaalintu waxa ay ka dalbaysaa maxkamadda in ay soo ogaato in xukuumadda Kenya ku fashilantay in ay ka soo dhalaasho codsigii April 2012-kii ee ahaa in ay soo gudbiso xogo maaliyadeed iyo kuwo kale oo khuseeya eedeeysanaha,” ayay Bensouda ku tiri dacwo ay u gudbisay maxkamadda. “Dhammaan iskudayadeedii hore ee ahaa in ay hesho xogahaas waa ay suuragali waayeen.”

Maxkamadda Kenyatta ayaa loo muddeeyay in ay bilaabato 5-ta February.

Bensouda waxay sheegtay in xeer-ilaaliyayaashu rumaysan yihiin in dokumentiyadaasi “laga yaabo in ay wax ka iftiimiyaan heerka uu gaarsiisan yahay waxyaabihii uu sameeyay eedaysanuhu, sida eedeeymaha ku saabsan in uu maal-galiyay dambiyada isaga lagu haysto”.

Waxa ay waydiisatay garsoorayaasha in ay hadda u gudbiyaan arrinka guddiga ilaalinta sharciyada ee maxkamadda, taas oo ah Golaha Guud ee Saxiixayaasha (ASP).

Tallaabadan ayaa ah tii ugu dambaysay xarig-jiid sharciyeed oo u dhexeeya ICC iyo Kenya, oo doonaysa in ximaayad ka hortagta maxkamadeeynta loo sameeyo madaxda xilka haya ee dawladaha asaasayaasha Axdiga Rome.

ASP-daayaa baddalay xeerarkii maxkamadda toddobaadkii hore si loogu oggolaado eedeeysanayaasha in ay codsadaan in ay ku soo xaadiraan khadka fiidiyoowga.

Mooshin looga soo horjeedo inay soo noqdaan wasiirada Saacid oo socda

Waxaa socda mooshin laga diyaarinayo Wasiiradii Xukuumadii Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid, iyadoo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay wadaan qorshe ku aadan sidii wasiiradaas aanay ka mid noqon Xukuumada la soo dhisayo.

Guux badan ayaa ka dhex socda gudaha Baarlamaanka, iyadoo Mudanayaasha Baarlamaanka ay wadaan isbaheysi xoog leh oo ku aadan sidii Wasiirada Xukuumadii Saacid aanay mar dambe u soo laaban.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada ololahan wada ay u badan yihiin Wasiiro horay xilal u soo qabtay oo iminka ah Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, waxaana laga yaabaa in ololahan uu ku sii xoogeysto Baarlamaanka gudihiisa.

Kulankii Isniintii la soo dhaafay ee Baarlamaanka Soomaaliya uu kalsoonida kala noqday Xukuumada Saacid ayaa waxaa ku jiray Wasiiro u codeeyay in Kalsoonida lagala noqdo Baarlamaanka, kuwaasoo Xildhibaano ah.

Inkastoo Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii Saacid ay ku dhow yihiin Madaxweynaha ayaa hadana la ogeyn sida Wasiiradaas mar kale uga soo muuqan karaan Xukuumada, maadaama waxyaabaha Xukuumada lafteeda lagu eedeynayay aheyd waxqabad la’aan iyo inay fashilantay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in sodon cisho gudahood ku soo magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub, isla markaana Baarlamaanka uu ka helo ansixin, kadibna soo magacaaba Xukuumad cusub.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya inay adkaan doonto sida Baarlamaanka ku meel mariyo Xukuumada cusub, hadii xubno badan oo hada isku dan ah ay danahooda ka dhex waayaan Golaha Wasiirada.

Xigasho: Jowhar.com

Taliyaha cusub ee ciidanka badda Soomaaliya oo xilka lagu wareejiyay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacday  xaflad ay xilalka ku kala wareegayeen taliyaha cusub ee ciidanka badda Soomaaliya iyo taliyiihii horre.

Xafladda oo ka dhacday xarunta ciidamada badda, ayaa waxaa taliyihii horre ciidanka badda Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar “Faarax Qarre” uu xilka ku wareejiyay taliyaha cusub Admiral Madeey Nuurey Sheekh Ufurow oo dhawaan xilkaas ay dowladda u magacowday.

Taliyihii horre Faarax Qarre oo ka hadlay xafadda ayaa sheegay in wixii dikuminta ahaa oo uu hayay in uu ku wareejiyay taliyaha cusub wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu xilka ku wareejiyo Madeey oo in muddo ka shaqeeyay ciidanka badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn taliyaha cusub Admriral Madeey Ufurow ayaa u mahadceliyay taliyihii horre, wuxuuna sheegay shantii sanno ee uu xilka hayay in uu wax badan ka qabtay ciidanka badda Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in Faarax Qarre iyo kooxdii la shaqeeneysay ay wax badan dedaal ku bixiyeen siddii loo tababbari lahaa ciidan cusub oo Sooomaaliya ay lee dahay,

Waxaa goobta la shegeya in ka badan 400askari iyo doonyaha dheereeya oo  ciidanka badda Soomaaliya ay ka heleen dowladda Turkiga ay hadda diyaar ku yihiin xarunta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Dhibaatada ka jirta Jowhar oo caalamku indhihiisa uu ku soo arkay

Saraakiil ka socoto Hey’addo Caalami ah oo dhinaca gargaarka Bini’aadanimada ayaa gaaray Magaalo Madaxda Xarunta Gobolka Shabeladda Dhexe ee Jowhar waxeyna indhahooda ku soo arkeyn arin aad looga naxo oo ku saabsan Fatahaada uu geestay Wabiga Shabelada Dhexe.

Muuqaalkani waxuu ku tusinayaa Qubaro Cadaan ah oo duuni si dirqi ah ugu tagaya Magaalada Jowhar waxeyna indhahooda ku soo arkeyn waxa ka jiro Magaalada Jowhar iyo dhibka heesta Shacabkaasi ee dhanka Fatahaada Wabiga iyo biyaha magaalada ku hareereysan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Axmed Madoobe oo go’aan cusub ka soo saaray magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ciidamo gaar ah oo ka tirsan maamulkiisa u xil saaray ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Wareegto ka soo baxday xafiiskii maanta oo Khamiis ah ayuu ku amray in 200 oo askari oo ka tirsan guutada 94-aad ee ciidanka maamulkiisa ay si KMG  ah ula wareegaan ammaanka magaalo xeebeedka Jubbada Hoose ee Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan ciidanka ay ka baxaan magaalada, oo ay tagaan goobo uu sheegay in loo cayimay.

Wuxuu ku amray ciidanka uu u xil saaray ammaanka magaalada inay ka fogaadaan fara-galinta goobaha ganacsiga iyo hantida shacabka iyo dhibaato u geestaan shacabka.

Axmed Madoobe ayaa ka digay in ciddii jabisa amarka lagu qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga, loona aqoonsan doono inay ka soo hor-jeeddo ammaanka deegaanka.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa maalmaha soo socda in uu Axmed Madoobe ku dhawaaqo golaha wasiiradda maamulkiisa, oo hadda meel gabhabo u mareyso wadatashiga uu la lee yahay waxgaradka iyo dadka Jubbooyinka.

Magaalada waxaa laga dareemayaa ciidamo gaar ah iyo ergooyinka doonaya in ay ka qaybgalaan dhammeestirka maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG Qarax Bosaso ka dhacay

Boosaaso (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobalka Beri.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qaraxa lagu dhfurtay baabuur ay lee yihiin ciidamada badda maamulka Puntland.

Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimmatay qaraxa in ka badan tiradaas waa ay ku dhaawacantay, sida ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Qaraxa kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka kuwaasoo isku gadaamay goobta waxaana la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadidka.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hashay qaraxa ka dhacay magaalada Boosaaso.

Faah-faahin goordhow naga filo

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

[email protected]