29.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

DEG DEG Qarax Bosaso ka dhacay

Boosaaso (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobalka Beri.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qaraxa lagu dhfurtay baabuur ay lee yihiin ciidamada badda maamulka Puntland.

Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimmatay qaraxa in ka badan tiradaas waa ay ku dhaawacantay, sida ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Qaraxa kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka kuwaasoo isku gadaamay goobta waxaana la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadidka.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hashay qaraxa ka dhacay magaalada Boosaaso.

Faah-faahin goordhow naga filo

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

[email protected]

Boqoradda INGIRIISKA oo aqoonsatay danjiraha Somalia ee Britain

London (Caasimada Online) Boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II, ayaa maanta oo Arbaca ah waxa ay warqadaha aqoonsiga ka guddoontay danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada London.

Xaflad weyn oo ka dhacday qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace ee magaalada London, ayaa lagu soo dhaweeyay danjire Cabdulaahi Maxamed Cali Sambaloolshe, waxaana halkaas ka hadashay boqorada oo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in Soomaaliya 23-sanno kaddib ay safiir u soo magacowdo dalka Ingriiska.

Danjiraha Soomaaliya ayaa xaley ka qaybgalay casho sharraf ay u sameesay boqorada dhammaan danjirayaasha caalamka u jooga London, waxaana si weyn uga dhex muuqday danjiraha Soomaaliya.

Soomaali badan oo ku nool magaalada London ayaa soo dhaweyay aqoonsiga boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II, ay siisay safiirka Soomaaliya.

Waxaana Soomaalida ay lee yihiin wixii hadda ka dambeeya waxaan heli doonaa xafiis rasmi ah oo looga soo xiriiro arrimaha Soomaaliya kaasoo ay u aqoonsan tahay dowladda Britain.

Waa markii ugu horreysay oo dowladda Britain ay si rasmi ah u aqoonsato safiir ka socda Soomaaliya muddo laga joogo 23-sanno.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

 

Gaas oo lagu soo dhaweeyay Garowe iyo weerar uu ku qaaday Faroole

Garoowe (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaaas uu maanta garay raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Cabdiweli ayaa ka mid ah musharrixiinta ugu cad cad doorashada Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha Janaayo ee sannad dambe 2014-ka.

Dad weyn fara badan ayaa ku soo dhaweeyay musharraxa garoonka diyaaradaha ee Garoowe, waxaana ay wateen boorar uu ku sawiran yahay.

Markii uu ka soo dagay diyaaradda ayuu la hadlay saxaafadda isagoona  sheegay inaysan macquul ahayn in qof ka tirsan musharrixiintu uu soo magacaabo guddigii ansixin lahaa xildhibaannada Puntland.

Cabdiweli Gaas ayaa ku cel-celiyay in ay musharriintooda ay iyagu soo dooran doona guddi kale.

Si kastaba, magaalada Garoowe ayaa hadda waxaa soo gaaraya musharrixiinta u taagan doorashadda Puntland, waxaana horrey u joogay Cali Xaaji Warsame.

Musharrixiinta ayaa horrey saldhig uga dhigtay magaalada Gaalkacyo, markii ay cabsi ka muujiyeen magaalada Garoowe ee xarunta Gobalka Nugaal maadama uu halkaas joogo Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

 

Daawo Video: Muuqaalo ku tusinaya Muqdisho & Waxii ka hir galay 2013.

0

Caasimada Online: Magaalada Muqdisho oo Sanadkaan 2013 u aheyd Sanadkii dib u dhiska Magaalada iyo dib u howl gelinta goobo muhiim u ahaa Bilicda Magaalada oo muddo 23 sano ah ana shaqeyn tan iyo burburkii Dowladii Dhexe ee milateriga aheyd.

Hadaba Aqristoow Muuqaalkani waa Muuqaalo Goos Goos ah oo la isku keen keenay waxyaabihii ugu waaweynaa ee Sanadkaan ka hergalay Magaalo Madaxda Muqdisho ee nala daawo Muuqalkani oo aad ku farxi doonto marka aad aragto Bilicda Magaalada.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Shir Muhiim ah oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay (Maxaa looga hadlay)

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaca ah lagu soo gabagabeeyay shirweyne looga hadlaayay doorka ay dumarka ku lee yihiin siyaasadda.

Shirka oo muddo seddax cisho ka socday xarunta AMISOM ugu weyn ee Xalane waxaa ka qayb galay haween ka kala yimid gobalada dalka iyo caasimada Muqdisho, kuwaasoo si weyn u gorfeeyay kaalinta dumarka kaga aadan arrimaha siyaasadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka soo xiray, isagoona ballan qaaday in dowladiisa ay mudnaan siin doonto dumarka isagoona tusaale u soo qaatay xukuumadii horre oo labo wasaarad oo culus ay u dhiibeen haween.

Danjiraha QM u qaabilsan Soomaaliya, Nichalas Kay oo isna ka hadlay shirka ayaa sheegay in ku xigeenkiisa ay tahay haweeneey isla markaana inta badan shaqaalaha ka shaqeeya xafiiska ay u badan yihiin haween Soomaali ah.

Wasiiradda adeegga bulshadda Dr. Maryam Qaasim oo iyana ka hadashay shirka ayaa madaxweynaha ka codsatay in qoondo ballaan laga siiyo hey’addaha dowladda.

Wasiiradda ayaa sheegtay in dumarka ay laf dhabar u yihiin bulshadda isla markaana burburkii dalka ay gacan ka geesteen dhismaha qoyska iyo nabad la helo.

Waa shirkii ugu horreyay oo noociisa ah oo ka dhaca Muqdisho, kaasoo looga hadlaayo in dumar kaalin laga siiyo siyaasadda dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamulka Gobalka Banaadir oo soo saaray go’aan dad badan ka khatar gallin kara guryahooda (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta oo Arbaca ah ku hanjabay in ay la wareegi doonaan guryaha burbursan ee ku yaalla Muqdisho, haddii aan lagu dhisan muddo seddax bil ah.

Xoghayaha maamulkaas,Cabdikaafi Hilowle Cismaan oo saxaafadda u akhriyay digreeto ka soo baxday guddoomiyaha maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in cid kasta oo ku dhaqan magaalada Muqdisho oo gurigiisa uu burbursan yahay looga baahan yahay in ay ku dayac tirtaan muddo seddax bil, haddii kale lagala wareegayo gurigga uu daggan yahay.

Wuxuu sheegay in maamulka Gobalka Banaadir uu la wareegi doono guryaha burbursan haddii aan lagu dhisan muddo seddax bil ah sida uu hadalka u dhigay.

Xoghayaha meelaha uu tilmaamay waxaa ka mid ah degmada Xamarweyne iyo degmada Shangaani halkaas oo ay ku yaalaan dhismooyin ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Mar la weydiiyay xoghayaha maamulka gobalka Banaadir sida la yeelayo dad aan dhisan karin guryhooda, wuxuu tilmaamay in ay la soo xiriiraan maamulkia Gobalka Banaadir ama ay qandaraas la galaan ganacsatada Muqdisho ku sugan.

Ma cadda sida uu dhaqan gali doono go’aankan cusub ee ka soo baxay maamulka Gobalka Banaadir, iyadoo magaalada Muqdisho dhismooyinka ku yaalla ay ku burbureen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xasan: Mardambe ma maqli doontaan gabar la kufsaday oo DFS xirtay

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta soo xiray kulan looga hadlayay tacadiya dumarka loo geysto, ayaa sheegay in dowladdiisu aysan mar danbe xiri doonin haweenay sheegatay in la kufsaday, balse wuxuu dumarka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladdiisa kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa kufsiga been abuurka ah ee qaar ka tirsan haweenku ay sheegtaan.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan seddax cisho uga socday qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed Ex dugsigii Xalane, ee wuxuuna ka codsaday in ay kala shaqeeyaan dowladda siddii baari lahaa dambiyada kufsiga ee dhaca iyo kuwa beent ah.

Madaxweynaha ayaa haweenkii joogay kulanka u ballan qaaday in dowladiisa ay sameen doonto sharciyo iyo siyaasado cusub oo aan horey loo arag, kuwaasoo looga hortagayo tacaddiyada loo geysto dumarka.

Madaxweynaha ayaa qiray in ay jiraan cawaaqib heesta dumarka balse marar qaar laga faa’ideesto iyagoo markaas dano gaar ah laga lee yahay.

Ciidanka ammaanka iyo booliska Soomaaliya ayuu sheegay in la siiyo tababarro gaar ah oo jinsiga ku saabsan, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay si dhab ah horumar uga sameeyaan dhankaas.

Kulankan oo uu soo aggaasimay xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM, waxaa looga hadlay siddii wax looga qaban lahaa dhibaatada loo geesto dumarka Soomaaliyeed, iyadoo ay soo badanayaan dumarla la kufsado.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Warbixin caalami ah oo ka careysiisay DF iyo jawaab kulul oo ay ka bixisay

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay warbixin ay shalay soo saartay hay’adda Watchdog Transparency International, taasoo lagu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta hore kaga jirto dalalka caalamka ee uu musuq-maasuqu dilooday.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Soomaaliya Axmed Xasan Aadan oo wareysi siinayay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in warbixintu ay tahay mid aan ku saleysnayn xaqiiqada ku aaddan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya.

“Waxaan ka xumahay warbixintan, waxaana loo baahan yahay marka musuq-maasuq la sheegayo in loo hayo caddeyn dhab ah wax la lunsaday, waayo musuq-maasuqu wuxuu saameeyaan horumarka iyo bulshada dalka uu ka jiro” ayuu yiri wasiir ku xigeenku, sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in waxa la lunsaday ay tahay in la caddeeyo, ma hati shacabka Soomaaliyeed la siiyay oo la lunsaday baa, mise waa hanti caalamku siiyay dowladda Somalia oo si xun loo maamulay.

“Hantida nalagu eedeynayo ee shacabka Soomaaliyeed maalin walba lagu jah-wareejinayo yay tahay cidda na siisay” ayuu wasiir ku xigeenku ku yiri wargeysigiisa, isagoo intaas ku daray inaysan jirin lacago la siiyay Soomaaliya, waana loo diidan yahay in Soomaaliya ay si xor ah dhaqaalaheeda u maareyso.

Wasiir ku xigeenka oo sii hadlayay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya lacag siiyay uu hadda is-caddeeyo uuna sheego qadarka ay dhameyd iyo xilliga la siiyay, dowladduna waxay diyaar u tahay inay la doodaan qolyaha warkaasi qoray , balse warbixin la iska qoray waa mid aan jirin oo been ah, su’aal ahayd in warbixintan lagu saleeyay is-casilaaddii guddoomiyihii hore ee Bankiga dhexe Yusur Abraar ay tahay ayaa sheegay inuusan isagu u war-hayn sababta ay isku casishay Yusur, balse loo baahan yahay in caddeeyo haddii ay jiraan lacago la musuqmaasuqay oo Soomaaliya la siiyay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inay jiraan dalal badan oo caalamka oo sheega in lacago ay ugu deeqeen Soomaaliya, balse aysan bixin, waxaana mar kale caddeynayaa inaysan jirin lacago Soomaaliya la siiyay ayuu yiri wasiirku.

“Waxaan doonayaa inaan caalamka u caddeeyo in Soomaaliya loogu deeqay lacago malaayiin doollar ah, balse aysan jirin hal shilin oo ka mid ah oo weli Soomaaliya la siiyay,” ayuu wasiirku wareysigiisa kusoo gaba-gabeeyay, hadalka wasiirka ayaa wuxuu jawaab u ahaa warbixin ay hay’adda Watchdog Transparency International ku sheegtay in dalalka Soomaaliya, Afgaanistaan iyo Waqooyiga Kuuriya ay kaalinta hore kaga jiraan dalalka caalamka ee uu sida aadka ah uga jiro musuqmaasuqa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Yaa noqon doona Rai’isul wasaaraha 16-aad ee Somalia? (Xog & Gorfeyn)

Iyadoo Dec 2, 2013 Baarlamaanka Soomaaliya uu Codka Kalsoonida ku Tuurey Raiisul Wasaarihii Xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon ayaa qaar ka mid ah Qaybaha Bulshada , Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano waxay aragtiyo kala duwan ka bixyeen qaabkii loo ridey Raiisul wasaaraha

Xildhibaan  Cali Khaliif Galeyr oo isagu ahaa nin si aad ah uga soo Horjeedey in la rido Raiisul Wasaaraha ayaa yiri “ Waayo aragnimo ayaan u leeyahay marka ay is qabtaan Madaxweyne iyo Raiisul Wasaare , waxaana Xaqiiqo ah in Khilaafkii Dhexmarey Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raiisul Wasaare Saacid uu Gardarnaa Madaxweynaha” waxaa uu sii raaciyey “ Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la wareegey Rag isku Xiran marka waxaa Dhab in waqti aan sidaa u fogeyn Mooshino la keeni Doono”

Qaramada Midoobey ayaa si Taxadar leh u soo Dhaweysey Go’aankii uu Baarlamaanka  Codka Kalsoonida kala laabtey ama ku ridey Raiisul wasaare Saacid  waxayna Sheegtey in Hayadaha Dowladda ay gaarayaan “Biseyl Siyaasadeed”  waxayna Qaramada Midoobey Soomaaliya u joogtaa sidii Dowladda Fedraalka u taageeri lahayd  iyadoo sheegety in Raiisul Wasaare Saacid uu ahaa Shaqsi ay ka ga’an tahay Barnaamijka Hiigsiga Soomaaliya .

Xildhibaan  Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ahaa Xildhibaanadii taageersanaa in la tuuro Xukuumada saacid ayaa yiri “Mar hore ayaa laga rabey in Xukuumadu is Difaacdo, hada waxaa Difaacaya Xildhibaanada taageesan marka waxaa Xaqiio ah in Xukuumada ay ku fashilantey waxyaabihii loo Idmadey”

Madaxweyne Xasan Shiikh oo hadlay wax yar ka dib  Ridistii Xukuumadii Saacid  ayaa soo dhaweeyey  Go’aankii Baarlamaanka ee ay ku tuureen Xukuumadaas waxaana uu meesha ka saarey in Khilaaf uu kala dhaxeeyey Raiisul Wasaarihisii ,isagoo sheegey in Khilaafku u ahaa wax aan  sidaa u Buurneyn isku qabteen wax uu ku tilmaamey  Fikir oo keliya

“ Waa Garadaro aan geed loogu soo Gabban in Xilgaan la tuuro Raiisul Wasaare Saacid waayo dalka waxaa uu ku jiraa Xaalad adag marka aniga ilama Habooneyn in Saacadaan la Rido Saacid iyo Xukuumadiisa” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed  oo si weyn uga soo Horjeedey Qaabkii loo tuurey Raiisul wasaaraha waayo waxaa uu ahaa Raiisul Wasaare aad u Dulqaad badan ilaa Daqiiqadihii ugu dambeeyey ee laga gaarayey in Baarlamaanka uu Tuuro waxaana ku Tilaami karaa Geesi Garab waayey

Raiisul Wasaarahaan  uu Baarlamaanka  Codka Kalsoonida ku Ridey ayaa Noqonayaa Raiisul Wasaarihii 15 aad ee Dalka yeesho tan iyo markii uu   Dalku qaatey Xornimada 1960  waxayna kala ahaayeen

  • 1-    Cabdirashiid Cali Sharmaarke
  • 2-    Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
  • 3-    Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
  • 4-    Maxamed Cali Samater
  • 5-    Maxamed Xawaadle Madar
  • 6-    Cumar Carte Qaalib
  • 7-    Cali Khaliif Galeyr
  • 8-    Xasan Abshir Faarax
  • 9-    Maxamed Cabdi Yuusuf
  • 10- Cali Maxamed Geedi
  • 11- Nuur  Xasan Xuseen
  • 12- Cumar Cabdirashiid Cali  Sharmaarke
  • 13- Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
  • 14- Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
  • 15- Cabdi Faarax Shirdoon Saacid
  • 16-   ????

Waxaa dad badan isweydiinayaan Waxaa Xigi doono mar hadii la Tuurey Xukuumadii  Raiisul Wasaare Saacid iyo Cidda uu noqon doono Raiisul Wasaaraha 16 aad  ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  [email protected]

E-Mail  [email protected]

Dowladda Mareykanka oo hadal culus ka soo saartay xil ka qaadistii SAACID

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka, ayaa ka hadashay go’aankii uu isniintii tagtay qaatay baarlamanka Somalia, ee uu codka kalsoonida kagala noqday ra’iisu wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u Qaabilsan Soomaaliya James P. McAnult ayaa qoraal kooban kasoo saaray mooshinkii lagu riday Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

“Dowladda Mareykanka waxaay mar walba taagero la garab taagantahay umadda Soomaliyeed iyo Dowlada Federaalka ee Soomaaliya dadaalkooda ay ugu jiraan xasilinta iyo maamulida wadanka. Waxaan rajeeyneynaa in uu Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud si deg deg ah usoo magacaabo Ra’iisal Wasaare ku shaqeyn doona sida ku cad dastuurka ku meel gaarka ah, isla markaana taageero ka haysta umadda Soomaaliyeed. Xulida iyo magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub waa in ay waafaqsanaataa dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaliya.”

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Hadallo kasoo baxay EU-da iyo QM oo abuuray shaki la xiriira eryiddii Saacid

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa baarlamaanka Soomaaliya ku ammaanay sida uu u maareeyay codayntii uu kalsoonida ku waayay ra’iisul wasaaraha xafiiska ka tagaya, Cabdi Faarax Shirdoon.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay caqabad siyaasadeed, wuxuuna tilmaamay in baarlamaanka iyo hoggaanka federal-ka ay muujiyeen mas’uuliyad, intii ay socotay codayntu.

Ra’iisul wasaaraha xafiiska ka tagaya, Cabdi Faarax Shirdoon ayuu ku bogaadiyay doorkiisa hoggaan iyo waxqabadka uu la yimid mudadii uu xafiiska joogay,isagoo sheegay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay muujiyeen in dantooda ay ka horumarinayaan danta qaranka.

Michele Cervone ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay inuu sii wado taageerada uu siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliya,isagoo ka dalbaday madaxweynaha soomaaliya inuu deg deg u soo magacaabo ra,iisulwasaare khibrad u leh fulinta howlagha aadka u badan ee horyaalla xukuumaddu.

Sidoo kale, waxaa horey tallaabada baarlamanka usoo dhoweeyay, islamarkaana u amaanay wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay.

Kay ayaa yiri: “Waxaa muhim ahayd in hawshan baarlamaaniga ah ee aan hore loo arag loo maareeyey si waafaqsan dastuurka KMG ah iyo nidaamka iyo xeer-hoosaadka u degsan baarlamaanka”.

Si kastaba, hadalladooda ayaa abuuraya shaki ku saaban haddii xil ka qaadista ra’iisul wasaare Saacid ay beesha caalamka wax ka ogeyd.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Muqdisho: Dibad bax lagu taageeray go’aankii BF uu ku riday R/W Saacid

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Arbaca ka dhacay dibad bax lagu taageerayo go’aan uu dhawaan qaatay baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo codka kalsoonida kala laabtay raysal wasaarihii horre Cabdi Faarax Saacid Shirdoon.

Boqolaal qof oo u badan dumar, carruur iyo rag ayaa isugu soo baxay barxada Saydka, waxaana halkaas ay ka dhigeen dibad bax ay ku taageersan yihiin go’aanka baarlamaanka.

Markii uu socday dibad baxa muddo dhowr daqiiqo ah, waxaa goobta yimid ciidamo ka tirsan nabad sugida, waxaana ay kala eryeen dadkii dibad baxayay.

Ilaa hadda lama sheegin halka laga soo abaabulay dibad baxa iyo sababta keentay in la joojiyo.

Waa markii ugu horreysay oo Muqdisho uu ka dhaco dibad bax lagu taageerayo go’aanka uu qaatay baarlamaanka, shaley ayaa degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan lagu taageerayo go’aanka baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Beelaha oo kala qeybsaday wasiirada Jubba iyo rag diiday waxa kusoo aaday

Kismaayo (Caasimada Online) –Waxaa baryahan Kismaayo ka socday wadahadalo kuwii ugu danbeeyey oo looga hadlayo sidii maamulka Juba loogu magacaabi lahaa golihiisa wasiirada taasi oo muran badan ka dhex dhalisay qabiilada dhulkaasi wada dega oo raba inay iska dhex arkaan.

Ahmed Madoobe oo kulamo aan loo kala kicin la yeeshay ragii la soo aasaasay maamulka Juba ee uu madaxweynaha ka yahay iyo rag ka mid ah kuwii kasoo raacay maamulkiisa shirkii Muqdisho oo uu ugu horeeyo Suldaan Abdiqaadir Lugadheere ayaa wada soo gabagabeynta in lagu dhawaaqo wasiirada maamulka Juba.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in beelaha wada Jubooyinka loo qeybiyey sharaxda golaha wasiirada ay ka heli karaan,iyaddoo durba qaar ka mid ah qabiilada ay arrintaasi muran badan ka keenen.

Haddaba sida wax loo qeybiyey oo aan la hubin sax ahaanteeda balse ay warbaahinta  u sheegeen siyaasiyiin ku dhaw goobta wax lagu qeybinayo ayaa sheegay sidan:

1. Mareexaan ayaa la sheegay in la siiyey laba wasiir oo aan la ogeyn waxa ay kala yihiin.

2. Absame ayaa la siiyey hal wasiir iyo wasiir kuxigeen, iyaddoo wasiirka lagu sheegay inuu yahay midka arrimaha bulshada waliba lala rabo inuu xilkaasi qabto Macalin Maxamed oo warar soo baxaya sheegay inuu diiday xilkaasi.

3. Shiikhaal ayaa la siiyey wasiir iyo madaxweyne kuxigeen.

4. Harti ayaa la sheegay inay shaxdan ka heleen wasiir balse ay gaashaanka u daruureen..

5. Gaaljecel waxaa la sheegay inay helayaan wasiir aan la aqoon midka uu yahay.

6. Jareer weyne waxaa la siiyey wasiir iyo wasiir kuigeen.

7. Raxanweyne waxa la siiyey wasiir kuxigeen

8. Ajuuraan Wasiir kuxigeen

9. Leelkase wasiirkuxigeen

10. Awrtable wasiir kuxigeen

11. Biyamaal wasiir kuxigeen .

Shaxdan hordhaca ah ayaa waxaa inoo sheegay siyaasiyiin aad ugu dhawdhaw goobta ay ka socdaan kulamada wadatashiga soo magacaabista golaha wasiirada Jubba waxaana dhici karta inay wax badan iska badelaana ama ay sidan loogu dhawaaqo.

Waxaase warar soo baxaya sheegayaan inay beelaha qaar diideen qeybta kusoo aaday oo ay u arkaan mid aysan fileyn. Waxaase uu Madaxweynaha maamulka Juba Ahmed Madoobe wadaa kulamada uu ku qancinayo dadka diidan waxa ay ka helayaan maamulkiisa.

Dhinaca kale waxaan ilaa hadda kulamada lagu soo magacaabayo wasiirada Juba ka hadlin garabyadii mucaaradka ku ahaa Jubba ee maamulka Ahmed Madoobe kula soo hishiiyey shirkii Muqdisho balse aan wali imaan kismaayo, sababo la xiriira inay ka qeybgalaan shirka labaad oo Kismaayo ka dhici lahaa kaasi oo wax qeybsigu uu qeyb ka noqon lahaa.

Sidoo kale xulista xildhibaanada maamulka Juba ayaa iyadana si xawli ah uga socota Kismaayo waxaana madaxa iskula jira odayaasha dhaqanka oo dhankooda kala jiidanaya sida loo kala qaadanayo xildhibaanada.

Dhameystirka maamulka Jubba ayaa kusoo aadaya xilli dowlada Soomaaliya uu la soo darsay khilaaf hakad geliyey nidaamkii dowladnimo islamarkaana meesha ka saartay xukuumadii awal maamulka Jubba hishiiska la gashay, lama yaqaan waxa ay ka ogtahay waxa kismaayo hadda ka socda.

Isha: Kismaayo24.net

“Waddamo shisheeye ayaa ku lug laha kalsooni kala noqoshadii SAACID”

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Muqdisho ayaa ku tilmaamay arrin aad looga xumaado Go’aankii ay Xidhibaanada DF kalsoonida ugu diideen Xukuumada Saacid, iyadoo dadka ka hadlay arintan qaarkood ay sheegeen in dalku uu galay xaalad la mid ah kuwii Meel-ku-gaarnimada.

Dadweynaha ka hadlay Arintan oo qaybaha Bulshada isugu jiray ayaa Caasimada Online, u sheegay in go’aankaas uu yahay mid ay dabada ka riixayeen dalal Ajnabi ah iyagoo sheegay in Madaxweynaha arintan lagu qalday.

“Go’aankan wuxuu ahaa mid uu dabada ka riixayay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo gacan ka helaya dalal Shisheeye ah oo qarsoon, waana Nasiib-daro ku dhacday Somalia” ayuu yiri Cumar Salaad oo Aqoonyahan ah, isagoo sheegay in Baarlamaanku uu ku dag-dagay go’aankan.

Aqoonyahankan oo Muqdisho kula hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in arintan dhowr dhinac marka laga eego ay u muuqanayso in Somalia aan lala doonayn wax horumar ah, maadaama mas’uulkii waxqabad la yimaada xilka laga qaadayo.

Sidoo kale Waxaa isla arintan ka hadlay Faarax Nuur oo ka mid ah Dhalinta Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa wax ku soo bartay isagoo ku tilmaamay in ay ahayd arin Qorsheysan oo lagu maja-xaabinayo Xukuumada Maadaama ay la timid Wax-qabad muuqda.

“Xildhibaanadii Mooshinka soo diyaariyay waxay sheegeen in Xukuumadu ay ku fashilntay howlihii loo xil saaray inay kasoo baxdo, balse taasi waa been la doonayo in Shacabka lagu qaldo, runtuna waxay tahay in Somalia aan lala doonayn horumar” ayuu yiri Faarax Nuur.

Sacdiyo Suleymaan oo iyaduna ka hadashay arintan ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay, iyadoo sheegtay inay maleynayeen mar hadii uu dalku KMG-kii ka baxay laga gudbay is-qabasi iyo muran siyaasadeed laakiinse ay tani cadeyn u tahay in weli Soomaalidu aysan ahayn dad bisil.

“Dalkan wuxuu dhibaato kusoo jiray 22-sano, dowlado KMG ah ayaana soo maray, markii la dhisay dowladan waxaan filaynay in taas laga gudbay oo dhinaca horumarka loo jeestay, balse dib ayaa meeshii hore iyo fowdadii dhinaca siyaasada ahayd loogu soo laabtay” ayay tiri Sacdiyo.

Gabadhan oo ka mid ah aqoonyahanada wax kusoo bartay dibada dalka oo sii hadashay ayaa sheegtay in Madaxweynaha iyo Baarlamaankaba ay ku dhaceen god madow, ayna cadahay in dalku uu fowdo siyaasadeed dib u galay.

Dhanka kale waxaa jira dad iyaguna taageersan go’aankan oo sheegay inay tahay sax in Xukuumada la eryo hadii ay wax qaban wayday, balse waxay ku taliyeen in Ra’iisul Wasaare kale oo la mid ah Saacid lasoo magacaabo.

Madaxweynaha DF Xasan Sh. Maxamuud ayaa go’aanka Baarlamaanku uu kalasoonida kala laabtay Xukuumada Saacid ku tilmaamay mid sharci ah oo uu soo dhaweynayo, isagoo sheegay inuu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub.

Ra’iisul Wasaaraha waayay kalsoonida Baarlamaanka oo isaguna hadlay intii aan xilka laga qaadin ayaa sheegay inuu aqbalayo go’aanka Baarlamaanka isagoo eegaya danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

JAWAARI oo ka hadlay go’aankii BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa soo saaray war murtiyeed ku saabsan go’aanka uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya codka kalsoonida kagala laabtay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa war-murtiyeedka lagu faah-faahiyey habkii loo maray iyo qaabkii uu dhacay go’aankii xildhibaanada ay kalsoonida ugala noqdeen xukuumaddii ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Warmurtiyeedkii_uu_soo_saaray_jawaari

Video: Fowsiya Yusuf Xaaji oo arrimo badan ka hadashay, codsina u dirtay..

0

Caasimada Online: Marwo Fowsiyo Xaaji Yusuf Wasiiradii Arimaha Dibadda ee Xukuumadii Kalsoonida lagala noqday ee Ra’isul Wasaare Saacid ayaa wax badan oo ku saabsan wax qabadka Wasaaradeeda ka hadashay iyo arimo badan oo ay ka cabaneyso oo ayada lagu hayo.

Dr Forwsiyo ayaa waxeey wax lagu faano ku tilmaamtay inta Wasaradeeda Ariamha Dibadda ay qabatay wax badan oo oo ay horay u qaban Wasiiradii soo maray Wasaaradani arimaha dibada.

Wasiirada ayaa ka cabaneyso Warbaahinta iyo Dhibaato Shaqsiyan ayada loo geestay waa sida ay hadalka u dhigeysa ee daawo Muuqaalkani laga soo duubay Marwo Fowsiyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Magaalada KISMAAYO oo xaalad kale gashay caawa (Faah-Faahin)

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in caawa bandow lagu soo rogay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Wariyaal ku sugan magaalada oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in bandowga uu billowday wixii ka dambeeyay 6-dii maqribnimo ee caawa.

Magaalada ayaa lagu arkayay ciidamo fara badan oo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba kuwaasoo howllo roondeyn ah ka waday xaafadaga magaalada, sidoo kale waxaa la xiray goobaha  ganacsiga ee magaalada, isla markaana waxaa la joojiyay dhaqdhaqaaqa dadwaynaha iyo isu-socodka gaadiidka.

Si kastaba, ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay bandowga caawa lagu soo rogay magaalada Kismaayo, balse waxaa jirra warar sheegaya in caawa la filaayo in uu Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba in uu magacaabo golaha wasiirrada ee maamulkiisa.

Magaalada Kismaayo waxaa maalmahan ku qulqulayay siyaasiyiin iyo wax garad kusoo u ololeenaya dhammeestirka maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Warar dheeraad ah naga filo goordhow in shaa allah.

SAADAAL: Cawaaqibka ka dhalan kara hardanka siyaasadeed ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) Machadka Heritage ee daraasaadka oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Talaado ahsoo saaraya warbixin uu ugu magacdarayCawaaqibta Hardanka Siyaasadeed.”

Warbixinta ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ku jirto wixii shaley ka dhacay Baarlamaanka iyo sida dowladda Soomaaliya ay u dhaawacday kalsoonida caalamka.

Warbixinta ayaa loogu soo jeediyay madaxda dowladda talooyin haddii ay doonayaa in dalka uu ka baxo xasiloonida darida ragaadisay.

Loollanka ragaadiyey madaxda ugu sarreysa ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee horseeday in baarlamaanku kalsoonida kala laabto Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ wuxuu dhaawac weyn u geystay sharciyadda dowladda, isla markaana wuxuu dowladda ka weeciyey waajibaadkeedii qaran-dhiska ahaa, sida bixinta adeegyada aasaasiga ah oo uu amnigu ugu horreeyo. Hardan kale oo dhaca wuxuu horseedi karaa burburka dowladda oo dhan.

Sidaas oo ay tahay, xiisaddan waxay fursad labaad siin kartaa dowladda, haddii ay si wanaagsan u maamusho. Si uu usoo ceshado kalsoonida gudaha iyo dibadda, Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu si degdeg ah usoo magacaabaa Raysal Wasaare tayo iyo sharciyad leh, isla markaana u oggolaadaa inuu si madax bannaan u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, oo ay ugu horreyso in majara dowladda dib loogu soo celiyo howsha muhiimka ah ee dhismaha hey’ado qaran iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Haddaba si aad wax badan u sii ogaato halkan dhag sii

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DEG DEG AH: Qarax xooggan oo dad badan laayay ayaa ka dhacay…!

Ceel-waaq (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay makhaaxi ku taalla degmada Ceel-Waaq ee gobalka Gedo.

Inta la ogyahay lix qof ayaa ku dhimmatay in ka badan 10-kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Qaraxa ayaa lagu weerarray goob ay joogeen ciidamada dowladda, dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Ceel-Waaq.

Qaraxa kaddib waxaa la sheegay in ciidamada dowladda ay howgal ka sameeyeen deeganka Ceel-Waaq waxaana ay soo qabqabteen dhowr qof kuwaasoo xitaa ay jirdileen.

Ma jirto ilaa hadda koox sheegtay qaraxa balse waxaa la sheegay in uu saameen ku yeeshay magaalada oo caawa bandow ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]