31.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Faallo: Maxaan ka baran karnaa wixii ku dhacay Ex-R/W Shirdoon Saacid?

Saaxiibkeygi dugsiga sare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Ra’iisal Wasaaraha sii baxaya ee DFS, waxaa ku dhacday dharbaaxyo siyaasadeed oo ardayda barata maareynta ganacsiga iyo culuumta siyaasadda ay cashar ka qaadan karaan:

1. Waxow gabay in ow si cad dadweynaha ugu qeexo waxyaabihii isaga iyo Madaxweynuhu isku maan dhaafeen. Waxay aheyd in ow faahfaahiyo qodobada dastuuriga ahaa oo ay isku qabteen Madaxweynaha maalintii ow qiray in khilaaf ka dhex jiro labadooda. Waxaa ii muuqata in qodobadaas ay ahaayeen labo:

A) Awoodda soo dhisidda golaha wasiirada cusub ee la damacsanaa, iyo

B) In Madaxweynuha awood u leeyahay in ow yiraahdo “R/W iscasil”.

Saaxiibkey Cabdi Faarax waxow iska dayacay fursad fiican maalintii ow qiray jiritaanka qilaafka. Ex-R/W waxow usheegay wixii jiray si guud waxowna uga baxay in ay ahaayeen arrimo dastuuri ah laguna xalin doono hab dastuuri ah.

Casharka 1aad: Problem Identification – si cad oo la taaban karo u qeex waxa aad ka hadleysid.

2. Si deg-deg ah uma hordhigin heyadaha kale ee dastuuriga ah sida Baarlamaanka Federaalka (BF) iyo Maxkamadda Sare wixii la isku qabtay. Ficil la’aantan waxay keentay in sheekadii loo badelo “Motion” ka keenid oo looga hormaray BF. Hadalkii shalay (2/12/2013) ee Ex-R/W Shirdoon iyo wajigiisa ayey ka muuqatay filawaaga ku dhacay markii sheekadii loo badelay “motion” ka dhan isaga iyo dowladiisa.

Casharka 2aad: Act quickly – “the essence of business is speed” ama dulucda ganacsigu waa xawaaraha (wax qabadka).

3. Waxow Ex-R/W Shirdoon ku fashilmay in ow talaabo ka qaado wasiiradii ka soo horjeestay ama dhabarka xijiyay muddo sanad ah. Hadalkiisi shalay ayow ku sheegay in ay jireen wasiiro la shaqeyn waayay.

Casharka 3aad: Build An Effective Team – Maamuluhu waa in ow dhisaa koox waxqabad leh talaabana ka qaado qof kasta oo kala jabineysa kooxda ama aan u aqoonsaneyn in uu madax u yahay. “Waan Fire gareen karay” iyo waa fanashay (fired) waa kala labo waxaana hubaa in saaxiibkey ka shalaayay maanta.

4. Ex-R/W Shirdoon waxow ahaay hogaamiye sharaf leh, ah muwaadin Soomaaliyeed, degan, asluub fiican, samirna badan. Laakin ma aheyn qof ku fiican waxqabad iyo xalinta dhibaatooyinka shaqaalihiisa.

Casharka 4aad: Be an Effective Manager – Sida iiga muuqata nidaamka dastuuriga ah ee aan qaadanay, jagada Madaxweynuhu waa mid wax hogaamin (Leadership). Tan Ra’iisul Wasaarahuna waa mid howl maareyn iyo fulin (Management). Dastuurku sabab uma ahan qilaafka madaxda sare ee dalka. Waxaa sabab u ah “putting the wrong man on the wrong job”

Towfiiqda Allaha Na Waafajiyo,

Qore: Dr. Ismail Ali Siad ([email protected])

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Mucaaradka P/L oo ka soo horjeestay guddi u magacaabay Faroole

Garoowe (Caasimada Online) War ay wadajir u soo saareen mucaaradka Puntland, ayaa lagu sheegay in ay ka soo horjeedaan guddi uu maanta magacaabay madaxweyne Puntland, kaasoo uu sheegay in ay yihiin guddiga xallinta iyo khilaafaadka doorashadda Puntland.

Mucaaradka u taagan doorashada Puntland ayaa iyagoo ku kala sugan Puntland, waxa ay sheegeen in madaxweynaha uusan xaq u lahayn in uu kaligiis soo magacaabo guddi.

Musharrixiinta hadlay waxaa ka mid ah Cali Xaaji Warsame, isagoo ku sugan Garoowe ayuu saxaafadda u sheegay in madaxweyne Faroole ay horrey ugu sheegeen in uusan  kaligiis soo dhisi karin guddiga xallinta khilaafkaadka.

“Waxaan rabaa in aan caddeeyo guddiga uu madaxweynaha magacaabay waa mid baal marsan sharciga, annaga nalama tashan, waxa ahayd in la isla soo xulo guddiga, maadama uu Faroole ka mid ah yahay musharrixiinta, sidaas darteed, waa uu garab maray sharciga la isku ogaa sidaas darteedna annagu waxaan soo dhisi doonaa maamulaha soo socda guddi kale oo ay aan ku mideesanahay” ayuu yiri Musharrax Cali Xaaji Warsame.

Sidoo kale, hadalkaasoo kale waxaa isna sheegay ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadda ku sii jeeda magaalada Garoowe.

Wuxuu sheegey guddigga uu magacaabay Faroole in uu  yahay mid aan sharci ahayn isla markaana ay ka soo horjeedaan sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, madaxweynaha Puntland Faroole oo maanta saxaafadda la hadlaayay ayaa sheegay in uu xaq u lee yahay in uu soo magacaabo guddiga xallinta khilaafkaadka doorashadda Puntland.

Madaxweynaha ayaa u cuksaday arrintaas doorashadii dhacday 2004 iyo 2008 oo ay soo magacaabeen xilligaas madaxweynayaashii horre AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Gen Cadde Muuse.

Balse Gen Cadde Muuse oo arrintaas la weydiiyay maadama uu ahaa madaxweynihii Puntland sannadkii 2008-da wuu beeniyay hadalka madaxweyne Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Ammaanka magaalada Baydhabo oo la adkeeyay iyo wafdi gaaray halkaas

Baydhabo (Caasimada Online) Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa sheegaya in maanta magaaada laga sameeyay howgallo, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qaraxyo ay ka dhici  karaan.

Ammaanka magaalada ayaa loo adkeeyay, waxaana goobaha muhiimka la dhigay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Dhinaca kale, waxaa maanta Baydhabo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo danjiraha dowladda Britain u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan, halkaasoo uu wada-hadallo kula yeeshay dhinacyo kala duwan.

Neil Wigan ayaa la kulmay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Baay, kan degmada iyo odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlay arrimaha ammaanka, gargaarka iyo shirarka hadda ka socda Baydhabo oo la sheegay in maamul goboleed lagu dhisayo.

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Baay Cismaan Macallin Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay danjiraha ka codsadeen in gacan laga siiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socda shir lagu dhisaayo maamul gobaleed ka kooban ilaa lix gobal oo ku yaalla koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Faroole: Xaq ayaan u lee yahay inaan magacaabo guddiga xallinta khilaafka

Garoowe (Caasimada Online) War goordhow na soo gaaray ayaa sheegay in madaxweynaha Maamulka Puntland uu ku dhawaaqay guddiga xallinga khilaafaadka doorashadda Puntland, taasoo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha Janaayo ee sannadka dambe.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlaayay xarunta madaxtooyada ee Garoowe ayaa sheegay in uu xaq u lee yahay in uu magacaabo guddigan, wuxuuna weerar afka ah ku qaaday qaar ka mid ah musharrixiinta isku soo toogtay doorashadda oo sheegay in uusan xaq u lahayn Faroole inuu magacaabo guddiga xallinta khilaafaadka maadama uu yahay musharrax.

Faroole ayaa sidoo kale ku celiyay in uu rajo fiican ka lee yahay doorashadda soo socota in uu ku guuleesto maadama uu yahay uu wax badan xog ogaal u yahay sida uu sheegay.

Haddaba Faroole ayaa guddigga uu magacaabay waxay kala yihiin:

1:Eng.Yuusuf Abshir Cadami Gudoomiye

2:Cismaan Guureeya Kaarshe Xubin

3:Egn.Maxamuud Axmed Xasan Xubin

4:Maxamed Cabdilaahi Faarax(Cillal) Xubin.

5:Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye Xubin.

6:Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas) Xubin.

7:Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade) Xubin

8:Maxamed Cabdiqaadir Cismaan Xoghayn.

Waxaa soo baxaysa walaac ku aadan doorashadda Puntland, waxaana musharrixiinta ay ku baaqayaan in la sameeyo guddi dhex-dhexaad si doorasho xaq ah ay uga dhacdo Puntland sannadka dambe 2-14-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Muuqaalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho. “Horumarka cusub….”

0

Caasimada Online:  Hadaad mudo badan qurbaha ugu maqneyd Muqdisho, markaad ku laabato waxaa kuu muuqanaayo marka dhinac kasta laga fiiriyo amaan iyo horumar deg deg ah oo Muqdisho ku tallaabsatay.

Muuqaalkii ugu danbeeyay ee laga soo duubay Muqdisho ayaa muujinayaa horumarka ka socda iyo dib u dhiska dhinac walbo, gaar ahaan wadooyinka oo Dowladda Turkiga xil weyn iska saartay sidii Muqdisho ula jaan qaadi laheyd asaageed.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Wafdi ka socda QM oo tagay Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay maanta gaareen wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

Wafdiga gaaray Jowhar waxaa hoggaaminay isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee QM, Philippe Lazzarini,waxaana ay halkaas u tageen  si ay u soo qiimeeyaan khasaaraha ka dhashay fatahaadda webiga Shabeelle.

Sida laga sheegayo wafdiga ayaa inta ay joogaan Jowhar waxa ay booqan doonaan dadka ku barakacay fatahaada wabiga Shabeelle, kuwaasoo hadda ku sugan agagaarka garoonka diyaaradaha ee Jowhar oo loogu sameeyay xarun lagu daryeelo dhallaanka iyo hooyada.

Mr. Lazzarini,waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya saraakiil ka tirsan hay’adaha UNHCR, UN OCHA, UNICEF iyo UNDP sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan Jowhar.

Wafdiga ayaa sidoo kale la kulmi doona madaxda maamulka Gobalka iyo kan magaalada iyo dadka ay saameeyeeyeen Fatahaada Wabiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Somalia oo ugu horreysa waddamada musuqmaasuqa uu dilooday dunida

Nairobi (Caasimada Online) War bixin ay soo saartay maanta oo Talaado ah hey’adda eegta hufnaanta dhinaca maamulka ee lagu magacaabo Transparent International ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ugu horreyso liiska dalalka ugu musuqmaasuqa badan ee caalamka.

Soomaaliya, Afghanistan, Ciraaq iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa ah waddamada sannadkan ugu horeeya dalka ay musuqmaasuqa uu dilooday caalamka.

Warbixinta Transparent International ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalalka Denmark, New Zealand iyo Finland ay noqdeen waddamada ugu musuqmaasuqa yar adduunka maadama maamulkooda uu wanaagsan yahay.

Soomaaliya ma ahan markii ugu horreysay oo kaalinta koobaad ka gasho waddamada ugu hooseeya xagga hufnaanta maamulka.

Warbixinta ayaa saldhig loogu dhigay inay heerarka laaluushka, ku xadgudubka awoodda iyo heshiisyada qarsoon in ay weli ku badan yihiin dalal badan oo caalamka ku yaalla.

Sahamadan ayaa sannadkasta la sameeyaa, waxaana sameeya urur fadhigiisu yahay magaalada Berlin ee dalka Jermalka.

Hey’adda waxa ay sheegeysa dadka saboolka iyo kuwa nugul in ay musuq maasuqaan sarakiisha ciidanka, waxaana ay ku talisay in wax la qabto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Kadib SAACID: Yaa Ra’iisul wasaaraha cusub noqon doono? + Xog kale

Baarlamaanka soomaaliya ayaa waxa uu xilka ka qadaay ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Saacid.

Waxaa u codeeyay mooshinka 184, halka 65 oo kaliya ay u codeeyeen iyadoo tirada guud ee xildhibaanada soo xaadiray kulanka ay ahayd 249.

Ra’iisalwasaaraha cusub

Haddaba waxa ay su’aashu tahay yaa noqon doono ra’iisalwasaaraha cusub? muxuuse kaga duwanaan doonaa kan xilka laga qaaday?.

Su’aasha kale ayaa waxa ay tahay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisalwasaaraha cusub ma isla dhameysan doonaan muddadii madaxweynaha loo doortay in uu xilka hayo oo ah ilaa 2016.

Qaar ka mid ah dadka aad ula socda siyaasadda soomaaliya, ayaa waxa ay qiyaasayaan in ugu yaraan laba toddobaad ay madaxweynaha ku qaadan doonto in uu ku soo magacaabo ra’iisal wasaare cusb, isagoo haysta muddo soddon maalmood oo kaliya.

Waxaana madaxweynaha mashquulin doono rag badan oo jaga doon ah.

Jago doon

Runtii way adag tahay in la saadaaliyo qofka noqon doona ra’iisal wasaaraha cusub balse dad ku dhow-dhow madaxweyne Xasan iyo ragga ay xulufada ku yihiin xukunka, ayaa waxa ay tilmaamayaan in madaxweynaha ay u caddahay cidda uu soo magacaabayo.

Haseyeeshee waxa ay mas’uuliyiintaasi ka gaabsadeen in ay shaaciyaan magaca qofka uu noqonaya iyo shuruuradaha ay tahay in uu buuxiyo.

Dadka qaba fikirka ah in madaxweynuhu uu ogyahay cidda uu xilkaasi u dhiibaya ayaa waxa ay leeyihiin suuragal maaha in madaxweynaha oo taahan khibrad ku filan leh, uu ra’iisalwasaaruihiisa iscasil yirahdo isagoo aan hayn ciddii uu ku badali lahaa.

Maxaa xigi karo?

Balse waxa madaxweynaha looga fadhiyaa inuu dadka ku qanciyo kartida ra’iisalwasaaraha cusub, gaar ahaanna baarlamaanka oo ugu dambeyntii laga doonayo in uu ansaxiyo.

Su’aasha ah ma isla dhameysan doonaan ayaa ah su’aal ay adagtahay in hadda la saadaaliyo. Waxana la sheegayaa in ay noqon karto dhowr siyaabood middood.

Waa tan koobaade, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah dadka u kuur gala siyaasadda Soomaaliya oo aan arrintaasi wax ka weydiinay ayaa waxa ay isku raaceen in madaxweyne Xasan ay ku adkaan karto in baarlamaanku sida Saacid oo kale uu ka aqbali doono xilkaqaadista ra’iisalwasaaraha cusub haddii ayba dhacdo in ay isku dhacaan.

Tan labaadna, waxa dhici karto in haddii ra’iisalwasaaraha isku dhacaan madaxweynaha, uu ra’iisal wasaaraha iskiisa isku casilo iyadoo aan baarlamaanka la gaarin.

Tan saddexaadna waxa ay tahay sida ay khubarada tilmaamayaan, in ay arrintu ku dhamaato sidii arrintii ra’iisal wasaare Cabdiweli iyo madaxweyne Shariif oo ku wada shaqeynayay hindisihii Kampala ee beesha caalamku ay ku qasabtay in labaduba wada shaqeeyaan ilaa laga gaarayo xilliga doorashada, taaso keentay in labadooduba ay madaxtinimada u tartamaan kaddibna ay waayaan.

Xilli adag oo madaxweynaha ku soo food leh

Waxa kale oo ay khubarada tilmaamayaan in sidoo kale arrintu isbaddeli karto oo madaxweynaha meesha ka baxo sidii khilaafkii Ra’iisalwasaare Nuur Cadde iyo madaxweyne Cabdullahi Yuusuf, taasi oo ku dhamaatay in madaxweyne Cabdullahi Yuusuf is casilo isaga oo aan dhameysan muddadii la doortay kaddibna Nuur Cadde uu u tartamo jagada madaxweynenimada haseyeeshe uu Sharif Sheekh Axmed ka guuleystay.

Ugu dambeyntii, xaaladahaasi oo dhan waxa ay muujinayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmi doono xilli adag dhinac kasto oo ay arrinta u dhacdaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culayska ugu weyn ee soo foodsaari doono waxa uu noqon doonaa ansixinta ra’iisalwasaaraha cusub iyo xukumaddiisa marka laga tego dhibaatooyinka kale ee horyaala madaxweynaha.

Isha: BBC

Xasan Sh. oo ballan qaad sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa shacabka Soomaaliyeedkula dardaarmay in ay is dajiyaan, wuxuuna sheegay in wax dhib ah dalka uusan ka dhici doonin, isla markaana ay ku kal soonaadaan dowladiisa.

Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay markii ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Saacid uu waayay kalsoonida xildhibananada baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu soo magacaabi doono raysal wasaare soo dhisa xukuumad wax badan qabata sida uu hadalka u dhigay.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in wixii hadda ka dambeeya khilaafka soo kala dhex gala hey’addaha dowladda aan loo qaadi doonin waddamada dariska, wuxuu sheegay in siddii shaley oo kala loo xallin doono.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa hadda billaabaya siddii uu uga fikiri lahaa shakhsiga uu u magacaabayo ra’iisal wasaaraha cusub wuxuuna heestaa muddo 30 cisho sida uu qabo dastuurka KMG ah.

Madaxweynaah ayaa billaabay wadatashiyo uu la lee yahay, waxgarad, siyaasiyiin iyo xubno xiriir la leh ururkiisa Dam-Jadiid.

Ma cadda ruuxa uu noqon doono raysal wasaaraha, balse waxaa hubaal ah in shaqo adag ay u taallo raysal wasaaraha cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Sahro Cabdi VOA: Ma ihi siyaasi ee waxaan ahay wariye, mana aqaan waxa aan u noqday bartilmaameed”

Dalal badan ayaa lagu dilaa ama lagu dhaawacaa wariyayaasha, waxaase Soomaaliya ay kaalinta hore ugu jirtaa meelaha ugu qatarta badan oo ay wariyayaal ka howlgalaan.

Waxaa sanadkii dhashaba la dilayaa wariyayaal laga soo bilaabo 2007 oo aheyd markii uu bilowday dilka wariyayaasha ee tusbaxa furmay noqday. Waxaa dalka isaga baxay ka badan 100 wariye kuwaasi oo maanta dalalka Yurub, America, Ausralia iyo Africa ku kala nool kadib cabsi kasoo wajahday shaqadooda.

Wariye Sahro Abdi Ahmed oo ka mid ah idaacada VOA kuna sugan wadanka Mareykanka ayaa ka mid ah wariyayaasha kasoo shaqeeyey Soomaaliya in badana ka xasusuta qatarta ay ku soo shaqeysay ama hey ku weysay saaxiibo badan oo saxaafadda kula jiray.

Muuqaal lagu wareysanayey wariyayaal dalal  kala duwan kasoo jeeda oo ay diyaarisay hay’addaha difaaca wariyayaasha ee CPJ  ayey  ku sheegtay inuu dalka Soomaaliya yahay midka ugu qatarta badan dunida.

Wareysigan oo luqada english ka ay ku bixisay ayaa waxay ay hadalkeeda ku bilowday Sahro Abdi Ahmed.

” Soomaaliya waa mid ka mid ah meelaha ugu qatarsan dunida oo laga noqdo wariye.” ayey tiri Sahro Abdi Ahmed oo intaasi daba dhigtay :

” Sanadkii ugu danbeeyey midka ugu qatarsan ayuu ahaa oo 13  wariye ayaa lagu dilay dalka Soomaaliya, kuwaasi oo intooda badan u shaqeynayey warbaahinta  gudaha oo aan heysan wax difaac ah” ayey tiri Wariye Sahro Abdi Ahmed oo ka howlgasha idaacada codka Mareykanka ee VOA.

Sahro Abdi Ahmed

Waxaana iyaddoo sharaxeysa sida dhibku kusoo gaaro ay sheegtay inay tahay wararka oo ay ka raadiyaan meel ka baxsan xarumaha ay ka shaqeeyaan.

” Waxay aadaan meel ka baxsan xarumaha idaacadahooda. Waxaana ay isku dayaan inay helaan warbixino” ayey tiri Sahro Abdi Ahmed oo ku tilmaantay wareysigeeda inaysan isku mid aheyn Soomaaliya  iyo Ameerica marka la fiiriyo qaabka ay u shaqeeyaan wariyayaasha.

” Soomaaliya ma ahan sida Ameerica oo kale oo fariisaneyso computerkaaga gadaashiisa kadibna aad duubeyso warka idaacadaada, laakiin Soomaaliya sidaasi ma ahan ee waa inaad banaanka aadaa.” ayey tiri Sahro Abdi Ahmed oo haddana sharaxday marka banaanka loo baxo waxa ku dhacaya wariyayaasha Soomaaliyeed.

” Haddii ay aadaan shaqadooda banaanka waxaa bilaabaneysa inay noqdaan bartilmaameed ama in la dilo” ayey tiri wariye Sahro Abdi Ahmed.

Wareysiga inta ay ku gudaha jirtay ayey Sahro Abdi Ahmed waxaa kale oo ay sheegtay in marka ay xasuusato waayaheeda shaqo ee Soomaaliya intii ay joogtay inay u aheyd wax nafteeda raad ku reebay.

Waxaase ay daba dhigtay su’aal ay sheegtay inay is weydiiso taasi oo ah :

” Waxaan isticmaalayaa in  aan dhaho : Maxay tahay sababta aan u noqonayo mid la cabsigelinayo. Ma ihi qof siyaasi ah. Waxaan ahay waa wariye, mana aqaan sababta aan u noqday mid la ugaarsado”  ayey hadalkeeda kusoo xirtay Wariye Sahro Abdi Ahmed oo ka tirsan idaacada VOA laanteeda la hadasha Soomaalida.

Sahro Abdi Ahmed waxaa ay saxaafadda Soomaalida kaga soo biirtay magaalada Kismaayo, iyaddoona la soo shaqo bilowday idaacada hornafrik kadibna dilalka wariyayaasha oo ka bilowday magaaladaasi darteed ugu soo hayaantay Nairobi oo ay kala shaqeyneysay idaacada VOA kadibna shaqadeeda loogu soo wareejiyey dalka Mareykanka oo ay hadda ku nooshahay.

Halkan ka daawo wareysiga wariye Sahro Abdi Ahmed ay siisay CPJ: 


Isha warka: Kismaayo24.net

Video: R/W Saacid oo hadal taariikhda galaya u duubay xildhibaanada

Caasimada Online: Ra’isul Wasaarihii kalsoonida kala noqdeyn Golaha Baarlamaanka Somalia Mudane Abdi Farax Shirdoon Saacid oo duubay hadal micno weyn ku jira Taariikhda Soomaaliyeedna meel uga qormi doono marka loo fiiriyo Madaxdii hore ee xilka laga casilay.

Mudane Saacid waxuu ka hadlayaa arin uu ku sheegay in ay tahay Xanuun oo dhinacyo badan taabaneyso oo ku aadan Xubnaha Baarlamaanka ee u diiday in uu hor tago balse u duubay muuqaal uu ku sheegay mid taariikhi ah ee nala Daawo Muuqaalkani kadib Fikradaada ki bixi.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Prof. Samatar: R/W Saacid waxaan ku tilmaami karaa dhibane siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) Prof AxmedIsmaacil Samatar oo ah aqoon yahay isla markaana isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya sannadkii horre, ayaa caawa ka hadlay go’aanka ay qaateen xildhibaannada baarlamaanka kuwaasoo si aqlabiyad leh codka kalsoonida ugala laabtay raysal wasaare Saaci iyo xukuumadiisa.

Prof Samatar ayaa bogaadiyay hadalka uu jeediyay maanta ra’iisal wasaaraha Somaaliya ee ah in uu aqbali doono go’aan kasta oo ka soo baxa fadhigga baarlamaanka, wuxuu kaloo ku tilmaamay in uu noqday dhibane siyaasadeed.

Prof Samatar ayaa dhinaca kale sheegay in qof kasta oo lagu bedalo Saacid isla markaana fulin waaya danaha madaxweynaha in uu mari doono jidka Saacid sida uu hadalka u dhigay.

War uu goordhow ku soo qoray bartiisa Facebook ayuu ku yiri “Raysal Wasaare Cabdi Faarah Shirdon Sacid , waa nin geesi ah markaan arkay qaabka uu u aqbalay go’aanka ay gaareen raga xildhibaanada ah ee madaxtooyada Somaliya laga soo abaabulay , lakin waxan ku tilmami kara inuu yahay Political Victim ama dhibane siyaasadeed, Tani waxay cashar u noqon doonto nin walba oo lagu badalo saacid marku fulin wayo danaha gaarka ah ee madaxweynaha in lacag loo adeegsan doono xilkana laga qaadi doono.”

Prof Axmed Ismaacil Samatar ayaa ah siyaasi caan ah oo wax badadan xog ogaal u ah arrimaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kenya

[email protected]

FADEEXAD: Xildhibaan ka shifay arrimo badan oo maanta ka dhacay BFS

Muqdisho (Caasimada Online) Mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay arrin sir oo maanta ka dhacday xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaaan Maxamed Maxamuud Kulalihi ayaa saxaafadda la hadlay markii ay soo dhammaatay cod bixinta loo qaaday xukuumadda Raysal wasaarahja ayuu sheegay in wax yaabo badan ay ka dhaceen oo laga soo abuubulay xafiiska madaxweynaha sida uu hadalka u dhigay.

““Waxaa rabaa in aan idiin caddeeyo, annigoo miirkeygu uu dhan yahay, meesha wixii k adhacay waan la soconay dad ayaa shaqeenayay xildhibaannada caddaadis ayaa la saaray, waxaana saaray Damul Jadiid,Caqli ma galeyso wasiir ayaan ahay, raysal wasaarahana waa rideeynaa caddaadisna ima saarno, wasiiradda qaar iyaga ayaa codeeyay,waxaa lagu caddeen karaa, markii uu baarlamaanka furmaayay waxaan ku ahayn 224-xildhibaan markii la gaaray codka dad ayaa guryahooda laga soo kiciyay, waan la soconaa amarka meesha ay ka qabaan waan la soconaa, raysal wasaaraha imaan doona nasiibkiisa ayuu lee yahay” ayuu yiri xildhibaankan.

Hadalka xildhibaan Kulalihi ayaa laga dheehanayaa in uu jiray caddaadis la saaray xildhibaannada qaar isla markaana wasiiradii xukuumadda Sacid ay doonayeen in raysal wasaaraha meesha laga saaro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa xigi kara xil ka qaadista maanta ee R/W Shirdoon Saacid? “Faallo”

Muqdisho (Caasimada Online) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu xilka ka qadaay ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Saacid.

Waxaa u codeeyay mooshinka 184, halka 65 oo kaliya ay u codeeyeen iyadoo tirada guud ee xildhibaanada soo xaadiray kulanka ay ahayd 249.

Ra’iisalwasaaraha cusub

Haddaba waxa ay su’aashu tahay yaa noqon doono ra’iisalwasaaraha cusub? muxuuse kaga duwanaan doonaa kan xilka laga qaaday?.

Su’aasha kale ayaa waxa ay tahay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisalwasaaraha cusub ma isla dhameysan doonaan muddadii madaxweynaha loo doortay in uu xilka hayo oo ah ilaa 2016.

Qaar ka mid ah dadka aad ula socda siyaasadda soomaaliya, ayaa waxa ay qiyaasayaan in ugu yaraan laba toddobaad ay madaxweynaha ku qaadan doonto in uu ku soo magacaabo ra’iisal wasaare cusb, isagoo haysta muddo soddon maalmood oo kaliya.

Waxaana madaxweynaha mashquulin doono rag badan oo jaga doon ah.

HALKAAN KA DAAWO HADALKA R/W SAACID:

Jago doon

Runtii way adag tahay in la saadaaliyo qofka noqon doona ra’iisal wasaaraha cusub balse dad ku dhow-dhow madaxweyne Xasan iyo ragga ay xulufada ku yihiin xukunka, ayaa waxa ay tilmaamayaan in madaxweynaha ay u caddahay cidda uu soo magacaabayo.

Haseyeeshee waxa ay mas’uuliyiintaasi ka gaabsadeen in ay shaaciyaan magaca qofka uu noqonaya iyo shuruuradaha ay tahay in uu buuxiyo.

Dadka qaba fikirka ah in madaxweynuhu uu ogyahay cidda uu xilkaasi u dhiibaya ayaa waxa ay leeyihiin suuragal maaha in madaxweynaha oo taahan khibrad ku filan leh, uu ra’iisalwasaaruihiisa iscasil yirahdo isagoo aan hayn ciddii uu ku badali lahaa.

Maxaa xigi karo?

Balse waxa madaxweynaha looga fadhiyaa inuu dadka ku qanciyo kartida ra’iisalwasaaraha cusub, gaar ahaanna baarlamaanka oo ugu dambeyntii laga doonayo in uu ansaxiyo.

Su’aasha ah ma isla dhameysan doonaan ayaa ah su’aal ay adagtahay in hadda la saadaaliyo. Waxana la sheegayaa in ay noqon karto dhowr siyaabood middood.

Waa tan koobaade, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah dadka u kuur gala siyaasadda Soomaaliya oo aan arrintaasi wax ka weydiinay ayaa waxa ay isku raaceen in madaxweyne Xasan ay ku adkaan karto in baarlamaanku sida Saacid oo kale uu ka aqbali doono xilkaqaadista ra’iisalwasaaraha cusub haddii ayba dhacdo in ay isku dhacaan.

Tan labaadna, waxa dhici karto in haddii ra’iisalwasaaraha isku dhacaan madaxweynaha, uu ra’iisal wasaaraha iskiisa isku casilo iyadoo aan baarlamaanka la gaarin.

Tan saddexaadna waxa ay tahay sida ay khubarada tilmaamayaan, in ay arrintu ku dhamaato sidii arrintii ra’iisal wasaare Cabdiweli iyo madaxweyne Shariif oo ku wada shaqeynayay hindisihii Kampala ee beesha caalamku ay ku qasabtay in labaduba wada shaqeeyaan ilaa laga gaarayo xilliga doorashada, taaso keentay in labadooduba ay madaxtinimada u tartamaan kaddibna ay waayaan.

Xilli adag oo madaxweynaha ku soo food leh

Waxa kale oo ay khubarada tilmaamayaan in sidoo kale arrintu isbaddeli karto oo madaxweynaha meesha ka baxo sidii khilaafkii Ra’iisalwasaare Nuur Cadde iyo madaxweyne Cabdullahi Yuusuf, taasi oo ku dhamaatay in madaxweyne Cabdullahi Yuusuf is casilo isaga oo aan dhameysan muddadii la doortay kaddibna Nuur Cadde uu u tartamo jagada madaxweynenimada haseyeeshe uu Sharif Sheekh Axmed ka guuleystay.

Ugu dambeyntii, xaaladahaasi oo dhan waxa ay muujinayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmi doono xilli adag dhinac kasto oo ay arrinta u dhacdaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culayska ugu weyn ee soo foodsaari doono waxa uu noqon doonaa ansixinta ra’iisalwasaaraha cusub iyo xukumaddiisa marka laga tego dhibaatooyinka kale ee horyaala madaxweynaha.

HALKAAN KA DAAWO HADALKA R/W SAACID:

Xigasho: BBC Somalia

QM oo si deg deg uga hadashay xil ka qaadistii lagu sameeyey R/W Saacid

Muqdisho (Caasimada Online) War qoraal ah oo goordhow ka soo baxay xafiiska danjiraha gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanka uu qaatay baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo maanta codka kalsoonida kala noqday raysal wasaare Saacid iyo xukuumadiisa.

Kay ayaa yiri: “Waxaa muhim ahayd in hawshan baarlamaaniga ah ee aan hore loo arag loo maareeyo si waafaqsan dastuurka KMG ah iyo nidaamka iyo xeer-hoosaadka u degsan baarlamaanka”, ayuu yiri.

“Hay’adaha Dowladda Soomaaliya waxay gaarayaan bisayl. Qaramada Midoobayna waxay halkan u joogtaa inay taageerto horumarkooda, waxayna ku hanweyntahay inay si wax ku ool ah ula shaqeyso hay’adaha cusub. Ra’iisal Wasaaraha jagada ka degaya, Shirdoon, shaqo adag ayuu ka qabtay siduu u horumarin lahaa kobaca iyo horumarka, wuxuuna qayb muhim ah ka cayaaray sameynta Heshiiskii Hiigsiga Cusub ee dhexmaray bulshada caalamka iyo Soomaaliya.”

Danjire Kay wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in degdeg loo magacaabo Ra’iisal Wasaare cusub sida ugu dhaqsiyaha badan si loo sii wado horumarka laga gaaray siyaasadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa in Madaxweynuhu uu yeelan doono wadtashi buuxda ka hor intuusan soo xulanin Ra’iisal Wasaaraha cusub. Waxaa dhammaanteena dani noogu jirtaa in Ra’iisal Wasaaraha iyo dowladda cusub ah ahaadaan kuwo ballaaran oo loo wada dhanyahay, oo dalka mideyn kara, awoodna u leh inay Soomaalida u keenaan waxay u baahanyihiin – oo ah nabad, sharci iyo kala dambeyn, kobac dhaqaale iyo adeegyo guud oo wanaagsan.” ayuu markale yiri Kay.

Ugu dambeyn warka qoraalka ee ka soo baxay xafiiska danjire Key ayaa sidoo kale lagu guubaabiyay Baarlamaanka Federaalka inuu dadaal weyn bixiyo isagoo eegaya danta guud oo horumar ka sameeyo sharci-dejinta iyo hawlaha kale ee dastuuriga ah ee dalku degdega ugu baahanyahay.

“Sanadaha soo socda, waxaa muhim ah in Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxtooyadu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah u wada shaqeeyaan iyagoo si buuxda u dhowraya Dastuurka Federaalka ee Ku Meelgaarka ah, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Madaxweyne Xasan oo soo dhaweeyay tallaabada Baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia, ayaa soo dhaweeyay go’aankii maanta ay qaateen baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo codka kal soonida kala laabtay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu shirka jaraa’id ku amaanay raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, wuxuuna sheegay in isaga iyo xukuumadiisa ay sii shaqeen doonaan ilaa inta uu ka soo magacaabaayo raysal wasaare cusub.

Madaxweynaha ka dhawaajiyay in wax khilaaf ah uusan kala dhexeynin raysal wasaaraha xafiiska ka tagay, wuxuna caddeeyay in marnaba uusan dhihin xilka ayaan kaa qaadayaa sida uu yiri.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo uu xusay in wixii maanta dhacay uu ahaa arrin dastuur ah, isagoona ka dhawaajiyay in khilaafaadka dowladda lagu xallin doono gudaha dalka oo aan loo qaadi doonin waddamada dibedda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku celcliyay shacabka Soomaaliyeed in ay ku kal soonaadaan dowladiisa.

Halkan ka dhageyso codka madaxweynaha

100328_004

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG AH: Baarlamanka Somalia oo kalsoonida kala noqday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare SAACID (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo dhammaatay codbixin loo qaaday mooshinka raysal wasaaraha Soomaaliya kaasoo ay hadda codka u qaadanayaan xildhibaannada baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo shirka guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoona sheegay in 184-mudane ay codka kalsoonida ay kala laabteen raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Wuxuu sheegay inay  u codeeyeen 249-mudane , waxaana mooshinka ka soo horjeestay ka mid ah 65-mudane

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xukuumadda raysal wasaaraha ay weysay kalsoonida, baarlamaanka, wuxuuna sheegay ilaa inta laga soo dhisaayo xukuumad cusub ay sii shaqeen doonaan raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Jawaari ayaa sido kale tilmaamay in natiijada ka soo baxday kulanka maanta ay u gudbin doonaan madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.

Guddoomiyaha waxaa kaloo u sheegay in uu shir jaraa’id ku qaban doono xarunta uuna ku faah-faahin doono wax yaabaha maanta ka dhacay fadhigga baarlamaanka.

Faah-faahin goodhow la soco.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii SAACID ka keenay mooshinka oo ka laabtay

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah xildhibaanno horrey u taageersanaa mooshinka raysal wasaaraha ayaa maanta ka laabtay go’aankooda iyagoona tilmaamay in mooshinka uu yahay mid qalad ah.

Xildhibaannada hadlay waxa ay muujiyeen in mooshinka hor yaalla baarlamaanka uu yahay mid uu ka dhexeeyo madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.

Dhinaca kale, waxaa guddoomiyaha golaha baarlamaanka oo shir guddoominaya fadhigga uu sheegay in maanta la soo afjari doono dodda mooshinka dabadeedna loo dhaqaaqi doono siddii cod loogu qaadi lahaa mooshinka.

Ilaa hadda xildhibaannada ka hadlay madasha maanta waxa ay u badan yihiin kuwa ka soo horjeeda mooshinka.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha ka soo baxyaa kulanka maanta, waxaana wariyaasha ay sheegayaan in fadhigga ay ku sugan yihiin xubno ka socda xafiisyada ra’iisal wasaaraha iyo kan madaxweynaha.

Si kastaba, xitaa in kasta oo ay qaar ka laabteen mooshinka, haddana waxaa loo badinayaa in Saacid aanu heli doonin codka kalsoonida, maadaama ay diidan yihiin in ku dhow saddex meelood laba meel xildhibaanada baarlamanka.

Wixii ku soo kordha la soco Shabakadda Caasimada Online, oo wariyaal badan loo oggolaaday in ay uga soo warramaan fadhigga.

DEG DEG AH: Jawaari oo goor dhow ku dhowaaqay go’aan la xiriira mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Cimaan Jawaari, ayaa shaaca ka qaaday in maanta codka kalsoonida loo qaadi doono ra’iisul wasaare Cabdi Faaraxa Shirdoon Saacid.

Jawaari ayaa hadalkan sheegay ka hor inta aanay xildhibaanada u bixin salaadda duhur, waxaana uu caddeeyey in maanta lagu kala bixi doono arrinta Saacid.

Jawarai ayaa tibaaxay in la dhameyn doono maanta dhammaan doodaha xildhibaanada ee harsan, kadibna la guda geli doono qaadista codka kalsoonida, sida uu ku rajo weyn yahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ay u badan tahay inuu weyn doono codka kalsoonida, maadaama 170 xildhibaan ay horey u saxiixeen mooshinka ka yaalla baarlamanka.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayuu baaqday codka, sababo la xiriira xildhibaano badan oo weli aan hadlin, mana cadda haddii sidaas oo kale maanta ay dhici doonto iyo in kale.

Wixii soo kordha ha ka dheeraan Caasimada Online insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]