26.7 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Waa kuma madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Kenya ee beddelaya Gachagua la cayriyay?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Baarlamaanka Kenya ayaa ugu dambeyn soo gaba-gabeeyay toddobaadyo mowjado siyaasadeed oo dalkaasi uu dhexda ka galay, kaas oo salka ku hayay khilaafka madaxweyne William Ruto iyo ku-xigeenkiisii hore Rigathi Gachagua, iyada uu xilkii la waaday Gachagua.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa soo magacaabay ku-xigeenkiisa cusub, taas oo uu ogolaansho u siinay dastuurka dalkaasi, wuxuuna xilkaasi siiyay Prof Kithure Kindiki oo ah wasiirka arrimaha gudaha dalkaas.

Ninkaan iyo William Ruto ayaa ah saaxiibo dhanka siyaasadda ah weliba isaga dhow ninka lagu beddelay.

Baarlamaanka Kenya ayaa heysta muddo 60 maalmood ah in ay ku aqbalaan inkasta oo loo badinayo in xildhibaannadu u codeyn doonnaan maadaama uu dhanka madaxweyne William Ruto kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo wada-shaqeyn ah.

Ruto ayaa ku-xigeenkiisii hore waxa uu majaha u geliyay dabin siyaasadeed oo ah in uu musuq ama xatooyo uu sameeyay waana tan keentay in Rigathi Gachagua inuu ku waayo xilkiisa ka horna laga saaray baraha madaxtooyada gaarka u ah.

Haddaba, waa kuma madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Kenya?

Abraham Kithure Kindiki waa 52 jir ku dhashay Tharaka-Nithi County, waxbarashadiisa waxa uu wax kusoo kala bartay dalkiisa Hooyo ee Kenya iyo Koofur Afrika.

Sidoo kale waxa uu heystaa shahaadooyin kala duwan oo dhanka waxbarashadiisa ah.

Kithure, waxa uu siyaasadda soo galay sanadkii 2013kii kaddib markii uu ku guuleystay kursiga Senate-ka laga soo doorto, halka uu ku dhashay ee ah Tharaka-Nithi County.

Waxa uuna kaalin hagar la’aan ah kasoo qaatay ololihii doorashada madaxweynaha haatan magacaabay ee William Ruto.

Axmed Madoobe oo ayiday go’aan kasoo baxay DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ayiday go’aan horey uga soo baxay dowladda federaalka, kaas oo lagu mamnuucay bacaha halka mar la isticmaalo.

Axmed Madoobe oo shir gudoomiyay kulanka golaha wasiiradda oo lagaga hadlay arrimaha amniga, xaalada guud ee siyaasada dalka, ayey qeyb ka aheyd doodda xeer ku saabsan joojinta bacaha halka mar la isticmaalo oo ay soo gudbisay wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimiladda.

Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiirada maamulka Jubbaland diirada lagu saaray horumarinta xabsiyad iyo qodobo kale oo muhiim u ah maamulkaasi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan mamnuucday ka ganacsiga iyo isticmaalka bacda halka mar la isticmaalo, taas oo dhibaato weyn ku ah badqabka deegaanka.

Sidoo kale wasaaradda rekadaha iyo gaadiidka badda XFS ayaa bixisay amar lagu joojinayo in dekadaha dalka laga soo dejiyo bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in macdu ay khatar ku tahay deegaanka, islamarkaana aan laga sii isticmaali karin deegaanka, maadaama ay leedahay khataro badan oo dhanka deegaanka ah.

Inta badan caalamka lagama isticmaalo bacahaan, waxaana la xaqiijiyey inay khatar ku tahay deegaanka, dunida oo dhan waxaa ka jirta saameyn ka dhalatay isbedelka cimillada iyo wasaqowga hawada, waxaana hadda lagu dadaalayaa in la yareeyo waxyaabaha khatarta ku ah hawada iyo deegaanka, si loo helo cimilo hagaagsan.

Xog: Itoobiya oo kumanaan askari soo gelisay Soomaaliya

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa kumanaan askari oo dheeraad ah soo gelisay Soomaaliya, ayada oo aysan ka war hayn dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska The National ee Imaaraadka Carabta.

Wargeyska ayaa ilo-wareedyo ka soo xigtay in Itoobiya ay Soomaaliya soo gelisay 7,000 oo askari oo dheeraad ah maalmo kadib markii ay Masar billowday inay hub iyo ciidan u dirto Soomaaliya.  Itoobiya ayaa la qiyaasaa inay hadda Soomaaliya ka joogaan ilaa 22,000 oo askari.

Ciidamada Itoobiyaanka waxay qeyb dalka ku joogaan heshiisyo laba geesood ah oo kala dhaxeeya dowladda federaalka, halka qayb kale ay ku joogaan in ay ka mid ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Hase yeeshee, cidna si dhab ah uma shaacin karto tiradooda rasmiga ah, sidoo kalena ma jirto cid la socota ama xadidda dhaq-dhaqaaqyadooda, ayada oo markii ay rabaan dalka soo gala, kana baxa.

Itoobiya ayaa la sheegay in ay si aad ah uga carootay iskaashiga militari ee dowladda federaalka ay la yeelatay Masar, oo ay si aad ah isku hayaan.

Madaxweynaha Itoobiya Taye Atske Selassie, oo markii ay Masar saanadda militari u soo dirtay dowladda federaalka, ahaa wasiirka arrimaha dibadda, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in hubka “xoogagga dibadda ay uga sii dari doonto ammaanka jilicsan [Soomaaliya] oo uu ku danbeyn doono gacanta argagixisada”, isaga oo ula jeeday Al-Shabab.

Dowladda Federaalka ayaa dalbatay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan marka uu dhammaado howlgalka ATMIS bisha December, haddii aanay Addis-Ababa ka laaban heshiiska ay la gashay Somaliland.

Masar ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay badasho ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiya marka ay baxaan, iyadoo Soomaaliya ay si cad u taageertay.

Masar iyo Itoobiya ayaa in ka badan 10 sano waxaa ka dhaxeeyey xiisad ka dhalatay biyo-xireenka Addis-Ababa ay ka sameysay webiga Nile oo ay halis u aragto Qaahira, oo 97% biyaheeda ugu tiirsan Nile.

Sababta safaaradda Itoobiya looga rari la’yahay madaxtooyada xilli ay kasii dareyso xiisadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeyso dowladaha dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Fiqi ayaa si qoto dheer uga hadlay xiisadda kasii dareysa labada waddan iyo sababta ay dowladda federaalka go’aan uga qaadan la’dahay safaaradda Itoobiya ee Muqdisho oo weli sii shaqeyneyso, taas oo weliba ku dhex-taallo gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in safaaradda Itoobiya ay Villa Soomaaliya degtay sanadkii 2007-dii, xilligaas oo ay ciidamadooda gudaha usoo galeen Muqdisho, wuxuuna sheegay in xilligan dowladda federaalka aysan ku dag dagi karin inay rarto dhismaha xarunta Madaxtooyada.

Sababta waxa uu ku sheegay in go’aankaas uu saameyn karo safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Addis Ababa, oo uu tilmaamay inay ku taallo meel muhiim ah.

“Itoobiya markii ay magaalada qabsadeen sanadkii 2007-dii ayay degeen madaxtooyada dalka, waxaana raali uga ahaa madaxdii xilligaas joogtay. Ka bixistooda waxay haatan ku xiran tahay marka xaaladda dalku degto in safaaradaha oo dhan loo sheego inay guuraan meelo dowladdu u cayimtay,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aanno kale ay ka qaadan doonaan Itoobiya, sida ciidamadeeda inay isaga baxaan dalka, qaybna aysan ka noqon howlgalka xiga ATMIS.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hal shuruud ku xiray Itoobiya oo ah inay ka laabato heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland, sidaas oo kaliyana uu kusoo noqon karo xiriirka,ayna sidaas ciidamadooda kusii joogi karaan gudaha dalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kala kacay wada-hadalladii uga socday Ankara, kadib markii ay Itoobiya ku adkeysatay go’aankeeda, halka Soomaaliya ay iyadana ku dhegtay in marka hore Addis Ababa buriso heshiiska sharci darrada ahaa ee ay la gashay Somaliland.

Israel oo sheegtay inay dishay Yaxye Sinwar oo dhawaan beddelay Ismaaciil Haniya

0

Tel Aviv (Caasimada Online) –
Israel ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay Marinka Qaza ku dileen hogaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar oo dhowaan beddelay hoggamiyihii hore Ismaaciil Haniyah.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas oo ku saabsan dilka Sinwar oo xilka la wareegay bishii Luulyo ee la soo dhaafay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Israel Katz oo xaqiijiyay geerida hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwar ayaa wuxuu ku tilmaamay “maskaxdii ka dambeysay xasuuqa iyo xadgudubyada” 7-dii October.

Katz ayaa intaa raaciyay: “Tan waa guul militari oo muhiim u ah Israa’iil iyo guul dunida xorta ah usoo hoyatay oo ka dhan ah xagjirnimada Islaamka ee Iiraan ay hoggaamiso.

“Cirribtirka Sinwar waxay fureysaa suurtogalnimada sii deynta degdegga ah ee la heystayaasha waxayna waddada u xaareysaa isbeddel horseedi doonaa xaqiiqda cusub ee Qasa —oo ka maran maamulka Xamaas iyo Iiraan.”

Raadiye u ku hadla afka ciidamada Israa’iil ayaa ku warramay in dhacdadan ay dhacday mar howlgal uu ka socday magaalada koofurta Qasa ku taalla ee Rafax.

Yaxya Sinwar waa bartilmaameedka ugu horreeya ee Israa’iil ee Qasa waxaana lagu eedeeyaa inuu mas’uul ka ahaa inuu ka dambeeyay weerarkii 7-dii Oktoobar ee sanadkii hore gudaha Israa’iil lagu qaaday, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 1200 oo qof.

Sawirro googo’an oo lagu soo wadaagay baraha bulshada ayaa muujinayay qof u ek Sinwar oo dhex yaalla burburka dhisme.

Bishii August ayay ahayd markii kadib wadahadallo labo maalmood qaatay oo magaalada Doxa ee dalka Qadar ay ku yeesheen madaxda ururka Xamaas ay ku dhawaaqeen cidda beddelaysa hoggaamiyahoodii siyaasadda Ismaaciil Haniya oo dhowaan lagu dilay dalka Iiraan.

Xamaas ayaa ku dhawaaqday in Yaxya Sinwar, uu noqonayo madaxa guud ee cusub ee Ururka isagoo beddelaya Ismail Haniyeh.

Ninkan ayaa tan iyo 2017kii, waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda ee gudaha marinka Qasa. Hadda waxa uu noqon doonaa hoggaamiyaha garabkooda siyaasadeed.

Hoggaanka Xamaas ayaa si wada jir ah u doortay Sinwar inuu hoggaamiyo dhaq-dhaqaaqa, sida uu markaas sheegay sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan.

Sinwar ayaa ka mida kuwa ugu sarreeya liiska shaqsiyaadka Xamaas ee Israa’iil aad u doon doonaysay sanadihii dambe

Hay’adaha ammaanka ee Israa’iil ayaa rumeysnaa in Sinwar uu isagu maleegay qorsheynta iyo fulinta weerarradii 7-dii Oktoobar 2023, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 1,200 oo qof oo Israa’iiliyiin ah halka 251 la qafaashay.

Sheekh Shariif oo war culus ka soo saaray qaraxii galabta iyo geerida Abwaan Sugaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo qoraal ka soo saaray qaraxii galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa si adag u cambaareeyey weerarkaas argagixiso ee qof naftiisa haligay uu la beegsaday goob ay bulshadu ku nasato oo ku taalla Akademiyada Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada dadkii ku dhintay weerarka, anigoo Alle uga baryaya inuu caafimaad degdeg ah siiyo dadka dhaawacmay,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa tacsi gaar ah u diray qoyska, ehellada, iyo bahda suugaanta ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Abwaan Sugaal Cabdulle, oo ahaa halgamaa door weyn ka qaatay dhismaha dowladnimada iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliya.

Abwaan Sugaal Cabdulle ayaa ka mid ahaa kooxda fanka ee Booliska Soomaaliya ee Heegan, wuxuu ahaa sarkaal nabadda u ololeeya oo weligiis aan dalka ka bixin, wuxuu ahaa Macalinka kooxda Heegan iyo Abwaan marjac u ahaa fanka.

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Guure ayaa yiri “Waxyaabaha lagu yaqaan waa wacyigalinta bulshada iyo wadaniyada uu dadka kala hadli jiray oo suugaantiisu u badan tahay, wuxuu ahaa nin jilaa ah, fanaan heesaha qaada, abwaan iyo sarkaal boolis ah, intaasba waa isku ahaa.”

Sidoo kale Abwaan Guure ayaa sheegay in Abwaan Sugaal Cabdulle uu ahaa shaqsi aad u wanaagsan oo sheeko badan, farxad badana ay ka muuqato.

“Shakhsiyadiisa haddii aan kuu soo koobo, wuxuu Abwaan Sugaal ahaa qof lala sheekeysto oo lala fariisto oo la barto oo ka fiican waa yar yahay, sababtoo ah wuxuu ahaa nin in yar haddii aad la sheekeysato aad la yaabeyso xigmadiisa, sida uu u fikirayo, siduu kaaga farxinayo,” ayuu yiri Abwaan Guure oo aad u yaqaanay Abwaan  Sugaal oo maanta la dilay.

Abwaan Sugaal oo horay uga sheekeeyey taariikhdiisa ayaa sheegay in markii uu fanka ku soo biiray uu ku sugnaa magaalada Galkacyo, isagoo yarna uu ku soo biiray kooxda Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliya.

“Aniga waxaa la ii soo qoray aniga oo Galkacyo jooga oo gabya, waxaana isoo qortay booliska oo sidaas ayaan ugu biiray Heegan,” ayuu sheegay Abwaan Sugaal intii uu noolaa.

ONLF oo dib u qiimeyneysa heshiiskii nabadda ee Abiy Axmed ay la galeen 6 sano ka hor

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa sheegay inay dib u qiimaynayaan heshiiskii nabada ay la galeen dowlada Itoobiya sanadkii 2018-kii, kaas oo afjaray dagaal ahli ah oo muddo 30 sano ka badan socday, waxaa warkaan cusub ee ururka ka soo baxay lagu sheegay inay dhaqan gelinayaa. qaar kamid ah qodobadii lagu heshiiyay 6 sano ka hor.

Afhayeenka ururka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) oo la hadlay BBC ayaa sheegay in heshiiska uu ahaa in hadafkii ONLF ee ahaa in xuquuqda dadka iyo dhulka ay dagaalka ku raadin jirtay ay nabad ku raadiso.

“Waxaa kale oo uu ku saabsanaa in dhibaatada dhex taalla Soomaalida iyo Itoobiya ama dadka Soomaaliyeed ee Ogaadeeniya oo laga wadahadlo khilaafka asalkiisii oo xal loo raadiyo, loona saaro guddiyo heer deegaan ah, kuwa Federaal iyo xubno ka tirsan ONLF, si loo helo xididka dhibaatada la isku hayo,” ayuu yiri Cadaani.

Wuxuu intaas ku sii daray, “In dadkayagii uu dagaalka saameeyay oo u qaxay dalalka dariska ah ee Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti iyo dalal kaleba dib loo soo celiyo oo dib u dejin loo sameeyo iyo meeleynta ciidankii xoreynta Ogaadeeniya ee ururka xubnihiisa ahaa.”

Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in heshiiskaas uu keliya ka dhaqan galay in nabad lagu wada joogo oo 6-daas sano, balse qodobadii ku saabsanaa ciidanka ayuu sheegay in aysan hirgelin.

“Qodobbadii ku saabsanaa ciidanka iyo dib u dejinta dadkii ay dagaalladu saameeyeen ma hirgelin, guddiyadii in wadahadalka inuu sii socdo ahayd ee lagu raadinayay xalka dhibaatada aasaaskeeda iyo meesha ay ka timid wax yar baa ka bilowday, horeyna uma soconin,” ayuu yiri Cabdulqaadir Hirmooge.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay waqti siiyeen, xiligii kala guur ahaa ee Abiy Axmed uu taliskiisa xoojinayey, “Garbay ahayd inaan waqti siino, isbadal baa ka dhacay deegaankayaga, tan kale marar badan baan qiimeynay oo qoraal baan u dirnay dowladda Itoobiya, inagoo xusnay arrintan marka qiimeyntan waxa ay ka mid tahay kuwii hore un balse waxa ay ku aadday xilli xasaasi ah oo Geeska Afrika ay xaalado ka taagan yihiin,” ayuu yiri Afhayeenka ONLF

Bishii September ee sannadkan Ururka ONLF ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray taliyaha militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula, waxayna ururka ONLF sheegeen in ay dowladda Itoobiya uga fadhiyaan in ay faahfaahin ka bixiso, isla markaana ay kala caddeyso hadalka taliyaha, balse Itoobiya weli kama jawaabin farriintii ONLF.

FBI-da Mareykanka oo xirtay nin u socday Soomaaliya oo damacsanaa arrin xasaasi ah

Washington (Caasimada Online) – Nin degan gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu isku dayay inuu taageero agab ah siiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya, waxaa sidaas Arbacadii ku dhowaaqay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Qeybta Maryland.

Michael Sam Teekaye Jr., oo 21 jir ah, kuna nool magaalada Hanover, Maryland, ayaa 14-kii Octobar lagu xiray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baltimore Washington, waxaana tan iyo xilligaas uu ku jiray xabsi. Waxa uu ka soo hor muuqday garsoore maxkamadeed Erin Aslan ka dib markii la xiray.

Sida lagu sheegay galka dacwaddiisa, Teekaye wuxuu wadahadalo badan la yeeshay sarkaal is-qariyey intii u dhaxaysay Maarso iyo April 2023, isagoo u muujiyay rabitaankiisa ku biirista kooxda Daacish, una safro Afrika si uu ugu dagaallamo kooxda argagixisada.

Waxa uu sidoo kale u sheegay sarkaalka in haddii qorshihiisa socdaal uu shaqeyn waayo, uu qorshihiisa Plan B ahaa in uu Mareykanka ka fuliyo weerar ka dhan ah shaqsiyaadka taageera Israel.

Bilihii May iyo June 2024, Teekaye waxa uu iibsaday rasaas iyo waqtiga goob toogashada lagu sameeyo oo ku taalla Severn, Maryland, taasi oo qayb ka ah waxa uu ku tilmaamay “tababar.”

Markii dambe waxa uu isku dayay in uu iibsado qoriga Kalashnikov K-9 9mm bishii July 2024, balse waa loo diiday sababo la xiriira in kiis dambi ugu jiray diiwaanka gobolka.

Warqadaha dacwadda ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey xiriir Teekaye uu la sameeyay dagaal-yahannada Daacish ee Soomaaliya, isaga oo kala shaqeynaya qorshihiisa safarka.

Teekaye ayaa helay fiisaha elektaroonigga ah ee Itoobiya, iyo ticket diyaarad oo uu ka helay dagaal-yahanada Daacish, si uu uga safro garoonka diyaaradaha BWI isaga oo ku socda Soomaaliya, siina maraya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadib marka uu ku hakado magaalada London.

10-kii October, Teekaye waxa uu sarkaal is-qariyey u diray sawir isaga oo maaskaro xiran oo baangad sita, iskuna sheegaya in uu yahay “Cabdullaahi, dilaaga islaam nacaybka”.

Teekaye ayaa lagu xiray BWI October 14 ka dib markii uu maray hubinta kahor duulimaadkiisa.

Markii la xiray kadib, Teekaye ayaa la sheegay inuu ku yiri wakiilada FBI-da, “Waxaan xabsiga ka soo bixi doonaa 20 sano kadib oo aan wax ka qaban doono halkan… Jihaadku waligii ma joogsan doono.”

Kadib waxaa la sheegay in uu laad ku dhuftay mid ka mid ah wakiiladii FBI-da ee soo xiray intii ay hadalka is-dhaafsanayeen.

Haddii lagu helo dambiga, Teekaye waxa uu wajahayaa ugu badnaan 20 sano oo xarig ah oo federaal ah sababo la xiriira uu isku dayay in uu taageero agab ah siiyo urur argagixiso oo shisheeye ah.

VOA

Xamza oo shaaciyay arrin qeyb weyn ka qaadatay yareynta musuqa dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in teknoolojiyaddu yaraysay musuq-maasuqa, sidoo kalena ay qeyb wayn ka qaadatay fududaynta bixinta mushaharaadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hadda adduunka u wareegay adeegsiga teknoolojiyada, sidaa awgeed waxa ka go’an xukuumadda diyaarinta shuruucdii lagu ilaalin lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgelinta xooggan galisay horumarinta teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya.

Mudane Xamza ayaa tilmaamay in dowladda dhiiri-galinayso ganacsiyadda gaarka loo leeyahay, isagoo ku bogaadiyey shirkada isgaarsiinta Hormuud doorka wayn ee ay ka ciyaarayso horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo hadalkan ka jeediyey xiritaanka shirwaynaha bandhigga teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in hadda dowladda ay xoogga saareyso isticmaalka adeegsiga teknoolajiyada.

Teknoolojiyadda ayaa sanadihii dambe si weyn uga hanaqaaday Soomaaliya, ayada oo ay ku tiirsan yihiin adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha, waxaana sare u kacaya hal abuurka teknoolojiyadeed ee dalka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa inta badan adeegyada ay bixiso iyo dakhli qabashada haatan u bedeshay nidaamyo casri ah, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha la-dagaalanka musuq-maasuqa, oo si weyn u curyaamiyay Soomaaliya.

Booliska oo war kasoo saaray qaraxa Iskuul Buluusiyo + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qarax xooggan oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo uu fuliyay naftii halige isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu ka dhacay barxadda dugsiga tababarka booliska ee Iskuul Buluusiyo, iyada oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Booliska ayaa shaaciyay in qaraxa ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo isugu jira ciidan iyo shacab, halka ay ku dhaawacmeen illaa 6 ruux oo kale.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay guryo isku raran ah oo ku yaalla kasoo horjeedka barxadda xerada, halkaas oo ay ku yaallaan geedo waaweyn oo la harsado, sida uu sheegay booliska.

Qaraxa ayaa ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan gudaha magaalada, waxaana uu dhacay xilli uu maanta ababar askar badan uga socday xerada.

Dhawaan unbey aheyd markii kooxda Al-Shabaab ay gaari walxaha qarxa kasoo buuxisay ku weerartay bar-koontarool oo ku yaalla degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaasi oo ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda Soomaaliya.

Kooxda oo howlgallo ka dhan ah ka socdaan gobollada dhexe ayaa u muuqata mid culeys soo saareysa caasimada, si ay weli u muujiso inay awood u leedahay fulinta weeraro, kuwaas oo inta u badan waxyeello kasoo gaarto dadka shacabka.

Ku dhowaad 150 qof oo ku dhintay qarax booyad oo ka dhacay…

0

Abuja (Caasimada Online) – Qarax ayaa kala dhantaalay dad badan oo u soo orday inay gurtaan shidaal ka soo daatay booyad shil ku gashay waqooyiga Nigeria, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 147 qof, sida ay saraakiil u sheegeen AFP Arbacadii.

Masiibadan ayaa ah tii ugu dambaysay ee noocan ah oo ka dhacda Nigeria, xilli uu shidaalku noqday badeeco qaali ah, ayada oo dalka uu marayo mid ka mid ah xasaradihii dhaqaale ee ugu xumaa muddo jiilal ah.

Gaariga booyadda ayaa leexasho sameeyey si uu uga fogaado in uu ku dhaco gaari xamuul ah, gudaha magaalada Majia, sida ay booliska sheegeen.

Shilka ka dib, dadka deegaanka ayaa ku soo xoomay hareeraha gaariga, iyaga oo guranaya shidaal waddada ku daatay iyo gorgorka booyadda.

Sanusi Lawan oo arday ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in uu maqlay “qeylo farxadeed” uuna u cararay in uu ku biiro boqolaal qof oo baaldiyo ku guranayay shidaalka.

21-jirkan ayaa baaldigiisii u qaatay gurigiisa, waxaana walaalkiis uu ku qanciyay in aanu dib ugu laaban, kadibna waxay maqleen “qarax weyn iyo oohin xanuun iyo baqdin leh”.

“Waxaan ku cararnay goobta, waxayna ahayd goob argagax leh,” ayuu yiri Lawan. “Dadku waxay ordayeen iyagoo dab uu ka kacayo, waxayna ku qaylinayeen gargaar.”

“Haddii aanan dhegaysan talada walaalkay, waxaan ka mid noqon lahaa kuwa dhintay,” ayuu yiri.

Hay’adda gurmadka deg-degga ah ee qaranka ayaa sheegtay in 147 qof ay dhinteen.

Guddoomiyaha dawlada hoose Hambali Zarga ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in tiradan ay tahay oo kaliya meydadka lagu aasay hal xabaal wadareed, wuxuuna ka digay in khasaaruhu uu sare u kaco.

Daraasiin dhibanayaal ah “ayaa u gubtay si aan la aqoonsan karin,” ayuu u sheegay AFP isagoo ku sugan qabuuraha.

Wuxuu sheegay in meydad badan lagu aasay meelo kale, halka ku dhawaad 140 qof oo dhaawac dadka deegaanka ah lagu daweynayo isbitaallada ku dhow.

Ururka dhakhaatiirta Nigeria ayaa ku booriyay dhakhaatiirta inay u deg-degaan qolalka xaaladaha deg-degga ah ee u dhow, si ay uga caawiyaan qulqulka bukaannada.

Magaalada caasimadda ah ee Abuja, sharci-dajiyayaasha Nigeria ayaa hal daqiiqo oo aamusnaan ah ku qabtay aqalka senate-ka.

Madaxweyne Bola Ahmed Tinubu ayaa taageero u ballan qaaday kuwa ay dhibaatadu saameysey, oo uu sheegay in ay “ka go’an tahay in si degdeg ah oo dhamaystiran dib u eegis loogu sameeyo hab-raaca badbaadada gaadiidka shidaalka ee dalka oo dhan”.

Qaraxyada booyadaha shidaalka ayaa ku badan dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika, halkaasi oo wadooyinka ay si liidata loo daryeello, dadka deegaankana ay inta badan damcaan in ay shidaalka shubtaan kadib shilalka.

Shidaalka ayaa sii noqday badeeco qaali ah, iyada oo Nigeria ay wajaheyso dhibaatadii dhaqaale ee ugu xumayd muddo jiil ah.

Qiimaha shidaalka ayaa shan laab kor u kacay tan iyo markii Madaxweyne Bola Ahmed Tinubu uu meesha ka saaray kabkii dowladda sanadkii hore, waxaana inta badan jira gabaabsi.

Rajo-xumada ayaa sii korartay toddobaadkii tegay ka dib markii shirkadda saliida ee dowladda ay kor u qaadday qiimaha markii labaad muddo bil gudaheed ah.

“Qof walba waa ogyahay khatarta ku jirta qaadashada shidaalka marka booyadu ay shil gasho laakiin heerka faqriga ayaa ah mid aad u adag si la isaga celiyo isku daygan,” ayuu Lawan u sheegay AFP.

“Shidaalku hadda waa dahab” iyada oo ay jirto xasaradda dhaqaale, ayuu yiri.

Afhayeenka booliiska Lawan Shiisuu Adam ayaa sheegay in dadka isku soo baxay ay “ka tan bateen” askartii isku dayay in ay joojiyaan, hadalkaas oo ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

“Dalka waxaa ka jira faqri baahsan, dadkuna wax walba way sameyn doonaan si ay u helaan waxay u baahan yihiin inay cunaan,” ayuu yiri Buhari Ali, oo ah 30-jir shaqaale dowladeed ah oo ka qayb-qaatay aaska wadareed.

“Dadku waa gaajaysan yihiin, mana awoodin inay lumiyaan fursaddan dhifka ah.”

Shilalka ku lugta leh booyadaha ayaa ku soo noqnoqda Nigeria, ayadoo Guddiga Badbaadada Waddooyinka ee Federaalka (FRSC) ay diiwaangeliyeen 1,531 shil sanadka 2020, kuwaas oo sababay dhimashada 535 qof.

Bishii hore, ugu yaraan 59 qof ayaa ku dhintay markii booyad shidaal ay ku dhufatay gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen rakaab iyo lo’ gobolka waqooyi-galbeed ee Niger.

FRSC ayaa sheegtay in in ka badan 5,000 oo qof ay ku dhinteen shilalka waddooyinka Nigeria sanadka 2023, marka la barbar dhigo ku dhawaad 6,500 qof oo dhintay sanadkii ka horeeyey.

Hase yeeshee, sida uu ku warramay Ururka Caafimaadka Adduunka, tirooyinkan kuma jiraan shilalka aan lagu wargelin mas’uuliyiinta.

WHO ayaa ku qiyaastay in dhimashada shilalka waddooyinka ee Nigeria ee sanadkii ay ku dhawdahay 40,000, sida lagu sheegay warbixin la daabacay sannadkii hore.

Dab dhimasho badan iyo qaraxyo ayaa sidoo kale ka dhaca guud ahaan xarumaha shidaalka iyo saliidda ee Nigeria, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu soo-saarka badan saliidda cayriin ee qaaradda.

Wasiirro iska casilay xukuumadda Muuse Biixi xilli uu wajahayo loolan adag

0

Hargeysa (Caasimada Onlin) –  Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maanta isaga baxay garabka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo is casilay, kadibna taageero wayn u muujiyay musharraxa xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro.

Wasiir ku-xigeennada wasaaradaha waxbarashada iyo kalluumeysiga ayaa iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda Muuse Biixi xilli uu haatan socdo ololaha doorashada.

Naasir Caydiid Maxamed oo ah wasiirka ku xigeenka wasaaradda kalluumeysiga oo qoraal kooban soo saaray ayaa si cad u sheegay inuu soo dhisayo Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xisbi ahaan aanu ka bixin Kulmiye, balse doorashada madaxtooyada uu taageerayo musharraxa kasoo horjeedo xisbigiisa ee Cirro.

“2017 waxan u codeeyay Muuse Biixi isna wuxuu iga dhigay wasiir ku xigeen aad ayuu u mahadsanyahay, xiligaa waxan u arkayay in hoggaaminta waddanku ay isaga ku fiicantahay, imikana Cirro ayaan dhisayaa, xisbi ahaan lakiin waxan dhisayaa Kulmiye” ayuu yiri Naasir Caydiid Maxamed.

Dhankiisa wasiir ku xigeenkii wasaaradda waxbarashada Somaliland Maxamuud Cilmi Yuusuf ayaa isna faah-faahiyay sababta uu isku casilay, wuxuuna sheegay inuu la tashaday dadka deegaankiisa, ayna isla garteen in xilligan ay Somaliland u baahan tahay isbeddal dhab ah.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan deegaanada Somaliland ay ka socoto diyaar garow ku aadan doorashada hoggaanka maamulkaas oo dhaceysa 13 November, waxaana haatan socda is riix riixa u dhexeeya xisbiyada ku loolami doono doorashadaasi.

Horay waxaa xisbiga talada haya ee Kulmiye uga baxay xubno muhiim ah, kuna biiray xisbiga mucaaradka Waddani ee uu sharraxan yahay Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro.

QM oo wafdi sare usoo dirtay Muqdisho kadib fashilka shirka golaha wadatashiga + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay, kaasi oo ay hoggaamineyso Marwo Rosemary A. DiCarlo oo ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM ee arrimaha siyaasadda iyo dhismaha nabadda.

Marwo Rosemary A. DiCarlo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, iyo ku-simaha wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Amb. James Swan, ayaa soo dhaweeyay.

Wasiir Fiqi oo kulan gaar ah la yeeshay Marwo DiCarlo ayaa wuxuu uga warbixiyay horumarka dhawaan laga gaaray Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga.

Wada-hadallada ayaa waxay xooga saareen dib u bilaabista shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo lagu wado in markale uu furmo 26-ka bishaan October.

Sidoo kale waxay ka wada-hadleen geeddi-socodka kala guurka Soomaaliya ee ku wajahan hawlgalka ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika (AUSSOM), iyadoo wasiirka uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay tixgeliyaan soo jeedimaha Soomaaliya.

Marwo DiCarlo ayaa dhankeeda ballan-qaaday in taageero buuxda loo fidin doono kooxda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo wasiir Fiqi uu soo dhaweeyay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in kooxdaasi ay shaqada ka wadi doonaan New York iyo sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda.

Si kastaba, socdaalka wafdigan ayaa imanaya maalin kadib markii uu xafiiska ra’iisul wasaaraha uu shaaciyay in shirka golaha wadatashiga qaran dib la isugu soo laaban doono daba-yaaqadda bishaan, iyada oo ay ka maqan yihiin Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland.

PUNTLAND oo eedeyn culus u jeedisay DF Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Ilyaas Lugatoor oo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda federaalka oo ay haatan kala dhexeyso xiisad siyaasadeed oo xooggan.

Ilyaas Lugatoor ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay inay dhaqaale ku bixineyso qalalaase iyo deganaasho la’aan uu sheegay inay ka abuureyso deegaanada Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa soo hadal qaaday xiisadda ka taagan gobolka Sanaag, wuxuuna tilmaamay inay ka war hayaan inay ku lug leeyihiin shaqsiyaad ka tirsan dowladda federaalka oo uu ku eedeeyay inay sii hurinayaan colaad ka dhacda halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hay’adaha amniga Puntland ay u fasaxan u yihiin inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo ka shaqeynaysa dhibaato ka dhacda deegaanka.

“Waad arkayseen nin waalanoo lasoo gamayoo Badhan iyo Sanaag baryahaan marmarayay. Cid walba oo amniga ka shaqeysa waxaan faraynaa in aan madaxda lalasoo xiriirin ee tallabo laga qaado,” ayuu yiri Ilyaas Lugatoor.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in qorshahan uu qayb ka yahay abaabul ay hadda waddo dowladda dhexe, kaas oo ay ku dooneyso inay ku beegsato maamullada dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda culus ee dhexeysa Villa Soomaaliya iyo Puntland, taas oo saameyn ku yeelatay wada shaqeyntii labada dhinac.

Laftagareen oo ka tegay Muqdisho kadib fashilkii ku yimid shirkii GWQ + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta isaga tegay magaalada Muqdisho, wuxuuna dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, kadib maalmo uu ku sugnaa caasimada.

Laftagareen ayaa Muqdisho uga qayb-galay shirka golaha wadatashiga qaranka oo ugu dambeyn fashil kusoo dhammaaday, kadib markii la’isku fahmi waayay qodobada qaar.

“Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo Magaalada Muqdisho ugu maqnaa ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku Meel Gaarka uah Dowladda Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Cabdicasiis Laftagareen, Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa lasoo wariyay inay diideen saxiixa war-murtiyeed ay ka maqan yihiin maamullada Jubbaland iyo Puntland.

War kooban oo xalay kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay  in dib la isugu soo laaban doono 26-ka bishaan October, si loo sii amba qaado shirka.

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho 2-dii bishaan ayaa weli sii wada wada-tashiyadii ku saabsanaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

Shirkaan ayaa wajahayay caqabado xoogan, kadib markii la’isku mari waayay qodobada qaar, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaana dhawaan isaga baxay Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee Jubbaland.

 

Xamza oo shaaciyay go’aan la xiriira doorasho qof iyo cod iyo halka lagu qabanayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan doorashooyinka dalka.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii bulshada ku dhaqan Muqdisho u heli lahaayeen maamul ay iyagu soo doorteen, isla markaana ay horseed u noqonayaan sidii maamullada kale ee dalkuna hoggaankooda u soo dooran lahaayeen.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in Muqdisho ay noqon doonto halka ugu horreyso ee ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah, si ay shacabka soo doortaan maamulkooda.

“Gobolka Banaadir ayaa ugu horreyn doona doorashooyinka ay dadku maamulkooda ku soo dooranayaan, shacabkuna ha u diyaar garoobaan” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in caasimaddu ay lafdhabar u tahay dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed, sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in masuuliyad gaar ah la iska saaro sidii ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee dhiggeeda ah.

Xamza ayaa sidoo kale ku bogaadiyey maamulka Gobalka Banaadir horumarka ay ka sameeyeen dib u dhiska, bilicda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda, isaga oo xaqiijiyey in maamulka gobolka uu labadii sano ee la soo dhaafay guulo waaweyn oo dhinacyada amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay arrimaha doorashooyinka, waxaana natiijo la’aan soo dhammaaday shirkii golaha wadatashiga qaran ee ka socday Muqdisho, sababo la xiriira is mari-waaga qodobada qaar, taas oo keentay in gebi ahaan uu madasha ka baxo hoggaamiyaha maamulka Jubbaland.

Gaari siday qaraxyo oo la burburiyay, kadib markii la helay…

0

Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad qaybta 60-aad ay ka hortageen weerar culus oo ay damacsanaayeen in Al-Shabaab ku qaadaan degmada Xudur ee xarunta gobolkaasi.

Weerarka oo xogtiisa la helay ayaa waxaa ka hortegay ciidamada dowladda, waxaana la burburiyay gaari ay Al-Shabaab qaraxyo kasoo buuxiyeen oo ay doonayeen inay ku weerareen magaalada gudaheeda.

Sidoo kale waxaa laga hortegay maleeshiyaadkii qorsheynayay weerarka oo khasaare culus lagu gaarsiiyay howlgalka ka hortegga ah ee ay sameeyeen ciidamada Xoogga dalka.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Xoogg dalka ayaa lagu faah-faahiyay weerarkan iyo sida loo fashiliyay weerarkan oo ka dhacay deegaanka Lukugooraw oo u dhow Xudur.

“Ciidanka oo helay xogta cadawga argagexisada ah ayaa deegaanka Lukugooraw oo qiyaastii 20km u jira degmada Xudur ku bur buriyay maleeshiyadkii damacsanaa ineey weerarka fulaynimada ah shacabka magaalada u soo maleegaan iyo gaari qaraxa oo ay wateen” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in khasaare baaxad leh ay gaarsiiyeen maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee kusoo socday degmada Xudur, loona diyaariyay weerarka la fashiliyay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda oo howlgall amni xaqiijin ah ka wada halkaasi.

Gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xoogan yihiin Al-Shabaab ayaa badanaa ka dhaca weeraro ay soo qaadaan maleeshiyaadka kooxda oo beegsada saldhigyada ciidamada ee ku yaalla gobolladaasi.

Madaxweyne Xasan oo farriin culus oo la xiriirta doorashooyinka u diray shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn ugu dhagan qorshaha doorasho qof iyo cod ah ayaa farriin cusub u direy shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ku booriyay in xukuumadda lagu garabsiiyo meel-marinta qorsheyasha qaran ee ay ugu muhiimsan yihiin in shacabka codkooda ku soo doortan hoggaanka dalka iyo sidoo kale in argagixisada laga sifeeyo dalka.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey daahfurka qorshaha isbeddelka qaranka ee 2025-2029 ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay marxaladaha kala duwan ee uu dalka u soo maray in uu helo hannaan qaran oo sal adag leh, cabadaha ku gedaaman iyo fursadaha, si looga miro dhaliyo aragtiyaha ummadda ku jiheyneysa hiigsi iyo himiloyin fog.

Waxa uu xusay in xukuumadda Soomaaliya oo ka duuleyso xaqiijinta hadafyada horumarineed ee uu dalkeennu u baahan yahay ay diiradda saartay sameynta qorshaha isbeddelka qaranka oo ku qotomo la fal-gelidda xaaladaha taagan, soo saaridda khayraadka dalkeenna, ka faa’iideysiga fursadaha iyo khibradda aan u leenahay in aan ku saleyno baahiyaha ay dadkeenna u qabaan hirgelinta ujeedooyin waxtar leh ee guuleysta.

“Soomaaliyada cusub ee aan rabno 2060-ka, waa ka duwan tahay tan aan maanta joogno, dhabbaha iyo qorshaha aan dejinay haddan ka run sheegno waa xaqiijin karnaa aragtideedna, waxaana sameyn karnaa in aan qaadno tallaabooyin waaweyn iyo mucjusooyin aan adduunyada hore uga dhicin haddan iska kaashanno ka shaqeysiinta qorshaha isbeddelka qaranka ee 2025-2029,” ayu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxay taasi abuureysa kalsooni iyo maalgashiyo waaweyn oo ay ku dhiiradaan ganacsatadeenna iyo kuwa caalamkaba in ay mashaariic ka hirgeliyaan dalka gudahisa, waana bilaabatay hadda howshaas, kuwa badanna inta uusan dhamman sannadka ayaa dhagax dhigi doonna.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay in ay isbedel dhab ah ka sameyso dhinacyada, xoojinta amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, tayeynta garsoorka iyo adeegyada bulshada oo ay ugu horreyaan tacliinta, caafimaadka iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Waxa kale oo uu dul istaagay ahmiyadda ay leedahay in la kobciyo hay’adaha gaarka loo leeyahay si kor loogu qaado hal abuurka iyo wax soo saarka dalka, iyada oo ay dowladdu ku hoggaamineyso sameynta xeerarka, shuruucda iyo dhaqangelintooda, ilaalinta xasillonida iyo daah-furnaanta si loo helo deegaan nabdoon oo u sahlaya ganacsatada in ay ku soo bandhigaan maalgashigooda.

“Suura-gal ma ahan marnaba in Soomaaliya ay sii joogto halkii ay joogtay muddo dheer, si cabsida looga gudbana waa in si daah-furan loo wajaho caqbadaha waaweyn, lagana dabaasho xaaladaha adag, iyada oo markasta xoogga la saarayo waddada guusha, lana yareynayo guul darrada si loo xaqiijiyo hadafyada fog ee ay dadka Soomaaliyeed filayaan, loona gaaro horumar waara.”

Ugu dambeyntiina wuxuu madaxweynaha xusay in kala aragti duwanaanta dadkeenna ay tahay mid muujineyso ilbaxnimo, buseyl, qadarin iyo dhiiragelin ay mas’uuliyiinta dowladda ay helayaan si loo hormariyo dowladnimadeenna iyo isbedelka togan.

Israel oo dad badan ku dishay duqeyn ay ka fulisay Lubnaan

Beirut (Caasimada Online) – Saraakiisha Lubnan ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof lagu dilay duqeyn cirka oo ay ciidamada Isra’il ku garaaceen deegaanno ku yaalla koofurta Lubnan 24-ki saac ee lasoo dhaafay.

Magaalo ku taalla dhinaca koofureed, dadka la dilay ayaa la xaqiijiyay in uu ku jiray duqii magaalada, xilli ay wadeen howlo gurmad dhanka bani’aadannimada ah.

Duqeynta lagu dilay meeyarka magaalada Nabatiyah ayaa ah tii ugu horreysay oo ay ciidanada Isra’il ku bartilmaameedsadaan xarumaha dowladda Lubnan, tan iyo marki ay billowday olalaha duqeymaha cirka iyo dagaalka dhulka ah ee Luban bishi hore.

Weerarka ayay saraakiishu sheegeen in lagu 16 qof laguna dhaawacay 50 kale. Wali ma aysan ka hadlin ciidanka Isra’il duqeyntaasi.

Laakin, milatariga Isra’il waxay sheegeen in weerar cirka ahaa oo ay Talaaddi ku garaaceen degmada Qana ay rabeen in ay ku khaarijiyaan abaanduule ka tirsan Xisbullah. Weerarkaas ayaa lagu dilay ilaa 15 qof Talaadadi.

Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Qarax xooggan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa goordhoweyd ka dhacay caasimada.

Faah-faahinta hordhaca ah ee aan ka helayno qaraxan ayaa sheegaya inuu fuliyay naftii haligle isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasi oo isku qarxiyay agagaarka Iskuul Buluusiyo.

Wararka qaar ayaa sheegay in qaraxa lagu bartilmaameedsaday maqaayad ku taalla aagga Iskuul Buluusiyo, halka wararka qaar ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay gudaha xerada xili askar badan tababar uga socday maanta.

Qaraxan ayaa imanaya xilli ay muddooyinkii dambe caasimadu ka reysatay qaraxyada kooxda Al-Shabaab, oo ayadu weli muujineysa sida ay ugu awood leedahay fulinta weerarada gudaha magaalada Muqdisho.

Faah-faahinta oo dhameystiran naga fillo dhawaan, Insha Allah.