26.7 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Xog: Xildhibaan Jacfar oo galabta loola cararay dalka dibadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo aad u xanuunsan ayaa galabta loola cararay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad oo halis ah.

Diyaarad Ambulance ayaa Xildhibaan Jacfar looga qaaday Muqdisho, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu Muqdisho ku xanuunsanaa.

Ilo wareedyo ka ag dhow xildhibaan ayaa Caasimada Online u sheegay in seddax habeen uu ku jiray qeybta gargaarka deg degga ah ee isbitaalka Digfeer.

Shalay gelinkii dambe, xalay iyo saakay ayey darsatay xaaladda xildhibaanka, waxaana galabta loo qaaday caafimaad dibadda ah, gaar ahaan magaalada Nairobi.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Digfeer ayaa ka gaabsaday inay faahfaahiyaan xanuunka la soo dersay xildhibaanka iyo xaaladiisa dhabta ah, balse xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa sheegay in xanuun aad u daran uusan qabin xildhibaan Jacfar.

Maxamed Abuukar Jacfar wuxuu ka mid yahay Xildhibaanada loogu jecelyahay golaha shacabka, waa sarkaal ka yimid ciidanka xoogga, sidoo kale wuxuu soo noqday guddoomiyaha degmada Deyniile oo aad looga jeclaa, kadib markii uu ku guuleystay dib u dhiska iyo amni ku soo dabaalidda degmadaas.

Caafimaad iyo inuu deg deg u soo bogsado ayaan u rajeyneynaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo hadda xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaraxyo ay soo dhiibeen Al-Shabaab oo la qabtay iyo rag loo soo xiray

0

Maxaas (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyno gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda, kuwa dadka deegaanka iyo Booliska maamulka HirShabelle ay ka hortageen weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab

Qaraxyada oo ahaa miinooyin ayaa la doonayay in lasoo geliyo degmada Maxaas, waxaase ka hortegay ciidamada oo helay xogta dhagarta ay soo maleegtay Khawaarijta.

Guddoomiye ku xigeenka amniga maamulka degmada Maxaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la fashliyay qaraxyada, sidoo kalena loo soo xiray  qof oo eedeysanayaal ah, halka ay ku raadjoogaan dad kale oo baxsad ah.

“Ciidamada deegaanka, milatariga, nabad-sugiddda iyo ciidamada booliska oo arrimahaas aad uga feejgan ayaa ka hortegay qaraxyada, waxaa u xiran 2 qof oo eedeysanayaal ah, in kale oo badana waa ku raad-joogaan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga Maxaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maamulka iyo shacabka degmada ay mar hore u diyaar garoobeen inay si wadajir ah uga hortagaan weerar kasta oo ka yimaada Shabaab.

“Qof kasta oo ku sugan degmada Maxaaseed wuxuu u diyaarsan yahay sidii uu uga hortagi lahaa dhagarta ay maleegayaan kooxda Al-Shabaab” ayuu sii raaciyay.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana weli degmada Maxaas iyo deegaanada u dhow howlgallo ka wada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Maxaas ayaa kamid ah degmooyinka uu weli ka socdo gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana horay u tegay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka LUUQ + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa maanta magaalada Kismaayo kusoo xiray shirweynaha dib u heshiisiinta beelo dhawaan ku dagaalamay Degmada Luuq.

Shirkan oo muddo ka socday Aqalka Martida ee madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo soo afjari lahaa colaadda uu dhiigga ku dadaanayo ee ka taagan halkaasi.

Axmed Madoobe oo xiritaankii shirka ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in beelaha walaalaha ah ee dagaalamay inay garowsadeen muhiimada ay nabaddu leedahay iyo in dadka ku wada nool Degmada Luuq ay is huran yihiin loona baahan yahay in nabadd lagu wada noolaado.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay dhammaan odayaasha dhaqanka gaar ahaan Malaaqyadda, Ugaasyadda iyo waxgaradka deegaanka oo u hogaansamay awaamiirta maamulka ee ah in laga wada shaqeeyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Inta uu socday shirkan odayaasha labada beelood ee ku dagaalamay Degmada Luuq ayaa heshiis ka gaaray waxyaabahii dhacay inta uu dagaalku socday iyagoo sidii dhaqanku uu ahaa sabeen isku xiray kana garaabay waxyaabahii soo kala gaaray labada dhinac.

Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in maleeshiyaadka colaadaha hurinaya aan laga ogolayn deegaanada Jubaland isla markana talaabo laga qaadi doono hubka oo gacanta shacabka gala iyo abaabulka maleeshiyada qabiilkana aan marna la aqbali doonin.

Sidoo kale, Maxkamaddaha iyo hay’adaha cadaaladda ayuu sheegay in ay gudan doonan shaqadooda isla Markana xukunadda qisaasta ah aan lagaga gaban doonin in mag ay kala qaataan qabaa’ilka iyadoo xukunka qisaasta ah oo la fuliyo ay yarayn doonto dilalka macno darada ah.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan loo baahan yahay in ay gacan ka gaystaan sidii dhaqangal uu u noqon lahaa heshiiska maanta la gaaray Dowladduna ay ka go’antahay in mar danbe ayna soo laaban colaadaha noocan oo kale ah.

Ugu dambeyn wuxuu madaxweynahu ka digay in xukun loo doonto Khawaariijta, isaga oo ku eedeeyay in hurineysay dagaal beeleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Markab ay soo dirtay dowladda Turkiga oo yimid Muqdisho – Muxuu sidaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedda wayn ee magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray markab sida shixnad gargaar ah, kaas oo ay soo dirtay dowladda Turkiga.

Markabkan ayaa waxaa la wareegay dowladda federaalka, ayada oo ra’iisul wasaare ku xigeenka, guddoomiyaha SoDMA, safiirka Turkiga iyo mas’uuliyiin kale ay tageen dekedda.

“Munaasbad kooban oo ka dhacday Dakedda weyn ee Muqdisho, ayaa maanta DFS waxa ay kula wareegtay Markab weyn oo sida shixnad gargaar ah oo dowladda Turkiga ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed ee talabaalaysan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SoDMA.

Sida ay hay’addu sheegtay markabka ayaa sida gargaar leh qaybo kala duwan, isla markaana gaarayo 3,000 oo tan oo ay ku jiraan raashin, teendhooyin iyo agab kale.

“Gargaarkaan ayaa ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, Teendhooyin iyo waxyaabo kale oo aas-aasi u ah nolasha, kuwaas oo dhan 3,000 oo tan” ayaa la sii raaciyay warsaxaafadeedka kasoo baxay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.

SoDMA ayaa balllan qaaday in gargaarkan loo geyn doono dadka mudan ee haatan ku tabaaleysan gudaha Soomaaliya. “Gargarkaan dadkii mudnaa ayaan gaarsiin donnaa , waana uga mahadcelinaynaa dowladda Turkiga garab istaagooda.” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Macallin.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo goobjoog ahaa munaasabadda ayaa dawladda Tukiga uga mahadceliyey iskaashiga iyo garab istaagga walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan.

Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, waxaana si weyn loogu xasuustaa garab istaagii uu u muujiyay shacabka 2011-kii, xilligaas oo ay abaar ka jirtay dalka.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo ka dagay dalka Uganda + Qorshihiisa

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha ay booqasho uga bilaabatay dalkaasi, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Yoweri Museveni.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Xasan Sheekh uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono madaxweynaha dalka Uganda, isaga oo kala hadli doono arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka.

“Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo dalka Uganda, waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, qorshaha kala guurka howgalka ATMIS, iskaashiga dhinacyada amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa safarkiisa Kampala kadib u gudbi doono waddamada kale ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, si uu ugala hadlo kala guurka howlgalka ATMIS.

“Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka Uganda ayaa qayb ka ah booqashooyin is xigxiga oo uu maalmaha soo socda ku kala bixin doono waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isaga oo madaxda dalalkaas kala hadli doona arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Soomaaliya ayaa haatan wadda qorshe ballaaran oo ku aadan sidii ay ugu diyaar garoobi lahayd beddalka ATMIS, waxaana la diyaarinayaa ciidamo kale oo beddalaya, iyada oo dowlado cusub lagu soo kordhin doono, sida Masar oo haatan diyaaray ciidamo cusub.

Ciidamada KENYA oo wareejiyay saldhig ku yaalla JUBBALAND

0

Kismaay (Caasimada Online)  – Taliska howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ayaa saldhigga deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose maanta ku wareejiyay ciidamada Jubbaland, gaar ahaan kuwa nabad-sugidda, kadib munaasabad ka dhacday halkaasi.

Saldhigga ay la wareegeen ciidamada Jubbaland ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2015-kii ku sugnaa ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee gudaha Soomaaliya.

Mid kamid ah saraakiisha ciidanka ATMIS oo lagu magacaabo Col. Ibraahim oo madasha ka hadlay ayaa boggaadin u jeediyay ciidanka Kenya, oo uu tilmaamay inay adoor muhiim ah ka qaateen difaaca magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaand,

Col. Ibraahim ayaa sidoo kale  kula dar daarmay ciidamada Soomaaliya ee la wareegay saldhiiga Kudhaa in ay feejignaadaan oo ay sii wadaan guulaha laga gaaray dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay xil wareejinta inay muujineyso sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay inay la wareegto mas’uuliyadda amniga dalkeeda.

ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka.

Si kastaba, tallaabadan ayaa qeyb ka ah hannaanka lagu wado in lagu soo gabagabeeyo in si buuxda mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya marka la gaaro Disembar 2024, xilligaas oo ay Soomaaliya ka bixi doonaan ciidamada howlgalka ATMIS.

Diyaarad ay qaraxyo ka buuxaan oo weerartay guriga Netanyahu

Tel Aviv (Caasimada Online) – Diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn oo qaraxyo ay ka buuxaan ayaa waxaa lala beegsaday guriga ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku yaalla Caesarea, wuqooyiga Israa’iil, sida uu sheegay afhayeenkiisu.

Netanyahu kuma uusan sugnayn dhismaha, wax qasaare ahna kama dhalan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda Xisbullah ka soo direen meel 70 km u jirta xadka dalka Lubnaan iyo gobolka waqooyi ee ay haysato Israa’iil.

Milatariga Israa’iil ayaa goor sii horeysay sheegay in saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn loo soo ganay dhanka magaalo xeebeedaan subaxnimadii hore ee Sabtida.

Mid ka mid ah diyaaradahaas ayaa ku dhacday dhisme, halka labada kalena la qabtay, sida ay sheegeen milatarigu.

Dhinaca kale, kooxda Xisbullah ayaa sheegtay inay fuliyeen weerar kale oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku qaadeen qaar kamid ah ciidanka Israa’iil ee fariisinta ka dhigtay saldhigga Ein Shemer, oo ku yaala bariga magaalada Hadera.

Weerarka ayay sheegeen inay fuliyeen fiidnimadii jimcihii shalay ahaa, iyagoona sheegtay inay saldhigga ku weerareen tiro kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxa ay intaa hadalka ku dareen in ay weerarkaan uga jawaabayeen gantaallo iyo duqeymo ay Israa’iil ka fulisay gudaha Lubnaan.

Xisbullah ayaa sidoo kale howlgalkaan ku tilmaamtay inuu kamid yahay kuwa is daba joogga ah ee ay ku weerarayaan Israa’iil, waxa ayna sheegeen inuu qeyb ka yahay “howlgalka Khaybar” kaas oo ka dhan ah xasuuqa ay Israa’iil ka waddo gudaha Lubnaan sida ay sheegeen.

Horay Xisbullah ayaa u fulisay howlgallo noocaan oo kale ah oo loo adeegsaday gantaallo gaar ah waxayna sheegeen in ay la beegsadeen Al-Karyut oo ku taalla waqooyiga magaalada Haifa.

Horjoogayaal iyo Shabaab badan oo maanta la dilay + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixisay howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Qaycad ee koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgalka oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo xubno badan oo ka tirsan kooxda, sida lagu sheegay qoraalka.

Horjoogayaasha la dilay waxaa kamid ah Maxamed Bashiir Muuse oo Al-Shabaab ay ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobolka Mudug iyo Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Khawaarijtu u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaa la dhaawacay illaa 40 kale oo la geeyay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka:-

MUQDISHO 19, October 2024: Ilaa 30 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay tiro intaasi ka badana waa ku dhaawacmeen howlgal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobalka Mudug.

Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjoogayaal dhiigyo-cab ah iyo maleeshiyaad badan oo ay wateen, kadib markii la helay xogtooda, waxaana ka mid ah horjoogayaasha nafta la dhaafiyay:-

1-Horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo Khawaarijtu ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug.

2-Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Khawaarijtu u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug.

In ka badan 40 Khawaarij ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkaan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyeen Koofurta Gobalka Mudug ayaa gabi ahaanba waxaa lagu bur-buriyay Godad iyo Fariisimo muddo dheer Khawaarijtu isku qarinayeen.

 

Culimo lagu laayay Shabeellaha Dhexe – Yaa geystay dilkooda?

0

Cadale (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay maleeshiyaadk hubeysan ka gaysteen duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday culimo akhrineysay Qur’aan oo la laayay.

Ma shaqadan oo uga sii dareysay colaadda ka taagan halkaasi ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Labagaras oo hoostaga magaalo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maleeshiyaad beeleedka weerarka qaaday ayaa beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad akhrinayay aqrinayay Qur’aan oo ku sugnaa halkaasi, waxayna u gaysteen dil iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadan argagaxa leh ku dhintay ugu yaraan 4 qof, halka lagu dhaawacay 8 kale, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyay falkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka weerarkan gaystay ay u aarayeen dad horay looga dilay, waxaana arrintan uga sii dareysa xiisadda ka taagan aagga Cadale.

Labadaan beeleed ee dilalka isku gaysanayo ayaa waxaa horay gogol nabadeed loogu dhigay deegaanka Burka Dirimeed, halkaas oo lagu gaaray heshiis nabadeed oo uu goobjooga ahaa madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Hase’ahaateen xaaladda ayaa u muuqata inay hadda faraha kasii baxday, isla markaana uu burburay heshiiskii, maadaama dilal iyo dagaallo ay dib uga dhaceen duleedka Cadale.

Dhowaan ayay ahayd markii isla aaggan uu uga dhacay dagaal beeleed lagu dilay saddex qof, laguna dhaawacay saddex kale, kaas oo saameyn ku yeeshay deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay QARAX xalay ka dhacay Kismaayo + Khasaaraha

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay gudaha magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee maamul goboleedka Jubbaland.

Dad ku sugan Kismaayo ayaa inoo sheegay in bam-gacmeedka lagu weeraray maqaaxi ku taalla isgoyska Golol ee Kismaayo, halkaas oo ay ku caweynayeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkan ku dhaawacmay illaa 6 qof oo shacab ah, kuwaas oo loola cararay goobaha caafimaad ee magaalada oo haatan lagula tacaalayo xaaladdooda.

Sidoo kale waxaa goobta isaga baxsaday raggii ka dambeeya weerarka lagu beegsaday maqaaxida oo la qarxiyay xilli ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa sidoo kale goobta soo gaaray, waxayna sameeyeen baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen weerarkaasi bam-gacmeed.

Xaaladda Kismaayo ayaa maalmihii u dambeeyay daganeyd, waxaana howlgallada lagu sugayo amniga xoojiyay ciidamada ammaanka ee magaaladaasi.

Jubbaland oo deggan magaaladan ayaa inta badan howlgallo ka sameyay halkaasi, waxayna sidoo kale kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa indhowanahaan howlgallo jab culus lagu gaasiiyay kooxda ka waday deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Xog: Garab istaagga Masar ee Soomaaliya oo walwal ku abuuray Itoobiya

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa gaartay go’aan ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo hubaynta ciidamada xoogga Soomaaliya, waana go’aan walwal ku abuuray Itoobiya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in arrimaha Masar iyo Soomaaliya ay Itoobiya ku abuureen cabsi joogto ah oo ku timid kadib heshiiskii difaaca ee August.

Masar ayaa wixii ka dambeeyey markii ay heshiiskaas la gashay Soomaaliya waxay toos u bilowday qorshayaal ay ka hortageyso saamaynta Itoobiya ee Geeska Afrika, iyadoo adeegsanaysa joogitaan ciidan oo khatar ku ah amniga Itoobiya.

Xiisadaan ayaa qaraxday markii Itoobiya ay heshiis qar iska tuurnino ah la gashay Somaliland, bishii January 2024, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abaabuleysa xiisad diblomaasiyadeed iyo mid ciidan oo ka dhan ah Itoobiya.

Dhanka Itoobiya walaac badan ayaa jira, wuxuuna Raii’sul Wasaare Abiy Axmed maanta bedelay wasiirkiisii arrimaha dibadda, isagoo soo magacaabay Dr. Gideon Timothy, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada Itoobiya.

Kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Timothy waxa uu ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dalka Itoobiya, waxayna magacabisiisaan ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay xiisad kala dhaxeeyso qaar ka mid ah dalalka dariska la ah oo Soomaaliya ay ugu horeyso.

Xiisadaha diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay dhex maquuraneyso waxaa ugu wayn midda kala dhaxeeysa Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska sharci darrada ah ee badda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ah mid muhiim u ah diblamaasiyadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda, iyadoo haatan ay Itoobiya khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhex galay dalalka deriskeeda ah, khatarna ay ugu jirto inay dagaal la gasho dalal ay ugu horeeyaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

Ciidanka DF iyo kuwa Macawiisleyda oo xalay xeelad cajiib ah ku jabiyay Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo xalay ka dhacay deegaan hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaq ay Al-Shabaab ka wadeen deegaanka Dhagaxley ayaa waddada u galay, waxayna kadib la beegsadeen weerar gaadmo ah oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gudaha usii galeen deegaankaas oo ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo qorsheynayay inay soo weerarto ciidanka huwanta.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay in jab xoogan ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayna kasoo furteen hub iyo saanad ciidan.

Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha gaaray kooxda Al-Shabaab, maadaama weerarka uu dhacay xilli habeen ah oo aan xog badan laga helin karin dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda.

Gobollada Dhexe ee dalka ayaa waxaa indhawaanahan ka socday howlgallo ay wadaan ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo xoreeyay magaalooyin ka tirsan Galmudug.

Soomaaliya oo soo saartay warbixin xasaasi ah oo ka kooban 30 QODOB

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin dheer oo ka kooban 30 qodob, taas oo looga hadlay dhacdooyinka toodobaadkii lasoo dhaafay.

Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray waxqabadka dowladda iyo guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gudaha dalka.

Hoos ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:-

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Somalia ku qaabilay Kaaliyaha Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasadda, Rosemary DiCarla,iyagoo ka wadahadley horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatey iyo doorka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka, taasi oo ay magaalada Muqdisho ka hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed.

4-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerk, iyo Madaxweynaha Masar ayaa kulan lagu xoojinayo iskaashiga saddexda dal ku yeeshay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray xerada ay ku tababaranayaan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ee magaalada Asmara.

6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed.

7-Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka oo diiradda lagu saaray horumarinta siyaasadaha lagu xoojinayo kobaca dhaqaale ee dalka.

8-Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib la isugu soo laaban doono 26-ka bishan October.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho.

10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Marwo Fowsiya Bashiir Maxamed u magacaabay La-taliyaha Sare ee Arrimaha Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

11-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Sii-Hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

12-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

13-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray saddex waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isagoo sheegay in dhismaha waddooyinka ay kaalin wayn ka qaadanayaan, isku socodka dadka, gaadiidka, bilicda, amniga iyo dhaqaalaha.

14-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Marina Walter oo ah Ku-xigeenka Agaasin Goboleedka Dalalka Carabta ee Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP).

15-Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa magaalada Geneva uga qeybgalay furitaanka kalfadhiga 149-aad Ee Shirka Baarlamaanka Aduunka IPU.

16-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Joachim Waern, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.

17-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Wang Yu, iyagoo ka wadahadley xoojinta, xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

18-Dowladda Soomaaliya oo deeq waxbarasho u fidineysa qaxootiga reer Sudan ee ku nool Soomaaliya.

19-Wasiirka Beeraha Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa daah furay Barnaamijka U adkeysiga Nolosha Miyiga oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya.

20-Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Mudane Ammar Axmed Babiker, Ku-simaha Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya.

21-Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Shirweynaha 70-aad ee Hey’adda Caafimaadka Aduunka WHO Dr.Cali Xaaji Aadam Ayaa Doha ka furay kulanka 71-aad ee (RC71) oo looga hadlay Hormarinta caafimaadka adduunka.

22-Wasiirka Waxbarashada, Mudane faarax Sheekh Cabdulqaadir oo booqasho ku tagey dalka Norway ayaa kulan la yeeshey Wasiiru-Dowlaha Hormarintu caalamiga ah ee Norway, Marwo Bjork Sandkjaer.

23-Ha`adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saarta ku sheegtey in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drones) laga mamnuucey u isticmaalka agagaarka Garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

24-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa kulan la yeeshay Midowga Jaamacadaha dalka, iyagoo ka wadahadley Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo guddigu ku guda jiro diyaarinta warbixinta akhrintiisa labaad.

25-Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa tababar aqoon kororsi ah oo la xiriira sare u qaadista awooda shaqa gudasha shaqaaalaha u soo xiray qaar ka tirsan shaqaalaha wasaaradda.

26-Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u ansixiyay qaraar ay si wadajir ah u soo gudbiyeen Soomaaliya iyo UK, kaas oo diiradda saaraya caawinta Soomaaliya ee dhinaca xuquuqul insaanka.

27-Bayaan ka soo baxey Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka ayaa lagu mamnuucey soo dejinta bacda.

28-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa deegaanka Waniile ee gobalka Galgaduud kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xoogga Dalka ee Hawlgalka sifeynta Khawaariijta ka wada deegaanadda Galmudug iyo Hirshabeele

29-Taliyaha Ciidaanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa qaabiley Madaxda Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Kestitis lancinkas.

30-Guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa gacanta ku soo dhigay labo horjooge oo ka tirsan Khawaarijta oo ka hawlgalayey degaanadda Janaale iyo Shalambood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xisbullah oo wacad ku martay inay xoojineyso dagaalka ISRALE

Beirut (Caasimada Online) – Ururka Xisbullah ayaa Jimcihii wacad ku maray in uu kordhin doono dagaalka ay kula jirto Israa’iil, maalin uun ka dib markii ciidamada Isra’il ay sheegeen in ay dileen hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar, kaas oo ahaa ninki amray weerarki ay Xamaas ku qaadday koofruta Isra’il 7-dii October.

Bayaan kasoo baxay Xisbullah shalay, ayay iyaga oo aanan soo hadal qaadin dilka Sinwar ku dhawaaqeen in ay u gudbeen marxalad cusub oo kor u qaadaysa iska horimaadyada ay kala soo horjeedaan Israel, kaas oo ay sheegeen in uu ka muuqan doono dhacdooyinka maalmaha soo socda.

Isra’il ayaa Khamiisti sheegtay, in si lama filaan ah ay ciidamadooda ka dagaallamaya Gaza ay dileen Sinwaar.

Waxay sheegeen in aysan ka warqabin goobta uu joogay. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in marki la dilayay Sinwaar ay isaga iyo laba nin oo kale oo la socotay ay si lama filaan ah loogu arkay dhismo ku yaalla Koofurta Gaza.

Xamaas waxay xaqiijisay dilka Sinwaar shalay. Khudbad laga baahiyay telefishannada ayuu madaxa Xamaas ee Gaza Khalil Al Xayya ku xaqiijiyay dilka hoggaamiyahoodii. Isaga oo ku tilmaamay geesi si sugan u sagaallamay oo ku dhintay shahiidnimo.

Abiy Axmed oo bedelay wasiirkii arrimaha dibadda – Waa kuma kan cusub?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Raii’sul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa bedelay wasiirkiisii arrimaha dibadda isagoo soo magacaabay Dr. Gideon Timothy, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada.

Kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Timothy waxa uu ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dalka Itoobiya, waxayna magacabisiisaan ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay xiisad kala dhaxeeyso qaar ka mid ah dalalka dariska la ah oo Soomaaliya ay ugu horeyso.

Xiisadaha diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay dhex maquuraneyso waxaa ugu wayn midda kala dhaxeeysa Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska sharci darrada ah ee badda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa aad uga carootay heshiiskaas, iyadoo Itoobiya ku eedeysay faragelin iyo ku xad-gudub qaranimo, waxaa dhacay dagaal diblomaasiyadeed oo Soomaaliya ay kaga adkaatay Itoobiya, markastana waxaa suurtagal ah inuu bilowdo dagaal toos ah.

Taye Atsik Selassie oo horey u ahaa wasiirka arrimaha dibadda ayaa aad ugu howlanaa wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo fulinaya qorshaha jaha wareerka ah ee Abiy Axmed, waana sababta ay wadahadalaasi u miradhali waayeen.

Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Itoobiya waa xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga Barwaaqo ee Abiy Axmed hoggaamiyo, wuxuuna ka mid yahay dhalinyaradii xilalka loo dhiibay ee xukuumadda soo galay kadib markii uu xukunka la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy.

Markii hore, Dr. Gideon waxa uu soo noqday Xeer Ilaaliyaha Guud, waxaana uu ka mid ahaa ergadii ay dowladda u qaabilsanaa wada xaajoodyadii TPLF ee dalka Koonfur Afrika ka dhacay ee lagu soo afjarayay dagaalkii Tigray.

Ninkaan cusub waxay aad isugu dhow yihiin ra’iisul wasaaraha imika xilka haya ee Dr Abiy Axmed, waxaana la sheegay inuu khibrad durugsan u leeyahay arrimaha sharciga, bare dhanka sharciga ah ayuu mar ka ahaa Jaamacadda Addis Ababa, Jaamacadda Hawassa iyo Jaamacado kale.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ah mid muhiim u ah diblamaasiyadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda, iyadoo haatan ay Itoobiya khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhex galay dalalka deriskeeda ah, khatarna ay ugu jirto inay dagaal la gasho dalal ay ugu horeeyaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

QM oo sameysay soo jeedin xal u noqon karta colaadda soo jiitameysay ee…

0

New York (Caasimada Online) – Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Saxaraha Galbeed ayaa soo jeediyay in dhulkaas loo kala qeybiyo Morocco iyo jabhada Polisario ee madax-banaanida dooneysa si loo xaliyo colaadda soo jiitameysay tobanaan sano, wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidaas ogaatay Khamiistii.

“Waxaan si taxaddar leh dib ugu eegay oo aan u ballaariyay dhammaan dadka ay khusayso fikradda kala qeybinta dhulka,” Staffan de Mistura ayaa sidaas yiri intii lagu jiray kalfadhi xiran oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu yeeshay Arbacadii.

Saxaraha Galbeed waxaa inta badan gacanta ku haysa Morocco, balse Jabhadda Polisario ee ay Algeria taageerto ayaa u ololaynasay madax-bannaanida dhulkaas tan iyo ka hor intii aanu gumaystaha Spain ka bixin sannadkii 1975-kii.

Qaramada Midoobay waxay u aragtaa “dhul aan madax-bannaanayn”.

Rabat, oo maamusha ilaa 80 boqolkiiba baaxadda dhulkan, ayaa u ololaysa qorshe is-maamul xaddidan lagu siinayo Saxaraha Galbeed, ayada oo uu qeyb ka ahaanayo Morocco.

Polisario ayaa ku baaqaysaa afti aayo ka tashi oo Qaramada Midoobay mas’uul ka tahay, taasi oo la qorsheeyay markii xabad joojin la saxiixay 1991-kii, balse aan marnaba la fulin.

De Mistura, oo ah 77-jir diblomaasi Talyaani-Swedish ah, wuxuu ahaa ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee dhulka saddexdii sano ee la soo dhaafay.

“Doorashada noocan oo kale ah waxay mar ogolaan kartaa abuurista dawlad madax-bannaan oo ku taal qaybta koonfureed, marka kalena, in inta kale ee dhulka uu qayb ka noqdo Morocco, oo lahaaneysa madax-bannaanidiisa iyadoo si caalami ah loo aqoonsan yahay,” De Mistura ayaa sidaas u sheegay Golaha Ammaanka.

Islamarkaana, waxa uu qiray “ma jirto calaamad muujinaysa rabitaan ah in laga fekero in la sahamiyo oo ka imaneysa dhanka Morocco ama Frente POLISARIO.”

Polisario waxa ay sheegtay in qorshuhu uu ku guul daraystay in uu “ilaaliyo” xaqa ay dadka Sahraawi u leeyihiin aayo ka tashigooda.

Sidi Omar, wakiilka Polisario ee Qaramada Midoobay, ayaa qoraal uu soo dhigay X ku sheegay in dhaq-dhaqaaqa “si adag u xaqiijinayo diidmo adag oo ku aadan ‘wax hindise’ ama ‘soo-jeedin ah’,”.

Soomaaliya: Qaranka aan loo shaqeyn ee laga shaqeysto – Maxaa socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya waxay sanad walba mushaar ahaan u qaatan lacag ku dhow 20 milyan oo dollar.

Qarankan la kabo ee Soomaaliya ayaa mushaarka xildhibaannadiisa gaarsiiyay min 5,000 dollar bishii. 329 mudane oo labada aqal ah ayaa saddex meelood meel kamid ah aanay shaqeynin marka loo qeybiyo tirada maqnaashahooda sida ay sheegayaan howl-wadeenada baarlamaanka.

Taas oo ka dhigan in 109 mudan aanay wax shaqo ah dalka u qaban sanad kasta, haddana ay mushaar joogto ah qaatan. Dhawaan waxaa banaanka usoo baxday doodda kursiga aqalka sare ee uu ku fadhiyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Jaamac, kaas oo la sheegay in uusan xaadirin fadhiyada golaha muddo labo sano iyo lix bilood ah.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka 30-kaas bilood waa qaadanayay mushaarka aqalka sare, isaga oo la sheegay in uusan shaqada xaadirin. Dagaal culus iyo buuq siyaasadeed ayuu kiciyay Saalax, kaas oo gaaray illaa madaxweynaha kadib markii loo sheegay inuu kursiya lumiyay, lana siiyay qof kale oo ku shaqeeya.

Xiisadda ayaa markii dambe ku dhamaatay in Cabdi Xaashi lagu qanciyo inuu iska dhaafo isbedelka kursigaas. Dad badan ayaa la yaabay inuu ra’iisul wasaare ku-xigeenkii dalka u dagaalamayo xuquuq uusan shaqeysan, xilli laga sugaayay inuu isagu dabaqo dhaqan dowladeed oo wanaagsan.

Hadda xafiiska ra’iisul wasaaraha kuma canaanan karo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda soo xaadirada shaqada ama xuquuqda ayaa la idinka jari doona, sababta oo ah ra’iisul wasaare ku-xigeenkii ayaa diiday inuu xuquuqdiisa lacageed ku waayo maqnaasho.

Si lamid ah labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya muddo xileedkan iyo midkii ka horreeyay waxaa jiray xubno aan sanad tegi jirin golaha iskana qaadan jiray lacagta.

Soomaaliya waxaa la kabaa 40 illaa 50% guud ahaan kharashaadka ku baxa dowladnimada, haddana lacagtaas waxaa qaata dad aan wax shaqo ah u hayn dowladnimada.

Ka sakow inay tahay musuq, ceeb iyo mid aan diiniyan fiicneyn in aadan gudanin waajibkii lagugu siiyay mushaarka, haddana tani waxay sii dheereynaysa rejada laga qabo inay dowladnimada Soomaaliya waqti dhow cagaheeda isku taagto, sababta oo ah qaran aan laga shaqeyn oo mushaar un laga qaato ma buuxin karo shuruudaha isku filnaansho dowladeed.

Madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha ayaa dhowr jeer ku baaqay isla xisaabtan, laakiin ma shaqeyn karo isla xisaabtanka haddii uusan dadka oo dhan wada gaarin oo ay ku jiraan xubnaha labada aqal, wasiirada, madaxda hay’addaha dowladda iyo guud ahaan xafiisyada sare ee dalka.

In shaqaale hoosaadka oo keliya la xisaabiyo ma ahan xalka qarankan. Iyada oo mushaaraadku ay yihiin kuwo badan marka loo eego dhaqaale xumada ka jirta Soomaaliya, haddana in aanay shaqo qabanin dadkii lacagtaas qaadanayay waa xaqiijinta in aanay cidna ku mashquulsaneyn hagaajinta dowladnimada Soomaaliya.

XAMAAS oo ku dhowaaqday geerida Yaxye Sinwar

0

Gaza (Caasimada Online) – Kooxda Xamaas ayaa goordhow xaqiijisay geerida Yaxye Sinwar, oo isagu dhawaan beddelay hoggaamiyihii hore ee Ismaaciil Haniyah.

Dilka hoggaamiye Sinwar ayaa waxaa horey u sheegtay Israel oo ayadu si weyn u daba joogtay, kuna tilmaamtay “maskaxdii ka dambeysay xasuuqa iyo xadgudubyada” 7-dii October.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel Katz oo horey u shaaciyay geerida hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwar ayaa ka dhacay Marinka Gaza, isagoo ku tilmaamay guul militari oo muhiim u ah Israel.

“Tan waa guul militari oo muhiim u ah Israa’iil iyo guul dunida xorta ah usoo hoyatay oo ka dhan ah xagjirnimada Islaamka ee Iiraan ay hoggaamiso,” ayuu yiri Katz.

Waxa uu intaas kusii daray “Cirribtirka Sinwar waxay fureysaa suurtogalnimada sii deynta degdegga ah ee la heystayaasha waxayna waddada u xaareysaa isbeddel horseedi doonaa xaqiiqda cusub ee Qasa, oo ka maran maamulka Xamaas iyo Iiraan.”

Raadiye u ku hadla afka ciidamada Israel ayaa ku warramay in dhacdadan ay dhacday mar howlgal uu ka socday magaalada koofurta Qasa ku taalla ee Rafax.

Yaxya Sinwar waa bartilmaameedka ugu horreeya ee Israel ee Qasa, waxaana lagu eedeeyaa inuu mas’uul ka ahaa inuu ka dambeeyay weerarkii 7-dii Oktoobar ee sanadkii hore gudaha Israa’iil lagu qaaday, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 1200 oo qof.

Sawirro googo’an oo lagu soo wadaagay baraha bulshada ayaa muujinayay qof u ek Sinwar oo dhex yaalla burburka dhisme.

Ninkan ayaa tan iyo 2017-kii, waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda ee gudaha marinka Qasa. Wuxuuna dhawaan ahaa hoggaamiyaha garabkooda siyaasadeed.

Duqeyn culus oo maanta ka dhacday bariga gobolka GALGADUUD

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa maanta bariga gobolka Galgaduud dowlad-goboleedka Galmudug ka dhacay duqeyn xooggan oo ay fuliyeen diyaaradaha duuliyaha laheyn ah ee saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dagaalka argagixisada.

Xogaha hordhaca ah ee kasoo baxaya duqeyntan ayaa sheegaya in deegaanada ay duqeynta ka dhacday, ka socdeen howlgallo xooggan oo iska kaashanayaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiileyda.

Duqeyntan ayaa lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo halkaasi ku sugnaa, inkasta oo wax faah-faahin ah aysan weli kasoo bixin dowladda federaalka.

Sidoo kale waxaa weli duqeyntan ka hadlin taliska Mareykanka u qaabilsan howl-gallada qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM oo inta badan ay dowladda iska kaashadaan weerarada dhanka cirka ah.

Asbuuc kahor unbey aheyd markii sidaan oo kale ayay duqeymo xooggan uga dhaceen deegaannadaan, markaas oo dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay tobonneeyo xubnood oo katirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa goobaha la beegsaday.

Wixii faah-faahin ah ee kasoo kordha waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.

Sacuudiga oo taageeray qorshaha Masar ee Somalia xilli ay kasii dareyso xiisadda Itoobiya

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladaha Masar iyo Sacuudiga ayaa isku raacay in la taageero madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo Riyadh soo dhaweysay kamid noqoshada Masar ee howlgalka cusub ee Soomaaliya.

Masar ayaa haatan qorsheynaysa inay qeyb ka noqoto ciidamda cusub ee Midowga Africa ee Soomaaliya imaan doona sannadka soo socda, iyadoo durba bilowday dhaq-dhaqaaqeeda Soomaaliya.

Kulan ay magaalada Qaahira ku wada yeesheen madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga ahna ra’iisul wasaaraha dalkaas, Maxamed bin Salmaan ayay labada dal xoogga ku saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga iyo nabadda ee gobolka, gaar ahaan Soomaaliya.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen labada ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Sacuudiga iyo Masar ay ka go’an tahay hirgelinta go’aankii Jaamacadda Carabta ee horaantii sanadkaan, kaasi oo ku aadana taageeridda amniga, xasilloonida, midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale waxay labada dowladooda xoojiyeen muhiimadda ay leedahay u hogaansanaanta mabaadi’da deris-wanaagga, horumarinta nabadda iyo ka fogaanshaha xiisadaha iyo colaadaha ka dhici kara gobolka.

Sacuudiga ayaa haatan muhiimad gaar ah siinaya ka qeyb noqoshada Masar ee howlgalka Soomaaliya, isagoo soo dhaweeyay dadaallada joogtada ah ee Qaahira ay ugu jirto xasilloonida iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya,

Waxa uuna si gaar ah ugu mahad-celiyay Masar dalabkeeda ku aaddan ka qeyb-galka howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee Soomaaliya, kaasi oo la filayo inuu door muhiim ah ka ciyaaro xaaladda Geeska Afrika.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay kasii dareyso xiisadda Soomaaliya kala dhaxeyso Itoobiya, taas oo soo bilaabatay horraantii sanadkaan kadib markii Addis Ababa ay is-afgarad la saxiixatay Somaliland, kaasi oo dowladda Soomaaliya ku tilmaamay xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda.