26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Madaxweynaha dalka Brazil oo jeegada ka dhaawacmay

Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa baajiyay safar uu Axaddi shalay ugu ambabixi lahaa Ruushka, kaddib marki ay dhaqaatiirtiisa caafimaadka kula taliyeen inuusan gali karin duulimaad saacado badan qaadanaya, sababo la xiriira dhaawac madaxa kasoo gaaray isaga oo gurgiisa jooga.

Bayaan kasoo baxay xarunta madaxtooyada Brazil ayaa lagu sheegay, in Lula oo 78 jir ah uu shirka uga qeybgali doono hanka fogaan-aragga ee dhinaca online-ka. Waxaa marki hore la filayay in uu ka baxo Brazil shalay 5-ti galabnimo.

Sida ku cad diiwaanka caafimaad ee isbitaalka Sirio Libanes ee magaalada Brasilia, Lula ayaa dhaawac kasoo gaaray jeegada madaxiisa Sabtidi.

Sidoo kale illaa iyo hadda lama faah-faahin waxa sababay dhaawacaasi.

Madasha diblamaasiyadeed ee loo soo gaabiyo BRICS ayaa la unkay muddo hadda laga joogo 15 sano. Waxaa xubno ka ah qaar ka mid ah dalalka ugu suuqyada waaweyn dunida sida Brazil, Ruushka, Hindiya, iyo Shiinaha.

Waa marki danbe gadaal kaga soo biiray South Africa, Masar, Itoobiya, Iran iyo Imaaraadka Carabta.

Sawirro: NISA oo soo bandhigtay raggii Shabaab u qaabilsanaa beegsiga shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay seddax nin oo halis ah oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Ragaan ayaa ku howlanaa falal ka soo horjeeda amniga caasimadda Muqdisho, waxaana xogtooda iyo sawirradooda loo soo bandhigay warbaahinta.

Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA oo hayay xogta ragaan ayaa ku gulaystay in ay soo qabtaan Hubkii ay wateen, labo Mooto Bajaaj iyo Hal mooto Fekon ah oo ay u isticmaali jireen in ay ku baxsadaan marka ay fal amni darro geystaan.

Qoraal ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in 3-daan nin ay ahaayeen Shabakad isku xiran oo Khawaarij ah.

Sidoo kale, qoraalka NISA waxaa lagu xusay in qaarkood horay loo qabtay, iyadoo lagu tuhmayo falalka lagu soo qabtay hadda, waxayna xiligaas ka shaqeynayeen qalqal-gelinta shacabka caasimadda, sida ay shaacisay NISA.

Waxaa jira xubno ka tirsan shabakadaan lasoo qabtay oo weli baxsad ah, kuwaas oo ciidamada ammaanka ay ku raad-joogaan sidii loo qaban lahaa, sida lagu cadeeyey qoraalka NISA.

“Ciidamada ammaanka waxay u taagan yihiin xaqiijinta amniga iyo badqabka shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa gacanta ka baxay amniga caasimadda Muqdisho, waxayna Shabaab dileen ganacsatadii ugu badneyd, iyadoo cabsi badan ay soo wajahday shacabka.

Dadka shacabka ah waxaa dilaya Shabaab oo diidan in guryaha iyo goobaha gacansiga lagu xiro kaamirooyinka wax duuba, halka dowladda Soomaaliya ay dadka ku amreyso inay kaamirooyinka xirtaan.

Hoos ka eeg qoraalka iyo sawirrada ay soo bandhigtay NISA

Sawirro: Xasan Sheekh oo caawa safar ku tegay Jabuuti iyo qorshe culus oo socda

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa lagu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Dowladda Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri kulan la qaadan doono Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga iyo arrimaha ahmiyada u leh labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku maraya dalalka bahwadaagta la ah Soomaaliya ee gobolka ku yaalla.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkaan ku soo maray dalalka Uganda iyo Burundi oo sida Jabuuti ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna lasoo galay heshiisyo culus oo qaarkood warbaahinta lala wadaagay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kampala Uganda iyo Bujumbura Burundi ku tegay casuumaad uu ka helay madaxweynayaasha dalalkaas, waxaana kulamadii dhacay looga hadlay howlgalka ka socda Soomaaliya, gaar ahaan jiheynta ciidamada bedelaya ATMIS.

Labada dalba waxay Soomaaliya ka codsadeen inay u ogolaato inay ciidamadoodu ka sii howlgalaan Soomaaliya, maadaama dhamaadka sanadkaan la bedelayo howlgalka ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirta xulashada dalalka ay ciidamadu ka sii joogayaan dalka, waxaana qorshaha ku jirta in dhamaadka sanadkaan ay gabi ahaanba dalka ka baxaan ciidamada Itoobiya, maadaama labada dalka ay qarka u saaran yihiin inay dagaalamaan.

Madaxweyne Farmaajo ma wuxuu dacwo ka yahay wixii uu shalay sameeyay mise?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay farriinta ay dowladda kasoo saartay shirkii golaha wadatashiga qaran.

Inkasta oo ay dowladda sheegtay inuu shirka weli furan yahay oo la isku soo laabanayo 26-ka bishaan, haddana Farmaajo wuxuu shirka ku qeexay mid fashil iyo natiijo la’aan kusoo dhamaaday, taasina ay tahay mid niyad-jab iyo kala qeybin u horseedaysa shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu ku dheeraaday ka hadalka in maamullada laga hortaagan yahay inay doorasho qabsadaan iyo in madaxweyne Xasan Sheekh damacsan yahay inuu xukunka dheereysto, wuxuuna sheegay inay arrimahaasi sharci darrada ah walaac xooggan ku hayaan.

Haddaba, aan eegno Xasan Sheekh iyo Farmaajo, eedaha sharci darrada ah iyo maamullada.

1. Sharci darrada xukun dheereysiga

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa hadda u dhiman hal sano iyo dhowr bilood, weli ma sameysan muddo kororsi wallow saan-saanteeda laga dareemayo hadda.

Farmaajo wuxuu xukunka si sharci darro ku joogay hal sano iyo saddex bilood, sidaas darteed Farmaajo ma ahan ninkii Xasan Sheekh ku cambaareyn lahaa doonista xukun dheereysi.

Farmaajo iyada oo laga diidan yahay, oo Xasan uu kamid ahaa dadkii ka diidanaa ayuu xoog ciidan ku dhaafiyay waqtiga illaa uu kursiga awood ku fadhiyay hal sano iyo saddex bilood.

Xasan Sheekh haddii uu isna halkaasi aado waa laga diidi doona inta ay jiitami doontana lama yaqaano.

2. Maamullada iyo dheelitir la’aanta

Xasan Sheekh wuxuu horey u lumiyay Puntland, haatana waxaa shirka ka baxday Jubbaland. Si tan lamid ah markii uu Farmaajo xukunka hayay waxaa golaha wadatashiga qaran ka maqnaa Puntland iyo Jubbaland.

Laakiin waxay ku kala duwan yihiin, Farmaajo iyada oo ay laba maamul ka maqan tahay ayuu go’aanno soo saari jirey, balse Xasan wax go’aan ah sooma saarin, maadaama shirka laba maamul ka maqan tahay.

3. Doorashada maamullada

Farmaajo waxa uu ka hadlay maamullada loo diidan yahay inay doorasho qabsadaan, iyaga oo dhaafay waqtigoodii rasmiga ahaa. Tani waa sharci darro, waana ku saxan yahay Farmaajo.

Laakiin markii dhinaca kala laga istaago Farmaajo wuxuu xoogay doorashada maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, isagoo kuraasta ku fadhiisiyay dad aanay dadka deegaanka rabin, mana qaban doorashooyin furan.

Muddo kororsiga uu Xasan Sheekh siiyay maamul goboleedyada iyo boobkii uu Farmaajo ku sameeyay doorashooyinka maamul goboleedyada, labaduba waa laba dambi oo laga galay dastuurka dalka iyo muwaadiniinta deegaanadaas.

Iyada oo la sugayo sida uu Xasan Sheekh u dhaqmi doono dhamaadka muddo xileedkiisa, haddana dhinacyada dastuur jabinta, dheelitir la’aanta golaha wadatashiga qaran iyo siyaasad xumada maamul goboleedyada wax badan isma dhaaman Xasan Sheekh iyo Farmaajo.

Nidaamka doorasho ee ku haboon dalka – Yaa qaldan Xasan iyo mucaaradka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sooyaalka codbixinta waa mid fog, oo la bilowdey ilbaxnimooyinkii bini’aadanka kuwoodii ugu horreeyay, waxey taariikhyahannadu sheegaan in bulshooyin hore adeegsan jireen hababka bilowga ah sida gacantaagga iyo hadalka markey u baahdaan kala xulashada go’aamo lagu kala aragti duwanyahay.

Hase ahaatee waxaa laga diiwaangaliyey ilbaxnimadii Giriigga nidaamkii ugu horreeyay ee codbixin oo ka qeybqaateen dad aad u badan, la adeegsadeyna wax ka baxsan gacantaagga iyo hadalka. Giriiggii hore oo lagu tiriyo bulshadii ugu horreysey ee dimuqraadi noqota, waxey ku codeyn jireen gabal dhooba eh oo lagu dul qorey musharraxa ay u codeynayaan.

Laakiin doorashadoodu waxey u ekeyd xilka qaadista baarlamaanada casrigaan xilka uga xayuubiyaan masuuliyiinta; bulshadii Giriiggu ma dooran jirin masuuliyiinta ee waxey u codeyn jireen masuuliyiinta iney xilka sii joogaan iyo in kale, masuulkii helaana 6,000 cod iyo wixii ka badan oo xil-ka-qaadis ah, wuxuu waayijirey xilka, waxaana loogu darijirey musaafurin.

Tan ilaa iyo Giriiggii waxaa isbaddello waa weyn ku dhacay hababkii coddeynta, xitaa wxaa isbaddeley qalabkii lugu codeynayey, wuxuu ka yimi cad dhoobo eh, wuxuu soomaray banooni yar oo midab leh, maanta wuxuu yahay warqad, halka doorashooyinka qaarna lugu codeeyo fariimo danabeysan.

Dunida waxaa maanta ka jira nidaamyo codadbixin oo kala geddisan oo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo murugsan, oo dalalkuna ku kala xulasho duwanyihiin, se aalaaba dalalku waxey doorbidaan nidaamyada kafaalaqaadi kara caddaaladda ay ku taammayaan, inkastoo jiraan dalal doorbida nidaamyada tashiila dhaqaalaha iyo kuwa qabashadoodu fududdahay.

Bilowga hore waxaan qormadaan ku lafaguri doonaa nidaamyada codbixineed ee dunida ka jira kuwooda ugu doorka roon, ka dibna waxaan ka faaloon doonaa hanaanka doorasho ee ku habboon dalkeena, iyadoo afeef ka dhiganeyna inuusan jirin nidaam boqolle ah oo ka fayow ceeb iyo cillad oo dhan.

Nidaamka 1aad: Horreeyaa Guuleysta (First Past the Post/ Plurality):

Nidaamkani waxaa lugu tiriyaa nidaamka codbixin ee ugu fudud ee la adeegsado, waxaana lugu kala adkaadaa kaliya cod dheerida, muhimna maaha musharraxa inuu helo aqlabiyadda codadka bulshada (50%+1).

Habkani sida magaciisa ka muuqato waa sida tartamada ciyaaraha, guushu waxay wada raacdaa [koobka] musharraxa kaalinta koobaad gala, halka kaalmaha kale ay wax la’aan baxaan.

Daldaloolada uu nidaamkani leeyahay waxaa ka mid eh, inuu miraha guusha wada siiyo cidda ugu codka badan, isagoo ka soo qaadey tartamayaasha kale codadkoodu eber, oo waxba ka siineyn guusha.

Waxaaba dhacda xisbiga iyo musharraxa guuleysta in uusan haysan aqlabiyad codadka, sida ka dhacdo Ingiriiska, laga soo bilaabo 1945 ilaa doorashadii 2024 xisbiga ku guuleysta doorashooyinka barlamaanka Ingiriiska marnaba ma aheyn xisbiga haystey aqlabiyadda codadka shacabka oo dhan.

Waxaa kale uu nidaamkani dulmiyaa murashaxiinta yaryarka; wuxuu codbixiyaashu ku dhiirigaliyaa inay doortaan musharrax soobixistiisu sarreyso oo kaliya, maadaama hal qof guuleysanaayo codbixiyaashu waxey ujanjeersamaan musharrixiinta caanka ah oo ay u badinayaan inay guuleystaan, halkay u arkaan codeynta musharrixiinta yaryarka arrin khasaaro ah.

Nidaamkani wuxuu ka hanaqaadey Ingiriiska iyo dalalkii ku hoosjirey boqortooyadiisa sida Mareykanka, Kanada, Hindiya, Neyjeeriya, Kenya iyo dalal kale; tiro ilaa 44 dal ayaa maanta adeegsata nidaamkaan.

2: Codeynta Dooqeysan (Preferential Voting/ Instant-Run off Voting):

Nidaamkani waxey codbixiyaashu lanbareeyaan musharrixiinta kolba sidey u doorbidayaan, waxaa lagu hor qoraa musharraxa dooq koobaad ah lanbar 1, mushurrax dooqa labaad ahna waxaa lugu hor qoraa lanbar 2, ilaa laga gaaraayo musharraxa ugu danbeeyo. Waxaana guuleyta musharraxa hela aqlabiyadda dooqa koobaad ee bulshada (50%+1).

Haddii musharrax heli waayo aqlabiyadda codka koobaad ee bulshada, waxaa hoos lagaa soo furfuraa musharrixiinta heley codadka ugu yar, waxaana codadkooda loo qeybiyaa musharrixiinta lagu qorey kaalinta labaad, kolba sida loo qeybinayo codadkaas, waxaa soo baxa musharrax dhaafa 50%+1; guushuna sidaas bey ku raacdaa.

Nidaamkani wuxuu ku habboonyahay bulshooyinka heerkooda waxbarashadu sarreyso, waxaana aalaaba loo adeegsadaa doorashooyinka ururada ardayda iyo doorashooyinka hay’aduhu qabsadaan, waana dhif in loo adeegsado doorashooyinka dadweynaha.

Ceebaha uu nidaamkani leeyahay ayaa ah suuragalnimada inuu guuleysto musharrax aan heysan codadka ugu badan ee kaalinta koobaad, taasoo ah caddaalad-darro dadban.

3: Codeynta Wareegyada Badan (Voting Multiple Rounds):

Nidaamkaan wuxuu dhinac uga eg yahay nidaamkii Horreeya Guuleysta, se wuxuu leeyahay wareegyo badan, aalaaba wuxuu ka koobanyahay laba wareeg; waxaa la qabtaa wareega koobaad ee codeynta oo hadduu mursharrax heli waayo aqlabiyadd codadka dadweynaha (50%+1) waxaa loo gudbaa wareega labaad, waxaan wareeegaasi u soo gudba musharrixiinta ugu sareeyay wareegii koobaad, codeynta labaad ayaa la qabtaa, waxaana guuleysta musharraxa hela aqlabiyadda codadka dadweynaha.

Se haddii dhici weydo waxaa loo gudbaa wareeg ugu danbeeya, waxaan ku tartama labada musharrax ee ugu codka badnaa wareegii labaad, waxaana guuleysta kooda cod bata (dabcan midkood ayaa heli doona aqlabiyadda codadka).

Nidaamkani waxaa adeegsada dalal badan oo ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Iiraan. Hase ahaatee kama marno cillad, wuxuu suuragaliyaa iney guuleystaan musharraxiin wareega koobaad ku jirin kaalinta koobaad, taasoo dad badani u arkaan iney tahay caddaalad darro.

4: Nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran (Proportional Representation):

Nidaamkani waa kan ugu adeegsiga badan dunida, aalaaba waxaa loo adeegsadaa doorashooyinka kuraasta xildhibaanada, waxaana adeegsada in kabadan 100 dal gaar ahaan u adeegsada doorashooyinka barlamaanada, waxaa ugu cadcad waddamadaas: Isbeyn, Jarmal, Turki, Talyaani, Noorway, Baraasiil, Arjentiin, Biiru, Indunuusiya, Koonfur Afrika iyo dalal kale oo badan.

Nidaamkani wuxuu uga geddsinyahay nidaamyada kale wuxuu hoos u dhigaa codadka khasaari kara, oo cod walba wuxuu uyeelaa matalaad; xisbi kasta wuxuu siiyaa kuraas u dhiganta boqolleyda uu ka heley codadka. Tusaale xisbigii hela 10% codadka dadweynaha wuxuu badalkeeda helaa 10% kuraasta barlamaanka.

Nidaamkaan wuxuu gabi ahaanba lid ku yahay nidaamka Horreeya Guuleysta ee ku dhisnaay ninkii raayaa reerka u haraaya, ee wuxuu gabbaad siiyaa xisbiyada yaryarka.

Hase ahaatee kama dhigna inuu ceeb-ka-saliin yahay, wuxuu nidaamkani abuuraa barlamaano iyo xukuumado xisbiyo kala duwan ku bahoobaan (coaliation government) taasoo marar badan horseeda jahwareer siyaasadeed. Waxaana ka farcama noocyo badan, waxaana ugu caansan:

  • Nidaamka Liiska Xisbiyada Furan ama Xiran (Open and Closed List Systems):

Nidaamkani wuxuu u kala baxaa Liiska Furan iyo Liiska Xiran; waxeyna ku kala geddisanyihiin marna codbixiyaashu baa u codeeya musharrixiin la yaqaano oo xisbi ka socda waana nidaamka Liiska Furan, marna bulshadu khiyaar u ma leh iney doortaan qof ee baddelka waxey u codeeyaan xisibiyo u gubdistey liisaska musharrixiinta guddiga doorashooyinka, waana nidaamka Liiska Xiran.

Labada nidaamba waxey xisibiyadu helaan kuraas u dhiganta boqolleyda codadka ay heleen, tusaale hadday deegaan-doorashada Beledweyn taalo 10 kursi ee u tartamaan xisbiyada seddex xisbi oo kala eh Barwaaqo, Wadajir iyo Kaah; hadduu Barwaaqo helo 30% codadka, Wadajir 50% halka Kaah 20%.

Haddaba waxey u kala qaadanayaan qaab u dhiganta saamiga codadka ay heleen, wadajir wuxuu qaadan doonaa 5 kursi; mar  waa la yaqaanaa musharrixiinta guuleystey oo haddii nidaamku yahay Liiska Furan, marna lama yaqaano oo guddiga doorashada ayaa u magacaabi doono 5 qof ee ugu sarreyso qoraal ahaan liiska uu xisibga Wadajir soo gudbiyey, waana nidaamka Liiska Xiran.

Isla tusaalahaan haddaan ka dhigno kuraasta 11 kursi, waxaa nagu adkaanaya in si caadi ugu qeybinno kuraasta, waxaana soo baxaya xisaab jajab eh. Haddaba waxaa xusid mudan, qeybinta kuraasta si ay u galin xisaab jajab eh waxaa la adeegsadaa qaacidooyin gaar ah oo marnaba suuragalineyn iney kuraasto noqdaan jajab, waxaana ugu caansan qaacidooyinkaas: D’hondt method iyo The Sainte-Laguë method [4].

  • Nidaamka Codadka Gudba (Single Transferable Vote):

Nidaamkani wuxuu dhinac uga egyahay nidaamka Codeynta Dooqeysan, oo waxey codbixiyaashu lanbareeyaan musharrixiinta, hase ahaatee wuxuu uga duwanyahay musharrixiintu waxey leeyihiin saqaf la rabo iney gaaraan (target point); waxaana guuleysta musharrixiinta soogaara saqafkaas, hase ahaatee markey soogaaraan saqafka wixii cod ee dheeri ay helaan waxaa loo xawilaa musharrixiinta lugu qorey kaalinta labaad.

Tusaale, hadduu yahay saqafka doorashada degmada Boosaaso 20,000 cod, kuraasta taalana tahey 13 kursi, waxaa soobixi kara musharraxii gaara 20,000, codadka dheeriga ahna (ka badan 20,000) waxaa loo xawili doonaa musharrixiinta lugu qorey booska labaad, sidaasna waxaa ku soo bixi kara musharraxiin bilowga hore saqafka gaarin laakin codbixiyaal badan dookha labaad u ahaa.

5: Nidaamka Codeynta Condorcet (Condorcet Voting System):

Nidaamka kan waxaa hindisay oo loogu magacdarey fiilasoofarkii Faransiiska ee Condorcet, waa nidaam murugsan oo aalaaba adeegsigiisu yaryahay, nidaamka kan waxey codbixiyaashu isbarbardhigaan musharrixiinta mid-mid, oo midkey doortaana wuxuu helaa dhibco, waxaana guuleysta musharraxa ugu dhibco bata.
Tusaale haddey isa soo sharraxaan A, B & C , codbixiyuhu wuxuu mid-mid isbarbardhigi doonaa oo u codeynayaa musharrixiinta saddexda eh: kow wuxuu u codeynayaa A & B midkood, laba wuxuu u codeynaa A & C midkood, saddex wuxuu u codeynaa B & C midkood, mid walbana wuxuu heli doonaa dhibico u dhigma inta jeer ee loo codeeyay.

Nidaamka kan wuxuu ku dhisanyahay caddaalad, hase ahaatee kama marna cillado, koow: nidaamkani waxaa adag fulintiisa xaaladaha qaar, tusaale haddii musharrixiintu bataan waxaa codbixiyaasha ku adkaanaya codeynta; laba: nidaamkani wuxuu suuragalinyaa xaalad ay musharrixiinta qaar codadkooda isla ekaadaan, waxaana loogu yeeree Condorcet paradox, taaso ah ceeb aad u weyn.

Nidaamyada codbixinta waa ka badanyihiin shantaas nidaam, hase ahaatee afarta hore ayaa loogu adeegsiga badanyahay maanta, mana rabno inaan waqti badan galin nidaamyo adeegsigoodu koobanyahay.

Nidaamka ku habboon Soomaaliya

Haddaan dib u soo milicsano sooyaalka doorashooyinka Soomaaliya, waxaa markii ugu horreeyey doorasha lagu qabtey Koonfurta Soomaaliya sanadkii 1954 waxeyna ahayd doorashada dowladaha hoose, nidaamka la adeegsadeyna wuxuu ahaa nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan Liiska Xiran ee ku saleysan degmooyinka badan, isla nidaamkaas baa lugu qabtay doorashooyinkii guud ee 1956 iyo 1959. Xorriyaddii kadibna waxaa sii hanaqaadey isla nidaamkii oo lagu qabtey doorashooyinkii 1964tii iyo 1969kii.

Kadib kacaannkii kaligiitaliska ahaa iyo muddo dowlad la’aan la’ahaa, waxey Soomaalidu ugu danbeyntii ku hishiiyeen sanadkii 2000 nidaam doorasho oo dadban oo ku dhisan nidaamka wareegyada badan kaasoo lagu soo doorto xubnaha labada aqal ee barlamaanka, guddoonka labada aqal iyo madaxweynaha. Hase ahaatee tan ilaa 2017 waxaa daarnaa dood adag oo ku saabsan nidaamka doorasha uu dalka u guuri doono.

Sanadkii 2019kii waxey ansixisay xukuumaaddii Xasan Cali Kheyre xeer doorashooyin oo ku dhisan nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran, inkastoo Golaha Wadatashiga Qaranka uu hore u soo ansixiyey xeerkaas sanadkii 2018dii haddana ma hanaqaadin.

Sanad ka dib (sanadkii 2020kii) wuxuu barlamaanku iyo madaxweyne Farmaajo wada ansixiyeen xeer doorasho oo ku dhisan nidaamka Horreeyaa Guuleysta, hase ahaatee wuxuu dhaliyey buuq siyaasadeed waxaana ugu danbeyntii laysku raacey in lugu laabto doorashadii dadbaneyd.

Dhanka kale, Xukuumadda Xasan Sheekh Maxmuud ee hadda dalka ka talisa waxey jujuub ku wadaa xeer doorasho oo saldhig looga dhigey nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan Liiska Xiran kuna saleysan hal deegaan doorasho.

Guud ahaan doorashada cod-iyo-qof noocey ahaataba waxey warwar ku haysaa qaybo ka mid bulshada Soomaalida gaar ahaan, reeraha tiro ahaan yar ama ku filiqsan deegaano ballaaran, sababtuna waxey u arkaan qoondada kuraasta ay hadda haystaan iney waayi karaan.

Waxey ahaataba, waxaa shaki ku jirin in hanaanka doorashada ee hadda jira ee dadban kuna dhisan 5 beel (4.5) uusan ahaan doonin nidaam waara, maalin uun noqon doona mid laga guurey.

Haddaba nidaamkee ku habboon doorashada Soomaalia? Soomaaliya waxaa ku habsan nidaam doorasho oo dammaanad qaadaya matalaadda beelaha laga tirada badanyahay, isla jeerkaasna qarash yar, sidoo kalana farsama ahaan fudud.

Shuruuddaas koobani haddaan ku qiimeyno nidaamyadii kor ku soo xusnay, waxaa inoo soobaxaya in nidaamyada Codeynta Dooqeysan, Wareegyada badan iyo Condorcet saddexduba farsamo ahaan adagyihiin, sidoo kalana tixgalin xoogan siineyn musharrixiinta matalaya bulshada laga tirada badanyahay.

Docda kale, nidaamka Horreeyaa Guuleysta waa nidaam fudud laakin wuxuu si bareer eh u dafiraa matalaadd bulshada laga tirada badan yahay. Halka nidaamka codadka gudba uu tixgalin u haayo musharrixiinta ka socda beelaha yaryar, maadaama uu codadka saqaf u yeelo wixii ka battanna saqafkaasi siiyo musharrixiinta dookha labaad ah, taasoo fursad u eh musharrixiinta bulshada laga tirada badanyahay, hase ahaatee waa nidaam adag farsamo ahaan.

Haddaba dulucdu qormadani waxey ku soo biyoshubmee nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan nooca Liiska Furan ayaa ku habboon doorashada barlamaanka Soomaaliya, sababtuna waa nidaam si buuxda u tixgalinaya codadka musharrixiinta laga tirada badanyahay isla jeerkaasna farsamo ahaan fudud, sidoo kale u ma baahno wareegyo badan oo codbixin ah; wuxuuna uga fiican yahay nidaamka Liiska Xiran in codbixiyaashu garanayaan cidda ay u codeynayaan taasoo xoojineysa isla-xisaabtanka iyo matalaadd bulshada.

Nidaamka Liiska Furan waxaa adeegsado waddamo ay ka mid yihiin Indunuusiya, Baraasiil, Biiruu, Biljam, Deenmaark, Giriig, Fiji iyo Sirilaanka. Waxey waddamadu ku kala geddsinyihiin tafaasiisha hoose.

Dr. Afyare Cilmi oo horraantii sanadkaan ku qorey mareegta BBC laanta Af  Soomaaliga qormo uu uga faalooynayo nidaamka doorasho ee munaasabka ku ah Soomaaliya ayaa qorey: “Anigu waxaan marar badan ku dooday, welina aan rumeysanahay in nidaamka doorashooyinka ee dalka ku habboon uu yahay nidaamkii aan lahayn 1954-1969 ee ahaa Liiska Xiran ee Metelaadda Isku-dheelli-tiran oo ku salaysan degmooyin badan.”

Wuxuu Afyare marar badan xusey in nidaamka Liiska Xiran ku habboonyahay Soomaaliya, isagoo cuksanaya qodobo ay ka mid yihiin inuu yahay nidaam fudud oo dhowri kara qoondada dumarka iyo qoondada barakacayaasha, iyo qodob kale, hase ahaatee wuxuu moogan yahay in nidaamkani gabi ahaanba wiiqo matalaadda shacabka maadaama bulshadu si toos eh u dooran musharrixiinta ey baddalka doortaan xisbiyo; musharrixiintu waxey isku hawlaan habka ay ugu sare mari lahaayeen liiska xisbiyadooda baddalka ay isku howli lahaayeen iney kasbadaan deegaan doorashadooda.

Guud ahaan, nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran wuxuu ku toolmoonyahay doorashada kuraasta xildhibaanada iyo golayaasha deegaanka oo kaliya, wuxuuna ku habboonyahay dalalka barlamaaniga uu barlamaanku iska sii dhex xusho ra’iisul wasaaraha, laakin Soomaaliya waa dal qaatay nidaamka isku-dhafka eh ee madaxweyne iyo ra’iisul wasaaraha iska garab shaqeeyaan, walina lama go’aamin cidda dooraneysa madaxweyaha haddii loo gudbo doorasho qof-iyo-cod.

Aragti ahaan waxaa ila toolmoon in shacabku si toos eh u doorataan madaxweynaha, gabi ahaanba la laalo nidaamka hadda ee laaluushka ku dhisan ee xildhibaanadu doortaan madaxweynaha; waxaa ila quman in madaxweynaha lagu doorto nidaam fudud oo dadweynuhu codeynayaan una baahney wareegyo badan oo codbixin ah sidoo kale daaqadda ka saaraya wada lahaanshiyaha xukunka (xisbiyo kala geddisan xukunka wada lahaanayaan) taasoo waddamo badan u horseeday jahwareer siyaasadeed, sidaaada awgeed waxaa quman in madaxweynaha ku dooranno nidaamka Horreeyaa Guuleysta.

Gunaanad, doorashada qof-iyo-cod ee la rabo in loo wareego waa doorasho is dul barkan yihiin howlo badan, sida go’aaminta xisbiyada tartamaya, qaybinta kuraasta deegaan doorashooyinka, qoondada dumarka,  tirada ugu yar (threshold system) ee xisbiyada laga rabo iney gaaraan si kuraas u helaan, iyo kuwa kale; mana fududa sida siyaasiinta muxaafidku ugu ololeeyaan.

Hadal iyo dhamaantii, waxaa dalkeena munaasib ku ah laba nidaam doorasho, midi wuxuu ku toolmoonyahay doorashooyinka barlamaanka waa nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan nooca Liiska Furan, kan kalena waa nidaamka Horreeyaa Guuleysta wuxuuna ku habboonyahay doorashada madaxweynaha.

W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Ookiyaale).

Muxuu yahay dhawaaqa jugta culus ee goordhow laga maqlay Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa goordhoweyd si weyn looga maqlay dhawaaqa jug culus.

Dhawaaqan oo markii hore loo maleeyay inuu yahay qaraxyo isxig-xiga marka loo fiiriyo xajmigiisa ayaa waxay Caasimada Online ogaatay in uusan aheyn qarax.

Dhawaaq jugta culus ee laga maqlay Muqdisho ayaa aheyd tijaabo hub culus oo ay sameyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ee NISA, sida ay Caasimada Online u sheegen laamaha amniga.

Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa mararka qaar sidan oo kale u sameeya dab rid, iyadoo aan kusii wargelin shacabka, taas oo abuurta qalqal hor leh oo dhanka ammaanka.

Inkasta oo mararka qaar uu booliska kusii wargaliyo shacabka marka ciidanka sameynayaan dab rid, hase yeeshe waxaa ka badan inta laga warhelo un dhawaaqa jugta culus iyo daryanka hubka markaasi ciidanka ridayaan.

Magaalada Muqdisho ayaa la daala dhaceysa culeyso amni, ayada oo shacabkeedu yihiin baqdi ku nool, inkasta oo bilihii dambe uu soo reysanayay ammaanka, haddana kooxda Al-Shabaab ayaa weli qaraxyo iyo falal amni darro ka fulisa caasimada.

Sawirro: Xasan Sheekh oo maanta ka degay dalka…

0

Bujumbura (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, kadib casuumaad rasmi oo uu ka helay madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa halkaasi si diiran loogu dhaweeyay, ayada oo intaas kadib ay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada Burundi.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo haatan badankii ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha Burundi iyo dowladiisa taageerada iyo nafhurnimada ay Soomaaliya u sameeyeen, taas oo ah mid aan la ilaawi karin.

Dhinaca kale, madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa amaanay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka Khawaarijta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika.

Sidoo kale wuxuu dowladda ku bogaadiyay dadaalkii horseeday qaadista cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay garab siisay Burund xili adag.

Safarkan ayaa qeyb ka ah safaro dibada ah oo madaxweynaha uu ku marayo qaar kamid dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isagoo shalay gaaray dalka Uganda, halkaasi oo kulamo xasaasi ah uu kulama yeeshay dhiggiisa Museveni.












Daawo: Puntland oo qabatay nin ka yimid Israel oo ku biiray Daacishta Soomaaliya

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ayaa xalay soo bandhigay nin ajnabi ah oo ay ku qabteen howlgal culus oo ka dhacay buuraha calmiskaad ee gobolka Bari.

Ninkan oo magaciisa ku sheegay Cabdalla Mustaf Abu-deyr (Saalim) ayaa kamid ahaa xubnaha ajaaniibta ah ee ka barbar dagaalama kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Wareysi muuqaal oo laga duubay Saalim ayuu Taliska Ciidamada PSF sii baahiyay, wuxuuna ka hadlay halka uu ka yimid iyo sida uu kusoo gaaray gudaha Soomaaliya.

Cabdalla Mustaf Abu-deyr (Saalim) ayaa sheegay inuu ka yimid magaalada Sakhniin ee Israa’iil, halkaasi oo uu Jaamacad kaga baranayay cilmiga Injineerinka, kadib wuxuu sheegay inuu isaga soo tegay, si uu ugu biiro Daacish-ta Soomaaliya.

“Magacaygu waa Cabdalla Mustaf Abu-deyr, magacayga af-garashaduna waa Saalim, waxaan baran jiray kulliyada Injineerinka jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil” ayuu yiri Cabdalla Mustaf Abu-deyr.

Sidoo kale wuxuu ka sheekeeyay qaabka uu kusoo gaaray Puntland, uguna sii gudbuay dhulka buuraha ee ay ku sugan yihiin kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Daacish.

“Waxaan soo gaaray buuraha Daacish ku sugan yihiin waxaana halkaasi igu sugayay 5 xubnood oo ka tirsan Daacish, waxayna i keeneen meel la dhaho Istiqbaal halkaasi oo aan tababar ku qaatay” ayuu sii raaciyay Abu-deyr.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, iyada oo su’aallo ay ka yimaadeen sababta uu kusoo doortay Soomaaliya, isaga oo aadi karay waddamo kale ka dhow, sida dhulka Falastiin oo uu ka socda dagaal xoogan iyo xasuuq ay Israa’iil ku heyso shacabka Gaza.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warbixino kala duwan oo sheegayay inay sii kordhiyaan tirada ajaaniibta ku biiraya Daacishta Soomaaliya ee haatan ku xoogan deegaanada maamulka Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari

Masar oo war cusub ka soo saartay ciidamada la filayo in ay usoo dirto Soomaaliya

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa shaaca ka qaaday in Masar ay dhawaan ciidamo u soo diri doonto Soomaaliya, si ay uga qeyb-qaataan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika.

Masar iyo Soomaaliya ayaa bishii August kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca milateriga ah. Masar ayaa tan iyo markaas u soo dirtay Muqdisho hub, la-taliyayaal ciidan, tababarayaal iyo kumaandooska la-dagaalanka argagixisada.

Wareysi uu siiyay Al-Qahera News ayuu Abdelatty ku sheegay in Masar ay weli ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto adkeynta ammaankeeda.

“Masar waxa ay diyaar u tahay in ay bixiso gargaar kasta oo ay u baahan karaan dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka, isagoo farta ku fiiqay dadaallada ciidan iyo iskaashigan sii kordhaya ee saddexda dal.

Kumanaan ka tirsan ciidamada Masar ayaa la filayaa in ay ku lug yeeshaan howlgalka milatari dhammaadka sanadka, sida ay sheegeen ilo-wareedyada. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u xaqiijisay inay taageereyso imaatinka ciidamada Masar.

Toddobaadki hore, madaxweynaha Masar Cabdifataax El Sisi iyo hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku kulmay magaalada Asmara halkaas oo uu ka dhacay shir madaxeed si weyn loo hadal hayay.

El Sisi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea ayaa sheegay in dalkiisu “uu taageero nooc kasta ah u fidin doono dowladda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya si ay u soo celiso ammaankeeda”

“Waxaan ka wada hadalnay talooyinka wax ku oolka ah si aan u bixinno caawimaaddan,” ayuu raaciyay. “Masar lama hari doonto wax dadaal ah ama talo ah si aan ugu u adeegno ujeedooyinka dadkeena iyo rabitaanka ummadaheena Geeska Afrika.”

Masar iyo Itoobiya ayaa in ka badan 10 sano waxaa ka dhaxeeyey xiisad ka dhalatay biyo-xireenka Addis-Ababa ay ka sameysay webiga Nile oo ay halis u aragto Qaahira, oo 97% biyaheeda ugu tiirsan Nile.

Ficilada Qaahira ee Soomaaliya iyo xiriirka sii kordhaya ee Eritrea ayaa xoojinaya go’aanka sii kordhaya ee Masar ay ku cadaadineyso Itoobiya inay heshiis ka gasho biya xireenka

Xog: DF oo dib u bilowday qorshaheeda dagaalka – Maxaa ka socda dalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgallada xoreynta dalka ayaa mar kale dib uga bilowday, waxaana laga gaaray guulo waaweyn oo deg deg ah, sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda ayaa mar kale bilowday in la dardar-geliyo dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sh/Hoose, Sh/Dhexe, Mudug iyo Galgaduud ayaa la qorsheeyey in dagaalka Al-Shabaab toos looga bilaabo, waxaana todobadii maalmood ee lasoo dhaafay furimaha dagaalka lagu dilay Shabaab-kii ugu badnaa.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanadii dhawaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Howlgal toddobaadyadii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka ay ka bilaabeen aagga deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu guuleystay in Khawaarijta looga xoreeyo deegaanada Maqdis, Jameeco, Shanlow, Busley, Dhagaxow, Raasqaboobe iyo Yaaqle.

Taliye Cabdullahi oo ku sugan deegaanka Yaaqle ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalkaan oo ku socda saf-balaaran loo qorsheeyey in cadowga Khawaarijta ah muddo kooban looga sifeeyo deegaanada ay kaga dhuumaaleystaan gobollada Shabeellooyinka.

Waxaa howlgalka ka qeyb qaadanaya ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa ATMIS, waxayna ku sii siqayaan deegaano hor leh oo kooxda Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah uga joogaan gobollada Shabeelooyinka.

Dhanka Mudug, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay cagtamariyey deegaanadii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxayna maanta ka gudbeen Shabeelow iyagoo baacsanaya kooxda, howlgalka Mudug ayaa ka socda dhowr jiho, ciidamada ku jira howlgalkaan waxay ka soo kala dhaqaaqeen Xarardheere, Wisil iyo dhanka Baxdo.

Dhanka Galgaduud, Al-Shabaab waxaa lagu baacsanayaa deegaano hoos taga Ceeldheer, waxaana  lagu gaarsiiyey jab culus ciidamada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kala wareegay dhul badan, waxayna hadda u jaheysteen dhanka Ceelbuur.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta 21-aad ayaa ku sugan furimaha bariga gobolka Galgaduud, waxayna toos u hoggaaminayaan dagaalka.

Taliye ASAD Diyaano oo tallaabo culus qaaday kadib weerarkii Iskuul Buluusiyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa xalay qaaday tallaabo culus, kadib qaraxiii is-miidaaminta ahaa ee ay Khamiistii Al-Shabaab ku qaadeen Iskuul Buluusiyo ee magaalada Muqdisho.

Taliye Diyaano oo xalay ka baxay xafiiskiisa ayaa kormeer u kuur-gelid ah ku tegay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, si uu u qiimeeyo xaaladda amnigga.

Asad Diyaano ayaa si gaar ah u booqday xarumaha ciidamada iyo sidoo kale saldhiggyada booliiska ee ku yaalla degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Cabdicasiis, iyo Xamarweyne.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska guud ee ciidanka Booliska ayaa lagu sheegay in ujeedka taliyaha u ahaa inuu qiimeeyo shaqooyinka ay bulshada u hayaan saldhigyada.

“Ujeedka kormeerka Taliyaha ayaa ahaa in uu si dhow ugu kuurgalo howlaha ay saldhigyadu u hayaan bulshada, si loo xaqiijiyo habsami u socodka shaqooyinka amniga iyo in adeegyada boliisku si hufan ugu qabsoomayaan bulshada degaanka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale taliyaha ayaa boggaadiyay shaqada ciidamada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda sugidda amniga caasimada.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, kadib weerarkii ay Al-Shabaab la beegsadeen Iskuul Buluusiyo, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 10 qof oo isugu jiray askar iyo dad shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ku dhow 10, kadib markii nin isku soo xiray walxaha qaraxa oo beegsaday maqaayad ku taalla afaafka hore ee xarunta taliska ciidanka Booliska ee magaalada Muqdisho.

 

DAGAAL culus oo dib uga qarxay degmada LUUQ

0

Luuq (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo goordhow dib uga qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan.

Dagaalka ayaa saaka dib uga bilowday bartamaha magaalada, waxaana maleeshitaadka ay isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Maleeshiyaadka dagaalamaya oo in dhowaanahaan isku horfadhiyay degmada Luuq ayaa mar kale saaka is fara saaray, kadibna waxaa sidaas ku bilowday dagaalkooda.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah.

Ku dhowaad 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, iyada oo ay dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kasii badan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana weli rasaas laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee degmada, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalkaasi.

Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo shalay Kismaayo uu madaxweynaha Jubbaland kusoo xiray shir u dhexeeyay odayaasha beelaha haatan ku dagaalamaya degmada Luuq ee gobolka Gedo

Shirka ayaa waxaa murtiyeed kasoo baxay lagu sheegay in heshiis laga gaaray colaadda degmada Luuq, balse waxaa heshiiskaas burinaya dagaalka saaka mar kale dib uga qarxay gudaha degmadaasi.

Colaaddan ayaa soo noq noqotay, waxaana beelaha dagaalamaya ay isku haystaan maamulka degmada iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay horay isugu gaysteen.

Xogta xubno Shabaab ah oo maanta u soo gacan galay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal qorsheysan kusoo qabtay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan oo ka.dhacag deegaanno dhaca buuraleyd gobolka Baay ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Laba xubnood oo warbaahinta dowladda ay soo bandhigtay sawiradooda, iyaga oo wejiga duuban, ayaa waxay muddo ka tirsanayaan kooxda Al-Shabaab, iyaga oo muddooyinkii dambena ku dhuumaleysanayay deegaanada maanta laga soo qabtay.

Deegaanada Mooro Busto, Ceel sharif iyo deegaanka Ceel Mareer ee gobalka Baay ayaa ah deegaanada sida gaarka ah ay geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgalka sida gaarka ah uga fuliyeen.

Xubnahaan lasoo qabtay maanta ayaa waxaa haatan ku socda baaritaano dheeraad ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ay soo qabteen ciidanka iyo kuwo iskood isku soo dhiiba, oo sheegay inay ka laabteen fikirkaas.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo ka dhan Shabaab-ka, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka.

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay.

Soomaaliya iyo Uganda oo afar qodob ku heshiiyey

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho rasmi ah ku tagay dalka Uganda ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay;

1- Xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarka, iyadoi la isla qaatay in la kordhiyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga.

2- Taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo hawlgalka cusub ee AUSSOM.

3- Soo dhoweynta xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo matalaadda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026.

4- Dowladda Uganda waxay soo dhaweysay qaadista cunaqabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo u ogolaaneysa Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga qaranka.

Kulanka ayaa imanaya ayada oo xiisad u dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka taagan tahay gobolka, taasi oo ka dhalatay heshiiska ay Addis-Ababa la saxiixatay Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan kama dambeys 31-ka December, haddii aanay ka laaban heshiiska ay la gashay Somaliland.

Ciidamada Itoobiyaanka waxay dalka ku joogaan heshiisyo laba geesood ah, halka qayb kale ay ku joogaan in ay ka mid ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Masar ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay badasho ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiya dhamaadka sanadkan, iyadoo Soomaaliya ay si cad u taageertay.

Xubno Shabaab ah oo ku dhintay miino ay aasayeen

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo ay ku geeriyoodeen xubnihii aasayay, kaas oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka deegaanka Majabto, halkaas oo ay tageen laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, si ay miinada u aasaan, balse iyagii ayaa ku dhintay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha dhintay oo watay mooto Fekon ay doonayeen in miinadaasi ay ku dhibaateeyaan shacabka, balse Alle uu qadaray in isla ayagii ay ku geeriyoodaan qaraxa ay diyaarinayeen.

“Dhagarqabayaal katirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ayaa ku geeriyooday duleedka degaanka Majabto ee goblka Shabeeladda hoose halkaasi oo ay doonayeen inay Miinoo ugu aasaan Shacabka isticmaala wadadaasi oo muhiim u ah isusocodka Gaadiidka iyo Dadka gobolkaasi” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale Taliyaha Ururka 26-aad guutada 6-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Faarax Xirsi Cabdulle ayaa sheegay in ay gaareen goobta uu falku ka dhacay, isaga oo sheegay inay soo bandhigeen labada nin ee ku geeriyootay qaraxaasi.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo iyo duqeymo xoogan.

Al-Shabaab ayaa miinooyin ku aasa inta badan wadooyinka isaga kala goosha deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo cabsi badan ku abuurtay dadka iyo gaadiidka ku safraaya dhulka, iyadoo mararka qaarna ay miinooyinku la kacaan dad rayid ah.

Wararkii ugu dambeeyay duqeymo ISRAEL sabtidii ka fulisay Beyrut iyo Gaz

0

Gaza (Caasimada Online) – Saacado kaddib marki uu ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natanyahu uu sheegay in diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn lagu bartilmaameedsaday gurigiisa xilli uu ka maqnaa, ayay millatariga Isra’il Sabtidi shalay duqeymo cirka ah ku garaaceen qeybo ka mid ah magaalooyinka Beyrut iyo Gaza.

Afhayeen u hadlay Isra’il ayaa sheegay in Netanyahu uu ka maqnaa guriga, balse ma cadda in hooygiisa la wax yeelleeyay iyo in kale. Natanyahu ayaa falkaasi ku dilmaamay isku day dil, iyo qalad weyn oo laga shallay doono.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in duqeymo ay millatariga Isra’il ku garaaceen guryo dabaqyo ah oo ku yaalla degmada Beyt Laxiya ee waqooyiga Gaza ay ku dileen ugu yaraan 73 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen tobnaan kale.

Ilaha caafimaadka ee isbitaallada Gaza ayaa iyaguna sheegay, in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay Isra’il ku dishay guud ahaan Gaza in ka badan 100 ruux oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan dumar iyo carruur.

Isla Sabtidii shalay, diyaaradaha Israel ayaa ku daadiyay koonfurta Gaza waraaqo lagu dhajiyay sawirka Sinwaar lana soo raaciyo farriin ah: “Xamas mar dambe ma xukumi doonto Gaza”.

Dhinaca Lubnaan, nawaaxiga koofureed ee Beyruut ayay milatariga Isra’il duqeymo culus ku bartilmaameedsadeen sida ay xaqiijiyeen ila wareedyada iyo sawirro laga soo qaaday xarumaha la qarxiyay.

Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen bakhaarrada hubka ee Xisbullah iyo xarumaha dhexe ee dhinaca mukhaabaraadka.
Wali lama oga khasaaraha dhimashada.

Dhanka Isra’il, milatariga ayaa sheegay in dhinaca Lubnan looga soo tuuray ilaa 200 oo gantaal. Ilaha caafimaadka Isra’il ayaa sheegay in nin 50 jir ah uu ku dhintay kaddib marki uu madfac ugu tagay waqooyiga Isra’il, sidoo kale afar qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacmeen.

Daawo: Puntland oo DF u jeedisay eedeymo culus “waxaa nasoo caaya ciyaal ay madaxdu dhaleen”

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo sheegay inuu aad ula socdo warbaahinta iyo arrimaha lagu faafiyo baraha bulshada ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey inay ka shaqeyso suurad xumeynta Puntland.

Madaxweyne Lugatoor ayaa sheegay in Puntland ay soo caayaan dhalinyaro ay dhaleen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in magacyadooda uu sheegi doono hadii aysan ka waantoobin arrintaas.

“Waxaa soo batay koox weriyaal u badan oo kooxo federaalka jooga ay u adeegsadaan in Puntland la caayo, in dadkeeda la isku diro, in Puntland iyo Khaatumo la isku diro iyo in umadaha kalaba la caayo, waxaa u badan team Youtubarro ah,” ayuu yiri Madaxweyne Lugatoor.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay inuu ka xishoonayo in magacyada xubnahaas uu sheego, “Facebookyo badan ayaa loo furay qof kasta, si looga soo wada caayo Puntalnd.”

“Waxaa jira ciyaalo madaxda qaar ay dhaleen, hadaan la deyn cayda Puntland waan soo bandhigi doonaa magacyada xubnaha ka shaqeeya waxaas, waxaan is lahaa Soomaaliya waa ka gudubtay dhaqankaas, laakiin mar kasta oo hormarka Puntland lasoo bandhigo, ragbaa soo caaya oo shaqo ka dhigtay,” ayuu hadalkiisa ku soo daray Ilyaas Lugatoor.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa weriyaasha deegaanada maamulkaas ku nool ka codsaday inay buunbuuniyaan wararka ku saabsan deegaanada Puntland, gaar ahaan kuwa quseeya maamulka.

“Wararka Federaalka ee aad buunbuunisaan iska daaya ee kuwa dowladiina qora weriyaashiina reer Puntland, warbaahinteena oo dhan mid federaalka u shaqeysa ayey noqoneysaa, teamkiina media-ha idinkaan masuul ka ah reer Puntland iyo hormarkooda, inta aan cunto cuno inta aan wararkiina eegaa ka badan,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Hoos ka daawo

DF oo shaacisay xogta howlgallo lagu laayey Al-Shabaab iyo geerida Horjooge Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo ay fuliyeen oo ka kala dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Gariile ee Gobolka Galgaduud waxaa lagu dilay ilaa 40 Khawaarij ah, halka 29 kalana lagu dhaawacay, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda.

“Horjooge Sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magacaabi jiray Macalin Aarow, isla markaana ahaa horjoogaha maleeshiyada la beegsaday ayaa ka mid ah dhagar-qabayaasha lagu dilay howlgal qaatay in ka badan 24-saac oo ka dhacay Gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale, deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxay Ciidamada Sirdoonka NISA iyo Saaxiibada Caalamka uga hortageen maleeshiyaad isku abaabulayay oo Shabaab ah.

“Yaaqle waxaa lagu laayay dhammaan maleeshiyaadkii lagu howlanaa abaabulkoda, iyada oo la burburiyay Saanad Ciidan oo aad u badan,” ayaa lagu yiri warkaan.

Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka ayaa laba jibaartay howlgallada bartilmaameedka ah ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka khawaarijta iyo horjoogeyaasha dhiigyo-cabka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa saakay sheegtay in howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah oo labo horjooge ay ku jiraan.

“Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjoogayaal dhiigyo-cab ah iyo maleeshiyaad badan oo ay wateen, kadib markii la helay xogtooda,” ayaa lagu yiri warkaan saakay ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

Labada Horjooge ee Qeycad lagu dilay ayaa kala ah Maxamed Bashiir Muuse oo Khawaarijta ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jamhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Khawaarijtu u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug.

“In ka badan 40 Khawaarij ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkaan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda,” ayaa lagu yiri warkii saakay ka soo baxay dowladda ee kan caawa ay soo saartay ka horeeyey.

Xog: Xildhibaan Jacfar oo galabta loola cararay dalka dibadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo aad u xanuunsan ayaa galabta loola cararay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad oo halis ah.

Diyaarad Ambulance ayaa Xildhibaan Jacfar looga qaaday Muqdisho, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu Muqdisho ku xanuunsanaa.

Ilo wareedyo ka ag dhow xildhibaan ayaa Caasimada Online u sheegay in seddax habeen uu ku jiray qeybta gargaarka deg degga ah ee isbitaalka Digfeer.

Shalay gelinkii dambe, xalay iyo saakay ayey darsatay xaaladda xildhibaanka, waxaana galabta loo qaaday caafimaad dibadda ah, gaar ahaan magaalada Nairobi.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Digfeer ayaa ka gaabsaday inay faahfaahiyaan xanuunka la soo dersay xildhibaanka iyo xaaladiisa dhabta ah, balse xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa sheegay in xanuun aad u daran uusan qabin xildhibaan Jacfar.

Maxamed Abuukar Jacfar wuxuu ka mid yahay Xildhibaanada loogu jecelyahay golaha shacabka, waa sarkaal ka yimid ciidanka xoogga, sidoo kale wuxuu soo noqday guddoomiyaha degmada Deyniile oo aad looga jeclaa, kadib markii uu ku guuleystay dib u dhiska iyo amni ku soo dabaalidda degmadaas.

Caafimaad iyo inuu deg deg u soo bogsado ayaan u rajeyneynaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo hadda xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaraxyo ay soo dhiibeen Al-Shabaab oo la qabtay iyo rag loo soo xiray

0

Maxaas (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyno gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda, kuwa dadka deegaanka iyo Booliska maamulka HirShabelle ay ka hortageen weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab

Qaraxyada oo ahaa miinooyin ayaa la doonayay in lasoo geliyo degmada Maxaas, waxaase ka hortegay ciidamada oo helay xogta dhagarta ay soo maleegtay Khawaarijta.

Guddoomiye ku xigeenka amniga maamulka degmada Maxaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la fashliyay qaraxyada, sidoo kalena loo soo xiray  qof oo eedeysanayaal ah, halka ay ku raadjoogaan dad kale oo baxsad ah.

“Ciidamada deegaanka, milatariga, nabad-sugiddda iyo ciidamada booliska oo arrimahaas aad uga feejgan ayaa ka hortegay qaraxyada, waxaa u xiran 2 qof oo eedeysanayaal ah, in kale oo badana waa ku raad-joogaan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga Maxaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maamulka iyo shacabka degmada ay mar hore u diyaar garoobeen inay si wadajir ah uga hortagaan weerar kasta oo ka yimaada Shabaab.

“Qof kasta oo ku sugan degmada Maxaaseed wuxuu u diyaarsan yahay sidii uu uga hortagi lahaa dhagarta ay maleegayaan kooxda Al-Shabaab” ayuu sii raaciyay.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana weli degmada Maxaas iyo deegaanada u dhow howlgallo ka wada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Maxaas ayaa kamid ah degmooyinka uu weli ka socdo gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana horay u tegay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.