26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

XAMZA oo qaaday tallaabo cajiib ah oo uu ku daminayo mooshinka ka dhanka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u muuqda inuu qaaday tallaabo uu ku daminayo guuxa mooshin xil ka-qaadis oo ka dhan ah oo maalmahan ka jiray magaalada Muqdisho.

Mooshinkan ayaa waxaa saxiixay illaa 70 xildhibaan, oo badankood u badan kuwa dhaliilsan maamulka Xasan Sheekh iyo Xamza.

Si kastaba, mooshinkan ayaan haysan weli taageerada madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli aysan u muuqan sabab uu ku cayriyo ra’iisul wasaare Xamza, iyada oo khilaafka siyaasadeed ee dalku sii xoogeystey laguna kala tegay Golaha Wadatashiga Qaranka.

Soomaaliya waa ay adag tahay in uu guuleysto mooshin xil ka-qaadis ra’iisul wasaare haddii aanu gadaal ka riixeyn madaxweynaha.

Sida wararku sheegayaan, mooshinkan waxa uu taageero ka haystaa mid ka mid ah shir guddoonka Golaha Shacabka, inkasta oo guddoomiye Aadan Madoobe uusan raali ka ahayn.

Si kastaba, ra’iisul wasaare Xamza ayaa billaabey in, si uu isaga yareeyo buuqa mooshinka soo xoogeysanaya, uu buuxiyo qaybo ka dhiman golihiisa wasiirada, soo xerooyo xildhibaano ku kacsan oo mucaarad ah, sidoo kale waxa uu isku beddalay qaar kamid ah golaha wasiirada.

Xamza ayaa shalay magacaabay 10 xil wasiir, ku-xigeeno iyo wasiiru dowlayaal, halka uu xubnaha qaar u kala bedelaya xilalka. Wuxuu sidoo kale magacaabay ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad oo dalka aanu horey u lahayn.

Isku-shaandheynta ayaa saameysay Wasaaradda kaluumeysiga, Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka badda, Wasaaaradda batroolka, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, sidoo kale waxaa lagu wadaa in la magacaabo Raysalwasaare ku-xigeen.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ku jiray qaar ka mid ah xildhibaano hormuud u ahaa mooshinka.

Xamza ayaa sidoo kale xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ku qanciyey xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle oo aad ugu kacsanaa ra’iisul wasaaraha.

Xog: Xasan oo gobolka ka billaabay qorshe go’doon siyaasadeed gelinaya Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu maalmo kooban ku maray dhowrkii dal oo ka mid ah kuwa ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa bixiyey macne culus oo ka mug-weyn sida loo arko ama xogta laga helay, saameynta ugu weyna wuxuu ku yeeshay Itoobiya.

Marka koowaad Xasan Sheekh liiska safaradiisa ka reebay Itoobiya oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka, balse dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay qorshaha kala guurkana ku darsatay in ciidamada Itoobiya ay gabi ahaanba dalka ka baxayaan dhamaadka sanadkaan.

Xasan Sheekh wuxuu heshiisyo ku saabsan howlgalka cusub ee Soomaaliya ka bilaabanaya horaanta sanadka soo socda ee 2025 lasoo galay madaxweynayaasha Uganda, Burundi iyo Jabuuti, hadana wuxuu ku sugan yahay Kenya.

Heshiisyada uu Madaxweynaha Soomaaliya la soo galay dalalkaas ayaa meesha ka saaraya damaca Itoobiya oo hadda olole ka dhex wada dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, iyadoo ka dhaadhicineysa inay diidaan, si ciidamada Itoobiya ay u sii joogaan gudaha Soomaaliya.

Prof. Liibaan Ciise oo bare ka ah Jaamacadda Muqdisho, kana faalooda arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika ayaa la hadlay VOA, isagoo sheegay ololaha iyo qorshaha Xasan Sheekh uu meesha ka saarayo riyada Itoobiya oo ku hamineysa in ciidamadeedu sii dhex-joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale Prof. Liibaan wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu doonayo inuu Jabuuti ku soo daro isbaheysiga cusub ee Geeska Afrika ay ka abaabulayaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, culeyska kaliya ee Jabuuti isbaheysigaas ka hor taagan waa xiisadda dagaal ee dhiigga badan ku daatay ee sanadaha badan ka dhex taagan dowladaha Jabuuti iyo Eritrea.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku howlan sidii meesha looga saari lahaa colaadda ahliga ah ee ka dhaxeysa dowladaha Jabuuti iyo Eritrea, wuxuuna dhowaan safar isbaheysi lagu sameeyey ku tegay Asmara caasimadda Eritrea.

Hoos ka dhageyso falanqeynta Prof. Liibaan Ciise

Xog: Aadan Madoobe oo ka guul-gaaray olole uu DF ka dhex bilaabay 2 sano ka hor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka mira-dhaliyey dagaal uu u galay in beelah Digil iyo Mirifle ay dowladda federaalka ka helaan kursiga Ra’iisul Wasaare ku xigeen labaad.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay dadaal badan ayuu bixiyey Aadan Madoobe, isagoo ugu dambeyn galabta ku guuleystay in madaxda uu ka dhaadhiciyo damaciisa.

Guud ahaan siyaasiyiinta, gaar ahaan xildhibaanada federaalka ee beelaha Raxanweyn ayaa gadaal ka riixayey qorshahaan, iyagoo mararka qaar toos ugu hanjabay xukuumadda inay ridi doonaan.

Aadan Madoobe oo hoggaaminayey ololaha beelaha Digil iyo Mirifle ayaa go’aansaday in kursigaan uu u soo dhiciyo beeshiisa wixii ka dambeeyay marki loo doortay guddoomiyaha golaha shacabka.

Jagadaan oo ay horay beeshu ugu fadhisay  xiligii dowladii KMG aheyd ayaa kor u laalneyd tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu Xasan Sheekh Madaxweynaha ka noqday dalka sanadkii 2012-kii oo dalku ka baxay ku meelgaarka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa galabta Cabdisalaan Cabdi Cali u magacaabay ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, Cabdisalaan Dhaay ayaa horay u ahaa wasiirka Holwlaha guud iyo guriyeynta, wuxuuna ka soo jeedaa beelaha Digil iyo Mirifle.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqotay xukuumaddii ugu horeysay oo yeelatay labo ra’iisul wasaare ku-xigeen, kaddib dowladdii kumeel-gaarka.

Magacaabista xilkaan ayaa waxaa muddo hortaagna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Jaamac iyo xildhibaannada gobollada Waqooyi oo ayagu u arkayay in la wiiqayo awoodooda, ayadoo ugu dambeyn ay Madaxtooyada ku qancisay inuu ka fuqo.

Saalax ayaa maalmo kahor wajahay dagaal siyaasadeed lagu dhaafin rabay kursigiisa golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay markii dambe soo fara-gelisay Madaxtooyada, oo ayadu guddoomiye Cabdi Xaashi ku qancisay inuu Saalax u dhaafo kursigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey ballan-qaad ugu sameeyay magacaabista kursigaan, oo ay ka dalbadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada baarlamaanka ku metela Koonfur Galbeed, wuxuuna ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee galabta la magacaabay kasoo jeeda K/Galbeed.

Somalia oo ku fashilantay gudbinta warbixin muhiim ah

New York (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Soomaaliya in ay soo gudbiso warbixin waqtigii laga sugayay ay ka dib-dhacdey, sidda ay sheegayaan illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Warbixintan ayaa waxaa doonaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isaga oo cuksanaya qaraarka 1540-aad ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sidda ay xogta tilmaameyso, dowladda Soomaaliya ayaa waxay kamid tahay siddeed waddan oo caalamka oo dhan ah oo aan weli gudan warbixintan oo ah waajibaad aad muhiim u ah.

Warbixinta ayaa lagama maarmaan u ah in la qeexo tillaabooyinka ay dowladda Soomaaliya qaadeyso si ay uga hortagto hay’adaha aan dowliga ahayn, oo ay ku jiraan ururada argagixisada, ay helaan hubka wax gumaada (WMD), sida bayooloji, kiimiko, shucaac, iyo hubka nukliyeerka.

Waajibka ayaa lagu waramay in ay sidoo kale kamid tahay wax ka qabashada alaabta loo isticmaali karo in lagu soo saaro hubkaas, kaas oo laga heli karo wadamada intooda badan.

193-da waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, 185 ka mid ah ayaa horay u soo gudbiyay warbixintooda, oo ay ku jiraan inta badan dalalka Afrika.

Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee, waxay weli ka mid tahay koox yar oo waddamo ah oo aan weli soo gudbin warbixintoodii ugu horreysay—ku dhawaad 20 sano kaddib markii qaraarka UNSCR 1540 la ansixiyay 2004-tii.

Wadamada kale ee ku guuldareystay inay soo gudbiyaan warbixintooda waxaa ka mid ah Waqooyiga Kuuriya, Gambia, Eswatini, Mauritania, Chad, Mali, iyo Guinea.

Sikastaba ha ahaatee, haddii dowladda Soomaaliya aysan gudbin warbixintan waxay keeni kartaa cawaaqib-xumo ay kamid tahay in hoos loo dhigo awooda ay ku heli karto hubka ay haatan u baahan tahay.

Isha: GO

Ka hor shirka Washington, Dowladda Soomaaliya oo kulamo muhiim ah la yeelatay…

0

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ku matalaya shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduun iyo IMF oo ay ka soo qayb-galayaan in ka badan Boqol dal, ayaa kulamo ka wada Washington DC.

Kahor furitaanka guud ee shirka waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxda Bangiga iyo IMF, si looga gungaaro natiijada iyo geediga horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wafdiga uu hogaaminayay wasiir Biixi ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koofurta iyo Bariga Afrika Marwo Victoria Kwakwa.

Kulanka ayaana diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee iskaashiga, oo ay ku jirto qorshaha dib-u-cusbooneysiinta Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah (IDA), dib-u-habaynta koboca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Kulan kale oo muhiim u ahaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayey wafdigu la qaateen Mudane Jihad Azour oo ah Agaasimaha Waaxda Bariga dhexe iyo Dalalka Bartamaha Asia, kaas oo si gaar ah loogu lafa-guray hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya oo hada meel wanaagsan maraya, kadib deyn cafintii iyo qorshaha Istaraatiijiga ah ee kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya oo IMF ay door weyn ku leedahay, kulanka labada dhinac ayaana kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad.

Shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024 oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Washington DC ayaa socon doona muddo toddobaad ah.

Waxaa la filayaa marka laga tago kulamada guud ee loo dhan yahay in Wafdiga dowladda Soomaaliya ay yeelan doonaan kulamo docoodyo lagu hormarinayo xiriirada dalalka iyo hey’adaha dhaqaalaha caalamiga ah, kuwaas saldhig u noqon doona horumarinta tiirka Dhaqaalaha Soomaaliya.






Al-Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyey dagaal maanta ka dhacay gobolka Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay dagaal culus oo lagu jabiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo isku dayay inay soo weeraraan ciidamada ku sugan furimaha hore.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab ay weerar saddex jiho ah kusoo qaadeen deegaan u dhexeeya Budbud iyo Bood, waxaana kadib dagaal kala hortegay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan looga dilay Al-Shabaab illaa 10 xubnood, sidoo kalena looga dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan.

Guddoomiyaha deegaanka Budbud oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay weerarka iyo dagaalka xigay, wuxuuna sheegay in ciidamad huwanta ay ka gaareen guulo waa wayn.

“Dagaalka wuxuu ka dhacay meel u dhexeysay Bood iyo Budbud, waa la jabiyay nimanka cadowga, waana la raacdeeyay” ayuu yiri guddoomiyaha degaanka uu dagaalka ka dhacay.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Hadda waa u diyaarsanahay inaan ka hortagno weerar kasta oo ka yimaado Al-Shabaab, waxaana sii wadi doonaan howlgallada”.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo gaysta khasaarooyin kala duwan.

Madaxweynihii hore ee Peru oo lagu xukumay xabsi dheer kadib markìi lagu helay…

0

Lima (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Peru Alejandro Toledo ayaa Isniinti shalay lagu xakumay 20 sano ito lix bil oo xabsi ah, kaddib marki lagu helay eedo la xiriira musuq-maasuq.

Dacwad-oogayaasha ayaa Toledu ku eedeeyay in uu laaluush gaaraya 35 milyan oo dollar ka aqbalay shirkadda ka shaqeyso dhismaha ee Odebrecht ee laga leeyahay Brazil.

Taas oo lagu eedeeyo in ay lacago badan oo laaluush siisay madax iyo saraakiil sare oo ka tirsan dhowr dowladood oo ku yaalla Larin America.

Lacagta ku kaceysa dhismaha jidka ayaa aheyd qiyaasti $507 oo milyan, laakin Peru ayaa marki danbe lagu qasbay in ay bixiso1 bilyan iyo 250 milyan oo dollar.

Toledo waxaa lagu eedeeyay in lacagaha laaluushka uu kaga badashay shirkaddan ogolaasha ruqsad ay ku dhiseysay jid weyn oo ku yaalla dalkaasi dhaca koofurta America.

Toledo oo soo xakumay Peru inti u dhaxeysay 2001 to 2006, ayaa laga soo xiray Mareykanka sannadkii 2019-ki, waxaana dowladda Peru lagu wareejiyay sannadki 2022-kii.

Sawirro: Wafdiga Xasan oo caawa gaaray Nairobi

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarro shaqo ku marayey dalalka gobolka Geeska Afrika ayaa safarka uu ku tegay Nairobi uga soo kicitimay Jabuuti.

Safarkaan uu ku jiro Xasan Sheekh ayaa gaar u ah dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ka socda.

Xasan Sheekh ayaa waxaa caawa Nairobi uga bilaabanaya wadahadallo uu la yeelan doono dhiggiisa dalka Kenya Mudane William Ruto.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safaradii kan ka horeeyey ku tegay dalalka Uganda, Burundi iyo Jabuuti, wuxuuna kulamo lasoo qaatay madaxda dalalkaas.

Qorshaha safarkaan ayaa salka ku haya isbedelka dhamaadka sanadkaan lagu sameynayo ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Itoobiya oo kamid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayuu Xasan Sheekh ka saaray liiska dalalka uu safarkaan ku tegayo, sababtuna waa khilaafka ka dhexeeya labada dal.

Magacyada 10-ka wasiir ee ku soo biirtay xukuumadda Xamza iyo is bedelka dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxaa maanta ku soo biiray xubno cusub oo ka mid noqon doona Golaha Wasiirrada, kuwaas oo gaaraya 10 xubnood oo wasiiru dowlayaal u badan.

Wasiirrada cusub waxaa kamid ah ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo dalku yeeshay, waxayna kala yihiin:

1- Cabdisalaan Cabdi Cali, ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, Cabdisalaan Dhaay ayaa horay u ahaa wasiirka Holwlaha guud iyo huriyeynta.

2- Dr. Cilmi Maxamed Nuur, Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo guriyeynta, ninkaan ayaa horay isla xukuumadaan uga soo noqday wasiirka maaliyadda, balse waxaa mar sii horeysay xilkaas looga qaaday khilaaf ka dhacay gudaha wasaaradda.

3- Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada.

4- Maxamuud Axmad Aadan, Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Badda, xilkaan waxaa horay u haayey Cabdullahi Ilkajiir.

5- Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar, Wasiiru dowladaha wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka.

6- Ismaaciil Shire Jaamac, Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, booskaan ayaa muddo dheer banaanaa.

7- Maxamed Cismaan Cumar, Wasiiru dowladaha wasaaradda qoyska iyo hormarinta xuquuqul Insaanka.

8- Caynaashe Yussuf Xusseen, Wasiiru dowlaha wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada.

9- Maxamed Yuusuf Xassan, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga.

10- Maxamed Nuur Abuubakar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqotay xukuumaddii ugu horeysay oo yeelatay labo ra’iisul wasaare ku-xigeen, kaddib dowladdii kumeel-gaarka.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xukuumaddiisa u horreeyay uu magacaabay ay yeelatay hal ra’iisul wasaare ku-xigeen, taasi oo meesha ka saartay ra’iisul wasaare ku-xigeenadii saddexda ahaa ee xukuumadihii dowladdii KMG ay laheyd.

Magacaabista xilkaan ayaa waxaa muddo hortaagna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Jaamac iyo xildhibaannada gobollada Waqooyi oo ayagu u arkayay in la wiiqayo awoodooda, ayada oo ugu dambeyn ay Madaxtooyada ku qancisay inuu ka fuqo.

Saalax ayaa maalmo kahor wajahay dagaal siyaasadeed lagu dhaafin rabay kursigiisa golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay markii dambe soo fara-gelisay Madaxtooyada, oo ayadu guddoomiye Cabdi Xaashi ku qancisay inuu Saalax u dhaafo kursigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey ballan-qaad ugu sameeyay magacaabista kursigaan, oo ay ka dalbadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada baarlamaanka ku metela Koonfur Galbeed, wuxuuna ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee galabta la magacaabay kasoo jeeda K/Galbeed.

Xukuumadda Xamza oo yeelatay R/Wasaare ku-xigeen labaad – Yaa loo magacaabay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa yeelatay ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad, kaasi oo maanta la magacaabay.

Wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xilkaan loogu magacaabay Cabdisalaan Cabdi Cali, oo ahaa wasiirka howlaha guud.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqotay xukuumaddii ugu horeysay oo yeelatay labo ra’iisul wasaare ku-xigeen, kaddib dowladdii kumeel-gaarka.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xukuumaddiisa u horreeyay uu magacaabay ay yeelatay hal ra’iisul wasaare ku-xigeen, taasi oo meesha ka saartay ra’iisul wasaare ku-xigeenadii saddexda ahaa ee xukuumadihii dowladdii KMG ay laheyd.

Magacaabista xilkaan ayaa waxaa muddo hortaagna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Jaamac iyo xildhibaannada gobollada Waqooyi oo ayagu u arkayay in la wiiqayo awoodooda, ayada oo ugu dambeyn ay Madaxtooyada ku qancisay inuu ka fuqo.

Saalax ayaa maalmo kahor wajahay dagaal siyaasadeed lagu dhaafin rabay kursigiisa golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay markii dambe soo fara-gelisay Madaxtooyada, oo ayadu guddoomiye Cabdi Xaashi ku qancisay inuu Saalax u dhaafo kursigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey ballan-qaad ugu sameeyay magacaabista kursigaan, oo ay ka dalbadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada baarlamaanka ku metela Koonfur Galbeed.

Sawirro: SOMALILAND oo markii u horeysay yeelatay diyaarado cusub + Qorshaha

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay diyaarado cusub oo Somaliland yeelan doonto (Somaliland Airline).

Diyaaradahan oo ah nooca yaryar ayaa waxaa loogu talo-galay in lagu tababaro wadayaal (Pilots) dhinaca duulimaadyada ah oo reer Somaliland ah.

Madaxweyne Biixi waxa uu ugu horrayn daah-furay diyaaradaha Somaliland Airline oo ay ka wada-shaqeeyeen khubaro u dhalatay dalka Serbia, sidoo kale wuxuu sameeyey duulimaadkii ugu horreeyey ee ay diyaaradda samayso, taas oo si nabad ah dib ugu soo degtay.

Sidoo kale wuxuu dhagax-dhigay Machad cusub oo lagu baran doono cilmiga kaxaynta diyaaradaha, (Aviation Institute at Somaliland civil Aviation and Airport Authority), isaga oo sidoo kalena dhagax dhigay Teerminaal cusub oo loo binaynayo madaarka Cigaal.

Intaas kadib wuxuu madaxweynaha xarigga ka jaray qolka madaxdu kasoo degto, kana dhoofto ee VIP-da oo casriyeyn iyo dib u habayn lagu sameeyey.

Munaasibad kooban oo lagu xusayey mashaariicdan Somaliland u suura-galay, ayaa laga jeediyey hadalo lagu bogaadinayo horumarkan qaranku gaadhay iyo sida loogu hagar baxay.

Xubno ay kamid yihiin madaxda ugu sarraysa hay’adaha duulista iyo madaaradda Somaliland, wasiirro, la-taliyeyaal iyo khubarada gacanta ku haysa tababarka diyaaradahan lagu bixin doono oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey mashruucan lagu ibo furay diyaaradahan ay Somaliland leedahay iyo sida ay kaalinta mucda leh ugu leedahay siyaasadda madaxweynaha ee qaranka lagu hor marinayo.

Madaxweynaha Biixi oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxda hay’adda duulimaadyada ku bogaadiyey dedaalka ballaadhan ee ay sameeyeen iyo sida ay uga midho dhaliyeen riyadii ahayd in Somaliland yeelato diyaarado ay iskeed u leedahay

Ugu dambayntii, madaxweyne Biixi waxa shahaado sharafyo guddoonsiiyey dhallinyaro dalka dibaddiisa kasoo baratay cilmiga waddista diyaaradaha iyo khubarada ajaanibka ah ee gacanta ku haya diyaaradaha cusub, kuwaas oo dhallinyarada bari doona wadista diyaaradaha.

Fethullah Gulen – Wadaadkii ay sida aadka ah isku hayeen Erdogan oo geeriyooday

Ankara (Caasimada Online) – Wadaadka Muslimka ee fadhigiisu ahaa Mareykanka Fethullah Gulen, oo ay Ankara ku eedeysay inuu abaabulay afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii, ayaa isaga 83 jir ah ku geeriyooday Mareykanka oo uu dibad-joog ku ahaa, waxaa sidaas Isniinta maanta ah sheegay kooxdiisa iyo dowladda Turkiga.

Gulen oo Turkish ahaa, kuna noolaa Maraykanka tan iyo 1999-kii, waxa uu mar saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ka hor inta aysan isku noqon cadow.

“Ilaha sirdoonkeena waxay xaqiijinayaan geerida hogaamiyihii ururka FETO,” ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Hakan Fidan oo shir jaraa’id qabtay, isagoo adeegsanaya magaca ay dowladda ugu yeerto dhaq-dhaqaaqa Gulen ee Hizmet.

Teleefishinka dowladda Turkiga ee TRT ayaa sheegay in daaciga oo ku noolaa gobolka Pennsylvania rubuc qarni, lagana xayuubiyay dhalashadii Turkiga sanadkii 2017, uu ku dhintay isbitaal xalay.

Farriin ay soo dhigtay X, ayey shabakadda Gulen ee Herkul, oo laga mamnuucay Turkiga, ku sheegtay inuu dhintay “October 20”, ayada oo ballan qaaday faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan tacsidiisa.

Gulen ayaa u guuray Pennsylvania 1999-kii, iyada oo loo malaynayo arrimo caafimaad dartood, wuxuuna halkaas ka maamulayey Hizmet oo xilligaas lahayd shabakad ballaaran oo dugsiyo dadweyne ah oo ku yaalla qaarad kasta.

Sannadkii 2013-kii ayuu khilaaf weyn soo kala dhex-galay Erdogan, saddex sano kaddibna hoggaamiyaha awoodda badan ee Turkiga ayaa ku eedeeyey inuu qorsheynayey inuu afgambiyo, isaga oo u bixiyey Hizmet “Ururka Argagaxisada ee Fethullah” (FETO).

Ku dhawaad 250 qof ayaa dhintay July 15, 2016 markii koox milatari oo fallaago ah ay isku dayeen in ay afgambiyaan dowladda Turkiga, ayaga oo adeegsanaya diyaaradaha dagaal iyo taankiyada dowladda, falkaas oo Erdogan uu ku eedeeyay taageerayaasha Gulen ee ka tirsan militariga.

“Ururkan wuxuu noqday khatar dhif ah oo lagu arkay taariikhda qarankeena,” ayuu yiri Fidan, isaga oo ku eedeeyay taageerayaasha ururuka “in loo isticmaalo hub ka dhan ah dalkooda”.

Inkasta oo uu geeriyooday Gulen, haddana Turkigu waxa uu sii wadi doonaa “dagaalka ka dhanka ah ururkan, kaas oo dhibaato ku ah amniga qaranka”, ayuu wasiirka cadaaladda Yilmaz Tunc ku qoray barta X.

AFP + VOA

Sawirro: DF Soomaaliya oo qaxootigii ugu badnaa kasoo daabushay waddanka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa ku guulaysatay in dalka dib loogu soo celiyo qaxooti Soomaaliyeed oo muddo ku xanibnaa dalkaas, Kuwaas oo kasoo ambabaxay magaalada Caden.

Dadkan oo gaaraya 157 qof oo Soomaali ah ayaa ka koobnaa rag, haween iyo carruur kuwaas oo qaba daruufo isugu jira mid nololeed iyo mid caafimaad.

Waxaa dib u soo celinta muwaadiniintan Soomaaliyews ka shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo kaashaneysa hay’adda UNHCR.

Cabdikariim Naasir Saciid (Cabdi Dheeg) sii-hayaha safaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo dekeda kula hadlay shacabkan ayaa u rajeeyay in ay si nabad ah ku gaaraan dalkooda.

Cabdi Dheeg ayaa u mahad-celiyay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, madaxda wasaaradda arrimaha dibadda, hay’adda UNHCR iyo dowladda Yemen kaalinta ay ka geysteen dib-u-celinta shacabkan.

Barnaamijkan soo noqoshada oo ay fududeeysay UNHCR waxaa lagala kaashaday hay’adaha samafalka ka shaqeeya ee Yemen iyo Soomaaliya.

Yeman ayaa ah dalka seddexaad ee marti geliya qaxootiga ugu badan ee Soomaali ah, waxaana lagu qiyaasay tiradooda 71,000, oo qof sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR

Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer hore uga deyrisay nolsoha ay ku jiraan qaxootiga Afrikaanka ah ee ku sugan Yemen, kuwaas oo wajahaya xaalad nololeed oo adag.







Itoobiya iyo dalalka ATMIS oo ay adeegsaneyso oo war yaab leh ka soo saaray Somalia

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa abaabushay oo kulan isugu keentay Dalalka Ciidamada ku Tabaruca (TCC) ATMIS, si ay u diidaan wax loogu yeeray “isku dayga halka dhinac ah” ee Soomaaliya ee ku saabsan qaab dhismeedka howlgalka cusub ee AUSSOM ee beddelaya ATMIS. 

Itoobiya ayaa ku adkeysanaysa in ay ka sii mid ahaato howlgalkaas. 

Iyagoo carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin ka qayb galka AUSSOM, dalalka TCC, oo ay ay hogaamineyso Itoobiya, ayaa ku adkaysanaya in ay ka qayb qaataan samaynta howlgalka cusub, iyaga oo ku doodaya in aan la iska indho tirin wax qabadkooda Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka oo ay isugu yimaadeen Wasiirada Difaaca ee TCC, Aisha Mohammed, Wasiirka Difaaca Itoobiya, ayaa sheegtay in dalkeeda uu aad u doonayo inuu sii wado caawinta Soomaaliya si loo xasiliyo. 

War-murtiyeedka wadajirka ah ee wasiirada, ayaa qiray in “wax-u-hurnimadii ay TCC 17-kii sano ee la soo dhaafay u sameeyeen la-dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya iyo xasilinta dalka” ay qayb weyn ka qaadatay “horumarinta iyo tayeynta hay’adaha dowliga ah ee Dowladda Federaalka. Soomaaliya.” 

Hase yeeshee, si howlgalka cusub uu u guuleysto, wasiiradu waxay sheegeen in Midowga Afrika looga fadhiyo in ay dib u eegis ku sameeyaan dhaqaalihii ay ku bixin jireen, maadaama ay jirto hoos u dhac dhaqaale oo saameynaya howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, oo weli ka taliya dhul badan oo miyi ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta.

Marka ay noqoto aasaaska AUSSOM, wasiirrada gaashaandhigga waxay ku nuux-nuuxsadeen in “cashiradii laga bartay ATMIS si fiican loogu tixgeliyo geeddi-socodka haray” waxayna iftiimiyeen “baahida loo qabo in lagala tashado TCC naqshadeynta howlgalka AUSSOM.” 

Soomaaliya ayaa horay uga soo horjeesatay ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka cusub, iyadoo ku eedeysay Addis-Ababa in ay ku xad-gudubtay madax-banaanida dhuleed iyo qarannimada kadib markii ay heshiis bad la gashay maamulka Somaliland.

Xaaladda ayaa cirka isku sii shareertay markii Masar ay Muqdisho u soo dirtay ciidamo milateri iyo shixnado hub ah, taasoo keentay in Itoobiya ay walaac ka muujiso ka guuritaanka ATMIS oo ay ku tilmaantay inuu yahay mid khatar ku ah gobolka.

Dhawaanna, Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea waxay shir saddex geesood ah ku yeesheen Asmara, halkaas oo ay ku heshiiyeen tallaabooyin kor loogu qaadayo awoodda Soomaaliya ee ilaalinta xuduudaheeda berriga iyo badda.

ONLF oo ku dhowaaqday go’aan uga sii daraya xaaladda cakiran ee ITOOBIYA

0

Jigjiga (Caasimada Onlne) – Ururka ONLF oo  soo saaray warsaxaafadeed xasaasi ah ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee dalka Itoobiya oo haatan ay ka jiraan xaalado siyaasadeed iyo qalalaase amni oo gudaha dalkaasi ah.

Ururka ayaa shaaca ka qaaday in uusan ka qayb-gali doonin wada xaajoodka heer qaran ee Itoobiya, wuxuuna sababta ku sheegay in si khaldan loo maamulay wada-xaajoodkaasi.

ONLF ayaa si gaar ah ugu eedeysay xisbiga Barwaaqo ee talada haya inuu ku xadgudbay heshiiskii horay loola galay xisbiyada siyaasadda ee gudaha dalka Itoobiya, sidaasina ay ku qaadaceen ka qayb-galka wada xaajoodka heer qaran ee waddanka Itoobiya.

Ururka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in wada xaajoodkan uu noqonayo mid hal dhinac ah oo aan loo dhameyn, sidaas darteedna aan keeni karin wax rajo ah oo sidaa u weyn.

“ONLF waxaa ka go’an in si dhab ah loo wada hadlo, wada hadalkuna uu noqdo mid loo dhan yahay dhammaan Axsaabta siyaasadda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa shirweynahan ka maqan siyaasiyiin muhiim ah oo ka socda deegaannada Axmaarada, Oromada iyo Tigray, taas oo sii murjineyso xaaladda cakiran ee Itoobiya.

Warkan kasoo baxay ONLF ayaa kusoo aadayo xilli maalmihii lasoo dhaafay magaalada Jigjiga ay ka socdeen kulamo looga arrinsanayo  ajandayaashii lagaga qaybgali lahaa wada xaajoodka heer qaran ee dalka Itoobiya, kaas oo ay ka qaybgalayeen mas’uuliyiin ka socota heer faderal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Jigjiga.

PUNTLAND oo u yeertay xildhibaannada labada gole ee ku metala DF + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa u yeeray xildhibaannada labada gole ee ku metala dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana lagu casuumay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo isagu casuumadda u fudiyay xildhibaannada labada gole ayaa ka dalbaday inay kasoo qayb-galaan xafladda furitaanka kalfadhiga 55-aad ee baarlamaanka Puntland oo dhaceysat 26-ka bishaan.

“Mudanayaal salaan diiran ka dib, waxaa sharaf ii ah in aan idinku casuumo in aad nagala soo qaybgashaan munaasabadda furitaanka kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiilada Puntland oo dhici doonta sabti, 26-ka Oktoobar, 2024” ayaa lagu yiri waraqadda casuumadda.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaannada heer federaal iyo Puntland ay yeelaan doonaan kulamo wada-tashi ah oo looga hadlayo xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka kasii daraya ee u dhexeeya maamulka uu hoggaamiyo Deni iyo dowladda dhexe.

“Munaasabadda furitaanka kadib waxaan yeelan doonaa kulamo wadatashi ah oo la xiriira xaaladda guud ee dalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Puntland ayaa waxaa haatan xiisad xoogan ay kala dhexeysaa dowladda federaalka, waxaana meesha ka baxday wada-shaqeyntii labada oo muddo dheer hakad ku jirta.

Lama oga waxa ay arrintaan ay soo kordhin doonto iyo wax ay beddali karaan haddii ay xildhibaannada Puntland ku metala labada gole ee baarlamaanka isugu tegaan Garoowe.

Maxaa ka jira in Xasan uu joojiyay amarkii yaabka lahaa ee lagu soo rogay reer Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Waaxda Dad-dhigista Gobolka Banaadir Cabdirashiid Wadaad Yare oo wareysi siiyay Somali Cable Tv ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha uu wado maamulka gobolka Banaadir ee ku aadan diiwaangelinta qoysaska Muqdisho, arrintaas oo dhalisay dood xoogan iyo hadal-heyn hareysay baraha bulshada.

Ugu horreyn Wadaad Yare ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in la hakiyay diiwaangelinta socotay, kadib markii la sheegay inuu amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waa wax aan sal iyo raad lahayn oo qolo baraha bulshada qaaqlayaal ka ah war ay sheegeen annaga u joojin meyno” ayuu yiri Agaasime Cabdirashiid Wadaad Yare.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qorshahan uu hormuud u yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uuna muhiim yahay dalka, maadaama la galayo doorashooyinka

“Waxaan waa siyaasad oo uu madaxweynaha hormuud u yahay, waana waxa kaliya oo uu rabo oo uu marwalba ku taamo in dalka Soomaaliya, maadaama dalka uu galaayo doorasho” ayuu sii raaciyay Agaasimaha Waaxda Dad-dhigista Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale agaasimaha ayaa beeniyay in qof kasta oo qoyska kamid ah laga qaadayo lacago, inta ay socoto diiwangelinta qoysaska ee uu wado maamulka gobolka.

“Annaga meel aan ku dhahnay qofkii ayaa 10 dollar laga qaadaa ma jirto, dadka diiwaangelintooda wax lacag oo looga qaadaayo ma jirto” ayuu yiri C/rashiid Wadaad Yare.

Fal dambiyeedkii ugu badnaa oo sanadkaan ka dhacay Somaliland – Waa imisa?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Booliska Somaliland ayaa ka warbixiyay tirada fal dambiyeed iyo shilalkii gaari ee ay dad ku dhinteen 12-kii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacay guud ahaan Somaliland, kuwaasi oo badi dadkii ku lugta lahaa la soo qab-qabtay

Warbixinta booliska ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ka dhaceen in ka badan 28 kun oo fal dambiyeed oo dilal iyo kufis ay ku jiraan iyo sidoo kale in ka badan siddeed kun oo shil gaari.

Munaasabad lagu maamuusayay 31-guuradii ka soo wareegtay maalintii la aas-aasay ciidanka booliska Somaliland ayaa warbixinta lagu soo bandhigay iyadoo uu goob joog ahaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Shilalka gaadiidka ee sanadkan dhacay waxay ahaayeen guud ahaan 7,018, dhimashada ka timid waxay aheyd 188. Sidoo kale mukhaadaraadka la qabtay waxay ahaayeen 4,934 liter oo khamri ah, 50kg oo xashiishad ah,” ayaa lagu yiri warbixinta booliska.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in si weyn loo tayeeyay ciidanka booliska, oo kaalin muhiim ah ka ciyaara amniga ay ku naaloonayaan shacabka reer Somaliland.

“Ciidanka waxaa uu sameeyay horumar ballaaran, ayada oo sare loo qaaday tababarkooda, una diyaarsan yihiin xaalad walba,” ayuu yiri taliyaha ciidanka booliska Somaliland.

Si kastaba, Somaliland oo lagu yaqaano xasilooni ayaa haddana waxaa ka dhaca fal dambiyeed kala duwan oo qarkood ay ka sababaan dhimasho iyo dhaawac.

Daawo: DF oo soo bandhigtay muuqaal duubihii warbaahinta Al-Shabaab ee Al-kataa’ib

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuqaal duubihii Warbaahinta Al-Shabaab ee Al-kataa’ib ayaa u soo gacan galay dowladda Soomaaliya, waxaana maanta lasoo taagay maxkamadda ciidamada Soomaaliya, isagoo qiranaya dembiyo waaweyn, waxaana xusid mudan in ninkii ku tashkiiliyey inuu ku biiro Al-Shabaab u uku jiro Xabsiga Dhexe, isagoo ku xukuman xabsi dheer.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa toos u wareystay ninkaan oo sheegay in shaqada ugu badan ee Shabaab uu u qaba jiray ay aheyd duubista dagaallada tooska ah iyo dilalka ay geysa jireen Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa qirtay in Shabaab ay soo bareen sida wax loo duubo, qaraxyada, dagaalka tooska ah, diyaarinta miinooyinka iyo soo iibinta gaadiid u badan oo mootooyin FEKON ah oo Shabaab ay isticmaali jireen.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa soo bandhigtay cadeymaha eedeymaha culus ee ninkaan uu qiranayo, waxaana markii la qabanayey ka fashilmay qarax u uku diyaariyey maqaayad ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee koonfurta Muqdisho.

“Markii aan gacanta ku dhignay wuxuu ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab ee dilalka fuliya,” ayuu yiri Dacwad ooge ka tirsan xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada.

Sidoo kale waxaa maxkamadda hor yimid sarkaal ka tirsan NISA oo ka sheekeeyey sida loo qabtay ninkaan oo isla goobtii ku qirtay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, isla markaana uu ahaa sahan.

“Subax aniga oo kormeeraya kaamirooyinka degmada Garasbaaley ayaan arkay ninkaan oo luuq kasoo baxay, waxaa istaajiyey ciidankii ila socday, kadibna waxaan weydiiyey dhowr su’aalood, balse waxaan ka dareemay qalqal, markii aan u sheegay inaan xabsiga u gudbinayo si loo baaro ayuu ii sheegay inaan iska daayo, isagoo qiranaya inuu Shabaab yahay,” ayuu yiri Salkaalka ka tirsan NISA ee hor tegay maxkamadda.

Hoos ka daawo garmaqalka kiiskaan.

Xasan oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Geelle + Sawirro

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kadib markii uu xalay gaaray waddankaasi.

Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo arrimaha ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Geelle kala hadlay qorshaha bixista ciidamada ATMIS, maadaama haatan la diyaarinayo howlgal cusub oo ka bilaabanayo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkaan ku soo maray dalalka Uganda iyo Burundi oo sida Jabuuti ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna lasoo galay heshiisyo culus oo qaarkood warbaahinta lala wadaagay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kampala Uganda iyo Bujumbura Burundi ku tegay casuumaad uu ka helay madaxweynayaasha dalalkaas, waxaana kulamadii dhacay looga hadlay howlgalka ka socda Soomaaliya, gaar ahaan jiheynta ciidamada bedelaya ATMIS.

Labada dalba waxay Soomaaliya ka codsadeen inay u ogolaato inay ciidamadoodu ka sii howlgalaan Soomaaliya, maadaama dhamaadka sanadkaan la bedelayo howlgalka ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirta xulashada dalalka ay ciidamadu ka sii joogayaan dalka, waxaana qorshaha ku jirta in dhamaadka sanadkaan ay gabi ahaanba dalka ka baxaan ciidamada Itoobiya, maadaama labada dal ay qarka u saaran yihiin inay dagaalamaan.