25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Soomaaliya oo caalamka u gudbisay go’aan culus oo ka dhan ah Ethiopia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wixii hadda ka dambeeya ay hoggaamin doonto jihada how-lgalka xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo si cad diiradda u saareysa ilaalinta gobanimada JFS.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku qornaa luuqada English-ka ayaa waxaa lagu caddeeyay in Soomaaliya ay awood u leedahay go’aan ka gaarista dalalka ciidamada ku biirinaya howl-galka cusub.

“Marka aan ka gudubno ATMIS oo aan u wareegno howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Soomaaliya waxay hoggaamin doontaa jihada howlgalka iyadoo si cad diiradda u saareysa gobanimada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Inta aan isu diyaarinayno wejiga xiga ee nabad ilaalinta oo hoos imaanaya Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, waxaa lama huraan ah in aan mar kale ku celinno in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan, awoodda go’aan ka gaarista dalalka ciidamada ku biirinaya howlgalknana iyadu leedahay.”

Go’aanka ciidamada ka qeyb qaadanaya howl-galka ayey dowladda sheegtay in looga baahan yahay waafaqsanaanta danaha qaranka Soomaaliya iyo ilaalinta qaranimadeeda.

Soomaaliya ayaa qoraalkan ku sheegtay in Itoobiya ay lumisay kalsoonida lagama maarmaanka u ah howl-galka nabad ilaalinta, ka gadaal markii ay Somaliland la saxiixatay heshiis sharci darro ah oo xad-gudub ku ah qaranimada Soomaaliya.

“Tallaabooyinka halka dhinac ah ee Itoobiya dhawaan qaaday, kuna jiraan heshiisyo sharci darro ah oo lala galay gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxay ku xad-gudbayaan madax-bannaanideena waxayna meesha ka saarayaan kalsoonida lagama maarmaanka u ah nabad ilaalinta.”

Sidoo kale waxaa lagu xusay qoraalka dowladda Soomaaliya ciidamadii ay toddobaadyadii dambe Itoobiya soo gelinaysa gudaha dalka, taas oo khatar amni ah.

“Soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya waxaa uu sara u qaaday kororka kooxda Khawaarijta, iyadoo horumada dhinaca guulaha ee laga gaarayna aanu gaarsiisaneyn heerkii loo baahnaa, Iyadoo la eegayo arintaas dowladda Soomaaliya waxay dalbanaysaa xulashada istaraatiijiyadeed ee dheeraadka ah ee la-hawlgalayaasha ciidamada si loo hubiyo in AUSSOM ay la jaanqaado hadafyada amniga iyo horumarka Soomaaliya.”

Ugu dambeyntiina waxay dowladda caddeysay sida ay uga go’an tahay inay howl-galkan kala shaqeyso Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub AUSSOM, iyadoo Soomaaliya ay hormuud u tahay xulashada saaxiibada ixtiraamaya madax-bannaanidayada.

Xildhibaannada BF oo maanta ansixiyay heshiiska…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee golaha shacabka.

Ugu horeyn Hab-dhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa dhaariyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo xubnaha cusub ee golaha Wasiiradda.

Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la-dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa.

Heshiiska ayaa ogolaatay oo u codeeyat 138-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, halka ay saddex Xildhibaanna ka aamustay.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka ayaa u codeeyay hindise sharciyeedka dhisidda hay’adda maalgashiga Soomaaliyeed.

Sharcigan ayaa waxaa ogolaatay 140-Xildhibaan oo u codeeyay, halka uu hal Xildhibaan diiday, waxaana ka aamustay laba Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda uga mahad-celiyay ansixinta heshiiska Qaramada Midoobay ee la-dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa iyo sidoo kale hindise sharciyeedka dhisidda hay’adda maalgashiga Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo loo ansixiyay $100 Milyan iyo waxa lagu qabanayo

0

Incheon Songdo (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta loo ansixiyay mashruuc ballaaran oo ay ku kaceyso illaa 100 Milyan oo doollar, kadib shirweyne ka dhacay mgaalada Incheon Songdo ee dalka Kuuriyada Koonfureed.

Shirkan o ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb-gashay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimillada Soomaaliya Marwo Khadija Mohamed (Al-makhzoumi) iyo wafdi ay hoggaamineyso, wuxuuna ahaa Kalfadhiga 40-aad ee guddiga sare ee Sanduuqa Green Climate Fund.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa lagu ansixiyey $100 milyan oo doollar, taasi oo lagu fulinayo mashruuc kor loogu qaadayo adkeysiga cimillada ee bulshada Soomaaliyeed.

Khadija Al-makhzoumi oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in mashruucan uu yahay kii ugu horreeyay ee loo ansixiyo Soomaaliya, uuna ku yimid dadaalka xukuumada DanQaran.

“Taariikh ayey aheyd maanta kadib markii uu mashruucani noqday kii ugu horeeyey ee gaar loogu ansixiyo dalka Soomaaliya iyo sidoo kale waa mashruucii ugu deg degta badnaa ee abid lagu ansixiyo kulanka Guddiga Sare ee GCF! , waxaana tani ay ku timid dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran oo kaashaneysa bahwadaagta Caalamiga ah ” ayey tiri Khadija.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqday inay sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbeddalka cimilada ee Soomaaliya, ayna sii xoojin doonaan iskaashiga gudaha iyo dibadda, si xal loogu helo dhibaatooyinka haatan taagan.

“Soomaaliya waxa ay la timid ka go’naan wax loogu qabanayo dhibaatooyinka doorsoonka cimilada, waxaana naga go’an inaan xoojinno iskaashiga gudaha iyo kan dibadda si loo fuliyo mashaariic waxtar u leh dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed ” ayau sii raacisay.

Dowladda federaalka ayaa haatan wadda dadaallo dheeraad ah oo ku aadan isbeddalka cimilda iyo ka hortegga in la wasaqeeyo deegaanka, iyada wasaaradda u xil saaran arrimahan ay soo saartay go’aan lagu mamnuucay bacaha halka mar la isticaamlo

Maxaa ka jira inay shil gashay mid kamid ah diyaaradaha DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay waxa ka jira wararka sheegaya in ay shil gashay mid kamid ah diyaaradaha ay dhowaan soo iibtsatay dowladda Soomaaliya, ayna soo dhacday.

Qoraalka kasoo baxay hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in aanu jirin shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka, isla markaana wararka la baahiyay ay yihiin kuwa been abuur ah.

“Hay’adda Duulista oo mas’uul ka ah kor joogtaynta diyaaradaha uu wadanku leeyahay waxay u cadaynaysaa shacabka inay wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah oo uu soo maleegay cadowga Soomaaliya,’ ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka hay’adda duulista.

Sidoo kale hay’adda ayaa shacabka ku wargelisay inay shaqeynayaan diyaaradaha cusub ee ay soo iibsatay dowladda federaalka, ayna ku jiraan howl maalmeedkooda.

“Dhamaan Helicopteradii iyo diyaaradihii kale ee ay dowlada Soomaaliya lasoo degtay labdii sano ee lasoo dhaafay waa bad-qabaan shaqadii qaran ee loogu talo galay ayeyna ku guda jiraan.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafaeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo iibsatay hub carsi ah iyo diyaarado nooca qumaatiga u kaca, kuwaas oo ay leeyihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, maadaama laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee muddada dheer saarnayd Soomaaliya.

Diyaaradaha iyo hubka ay soo iibsatay dowladda ayaa isla markiiba la geeyay furimaha hore ee dagaalka, maadaama dalka uu ka socdo howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

PUNTLAND oo taageertay go’aan kasoo baxay DF – Maxaa is-beddalay?

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa si weyn u taageeray, isla-markaana dhaqangeliyay go’aan kasoo baxay dowladda federaalka oo horay loogu mamnuucay isticmaalka iyo ka ganacsida Bacaha halka la isticmaalo.

Wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada ayaa maanta ku dhowaaqday in deegaanada maamulkaas laga mamnuucay isticmaalka Bacaha iyo in lasoo dajiyo oo laga ganacsado, iyada oo go’aankan uu daba socdo midkii ay horay usoo saartay wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada Soomaaliya oo dhowaan dalka ka mamnuucday Bacaha.

“Haddaba wasaaradda waxa ay ku wargelineysaa in dhammaan goobaha ganacsiga ee lagu arko iibinta iyo isticmaalidda Bacaha aan kor kusoo xusnay uu ganaax ku waajibi doono, sida ku cad xeerka ilaalinta iyo maareynta deegaanka Puntland,’ ayay tiri wasaaradda deegaanka Puntland.

Horay sidan oo kale waxaa u mamnuucay isticmaalka Bacaha halka mar la isticmaalo  Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo maamulka gobolka Banaadir oo xoojinaya go’aanka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Soomaaliya oo dalka looga mamnuucay ka ganacsiga iyo isticmaalka Bacda, si loo ilaaliyo deegaanka, loogana hortago in la wasaqeeyo.

Si kastaba, tallaabadan ayaa muujineyso in Puntland ay kasoo dabceyso halkii ay joogtay, kadib markii ay horay u shaacisay inay xirirka u jartay dowladda federaalka.

Labada dhinac ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf siyaasadeed oo culus oo saameeyay wada shaqeyntii Puntland iyo dowladda dhexe, kaas oo gaaray meeshii ugu xumaa.

Hoos ka khirso:-

asan

Soomaaliya iyo Kenya oo 4 qodob ku heshiiyay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa heshiis cusub oo ku aadan amniga ku gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi, kadib markii kulan miro dhal ah ay yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa William Ruto.

Labada madaxweyne ayaa ka wad-hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha amniga gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta ganacsiga.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxweyne William Ruto kala hadlay qorshaha bixista ciidamada ATMIS, maadaama haatan la diyaarinayo howlgal cusub oo ka bilaabanaya Soomaaliya.

Kulanka labada madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay 4 qodob oo kala ah:-

1. Xoojinta iskaashiga amniga iyo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo bilaabanaya Janaayo 2025.

2. Kor u qaadista xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay fududeynta dhaq-dhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada.

3. Iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal ee arrimaha gobolka, iyagoo ka faa’iideysanaya madalaha ururrada gobolka sida EAC, IGAD iyo COMESA.

4. Adkeynta taageerada beesha caalamka ee dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay ugu diyaar garoobaan kala-guurka ATMIS iyo AUSSOM iyo in Soomaaliya lagu taageero matalaaddeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sanadaha 2025-2026.

Ugu dambegun Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne William Ruto iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u booqday dalalka Jabuuti, Uganda iyo Burundi oo iyaguna ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, wuxuuna kala hadlay bixista ATMIS iyo sidoo kale qorsha dowladda Soomaaliya ee ku aadan howlgalka cusub ee AUSSOM.

Daawo: Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad oo qaaday tallaabadii ugu horreysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad xukuumadda Soomaaliya ee dhowaan la magacaabay, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa maanta qaaday tallaabadiisii ugu horreysay, isaga oo tegay xarunta baarlamaanka.

Cabdisalaan Dhaay ayaa soo dhaweyn diiran kala kulmay xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu gacan qaaday, waxayna ugu hambalyeeyeen xilka cusub ee loo magacaabay.

Intaasi kadib ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad iyo xubnaha golaha wasiirada cusub ee lasoo magacaabay ayaa lagu dhaariyay xarunta baarlamaanka, si ay u gataan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha golaha shacabka iyo  labadiisa ku xigeen, iyada oo maanta kadib ay toos u guda geli doonaan shaqooyinkooda.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqotay xukuumaddii ugu horeysay oo yeelatay labo ra’iisul wasaare ku-xigeen, kaddib dowladdii kumeel-gaarka.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xukuumaddiisa u horreeyay uu magacaabay ay yeelatay hal ra’iisul wasaare ku-xigeen, taasi oo meesha ka saartay ra’iisul wasaare ku-xigeenadii saddexda ahaa ee xukuumadihii dowladdii KMG ay laheyd.

Magacaabista xilkaan ayaa waxaa muddo hortaagna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Jaamac iyo xildhibaannada gobollada Waqooyi oo ayagu u arkayay in la wiiqayo awoodooda, ayada oo ugu dambeyn ay Madaxtooyada ku qancisay inuu ka fuqo,

Madaxweyne Xasan ayaa horey ballan-qaad ugu sameeyay magacaabista kursigaan, oo ay ka dalbadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada baarlamaanka ku metela Koonfur Galbeed.

Askar iyo saraakiil loo haysto kiis xasaasi ah oo kasoo muuqday maxkamadda ciidamada

0

Dhuusamareeb (Caasimada Onlin) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida, qaybteeda 21-aad ee Galmudug ayaa maanta waxaa la horgeeyay askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo loo haysto kiis xasaasi ah oo ku aadan inay kasoo baxeen furimaha hore ee dagaalka, xilli ay jirtay xaalad adag.

Xeer ilaalinta ayaa askarta iyo saraakiisha lasoo xiray oo uu ku jiro hal sarkaal oo boolis ah ku eedeysay in ay sameeyeen dayaacad, ayna ku kaceen fal ka baxsan anshaxa ciidamada.

Sidoo kale xafiiska xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya sababta  ka dambeysay inay kasoo baxaan furimaha dagaalka xilli la wajahayay kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo loo haystaa inay sameeyeen amar diido ay sameeyeen, kadib markii ay si iskood ah uga soo baxeen howlgalkii loo diray iyo dagaalka ay kula jireen Khawaarijta.

Saraakiisha kasoo muuqday maxkamadda ayaa waxaa kamid ah:-Xiddigle Xoogga dalka Cabdi Maxamed Cumar, Xiddigle Xoogga Muxidiin Cumar Cismaan, Xiddigle Xoogga Calas Muumin Barre, Cabdulqaadir Maxamed Cumar iyo Xiddigle Boolis Cumar Maxamed Cumar oo ah taliyaha ciidanka saldhigga Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Dhankooda Qareennada difaacaya eedeysanayaasha ayaa maxkamadda horteeda ka bixiyay cudur-daar, waxayna dalbadeen in la cafiyo oo xoriyaddooda dib loogu soo celiyo.

Ugu dambeyn, gddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta 21-aad ee Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa soo xiray soo xiray dhageysiga dacwadda eedeysanayaasha, wuxuuna  sheegay in go’aanka ay dib kasoo saari doonaan.

Xog: Xildhibaannada kasoo jeeda SSC oo diiday wadatashiga Puntland ugu yeertay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildibaannada kasoo jeeda deegaanada SSC-Khaatuma ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday inay ka qayb-galaan kulanka wada-tashiga ee ay Puntland ugu yeertay xildhibaanadda laga soo doortay deegaanada maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xildhibaannada ku abtirsada maamulka KMG ah ee SSC-Khaatuma ayaa ka cudur daartay inay ka qayb-galaan wadatashiga ay ugu yeertay Puntland, maadaama ay haatan iyagu leeyihiin maamul gaar ah iyo deegaan ay metalaan.

Sidoo kale waxaa qorshuhu yahay in xildhibaannada SSC ay soo saaray warsaxaafadeed ay ku caddeynataan go’aankooda oo ay ku ixtiramayaan jiritaanka maamulka Khaatuma oo horay u shaaciyay inuu ka madax bannaan yahay Puntland iyo Somaliland.

Mid kamid ah xildhibaannada kasoo jeedda SSC-Khaatuma oo lagu magacaabo C/raxmaan Ibraahim Warsame (Qowdhan) ayaa si cad u sheegay in aanu ka qayb-geli doonin shirka wada-tashiga ee ka dhacaya Garoowe ee looga hadlay xiisadda Puntland iyo dowladda dhexe, wuxuuna sheegay in uu go’aanka SSC ku shaacisay inay tahay maamul gooni ah.

“Salaan qiime badan kadib waxaan halkan ugu cadaynayaa Shacabka SSC KHAATUMO in anigoo tixgelinaya go’aanka Shacabka SSC KHAATUMO ku gaadheen 06/02/2023 in ay noqdaan maamul madaxbanaan oo si toos ah u hoos taga dowwladda federaalka Soomaaliya. Kaas oo aan isla maalintaasba aqbalay aanan ka hor imanayn. Sababtaas darteedna aanan uga qayb gelayn shirka maamulka Puntland ku dalbaday in Garoowe lagu qabto. Sidoo kale waxaan qoraalkan ku cadaynayaa in aan shacabka SSC KHAATUMO ku metelo Baarlamaanka Soomaaliya, danahoodana ka shaqayn doono” ayuu xildhibaanku.

Shirka Garoowe ee loogu yeeray xildhibaannada Puntland ku metala labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa inuu qabsoomo wixii ka dambeeya Sabtida soo socota, markaas oo la furi doono kalfadhiga 55-aad ee golaha wakiilada maamulkaasi.

Wadatashigan oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda guud ee dalka iyo khilaafka kasii daraya ee Puntland iyo dowladda dhexe.

Cali Fahle oo dib ugu soo laabtay HODAN, kadibna tallaabo culus qaaday + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Hodan, Cali Fahle ayaa mar kale dib ugu soo laabtay xafiiskiisa, kadib maalmo uu shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Cali Fahle ayaa isla markii uu kusoo laabtay shaqada sameeyay kormeer amni oo deg-deg ah, wuxuuna xalay isaga oo ay wehlinayeen ku xigeenka dhanka amniga iyo taliyeyaasha Booliska iyo NISA ee Hodan ay kormeereen xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Sidoo kale waxa ay socod dheer ku mareen waddooyinka muhiimka ah, iyaga oo gudaha u galay goobaha ganacsiga oo ay ku jiraan xarumihii dhowaan lagu dhex dilay ganacsatadii ku sugneyd aagga Soona-key.

Intaas kadib waxaa warbaahinta la hadlay guddoomiye Cali Fahle oo faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay kormeerka ay sameeyeen iyo ujeedka ay ka lahaayeen.

“Runtii sharaf ayay noo ahayd inaan soo kormeerno qaybaha kala duwan ee degmada, waxayna ahayd shirar soo socday oo xagga amniga ahaa ayuu kasoo baxay go’aankan ah u kuur-gelidda xaaladaha degmada Hodan” ayuu yiri guddoomiye Cali Fahle.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay ciidamada ammaanka ee ku sugan baraha koontarool ee degmada Hodan, wuxuuna ku amaaanay shaqada ay ka qabteen amniga degmada.

“Waxaan rabaa amaan kaliya ma’ahanee inaan u duceeyo ciidamada ammaanka iyo maamulka degmada Hodan oo isku duuban oo shaqo wanaagsan qabtay” ayuu sii raaciyay.

Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa sidoo kale digniin kasoo saaray baabuurta yaryar ee looga tago waddooyinka, wuxuuna tilmaamay inay halis ku yihiin amniga shacabka.

“Baabuurta la dhigaayo laamiyada waxay musiibo ku yihiin degmada Hodan iyo amniga guud ee magaalada Muqdisho” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha degmada Hodan.

DF Soomaaliya oo qorshe culus hordhigeysa QM iyo Midowga Afrika

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ku howlan diyaarinta qorshe culus oo ay dooneyso inay hordhigto Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kaas oo ku saabsan howlgalka cusub ee beddalaya ciidamada ATMIS.

Qorshaha dowladda ayaa aha inay QM iyo Midowga Afrika kala hadasho howlgalka cusub ee AUSSOM oo lagu wado inuu Soomaaliya ka bilowdo sanadka soo socda ee 2025-ka.

Sidoo kale waxaa haatan magaalada Muqdisho kusoo qulqulaya wufuud ka kala socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ujeedkoodu yahay in madaxda dowladda dhexe ay isla meel dhigaan howlgalka AUSSOM.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sii laba jibaaray dadaalkiisa ku aadan howlgalkan cusub oo Masar lagu soo biirin doono, si ay u bedasho Itoobiya oo haatan ay si weyn isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa safaro kala duwan ku kula bixiyay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, sida Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya oo uu madaxdoodu kala hadlay howlgalka cusub ee billaabanaya 2025.

Sidoo kale waxay dowladda Soomaaliya diiradda saartay sidii cadaadis xooggan loo saari lahaa Itoobiya oo ku adkeysatay heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland, ayada heshiiskaas darteed looga saari doono howlgalka baddelaya ATMIS.

Si kastaba, Muqdisho maalmaha soo socda waxa ay martigelin doontaa shirar xoogga lagu saarayo jiheynta howlgalka AUSSOM, iyo go’aanka dowladda ee ka dhanka ah Itoobiya.

Xogta kulankii Nairobi ee Xasan iyo Ruto oo qodobo xasaasi ah ka wadahadlay

0

Nairobi (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Kenya ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalkaas.

Kulanka ayaa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, waxayna Xasan Sheekh iyo William Ruto ku gorfeeyeen xaaladaha ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, labada madaxweyne waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada madaxweyne ayaa si qota dheer uga wada-hadlay xoojinta dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo arrimaha ka taagan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan gardarrada Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxweyne William Ruto kala hadlay qorshaha bixista ciidamada ATMIS, maadaama haatan la diyaarinayo howlgal cusub oo ka bilaabanaya Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkaan ku soo maray dalalka Jabuuti, Uganda iyo Burundi oo sida Kenya ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna lasoo galay heshiisyo culus oo qaarkood warbaahinta lala wadaagay.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu wadaa inay soo saaraan heshiis iskaashi oo lagu wajahayo argagixisada iyo xiisadda gobolka, si lamid ah dalalka kale ee gobolka, markii laga reebo Itoobiya oo daandaansi aan loo meel-dayin ku heysa dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Daawo: DF oo si yaab leh u qabatay dumar badan oo Al-Shabaab ah oo u socday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaasaskii Khawaarijta Al-Shabaab ayaa maanta lasoo taagay maxkamadda ciidamada Soomaaliya, kadib markii la qabtay iyagoo u safraya degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Lix dumar ah iyo ninkii la qorsheeyey inuu ka dhoofiyo Muqdisho ayaa maanta lasoo taagay maxkamadda, kadib markii xogtoodu fashilantay oo ciidamada amniga ay qabteen.

5 kamid ah gabdhahaan waxaa la xaqiijiyey inay u socdeen raggii qabay oo Shabaab ah, kuwaas oo jooga degmada Ceebuur, halka gabadha lixaad ay u socotay walaalkeed oo Shabaab ka tirsan Ceelbuurna jooga.

Maxamed Hilowle oo Shabaab u qaabilsanaa kala furdaaminta howlaha ay uga baahdaan Muqdisho ayaa lala soo qabtay dumarkaan, isagoo gaari ka saaraya Isgoyska Siinaay, degmada Wartanabadda ee magaalada Muqdisho.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa soo jeedisay in xubnaha qaar la ciqaabo, qaarna dhaqan celin loo sameeyo, iyadoo lasoo bandhigay xogta safarkooda iyo qorshihii socday ee la fashiliyey.

Guddoomiye Shuute ayaa toos u wareystay Gabdhanahaan, waxayna sheegeen inay ka yimaadeen deegaanada Koonfur Galbeed, sida Degmada Qoryooley iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bay.

Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda ka hor sheegtay in labo kamid ah gabdhahaan u socday Al-Shabaab aysan qaan gaarin, ugu yaraan 2 gabdhood oo aan qaan gaarin ayaa u socday Ceelbuur, iyagoo xaas u ah xubno ka tirsan Al-Shabaab, taas oo layaab ku noqotay dadkii kasoo qeyb galay fadhiga maxkamadda.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale maxkamadda ka codsatay in ciqaab adag la marsiiyo Maxamed Hilowle oo toos ula shaqey jiray kooxda Al-Shabaab. Gabdhahaan waxaa Shabaab ku daray waalidkood, sida laga hor sheegay maxkamadda.

Hoos ka daawo

Abwaanadii u goostay Al-Shabaab oo markii u horeysay kasoo muuqday jiida dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuqaal ay baahisay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa markii ugu horreysay kasoo muuqday Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid iyo Awabaan Nageeye Cali Khaliif oo ah dhalinyaro kasoo jeeda gobollada waqooyi ama Somaliland.

Abwaanadan oo si weyn looga yaqaanay baraha bulshada ayaa horay u shaaciyay inay ku biireen kooxda Al-Shabaab, iyaga oo markoodii u dambeysay ka tegay Muqdisho.

Kooxda ay ku biireen ee Al-Shabaab ayaa haatan soo bandhigtay muuqaalka Gama’diid iyo Nageeye oo ku sugan jiida hore ee dalka, waxaana la faafiyay sawir iyaga oo saaran gaari gaashaaman, isla markaana ku hubeysan qoryaha AKH47.

Qoraal kooban oo ay kooxda soo saartay waxa ay ku sheegtay inay ka qayb-galeen dagaal ka dhacay koonfurta Soomaaliya, balse ma sheegin goobta gaarka ah ee uu ka dhacay.

Wareysiyo horay looga qaaday labada nin waxay ku qirteen inay ku biireen kooxda Al-Shabaab, ayna muddo aaminsanaayeen fikirka Xagjirka ah.

Sidoo kale waxaa aad loo soo qaatay gabayo ay horay u tiriyeen oo ay si aad ah ugu taageereen kooxda Al-Shabaab, taas dad badan ku noqotay lama filaan.

Kasoo muuqashadooda furinta hore ee dagaalka ayaa kusoo aadeyso, muddo bilooyin ah oo ay joogeen dhulka Al-Shabaab, mana la arag dhaq-dhaqaaqooda, marka laga tego wareysiyo ay kooxda u baahisay, kadib markii ay ku biireen oo ay ugu tageen degmada Jilib

Soomaaliya oo faa’iido wayn ka heleysa iskaashiga cusub ee Malaysia

0

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday Malaysia ayaa faah-faahin ka bixiyay xiriirka labada dal, isaga oo soo bandhigay waxa ay Soomaalidu ka faa’iidayaan iskaashiga wadaagga ah ee dalalka Soomaaliya iyo Malaysia.

Danjire Cali Maxamed Abuukar oo ah safiirka ay Soomaaliya dhawaan u magacawday dalka Malaysia ayaa waxaa Isniintii si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga danjirinimo uga guddoomay Boqorka Malaysia, Sultan Ibrahim, kaddib munaasabad ka dhacday dhismaha boqorka ee Istana Negara.

Boqorka ayaa sheegay in bog cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ah uu u furmay labada dal. Waxaa kale oo uu intaa ku daray inay sameyn doonaan iskaashi wax wadaag ah.

Dhankiisa Danjire Cali Maxamed Abukar ayaa sheegay in uu ku dadaali doono sare u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Malaysia.

“Waxaan diiradda saari doonaa in xiriirka labada dal aan ka sii horumariyo halka uu maanta marayo,” ayuu yiri, isagoo rajo ka muujiyay in uu dhiso iskaashi xooggan oo guulo waaweyn laga gaaro

Safiirka cusub ayaa sidoo kale soo bandhigay faa’iidada ay Soomaaliya u leedahay iskaashi dhow oo ay la yeelato Malaysia, wuxuuna tilmaamay arrimaha mudnaanta la siinayo ay ugu horreeyaan waxbarashada, horumarinta xirfadaha, ganacsiga, dhaqanka iyo is dhexgalka bulshada.

Malaysia oo ah dal ku yaalla koonfur bari Aasiya, ayaa ka mid ah waddamada xiriirka diblomaasiyadeed ee taariikhiga ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, dalkaanna wuxuu ka mid yahay waddamada ay muwaadiniinta Soomaalida u tagaan arrimaha waxbarashada iyo caafimaadka, taas oo u fududeynaysa in muwaadiniinta Soomaalida ay ku tagi karaan Malaysia iyagoo aan u baahan wax dal ku gal ah, waxaana lagu siiyaa garoommada diyaaradaha ee Malaysia, sida lagu daabacay bogga Radio Muqdisho.

SOMALILAND oo shaacisay dilka 68 QOF (Warbixin)

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Somaliland oo soo saaray warbixin xasaasi ah ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dambiyadii cuslaa ee sanadkan 2024-ka ka dhacay guud ahaan deegaannada maamulkaasi.

Warbixintan oo loo gudbiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa tirada dambiyada dhacay sanadkan lagu sheegay 28,418 kiis oo ah guud ahaan deegaannada Somaliland.

Booliska ayaa warbixintaan diirrada lagu saaray dhacdooyin kala duwan oo dhacay sida dilalka, kufsiga, khasaaraha shilalkabaabuur iyo caruurta lasoo tuuray.

“Tirada guud ee danbiyadu waxa weeye 28,418 danbi, markii la baadhay 4,842 ayaa caddaanwaayay, 10,840 ayaa heshiis ku dhamaaday, inta baadhis ku jirta waa 860, inta maxkamadadi go’aan ka gaadhay waa 11,876,  inta xukun ku dhacay waa 10,676, waxa gar suge ah 1,200” ayuu yiri taliyaha hawlgalinta booliiska oo warbixin siinayay Muuse Biixi.

Dilalka sanadkan ka dhacay Somaliland ayay warbixintu ku sheegtay illaa 68 qof, waxaana loo soo qabtay 62 eedeysane, halka ay baxsadeen 6 kale.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in tirada kufsiyada dhacay ay yihiin 321, kuwaas oo ay galeen 343 eedeysane, oo ay ka mid ahaayeen ilaa 10 kufsi wadareed, ayada oo lasoo qabtay 270 eedaysane, halka ay baxsad yihiin 73 kale.

Shilal gaari ee dhacay ayaa gaaraya illaa 7,18 shil  oo sababay dhimashada 188 qof iyo dhaawaca 4,454 qof, halka waxyeelada gaadiidka soo gaartay ay dhan tahay 3,525, waxaa sidoo kale jira 528 neef oo xoolo ah oo uu khasaare kasoo gaaray shilalkaasi.

Ugu dambeyn waxaa warbixinta lagu xusay in la diiwaangeliyay  20 caruur ah oo la tuuray, kadibna lasoo helay, kuwaasi oo 12 kamid ah la geeyay goobaha caruurta lagu xanaaneeyo.

KENYA oo 4 qof oo muhiim ah u gacan gelisay TURKIGA

Nairobi (Caasimada Online) –  Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay dib u celinta afar qof oo qaxooti Turkish ah oo laga masaafuriyey Kenya, kuwaas oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen in la afduubay oo si qasab ah loo celiyay, ayada oo la jebinayo sharciga caalamiga ah.

Afarta qof — Mustafa Genc, Huseyin Yesilsu, Ozturk Uzun iyo Alparslan Tasci – ayaa dib loogu celiyay Turkiga Jimcihii, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Waxay daba socotay warar ay warbaahintu baahisay oo sheegayey in laga afduubtay waddo ku taalla caasimadda Kenya ee Nairobi, ayaga iyo saddex qof oo kale oo markii dambe la sii daayay.

UNHCR, oo ah hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayaa bayaan ay siisay wakaaladda wararka ee AFP ku sheegtay “inay aad uga walaacsan tahay dib u celinta afarta qaxooti ee Kenya.”

Waxay ugu baaqday dawladda Kenya “inay u hoggaansanto waajibaadkeeda sharci ee caalamiga ah iyo gaar ahaan, inay ixtiraamto mabda’a magan-galyo-doonka iyo qaxootiga ka ilaalinaya tallaabo kasta oo u horseedi karta in loo raro meel ay noloshooda ama xorriyaddooda halis ku galeyso”.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Kenya ay ku lug yeelato falal qasab ah oo lagu masaafuriyey muwaadiniin Turkish ah.

Bishii May 2021, basaasiinta Turkiga ayaa afduubtay Selahaddin Gulen, ay ehel yihiin nin ay muddo cadaawad kala dhaxeysay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, inkasta oo maxkamadda Kenya ay amartay inaan loo gacan gelin.

Waxaa adeer u ahaa Fethullah Gulen, oo ah wadaad Axaddii geeriyooday isaga oo 83 jir ah, kaasi oo fadhigiisu ahaa Maraykanka, islamarkaana uu Erdogan ku eedeeyay in uu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee 2016.

Waxaa jira warar sheegaya in basaasiin Turkish ay si qasab ah dib ugu celiyeen tobonaan ka mid ah taageerayaasha Gulen oo ku kala sugnaa daafaha caalamka.

Turkiga ayaa sidoo kale Kenya ku qabtay hogaamiyihii xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK Abdullah Ocalan oo sanado badan baxsad ahaa.

Ilaa hadda ma cadda in afarta qof ee Jimcihii dib loogu celiyay Turkiga lagu eedeeyay inay taageerayaan Gulen ama koox kale.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay inay Turkiga ka heshay ballanqaad ah “in si sharaf leh loola dhaqmi doono.”

Balse Amnesty International ayaa Sabtidii sheegtay, ka hor inta aan la xaqiijin dib u celinta qaxootiga, inay xadgudub ku tahay sharciga qaxootiga Kenya iyo kan caalamiga ah.

“Afduubkoodu wuxuu hoosta ka xariiqayaa welwelka sii kordhaya ee ku saabsan badbaadada dhammaan qaxootiga iyo magangelyo-doonka ku sugan Kenya,” ayey tiri Amnesty.

Isbahaysi ay ku mideysan yihiin kooxaha u dooda xuquuqda Kenya ayaa sheegay in ay aad uga naxeen falka ay ku dhaqaaqday dowladda, iyaga oo sheegay in “ay halis weyn gelisay afar bani’aadam iyo sidoo kale maqaamka Kenya ee ah dal badbaado.”

Waxay sheegeen in falkani “uu wiiqayo sumcadda Kenya” oo ah mid ka mid ah 18-ka xubnood ee cusub ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo loo doortay horraantii bishan.

Kenya ayaa martigelisa in ka badan 780,000 oo qaxooti ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

Isha: VOA

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabada Xamza uu ku fuliyay ballantii Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa yeelatay ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad, kaas oo shalay uu ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay Cabdisalaan Cabdi Cali, oo ahaa wasiirka howlaha guud.

Magacaabistan oo ku timid ballan-qaad uu madaxweyne Xasan Sheekh horey ugu sameeyay siyaasiyiinta iyo xildhibaannada reer Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka dhashay fal-celin xooggan.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqotay xukuumaddii ugu horeysay oo yeelatay labo ra’iisul wasaare ku-xigeen, kaddib dowladdii kumeel-gaarka.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xukuumaddiisa u horreeyay uu magacaabay ay yeelatay hal ra’iisul wasaare ku-xigeen, taasi oo meesha ka saartay ra’iisul wasaare ku-xigeenadii saddexda ahaa ee xukuumadihii dowladdii KMG ay laheyd.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Cabdifataax Suudaani: “Kuwii hore ayaaba waxbo qabanin ma kuwa kale ayaa kusoo darteen.”

Sakariye Cali Dayib ayaa isna waxa uu yiri “Hambalyo mudanayaal -shaqada alle ha idinku asturo.”

“Ra’iisul wasaare ku-xigeenka 3-aad waa goorma isna,” ayuu yiri Cabdalla Cusmaan Faarax.

Cabdiraxmaan Daahir Nuur ayaa sidoo kale wuxuu yiri “Xamza wax fikirkiisa ma magacaabi karee maskinka beenta ka daaya wax loo so meeriyey ayuu aqriyaye.”

Saki Xasan Maxamuud: “Lafta-gareen ra’iisul waasaare ku-xigeen labaad buu helay.”

Cusmaan Yaxye Cusmaan ayaa isna wuxuu yiri “Somalia naas nuujis badanaa nin walba boos ayaa loo raadinayaa dadkaan bulshada loo magacaabo maxay qabtaan waa yaabee, bulshadu sowtan wada qeylineyso oo isla dowlada ka cabaneyso umadaan ilaah ayaa umaqan waliba shacabka Muqdisho wey dhiban yihiin culeyskii dalka oo dhan ayay dusha saarteen dhib iyo dhaqaalo.”

“Waa arin fiican in dalku yeesho 2 ra’iisul wasaare ku-xigeen,” ayuu yiri Cabdikariim Cali.

Maxamed Xasan Sheekeeye: “Waddan shaqo abuuray laga sameystay oo aan loo daneyn arkaa.”

Maxay tahay lacagta Xasan Sheekh lagu eedeeyay inuu ku shubtay akoon gaar ah?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta inuu akoon gaar ah ku shubto lacagaha kasoo xarooda dhulka danta guud ee dowladda iibiso.

Xasan ayaa eedeyntan loo jeediyay xilli ay magaalada Muqdisho ka taagan tahay xiisadda dhulka Kalluumeysiga, oo la faray dadkii deganaa inay ka guuraan, kuwaas oo u badan danyar, dalbadeyna in la fiiriyo xaaladooda inta aan amarka lagu soo rogin.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa madaxweynaha ku dhaliilay sida uu u wajahayo arrimaha dhulka danta guud, isagoo tilmaamay inuu dhagaha ka fureystay farriimaha dadka danyarta ah ee deggan xarunta Kaluumaysiga.

“Waxaa horay dad danyar looga barakiciyey, qaarkoodna magac dawladeedna lagu iibiyey xaruntii Dab-damiska, Xeradii Gaadiidka Dowlada Hoose, Xaruntii Dhulbixinta, Xaruntii Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka Ciidanka Asluubta, Qabuuraha Iskool Boolisiya iyo kuwo kale,” ayuu Xildhibaan Cabdiraxmaan ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhulkaasi lacagihii ay dowladda ku iibisay in aan midna lagu shubin qasnadda dowladda, ayna ku dhacday akoon madaxweynaha u gaar ah.

Hoos ka aqriso qoraalka;

Madaxweynaha dhagaha ayuu ka furaystay farriimaha dadka danyarta ah ee deggan xarunta Kaluumaysiga.

Waxaa horay dad danyar looga barakiciyey, qaarkoodna magac dawladeedna lagu iibiyey Xaruntii Dab-damiska, Xeradii Gaadiidka Dowlada Hoose, Xaruntii Dhulbixinta, Xaruntii Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka Ciidanka Asluubta, Qabuuraha Iskool Boolisiya, Wakaaladda Onod, Dhulkii Oodweyne, Xerada Bangala, Xeradii Guulwadayaasha, Hotel Jubba, Bakhaarradi Keydka ee Wasaaradda Beeraha iyo kuwo kale.

Lacagihii laga qaaday midkoodna laguma shubin qasnadda dowladda, waxaana caddayn u ah in aysan miisaaniyadda Baarlamaanka hortaalla dakhli iyo qarashayn meelna kaga jirin. Akoon Madaxweynaha u gaar ah ayaa lagu shubaa.

Dowlad waxa ugu wayn ee ay u jirtaa waa in ay danyarta ilaaliso, laakiin taa caksigeeda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh u waynyahay waxay ilaalisaa danta madaxyaweynta.

Maxaad ka filanaysaa dadka rayadka ah ee tabarta daran ee magaca dowladeed lagu barakicinayo, iyadoo dhulka laga qaadayna loo qaybinayo ganacsato lacag laga qaaday, siyaasiyiin taageero laga rabo, iyo dad ehel iyo asxaab ah oo lagu naasnuujinayo? Ma is leedahay dadkaas ayaa dawlad jeclaanaya?

Ku takrifalka awoodda dolwadeed iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka, gaar ahaan kan nugul, waa sababaha ugu wayn ee horseeday burburkii qaranka, dadkana nacsiiyey dowladnimada.

XAMZA oo qaaday tallaabo cajiib ah oo uu ku daminayo mooshinka ka dhanka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u muuqda inuu qaaday tallaabo uu ku daminayo guuxa mooshin xil ka-qaadis oo ka dhan ah oo maalmahan ka jiray magaalada Muqdisho.

Mooshinkan ayaa waxaa saxiixay illaa 70 xildhibaan, oo badankood u badan kuwa dhaliilsan maamulka Xasan Sheekh iyo Xamza.

Si kastaba, mooshinkan ayaan haysan weli taageerada madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli aysan u muuqan sabab uu ku cayriyo ra’iisul wasaare Xamza, iyada oo khilaafka siyaasadeed ee dalku sii xoogeystey laguna kala tegay Golaha Wadatashiga Qaranka.

Soomaaliya waa ay adag tahay in uu guuleysto mooshin xil ka-qaadis ra’iisul wasaare haddii aanu gadaal ka riixeyn madaxweynaha.

Sida wararku sheegayaan, mooshinkan waxa uu taageero ka haystaa mid ka mid ah shir guddoonka Golaha Shacabka, inkasta oo guddoomiye Aadan Madoobe uusan raali ka ahayn.

Si kastaba, ra’iisul wasaare Xamza ayaa billaabey in, si uu isaga yareeyo buuqa mooshinka soo xoogeysanaya, uu buuxiyo qaybo ka dhiman golihiisa wasiirada, soo xerooyo xildhibaano ku kacsan oo mucaarad ah, sidoo kale waxa uu isku beddalay qaar kamid ah golaha wasiirada.

Xamza ayaa shalay magacaabay 10 xil wasiir, ku-xigeeno iyo wasiiru dowlayaal, halka uu xubnaha qaar u kala bedelaya xilalka. Wuxuu sidoo kale magacaabay ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad oo dalka aanu horey u lahayn.

Isku-shaandheynta ayaa saameysay Wasaaradda kaluumeysiga, Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka badda, Wasaaaradda batroolka, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, sidoo kale waxaa lagu wadaa in la magacaabo Raysalwasaare ku-xigeen.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ku jiray qaar ka mid ah xildhibaano hormuud u ahaa mooshinka.

Xamza ayaa sidoo kale xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ku qanciyey xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle oo aad ugu kacsanaa ra’iisul wasaaraha.