25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Markabka baaraya shidaalka oo soo gaaray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Markabka sahminta shidaalka ee dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Markabkan oo lagu magacaabo Oruç Reis ayaa soo istaagay dekedda magaalada Muqdisho, halkaasi oo haatan ay ka socoto munaasabad lagu soo dhaweynayo markabkan oo bilaabi doona howl-galka shidaal baarista ee Soomaaliya.

Madax kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galeysa munaasabada soo dhaweynta markabkan oo ah mid taariikhi ah.

Markabkaan Oruç Reis ayaa horraantii bishan xeebaha Turkiga waxaa ka soo sabootiyey madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo wasiirka batroolka XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Markabkan ayaa Soomaaliya wuxuu ka fulinayaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15000 KM2 Square.

Sidoo kale wuxuu howl-galkiisu qaadan doonaa qiyaastii toddoba bilood, si uu sahmin uga sameeyo Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sameyn doonaan xog uruurin ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, taas oo hagi doonto howlaha qodista ee mustaqbalka shidaalka Soomaaliya.

Markabka Oruç Reis oo dhererkiisu yahay 87 mitir iyo ballaciisu yahay 23 mitir ayaa loo aqoonsaday inuu yahay hanti muhiim ah oo kamid ah dadaallada sahminta badda ee Turkiga.

Tallaabadan ayaa ka dambeysa kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar, kaas oo la xiriiray shidaal baarista iyo soo saarista, wuxuuna u fasaxayaa shirkadda Turkish Petroleum helista shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya.

Wasiirka tamarta Turkiga oo gaaray Muqdisho xilli uu Oruc kusoo xirtay dekeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Turkiga Dr. Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiir Bayraktar iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galaya munaasabadda soo dhaweynta markabka shidaalka sahminaya ee Oruç Reis, kaasi oo saaka ku soo xirtay dekedda Muqdisho.

Wasiirka batroolka xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa wafdigan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

“Imaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee illaa shalay dalka soo gaarayay ayaa caddeyn u ah sida ay dhacdada maanta loo taagan yahay u noqonayso daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal;” ayuu yiri wasiirka batroolka.

Markabka Oruç Reis ayaa horraantii bishan xeebaha Turkiga waxaa ka soo sabootiyey madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo wasiirka batroolka XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Markabkaan ayaa Soomaaliya wuxuu ka fulinayaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15000 KM2 Square.

Sidoo kale wuxuu howl-galkiisu qaadan doonaa qiyaastii toddoba bilood, si uu sahmin uga sameeyo Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sameyn doonaan xog uruurin ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, taas oo hagi doonto howlaha qodista ee mustaqbalka shidaalka Soomaaliya.

Imaatinka markabkan ayaa wuxuu daba socdaa heshiiska iskaashi tamar ee labada dal kala saxiixdeen, kaas oo la xiriiray shidaal baarista iyo soo saarista, waxaana Turkiga uu ogolaansho u haystaa saddex goob oo kamid ah badda Soomaaliya.

Xog: Israel ma waxa ay qorsheynaysaa khaarajinta hoggaamiyaha sare ee Iran?

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Socdaalkeena wargeysyada, waxaan eegi doonnaa dhowr maqaal, gaar ahaan fikradda ah in Israa’iil ay “disho” hoggaamiyaha Iiraan.

Waxaan sidoo kale eegi doonnaa maqaal ku saabsan tillaabooyinka xiga ee Netanyahu ee gobolka, iyo maqaal kale oo ku saabsan dadaallada Iiraan ay ku doonayso inay ku sii waddo saamaynta ay ku leedahay gobolka.

Waxaan ku bilaabaynaa maqaal uu daabacay wargeyska ka soo baxa Israa’iil, ee The Jerusalem Post, oo uu qoray qoraa Salem Al-Kutbi, ciwaankiisuna yahay “Israa’iil miyay dili doontaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan Khamenei?”.

Halkaas, wuxuu qoraagu ku bilaabay maqaalkiisa isagoo tilmaamaya in fikradda ah in Israa’iil ay disho hoggaamiyaha ugu sarreeya ay “suurtogal tahay”

Qoraagu waxa uu sheegay in sawirrada “bartilmaameedyada dilka” ee Israa’iil, oo uu dhawaan soo bandhigay Channel 14 ee Israa’iil ay muujiyeen tirooyin badan oo la sheegay in ay Israa’iil raadinayso, laakiin kuma jiro hoggaamiyaha ugu sarreeya.

Liiska, ayuu qoraagu sheegay inay ka mid ahaayeen wadaadka Shiicada Ciraaq, Ali al-Sistani, hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar (oo ay dileen ciidammada Israa’iil usbuucii hore), ku xigeenka xoghayaha guud ee Xisbullah Naciim Qasem, hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen Abdul-Malik al- Xuuthiyiinta, iyo taliyaha ciidamada Quds Ismaaciil Qaani.

Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in weerarradii ugu dambeeyay iyo jebinta sirdoonka ee lagu bartilmaameedsaday hay’adaha ammaanka Iran iyo wakiiladooda, gaar ahaan ururka Xisbullah ee Lubnaan, ay ka dhigayaan muuqaalka dilka Khamenei “mid aad u badan,” isagoo xusay in suurtogalnimadani ay ku qasbayso laamaha ammaanka Iran inay muujiyaan taxadarka ugu badan, marka loo eego xaaladda halista ah ee hadda jirta.

Wuxuu intaa ku daray qoraagu in ay jiraan dhawr arrimood oo Khamenei ka dhigaya bartilmaameedyada suurtagalka ah ee Israa’iil, xitaa haddii magaciisa uu ka maqan yahay “liiska dilka” ee lagu dhawaaqay, isaga oo xusay in ka tagistan “loo tixgelin karo tilmaame khiyaano, waana Waxay u badan tahay in duruufahaas jira in xeeladahaas la isticmaali doono.”

Qoraaga ayaa sheegay in suuragalnimada dilka Khamenei uu noqday isha dhabta ah ee walaaca Iiraan, “iyo hay’adaha amniga ee halkaas ka jira ma sii xukumayaan.” Gelitaanka sirdoonka Israa’iil ee qaybta amniga ee Ilaalada Kacaanka Iran iyo wakiilladeeda ayaa sidoo kale caddaatay, taas oo ka dhigaysa suurtogalnimada in la gaaro meesha ugu sarreysa ee hoggaanka awoodda Iran “Isha dhabta ah ee walaaca badan, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha Ilaalada Kacaanka Iran.”

Qoraaga Salem Al-Kutbi waxa uu maqaalkiisa ku soo gunaanaday isagoo tilmaamay in tani ay ku xidhan tahay awoodda hawleed ee Israa’iil si ay u fuliso weerar wax ku ool ah oo ka dhan ah xarumahan iyada oo aanay khatar gelinin weerar labaad, waxa kale oo ay ku xidhan tahay awoodda Ilaalada Kacaanka Iran ay uga jawaabaan weerar Israel iman kara.

Xaaladdan oo kale, “xaaladdu waxay u muuqataa mid u furan dhammaan fursadaha, oo uu ku jiro dagaal dhammaystiran.”

Netanyahu iyo mustaqbalka dagaalka

Wargeyska The Guardian-ka ee Ingiriiska, ayaa daabacay magaal uu qoray qoraa Simon Tisdall, oo hoos imanaya cinwaanka “Netanyahu, geesiga daran, ayaa sii wadi doona bamka, laakiin siyaasadiisa khatarta ah ayaa laga yaabaa inay aad u fogaato.”

Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in fikradda Netanyahu ku dhawaaqida guusha iyo joojinta hadda ay tahay “fikrad marin habaabin ah. Hase yeeshe, wuxuu sii wadi doonaa cadaadiska ilaa laga helayo rabitaan siyaasadeed oo Maraykanka ah oo lagu joojinayo isaga.”

Netanyahu si cad “ma rabo” xabbad joojin ka dhacda Qasa, Lubnaan ama meel kale, ilaa hadda ugu yaraan, qoraagu wuxuu leeyahay.

Maamulka Biden iyo dawladda Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer “waxay sii wadi karaan khiyaaliga siyaasadeed ee ah in dilka hoggaamiyaha Hamas Yahya Sinwar usbuucii hore uu furay daaqad nabadeed, laakiin tani waa wax aan macno lahayn.

Qoraagu waxa uu tilmaamay in runta aan la jeclayn ay tahay in “Netanyahu, xulafadiisa midigta fog, iyo tiro badan oo Israa’iiliyiin ah ay si nacasnimo ah u rumaysan yihiin in ay ku guulaysanayaan dagaalka ay Xamaas bilowday Oktoobar 7, 2023.”

Biden cabsida ugu weyn ee hadda waa iska horimaad aan la xakameyn karin oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil, usbuucan ama kan soo socda, kaas oo ku riixaya ciidamada Mareykanka qulqulka Bariga Dhexe ka hor inta aysan codbixiyeyaashu kala dooran Kamala Harris iyo Donald Trump.

Doorashada Mareykanka waa aragtida dhabta ah ee Netanyahu, “sidaas darteed wuu sii wadi doonaa isagoo aan la xakameynin, isagoo samaynaya wax kasta oo uu rabo, gaar ahaan Qasa iyo Lubnaan ugu yaraan labada toddobaad ee soo socda.”

Haddii Harris ay guulaysto, Maraykanku waxa laga yaabaa inuu si fiican ugu meeleeyo inuu ku soo rogo shuruudihiisa Israa’iil, marka la eego in Harris ay dareemayo kharashka bini’aadantinimo ee dagaalka, ayuu qoraagu intaa ku daray.

“Haddii Trump, oo ah mid midigta fog oo Falastiin ka soo horjeeda, uu guuleysto, Netanyahu wuxuu awood u yeelan doonaa inuu ciyaaro kaararkiisa marka uu doorto, isagoo ka caddaynaya booska uu hadda ku sugan yahay waqtiga, shuruudaha iyo qaabka xabbad-joojin kasta iyo xallinta muddada dheer ee xigta.”

Isha: BBC

Sawirro: Xasan oo Jarmalka ka codsaday in la soo celiyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Danjire Sebastian Groth, iyagoo ka wadahadlay arrimo badan oo ku saabsan labada dal.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa intii uu socday wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh uga warbixiyey safiirka, muhiimadda ay leedahay in sare loo qaado taageerada Jarmalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jarmalka ka dalbaday in dowladda Soomaaliya ay ka taageeraan dhinacyada muhiimka u ah dadaallada dowlad-dhiska Soomaaliya.

Waxyaabaha kulankaan sida hoose loogu gorfeeyey waxaa kamid ah sida ay ku suurta geli karto in dowladda Jarmalka ay dib u soo celiso barnaamijyadeedii Soomaaliya ee farsamada gacanta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safiirka u cadeeyey in Barnaamijyadaan ay muhiim u yihiin horumarinta iyo xasilinta dalka oo dhan, maadaama Soomaalidu u baahan tahay maalgashi iyo shaqo abuur xoog leh.

Dhankiisa, Danjire Sebastian Groth ayaa sharaxay iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jarmalka iyo sida loo sii hormarin karo.

Sidoo kale Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya ku adkeeyey inay sii waddo horumarinta geeddi socodka dimuqraadiyeynta iyo ka shaqeynta horumar, si barwaaqo loo gaaro mustaqbalka fog ah.

Saxafiyad qurba-joog aheyd oo lagu dilay beer ay ku laheyd degmada AFGOOYE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Amuun Cabdullahi Maxamed, oo aheyd saxafiyad Soomaaliyeed oo qurbo joog ah ayaa lagu dilay degmada Afgooye.

Amuun oo tobanaan sano ku nooleyd dalka Sweden, balse sannadihii u danbeeyay dalka daganeyd ayaa todobaadkaan lagu dilay beer ay ku laheyd meel aan ka fogeyn degmadaasi.

Sida aan wararka ku helnay laba nin oo wajiyada soo duubtay ayaa Amuun ku dhex dilay beer ay iyadu laheyd, oo halkaasi ku taalla.

Weli lama oga sababta loo dilay Amuun iyo cidda ka danbeysay, waxaana socota baarista kiiskaan.

Maxaan ka naqaana Amuun?

Wariye Axmed Idawaqaca oo kamid ah dadka sida dhow u yaqaanay sanadaha badan ayaa sheegay in AUN Amuun ay muddo ka shaqeynaysay raadiyaha Sweden qeybta Af-Soomaaliga, oo ay ka gaartay illaa maamule.

Sidoo kale waxay kusoo shaqeysay turjumaan, maadaama ay muddo deganayd Sweden ayna si fiican u taqaanay Swedishka, iyada oo waxbarashada illaa heer jaamacadeed ka gaartay.

“Waxay go’aansatay inay ku laabato waddanka, halkaas oo guri ka iibsatay, kadib Afgooye ayey u wareegtay oo beero ayay ka sameysatay, ceelal ayay halkaas ka qoday.” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Dad ayaa halkaas ka shaqeynayay oo mushaar loo qoray, dad kale ayay gacan ku haysay, oo mashaariic horumarineed oo dowladdo la rabay inay sameeyaan ayey halkaas ka hirgelisay.”

Amuun ayaa lagu sifeeyay gabadh dadaal badan, oo karti badan, ugu yaraana laba jeer ay hay’addo caalami ah ku abaal-mariyeen mihnadeeda saxaafada ee mudada dheer kasoo shaqeynaysay.

Allaha u naxariistee Amuun ayaa hamigeeda uu ahaa inay Soomaaliya ka hirgeliso mashaariic ay ugu weyn tahay beerta lagu dhex dilay toddobaadkan, sida ay sheegeen dadka u dhow-dhow.

Maxay yihiin awoodaha iyo shaqooyinka RW ku-xigeenka 2-aad ee xukuumadda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay yeelatay ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad tan iyo 2012-kii oo ah markii ay Soomaaliya qaadatay Nidaamka Federaalka, oo laga jooga 12 sanno.

Galinkii dambe ee 21 October, 2024-ka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay ku xigeenkiisa labaad, isaga oo jagadaas u magacaabay Cabdisalaan Cabdi Cali oo ahaa Wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya.

Kulan ay yeesheen Xildhibaannada Golaha Shacabka maalinimadii Arbacada ee shalay ayaa lagu hor dhaariyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka, iyada oo qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ay si diiran ugu soo dhaweeyeen xarunta Villa Hargeysa.

Magacaabista ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ayaa siyaabo kala duwan waxaa ugu falceliyey Bulshada, iyaga oo badankood waydiimo dhowr ah ka keeneen shaqada uu qabanaya ku xigeenka cusub iyo mas’uuliyadaha, halka qaar kood ay ku doodeyn in ay sharci darro tahay magacaabistaan.

Magacaabista ra’iisul wasaare ku-xigeenka sharciga muxuu ka qabaa?

Sida ku xusan Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, cutubkiisa 8aad ee ka hadlaya laanta fulinta ayaa qodobka 97aad faraddiisa 2aad waxa uu qeexayaa Golaha Wasiirada iyo qeybaha ay ka kooban yihiin Golaha Wasiirrada.

Dastuurka ayaa Golaha Wasiirrada waxa uu ku qeexay, “Waa Hay’adda fulinta maamulka ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya.” Qeybaha ay ka kooban tahay Xukuumadda ayaa kala ah; Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul Wasaare ku xigeen/ ku xigeenno, Wasiirro, Wasiiru dowlayaal iyo Wasiirro ku xigeenno.

Sida ku cad qodobkaan ayaa in Ra’iisul  Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu yeelanaya ku xigeen iyo ku xigeenno, balse laguma caddeen ku xigeennadaas in ay ka badan karaan laba.

Maxay yihiin awoodaha iyo shaqooyinka ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad?

Badi bulshada ayaa iswaydiinaya awoodaha iyo shaqooyinka laga rabo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, oo xafiiskiisu ku cusub yahay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Sida ku xusan Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, cutubkiisa 8aad ee ka hadlaya laanta fulinta ayaa qodobka 101aad lagu sheegay shaqooyinka uu qabanaya ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha, taas oo ah in uu qabta Xilka Ra’iisul Wasaaraha marka uu dalka ka maqan yahay, iyo xilalka kale ee u igmado Ra’iisul Wasaaraha.

Dastuurka si rasmi ah uma qeexin shaqooyinka iyo Awoodaha ay kala lahaanayaan Ra’iisul Wasaare ku xigeennada, aan ka ahayn in ay qabtaan shaqooyinka uu idmado Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad Cabdisalaan Cabdi Cali oo ahaa xubin ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kuna fadhiyey kursiga tirsigiisu yahay HOP#167, deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed ayaa waayi doona xubinimadiisa Golaha Shacabka, sida ku xusan Dastuurka KMG.

Isha: Mustaqbal

BOOLISKA oo soo saaray digniin culus oo ku socoto reer Muqdisho – Maxay tahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo saaray digniin culus oo ku socota bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Digniinta booliska ayaa si gaar ah ugu socotay mulkiilayaasha gaadiidka ayaa waxaa lagu faray inay sida ugu dhaqsaha ugu soo wargeliyaan laamaha amniga haddii laga xado gaari ama mooto-da ay milkiyadeeda ku qoran yihiin.

“Haddii gaari ama mooto aad leedahay lagaa xado ama aad waaydo, waa lagama maarmaan inaad ku wargaliso saldhigga boliiska ee kuugu dhow 48 ilaa 72 saac gudahooda, si laamaha amnigu uga baadi goobaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa digniinta booliska lagu sheegay in qofkii laamaha amniga kusoo wargelin waayay xogta gaarigiisa laga dhacay inuu qaadi doono masuuliyada wax kasta oo loo isticmaalo gaarigiisa.

“Haddii aad ku guuldareysato inaad ku wargeliso Hay’adaha ammaanka xaaladaha kor ku xusan, adiga ayaa qaadi doona masuuliyadda wax kasta oo dhib ah oo ka dhasha isticmaalka gaarigaaga ama mootadaada, mana lagu aqbali doono wax cudurdaar ah,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Sida aan kal horey ku baahinay warbixin baaris ah oo Caasimada Online sameysay inta badan gaadiidka loo adeegsado qaraxyada ayaa ah kuwo lasoo xaday.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhan

Taliska Ciidaanka Booliska Soomaaliyeed oo soo saaray wargelin muhiim ah.

Iyadoo la ilaalinayo badbaadada muwaadiniinta iyo hantidooda, waxaa bulshada Soomaaliyeed oo dhan la farayaa inay raacaan qodobada soo socda:

1- Gaari ama Mooto lagaa xado: Haddii gaari ama mooto aad leedahay lagaa xado ama aad waaydo, waa lagama maarmaan inaad ku wargaliso saldhigga boliiska ee kuugu dhow 48 ilaa 72 saac gudahooda, si laamaha amnigu uga baadi goobaan.

2- Dukumintiyo luma: Haddii ay kaa lumaan dukumiintiyo muhiim ah sida taargada ama buugga gaarigaaga, waxaa waajib ah inaad ku wargaliso boliiska 48 ilaa 72 saac gudahooda.

Digniin: Haddii aad ku guuldareysato inaad ku wargeliso Hay’adaha ammaanka xaaladaha kor ku xusan, adiga ayaa qaadi doona masuuliyadda wax kasta oo dhib ah oo ka dhasha isticmaalka gaarigaaga ama mootadaada, mana lagu aqbali doono wax cudurdaar ah.

Fadlan ogow, raacista awaamirtan waa mid muhiim ah oo gacan ka geysanaysa sugidda amnigaaga iyo kan bulshada oo dhan.

Turkiga oo wafdi culus usoo diray MUQDISHO + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho usoo dirtay wafdi culus oo si diiradan loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdigan oo uu horkacayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga Turkiga, waxaana qeyb ka ah wafdigaan mas’uuliyiin ka socota wasaaradda tamarta iyo kheyraadka ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in imaatinka wafdigan uu la xiriiro qorshaha markabka Turkiga uu usoo diray xeebaha Soomaaliya, kaas oo sameyn doono sahmin shidaal oo rasmi ah.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo wafdigan kusoo dhaweeyay Muqdisho ayaa sheegay inay farxad u tahay inay soo gaaraan mas’uuliyiin sar sare oo ka socda xukuumadda Ankara oo saaxib la ah Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu wasiirku rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu guuleysan doonaan qorshaha sahminta oo ay kala kaashan doonaan dowladda Turkiga.

Markabka Oruç Reis oo sameyn doono baarista shidaalka ayaa dhowaan kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, isagoo mari doona jidka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, wuxuuna kadib toos usoo caga dhigan doonaa xeebaha Soomaaliya.

Sida qorshaha uu yahay markabkan wuxuu kusoo xiran doonaa meel u dhow biyaha Soomaaliya dhamaadka bishan October, ayada oo la filayo inuu qaato qiyaastii 19 maalmood.

Si kastaba, tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar, kaas oo la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya.

Xog: JABUUTI oo walaac ka muujisay tallaabooyin uu qaaday madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia iyo dowladda Jabuuti ayaa xaqiijiyay in cabasho weyn loo gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kadib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. 

Cabashadan ayaa la xiriirta walaaca Jabuuti ka qabto xiriirka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki. 

Xasa Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay May 2022, wuxuu saaxiib aad u dhow ka dhigtay Afwerki, isaga oo dalka Eritrea booqday muddadaas illaa 8 jeer, taasi oo ah tii ugu badneyd ee uu sameeyo madaxweyne Soomaali ah muddo aad u kooban. 

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti uu Xasan Shiikh si toos ah ugu gudbiyay walaac weyn oo uu ka qabo awood sii kordheysa oo uu Afwerki ka helayo xiriirka Soomaaliya. 

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si gaar ah uga hadlay kulankii saddex geesoodka ahaa ee ka dhacay Eritrea oo dhexmaray Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, isagoo su’aal geliyay sababta shirkan loogu qaban waayay Muqdisho oo halkii loo doortay Asmara. 

Xiriirka u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea ayaa muddo dheer ahaa mid cakiran, waxaana labada dal ka dhexeeya khilaaf dhuleed oo xasarad keenay. Haatan, dowladda Jabuuti ayaa ka welwelsan in xiriirka dhow ee Xasan Shiikh la leeyahay Eritrea uu sii wiiqayo mowqifka Jabuuti ee gobolka. 

Tan iyo markii Xasan Shiikh xilka la wareegay, siyaasadaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay keeneen jahawareer ku yimid xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka, iyadoo xiriirka cusub uu la yeeshay Eritrea sii kiciyay xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya.  

Isha: Garowe Online

TURKIGA oo duqeeyay laba dal kadib weerarkii Ankara

0

Ankara (Caasimada Online) –  Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 22 kalana la dhaawacay kaddib marki laba nin oo hubeysnaa ay weerareen xarunta dhexe ee Warshadda Diyaaradaha iyo Dayax-gacmeedyada Cirka ee Turkiga ee magaalada Ankara.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, Cali Yerlikaya ayaa sheegay in labada qof ee weerarka fulisay la dilay. Wuxuu kaloo sheegay in laba ka mid ah dadka dhaawaca ah ay xaaladdoodu liidato.

Dowladda Turkiga ayaa weerarkaasi ku tilmaantay mid argagixiso. Muuqaal laga sii daayay telefishannada ayaa muujiyay, laba nin oo hubeysan oo galaya xarunta TUSAS ee u dhaw Ankara.

Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu weerarka ku eedeeyay kooxda mamnuuca ka ah Turkiga ee PKK, oo ah koox u dagaalanta xorriyadda Kurdiyiinta Turkiga.

Dhanka kale, war aroornimadi hore ee Khamiista kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay, in duqeymo cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka Turkiga ka fuliyeen bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga Ciraq iyo Waqooyiga Suuriya ay ku burburiyeen, ilaa 32 bartilmaameed oo ay leeyihiin PKK.

Waxay sheegeen in ay dileen tiro ka mid ah ururka PKK, balse ma aysan xaqiijin tirada saxda ah.

Isha: VOA

Ciidamada Danab oo laayay Shabaab badan + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta ciidamada Danab ee Xoogga dalka ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa si gaar ah ciidamada kumaandooska Danab waxa ay uga fuliyeen dhulka howdka ah, gaar ahaan aagga deegaanka Geerile ee bariga gobolkaasi.

War kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 12 xubnood oo Shabaab ahaa, laguna dhaawacay 22 kale oo kuu dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah.

“Ciidanka kumaandooska Danab XDs ayaa howgal Qorshaysan ku qaarajiyay 12 toban dhagarqabe oo katirsan khawaarijta halka 22 xubnood oo kale lagu dhaawacay howlgal ciidanka ay kasameeyeen dhulka howdka ee ku xeeran Deegaanka Geerile ee hoostaga dagmada Ceeldheer ee katirsan bariga gobalka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in xubnaha la laayay ay ahaayeen kuwa firxad ah oo ay ku daba jireen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Howlgalkan oo ahaa mid lagu raadjoogay firxadka haraadiga maleeshiyada Argagixisada ee ku dhuumaaleysana deeganada dhulka howdka ee ka tirsan gobalka Galgaduud” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka soconayo guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Hooyo iyo laba gabdhood oo Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil argagax leh oo magaalada Nairobi loogu gaystay hooyo Soomaaliyeed, gabadheeda iyo gabadh kale oo ay habar-yar u tahay, kuwaas meydadkooda laga helay gudaha Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in hooyadan Soomaaliyeed iyo gabdhaheeda la afduubtay Isniintii lasoo dhaafay, kadibna si xun loo dilay, ayada oo la jarjaray qaar kamid ah xubnahooda.

Hooyada ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Waris Daa’uud, halka laba gabdhood lagu kala magacaabi jiray Amina Cabdirashid oo 21 jir aheyd iyo Nuseyba Dahir oo 12 jir aheyd.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi ayaa aad uga naxay falkan, waxaana maanta xaafadda Islii ka socda dibad-baxayo ay dhigaan Soomaalida ku dhaqan halkaasi.

Sidoo kale waxaa xiran goobaha ganacsiga ee Nairobi, iyada oo saameyn ay ku yeelatay dhacdadan argagaxa leh ee ka dhacday gudaha magaaladaasi.

Dhanka kale Booliska ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegeen inay soo bandhigi doonaan natiijada baaristooda.

Si kastaba, illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeyso dilka qoyskan, laakiin waxaa laga war sugayaa dowladda Kenya iyo natiijada kasoo baxday baarista ciidamada Booliska.

Sawirro: DF Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro sanado ku xirnaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa xabsiyada dalka Liibiya, kuwaas oo laga kala dajiyay garoomada diyaaradaha ee Muqdisho iyo Hargeysa.

Dhalinyaradan oo dhibaatooyin adag kala soo kulmay magafaha Liibiya ayaa tiradooda waxa ay gaarayaan 164, waxaana laga soo saaray xabsiyada dalka Liibiya.

Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Batroolka, Amniga, Taliyaha Booliska iyo Ergeyga Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay dhalinyardan Soomaaliyeed oo keenistooda dagaal badan ay gelisay dowladda.

Illaa 109 kamid ah dhalinyaradan ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, halka 55 qof oo kale laga dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, maadaama ay kasoo jeedaan deegaanada Somaliland.

Sidoo kale waxaa dowladda Soomaaliya ay sheegtay in laga war heyn doono dhalinyaradaan, illaa inta ay kala midoobayaan qoysaskooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer u gashay soo badbaadinta dhallinyaradaan oo muddo dheer ku dhibaateysneyd xabsiyada dalka Libya, iyagoo gacanta u galay kooxo Magefayaal ah, waxaana hadda lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.

Horay sidaan oo kale ayaa dalka loogu soo celiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Liibiya oo kamid ah meelaha sida daran loogu dhibaateeyo Soomaalida.

Muxuu yahay hab-dhaqanka cusub ee guddoomiye Cabdi Xaashi uu ka qeyliyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo guddoomiyay kulan ay yeesheen golaha ayaa aad u dhaliilay hab dhaqan cusub oo ay haatan lasoo baxeen Senatorada Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka uu guddoomiyay Cabdi Xaashi oo ka koobnaa ilaa iyo saddex ajende ayaa kala ahaa, Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda sharciyaynta adeegyada iyo baaritaanka beeraha Soomaaliyeed 2. Akhrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka xakamaynta kiimikooyinka beeraha iyo Akhrinta labaad ee sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ugu horreyn ka hadlay wasiiru dowlaha wasaaradda beeraha iyo waraabka  Asad Cabdirisaaq Maxamed oo Sanatarrada Aqalka Sare faahfaahin guud ka siiyay muhiimadda Hindise sharciyeedka Hay’adda sharciyaynta adeegyada baaritaanka beeraha iyo sharciga xakamaynta kiimikooyinka beeraha, isagoo dul  istaahay sida sharciyadaas ay dalka muhiim ugu yihiin iyo waxyaabaha ay meesha ka saarayaan.

Intaas kadib Guddoomiyaha guddiga garsoorka iyo xuquuqul insaanka Aqalka Sare Sanatar Naciima Xasan Garwayne ayaa dhankeeda golaha u dulmartay akrinta labaad sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed oo ay ka soo talo geliyeen dadka Naafada iyo bulshada qaybeheeda kala duwan, iyadoo Sanatarrada qaar ay ku biiriyeen aragti iyo talooyin kale oo dheeraad ahaa kuwaas oo dheeli tiraya sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare oo isna hadalka qaatay ayaa ka hadlay arrin ku aadan maqnaashaha Senatorada, wuxuuna aad u dhaliilay hab dhaqan cusub oo ay xubnaha lasoo baxeen, isaga oo sheegay in Senatorada qaar marka ay yiimaadaan ay dhuuntaan.

“Senatorada in ay dhuuntaan ayay bilaabeen 30 Senator ayaan ku joognay, haddana 11 Senator ayaa soo hartay saasna xaq maahan” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Ugu dambeyn guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa Senatorada golaha ku booriyay in ay soo xaadiraan fadhiyada guud oo ay ka dhabeeyaan dhaartii ay ku dhaarteen ee gudashadooda.

Madaxweyne Erdogan oo dhaartay kadib weerarkii shalay lagu soo qaaday Turkey

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in “weerarkii argagaxa lahaa” ee lagu qaaday xarumaha warshadaha diyaaradaha difaaca ee Turkiga (TAI) ee ku yaal caasimadda Ankara uu dhab ahaantii bartilmaameedsaday “badbaadada, nabadda iyo dadaallada difaaca ee dalka”. 

“Weerarka argagixisanimo ee ka dhanka ah TAI, oo ah mid ka mid ah shirkadaha difaaca Turkiga, waa weerar fool xun oo lagu bartilmaameedsanayo badbaadada dalkeena, nabadda qarankeena, iyo dadaalladayada difaaca kuwaas oo calaamad u ah fikraddayada ‘Madax-bannaanida buuxda ee Turkiga,” ayuu yiri Recep Tayyip Erdogan oo la hadlayay X.

“Laga soo billaabo daqiiqaddii ugu horeysay ee weerarka argagixisanimo, ciidamadeena ammaanku waxay si dhakhso ah u soo farageliyeen oo ay ka takhaluseen argagixisada,” ayuu yiri.

“Qarankeennu waa inuu ogaadaa in gacmaha wasakhda ah ee Turkiga u fidinaya ay hubaal tahay in la jebin doono; ma jiro qaab dhismeed, urur argagixiso, dhidibo shar ah oo amnigeena lagu beegsanayo ma awoodaan inay gaaraan hadafkooda.” 

“Dagaalka aan kula jirno dhammaan noocyada khataraha argagixisada iyo taageerayaashooda waxay ku sii socon doonaan go’aan, xalin iyo qaab dhinacyo badan leh,” Erdogan ayaa carabka ku adkeeyay. 

Madaxweynaha Turkiga oo tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerarkaas iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ayaa u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaas. 

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka oo ka dhacay xarun ay leedahay shirkad duulimaad oo ku dhow caasimadda Turkiga ee Ankara, sida ay masuuliyiintu xaqiijiyeen. 

Wasiirka arrimaha gudaha Ali Yerlikaaya ayaa sheegay in saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato, isla markaana labada qof ee weerarka soo qaaday oo kala ahaa “Naag iyo nin la toogtay”. 

Sawiradii ugu horeeyay ee uu soo bandhigay kanaalka NTV ayaa ahaa qiiq aad u badan oo ka hor taluumayay albaabka laga galo warshadaha duulimaadyada sare ee Turkiga ee loo soo gaabiyo magaceeda (TAI), oo ku taalla meel 40km ka baxsan caasimada. 

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in weerarka ay ka dambeysay kooxda Kurdish-ka ee PKK.

Xasan oo deg-deg u wacay Erdogan kadib weerarki Ankara

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan, kadib weerarkii xalay ka dhacay Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga tacsiyeeyay muwaadiniinta ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee ka dhacay xarunta dhexe ee warshadda diyaaradaha iyo dayax-gacmeedyada cirka ee Turkiga ee magaalada Ankara.

Xasan ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan xanuunka iyo muragada walaalahooda dalka Turkiga, isagoo Alle uga rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkii bahalnimada ee ka dhacay xarunta warshadaha ee magaalada Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo dowladda Turkiga ku adkeeyey in ay u midoobaan sidii ay uga hortigi lahaayeen dhacdooyinka noocan ah.

Waxa uuna Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisto, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey si cad u cambaaraysay weerarka argagixiso ee lagu qaaday Turkish Aerospace Industries (TUSAS) ee Kahramankazan, Ankara, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Weerarkan ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 5 qof, halka 22 kalana ku dhaawacmeen, kadib markii laba nin oo hubeysnaa ay weerareen xarunta dhexe ee warshadaha.

Sawirro: Golaha Wasiirrada oo caawa yeeshay kulan looga hadlay qodobo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaasi oo dhaca Khamiis kasta, balse waxaa laga soo hor mariyey waqtigiisa.

Kulanka caawa ee golaha ayaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania.

Heshiiskaas ayaa ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre.

Shirka caawa waxaa shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana jiray ajendayaal kale.

Waxaa lagu soo bandhigay warbixino kala duwan oo la xiriira amniga, halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), Jihaynta warbaahinta iyo canshuurta gadista ee dalka laga dhaqan geliyay.

DF oo war culus ka soo saartay weerar lagu qaaday xarunta diyaaradaha Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u canbaaraysay weerarka argagixiso ee foosha xun ee lagu qaaday Turkish Aerospace Industries (TUSAS) ee Kahramankazan, Ankara, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibbanayaasha, annagoo garab taagan shacabka iyo dowladda Turkiga xilligan adag,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaan uusan kaliya halis ku aheyn Turkiga, “balse uu dharbaaxo ku yahay nabadda iyo amniga caalamka.”

“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay, waxay khatar ku tahay xasilloonida dalalka iyo badqabka dadka oo dhan, Soomaaliya oo muddo dheer dagaal kula jirtay argagixisada, si qoto dheer ayay ula damqanaysaa walaalaheeda Turkiga, waxayna la wadaageysaa murugada,” ayaa lagu yiri Bayaanka Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay jawaabta deg degga ah ee ciidamada amniga Turkiga ay ka bixiyeen weerarkaas, “waxaan ku kalsoonahay in kuwa masuulka ka ah lala xisaabtami doono,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga u xaqiijisay in go’aankeedu uu yahay inay sii waddo wada shaqeynta ay la leedahay Turkiga iyo beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, Iskaashigeenu uu ka xoog badan yahay intii hore, kaas oo ku dhisan qiyamka aan wadaagno, kalsoonida, iyo u heellanaanta nabadda.

“Xilliyadan adag Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay mideeyaan dadaallada iyo iskaashiga, si looga hortago dhibaatada argagixisada ee caalamka oo dhan,” ayaa lagu yiri warkaan ay caawa soo saartay dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii qoraalka dowladda Soomaaliya waxaa lagu yiri, “Wadajir waxaan u xaqiijin karnaa in ficillada noocan  oo kale ah aysan wiiqi doonin go’aankeena ah inaan ilaalino dadkeenna iyo nabadda caalamka.”

Sawirro: Weerar ka socda warshadda diyaaradaha dagaalka ee Turkiga

0

Ankara (Caasimada Online) – Rasaas iyo qaraxyo ayaa ka bilowday banaanka xarunta Warshadaha Diyaaradaha (TAI) ee dowladda Turkiga.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa ku tilmaamay tan inay tahay “weerar argagixiso.”

Afar qof ayaa la dilay, waxaana ku dhaawacmay 14 oo kale, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda Turkiga.

Hadaba waa maxay Warshadaha Diyaaradaha (TAI) ee Turkiga?

TAI waa shirkad dawladeed oo ku takhasustay hubka iyo tiknoolajiyada hawada ee dowladda Turkiga.

Warshadaan waxay ku taallaa Kahramankazan oo qiyaastii 28 KM waqooyi galbeed ka xigta magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Dowladda Soomaaliya oo deg deg war uga soo saartay weerarkaan ayaa ka tacsiyeysay khasaaraha ka dhashay, iyadoo ku talisay in argagixisada oo ah khatar caalami ah meel looga soo wadajeesto.

Waxaa lasoo bandhigay sawirrada qaar ka mid ah ragga fuliyey weerarkaas oo kaamiradaha qarsoon ay qabteen iyagoo dagaalamaya.

 

XASAN Sheekh oo iska tiray mid kamid ah eeddihii abaal-dhaca siyaasadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Maxamed Cilmi Nuur ayaa toddobaadkan dib ugu soo laabtay golaha wasiirada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza.

Ninkan oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD waa mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, deegaan ahaana waa reer Boorama.

Intii mucaaradka la’ahaa wuxuu waqtigiisa u huray Xasan Sheekh iyo xisbigiisa. Markii ay doorashada ku guuleysteen waxaa laga dhigay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, laakiin 11 bilood kadib waxaa shaqada looga eryay si foolxun oo aan la fileyn inuu Xasan Sheekh ula dhaqmayo qof kooxdiisa, weliba qof sida Dr. Cilmi oo kale ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa awooddii reer Waqooyiga u gacan geliyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Salaax Jaamac iyo Biixi Iiman Cige oo hadda ah wasiirka maaliyadda, kuwaas oo Xasan Sheekh codad kula heshiiyay dhowr habeen kahor doorashadii madaxweynaha ee 15-kii May.

Dr. Cilmi waxaa loo arkaayay qofka ugu muhiimsan reer Waqooyiga la jooga Xasan Sheekh, laakiin dharbaaxadii ku dhacday bishii July 2023 ayaa si weyn u dhaawacday.

Dhinaca Cilmi, midda dad badan ka yaabisay waa in uusan mucaarad noqon, si dhowna ula sii shaqeeyay madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayey dad badan ku dhalleeceyeen inuu ku abaal dhacay Dr. Cilmi oo muddo xileedkiisi hore ku kharash gareeyay inuu Xasan Sheekh wax ka dhisto.

Intii uu ka maqnaa xukuumadda waxa uu ninkaan soo bandhigay dhaqan siyaasadeed ugub ah, isagoo sii difaacayay dowladda, taageerana u muujinayay madaxweynaha iyo nidaamkiisa, taas oo Xasan Sheekh ku qasabtay inuu is-ceebsado kadibna amro in Dr. Cilmi lagu soo celiyo golaha wasiirada.

Ninkaan ayaa shalay loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo guryeynta ee dowladda federaalka ah, waxaana sidaas ku baxay oo kursiga xisaab beeleed ahaan ku waayay wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada.

In Dr. Cilmi dib loogu soo celiyo golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ah waxay dad badan u arkaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh dib u saxay qaladkiisi iyo “inuu iska tiray eedii abaal-dhac siyaasadeedka.”

Inkasta oo wasaaraddii laga eryay Dr. Cilmi iyo midda hadda la siiyay uu farqi weyn u dhaxeeyo marka laga hadlayo awoodaha iyo mudnaanta gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, haddana in si guud lasoo celiyo ayaa Dr. Cilmi dib uga caawin doonta inuu hagaajiyo bandhigiisa siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh inkasta oo dhaliilo badan leeyahay, haddana nin kooxnimada ku xun laguma sheego. Mararka qaar waa dhacdaa inay qoysnimada kala xoog badiso siyaasada iyo saaxiibtinimada, haddana nin baraarug fiican leh ayaa loo arkaa.