25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Maqaayad ku taalla Muqdisho oo la qarxiyay + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimasa Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Geeddi, waxaana lala beegsaday maqaayad ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku shaaxayay halkaasi.

Ku dhowaad 5 qof ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray goobta la qarxiyay oo ah maqaayad ay lahaayeen dad ganacsato ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray halka uu qaraxu ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxaasi.

Miinadan lala beegsaday maqaayadda ku taalla degmada Kaaraan ayaa kusoo aaday, xilli maalmahan dambe ay Muqdisho ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka dambeeyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Weerarkii ugu dambeeyay oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa waxaa dhowaan kooxda ay la beegsatay maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Iskuul Buluusiyo ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen askar iyo dad kale oo shaca ah.

Xog: Shirka golaha wada-tashiga qaran oo dib uga furmayo Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu dib uga furmo shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka, kaas oo uu horay ugu yimid fashil siyaasadeed oo wayn.

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii ugu dambeeyay ee kusoo dhamaaday natiijo la’aanta ayaa lagu sheegay in 26-ka bishaan Oktoobar oo maanta ku beegan la’isugu soo laaba doono shirka, si loo sii ambo qaado wadahadallada.

Waxaa la filayaa in shirka uu guddoomiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa haatan magaalada Muqdisho ku sugan  madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle oo u yimid ka qayb-galka shirka ay hoggaamineyso Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isaga baxay shirkan, kadib markii uu ka biyo diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee qabashada doorasho qof iyo cod ah, halka uu horay uga sii maqnaa madasha madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda dhexe, si loo qanciyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale fashil kusoo dhamaaday, wuxuuna ku adkeystay in doorasho dadban uu ka qabanayo deegaannasa Jubbaland.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shirka maanta looga hadli doono xaaladda guud ee dalka, ammaanka iyo arrinta doorashada oo ah ajendaha ugu wayn ee golaha wadatashiga qaranka.

Sida uu qorshuhu yahay madaxda ayaa soo saari doonto go’aanno xasaasi ah oo ku aadan shirkooda oo noqday mid kamid ah kuwii ugu waqti dheeraa oo uu hareeyay is jiidjiid u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedka dalka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana horay looga digay in goluhu soo saaro go’aanno aysan qayb ka ahayn maamullada Puntland iyo Jubbaland oo haatan ka maqan shirka golaha wadatashiga qaranka.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Yaaq-bariweyne

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay gudaha deegaanka Yaaq-bariweyne oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad deegaanka ah, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Dagaalka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo kor u dhaafeysa 20 ruux oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo shacab, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Labada dhinac ee dagaalamay ayaa weli isku horfadhiya Yaaq-bariweyne, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale ay isku fara saaraan halkaasi, maadaama ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan magaalada, waxaana isugu soo haray dhinacyada dagaalamaya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kasoo jeedo deegaanka, isla markaana taabacsan maleeshiyaadka kasoo horjeedo Koonfur Galbeed ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday dhankooda, balse ay iska difaaceen ayna khasaare dhimasho leh gaarsiiyeen ciidanka soo weeraray, gaadiidna ay ka gubeen, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka, kan gobolka Shabeelaha Hoose iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalka Yaaq-bariweyne.

Koonfur Galbeed ayaa horay ugu eedeysay maleeshiyaadkan inay isbaarooyin soo dhigteen halkaasi, waxaana sidaas uga dhex qarxay dagaalka oo saameyntiisa laga dareemay guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Xamza oo ku dhowaaqay inuu bilowday geedigii lagu carraabin lahaa gaajada iyo faqriga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay inuu si dhab ah u billowday sahankii iyo geeddigii looga bixi lahaa gaajada iyo faqriga.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhaweynayay Markabka Oruc Reis oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya, ayna ka qayb-galeen madaxda qaranka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa sheegay in Alle idankii Soomaaliya ay ka gudbi doonto saboolnomada.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maanta ay billaabatay hawshii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dabiiciga ah ee Illaahey dalkeena dhex dhigay.

Mudane Xamza ayaa u mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Turkiga, isagoo intaa raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta ku faraxsan yihiin in aan u taaganahay dhaqan-gelinta heshiisyadii aan la galnay walaalaheenna Turkiga.

Heshiisyadan ayaa salka ku haya dhanka amniga, dhaqaalaha iyo soo saarista shidaalka, kuwaasi oo uu sheegay inay ay horseed u noqon doonaan kobcinta dhaqaalaha dalka, sugidda amniga iyo dalkeenu gaaro isku filnaansho dhan walba ah.

Tallaabadan ayey ku macneysay dowladda Xasan Sheekh mid taariikhi ah oo horseedi doonta horumar dhaqaale iyo shaqo abuur ballaaran.

Sidoo kalena waa mid soo bandhigeysa sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in ay si wanaagsan uga faa’iideysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay, iyada oo ilaalinaysa danta guud iyo maslaxadda shacabka.

Sawirro: Maxamuud Qayliyoow oo lagu dilay howlgal ka dhacay…

0

Kismaayo (Caasimada Online) –  Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah Dharkeen Urur iyo Orgiyoow oo katirsan gobalka Jubada Hoose, waxaana lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay howlgalka, iyada oo magaca sarkaalka lagu dilay lagu sheegay Maxamuud Cali Xuseen oo afgarshadiisu ay tahay (Qayliyoow).

“Maxamuud Cali Xuseen oo magaciisa afgarshada ee kooxda Argagixisada ugu yeeraan uu yahay (Qayliyoow) dadka degaankana ay u yaqaanay (Goobe) ayaa lagu dilaay howgal qorsheysan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Qeyliyoow uu kooxda u qaabilsanaa sahanka, sirdoonka iyo qaraxyada miinooyinka, isla marlaana uu dhibaato ku hayay dadka shacabka ah.

“Qeyliyoow oo xubin muhiim u ahaa Argagixisada ayaa waxa uu u qaabilsanaa sahanka, sirdoonka, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo sahminta xerooyinka la weerarayo,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxafadeedka.

Jubbooyinka ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeyo kooxda iyo ciidamada huwanta ee ku sugan furimaha hore ee Jubbaland.

Ilaa goorma ayey jidadka Muqdisho u sii xirnaan doonaan joogitaanka Oruç Reis?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa xiran sabab la xiriirta sugidda amniga Markabka Oruç Reis ee ku soo xirtay dekedda magaalada Muqdisho, kaas oo bilaabaya baaritaanka shidaalka Soomaaliya.

Oruç Reis oo inta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Turkiga ku soo jiray in ka badan 20 cisho ayaa maanta munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyey magaalada Muqdisho, gaar ahaan dekedda.

Jidadka Muqdisho ayaa sii xiraa doona saacada soo socda sida ay ogaatay Caasimada Online, maadaama Markabkaan inta uu joogo dekedda aysan suurtagal aheyn in la fasaxo dhaq-dhaqaaqa magaalada, sida ay noo sheegeen saraakiil dhanka ammaanka ah.

Waxaa suurtagal ah in Markabkaan uu maalmo sii joogo Muqdisho, mudadaasna ay wadooyinkii sii xiraadaan, sida aan xogtaan ku heleyn, laakiin waxaa suurtagal ah in wadooyinka ka fog dekedda la furo, maadaama dowladdu culeys badan kala kulmeyso jidadka laga xiray shacabka.

Shacabka Muqdisho ayaa saakay oo Jimco aheyd ku soo toosay wadooyinka magaalada oo xiran, maadaama xalay Markabka Oruç Reis oo muddo la sugaayey uu xalay soo gaaray Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa fursad weyn u aragta dhaqan galka bilowday ee heshiiskii ay la gashay dowladda Turkiga, taasi oo muujineysa in culeys badan aysan u arkin jidadka xiran ee caqabadda nololeed ku ah shacabka xoogsatada ah ee ku nool magaalada Muqdisho.

Markii laga soo tago xubnaha Saraakiisha iyo Injineerada ah ee Markabkaan la socda, waxaa jirta masuuliyiin kale oo wasiirro ay hoggaminayaan oo Muqdisho timid shalay iyo maanta, kuwaas oo wasiirka Batroolka Turkiga uu ku jiro.

Ma jirin wargelin ay heleen shacabka jidadka laga xiray ee ku nool magaalada Muqdisho, maadaama ay si daran noloshooda maalinlaha ah u saameyso hadii jidadka laga xirto.

Sidoo kale ma jirto faahfaahin laga siiyey goorta loo furayo jidadka, waxayna dadka qaar dowladda ku dhaliilayaan go’aankaan saameynta leh ee digniinta ama wargelinta aan wadan.

Israa’iil oo saaka WEERAR culus ku qaaday IRAN

Tehran (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday Iran, ayada oo uga aargudaneysa weerarkii gantaallada ballistic-ga ee Tehran ay ku qaaday Israa’iil 1-dii October, waxaa sidaas xaqiijiyey ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Taleefishinka qaranka Iran ayaa sheegay in qaraxyo ay ka dhaceen meelo badan oo dalkaasi ah, oo ay ku jirto Tehran. 

Sidoo kale, militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay “duqeymo sugan la beegsanayaan” bartilmaameedyo militari oo ku yaalla Iran.

Saraakiisha Maraykanka iyo Israa’iil waxay rumaysan yihiin in Iran ay uga jawaabi doonto qaab milatari, balse waxay rajaynayaan in ay noqoto jawaab xaddidan, si labada dhinac ay bar-bar dhac u noqdaan.

Maamulka Biden ayaa ka walaacsan in jawaab ballaaran oo Iran ay bixiso ay horseedi karto dagaal ballaaran oo dhex-mara Tehran iyo Tel Aviv. 

Milatariga Maraykanka ayaa xoojiyay ciidamadooda gobolka dhowrkii toddobaad ee ugu dambeeyay ka hor weerarka Israel ay ku qaaday Iran.                 

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay in Iran laga joojiyo in ay jawaabto, lagana caawiyo Israa’iil in ay iska difaacdo gantaallada Iran. 

Madaxweyne Biden iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa go’aansaday in nidaamka difaaca gantaalaha ee THAAD la geeyo Israa’iil oo ay la socdaan shaqaale ka tirsan hawl-wadeennada millatariga Maraykanka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in askarta Maraykanku ay ka qayb qaadan karaan dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran ayaga oo ku sugan Israa’iil.

Daawo: Farriinta Madaxweyne Xasan Sheekh “Anagaa isku fadhinee aan iska kacno”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabadda soo dhaweynta markabka sahminaya shidaalka Soomaaliya, taas oo ka dhacday dekedda weyne ee magaalada Muqdisho, wuxuuna fariin xasaasi ah u diray dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa aad ugu canaantay dadka Soomaaliyeed is cuuryaaminta dhexdooda ah, isagoo kula taliyey in wax badan laga bedelo hab-dhaqankaan.

“Soomaaliyey walaalayaal kheyraad waan heysanaa, fursadna waan heysanaa ee anagaa isku fadhinee aan iska kacno, adduunyadu sida ay u nooshahay aan u noolaano,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa qiray in dhibaato ay ka imaan karto shidaalka markii la qado, hadii aan laga feejignaan, “Waan aragnaa dadka shidaalka soo saartay ee isku dilay iyo kuwa ka faa’iiday labaduna waa ka jiraan caalamka, marka jidka saxan anaga ayaa doora karna,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xukuumadda iyo baarlamaanka uga mahadceliyey ansixinta iyo ka shaqeynta heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee lagu qodayo shidaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay aad ugu midoobeen arrinta shidaalka, “Xitaa dhalinyarada Social Media-ha ee mararka qaar baahi jirtay waxyaabaha aan habooneyn, waxaa muuqata oo aan aragnaa inay u midoobeen arrinta shidaalka,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay fursadaan ka faa’iideystaan, kana soo tagaan danaha yaryar ee daciifka ah, maadaama caalamka dhan uu u heelan yahay maalgashiga iyo garab istaagga Soomaaliya.

“Tan iyo markii aan heshiiska baarista shidaalka la galnay Turkiga waxaa na soo wada eegtay dunida,” Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Daawo: Madaxweyne Xasan oo khudbad cajiib ah ka jeediyey dekedda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qeybgalay Dekedda Muqdisho munaasabad lagu soo dhaweynayey Markabka ORUC REIS oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeenna ayaa xusay rajada ay leedahay Soomaaliya oo ka faa’iidaysta khayraadkeeda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mid taariikhi ah oo horseedi doonta horumar dhaqaale iyo shaqo abuur ballaaran.

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si wanaagsan uga faa’iideysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay.

Xasan Sheekh ayaa xoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya inta ay socoto howshaan ay ilaali doonto danta guud iyo maslaxadda shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyey Madaweynaha Turkiga Mudan Rajab Dayib Ordogan iyo shacabka dalkaas oo si walaalnimo ah u garab istaagay dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca Umadda Soomaalyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka, Dowladda Turkiga iyo hoggaankeeda Mudane Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u xasuusiya caalamka,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas ku sii daray, “Maanta mar kale ayaad qaadateen go’aan ku saabsan xoojinta horumarka, dhaqaalaha iyo awoodda Soomaaliya.”

Hoos ka daawo Khudbadii Madaxweynaha oo dhameystiran:

Daawo: Cali Guudlaawe oo tegay furimaha dagaalka hal arrina faray ciidamada

0

Xawaadley (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeer ugu tegay Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Hirshabeelle iyo ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanka Mukay-dheere ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamadaan ayaa halkaas kawada howlgal ka dhan ah khawaarijta, waxayna ku guuleysteen inay Khawaarijta ka xoreeyaan deegaano badan oo dhaca inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Howlgalkaan ayaa hadda ka socda dhulka galbeedka ka xiga wadada xiriirisa labada degmo, waxaana Khawaarijta laga eryey deegaano ay si dhuumaaleysi ah ku imaa jireen.

Madaxweynaha oo kulan la qaatay saraakiisha horkacaysa howlgalkaan waxa uu kula dardaamay ciribtirka cadowga naflacaariga ah ee ku go’doonsan deegaano hoostaga degmada Balcad iyo xoreynta dhulka howdka ah ee hoostaga deegaanka Xawaadley.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in Shabaab ay joogaan markoodii ugu dambeysay, isla markaana ay aad isku soo dhiibayaan maalmahaan.

“Maalmaha soo socda qulqulkooda waa la yaabi doonaa, nimankaasi waa jabeen, inta hartayna waad dhameystiri doontaan, meel kasta oo ay aadaan ciidamadeenu waa daba kici doonaan, insha allah Shabaab waa u dhamaatay,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa xusay kadib howgalkaan inuu bilaaban doono dhismaha laamiga isku-xiraya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Hoos ka daawo

Maxaa ka socda dekedda Muqdisho kadib imaatinka markabka Oruc Reis? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan kaga qeyb-galaya dekedda Muqdisho munaasabad lagu soo dhaweynayo markabka Oruc Reis oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda Turkiga, kuwaasi oo uu hoggaaminayo wasiirka tamarta dalkaasi.

Markabka Oruc Reis ayaa shidaal baarista ka bilaabaya xeebaha Galmudug oo ah qeybaha uu sida rasmiga ah baarista shidaalka uga sameynayo.

Howl-galka Markabka Oruc Reis ayaa qaadan doona muddo todobo bilood, waxaana si rasmi ah loo soo gaba-gabeyn doonaa bisha May 2025.

Wasiirka Warfaafinta XFS, Daa’uud Aweys Jaamac oo isna munaasabada ka qeyb-galay ayaa munaasabadda ku tilmaamay mid taariikhi ah oo fursad weyn u ah dalka, si uu uga baxo xaalada adag ee uu ku jiray dhowr sano.

Daa’uud ayaa sheegay in mashruuca sahminta shidaalka uu wax badan ka bedeli doono mustaqbalka Soomaaliya iyo sawirka guud ee caalamka looga haysto dalka. 

Wasiirka oo sharaxaad ka bixinayay marxaladaha uu mashruucu soo maray ayaa xusay in heshiiska uu ku bilawday wada shaqeyn rasmi ah oo ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. 

Markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato sahminta shidaalka badda Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo wax weyn ka tari karta culeysyada dhaqaale ee dalka muddo dheer la tacaalayay.

LAFTA-GAREEN oo qaaday tallaabo xasaasi ah oo la xiriirta Shabeellaha Hoose

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kala diray dhammaan garsoorayaasha ka howl-gala gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulkaasi.

Wareegtadaan oo maanta taariikhdu tahay 25-ka Octobar kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu kala diray garsoorayaasha maxkamadda racfaanka, kan gobolka Shabeellaha Hoose iyo ku-xigeenada garsoorayaasha.

Kala dirista garsoorayaasha ayuu Lafta-gareeb ku sababaeeyay habacsanaan ka jirta howlaha adeega garsoorka ee gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

“Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya markuu dhageystay talo soo jeedinta wasiirka wasaaradda cadaalada iyo garsoorka ee DKGS, wuxuu soo saaray xeerkan laga bilaabo maanta in kala diray dhamaan garsoorayaasha maxkamadda racfaanka gobolka Sh/Hoose, garsoorayaasha maxkamadda gobolka iyo kux-geennada xeer ilaalinta,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka maamulka ayaa horey madaxweyne Lafta-gareen ugu gudbisay cod kala diris garsoorayaasha iyo xeer ilaalinta gobolka Shabeellaha Hoose.

“Xeerkan ayaa waxa uu dhaqan-gal noqday marka uu saxiixo madaxweynaha dowla=goboleedka Koonfur Galbeed,” kaasi oo maanta faafinta rasmiga ah kusoo baxday.

Sawirro: Xasan Sheekh iyo Xamza oo madaxtooyadda ku qaabilay Bayraktar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wasiirka tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wasiir Bayraktar iyo wafdiga uu horkacayo ayaa ka qeyb-galaya munaasabadda taariikhiga ah ee soo dhawaynta markabka Oruç Reis ee howlaha shidaal sahminta ah u yimid Soomaaliya.

Kulanka madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta dowladda Turkiga, waxaa sidoo kale qayb ka ahaa ra’iisul wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Oruç Reis ayaa saakay soo istaagay dekedda magaalada Muqdisho, halkaasi oo haatan ay ka socoto qaban-qaabada munaasabad lagu soo dhaweynayo markabkan oo bilaabi doona baarista shidaalka ee Soomaaliya.

Madax kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiinta Turkiga ka yimid ayaa ka qeyb-galeysa munaasabada soo dhaweynta markabkan oo ah mid taariikhi ah.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer, iyada oo horraanta sanadkan ay labada dhinac qalinka ku duugeen heshiiska dhanka difaaca ah, kaas oo xukuumadda Ankara u ogolaanaya inay la wareegto difaaca biyaha Soomaaliya.

Labada dal ayaa sidoo kale dhawaan gaaray heshiis baaris shidaal ah, kaas oo dhigaya in Turkiga uu shidaal ka baari doono saddex aag oo ku yaalla gudaha biyaha Soomaaliya.

DAACISH oo kumanaan dollar ka faa’iiday xiisadda ka taagan Boosaaso – Sidee?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Daacishta Soomaaliya ayaa si weyn uga faa’iideysatay xiisadda ka taagan magaalada Boosaaso ee u dhaxeysa hoggaanka ciidanka PSF iyo maamulka Saciid Deni.

Kooxdan oo haatan dagaal-yahanadeeda ku sugan yihiin gobolka bari ee Puntland ayaa waxaa soo baxeysa in ay dakhli ka badan boqol kun oo dollar ay bishii ka soo xareyso lacaga ay kasoo aruuriso xarun ganacsiyadeedka Puntland ee Boosaaso.

Lacagahan ayaa waxay kooxda baad ahaan uga qaada shirkadaha isgaarsiinta iyo ganacsiyada kale ee waaweyn ee ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka bari.

Tan ayaa muujineysa sida Daacish ay uga faa’iidaysatay xasillooni darrada ka jirta magaalada Boosaaso, iyadoo kooxda ay dadaal badan ku bixineyso sidii ay kor ugu qaadi laheyd dhaqaalaha uga soo xarooda gobolka.

Daacishta Soomaaliya oo haatan noqotay xarun lagu bixiyo lacagaha lagu taageero howlaha ISIS ee dibadda ayaa sidoo kale ku lug leh ganacsiga sharci darrada ah ee dhoofinta dhuxusha ee waddamada Khaliijka.

Maal-gelinta argagixisada ISIS ayaa laga digayaa sida ay khatar weyn ugu tahay amniga gudaha iyo xasilloonida dalal badan oo Afrikaan ah.

Maamulka Puntland oo si weyn loogu dhaliilo in uusan qorshe ka laheyn kooxda ku xidideysatay gudaha maamulka, ayaa dhawaan sii daayay inay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah Daacish.

Mowqifyada is-diiddan ee ONLF iyo DDS ee wadahadalka Itoobiya – Maxaa cusub?

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Shirka howlaha ururinta ajendaha iyo xulashada ergooyinka meteli doona deegaanka Soomaalida ee madasha wadatashiga qaranka ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo gaba-gabeeyau magaalada Jigjiga.

Shirkan oo socday muddo saddex maalin ah ayaa intii uu socday qorshaha ururinta ajandaha, waxaa ka qayb-galay in ka badan 3000 oo ergo ah oo ka kala yimid degmooyinka deegaanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta deegaanka Soomaalida.

Ka qeyb-galayaasha ayaa waxa kamid ahaayeen 2000 qof oo matalayay bulshada iyo 1000 xubnood oo ka socday ururada bulshada rayidka ah. Waxayna ergooyinkan ayaa si rasmi ah u matali doona deegaanka Soomaalida madasha wadatashiga qaranka ee Itoobiya.

Ugu dambeyntii, ajandayaasha kala duwan ayaa la mideeyay waxaana lagu wareejiyay komishineerka guud ee komishinka wadatashiga qaranka ee Itoobiya.

Tan ayaa imaneysa xilli jabhadda xoreynta ogaadeeniya (ONLF) ay ku dhawaaqday inay hakisay ka qayb-galka wada-hadalka qaran ee Itoobiya markii uu shirku furmay, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay ONLF.

ONLF ayaa saluug ka muujisay tallaabooyinka ugu dambeeyay ee xisbiga talada haya ee gobolka Soomaalida, taas oo hoos u dhigtay kalsoonida wada-hadalka, maadaama uu si iskiis ah usoo xushay xubnaha ka qayb-galaya madasha, taas oo ay ku tilmaameen inay baalmarsan tahay heshiisyadii iyo xeerarkii horey loo dejiyay.

Tan ayey ONLF ku tilmaamtay hanaan kaligiis-talisnimo ah oo khilaafsan ujeeddada wada-hadalka qaran, kaas oo ahaa in la isku keeno dhammaan dhinacyada si wax looga qabto arrimaha dhaliyay khilaafaadka.

Muxuu dowlad deegaanka ka qabaa arrintaan?

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa ayaa meesha ka saaray saluuga ay muujisay ONLF, isagoo sheegay in wada-hadalka qaranka uu yahay mid u gaar ah Soomaalida.

Cagjar ayaa tilmaamay in uusan jirin ajande ama go’aan lagu gaarayo shir aan loo qaadin afti dadweyne, taas oo ka duwan sheegashada ururka ay sii kala furanayaan xukuumadda federaalka Itoobiya.

“Wadaxaajoodka Qaran ma jirto cid aan Soomaali ahayn oo la shir tagaya ajandayaasha Soomaalida. Majirto in tiro aan inoo qalmin la ina siiyay,” ayuu madaxweyne Cagjar ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray “Sida ayna u jirin calan, magac, iyo caasimad la badalayo ayayna u jirin hindisayaal halis ku ah shacabka Deegaanka Soomaalida oo lagu karkarinayo hanaanka wadaxaajoodka qaran ee socda. Wixii aan u cuntamayn shacabkana waxay haystaan fursad ay codkooda ku muujiyaan maadama afti laga qaadi doono.”

Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xilli ay sii xumaanayso xaalada geeska ka jirta, taas oo ka dhalatay is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee Itoobiya la gaartay Somaliland, kaas oo xulafo horleh ka abuuray gobolka.

Daawo: Fiqi oo si adag uga hadlay canshuurta la sheegay in gobolka uu soo rogay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay guuxa dadweynaha oo ka dhashay canshuurta ay ka cabanayaan dadka reer Muqdisho, gaar ahaan diiwaan-gelinta uu bilaabay maamulka gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in waxa la sheegay aysan jirin suurtagalna aysan aheyn arrintaas, isla markaana sida wax loo sheegay aysan waxaba u jirin.

Fiqi ayaa sheegay inay dowladu keentay qalab lagu tirakoobi doono dadka Soomaaliyeed, iyadoo aan loo kala saareynin degmo ama gobol.

“Hadda sida ay wax ku socdaan sax maaha, ma jirto qof sanad kasta dhalata, hadana mar kasta waxaa qofka waajib looga dhigay in sanad kasta uu sameysto warqad dhalasho, warqad dhalasho miyaa dhacda? Waxaa la rabaa tii halmar aad soo jaratay inaad mar kasta isticmaasho,” ayuu yiri Fiqi.

Kulanka uu ka hadlay wasiir Fiqi ma joogin maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna ku dhaliilay sababta ay uga maqan yihiin dadkana aysan faahfaahin u siineyn.

“Maamulka gobolka waa inay saxaan wixii qaldan dadkana la hadlaan, halkaan inay yimaadaan oo dadka u cadeeyaan in qof dhashay, meyd, aroos iyo qudbasiro aan canshuur gaar ah laga rabin, hadii laga rabana ay sabab u yeelaan, kuna qanciyaan shacabka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay ku filan tahay shaqada diiwaan gelinta dadka, isagoo xusay in carruurta dhalaneysa diiwaan gelintooda ay mushkilad ka taagan tahay, balse dadka waaweyn aysan dhib badneyn.

Hoos ka daawo

DF Soomaaliya oo kulamo xasaasi ah la qaadatay 5 dowlad oo weyn + Sawirro

0

Washington (Caasimada Online) – Wafdiga dowladda Soomaaliya ee ku sugan Washington DC ayaa isagoo ka qeyb-galaya shirarka loo dhan yahay ee sanadlaha IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024 waxa uu kulamo xasaasi ah la qaatay dowladdaha UK, Norway, Sweden, Spain iyo Denmark.

Wafdigan oo uu horkacayo wasiirka wasaaradda maaliyadda XFS ayaa wuxuu kulamo doceedyo miro-dhal ah la yeeshay masuuliyiin ka socotay dalalka qaaradda Yurub ee qeybta ka ah geeddiga Soomaaliya ee horumarinta dhaqaalaha, dhammaan kulamadaas ayaa salka ku haya horumarinta dhaqaalaha guud iyo dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya.

Dowladda UK

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa wada-xaajiod midho-dhal ah Washington ku la yeeshay Mr. Nick Dyer oo ka socda Wasaaradda Arimaha Debedda iyo Horumarinta ee Dawladda UK.

Kukanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ay Dowladda UK u kordhin lahaayeen taageerada ay siiyaan Dowladda Soomalaiya, taas oo qeyb ka qaadanaysa dar-dar galinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habaynta hanaanka dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.

“Waxa aan sidoo kale is la qaadanay, in ay taageero mug leh siiyaan sanduuqa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA-21) kaas oo wareegan saddex-sanadlaha ah Soomalaiya u fidin doona taageero mug leh, oo noo saamaxaysa in aan labo-laabno maalgelinta aan ku samaynayno adeegyada aasaasiga ah ee dadweynaha.

Dowladda Norway

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiimad gaar ah lahaa la qaatay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway haweenayda lagu magacaabo Anne Beathe iyo masuuliyiintii la scotay.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Norway kaalintii ay ka qaadatay in Soomaaliya ay ka baxdo dalalka loo yaqaano ‘kuwa ay la dageen Qaamaha’ (HIPC) taas oo dowladda Soomaaliya Masiib wanaag ay ka baxday dabayaaqadii 2023-kii.

Dowladda Sweden

Kulankan oo kamid ahaa kulamo doceedyada wasiirka wasaaradda maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayey la yeesheen wafdigii ka socday dowladda Sweden, gaar ahaan gabadha lagu magacaabo Diana Janse oo ah madaxa xafiiska horumarinta Siyaasadda iyo diblumaasiyadda ee wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Sweden.

Wada-hadalka labada dhinac ayaa waxaa ugu muhiimsanaa maalgalinta arrimaha isbadalka cimilada oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida oo Soomaaliya na ay qeyb ka tahay.

Dowladda Spain

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixinaya kulankii uu la qaatay Wafdiga Dowladda Spain ayaa yiri “Waxa fursad ii ahayd in aan la kulmo Ms. Paula Conthe oo ah xoghayaha guud ee maamulka lacagta iyo maaliyadda caalamiga ah ee wasaaradda maaliyadda Spain, iyada oo la gu jiro shirarka sanadlaha ah ee Bangiga iyo IMF.”

Kulankaan ayaa waxay masuuliyiinta ku lafa-gureen geeddigii dayn-cafinta Soomaaliya iyo dadaalada aan haatan wadno ee dib-u-habaynta maaliyadda oo dowladda Spain ay door muuqdo ku laheyd.

Wasiirka ayaa uga mahad-celiyay doorka hormuudka ah ee wadankeeda ka ciyaaray hannaankii dayn cafinta iyo wada-shaqaynta togan ee ay la lee yihiin dowladda Soomaaliya.

Dowladda Denmark

Wasiirka maaliyadda ayaa kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday dowladda Denmark oo ay hoggaaminaysay Ms. Lotte Machon oo ah xoghaya horumarinta siyaasadda caalamiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Denmark.

Wada-hadalka oo ku qotomay xiriirka labada dal ka sakoow waxaa la falan-qeeyay doorkii dowladda Denmark ay kulaheyd hannaankii deyn cafinta iyo wadamada ku bahoobay Naadiga Paris.

Dhammaam kulamadaas ay yeesheen wafdiga dowladda Soomaaliya ee shirka Washington DC ayaa ku soo idlaaday natiijo horumar u ah maaliyadda iyo dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.

DF oo soo saartay bayaan looga hadlay safarkii Xasan, dagaalka iyo heshiiska difaac…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warbixinta toddobaadlaha ee dowladda, taas oo looga hadlay safarkii u dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh ku maray dalalka ciidamada ka joogaan dalka.

Warbixinta oo ka kooban 21 qodob ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay halka uu marayo dagaalka Al-Shabaab ka dhan ah iyo horumarada laga sameeyay.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah warbixinta heshiiska dhanka difaaca ee dalalka Soomaaliya iyo Tanzania, kaas oo ay ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya iyo qodobo kale.

Hoos ka aqriso qoddobada oo dhameystiran;

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu booqday dalalka Uganda, Burundi, Djibiuti iyo Kenya, wadahadalana la soo yeeshay madaxda dalalkaasi oo ciidamo qeyb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ay ka joogaan Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka Taleefonka kula Xiriirey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan isagoo uga tacsiiyey weerarkii argagixiso ee ka dhacey magaalada Ankara.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb galay bandhigga waxqabadka maamulka Gobolka Banaadir ee 2023-2024.

4- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeybgaley shirweyne looga hadlayey hanaanka isticmaalka tiknoloojiyadda ee nidaamka maaliyadda.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacabay xubno cusub oo wasiiro ah oo uu ka mid yahay Cabdisalaan Cabdi Cali oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad.

6- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiis dhinaca difaaca oo dhexmaraya dalalka Soomaaliya iyo Tanzania.

7- Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay 195 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xanibnaa dalka Libya.

8- Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Bankiga Addunka iyo IMF, isagoo soo bandhigay hormarka laga gaaray dib-u habeynta dhaqaalaha dalka.

9- Wasiirka Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay yareynta faqriga iyo kororka dhaqaalaha Dalka.

10- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluugga Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa magaalada Jowhar ka daahfuray shirka afaraad ee arrimaha kalluumeysiga dalka.

11- Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ilaa 30 ka tirsan Khawaarijta ku dileen hawlgalo laga fuliyay deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobolka Mudug.

12- Boqorka dalka Malaysia Sultan Ibraahim ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona halkaasi Mudane Cali Maxamed Abuukar.

13- Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji ayaa daahfuray mashruuc daryeel caafimaad oo ay ka faa’iideysanayaan in ka badan 50 kun oo ardey oo ka cabanaya dhibaatooyinka aragga.

14- Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsoyayesay geerida Abwaan Sugaal Cabdulle, oo ka tirsanaa Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

15- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Ciidamada Qalabka Sida ay dileen ilaa 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta argagixisada hawlgalo ka dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Gariile ee Gobolka Galgaduud.

16- Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa ku guulaysatay in ay dalka dib loogu soo celiyo 157 muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xanibnaa dalkaas.

17-Hantidhowraha guud ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa ka qeybgalay kulanka heerka sare ee Shirka Qorsheynta Baarista Hantidhowr ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika EAC. oo lagu qabtay magaalada Mwanza, ee dalka Tanzania.

18-Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho kula wareegtay markab sidaty shixnad gargaar oo Turkiga ugu deeqay Soomaaliya.

19-Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan taliyeyaasha hoggaanda iyo qeybaha kala duwan ee booliska.

20-Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Wang Yu.

21-Taliye ku-xigeenka ciidanka dhulka Soomaaliya S/Guuto Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa kormeeray deegaannadii dhowaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Markabka baaraya shidaalka oo soo gaaray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Markabka sahminta shidaalka ee dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Markabkan oo lagu magacaabo Oruç Reis ayaa soo istaagay dekedda magaalada Muqdisho, halkaasi oo haatan ay ka socoto munaasabad lagu soo dhaweynayo markabkan oo bilaabi doona howl-galka shidaal baarista ee Soomaaliya.

Madax kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb-galeysa munaasabada soo dhaweynta markabkan oo ah mid taariikhi ah.

Markabkaan Oruç Reis ayaa horraantii bishan xeebaha Turkiga waxaa ka soo sabootiyey madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo wasiirka batroolka XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Markabkan ayaa Soomaaliya wuxuu ka fulinayaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15000 KM2 Square.

Sidoo kale wuxuu howl-galkiisu qaadan doonaa qiyaastii toddoba bilood, si uu sahmin uga sameeyo Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sameyn doonaan xog uruurin ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, taas oo hagi doonto howlaha qodista ee mustaqbalka shidaalka Soomaaliya.

Markabka Oruç Reis oo dhererkiisu yahay 87 mitir iyo ballaciisu yahay 23 mitir ayaa loo aqoonsaday inuu yahay hanti muhiim ah oo kamid ah dadaallada sahminta badda ee Turkiga.

Tallaabadan ayaa ka dambeysa kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar, kaas oo la xiriiray shidaal baarista iyo soo saarista, wuxuuna u fasaxayaa shirkadda Turkish Petroleum helista shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya.

Wasiirka tamarta Turkiga oo gaaray Muqdisho xilli uu Oruc kusoo xirtay dekeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Turkiga Dr. Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiir Bayraktar iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galaya munaasabadda soo dhaweynta markabka shidaalka sahminaya ee Oruç Reis, kaasi oo saaka ku soo xirtay dekedda Muqdisho.

Wasiirka batroolka xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa wafdigan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

“Imaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee illaa shalay dalka soo gaarayay ayaa caddeyn u ah sida ay dhacdada maanta loo taagan yahay u noqonayso daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal;” ayuu yiri wasiirka batroolka.

Markabka Oruç Reis ayaa horraantii bishan xeebaha Turkiga waxaa ka soo sabootiyey madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo wasiirka batroolka XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Markabkaan ayaa Soomaaliya wuxuu ka fulinayaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15000 KM2 Square.

Sidoo kale wuxuu howl-galkiisu qaadan doonaa qiyaastii toddoba bilood, si uu sahmin uga sameeyo Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sameyn doonaan xog uruurin ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, taas oo hagi doonto howlaha qodista ee mustaqbalka shidaalka Soomaaliya.

Imaatinka markabkan ayaa wuxuu daba socdaa heshiiska iskaashi tamar ee labada dal kala saxiixdeen, kaas oo la xiriiray shidaal baarista iyo soo saarista, waxaana Turkiga uu ogolaansho u haystaa saddex goob oo kamid ah badda Soomaaliya.