25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Xog xasaasi ah oo ka soo korortay dilkii hooyo iyo gabdhaheeda loogu geystay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kiiska dilka loo geystay hooyo Soomaaliyeed, gabadheeda iyo gabadh kale oo ay habar-yar u tahay, kuwaas meydadkooda laga helay gudaha Nairobi.

Waaxda dambi-baarista Kenya ee DCI ayaa shaacisay in baaritaan ay sameeyeen lagu ogaaday tuhmanaha ugu weyn ee kiiskaan, ayada oo soo bandhigtay xogta ninkaan.

“Dembi-baarayaasha ku daba jiray dilalka foosha xun ee loo geystay saddex xubnood oo hal qoys ah oo kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo gabar 12 jir ah oo ay habaryar u ahayd, ayaa aqoonsaday tuhmanaha ugu weyn ee looga shakisan yahay dilkaas,” ayaa lagu yiri qoraal ay waaxda dambi-baarista Kenya ku baahisay barteeda Facebook.

Sidoo kale waxay waaxdu soo bandhigtay sawirka iyo magaca nin ay sheegeen inuu ahaa darawalkii waday gaariga qaaday gabdhaha la dilay.

“Baaritaanada ilaa hadda la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tuhmanaha uu dhibbanayaasha kasoo qaaday gurigooda Islii 21-kii October, 2024, saacado ka hor inta aan meydkooda la helin oo meelo kala duwan la dhigay.”

Baabuurka lagu qaaday haweenka la dilay ayaa laga helay meel cidlo ah, oo ku dhow suuqa suuqa Wakulima, iyada oo DCI ay u jiidatay xarunteeda si baaritaan dheeraad loogu sameeyo.

“Iyadoo hal qof oo la tuhunsan yahay uu xiran yahay oo gacan ka geysanayo baaritaanka, waxaan ka codsaneynaa qof kasta oo laga yaabo inuu helo macluumaad gacan ka geysan kara xiritaanka ninkaan inuu la soo xiriiro DCI”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay DCI .

Allaha u naxariistee hooyada iyo labada gabdhood ayaa shalay lagu aasay xabaalaha Langata ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay aaskooda ka soo qeyb-galeen dadweyne aad u fara badan.

Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay shirka maanta ka furmay VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada ayaa maanta markale dib uga furmay magaalada Muqdisho.

Furitaanka shirkan ayaa waxaa durba ka dhalatay fal-celin xooggan, maadaama ay shirka ka maqan yihiin madax goboleedyada qaarkood, halka ay soo xaadireen madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan oo inta uu socdo looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka iyo xaaladda guud ee dalka ayaa waxaa horay isaga baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, halka uu horay uga sii maqnaa madasha madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?
·
Cabdirashiid Muxiyadiin: “Kulanka xiga waxaa ka baqaa in 2 kale la waayo ee Madaale Villa-da yuusan ka bixin illaa amar dambe.”

“Puntland, Khaatumo, Jubbaland maamuladii Daarood Ismaaciil oo maqan waxba kama soconayaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Caaqil.

Mansuur ayaa isna waxa uu yiri “Guusha dalku waxay ku xidhan tahay waxa kasoo baxa shirkaan iyo sida loo hirgaliyo. Dalka waa inuu ka gudbaa isbaaro uu qofkasta dhigan karo.”

“Madaxweyne hadii aadan wax kheyr ah iyo wax cadaalad u ah umada marna ka shaqeyneyn ilaahay ayaa garabkaaga ka baxaya oo waxba kuu socon mayaan,” ayuu yiri Cusmaan Cabdulle Aw Cali.

Cabdirisaaq Mataan: “Dowlad goboleedyadu waa inay doorasho aadan, hadii madaxweynuhu sameeyo ku darsasho dowlad-goboleed waxa uu soo wado waa ku darsasho heer federaal, taas oo wixii uu mirinaayo sanadka u dagana oo uu ciidan ugu aruursanayay.”

Ismaaciil Maxamed Daahir ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Rag wada shaaxeeyey uma xumidiin. Shir ha dhihina sababtoo ah nin ajendihiisa meesha ku fadhiya kuma jiro marka laga reebo xasan waxa uu rabo in la fuliyo.”

“Madaxwaynaha iga gaarsiya fariintan Inta xildhibaan ka amarqata maamul goboleed markii u yeertaba aadaya horay loo socan maayo, siyasadaada uleexi xoraynta wadanka ayaga noqon doona rah biyihii ka guuren kadibna isa soo dhiibi doona,” ayuu yiri Cusmaan Sabaax.

Cali Haruuse: “Shaqo wacan ninkii dalka dib u dhiciisa iyo dadka ineey wax doortaan kasoo horjeedo yaan loo dhutin horay haloo wado dalka mudane madaxweyne.”

Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sidoo kale wuxuu isna yiri “Masha Allah guul ayaan u rajeynayaa shirka iyo doorsho qof iyo cod inta diyaarka ah ha laga qabto inta kalena markii ay diyaar noqoto ayaaa laga qabanaa horay haloo socdo.”

Shidaal qodista Soomaaliya horumar mise hoog?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka faallooday shidaal qodista Soomaaliya ee loo dhaqaaqayo, maadaama dowladda federaalka oo kaashaneysa Turkiga ay sameynayaan shidaal baaris.

Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn u soo dhaweeyay in laga faa’iideysto khayraadka dalka oo uu ugu horreeyo lasoo bixidda shidaalka, waxaase uu sheegay inay ku hor gudban yihiin caqabado waa wayn oo u baahan in xal loo helo.

Siyaasigan oo warbixintiisa ciwaan uga dhigay “Horumar mise hoog?” ayaa ku taliyay in laga fiirsado tallaabo kasta oo la qaadayo, gaar ahaan musuq-maasuq iyo ku takrifal awoodeed, wuxuuna sheegay haddii aan laga dheeraan uu shidaalka dalkeena u horseedayo dhibaato horleh, isaga oo tusaale usoo qaatay dalalka Venezuela, Nigeria, Libya, South Sudan, Sudan iyo kuwo kale.

Hoos ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:-

Waa tillaabo boggaadin mudan in aan khayraadka dalkeenna la soo baxno. Tobban sano ayaa laga joogaa markii la sameeyey sahankii 1-aad ee dalka laga billaabay sanadkii 2014, taas waxaa lagu ogaaday in Badeenna shidaal ku jiro.

Markabka Oruc Reis ee Turkiga wuxuu samayn doonaa sahanka 3D ee la xariira halka ugu habboon ee ceelka laga daloolin karo iyo qiyaaska xaddiga shidaal ee ku jira, wuxuuna qaadanaya sanad iyo ka badan, weli waa sahmin ee ma aha qoditaan.

Ceel la qodaahi waxay u baahan tahay in la geliyo maalgashi adduun oo lagu qiyaaso in uu kor u dhaafayo bilyan iyo dheeraad lacag ah, taasoo inta badan ay sameeyaan toddobada shirkad ee dunida ugu waawayn, waxayna u badan tahay in Turkigu shirkadahaas heshiis la galo, sababtoo ah iyaga ayaa halista faa’iidada iyo khasaaraha u bareeri kara haddii ay ku qancaan in ay maalgashiga sameeyaan.

Horumar mise hoog?

Dhanka kale, waxaa jirta dood soo jireen ah oo oranaysa shidaalku horumar miyuu keenaa mise hoog? (Is the discovery of oil a curse or a blessing)

Waxaa sidaas loo leeyahay waa in la arkay dalal ay ka mid yihiin Venezuela, Nigeria, Libya, South Sudan, Sudan iyo kuwo kale oo shidaal la soo baxay, laakiin uu dhibaato u horseeday, cuuryaamiyeyna wax soosaarkii kale ee dalka, colaad iyo sadbursina horseeday.

Waxa kale oo iyana jira dalal ka faa’iiday oo ay u badan yihiin dalalka Khaliijka, laakiin uu ku riday cudurka ku tiirsanaan iyo in ay wax soo saar kale yeelan waayeen, waxaa iyana jira dalal ka faa’iiday, wax saamayn taban ahna uusan ku yeelan wax soosaarkii kale ee dalka sida Norway, Maraykan, Ingiriis, iyo kuwa kale oo badan.

Muhiimaddu waxay tahay waddan in uu faqriga iyo dib-u-dhaca ka baxo kuma xirna in uu shidaalka la soo baxo ee waxay ku xiran tahay hadba sida uu nidaamka dalku u yahay mid ka fog eex, musuq, qaraabokiil iyo ku takrifal awoodda iyo hantida ummadda, dadkiisuna u siman yahay awoodda, dakhliga iyo khayraadka dalka, madaxdiisuna yihiin kuwo aamin ah oo sida ugu habboon u maareyn kara dakhliga shidaalka laga helo.

Haddiise ay yihiin kuwo abuurka dubta ama ubadka caanahooda caba, shacabka kuma qancin karaan in ay ka fishaan in ay dalagga beertaan ama caanaha qoyska ka ammaan helayaan. Shidaalku markaas wuxuu keenaa hoog ee ma aha horumar.

DENI oo shaaciyey qorshe xasaasi ah ‘oo laga lahaa’ khariiraddii muranka dhalisay

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka hurinayso colaad salka ku haysa muran dhuleed.

Madaxweynaha Puntland Deni ayaa ka jawaabayay khariirad la sheegay in ay adeegsatay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo waqooyiga gobolka Mudug ku calaamadisay degaanno lagu muransan yahay. 

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay colaad ku dhisan muran dhuleed oo dhexmarta Puntland iyo Galmudug ay ka hurinayso gobolka Mudug, si ay halkaasi dagaallo uga riddo. 

“Gobolka Mudug laguma muransana uma dulqaadan karno waxa ay waddo Dowladda Federaalku, Galmudug iyo Puntland dagaal kama dhexeeyo, qaybtada Mudugna laguma muransana” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay sida ay timid qariiradda oo lagu soo bandhigay munaasabaddii lagu qabtay dekedda Muqdisho ee lagu soo dhaweynayay markabka Turkiga ee baaraya shidaalka Soomaaliya. 

Wasiirka oo arrintan raalligelin ka bixiyay ayaa shaaciyay inuu yahay khalad farsamo oo dhacay, isla markaana ka yimid dhanka shirkadda qaban-qaabineysay munaasabadda. 

“Shalay waxaa dhacday arrin farsamo oo ahaa Qariidad aan markaas habooneen in lagu soo daray Qariidadihii meesha yaallay wixii tiknino ahaa iyo agaasinka waxaa u xil saarnaa agaasimaha guud, aniga baaritaan ayaa sameeyay saaka agaasimaha waxaan ka codsaday inuu xog sax isoo siiyo sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq Cumar. 

Dhanka kale wasiirka oo u jawaabay madaxweynaha Puntland ayaa yiri “Madaxweynaha Puntland waxa uu garan waayey MAP-2015-kii la sameeyay, Deni Sahminta Puntland isaga ayaa diiday oo horistaagay.”

Xogta kulan dhex-maray Saciid Deni iyo xildhibaanada Puntland ku metala DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Saciid Deni ayaa xalay qasriga madaxtooyada ee Garoowe kula kulmay xildhibaannada labada gole ee Puntland ku metala dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo guddoomiyaha golaha wakiilada, Cabdirisaaq Axmed Saciid, waxayna dhinacyada iska xog wareysteen xaaladda guud ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Deni uu si gaar ah xildhibaannada iyo senatorada uu la kulmay uu kala hadlay arrimo ku aadan khilaafka maamulkiisa kala dhexeeyo dowladda federaalka, kaas oo gaaray meeshii ugu xumeyd, maadaama uugo’ay xiriirka labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xubnaha uu la shiray la wadaagay mowqifkiisa ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, maadaama ay socdaan qorshayaal ay waddo dowladda dhexe oo lagu doonayo qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulamada ay sii socon doonaan, ayna ku biiri doonaan xildhibaanno kale oo Puntland kasoo jeeda oo la filayo inay tegaan Garoowe.

Saciid Deni ayaa si weyn ay isku hayaan dowladda Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna kasoo horjeestay qorshayaasheeda sida doorashada, dastuurka iyo shidaal qodista.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda daba dheeraatay ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland.

Shirka golaha wadatashiga qaranka oo dib uga furmay Villa Soomaaliya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ayaa maanta mar kale dib uga furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa gudoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lag sheegay in wada-tashiyo kadib ay madaxda isku soo laabteen, isla markaana laga wada-hadli doono muddada uu socdo shirkooda arrimo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka iyo xaaladda guud ee dalka.

“Wadatashiyo ka dib maanta ayaa dib la isugu soo laabtay, iyada oo diiradda la saarayo arrimaha Amniga, Dowlad-dhiska iyo Doorashooyinka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah horumarka Dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo horay isaga baxay shirkan ayaa weli maqan, wuxuuna ka biyo diiday qorshaha dowladda dhexe ee qabashada doorashooyin qof iyo cod ah, halka uu horay uga sii maqnaa madasha madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.

Dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda dhexe, si loo qanciyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale fashil kusoo dhamaaday, wuxuuna ku adkeystay in doorasho dadban uu ka qabanayo deegaannasa Jubbaland.

Sida uu qorshuhu yahay madaxda ayaa soo saari doonto go’aanno xasaasi ah oo ku aadan shirkooda oo noqday mid kamid ah kuwii ugu waqti dheeraa oo uu hareeyay is jiidjiid u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedka dalka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana horay looga digay in goluhu soo saaro go’aanno aysan qayb ka ahayn maamullada Puntland iyo Jubbaland oo haatan ka maqan shirka golaha wadatashiga qaranka.

Sawirro: R/W XAMZA oo maanta xilka u kala wareejiyay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda hawlaha guud, dib u dhiska & guriyeyta, Cilmi Maxamud Nuur iyo wasiirkii hore Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.

Ra’iisul Wasaaraha oo halkaasi ka jeediyay hadal kooban ayaa waxa uu tilmaamay in wasaaradda hawlaha guud ay kamid tahay wasaaradaha muhiimka u ah qaranka.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaraha u rajeeyay wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, oo ay ka hirgeliso guud ahaan dalka.

Mudane Xamza ayaa u mahad-celiyey wasiirkii hore oo hadda noqday ra’iisul wasaare ku-xigeenka labbaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.

Dr. Maxamed Cilmi Nuur ayaa toddobaadkii hore dib ugu soo laabtay golaha wasiirada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza.

Ninkan oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD waa mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, deegaan ahaana waa reer Boorama.

Intii mucaaradka la’ahaa wuxuu waqtigiisa u huray Xasan Sheekh iyo xisbigiisa. Markii ay doorashada ku guuleysteen waxaa laga dhigay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, laakiin 11 bilood kadib waxaa shaqada looga eryay si foolxun oo aan la fileyn inuu Xasan Sheekh ula dhaqmayo qof kooxdiisa, weliba qof sida Dr. Cilmi oo kale ah.

Goorma ayaa SHIDAAL laga soo saari karaa Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Markabka Oruc Reis ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ugu dambeyn ku xirtay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, isaga oo ay galbinayaan maraakiib dagaal.

Munaasabad weyn ayaa ka dhacday dekedda Muqdisho taa soo lagusoo dhaweynayay markabka, waxana ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax ka socota dalka Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar.

Markabka Oruc Reis ayaa bilaabaya howlaha shidaal sahminta ah uu u yimid Soomaaliya.

Haddaba maxan ka ognahay markabka Oruc Reis?

Markabkaan lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa dhismihiisa daaha laga furay sanadkii 2017, waxaa lagu naqshadeeyay oo lagu dhisay dalka Turkiga, ujeedka loo sameeyay ayaana ahaa sahminta juquraafiga badaha iyo naqshada oo loo yaqaan ‘oceanographic’ kaas oo muhiim u ah dadaallada sahminta badda ee Türkiye.

Oruç Reis ayuu dhererkiisu yahay 87-mitir oo dherer ah una dhiganta 285-fiit , halka ballaciisu yahay 23-mitir oo u dhiganta 75-fiit, waxa uuna kor u dhisanyahay 34-mitir oo u dhiganta 111-fiit.

Sidoo kale waxa uu leeyahay afar matoor oo nafto ah kuwaas oo kiiloowaatkoodu yahay 2,520-KW, waxa uuna awood u leeyahay sahminta seismic ee 2-D iyo 3-D, oo lagu sameeyo saliidaha iyo gaaska badda hoostiisa ku jira.

Markabkaan ayaa awood u leh ku jirista badda muddo dheer, qaadista qalabka loogu talagalay sahminta laga sameynayo gudaha biyaha, waxaa kale oo uu leeyahay qeyb barxad ah oo ay ku soo dagi karaan diyaaradaha la shaqeynaya inta uu howlaha sahminta ku jiro.

Goorma ayey soo dhammaan karaan howlahan sahminta ee uu u tagay Soomaaliya?

Oruç Reis ayaa haddaba guda galaya howlaha sahminta shidaal ee u tagay Soomaaliya, haddaba si aan howlaha baariseed wax markan qadka taleefanka ayaan kula xiriirnay Injineer Faarax Siciid oo ka la shaqeeya shirkad laga leeyahay dalka Norway kana howl gasha arrimaha shidaalka kana mid ahaa mas’uuliyiintii Turkiga kasoo sagootiyay markabkan Oruç Reis.

“Markabkan Oruç Reis ee gaaray Soomaaliya haddaba waxaa uu howl gelayaa howlaha sahminta taas oo qaadan karta muddo 5 ilaa 6 bilood ah, kadib waxa uu ula noqon doonaa dalka Turkiga si loogu baaro macluumaadkii uu soo uruuriyay taas ooiyadana qaadan karta dhowr bilood oo kale”, ayuu yiri Injineer Faarax Siciid.

Waxa uu sharraxay in shirkaddan dowliga ah ee markabkan ay tahay markii ugu horreysay ee dal dibadda ah ay ka sameyso howlo shidaal sahmineed taasna ay fursad u tahay Soomaaliya iyo shirakaddaba.

Wakhti intee la’eg ayaa Soomaaliya shiidal looga soo saari karaa?

Bulsho weynta Soomaaliyeed ayaa u hanqal taagaya ogaanshada xilliga rasmi ah ee Soomaaliya shidaal lagasoo saarayo wallow xitaa qaarkood uu jahwareer uga jiro sababta uu hadda markabkan Oruç Reis u yimid in ay tahay shidaal qodis amaba sahmin.

Injineer Faarax Siciid oo ka sheekeynaya in ay qaadan karto in shidaal laga qodo Soomaaliya marka lasoo tago sahminta hadda la guda galayo ayaa yiri,“In soomaaliya shidaal laga qodo waa barnaamij aad u weyn waxana ay qaadan kartaa waqti ku xiran shaqada la qabanayo, haddii sida hadda wax lagu wado ay u socdaan waa ifafaalo fiican, shirkadda hadda heshiiska lagula jirana waa shirkad macquul ah iyadana ay fursad u tahay in wadan kale ay shidaal ka qoddo”.

“Waxa aan aminsanahay in wakhtiga ugu fiican ay kusoo saari karaan haddii ay si toos ah uga guda galaan, waa ilaa 6 ama 7 sano laakiin waqtigu mushkliyo malaha haddiiba la bilaabo waxa ay ku socon doontaa heerar wanaagsan”, ayuu sii raaciyay Injineer Faarax Siciid.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in kala qayb sanaanta iyo is qab-qabsiga marka lagasoo tago ay tani Soomaaliya u tahay natiijo wanaagsan oo la xiriirta mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Horraantii sanadkaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo is-afgarad ah oo shatti u ogolaanaya in saddax aag oo xeebaha Soomaaliya lagu sameeyo baaritaan la siiyay shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga.

Markabka sahminta ayaana ka soo dhaqaaqay dekedda Filyos ee Zonguldak, oo ku taala waqooyi-galbeed Turkiga kaas oo dhawaan soo gaaray Soomaaliya.

Oruç Reis oo uu marinkiisu ahaa badda Mediterranean-ka, waxa uu u soo gudbay kanaalka Suweys, kadibna waxa uu ku soo dhacay Badda Cas si uu ugu soo xirto biyaha Soomaaliya.

Isha: BBC Somali

DF oo qaaday tallaabo ka dhan ah Israel, lana safatay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay xiisadda dagaal ee ka taagan bariga dhexe, gaar ahaan dagaalka u dhexeeya Israel iyo Iran oo haatan kasii daraya.

Bayaan culus oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyay weerarkii ay habeen hore Israel ku qaaday gudaha Iran, waxaana Soomaaliya ay sheegtay inuu ka hor imaanayo qawaaniinta iyo dhaqanka caalamiga ah.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay sii adkeyneyso mowqifkeeda ku aadan diidmada in lasii huriyo colaadda ka taagan bariga dhexe oo soo xoogeysaneyso.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaana beeninaysaa gardarrada Israa’iil ay saaka ku qaadday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, taas oo xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda iyo xad-gudub ku ah qawaaniinta iyo dhaqanka caalamiga ah, waxayna Soomaaliya ku adkaysanaysaa mowqifkeeda adag ee ay ku diidan tahay sii hurinta colaadaha gobolka iyo sii ballaarinta colaadaha khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida dalalka gobolka iyo dadka” ayaa lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqday in la qaado tallaabooyin deg deg ah oo lagu xakameynayo xiisadda bariga dhexe ee dagaalka isku rogtay, si loo qaboojiyo.

Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay ayay sidoo kale Soomaaliya ka dalbatay inay il gaar ah ku hayaan xaaladaha kasii daraya, si ay u qaataan mas’uuliyadda ka saaran.

“Soomaaliya ayaa dib u cusbooneysiisay codsigeeda beesha caalamka iyo golaha ammaanka si ay mas’uuliyadooda uga qaadaan joojinta dhaqamadan halista ku ah mustaqbalka gobolka, waxa ay sidoo kale carabka ku adkeysay in loo baahan yahay in la qaado tillaabooyin dhab ah oo lagu xaqiijinayo amniga gobolka iyo xasiloonida si waafaqsan shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka Soomaaliya.

Iran waxa ay sheegtay weerarkii Sabtidii lagu qaaday kadib in aysan jirin wax xad ah marka ay timaado difaaca dalkeedam si looga hortego weerarada uga Tel Aviv.

Isra’el ayaa iyaduna waxay dhankeeda sheegtay in weerar xadidan ay ku bartilmaameedsatay saldhigto millatari oo ku yaalla Iran, kaas oo ay sheegtay in ay uga jawaabeysay, duqeymihi cuslaa ee Iran uga yimid 1-dii bishan October.

Xubno Shabaab ah oo usoo gacan galay DF + Sawirrro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan duleedka magaalada Baydhaba ayaa maanta soo bandhigay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo isa soo dhiibay, isla markaana usoo gacan galay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Labada xubnood oo ah wiilal dhalinyaro ah ayaa lagu soo dhaweeyay guddaha deegaanka Goofgaduud-Buurey ee gobolka Baay, halkaas oo ay uga hortageen ciidamada Xoogga.

Soo dhaweynta xubnahan ayaa waxaa qayb ka ahaa taliyaha Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad qeybta 60-aad ciidamada Xoogga dalka Laba Xidigle Axmed Maxamed nuur (Axmed Dhagey), wuxuna sheega in xubnahaan ay iska soo dhiibeen meel qiyaastii 18 km u jirta degaanka Goofgaduud-buurey ee gobolka Bay.

Magacyada xubnaha isa soo soo dhiigay ayaa waxaa lagu kala sheegay Roobow Cabdiyow Xasan iyo Nuurow Tukow Manuur, waxayna muddo ka tirsanaayeen Khawaarijta, iyaga oo ka qayb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay gobollada Baay iyo Bakool

Sidoo kale wareysiyo laga qaaday ayaa waxa ay ku sheegeen in intii ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ay tababarro kusoo qateen degmada Bu’aalle, kadibna la dagaal geliyay.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee qabtay xubnahan ayaa sheegay in ay ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh si loo marsiiyo habraaca isa soo dhiibayaasha Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ay soo qabteen ciidanka iyo kuwo iskood isku soo dhiiba, oo sheegay inay ka laabteen fikirkaas.

Wararkii ugu dambeeyay dagaaalka Iran iyo Israel

0

Tehran (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Arakchi ayaa sheegay in aysan jirin wax xad ah marka ay timaado difaaca dalkiisa, maalin kaddib marki ay Isra’il duqeysay Iran Sabtidi shalay.

Isra’il waxay sheegtay in weerar xadidan oo ku bartilmaameedsatay saldhigto millatari oo ku yaalla Iran, weerarkaas oo ay sheegtay in ay uga jawaabeysay, duqeymihi cuslaa ee Iran uga yimid 1-di bishan October.

Iran waxay xalay sheegtay, in duqeymihi Sabtidi ay kala kulantay Isra’il lagu dilay afar ka mid ah ciidankeeda milatariga.

Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa bayaan kasoo baxay shalay galab ku sheegay, in Isra’il ay martay hawada Ciraq ka hor inta diyaaradaheeda dagaalka aysan duqeyn Tehran. Waxay ku eedeysay Mareykanka in uu raalli ka ahaa, maadaama bay yiraahdeen uu millatarigiisa kor ka maamulo hawada sare Ciraq, sida ay hadalka u dhigeen.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in lagu wargeliyay weerarka ay Isra’il ku qaadday Iran, ka hor inta aanan la fulin.

Daawo: Wasiirka Batroolka oo ka shifay qorshe uu Deni shidaalka ka damacsanaa oo DF ay ka diiday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Puntland Saciid Deni, isagoo ka jawaabaya hadalkiisii maanta uu ku eedeeyey dowladda federaalka.

Wasiirka ayaa sheegay in Saciid Deni laga baari waayey shidaalka ku jira deegaanada Puntland, “Deni wuxuu hor istaagay in sahmin shidaal laga sameeyo Puntland,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku eedeeyey inuu garan waayey in MAP-kaas la sameeyey waqti hore oo qaladkaas uu ku dhacay si aan ku talagal aheyn.

“Deni wuxuu la yimid shirkad uu sheegay inay baaritaanka shidaalka u sameyneyso Puntland, wuxuuna xujo ka dhigay in saxiixa dowladda federaalka uu wax ku yeelanayo, balse waa ka diidnay taas, xitaa shirkaddu waa cadeysay in masuuliyada saxiixa ay aqoonsan tahay in dowladda dhexe ay leedahay,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Wasiirka ayaa sheegay in MAP-kaan qaldan la sameeyey sanadkii 2015-kii, isla markaana shirkad loo xilsaaray qaban-qaabada munaasabaddii lagu soo dhaweeyey Markabka ay kala soo degtay Internetka, sidaasna u uku dhacay qaladkaan ee uusan aheyn mid dowladdu u bareertay.

“Masuuliyadeena kama carareyno qaladka dhacay waan ka dabategeynaa waan saxeynaa, waana ka raali gelineynaa umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa u jawaabay siyaasiyiinta kale ee dhaliilay wasaaradda, “Ka dhaafa kicinta bulshada Soomaaliyeed, nama niyad jabinayaan hadalada xanafta leh ee shaqada socota aad ku carqaladeyneysaan,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Hoos ka daawo

Cali Guudlaawe oo Wasiirka Batroolka DF ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo arrimo xasaasi ah

0

Jowhar (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa lagu eedeeyey wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Hirshabeelle ayaa wasiirka ku eedeysay inuu wado kala qeybin bulsho.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay madaxtooyada HirShabeelle ayaa lagu sheegay in wasiir Cabdirisaaq uu horay u abaabulay shirar qalqal geliyey jiritaanka maamulkaas, waxayna HirShabeelle nasiib darro ku tilmaantay in wasiirka ka tirsan xukuumadda uu ka shaqeeyo kala qeybinta bulshada.

HirShabeelle ayaa ka carootay MAP ama Qariidad lagu soo bandhigay munaasabadii lagu soo dhaweeyey markabka baaraya shidaalka Soomaaliya, taas oo aan lagu xusin magaca HirShabeelle, balse lagu qoray Hiiraan iyo Sh/Dhexe, halka Galmudug lagu koobay Galgaduud, iyadoo Mudug laga dhigay dhul lagu muransan yahay.

Wasaaradda Batroolka XFS ayaa ka jawaabtay sababta MAP-kaas qaldan loo geeyey goobta, waxayna wasiirka iyo agaasimaha guud cadeeyeen in qaladkaas uu ka dhacay shirkad ay u xilsaareen qaban-qaabada munaasabadda, taas oo internetka kala soo degtay MAP la sameeyey 2015-kii oo aan sax aheyn.

Hoos ka akhriso qoraalka HirShabeelle;

Dowladda Hirshabeelle waxay cambaareyneysaa qariiradii ama Map-kii 25-Oktoobar-2024, lagu soo bandhiggay munaasabadda lagu soo dhaweynaayey Markabkii sahmin lahaa shidaalka Badda Soomaaliya oo ay kasoo shaqeysay Wasaarrada Batroolka iyo Macdanta XJFS.

Wasiirka Batroolka XJFS waxa uu horay u abaabulay kulamo iyo shirar lagu kala geynayo dadka wada degan deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

Shirarkaas ayaa sababay qal-qal amni, iyadoo dhibaato ay kasoo gaartay shacabka reer Hirshabeelle, mana ahan wax loo dulqaadan karo inuu masuul ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee loogu talogalay inuu ugu adeego danaha Qaranka uu taas baddelkeeda ka shaqeeyo kala qeybinta bulshada iyo abuurida xasilooni daro, si uu u gaaro danahiisa gaarka ah.

Dowladda Hirshabeelle jiritaankeeda iyo dhismaheedaba waxuu waafaqsan yahay Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Sooomaaliya qoddobadiisa 48-aad  iyo 49-aad.

Sidaas darteed, waxaa nasiib darro ah, iyadoo laga hadlaayo qeybsiga kheyraadka iyo horumarka dalka in Wasiirka uu ka shaqeeyay kala qaaybin bulsho, taas oo wiiqeysa wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Hirshabeelle ma aqbaleeyso kala qeybinta dadka iyo deegaanada Hirshabelle, sida uu qabo dastuurka Dowladda Hirshabeelle qoddobkiisa 2-aad, farqada 1-aad iyo qodobka 51-aad farqada 2-aad ee Dastuurka Hirshabeelle.

 

DF oo cadeysay ciddii qaladay MAP-ka xad-gudubka ku ahaa HirShabeelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS oo soo saartay war-saxaafadeed dheer ayaa faahfaahin rasmi ah ka bixisay cidda iska leh qaladkii MAP-ka ama Qariiradda ee xad-gudubka ku ahaa dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, kaas oo muujinayey in HirShabeelle aysan jirin, Galmudug-na ku koobay Galgaduud kaliya, waxayna dadka Sooamaliyeed wasaaraddu u dirtay raali gelin buuxda.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka wasaaradda bartoolka:

Waxaan marka hore shacabka Soomaaliyeed uga mahadnaqaynaa sidii niyadsamida iyo wanaagga badnayd oo ay shalay ugu wada dabaal-dageen dhacdadii taariikhiga ahayd ee imaatinka Markabka SHIDAAL-SAHMINTA ee Oruc Reis oo qeyb ka ah dadaallada loogu jiro ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna, si loo suurtogeliyo horumar dhaqaale iyo isku-filnaan nololeed oo ay dadkeenna iyo dalkeennuba garaan mustaqbalka dhaw.

Waxaa hubaal ah in dhacdadii shalay ay ahayd miro ka dhashay shaqo Qaran oo aad u baaxad weyn, taas oo qabashadeeda u mashquul iyo waqti badan ka galay hawlwadeennadii u xilsaarnaa hirgelinta hawshan taarikhiga ah.

Sida la wada filan karona, shaqa kasta oo culeyskeedu intaas la eg yahay, natiijada laga rabana ay guul qaran oo ummadda oo dhan ka wada farxiso tahay, waxaa suurtogal ah inay dhacaan qaladaad farsamo oo aan ku talogal ahayn.

Annaga oo taas ka duulayna, waxaan ka cudur-daaranynaa cilladihii farsamo ee soo baxay intii ay hawshu socotay, oo ay ka mid tahay sawirka qariiddada ama MAP-ka lagu soo bandhigay munaasabaddii soo-dhawaynta Markabka, kaas oo ahaa mid ka yimid dhinaca shirkaddii qaabilsanayd qaabeynta iyo qurxinta muuqaalka xafladda.

Waxa ay shirkaddu isticmaashay MAP aanan ahayn midkii saxda ahaa, markii aan la wadaagnay falcelinta dadweynaha ka timidna waxa ay nooga cudurdaarteen in uu qaladkaas si aan kutalogal ahayn uga dhacay, maadaama ay adeegsadeen MAP ay hore dad kale u sameeyeen oo Internetka ku jira, waana mid aanan wax xiriir ah la lahayn shaqadii ay wasaaradda Batroolku uga wakiilka ahayd guud ahaan xukuumadda iyo qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxa ay u taagan tahay fulinta iyo ku-shaqaynta siyaasadaha guud ee qaranka, kuwaas oo jiheyn iyo jaangoyn ku sameeya wax kasta oo aan qabanayno.

Sida ku cad bogagga rasmiga ah ee ay wasaaraddu macluumaadka kula wadaagto bulshada Soomaaliyeed, ma jirto meel aan ku isticmaalnay MAP lamid ah kan hadda sida qaladka ah uga yimid dhinaca shirkaddii nagala shaqaynaysay qurxinta munaasabadda.

Sidaas darteed, waxaan bulshada Soomaaliyeed ka raalligelinaynaa cillad kasta oo farsamo oo saameyn ku yeelatay yididiilladii iyo farxaddii ay qabeen.

Waxaan xaqiijinaynaa in hoggaanka iyo hawlwadeennada wasaaraddu ay mar kasta u taagan yihiin inay dadka iyo dalka ugu adeegaan si waafaqsan shuruuca iyo mabaadii’ida guud ee ay dowladnimadeennu ku dhisan tahay, kuwaas oo aan meelna ka soo galin, kala-qoqob iyo kala-qeybin siyaasad, gobol iyo deegaan gaar ah ka dhan ah.

Wasiir Cabdirisaaq oo jawaab culus kasoo saaray fadeexadddii dhacday shalay + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay fadeexo shalay ka dhacday munaasabaddii lagu qabtay dekedda Muqdisho ee lagu soo dhaweynayay markabka Turkiga ee baaraha shidaalka Soomaaliya, kadib markii goobta lagu soo bandhigay Maab laga saaray magaca HirShabelle, balse lagu xusay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka oo arrintan raalligelin ka bixiyay ayaa shaaciyay inuu yahay khalad farsamo oo dhacay, isla markaana ka yimid dhanka shirkadda qaban-qaabineysay munaasabadda.

“Shalay waxaa dhacday arrin farsamo oo ahaa Qariidad aan markaas habooneen in lagu soo daray Qariidadihii meesha yaallay wixii tiknino ahaa iyo agaasinka waxaa u xil saarnaa agaasimaha guud, aniga baaritaan ayaa sameeyay saaka agaasimaha waxaan ka codsaday inuu xog sax isoo siiyo sida ay wax u dhaceen” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq Cumar.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xogta wuu ila wadaagay waxaana isoo baxday in khaladka meesha uu ka dhashay ay ahayd isticmaalka Qariidad la sameeyay 2015-kii oo si khaldan meesha ku gashay, waxuuna ka dhashay shirkadda qaban-qaabineysay munaasabadda”.

Dhanka kale wasiirka ayaa u jawaabay madaxweynaha Puntland oo maanta arrintan si kulul uga hadlay, kuna weeraray dowladda dhexe, wuxuuna sheegay in Deni uu garan waayay Maab la sameeyay 2015-kii.

“Madaxweynaha Puntland waxa uu garan waayey MAP-2015-kii la sameeyay, Deni Sahminta Puntland isaga ayaa diiday oo horistaagay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay caro xoogan iyo hadal hayn, waxaana ka hadlay dad kala duwan oo ay ku jiraan syaasiyiin caan ah oo Soomaaliyeed.

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kasoo jeedo HirShabelle ayaa mar wax laga waydiiyay falka ay ku kacday dowladda dhexe ayaa ku jawaabay “Dowladda iyadaa ku daraysa Maabka HirShabelle laga saaray”.

Sidoo kale wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan BFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo qoraal soo saaray ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadan oo ay si gaar ah ugu kacday wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Waxaa Nasiib darro ah in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xilligan faafiso Maabka Soomaaliya oo jiritaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle lagu inkirayo, kana dhigaya laba Gobol.  Waxaan Wasaaradda Batroolka iyo Xukuumadda Federaalka ka dalbaneynaa inay cudurdaar ka bixiso xadgudubka ay kula kacday Hirshabeelle iyo Dowlad Goboleedyada kale” ayuu wasiir hore Ducaale.

DF oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta amniga MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale qaaday tallaabo culus oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho, si looga hortego falalka amni darrada ah iyo weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha caasimada.

Wasiirka amniga, taliyeyaasha booliska iyo nabad-sugidda ayaa xalay ka qayb-galay howlgallo saf ballaaran ah oo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen gudaha caasimada, waxayna mas’uuliyiintan kormeereen degmooyinka howlgallada ballaaran laga sameeyay.

Sidoo kale waxa ay mas’uuliyiinta hay’adaha amniga socod dheer oo amni xaqiijin ah kusoo mareen dhammaan degmooyinka gobolka Benaadir iyo deegaanada dhaca  duleedka caasimadda, iyaga oo u kuur galay hannaanka shaqo ee ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay fareen saraakiisha ciidamada inay dardar galiyaan howgalada lagu sugayo amniga, iyaga oo xusay in ay joogteyn doonaan kormeerada noocaan oo kale ah.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kadib markii ay maalmahan kooxd Al-Shabaab kordhisay bartimaameedkeeda Muqdisho, waxaana ugu dambeysay maanta oo ay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ka fulisay maqaayad ku taal degmada Kaaran ee gobolka Banaadir.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana dhowaan kooxda ay la beegsatay maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Iskuul Buluusiyo ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen askar iyo dad kale oo shaca ah.

Caalamka oo indhaha ku haya Somalia, kadib tallaabadii ay shalay qaaday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caalamka ayaa si weyn indhaha ugu haya Soomaaliya oo haatan qaaday dhabihii horumarka, una jiheysatay inay ka faa’iidesato khayraadka dhex ceegaaga gudaheeda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo dhaweynayay Markabka ORUC REIS ee Turkiga oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeenna ayaa sheegay in tallaabadan ay keentay in dunidu ay mar kale soo eegto fursadaha iyo dhaqaalaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

“Maanta waa maalin kale oo aduunyada ina tiraahdo war heedhe Soomaaliya waa la maalgashan karaa, sababtoo ah dhaqaale iyo fursad ayaa ka jirta” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay u istaagaan sidii looga faa’iideysan lahaa fursaddan, loona xoojin lahaa dowlad wanaagga.

“Waxaa dareemeysaa in Soomaaliya mar kale dib loo soo milicsanayo daneyn badan ayaan helnay waxaan rabaa inaa dadka Soomaaliyeed u sheego inaanan baar dareyn fursaddaas muhiimka ah” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay ” Shabaab nagama hor istaagi karo iyo cadow kale oo ajnabi ah nagama hor istaagi karo hal shey oo kaliya ayaan u baahanahay, waana dowlad wanaag”.

Tallaabadan ayey ku macneysay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh mid taariikhi ah oo horseedi doonta horumar dhaqaale iyo shaqo abuur ballaaran.

Sidoo kalena waa mid soo bandhigeysa sida ay dowladda federaalka uga go’an tahay in ay si wanaagsan uga faa’iideysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay, iyada oo ilaalinaysa danta guud iyo maslaxadda shacabka.

Xog: Axmed Madoobe oo shuruudo adag hordhigay Ruto si ugu laabto shirka Xasan

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar uu shalay ku tagay dalka Kenya.

Safarka Axmed Madoobe oo qaatay hal maalin ayaa yimid kadib markii maalmo ka hor uu madaxweyne Xasan Sheekh uu safar ku tagay Kenya uu ka codsaday madaxweyne William Ruto inuu dhex-dhexaadiyo isaga iyo madaxweynaha Jubbaland.

Xasan ayaa Ruto la wadaagay doonistiisa inuu Axmed Madoobe dib ugu soo laabto shirka golaha wadatashiga qaran oo todobaadyo ka hor uu isaga baxay, sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo xilkas ah.

Axmed Madoobe ayaa shalay magaalada Eldoret kula kulmay madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaana la isla soo qaaday sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka jira arrimaha shirka, iyadoo dowladda Kenya ay madaxweynaha Jubbaland ka codsatay inuu ku laabto shirka madasha, kana soo dabco qodobada uu ku dhegan yahay.

Sida ay sheegayaan illo wareedyada ka agdhawa shirkan, Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay in loo dhaafo doorashadiisa, oo uu qabsado doorasho lamid kuwii uu horey ugu soo baxay.

Axmed ayaa ku dooday in dastuurka Jubbaland aan la dhaafi karin islamarkaana uu sida uu qabo ay muhiim tahay in la qabto doorashada heerarka kala duwan ee baarlamaanka iyo madaxtooyada, sidaas darteedna uuna ogolaan karin muddo kordhin hor leh oo loo sameeyo hay’addaha dowladda.

Sidoo kale waxa uu miiska soo saaray haddii doorasho qof iyo cod ah la qabanayo ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan doodeeda dhammaan dhinacyada maqan sida Puntland

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa kale oo ku dhagay in guddiyada doorashooyinka ay noqdaan labo heer mid heer federaal ah iyo mid heer dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Tan ayaa sii adkeynaysa in Axmed Madoobe uu kusoo laabto shirka golaha wadatashiga qaran oo loo balansan yahay maanta inay iskugu soo laabtaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, kadib maalmo ay madaxda ku maqnaayeen wadatashiyo.

Caro xooggan oo ka dhalatay xad-gudub ay DF kula kacday HirShabelle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Caro xoogan ayaa waxa ay ka dhalatay Maab ay shalay dowladda federaalka kusoo bandhigtay soo dhaweynta markabka Turkiga ee shidaalka ka baaraya Soomaaliya, kaas oo laga saaray magaca HirShabelle, balse lagu xusay labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, isla Maabkan ayaa sidoo kale lagu muujiyay in Mudug oo ay wada maamulaan Galmudug iyo Puntland uu yahay dhul lagu muransan yahay.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, waxaana ka falceliyay dad kala duwan oo ay ku jiraan syaasiyiin caan ah oo Soomaaliyeed.

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kasoo jeedo HirShabelle ayaa mar wax laga waydiiyay falka ay ku kacday dowladda dhexe ayaa ku jawaabay “Dowladda iyadaa ku daraysa Maabka HirShabelle laga saaray”.

Sidoo kale wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan BFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo qoraal soo saaray ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadan oo ay si gaar ah ugu kacday wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Waxaa Nasiib darro ah in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Xilligan faafiso Maabka Soomaaliya oo jiritaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle lagu inkirayo, kana dhigaya laba Gobol” ayuu yiri Maxamed Abuukar.

Xildhibaanka ayaa sii raaciyay “Waxaan canbaareynayaa in xilligan ay Wasaaraddu adeegsato Khariirad la diyaariyay sanadkii 2011, taasoo abuureysa kala qeybin iyo xiisado siyaasadeed, dibna noogu celineysa xaalad laga soo gudbay 13 sano ka hor”

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay arrintan ka bixiso cudur daar, si loo saxo khaladka shalay dhacay ee ku aadan Maabka lasoo bandhigay.

“Waxaan Wasaaradda Batroolka iyo Xukuumadda Federaalka ka dalbaneynaa inay cudurdaar ka bixiso xadgudubka ay kula kacday Hirshabeelle iyo Dowlad Goboleedyada kale” ayuu yiri mar kale yiri wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya.

Saciid DENI oo dab kusii shiday xisadda Jubbaland iyo DF – Muxuu sameeyay?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 55-aad ee golaha wakiilada Puntland ayaa dab kusii shiday xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Saciid Deni ayaa taageero wayn u muujiyay Axmed Madoobe, wuxuuna shaaca ka qaaday in Puntland ay garab iyo gaashaan  u noqoneyso dowlad goboleedka Jubbaland oo haatan ay is hayaan dowladda dhexe.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo inaan garab iyo gaashaan u nahay Jubbaland oo goosatay inay doorashadeeda sida sharcigu iyo nidaamku yahay ku qabsato. Waxaan ku boorinaynaa guddiga doorashada Jubbaland inay qabtaan doorashada Jubbaland,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka iyo doodda ka taagan wax ka beddelka dastuurka, isaga oo tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan awood dastuuriya u lahayn inay faragaliso doorashooyinka ka dhacaya maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale dood ka keenay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna hoosta ka xariiqa in ujeedka uu yahay in maamullada taabacsan dowladda loo kordhiyo muddo sanad ah , si ay u xalaaleysato muddo kororsigeeda.

Ugu dambey wuxuu carabka ku dhuftay in dalka uu wajahayo khatar, haddii Villa Soomaaliya aysan kusoo laaban xayndaabka sharci, sidoo kale wuxuu ugu baaqay labada aqal ee baarlamaanka in ka doodaan xaaladda uu marayo dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la filayo in mar kale dib loo sii amba qaado shirka golaha wadatashiga qaranka xilli ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland, kaas oo la filayo in laga soo saaro go’aanno xasaasi ah.