25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

SOMALILAND oo ku raad-joogta rag shalay hub ku dhex qaatay magaalada Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa shaaciyay inuu ku raad-joogo rag hubeysan shalay kasoo muuqday ololihii xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargeysa.

Raggan oo baraha bulshada kasoo muuqday iyagoo baastoolado iyo qoryo lasoo baxaya intii uu socday isu-soo bixii xisbiga Kulmiye ee shalay.

“Budhcadii qoryaha sidatay ee rasaasta ridaydaysay ee sababtay qaska, isla markaana khatarta galisay nafta shacabka intii uu socday ollolaha xisbiga Kulmiye, waa lagu raad joogaa, dhawaana waala soo xidhi doonaa” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay NIA.

Tan ayaa imaneysa xilli uu xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu laamaha ammaanka ugu baaqay in wax laga qabto kooxaha rabshadaha sameeyay ee kasoo ag muuqday Kulmiye, iyaga oo ka digay inay khatar amni keeni karaan.

Shalay ayaa waxaa soo idlaaday wareega koowaad ee ololaha doorashooyinka Somaliland, iyadoo maanta uu bilowday wareega labaad ee ololaha, waxayna dhacdada taageerayaasha hubeysan noqotay wax aan horey loogu arag Somaliland.

Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa dhankiisa soo saaray digniino la xiriira arrintaan, isaga oo laamaha ammaanka faray inay tallaabo adag ka qaadan shaqsiyaadka ku kacay falkaasi.

Komishanka ayaa horey ganaaxyo ugu riday xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, oo iyagu haatan uu ka dhaxeeyo loolan adag oo doorashada Madaxtooyada ah.

Kooxda Xizbullah oo dooratay hoggaamiye cusub

0

Beirut (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaaqa Xizbullah ee Lubnaan ayaa Talaadada ku dhawaaqay in ay u doorteen hoggaamiye ku-xigeenka kooxda Naciim Qasem in uu beddelo Hassan Nasrallah ka dib markii uu ku dhintay duqayn ay Israel ka gaysatay koonfurta Beirut bishii hore.

“Golaha Shuurada ee maamula Xizbullah waxay isku raaceen in ay u doortaan…Sheekh Naciim Qassem in uu noqdo xoghayaha guud ee Xizsbullah,” ayey kooxda ay taageerto Iran ku sheegtay bayaan ay soo saartay, in ka badan bil kadib dilkii Nasrallah.

Xizbullah ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonto “ololka wax-iska-caabbinta” ilaa laga gaarayo guul ka dhan ah Israa’iil ka dib markii uu dagaal buuxa qarxay 23-kii September.

Qassem waxaa doortay golaha shuurada oo ka kooban shan xubnood, waana golaha ugu muhiimsan ee gaara go’aanada kooxda, laba maalmood ka hor inta aan lagu dhawaaqin Talaadada, sida ay sheegeen ilo ku dhow Xizbullah.

Ilo-wareedka oo codsaday in aan la magacaabin sababo la xiriira in aan loo ogoleyn inuu la hadlo warbaahinta, ayaa sheegay in gole cusub oo Shuura la dooran doono kadib marka uu dagaalku dhamaado.

Goluhu wuxuu markaas doorbidi karaa inuu doorto hogaamiye cusub ama uu Qassem ku sii hayo jagada ugu sareysa, sida uu sheegay ilo-wareedka.

Qassem, oo xubin ka ah golaha shuurada ee kooxda, waxa uu muddo dheer ka hoos shaqaynayey Nasrallah, oo ahaa hoggaamiye dheer oo ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu saamaynta badan ee Bariga Dhexe.

Hashem Safieddine, oo ahaa madaxa golaha fulinta ee Xizbullah, ayaa markii hore loo saadaalinayay inuu bedeli doono Nasrallah.

Laakin isagana waxaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka gaysatay duleedka koonfureed ee Beirut wax yar ka dib dilkii Nasrallah.

Qassem, oo 71 jir ah, waxa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii Xizbullah sannadkii 1982-kii, waxaana uu ahaa ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga tan iyo sannadkii 1991-kii, sannad ka hor intii aanu Nasrallah xilka qaban.

Waxa uu ku dhashay Beirut 1953-dii, waxa uuna ka tirsan yahay qoys ka soo jeeda tuulada Kafar Fila oo ku taalla xuduudka Israa’iil.

Waxa uu ahaa sarkaalkii ugu sarsareeyey ee Xizbullah ee sii waday ka soo muuqashada fagaaraha ka dib markii Nasrallah uu inta badan is-qarinayey ka dib dagaalkii ay kooxdu la gashay Israa’iil 2006-dii.

Tan iyo markii Nasrallah uu ku dhintay duqayn cirka ah oo Israa’iil ay fulisay 27-kii September, Qasem waxa uu jeediyey saddex khudbad oo telefishinka laga sii daayay, isaga oo ku hadlaya Carabi rasmi ah oo ka duwan kii lahjad Lubnaaniga ee uu jeclaa Nasrallah.

Qasem waxa uu sheegay in awoodda Milatari ee Xizbullah ay tahay mid taagan, waxa uuna taageeray dadaallada uu wado afhayeenka baarlamaanka Nabih Berri ee uu ku dhex-dhexaadinayo xabad joojin.

Khudbadii ugu dambeysay ee uu jeediyay 15-kii October, Qassem wuxuu ku sheegay in xabbad joojintu ay tahay sida kaliya ee Israa’iil ay ku dammaanad qaadi karto dib u soo celinta dadkeeda deggan waqooyiga.

Dagaalka Israel iyo Xizbullah ayaa qarxay bishii hore ka dib ku dhawaad sanad oo ay rasaas isku weydaarsanayeen xuduudda.

23-kii September, Israa’iil waxa ay kordhisay duqaymaha ay ku hayso Xizbullah, waxayna Lubnaan u dirtay ciidamo dhulka ah.

Dagaalku waxa uu Lubnaan ku dilay in ka badan 1,700 oo qof tan iyo September 23, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa tirooyinka wasaaradda caafimaadka, inkasta oo tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay intaas ka badan tahay.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 37 askari ay ku dhinteen ololahooda Lubnaan tan iyo markii ay billaabeen howlgallada dhulka 30-kii September.

Xoghayaha guud ee QM oo ku baaqay ‘tallaabo adag’ si loo soo afjaro colaadda…

0

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Guterres ayaa Isniinti shalay ku baaqay in tallaabo adag la qaado, si loo soo afjaro dagaalka sokeeye ee 18-ka bilood ka socda dalka Sudan.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay malaayiin qof oo reer Sudan ah ay wajahayaan macaluul kaddib marki ay guryahoodii kasoo barakiciyeen colaadda u dhaxeysa Ciidamada Millatariga iyo Kooxda Fallaagada RSF, kuwaas oo isku haya awoodda waddanka.

Hadal uu ka jeediyay kulan gaar ah oo ay Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen xaaladda Sudan, ayuu Guteres ka sheegay “in si joogto ah ay uga codsanay labada dhinac inay joojiyaan dagaalka oo ay yimaadaan miiska wadahadalka, balse inti ay hoo su dhigi lahaayeen xiisadda ay ka door bideen in ay ficillada millatari ay sii kordhiyeen”.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in “dhibaatooyinku ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka danbeysa” isagoo ku baaqay in la joojiyo colaada, la ilaaliyo rayidka, sare loo qaado gargaarka bini’aadantinimo, islamarkaana si deg deg ah loo joojiyo hubka iyo rasaasta labada dhinac.

Waxa uu sidoo kale walaac xoogan ka muujiyay xaalada caasimada Waqooyiga Darfur ee Al Fasher, halkaasi oo uu ka socday dagaal tan iyo bartamihii bishii April.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamanka milatariga ee ka amar qaata madaxa ciidamada qalabka sida ee Sudan Abdel-Fattah al Burhan, iyo madaxa ciidamada RSF Mohamed Hamdan Dagalo. Al Fasher waa caasimadda kaliya ee gobolka Darfur ee aan weli ku dhicin gacanta kooxda RSF.

Qaramada Midoobay iyo dowladaha kale ayaa ka walwalsan, dagaal xoog leh oo ka dhaca Al Fashir uu keeni karo, gabood fallo iyo xasuuq la mid ah kii horraanti 2000 ka dhacay Darfur, markaas oo la dilay kumannaan qof oo kasoo jeeda qowmiyadaha aanan Carabta aheyn ee mandiqadda sida Zaghawa, Masalit, Fur iyo qowmiyadaha kale.

ISRAEL oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xaaladda GAZA

Tel Aviv (Caasimada Online) – Baarlamaanka Israel ayaa Isniinti meel mariyay sharci ay dalkeeda uga mamnuucday Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani’aadannimo ee Qaxootiga Falastiiniyiinta, ee loo soo gaabiyo UNRWA.

Go’aankan ayaa walwal geliyay xulufada Reer Galbeedka ee Isra’il, kuwaas oo ka casbi qaba in tallaabadani ay uga sii darto xaaladaha quusta ah ee horay uga taagnaa Gaza, halkaas oo muddo ka badan sannad ay ka socdaan dagaallo, duqeymo iyo go’doomin.

Israeli ayaa ku eedeysay UNRWA in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay ku lug yeesheen weerarki 7-badi October ay Xamaas ku qaadday Koofurta Isra’il, halkaas oo ay Isra’il sheegtay in lagu qilay in ka badan1,200 oo qof laguna afduubay boqollaal kale.

Waxay sheegtay in xubnaha UNRWA ay qaar u shaqeeyaan Xamaas qaarna kooxaha kale ee hubeysan ee Falastiiniyiinta. Xamas ayaa beenisay arrintasi.

Madaxa hey’adda UNRWA, Philippe Lazzarini, ayaa sheegay in codeynta baarlamaanka Isra’il ay ka soo horjeeddo axdiga Qaramada Midoobay, ayna xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah.

Wuxuu kalo sheegay in tani ay tahay ololihii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in lagu sumcad xumeeyo UNRWA loogana xayuubiyo doorkeeda ku aaddan bixinta gargaarka iyo horumarinta bini’aadamka ee qaxootiga Falastin.

Go’aanka baarlamaanka Isra’il ayaa yimid, xilli taangiyada Isra’il ay Isniinti gudaha u sii galeen Waqooyiga Gaza halkaas oo ay ku go’doonsanyihiin ilaa 100,000 oo qof oo rayid ah, sida ay sheegtay Adeegga Gargaarka deg degga ee Falastiiniyiinta.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa iyaduna xaqiijisay, in duqeymo ay ciidamada Isra’il shalay ka geysteen Marinka Gaza lagu dilay ugu yaraan 19 ruux.

Daawo: Shariif oo hal arrin ku dhaliilay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta jeediyey khudbad uu ku weeraray nidaamka uu Madxaweyne Xasan Sheekh ku hoggaaminayo dalka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dalku uu ku socdo ‘waddo aan toosneyn’ isla markaana toosintiisa ay masuuliyad ka saaran tahay xisbiyada siyaasadda dalka.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in hadda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku mashquulsan tahay inay bedesho dastuurkii umadda Soomaaliyeed ay ku heshiisay.

“Waddo qaloocan oo talo aan la isku darsa karin oo dastuurkii dalka ee umadda meel la iska dhigay ayaa hadda dalka lagu hoggaaminayaa,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.


Shariifka ayaa toos ugu dhaliilay Xasan Sheekh inuu diiday inuu talo ka qaato saamileyda siyaasadda, isagoo tusaale u soo qaatay arrinta dastuurka iyo tan doorashooyinka dalka.

Sheekh Shariif ayaa hadalkaan ka sheegay madal uu kula hadlayey xubnaha xisbigiisa, kuwaas ooo u badnaa xubno hadda ku soo biiiray xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran.

Sheekh Shariif ayaa dhalinyarada ku bogaadiyey inay ku biiraan xisbiyada dalka, maadaama ay hadda heystaan fursad qaali ah oo jiilashii ka horeeyey aysan heli jirin.

Hoos ka daawo

Sawiirro: Wasiirka Difaaca oo daan-daansiga Itoobiya kala…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa kulankooda diiradda ku saaray howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta iyo taageerada ay dowladda Jarmalka siin karto ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale labada masuul ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin wareejinta howlgalkii ATMIS, u guuridda howlgalka cusub ee AUSSOM iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay walaaca gobolka ee la xiriira ku xad-gudubka Itoobiya ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Dowladda Soomalaiya ayaa Jarmalka ka dalbatay inay xoojiyaan mowqifka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida qaranka.

Jarmalka ayaa kamid ah dowladaha muhiimka ah ee Yurub, waxayna Soomaaliya ku tagaeereen qadiyadda ay ka taagan tahay xad-gudubka Itoobiya oo noqday mid caalamka dhan u wada jeedo.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka R/W Xamza iyo Heiko Nitzschke?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga gaarka ah ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka.

Ergayga gaarka ah ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya horumarka dhinacyada kala duwan ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid ahaayeen deyn-cafinta iyo ku biirista East African Community.

Sidoo kale wuxuu dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay qaadista cunaqabateynta iyo in Soomaaliya ay ku guuleysatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-2026.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna uga mahad-celiyay dowladda Jarmalka taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalkeeda ku aaddan xasilloonida gobolka.

Jarmalka ayaa kamid ah dalalka sida wayn u taageera dowladda fedaraalka, wuxuuna ka caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin amniga, gargaarka, horumarinta, caafimaadka iyo waxbarashada.

ITOOBIYA oo dood yaab leh ka keentay bixista ciidamadeeda ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa weli ku doodeysa inay lagama maarman tahay inay qeyb ka noqoto howl-galka cusub ee Soomaaliya, xilli dowladda Soomaaliya ay diidan tahay arrintaan.

Itoobiya ayaa walaac xooggan ka muujisay amnigeeda haddii ciidamadeeda laga saaro howl-galka nabad ilaalinta, tan oo ah mid la-yaab leh, maadaama aysan dhaceyn firaaq amni.

Marmarsiyaha Itoobiya ee ammaanka ayaa u muuqda mid ay uga walaacsan tahay in ciidankeeda lagu beddelo kuwa Masar, oo si weyn isku hayaan, islamarkaana ay kala dhaxeyso xiisadda webiga Niil.

Itoobiya ayaa haatan dadaal horleh ku bixineysa sidii ciidamadeeda uga mid noqon lahaayeen howl-galka cusub, iyada oo ku boorisay Midowga Afrika iyo QM inay ka hortagaan dadaal kasta oo ciidamadeeda looga saarayo howl-galka.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu cadeysay in marnaba ay ciidamada Itoobiya ka qeyb noqon doonin howl-galka cusub, haddii aysan ka laaban heshiiskii badda ee Somaliland, kaas oo ay kasoo bilaabatay xiisadda ka dhex aloosan labada dal.

Todobaadkii hore dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in Itoobiya lumisay kalsoonidii ay qayb kaga noqon lahayd ergada nabad-ilaalinta Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay dooranayasa dalalka ciidamada ugu deeqaya AUSSOM laga bilaabo Janaayo 2025-ka,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Si kastaba, Itoobiya ayaa taageero ku waysay go’aankeeda la xiriira ku adkeysashada heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay horraantii sanadkan wada saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, kaas oo dhalisay xiisad xoog leh oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Muxuu hoggaamiyaha IRAN ka yiri weerarkii Israel ay ku qaaday dalkiisa?

0

Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ali Khamenei ayaa jawaab ka bixiyay duqeymaha Israa’iil ay la beegsatay dalkiisa, isagoona ku tilmaamay kuwo aan la dhayalsaneyn una baahan in jawaab laga bixiyo.

Dhanka kale Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa isna sheegay in Iiraan ay “jawaab ku habboon ka bixin doonto” weerarka lagu dilay ugu yaraan afar askari, isagoo intaa ku daray in Tehran aysan raadsan dagaal.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay beegsatay goobo milatari oo ku yaalla gobollo badan oo Iiraan ka tirsan Sabtidii, iyadoona ku tilmaamtay jawaabta gantaalladii gaarayay ku dhawaad 200-oo gantaal oo ay horay Iiraan ugu weerartay Israa’iil 1-dii bishaan Oktoobar.

Shalay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay cuuryaamisay difaaca hawada Iiraan iyo habka wax soo saarka gantaallada.

Waxa uu sheegay in duqeymahaasi ay si weyn u dhaawaceen awoodda difaaca ee Iiraan iyo awooddii ay u lahayd in ay soo saarto gantaallada.

“Weerarku wuxuu ahaa mid sax ah oo xooggan, waana la gaaray hadafyadii laga lahaa,” Netanyahu ayaa ka sheegay xaflad lagu xusayay dhibbanayaashii weerarradii 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore.

Xogo ka soo baxay Iiraan ayaa lagu sheegay saameynta weerarka iyadoona la tilmaamay in inta badan gantaallada la qabtay.

Tan iyo weerarka ayuu markiisii ugu horreeyay hadlay Khamenei waxa uuna yiri: “Waxay ku xiran tahay mas’uuliyiinta inay go’aan ka gaaraan sidii awoodda iyo rabitaanka dadka Iiraan ay u gudbin lahaayeen maamulka Israa’iil iyo inay qaadaan tallaabooyin u adeegaya danaha qarankan iyo dalkaan.”

Madaxweyne Pezeshkian oo ka hadlayay shirka golaha wasiirrada ayaa isna yiri: “Ma raadineyno dagaal, laakiin waxaan difaaci doonaa xuquuqda qarankeenna iyo dalkeenna.”

Weerarrada Israa’iil ayaa ahaa kuwo aad u xaddidan sida laga soo xigtay qaar ka mid ah goobjoogayaasha.

Maraykanku wuxuu si cad ugu cadaadiyay Israa’iil inaysan duqayn warshadaha saliidda iyo xarumaha nukliyeerka, iyadoona soo jeedintaas ay u muuqatay inay raacday Tel Aviv.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa Axaddii sheegay in Iiraan ay heshay calaamado ku saabsan weerar ku soo wajahan saacado ka hor inta uusan dhicin.

“Waxaan helnay illaa maqribnimadii calaamado muujinaya suurtagalnimada weerar habeenkaas,” ayuu Abbas Araghchi u sheegay suxufiyiinta, isagoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.

Waddamada Reer-galbeedka ayaa ku boorriyay Iiraan in dhankooda aysan ka jawaabin si aysan u kordhin xiisadda colaadeed ee u dhaxeysa labada dal ee bariga dhexe, taasoo ay ka cabsi qabaan inay horseedo dagaal ku fida gobolka oo dhan.

Warbaahinta Iiraan ayaa soo bandhigtay muuqaallo muujinaya nolol-maalmeedka oo si caadi ah u sii socota iyo waxyeellada goobaha ay ku dhaceen weerarrada Israa’iil oo kooban.

Waxaa wali socda dagaalka u dhaxeeya kooxda ay taageerto Iiraan ee Xisbullah iyo Israa’iil kaas oo wali ka socda Lubnaan, dhanka kale iyana waxaa socda dagaalka Qaza oo u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Maalinnimadii Axadda oo shalay ahayd ayay Israa’iil duqeymo ka geysatay magaalada Sidon ee koonfurta Lubnaan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 8-qof.

Dhanka kale galinkii danbe ee shalay ayay Lubnaan sheegtay in duqeymaha Israa’iil ay ka geysatay koonfurta dalkaas lagu dilay ugu yaraan 21-qof.

Qaza, sagaal qof ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday xarun dugsi oo ku taal xerada qaxootiga al-Shati, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta.

Warbaahinta Falastiin iyo wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in saddex ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen saxafiyiin falastiiniyiin ah, iyagoo soo xiganaya saraakiil ka tirsan dowladda.

Gudaha Israa’iil, nin ayaa ku dhintay ugu yaraan 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii gaari xamuul ah uu jiiray goob basaska laga raaco oo u dhow saldhig milatari oo Israa’iil ku leedahay waqooyiga Tel Aviv, taasoo ay mas’uuliyiintu sheegeen inuu ahaa weerar argagaxiso.

Isha: BBC

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe dib ma isku qaadan karaan siyaasad ahaan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay sheegay inay garab taagan yihiin maamulka Jubbaland, iyaga oo ku garabsiinaya inay qabsadaan doorasho u gaar ah.

Deni waxa uu sheegay in aanay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya sharciyad u haysan inay fara-geliso doorashooyinka maamullada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna sidaas oo kale aaminsanaa markii uu Farmaajo xukunka hayay. Gacanta ay Puntland u fidisay Jubbaland ayaa dad badan durba hordhigtay su’aal ah Saciid Deni iyo Axmed Madoobe dib ma iskugu soo laaban karaan siyaasad ahaan.

Sida ay dad badan la socdaan doorashadii ugu dambeysay ee madaxtinimada Soomaaliya wuxuu Saciid Deni 100% isku haleynayay codadka xildhibaannada ka imaanaya Jubbaland, halkaas oo la sheegay inuu kharash badan geliyay, laakiin natiijadii doorashada kadib Saciid Deni iyo Axmed Madoobe waxay noqdeen labada siyaasi ee iskugu fog Soomaaliya.

Colaaddu waxaa la sheegay inay ka timid dhinaca Saciid Deni oo aaminsan in la khiyaamay oo uusan Axmed Madoobe si daacad ah u dhisin. Dadaallo hoose oo dhowr jeer la isku dayay si labada nin la iskugu soo celiyo ayaa ka socon waayay dhanka Saciid Deni.

Haddaba, hadda maxaa suurta-gal ah, iyada oo dhinaca kale loo jeedo inay Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe sii kala fogaadeen.

Dadka arrimaha siyaasadda Soomaaliya ka faallooda waxay aaminsan yihiin in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe hal arrin ku heshiin karaan, midna aanay isku aamini karin markale.

Mid labada nin waa ku heshiin karaan, waana colaadda Xasan Sheekh. Marxaladan la joogo Saciid Deni wuxuu saaxiib ka dhigan karaa cid walba oo kasoo horjeeda Xasan Sheekh, si loogu qasbo inuu kusoo laabto dariiqi lagu socon jiray.

Xasan Sheekh ayaa hadda qaatay weedhii Farmaajo ee aheyd “cidna looma joojinayo” waxaana lagu eedeynayaa inuu isku dayayo inuu xukunka dheereysto ama uu qabsado doorasho uu hubo 100% inuu isagu kusoo laabanayo.

Laakiin mid rejo badan lagama qabo. Waa in Saciid Deni aamino inuu Axmed Madoobe markale uu dhisayo madaxtinimada Soomaaliya.

Deni dadka yaqaana waxay leeyihiin inuu taas aamino loogama fadhiyo, balse waxaa jirta arrin kale oo Axmed Madoobe laftigiisu uusan Deni ugu ballan-qaadi karin inuu dhisi doono markale, waana in reerka uu Axmed Madoobe kasoo jeedo ay hadda siyaasad ahaan kor usoo kaceen oo laga yaabo inuu iyaga damac madaxweyne galo doorashada soo socota, maadaama ay hadda ra’iisul wasaare ka yihiin Soomaaliya.

Si guud labada nin dagaalka Xasan Sheekh waa ku midoobi karaan oo farriinta Deni ayaa aragtidaasi xambaarsaneyd. Laakiin in siyaasad ahaan la isku aamino oo dib wax loo wada dhisto inay dhici karto looma badinaayo, wallow aan dhinaca kale la inkiri karin inay labada nin la shaqeystaan dowladda Imaaraadka Carabta oo laga yaabo inuu halkaas amar wada-shaqeyn ah kaga imaan karo labadoodaba.

Axmed Madoobe ayaa weli ku adkeysanaya inuu qabsado doorasho u gaar ah oo dadban, halka madaxweyne Xasan Sheekh uu taas kasoo horjeedo isaga oo aaminsan in doorashooyinka la mideeyo, sidoo kalena ay noqdaan qof iyo cod.

Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta kala saxiixday heshiis cusub oo dhanka difaaca

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladdaha oomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusub oo dhanka difaaca.

Saxiixa heshiiskan cusub oo ka dhacay dalka Turkiga ayaa waxaa qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wasiirka gaashaandhigga Turkiga Yaşar Güler.

Heshiiskan oo ah mid iskaashi maaliyadeed ayaa waxaa diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca.

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa ujeedadiisu tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, kobcinta iskaashi faa’iido u leh labada dhinac, waxaana heshiiskan lagu kala saxiixday kulan heer sare ah oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan labada dowladood.

Iyadoo heshiiskan lagu soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Turkiga inay Soomaaliya ka taageeraan dib u soo kabashada iyo dadaallada horumarineed ee socda.

Iskaashigan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Soomaaliya oo sii xoojineysa dib u dhiska ciidankeenna, kadib sannado badan oo colaado iyo xasillooni darro ah.

Sida ku cad heshiiska, Turkiga wuxuu bixin doonaa kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah ee militariga Soomaaliya, taas oo kamid ah maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah, ee lagama maarmaan u ah kor u qaadista tayada ciidanka xoogga dalka.

Si kastaba, heshiiskan cusub ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo horumarinta difaaca, iyadoo dhawaan Muqdisho uu soo gaaray markabka baarista shidaalla Soomaaliya oo qeyb ka ah fulinta heshiiskii horay u gaareen labada dhinac.

Howlgallo jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Baay iyo GEDO

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo culus oo maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan deegaano isku xira gobollada Baay iyo Gedo ee maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Howlgalladan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay xadka labada gobol, sida ay sheegeen saraakiisha horkaceysay.

War kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalladaas lagu baacsanayay Shabaabka ku sugan halkaas oo ay sheegtay inay dhibaato ku hayeen shacabka.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Gedo halkaasi oo maleyshiyaadka nabaddiidka ah ay shacabka ku dhibaateynayeen” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda dhexe.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa intaasi ku dartay in howlgalladan jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana la buburiyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi.

“Ciidanka waxay burburiyeen goobo ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, si dadka shacabka ah ee ku safra waddooyinkaas ay lacago baad ah ay uga qaadaan” ayaa la raaciyay warsaxaafadeedka.

Dhankiisa taliyaha ururka 47-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Laba Xidigle Ahmed Maxamed Nuur (Axmed Dhagey) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan lana ciribtiri doono Khawaarijta halkaas ku sugan.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Weli waxaa gudaha Soomaaliya ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana iska kaashanaya ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ah.

Soomaaliya oo ku adkeysatay go’aanka Itoobiya looga reebayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneyso go’aankeeda ku aadan in ciidamada Itoobiya laga saaro gudaha Soomaaliya, sidoo kalena aysan kamid noqon howlgalka cusub ee beddalaya midka ATMIS.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda dowladda federaalka ay ku adkeysteen in ciidamada Itoobiya laga reebo howlgalka cusub ee AUSSOM, maadaama illaa iyo hadda aysan xukuumadda Addis Ababa ka laaban heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya go’aankeeda kama dambeysta ah, kana dhanka ah Itoobiya ay geyneyso kulmada looga hadlayo qorshaha cusub ee howlgalka AUSSOM oo haatan u socdo si dardar leh.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan booqashooyin ku bixiyay waddamada ay ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, marka laga reebo Itoobiya wuxuuna ka hadlay taageeradooda ku aadan howlgalka cusub ee ka bilaabanaya dalka.

Waddamada uu tegay madaxweynaha ayaa kala aha Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya oo dhammaan taageeray qorshaha dowladda federaalka ee ku aadan talaabada xigta ATMIS.

Horay ayay dowladda Soomaaliya u caddeysay in Itoobiya aanay ciidamadeeda sii joogi doonin dalka, haddii aanay ka laaban is-garadka ay la gashay maamulka Somaliland.

‘’Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanad kan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay,’’ ayuu horay u yiri Xuseen Macalin oo ah la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya.

Si kastaba, Itoobiya ayaa taageero ku waysay go’aankeeda la xiriira ku adkeysashada heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay horraantii sanadkan wada saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi , kaas oo dhalisay xiisad xoogleh oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Duulimaadyadii BARAAWE oo la joojiyay iyo sababta ka dambeysa

0

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta xayiraad la saaray dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalo xeebeedka Baraawe oo la filayo inay ka dhacdo doorashada golaha deegaanka degmadaasi.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in sababta loo hakiyay dhaq-dhaqaaqa ay tahay doorashada, wuxuuna tilmaamay in ciidamada ammaanka ay suagayaan ammaanka guud ee magaaladaasi.

“Doorashadii golaha deegaanka degmada Baraawe ayaa waqtigeeda la gaaray guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeenno ayay dooran doonaan, waxayna qayb ka tahay maamul daadajinta dowladaha hoose ee Koonfur Galbeed” ayuu yiri wasiirku.

Xasan Cabdulqaadir ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xittaa la joojiyay duulimaadyadii diyaaradaha, balse galabta ama beri dib loo furi doono maadaama ay dhamaaneyso doorashada.

“Diyaaradaha waxay u hakadeen doorashada darteed, maadaama dadkii raaci lahaa ay howlahaas ku jiraan” ayuu yiri wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa farnay ciidamada in la adkeeyo amniga wadooyinka inta ay socoto doorashada, sidoo kalena la baaro dadka soo galaayo iyo kuwa baxaayo”.

Baraawe ayaa ah caasimada rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana ka howlgala ciidamada maamulkaas iyo kuwa dowladda oo iska kaashada amnigeeda

Villa Somalia oo ka hadashay maqnaashaha shirka ee Deni iyo A/Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada qaar ayaa Axaddii shalay dib uga furmay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa ka maqan madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana qodobada looga hadlayo faahfaahin ka bixiyey xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa ka warbixiyey qodobada shirka xoogga lagu saarayo iyo saameynta ay shirka ku yeelan karto maqnaashiyaha madaxda Jubbaland iyo Puntland.

“Shirkaan mid cusub maaha, waa kii furitaankiisa uu joogay madaxweynaha Jubbaland, waxayna ila tahay in Axmed Madoobe uu ku soo biiri doono, maadaama weli uu socdo, mar kasta oo shirkaan uu dhacayo Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa loo diraa casuumaad, Puntland waxay ka mid tahay madaxda la casuumo,” ayuu yiri Xudeyfi.

Afhayeenka ayaa sheegay in tabashooyin ay jiri karaan, balse aysan sax aheyn in shirka laga maqnaado, “waxaa rasmi ah golahaan, miiska waa la soo saari karaa tabasho hadii ay jirto, marka dhamaan golaha fursad weyn ayey u tahay inay shiraan, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qabaa aragti ah, haddii la wadahadlo in wax kasta laga heshiin karo,” ayuu yiri Afhayeen Cabdiraxmaan.

Xudeyfi ayaa sheegay in shirkaan furitaankiisii uu joogay Axmed Madoobe, isla markaana hadda la isugu yimid in la dhameystiro un qodobadii ajendaha ku jiray ee laga wadahadlay, si war-saxaafadeed rasmi ah looga soo saaro.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in berri ama ugu dambeyn maalinta xigta lasoo gabagabeynayo shirkaan, isla markaana bulshada lala wadaagi doono natiijada wadahadalladii socday ee maanta dib u bilowday.

Afhayeenka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa sheegay in madaxdu ay ka arrinsanayaan arrimo ay ugu horeeyaan amniga, horumarinta dalka iyo dhameystirka hannaanka dimuquraadiyeynta.

Waxa la weydiiyey hadii ay jiraan wax un heshiis ah oo la isku raacay oo doorashooyinka ku saabsan “Ajendaha miiska saaran ayey ku jirtaa doorashadu, hadda waxaa laga yimid wadatashiyadii ay madaxdu soo sameynayeen, waxaana la filayaa in go’aan kama dambeys ah shirkaan lagu gaaro, bulshadana lala wadaago,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha JFS Cabdiraxmaan Xudeyfi.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Booliska Somalia oo soo bandhigay rag loo haysto kiis xasaasi ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Taliska ciidamada booliska Soomaaliya, gaar ahaan qaybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay saddex nin oo loo haysto kiis xasaasi ah, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal culus oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ragga lasoo qabtay ay kamid yihiin shabakad ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne, isla markaana lagu qabtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Booliska ayaa si gaar ah dhalinyarada lasoo bandhigay ugu eedeeyay inay xadi jireen xoolaha nool, gaar ahaan Ariga, oo ay ku qaadan jireen gaari nooca raaxad ah.

“Ciidanka boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan saldhigga boliiska Wadajir ayaaa soo xiray saddex eedeysane oo kamid ah shakabad ah ku eedeysan xatooyo xoolo dad weyne oo ka mid yihiin xoolaha nool gaar ahaan Ariga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka booliska.

Sidoo kale booliska ayaa intaasi kusii daray inay raggan la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga wafaaqsan.

Taliska booliska ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka, wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada, si loo soo qabto cid weliba oo halis ku ah amniga caasimada.

“Waxaana la marsiin doonaa cadaaladda. Muwaadin hadii aad la kulanto falal ammniga liddi ku ah lasoo xariir xafiiska gurmad ee boliiska Soomaaliyeed ee 991” ayaa la raaciyay.

Soo qabashada raggan ayaa timid, kadib markii ay duubtay kaamirada CCTV, iyaga oo xadaya neef Ari ah, muuqaalkaas oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada Internet-ka.

Cabdelfatax Al-Sisi oo war culus kasoo dagaalka Gaza

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Cabdelfatax Al-Sisi ayaa Axaddii ku dhawaaqay in dalkiisa uu soo jeediyay xabbad joojin laba maalmood ah oo dhexmarta Israa’iil iyo Xamaas, muddadaas oo lagu sii deyn doono afar qof oo ka mid ah Isra’iiliyiinta ku afduuban Gaza.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa sheegay in soo jeedinta ay sidoo kale qeyb ka tahay in xasbiyada Isra’il laga sii daayo qaar ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta iyo in gargaar bini’aadannimo la gaarsiiyo Marinka Gaza.

Sisi wuxuu sheegay in qorshana soo jeedinta ah ay ujeedadiisu tahay “in xaaladda horay loo sii wado,” iyo in ugu danbeynti la gaaro xabbad-joojin joogta ah.

Ma jirto jawaab deg deg ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxday Isra’il iyo Xamaas oo ku saabsan warka kasoo baxay Dowladda Masar. Wadahadallada soo socda ee xabad-joojinta Gaza ayaa la filayaa in lagu qabto magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Maraykanka, Qatar iyo Masar ayaa garwadeen ka ahaa wadahadalo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza ee u dhaxeya Isra’il iyo Xamaas, kaas oo billowday 7-badi bishi October ee sannadki 2023.

Sawirro: Somaliland oo soo bandhigtay shabakad Shabaab ah oo qorshe halis ah wadday

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay xubno Shabaab ah oo lagu qabtay magaalada Burco, kuwaas oo la sheegay inay qorsheynayeen weerarro culus.

Hey’adda Sirdoonka Somaliland ayaa baahisay sawirrada 7 qof oo shan kamid ah ay rag yihiin iyo labo dumar ah, kuwaas oo lagu tilmaamay inay yihiin Shabakad Shabaab ah.

Sirdoonka Somaliland ayaa warbixintaan ku sheegay in xubnahaan Shabaab-ka ah ay ka soo safreen magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ah xudunta Al-Shabaab.

Sidoo kale, Sirdoonka Somaliland ayaa shaaciyey in xubnahaan la qorsheeyey inay weerarro culus ka geystaan gudaha Somaliland inta ay socdaan doorashooyinka maalmo kadib bilaabanaya.

Somaliland ayaa sheegtay in labada dumarka ah ee Shabakadaan la qabtay ku jirta ay ahaayeen xaasaska labo kamid ah horjoogayaasha Al-Shabaab.

Sirdoonka Somaliland ayaa ku raadjooga 20 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Shabakadaan, kuwaas oo la qorsheeyey inay wax oa fuliyaan weerarrada loo qorsheeyey inay Somaliland ka dhacaan maalmaha doorashada.

Qabashada shabakadaan la sheegay inay ka tirsan tahay Al-Shabaab ayaa ku soo adeysa xilli dhowaan la guda-geli doono doorashada qof iyo codka ah ee ka dhaceysa Somaliland, taas oo xamaasad gooni ah leh xisbiyo waaweyna ay ku tartamayaan.

Kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ku heysa koonfurta Soomaaliya ayaa awoodi weysay inay dhibaatooyin ka geystaan deegaanada gobollada waqooyi ee Somaliland, waxaana maamulka ka jira deegaanadaas lagu amaanay sida ay amniga u adkeysteen.

 

Puntland oo si adag uga jawaabtay eedeyntii wasiirka Batroolka DF u jeediyey Deni

0

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay hadal uu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda federaalka oo ku eedeeyey madaxda maamulkaas ay diideen in deegaanadaas laga sameeyo baaritaan shidaal, si lamid ah qeybaha kale ee dalka.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aysan jirin meel Puntland ay ku diiday in deegaanadeeda laga sameeyo sahamin shidaal.

“Puntland Batrool la baaro Soomaaliya iyadaa ugu horreysay, kolba in madaxda Soomaliya eedo aan macno ku fadhin iska dhahaan, hadhowna raali galin ayey ka bixiyaan” ayuu yiri Wasiir Cabdifitaax.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in haba yaraatee aysan jirin meel wasiir ka tirsan dowladda dhexe iyo Madaxweynaha Puntland ay uga wada hadleen arrimaha Shidaalka.

“Dowlad-dhiska dalka waxyaabo badan ayaa laga wada hadlyey, waxaana ka mid ah khayraadka, mana jirto in si gaara wasiirka iyo madaxweynuhu ugu wada hadleen arrimo gaar ah oo quseeya shidaal Soomaaliya laga qodoyo iyo cida qodaysa,” ayuu yiri.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland ayaa ku adkeystay in Madaxweynaha Putnland iyo wasiir ka mid ah wasiirada dowladda federaalka aysan weli ka wadahadlin arrimo ku saabsan bartoorlka iyo shidaal ama wax kheyraad qeybsi ah.

Wasiiru dowlaha ayaa la weydiiyey in Puntland ay shirkado shisheeye kala hadashay shidaal baaris, maadaama dowladda dhexe ay Saciid Deni ku eedeysay in shirkad uu heshiis la soo galay, balse laga hor istaagay.

“Maya, ma jirto heshiisyo daaha dabadiisa oo cidnaba lagala hadlay, haba yaraatee arrin ku saabsan shidaal qodista iyo baaris, Puntland waxay doonaysaa in si dhab ah looga wada heshiiyo qaybsiga khayraadka dalka, iyadoo lagu saleeyo wadar ogol,” ayuu yiri wasiirkaan u hadlay Puntland.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa u jawaabay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo shalay barlamaanka maamulkaas ka hor jeediyey khudbad uu ku dhaliilay DF, isagoo ku heystay qariirad qaldan oo lagu soo bandhigay munaasabadii lagu soo dhaweeyey markabka Turkiga ee baaraya shidaalka Soomaaliya.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha maamulka Puntland inuu diiday in deegaanada maamulkaas laga sameeyo wax ku saabsan sahmin shidaal, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay Deni ka hor istaagtay qorshe uu ka damacsanaa shidaalka deegaanada uu xukumo.

“Deni wuxuu dowladda dhexe ka hor istaagay masuuliyadii ay lahayd ee oo ay ka mid tahay in sahmin shidaal laga sameeyo Puntland, anaga dowladda ayaan nahay masuuliyad ayaa na saaran, waxaan ka shaqaynaa ganacsi ay wada leedahay  umadda Soomaaliyeed oo dadka si siman wax loogu qabanayo” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya

Wasiir Cabdirisaaq Cumar ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa dhacday inuu la yimid shirkad uu yiri shirkadaanaa ii samaynaysa sahmin shidaal, waliba anigaa saxiixa wax ku yeelanaya, anaguna waa ka diidnay, xitaa masuuliyiinta shirkadu way ogaayeen in dowladda dhexe ay masuuliyaddaas leedahay.”

Boqor Burhaan oo war lama filaan ka soo saaray qorshaha shidaalka lana safta DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah dhaqanka Puntland ayaa soo dhaweeyay imaatinka markabka Oruç Reis oo Soomaaliya ka sameyn doona hawlo shidaal baaris ah.

Burhaan oo qoraal soo saaray ayaa Turkiga ku ammaanay tallaabadan oo ku tilmaamay mid caalamka u cadeynaysa in maal-gashi macno leh oo Soomaaliya lagu sameeyo ay soo celineyso rajada Soomaaliya oo cagaheeda dib ugu istaagta oo gaarta nabad iyo barwaaqo.

“Go’aanka geesinimada leh ee Turkigu uu ku maal-gashanayo Soomaaliya wuxuu muujinayaa aragti wanaagsan, taasoo tusaale dhiirigelin leh u noqonaysa caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Boqor Burhaan.

Sidoo kale wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uga mahad-celiyay dadaalka dheer ee u galay fududaynta ka faa’iidaysiga kheyraadka dalkeenna ee aan marna laga faa’ideysan.

Hoos ka aqriso qoraalka

BISMILLAAH

Waxaan si weyn u soo dhaweynayaa imaanshaha markabka cilmi-baarista iyo sahminta ee ORUC REIS si uu hawlo shidaal baaris ah uga sameeyo biyaha Soomaaliya.

Hindisahan ayaa markhaati kale u ah xiriirka qotoda dheer ee Turkiga iyo Soomaaliya, xiriirkaas oo gaaraya qarniyaal badan.

Turkigu waxay Soomaaliya u yimaadeen in ay nafta dadka Soomaaliyeed badbaadiyaan kadib macaluushii dalka ka dhacdey 2011 waxayna maanta maraysaa iskaashi lagu soo saarayo shidaalka iyo kheyraadka dalkeena.

Go’aanka geesinimada leh ee Turkigu uu ku maal-gashanayo Soomaaliya wuxuu muujinayaa aragti wanaagsan, taasoo tusaale dhiirigelin leh u noqonaysa caalamka intiisa kale.

Walaalaha Turkiga iyo hoggaaminta wanaagsan ee Madaxweyne Erdoğan waxay u caddaysay caalamka in maal-gashi macno leh oo Soomaaliya lagu sameeyo ay soo celineyso rajada Soomaaliya oo cagaheeda dib ugu istaagta oo gaarta nabad iyo barwaaqo.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadiisa oo dadaal dheer u galay fududaynta ka faa’iidaysiga kheyraadkeena aan marna laga faa’ideysan.