25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

CC Shakuur oo saddex qodob soo saaray, kadib tallaabadii uu qaaday madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashuur Warsame oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u jawaabay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay codsi u gudbiyay xubnaha labada Gole ee baarlamaanka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in tallaabada uu xalay qaaday madaxweynaha ay muujineyso inta ay gaarsiisan tahay aqoonta uu u leeyahay baarlamaanka, wuxuuna jawaabtiisa kusoo koobay saddexdan qodob ee hoose.

Madaxweynaha wuxuu noo sheegay aqoonta uu Baarlamaanka u leeyahay.: 1-Guddoonka waqtigii aan rabo iyo wixii aan rababa waan idinka helaa.

2- Xildhibaannada kuwii labada sano iyo jarjarka i bartay waan kala leexanaa, kuwa aan 2dii sano hore arkin ayaan ujeedaa oo macnaheeda yahay hadday igu sirmi doonaan.

3- Laakiin maxay kuugu taalaa kuwa i bartay yaa wax ka dhagaysanaya. Dadkaan waxay la midyihiin ninkii balliga biyaha ka soo waayey oo qolo u socota ka hortimid ee ku yiri anigaa biyo ka soo waayey, oo ay ku yiraahdeen waan ku soo quusanaynaa, ee inta ka daba laabtay yiri, waan idinkula soo quusanayaa.

Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan casho sharaf ah la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa toos ugu gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa madasha ka sheegay in uusan weligii ku hungoobin codsi uu u diray Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidoo kale haatana uu ka rejaynayo in aanay dhicin wax ka duwan waxyaabihii hore.

“Kulan gaar ah waala ii sameynaa, aniga codsi ayaa la imaanaa, go’aanka idinkaa iska leh, warqaddeyda dastuuriga ah waan soo qoronaa haddii alle yiraahdo oo guddoonka waan usoo gudbinaa,  Maalintaas ayaan sii afeefanaa oo wax weyn oo weyn ayaan soo wadaa, In la iga aqbalo ayaa idinka codsanayaa, weligey kuma hungoobin Baarlamaanka, kan waa midkii ugu muhiimsanaa ilaahey idinkiisa” madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, waxaa laga dhowr sugayaa kulanka wadajirka ee uu dalbaday madaxweynaha Soomaaliya oo ku soo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay qorshaha doorasho ee ay waddo dowladdiisa, waxaana kasoo horjeestay dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho

Xasan oo madaxtooyada ku qaabilay Dileyta + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iskaashi diblomaasiyadeed iyo ka shaqeynta wax wada qabsi wadajir ah, taas oo gobolka u horseedi karta horumar, is-ixtiraam, amni, nabad iyo xasillooni waarta.

Dhankiisa guddoomiye Dileyta Maxamed ayaa shacabka iyo dowlad uga mahad-celiyey soo dhaweynta diiran, isaga oo bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti oo booqasho ku jooga caasimada ayaa sidoo kale waxa uu maanta marti ku ahaa oo uu ka qeyb-galay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen xildhibaanada golaha shacabka.

Dileyta oo kulankaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa ugu horeyn ka mahad-celiyay soo dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Muqdisho, isagoo sheegay inay sii socon doonaan booqashooyinka madaxda iyo xildhibaanada labada baarlamaan, si loo xoojiyo xiriirka walaalnimo ee labada shacab.

“Waxaan ka mahadcelinayaa casuumadda iyo soo dhaweynta walaalnimo ee uu inoo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaan halkan ka cadeynayaa in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu si joogta ah ugu howlan yahay sidii Soomaaliya u heli lahayd xasilooni iyo nabad waarta, isagoo mar walbo ku dhagan sidoo kalena adkeynaya walaalnimada iyo wadajirka ka dhaxeeya Jabuuti iyo Soomaaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan Alle ka baryayaa inuu barakadiisa u hibeeyo dadkeena, labada dalna ka nabad geliyo wax kasta oo dhibaato iyo qalalaase ah.”

NISA oo howlgal nooc cusub ah ka billowday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA) ayaa howlgal nooc cusub haatan ka bilowday magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsanayo mootooyinka labada lug leh ee loo yaqaano Fekon, kana howlgasho magaalada Muqdisho.

NISA ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalkan si isku mid ah uga sameysay degmooyinka Wadajir, Hiliwaa, Yaaqshiid, Daarusalaam iyo Dayniile, waxayna kusoo qabteen dhowr mooto iyo dhalinyaradii ku shaqeysaneysay.

Sidoo kale ciidamada Nabad-sugidda ayaa hal goob isugu geeyay mootooyinkan, kadibna waxay furayaasha ka qaateen wadayaashii lahaa mootooyinkaasi.

Qaar kamid ah darawallada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si gaar ah loo beegsaday, waxayna ku doodeen inay haystaan warqadda waddo marista ee Hay’adda dambi baarista ee C.I.D.

Mooto Fekon-ta ayaa maalmahan kusoo badaneysay magaalada Muqdisho, waxaana dadweynaha ay bilaabeen inay adeegsadaan, iyaga oo ka cararaya jaamka caasimada.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan howlgalkan lagu soo qab-qabtay mootooyinka ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada dowladda qaybahooda kala duwan ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga ee ay ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Shalay oo u dambeysay waxay ciidamada Nabad-sugidda gacanta ku dhigeen nin ka tirsan Al-Shabaab oo dil u gaysan rabay mid kamid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha oo dukaankiisa ay ku xirneyd kaamirada qarsoon ee CCTV oo ay horay u amartay dowladda.

Xasan Sheekh oo war culus kasoo saaray khilaafka kala dhexeeya Deni iyo A/Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan gaar ah la qaatay guddoonka iyo xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday khilaafka culus ee xilligan kala dhexeeyo madaxda dowlad goboleedyada ee Puntland iyo Jubbaland ee ka maqan shirka golaha wadatashiga qaranka ee haatan ka socda gudaha xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

“Camal walaal camankoo galaa, carrabkaana looga bixiyaa, macnaheedu waxaa waayay walaalkaa haddii uu xanaaqo xagga ayuu fariisanayaa, laakiin waa lala hadlaa” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu u safro magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, ama ay iyagu yimaadaan magaalada Muqdisho, si ay isaga, Saciid iyo Axmed Madoobe uga wada-hadlaan khilaafka dhexdooda ah.

“Walaalaheen waa la hadleynaa, awalna waa la hadalnay waa daba joogeynaa haddii ay naga ogolaadaan inaan u tegno waan u safreynaa, haddii ay naga ogolaadaan inay noo yimaadaan waan baryeynaa inay noo yimaadaan dhib iyo colaad halkaan kasoo jirto malaha, iyagana waa dad mas’uuliyiin oo sharaf iyo karaamo leh waayey” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdiisu aanay qaadi doonin tallaabo ka dhan ah labadaasi maamul, balse go’aammada ay soo saarayaan ay noqon doonaan kuwo ay raalli ka noqdaan oo ay ku jirto maslaxdda guud iyo horumarka dalka.

“Wax kasta oo aan qaadeynana waxay noqon doonaan wax ay raalli ka noqdaan wax ay ka qoomameeyaan ma noqon doonaan, waana u howl haynaa” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meel xun uu gaaray khilaafka dowladda, federaalka, Puntland iyo Jubbaland oo ku kala tegay siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo dhaliyay muran xoogan, maadaama ay isku khilaafeen saddexda dhinac.

Musharax Kismaayo uga soo dhex hanjabay A/Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Nin horey ganacsade u ahaa oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cali Dheere ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay Kismaayo uga digay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam in uu mar kale doorasho iskiis ah kusoo boxo.

Wuxuu sheegay in sida uu qabo dastuurka Jubaland, uusan mar saddexaad xilka isu soo taagi karin Axmed Madoobe.

“Waxaan haynaa sidoo kale waraaqdii uu Axmed saxiixay ee heshiiskii siyaasadda ee 2019-kii uu ku ballan qaaday in uusan markale isa soo sharaxaynin,” ayuu yiri Cabdirisaaq oo ah nin dhallinyaro aqoonyahan ah oo mar noloshiisa ku noolaa Maraykanka, kana mid ah dadkii lasoo shaqeeyay Axmed Madoobe.

Buuqii ka dhashay doorashadii Jubaland ee 2019-kii ayuu Axmed Madoobe heshiis la galay musharixiintii kala ahaa Cabdinaasir Seeraar , Sheekh Daahir iyo Xildhibaan Cabdirishiid Xiddig, waxaana ka mid ahaa qodob uu ku ballan-qaaday in uusan mar kale isa soo sharixi doonin.

Musharax Cabdirisaaq wuxuu sheegay in haddii Axmed Madoobe uu ka dhego adeego baaqiisa, ay markaas cawaaqib xumo ka dhallan doonto.  Ma uusan faahfaahin talaabada uu qaadayo.

Warar hoose oo Caasimada Online heshay ayaase sheegaya in Cabdirisaaq uu maalmahanba ciidan iyo hub uruursanayay, iyada oo kala qeybsanaan baahsan ay soo kala dhex galayso ciidamada Jubaland.

Arrintan ayaa cabsi xooggan ka abuurtay magaalada Kismaayo, oo sanadihii dhowaa ka mid aheyd magaalooyinka ugu nabdoon Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayey sidoo kale dowladda federaalka isku khilaafsan yihiin arrimaha doorashada.

Madaxda dowladda federaalka ayaa doonaya in la qabto doorasho qof iyo cod ah. Hase yeeshee Axmed Madoobe ayaa dooday in doorasho toos ah ay u baahan tahay muddo kordhin la sameeyo. Waxaa la filayaa in Jubaland ay toddobaadyo gudahood ku qabato doorasho aan toos aheyn.

Xog: DF oo damacsan qorshe xasaasi ah oo ka dhan ah Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Kadib muddo ay xiisado siyaasadeed ka dhex taagnaayeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada qaar waxaa la galay maalmo aamusnaan ah, balse dadka qaar ay ku sifeeyeen in la isku baadi-maqanyahay, hoostana ay ka socdaan waxyaabo badan.

Safarkii Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku tagay dalka Kenya ayaa la sheegay in Madaxweynaha dalkaas Williom Ruto uu ku qanciyay in uu ilaa xad hoos u dhigo heerka xiisadda, markii uu Kismaayo kusoo laabtana wuxuu saaxiibadiis u sheegay in la dhimo xasaradda.

Sidaas oo ay tahay Axmed Madoobe weli isma xaadirin shirka Madasha wadatashiga Qaran ee Muqdisho oo laga sugayo, mana uusan soo saarin hadal uu ku diidanyahay.

Tan ayaa lagu macneeyay in uu wadahadal u socdo isaga iyo madaxda dowladda federaalka.

Dhanka kale, warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay hoosta ka waddo abaabul sii xoogeysanaya oo ka dhan ah Axmed Madoobe, iyada oo xitaa xiriir la samaysay dad uu ka midyahay Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Soomaaliya Oomaar oo ah musharax muddo dheer raadinayey xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale, waxaa jira warar la hubo oo tilmaamaya in ciidanka Jubbaland ay ku kala qeybsanyihiin taageerada Axmed Madoobe, durbana ay bilaabatay saansaan kacdoon isaga ka dhan ah.

Dowladda federaalka waxa ay doonaysaa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah oo halmar dalka ka wada dhacda, dowlad goboleedyadana aysan qaban wax doorasho ah xiligaas ka hor.

Axmed Madoobe ayaa qaba in arrintan ay tahay qiyaano la doonayo in inta aan xiligaasba la gaarin kursiga looga hoos bixiyo, laguna soo dhisayo siyaasi ay isku beel yihiin.

Waxay u egtahay in Axmed Madoobe uu ku dhiiran la’yahay in uu doorasho iskiis ah qabsado, maadaama uusan hubin talaabada falcelinta ee suurtogalka ka ah dowladda federaalka.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo xalay codsi hor-dhigay xildhibaanada labada aqal

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeennadiisa, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Madaxda Dowlad-goboleedyada ka qayb-galay Madasha Wadatashiga Qaranka, taasoo lagaga arrinsanayo aayaha iyo horumarka dalkeenna, gaar ahaan dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada gacanta argagixisada ku jira, adkaynta amniga, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee doorashada hoggaankooda.

“Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa; haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan. Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa. Maanta dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda, waxaana si wadajir ah uga shaqeynaynaa adkaynta amniga dalka, dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyo xaqiijinta Soomaaliyada ay inaga sugayaan shacabkeennu.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray “Walaalaha naga aragtida duwan waan la hadlaynaa, haddii ay noo oggolaadaan waan u tagayaa, haddii kale way noo imaanayaan. Wadajir ayaan rabaa iyo midnimo.”

Madaxweynaha ayaa xusay doorka muhiimka ah ee ay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaateen muddadii la soo dhaafay, iyagoo dhexda u xirtay qabyo-tirka dastuurka, difaaca iyo adkeynta midnimada dalka, waxa uuna adkeeyey rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta dowladnimada.

Daawo: Koox ciyaal weero ah oo dil argagax leh ka gaysatay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil argagax leh oo koox ciyaal weero ah xalay ay ka geysatay gudaha degmada Shibis ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay walaac aad u xoogan oo soo wajahay dadka deegaanka.

Kooxda ciyaal weerarada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa wiil yar oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xasan Maxamuud waxa ay ku dileen gudaha degmada Shibis, iyaga oo kadib goobta ka baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in wiilka yar lagu dhuftay dhowr mindi, kadibna uu u geeriyooday dhiig bax, ayada oo markii dambe maydkiisa la geeyay mid kamid ah goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Gabar la dhalatay marxuumka oo u warrantay Dalsan TV ayaa sheegtay in dilka wiilkooda ay aad uga naxeen, waxayna tilmaamtay inuu aha arday dhigta fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.

“Wiilka walaalkey iga yar ayuu ahaa Allaha u naxariisto gacan ka xaq-daran ayaa dishay wuxuu ahaa wiil arday ah qolada dishay waxaa naloogu sheegay ciyaal weero” ayau tiri.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Hooyadiis way dhimatay, baadiyo ayaa laga keenay waxaa halkan loo keenay waxbarasho”.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.

Ciyaal weero ayaa u muuqda inay mar kale kusoo rogaal celiyeen gudaha caasimada, waxaana horay dagaal adag ula galay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

DAGAAL culus oo dib uga qarxay LUUQ + Khasaaraha

0

Luuq (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saaka dib uga qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo indhowanahaan ku dagaalamayay gudaha magaaladaasi.

Dagaalka ayaa mar kale dib uga bilowday duleedka degmada, waxaana maleeshiyaadka ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Maleeshiyaadka dagaalamaya oo maalmihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay degmada Luuq, waxaana halkaasi ay ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah.

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay dagaalka maanta ka dhacay Luuq, iyada oo ay dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kasii badan, sida ay innoo sheegeen dad deegaanka ah.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana weli rasaas laga maqlayaa duleedka bari ee degmada luuq mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalkaasi.

Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo uu fashilmeen qodobadii kasoo baxay shirkii dib u heshisiinta ee beelaha dagaalamaya ku dhex-maray magaalada Kismaayo, kaas oo u goobjoog ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe.

Colaaddan ayaa soo noq noqotay, waxaana beelaha dagaalamaya ay isku haystaan maamulka degmada iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay horay isugu gaysteen.

Waa kuma Naciim Qaasim – Hoggaamiyaha cusub ee loo doortay ururka Xizbullah?

Beirut (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaaqa Xizbullah ee Lubnaan ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay in ay u doorteen hoggaamiye ku-xigeenka kooxda Naciim Qaasim in uu beddelo Hassan Nasrallah ka dib markii uu ku dhintay duqayn ay Israel ka gaysatay koonfurta Beirut bishii hore.

“Golaha Shuurada ee maamula Xizbullah waxay isku raaceen in ay u doortaan…Sheekh Naciim Qaasim in uu noqdo xoghayaha guud ee Xizbullah,” ayey kooxda ay taageerto Iran ku sheegtay bayaan ay soo saartay, in ka badan bil kadib dilkii Nasrallah.

Xizbullah ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonto “ololka wax-iska-caabbinta” ilaa laga gaarayo guul ka dhan ah Israa’iil ka dib markii uu dagaal buuxa qarxay 23-kii September.

Naciim waxaa doortay golaha shuurada oo ka kooban shan xubnood, waana golaha ugu muhiimsan ee gaara go’aanada kooxda, laba maalmood ka hor inta aan lagu dhawaaqin Talaadada, sida ay sheegeen ilo ku dhow Xizbullah.

Ilo-wareedka oo codsaday in aan la magacaabin sababo la xiriira in aan loo ogoleyn inuu la hadlo warbaahinta, ayaa sheegay in gole cusub oo Shuura la dooran doono kadib marka uu dagaalku dhamaado.

Goluhu wuxuu markaas doorbidi karaa inuu doorto hogaamiye cusub ama uu Naciim ku sii hayo jagada ugu sareysa, sida uu sheegay ilo-wareedka.

Naciim, oo xubin ka ah golaha shuurada ee kooxda, waxa uu muddo dheer ka hoos shaqaynayey Nasrallah, oo ahaa hoggaamiye dheer oo ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu saamaynta badan ee Bariga Dhexe.

Hashem Safieddine, oo ahaa madaxa golaha fulinta ee Xizbullah, ayaa markii hore loo saadaalinayay inuu bedeli doono Nasrallah.

Laakin isagana waxaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka gaysatay duleedka koonfureed ee Beirut wax yar ka dib dilkii Nasrallah.

Naciim, oo 71 jir ah, waxa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii Xizbullah sannadkii 1982-kii, waxaana uu ahaa ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga tan iyo sannadkii 1991-kii, sannad ka hor intii aanu Nasrallah xilka qaban.

Waxa uu ku dhashay Beirut 1953-dii, waxa uuna ka tirsan yahay qoys ka soo jeeda tuulada Kafar Fila oo ku taalla xuduudka Israa’iil.

Waxa uu ahaa sarkaalkii ugu sarsareeyey ee Xizbullah ee sii waday ka soo muuqashada fagaaraha ka dib markii Nasrallah uu inta badan is-qarinayey ka dib dagaalkii ay kooxdu la gashay Israa’iil 2006-dii.

Tan iyo markii Nasrallah uu ku dhintay duqayn cirka ah oo Israa’iil ay fulisay 27-kii September, Qasem waxa uu jeediyey saddex khudbad oo telefishinka laga sii daayay, isaga oo ku hadlaya Carabi rasmi ah oo ka duwan kii lahjad Lubnaaniga ee uu jeclaa Nasrallah.

Qasem waxa uu sheegay in awoodda Milatari ee Xizbullah ay tahay mid taagan, waxa uuna taageeray dadaallada uu wado afhayeenka baarlamaanka Nabih Berri ee uu ku dhex-dhexaadinayo xabad joojin.

Khudbadii ugu dambeysay ee uu jeediyay 15-kii October, Naciim wuxuu ku sheegay in xabbad joojintu ay tahay sida kaliya ee Israa’iil ay ku dammaanad qaadi karto dib u soo celinta dadkeeda deggan waqooyiga.

Dagaalka Israel iyo Xizbullah ayaa qarxay bishii hore ka dib ku dhawaad sanad oo ay rasaas isku weydaarsanayeen xuduudda.

23-kii September, Israa’iil waxa ay kordhisay duqaymaha ay ku hayso Xizbullah, waxayna Lubnaan u dirtay ciidamo dhulka ah.

Dagaalku waxa uu Lubnaan ku dilay in ka badan 1,700 oo qof tan iyo September 23, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa tirooyinka wasaaradda caafimaadka, inkasta oo tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay intaas ka badan tahay.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 37 askari ay ku dhinteen ololahooda Lubnaan tan iyo markii ay billaabeen howlgallada dhulka 30-kii September.

DF Soomaaliya oo soo saartay go’aan ay dalka uga ceyrisay sarkaal Itoobiyaan ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa caawa qaaday tallaabo kale oo ay ku ciqaabeyso Itoobiya, si ay u ilaaliso danaha qaranka Soomaaliyeed, waxayna dalka ka ceyrisay diblomaasi kale oo Itoobiyaan ah.

“Wasaaradda waxay ku dhawaaqaysaa in mudane Cali Maxamed Aadan oo hadda ah La-taliye sare ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya, uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah.

“Ficillada u uku kacay Cali Maxamed waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), gaar ahaan Qodobbada 41 iyo 42, kuwaas oo faraya diblumaasiyiinta inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa si cad ugu dhawaaqday in Cali Maxamed Aadan uu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata), iyadoo lagu wargeliyey in dalka uu deg deg uga baxo.

“Waxaa Cali laga doonayaa inuu uga baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood, marka uu helo ogeysiiskan,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Tallaabadani waxay marag u tahay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta habraaca diblumaasiyadeed ee caalamiga ah iyo difaacidda madax-bannaanideeda qaranka, sida ku cad qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa isha ku heysa ficillada guracan ee Itoobiya ay ku ka ceyso, waxayna labada dalka diblomaasiyadoodu gaartay heer loo kala yeerto safaaradaha, kiisaskaan is dabajoogga ah ayaa ka dhashay damacii guracnaa ee Itoobiya ka galay badda Soomaaliya.

Jabuuti oo wafdi culus usoo dirtay magaalada Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray gudaha magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wafdigan culus ee ka socda dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka si diiran ugu soo dhaweeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa dalka kusoo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay imaashihiisa.

“Waa munaasabad aad noogu qiimo badan oo aan kusoo dhaweyneyno wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka walaalaheenna Jabuuti, waana maalin wayn oo farxad innoo ah” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Mas’uul iyo shacab cid aan idinku faraxsaneyn ma jirto walaalihiina ayaad u timaadeen iyo dalkiina labaad”.

Labada guddoomiye ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo gaar ah oo looga hadlayo xiriirka labada dal iyo wada shaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dileyta Maxamed Dileyta ayaa sidoo kale inta uu joogo magaalada Muqdisho la kulmo doono madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo uu kala hadli doono xaaladda dalka iyo arrimo xasaasi ah oo ku aadan gobolka, siiba xiisadda ka taagan Geeska Afrika.

Jabuuti ayaa saaxiib iyo walaal la ah Soomaaliya, waxayna ka taageertaa ammaanka, iyada oo qayb ka ah dagaalka Al-Shabaab, maadaama ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Muhiimad intee la’eg ayay leedahay xarunta uu maanta xarigga ka jaray R/W Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, isaga oo xarigga ka jaray xarum muhiim ah oo qaban doonto adeeg ay u baahan yihiin shacabka.

Munaasabadda xarig-jarka xaruntan cusub ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, Xildhibaanno, madax ka socota Ururrada Bulshada, Saraakiil matalaysa Ciidanka Boliiska, qaar ka mid ah ehellada dadkii uu saameeyay weerarkii Soobe 2 iyo marti kale oo kaalin weyn ku lahayd dhismaha xarunta iyo guud ahaan howlihii gurmad ee ka dhashay musiibooyinkii dalka ka dhacay.

Xamza ayaa maanta daah-furay Xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg-degga ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo dadka ku wax-yeellooba musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dadku sameeyeen oo laga hirgaliyay gudaha Isbitaalka weyn ee Madiina.

Xaruntan cusub ee maanta xarigga laga jaray ayaa halkii mar qaabili karta 200 oo qof oo u baahan gargaar deg-deg ah, waana xaruntii ugu weyneed ee dalka laga hirgaliyo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa boggaadiyay hirgelinta xaruntan muhiimka ah, wuxuuna sheegay inay wax badan ka qaban doono xaaladaha deg-degga ah.

Dhankiisa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo hormuud u ahaa dadaallada ku aaddan dhismaha xaruntaan ayaa xusay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wax badan ka barteen dhacdooyin hore u dhacay, maantana la diyaar-garoobay lana taaba-galiyay xarumo loogu adeego bulshada haddii musiibooyinku soo laabtaan.

Si kastaba, daah-furka xaruntan ayaa ku soo aadday laba sano kadib qaraxii Soobe 2 ee dhacay 29-kii October 2022, waxaana lagu dhisay dhaqaale uu Guddiga Gurmad Qaran oo ka kooban Wasaaraddo heer Federaal ah, Hay’adda SoDMA iyo Ururrada Bulshada Rayidka ka aruuriyay dadka Soomaaliyeed.

NISA oo gacanta ku dhigtay nin Shabaab ah oo dil u gaysan rabay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Nabad-sugidda ka sameeyeen gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo qabtay nin ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ninka la qabtay uu doonayay inuu dilo ganacsade ku sugnaa gudaha suuqa, isla markaana laga shakiyay dhaq-dhaqaaqiisa.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inuu fal amni darro ah ka geysto suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

NISA sidoo kale waxa ay sheegtay in ninka la qabtay uu kamid ahaa shabakad dilal ka gaysatay caasimada, ayna ku raad joogeen ciidamada ammaanka, sidaasna lagu soo qabtay.

“Shaqsiga la qabtay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Shabakad dilal ka geysatay magaalada Muqdisho oo ciidamada ammaanka ay ku daba jireen, waxaana maanta lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka hay’adda NISA.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa laga arkay eedeysanaha oo hubeysan, ayada oo ay ka shakiyeen dadkii ku sugnaa goobta, kadibna waxaa soo gaaray ciidanka NISA.

Soo qabashada ninkan ayaa kusoo aaday, iyada oo shalay Muqdisho lagu dilay saddex ganacsato ahaa oo loo beegsaday kaamiro CCTV oo ay ku xireen dukaamadood.

Horay sidaan oo kale ayaa ciidamada ammaanka waxay usoo qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab oo ku howlanaaa qorsheynta dilal ay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay beegsiga ganacsatada Muqdisho, waxayna qarxiyeen dhowr xarumood oo ku yaalla caasimada, kadib markii lagu xiray kaamirooyinka CCTV.

Xog: Madaxweyne Xasan oo kulan deg-deg ah isugu yeeray xildhibaannada BF + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan deg-deg ah oo casho sharaf ah ku casuumay xildhibaannada labada Gole, kaas oo ka qabsoomaya xarunta madaxtooyada.

Farriin loo diray xubnaha labada Aqal ayaa lagu wargeliyay casuumaadda uu u fidiyay madaxweynaha, waxaana lagu sheegay qoraalka in kulanka uu qabsoomayo 7:00 habeenimo.

“Xildhibaannada sharafta leh, caawa waxaa jirta casho sharaf labada Aqal oo uu sameeyay Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Goobta Villa Soomaaliya waqtiga waa 7:00pm (Fiidnimo) Mahadsanidiin” ayaa lagu yiri farriinta loo diray xildhibaannada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka uu madaxweynaha isugu yeeray xildhibaannada ayaa ah inuu ka dalbado in muddo bil ah lagu daro kulamada kalfadhiga Baarlamaanka oo la filayo in dhowaan la soo xiro.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshaha Villa Soomaaliya uu yahay in muddada u furan yahay kalfadhiga baarlamaanka lagu horgeeyo hindiseyaasha doorashooyinka iyo guddiga la magacaabi doono, si loo ansixiyo.

Kulankan caawa loogu yeeray xildhibaannada labada Gole ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Muqdisho uu ka socdo shirka golaha wadatashiga qaranka oo ay ka maqan yihiin Jubbaland iyo Puntland oo la filayo in laga soo saaro go’aanno la xiriira doorashooyinka.

Arrinta ugu wayn ee laga filayo shirka ayaa ah in madaxda ay ku dhawaaqaan go’aan muddo kororsi  hal sanno ah, oo lagu qabanayo doorashooyin qof iyo cod ah, laakiin arrintaan ayaa ah mid horay ay uga digeen mucaaradka iyo maamullada ka maqan shirka.

Si kastaba, lama sida ay wax noqon doonaan iyo sida ay baarlamaanka ka yeelan doonaan go’aannada la filayo inay soo saaraan golaha wadatashiga qaranka.

Trump iyo Kamala oo ku kala fog xasarada Geeska iyo waxa dhici kara haddii Trump soo baxo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dunida oo idil waxay isha ku haysa doorashada Maraykanka ee 5-ta November dhacaysa, maadaama uu yahay dalka dunida ugu awoodda badan.

Saadaasha cod-bixiyayaasha laga qaaday ee musharraxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, iyo Dimoqoraadiga Kamala Haris ayaa foodda isku saaran.

Isbarbar-dhaca labada musharrax ayaa sabab looga dhigayaa qaabkii cod bixinta lagu aqoon jiray oo is-beddelay.

Kolkii hore doorashada waxaa sal u ahaa jinsi iyo dabaqad dhaqaale, dadka hantida badan leh, kuwa dabaqada dhexe, iyo caddaanka intiisa badan midigta ayey ahaan jireen, waxayna codka siin jireen Xisbiga Jamhuuriga, halka danyarta, xoogsatada, dadka madowga ah iyo kuwa kalarka ay bidixda xigi jireen, codkana siin jireen Xisbiga Dimoqoraadiga ah, laakiin xaalku sidii hore maaha, waxaana loo tiirinayaa is-bedellada ay keeneen caalamiyeynta (Globalisation) iyo kacaanka macluumaadka (information revolution) kuwaasoo majaha u rogay siyaasaddii.

Hadda waxaa lagu qaybsan yahay dhaqan, hayb iyo Diin. Dadka magaalka ah, aqoonta heerka jaamacadeed leh, cilmaaniyiinta ah iyo haweenka badankood waxay u codaynayaan Kamala.

Halka kuwa aan aqoonta heerka jaamacad lahayn, tuulajoogga ah, diinta haysta, iyo raga badankoodna waxay codka siinayaan Trump, taas ayaana keentay in dad badan oo madow ah iyo kuwa ka soo jeeda qowmiyada Hispanic oo horay ugu codayn jiray Dimoqoraadiga ay markaan Trump u codaynayaan.

Haddii uu Trump soo baxo maamulkiisu wuu ka jeesan doona Geeska Afrika, taa beddelkeeda waxaa isku herdin doona awoodaha dhexe ee Gobolka, Sida; Turkiga, Masar, Iiraan, Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Haddiise ay Kamala soo baxdo Dimoqoraadiga kama jeesan doonaan xasaradaha ka taagan geeska Afrika, waxayna xoogga saari doonaan in ay xakameeyaan loollaanka awoodaha dhexe, kana ilaaliyaan in uu si taban u saameeyo gobolka.

W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Mustafe Cagjar oo ku dhowaaqay arrin uga sii dareysa xiisadda ONLF

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa markii u horreysay sheegay in aan loo joojineyn dadka kasoo horjeestay shirweynaha muranka dhaliyay ee wada-hadalka qaran ee Itoobiya.

ONLF ayaa dhawaan qaadacday shirkaan, iyadoo saluug ka muujisay tallaabooyinka ugu dambeeyay ee xisbiga tallada haya ee gobolka Soomaalida, taas oo hoos u dhigtay kalsoonida wada-hadalka, maadaama uu si iskiis ah usoo xushay xubnaha ka qayb-galaya madasha.

Madaxweyne Cagjar ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in shirwaynaha wada-hadallada Itoobiya uu yahay mid u furan guud ahaan dadka ku dhaqan dalka Itoobiya, kana madax-banaan dowladda oo ay maamulaan guddiyo laga soo kala xulay dhamaan deegaanada ay ka kooban tahay Itoobiya.

“Deegaanka Soomaalida waxaa laga soo xulay dad gaaraya 70 xubnood, oo isugu jira siyaasiyiin hore, culimaa’udiin, madax dhaqameedyo iyo xubno ka socda Jaamacadaha deegaanka,” ayuu yiri madaxweyne Cagjar oo sheegay in xubnahaasi yihiin kuwa rasmiya ah ee shirwaynahaas ku matalaya dowlad deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale wuxuu sheegay in guddida howshan wada ay dadaal badan ku bixinayaan sidii ay cid walba oo wax tabanaysa ay uga soo qayb-galin lahaayeen shirwaynahan wada-hadalka heer qaran ee Itoobiya, isagoo dhinaca kale duray ONLF.

“30 sano ayay lahaayeen ONLF anagaa matalna shacabka, ma matalaan, qabiilna kuma matalaan oo ururna kuma matalaaan, urur urur bay ka yihiin, qabiilna meelaha ay sheeganayaan meelo kamid ah oon ahayn ayaa jirta,” ayuu yiri madaxweyne Cagjar.

Si kastaba, hadalka madaxweyne Cagjar ayaa imanaya xilli ururada qaarkood oo ONLF kamid tahay ay qaadaceen shirwaynaha, iyadoo lasoo warinayo in guddiga ku howlan qaban-qaabada shirwaynahan ay qaateen in cid walba ku qanciyaan sidii ay uga soo qeyb-gali lahaayeen shirka.

Faah-faahinta qarax culus oo ka dhacay Beledweyne + Khasaaraha

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Beledweyne, kaasi oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo ahaa bambaano ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Howl-wadaag ee magaalada Baledweyne, gaar ahaan Maqaayad ay inta badan fariistaan dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday.

Illaa hadda inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 7 kale, kuwaas oo haatan xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo goobaha caafimaad ee magaalada.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa ammaanka, iyagoo halkaasi ka sameeyay baaritaano ay ku aadan cidda ka dambeysay qaraxa bambaano ee lagu beegsaday maqaayadda.

Illaa hadda lama soo sheegin cid ay laamaha ammaanka u soo qabteen qaraxaan sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Qaraxaan ayaa imanaya xilli ammaanka magaalada Beledweyne laga deyrinayo, islamarkaana uu muddooyinkii dambena sii xumaanayay.

Xalay ayey aheyd markii dabley hubeysan ay xaafada Kooshin ee magaaladaas ay ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka NISA, iyadoo ay horay u sii qaateen kooxda dishay qorigii uu watay askariga ka tirsanaa nabad-sugidda.

Maxaa RW ku-xigeenka cusub looga reebay shirka golaha wadatashiga qaran?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa toddobaadkan dib uga bilowday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyadoo uu ka maqan yahay hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey ugu sheegay xubnaha xisbigiisa inuu asbuuc wax ka yar Axmed Madoobe kusoo celin doono shirka, laakiin Xasan Sheekh taas uma shaqeynin.

Xitaa dowladda Kenya ayuu u kaashaday in Axmed Madoobe lasoo celiyo, welina laguma guuleysan. Shirkaan intii uu hakadka ku jiray, dalka wuxuu yeeshay ra’iisul wasaare ku-xigeen cusub.

Waxaa la filaayay in shirkaan laga soo qeyb-gelin doono, maadaama ay jiraan laba ra’iisul wasaare ku-xigeen oo dastuuriyan siman.

Soomaaliya dastuurkeeda kuma qorna ra’iisul wasaare ku-xigeenka koowaad iyo mid labaad, waxaa ku qoran ra’iisul wasaare ku-xigeenno, sidaas darteed waxaa loo badinayay in reer Koonfur Galbeed markii ugu horreysay laba xubnood ku yeelan doonaan golaha wadatashiga qaran, balse ma dhicin.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayey dadka qaar ku eedeynayaan inuu diidan yahay ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad oo isagu sabab u ahaa in aan shirkaan loo ogolaan.

Inkasta oo taas xaqiiqo loo hayn, haddana waxaa la hubaa inuu Lafta-gareen awooday inuu madaxda federaalka ah ku cadaadiyo in Cabdisalaan Cabdi Cali lagu soo daro shirka golaha wadatashiga qaran, maadaama uu Saalax Jaamac ka qeyb-galayo shirka.

Haddii la dhihi lahaa Saalax Jaamac wuxuu metelayaa reer Waqooyi, golahani kuma dhisna 4.5, kumana dhisna sinaan maamul goboleed. Haddii laga hadlaayo inuu shirkan ku saleysan yahay hanaanka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, waa in aan ogaana in shirkaan qofna u fadhin beesha shanaad oo ay beel dhan ka maqan tahay shirka.

Haddii maamullo laga hadlayana waa inay Khaatumo kusoo biirta golaha wadatashiga qaran. Haddii ay kugu soo dhacdo in aanay Khaatumo aheyn maamul goboleed, Banaadir xitaa ma ahan maamul goboleed shirkana waa fadhisaa.

Micnaha guud waa inuu golaha ku dhisan yahay xeer jajab, waana lagu soo dari karaa ra’iisul wasaare ku-xigeenka cusub oo ma jiraan wax diidaya oo xeer ah. Madaxweyne Xasan Sheekh qudhiisa waxaa dan ugu jirtaa inuu abuuro qof kale oo hoggaan ah oo reer Koonfur Galbeed oo haddii uu Lafta-gareen lumiyo kusii haysan karo shacbiyada reer Koonfur Galbeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka cusub Cabdisalaan Cabdi Cali siyaabo badan ayuu berri u anfaci karaa madaxweyne Xasan Sheekh, mana ahan inuu lumiyo ayey leeyihiin dadka u dhuun daloola arrimaha Soomaaliya.

Lafta-gareen inkasta oo lagu eedeynayo inuu markii horeba diidanaa magacaabistan oo uusan wax hambalyo ah ka dirin xilkan usoo kordhay beeshiisa, haddana inuu olole u daro in ra’iisul wasaare ku-xigeenka cusub lagu soo daro golaha wadatashiga qaran waxay sare u qaadi kartaa metelaada guud ee reer Koonfur Galbeed, wuxuuna Lafta-gareen arrintaasi ka heli karaa sumcad wanaagsan oo gaar ah.

Xog cusub oo laga helayo afar ganacsato dhallinyaro ah oo shalay lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa ka soo baxeysa dil aad u foolxun oo shalay magaalada Muqdisho loogu gaystey afar dhallinyaro ah oo dukaamo ku haystay xaafadda Miisaanka Dhuxusha ee degmada Yaaqshiid. 

Sida aan xog ku helnay, afarta dhallinyaro ayaa ku sugnaa goobtooda ganacsi markii ay toogteen rag ku hubeysan baastoolado, oo si qorsheysan ku socday. 

Saddex ka mid ah la sheegay inay isla goobta ku geeriyoodeen, halka qofka afaraadna isagoo dhaawac culus qaba loola cararay goobaha caafimaadka, halkaasi oo u uku geeriyooday.

Ciidamo isugu jira boolis iyo nabadsugid ayaa gaaray goobaha ganacsi ee lagu dhex dilay sadaxda ruux ee ganacsatada ahaa, waxana la tilmaamay in ciidamada ay ku guuldareysteen soo qabashada kooxda dilka gaysatay. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in dilka dhallinyaradaan ganacsatada aheyd uu la xariiro, kadib markii dukaamadooda ganacsi ay ku xireen Kaamirooyinka CCTV, taasoo ay amartay dowladda in lagu xiro goobaha ganacsiga Muqdisho, waxaana arintaasi si weyn u diidan kooxda Al-Shabaab. 

Argagixisada Al-Shabaab ayaa aaminsan in kaamardu ay hoos u dhigtey shaqooyinka ay ka dhex qabsan jireen goobaha ganacsiga, waxaana ay hoos u dhigtay lacag ururintii ay ka dhex sameyn jireen suuqyada, sidaas darted goob kasta oo u hoggaansanta sharciga dowladda ayey dagaal ku aadeen.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahii lasoo dhaafay si weyn ugu soo kordhaayay beegsiga lagu haayo goobaha ganacsiga oo ay ku xiran yihiin Kaamirooyinka dowladdu amartay ee CCTV, waxaana xusid mudan in Kaamirooyinka dartood ganacsatada loo dilay inay dhaafayaan tobaneeyo ruux oo dhamaantood u badana rag dhallinyaro ahaa.

Todobaadkii hore ilaa shan qof ayaa sidaan oo kale oo loo dilay.