25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

BF oo u yeeray taliyaasha ciidamada iyo wasiirka difaaca, kalana hadlay arrin xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Maaliyadda ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan isugu yeeray wasiirka gaashaandhigga, wasiir ku xigeenka maaliyadda, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, Taliyaha Booliiska, Taliyaha Nabad Sugidda iyo Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ugu horeyn guddiga wuxuu warbixin ka dhageystay wasiirrada iyo taliyaasha shirka ka soo qeyb-galay, kuwaas oo faahfaahiyay daruufaha ciidanka ku gadaaman.

Taliyaasha ayaa codsaday in kororka miisaaniyadda ee sanadkaan loo wareejiyo dhanka ciidanka.

Guddoomiyaasha guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal ee BFS oo kulanka soo xiray ayaa u sheegay in xaquuq u halida ciidamada qaranka ay muhiim tahay, ka guddi ahaana ay diyaar u yihiin in ciidanka xuquuq loo raadiyo.

Saraakiisha ayaa guddiga ku amaanay sida ay ula dareemayaan culeyska xuquuq yarida ciidamada oo maalmahaan hadal-heyn badan abuurtay, waxayna codsadeen in guddigu u ololeeyo in dowladdu kordhiso miisaaniyadda ciidamada.

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa maalmihii lasoo dhaafay codsaday in ciidamada loo kordhiyo mushaarka, maadaama xuquuqdooda ay aad u yartahay, duruuf adagna ay ku shaqeeyaan.

Ciidamada ayaa u riyaaqay doodaas, sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa bilaabay olole ciidamada qaranka loogu raadinayo xuquuq dheeraad ah, balse madaxda qaranka ayaa dhegaha ka fureysatay baaqyadaan iska soo daba dhacaya.

Askariga Soomaaliyeed ayaa mushaar ahaan u qaata $200 (Labo boqol oo dollar) waana lacag aad u yar, sidaas oo ay tahay waa kuwa ugu shaqada badan oo u dhinta dalkaan.

Daawo: Xasan Sheekh oo mar kale jeediyey khudbad ku saabsan dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo xiray kulan cilmiyeedka afaraad ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, kaas oo sanadkan looga hadlay mowduuc la xariira Dastuurka iyo Haybta Soomaaliyeed.

Kulanka oo ay ka qayb galeen culumaa’udiin, aqoonyahanno, xeel-dheerayaal arrimaha Dastuurka iyo xubno matalayay bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ku saabsan qodobadii lagu lafa-guray muddadii uu kulanku socday.

Xasan Sheekh ayaa isla maanta soo xiray Shiweynaha 5-aad ee Hoggaaminta iyo Hal-abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo muddo labo maalmood ah Muqdisho uga socday dhallinyaro ka kala timid Muqdisho iyo gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa khudbad dheer ka jeediyey kulankaas, isagoo ugu horeyn dhallinyarada Soomaaliyeed bogaadiyey, sidoo kalena  ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Xasan Sheekh ayaa mar kale maanta hoosta ka xariiqay in marnaba aan laga laaban doonin qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka bilaaban doonta bartamaha sanadka soo socda ee 2025-ka.

Hoos ka daawo khudbadii uu jeediyey Xasan Sheekh

ABIY Axmed oo ku dhowaaqay arrin uga sii dareysa xiisada badda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in aysan ku dooneyn helista galaanka badda cas ah xoog iyo weerar, balse ay is-difaaci doonto, haddii weerar arrintan la xiriira lagu soo qaado, sida uu hadalka u dhigay.

Bishii Janaayo ee bilowgii sanadkan ayaa Ethiopia waxay heshiis la gashay maamulka Somaliland, kaasi oo ka kireynaya Ethiopia 20km oo dhul xeebeedkeeda badda cas ah muddo 50 sano ah, taas bedelkeedana ay Somaliland Ethiopia ka helayso aqoonsi.

Abiy Axmed oo maanta la hadlayay baarlamaanka dalkaas ayaa helista heshiiskan ku tilmaamay mid “horumarineed,” ah oo ku salaysan baahida ay Ethiopia u qabto marin badeedka.

“Waxaan dalbanay in badda gaarno, taasina kuma raadin doonno weerar iyo dagaal, laakiin si hufan ayaan isaga difaaci doonnaa haddii ay wax dhacaan,” ayuu yiri Abi Axmed.

Abi Axmed waxa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in himilladaasi ay Ethiopia gaarto, haddii hadda aanay gaarinna, buu yiri “ay caruurtoodu gaari doonto.”

Heshiiskaasi waxa uu ka careysiiyay dowladda Soomaaliya oo ku tilmaantay mid sharci darro ah, oo meel ka dhacna ku ah qarannimadeeda iyo madax-banaanideeda dhuleed.

Waxay erisay safiirkii Itoobiya bishii April, Talaadadiina waxay ku amartay Ali Mohamed Adan, oo ka tirsanaa qunsuliyadda Ethiopia ee Muqdisho inuu dalka ka baxo.

Soomaaliya waxaa kale oo ay horey u sheegtay in ciidamada Ethiopia aysan qeyb ka noqon doonin howl-galka cusub ee nabad Ilaalinta Midowga Africa ee bedelaya ATMIS.

Xasan Sheekh oo qodobkii afaraad ku barbareeyay Farmaajo – Maxaa socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo laba sano iyo bar xilka haya ayaa sii wada inuu dib u qurxiyo dhaqanadii qalafsanaa ee nidaamkii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha wuxuu horey u haystay saddex arrimood oo taban oo uu kala mid noqday Farmaajo tan iyo markii xukunka kusoo laabtay 15-kii May 2022.

Waxay kala yihiin saddexdii uu horey usoo barbareeyay iyo midda haatan;

1. Dastuur ku tumashada

Labada madaxweyne ee isku beddelay xukunka Villa Soomaaliya midkoodna ma ixtiraamin dastuurkii lagu doortay.

Farmaajo waxaa lagu xasuusta muddo kororsigii sharci darrada ahaa ee Xamar dagaalka galiyay. Xasan Sheekh-na hadda waa iska diiday inuu baarlamaanka mariyo heshiisyadii uu soo galay sida uu dastuurka qabo, wuxuuna sidoo kale muddo kororsi sharci darro ah siiyay maamul goboleedyada.

2. Baarlamaan curyaamin

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muddo xileedkii hore ahaa nin baarlamaanka macno ugu fadhiyo, laakiin hadda muddo xileedkiisan cusub isagoo xiganaya sidii uu Farmaajo u damiyay baarlamaanka, isna sidaas oo kale ayuu kasoo qaaday.

Wax ay diidi karaan ama sixi karaan ma jiraan baarlamaanka. Labada ninba waxay curyaaminta baarlamaanka u adeegsadeen dhaqaale iyo xilal bixin.

3. Siyaasadeynta socdaalka

Labada nin ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu mid walba hor istaagay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka aragti duwan iyaga, kuwaas oo loo diiday inay ka baxaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyagoo u socday isla gudaha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh isagoo horey saddexdaasi ugu barbareeyay Farmaajo ayaa haatana qodob afaraad ku barbareeyay shalay, waana in lagu fashilmay isku haynta dalka, gaar ahaan maamul goboleedyada.

Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo intii ugu badneyd muddo xileedkiisi ma haysan Puntland iyo Jubbaland, haatana Xasan Sheekh ayaa go’aanno ku gaaray shir ay ka maqan yihiin labadaasi maamul.

Horey waxaa u maqneyd Somaliland. Qofka madaxda ka ah Soomaaliya mid kamid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu qiimeynayo waa isku haynta dalka. Xasan Sheekh maanta ma hayo Somaliland, Puntland iyo mana hayo Jubbaland.

Tani waxay ka dhigan tahay inuu sidii Farmaajo isna ku fashilmay isku haynta dalka iyo isku wadka bulshada Soomaaliyeed. Ma jiro fashil ka weyn boobka hantida qaran ee ka socda magaalada Muqdisho iyo in la isku hayn waayay dalkii.

Wax walba oo madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaqaaqo maanta ma wada saameynayaan dalka, waa wax deegaano gaar ah ku eekaan doona, taas oo haddii lagu sii adkeystana halis galin doonta midnimada guud ee umadda Soomaaliyeed.

Puntland oo war culus kasoo saartay muddo kororsiga golaha wadatashiga

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid go’aannadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran, kaasi oo muddo kororsi horleh loogu sameeyay maamul goboleedyada.

Shirkaan oo dibad joog ka ahaayeen Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay maanta golaha wasiirada Puntland ku tilmaameen go’aannada kasoo baxay golaha wadatashiga “nasiib darro weyn oo xaalad hubanti la’aan ah u horseedaya dalka”.

“Golaha Wasiirada Puntland wuxuu nasiib darro weyn ku tilmaamay go’aankii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran, kaasi oo horey ay dowladda Puntland uga sii digtay, haatana xaalad hubanti la’aan ah u horseedaya dalka, maadaama uu yahay go’aan kasoo horjeeda dastuurka KMG ah ee DFS, kan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo hanaanka dowlad dhiska ee ku saleysan dib u heshiisiin iyo wadar ogol,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka golaha wasiirada Puntland.

Golaha ayaa sidoo kale wuxuu ayidayaa go’aankii ay wadajirka usoo saareen xildhibaannada Puntland ku metela labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo golaha wakiilada dowladda Puntland.

“Goluhu wuxuu bogaadiyey go’aanka dowladda Jubbaland ee ku saabsan qabashada heerarka kala duwan doorashooyinka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dowladda Jubbaland iyagoo iska diiday muddo kordhin aan sharci aheyn, tani waa masuuliyad saaran dowladaha xubnaha ka ah DFS inay ilaaliyaan dastuurka iyo shuruucda u yaalla.”

Puntland ayaa sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay baaqyada ay soo saareen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka damqaday sharci jebinta kasoo baxday shirkii golaha wadatashiga qaranka.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay markale cadeynaysaa in ay mowqifkeedii hore ka taagan tahay habka khaldan ee loo marayo hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya, go’aanka kasoo baxay golaha wadatashiga qaranka, waa mid si buuxda u muujinaya waxyaabaha ay dowladda Puntland hore uga digtay.”

Si kastaba, golaha wadatashiga qaranka ayaa shalay ku heshiiyey in dalka doorasho qof iyo cod ah laga qabto, iyadoo muddo kordhin kale loo sameeyey madaxda dowlad-goboleedyada, si doorashooyinkaas loogu diyaar garoobo, loona qabto sanadka dambe ee 2025-ka.

Xasan oo maanta soo xiray shirweyne maalmahan ka socday Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray shiweynaha 5-aad ee hoggaaminta iyo hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirkaan oo lagu soo bandhigay aalado casri ah oo ay hal abuureen dhallinyaro Soomaaliyeed, caqabadaha ku hor gudban dhallinyarada iyo fursadaha u baahan in looga faa’iideeyo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay baadi-goobka xaquuqda dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso, helidda xaqa dastuuriga ah ee doorashada matalayaashooda siyaasadda iyo hoggaaminta dalka.

Shirkan oo muhiim ah ayaa maalmahan lagu lafa-gurayay doorka ay dhalinyarada ku dhex leeyihiin bulshada, waana kalkii shanaad ee shirweynaha hogaanka iyo hal-abuurka dhalinyarada.

Duqa Muqdisho oo shirkaan furay ayaa sheegay in aan la dhayalsan karin doorka dhalinyarada, isla markaana ay yihiin laf-dhabarka bulshada, waxa uuna kula dar-daarmay in lagu dadaalo waxbarashada, ayna isku gurmadaan dhalinyarada si usoo bandhigaan hal abuurkooda.

Shirkaan ataa waxaa soo qaban-qaabiyay Somali Youth Leadership Center iyo Arkaan Leadership and Innovation Hub oo kaashanaaya xafiiska la-taliyaha madaxweynaha JFS ee arrimaha bulshada.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay laba heshiis oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey lava heshiis oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay la gaartay dalalka Shiinaha iyo Qatar.

Heshiiska 1-aad ee Shiinaha ayaa wuxuu ku saabsan yahay hirgalinta hindisaha horumarinta adduunka, halka heshiiska 2-aad uu yahay is-afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Shirka oo uu guddoominaayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan halka uu marayo qorshaha isbeddelka qaranka (NTP 2025-2029) iyo bulshada bariga Afrika.

Waxaa kale oo warbixin looga dhagaystay wasaaradda beeraha oo ka warbixisay wax-soo saarka dalka iyo xaaladda beeraleyda Soomaaliyeed.

Diyaarinta qorshaha isbeddelka qaranka (NTP 2025-2029) ayaa maalmihii dambe si habsami leh uga socday xarunta Hangarka Afisyoone, halkaasi oo shalay uu kormeer ku tegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa doonayso in dalkeena loo jiheeyo dhanka horumarka, tayeynta hay’adaha dowladda iyo nidaamka casriyeynta oo wax badan ka beddeli doona qorshaha la doonayo in qaranka lagu horumariyo, sida uu shaaciyay ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dib u eegis lagu samayn doono dhismaha iyo sharciyada ha’yaddaha fulinta si dalkeenu ula jaanqaado dunida horumartay, iyadoo qorshuhuna yahay in xukuumadda ay dalka ku hogaamiso wax-qabad muuqda oo bulshada u riyaaqdo.

Faah-faahinta dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka MUDUG

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab uu maanta ka dhacay koonfurta gobolkaas oo hoosataga Galmudug.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Qaycad oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan oo bartilmaameed ahaa khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, lagana burburiyay xarumo ay ku lahaayeen deegaanka lagu dagaalamay.

‘Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed Danab iyo Gorgor iyo Ciidamadda degaanka ayaa howlgal lagu naafeeyay Khawaarijta kasameeyay koonfurta Mudug. Degaanka Qayacad ayay geesiyaasha XDS iyo kuwo degaanka jab xoogan ku gaarsiiyeen kadib howlgal aroornimadii hore saaka Ciidamadda kasameeyeen degaanka Qayacad” ayaa lagu yiri warsaxaafeedka.

Dhankiisa wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal kooban soo saaray ayaa isna shaaciyay khasaare aad u culus saaka loo gaystay Al-Shabaab, balse ma sheegin tiro ahaan khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.

“Khawaarijtii saaka waa lagu hiireystey, hoog iyo halag ayey Qaycad kula kulmeen!” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-gga.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay koonfurta Mudug, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabada ay qaadeen Golaha Wadatashiga

0

Haddaba sidee looga falceliyay?

Qaar kamid ah dadweynaha isticmaalaha baraha bulshada ayaa si yaabo kala duwan uga hadlay muddo kororsiga lagu dhawaaqay, waxaana qaarkood ay ku tilmaameen sharci darro, halka kuwa kalena ay soo dhaweeyeen in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Cabdullaahi Guure ayaa yiri “Badbaado Qaran waa diyaar, maadaama madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad gobolleedyadu Dastuurkii ku tunteen oo ay sharci darro ku wada jooggaan”.

Ismaaciil Maare ” Waa wax aan mudo badan sugaynay in aan aragno dalkeenna oo doorasho qof iyo cod ah ka dhacayso. Doorasho qof iyo cod ah baa inoo ballan ah inta dowladnimada jecel Hassanow hal mid naga ilaali kaliya buuq ha gelin dalka dadkaba”.

Maxamed Deeq Cabdullaahi “War Hasanoow waddadaas waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaaneyso hadaa adi mirinaayo fadhido waa kuu kaligaa, dalkaan qatar ha galinin”.

Canab Abuukar Maxamuud “Shinbirayow heesa hees wanagsan hees waxa ka jira ma lahan”.

Muuse Baari “Xasanow ka joog hortaa jiraa waayay dalka iyo dadka u tur oo kusoo laabo miiska wadahadalka”.

Cabdullaahi Cali “Waa fashil waxa uu wadaa Xassan waa muddo kororsi sharci daro ah. Puntland, Jubaland iyo SSC Khaatumo waxba talo kuma laha mana qusayso”.

Eng. Maxamuud Jaamac “Waa la yaqaan halkay kusoo dhammaato waddadani Xasanoow ee intaan wakhtigu kaa lumin xaqiiqada kusoo dhawoow”.

DF Somalia oo soo dhaweysay tallaabadii ay qaadeen Golaha Ammaanka ee QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweysay tallaabo ay Arbacadii shalay qaadeen Golaha Ammaanka ee QM oo ansixiyay qaraar ogolaanaya in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM) loo wareejiyo kooxda Qaramada Midoobay (UNCT) muddo labo sano ah kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya.

Qaraarkan oo ay Golaha horgeysay UK, ayaa waxaa u codeeyay  dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale waxaa qaraarka lagu sheegay in xilliga kala guurka ah howlaha taageerada Qaramada Midoobay ee dalka loogu yeeri doono howlgalka KMG ah ee Soomaaliya (UNTMIS).

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si weyn loogu boggaadiyay go’aanka Golaha Ammaanka oo ansixiyay in howlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dadaalkan ay horay u bixisay dowladda federaalka, isla markaana uu hadda miro dhalay, kuma yimid wada xaajood dhowr bilood u socday guddi farsamo oo ka socda Soomaaliya iyo UNSOM.

“Waa guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Dowladda iyo shacabka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda.

Hoos ka aqkhriso warsaxaafadeedka:-

Dawladda Soomaaliya waxay soo dhowaynaysaa qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu sida aqlabiyadda ah ku ansixiyey in hawlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya la qaatay soo jeedinteedii ahayd in uu Howlgalka Siyaasadeed ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM laga billaabo maalinta Jimcaha ah ee bisha November kowdeeda uu noqdo, howlgal marxalad kala guur ah galaya, kaasoo magaciisu noqonayo UNTMIS.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhammaantood isku waafaqay, qaraar-na ku soo saaray maanta in sidii ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay soo jeedisay uu kala guurkani ku dhammaado muddo laba sano ah, ayada oo muddadaas howsha UNSOM ay hadda hayso ay la wareegi doonaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Laamaha Qarammada Midoobay ee ka howlgala dalka.

Soo jeedintan Soomaaliya oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ay u gudbisay xubnaha Golaha Ammaanka bishii Agoosto isaga oo loo sii marsiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, waxay ku saleysan tahay wada xaajood dhowr bilood u socday Guddi farsamo oo ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo UNSOM.

Waa guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Jubbaland oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan muddo kororsiga G/Wadatashiga

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu caddeeyay mowqifkooda ku aadan go’aannada xasaasiga ah ee xalay kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka oo lagu go’aamiyay muddo kororsi 1 sano ah oo loo sameeyay madaxda dowlad goboleedyada, si dalka looga qabto doorashoo toos ah.

Jubbaland ayaa si cad u diiday muddo kororsiga lagu dhawaaqay, waxayna sheegtay in iyadu aanay qayb ka noqon doonin heshiiska la gaaray.

Sababta ay ku diiday muddo kororsiga waxa ay ku sheegtay in halkii sano ee hore loogu daray maamullada dalka aanay waxba ka fulin waxyaabihii lagu heshiiyay, isla markaana tallaabada hadda la qaaday ay dalka u horseedi karo firaaq dastuuri ah.

Sidoo kale waxa ay Jubbaland shaaca ka qaaday in maamulladu ay iyagu u madax bannaan yihiin doorashadooda, sidaas darteeda ay doorashada Jubbaland ku dhici doonto waqtigeeda.

“Jubbaland waxay xaq u leedahay iyada oo ilaalineysa in Firaaq dastuuri ah in uusan dhicin in Doorashada heerarka kala duwan ay ku dhacaan waqtigooda aysana dhicin mudo kordhin kale. Sida ku cad qodobka 80-aad ee dastuurka Jubbaland Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorahooyinka Jubbaland ayaa xaq u leh qabashada doorashooyinka golayaasha deegaaanka, Baariamaanka iyo Madaxtooyada” ayaa lagu yiri qoraalka  ka soo baxay maamulka Jubbaland.

Waxaa kale oo Jubbaland ay warsaxaafadeedkan ku faah-faahisay sababaha ay uga baxday shirka, iyada oo ku dooday in ay soo jeedisay in la raadiyao maamullada maqan, sida Puntland iyo SSC-Khaatumo, balse dowladda federaalka ay ka hortimid soo jeedintaasi.

Ugu dambeyn, Jubbaland ayaa ugu baaqday Baarlamaanka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed in loo istaago ilaalinta geeddi socodka dhismaha qaranka Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka dastuurka lagu heshiiyay.

Tallaabada ay qaaday Jubbaland ayaa ku soo aadeysa xilli warmurtiyeedka laga soo saaray shirka golaha wadatashiga qaranka lagu go’aamiyay in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, isla markaasna la isku raacay in dib loo dhigo doorashooyinka maamul goboleedyada oo la qabtay bisha Septembar ee sannadka soo socda ee 2025-ka.

 

Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Xasan ee ahaa inuu la hadlayo Deni iyo A/Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ee khilaafku uu kala dhaxeeyo ay ka dowlad federal ahaan kala hadlayaan tabashadood, horreyna ay ula hadleen.

Madaxweynaha waxa uu rajo ka muujiyay in is mari-waaga jira uu meesha ka bixi doono, maadama sida uu sheegay mas’uuliyiintaan ay horey qayb uga ahaayen go’aanno masiiri ah oo dalka lagu hoggaamiyay.

Hadalkaan ayuu ka sheegay madaxweynuhu kulan casho ahaa oo xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya uu habeen hore ugu sameeyay magaalada Muqdisho , waxaana uu ka dalbaday kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga baarlamaanka.

“Walaalaheen waa la hadleynaa, awalna waa la hadalnay waa daba joogeynaa haddii ay naga ogolaadaan inaan u tegno waan u safreynaa, haddii ay naga ogolaadaan inay noo yimaadaan waan baryeynaa inay noo yimaadaan dhib iyo colaad halkaan kasoo jirto malaha, iyagana waa dad mas’uuliyiin oo sharaf iyo karaamo leh waayey,” ayuu sii raaciyay.

Hadaba maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii uu xalay madaxweynaha jeediyay, iyagoo sheegay in tasi aysan ahayn jawaabtii ay ka sugayeen madaxweynaha.

“Madaxweyne Xasan xujooyin badan baa ku maqnaa oo caleemo saarkii madaxweyne Deni oo isagana ka soo qeybg-galay ayuu Deni dhigay gogol Soomaaliyeed madaxweynaha aqbalay markii uu Xamar tagayna uu gogoshii diiday taas waxaa xigay dhor goor oo kale oo ay ka mid ahayd maalintii Nabadda Adduunka waxa uu madaxweyne Deni goob fagaaro ah ka sheegay in Puntland ay wadahadal diyaar u tahay oo mas’uuliyiintii halkaas joogtay u sheegay inay farriintaas qaadaan weyna u geeyeen,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC-da la hadlay

“Marka madaxweynaha hadalka maanta laga rabay oo anaga iyo Soomaaliba sugeynay ayaa waxay ahayd inuu yirahdo, waxaan aqbalay gogoshii uu fidiyay madaxweyne Saciid Cabullaahi Deni oo ahayd meel fagaaro ah aan ku garnaqsano, hadaanu gar leenahayna hanaloo garaabo, hadaanu gardarannahayna hanalaqabto ee ma ahayn inuu yirahdo walaalahay waan u tagayaa waxaynaa taasi ahayd,” ayuu intaasi ku daray.

“Madaxweynaha waxa markii uu arkay xildhibaanada uu la kulmay uu kala hadlayay in la meel-mareeyo doorashada qofka iyo codka ah ee uu doonayo Khamiista loogu meel-mariyo ayuu ogaaday in wax aan heshiis lagu ahayn aanu socon doonin, madaxweynaha waxaanu ogeyn in Puntland ay mar hore go’aan ka gaarto inta lakala maqan yahay wax allaale wixii sharci ku saabsan ee la gaaro inaanay agteeda ka soconeyn oo aanu sharci noqon doonin waxaan heshiis lagu wada ahayn.”

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meel xun uu gaaray khilaafka dowladda, federaalka, Puntland iyo Jubaland oo aan ka soo qayb galin wajiga labaad ee shirka oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka kuwaas oo dhaliyay muran xoogan, maadaama ay isku khilaafeen saddexda dhinac.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay in aan laga hadli karin doorasho iyo masiirka umadda ilaa shirka laga heshiiyo waxyaalaha qaar.

Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaarihiisa Xamse ayaa isku day badan sameeyay si Axmed Madoobe ay ugu qanciyaan ajandahooda Siyaasadeed balse kuma aysan guuleysan.

Agaasimaha CIA-da oo safar qarsoodi ku yimid Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa kulan gaar la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Horaantii bishii Janaayo 2024 ayuu sidaan oo kale Muqdisho u yimid sarkaalkaan, xilligaas oo uu la kulmay Madaxweynaha iyo Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad.

Agaasimaha CIA-da Mareykanka iyo madaxda Soomaaliya ayaa iska xog wareystay arrimaha gobolka, amniga iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka.

Markii laga soo tago xiisadda ka taagan gobolka, waxaa meesha ka sii baxaysa shuruucdii caalamka ee kala xakameynta dowladaha looga hortegi jiray.

Mareykanka ayaa lagu xantaa inuu saameyn ku leeyahay xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika, waxaana qodobadii laga wadahadlay ka mid ahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inay ka hortagto damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, waxaana dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ay hoosta ka xariiqeen inay muhiim tahay wadajirka, madax-banaanida iyo gobanimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ku dhowaad 100 qof oo ku dhintay Spain kadib markii…

0

Valencia (Caasimada Online) – Ugu yaraan 95 qof ayaa ku dhintay daadadkii ugu dhimashada badnaa ee ku dhuftay Spain taariikhdeedan casriga ah, ka dib markii roobab mahiigaan ah ay ka da’een gobolka bari ee Valencia.

Maamulka Valencia ayaa sheegay, in fatahaaddu qaadday buundooyin iyo dhismayaal, isla markaana burburisay waddooyinka qaar.

Khubarada saadaasha hawada ayaa sheegay in roob dhibicidiisu iyo biyahiisa u dhigmaan sannad, uu muddo 8 saacadood gudahood ah ku da’ay Valencia Talaadadi.

Taasi ayaa sababtay in ay buux dhaafaan waddooyinka waaweyn iyo dhul-beereedka gobolkaas oo soo saara saddex-meelood laba meelood khudradda liinta mambeelmada ee laga beero Spain.

Waaxda Gurmadka deg dega ah ee gobolka bari ee Valencia ayaa xaqiijiyay dhimashada 92 qof Arbacadii. Labo kale waxay ku dhinteen gobolka deriska la ah ee Castilla La Mancha, halka koonfurta Andalusiya laga soo sheegay hal dhimasho.

FARMAAJO oo war culus ka soo saaray muddo kororsiga dhacay iyo qorshaha Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu kaga soo horjeedo go’aanka muddo kororsiga ah ee ka soo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, isagoo Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu ku guul-dareystay ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka.

Farmaajo ayaa sheegay in madal ay ka maqan yihiin madaxda dowlad goboleedyada qaar aan go’aan masiiri ah lagu gaari karin, sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda federaalka aysan hor istaagi karin doorashada dowlad goboleedyada, isagoo dowlad goboleedyada muddo kororsiga damacsan ka dalbaday inay doorasho aadaan.

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo:

Go’aannada caawa oo ay taariikhdu tahay 30-ka bisha Oktoobar 2024, ka soo baxay shirka ay magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay dalka u jiheeyeen kala qaybsanaan siyaasadeed iyo khatar ku timi midnimada intii awal wada-joogtay.

Waxaa cad in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu meel iska dhigay waajibkiisii qaran ee ilaalinta dastuurka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaana wax aad looga xumaado ah in uu si ku talagal ah u go’aansaday in talada iyo go’aannada masiiriga ah uu bannaanka ka dhigo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda dalka oo muhiim u ah midnimadda iyo hannaanka siyaasadeed ee loo dhan yahay.

Haddaba, go’aannada ay soo saareen qaar ka mid ah xubnaha Madasha Wadatashiga Qaranku waa kuwa aan xambaarsanayn aragti heer qaran ah oo u adeegaysa midnimadda iyo nidaamka heshiiska lagu yahay, sidoo kalena waxa ay hareer marsan yihiin sharciga iyo dastuurka dalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalku malaha awood dastuuri ah oo uu ku hor istaagi karo doorashada madaxtinimada Dowlad Goboleedyada ee muddo xileedkoodii dhammaaday, sidaas awgeed, warka ka soo baxay shirka Madasha aan loo dhammayn ee Wadatashiga Qaran waxa uu halis gelinayaa xasilloonida iyo matalaadda siyaasadeed ee aas-aaska u ah dowladnimada iyo doorashooyinka.

Si buuxda waxaan u taageeraynaa in Dowlad Goboleedyada muddo xileedkoodu ka dhammaaday ay qabtaan doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtinimada, si ay u helaan sharciyad iyo muddo xileed dastuuri ah, annagoo adkaynayna mowqifka Dowlad-goboleedka Jubbaland ee ku aaddan qabashada doorashada Madaxtinimo ee maamulkaas.

Hannaan doorasho oo heer qaran ah, nooc kasta uu noqonayo, waxaa saldhig u ah heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo horseedi kara doorasho xor iyo xalaal ah, taas oo ay u dhan yihiin dhinacyada siyaasadeed ee dalka.

Nooca iyo guddiga doorashada ee lagu xusay warka ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Madasha Wadatashiga Qaranku waxa ay muujinaysaa damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo iska indho-tiraya waaqaca siyaasadeed ee dalka, muhiimadda xasilloonida siyaasadeed iyo nidaam doorasho oo lagu kalsoonaan karo, ayna kawada qayb qaataan dhammaan hormuudka siyaasaddu.

Ugu dambeyntii, waxaan Hoggaanka Dowladda Federaalka ugu baaqeynaa in ay usoo laabtaan sharciga iyo ilaalinta maslaxadda guud ee dalka, danta guudna ka hormariyaan damacooda gaarka ah.

Madaxda Dowlad Goboleedyadda, dhinacyada siyaasadda iyo madaxdii hore ee Qaranka waxaa waajib ka saaran yahay in ay u istaagaan ka hortagga in dalkaan dib loogu celiyo qalalaase siyaasadeed iyo khilaafaad wiiqi kara dib u dhiska qaranka iyo baadi goobka midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Shariif, Kheyre iyo CC oo jawaab ka soo saaray muddo kororsiga lagu dhawaaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kala ah Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah oo muddo kororsiga lagu go’aamiyey shirka golaha wadatashiga qaranka ay uga soo hor jeedaan.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddeyneynaa in aannan marnaba aqbali doonin nooc kasta oo muddo-kororsi ah,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraalka 3-da masuul ay soo saareen, iyagoo farriin adag u diray madaxda dowlad goboleedyada.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku heshiiyey in dalka doorasho qof iyo cod ah laga qabto, iyadoo muddo kordhin kale loo sameeyey madaxda dowlad goboleedyada, si doorashooyinkaas loogu diyaar garoobo, loona qabto sanadka dambe ee 2025-ka.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:

Waxaan si adag u canbaareynaynaa Go’aanka muddo kordhinta sharci darrada ah ee qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran u sameeyeen dawlad goboleedyada qaybta ka ahaa shirka.

Go’aanku wuxuu dalka u horseedayaa qalqal amni iyo xasilooni-darro siyaasadeed, waxayna halis ku tahay geedi socodka dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

Waxaan haddaba shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddeyneynaa in aannan marnaba aqbali doonin nooc kasta oo muddo-kororsi ah.

Dowladnimada Soomaaliya waxa ay ku dhisan tahay dastuur federaal ah oo sharciyad u siinaya in Baarlamaanka dowlad-goboleedka uu soo saaro sharciga doorashooyinka labada heer ee degaan iyo dawlad-goboleed, maamulkuna dhiso guddi madaxbannaan oo qabta doorashooyinka labada heer ee dowlad-goboleedka.

Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland oo iska diiday muddo-kororsiga, una jihaystay in uu maamulkiisu qabto doorashada Jubbaland.

Waxaan ugu baaqaynaa in ay doorashadaasi noqoto mid xor iyo xalaal ah.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur-Galbeed in ay ka waantoobaan muddo-kordhintan isku danaysiga ah, qabtaanna doorashooyinka dowlad-goboleedyada.

Waxaan kaga digaynaa Baarlamaanka Federaalka ah in ay meel-mariyaan sharciyo ka hor imaanaya dastuurka, kalana dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalka, iyo muddo kordhin sharci-darro ah oo u adeegeysa damac siyaasadeed shakhsi ah.

Waa in Baarlamaanku ku waano qaato waaya-ragnimadii laga dhaxlay meelmarinta damaca gurracan ee Madaxtooyada iyo halka ay ku danbaysay.

Waxaa ayaan-darro wayn ah in Madaxweynaha oo loo doortay ilaalinta dastuurka, midnimada dalka iyo wadajirka umadda uu ku tumanayo dastuurka, kuna hawllanyahay kala qaybinta dalka iyo kala irdhaynta bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan caddaynaynaa in aysan jirin qolo kaligeed go’aan ka gaari karta masiirka dalka, kana tashan karta inta kale.

Waxaan mar kale Madaxweyne Xasan kaga digaynaa halista muddo-kororsigu leeyahay iyo jidka loo joojin-maayo oo ah mid lagu jabo, waxaana ugu baaqaynaa in uu dhalanteedka dhinac iska dhigo, garashada u soo laabto, muujinaya xilkasnimo, iyo qaangaarnimo siyaasadeed.

1. Sheekh Shariif Sheekh Ahmed

2. Xasan Cali Khayre

3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Qodobo uu muddo kororsi ka mid yahay oo kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqgdisho, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed rasmi ah oo dhowr qodob ka kooban.

“GWQ ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faahfaahsan oo taabanaya amniga Qaranka,” ayaa lagu yiri hordhaca bayaanka.

War-saxaafadeedkaan waxaa lagu sheegay in Goluhu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaalanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, geedi-socodka dimuqraadiyaynta, iyo xaaladda dhaqaale ee dalka.

“Goluhu waxuu bogaadinayaa sida ay Dowlada Federaalka (DF) u maaraysay goobihii ay kala wareegtay ciidamada ATMIS, taas oo caddeyneysa sida DF ay uga go’antahay gaarsiinta isku filnaansho dhinac walba ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Goluhu waxa uu soo dhaweeyay tallaabada taariikhiga ah ee Markabka dalka Turkiga ee Oruc Reis, oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeena, isagoo ku ammaanay dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ay gelisay sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka dalka.”

Sidoo kale golaha ayaa ugu baagay xubnaha ka magan shirka in mar walba diyaar loolayahay wadaxaajood iyo wadahadal lagu soo afjarayo wixii kala aragti duwanaansho ah ee jira.

Qodobada Shirka ka soo baxay waxaa kaloo kamif ah:

GWQ waxuu si qoto-dheer u falangeeyay xaaladaha aminga, siyaasadda, iyo saalada bini’aadanimo ee dalku uu marayo.

Sidoo kale GWQ, isaga oo tixraacaya heshiisyada shirarkii bishii December 2022, March 2023, iyo May 2024, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda:

  1. GWQ wuxuu go’aamiyay in ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyadii horay loo galay isla markaana dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo salaal ah oo ku dhisan nidaamka xisbiyada badan oo ay shacabka Somaliyeed si toos ah wakiiladooda ugu soo doortaan.
  2. GWQ wuxuu isku raacay in si degdeg ah baarlamaanka federaalka loo horgeeyo sharciyada doorashooyinka, xisbiyada badan iyo guddida doorashada iyo xuduudaha. GWQ wuxuu soo jeediyay iney xukuumadda JFS soo dhamestirto dhismaha Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha.
  3. GWQ wuxuu isku raacay in Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka lyo Xuduudaha uu soo diyaariyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka geedi socodka doorashada si shuruucda dalka waafaqsan.
  4. GWQ wuxuu isku raacay in Doorashooyinku ku gabsoomaan sida soo socota:
  • 5.1. Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa Juun 2025.
  • 5.2. Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda DXDF waxay dhici doontaa Sebtember
    2025.
  1. –Dhammaad

Muuse Biixi oo si yaab leh uga hadlay haddii uu fashilmo heshiiska badda ee Itoobiya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horreysay si lama filaan ah uga hadlay haddii uu fashilmo heshiiska ay horraantii sanadkaan la saxiixdeen Itoobiya.

Heshiiskan oo qalinka ku duugeen Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa Itoobiya u ogolaanayay inay soo gaarto biyaha Soomaaliya, taas oo si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, oo is-afgaradkan ku tilmaamtay sharci darro iyo xad-gudub ka dhan ah qarannimadeeda.

Madaxweynaha Somaliland oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in aysan waxba ku waayeen haddii uu fashilmo heshiiska Itoobiya, uuna lamid noqon doono un heshiisyada dalalka la galaan dhiggooda ee socon waayey, isagoo iska indho tiray diidmada dowladda federaalka.

“Haddii ay ka noqoto (Itoobiya) maxaa dhibaato ah oo Somaliland soo gaaraya. Imisa heshiis ayaa laga baxaa muxuu na yeelaya anaga,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi oo wax laga weydiiyay mudada dheer ee uu qaatay saxiixa heshiiska rasmiga ee Itoobiya ayaa ku andacooday in waqti uu qaadanayo, ayna saxiixi doonaan xilliga ay isla gartaan labada dhinac.

“Waqtiga ay labada dowladood isla gartaan ayey saxiixayaan. Heshiisyada waqti ayay qaatan badanaa,” ayuu yiri madaxweyne Biixi oo ka warwareegay sababta ka dambeysa in illaa hadda aan la saxiixin heshiiska rasmiga ah ee is-afgaradkii ay horraantii sanadkaan qalinka ku duugeen Somaliland iyo Itoobiya.

Somaliland oo muddooyinkii dambe baahineysay in dhawaan la saxiixi doono heshiiska rasmiga ah ee Itoobiya oo dhul baddeed ay uga beddelaneysay aqoonsi ay hesho ayaa haatan muujinaysa “in aysan waxba u noqoneyn haddii uu fashilmo is-afgaradka”.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dagaal adag la gashay is-afgaradkan, iyadoo Itoobiya ka dacweysay fagaarayaasha caalamka, islamarkaana cadaadis horleh ku saartay sidii ay dib uga joogsan laheyn saxiixa heshiiska rasmiga ah, kaas oo hadda fashil qarka u saaran.

Muxuu yahay heshiiska cusub ee Somalia iyo Imaaraadka Carabta ay kala saxiixdeen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ee Soomaaliya ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay shirkadda dekadaha ee Abu Dhabi PORTS Group.

Heshiiskan ayey labada dhinac si wadajir ah iskaga kaashanayaan maalgashiga kalluumeysiga iyo in la horumariyo dekedaha iyo guud ahaan qeybta kalluumeysiga ee dalka.

Heshiiskan ayaa wuxuu diiradda saari doonaa iskaashi wax ku ool ah oo dhinaca kalluumeysiga ah, gaar ahaan horumarinta dekedaha kalluumeysiga, warshadaha, in la aas-aaso xarumo iyo saldhigyo kormeerka badda ah, in la xoojiyo kaabayaasha dhaqaalaha kalluumeysiga, in la hirgaliyo dekedo kalluumeysi oo wadaag ah iyo in la abuuro dugsiga tababarka xirfadaha iyo farsamada kalluumeysiga.

Maareeyaha guud Abu Dhabi PORTS Group Kapten Maxamed Juma Al Shamisi oo munaasabadda heshiiskan lagu saxiixay ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in kooxda ay si dhow ula shaqeyn doonto wasaaradda kalluumeysiga Soomaaliya.

“Waxaan dooneynaa inaan baarno fursadaha taageerada horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya annagoo dejineyna qorsheyaal maalgashi iyo iskaashi oo ku saabsan dekedaha, adeegyada badda, iyo qaybta kalluumeysiga ee dalka. Kooxda dekedaha Abu Dhabi waxay la shaqeyn doontaa wasaaradda kalluumeysiga si loo xoojiyo awoodda qaybta badda iyo kalluumeysiga ee dalka,” ayuu yiri.

Wasiirka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ee Soomaaliya Axmed Xasan Aadan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yiri “Iyada oo aan kaashaneyno kooxda dekedaha ee Abu Dhabi, waxaan diyaarina waddo u horseedeysa koror waara oo muddada dheer ah iyo xoojinta kaabayaasha dekedaha, iyo sidoo kale taageerida qaybta kalluumeysiga ee dalka.”

Waxa uu intaas kusii daray “Iskaashigan ma ahan oo kaliya inuu xoojinayo awooddayada, laakiin sidoo kale wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarinta dhaqaalaha iyo bixinta fursado cusub oo loogu talagalay bulshadeena xeebaha ee ku tiirsan wax soo saarka kalluunka.”

Wasaaradda kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ee Soomaaliya ayaa wuxuu ujeedkeedu yahay in ay ka faa’iidaysato khibradda ballaaran ee maareynta dekedaha, adeegyada saadka ee Imaaraadka iyo guud ahaan caalamka ee kooxda dekedaha ee Abu Dhabi.

Shirkadda dekedaha ee Abu Dhabi ayaa dhawaan waxay ku dhawaaqday saxiixa heshiisyada ijaarka dekedaha, adeegyada badda, iyo qaybaha saadka ee dalalka Masar, Jamhuuriyadda Kongo, Angola iyo Tanzania.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta tegay Afisyoone kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta diyaarinta qorshaha isbeddelka qaranka (NTP 2025-2029), oo si habsami leh uga socda xarunta Hangarka Afisyoone.

Ra’iiul Wasaare Xamza ayaa warbixin dhameystiran ka dhagaystay khubarrada ku howlan qorista qorshaha isbeddelka qaranka ee 2025-2029.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu kormeeray sheybaarrada kala duwan ee ay shaqadu ka socoto isagoo ku ammaanay howsha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa xarunta waxa uu ka qayb-galay dood wadaag wax ku ool ah oo ay yeesheen wasaaradda caafimaadka, dhaqaatiirta iyo ganacsatada, kaas oo looga hadlayay muhiimadda ay leedahay in qeybaha bulshada oo dhan ay door ku yeeshaan, diyaarinta qorshaha isbeddelka qaranka.

Mudane Xamza ayaa sheegay in xukuumadda uu hogaamiyo ee Dan-Qaran ay doonayso in dalkeena loo jiheeyo dhanka horumarka, tayeynta hey’adaha dowladda iyo nidaamka casriyeynta oo wax badan ka beddeli doona qorshaha la doonayo in qaranka lagu horumariyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu intaas raaciyay in dib u eegis lagu samaynayo dhismaha iyo sharciyada ha’yaddaha fulinta si dalkeenu ula jaanqaado dunida horumartay, iyadoo qorshuhuna yahay in xukuumadda ay dalka ku hogaamiso wax-qabad muuqda oo bulshada u riyaaqdo.

Si kastaba, diyaarinta qorshaha isbeddelka qaranka ayaa maalmihii dambe si habsami leh uga socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta ciidanka cirka ee Afisyoone.