25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Agaasimihii warfaafinta Villa Soomaaliya oo is-casilay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali Dige oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilka uu ka hayay ee Villa Soomaaliya, wuxuuna soo saaray warbixin dheer.

Mr. Dige ayaa qoraalkiisa ku caddeeyay inuu maanta ka tegay shaqada, isaga oo u mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 2’da Nofeembar 2024 waxa aan halkan ku soo gudbinayaa warqadda shaqo ka tegista xilka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka (Villa Soomaaliya) aniga oo Madaxwaynaha JFS uga mahad celinaya fursaddii uu ii siiyay in aan la shaqeeyo laba xilli oo xasaasi ahaa” ayuu ku yiri warqadda is-casilaadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in muddada uu joogay xafiiska uu hirgeliyay olole warbaahin oo door wayn ka qaatay dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaa xusid mudan in aan hirgeliyay olole warbaahin oo miradhalay, kaas oo madaxweyne hore loo soo tijaabiyay uu markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya ku guuleystay tartanka madaxtinimada muddo xileed labaad” ayuu mar kale ku yiri Mr. Dige.

Agaasimaha is-casilay ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in muddada uu joogay xafiiska uu ka shaqeeyay xoojinta xiriirka ka dhexeeyay madaxweynaha iyo shacabka.

Waxaa kale oo uu yiri ““Sida hagar la’aanta ah ee Madaxweynaha Qaranku uga shaqeynayo hirgalinta qorsheyaasha qaran, waxaa barbar yaalla hab-dhaqanka madaxda iyo shaqsiyaadka qaar oo ku dhisan dano gaar ah, inta badan wararka taban ee bulshada iyo dowladda kala fogeeya waa kuwo ay abuureen ama ay sababeen shaqsiyaadkaas. Arrimahan ayaa daboola guulaha waaweyn ee la gaaray”.

Sida ogaatay Caasimada Online, sababta ka dambeysa is-casilaada Cabdulqaadir Cali Dige ayaa la xiriirta khilaaf muddo soo huursanaa oo ka dhexeey isaga iyo Cabdiraxmaan Xudeyf oo ah afhayeenka cusub ee madaxweynaha, kaas oo lasoo magacaabay bilooyin ka hor.

Khilaafka labada nin ayaa si weyn loo dareensanaa, wuxuuna gaaray heer bogga Villa Soomaaliya aan lagu baahin shirarka jaraa’id ee uu qabto afhayeenka, wuxuuna taasi bedddalkeeda adeegsanayay  warbaahinta dowladda iyo midda madaxa banaan.

Si kastaba, arrinta ayaa hadda u muuqata inay dhinac u dhacday, maadaama uu gabi ahaan shaqadii isaga tegay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso:-

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gudbiyay dalab culus iyo BF oo aqbalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hortegay labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dalab culus u gudbiyay baarlamaanka, maadaama dalka uu ku jiro xaalad cakiran oo adag.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa labada Aqal la wadaagay go’aannadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, gaar ahaan arrinta doorashooyinka qof iyo cod ah.

“Dastuuri ma ah doorashada dadban, dimuquraadigana ka fog” ayuu khudbadiisa ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Isaga oo sharraxaad ka bixinayay sida ay ku suurageli karto doorasho toos ah ayaa madaxweynuhu wuxuu qiray in dalka oo dhan aysan ka dhici karin xilligan, balse ay u qaadayaan tallaabadii u horreysay, si dadweynaha inta heli karto fursadda ay u codeeyaan.

“Ma rajeyneyno in 20-ka milyan ee Soomaalida ah ay codeyso safarkan hadda nasoo hayo, laakiin safarka kun kiilo-mitir loo aadayo wuxuu ka bilowdaa tallaab, tallaabtii ugu horreysay ee doorasho qof iyo cod ah 55 sano kadib wa daw inaan qabano” ayuu raaciyay.

Intaas kadib madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalab xasaasi ah u gudbiyay xildhibaannada labada gole, wuxuuna ka codsaday inay kalfadhiggooda ku daraan hal bil oo dheeraad ah, isla markaana fasaxooda ugu hiilayaan dalka iyo dadka, maadaama ay taallo shaqo adag, lagana sugayo inay go’aan ka gaaran heshiiska la gaaray.

“Waxaab ka codsanayaa Baarlamaanka in shacabka Soomaaliyeed ay siiyaan fursadda doorasho xor ah, iyadoo loo marayo ansixinta sharciyada lagama maarmaanka u ah, Waxaa Baarlamaanka ka codsanayaa in xilliga fasaxa bil ka mid ah inay dib u dhigtaan, si dalka looga hirgeliyo shuruucdii lagu hoggaamin lahaa ee doorasho qof iyo cod ah ay u dhaqan gasho” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa codsiga madaxweynaha dood ka yeeshay xildhibaanada baarlamaanka oo ugu dambeyn aqbalay in bisha ugu horreeya fasaxooda ay sii shaqeeyaan.

Si kastaba, tallaabada uu qaaday maanta madaxweynaha ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaaf siyaasadeed oo horleh uu ka dhashay go’aannada kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka, waxaana ka horyimid Puntland Jubbaland iyo Mucaaradka.

Xogta dagaal culus oo ka socda xaafad ka tirsan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal haatan ka socda Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan oo dadka deegaanka ah.

Dagaalka ayaa ka dhashay burburin ay ciidamada dowladda ka sameeyeen halkaasi, kadib markii ay cagta mariyeen xaafado iyo goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay xaaladda, wuxuuna sheegay inay iska dhicin doonaan cid kasta oo ku howlan burburinta.

“Annagu ma yeeleyno dadka deegaanka oo isku xiran ayaa nahay dowladdana, waa iska dhicineynaa” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ugu yaraan 1 qof uu ku dhaawacmay dagaalkan, sidoo kalena waxaa qorayga sabanka lagu dhuftay cagaf cagaftii shaqada ka waday halkaasi.

“Labadii cagaf ee shaqada waday lugahaa laga banjariyay, hal qof oo kalena waa ku dhaawacmay khasaare kale ma jiro” ayuu mar kale yiri.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli rasaas laga maqlayo aagga Ex-koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

Xaafadda uu muranka ka taagan yahay waxaa wax ka deggan ciidamo ka tirsan dowladda oo lasoo wariyay inay kasoo baxeen furimaha dagaalka, maadaama la barakiciyay qoysaskooda.

Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalka ka dhacay halkaasi.

Shariif oo ku dhaqaaqay dhabihii uu Xasan Sheekh xukunka ku soo dhacsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Intiina aqrisatay waxaa horey u baahinay in uusan dalka ka jirin mucaarad macno leh oo dheelitiri kara dowladda hadda jirta iyo inuu Xasan Sheekh ahaa ninkii watay hal abuurkii mucaaradnimada, haddii aan la helin dad sidiisi u dhaqmana ay adkaan doonto in xukunka laga riixdo.

Haddaba, hadda baaqii baraarug ayuu dhalay. Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu mucaaradka ahaa wuxuu abaabuli jiray dhalinyarada, haweenka, ganacsatada, aqoonyahanka iyo qabiilada. Wuxuuna kala furfuri jiray ciidanka, wuxuu maalin walba dacwad la taagna Xalane, wuxuu joogto u bixin jirey wareysiyo, wuxuu fadhiyi jiray doodaha siyaasadda, wuxuuna luuqad adag ku naqdin jiray dowladdii hore illaa uu gaaray inuu idaacada ka yiraahdo “Farmaajo waxaa u dhiman inuu isagu istoogto.”

Hab-dhaqankii uu Xasan Sheekh soo bandhigay intii uu mucaaradka ahaa ma aheyn mid laga filaayay qof madaxweyne soo noqday, laakiin waa laga filaayay nin wax doonaya, Xasan Sheekh-na waa u miro dhashay oo maanta markale waa madaxweyne.

Maadaama uusan Xasan Sheekh kursiga qabow ku helin uma badna in jileec iyo qabow looga qaadi doono. Shariif Sheekh Axmed waa siyaasi aan marwalba fursadiisa isbeddelin oo leh astaamaha hoggaamiyaha ay rabto Soomaaliya, laakiin marwalba waxaa lagu eedeeya in uusan hayn habkii uu fursadaasi ficil ugu beddeli lahaa.

Shariifku wuxuu shalay qaaday tallaabo u muuqatay inuu Xasan Sheekh la aaday isla jidkii uu Xasan kusoo caano maalay. Wuxuu shiriyay xulka dhalinyarada magaalada Muqdisho, wuxuu xisbigiisa kusoo dhaweeyay dhalinyaro iyo xildhibaanno, wuxuuna furay tababar ku saabsan dowladnimada, gaar ahaan hanaanka xisbiyada.

Waa halkii uu Xasan Sheekh ka bilaabay mucaaradnimada intii uusan qoriga gacanta ku qaadan ee uusan gelin Miraanayo.

Sheekh Shariif wuxuu leeyahay afar astaamood oo looga baahan yahay qofka madaxda ka noqonaya Soomaaliya, kuwaas oo kala ah;

1. Aaminadda: Sheekh Shariif ma lahan diiwaan xatooyo xoolo dadweyne.

2. Qabyaaladda: Shariifku ma ahan nin qabyaaladeed.

3. Iska celinta argagixisada: Shariif Sheekh Axmed waxaa loo arkaa ninka soo afjari kara argagixisada joogta Soomaaliya.

4. Rakaabka: Midda afaraad ee fursad siyaasadeed ahna waa in uusan rakaabkiisa badneyn oo qof walba uu wax ka dhisan karo, waxna ka heli karo.

Ninka fursadahan haysta waa ka faa’iideysan waayay dhowrkii doorasho ee lasoo dhaafay, waxaana sabab looga dhigaa koox la’aan iyo faham darro guud.

In Xasan Sheekh lala aado isla dhaqankii uu kursiga ku qaatay ayaa Xasan xujo ku noqon doonta, wuxuuna ku qasbanaan doona inuu sidii Farmaajo u dhaqmo oo siyaasiyiinta guryaha ku weeraro ama kasii darro.

Dadka arrimaha siyaasadda ka faallooda ayaa aaminsan in haddii uu Shariifka si sax ah u shaqeeyo, kooxda ololaha iska hagaajiyo, fahamkiisa warbaahinta nooleeyo, dad macno lehna kusoo daro xisbigiisa in uu sanadkan ka miro dhalin karo fursadiisa.

Israel oo duqeymo culus ka fulisay gudaha Lubnaan

0

Beirut (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa shalay ilaa xalay duqeymo culus oo cirka ah ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla tuulooyinka beeraha caanka ku ah ee waqooyi-bari ee dalka Lubnan.

Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa ku warrantay in ugu yaraan 52 qof lagu dilay 72 kalana la dhaawacay, kaddib in ka badan 10 gantaal oo ay diyaaradaha dagaalka Isra’il ku garaaceen gobolka bari ee Baclabak-Xirmal.

Ra’iisul wasaaraha Lubnaan ayaa ku eedeeyay Israa’iil Jimcihii inay diiday xabbad-joojin ka dib markii militariga Israa’iil ay markii ugu horreysay toddobaadkan duqeeyeen magaalada Beirut ee koonfurta Beyruut.

Duqeymaha ka dhanka ah Lubnaan ayaa yimid maalin kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu la kulmay mas’uuliyiin Mareykan ah, kuwaas oo kala hadlay soo afjaridda dagaalka ay Isra’il ka waddo Lubnan ka hor doorashada madaxtinimada Mareykanka ee Talaadada.

Ra’iisul Wasaarada Lubnan Najib Mikati ayaa cambaareeyay weerarrada Israel. Kuna eedeeyay Isra’il in aysan dooneyn xabbad-joojin.

Madaxweyne Xasan oo maanta hortegaya BF + Qorshihiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu hortago xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo u jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo qorshihiisa siyaasadeed iyo xaaladda guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa todobaadkii hore kulan casho sharaf ah la qaatay xildhibaannada iyo guddoonka sare, wuxuuna ka codsaday kulankan gaarka ah ee uu maanta ku hortagayo Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kulankii hore ee uu la qaatay xildhinaannada ka xusay doorka muhiimka ah ee ay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaateen muddadii la soo dhaafay, isaga oo sheegay inay dhexda u xirteen qabyo-tirka dastuurka, difaaca iyo adkeynta midnimada dalka, waxaa kale oo uu ku adkeeyey rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta dowladnimada.

Qorshaha maanta ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah in Baarlamanka uu ka dalbado in ay dib udhigaan fasaxood oo lagu wado inuu bilowdo lixda bishan, maadaama la gaaray xilligii la xiri lahaa kalfadhigooda

Sidoo lale madaxweynaha ayaa doonaya in ugu yaraan mudo bil ah ama 45 Cisho uu sii shaqeeyo Baarlamanka si loogu ansixiyo sharciga doorashooyinka iyo gudiga dooraahooyinka Qaranka, waxaana soo baxaya guux la xiriira in xildhibaanada qaar ay diidan yihiin arrintaasi

Kulankaan waxa uu kusoo aadayo, iyada oo dhowaan lasoo gabagabeeyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay kasoo baxeen qodobo dhowr ah waxaana kamid ah in dalka uu aadayo doorasho toos ah, si looga maarmo mid dadban.

Si kastaba, go’aankan oo ay ku hoos jirto muddo kordhin hal sano ah ayaa waxaa ka horyimid maamullada Jubbalabd, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sawirro: FARMAAJO oo war ka soo saaray ciyaartoy uu Dooxa ku marti-gelinayo

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu ku shaaciyey in dalka Qatar uu ku marti geliyey koox dhallinyaro ah oo ciyaartoy ah oo tartan ciyaareed u joogta dalkaas

“Farxad ayey ii ahayd in aan martigeliyo ciyaartooyda, macallimiinta iyo maamulka kooxda Somali International Youth and Development UK (SIYD-UK) oo magaalada Doha ee dalka Qatar u joogay booqasho iyo kulammo ciyaareed,” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo.

Sidoo kale Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay ka shaqeynayaan sidii ay magaca Soomaaliyeed meel u gaarsii lahaayeen.

“Da’yartan oo ay isu keentay Soomaalinimo, kuna hanweyn in ay si wanaagsan u matalaan magaceenna waxa ay caddayn u yihiin muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadajirka dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyaradeenna qurbaha ku nool,” ayuu yiri Farmaajo.

Qoraalka Farmaajo ayaa intaas ku sii daray “Dhallinyaradu waa hogaamiyeyaasha maanta iyo mustaqbalka, waa dadkii u horseeday dalkeenna xornimada iyo dowladnimada.”

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sheegay in dhallinyaradaan uu kula dardaarmay inay badiyaan iskaashiga.

“Waxaan kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sidii ay u adkeyn lahaayeen isku xirnaanta iyo wadajirka oo fure u ah doorka hogaamineed ee ay ka qaadanayaan dalkeenna,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sawirro: Saraakiil Mareykan ah oo tegay xarunta ciidanka ilaalada xeebaha Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka socota Dowladda Mareykanka ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen Taliska ciidanka ilaalada xeebaha ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Saraakiishan waxaa xarunta ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed G/Sare Bashiir Cabdiqaasin.

Sidoo kale saraakiishaan ka socotay dowladda Mareykanka ayaa soo kormeeray qalabka, saldhigyada iyo qaabka ay u howlgalaan ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee xeebaha Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda iyo tayada hawlgallada Ilaalada Xeebaha ee Booliiska Soomaaliyeed.

Saraakiishaan ayaa Taliyaha Booliska gaarka ah ee ilaalada xeebaha Soomaaliya Korneyl Bashiir Cabdiqaasin ka balan qaaday inay ku garab siinayaan dhismaha ciidanka iyo qalabeyntooda.

Kormeerka ay saraakiishaan ka socda dowladda Mareykanka ku tageen xarunta ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa ku soo aaday iyadoo uu Muqdisho soo gaaray Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka.

Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), Mudane William J. Burns ayaa Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya oo ay ka wadahadleen iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, qorshaha bixitaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada nabadda iyo amniga, iyaga oo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

8 qodob oo muhiim ah ka ogow doorashada Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Doorashada madaxweynaha waxa ay dhacaysaa 5-ta Noofembar ee soo socota . Waxaa jira xaqiiqooyin aanay dad badan ka dheregsaneyn oo doorashada Mareykanka ku xiriira.

1. Yaa baratamaya?

Marka laga tago tartanka ugu weyn ee loogu galo xafiiska Madaweynaha, oo hadda ay u baratamayaan madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris iyo madaxweynihii hore Donald Trump – waxaa jira codad kale oo dadku ay ku kala dooranayaan, xafiisyada dadweynaha ee kala duwan, heer gobol ilaa degmo.

Xiiliga doorashada waxaa sidoo kale miiska saran oo la soo dooranayaa dhammaan 435-ta kursi ee Golaha Wakiilada , sida labadii sanaba mar loo soo doorto.

Aqalka Senetka, oo ay xubnuhu ay shaqeeyaan lix sano, ayaa 34 ka mid ah 100-ka kursiga Aqalkan ay sidoo kale sanadkan miiska saaranyihiin oo la soo dooranayaa 11 kursi oo kuwa gudoomiyeyaasha gobolada ah ayaa miiska saran. Waxa kale oo jira kumannaan tartan oo dowladaha hoose iyo xafiisyada mayarada ah oo tartanka ku jira.

2. Goorma ayay codayntu dhacaysaa?

Dalkan Mareykanka dadka badankood waxay goobaha codbixinta tagaan maalinta 5ta ay tahay bisha November ee afartii sanaba mar xilliga doorashada.

Dadku sidoo kale waxay fursad u helaan inay codadkooda sii dhiibtaan.
Qaarkood ayaa iyagoo dalka ka maqan soo codeeyay. Kuwna boostaha ayey ku soo diraan.

3. Waa kuwee gobolada aadka loogu baratamo?

Todobada gobol ee codadkoodu cidii heshaa ay guuleysato ayaa kala ah: Pennsylvania, Georgia, North Carolina, Michigan, Arizona, Wisconsin iyo Nevada.
Goboladan wey isbedelaan, waana sababta loogu bixiyay Swing States – ama gobolada codadkoodu guur guuraan.

Goboladan taageerayaasha labada xisbi ayaa aad isugu dhow.

4. Yaa codayn kara doorashada?

Waxaa codeyn kara muwaadin kasta oo heysta dhalashada Mareykanka oo gaaray da’a 18 jirka oo ay ku jiraan kuwa maalinta doorashadu dhaceyso 18 sana jir noqda, oo buuxiyey shuruudaha.

Shuruudaha waxaa ka mid ah in codbixiyuhu la diwaan geliyo, uuna ku codeeyaa waqtiga kama dambeysta ah oo ah 5ta November, iyadoo saacad ahaan goboladu ay kala duwanyihiin.

Gobollada qaar ayaa qaba sharciyo xaddidaya in dadka lagu xukumay dembiyada culus, iyo kuwa maskaxiyan dhiman ay codeeyaan.

5. Yaa loo saadaalinayaa inuu guuleysto?

Codbixinno badan ayaa hadda muujinaya farqiga u dhexeeya musharraxiinta dhammaan toddobada gobol ee aadka loogu tartamo – halkaas oo natiijada codbixinta ay u badan tahay in la go’aamin doono – inay ku jiraan khaladaadka codbixinta.

Doorashada ka hor waxaa jira ra’yi baaris lagu sameeyo dadka Mareykanka ooh adda muujinaya inay labada murashax aad isugu dhowyihiin.

6. Sidee u shaqeyaa nimaadka electoral Collegueka loo yaqaan?

Waa ergo doorasho oo tira leh ama wax loo yaqaan Electoral College, oo lagu saleeyay tirada shacabka gobolada, kuwaas oo farsama ahaan go’aan ka gaara doorashada madaxweynaha iyadoo la eegayo natiijada codbixinta ee gobol kasta.

Ergadan ayaa leh 538 oo ah codad urursan marka la isku daro tirade guud ee metalayaasha gobolada.

Tiradaasi waxay la mid tahay wadarta guud ee xubnaha codaynta ee Koongareeska Maraykanka oo ah 435 wakiil, oo lagu daray 100ka Aqalka senatorada , iyo sidoo saddex ergo doorasho oo ka socda Degmada Columbia oo ah magaaladan Washington.

Si hadaba madaxweyne oo murashax ugu guuleysto, kuma filna codadka dadweynaha oo kaliya ee waa inuu ku guuleystaan aqalabiyadda 270 ka mid ah codadka ergada.

Waxaa jiray murashixiin horey ugu guuleystay codadka daweynaha laakiin waayay codka ergada. Waxaa ka mid ah madaxweynayaashii John Quincy Adams, Rutherford B. Hayes, Benjamin Harrison, George W. Bush, iyo Trump xilligii doorashadii 2016kii.

Dadka nidaamkan erga doorashada wax ka sheega waxay ku dhaliilaan inuu yahay mid aan ka turjumeyn rabitaanka shacanka mareykanka iyo codkooda.

Kuwa taageersan ayaa iyaguna qaba inuu yahay nidaad loogu talagalay in lagu ilaaliyo xuquuqda gobolada dadkoodu yaryihiin hase yeeshee baaxad ahaan weyn iyo kuwa dadkoodu badanyihiin ee juquraafi ahaan yar yar.

7. Sidee loo tiriyaa codadka?

Tirinta cod kasta waxay qaadan kartaa maalmo iyo mararka qaarkood toddobaadyo, waana hab dib u dhigi kara natiijada rasmiga ah ee gobolada qaarkood.
Wixii ka dambeeya maalinta doorashada, waxaa jira dhowr taariikhood oo muhiim ah oo ay ku jiraan tirinta codadka rasmiga ah iyo habka shahaadaynta oo dhaceysa Diseembar 11keeda.

Dawlad-goboleedyada waxaa looga baahan yahay inay caddeeyaan liiska cod-bixiyayaasha Diseembar 17keeda.

538ka ergo doorasho iyo sadexda ergo ee Washington ayaa ku kulmaya si ay go’aan u gaaraan oo ay u saxeexaan shahaadooyin Diseembar 25keeda.

Shahaadooyinka doorashada waa in loo gudbiyaa Washington Janaayo 6deeda.
Koongarasku wuxuu kulmaa kalfadhi wadajir ah si loo tiriyo oo loo caddeeyo codadka erga doorashada, iyo cidda ku guuleysatay.

8. Sidee loo xaliyaa muranada ka dhasha natiijada Doorashada iyo Khilaafka?

Musharixiinta waxay heystaan waqti xaddidan, caadi ahaan maalmo ama toddobaadyo ka dib doorashada, si ay u diidaan ama uga hor yimaadaan natiijada.

Murankaa waxaa lagu xaliyaa hanaanka sharci ee heer degmo, gobol, heer federaal, iyo Maxkamadda Sare ee Mareykanka.

Voa

Dhambaal uu soo diray madaxweynaha Finland oo la soo gaarsiiyey Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Suldaan Saciid Axmed oo Dowladda Finland u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Finland iyo xaaladaha guud ee geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa wafdigaan Finland kala hadlay xadgudubka iyo faragalinta Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Ergayga la wadaagay mowqifka cad ee Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in taageerada Finland ay muhiim ugu tahay Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arirmaha Geeska Afrika mudane Suldaan Saciid Axmed ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gudoonsiiyey dhambaal uu ka waday Madaxweynaha Dalka Finland.

Dhinaca kale, Villa Somalia ayaa galabta baahisay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu weheliyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ku qaabileen Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), Mudane William J. Burns.

Kulankaas waxa diiradda lagu saaray iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, qorshaha bixitaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada nabadda iyo amniga, iyaga oo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Xogta kulan Muqdisho ku dhex-maray agaasimaha CIA-da, Xasan iyo Sanbaloolshe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns oo shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa kulamo xasaasi ah la qaatay madaxda sare ee dalka.

Agaasimaha ayaa kulan gaar la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo agaasimaha sirdoonka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxay xogo dheeraad ah, ayada oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga, la-dagaalanka argagixisada, kala guurka AMISOM iyo arrimaha xiisadda Itoobiya.

Markii laga soo tago xiisadda ka taagan gobolka, waxaa meesha ka sii baxaysa shuruucdii caalamka ee kala xakameynta dowladaha looga hortegi jiray.

Mareykanka ayaa lagu xantaa inuu saameyn ku leeyahay xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika, waxaana qodobadii laga wadahadlay ka mid ahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Booqashada agaasimaha CIA ku yimid Muqdisho ayaa aheyd mid muujineysay ahmiyadda gaarka ah ee Mareykanka uu siinayo arrimaha Soomaaliya, taasi oo aheyd markii labaad ee uu Muqdisho ku yimaado muddo sanad gudihiis.

Sidoo kale safarkii agaasimaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ku tagay dalka Mareykanka horaantii bishii October ee sanadkan ayaa iyana daba socotay arrimo badan oo taabanayay iskaashiga amniga iyo la-dagaalanka argagixisada oo ay iska kaashadaan labada hay’adood.

Horaantii bishii Janaayo 2024 ayuu sidaan oo kale Muqdisho u yimid sarkaalkaan, xilligaas oo uu la kulmay madaxweynaha iyo agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh 24 saac gudaheed oo is-duqeeyay – Muxuu sameeyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu habeenkii Talaadaddii la kulmay qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxay aheyd casho siyaasadeed, goobtana waxaa ka muuqday qaar kamid ah xildhibaanno la tuhmaayey inay dhinaca mucaaradka raacsan yihiin, taas oo xoojisay dooddii aheyd in uusan dalka ka jirin mucaarad macno leh oo dheelitiri kara dowladda madaxweyne Xasan.

Hadal-jeedin uu madaxweyne Xasan Sheekh ka sameeyay kulankaasi cashada ah ayaa si weyn u dhalisay sacab iyo dareen togan oo banaanka ah.

Madaxweynaha isaga oo aan inkirsaneyn inay maamulo ka maqan yihiin oo midnimada golaha wadatashiga qaran ay dhantaalan tahay ayuu sheegay inuu maamullada maqan raadin doono.

Waxaa maqan Puntland iyo Jubbaland. Wuxuu sheegay inay u tegi doonaan walaalaha maqan haddii ay ka ogolaadan ama uu baryi doono haddii ay u yimaadaan.

Warkaas wuxuu dadka qaar u muujiyay dareen ah inuu madaxweynaha odeynimadiisa dib ula soo baxay, oo dad badan ayaa ka fiirsi la’aan soo dhaweeyay hadalkaas, waxayna sugayeen inuu Xasan Sheekh qorsheyn doono xal deg deg ah oo lagu ilaalinayo midnimada dalka iyo inay go’aamada noqdaan kuwa loo dhan yahay.

Laakiin 24 saac kadib, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qaaday tallaabo taas caksigeeda ah, wuxuu isticmaalay fikrada ah “qofna looma joojinayo”, wuxuuna go’aanno kasoo saaray shirkii qabyada ahaa ee golaha wadatashiga qaran, iyada oo ay maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Waxa uu saddexda maamul ee Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle u sameeyay muddo kororsi sharci darro ah, wuxuu go’aansaday inuu sharciga doorashooyinka mariyo baarlamaanka, iyadoo aanay ogoleyn Puntland iyo Jubbaland iyo inuu dhiso guddi doorasho oo ay maamulladaasi maqan yihiin.

Hadalkii habeenkii Talaadadda iyo tallaabadii habeen hore inay hal qof ka wada imaan karaan ayaa dadka qaar ka yaabisay. Si fudud tani waxay ku bareysa inuu laba qof yahay Xasan Sheekh odeyga ah markii uu idaacadda ka hadlayo iyo Xasan Sheekh aan rabin inuu cid u joojiyo oo aanay wax macno ah ugu fadhin midnimada dalka.

Waa hal qof, waa hal madaxweyne, laakiin hadalladiisa iyo ficiladdiisa waa laba qof ayey leeyihiin dadka sida weyn ula fajacay farriintii uu Xasan Sheekh ka hor sheegay xildhibaannada iyo tallaabooyinkii uu habeen hore qaaday.

Dhinaca uu habeen hore u dhaqaaqay madaxweyne Xasan Sheekh neecaw qaran kama jirto, waxaana muuqata inuu dalka si weyn usii kala fogaan karo haddii caqliga iyo waaqica loo soo laaban.

Sidoo kale waxay arrintaan si fudud kugu dhiiri-gelinaysa in aanad sidooda u qaadan hadallada ay idaacadaha ugu tala-galeen siyaasiyiinta Soomaalidu oo ay ku qaldayaan caqliga bulshada, oo aad taas bedelkeeda sugto tallaabooyinkooda dhabta ah.

Turkiga oo doomo cusub ku wareejiyay Somalia + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa soo gaarsiisay Soomaaliya doomo cusub oo loogu tala-galay ciidanka badda Soomaaliya.

Doomaha ayaa waxaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya kala wareegay galankii dambe ee shalay wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo ka dhacday dekedda magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galeen wasiiru-dowlaha gaandhigiga, safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, taliyaha ciidanka xoogga dalka, taliye ku-xigeenka CXD, taliyaha ciidamada badda iyo saraakiil kale ayaa doomahan loogu wareejiyay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya.

Doomahan oo gaaraya illaa 4 doomood ayaa ah nuuca dheereeya, waxaana loogu tala-galay inay qeyb ka noqdaan sugitaanka amniga xeebaha dalkeena.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in doomahaan wax badan ka tari doonaan sugitaanka ammaan xeebaha, isagoona xusay in taageeradii turkiga ee soo bilaabatay 2011-kii ay sii laba jibaarayaan maalinba maalinta ka dambaysa.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi oo dowladda Turkiga kaga mahad-celiyay doomaha ay ku wareejisay ayaa sheegay in wax badan kusoo kordhin doonaan la-dagaalanka argagixisada iyo waxkasta oo halis ku ah amniga badda si looga faaidayso Khayraadka xeebaha Soomaaliya

Sidoo kale waxaa isla goobta shahaadoyin lagu guddoon siiyay ciidan si gaar ah loogu tababaray ilaalada xeebaha, kuwaasi oo doomahaan cusub ku howl-gali doona.

SOOMAALIYA oo gaartay GUUL kale oo taariikhi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay golaha dhowrista xogta caalamka (Global Privacy Assembly – GPA).

Golahan oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 130 hay’adood oo caalami ah oo ka shaqeeya dhowrista xogta dadweynaha; ayey shalay ku biirtay Soomaaliya kadib shir ka dhacay dalka Ingiriiska.

Xubnaha golaha ayaa si aqlabiyad leh ku meel-mariyey xubinnimada Soomaaliya, waana guul kale oo taariikhiya oo usoo hooyatay Soomaaliya sanadkaan 2024.

Maareeyaha hay’adda dhowrista xogta dadweynaha ee Soomaaliya, Maxamed Royal oo ka hadlay guushan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay, isaga oo ku tilmaamay “guul taariikhi ah oo shacabka Soomaaliyeed iyo dalka u soo hoyatay.”

“Waxaan hadda awood u leenahay inaan tallaabo sharci ah ka qaadno shirkadaha tegnoolojiyada, gaar ahaan kuwa baraha bulshada, sida; Facebook, Snapchat, TikTok, Twitter iyo Google, haddii ay ku kacaan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, waxaan awood u leennahay inaan ciqaabo sharci ah dul dhigno ama dacwad kusoo oogno,” ayuu yiri Maareeye Maxamed Royal.

Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay tallaabadan mid Soomaaliya awood buuxda u siinaysa inay ilaashato xogta dadweynaheeda, islamarkaana ay ka hortagto faafinta macluumaad xasaasi ah oo bulshada wax u dhimi kara.

“Tani waxay ka dhigan tahay in aan awood u yeelaneyno inaan ilaashanno xogta dadweynaha Soomaaliyeed, isla markaana aan ka hortagno in la faafiyo macluumaad xasaasi ah oo bulshada wax u dhimi kara, sida muuqaalada iyo qoraalada ka hor imanaya qiyamka diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.”

Si kastaba, xubinnimada Soomaaliya ee golahan ayaa waxay fursad u tahay in hay’addu horumariso habka loo xaqiijinayo sugnaanta xogta shacabka Soomaaliyeed.

Jubaland oo dhowr tallaabo qaadeysa ka hor doorasho

Kismaayo (Caasimada Online0 – Maamulka Jubaland ayaa billaabay tallaabooyin dhawr oo is xig-xiga ka hor inta aysan u jeedsan qabanqaabada doorasho muran badan uu ka taagan yahay.

Ciidamada nabad sugidda iyo kuwa madaxtooyada ayaa billaabay hawlgallo gudaha Kismaayo oo ay meesha kaga saarayaan wax kasta oo halis ah oo si uun qalqal u galin kara doorashada.

Waxaa ka mid in la baddelo dadka tuhunka laga qabo ee ciidanka ku jira. In awaamiir la siiyo ciidanka. Waxaa sidoo kale ka mid ah in ay xiraan ama tallaabo ka qaadaan cid kasta oo taageersan dowladda federaalka, ama mucaaradka ah.

Waxaa suurt-ogal ah in la xir-xiro dad ama la tarxiilo sidii horeyba looga bartay maamulkan.

Waxaa kale oo laga yaabaa in Jubaland weerarto ama gebi ahaanba kala dirto ciidamada federaalka inta yar ee ka joogta Kismaayo, waxayna arrintan ku caddahay warqaddii kasoo baxday madaxtooyada Arbacadii. Waxa ciidankan lagu eedeeyay in falal amni daro ku kaceen halkii hawlgalka Al-Shabaab ay ka qeyb gali lahaayeen.

Talaabada xigta ayaa ah in odayaasha, bulshada rayidka iyo cid kasta oo la heli karo laga hadal siiyo, saxaafadana u sheegaan in madaxweynaha taageersan yihiin, cid kasta oo kalena ay qaldantahay.

Tan ayaa looga gol leeyahay in lagu jiheeyo aragtida dadweynaha, looguna muujiyo in ay raali ka yihiin, oo ay doonayaan madaxweyne Axmed Madoobe.

Jubaland ayaa sidoo kale dhambaalo u kala diri doonta beesha caalamka, iyada oo xitaa la adeegsanayo saaxiibada sida siyaasiyiinta mucaaradka federaalka iyo maamulka Puntland.

Intan oo arrin marka la xaqiijiyo, ayaa laga yaabaa in la magacaabo guddiga doorashada, lana galo hawsha doorashada.

Sida iska cad, Axmed Madoobe ayaa mar saddexaad loo dooran madaxweynaha maamulka Jubaland, waana hoggaamiyaha ugu waqtiga dheer xilligan ee madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

Wasiir Fiqi oo weerar culus ku qaaday mucaaradka iyo madax goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal kulul ugu jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamul goboleedyada ka-hor yimid go’aanadii ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran. 

Madaxda shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay qorshaha geedi socodka bilaabista doorasho qaran oo qof iyo cod ah, oo lagu sii billaabayo dowlad goboleedyada bilaha June iyo September ee sanadkan 2025-ka. 

Hase yeeshee, qoraallo is xig-xigay ayey Jubaland, Puntland, Shariif Sheekh Axmed, Farmaajo, Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur uga hor-yimaadeen go’aankan kuna sheegeen isku day muddo kororsi. 

Haddaba hoos aqriso qoraalka Fiqi ee uu ku weeraray mucaaradka. 

Hal mar ayaa qayladhaan afka la goostey, waraaqo isku eg iyo walaahow ay saldhig u tahay dimuqraadiyad phobia iyo cabsi in shacabku ay yeeshaan go’aanka doorashada madaxda iyo dadka matalaya.

Ninkii odoga ahaa wuxuu yiri “haddii sanadkaan faataxo aad aqrisay uu ilaahay wax kugu siiyey, sana walba faataxo lee maad taagnaanee qur’aanka kale u gudub” Gen. Mahad.

Hadda sanad walba doorasho dadban iyo waraaqo daad ah oo isku mid ah lama ag-taagnaan karee waa la isku fahmaye wax kale hala keeno, oo shacabka fursad haloo ogolaado ay codkooda ku doortaan cidda ay rabaan!

Dawladdu waxay u xilsaaran tahay dalka in Laga qabto doorasho qof iyo cod ah, oo ah midda dastuurka dalku uu qabo.

Go’aankii DF ee ka dhanka ahaa UNSOM oo hir-galay

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay ansixiyay ansixiyay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM) loo beddelo mid KMG ah, labada sano ee soo socota.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Dowladda Soomaaliya ay 9-kii bishan ku dhawaaqday go’aanka ay ku joojisay howlihii UNSOM. 

Warqad ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda u dirtay Qaramada Midoobay ayaa lagu codsaday in howlaha UNSOM la soo afjaro, isla markaana aan la cusboonaysiin waqtiga howlgalka oo ku ekaa bisha October.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar ogolaanaya in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM) loo wareejiyo kooxda Qaramada Midoobay (UNCT) muddo labo sano ah kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya. 

Qaraarkan oo ay Golaha Ammaanka horgaysay UK, waxa uu u codeeyay  dhammaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka.

Waxaa lagu sheegay in xilliga kala guurka ah howlaha taageerada Qaramada Midoobay ee dalka loogu yeeri doono howlgalka KMG ah ee Soomaaliya (UNTMIS).

Qaraarka ayaa lagu xusay in xil wareejinta xafiiska UNSOM ay bilaaban doonto 1-da November. 

Ergeyga UK u qaabilsan Qaramada Midoobay Barbara Woodward ayaa ku tilmaamtay codeynta qaraarka inuu yahay bilawga xilliga muhiimka ah ee Soomaaliya. 

“UNSOM waxa ay ciyaartay door muhiim ah tan iyo markii la aasaasay 2013-kii, iyada oo taageerta nabad-dhisidda iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya iyada oo fulinaysa hagidda siyaasadda, isku-dubbaridka, kaalmaynta farsamada iyo hawlaha dhisidda awoodda,” ayay tiri. 

Dowladda Soomaaliya waxay soo dhowaysay go’aanka Golaha Ammaanka ee in UNSOM loo beddelo hawlgal ku meel-gaar ah labada sano ee soo socota, kaasi oo loogu magac daray UNTMIS.

IMF oo war kasoo saartay hanaanka maaliyada dalka – Dib u dhac mise horumar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinteeda ku aadan hannaanka dib-u-eegista 4-aad wajigiisa 2-aad kadib shirar ay yeesheen IMF iyo dowladda Soomaaliya oo ka kala dhacay Turkiga iyo Mareykanka.

IMF ayaa warbixinta ay soo saartay ku amaantay dadaalka dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiimsan yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

Hoos ka aqriso warbixinta IMF oo aan dulmarkeeda idiin soo turjumnay;

Saadaasha kobaca dhaqaale soo-saarka gudaha ee Soomaaliya ayaa horumar sameeyay, inkastoo ay jiraan caqabado, hadana Sanadkan 2024-ka waxaa isbeddallo togan laga sameeyay wax soo saarka beeraha, dhoofinta, iyo nidaamyada xawaaladaha, iyada oo la filayo in uu sii socdo horumarkan ilaa 2025-ka.

Natiijo ahaan, kobaca dhaqaale soo saarka gudah (GDP) ayaa gaaray 4 boqolkiiba 2024 ilaa 2025.

In kasta oo ay jiraan caqabado amni, Dowladda Soomaaliya waxa ay u dhabar adeegtay dagaalka ay kula jirto kooxda khawaarijta argagixisada, waxa ayna sii waddaa la shaqaynta saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo in si guul leh looga guuro Hawlgalkii Midowga Afrika oo hadda lagu badalayo ciidamo cusub horaanta sanadka soo socda ee 2025-ka. Khataraha jira ee mustaqbalka dhow waxaa ka mid ah isbaddalka cimilada ee saameeyay dhaqaalaha dunida.

Dowladdu waxa ay ku howlantahay in ay diiradda saarto sare u qaadidda dakhliga gudaha, iyada oo ujeedadoodu tahay in dakhliga gudaha uu si buuxda ugu filnaado kharashaadka joogtada ah marka lagaaro 2027, iyada oo sidoo kale dakhliga guduhu uu daboolayo kharashkaadka waxbarashada iyo caafimaadka.

Dakhliga gudaha ee Dowladda ayaa ahaa mid waafaqsan filashooyinkii lagu saadaqliyay jaangoyntii sii hore. Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka ayaa odorosaysa marka loo eego dakhliga gudaha in dhaqaale soo saarka Gudaha (GDP) uu noqonayo 3.3 boqolkiiba.

Dowladdu waxa ay garowsan tahay muhiimadda ay lee dahay in horumar joogto ah laga sameeyo hannaanka dib-u-habaynta maaliyadda, iyada oo la raacayo qorshaha hagidda dakhliga ee xiliga dhexe ee dhawaan la shaaciyay (Medium-term Revenue Roadmap), qorsheyaashaas waxaa ka mid ah casriyaynta nidaamka furdooyinka, sharciga cashuuraha dakhliga iyo dhaqangalinta xooggan ee cashuuraha iibka.

Hannaanka Maareynta Maaliyadda Guud (PFM) ayaa ahaa mid ay Dowladdu ku guulaysatay ku dhaqmidiisa, iyada oo la hormariyay nidaamka mushaar bixinta, Hufnaanta iyo Isla xisaabtanka.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) wuxuu horumarin ku sameeyay maamulka hannaanka Maaliyadda ee hay’adaha Dowladda. Waxa uu diiradda saaray xeel-dheerinimo maaliyadeed oo ay kamid yihiin kobcinta qaab dhismeedka sharciya, iyo kormeerka, hagaajinta tayada nidaamka xogta iyo kordhinta awoodaha farsamo.

Bangiga ayaa dadaal galiyay sii wadidda xoojinta nidaamka ka hortagga lacagta dhaqista iyo la dagaalanka maalgalinta argagixisada si loogu hoggaansamo xeerarka caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay damacsan tahay dib-u-soo celinta lacagta Shilinka Soomaaliga ah (SOS) iyada oo la hirgalinayo guddiga dib-u-qaabaynta lacagta.

Lacagahaan ayaa u sahli doona gacasiyada yar yar ee Soomaalida in ay wax kala iibiyaan gaar ahaan waxa uu aad u taageeri doonaa wax kala iibsiga qiimihiisu hooseeyo, si loo xaqiijiyo in Shilinka Soomaaliya dib loogu daaboco si taxadar leh, siyaasaddiisuna ay daggan tahay ayaa Dowladdu waxa ay qorsheynayaaa in ay dhisto guddi kor-joogteeya dib-u-daabicidda lacagta iyada oo taageero ka helaysa IMF qeybta horumarinta xirfadaha.

Dhaqan galinta arrimaha lacag daabacaada waxa ay qaadan doontaa muddo u dhaxaysa 18 ilaa 24 Bilood, kadib marka la dhiso, lana dhameystiro arrimaha muhiim ka u ah lacag daabicidda ayaa Dowladdu waxa ay heli doontaan taageero maaliyadeed oo caalami ah.

Sidoo kale Dowladda waxaa ka go’an in ay horumariso tillaabooyin ka lagu xoojinayo horumarka ka hortagga faqriga iyo kor u qaadidda qorsheyaasha looga hortagayo Isbaddalka Cimilada iyo sare u qaadidda dhaqaalaha ganacsiga.

Dowladdu waxaa kale oo ay ku dadaalaysaa Waxbarashada, iyada oo xaqiijinaysa in caruurta Soomaaliyeed Iskuulada si toos ah u aadaan iyada oo la xaqiijinayo in gabdhuhu ay soo xaadiraan waxbarashada.

Waxaa sidoo kale dowladda mudnaan gaar ah u leh ka hortagidda saameynta dhaqaale ee isbaddalka cimilada iyo xoojinta amniga cunnooyinka.

Kamid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika oo abuuraya fursado muhiim ah ayaa sidoo kale loo baahan yahay in loo maareeyo sida ugu haboon hadii ay dhashaan caqabado lama filaan ah.

Ugu dambeyn, xafiiska howlgalka IMF ee Soomaaliya waxa uu u mahadcelinayaa masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ay la galeen wada-hadalada miro-dhalka ah ee ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda, wasiirka batroolka, gudoomiyaha Bangiga Dhexe iyo masuuliyiin kale oo ka socday dowaldda Soomaaliya.

Cabdi Xaashi oo warqad ka helay masuulka u sarreeya barlamanka Carabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa xafiiskiisa soo gaartay warqad ka timid guddoomiyaha baarlamaanka Carabta Maxamed Axmed Al Yamaaxi.

Warqaddan ka timid Al-Yamaaxi ayaa ugu horreyn waxaa loogu hambalyeeyay guddoomiyaha, kaalinta Senator Cabdixakiim Macallin Axmed iyo dadaalkiisa ku aaddan ku guulaysiga xilka guddoomiye ku-xigeenka guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha ee barlamaanka Carabta.

“Mudane Guddoomiye, waxaan fursadaan uga faa’iidaysanayaa in aan kuu xaqiijiyo sida ay iiga go’an tahay in aan adkayno xiriir wada-shaqayneed oo sal adag oo ay yeeshaan Aqalka Sare iyo baarlamaanka Carabta,” ayaa lagu yiri warqadda uu guddoomiyaha baarlamaanka Carabta usoo direy Cabdi Xaashi.

Wada-shaqeynta labada dhinac ayaa muhiim u ah baa lagu yiri qoraalka, “si aan ugu wada adeegno qadiyadaha qaran ee ay wadaagaan dowladaha ku midaysan Ururka Jaamacadda Carabta”.

Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Carabta ayaa uga mahad-celiyay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi taageerada iyo garab istaagga xilliga olilihiisa doorashada.

Waxa uuna guddoomiye Cabdi Xaashi uga mahad-celiyay hambalyada iyo ku boorrinta inuu la yimaado xil gudasho wanaagsan ka dib ku guulaysiga xilka guddoomiyaha barlamaanka Carabta labada sano ee soo socota.

Ugu dambayntiina guddoomiye Cabdi Xaashi oo guddoomay dhambaalka hambalyada ah iyo mahad-celinta, ayaa u rajeeyey guddoomiyaha baarlamaanka Carabta Maxammed Axmed Al Yamaaxi caafimaad, waajib gudasho joogta ah iyo ka shaqaynta shuruucda horumarka u horseedaya dakalka carabta.

Israel oo Gaza iyo Lubnaan ku dishay 100 qof

0

Beirut (Caasimada Online) – Duqeymaha cirka ee Israel ayaa lagu dilay ugu yaraan 95 qof guud ahaan Gaza Khamiistii shalay.

Inta badan dhibanayaasha ayaa ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa waqooyiga go’doonsan ee deegaankaas, sida ay illo-wareedyo caafimaad u sheegeen Al Jazeera.

Caasimadda Lubnaan ee Beirut waxaa habeenimadii xalay lagu garaacay ugu yaraan 10 weerar oo cirka ah oo ay ka dambeeyaan Israel, waxaana la soo sheegayaa in ay jirasasn khasaarooyin kala duwan.

Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in saacadihii u dambeeyay ciidamada Israel ay beegsadeen nidaamka caafimaadka ee Gaza iyo bartilmaameedyo kale oo Lubnaan ah.

Warbixinta cusub ee QM ayaa sheegaysa in Israel ay samaysay siyaasad wadajir ah oo lagu burburinayo nidaamka daryeelka caafimaadka ee Gaza oo ay ku jiraan weerarada ula kac ah ee lagu qaadayo shaqaalaha caalamiga ah iyo  xarumaha caafimaadka.

Afar shaqaale ajnabi ah iyo saddex Israel ah ayaa lagu dilay gantaallo kala duwan oo ay Xisbullah ku garaaceen waqooyiga Israel, taasi oo ah maalintii ugu dhimashada badneyd muddo bilo ah.

Gaza waxa lagu dilay ugu yaraan 43,204 Falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 101,641, halka gudaha Lubnaan lagu dilay ugu yaraan 2,865 qof dhaawacana uu gaarayo 13,047.